27 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Sawirro: DF oo maanta 130 muwaadin oo lagu soo celiyay dalka u sameysay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa gurmad u fidisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalka Liibiya, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalkaas, isla markaana la kulmay dhibaatooyin kala duwan.

Muwaadiniinta la soo celiyey oo tiradoodu gaareyso ku dhawaad 130 ruux ayaa isugu jira dhallinyaro iyo waayeel. Dib-u-celintooda ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu soo badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan waddamada ay u tahriibaan.

Markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho, waxaa si toos ah loo geeyey xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, halkaas oo loogu sameeyey diiwaangelin iyo soo dhoweyn.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, Liibaan Cabdi oo la hadlay muwaadiniinta dib loogu soo celiyey dalka ayaa sheegay in hay’addu u diyaarisay adeegyo kala duwan oo lagu taageerayo.

Waxa uu sheegay in muwaadiniinta loo sameyn doono baaritaanno caafimaad oo lacag la’aan ah, si loo ogaado xaaladdooda caafimaad loona siiyo daryeelka ay u baahan yihiin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay in muwaadiniinta la diiwaangelin doono Adeegga Aqoonsiga Qaranka (NIRA), isla markaana hay’addu ka taageeri doonto sidii ay ula midoobi lahaayeen ehelladooda iyo qoysaskooda.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u ballan-qaaday muwaadiniinta in hay’addu ka caawin doonto helitaanka fursado shaqo iyo waxbarasho, isaga oo xusay inay garab taagan tahay dib-u-dhiskooda nololeed iyo dib ula qabsigooda bulshada.

DF oo si adag uga jawaabtay warbixintii xasaasiga aheyd ee ICG ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ayaa si adag uga jawaabay warbixin ay soo saartay hay’adda International Crisis Group (ICG), taas oo ka digtay in kooxda Al-Shabaab ay sameysay horumar meesha ka saaray qaar ka mid ah guulihii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay labadii sano ee la soo dhaafay.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ayuu Cali Balcad ku sheegay inay caado noqotay in qaar ka mid ah hay’adaha iyo fagaarayaasha siyaasadda ay Soomaaliya u sawiraan dal si joogto ah u fashilmay, isla markaana aan awood u lahayn inuu iskiis u sugo amnigiisa, u dhiso hay’adihiisa dowladeed ama si hufan isku maamulo, taas oo uu si weyn ugu dhaliilay.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in sawirka noocaas ah uu yahay mid aan dhammaystirnayn oo aan ka tarjumayn xaqiiqada ka jirta Soomaaliya. Wuxuuna xusay in dowladda ay muddooyinkii dambe wadday dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada oo kamid tahay Al-Shabaab.

Cali Balcad ayaa tilmaamay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay isku mar wajahday saddex caqabad oo waaweyn, kuwaas oo kala ah la-dagaallanka Al-Shabaab, dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada amniga qaranka iyo dhammaystirka dastuurka oo horseeday doorashooyin dadweyne, sida uu sheegay.

“Ma jiro khabiir dhab ah oo ku takhasusay dib-u-dhiska dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo odhan kara midkoodna hawlahan waa sahlan yahay,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Balcad ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay dhammaan caqabadahaas wajahayso iyadoo weli ku jirta dagaal toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay la tacaaleyso dhaqaale iyo kheyraad xaddidan.

Dhanka kale, warbixinta ay soo saartay ICG ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab, oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ay sanadkii lasoo dhaafay ee 2025 sameysay horumarro militari oo la taaban karo, kuwaas oo wiiqay qaar ka mid ah guulihii ay dowladda Soomaaliya horay u sheegatay inay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, dib u dhaca ku yimid geeddi-socodka siyaasadda iyo isbeddelka ku yimid taageerada caalamiga ah ay sare u qaadeen walaaca laga qabo in dowladda Soomaaliya ay wajahdo cadaadis amni iyo mid siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Warbixinta ICG iyo jawaabta dowladda Soomaaliya ayaa imanaysa xilli uu hoos u dhacay gulufka militari ee ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa marar badan ku adkeysatay in, inkastoo ay jiraan caqabado ay sii socon doonaan howl-gallada lagu doonayo ciribtirka kooxda iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood u leh sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

Soomaaliya oo soo saareysa baasaboor cusub oo leh…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ), Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay bisha October 2026 si rasmi ah u soo saari doonto baasaboor cusub oo casri ah, kaas oo leh astaamo amni oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.

Agaasimaha ayaa sheegay in baasaboorkan cusub uu yahay jiilka saddexaad (Third Generation Passport), isla markaana lagu sameeyay horumarin dhinaca farsamada iyo amniga ah, si loo kordhiyo kalsoonida lagu qabo dukumentiga safarka ee Soomaaliya, loogana hortago been-abuurka.

Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa xusay in isbeddelka ugu weyn ee lagu sameeyay baasaboorka cusub uu yahay in si toos ah loogu xiri doono kaarka aqoonsiga qaranka, taas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku mideyneyso nidaamyada aqoonsiga iyo adeegyada dadweynaha.

Sida uu sheegay, xogta kaarka aqoonsiga qaranka ee muwaadinka ayaa lagu dari doonaa bogga xogta (data page) ee baasaboorka, taas oo sahleysa xaqiijinta aqoonsiga qofka iyo kordhinta kalsoonida lagu qabo dukumentiga marka lagu safrayo gudaha iyo dibadda.

“Marka la gaaro bisha October waxaan yeelan doonnaa baasaboor cusub oo casri ah, waxaana lagama maarmaan noqon doonta in kaarka aqoonsiga qaranka uu qayb ka noqdo nidaamka bixinta baasaboorka,” ayuu yiri Agaasime Xuseen.

Waxa uu intaas ku daray in labada bilood ee soo socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay xoogga saari doonto isku xirka adeegyada baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga qaranka, si muwaadiniinta loogu diyaariyo hirgelinta nidaamka cusub iyo beddelashada baasaboorrada marka uu si rasmi ah u billowdo.

Agaasimaha ayaa sidoo kale bogaadiyay wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adda socdaalka iyo kinsiyadda Soomaaliyeed iyo hay’adda aqoonsiga qaranka, isaga oo sheegay in iskaashiga labada hay’adood uu laf-dhabar u yahay casriyeynta adeegyada dowladda iyo dhismaha nidaam aqoonsi oo hufan.

Soo saarista baasaboorka cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada dijitaalka ah, laguna xoojinayo amniga dukumentiyada rasmiga ah, isla markaana lagu fududeynayo socdaalka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la waafajinayo heerarka iyo shuruudaha caalamiga ah.

Qoor-Qoor muxuu maanta ka sameeyay Dhuusamareeb? + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Galmudug, oo ah mashruuc muhiim u ah horumarinta adeegyada loo fidiyo bulshada xoolo-dhaqatada ah.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, madaxda wasaaradda iyo marti sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyay hirgelinta mashruucan iyo doorka uu ku yeelan doono horumarinta waaxda xoolaha.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in dhismahan cusub uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo dowladda Galmudug ay ku xoojinayso hay’adaha bixiya adeegyada dadweynaha, si loo kordhiyo tayada adeegyada iyo hufnaanta shaqada dowladda.

Wuxuu xusay in mudnaanta la siinayo waaxaha la xiriira horumarinta xoolaha, ilaalinta deegaanka, dhirta iyo daaqa, maadaama ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha deegaannada Galmudug isla markaana door muhiim ah ka ciyaaraan nolol-maalmeedka bulshada.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay xoogga saareyso horumarinta qeybaha wax soo saarka, isaga oo sheegay in maalgelinta lagu sameynayo wasaaradaha muhiimka ah ay saldhig u tahay dhismaha Galmudug casri ah oo leh adeegyo tayo leh iyo hay’ado si hufan u shaqeeya.

Qoor-Qoor ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariicda horumarineed ee kor u qaadaya adeegyada bulshada, isla markaana xoojinaya awoodda hay’adaha dowladda si ay u gutaan waajibaadkooda.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa la filayaa inuu kor u qaado tayada adeegyada loo fidiyo xoolo-dhaqatada, isla markaana ka qeyb qaato horumarinta wax soo saarka xoolaha iyo kobcinta dhaqaalaha Galmudug.

DF oo shaacisay khasaaraha howl-gallo culus oo ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa 1-dii iyo 2-dii Luulyo 2026 fuliyay duqeymo is xig-xigay oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.

Duqeymahan ayaa ka dhacay goobo ku yaalla deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, duqeymahan ayaa si gaar ah loogu beegsaday goobo ay maleeshiyaadku u adeegsanayeen abaabulka weerarrada iyo isku ururinta ciidamadooda, iyadoo howl-galka lagu sheegay “mid guuleystay.”

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeymaha lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka in ka badan 20 kale lagu dhaawacay.

Sidoo kale, dowladda waxay sheegtay in howl-galka lagu burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay qorsheynta iyo fulinta weerarro argagixiso oo ka dhan ah shacabka iyo ciidamada dowladda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhankeeda u mahadcelisay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya howlaha la-dagaallanka argagixisada, iyadoo xustay in iskaashigaasi door muhiim ah ka qaato guulaha laga gaarayo howlgalada socda.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale wasaaraddu sheegtay in ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda ay sii wadi doonaan beegsiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loogana hortago weerarrada ay qorsheynayaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay duqeymaha cirka iyo howl-gallada dhulka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka kooxda iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Muuse Biixi oo shaki ka muujiyay heshiiska S/land iyo Israel, una jawaabay Cirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay eedeymo uga yimid Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xilli uu ka hadlayay xiriirka muranka dhaliyay ee maamulka uu la yeeshay Israa’iil iyo dadaallada aqoonsiga maamulka.

Muuse Biixi ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku beeniyay inuu marna sheegay in Somaliland ay aqoonsi rasmi ah ka heshay dalalka Guinea Conakry iyo Itoobiya. Wuxuu ku eedeeyay Cirro inuu si khaldan u fasiray hadalladiisii hore, isaga oo caddeeyay in mowqifkiisu mar walba ahaa in Somaliland ay u baahan tahay aqoonsi caalami ah.

Biixi ayaa sheegay in tallaabo kasta oo la xiriirta raadinta aqoonsiga Somaliland ay u baahan tahay in si qoto dheer looga fiirsado, maadaama ay tahay arrin masiiri ah oo saameyn ku leh mustaqbalka Somaliland iyo xiriirkeeda caalamiga ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa sidoo kale dib u xusay hadalkii uu jeediyay markii Israa’iil ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, isaga oo sheegay inuu soo dhaweeyay tallaabadaas, balse uu xilligaas ku baaqay in si taxaddar leh loo qiimeeyo dhammaan dhinacyada siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ka dhalan kara.

Dhanka kale, Biixi ayaa dhaliil u jeediyay qaabka Madaxweyne Cirro u maareeyay safarradiisii dibadda. Wuxuu sheegay in Cirro uu qirtay inuu hore si qarsoodi ah u booqday Israa’iil, isaga oo isweydiiyay sababta safarkaas looga qariyay shacabka iyo warbaahinta.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in wafdigii Madaxweynaha iyo wasiirradiisu ay kala joogeen dalal kala duwan intii lagu jiray safarkii ugu dambeeyay ee dibadda, isaga oo su’aal ka keenay sababta qarsoodiga iyo kala qeybsanaanta howlaha wafdiga.

Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya iyadoo dood xooggan ay weli ka taagan tahay gudaha Somaliland, kadib aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland iyo furitaanka safaarad uu hoggaanka maamulku sheegay inuu ka furay Qudus.

Hoos ka aqriso qoraalka madaxweynihii hore:

Madaxweyne Cirro ayaa shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa weedho iiga soo gubiyay, bal aan in yar ka idhaahdo.

Wuxu madashaa ka sheegay in aan sheegay in laba jeer aan ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea conakry iyo Ethiopia.

Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay. Arrintaasi been baad sheegtay Odaygii Qaranka lagu odhan maayee, ee wuu ismoodsiyey.

Odaygu wuxuu sheegay in anan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada JSL hadalkii aan ka jeediyayna waa kan:

“Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u eegtahay maahmaahdii ahayd “Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta kowaad ee dalkeena JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeena khilaaf uga iman.

Maantana intii ayaan leeyahay.” Haddaba, waxa nasiib darro ah in madaxtooyadu ay jarjartay hadalkaygii oo la nuxur tiray. Sido kale, waxa gabi ahaanba meesha laga saaray hadalkii uu madasha ka jeediyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Haddaba, gefka yaa galay?

Arrintan sida aad u maamushay aan dul istaago, safarkaagii rasmiga ahaa waxa aad sheegtay in aad Israa’iil hore u booqatay iyada oo laga ilaaliyay shacabka iyo warbaahintaba, waana kow madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland ah oo si qarsoodi ah u safra, marka dambena sheega in uu safaro qarsoodi ah uu galay.

Safarkaagii u dambeeyay ee rasmiga ahaa waxa aad muddo joogtay dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo aad ka dhooftay, halka waftigaagii wasiiraduna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen dalka itoobiya kana dhoofeen.

Madaxweyne maxaa keenay qarsoodiga iyo qaybsanaanta?

Kursigii uu banneeyay Aadan Madoobe oo lasoo buuxiyay – Yaa kusoo baxay?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka bannaanaaday Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo haatan lasoo buuxiyay.

Kursiga oo tirsigiisu yahay HOP#18 ayaa waxaa dhawaan uun banneeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Aadan Madoobe oo maalmo kahor loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa doorashada lagu soo buuxiyay kursigan qabtay, waxaana isku soo taagay laba musharrax oo kala ahaa Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan iyo Fardowsa Cali Axmed oo kahor tartanka sheegtay inay tanaasushay gabadha, balse doorashada ayaa loo maray habka gacan-taagga.

Intaas kadib waxaa codeyntii la sameeyay kusoo baxay Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan oo helay 96 cod, halka Fardowsa Cali Axmed ay iyana heshay 5 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Dhinaca kale, waxaa soconayo loollan xooggan oo loogu xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ee uu banneeyay Sheekh Aadan Madoobe, isaga oo xilkaas si KMG ah ugu wareejiyay guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin.

Siyaasiyiin kasoo jeedo Koonfur Galbeed, oo saami ahaan leh kursiga ayaa haatan wada olole ay ku doonayaan inay kusoo buuxiyaan xilkaas, si ay Baarlamaanka u hoggaamiyaan muddada kooban ee u hartay.

Xubnaha u hanqal taagaya xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudah Saadaad Maxamed Nuur (Caliyow), kuwaas oo dhamaan ah xidhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa indhawaan uu si rasmi ah u furmo, isla markaana uu guda galo shaqadiisa, waxaana ugu horreeyay doorashada xilka guddoomiyaha, si loo soo buuxiyo kadibna loo guda galo shaqooyinka kale.

War cusub oo kasoo kordhay kiiska Cabdikariim Iidle + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Ehellada Cabdikariim Cabdullahi Iidle oo dhawaan laga qabtay magaalada Muqdisho, kadibna la sheegay in loo gacan geliyay Maraykanka ayaa maanta dibadbax cabasho ah ka dhigay xaafadda Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ehellada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Cabdikariim laga soo qabtay gurigiisa, isla markaana illaa iyo hadda aysan ogeyn halka la geeyay.

Sidoo kale, waxa ay dalbadeen haddii uu wiilkooda dambi leeyahay in lagu maxkamadeeyo dalka, maadaama uu yahay muwaadin laga soo qabtay gurigiisa.

“Cabdikariim Cabdullahi Iidle Xaashi  maalin dhaweyd ayaa isaga oo gurigiisa jooga ciidamo ay kasoo qaadeen, illaa iyo haddana ma ogin meel uu ku sugan yahay, isla markaana naloo sheegay in dal shisheeye uu soo dacwaystay, waxaan dowladda ka codsanaynaa muwaadinkaas aan ehelka u nahay haddii uu dambi leeyahay dalkiisa hooyo lagu maxkamadeeyo” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ka hadlay dibabaxa.

Cabdikariim Cabdullaahi Iidle, oo 42 jir ah ayaa ka mid ah dadka ugu muhiimsan ee lagu tuhmayo kiiska musuq-maasuqa weyn Mareykanka ee Feeding Our Future, wuxuuna xarigiisa Soomaaliya ka dhaliyay dood xasaasi ah oo taabaneysa dhalashada, sharciga iyo xiriirka Muqdisho iyo Washington.

Ninkan oo deganaa Burnsville, Minnesota, ayaa lagu qabtay Muqdisho 25-kii June, sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay mid ka mid ah dadka lagu eedeeyay inay door weyn ku lahaayeen waxa Waaxda Caddaaladda Mareykanka ku sheegtay musuq-maasuqii ugu weynaa ee dhacay xilligii cudurka Covid-19.

Kiiska Feeding Our Future ayaa la xiriira lacag ka badan 240 milyan oo dollar oo la sheegay in laga leexsaday barnaamij federaal ah oo loogu talagalay quudinta carruurta danyarta ah.

Sidoo kale, Cabdikariim ayaa dacwad lagu soo oogay bishii September 2022, waxuuna wajahaya 31 qodob oo ay ka mid yihiin khiyaano, laaluush la xiriira barnaamij federaal ah iyo lacag-dhaqid.

Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Cabdikariim, oo ka tirsanaa hay’adda Feeding Our Future, uu xilkiisa u adeegsaday inuu lacago laaluush ah ka qaato ganacsato, islamarkaana in ka badan 5 milyan oo dollar oo la sheegay inay ahaayeen laaluush iyo dhaqaale sharci-darro ah lagu shubay akoonno lala xiriiriyay shirkado magac-u-yaal ah.

Mareykanka oo ku dhawaaqay go’aan saameynaya AUSSOM

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Dowladda Mareykanka ayaa ku wargelisay Ururka Midowga Afrika inay joojin doonto taageerada ay siiso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), marka uu dhammaado muddada howlgalka AUSSOM ee 31-ka December 2026.

Mareykanka ayaa go’aankan ku sababeeyay in Dowladda Federaalka ay ku guul-dareysatay inay horumar muuqda ka sameyso dagaalka Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, maadaama muddo ka badan 10 sano heleysay taageero caalami ah.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska ergada Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026, ayaa lagu caddeeyay in Washington aysan taageeri doonin cusboonaysiinta muddo-xileedka UNSOS, ama nooc kasta oo taageero saadka iyo howlgalka ah oo ay Qaramada Midoobay siiso AUSSOM wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.

Sidoo kale wuxuu Mareykanku caddeeyay inuusan diidaneyn in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyo waajibaadka AUSSOM, haddii uu Midowga Afrika doonayo inuu sii wado howlgalka, balse wuxuu hoosta ka xariiqay inuusan marnaba bixin doonin dhaqaalaha ku baxa taageerada UNSOS.

Qoraalka ka soo baxay Mareykanka waxaa sidoo kale lagu xusay in khilaafaadka siyaasadeed, dib u dhacaya doorashadda iyo loollanka gudaha dalka ka jira ay si weyn u wiiqeen dagaalkii ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, taasna ay keentay in horumarka dhanka amniga ah uu noqdo mid aad u xaddidan.

Mareykanka ayaa ku dooday in tan iyo sanadkii 2007 uu bixiyay ku dhawaad $2 bilyan oo dollar oo lagu taageeray UNSOS iyo howlgalkii ka horreeyay ee AMISOM/ATMIS, $1.6 bilyan oo gargaar toos ah oo la siiyay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, boqolaal milyan oo dollar oo lagu maalgeliyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, iyo balaayiin kale oo loo xorreeyay gargaarka bani’aadamnimo iyo mashaariicda horumarineed.

Inkastoo uu joojinayo taageerada, Mareykanka wuxuu sheegay inuu sii wadi doono iskaashiga tooska ah ee dhanka amniga ee uu la leeyahay dowladda Soomaaliya, oo iska kaashanaya ka hortagga khataraha amni ee ka iman kara Al-Shabaab iyo Daacish.

Ugu dambeyn dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada, iyo dhammaan qeybaha bulshada inay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, si loo sugo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Muungaab oo qaaday tallaabo farxad-gelisay reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta khamiis ah guddoomiyay shir muhiim ah oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ayaa qaaday tallaabo farxad-gelisay shacabka ku dhaqan gudaha caasimada.

Shirkan oo ahaa mid heer sare ah ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeennada maamulka ee arrimaha amniga iyo siyaasadda, arrimaha bulshada iyo wacyigelinta, hawlaha guud, xoghayaha guud, taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka iyo agaasimeyaal ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray howlaha dardargelinta nadaafadda Muqdisho, adkaynta dhaqan-gelinta Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda, Maaraynta Qashinka, iyo xal-u-helidda xoolaha sida sharci-darrada ah ugu dhex nool magaalada.

Sidoo kaelem shirka ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyey caqabadaha nadaafadda caasimadda iyo sidii muddo kooban loogu gaari lahaa isbeddel muuqda oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in si adag loo dhaqan-geliyo Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda iyo Maaraynta Qashinka, lana dardargeliyo tallaabooyinka lagu xallinayo dhibaatada xoolaha ku dhex wareega magaalada.

Guddoomiye Muungaab oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhaqan-gelinta Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda ay tahay waajib sharci ah iyo mas’uuliyad wada saaran dowladda, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in maamulka uusan u dulqaadan doonin fal kasta oo wax u dhimaya nadaafadda, deegaanka iyo bilicda caasimadda, isla markaana si buuxda loo dhaqan-gelin doono xeerarka lagu ilaalinayo nadaafadda Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu  faray dhammaan hay’adaha ay khusayso inay si isku-duubni ah u fuliyaan go’aamada kasoo baxay shirka.

Xogta weerar qaraxyo ku bilowday oo Al-Shabaab ay maanta ku qaaday saldhigga…

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo maanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ku yaalla deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo uu xigay dagaal dhaliyay khasaare kala duwan.

Saldhigga la beegsaday ayaa waxaa deggan ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda, kuwaas oo iska hor imaad la galay ragga weerarka soo qaaday.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu qaraxyo ku bilowday, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa jug culus iyo rasaas xigtay oo ay is waydaarsadeen labada dhinac, taas oo keentay in cabsi ah ay dareemaan shacabka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiro ahaan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana dib loo celiyay maleeshiyaadkii Al-Shabaab weerarka ku qaaday saldhigga deegaanka Golweyn oo u dhow magaalada Buulomareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa sidoo kale dhaq-dhaqaaq ka wada deegaanka, waxayna baadi goobayaan xubnaha weerarka soo qaaday oo ka baxsaday goobta.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidamada.

Si kastaba, Weerarka Golweyn ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda ka wadeen waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya oo la jabsaday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Ilo-wareedyo ku dhow xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in muddooyinkii u dambeeyay uu muran xooggan hareeyay shaqadii ka socotay xafiiska Waaxda Gaadiidka iyo Leysinnada ee PRA.

Wararka ayaa sheegaya in murankan uu ka dhashay cabashooyin dadweyne oo la xiriira adeegyada xafiiska, lacagaha laga qaado shacabka iyo eedeymo musuq-maasuq, kuwaas oo sababay in howlihii qaar ee xafiiska ay hakad galaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux, ayaa la sheegay inay gaareen cabashooyin ku saabsan musuq-maasuq iyo in shacabka dalbanaya leysinnada laga qaado lacago dheeraad ah. Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, wasiirka ayaa isku dayay inuu qaado tallaabooyin lagu xakameynayo musuq la sheegay inuu ka jiray Waaxda Gaadiidka iyo Leysinnada ee PRA.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wasiirku qorsheeyay inuu meesha ka saaro kooxo lagu tilmaamay inay ka shaqeeyaan suuq madow, kuwaas oo la sheegay inay lacago sharci-darro ah ka sameyn jireen adeegyada dowladda.

Sida xogaha aan helnay ay sheegayaan, tallaabada wasiirka ayaa lagu doonayay in lacagaha adeegyada dowladda laga qaado shacabka ay si rasmi ah ugu dhacaan khasnadda dowladda, halkii ay ku dhici lahaayeen jeebabka shaqsiyaad gaar ah.

Hase yeeshee, ilo-wareedyo ku dhow wasaaradda ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cumar Cali Afrax, uu ka horyimid tallaabooyinka uu qaaday wasiirka. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in agaasimuhu uu ka carooday go’aanka wasiirka ee lagu joojinayay habraacyada muranka dhaliyay, islamarkaana uu si adag uga hor yimid isbeddelladaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in agaasimaha lagu eedeeyay inuu adeegsaday cadaadis iyo buuq gudaha ah, si uu u difaaco kooxo lagu sheegay inay ku lug lahaayeen habraacyo aan rasmi ahayn oo la xiriira adeegyada gaadiidka, leysinnada iyo taargooyinka.

Arrinta sida weyn uga yaabisay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ayaa ah in khilaafka uu gaaray heer la sheegay in la jabsaday xafiiskii rasmiga ahaa ee Wasiirka Gaadiidka, lagana qaatay dukumiintiyo yaallay. Tallaabadan, haddii ay dhab noqoto, ayaa ka dhan ah hab-maamuuska iyo sharciga hay’adaha dowladda, waxayna muujineysaa heerka uu gaaray khilaafka ka dhex taagan madaxda wasaaradda.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, adeegyada qaar, gaar ahaan cusbooneysiinta leysinnada dhacay, ayaa shacabka Soomaaliyeed looga qaadaa lacag dhan $70, halka $40 oo keliya lagu sheegay inay si rasmi ah ugu dhacdo qasnadda dowladda.

Ilo-wareedyada ayaa inoo sheegay in $30-ka harsan ay qaataan shaqsiyaad gaar ah, arrintaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan hufnaanta maamulka dakhliga iyo sida loo maamulo lacagaha laga qaado shacabka.

Dhanka kale, dadka ay ka lumaan taargooyinka gaadiidka ayaa la sheegay in aan loogu adeegin habraaca rasmiga ah ee wasaaradda, balse lagu qasbo inay maraan shaqsiyaad dhexdhexaadiyayaal ah. Dadkaas ayaa la sheegay inay xiriir la leeyihiin xubno ka tirsan wasaaradda, inkastoo aanay qaarkood si rasmi ah uga tirsanayn shaqaalaha wasaaradda.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in shaqsiyaadkaas ay si hoose uga shaqeeyaan arrimaha la xiriira soo saarista taargooyinka, leysinnada iyo adeegyada nootaayooyinka, taas oo sii kordhisay cabashada shacabka iyo shakiga laga qabo habka loo maamulo adeegyada PRA.

Arrimahan ayaa la sheegay inay gaareen xafiisyada ugu sarreeya dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxweynaha. Waxaa la filayaa in madaxda dowladda ay arrintan xal ka gaaraan, si howsha wasaaradda ay ugu soo laabato hannaan rasmi ah oo hufan.

Warar kale ayaa sheegaya in si hoose loo xalliyay qeyb ka mid ah khilaafka madaxda wasaaradda, balse weli ay taagan tahay cabashada dadweynaha ee la xiriirta lacagaha laga qaado adeegyada leysinnada, iyadoo weli la sheegayo in shacabka laga qaado $70, halka dowladda ay ku dhacdo $40 oo keliya.

Tan iyo burburkii dowladnimada Soomaaliya, hay’adaha dowladda ee dib loo dhisay ayaa marar badan la daalaa-dhacayay awood-darro, nidaam-xumo iyo musuq-maasuq dhaawacay kalsoonida shacabka. Inkastoo sanadihii dambe la qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, haddana cabashooyinka noocan ah ayaa muujinaya in weli ay jiraan caqabado waaweyn oo u baahan wax ka qabasho degdeg ah.

Ali Muxiyaddiin
Caasimada Online

Faroole oo ka digay gooni u goosad, sheegayna in Xasan Sheekh kala qeybiyay dalka

Garoowe (Caasimada Online) – Qoraal dheer oo uu soo saaray madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayuu si kulul uga hadlay siyaasadda iyo tallaabooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku hoggaaminayo dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya xilligan aysan cago adag ku taagnayn marka laga hadlayo midnimadeeda iyo wadajirkeeda.

Cabdiraxmaan Faroole, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay dhaxalkii uu reebay burburkii dowladdii Kacaanka, oo ku suntanayd kalitalisnimo. Wuxuu sheegay in casharradii hore looga bartay burburkaas ay tahay inay hage u noqdaan mustaqbalka Soomaaliya.

Qaadashada nidaamka federaalka ayuu ku tilmaamay go’aan sax ah iyo tanaasul siyaasadeed oo u dhexeeyay fowdadii mar dalka ragaadisay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee 1991-kii iyo baahida loo qabay in dib loo dhiso dowlad Soomaaliyeed oo mideysan.

Faroole ayaa ka digay isku-day uu sheegay in dib loogu soo celinayo xukun dhexe, iyo sidoo kale culaysyada gooni-u-goosadka ee ka taagan Somaliland. Wuxuu tilmaamay in federaalka loo doortay in lagu ilaaliyo midnimada Soomaaliya, iyadoo la ixtiraamayo ismaamulka, kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadeed ee Soomaalida, iyo in laga hortago in lagu laabto xukun dhexe oo kalitalis ah.

Sidoo kale, Senator Faroole wuxuu ka digay in muddadii dastuuriga ahayd ee hay’adaha dowladda federaalka ay dhammaatay bilihii Abriil iyo May 2026, sida ay u kala horreeyaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo waaxda fulinta. Wuxuu sheegay in hay’adahaas ay hadda ku jiraan door ku-meel-gaar ah oo awood-sii-hayn ah, iyadoo dalku sugayo heshiis laga gaaro hannaan doorasho oo cusub, kuna dhisan is-afgarad iyo dimuqraadiyad.

Si kastaba ha ahaatee, Senator Faroole ayaa ka digay in wax ka beddel hal dhinac ah lagu sameeyay Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Federaalka ee 2012, kaas oo salka ku haya qaab-dhismeedkii siyaasadeed ee kasoo baxay shirarkii Jabuuti iyo Mbagathi. Wuxuu sheegay in la hareer maray habraacyadii ilaalinta dastuurka, isla markaana la wiiqay heshiiskii federaalka iyo kalsoonidii ka dhexeysay dhinacyada siyaasadda Soomaalida.

Faroole ayaa ugu baaqay hoggaanka dowladda federaalka inay ku laabtaan miiska wadahadalka, si ay ula xaajoodaan xisbiyada mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, oo ay ka mid yihiin Puntland iyo Jubaland. Wuxuu ku baaqay in wadahadalladaas lagu galo niyad-sami, ayna goob-joog ka noqdaan jileyaal caalami ah oo la aamini karo, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo kalsooni. Wuxuu sheegay in tallaabadaas ay noqon karto dhabbo loo maro doorashooyin nabad ah, wada-ogol ah, iyo kala-guur nidaamsan.

Cabdiraxmaan Faroole wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii qeybta weyn ka qaatay dhismaha iyo meelmarinta Dastuurkii Ku-meel-gaarka ahaa ee la ansixiyay sannadkii 2012. Mar kasta oo uu dareemo in dowladda dhexe ay isku dayeyso inay meesha ka saarto madaxbannaanida maamul-goboleedyada, wuxuu qaataa mowqif mucaaradnimo oo adag.

Faroole wuxuu aaminsan yahay in dowladda federaalka aysan xaq u lahayn inay amar ku maquuniso gobollada kale iyada oo aan la tashan dowlad-goboleedyada. Dooddiisa joogtada ah ayaa ah in wax ka beddel aan heshiis lagu ahayn oo lagu sameeyo dastuurka uu horseedi karo kala-tag bulsho iyo khilaaf siyaasadeed oo sii qoto dheeraada.

Khilaafyadii ugu dambeeyay ee dhexmaray Faroole iyo madaxda dowladda federaalka, sida dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda hadda jirta ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxay salka ku hayeen wax ka beddelka dastuurka iyo awoodda maamul-goboleedyada. Wuxuu si adag uga hor yimid wax ka beddelka qodobbada uu u arko inay masiiri u yihiin midnimada, wadajirka ummadda iyo nidaamka federaalka Soomaaliya.

Jadwalka doorashooyinka Galmudug oo la shaaciyay

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Dowlad-goboleedka Galmudug, xilli dhawaan la qanciyay Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan uu waafaqsan yahay shuruucda doorashooyinka dalka, gaar ahaan qodobka 10-aad ee sharciga dhismaha GMDQS iyo qodobka 18-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka.

Jadwalka ayaa qeexay marxaladaha kala duwan ee ay mareyso doorashada, iyadoo lagu talagalay in la xoojiyo hufnaanta iyo ka-qaybgalka bulshada.

Doorashada Madaxweynaha ayaa si rasmi ah loo qorsheeyay in ay qabsoonto 20-ka bishan, iyada oo kahor la diyaarinayo howlaha kale ee muhiimka ah.

Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in 215,860 qof ay isku diiwaangeliyeen codbixinta ka hor doorashada, kuwaas oo qaatay kaararka codeynta.

Codbixiyeyaasha isdiiwaangeliyay ayaa ku kala suga labada gobol ee ay ka kooban tahay Galmudug, kuwaas oo kala ah Galmudug iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu baaqay dhamaan dhinacyada ay khuseyso inay si dhow ula shaqeeyaan doorashada, si ay ugu dhacdo si nabad ah oo daah-furan.

Tallaabadan oo ah mid xasaasi ah ayaa kusoo aadeyso, xilli dhawaan wada-hadal lagu dhammeeyay xiisaddii u dhexeysay Villa Soomaaliya iyo Galmudug, kadib markii Axmed Qoor Qoor lagu qanciyay inuu isaga haro tartanka doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Villa Somalia ayaa dooneysa in isbeddel siyaasadeed laga sameeyo Maamulka Galmudug, isla markaana doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo 20-ka July lagu doorto musharrax ka imaan doona urur-siyaasadeedka JSP, kaas oo dhawaan loo xushay inuu noqdo Liibaan Axmed Xasan oo oo yaqaano Liibaan Shuluq.

Si kastaba, ha’ahaatee, dadka reer Galmudug ayaa si weyn isha ugu hayo arrimaha Galmudug, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi oo hadda a guda galayo, si loo doorto Baarlamaan iyo Madaxweyne cusub.

Xog: Maxaa ka jira in FBI-da ay xarun ka furatay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay dowladda Mareykanka u gacan gelisay Abdikariim Abdelahi Eidleh, oo ka mid ahaa eedeysanayaasha ugu muhiimsan ee loo haysto fadeexaddii weynayd ee Feeding Our Future, taas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah musuqmaasuqyadii ugu waaweynaa ee dhacay xilligii Covid-19, waxaa soo xoogeysanaya warar sheegaya in hay’adda FBI-da Mareykanka ay xarun ku-meel-gaar ah ka furatay Muqdisho si ay u fuliso qorshayaasheeda iyo gacan-ku-dhigga xubno dhowr ah.

Abdikariim Abdelahi Eidleh, oo laga qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qaabkii lagu ogaaday halka uu ku sugnaa iyo dhaqdhaqaaqyadiisii intii uu joogay Muqdisho. Waxaa la sheegay in soo qabashadiisa ay fududeysay warbixin tilmaamaysa in xaaskiisii hore ay koox wariyeyaal ah ugu tageen gurigeeda, isla markaana ay weydiiyeen halka uu aaday ninkeedii hore. Sida la sheegay, waxay u sheegtay in uu ku sugan yahay Afrika.

Hadalkaas oo raadraac lagu sameeyay kadib, koox ka socotay hay’adda FBI-da ayaa tagtay magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adda NISA iyo FBI-da. Wada-shaqeyntaas ayaa la sheegay inay gacan ka geysatay ogaanshaha halka uu ku sugnaa Abdikariim Abdelahi Eidleh iyo dad kale oo lagu raad-joogay.

Go’aanka loogu gacan geliyay Mareykanka Mr Eidleh ayaa dhaliyay hadal-hayn xooggan, iyadoo kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay arrintaas ku tilmaameen fadeexad qaran iyo qiyaano qaran oo lagu dhiibay muwaadin Soomaaliyeed.

Hay’adda NISA ayaa la sheegay inay juhdi iyo dadaal xooggan gelisay howlgalka, iyadoo kaashaneysa aqoonta iyo waayo-aragnimada xubno ka socday FBI-da oo xafiis ka furtay Muqdisho, gaar ahaan xerada Xalane. Xafiiskaas ayaa la sheegay inuu ku daba jiro xubno kale oo Mareykanku doonayo, kuwaas oo lagu eedeynayo fadeexadda Feeding Our Future iyo dambiyo kale.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dabagal dheer kadib hay’adda NISA loo soo gudbiyay muuqaallo iyo sawirro muujinaya Abdikariim Abdelahi Eidleh oo nolol-maalmeedkiisa ka dhex wata Muqdisho.

Laba toddobaad oo dabagal iyo hubin dheer ah kadib, waxaa si fudud gacanta loogu dhigay eedeysane Abdikariim Abdelahi Eidleh. Waxaa lala xiray laba qof oo kale, balse saacado kadib ayaa la sii daayay markii la geeyay xarunta Xalane.

Eidleh, oo ah Soomaali 42 jir ah, kana soo jeeda magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota, ayaa la qabtay 25-kii June, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee gobolka Minnesota.

Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Eidleh uu ka mid ahaa dadka “hagaha” ka ahaa qorshahan, kaas oo lagu eedeeyay in lagu dhacay boqolaal milyan oo dollar oo loogu talagalay barnaamij federaal ah oo carruurta cunto lagu siin jiray xilligii cudurka Covid-19.

Eidleh ayaa markii hore dacwad lagu soo oogay bishii September 2022, waxaana lagu soo eedeeyay 31 qodob oo ay ku jiraan khiyaano dhanka internet-ka ah, laaluush la xiriira barnaamij federaal ah, iyo lacag-dhaqid.

Eedeymaha loo haysto Eidleh weli waa dacwad maxkamadeed. Sida uu dhigayo sharciga Mareykanka, waxaa loo aqoonsan yahay qof aan dambi lahayn illaa maxkamad sharci ah ay si rasmi ah ugu caddeyso dambiga lagu soo oogay.

Muxuu Xasan Sheekh ku doortay Guudlaawe, una diiday Qoor Qoor iyo Lafta-gareen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa su’aal taagan, muhiimna ay tahay in qof walba uu fahmo sababta Madaxweynaha Hirshabeelle weli fursad ugu haysto sii joogitaanka xilka iyo inuu u tartamo muddo-xileed kale, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu meesha ka saaray jiritaanka hoggaankii Koonfur Galbeed, sidoo kalena uu diiday in mar kale uu dib u soo laabto Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Sida caadiga ah, Madaxweyne kasta oo fariista Villa Somalia wuxuu rabaa in maamul-goboleedyada ay madax ka noqdaan rag xulafo dhow la ah, si fududna ula shaqeyn kara, gaar ahaan marka la gaaro xilliyada kala-guurka ah ee dhammaadka muddo-xileedka.

Maadaama madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed — Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen — ay ahaayeen shaqsiyaad xiriir dhow la lahaa dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh wuxuu doonayaa inuu hubiyo in deegaannadaas ay ka dhashaan maamullo isaga si buuxda ugu daacad ah, si loo sugo damaciisa siyaasadeed.

Qorshaha Villa Somalia ee isbeddelka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka hirgalay salka kuma hayo naceyb shakhsi ah, balse waa xeelad siyaasadeed oo dowladda federaalku ku doonayso inay ku meelmariso dib-u-dhiska dastuurka cusub, nidaamka doorashada qof iyo codka ah, iyo hamiga fog ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ayaa faham siyaasadeed ka qaatay in tareenka Dam Jadiid aysan la saanqaadi karin Cabdicasiis Lafta-gareen, kaas oo tuhun geliyay markii uu ka horyimid heshiiskii siyaasadeed ee doorashada qof iyo codka, isla markaana su’aal ka keenay mustaqbalkiisa siyaasadeed. Iyadoo mar horeba laga urinayay siyaasaddii Tayo ee Farmaajo, arrintaas ayaa dedejisay in xukunka si fudud looga tuuro markii uu ka horyimid doorashada qof iyo codka iyo hamigii Villa Somalia.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isaga laftiisa, waa hoggaamiye ka madax-adaygay damaca Villa Somalia, isagoo isu ekaysiinayay siyaasi u baari ah qorshaha doorashada qof iyo codka. Laakiin xaqiiqada ayaa bannaanka timid markii la kala dooranayay murashaxa xisbiga JSP ee Galmudug, taasoo soo dedejisay in Qoor Qoor uu bannaanka isa soo dhigo.

Saamileyda siyaasadeed ee JSP, oo u arkayay Qoor Qoor siyaasi dhaawici kara hamigooda haddii uu sii joogo Galmudug, ayaa beddelkiisa miiska soo saaray shuraako siyaasadeed oo heshiis wada-ogol ah lagu keenay: ganacsadaha qaadka iyo qandaraaslaha saadka ciidamada ku taajiray ee Liibaan Axmed, oo loo yaqaan “Liibaan Shuluq”.

Sidoo kale, saamileyda siyaasadeed iyo xulufada xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxay qaateen go’aan ah in meesha laga saaro Lafta-gareen, laguna beddelo Sheekh Aadan Madoobe, oo xilligii uu guddoomiyaha baarlamaanka ahaa u carbisnaa inuu ansixiyo wax kasta oo Villa Somalia ku qanacsan tahay. Sidaas ayaa awoodda looga saaray Cabdicasiis Lafta-gareen, oo saluugsanaa damicii Villa Somalia.

Marka intaas laga yimaado, Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, wuxuu la yimid siyaasad ka duwan tan Qoor Qoor iyo Lafta-gareen. Wuxuu muujiyay dabacsanaan siyaasadeed, isagoo u hoggaansamay damaca JSP iyo qorshaha Villa Somalia.

Dabacsanaanta siyaasadeed iyo u hoggaansanaanta qorshaha Villa Somalia ayaa dadka qaarkood u fasireen inay salka ku hayso haybta hoose ee hoggaanka dalka, balse xaqiiqadu taas way ka duwan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xeeriyay dhowr arrimood oo dhibaato ku keeni lahaa haddii uu furi lahaa aag cusub oo Hirshabeelle ah. Wuxuu doorbiday inuu qaato baari-nimada Cali Guudlaawe, isagoo dhinaca kalena qancinaya beesha weyn ee Hiiraan. Sidaas darteed, wuxuu adeegsaday siyaasad ka duwan tii uu u isticmaalay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dhinacyo badan ka eegaya hamiga siyaasadeed ee Cali Guudlaawe, ayaa u arkay inuu yahay hoggaamiye la jaanqaadi kara damaca siyaasadeed ee Villa Somalia. Guudlaawe, oo asal ahaan taariikhdiisa siyaasadeed lagu suntay nin aan lahayn waayo-aragnimo aqooneed ama mid waxbarasho oo weyn, balse ku bilowday waayihiisa askarinimo ilaa uu ka gaaray heer Madaxweyne, ayaa loo arkay inuu ku habboon yahay qorshaha Villa Somalia. Taas ayaana sabab u noqotay fursadda sii joogitaankiisa.

Gunaanadkii, Villa Somalia waxay markan tijaabinaysaa siyaasad cusub iyo siyaasiyiin ay iyadu soo saartay, marka laga reebo Cali Guudlaawe, oo garabkiisa siyaasadeed uusan si weyn u muuqan, balse siyaasiyiinta tolkiis ay garab taagan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

W/Q: Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online

Xisbiga KAAH ee Somaliland oo ka hor-yimid heshiiska Israel iyo safaaradda Qudus

Hargeysa (Caasimada Online) – Urur-siyaasadeedka KAAH ee Somaliland ayaa si adag uga falceliyay go’aankii dhowaan ay xukuumadda Somaliland xafiis diblomaasiyadeed uga furatay magaalada Qudus, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo aan laga fiirsan, isla markaana aan ka tarjumayn danta qaran ee fog ee Somaliland.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee ururka KAAH, Danjire Barkhad M. Kariye, oo hore u ahaa ku-xigeenka danjiraha Somaliland ee Itoobiya, kana mid ahaa dadka dhiirrigeliyay in Itoobiya loo oggolaado marin-badeed, ayaa sheegay in raadinta aqoonsi caalami ah aan lagu xirin arrimo siyaasadeed oo waaweyn. Wuxuu xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay dhowrto is-afgaradyadii hore ee heer qaran, isaga oo ka digay in go’aanno laga gaaro arrimo istiraatiiji ah iyadoo aan la helin la-tashi ballaaran.

Ururka KAAH ayaa muujiyay walaac ku saabsan in dhinacyo ka mid ah siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda hadda jirta ay saameyn ku yeelan karaan danaha diblomaasiyadeed ee fog ee Somaliland. Ururku wuxuu ku baaqay in si taxaddar leh loo wajaho heshiisyada caalamiga ah iyo tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee xasaasiga ah.

Falcelintan ayaa timid kadib markii Somaliland dhowaan xafiis diblomaasiyadeed ka furatay Qudus, tallaabadaas oo gudaha Somaliland ka dhalisay falcelin siyaasadeed oo si weyn u kala qeybisay shacabka iyo siyaasiyiinta.

Baaqa madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo saxiixay heshiiskii caanka ahaa ee MOU-ga Itoobiya, kaas oo Addis Ababa u oggolaanayay marin-badeed iyadoo aan Somaliland ka helin faa’iido muuqata oo la hubo, ayaa isna ku baaqay in taxaddar laga yeesho isbeddelka ku imaanaya siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Muuse Biixi wuxuu ku sheegay in isbeddelka xawliga ah ee ka jira juqraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika uu u baahan yahay in si dhab ah loo qiimeeyo heshiisyada caalamiga ah iyo saameynta ay ku yeelan karaan xiriirka mustaqbalka ee Somaliland la leedahay saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Muuse Biixi, oo markii uu xafiiska Somaliland ka furayay magaalada Taipei ee Taiwan aan si weyn u xisaabtamin dhabar-jabka ama falcelinta xun ee ka imaan karta dowladda Shiinaha, ayaa xusay in isbeddellada firfircoon ee gobolka, oo ay ku lug leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Israa’iil, Mareykanka, Iiraan, Pakistan, Turkiga, Masar iyo Sacuudiga, ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka diblomaasiyadeed ee mustaqbalka. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la dhowro danaha qaran ee fog.

Falcelinta ka timid ururka KAAH iyo madaxweynihii hore Muuse Biixi ayaa ka tarjumaysa doodda gudaha Somaliland ka taagan ee ku saabsan jihada cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda, kadib xiriirka ay Somaliland la yeelatay Israa’iil.

In kasta oo xukuumaddu tallaabadan u soo bandhigayso inay qayb ka tahay istiraatiijiyaddeeda lagu ballaarinayo aqoonsiga caalamiga ah, haddana qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa ku baaqaya la-tashi ballaaran iyo in si taxaddar leh loo qiimeeyo cawaaqibka goboleed iyo kan diblomaasiyadeed ee ka dhalan kara.

Xukuumadda Somaliland weli si cad uma soo bandhigin heshiisyada siyaasadeed ee ay la gashay Israa’iil. Shacabkuna waxay sugayaan in si cad loo qeexo gundhigga heshiisyada lala galay Israa’iil iyo waxa ay Somaliland ka helayso tallaabadan.

Israel oo ku hanjabtay inay dilayso Mojtaba Khamenei + Jawaabta Iran

New York (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa si adag u cambaareysay hadallo kasoo yeeray Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz oo Tehran ay ku tilmaantay hanjabaad toos ah oo ka dhan ah hoggaankeeda.

Ergeyga Joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay, Amiir Saciid Iravaani ayaa warqad rasmi ah u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Guddoomiyaha Golaha Ammaanka, isagoo ka codsaday inay si degdeg ah uga falceliyaan waxa uu ku tilmaamay hanjabaado khatar ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Warqadda uu diray Iravaani ayaa lagu cambaareeyay hadallada Wasiirka Difaaca Israa’iil ee ku wajahnaa Mojtaba Khamenei, oo ah Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan. Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in hadalladaasi ay yihiin xad-gudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Ergeyga Iiraan ayaa ku tilmaamay hadalka Katz ee ahaa in Mojtaba Khamenei uu yahay “bartilmaameed la doonayo in la dilo” inuu yahay “caddeyn muuqata oo muujinaysa argagixiso dowladeed” iyo jebin cad oo lagu sameeyay Axdiga Qaramada Midoobay.

Iravaani ayaa sidoo kale sheegay in hanjabaaddan ay qayb ka tahay siyaasad nidaamsan oo Israa’iil ay ku beegsaneyso kuna khaarijineyso mas’uuliyiinta sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Wuxuu intaas ku daray in aamusnaanta Golaha Ammaanka ay dhiirrigelin u noqotay Israa’iil inay sii waddo falalka ay Tehran ku eedeyneyso.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji ayaa sheegay in hanjabaad kasta oo loo geysto shacabka ama hoggaanka dalkiisa ay la kulmi doonto “jawaab degdeg ah oo adag,” isagoo uga digay Israa’iil inay sii waddo hadallada iyo tallaabooyinka noocaas ah.

Caraqji ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu hore u ballan-qaaday inuu xakameyn doono Israa’iil, isagoo xusay in haddii taas ay dhici weydo, Iiraan ay qaadi doonto tallaabooyin ay isku difaaceyso.

Dhacdadan ayaa si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka, iyadoo warbaahinta caalamiga ah ay si ballaaran u tabisay warqadda ay Iiraan u dirtay Qaramada Midoobay iyo eedeymaha culus ee ay u jeedisay Israa’iil.

Warbixinno laga daabacay dibadda ayaa tilmaamay in Tehran ay ku doodayso in hanjabaadaha ka dhanka ah hoggaankeeda ay sii hurin karaan xiisadda gobolka, isla markaana ay jebinayaan xeerarka caalamiga ah ee mamnuucaya hanjabaadaha ka dhanka ah madaxda dowladaha.

Iiraan ayaa la sheegay inay Qaramada Midoobay ka dalbatay in si cad u cambaareyso hadallada Israa’iil, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin looga hortagayo wax kasta oo sii hurin kara colaadda u dhexeysa labada dal.

Hadallada labada dhinac ayaa muujinayaa heerka sare ee xiisadda u dhexeysa Tehran iyo Tel Aviv, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo isku dhac hor leh oo gobolka ka qarxa. Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa weli si rasmi ah uga jawaabin warqadda ay dirtay dowladda Iiraan.

Xiisaddan cusub ayaa ku soo beegmeysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xaalad amni oo aad u cakiran, iyadoo beesha caalamka ay sii waddo dadaallada lagu doonayo in laga hortago isku dhac ballaaran oo ka dhex qarxa Iiraan iyo Israa’iil.

Arrimahan ayaa muujinaya in xiisadda u dhexeysa labada dal ay weli taagan tahay, inkastoo ay jiraan baaqyo caalami ah oo lagu dalbanayo in la dejiyo xaaladda, lagana fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta dagaal cusub oo dib uga qarxa gobolka.

Rubio iyo Boqor Charles oo farriin usoo diray Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo Boqorka Britain Charles III ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyay sannad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay maalinta xorriyadda iyo midnimada, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaashadaan midnimada, dowladnimada iyo guulaha adag ee dalka uu gaaray.

Soomaaliya ayaa 1-da Luulyo u dabaaldegta maalintii ay midoobeen gobolladii waqooyi ee ka xoroobay Britain iyo koonfurtii uu Talyaanigu maamulayay, kuwaas oo sanadkii 1960 ku midoobay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Rubio ayaa farriin uu soo saaray ku sheegay in Mareykanka uu shacabka iyo dowladda Soomaaliya la qeybsanayo farxadda maalinta qaranka.

“Anigoo ku hadlaya magaca Mareykanka, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya munaasabadda maalinta qaranka ee 66-aad,” ayuu yiri Rubio.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dadaallada lagu dhisayo mustaqbal ka wanaagsan kan maanta.

“Munaasabaddan darteed, waxaan rajeynayaa sannadka nagu soo fool leh iyo in aan si wadajir ah uga shaqeyno horumarinta nabadda,” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo tababarka ciidamada, iyadoo Washington ay muddo dheer taageero siineysay dowladda federaalka ee dagaalka kula jirta Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa ku dhowaad labaatan sano weerarro ka fulineysay gudaha Soomaaliya, iyadoo beegsaneysa xarumaha dowladda, ciidamada, goobaha ganacsiga iyo dadka rayidka ah.

Dhinaca kale, Boqor Charles III ayaa farriin uu u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in isaga iyo Boqorad Camilla ay hambalyo diirran u dirayaan madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Maalintani waxay fursad qiimo leh u tahay in dib loo milicsado saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxeysa labadeenna dal,” ayuu yiri Boqor Charles.

Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xoogga xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Britain, isla markaana uu rajeynayo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta sanadaha soo socda.

Boqorka Britain ayaa sidoo kale farriintiisa ku xusay caqabadaha caalamiga ah ee ay labada dal wadaagaan, gaar ahaan arrimaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay wajahday abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay nolosha dadka, xoolaha, beeraha iyo dhaqaalaha qoysas badan oo ku tiirsan nolol-maalmeedka miyiga.

Britain, oo hore u maamuli jirtay dhulka maanta loo yaqaan Somaliland ka hor xorriyaddii 1960, ayaa weli ka mid ah dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, horumarinta iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Gudaha dalka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabado lagu xusayay maalinta xorriyadda iyo midnimada, isagoo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, ku ammaanay sida ay u muujiyeen midnimo, is-garab-taag iyo dareen qaranimo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in midnimada bulshada iyo isku-duubnida shacabka ay muhiim u yihiin ilaalinta xasilloonida dalka iyo sii wadidda dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya nabad ah oo horumar gaarta.

“Waa inaan mideynaa maskaxdeenna, cududdeenna iyo go’aankeenna wadajirka ah si aan u ilaalinno guulaha adag ee aan gaarnay, isla markaana aan u gaarno barwaaqada waarta ee aan hiigsaneyno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Somaliland oo wajahaysa weeraro culus oo dhanka internet-ka, iyadoo lala wareegay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa wajahaysa weerarro culus oo dhanka internet-ka ah kadib markii la sheegay in kooxo burcad internet ah ay bartilmaameedsadeen hay’adaha kala duwan ee maamulkaas.

Weerarradan ayaa la sheegay inay si gaar ah u saameeyeen qaar ka mid ah mareegaha iyo baraha internet-ka ee hay’adaha maamulka Somaliland, iyadoo la tilmaamay in lagu qaaday howlgal isku dubbaridan oo dhanka dhijitaalka ah.

Kooxaha weerarka fuliyay oo lala xiriirinayo Iiraan iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa si ku-meelgaar ah ula wareegay bogagga qaar ee hay’adaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Bangiga Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mareegaha la jabsaday ayaa laga tirtiray dhammaan xogtii iyo macluumaadkii ku jiray, taas oo dhalisay hakad ku yimid adeegyada qaar ee internet-ka.

Sidoo kale, intii uu weerarku socday ayaa waxaa mareegahan lagu faafiyay fariimo lagu muujinayo taageero loo hayo Xuutiyiinta Yemen, taas oo weeraradan si toos ah ula xiriirinaya xulafada Iiraan.

Maamulka Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan, inkastoo la filayo inuu warbixin rasmi ah ka soo saaro.

Si kastaba, weerarkan internet-ka ah ayaa ku soo beegmaya xilli uu maamulka Somaliland dhawaan sheegay inuu safaarad ka furtay Qudus, tallaabadaas oo si weyn uga careysiisay dalal badan oo Islaam ah.

Xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ayaa sidoo kale diidmo adag kala kulmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal badan oo caalamka, kuwaas oo u arka inuu xadgudub ku yahay qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.