25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Sidee ayaa lagu reebay gudoomiyihii baarlamanka HirShabelle Sheekh Cusman?

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, ayaa ku guul dareestay inuu ku soo laabto kursigiisa Xildhibaanimo ee dowlad gobaleedka HirShabeelle.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kursigaan uu qeyb ka ahaa kuraastii ugu adkeyd ee tartanka islamarkaana qaatay waqti badan dhowrkii saacadood ee ugu dambeysay.

Kursigaan waxa ku tartamayey Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Aadan Xeefow iyo Cabdixakiin Luqmaan oo hadda ku guuleestay. Sheekh Cusmaan waxa uu ahaa Gudoomiyihii hore ee baarlamanka HirShabeelle, halka Aadan Xeefow ahaa guddoomiyihii hore ee Beladweyne mana soo bixin labadooduba.

Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee daka Suudaan ayaa kursigaan lagu qoray saacadihii ugu dambeeyay ee saakay, iyadoona sidoo kale xalay kursigaan lagu qoray Aadan Xeefow, basle waxaa laga badalay saakay kadib cadaadis badan oo la saaray ugaaska beesha.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso Cabdixakiin Luqmaan, islamarkaana ay la rabto guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle, taasina ay sababtay in meesha laga saaro Sheekh Cusmana Barre oo aan kalsooni badan ku qabin Villa Somalia.

“Saakay aroortii hore ayaa Ugaaska lagu cadaadiyay inuu beddalo Aadan Xeefow, waxaana loo keenay magaca Cabdixakiin oo xalay iyo shalayba qorshaha ku jirin meeshana oolin,” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta guddiga farsamada ee soo xulista baarlamanka HirShabeelle.

Cabdixakiin Luqmaan, waxa uu ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan waxa uuna madaxa ka ahaa qeybta ganacsiga ee Safaaradda.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ay aad isugu fiicnaayeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa madaxtooyada islamarkaana ay siyaasiin culus gadaal ka riixeen si loo siiyo kursigaan.

MACRON oo ka laabtay taageeradii uu u muujiyey sawir gacmeedyada gefka ku ah Nebi Muxamed NNKH

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera ayaa Macron waxa uu kaga hadlay carrada ka dhalatay sawir-gacmeedyada aflagaadada ah ee uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.

Macron ayaa horey u sheegay in France aysan joojin doonin sawir gacmeedyada, isaga oo ka hadlayey dilka macalin loo gowracay sawir gacmeedyadan dartood, kadib markii uu tusay ardaydiisa.

Hadallada Macron ayaa carro xoogan ka dheliyey dunida Islaamka, gaar ahaan maadaama ay yimaadeen maalmo un kadib markii uu sheegay in diinta Islaamka ay tahay mid qalalaase ku jirta meel kasta oo dunida ka mid ah.

Macron waxa uu wareysiga ku yiri “Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda, sidaas darteedna dadka ay u fahmeen inaan taageersanahay sawir gacmeedyadan.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa jiri dad roga Islaamka ayaga oo sheegayana inay difaacayaan diintan.”

Macron ayaa sheegay in Muslimiinta ay yihiin kuwa saameynta ugu weyn kala kulma dhaqanka kuwa Diinta qalloociya.

Macron, oo u muuqda inuu doonayo inuu dejiyo xiisadda iyo carrada ka dhalatay hadalladiisii hore oo keenay in badeecadaha Faransiiska laga qaadaco dunida Islaamka, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan marnaba qaadan sawir gacmeedyo aflagaado ah.

Goor sii horreysay oo maanta ah, wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay inay suurta-gal tahay weeraro kale oo ka dhacay ciidda Faransiiska. “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow gudaha iyo mid dibedda ah, iyo fikradda Islaamiyiinta,” ayuu kusii daray.

Laba maalin ka hor, nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Tunisia ayaa saddex qof toorey ku dilay magaalada Nice, isaga oo mid ka mid ah oo aheyd haweeney gowracay, kadib carradii ka dhalatay sawir gacmeedyada lagu aflgaadeynayo Suubanaha SCW.

Xog cusub: Yaa ugu cad cad qabashada guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Sheekh Abukar Maqaneey, wasiirkii hore ee arrimaha Diinta iyo Owqaafta ee maamulka HirShabeelle iyo Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsana safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa ah labada xubnood ee ugu cad cad doorashada guddoonka baarlamanka HirShabeelle, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan baarlamanka.

Labadaan mas’uul oo midkood la sheegay in ay wadato Villa Somalia ayaa wada abaabulka ugu badan saacadihii ugu dambeeyay ee maanta waxaana la sheegay in mid ka mid ah uu maanta balansaday Xildhibaano badan oo ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kana tirsan baarlmaaanka cusub ee HirShabeelle.

“Cabdixakiin Luqmaan iyo Sheekh Abuukar Maqaneey ayuu dhaxmari doonaa tartanka ugu adag laakiin Cabdixakiin waxa uu heestaa lacag waayo waxaa taageerysa madaxtooyada oo meesha keensatay rajada ugu badanna waa isag,a” ayuu yiri mid ka mid ah baarlamaanka HirShabeelle oo la hadlay Caasimada Online.

Abaabulka iyo kulamada ayaa billawday duhurkii maanta kadib waxaana soo baxaya in kulamo aan loo kala kicin ay ka socdaan Jowhar kuwaas oo qaarkood ay ku lug leeyihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Doorashada HirShabeelle oo maalmihii la soo dhaafay laheyn xiiso badan ayaa hadda gashay marxalad daga, waxaana socda kala jiidashada xildhibaanada ah kadib markii maanta la shaaciyay guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka.

Maalmaha ugu horreeyo ee bishaan November ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana kadib la geli doonaa doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Khabib Nurmagomedov oo jawaab kulu ka bixiyey gefkii Macron ee Nebiga NNKH

Moscow (Caasimada Online) – Feeryahanka dhowaan howlgabka noqday ee reer Russia Khabib Nurmagomedov ayaa si kulul Jimcihii u cambaareeyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ay kasoo yeereen hadallo gef ku ah islaamka.

“Allah qaadirka ah wejigiisa ha beddelo aadanahan (Macron) iyo dhammaan inta raacsan, kuwaasi oo ayaga oo qiil ka dhiganaya xoriyadda hadalka, u gefay dareenka in ka badan hal bilyan iyo bar Muslimiin ah,” ayuu Khabib ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram.

32 jirkan ayaa sheegay in Muslimiinta ay Nebi Muxamed u jecel yihiin si ka badan qof kasta, oo ay ku jiraan hooyooyinkooda, aabayaashood iyo xaasaskooda.

“I aamina, daan-daansigan waa uu kusoo noqon doonaa,” ayuu yiri Khabib

Khabiib ayaa sidoo kale soo dhigay bartiisa Instagram aayadda 57-aad ee suurta Al-Axzaab ee oraneysa:

إِنَّ الَّذِينَ يُؤْذُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا مُّهِينً

“Kuwa dhiba Allah iyo Rasuulkiisa, Allah ayaa lacnaday (naxariistiisa ka dheereeyey) adduunyada dhexdeeda iyo aakhiro, Allaha ayaana wuxuu u diyaariyey cadaab dulleeya.”

Qoraalka Khabiib Nurmagomedov ayaa waxaa sidoo kale raacsanaa sawirka Macron oo wejiga kab laga saaray.

Macron ayaa maanta sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.

Joe Biden oo jawaab kulul ka bixiyey weerarkii uu Trump ku qaaday Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden ayaa jawaab kulul ka bixiyey aflagaadada iyo weerarka uu madaxweyne Trump mar kasta kula kaco Soomaalida.

Trump ayaa ku eedeeyey Biden inuu doonayo inuu sare u qaado qaxootiga imanaya Mareykanka 700%, oo uu dalka soo geliyo qaxooti ka imanaya “dalal halis ah oo argagixisada ay ku xooggan tahay sida Soomaaliya oo kale.

Biden oo shalay tegay gobolka Soomaaliya ay ku badan tahay ee Minnesota ayaa sheegay in Trump ay ceeb ku tahay inuu Soomaalida qaxootiga ah ee Mareykanka yimid uu la xiriiriyo argagixiso.

“Trump wuxuu isaga oo aan ceeb ka xishooneyn qaxootiga Soomaalida ah – saaxiibo nolol wanaagsan ka raadinaya America, oo wax u taraya gobolka iyo dalkeena – la xiriirinayaa argagixiso. Waxaan u baahannahay madaxweyne dadka isku keena ee aan kala fogeyn,” ayuu yiri Biden.

Waa markii saddexaad ee Biden uu si shaacsan u difacao Soomaalida mar kasta uu weerarka uga yimaado Trump.

Hadda ka hor Biden waxa uu yiri “Xiriir xooggan ayaan la leeyahay bulshada Soomaalida gobolka Delaware, sababtoo waxaa ku jira taksi wadayaal badan, oo aan kula saaxiibay boosteejada magaalada Wilmington.” Delaware waa gobolka uu degan yahay Biden.

Madaxweynaha Donald Trump ayaa xoojiyey dagaalka iyo aflagaadada uu ku hayo Soomaalida, sababo la xiriiro dagaalka siyaasadeed ee ka dhaxeeya isaga iyo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Wuxuu ku eedeeyey in gobolka ay ku badan yihiin ee Minnesota ay ka dhigeen xero qaxooti, ayna la degeen horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo soo saaray go’aan culus oo saameynaya Soomaalida

0

Washington (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ayaa Soomaaliya loogu tilmaamay iney ka mid tahay meelaha aadka ay ugu xoogan yahiin kooxaha argagixisada, sidaas darteed cudur daar beni’aadanimo oo gaar ah ayaa looga baahnaan doonaa qofka Soomaaliga ah ee qaxooti ahaanta ku galaya Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo horey u muujiyey sida uu u neceb yahay soo galootiga ay Soomaalida ku jiraan. ayaa hoos u dhigay qaxootiga galaya waddankiisa, sida ku cad qoraalka kasoo baxay aqalka cad toddobaadkii tegay.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in wadanka Mareykanka loo ogolaan doono sanadkii kaliya 15-kun oo qofood iney soo galaan, 4 kun oo ka mid ah waxey ka imaanayaan dalka Ciraaq, halka wadamada El Salvador, Guatemala iyo Honduras ay ka imaanayaan kun.

Mareykanka ayaa horey looga mamnuucay shacabka toddoba dal oo Soomaaliya ay ku jirto, hase yeeshee waxaa jiray kiisas kooban oo dadka qaar loogu ogolaaday inay soo galaan.

Trump ayaa sidoo kale marar badan weeraray Soomaalida, isaga oo ku eedeeyey in gobolka ay ku badan yihiin ee Minnesota ay ka dhigeen xero qaxooti, ayna la degeen horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Go’aanka cusub ee Trump ayaa ah kii ugu adkaa ee sanado Mareykanka kula macaamilo qaxootiga, waxaan Trump uu soo galootiga la ogol yahay kusoo reebay kaliay 15 kun, halka xiligii Obama ay dalka iman jiraan dad ka badan 100 kun.

Soomaali badan oo si joogto ah looga soo qaadi jiray xeryaha qaxootiga Kenya, ayaa la joojiyey afartii sano ee uu xukunka hayey Trump.

Si kastaba, go’aanka cusub ee Trump ayaa kusoo koobmi kara kariya bilo, maadaama Donald Trump aan la hubin nuu kusoo laaban doono xilka madaxtinimada Mareykanka, wuxuuna wajahayaa loolan adag oo kaga imaanaya Joe Biden oo ah musharaxa u taagan xisbiga dimoqoraadiga.

Donald wuxuu cadaadis badan saaray dadka u dhashay wadamada dadkooda Muslimiinta yahiin oo ay ku jirto Soomaaliya, walina kama tanaasulin inuu cadaadiska kusii badiyo.

Dadweyne meel fagaare ah ku gubay nin ‘ku istaagay’ kitaabka qur’aanka kariimka

Dhaka (Caasimadda Online) – Kumanaan shacabka reer Bangladesh ah ayaa meel fagaare ah ku khaarijiyay nin la sheegay inuu ku istaagay kitaabka qur’aanka kariimka maalintii Khamiista aheyd, ayaga oo dab qababdsiiyey.

Dadka la gubay ayaa sida la sheegay ahaa laba qof, waxaana la sheegay in mid ka mid ah uu gaaray dhaawac xooggan, kadib markii shacab carreysan ay ku goobteen, waxaa la sheegay in ninka la gubay uu ku istaagay kitaabka qur’aanka isagoo ku sugan Masjid ku yaala magaalada Burimari ee ku dhaw xadka Hindiya.

Taliska Booliska dalka Bangladesh ayaa sheegay iney labada qof meel ammaan ah geeyeen kadib markii ay dhibaato la kulmeen, waxaana soo wargaliyay jamaacadda Masjidka, balse dad careysan ayaa xoog ku galay goobtii ay Booliska joogeen.

Ninka la gubay oo 35-jir ahaa ayaa lagala baxay goobtii ay ku hayeen Booliska, si naxdin leh ayey u jir-dileen ka hor inta aysan laamiga bartamahiisa ku gubin.

Booliska waxey rideen 15-xabadood, balse shacabka uma aysan joojin, warbixinta waxaa lagu sheegay inuu ahaa qof caafimaadka maskaxdiisa aysan taam aheyn.

“Mid ka mid ragga ayey si xun u garaaceen illaa uu ka dhinto, kadibna jirkiisa ayey gubeen,” waxaa sidaas AFP u sheegay madaxa booliska degmada Abida Sultana.

Maxay tahay sababta Aadan Xeefow looga reebay dhaarta xildhibaanada HirShabelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya cabashada ka soo yeereysay sida loo wajahay soo xulista xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle oo dhowaan lagu dhowaaqay inkatoo weli kor loo hayo kuraasta qaar oo muran iyo dood adag ay ka taagan tahay.

Xildhibaanada cusub ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Jowhar, kadib munaasabad ka dhacday halkaasi, taas oo ay ka qeyb-galeen mas’uul kala duwan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa haatan sheegaya in mid ka mid ah liiska xildhibaanadii lagu dhowaaqay laga reebay dhaarinta, isagoona loo diiday inuu galo hoolka ay ka socotay munaasabadda dhaarinta ee lagu qabtay caasimadda HirShabelle ee Jowhar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Xildhibaan Aadan Axmed Xeefow oo ka mid ah xubnihii la soo xulay ayaa waxaa ID-Card-kii la siiyey ka qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramacd, kuwaas oo kadib is hortaag ku sameeyey xildhibaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in lagu bedalay nin magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Luqmaan Idiris oo loo dhaariyey xilkan, kaas oo aan ka mid aheyn xubnaha horey loo shaaciyey.

Aadan Xeefow oo ah ninka la boobay kursigiisa ee awooda loo sheegtay iyo Cabdixakiin Luqmaan ayaa ka dhashay jufada Jid Farax ee beesha Gaaljecel, waxaana labada nin ay isku heyteen kursigan, walow uu ku soo baxay liiskii la shaaciyey Aadan Axmed Xeefow oo ay soo gudbiyeen waxgaradka iyo odayaasha beesha uu ka soo jeedo.

Xiisad ka dhalatay arrintan ayaa ka taagan magaalada Jowhar, waxayna haatan socda kulamo xasaasi ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Arrintan ayaa qeyb ka noqoneyso musuq-maasuq iyo cabarashooyin xoogan oo hareeyey doorashada maamulka HirShabelle, waxaana haatan socda qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha intaba.

Sawirro: R/W Abiy Ahmed oo billaabay qorshe uu kusoo dhoweysanayo Soomaalida

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisal waaaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa billaabay qorshooyin uu kusoo dhoweysanayo Soomaalida ku nool dalkaas, xilli Itoobiya la filayo inay doorashooyin ka dhacaan sanadka soo socda.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa shalay magaalada Godey ka daah furay mashruuc lagu dhisaayo wado muhiim ah oo gaarayso 300 kmg.

Mashruucaan oo ku baxayaa lacag dhan 6 Billion Birr ayaa waxaa lagu dhisayaa wadooyinka Gode-Kelofo Lot-1, Gode-Hargele Lot iyo Yale-Dana Lot-3. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida Itoobiya ay u baddali doonaan mid horumar leh oo lagu tiirsado.

Wadooyinkaan cusub ayaa waxay bulshada u sahli doontaa isku xirka ganacsiga iyo isdhexgalka bulshada.

Munaasabadii furitaanka ayaa waxaa Ra’iisal wasaare  Abiy kala soo qeybgalay ku-xigeenkiisa Demeke Mekonnen, madaxweynaha deegaanka Soomaalida, Mustafa Cumar, madaxweynaha ismaamulka Oromiya Shimelis Abdisa iyo xubno kale.

TRUMP oo weerar culus ku qaaday ILHAAN CUMAR

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal ka mid ah taageerayaashiia ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday, Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congresska dalkaasi.

Trump ayaa inta uu waday hadal-jeedinta ku soo celceliyey magaca Ilhaan Cumar, illaa ay ku buuqaan tageerayaashiisa.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Ilhaan oo ah gabar Soomaali ah aysan jecleyn Mareykanka, islamarkaana ay ka doorbideyso dalka Yemen, sida uu hadalka u dhigay.

”Ilhaan Cumar waxay jeceshahay Yemen, laakiin ma jecla dalkeena,” ayuu  yiri madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey Ilhaan Cumar iyo musharrax la loolamaya Joe Biden inay doonayaan inay Mareyanka soo geliyeen qaxooti fara badan.

“In 700% la kordhiyo qaxootiga laga soo qaado meelaha ugu halista badan ee argagixisada meel kasta oo adduunka ah oo ay ku jiraan Syria, Somalia, waa siyaasadda Ilhaan Cumar iyo Biden,” ayuu yiri markale Madaxweynaha wadanka Mareykanka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan Ilhaan Cumar ay ku eedeysay Trump inuu qeyb ka yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee fashilan, gaar ahaan tan dalka Yemen.

SHAXDA isu been guurka siyaasiyiinta SOOMAALIYA maxay riman tahay?

Toddobaadkii dhowaa ayaa Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada oo u muuqda in loo qaabeyay kocbinta sumcadda madaxtooyada, si loo kordhiyo fursada dib u doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uusan ilaa hadda ra’iisulwasaarahiisa la tartamayn. 

Balse waxaa cajiib ah in xilli madaxda Madasha Xisbiyada ay isku dayayeen dhowrista midowgooda si ay saamayn weyn ugu yeeshaan doorashooyinka, inay Farmaajo-Rooble u dhigeen qob moos oo u horseedi kara khilaaf burburiya. Sida muuqata xisbiga Himilo Qaran waxaa laga horkeenay isbahaysiga kaddib markii 3 xubnood oo firfircoon ka qaybgaleen xukuumadda Mudane Rooble. 

Inkastoo humbaallaynta Farmaajo-Rooble cabsi leedahay, haddana dib u doorashada madaxweyne xilhaya waxay ku xiran tahay hadba sida loo qiimeeyo wax qabadkiisii taas oo uu ku muteysan karo dhaliil amase amaan. Balse, waqtiga xaadirka ah macquul maaha in la sii saadaaliyo sida ay u ekaan doonto natiijada doorashada madaxweynaha ayadoo aan la darsi isbeddellada muhiimka ah ee siyaasiyiinta ku doonayaan inay ku kordhiyaan fursadahooda.

Shaxda Farmaajo-Rooble oo si farshaxan badan loo farsameeyay ayaa soo bandhigtay kala qoqobnaanta dhextaal hoggaanka Madasha Xisbiyada. Isbahaysiga waxaa hareeyay khilaaf salka ku haya hoggaaminta oo u muuqdo in midba midka kale xusuleynayo.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqanka doorashooyinkii hore (2017kii iyo tii 2012kii) waxuu ahaa in dhowr iyo labaatan shakhsi oo intooda badan aysan mabda’ ku kala duwaneen, haddana wax isu oggolayn isu soo taageen tartanka madaxweynaha.  Inta badan musharixiintaas halkudhiggoodu ahaa “ninbow naftaa,” kuma guuleysan jirin taageerada 10% oo lagama maarmaanka u ahayd wareega kowaad ee codbixinta. 

Xildhibaannada musharraxoodu ku hungoobay mashruuca “ninbow naftaa” ayaa codkooda siin jiray musharrax aysan ku talaggelin. Doorashada noocaas ah ma ahayn mid mucaaradka ku guulaysto tartanka, balse waxay ahayd guuldarro ku dhacda kooxda xilka haysay.

Su’aasha dad badan maskaxdooda ka guuxaysa ayaa ah: Sidee hoggaanka Soomaaliya u ekaan doonaa doorashada ka dib?

Tillaabo u muuqata u-gogolxaar wadahadal isbahaysi ayaa si lama filaan ah uu u soo qaddimay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed kaddib markii uu u bareeray inuu la kulmo Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo uu mowqifkoodu kala fog yahay. Walow warku uu dharbaaxo kulul ku yahay Farmaajo, haddana shaxda Shariif Sheikh Axmed lama hubo in mustaqbalka dhow ay ka dhallan doonto isbahaysi shaqaynaya oo dhab ah.

Mudane Shariif Sheikh waxuu u ololeynayaa saddax xeeladood midkood inay soo ifbaxdo doorashada ka hor: (b) Mucaaradka oo ku guulaysto inay hal musharrax la hortagaan goobta doorashada; (t) Mucaaradka oo u midooba rididda madaxweynaha xilka haya; amase (j) Mucaaradka oo ku guulaysto soo-bandhigidda ceebaalka maamulka xilka haya. 

Balse durbadiiba waxaa farahiisa ka siibtay Sheriif Xasan Sheikh Aadan oo udub dhexaad u ahaa siyaasiyiinta ka soo horjeedo Farmaajo. Xaqiiqda dhextaal siyaasiyiinta ayaa ka gudbi la’ danaha gaarka ah in dhinac layska dhigo, inkastoo dimuqraaddiyadda aysan ka dhammeen mucaarad wax dhisa.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee soo socoto waxay noqon doontaa tijaabo ka dhan ah siyaasiyiinta labada dhinac ilaa ay kaga gudbaan khilaafoodka tanaasul iyo is-afgarad oo furo muhiim ah u ah isbeddel siyaasadeed.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Waa kuma ninkii dadka ku gowracay France kadib aflagaadadii loo gaystay Nebi Maxamed NNKH?

Nice (Caasimada Online) – Ninkii ku toorriyeey labada gabdhood iyo ninka tan iyo ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka Faransiiska ayaa la sheegay in uu ka yimi uun maalmo ka hor dalka Tunisia.

Eedeysanahan oo 21 jir ah, laguna magacaabo Brahim Aouissaoui, ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda Lampedusa ee Talyaaniga bishii la soo dhaafay. Waxaa toogtay booliska, waxa uuna hadda ku sugan xaalad halis ah.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha weerarkii Khamiistii ka dhacay Notre-Dame basilica ee magaalada Nice ayaa “gebi ahaanba uu qoorta ka gooyay”.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilmaamay falkan “weerar argagixiso oo ay fuliyeen koox islaamiyiin xagjir ah”.

Mr. Macron wuxuu sheegay in tirada askarta loo daad gureynayo inay ilaaliyaan goobaha ay bulshada isugu timaado – sida kaniisadaha iyo iskuulada – inay ka kici doonaan 3,000 ilaa 7,000. Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagaxisada ayaa furay baadhitaan, Faransiiska ayaa sare u qaaday heeganka amniga qaranka ilaa iyo heerka ugu sarreeya.

Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa.

Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daabacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee ku aaddan la dagaalanka islaamka xagjirka ah ayaa ka cadheysiiyay Turkiga iyo wadammo kale oo muslimiin u badan.

Qofka looga shakisan yahay weerarka Nice ee Brahim Aouissaoui ayaa la maqlayey marar badan isaga oo ku celcelinaya”Allahu Akbar” (Ilaahay baa weyn) ka hor inta aysan boolisku toogan.

Kitaab Quraan ah, labo taleefan iyo mindi 30cm ah (12 inji) ayaa laga helay ninkii weerarka soo qaaday, ayuu yiri madaxa dacwad oogaha Faransiiska ee la dagaalanka argagixisada Jean-François Ricard.

“Waxaan sidoo kale helnay boorso uu ka tagay qofka weerarka soo qaaday, boorsadaan waxaa ku jirey labo mindiyo oo aan loo adeegsan weerarka, “ayuu raaciyay.

Isaga oo ka hadlaya booqashadii Nice, Mr Macron wuxuu yiri: “Haddii mar labaad nala soo weeraro waa qiimahaa aan leenahay: xorriyadda, suurtagalnimada dhulkeenna in aan si xor ah u aaminsanaano oo aan loo dhiibin ruux kasta oo argaggixiso ah”

“Waxaan si cad ugu sheegayaa mar kale maanta: isma dhiibi doonno.”

Laba weerar oo kale ayaa dhacay Khamiistii, mid ka dhacay Faransiiska iyo mid ka dhacay Sacuudi Carabiya.

Nin ayaa lagu toogtay Montfavet oo u dhow magaalada koonfurta Faransiiska ku taal ee Avignon ka dib markii uu booliska ugu hanjabay baaskoolad.

Waardiye ayaa lagu weeraray bannaanka qunsuliyada Faransiiska ee Jeddah ee Sacuudi Carabiya. Tuhmane ayaa la qabtay, halka waardiyihii loo qaaday isbitaalka.

DAGAAL ka dhex qarxay Soomaalida iyo mid ka mid ah qowmiyadaha Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Dagaal kasoo cusboonaaday xuduuda Soomaalida Itoobiya iyo Canfarta ayaa waxaa lagu dilay 27 qof, iyadoo dagaalkaasi uu salka ku haayo muran xuduudeed.

War kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in 27 qof ay ku dhinteen dagaalkaasi oo dib ugu qarxay deegaanada xuduuda ay ku muransan yihiin Soomaalida iyo Canfarta.

Dagaalka qowmiyadaha wada dega ee Soomalida iyo Canfarta ayaa salka ku haya muran dhinaca xudduudaha oo muddo dheerba soo jiitamayay, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaalo uga dhaceen xadka labada dhinac ee Ismaamulka.

Afhayeen u hadlay Soomaalida Itoobiya oo lagu magacaabo Cali Bedel ayaa sheegay in 27 qof ee la dilay ay ka danbeeyeen maleeshiyo kasoo jeeda deegaanka Canfarta.

Tan iyo markii uu xilka qabtay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxaa waxaa dalka Itoobiya ka dilaacay dagaalo qabiil oo ku saleysan muranka dhulka iyo awooda.

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ee madaxweyne Mustafa ayaa buriyay ama laalay heshiis maamulkii ka horreeyay ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu la galay maamulka gobolka Canfarta ee dalkaasi oo uu ku wareejiyay dhul ay Soomaalida leedahay, heshiiskaasi oo dowladda dhexe ay taageereysay, loona arko dhibaatada xiligaan taagan in ay u sabab tahay.

DF oo ‘joojineyso’ arrin ay dhib ku qabeen suxufiyiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan waqtigiisa uu sii dhammaanayo ayaa ballan qaad u sameeyey dhammaan suxufiitiinta Soomaaliyeed.

Farmaajo oo ballan qaadkan ka sheegay kulan uu la qaatay suxufiyiinta aan xuduudda lahayn (RSF) ayaa sheegay in dowladdiisa ay dhiire-gelineyso xorriyadda saxaafadda.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay joojineyso xarigga lagula kaco xilliyada ay shaqooyinkooda ku jiraan wariyeyaasha Soomaaliyeed, sida uu warbaahinta u sheegay xoghayaha RSF, Christophe Deloire.

Xoghayaha guud ee suxufiyiinta aan xuduudda laheyn (RSF) oo markii ugu horreysay booqasho ku yimid dalka ayaa yiri “Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo dhammaan dowladda cusub ee imaandoonta inay sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo suxufiyiinta laguna dhiirrigelinayo soo bixitaanka saxaafad xor ah, madax-bannaan, lehna tayo sare,”.

Dhankiisa wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyey ballan qaadka u sameeyey madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay guul tariikhi ah.

Si kastaba, hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ay soo kordhayeen xarigga au wariyeyaasha Soomaaliyeed kala kulmaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey xariggii ay hay’adda nabad sugida u geysatay wariye Cabdullahi Kulmiye Cadow oo ka mid ah suxufiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed.

Aqriso: HirShabeelle oo ku dhowaaqday guddi doorasho

0

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle ayaa maanta la dhaariyey, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar.

Xafladda dhaarinta oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan madaxda maamulka HirShabelle iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha maxkmadda Rafcaan HirShabelle ayaa dhaariyay xildhibaanada cusub ee la soo xulay oo  gaaraya ku dhowaad 100 mudane.

Kadib dhaarinta xildhibaanada ayaa iska dhex doortay guddoomiye KGM ah oo ay u doorteen Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah ninka ugu da’da weyn xildhibaanada cusub.

Dhanka kale waxaa Jowhar ka socda dhammaystirka xubnaha ka dhiman Baarlamaanka, oo ay ka harsanyihiin in la soo magacaabo kuraas ka yar 10-xubnood.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle ayaa sidoo kale lagu wadaa inay dhacdo maalmaha soo socda, waxaana isla maanta lagu dhowaaqay guddigii ka shaqeyn lahaa oo ka kooban illaa sagaal xubnood oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka.

HirShabelle ayaa wajaheysa marxalad kala guur ah, waxaana dhowaan dhaceysa doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo haatan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.

HirShabelle ayaa wajaheysa marxalad kala guur ah, waxaana dhowaan dhaceysa doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo haatan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.

Safiirka Shiinaha ee Somalia oo qaaday tallaabooyin ka sii daraya xiisadda Taiwan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa dib u billowday xiisad xoogan oo muddooyinkii dambe kala dhaxeysa Taiwan, oo ay ku doodo inay tahay qeyb ka tirsan dhul-weynaheeda, halka ay iyaduna taasi badalkeeda ku andacooneyso.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay baraha bulshada ku baahinayay hadalo u muuqday kuwo uu ku durayo Taiwan, isla markaana meesha ka saareysa madax-banaanida ay sheegato.

Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Taiwan oo sheegata inay hore uga go’day Shiinaha ay weligeedba ka sii mid ahaan doonto, ayna si adag u ilaalin doonaan madax-banaanida dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna meesha ka saaray in Shiinuhu duulaan uu ku yahay dalalka xiriirka la sameystay Taiwan, balse uusan aqbali doonin in dhul-weynihiisa la kala gooyo, isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu lumiyo taako dhulkiisa kamid ah.

“Shiinaha ma weerari doono dalal kale, laakiin weligii ma ogolaan doono inuu dalna weerarro. Ma dhiiri-geliyo khilaafaadka, laakiin weligii kama baqdo. Madax-bannaanida dhuleed, waxay la xidhiidhaa Sharafta dalka iyo Qaranka. Waddan walba wuxuu si adag u ilaalin doonaa Madax-banaanidiisa dhuleed, weligiina ma lumin doono Taako dhul ah” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu qoraal kale oo uu baahiyey ku yiri “Shiinaha wuxuu leeyahay Taariikh iyo dhaqan 5000-kun sano ah, Taiwan waxay ahayd dhulka Shiinaha 5000-kun sano ka hor, waxayna ka sii mid ahaan doontaa dhulka Shiinaha illaa dunida la rogo”.

“Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo Wax walba Qiimo kasta ha ku kacee, Marna uma ogolaanayo Taiwan inay ka go’do dhulka China, waxaanuna si adag u difaaci doonaa dhulkayaga Qaran”.

Xiisada Taiwan iyo Shiinaha ayaa sarre usii kacday, kadib markii Taiwan ay xiriir diblumaasiyadeed ay la sameysatay Somaliland oo ah maamul ka tirsan Soomaaliya, balse ku doodo inuu ka go’ay, isla markaana yahay dal madax-banaan.

Ganacsato Somali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika + magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil & dhaawac loogu geystay dalkaasi.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay Soomaali ku leedahay deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Burcadda hubeysan oo goobta isaga baxsatay ayaa halkaasi ku dilay labo muwaadin oo Soomaali ah, sida ay xaqiijiyeen ganacsatada kale ee ku sugan halkaasi.

Labada Marxuum ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka lagu weeraray.

Sidoo kale burcadda ayaa isla deegaankan dhaawac halis ah ugu geystay ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaas oo loo cararay isbitaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee dalka Koonfur Afrika ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabteen weerarkaasi.

Inta badan Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa dil, dhaawac iyo boob hantiyeed kala kulma kooxo burcad oo ah ku sugan gudaha wadankaasi.

Madaxweynaha Somalia oo war ka soo saaray dhul-gariirkii ku dhuftay Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xun-tahay musiibadaasi, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac & iyo burbur aad u xoog badan.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la gacansiiyo shacabka iyo dowladda Turkiga oo haatan wajahaya xaalad adag ee ka dhalatay Dhul-gariirka.

Ugu dambeyn madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa u rajeeyey dowladda Turkiga inay Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee ay haatan wado.

Dhul-gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.6 ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 26 ruux iyo dhaawaca boqolaal kale

Kenya oo xukuntay rag loo heysto weerarkii Westgate

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Nairobi ayaa ku dhowaaqday go’aanka kama dambeysta ah rag loo heystay inay fududeeyeen weerarkii lagu qaaday suuqa Westgate Mall, kaas oo ay sanadkii 2013-kii Nairobi ka fulisay kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labo ka mid ah ragga lagu eedeeyey weerarkan lagu helay inay kaalin ku lahaayeen weerarkaasi oo ay ku dhinteen illaa 67 qof

Garsooraha maxkamadda Francis Andayi ayaa shaaciyey in labadaan nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Axmed Cabdi iyo Xusseen Xassan Mustafa  lagu kala xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah, kaas oo ay ku muteysteen  taageerada ay siiyeen Al-Shabaab.

Andayi ayaa sidoo kale shaaciyey in xukunada lagu ridday raggaasi laga jari mudada 7-ada sano ah ee ay ku jireen xabsiga.

Sidoo kale dhowaan ayey maxkamaddu sii deysay Liibaan Cabdullah Cumar oo ay maxkamaddu shaacisay in lagu waayey wax dambi ah, balse waxaa ninkaasi markii xabsiga laga siiyey afduubtay dabley hubeysan oo wadada u galay inta uusan gurigiisa gaarin.

Si kastaba, xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo ay maxkamad ka soo saarto weerarkii Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

DF oo shaacisay xilliga lagu dhawaaqayo guddiyada doorashooyinka dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaacisay xiliga la filayo in lagu dhawaaqo guddi doorashada oo qeyb ka ahaa go’aanadii shirkii Muqdisho, isla markaana ay soo wada xulayeen dowladda federaalka iyo maamulada dalka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in bisha November oo ay naga xigto hal maalin ay guddo geli doonaan dhameystirka guddiyada doorashada, taasi oo ka dhigan in bilowga bishaasi lagu dhawaaqayo guddigaasi.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inay weli jiraan qaar kamid ah Maamul goboleedyada oo aan soo gudbin xubnaha ku matalaya guddiyada heer dowlad goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhaca ku yimid dhameystirka guddigaasi ay tahay mid farsamo, maadama heshiiskii doorashada ee la gaaray uu qorshuhu ahaa in 10-ka bisha Octoober la dhameystiro guddigaasi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda dhankeeda ay diyaar ka yihiin xubnaha guddigaasi ku mateli lahaa, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan ay dhameystiri doonaan guddigaasi oo qeyb ka ahaa heshiiskii doorashada ee lagu garay Muqdisho.