27.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Rubio iyo Boqor Charles oo farriin usoo diray Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo Boqorka Britain Charles III ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyay sannad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay maalinta xorriyadda iyo midnimada, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaashadaan midnimada, dowladnimada iyo guulaha adag ee dalka uu gaaray.

Soomaaliya ayaa 1-da Luulyo u dabaaldegta maalintii ay midoobeen gobolladii waqooyi ee ka xoroobay Britain iyo koonfurtii uu Talyaanigu maamulayay, kuwaas oo sanadkii 1960 ku midoobay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Rubio ayaa farriin uu soo saaray ku sheegay in Mareykanka uu shacabka iyo dowladda Soomaaliya la qeybsanayo farxadda maalinta qaranka.

“Anigoo ku hadlaya magaca Mareykanka, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya munaasabadda maalinta qaranka ee 66-aad,” ayuu yiri Rubio.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dadaallada lagu dhisayo mustaqbal ka wanaagsan kan maanta.

“Munaasabaddan darteed, waxaan rajeynayaa sannadka nagu soo fool leh iyo in aan si wadajir ah uga shaqeyno horumarinta nabadda,” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo tababarka ciidamada, iyadoo Washington ay muddo dheer taageero siineysay dowladda federaalka ee dagaalka kula jirta Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa ku dhowaad labaatan sano weerarro ka fulineysay gudaha Soomaaliya, iyadoo beegsaneysa xarumaha dowladda, ciidamada, goobaha ganacsiga iyo dadka rayidka ah.

Dhinaca kale, Boqor Charles III ayaa farriin uu u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in isaga iyo Boqorad Camilla ay hambalyo diirran u dirayaan madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Maalintani waxay fursad qiimo leh u tahay in dib loo milicsado saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxeysa labadeenna dal,” ayuu yiri Boqor Charles.

Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xoogga xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Britain, isla markaana uu rajeynayo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta sanadaha soo socda.

Boqorka Britain ayaa sidoo kale farriintiisa ku xusay caqabadaha caalamiga ah ee ay labada dal wadaagaan, gaar ahaan arrimaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay wajahday abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay nolosha dadka, xoolaha, beeraha iyo dhaqaalaha qoysas badan oo ku tiirsan nolol-maalmeedka miyiga.

Britain, oo hore u maamuli jirtay dhulka maanta loo yaqaan Somaliland ka hor xorriyaddii 1960, ayaa weli ka mid ah dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, horumarinta iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Gudaha dalka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabado lagu xusayay maalinta xorriyadda iyo midnimada, isagoo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, ku ammaanay sida ay u muujiyeen midnimo, is-garab-taag iyo dareen qaranimo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in midnimada bulshada iyo isku-duubnida shacabka ay muhiim u yihiin ilaalinta xasilloonida dalka iyo sii wadidda dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya nabad ah oo horumar gaarta.

“Waa inaan mideynaa maskaxdeenna, cududdeenna iyo go’aankeenna wadajirka ah si aan u ilaalinno guulaha adag ee aan gaarnay, isla markaana aan u gaarno barwaaqada waarta ee aan hiigsaneyno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Somaliland oo wajahaysa weeraro culus oo dhanka internet-ka, iyadoo lala wareegay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa wajahaysa weerarro culus oo dhanka internet-ka ah kadib markii la sheegay in kooxo burcad internet ah ay bartilmaameedsadeen hay’adaha kala duwan ee maamulkaas.

Weerarradan ayaa la sheegay inay si gaar ah u saameeyeen qaar ka mid ah mareegaha iyo baraha internet-ka ee hay’adaha maamulka Somaliland, iyadoo la tilmaamay in lagu qaaday howlgal isku dubbaridan oo dhanka dhijitaalka ah.

Kooxaha weerarka fuliyay oo lala xiriirinayo Iiraan iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa si ku-meelgaar ah ula wareegay bogagga qaar ee hay’adaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Bangiga Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mareegaha la jabsaday ayaa laga tirtiray dhammaan xogtii iyo macluumaadkii ku jiray, taas oo dhalisay hakad ku yimid adeegyada qaar ee internet-ka.

Sidoo kale, intii uu weerarku socday ayaa waxaa mareegahan lagu faafiyay fariimo lagu muujinayo taageero loo hayo Xuutiyiinta Yemen, taas oo weeraradan si toos ah ula xiriirinaya xulafada Iiraan.

Maamulka Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan, inkastoo la filayo inuu warbixin rasmi ah ka soo saaro.

Si kastaba, weerarkan internet-ka ah ayaa ku soo beegmaya xilli uu maamulka Somaliland dhawaan sheegay inuu safaarad ka furtay Qudus, tallaabadaas oo si weyn uga careysiisay dalal badan oo Islaam ah.

Xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ayaa sidoo kale diidmo adag kala kulmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal badan oo caalamka, kuwaas oo u arka inuu xadgudub ku yahay qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Cirro oo soo saaray jawaab jees jees leh: La iima dooran in aan u shaqeeyo Falastiin

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si adag uga jawaabay diidmada iyo dhaleeceynta uga timid qaar ka mid ah waddamada Islaamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la xiriirta safaaradda uu maamulkiisu sheegay inuu ka furtay magaalada Qudus iyo guud ahaan xiriirka uu la yeeshay Israa’iil.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in safaaradda Somaliland laga furay Galbeedka Qudus oo uu ku tilmaamay dhul ay dalal badan oo caalamka ka tirsan u aqoonsan yihiin inuu qayb ka yahay Israa’iil. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland ay ku dhisan tahay ilaalinta danaha Somaliland.

“Layma dooran inaan Falastiin u shaqeeyo, ee waxaa la ii doortay inaan danta Somaliland ka shaqeeyo,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro, isaga oo sheegay in Somaliland aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka Falastiin, isla markaana ay taageersan tahay xaqa ay u leeyihiin inay ka tashadaan aayahooda.

Sidoo kale, Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay muddo ku dhow 35 sano raadineysay taageero iyo aqoonsi caalami ah, gaar ahaan dalalka Islaamka, balse aysan helin jawaab ay ku qancaan.

Cirro ayaa sheegay in Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay sababta keentay in labada dhinac yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa.

“Waxa aynu saaxiib la nahay dalkii ina aqoonsaday. Diblomaasiyaddu waxay ku dhisan tahay wax is-weydaarsi. Markii ay Israa’iil na aqoonsatay, innaguna waan aqoonsannay,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan leenahay walaalayaal, waan idiin baahanahay, walaalahayo ayaad tihiin, na arka. Haddii aad na arki weydaan, ugu yaraan naga daaya dhibta.”

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo dalal badan oo Islaam ah ay si cad uga horyimaadeen xiriirka maamulka Somaliland la yeeshay Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Laftagareen oo dhabar jabin ku sameeyey Aadan Madobe kadib markii uu la wareegay…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo weli ku doodayo inuu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ayaa haatan qaaday tallaabo dhabar jab ku ah hoggaamiye Aadan Madoobe oo dhawaan kusoo baxay doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Lafta-gareen ayaa la wareegay bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, wuxuuna ka saaray muuqaallada iyo qoraallada hoggaamiyaha cusub iyo guud ahaan tallaabooyinkii la qaaday tan iyo markii laga saaray Baydhaba.

Sidoo kale, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa bogga Facebook-ga ee Southwest State of Somalia ku shaaciyay qoraal ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliya, isaga oo la wadaagay farxadda munaasabadda Kowda Luulyo oo maanta ku beegan.

“Waxaan Hambaliyo leeyahay Shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Qiimaha leh ee 1-da Luulyo, Maalinta Xorriyadda iyo Midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliyeed,” ayuu ku yiri qoraalka Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dhinaca kale, waxaa isla bogga lasoo geliyay muuqaal kale oo uu soo duubay afhayeenka Lafta-gareen oo ku sugan bannaanka Baydhaba, isaga oo ka hadlay howlgallada ay ka wadaan halkaasi, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda illaa inta ay dib ugu laabanayaan Baydhaba.

“Halgankeenna barakeysan ma istaagaayo waana guuleysanaynaa waqtigu waa dheeraan karaa, waana gaabnaan karaa intaba diyaar baan u nahay goor kasta iyo goob kasta ha noqotee,” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Si kastaba, Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka cusub ee Koonfur Galbeed oo ku aadan arrintan oo saameyn ku yeelatay howlihii baahinta xafiiska Madaxweyne Aadan Madoobe.

Inkastoo weli uu gacanta ku haysto Telefishinka ku hadla afka Koonfur Galbeed oo lagu baahiyay tallaabooyinkii u dambeeyay ee maamulka, gaar ahaan xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay Xornimadii Gobollada Koonfureed iyo Mideyntii labada Gobol ee Koonfur iyo Waqooyi, taariikhdu markay ahayd 1-da Luulyo 1960, taas oo xalay lagu qabtay gudaha magaalada Baydhaba.

Daawo: Diyaaradaha dagaalka F-16 oo la soo kiciyay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, gaar ahaan kuwa F-16 ee loogu deeqay Soomaaliya ayaa maanta lasoo kiciyay, iyaga oo si weyn uga qayb-qaatay dabaal-degga xuska Kowda Luulyo oo ku beegan 66-guurada ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada qaateen, isla markaana ay la midoobeen gobollada Waqooyi, taas oo dhalisay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Diyaaradahan oo ay leeyihiin ciidamada cirka Soomaaliya ayaa dhoolatus kusoo bandhigay hawada Muqdisho, iyaga oo xambaarsan calanka buluuga ah ee Soomaaliya iyo farriimo wacyigelin ah oo ku aadan maalmaha xorriyadda.

Saraakiil dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo loo tababaray kaxeynta diyaaradaha ayaa fuliyay howlgalka, waxaana sidoo kale bandhigooda daawanayay madaxda qaranka oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo shacabka ugu tegay Taalada Daljirka Daahsoon.

“Shucuurteyda maanta wax badan ayay ka duwan tahay sanadihii hore isma lahayn bartaan oo kale ayaa istaagnaan doontaa annaga oo ah ciidanka waxaan rabnaa maanta inaan muujino doorkeenna, isla markaana aan gudano waajibaadkeenna,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa dhoolatuska qayb ka ah dhammaan ciidamada qalabka sida, kuwaas oo fantasiyo waawaayn kusoo bandhigay Taalada Daljiska Daahoon ee degmada Boondheere.

Waxaa sidoo kale bandhigan ka qayb-qaatay baabuurta gaashaaman ee ciidanka iyo fardo, kuwaas oo socod ku maray waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.

Si kastaba, Xuska sanadkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay isbeddal wayn ku sameysay qaab dhismeedka ciidamada iyo qalabkooda, waxaana burburka kadib diyaarado helay ciidanka cirka ee loo soo tababaray Soomaaliya.

Daawo: Fiqi oo u jawaabay Shekeh Shariif: Wuxuu ku wareeray dagaalkii Mirinaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul siiyay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Shariif oo ka hadlayay xuska Kowda Luulyo ayaa sheegay dalka aysan ka jirin xorriyad, isa markaana kaliya ay u dabaal-dagayaan xorriyaddii 1960-kii.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku eedeeyay dowladda hadda jirta inay ku kaceyso xarig, caburin iyo duulaan lagu qaado Maamul-Goboleedyada Dalka.

“Xorriyad macnaheeda maanta kama jiro dalkaan, xorriyadda aan u dabaal-dageyno waa middii 1960-kii, taas ayaan u dabaal-dageynaa waxaan qiimeyneynaa aabayaashii, awoowayaashii iyo ayeeyayaashii u istaagay dalkan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo shaaca ka qaaday in Sheekh Shariif uu caada ka dhigtay inuu aflagaadeeyo madaxda dalka, isla markaana uu marar badan u gefay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in guriga Shariif uu noqday meel laga soo caayo dowladda, laguna aruuriyo dhalinyarada, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii Shariif gurigiisa waa kaam lagu caayo Madaxweynaha ilmo yar yar ayaa ku jiro oo boorar buu u dhiibaa. Shariifka waa nin kusoo wareeray dagaalkii ayaan dhaweyd ee Mirinaayo,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Deni oo ku hanjabay in aysan ogolaan doonin in Muqdisho…

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay munaasabadda 1-da Luulyo ee xuska 66-guurada xorriyadda Soomaaliya, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saciid Deni oo si adag u hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba ka tanaasuli doonin nidaamka federaalka, isla markaana aysan aqbali doonin in dad siyaasadeysan ay ciidan u adeegsadaan arrimo siyaasadeed.

Wuxuu ballanqaaday in Puntland ay heegan buuxa ugu jirto difaaceeda, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad. Wuxuu sheegay in askartii iyo saraakiishii dagaalkaas ku dhimatay ay u naf-hureen xorriyad iyo difaaca dhulka Puntland, sidaas darteedna aan marnaba la aqbali doonin cid waxyeeleysa amniga iyo nidaamka Puntland.

Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in guud ahaan shacabka Puntland ay ku taagnaadaan waddadii ay jeexeen aasaasayaashii Puntland iyo awoowayaashood.

“Muqdisho waa caasimaddii Soomaaliya. Marna ma oggolaan doonno in kali-talisnimo dambe ay dalka ku soo noqoto. Dadka reer Muqdisho waxaan u ballanqaadeynaa inaan garab iyo gaashaan u nahay, si dalkani u noqdo dal dimuqraadi ah oo sharcigu ka shaqeeyo, dadkiisuna ixtiraamaan dastuurka, kuna dhaqmaan nidaamka federaalka,” ayuu yiri Saciid Deni.

Wuxuu intaas ku daray in Puntland aysan ka tanaasuli doonin nidaamka federaalka, isla markaana aysan aqbali doonin in ciidan loo adeegsado dano siyaasadeed.

“Waxaan ballanqaadayaa in ciidamada Puntland ay heegan ugu jiraan difaaca amniga. Marna ma aqbali doonno in la waxyeeleeyo quruxda iyo nabadda Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni.

Deni ayaa sidoo kale si adag u weeraray Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo sheegay in hadallo dhowaan ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha ay ka dambeeyeen dad kale.

“Waxaan ka xumahay hadalladii uu dhowaan ku hadlay Xamse. Waxaan aad u jeclaan lahaa in odayga hadalka u soo dhiibay uu isagu sidaas yiraahdo. Ninka hadalkaas u soo dhiibay waan garaneynaa. Reer Puntland cuqdad ma qabaan, waxa ay rabaan inay sheegaanna kama gabadaan. Danta aan dowladnimada ka leenahay way cadahay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Deni ayaa hadalkiisa sii raaciyay weerar siyaasadeed oo uu ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ninka dadkiisa dilayay, madaxdhaqameedkiisa iyo isimadiisa dilayay, ee ku hoggaaminayay diyaaradaha drone-ka, ninkaas ayaan filayaa inuu cuqdadeysan yahay oo Soomaali dhan u cuqdadeysan yahay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in reer Puntland ay yihiin dad ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo, ayna mar walba u taagan yihiin ilaalinta nidaamka federaalka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo hadda ku jira muddo-xileedkiisii labaad ee madaxtinimada Puntland, ayaa laba jeer u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse kuma guuleysan inuu helo codadka ku filan ee xildhibaannada baarlamaanka federaalka.

Khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe ka sii darayay, wuxuuna salka ku hayaa arrimo ay ka mid yihiin wax ka beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka, awood-qeybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo sida loo maamulayo amniga dalka.

Puntland ayaa hore u sheegtay inay kalsoonidii kala laabatay dowladda federaalka, kadib markii baarlamaanka federaalka uu meel mariyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka. Maamulka Garoowe ayaa ku dooday in isbeddelladaas aan lagu sameyn hannaan wada-ogol ah, isla markaana ay wiiqayaan nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in dhameystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah ay muhiim u yihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya, hase yeeshee Puntland iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeya Villa Somalia inay awoodda ku uruurineyso xarunta dhexe, ayna dhinac mareyso heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Khilaafka labada dhinac ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay wada-shaqeynta amniga, iyadoo Puntland ay dhowr jeer sheegtay inay si madax-bannaan ula dagaalameyso kooxaha argagixisada, gaar ahaan Daacish-ta ku sugan buuraha Calmiskaad. Dowladda federaalka ayaa iyaduna sheegta in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu u baahan yahay istiraatiijiyad qaran oo mideysan iyo wada-shaqeyn heer federaal ah.

Hadallada adag ee Saciid Deni ayaa sidaas darteed qeyb ka ah khilaaf siyaasadeed oo ka ballaaran munaasabadda 1-da Luulyo, kaas oo muujinaya sida weli ay u kala fog yihiin aragtida Puntland iyo tan Villa Somalia ee ku saabsan mustaqbalka federaalka, doorashooyinka iyo awood-qeybsiga Soomaaliya.

Daawo: Muqdisho oo si wayn looga xusay 1-da Luulyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka socota munaasabad wayn oo lagu xusayo  Kowda Luulyo oo ku beegan 66-guurada ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada qaateen, isla markaana ay la midoobeen gobollada Waqooyi, taas oo dhalisay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo si wayn usoo agaasintay munaasabadda maanta ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa awood ciidan iyo diyaarado casri ah, kuwaas oo k qayb-qaadana dabaal-degga xuska Kowda Luulyo oo sanadkan si weyn uga duwan sanadihii hore.

Dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ayaa ka qayb-qaadanaya dabaaldegga, kuwaas oo fantasiyo waawaayn kusoo bandhigaya Taalada Daljiska Daahoon ee degmada Boondheere.

Sidoo kale, gaadiidka ciidamada iyo fardo  ayaa munaasabadda qayb ka ah kuwaas oo socod ku marayay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gudaha caasimadda.

Waxaa kale oo ay Dowladda Soomaaliya maanta soo bandhigeysaa diyaarado ay leeyihiin ciidamad cirka Soomaaliya, kuwaas oo sanadkii labaad ka qayb-galaya munaasabadda, iyaga oo dul wareegi doono degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, madaxda dalka oo ay ugu horreeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa goobjoog ah dabaal-degga, iyaga oo sheedda sare kala socda bandhigga ay sameeynayaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyay ka qaybgalka munaasabadda.

Xuska sanadkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay isbeddal wayn ku samesay qaab dhismeedka ciidamada iyo qalabkooda, waxaana  burburka kadib diyaarado helay ciidanka cirka ee loo soo tababaray Soomaaliya.

Xasan oo maamuusay halyeeyadii nafahooda u huray gobannimada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay munaasabadda weyn ee xuska 66-guurada ka soo wareegatay maalintii taariikhiga ahayd ee 1-da Luulyo oo ku beegan xorriyaddii gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobannimada iyo mideynta dalka ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Madaxweynaha ayaa xusay qiimaha ay leedahay in la xasuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay usoo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo abaabulay ayaa waxaa gaarda ka ciyaar ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo bandhigay awooddooda iyo diyaar-garoow heer sare ah.

Sidoo kale munaasabadda dabaal-degga ayaa waxaa lagu soo bandhigay gaadiidka gaashaaman, qalab ciidan oo casri ah iyo diyaaradaha dagaalka, taasi oo muujisay horumarka ay dowladdu ka sameysay dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, isagoo ku baaqay in la adkeeyo midnimada, wadajirka iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka. Wuxuu sheegay in maalintan ay astaan u tahay halgankii gobannimo-doonka iyo dadaalkii lagu mideeyay ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay ka go’an tahay dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo leh hay’ado dowladeed oo xooggan iyo ciidan qaran oo awood u leh difaaca dalka iyo shacabka, isagoo shacabka ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan ilaalinta midnimada iyo horumarka qaranka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo xalay Muqdisho ka sameeyey arrin cajiib oo lama filaan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Muqdisho kaga qeyb-galay munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo, oo ku beegan 66-guurada ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada qaateen, isla markaana ay la midoobeen gobollada Waqooyi, taas oo dhashay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si kedis ah shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho ugula qeyb galay dabaal-degga munaasabadda qaran ee 1-da Luuliyo, oo ku asteysan markii ay xoroobeen Gobolada Koonfureed ee dalka, isla markaana ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur, isaga oo booqday qeybo ka mid ah caasimadda, sida isgoyska Taleex.

Madaxweynaha ayaa waddooyinka caasimadda bulshada ugala qeyb galay farxadda munaasabaddan qiimaha weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, taas oo xambaarsan xusuusta halgankii dheeraa ee loo soo maray gobannimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo si weyn loo soo agaasimay ayaa markii ay saacaddu isku beddeshay 12:00 habeenimo, waxaa si rasmi ah loo saaray calanka buluugga ah ee Soomaaliya, iyadoo kooxda baandada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay garaacayeen astaanta qaranka.

Hadal kooban oo uu jeediyay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaga hadlay qiimaha 1-da Luulyo iyo 26-ka Juun, oo ah maalmaha xorriyadda Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in xorriyadda lagu gaaray dhiig, naf-hurid iyo halgan dheer, isagoo u mahadceliyay dhallinyaradii iyo siyaasiyiintii kaalinta weyn ka qaatay xornimada guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in midnimada maanta la haysto aysan ku imaan si fudud, taas beddelkeedana looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan dadaalkii iyo juhdigii la soo geliyay helitaanka xorriyadda iyo dhismaha qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay sida Muqdisho ay u soo kabsatay, isagoo xusay in caawa dadweynuhu ay waddooyinka ugu dabaaldegayaan si nabdoon xilli dambe oo habeenimo ah, taas oo uu ku tilmaamay astaan muujinaysa guulaha laga gaaray dhinaca nabadgelyada.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ula hadlay reer Somaliland, isagoo ku ammaanay doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya. Wuxuu caddeeyay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wada-hadal lagu xalliyo tabasho kasta, isagoo sheegay in la beddeli doono xeeladihii hore ee wada-hadallada si loo helo xal lagu wada qanacsan yahay.

Madaxweynaha ayaa mar kale muujiyay rajada fog ee ku aaddan midnimada shanta Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in rajada maanta ka jirta dalka ay tahay mid ay wadaagaan dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa si sharaf iyo maamuus leh u saaray Calanka Jamhuuriyadda, markii ay goor sheegtadu ku beegneyd 12:00 habeenimo, waqtigaasi oo ku beegan 66 sano ka hor isla xilligii Calankeenna la saaray caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo tilmaamay in jiilasha maanta ay mas’uul ka yihiin sii ambaqaadidda himiladii aasaasayaashii qaranka Soomaaliyeed.

Cirro oo si adag ula hadlay Muuse Biixi kadib arrintii uu ka sheegay aqoonsiga Israa’iil

0

Hargeysa (Caasimada Online)  Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex qarxay madaxda hadda talada haysa ee Somaliland iyo madaxweynihii hore ee maamulkaas, kadib aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyo heshiisyada cusub ee labada dhinac dhex maray.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi, kaas oo xukuumadda hadda jirta uga digay inay ku degdegto heshiisyada iyo xiriirka cusub ee ay la yeelaneyso Israa’iil.

Muuse Biixi ayaa toddobaadkii hore soo saaray baaq uu ku sheegay in isbeddellada ka socda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ay u baahan yihiin feejignaan dheeri ah, isaga oo ku boorriyay xukuumadda Cirro inay si taxaddar leh uga fiirsato tallaabo kasta oo ku saabsan heshiisyada iyo aqoonsiga Israa’iil.

Hase yeeshee, Madaxweyne Cirro ayaa hadalkaas uga jawaabay si kulul, isaga oo Muuse Biixi ugu baaqay inuu garab istaago dadaallada lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland.

“Muuse Biixi waxaan leeyahay, aqoonsiga aad kabo la’aanta uga soo oroday, beerta ha ka soo horjeesan,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Hadalka Cirro ayaa loo arkay jawaab toos ah oo ku socota Muuse Biixi, kaas oo xukuumadda hadda jirta uga digay inay ku ilduufto heshiisyada cusub ee Israa’iil, xilli arrintan ay dhalisay dood xooggan oo gudaha Somaliland iyo guud ahaan gobolka ah.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay tahay arrin qaran oo ka sarreysa loollanka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanta xisbiyada, isaga oo ku adkeystay in loo baahan yahay in la mideeyo dadaallada lagu raadinayo aqoonsi caalami ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aqoonsiga Somaliland uu yahay himilo ay shacabka Somaliland muddo dheer u soo halgameen, sidaas darteedna aan loo baahnayn in laga dhigo arrin lagu kala qeybsamo.

Cirro ayaa siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay mideeyaan mowqifkooda ku aaddan qaddiyadda aqoonsiga, isaga oo sheegay in wadajir iyo iskaashi lagu gaari karo waxa uu ugu yeeray danaha qaranka Somaliland.

Dhinaca kale, Muuse Biixi Cabdi ayaa qoraalkiisii hore ku sheegay in colaadaha Bariga Dhexe ay saameyn ku yeesheen Geeska Afrika, islamarkaana ay dhalinayaan isbahaysiyo cusub iyo dalal ku tartamaya ilaalinta danahooda istiraatiijiga ah.

Waxa uu sheegay in duufaannada siyaasadeed ee dunida ka socda ay khasab ka dhigayaan in madaxda Somaliland ay ka fiirsadaan go’aannada waaweyn, si looga fogaado waxa uu ku tilmaamay ilduuf siyaasadeed oo mustaqbalka saameyn kara.

Hadalka labada mas’uul ayaa muujinaya kala qeybsanaan siyaasadeed oo ka dhalatay jihada ay xukuumadda Cirro u qaaday xiriirka Israa’iil iyo arrimaha la xiriira aqoonsiga Somaliland.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay falcelin xooggan oo ka timid qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, culimada iyo qeybaha shacabka, kuwaas oo xukuumadda ku eedeeyay inay dhegaha ka fureysatay baaqyada looga digayo xiriirka cusub ee Israa’iil.

Dalal badan oo Islaam ah iyo kuwo Afrikaan ah ayaa hore uga soo horjeestay xiriirka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil, iyaga oo ka digay in tallaabadaasi ay gobolka u horseedi karto xiisad siyaasadeed iyo mid amni.

Maxkamadda Sare oo diiday qorshihii Trump uu dhalashada ugu diiday carruurta qaarkood

Washington (Caasimada Online) Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diiday isku day uu madaxweyne Donald Trump ku doonayay in lagu xaddido dhalashada ay si toos ah u helaan carruurta ku dhasha dalkaas, xitaa haddii waalidiintood aysan sharci ku joogin Mareykanka ama ay si ku-meel-gaar ah u joogaan.

Go’aanka maxkamadda ayaa dhabar-jab weyn ku ah siyaasadda socdaalka ee Trump, waxaana uu mar kale adkeeyay mabda’a muddo dheer saldhig u ahaa dastuurka Mareykanka: in qof kasta oo ku dhasha dhulka Mareykanka uu muwaadin yahay, marka laga reebo xaalado aad u kooban.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare John Roberts, oo qoray aragtida aqlabiyadda, ayaa sheegay in dhalashada Mareykanka aysan ku xirneyn xaaladda sharci ee waalidka, balse ay ku saleysan tahay meesha uu ilmuhu ku dhashay iyo in uu hoos yimaado sharciga Mareykanka.

“Muwaadinnimadu, xilligaas iyo maanta, waxay ahayd xuquuqda lagu helo xuquuqaha kale — in si xor ah looga qeyb qaato bulshada siyaasadeed,” ayuu qoray Roberts.

Amarkii Trump iyo Qodobka 14-aad

Trump ayaa amarkan saxiixay maalintii ugu horreysay ee uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Janaayo 20, 2025, isaga oo sheegay in carruurta ay dhalaan haweenka aan sharciga ku joogin Mareykanka, ama kuwa ku jooga fiisooyin ku-meel-gaar ah, aysan si toos ah u noqon doonin muwaadiniin Mareykan ah haddii aabbahood uusan ahayn muwaadin ama qof haysta deggenaansho rasmi ah.

Amarkaas ayaa durba la kulmay dacwado ay gudbiyeen waalidiin iyo kooxo xuquuqda madaniga ah u dooda, waxaana maxkamado hoose ay hakiyeen ka hor inta uusan meelna ka dhaqan gelin.

Kiisku wuxuu noqday mid ka mid ah tijaabooyinkii ugu waaweynaa ee lagu eegayay awoodda madaxweynaha ee uu ku beddeli karo arrin muddo dheer loo arkayay mid dastuurku si cad u qeexay.

Go’aanka maxkamadda ayaa si weyn ugu tiirsanaa Qodobka 14-aad ee dastuurka Mareykanka, oo la ansixiyay kaddib Dagaalkii Sokeeye si loo xaqiijiyo xuquuqda dadka madow ee addoonsiga laga xoreeyay.

Qodobkaas ayaa dhigaya in “dhammaan dadka ku dhasha ama lagu jinsiyadeeyo Mareykanka, kana hoos jira awooddiisa sharci, ay yihiin muwaadiniinta Mareykanka.”

Roberts ayaa sheegay in weedha “hoos yimaada awoodda sharci” ay ka dhigan tahay dadka ku nool ama ku sugan dhulka Mareykanka ee sharciga dalkaas qabto, ee aysan ka dhigneyn in la baaro xaaladda sharci ee waalidkooda.

“Ilmo ku dhasha dhulka Mareykanka, kuna hoos jira sharciga Mareykanka, wuxuu noqday muwaadin Mareykan ah,” ayuu qoray.

Maxkamaddu waxay sheegtay in laga reebi karo oo keliya xaalado ciriiri ah, sida carruurta diblomaasiyiinta ajnabiga ah.

Kiiskii Wong Kim Ark

Maxkamaddu waxay sidoo kale tixraacday go’aankii caanka ahaa ee 1898-kii ee United States v. Wong Kim Ark, kaas oo xaqiijiyay in nin ku dhashay San Francisco, waalidiintiisna ay ahaayeen Shiinees, uu yahay muwaadin Mareykan ah.

Go’aankaas ayaa dhacay xilli Mareykanka ay ka jireen sharciyo aad u adag oo lagu beegsanayay muhaajiriinta Shiinaha, balse maxkamaddu waxay markaas caddeysay in ku dhalashada dhulka Mareykanka ay guud ahaan dhaliso muwaadinnimo.

Roberts ayaa sheegay in amarka Trump uu isku dayay in dastuurka lagu daro shuruudo aan ku jirin.

Wuxuu xusay in erayo muhiim u ahaa amarka Trump — sida “hooyo,” “aabbe,” “sharci,” iyo “ku-meel-gaar” — aysan ka muuqan Qodobka 14-aad.

Saddex garsoore oo muxaafid ah — Clarence Thomas, Samuel Alito iyo Neil Gorsuch — ayaa ka soo horjeestay go’aanka.

Thomas ayaa ku eedeeyay aqlabiyadda maxkamadda in ay qaadday tallaabo “aan caadi ahayn” oo ay ku burisay amarka madaxweynaha, isaga oo ku dooday in Qodobka 14-aad asal ahaan loogu talagalay xaqiijinta xuquuqda dadka madow ee addoonsiga laga xoreeyay.

Laakiin aqlabiyadda maxkamadda ayaa sheegtay in taariikhda, qoraalka dastuurka iyo go’aannadii hore ee maxkamaddu ay dhammaantood taageerayaan aragtida ballaaran ee dhalashada ku saleysan dhulka.

Go’aanka ayaa ka dhigan in carruurta ku dhalata Mareykanka ay weli si toos ah u helayaan dhalashada dalkaas, iyadoo aan loo eegin in waalidiintood ay yihiin muhaajiriin sharci-darro ah, dad fiisooyin ku jooga ama kuwo aan lahayn deggenaansho rasmi ah.

Waa guuldarro siyaasadeed iyo sharci oo weyn oo soo gaartay Trump, oo muddo dheer ku doodayay in dhalashada ku dhalashada ay dhiirrigeliso socdaalka sharci-darrada ah iyo waxa loogu yeero “dalxiiska dhalmada”.

Laakiin Maxkamadda Sare ayaa hadda caddeysay in madaxweynuhu uusan amar fulineed ku beddeli karin mabda’ dastuurka Mareykanka ku jiray in ka badan qarni iyo bar.

Xog: Daacish oo qarxisay isgaarsiinta Calmiskaad

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay qarxisay anteeno ay lahayd shirkadda isgaarsiinta Golis, taas oo xiriirin jirtay deegaano dhowr ah oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Anteenada la qarxiyay ayaa ku taallay tuulada Sheebaab, waxaana la sheegay in kooxda Daacish ay u adeegsatay miino. Lama soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxa, balse waxaa burbur xooggan soo gaaray qalabkii isgaarsiinta, iyadoo hawada ay ka baxday isgaarsiintii deegaanada ku dhow halkaasi.

Weerarkan ayaa saameyn toos ah ku yeeshay dadka ku nool deegaanada buuraleyda Calmiskaad, maadaama isgaarsiintu ay muhiim u tahay isku xirnaanta shacabka, ganacsatada, ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha gurmadka ee ka howl-gala dhulkaas adag.

Inta la og yahay, tani waa markii labaad sanadkan gudihiisa oo kooxda Daacish ay hawada ka saarto isgaarsiinta deegaanka Sheebaab, oo ah goob muhiim ah oo isku xirta deegaano badan oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad.

Dhammaadkii bishii Abriil ee sanadkan, kooxda Daacish ayaa sidoo kale dishay shaqaale ka tirsanaa shirkadda Golis iyo xubno ilaalo u ahaa, kadib weerar ka dhacay isla aagga Calmiskaad. Weerarkaas ayaa qeyb ka ahaa cadaadis ay kooxda muddooyinkii dambe ku haysay shaqaalaha shirkadaha bixiya adeegyada muhiimka ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Daacish ay si gaar ah u beegsaneyso isgaarsiinta, si ay u go’doomiso deegaanada ay ku sugan tahay, una adkeyso in xogteeda, dhaq-dhaqaaqeeda iyo fariisimaha ay leedahay si fudud loo gudbiyo.

Calmiskaad oo noqotay xarun Daacish

Buuraleyda Calmiskaad, oo ka tirsan silsiladda buuraha Golis ee gobolka Bari, ayaa muddooyinkii dambe noqotay fariisinka ugu weyn ee Daacish-ta Soomaaliya. Dhulkaas oo ah buuro dhaadheer, godad iyo marinno adag ayaa kooxda u noqday gabbaad ay ku dhuumato, ku tababarto, kuna qorsheyso weerarrada ay ka fuliso Puntland.

Kooxda ayaa halkaas ka dhistay saldhigyo iyo godad difaac ah, iyadoo mararka qaar isku dayda inay maamusho dhaqdhaqaaqa dadka iyo adeegyada muhiimka ah ee deegaanada ku dhow. Beegsiga isgaarsiinta ayaa loo arkaa qeyb ka mid ah xeeladaha ay kooxda ku dooneyso inay ku cabsi-geliso shacabka, kuna carqaladeyso howlgalka ciidamada.

Puntland ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay kordhisay howlgallada ka dhanka ah Daacish, gaar ahaan tan iyo markii kooxda ay isku dayday inay ballaariso saameynteeda buuraha gobolka Bari.

Ciidamada ammaanka Puntland, gaar ahaan PSF iyo PMPF, ayaa howlgallo joogto ah ka wada buuraleyda Calmiskaad, iyaga oo beegsanaya fariisimaha kooxda, godadka ay ku dhuumato iyo waddooyinka ay u adeegsato sahayda iyo dhaq-dhaqaaqa dagaalyahannadeeda.

Howlgalladaas ayaa mararka qaar waxaa taageero dhinaca cirka ah ka siiya Mareykanka, oo duqeymo ku beegsada xubnaha Daacish iyo saldhigyada ay ku leeyihiin buuraha Golis. Washington ayaa Daacish-ta Soomaaliya u aragta farac sii xoogeysanaya oo xiriir la leh shabakadda caalamiga ah ee kooxda.

Weerarka lagu qaaday anteenada Golis ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ay sheegtay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Daacish ilaa laga saarayo fariisimaha ay ku leedahay Calmiskaad.

Si kastaba, qarxinta isgaarsiinta ayaa muujineysa in kooxda ay weli awood u leedahay inay fuliso weerarro waxyeello u geysanaya adeegyada bulshada, xilli cadaadis militari oo xooggan lagu hayo fariisimaheeda waaweyn.

Dadka deegaanka ayaa hadda wajahaya caqabad cusub oo dhanka xiriirka ah, maadaama hawada ay ka baxday adeeg muhiim u ahaa isku xirnaanta deegaanada buuraleyda ah, gaar ahaan xilli amni-darro iyo howlgallo ciidan ay ka socdaan aagga Calmiskaad.

Daawo: Xasan oo weeraray saaxibadiisii ku biiray mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiintii ka baxay garabkiisa ee ku biiray mucaaradka kasoo horjeedo dowladda ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan dad caado ka dhigtay inay mar la saftaan dowladda, marna mucaaradka u wareegaan. Wuxuu sheegay in arrintaasi tahay mid aan habboonayn, isaga oo kula taliyay inay qaataan mowqif cad oo ay ku adkaystaan.

“Kuwa qaarkood ee marna dowladda usoo cararayo marna inta dowladda diidan usii cararaya waxaa la yiri hasha labada geel jecel dhexda ayaa dhurwaa ku cunaa waa macno beelayseen mowqif yeelo,” ayuu yiri Xasan.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Mowqifkaaga caddey kuwa banaanka taagan ee qeylinaya ayaa ka kheyr badan maalin dowladda haa usoo ordin maalinna dhinacaas kale”.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya waxa dib u dhigay ay tahay siyaasadda qofeysan, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo.

“Siyaasadeenna waa qofeysan tahay waxaan rabnaa qofka inaan ka saarno dowladnimada xooggan oo hana qaada oo shaqeyso intaas ayaa naga xigto,” ayuu mar akle yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, waxaa si degdeg ah Madaxweyne Xasan Sheekh ugu soo jawaabay xubnaha mucaaradka oo naqdiyay hadalkiisa. Siyaasiyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa la yaab ku tilmaamay arrinta uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha, wuxuuna xusay in cid kale uu ku dhaliilayo dhaqan uu isagu keenay, sida uu ku dooday.

“Waxaan maanta dhageystay oday Xasan oo dhaliilaya dhaqankii siyaasadeed ee uu isagu ku caan baxay ee ku dhisnaa daacadnimo kiraysan, isagoo isu muujinaya nin u taagan siyaasad mabda’ ku dhisan. Waxaase yaab leh inuu weli cid kale ku dhaliilayo dhaqan siyaasadeed uu isagu oday u yahay oo ah siyaasadda qofaysan.” ayuu ku jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ciidamada Booliska oo soo xiray Hibo Xuseen Wardheere + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa caawa gacanta kusoo dhigay Hibo Xuseen Wardheere oo loo haysto inay baraha bulshada ku faafisay muuqaallo anshax xumo ah.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Hibo ay soo xireen ciidamada Booliska saldhigga degmada Garasbaaley, isla markaana loo haysto muuqaallo anshax darro ah oo liddi ku ah dhaqanka wanaagsan ee Islaamka iyo qiyamnka bulshada.

“Ciidanka Boliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysanad Hibo Xuseen Wardheere, oo ku eedaysan inay barteeda TikTok ku baahisay muuqaallo anshax-xumo ah oo lid ku ah dhaqanka suubban ee Islaamka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Booliska ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay baaris ku socoto Hibo, isla markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Eedaysanada ayaa ku jirta gacanta Boliiska, waxaana ku socota baaris hordhac ah, Marka baarista la soo gabagabeeyo, waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo” ayaa lasii raaciyay.

Dhanka kale, Booliska Caasimadda ayaa wada howlgallo xoogan oo lagu ciribtirayo anshax-xumada iyo falalka ka hor imaanaya Diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay howlgal kale oo lagu soo bandhigay dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay faafiyeen anshax-xumo, iyagoo adeegsanayay aaladaha internet-ka. Afhayeenka booliska, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in dhalinyarada la soo bandhigay ay tiradoodu gaareyso toban ruux, kuwaas oo ku lug leh falal la xiriira anshax-xumo iyo baahinta muuqaallo aan waafaqsanayn diinta iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, sida uu sheegay.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa laba jibaaray dadaalladooda, waxaana lagu bogaadiyay howlgallada ay bilaabeen ee la xiriira la dagaallanka anshax xumada iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Sidee looga fal-celiyay tallaabadii uu maanta qaaday Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan cusub ay ka tarjumeyso dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ay ku casriyeyso hay’adaha dowliga ah, si ay u helaan kaabayaal shaqo oo tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha sii kordhaya ee dalka.

Sidoo kale, wuxuu ku adkeeyay in dowladdu ay si gaar ah xoogga u saareyso qorsheyaal lagu yareynayo ku tiirsanaanta kaalmada dibadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la dhiso dhaqaale gudaha ku tiirsan oo ka dhasha wax-soo-saar, maalgelin iyo adeegyo qaran oo waara.

“Dowladda waxay xoogga saareysa hirgelinta qorsheyaal lagu xaqiijinayo in dalku ka maarmo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, iyadoo mudnaanta la siinayo kobcinta dhaqaalaha gudaha, horumarinta wax soo-saarka iyo dhismaha hay’ado qaran oo isku filnaansho horseeda,” ayui yiri Xasan Sheekh.

Haddaba sidee looga fal-celiyay xarrig jarka xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay talaabada uu qaaday Madaxweynaha, gaar ahaan xarig jarka xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaab casri ah loo dhisay, waxayna ku boggaadiyeen dadaalka ay waddo dowladdiisa.

Cabdishakuur Sahal: “Alla dowladnimada qurux badanaa markii dhanka hormarka laga fiirsho Xasan guul nagu hogaami 2035”.

Maxamed Cali Bootaan: “Aniga oo mucaarad ah wixii fiican waan taageer sanahay”.

Axmed Xuseen: “Waxaa lasoo maray iyadoo 7 wasaaradood iyo ka badan-ba ay hal Dhismo wadadagan yihiin!”.

Saalax Axmed: “Madaxweyne Dalkeenna wuxuu cagta saaray waddada hormarka iyo dowladnimada adiga ayaana ku hogaamiyay”.

Maxamed Deysane: “Dalka horumarkiisa laguma cabbiro dhismayaasha dhaadheer iyo xafiisyada quruxda badan oo keliya, balse waxaa lagu cabbiraa tayada iyo kartida dadka ka shaqeynaya”.

Zakariye Cali Dayib: “Cajaaib — Aad baan u amaanaa waxqabadka xukuumadda DanQaran hambalyo”.

Golaha Mustaqbalka oo war culus kasoo saaray arrinta ay DF ka waddo gudaha Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo galabta warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda Puntland.

Ugu horreyn golaha ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda kowda Luulyo u diray shacabka Soomaaliyeed, waxayna tilmaameen in xuska sanadkan uu kusoo aaday xilli adag oo ay caqabado ay hortaagan yihiin dowladnimada Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka oo eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sheegeen in dowladd dhexe ay ka waddo gudaha deegaannada maamulka Puntland, waxayna xuseen in ciidamada qaranka loo adeegsanayo hurinta colaado iyo loollan siyaasadeed, sida ay ku caddeeeyeen bayaankooda.

“Golaha Mustaqablka wuxuu si adag u cambaaraynayaa in ciidanka iyo haya’daha amniga loo adeegsado hurinta colaado iyo loollan siyaasadeed oo ka dhan ah Dowlad goboleedyada iyo hoGgaamiyeyaasha mucaaradka si loo gaaro dani shaqsi,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale wuxuu in taas kusii daray “Goluhu wuxuu si gaar ah u cambaaraynayaa abaabulka maleeshiyaadka iyo xiisadaha amni ee laga hurinayo Dowlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo uu ka danbeeyo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud”.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka oo ka hadlay xaaladda sii cakiremeysa ee dalka ayaa sidoo kale dalbaday in si degdeg ah loo gaaro heshiis doorasho oo ku dhisan is-afgarad qaran, si looga gudbo xaaladda adag ee kala guurka ah.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale farriin u diray Beesha Caalamka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, IGAD iyo dalalka ay ciidamadooda ka howlgalaan Soomaaliya iyaga oo ugu baaqay in qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortegayo xaaladda sii xumaaneysa ee siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo dalbadeen in saaxibada caalamiga ah ay hubiyaan in taageeradooda dhaqaale iyo amniga ee Soomaaliya in ay xoojiso ku dhaqanka dastuurka, dhex-dhexaadnimada iyo madaxbannaanida hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn wuxuu goluhu hoosta ka xariiqay, haddii aan la qaadin tallaabooyin  wax ku ool ah in dalka uu galayo halis, isla markaana ay fashilmayaan guulihii laga soo hooyay dagaalka lagula jiro argagixisada.

DF oo go’aan cusub kasoo saartay kaarka NIRA, shaacisay in laga billaabo 1-da Luulyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday dhaqangalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA, kaas oo loogu talagalay in lagu xaqiijiyo aqoonsiga muwaadiniinta iyo horumarinta adeegyada ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hay’adda NIRA ayaa si wadajir ah u sheegay in laga bilaabo kowda bisha Luulyo in qof kasta oo codsanaya noocyada kala duwan ee Baasaboorka Soomaaliya laga rabo inuu wato NIRA.

Sidoo kale, labada hay’adood ayaa sidoo kale sheegay in muwaadiniinta u safraya gobollada ay waajib ku tahay inay haystaan kaarka, si loo xaqiijiyo socdaalkooda.

Hoos ka akhriso bayaanka labada hay’adood oo ka kooban 5 qodob:-

Iyadoo laga amba qaadayo dadaalada horumarinta iyo tayeynta baasaboorka Soomaaliya iyo qaraarka Golaha wasiirada ee adeegsida Aqoonsiga Qaranka ee dhammaan adeegyada dowlada iyo kuwa gaarka ah, Waxa Hay’adda socdaal iyo Jinsiyada Soomaaliya (ICA) oo xil saaran bixinta baasaboorka iyo maamulka socdaalka iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) oo masuul ka ah diiwaangelinta dadweynaha iyi bixinta aqoonsiga qaranka ay soo saareyn go’aanada soo socda

  1. Laga bilaabo 1-da bisha Luulyo waxa muwaadin kasta ee xareysanayo nuucyada kala duwan ee baasaboorka Soomaaliya laga doonayaa inbuu heysto Aqoonsiga Qaranka oo ay bixiso NIRA.
  2. Marka la gaaro 1-da bisha Oktoobar, waxa qasab ku ah muwaadin kasta ee ku safraya gudaha dalka in uu heysto Aqoonsiga qaranka, si loogu xaqiijiyo socdaalkiisa. Inta ka horeyso xiligaas, waxa la weydiin doonaa muwaadiniinta ku safreysa gudaha dalka Aqoonsigooda qaranka si ikhtiryaari ah.
  3. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka wax ay ka wadashaqeyn doonaan iyaga oo kaashanayo hay’addaha iyo wasaaradaha kale ee quseyso tayeynta dokumintiyada sharciga ah ee Soomaaliya.
  4. Waxa ay labada hay’adood iska kaashanayaan, ka hortaga dokumintiyada been abuurka ah, ka been abuurista aqoonsiga iyo yareynta wax ka bedelka xogaha qofka ee diiwaangashan.
  5. Hay’addaha ICA iyo NIRA waxa ay ka wadashaqeyn doonaan sare u qaadida wacygi bulshada ee ku aadan dokumintiyada sharciga ah ee dowlada Soomaaliya bixiso

Turkiga oo duqeyn culus ka fuliyay gudaha Soomaaliya + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee dowladda Turkiga ayaa maanta duqeyn culus ka fuliyay qaybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Weerarka oo qorsheysnaa ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Godey ee gobolkaaas, waxaana kooxda lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur,

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntan si gaar ah loogu bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo gabbaad u ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jamhuuriyadda Türkiye, ayaa subaxnimadii maanta duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka fuliyay deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo gabbaad u ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Difaaca ayaa sidoo kale xaqiijisay in weerarkan lagu khaarijiyay ku dhawaad 35 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kalena lagu dhaawacay in ka badan 20 kale oo ku sugnaa goobta la weeraray.

Sidoo kale, waxaa xarunta la duqeeyay ku sugnaa maleeshiyaad iyo gaadiid laga buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo ay wasaaraddu sheegtay in loo diyaariyay fulinta falal argagixisanimo oo lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed.

“Duqeymaha kaddib, goobta la beegsaday waxaa ka dhacay qaraxyo waaweyn oo is xigxigay, kuwaas oo muujinaya inay ahayd meel loo adeegsado kaydinta hubka, walxaha qarxa iyo saanadda cadowga,” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Waxaa kale oo ay Wasaaraddu sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga  in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mahadcelisay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Turkiga.

Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarun wasaaradeed oo casri ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan cusub ay ka tarjumeyso dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ay ku casriyeyso hay’adaha dowliga ah, si ay u helaan kaabayaal shaqo oo tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha sii kordhaya ee dalka.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay si gaar ah xoogga u saareyso qorsheyaal lagu yareynayo ku tiirsanaanta kaalmada dibadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la dhiso dhaqaale gudaha ku tiirsan oo ka dhasha wax-soo-saar, maalgelin iyo adeegyo qaran oo waara.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kobcinta dhaqaalaha gudaha ay saldhig u tahay in Soomaaliya ay gaarto isku filnaansho dhab ah, taas oo uu sheegay in ay fure u tahay xasillooni siyaasadeed, adeeg dowladeed oo xooggan iyo kalsooni shacabka ay ku qabaan hay’adaha dowladda.

“Dowladda waxay xoogga saareysa hirgelinta qorsheyaal lagu xaqiijinayo in dalku ka maarmo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, iyadoo mudnaanta la siinayo kobcinta dhaqaalaha gudaha, horumarinta wax soo-saarka iyo dhismaha hay’ado qaran oo isku filnaansho horseeda,” ayui yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhulka danta guud, isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dhowrista hantida qaranka iyo ka hortagga ku takrifalka dhulalka loogu talagalay adeegyada bulshada iyo horumarka mustaqbalka dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa isla maanta dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, taas oo laf dhabar u noqon doonta qorshaha dowladda ee ilaalinta deegaanka iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.

Mashaariicdan is xig-xiga ayey dowladdu sheegtay inay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu casriyeynayo hay’adaha dowladda, isla markaana lagu xoojinayo adeegyada dowladnimo ee si toos ah u taabanaya nolosha shacabka Soomaaliyeed.