29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo safar dibadeed u baxaya + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu u baxo safar dibadeed, isaga oo kusii jeeda dalka Turkiga oo saaxib la ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa safarkan ku wehlin doono wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Cabdulqadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibada Cali Balcad oo iyana kulamo ka bilaabayo dalkaasi.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in madaxweynaha uu ka qayb-gali doono madasha Antalya Diplomacy Forum 2026 oo dhacaysa inta u dhexeysa 17–19 April, taas oo diiradda lagu saarayo mustaqbalka diblomaasiyadda iyo xasilloonida caalamka.

Madashan ayaa sidoo kale la filayaa inay ka qayb-galaan in ka badan 150 dal, oo ay ku jiraan illaa 20 madaxweyne, 15 hoggaamiye ku-xigeenno ah, iyo in ka badan 50 wasiirro arrimo dibadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaaminayo wafdiga Soomaaliya ee ka qayb-galaya shirkan ayaa lagu wadaa in madasha uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, oo uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha diblumaasiyadeed, amni iyo dhaqaale ee ay ku tallaabsatay dowladdiisa.

Waxaa kale oo qorshuhu yahay in uu soo bandhigo fursadaha ka jira Soomaaliya oo haatan soo saareyso shidaal uu ka caawinayo Turkiga.

Waa shirkii shanaad oo ay yeelanayaan madaxda isugu tageysa magaalada Antalya ee dalka Turkiga, tan iyo markii madasha la aas-aasay sanadkii 2021-kii, waxaana Soomaaliya ay qayb ka tahay dalalka firfircoon ee madashaas.

DF oo go’aan muddo kordhin ah u gudbisay beesha caalamka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan xasaasi ah yeeshay, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay muddo xileedka hay’adaha dowladda.

kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka cadaaladda Xasan Macallin iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, kuwaas oo la shiray safiirro iyo wakiillo ka kala socda safaaradaha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ee ka howlagala dalka.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, guulaha ay Soomaaliya ka gaartay fulinta ajendeyaasha qaran iyo hortabinnada dowlad-dhiska.

Wasiirrada ayaa wakiilada caalamka la wadaagay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu ka harsanyahay hal sano, isla markaana uu dhaqangal yahay dastuurka cusub ee dhawaan la ansixiyay.

Sidoo kale saddexda wasiir ayaa xubnaha beesha caalamka ka dalbaday in ay qayb ka noqdaan geeddi socodka doorashooyinka, iyadoo lagu hormarayo madaxda maamul goboleedyada ee uu dhammaaday muddo xileedkooda.

Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli xasaasi ah, maantana uu ku ekaa muddo xileedka Baarlamaanka,  maadaama ay u dhammaatay 4 sano ee horay loogu dhaariyay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa maanta si wadajir ah fariin ugu diraya beesha caalamka, iyagoo ku wargelinaya in uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii baarlamanka, isla markaana ay jirto baahi loo qabo in cadaadis diblomaasiyadeed la saaro Dowladda Federaalka.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa in dalka uu galo fowdo iyo qalalaase wax u dhimi kara amniga guud ee Qaranka.

Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya ay gashay halis – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad halis ah iyo hubanti la’aan, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii Baarlamaanka dalka.

Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay keentay jahwareerka weli ka jiro doorashooyinka, isaga oo intaas ku daray in dastuurkii dalka lagu tuntay.

“Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. Muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026, sida uu xaddiday Dastuurka Kumeel gaarka ah ee 2012, gaar ahaan farqadaha 1-aad iyo 2aad ee Qodobka 60-aad, iyadoo ay ahayd in doorashada Xildhibaannada cusub la dhammaystiro ka hor dhammaadka muddada Golaha jira” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Sida ku cad Qodobka 69-aad ee Dastuurka, awoodda dastuuriga ah ee Baarlamaanka waxa ay saldhig u tahay jiritaanka iyo sharciyadda hay’adaha dowliga ah, haddaba iyadoo muddo xileedkii Baarlamaanka uu dhammaaday islamarkaana aan weli la soo dhisin Baarlamaan cusub, waxaa muuqata khatar sharci iyo mid dowladnimo oo dalku galay, taas oo horseedi karta jahwareer sharci, isla xisaabtan la’aan iyo ku tagri-fal awoodeed”.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in gabaabsi uu yahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ayna u hartay 31 maalmood oo kaliya, sida uu ku caddeeyay warsaxaafadeedkiisa.

“Waxaa ka harsan muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha, 31 maalmood oo keliya sida uu dhigayo Qodobka 91-aad ee Dastuurka. Marxaladdan xasaasiga ah waxay u baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan, lagu kalsoonaan karo, loogana hortago firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara xasilloonida iyo dowladnimada dalka”. ayuu mar kale yiri Maxamed Farmaajo.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa iyaguna maanta si wadajir ah fariin ugu diraya beesha caalamka, iyagoo ku wargelinaya in uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii baarlamanka, isla markaana ay jirto baahi loo qabo in cadaadis diblomaasiyadeed la saaro Dowladda Federaalka.

Dhamaadka muddada Baarlamanka ayaa imaanaya iyadoo weli uu taagan yahay muran xooggan oo ka dhashay dastuurka cusub ee ay meel-marisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, taas oo ay si adag uga soo horjeesteen mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka.

Soomaaliya oo tallaabo muhiim ah u qaaday Afrika + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah oo ku aadan gobolka, iyada oo si rasmi ah u gudbisay nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, kaasi oo ay Soomaaliya horey u meel marisay.

Kadib xaflad ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayay wasiir Khadiija si rasmi ah nuqulka ugu wareejisay ku xigeenka Madaxa xafiiska Guddoonka Mudane Moussa Mohamed Omar, ayadoo sidoo kaleay goobjoog aheyd Prof. Hajer Gueldich, Agaasimaha arrimaha Sharciga ee Midowga Afrika iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Danjre Warfaa.

Khadiija Al-Makhsuumi oo madasha ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadani ka turjumeyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhaqan gelinta Axdigan ayadoo tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda carruurta.

Sidoo kale waxa ay intaas ku dartay inay ku faraxsan tahay dhammaystirka Axdigan oo muddo dheer soo socday, iyadoo Wasaaraddu caddaysay in Axdigan ay ka reebtey qodobo dood dhaliyay oo aan u wanaagsaneyn carruurta Soomaaliyeed, kuwaas oo ay kamid yhiin  mamnuucidda guurka ka yar 18-jirka iyo da’da qaangaadhka.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu intaasi kusii dartay in go’aankaas uu ku salaysnaa “ilaalinta madaxbannaanida sharciga ee dalka, ixtiraamka Diinta Islaamka, iyo ilaalinta dhaqanka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed”.

Arrintan ayaa ku timid, kadib markii dib-u-eegis qoto-dheer lagu sameeyay qodobada qaar oo halis ku ahaa diinta dhaqanka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba wareejinta Soomaaliya ee nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta ayaa ka marqaati kaceyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay hormarinta iyo ilaalinta Xaquuqda Carruurteeda.

5 deegaan oo Shabaab ku sugnaa oo cagta la mariyay iyo saanad ciidan oo la soo furtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo taageero ka helaya Ciidamada Amniga Jubaland ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Howl-galladan ayaa si gaar ah uga socda deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa ka mid ah goobaha ay ciidamadu cagta mariyeen deegaannada Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.

Intii ay socdeen howl-galladan dhulka ah, waxaa barbar socday duqeymo dhanka cirka ah oo ay taageerayeen saaxiibbada caalamka, kuwaas oo si wax ku ool ah u xoojiyay beegsiga dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaannadaas.

Howlgalka ayaa lagu gaarsiiyay kooxda jab xooggan, iyadoo la dilay 27 dhagarqabe, oo ay ku jiraan xubno muhiim u ahaa Al-Shabaab, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo miinooyin ay argagixisadu damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sii wada howl-gallada lagu baacsanayo Shabaabka, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka ku nool deegaannada Jubbooyinka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubaland, kuwaas oo maalmahan dambe kordhiyay gulufyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Jubbooyinka, si loo xaqiijiyo amniga loogana saaro kooxaha hubeysan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Cabdiraxmaan Cirro oo u quus gooyay Xasan Sheekh, farriin adag u soo diray DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maanta khudbad-sanadeedkiisa dastuuriga ah u jeediyay Baarlamaanka Somaliland ayaa farriin u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in qarannimada Somaliland ay gaartay meel aan dib u noqosho aqbalayn, isagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka inay garawsato arrintaasi.

“Maanta jidka keliya ee u furan Soomaaliya waa in aan noqonno laba dal oo walaalo ah oo jaar-wanaag ka dhexeeyo, taasna diyaar baanu u nahay. Waxa aanu leenahay ku qanca xaqiiqada ah in Somaliland ay noqotay dal madax-bannaan oo la aqoonsaday,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in muddadii aqoonsiga ka dambaysay ay Somaliland martigelisay wafdiyo u badan diblomaasiyiin, madax hay’adeed oo caalami ah iyo kuwo goboleed, iyo maalgashadayaal caalami ah oo tiradoodu aad u badan tahay.

“Arrintaasi waxa ay muujinaysaa inay kor u kacday danaynta ay dunidu u hayso xidhiidhka Somaliland, xasilloonideeda, nidaamkeeda dimuqraaddiga ah iyo kaalinta istaraatiijiyadeed ee ay ku leedahay gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyntiina, Cirro ayaa sheegay in Israa’iil oo noqotay dowladdii ugu horreysay ee ku dhiirrata aqoonsiga Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo. Isagoo xusay in Israa’iil aysan kali ku ahaan doonin aqoonsiga, isla markaana dalal kale ay mustaqbalka dhow aqoonsan doonaan Somaliland.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada uu maamulkaasi ugu jiro raadinta aqoonsi caalami ah, inkastoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga soo horjeedo.

Hoos ka aqriso khudbadda Madaxweynaha:

Yoolka siyaasaddeenna arrimaha dibaddu waa Jamhuuriyadda Somaliland oo hesha aqoonsiga aynu xaqa u leenahay, iyo inaynu dawladaha ka rabno jaalnimo Istaraatiji ah oo ku dhisan dano is dhaafsi.

Siyaasaddeenna arrimaha dibadda waxaa hagaya mabaadii’da nabadda, iskaashiga, iyo xidhiidh xilkasnimo iyo sinnaan ku dhisan oo ay la yeelato dunida.

Sannadkii 2025-kii, dublumaasiyadeennu waxa ay culayska saartay kordhinta galaan-galkeenna caalamiga ah, in aynnu yeelanno saaxiibbo istaraatiiji ah, iyo in aynnu dardargelinno aqoonsi raadinta.

Aqoonsiga ujeedaddiisu ma aha xidhiidh diblumaasiyadeed oo keliya, balse waa waddo loo maro fursado badan oo maanta ay dalkeenna iyo dadkeenuba u baahan yihiin.

Aqoonsiga caalamiga ahi waxa uu soo jiidanayaa maalgashatada, wuxuu fududaynayaa ganacsiga dibadda, wuxuu inoo furayaa hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, wuxuu sii adkaynayaa iskaashiga ammaanka ee aynu dalal badanna la leenahay, waxa aanu inoo furayaa in aynu xubinnimo ka helno ururrada heer gobal iyo heer caalamiba.

Waa fursad Jamhuuriyadda Somaliland u suurtagelinaysa in ay door ku yeelato xasiloonida gobalka, ammaanka badda cas iyo gacanka cadmeed, iyo iskaashiga Geeska Afrika iyo dunidaba.

Maadaama oo ay noo muuqatay muhiimaddaas uu aqoonsigu inoo leeyahay, muddo dheerna dadkeenu la’aantii caqabado badani u haysteen. Wakhti dheeraad ah iyo dadaal badan ayaannu gelinnay aqoonsi raadinta.

Dawaldda Israel waa dawladdii koowaad ee ku dhiiratay go’aan adag oo ay ku aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa aanu aaminsanahay in ay noqon doonto saaxiib la isku hallayn karo. kelina kuma noqonayso ee dalal kale, ayaa mustaqbalka dhaw ina aqoonsan doona.

Waxaa kale oo iyaguna jira, dalal raba inay inala yeeshaan xidhiidh diblumaasiyadeed iyo wada-shaqayn aqoonsi u dhiganta. Guulahaas Jamhuuriyadda Somaliland u soo hoyday cadow badan ayey madowga iyo boholaha ka soo saareen, waxaana meelo badan laga abaabulay dhagaro ka dhan ah qarankeenna iyo ictiraafkeenna.

Labadiinan aqal ee baarlamaanka, hay’adaha kala duwan ee qaranka, bulshada rayidka ah iyo dhammaan muwaadiniinta dalka, waxa aan ka codsanayaa inay si isku mid ah, oo isku duubni iyo kalsooni badani ka muuqato u soo dhoweeyeen guushan iyo kuwa daba socdaba. Dhamaanteen, aynu isu kaashdaanno difaaca qarankeenna.

Dib-u-aqoonsiga taariikhiga ah ee aynu helnay, iyo xidhiidhada diblumaasiga ah ee aynu samaynayba, waxa ay ka turjumayaan in dunidu fahamtay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo in ka badan 60 sannadood been laga sheegayey.

Muddadii aqoonsiga ka dambaysay, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay martigelisay waftiyo u badan diblumaasiyiin, madax hay’adeed oo caalami ah iyo kuwo goboleed iyo maalgashadayaal caalamiya oo tiradoodu aad u badan tahay.

Arrintaasi waxa ay muujinaysaa, inay kor u kacday danaynta ay dunidu u hayso xidhiidhka Somaliland, xasiloonideeda, nidaamkeeda dimuqraaddiga ah iyo kaalinta Istaraatijiyadeed ee ay ku leedahay gobalka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Si loo dhiso xirfadda hawlwadeenadeena diblumaasiyadda, Waxaa la aasaasay Machadka Diblumaasiyadda Somaliland oo tababarro heerkoodu sarreeyo siiyey dufcaddii u horreysay ee diblumaasiyiin ah, si loo diyaariyo jiil cusub oo xirfaddooda diblumaasiyadu dhisantahay, dunidana wakiil inooga noqon kara.

Xidhiidhka dalalka jaarka

Mudane Guddoomiye; Jamhuuriyadda Somaliland mudnaan gaar ah ayey siisaa in xidhiidh wanaagsan ay la yeelato dalalka la jaarka ah. Waxa ay aaminsantahay mabaadii’da jaar-wanaagga, is-ixtiraamka, iyo nabad ku wada noolaanshiyaha, maadaama oo gobalka xasiloonidiisa iyo horumarkiisu ay isku xidhan yihiin.

Waxa ay diyaar u tahay in ay xidhiidhka dalalkaas sii xoojiso, iyada oo xaq-dhowraysa qarannimadooda, xuduudahooda, iyo arrimahooda gudaha, iyagana sidaas oo kale ka filaysa.

Waxa aan u mahadnaqaynaa dalka Itoobiya oo muddo aad u dheer, Jamhuuriyadda Somaliland la lahaa xidhiidh caafimaad qaba oo is-qaddarin ku dhisan. Walaalaheenna gobalka aynnu ku wada dhaqannahayna, intaas iyo ka badan ayeynu ka filaynaa.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay, xidhiidh aan qarannimadeeda waxba u dhimayn oo la iska kaashado danaha la wadaago.

Waxaa ka mid ah nabadda, amniga, fududaynta isu-socodka, xoojinta iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga xuduudaha isaga gudba, dhismaha kaabayaasha, ammaanka badda, ilaalinta deegaanka, iyo guud ahaan xasiloonida gobalka.

Dawladda Xamar-na waxa aan ugu baaqayaa, inay garawsato in qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay gaadhay meel aan dib u noqosho aqbalayn.

Maanta jidka keliya ee u furan Soomaaliya, waa in aanu noqonno laba dal oo walaalo ah oo jaar-wanaag ka dhexeeyo, taasna diyaar baanu u nahay. Waxa aanu leenahay ku qanca xaqiiqada ah, in Somaliland ay noqotay dal madax-bannaan oo la aqoonsaday.

Waxa aan idin xasuusinayaa baydad ka mid ah maansadii Gud-gude, ee Alle ha u naxariisto ee Abwaan Hadraawi.
Wuxuu yidhi,

𝐆𝐚𝐫𝐚𝐰𝐬𝐡𝐢𝐢𝐲𝐨 𝐣𝐞𝐞𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐨, 𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚
𝐉𝐞𝐞𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐚 𝐛𝐚𝐱𝐨 𝐚𝐫𝐥𝐚𝐝𝐚, 𝐠𝐨𝐨𝐝𝐝𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐨𝐝𝐝𝐢
𝐉𝐞𝐞𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐮𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐨, 𝐦𝐞𝐞𝐥𝐨 𝐠𝐞𝐫𝐢𝐲𝐚𝐚𝐝𝐚
𝐆𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚𝐛𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐚, 𝐭𝐚𝐲𝐝𝐮 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐨
𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚𝐛𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐚, 𝐥𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐠𝐚𝐜𝐚𝐧 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐨
𝐆𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐥𝐨𝐰 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐮𝐫𝐫𝐨𝐰, 𝐠𝐚𝐛𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐛𝐞𝐞𝐧𝐞
𝐆𝐨𝐝𝐚𝐝𝐥𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐚𝐲𝐞𝐞 𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚, 𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐧𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲𝐞
𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚 𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐧𝐝𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐠𝐮𝐛𝐢𝐧, 𝐠𝐚𝐚𝐛𝐬𝐢 𝐦𝐚 𝐚𝐪𝐚𝐚𝐧𝐧𝐞.

Mudane Guddoomiye;

In kasta oo 2025kii ay hawlo badani inoo qabsoomeen, haddana weli shaqo ka sii badan ayaa inoo taalla. Waxaa jira caqabado nabadgelyo oo marar kala duwan hadba meel ka dhaca, iyo xaaladda gobalka Bariga dhexe iyo badda cas ee cakiran. Waa caqabado innaga dabraya in sidii la rabay aynnu hore ugu soconno.

Sannadkan 2026, waxa annu xoogga saaraynaa adkaynta dhidibbada uu dhaqaalaheennu ku taagan yahay, taas oo ay ugu horreyso in aanu sii kordhinno dadaalka aynu ku raadinayno ka faa’idaysiga khayraadkeenna dihin sida macdanta, kordhinta wax beerista, Kordhinta maaligelinta xoolaha iyo kalluumeysiga, kordhinta wax dhoofinta, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgelinta adeegga bulshada oo ka mid yihiin caafimaadka, wax barashada , biyaha iyo laydhka.

Mudane Guddoomiye;

Ugu dambeyn, In aynu gaadhno himiladeennu, waxa ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay yeeshaan hay’adaheenna qaranku, iyo in aynu xoojinno isku duubnida dadkeenna iyo kalsoonida ay ku qabaan dawladnimada.

Waxa aan idinka mahadnaqayaa xeerarka aad hore u curiseen ama ansixiseen ee xukuumadihii kala dambeeyey idiin soo gudbiyeen.
Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay diyaarisay siyaasadaha iyo istaraatijiyadaha hagi doona qaybaha kala duwan ee shaqada ay qaranka u hayso.

Sida oo kale-na waxa ay curisay, ama wax-ka-beddel iyo kaabis ku samaysay xeerarka xayndaabka u ah shaqadaas, kuwaas oo qaarkood idin hor yaallaan, kuwa kale-na aanu dhakhso idinku soo gudbin doonno.

Xukuumadda way ka go’antahay dhammaystirka shuruucda iyo dhaqangelinta xeerarka idinka soo baxa, iyo sida oo kale siyaasadaha iyo istaraatjiyadaha ay dejiso.

Waxa aan si gaar ah idinka mahadnaqayaa gudashada waajibaadkiina, iyo iskaashiga iyo ka wada-shaqaynta danta qaranka ee innaga dhaxaysa.

𝐀𝐋𝐋𝐄 𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 – 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐇𝐚 𝐧𝐨𝐨𝐥𝐚𝐚𝐭𝐨, 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐭𝐨.

𝐖𝐚 𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐮 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐲𝐤𝐮𝐦 𝐰𝐚 𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐭𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐰𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐚𝐭𝐮𝐡𝐮.

𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝.

DF oo lagu eedeeyay inay wado duullaan ka dhan ah maamulka…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xirsii Cali (Qarjab) oo eedeymo culus u jeediyay Dowladda Federaalka ayaa sheegay inay waddo waxa uu ku tilmaamay “duullaan siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhan ah Puntland.”

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay si dhow ula socoto xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo amni ee socda, isagoo xusay in maamulkiisu uu qaaday tallaabooyin uu ku difaacayo dhulkiisa iyo nidaamkiisa dowladeed.

Qarjab ayaa hoosta ka xarriiqay in Puntland mar walba u taagneyd xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo iskaashiga heer qaran, balse uu sheegay in rajadii laga qabay Dowladda Federaalka aysan u rumoobin sidii la filayay, isagoo eedda u weyn dusha u saaray Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaan ka sugaynay horumar, amni iyo in nala soo gaarsiiyo xuquuqda magaca Soomaaliya lagu helo, balse midkoodna ma aanan arag,” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in muddo ka badan hal sano iyo bar Puntland ay ku jirtay xaalado adag oo isugu jira dagaal iyo cadaadis siyaasadeed, isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ka gaabisay kaalintii looga baahnaa ee taageerada.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ay jiraan faragelin muuqata oo uu sheegay in lagu wiiqayo nidaamka federaalka, taas oo uu xusay inay si gaar ah u saameyneyso xasilloonida iyo wada shaqeynta dowlad-goboleedyada.

Cabdi Qarjab ayaa sheegay in Puntland ay qaadday jidka isku filnaanshaha, maaddaama sida uu hadalka u dhigay aysan ka helin Dowladda Federaalka taageeradii iyo wada shaqeyntii ay mudnayd.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Puntland ay sii wadi doonto dadaallada ay ku xoojinayso amniga iyo horumarka gudaha, iyada oo aan ku xirnaan doonin taageero dibadeed oo aan la hubin.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kuwaas oo salka ku haya arrimo la xiriira awood-qeybsiga, amniga iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Wafdi sare oo ka socda DF Soomaaliya oo kulamo xasaasi ah ka wada Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Washington DC, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shirarka xilliga gu’ga (Spring Meetings) ee Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ayaa Washington kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika, Mr. Ndiame Diop, iyagoo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya dhaqaalaha dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xaaladaha cakiran ee caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, isbeddellada juqraafiyeed iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Labada dhinac ayaa isku raacay in arrimahan ay si toos ah u saameeyaan dalalka nugul ee ay Soomaaliya ka mid tahay, loona baahan yahay in la xoojiyo iskaashi caalami ah si loo yareeyo saameyntooda.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta dakhliga gudaha, horumarinta maamulka maaliyadda guud iyo kobcinta dhaqaalaha si loo gaaro horumar waara.

Wasiir Biixi ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maalgelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-habaynta hay’adaha maaliyadeed.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee sida dhow ula shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo door muuqda ka qaata hirgelinta mashaariic horumarineed oo gudaha dalka, kuwaas oo qaarkood si habsami leh u socdaan.

BF oo muddo xileedkii ka idlaaday maanta iyo mucaaradka oo qaadaya tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga soo idlaaday muddo-xileedkii afarta sano ee la doortay.

Muddada xil-heynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa iyadna ka harsan ku dhowaad hal bil, taas oo ku egyahay 15-ka May 2026.

Dhamaadka muddada baarlamanka ayaa imanaya iyadoo ay weli taagan tahay muran xooggan oo ka dhashay dastuurka cusub ee ay meel-marisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, taas oo ay si adag uga soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa maanta si wadajir ah fariin ugu diraya beesha caalamka, iyagoo ku wargelinaya in uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii baarlamanka, isla markaana ay jirto baahi loo qabo in cadaadis diblomaasiyadeed la saaro Dowladda Federaalka.

Wararka laga helayo dhinacyada mucaaradka ayaa tilmaamaya in ay doonayaan in beesha caalamka ku qanciyaan in dalka u baahan yahay hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyay, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan ku socon jadwalka doorashooyinka ee la filayay, iyadoo weli diiradda saaraysa qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

Xukuumadda ayaa la sheegay inay dooneyso in haddii ay ku guuleysato qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca maamul-goboleedyadaas, ay tusaale uga dhigto suurta-galnimada hirgelinta doorasho toos ah oo heer federaal ah.

Si kastaba, mucaaradka oo horey ugu ballansanaa shirweyne ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka iyo mustaqbalka doorashooyinka dalka, isla markaana ku goodinayay inay bilaabaan doorashooyin dadban ayaa haatan u muuqda kuwo dardartoodii hoos u dhacday.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in mucaaradka ay weli qorsheynayaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo cusub, oo ay ka mid yihiin abaabulka kacdoonno laga bilaabo magaalada Muqdisho, ka hor inta aysan u wareegin shir ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda.

Puntland oo ku dhowaaqday inay ka tashaneyso Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday inay ka arrinsanayso xaaladda siyaasadeed ee ay ku sugan tahay Soomaaliya, xilli uu khilaaf ka taagan yahay nooca doorasho ee loo jihaysanayo bilaha soo aaddan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), oo la hadlay bulshada degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan waxba u qaban xilligan Puntland, isla markaana ay dibin-daabyo ku waddo, sida uu hadalka u dhigay.

“Xaaladda Soomaaliya meesha ay marayso, horay ayaan uga diyaarsanayn, waana isdifaaci jirnay. Dagaal ayaan galnay. Dwladda Federaalka wax ay na tarto iska daaye, iyadii ayaaba ciidamo nagu dhex beertay oo ka shaqaysay amni-xumida Puntland. Marka meel aan waxba kaaga soo socon, waxaan rabnaa inaan ka tashanno,” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Xiisadda u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Puntland, oo soo jirtay sanado, ayaa hadda sii xoogeysanaysa, iyadoo dhinacyadu is-dhaafsanayaan hadallo kulul oo colaad ka muuqato.

Madaxtooyada Puntland ayaa shalay si adag uga jawaabtay hadal uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ku weeraray qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada ka soo horjeeda Villa Somalia, inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Puntland.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaraha ee ah in ciidanku weerari karaan maamullada ka soo horjeeda qorshahooda aan la aqbali karin.

“Wiilka Xamza ah mas’uuliyad ma saarna, talo faro kuma hayo. Waxa uu ku hadlay waa fal-dambiyeed, duqii keenayna waqtigii ka dhamma,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa faray ciidamada dowladda inay tallaabo ka qaadaan cidda diidan aragtida doorashada ee dowladda federaalka, isagoo sheegay in uu jiro madaxweyne dowlad-goboleed doonaya in uu goosto haddii aan la aadin doorasho dadban.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in taasi ay tahay arrin aan la aqbali karin oo fal-dambiyeed ah, islamarkaana ciidamada laga rabo inay diyaar-garoobaan oo arrintaas ka jawaabaan.

“Nin deegaan Soomaaliyeed ku hanjabaya in uu goosanayo haddii aan doorasho dadban la aadin lama aqbali karo. Ciidanow, diyaar-garooba, idinkaa waajibkiinu yahay in aad ilaalisaan midnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Hadalka Xamza ayaa yimid xilli Madaxweyne Deni uu heegan geliyay ciidamada Puntland, islamarkaana faray saraakiisha inay saacad kasta u diyaar-garoobaan dagaallo uu sheegay in lagu difaacayo dadka reer Puntland.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan awood ciidan ku muujisay Baydhaba, taas oo cabsi gelisay maamul-goboleedyo ay ka mid tahay Puntland.

Halka qodob ee la isku mari waayey wada-hadalladii Iiraan iyo Mareykanka oo la shaaciyey

Islamabad (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa soo jeediyay in Iiraan ay aqbasho hakin muddo 20 sano ah oo lagu sameeyo tayeynta Yuraaniyamta (uranium enrichment), intii ay socdeen wada-hadalladii Sabtida iyo Axadda ka dhacay magaalada Islamabad.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin Mareykan ah iyo ilo xog-ogaal ah, Iiraaniyiinta ayaa dhankooda diiday soo-jeedintaas, iyagoo soo bandhigay in muddadaas laga dhigo waqti aad u gaaban oo ka yar toban sano.

Khilaafka ka dhashay barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan — gaar ahaan in Tehran ay oggolaato in aysan tayeeynin Yuraaniyamta, isla markaana ay wareejiso kaydkeeda hadda jira — ayaa ahaa caqabadda ugu weyn ee hortaagan in heshiis la gaaro.

Dalalka dhexdhexaadinta wada ee Pakistan, Masar iyo Turkiga ayaa hadda isku dayaya inay soo afjaraan kala-fogaanshaha u dhexeeya labada dhinac, si heshiis loo gaaro ka hor inta aysan dhammaan xabbad-joojinta 21-ka bishan Abriil.

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu go’doomin saaray Iiraan, taas oo qayb ka ah cadaadis uu doonayo inuu ku kordhiyo awooddiisa gorgortanka wada-hadallada.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay inuu weli socdo is-dhaafsiga xiriirka labada dhinac, ayna jirto horumar laga sameynayo isku-dayga lagu doonayo in heshiis lagu gaaro. Madaxweyne Trump, oo Isniintii saxafiyiinta kula hadlayay Aqalka Cad, ayaa xaqiijiyay in maamulkiisa ay saaka la soo xiriireen “dadka saxda ah ee Iiraan… ayna doonayaan inay heshiis galaan.”

Dalabka Mareykanka ee ah in la hakiyo barnaamijka tayeynta Yuraaniyamta ayaa ahaa qodobkii ugu xasaasisanaa ee wada-hadalladii adkaa ee dhammaadkii toddobaadka. Ilo wareedyo ayaa sheegay in Mareykanku uu soo jeediyay ugu yaraan 20 sano oo hakin ah, taas oo ay wehliyaan xayiraado kale oo dhinacyo badan ah.

Washington ayaa sidoo kale dalbatay in Iiraan ay dalkeeda ka saarto dhammaan Yuraaniyamta sida aadka ah loo tayeeyay. Si kastaba ha ahaatee, Iiraaniyiinta ayaa soo jeediyay in beddelka in dalka laga saaro, ay diyaar u yihiin in ay hoos u dhigaan awoodda maadadaas, iyadoo ay arrintaas kor joogteynayaan hay’ado caalami ah.

In kasta oo aan weli la gaarin heshiis rasmi ah, wafdiga Iiraan ayaa rumeysnaa inay qarka u saaran yihiin heshiis hordhac ah subaxnimadii Axadda, balse waxaa si lama filaan ah uga yaabiyey shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaan bixin wax rajo ah oo muujinaysa in heshiis la dhow yahay, wuxuuna eedda dusha u saaray Iiraaniyiinta, isagoo ku dhawaaqay in wafdiga Mareykanku uu isaga baxayo Islamabad. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Iiraaniyiintu ay aad uga careysnaayeen shirkaas jaraa’id.

Xildhibaan Seyid Maxamuud Nabavian, oo ka tirsan baarlamaanka Iiraan, kana mid ahaa wafdiga wada-xaajoodka, ayaa Isniintii xaqiijiyay in labada dalab ee Mareykanka ee ku saabsan arrinta nukliyeerka ay sabab u ahaayeen burburka wada-hadallada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Vance uu khadka taleefanka ugu xaqiijiyay isagoo ku sii socda Washington, in caqabadda ugu weyn ay tahay sidii Iiraan looga saari lahaa dhammaan maadada la tayeeyay, lana xaqiijiyo in aysan jirin wax tayeyn ah “sanadaha soo socda, taas oo qaadan karta tobanaan sano.”

Aqalka Cad ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiyo la xiriira inuu faahfaahin ka bixiyo arrintan.

Ra’iisul Wasaaraha Bakistaan Shehbaz Sharif ayaa Isniintii sheegay in dhex-dhexaadiyayaashu ay si adag uga shaqeynayaan sidii loo furdaamin lahaa khilaafaadka weli u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, oo door muhiim ah ka ciyaaraya dadaalladan, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan booqdo Washington, halkaas oo uu kula kulmi doono Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo mas’uuliyiin kale.

Dowladda Turkiga ayaa iyaduna safka hore kaga jirta isku-dayga la isugu soo dhaweynayo labada dhinac, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan iyo madaxa sirdoonka Ibrahim Kalin ay qayb ka yihiin wada-hadallada.

Fidan oo la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa yiri: “Mowqifyada bilowga ah inta badan waa kuwo adag oo xad-dhaaf ah. Laakiin markii dambe, dhinacyadu waxay isku dayaan inay helaan meel dhexe iyagoo gacan ka helaya dhex-dhexaadiyayaasha. Ilaa iyo inta ay ka leeyihiin ujeeddo ah inay gaaraan, ilaaliyaan, oo ay si joogto ah u hirgeliyaan xabbad-joojin. Waxa aan arko ayaa ah in labada dhinacba ay si daacad ah u doonayaan xabbad-joojinta.”

Wasiir Fidan ayaa rajo ka muujiyay in Iiraaniyiintu ay dib u eegi doonaan soo-jeedinta Mareykanka, ayna maalmaha soo socda bixin doonaan jawaabtooda. Wuxuu soo jeediyay in la tixgeliyo in xabbad-joojinta lagu kordhiyo 45 ilaa 60 maalmood, si fursad loo siiyo in wada-xaajoodyadu ay sii socdaan.

Ugu dambeyntii, Fidan ayaa ka digay in haddii arrinta nukliyeerka, gaar ahaan tayeynta, laga dhigo shuruud adag oo ah “in dhammaan la aqbalo ama la diido,” ay dhalin karto caqabad aad u weyn. Wuxuu ballan-qaaday in dhex-dhexaadiyayaasha iyo dalalka kale ay isku dayi doonaan sidii caqabadaas looga gudbi lahaa.

Ehellada ajaaniib ku xiran Soomaaliya oo baaq soo saaray

Rabat (Caasimada Online) – Lix muwaadin oo u dhashay dalka Marooko ayaa weli ku xiran gudaha Soomaaliya, in ka badan laba sano kadib markii la xiray, iyo bilo kadib markii lagu waayay eedeymo la xiriira argagixisanimo. Eheladooda iyo u-doodayaasha xuquuqda aadanaha ayaa hadda ugu baaqaya mas’uuliyiinta Marooko inay xaqiijiyaan sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa.

Kiiskan ayaa diiradda lagu saaray Isniintii shir jaraa’id oo ay qabatay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Marooko (AMDH), taas oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda sharci iyo tan bani’aadanimo ee ragan. Sida ay sheegtay hay’addu, maxaabiistan ayaa dhowaan bilaabay cunto-ka-soomid (hunger strike), taas oo sii kordhinaysa cabsida laga qabo caafimaadkooda iyo badbaadadooda.

“Xaaladdooda sharci waa mid cad. Cidna dhib lama laha, waana mas’uuliyadda saaran dowladda Marooko inay dalkooda dib ugu soo celiso,” ayay tiri Khadiija Riyaadi oo u hadashay hay’adda xuquuqda aadanaha.

Lixdan nin ayaa horraantii sanadkii 2024-kii lagu xiray buuraha Cal-Miskaat ee dowlad-goboleedka Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya, kadib markii halkaas lagu geeyay shaqooyin been abuur ah. Mas’uuliyiinta ayaa markii hore uga shakiyay inay isku dayayeen inay ku biiraan kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala deegaankaas.

Bishii Maarso ee sanadkii 2024, maxkamad milateri oo ku taalla magaalada Boosaaso ayaa ragan ku xukuntay dil toogasho ah. Xukunnadaas ayaa markii dambe la laalay, ragaasna maxkamadda ayaa bari yeeshay. Maxkamadda ayaa intaas kadib bixisay amar ah in dalka looga musafuriyo muddo 18 bilood gudahood ah, balse muddadaas ayaa dhammaatay iyadoo aan wax dib-u-celin ah la sameyn.

U-doodayaasha xuquuqda ayaa sheegaya in dhammaan habraacyadii lagama maarmaanka u ahaa soo-celintooda durba la dhammaystiray. Saraakiil ka tirsan Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa la soo weriyay inay xiriir la sameeyeen maxaabiista, ayna fududeeyeen tallaabooyinka maamul ee loo baahnaa.

“Mas’uuliyiinta Marooko ayaa hadda looga fadhiyaa inay bixiyaan waraaqaha safarka iyo oggolaanshaha si dalkooda loogu celiyo,” ayuu yiri Cabdullaahi Binu Cabdisalaam, isagoo raaciyay in aysan jirin wax carqalad sharci ah oo ka hortaagan soo-celintooda.

Hay’adda AMDH ayaa sheegtay inay la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marooko iyo Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha si ay ugala hadasho kiiskan, balse aysan wax jawaab ah ka helin wasaaradda. Guddiga ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu walaaca hay’adda u gudbiyay dowladda.

Qoysaska maxaabiista ayaa ku adkeysanaya in ragan aysan horay xiriir ula lahayn kooxaha xagjirka ah, ayna si madax-bannaan dalka dibaddiisa ugu safreen iyagoo shaqo raadinaya.

Mid ka mid ah aabbayaasha ayaa sheegay in maxaabiistu aysan is-aqoonin kahor inta aan la xirin, halka ehel kale ay walaalkeed ku sifeysay inuu ahaa xirfadle farsamoyaqaan ah oo aan lahayn taariikh hawlo siyaasadeed ama mid maleeshiyo.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa horay dib-u-dhacan ugu aaneeyay wada-shaqeyn la’aan ka timid dhanka Marooko. Sida uu sheegay qareen Soomaali ah oo matalaya mid ka mid ah maxaabiista, dowladda Marooko ma aysan soo gudbin codsi rasmi ah oo ku aaddan in dadkeeda loo soo celiyo.

Iyadoo geeddi-socodkii sharciga ahaa uu soo dhammaaday, xukun bari yeel ahna uu jiro, hay’adaha xuquuqda ayaa aaminsan in mas’uuliyaddu ay hadda si buuxda u saaran tahay xukuumadda Rabat si ay u fududeyso soo-celinta muwaadiniinteeda.

Puntland oo heshiis $50 milyan kor u dhaafaya la gashay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee maamulka Puntland iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis ku kacaya lacag dhan $51 milyan, kaas oo socon doona muddada u dhaxaysa sanadaha 2026 ilaa 2027.

Heshiiskan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah nolosha bulshada Puntland, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo adeegyada caafimaadka, waxbarashada, nafaqada, biyaha nadiifka ah iyo fayadhowrka, iyo sidoo kale ilaalinta iyo badbaadada carruurta.

Barnaamijyadan ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo tayada nolosha bulshada, gaar ahaan dadka nugul iyo carruurta ku nool deegaannada kala duwan ee maamulka Puntland.

Sidoo kale, heshiiska waxaa ka mid ah xoojinta siyaasadaha bulshada, kobcinta awoodda hay’adaha dowladda, iyo hagaajinta nidaamyada isku-dubaridka, kormeerka, qiimeynta iyo dabagalka barnaamijyada ay UNICEF ka fulin doonto gudaha Puntland.

Tani waxay qayb ka noqonaysaa dadaallada lagu hubinayo in mashaariicda horumarineed ay noqdaan kuwo wax ku ool ah, isla markaana si hufan loo maamulo.

Dhinaca Puntland, heshiiska waxaa saxiixay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax), halka dhanka hay’adda UNICEF ay saxiixday madaxa xafiiska Puntland, Edith Kabui.

Labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqaynta iyo dardar-gelinta horumarinta bulshada.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa tilmaamay in heshiiskan uu si toos ah ula jaanqaadayo qorshaha horumarinta shanta sano ee soo socota ee Puntland, gaar ahaan tiirka afaraad ee qorshahaas oo diiradda saaraya horumarinta awoodda bulshada iyo tan aadanaha. Qorshahan ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay kobcinta adeegyada bulshada iyo xoojinta awoodda dadka.

Intaa waxaa dheer, barnaamijyada lagu fulin doono heshiiskan ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan dhimista saboolnimada, hagaajinta helitaanka adeegyada aasaasiga ah, iyo yareynta nuglaanta bulshooyinka ku nool deegaannada fog-fog ee Puntland.

Sidoo kale, waxaa la rajeynayaa in heshiiskan uu abuuro fursado cusub oo kor loogu qaado horumarka bulshada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Si kastaba, heshiiskan ayaa ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha caalamiga ah iyo dowlad-goboleedka Puntland, si loo gaaro horumar waara oo saameyn togan ku yeesha bulshada, isla markaana lagu taageero qorshayaasha horumarineed ee maamulka.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay magacaabista Nuur Maxamuud Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista danjire, xilkaas oo loo magacaabay Nuur Maxamuud Sheekh kadib soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Danjire Nuur ayaa horey xilal sar-sare uga soo qabtay Urur-goboleedka IGAD, isla markaana ah diblumaasi xirfad sare u leh xiriirka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay ansixinta golaha kadib ayaa sheegay in kaadirka aqoonta durugsan u leh dublumaasiyadda uu xoojinayo siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjire Nuur Maxamuud Sheekh u rajeeyay guul iyo xil-gudasho hufan.

Kulankii maanta ee Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Xuseen Khaasim Yuusuf ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kadib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS.

Xuseen ayaa beddelaya Mustafa Dhuxulow, oo ahaa agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Soomaali sitay dahab ku kacaya malaayiin dollar oo lagu xiray dalka…

0

Mumbai (Caasimada Online) – Booliiska Hindiya ayaa magaalada Mumbai ku xiray 26 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo 23 kamid ah ay dumar yihiin kaddib markii lagu qabtay dahab miisaankiisu dhan yahay 29.4 kiilo garaam.

Dahabkan ayaa lagu qiyaasay qiimo dhan $4.2 milyan oo doollar, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan laamaha amniga Hindiya.

Dadka la qabtay ayaa la xiray kaddib markii ay dhaafeen xadka xadidan ee dahabka loo ogol yahay in si sharci ah lagu soo geliyo gudaha Hindiya. Dowladda Hindiya ayaa sidoo kale la wareegtay dhammaan dukumiintiyadii safarka, dahabkii ay wateen iyo hantidii kale ee ay lahaayeen, iyadoo kiiskan loo arko mid la xiriira tahriibka macdanta qaaliga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sii deynta dadkaas ay ku xirnaan doonto bixinta lacag dhan $46,000, taas oo lagu sheegay ganaax ama kharash la xiriira habraaca sharciga.

Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay in baaritaanno dheeraad ah lagu hayo dadka la xiray, si loo ogaado halka uu dahabkan ka yimid iyo ciddii abaabushay. Waxaana la sheegay in arrintan loo arko mid qayb ka ah isku dayo sii kordhaya oo la xiriira tahriibinta dahabka iyo alaabooyinka qaaliga ah ee dalkaas la soo geliyo.

Qiimaha dahabka ee dalka Hindiya ayaa ka sarreeya kan dalalka qaar ee gobolka, sida Kenya oo ay dadka la xiray ka soo safreen. Tani ayaa keentay in kooxo kala duwan ay isku dayaan in ay dahab si sharci-darro ah ugu soo geliyaan dalkaas, iyagoo doonaya faa’iido dhaqaale oo weyn.

Xukuumadda New Delhi ayaa horey u adkeysay kontaroolada garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha dalka, si looga hortago tahriibinta dahabka iyo alaabooyinka kale ee qaaliga ah.

Ciidamada ammaanka ayaa si gaar ah u baaraya rakaabka ka imanaya dalal loo arko in laga keeno dahab aan la canshuurin.

Kiiskan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Hindiya ay xoojisay la-dagaallanka tahriibka iyo lacagaha sharci-darrada ah, iyadoo tallaabooyin adag ka qaadaysa dadka lagu helo falalka noocan ah, si loo ilaaliyo dhaqaalaha iyo nidaamka ganacsi ee dalka.

Maxaa ka socdo aagga degmada Jilib ee xarunta u ah Al-Shabaab?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka wada deegaanno hoos yimaada degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa beegsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo halkaas ka waday abaabul iyo falal amni-darro ah oo ka dhan ah shacabka iyo ciidamada dowladda.

Howlgalka oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa waxaa wehliyay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo si gaar ah uga dhacay agagaarka degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, iyadoo la bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in duqeymahaasi ay door weyn ka qaateen jabinta awoodda kooxda, isla markaana ay sahleen in ciidamada dhulka ay si fudud u gaaraan fariisimaha ay bartilmaameedsanayeen, iyagoo aan la kulmin iska caabin culus.

Inta la xaqiijiyay, howlgalka ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tiradooda. Waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay hub kala duwan iyo miinooyin ay wateen, kuwaas oo isugu jira qoryaha darandooriga u dhaca iyo kuwa fudud sida BKM, RPG iyo AK-47.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay goobihii ay kooxdaasi u adeegsan jirtay kaydinta hubka iyo isku dubaridka weerarrada, taas oo la sheegay inay qeyb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee gobolka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku saabsan howlgaladan iyo khasaaraha la sheegay in la gaarsiiyay, iyadoo inta badan kooxdaasi ay ka aamusto weerarrada noocan oo kale ah ama ay si ka duwan u fasirto.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo maalmahan dambe kordhiyay gulufyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, si loo xaqiijiyo amniga loogana saaro kooxaha hubeysan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Mustaf Dhuxulow oo xilka laga qaaday iyo agaasime cusub oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Xuseen Khaasim Yuusuf ayaa loo magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kadib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS.

Xuseen ayaa beddelaya Mustafa Dhuxulow, oo ahaa Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasime Dhuxulow waxaa xilkan loo magacaabay 12-kii December 2024. Kahor intaan la magacaabin, wuxuu ahaa mucaarad kasoo horjeeday hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, balse xilkan oo loo arkayay mid lagu aamusiiyay ayaa ugu dambeyn laga qaaday.

Dhanka kale, kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka iyo howl-gallada ay ciidamada qalabka sida ku ciribtirayaan kooxaha Khawaarijta ah, iyo sidoo kale arrimaha deegaanka iyo dhir-beerista.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa darajada safiirnimo u dalacsiiyey Nuur Maxamuud Sheekh, kadib soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxaa ka jira in xilka laga qaadayo guddoomiye Muungaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta Gobolka Banaadir Xuseen Cabdulle Maxamed oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa beeniyay wararka sheegaya in xilka laga qaadayo Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, kadib markii wararkaas si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Xuseen Cabdulle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xogaha la baahiyay, wxuuna sheegay in ay ka dambeeyaan dad ka xun horumarka uu sameeyay Muungaab.

“In ay habaaraan mooyee xal kale waa waayeen. Hal sano waxay maalin walba soo qorayaan “Muungaab xilka laga qaadi rabaa” waana daaleen”. ayuu yiri agaasimuhu.

Sidoo kale, waxa uu intaas ku daray in guddoomiyuhu sii wadi doono shaqada loo igmaday uuna joogayo, illaa laga gaarayo doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Muungaab meel uma socdo shaqadiisa ayuu wataa ee iska suga inta doorasho laga gaarayo kadibna tartanka soo gala insha Allaah”. ayuu sii raaciyay.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo hadal hayn xooggan ay ka dhalatay kulan la filayo in saacadaha soo socda ay yeeshaan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, iyada oo lasoo warinayo inay dhici doonaan isbeddallo waa wayn.

Wixii soo kordho kala soco; caasimada.net

Taliye lagu weeraray gurigiisa oo gaystay fal argagax leh

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar bambaano lagu qaaday guri uu daganyahay taliyaha xasilinta xaafadda Buundaweyn, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray xubno kamid ah qoyska.

Weerarkana ayaa waxaa ku dhaawacmay xaaska taliyaha, wiil uu dhalay iyo qof kale oo ku sugnaa guriga xilliga uu dhacayay weerarka hubeysan.

Intaas kadib waxaa tallaabo kale qaaday taliyaha hoygiisa la weeraray, waxaana isaga oo careysan uu tegay guri ku yaalla isla xaafadda oo uu kala soo baxay laba gabdhood oo walaalo ah, oo uu dhalay nin la sheegay in xiriir uu la leeyahay, kuna maqanyahay dhanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo kadib kula dhaqaaqay fal naxdin leh oo ay aad uga argagaxeen dadka deegaanka.

Taliyaha ayaa lasoo wariyay inuu dilay mid kamid ah labada gabdhood, tan kalena laga badbaadiyay, kadib gurmad ay u fidiyeen shacabka xaafadda Buundaweyn oo ka hortegay in la dilo ama la waxyeeleeyo gabadha kale.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Beledweyne oo ku aadan dhacdadaas oo hadal hayn ka abuurtay baraha bulshada ee Internet-ka.

Beledweyne ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo isugu jiro falal ammaan darri, waxaana badanaa weerarro ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Lacagta shilin Soomaaliga oo laga diiday qaybo kamid ah Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacstada qaar ee magaalada Muqdisho ayaa maanta joojiyay isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga, taas oo saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah ee inta badan ku adeegta kunka shilin.

Sida ogaatay Caasimada Online, kunka shilin oo ah lacagta kaliya ee kasoo hartay lacagihii uu dalku lahaa ayaa haatan laga diiday qaybo kamid ah caasimada, gaar ahaan suuqyada, iyadoo sababta lagu sheegay inay duugowday.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in saaka degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir laga diiday shilin Soomaaliga, isla markaana ay ku adeeganayaan dollar ama lacagaha lagu qaato taleefanada.

Sababta ay ganacsatada u diideen ayaa waxaa loo maleynayaa inay la xiriirto jeex-jeexa lacagaha shilin Soomaaliga oo muddo dheer aan dib loo soo cusbooneysiin, kadib markii ay ka gaabisay dowladda dhexe.

“Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa waxaa saaka laga diiday lacagtii kaashka ahayd ee kunka shiling oo Soomaali isticmaaleysay ayaantan lacagta waa ku shaqeysaneynay hadda wixii waa la diiday. Lacagta horta waa tacbaan iyada dhan ayaa jeex-jeexan, hase’ahaatee waxaan u arkaa in la suuli rabo oo meesha laga saarayo kunka” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku dartay in arrintan ay saameysay dadweynaha raaca gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, maadaama iyagana qaarkood ay diideen in lagu raaco lacagta shilinka Soomaaliga ah.

“Aniga degmada aan ku suganahay saaka waa laga diiday, gaadiidkana waa lamid warkaas waa isoo gaaray” ayuu sii raaciyay.

Horay ayaa kunka shilin waxaa looga diiday gobollada dhexe, iyada oo inta badan dadka ay isticmaalaan lacagaha lagu shubto taleefannada ama dollar.