26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

CC SHAKUUR oo dalbaday in warbixin loogu gudbiyo hay’ada FBI-da Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageerayaashiisa Mareykanka ku nool ka codsaday inay hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da u gudbiyaan warbixin ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoygiisa 17-kii December 2017.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan uga faa’iideystay jawaab uu ka bixiyey qoraal ay FBI-da soo dhigaty barteeda twitter-ka, 10-kii bishan December.

Qoraalka FBI-da ayaa u dhignaa sidan: FBI-da waxay raadineysaa qof kasta oo ku nool Mareykanka oo wax ka og xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo dalka dibeddiisa ka dhacay. Haddii aad hayso wax akhbaar ah oo ku saabsan dad gaystay xasuuq, dambiyo dagaal iyo ama dil-wadareed, fadlan noo soo gudbi adiga oo la xiriiraya xafiiska FBI-da ama safaarad ama qunsuliyad Mareykan ah.

Markaas kadib ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu dib qoraalkaas usoo dhigay bartiisa twitter, isaga oo raaciyey codsi u dhignaa sidan: Kuwa jooga Mareykanka, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Wadajir, fadlan u dhaqaaqi arrintan oo ka warbixiya weerarkii 17-ka December.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma sheegin cid uu doonayo in si gaar ah warbixintooda loogu gudbiyo FBI-da, hase yeeshee xubno badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa haysta dhalashada Mareykanka, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dal ma lagu hoggaamiyaa sidaas? Farriinta uu diray kulankii Kheyre iyo Mursal

Habeenkii Isniinta waxaa uu kulan sulux u muuqday dhexmaray Ra’iiusl Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan.

Ma xuma in la wada fariisto, la wada hadlo oo laga heshiiyo khilaafka ka jira, balse sidii uu kulanka u dhacay ma ahayn mid dareen qurxoon bixiyey haddii xataa la is afgartay oo la wada qoslay.

Waa sax, waxaa la isku afgartay sida warbaahinta loo sheegay iyo bulshada in laamaha kala madaxa bannaan is ixriraamaan oo mid walba loo daayo shaqadeeda, laakiin far baa ii taagan!

Kulanka halkee ayuuka dhacay?

Labada hoggaamiye waxa ay ku kulmeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo mid walba waxa uu u soo galay safar halkaas.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii uu Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka cabanaya in gurigiisa ku yaal Madaxtooyada lagu cuna qabateeyey taas oo dhalisay in uu u digo rogto Hotel Shabeel oo agagaarka Madaarka Aadan Cadde jidkiisa ku yaal.

Farriinta uu diray?

Waxaa laga fahmi karaa ama ay tahay in labada hoggaamiye ay isku waafaqeen in midna kan kale u tagin oo la’isugu yimaado meel dhex dhexaad ah!

Taas, waa qab iyo isla weyni labada dhinac ah maadama labadii mas’uul ee dalka ugu sarreeyey sidaas u ficil tamayaan, ka warrama kuwa kale?

Waxaa Iyana is weydiin mudan, dal malagu hoggaain karaa qab, isla weyni iyo caqliyad noocaas ah?

Dhinaca kale, wali ma cadda in Gudoomiye Mursal dib ugu laabtay gurigiisii iyo goorta dib hawlihii baarlamaanka dib u bilaaban doonaan.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xubnaha boqortooyda ee Saudi Arabia oo xaalad argagax leh wajahaya

Riyadh (Caasimada Online) – Qoyska boqortooyada ee Sucuudi Careebiya waxa ay ku sugan yihiin xaalad “Argagax” oo uu ku hayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidaas warisay Jariiradda Sunday Times ee London.

Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga wacay qasriga boqortooyada ee Riyaad.

Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa  jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaaliyada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amii Salmaan kaddiba xiray oo aan mar dambe warkiisa la maqal.

Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihiis sidoo kale la xiray lama maalin dhacdadaas kaddib sida ay BBC-iyaduna xigatay.

Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay.

Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawikiisa bannaanka.

Khashoggi lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

5 arrin oo muujinaya tawfiiq la’aanta Soomaali haysata

Shirarkeena Soomaaliyeed ee xal doonka ah waxaa laga fogeeyo doodaha xal ka raadinta Islaamka iyo nadariyaatkiisa waayo waddadaasi waxay dadka u dhoweyneyso raali ahaanshaha Ilaahey oo horseedeysa tawfiiqda Alle.

1. Raadinta Midnimada Soomaaliyeed oo la siyeeseeyey.  Midnimada Soomaaliyeed ma ahan dalab shacab oo keliya ee waa dalab Ilaahi oo amar Ilaahey xagiisa ka yimid ah sida ku xusan suuradda Al-cimraan:

وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا ۚ وَاذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُم بِنِعْمَتِهِ إِخْوَانًا وَكُنتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِّنَ النَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنْهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ (103)

2. Reer Galbeed iyo dariskeena ma rabaan inay Soomaali Islaam ku heshiiso oo mabaad’idiisa iyo nadariyaatkiisa la laga dhex raadiyo qaabka dib u heshiisiinta ee keeni karta cadaalad Islaam ee Ilaahey ka raali yahay.

Taa bedelkeeda waxaa naloo keenay 4.5 formula (abuurtay dib u dhac iyo khilaaf joogto ah) oo khilaafsan sharaacada Islaamka oo sal dhig u ah dastuurka Soomaaliyeed ee qabyada iyo ku meel gaarka ah.   Tusaale ahaan: Taariikh ahaan qabiilada walaalaha ee Aws iyo Khazraj ee carbeed waxay dagaalamayeen 100 sano ka badan haddana Islaamka mabaadi’diisa iyo nadariyaatkiisa ayey ku heshiiyeen.  Taasi waxay u horseeday nabad iyo horumar abid ah.

Waa maxay tawfiiq la’aan? Qofka markay tawfiiq la’aan heysato waxaa lagu gartaa wuxuu xalka ka raadiyaa hawadiisa wuxuuna ka cararaa diinta Islaamka in xal laga heli karo,  wuuna ka leex leexdaa 168 aayadood ee Quraanka oo ka wada hadlayo qaabka dib u heshiisiinta ee shacab Muslim ah inuu raaco ay tahay.  Sidaa darteeda Soomaali dulmi, dagaal iyo dib u dhac kama dhamaanayaan ilaa ay xalka ka raadiyaan diinta Islaamka ee dhameystiran.  Saydul Fawa’id onlie waxaa lagu qeexay tawfiiq macnaheeda: ” التوفيق معناه: أن يهيئ له أسباب ما يرضيه سبحانه وتعالى، وما يوافق ما أراده من عبده، وهذا التوفيق أن يكون هوى الإنسان تبعاً لما طُلب منه شرعاً، فإذا كان الإنسان لا يرغب فيما حرم الله عليه ويرغب فيما أوجب عليه فهو موفق
” Tawfiiqda micnaheeda waa in insaanka wuxuu rabo la waafajiyo Ilaahey wuxuu rabo ee ku xusan Quraanka iyo Sunnada Nabiga NNK.”

3.  Cabsida laga qabo in xalka Islaam laga raadiyo yaa abuuray?

A. Aqoon yahanka Soomaaliga oo ku kalsooneyn dhameystirnaanta nidaamka Islaamka ama inaysan aqoon fiican u laheyn diintiisa Islaamka oo ah qaab nololeed dhameystiran.

B. Reer Galbeedka iyo dhaqaalaha ay shirarkeena Soomaalida ku bixiyaan ayaan ogoleyn in nidaamka Islaamka xal laga dhex raadiyo.  Waayo wax is tusiyeen in xalka nidaamka Islaamka uu badalayo qaab nololeedkooda.

C. Islaamiyiinta oo gaabiyey inay si sahlan u soo bandhigaan in Islaamka uu yahay qaab nololeed dhameystiran oo awoodi kara inuu xaliyo mashaakilaadka Soomaali weyn haysta.

4. Shisheeye Raac ama nidaamka Tabciyada loo yaqaan.  Isku kalsooni daro ayaa na heysata kuma kalsooni nidaamka dhameystiran ee Ilaahiga ee aan heysano ee ku dhan adduun iyo aakhiro (Al-Islaam).  Tusaale ahaa: Abi Ahmed wuxuu rabo ayaan rabnaa iyadoon lays weydiin: 1. Muxuu rabaa?  2. Maxaa naga galay wuxuu rabo?  3. Maxaa faa’iido ah ayaa noogu jirto wuxuu rabo?  Faa’ido noocee ah (dhaqaale iyo amni)” 4. Khatarta raacitaanka barnaamijkiisa intuu la’eg yahay? ma u saarnay gudi wax garad ee aqoon durugsan iyo daacadnimo iyo Alle ka cabsi leh ee daraaseeya “waa kuma Abi Ahmed” xaguuse noo wadaa? Ma ku qasbannahay inaan raacno? ma isku tashan karnaa waa haddii ay naga hareyn cid sidaa u fekerta oo dan  gaar ama dano shisheeye ka shaqeynaynin?

5. ‏{‏‏وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَا الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ}‏‏ ‏[‏النور‏:‏ 31‏ Dambiyadii la galay ma laga towbad keenin.  Tawbad iyocafis buuxda iyadoo loo (wada dhan yahay) oo Ilaahey la weydiisto iyo annaga dhexdeena oo aan is cafino iyadoo la raacayo sharuudaha is-cafiska ayaa waxay horseedeysaa liibaan adduun iyo mid aakhiro oo midnimo keeneysa.

W/Q: Imam/Dr. Hassan Mohamud (Xasan Jaamici), J.D. in American Law & Ph.D. in Sharia Law.
Professor of Islamic University of Minnesota
Former Adjunct Professor of William Mitchell College of Law
Imam of Islamic Dawah Center and Dean of Minnesota Dawah Institute

Puntland: Musharrax laga hor-istaagay inuu khudbad u jeediyo taageerayaashiisa

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay hor istaageen musharax doonayay inuu taageerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe.

Musharax C/Samad Maxamed Galan ayaa laga hor istaagay inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe.

Wariyaasha magaalada Garowe ku sugan ayaa sheegaya in musharaxa uu doonayay maanta inuu taagerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe, waxaana hor istaagay laamaha amaanka.

Lama oga sababta Musharaxa loogu diiday inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe, iyadoo ay socoto qaban qaabada iyo ololaha doorashada Puntland.

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdisamad Gallan iyo Madaxweyne Gaas ayaa tiro ka dhowr jeer waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan.

Xaqiiqooyin muhiim oo ay tahay inaad doorashada Koonfur Galbeed ka ogaato

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa noqoneyso mid Taariiqi ah, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo doorashadan oo kale ay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Afar Sano kahor magaalada Baydhabo kama aysan dhicin doorasho lamid ah tan maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana muddadaasi madaxweyne ka ahaa Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan waxaa doortay Malaaqyada Matalaya beelaha kala duwan ee Koofur Galbeed, waxaana ay sidoo kale soo xuleen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi uu leeyahay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ee maanta la doorto kadib waxaa qorshaha uu yahay in lagu xejiyo doorashada guddoonka baarlamaanka Koofur Galbeed, maadaama uu dhamaaday waqtiga ay xilka hayeen, sida aan xogaha ku heleyno.

Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo gaarsiiyay maanta inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaanan ka qeyb galeynin doorashada, waxaana uu horey u shaaciyay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa, kadib heshiis uu la galay dowladda.

Waxaa Sidoo kale Doorashada maanta ka maqan Mukhtaar Roobow Mansuur oo ahaa musharixii ugu horeeyay ee Buuxiyay Sharuudihii laga doonayay, waxaana uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Toos ula soco Doorashada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Dagaal culus oo caawa ka dhacay Garasbaaley

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa la weeraray Xarunta Degmada.

Ibraahim Maxamed Rooble Gudoomiyaha Garasbaaley ayaa sheegay in dhankooda aan jirin Khasaare kasoo gaaray Dagaalka.

Ciidamada Xarunta ku sugnaa ayuu tilmaamay in ay iska caabiyeen Kooxdii weerarka ku qaatay, inkasta oo uu sheegay in aan kala garaneyn cidda ay ahayd.

Goobaha Ganacsiga ayaa mar qura la wada xiray, kadib markii rasaasta labada dhinac is qabsatay, sida ay sheegeen Dadka Deegaanka.

Gaadiidka Xaafadaha isaga kala gooshayay ayaa iyanne istaagay, inkastoo markii dambe ay dib u bilaabawdeen.

Ciidamada Ammaanka ayay wararku sheegayaan in ay bilaabeen Howlgal ay ku baadi goobayaan Dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirinayaan Weerarka.

Ma jirto Cid sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaan Caawa lagu qaaday Xarunta Garasbaaley, maamulka ayaa sheegay in aysan aqoonsan cidda ay ahayd dhinaca weeraray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Kenya oo gudbisay jawaabtii dacwadda Badda Soomaaliya

Saxaafadda Adduunka ayaa si weyn u hadal haysa Kiiska Dacawadeed ee ku aaddan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay Dowladda Kenya maanta gudbisay jawaab celintii laga sugayey.

Telefeshinka DW ee dalka Jarmalka ayaa warbixin uu daabacay waxa uu ku sheegay muhiimadda uu yeelan doono go’aanka ay gaari doonaan garsooreyaasha caalamiga ah ee Maxkamadda Hague, maadama uu noqonayo mid dhaqan gal ah oo ay tahay in uu hoggaansamo dalka lagaga guuleysto.

Warbaahinta si dhaw ula socota gal-dacwadeedka ay maanta gudbisay Dowladda Kenya ayaa xaqiijinaya in Kenya ay ku adkaysanayso in aysan Maxkamadda Hague xaq u lahayn qaadista dacwaddan maadaama labada dal arrinkan ka gaareen heshiis is afgarad sanadkii 2009kii.

Heshiiskan oo Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka soo horjeedaan ayey Kenya ku dacwoonaysaa in uu saxiixay Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Soomaaliya Cabdirixmaan Cabdishukur.

Warbaahinta ayaa xaqiijisay in ay hakiyeen baaritaankooda shirkado ay Dowladda Kenya siisay qandraasyo la xiriira baaritaanka shidaalka lagu tuhunsan yahay aag-badeedka uu muranku ka taagan yahay.

Musharixiinta Puntland oo ka hor doorashada ka qeyb galaya tartan aan noociisa oo kale uusan horey u dhicin

Garowe (Casimada Online) – Qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa ka hor doorashada Puntland waxay yeelan doonaan Tartan noociisa kii ugu horeeyay ah oo Musharixiin ay ka qeyb galaan.

Tartanka ayaa ka dhacaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana wararka ay sheegayaan inay ka qeyb gali doonaan inta badan musharixiinta deegaanada Puntland.

Tartankaasi oo ah Ciyaarta Kubbada Kolayga “Basket Ball”  ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar kamid ah musharixiinta ku tartamaya magaalada Garowe, oo qaarkood si weyn u yaqaana arrimaha ciyaaraha.

Waxay musharixiinta u muuqdaan kuwo is tijaabinaya kahor inta aysan ka qeyb galin doorashada Puntland oo sida qorshaha uu yahay dhaceysa 20 maalin kadib sida la filayo haddii uusan isbadal imaan.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa kulankan ka joojisay in lagu qabto garoonka ciyaaraha Mira Awaare qaybtiisa kubadda Kolayga oo dhowaan madaxweynaha Puntland dhisme cusub uu dhagax dhigay.

Musharixiinta Puntland ayaa mid Walbaa wuxuu doonayaa inuu noqdo shaqsiga badalaya madaxweyne Gaas, balse Ciyaartaa ayaa noqoneyso halkii ugu horeysay oo ay isku arkaan maadaama safaro ay ku jireen muddooyinkii ugu dambeeyay.
Caasimada Online
Xafiiska Garowe

Dhageyso: R/Wasaarihii hore ee Somalia oo soo jeediyey in awood loo adeegsado mucaaradka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaalida Cali Maxamed Geedi ayaa ku baaqay in awood lagu maquuniyo xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda xukuumadda hadda haysa talada Soomaaliya.

Geedi oo ka hadlay shir maanta ka dhacay Muqdisho ayaa si kulul u dhaliilay dadka mucaaradka ku ah dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in si loo helo dowladnimo dhib badan iyo tuugmo loo soo maray, hase yeeshee hadda kadib aan la geli doonin tuugmo oo xoog lagu keeni doono.

“Waxaan maalmahan maqlaayay kacdoon hala sameeyo, jidadka hala xiro, xaafadaha qaar hala qabsado, dadka waxaas ku hadaaqaya waxaa la rabaa inay ka waantoobaan hadii kale dowlad iyo shacab laguma aadee guriga ayaa loogu tegayaa” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Waxa uu soo hadal qaaday xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in lagu yiri “Buundooyinka Afgooye iyo Balcad hasoo dhaafin ee nala xaajoo” kuwii xilligaas dhahayna ay ahaayeen Soomaali sida uu sheegay.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxa uu ka sheegay kulan looga soo horjeeday Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka oo Muqdisho lagu qabtay.

Dhageyso codka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

PUNTLAND oo shaacisay xildhibaanada cusub ee ilaa hadda lasoo xulay

Garoowe (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Guddiga ku howlan diyaarinta Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in saddex meelood labo meel oo ka mid ah tirada Baarlamaanka Maamulkaas la soo dhameystiray.

Guddiga ayaa sheegay in waqtiga ugu dambeeya ee la dhameystiri lahaa diyaarinta Baarlamaanka Puntland ay ku ekeyd 15-ka Bisha  December, hase yeeshee beelaha loogu daray muddo 5 cisho ah kama dambeysna ay tahay 20-ka Bishan December.

Guddoomiyaha Guddiga xallinta Khilaafaadka ee dhismaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in 44 Xildhibaan oo ka mid ah 66-ka Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Puntland la soo dhameystiray.

66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa 8-da Bisha January ee soo socota dooranaya Madaxweynaha iyo ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada Puntland oo uu dhowr jeer fagaaro ka sheegay in uusan musharrax noqoneyn marka uu u dhamaado muddo xileedka 1aad.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]  

Mareykanka oo shaaciyey lacagtii ugu badneyd oo uu ku maal-gelinayo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri;

Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed.

Shaqo abuurka

Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.

Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono  si shaqooyin badan loo u abuuro.

Geedi socodka deen cafinta

Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale.

Waxbarashada

Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin.

Maamulka iyo Xasilinta dalka

$110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wakiilo ka socda beesha caalamka oo DF kula shiray Muqdisho kalana hadlay….

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta oo Talaada ah ka furmay Magaalada Muqdisho, Shir Bil-laha ah oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka SDRF, kaas oo looga hadlayo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Shirkan oo uu Guddoominayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada XF, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada , Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda Beesha Caalamka .

Shirka waxaa warbixin looga dhageystay Wakiillada matalayay Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay halkaasi kusoo bandhigtay tubaha Afarta ah ee kala ah siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, arrimaha Bulshada ,dhaqaalaha iyo hormarka la gaaray Sanadkaan dhamaadka ah ee 2018 ka.

“Shirkaan waa shir Bil-le ah, waxaana Maanta shir Guddoominayay Ra,isul wasaare ku xigeenka Dalka waxaa diiradda lagu saaray horumarkii la gaaray Sanadka 2018 ka, waxaan soo bandhignay tubaha Afarta ah ee saldhigga u ah shaqada Xukuumadda, sida tubta amniga iyo cadaaladda  tubta siyaasada loo dhanyahay tubta dhaqaalaha iyo tubta arrimaha bulshada muhiimad weyn ayuu u lahaa shirkaani Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XF Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji.

Dhowr Jeer oo hore ayaa sidaan oo kale loo qabtay Shirkaan SDRf ee looga hadlo mashaariicda horumarineed ee Dalka ka socota, Dowladda Soomaaliya ayaana hadda u wajahaysa  si ka duwan  Bilihii tagay  mashaariicda Soomaaliya soo diyaarsato ee ay la timaaddo ayaa la fulin doonaan halka markii hore aysan sidaa ahayn  waxaana taasi ay muujinee in talaabo horay loo qaaday sanadihii ugu dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

GAAS oo ku dhawaaqay go’aankiisa doorashada madaxweynaha PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa la doortay 8 Bishii Koowaad ee Sanadkii 2014 Kii, waxaana xilka Madaxtinimadda Puntland uu haayay Muddo dhan 5 sano.

Madaxweyne Gaas ayaa maanta Garowe kusoo bandhigay Waxqabadkiisa, waxaana uu codsaday in markale loo doorto xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland.

Gaas ayaa ku biiraya hadda ka dib in ka badan 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland.

8 bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ka dhacdo doorashadda Madaxtinimadda maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Ethiopia oo nin Somali ah u magacowday qunsulkeeda cusub ee Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa si cad u shaacisay in Ruux Soomaali ah ay u magacaabeen qunsulka Ethiopia ee deegaanada Somaliland.

Shamsudiin Axmed Rooble oo si weyn looga yaqaan dalka Ethiopia ayaa loo magacaabay qunsulka Ethiopia ee Somaliland, waxaana la doonaya inuu ka shaqeeyo xiriirka Somaliland iyo dowladda Ethiopia.

Shamsudiin, ayaa noqday wasiir ku xigeen, xildhibaan Baarlamaan, safiirka Ethiopia ee dalalka Kenya iyo Jabuuti, waxaana hadda loo magacaabay Qunsulka Ethiopia ee magaalada Hargeysa.

Waa nin si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya, waana rugcaaddaa dhanka Duplomaasiyadda, waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan ka badali doono Hanaanka xiriirka Somaliland iyo dalka Itoobiya, sida qoraalka lagu sheegay.

Waxaa la filayaa inuu xilka kala wareego qunsulki hore ee Ethiopia  fadhiyay magaalada Hargeysa oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay.

Dhawaan ayay aheyd Markii dalka Itoobiya looga yeeray Qunsulkii Itoobiya ee Magaalada Hargeysa, waxaana dad badan ay sheegeen intaasi ay hoos u dhigtay Siyaasiyadda Somaliland oo loo aaminay in Ethiopia ay ilaalinayso Midnimadda Soomaaliya.

Balse magacaabistiisa ayaa meesha ka saareyso hadal heynta arimahaasi la xiriirta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Shirkada Kenya Airways oo maanta go’aan cusub ka soo saartay duulimaadyadii MUQDISHO iyo NAIROBI

Nairobi (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa soo saaray go’aan cusub oo ay sheegeen inay ugu dambeyn go’aansadeen inay bilaabaan duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah.

Shirkadda ayaa labo jeer waxay hakad gelisay duulimaadyo ay toos kaga bilaabi lahaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana la filayay inay bilaabaan duulimaadyadaasi bishii November iyo bartamihii bishaan.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkadda ALS oo ah shirkad bixisa ceymiska iyo leysimadda duulimaadyada si loo bilaabo duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay maalin kasta Duullimaad Toos ah Nairobi ka soo duulli doonto 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta  saacaddu markay tahay 1:45 daqiiqo ee Duhurnimo, taasi oo lamid ah 45 daqiiqo kaliya inay u socon doonaan Muqdisho iyo Nairobi.

Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi “Go and Back” ticked ahaan ku bixin doonaan 403 Dolar halka Bixin “Go” kaliya uu noqon doono 218 Doolar oo ah lacag ka badan diyaaradaha caadiga ah.

Shirkadda Kenya Airways ayaa Suuqa duulimaadyada kula dagaalameyso Shirkadda Ethiopian, Jabuuti iyo Turkish Airline oo hadda ka shaqeeya duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdish
[email protected]

Sadex arrin oo laga bartay kulankii dhexmaray Kheyre iyo guddoomiye MURSAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan Saacado badan la qaban qaabinaayay balse socday waqti aan badneyd ayaa xalay dhexmaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Kulankaasi ayaa u muuqda mid inta badan la isku fahmay waxyaabaha looga wada hadlay, waxaana ugu weynaa xalinta arrimaha siyaasadda iyo xiisadii ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha.

Kulankaasi ayaa u muuqda mid keenaya isku soo dhawaansho guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda sare ee dalka oo Khilaafkooda uu xoogeystay kadib markii mooshinka uu qabtay guddoomiyaha.

Waxyaabaha laga bartay kulankii Xalay waxaa kamid ah:-

1 – Is aaminaadda la’aanta labada dhinac oo keentay in shaqsi walbaa uu ka baaqsado in ruuxa kale ku booqdo xafiiskiisa, taasi oo dhalisay in meel dhexe la iskuugu yimaado.

2 – In isaga uu yahay ruux isku haya xildhibaanada mooshinka wada balse waxaa caqabad kale ka imaan doontaa marka xildhibaanadii la safnaa Guddoomiye Mursal uu qancin waayo arimaha kulanka, haddii kale ay ka hor imaan karaan.

3 – In kulanka labada masuul uu gogol xaar u ahaa kulan Mursal iyo Farmaajo dhex mari doona.

Xildhibaanada la safnaa guddoomiye Mursal ayaa la xaqiijiyay inaysan ka qeyb galin kulanka, waxaana waxyaabaha la isku soo hadal qaaday kamid ah in Guddoomiye Mursal uu ka guuro halka uu hadda degen yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo beri ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana banaanka loosoo saaray ciidamadii dhawaan  dowladda Soomaaliya ay geysay magaalada Baydhabo.

Ciidamada dowladda Ethiopia iyo ciidamada maamulka ayaa sidoo kale qeyb ka ah xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo beri loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Maalintii shalay ayaa lasoo gabo gabeeyay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayeen ilaa shan musharax oo ka qeyb galaysa doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Markii ugu horeysay musharax buuxiyay sharuudihii la doonayay ayaa ka maqan doorashada ka dhacaysa magaalada Baydhabo waana musharax Mukhtaar Roobow oo dowladda Soomaaliya ugu xiran magaalada Muqdisho.

Caasimadda Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

DF yaysan isaga qaldamin labada mucaarad ee Digil iyo Mirifle ee ku dheggan?

Xubno ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ku yeeshay shir ay ku dhalleeceeyeen falalka dowladda ka waddo mamaulkooda.

Xildhibaanada waxa ay soo saareen war-saxaafadeed qodobeysan oo ay uga hadleenn xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, farogalinta doorashada  Koonfur Galbeed iyo dhibta lagu hayo shucuubta maamulkaas.

Sawir noocee ah ayuu gudbiyey kulankaas?

Toddobaadkanba waxaa isa soo tarayey cabashada iyo baaqyada ka imaanayey bulshada reer Koonfur Galbeed oo aad uga gadooday dhacdooyinka Koonfur Galbeed ka soo cusboonaaday oo ay ugu weyn tahay xariggii lagula kacay Roobow.

Waxaa horey isku casilay Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyenta Cabdifataax Geesey halka uu muddo go’doonsanaa Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Farriinta ama sawirka uu bixiyey kulankii xildhibaanada ay isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka waxa uu ahaa in mucaaradka ku kacsan dowladda laba weji yahay oo aysan isaga qaldamin.

Wajiga Kowaad: Mucaaradkii awalba ku kacsanaa ee isugu jiray haraadigii Daamjadiid iyo xubnaha Daljir oo ay kaabayaan Kudladda Horusocod.

WAJIGA LABAAD: Beesha Digil iyo Mirifle

Mucaaradda kale waxa ay dowladda ka wajaheysaa beesha Digil iyo Mirifle waana mid ka xoog badan tan hore maadama ay TABASHO qoys jirto.

Arrintan waxaa daliil u ah sida uu cirka isugu sharreeyey qalalaasaha Baydhabo kaddib markii ay dowladda soo xirtay tartankana ka reebtay Mukhtaar Roobow Cali.

Haddii mucaaradka hore ku saleysan yahay xifaaltan siyaasadeed kan dambe waa mid xasaasiyad leh maadama ay CUQDAD riixeyso iyo TABASHO.

Dowladda maxaa la gudboon?

Dowladda waxaa la gudboon in aysan isaga qaldamin xifaaltanka kala dhexeeya kooxaha mucaaradka awalba ahaa iyo Tabashada Digil iyo Mirifle oo ay la timaado waddo ay ku qanciso uguna muujiso in aysan iyaga si gooni ah baartilmaameed ugu ahayn.

Qolada kale, waxba kuma jabna haddii ay sida jiirkii iyo mukulaashii ilaa iyo dhammaadka is eryadan!

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dhageyso: Maxaa ka jira in mooshinkii madaxweyne Farmaajo laga tanaasulay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay in laga tanasulay mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib kulankii axaddii ay Muqdisho ku yeesheen guddoonka baarlamanka Soomaaliya, oo la sheegay in heshiis lagu gaaray.

Xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed, oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa idaacadda Simba ee Muqdisho u sheegay in xal iyo tanaasul uusan jirin ,islamarkaana kulamada baarlamaanka Soomaaliya marka dib loo furo looga doodi doono mooshinka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankii u dhaxeeyay gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa looga hadlay kaliya sidii loo xallin lahaa khilaafka dhexdooda ka jira, balse aan looga hadlin arrimaha mooshinka madaxweynaha.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xili ay soo baxeyn warar ku aadan in xal laga gaaray mooshinkii xilka ka qaadista ee laga gudbiyay madaxweynaha dalka.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]