27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Mustaf Dhuxulow oo lacag iyo qalab sports u qeybiyay dhalinyaro Soomaaliyeed

Dhowaan magaada Kampala ee wadanka Uganda waxaa ka furmi doona tartan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya caasimadaha 18-ka gobal ee Somalia.

Tartankaan waxaa soo agaasimay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda, waxaana ciyaari doona caasimadaha 18kii gobal ee Somalia.

Xildhibaan Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow oo ah mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa qalab sports iyo lacago ugu deeqay dhalinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo midka Dhuusamareeb ee ka qeyb galaya koobka.

Dhalinyaradan ayaa markii hore codsi u diray xildhibaanka, waxaana xildhibaan Mustaf oo ka jawaabaya codsiga dhalinta uu wariye Cabdulaahi Cismaan Faarax oo howlo shaqo u jooga magaalada Kampala u wakiishay inuu labbada koox gaarsiiyo qalabka iyo lacagta. Munaasabad shalay ka dhacday Kampala ayey labbada koox ku gudoomeen dhiiri-galinta xildhibaan Mustaf Dhuxuloow.

Dhallinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo magaca Dhuusamareeb ayaa xildhibaanka uga mahad celiyay dhiiri galintiisa wanaagsan ee uu mar walba la garab taagan yahay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Tartanka ayaa furmi doona 14ka bisha July.

Caasimada Onine
Muqdisho-Office
[email protected]

Arag sawiro qurxoon oo ka turjumaya bilicda iminka ee magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho oo kasoo kabanaysa sanado badan oo dagaalo sokeeye iyo bur ah ayaa waxaa ka soconaya dadaalo dib loogu dayactirayo qeybihii muhiimka ahaa ee magaalada, mana ahan mid shacab iyo dowladba ay u kala hareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay dib u dayactirto goobaha uu caanka ku yahay dalka, inkasta oo ay waqti dheer qaadan doonto in sidii ay horey u ahaayeen dib loogu soo celiyo.

Dowladda oo kaliya ma ahan dadka kaliya ee ku hawlan dib usoo celinta bilicdii iyo astaamihii magaalada, waxaa jira urur dhalinyaro oo iskood isu xilqaamay , shaqooyinka ay qabtaan waxaa ka mid ah dhireynta magaalada iyo bilic soo celinteeda.

Waddooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemi karaa isbedel muuqda waxaana xiliyada Maqribka ilaa Subixii socda Gaadiid noocyo kala duwan leh oo ay leeyihiin dad shacab ah, waxaana waddooyinka ku sugan ciidamo khaasa oo xiliyada habbeenkii suga amniga.

Maqribka ilaa Subixii waxaa sidoo kale si caadi ah u furan goobaha qaar ee ganacsiga, iyadoo ay xusid mudan tahay in goobaha caafimaadk ay shaqeeyan 24 saac, halka xiligii hore albaabada loo xiri jiray maqribka ka hor.

Sidoo kale, dadka shacabka iyo Hay’adaha amaanka ayaa sida uu nidaamku yahay gudanaaya shaqooyinkooda amni, waxaana ka dhexeeya wada shaqeyn joogta ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA LAGA QAADAY BILICDA MUQDISHO

Sawirro: Dad Mareykanka laga soo celiyey oo laga soo dajiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dagay diyaarad siday dhalinyaro farabadan oo dib looga soo celshay dalka Mareykanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dad ka badan 83 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay kusoo dhaweeyen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

Waxa ay mas’uuliyiintani sheegen in dowlada Somalia ay si rasmi ah ula wareegtay xaalada dhalinyarada laga soo musaafuriyay Mareykanka maadaama qaarkood aysan deegaan ku aheyn magaalada Muqdisho inta ay dib ula midoobayan reerkooda.

Dhalinyaradan laga soo celiyay dalka Mareykanka oo garoonka ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa waxaa Dumar ka ahaa 4, halka 79-ka kalena ay yihiin Rag.

Soo tarxiilida dhalinyaradan ayaa waxa ay qeyb ka aheyd heshiis ay horay u gashay Safaaradda Soomaaliya ee Washington markii uu safiirka ahaa Danjire Axmed Ciise Cawad oo hada ah Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ku eedeeyay in ay iska indha tirayaan in dalka dib loogu soo celiyo Dhalinyaro xaalad amni daro darteed u baqaya.

Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya.

Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Somalia ay ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal.

Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay.

JUBBALAND oo joojisay QORSHE tuulooyin loogu badali lahaa degmooyin

0

Kismayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa joojiyay qorshe tuulooyin loogu badali lahaa degmooyin iyo degmooyin lagu soo daro maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Warbaahinta u sheegtay in la joojiyay hirgelinta tuulooyin, degmooyin iyo magaalooyin lagu soo daro Jubbaland xiligaan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in Jubbaland ay sharci ka soo saareen arrintan loona baahan yahay in shacabka iyo madaxda kale ay u hogaansamaan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wasaarada arrimaha gudaha looga baahan yahay in sharciyada ay hirgeliso kana hortagto cid walbo oo dooneyso iney sharciga ka talaabsato.

Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waday olole magaalooyin iyo degmooyin cusub loogu soo darayo Jubbaland balse waxaa arrintaas ka soo horjeestay madaxda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dhageyso: Xaaladda Qalbi-dhagax oo mugdi ku jirta kaddib arrin la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen odoyaal la hadlay Idaacado kale duwan, waxaa gacanta Itoobiya laga sii-daayey Cabdikarim Qalbi-dhagax kaas oo 10 bil ka hor ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u gacan gelisay maamulka Itoobiya.

Laakin sida uu afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge u sheegay VOA-da, C/kariin ma heysto xuriyad dhameystiran, waxaana weli jira arrimo u baahan in xal laga gaaro.

Hiirmooge ayaa yiri “C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu magan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, labaatan maallmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.”

Dhinaca kale, gabar uu adeer u yahay Qalbi-Dhagax, islamarkaana ah mas’uul ka tirsan dowladda federaalka ah, ayaa iyada oo codsatay in magaceeda la qariyo waxa ay qabtaa walaac la midka ah ONLF, iyada oo sheegtay in weli wada hadal uu soo socda sidii xuriyad dhameystiran u heli lahaa.

Hoos ka dhageyso wareysiga Hiirmooge ee VOA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

ODAWAA: Daysmada Qalbi Dhagax waxa ay nabar ku tahay kuwii gacan geliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Somalia u gacan gelisay dawladda Ethiopia ayaa shalay laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Deysmada Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo noqoneysa hadal heynta ugu badan ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay shaqsiyaad kala duwan oo qaarkood xilal kala duwan horay usoo qabtay.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa kamid ah shaqsiyaadka ka hadlay deysmada Sarkaalka ONLF Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax, waxa uuna sheegay inuu aad usoo dhaweynaayo go’aanka ay Ethiopia kusii deysay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax.

Odawaa ayaa sheegay inay aad u kala wanaagsan tahay Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ku xiran Xabsi ku yaala Ethiopia iyo isagoo laga sii daayay Xabsiga oo xoriyadiisa dib u hantay.

Nuqul kamid ah qoraal uu Odawaa soo dhigay bogiisa Faceboo ayuu ku yiri “Waxaan si farxad leh u soo dhawaynayaa inuu walaalkeen C/karin Qalbi-dhagax uu xorriyaddisa dib u helay isaga oo aan abaal uga hayn intii gacan ka geysatay dhiibidiisa sanad ka hor”

Odawaa waxa uu intaa raaciyay qoraalkiisa  “Madaxweyne Farmaajo wali fursad baa u furan oo uu shacabka Soomaliyeed iyo Qalbi-dhax ku waydiisto Cafis”.

Odawaa oo kamid ah Mucaaradka dowlada ayaa xiligii dhiibista Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax kamid ahaa Xildhibaanada dowlada Somalia ku cadaadineysay in Qalbi dhagax lasii daayo.

Odawaa waxa uu horay fadhigii Baarlamaanka uga sheegay in haddii dhiibidiisa aysan ogeyn Madaxda ay tahay musiibo, haddii ay ogaayeena tahay  musiibo ka weyn.

Sidoo kale, Odawaa ayaa sheegay in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax uu kala garankaro cida u wanaagsan iyo cida ku dhibtay nolosha ee u gacan galisay dowlad uu ku tilmaamay cadow oo uu ula jeedo Ethiopia.

Haddalka Odawaa ayaa u muuqda mid lagu duraayo dowlada Somalia oo iyadu lagu eedeeyo in si ku tallo gal ah ay Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax ugu gacan galisay Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: ONLF oo war ka soo saaray shidaal Ethiopia ay ka qodeyso killinka

Ururka xaq u dirirka Ogadeeniya ee loo yaqaan ONLF, ayaa ka hadlay shidaal la sheegay in dowlada Ethiopia ay kasoo saartay Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

ONLF ayaa sheegtay inay khilaafsan yihiin go’aanka lagu soo saaray shidaalka, waxa ayna tilmaameen in shidaalka uusan aheyn mid ay leedaha dowlada Ethiopia ama shaqsiyaadka ku mideysan maamulka Soomaalida.

ONLF waxa ay tilmaantay in shidaalka uu yahay mid ay leeyihiin shacabka Soomaalida, sidaa aawgeedna ay aad uga soo horjeedan in shidaalka lasoo saaro wadatashi la’a.

Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge oo ka hadlaayay arrinta soo saarista shidaalka ayaa yiri ‘’Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay”

‘’Anagu Ethiopia kama mid nihin, hantida Ethiopia waxba kuma lihin, dhaqaalahooda wax kuma lihin xoog iyo qori ayaa nalagu qabsaday mana soconeyso’’

‘’Shidaalka waa inay ka faa’iideystaan shacabka maaha inay ka faa’iideystaan jihooyin kale, anagu talaabadaasi waan kasoo horjeednaa’’

Abiy Axmed, Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo arrintaas ka hadlayay ayaa sheegay in maalinkaste la soo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar.

Abiy Axmed ayaa yiri “Marka ay shaqadu dhamaato ee aan ka dhoofino dekedda Jabuuti waxaan qiyaasaynaa in aan sannadkii ka heli doono siddeed bilyan oo doolar”

Sawirro: Gaadiid dagaal iyo ciidamo hor leh oo maanta gaaray jiidda TUKARAQ

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamo xoogan oo ka kala tagaya magaalooyin kala duwan ayaa gaaray deegaanka Tukaraq oo ay ku dagaalamayaan ciidamada maamulada Puntland  iyo Somaliland.

Ciidamadan oo watay gaadiid tirro badan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ka baxeen magaalada Qardho kuwaa oo saacado un ka hor gaaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Ciidamada oo gurmad u ahaa kuwa Puntland ayaa iminka ku biiray ciidamadii hore ee ku sugnaa Jiida, waxaana lasoo sheegayaa inay xoojin u yihiin kuwii hore.

Gurmadka ciidamadan ayaa daba socda ciidamo muddo afar cisho laga joogo la geeyay deegaanka Tukaraq.

Somaliland ayaa iyana ciidamo intaa kabadan saacadihii ugu danbeysay geysay jiida deegaanka Tukaraq kuwaa oo la xaqiijiyay inay caawinayaan kuwii hore.

Dagaalada goosgooska ah ee ka dhaca deegaanka ayaa waxaa ka dhasha khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale labada ciidan kala qabsadeen gaadiid dagaal.

Madaxweynaha Somalia ayaa goor sii horeysay ugu baaqay labada maamul in si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, mana muuqato hada dadaalo badan oo lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

ONLF oo war kasoo saartay sii daynta Qalbi Dhagax iyo arrin ay hoggaamin karto

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Ethiopia ayaa iminka laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Deysmada Qalbi-dhagax kadib Ururka la magacbaxay xaq u dirirka ONLF ayaa war cad kasoo saaray sii deynta Sarkaalka C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo ah Afhayeenka Ururka ONLF oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa wuxuu sheegay in C/kariin uu ahaa siyaasi u xirnaa Ethiopia.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Qalbi dhagax hada  uusan u qalmin in kolba meel lagu qariyo, muhiimna ay tahay in xoriyad dhameystiran la siiyo marba haddii la sii daayay.

Afhayeenka Ururka ONLF, waxa uu sheegay in xaalada Qalbi dhagax ay tahay mid iska caadi ah isla markaana deysmadiisa 20 maalin ka hor laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad.

Waxa uu tilmaamay in mudada uu ku jiray xaafada uu u dhexeeyay maxbuus iyo nin xoriyad heystay, hase yeeshee iminka uu helay xoriyad buuxda.

Waxa uu carab dhabay in deysmada Qalbi dhagax ay horseedi doonto isku soo dhawaanshi labada dhinac, maadaama Xukuumada hadda jirta ay dhab ka tahay isbedel muuqda.

Nuqul kamid ah haddalka afhayeenka ayaa ahaa “C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu magan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, labaatan maallmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.”

‘’Sii deyntiisa aad ayaan usoo dhaweyneynaa waxa ay meesha ka saari kartaa culeusyo badan oo markii hore jiray’’

Afhayeenka waxa uu sheegay inay doonayaan in Qalbi dhagax la geeyo meel uu ammaan ku helayo oo reerkiisa uu waqti kula qaadan karo.

Waxa uu intaa raaciyay inaanay markale dooneyn in Qalbi dhagax uu ku laabto Soomaaliya oo uu tilmaamay in markii horeba ay iibsatay dowladda.

Sidoo kale, arrinta sii deynta Qalbi dhagax ayaa aad u saameeyay baraha bulshada kadib markii lasoo dhigay sawirada C/kariin oo ku labisnaa dhar cusub oo la taagan dad odayaal ah oo ehelkiisa ah.

Dhinaca kale, Qalbi dhagax ayaa shacbiyad weyn ku dhex leh Soomaalida oo kaalin weyn ka qaadatay siideyntiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Xaguu Qalbi-Dhagax ku wajahan yahay kadib sii-daysmadiisa xabsiga?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Jabhada ONLF, islamarkaana mudo hal sano ku dhow ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Itoobiya kadib markii dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay, ayaa shalay la sii daayey.

Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax uu dhawaan uu aadi doono dalka Kenya kadib markii ay magangelyo siisay dowladda Kenya, islamarkaana halkaas uu ku noolaan doono.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedada ugu weyn ee Qalbi-Dhagax uu u tagayo Kenya ay tahay inuu soo arko qoyskiisa, ayada oo xaas iyo caruurr ay ka joogaan magaalada Nairobi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Qalbi-Dhagax uu warbaahinta la hadli doono, islamarkaana uu bixin doono xog badan oo ku saabsan xarigiisa iyo sii deysmadiisa.

Arrinta sida aadka ah looga sugayo Qalbu-Dhagax ayaa ah inuu shaaca ka qaado qaabkii loogu gacan geliyey Ethiopia, iyo qaabka dowladda Ethiopia ay kusii daysay, iyo kaalimihii ay dowladda federaalka ah ku lahayd labada dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Dhageyso: DF Soomaaliya wax kaalin ma ku lahayd sii daynta QALBI-DHAGAX?

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo ah Suldaanka Qalbi-Dhagax, isla markaana gurigiisa uu ku sugan yahay Qalbi-Dhaga, ayaa wareysi uu siiyey idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, waxa uu ku sheegay in iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin xabsiga laga sii daayey Qalbi-Dhagax.

Sidoo kale Cabdi Kariin Qalbi-Dhagax, ayaa xaqiijiyey in xabsiga laga siidaayey, islamarkaana uu ku sugan yahay guri ku yaalla magalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

In kastoo xilligaan aan weli loo ogolaan in uu warbaahinta la hadlo Qalbi-Dhagax ayuu sheegay in maalmaha soo socda uu hadli doono, islamarkaana uu shaacin doono xarigiisa sababtii uu ku yimid iyo cida ka dambeysay siideyntiisa.

Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo la weydiinay su’aal aheyd ayaa sabab u ahaa in Qalbi-Dhagax la siidaayo? Ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka dambeeyey sii deynta, waxa uuna intaas ku daray in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku laheyn sii dayntiisa.

Hoos ka dhageyso wareysiga Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

20 sano kadib Itoobiya iyo Eritrea oo soo afjari doona loolankii dhiigu ku daatay

Saddex bilood kahor xisbiga talada dalka Itoobiya haya ayaa soo magacaabay raisul wasaare cusub, kadib iscasilaaddii kadiska ahayd ee hoggaamiyihii hore.

Arrintaan ayaa timid kadib dibadbaxyo ballaaran oo sanado badan socday oo gilgilay guud ahaan dalka ayadoo dawladda lagu eedaynayey musuqmaasuq iyo xad gudubyo kadhan ah xuquuqda aadanaha.

Dawladda ayaa arrintan kaga falcelisay in ay xirxirto kumanaan mucaarad ah ayadoo soo rogtay xaalad dagdag ah.

Hadda, Abiy Ahmed oo 41 jir ah ayaa la yimid isbaddallo loo arko in dalku uu iska baddalayo siduu ahaa waayadii hore.

Waxa uu siidaayey boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah, wuxuuna qaaday xaaladdii dagdagga ahayd ee dalka saarnayd.

Maamulkiisa ayaa sidoo kale ballan qaaday xorriyadda hadalka ayadoo xayiraaddii laga qaaday boqolaal bogagga wax lagu qoro ee internet-ka.

Balse arrinta ugu muhiimsan ee uu ku dhawaaqay ayaa ah in uu shuruud la’aan aqoonsaday uuna hilgalinayo heshiiskii nabadda ee dalka dariska ah ee Eritrea kaas oo la saxiixay sanadkii 2000.

Sanadkii 1998 ilaa 2000 labada dal waxaa dhex maray dagaal ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 80’000 oo qof.

Heshiiskii nabadda ee Qaramada midoobay ay garwadeenka ka ahayd ayaa Eritrea lagu siiyey magaalada Badme. Maamulkii hore ee Itoobiya ma aanu hirgalin xukunka ciidamadiisuna wali waxay ku sugan yihiin deegaankaas.

Balse hadda, markii ugu horraysay 20 sano kadib, ayaa wafdi ka socda Eritrea waxay toos u yimaadeen magaalada Addis Ababa.

Heshiiska nabadda ayaa horseedi kara in uu soo afjaro nidaamka askaraynta khasabka ah ee aan dhammaadka lahayn ee Eritrea.

Nidaamkan askaraynta khasabka ah ee aan dhammaadka lahayn ayaa ah sababta ugu weyn ee dhalinyaro badan oo Eritrea u dhashay ay dalkooda uga carareen.

Itoobiya gudaheeda, cid waliba raali kama wada ahan isbaddalladiisa cusub, arrintaas ayaa waxaa hoosta ka xariiqay bambo gacmeedkii lala beegsaday isusoobixii nabadeed ee ballaarnaa.

Inkastoo haatan uu Raisul Wasaare Abiy uu haysto shacbiyad ballaaran oo ku aaddan qorshihiisa isbadalka.

ISHA BBC

Dhageyso wareysi: Xog laga bixiyey qaabkii lagu sii daayey Qalbi-Dhagax

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Itoobiya ayaa maanta laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Sii daynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa markii hore shaaca ka qaaday guddiga xuquuqda aadanaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo gurigiisa ku booqday, kuwaas oo sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana waqti la qaadanayo qoyskiisa.

Suldaan Fawzi Maxamed Cali oo ka mid ah hoggaamiyayaasha dhaqanka ee Soomaalida Itoobiya oo ka mid ahaa hoggaamiyayaahsii loo sii daayey Qalbi Dhagax ayaa sidoo kale xaqiijiyey islamarkaana faahfaahiyey qaabka loo sii daayey.

Waxa uu sheegay in Qalbi-Dhagax lasii daayey saaka sideeddii subaxnimo, islamarkaana uu caafimaad qabo, isaga oo intaas ku daray inuu joogi doono dalka Ethiopia.

Tallabada lagu sii daayey Qalbidhagax ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha isbeddelka uu wado ra’iisul wasarae Abiy Ahmed, uuna ku doonayo inuu ku kasbado bulshooyinka kala duwan ee Itoobiya, isaga oo horey usii daayey rag badan oo mucaaradka qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya ka mid ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga Suldaan Fawzi Maxamed Cali

 

Sawiro: Somaliland oo cafis u fidisay ra’isul wasaare ku xigeenkii hore ee SOMALIA

Hargeysa (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Kaahi Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu cafis u fidiyay Ridwaan Xirsi Maxamed oo Ra’isul wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka arrimaha Diinta & Awqaafta ka ahaa xukuumadii Ra’iisul Wasaare C/wali Axmed Maxamed.

Warqada ayaa waxaa lagu sheegay in cafiska uu yahay mid uu fidiyay Madaxweyne Muuse Biixi oo tix raacaya cafisyadii uu horey ugu sameyn jiray siyaasiyiinta Somaliland Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo inuu isaguna maanta cafis u fidiyay Ridwaan Xirsi Maxamed.

Maamulka Somaliland ayaa Ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore ku eedeysay in mudo ah inuu ka soo horjeeday Qaranimada Somaliland, balse hada uu ka soo laabtay fikirkaas, sidaasi darteedna ay cafis u fidisay, tagi karana deegaanada Somaliland.

Dhinacyada ay warqada ku socto ayaa waxaa kamid ah Maareeyaha Hay’adda Duulista, Taliyaha Sirdoonka Somaliland iyo mas’uuliyiin kale.

Maxay Soomaalida Itoobiya uga dhiggan tahay ceelasha shidaalka ee degaankooda?

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay waxa ay maanta xariga ka jartay wax soo saarka ceelal laga qodo Shidaalka ceyriin oo ku yaalla deegaanka Soomaalida.

Ceelasha shidaalka ee maanta la daahfuray ayaa waxa ay ku yaallaan deegaannada Kaali iyo Ilaalo oo ka tirsan deegaanka Soomalida Itoobiya.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.

Shidaalka gobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Shidaalka ceyriin ee goobtaasi laga helo ayaa waxa lagu wadaa in loo safriyo magaalada Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka Itoobiya si gudaha loogu sifeeyo inta lagu guda jiray tijaabada.

“Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka.

“Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka,” ayuu yirirai’sul wasaare Abiy.

Raisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar.

“Mararka qaar kheyraadka ayaa horseeda dagaal sida ka dhacday dalalka kale,” ayu yiri Dr Abiy.

Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday in dhismaha dhuumihii qaadi lahaa shidaalka oo ku xiraya ilaa Jabuuti uu bilaabanayo bisha September.

Dhoofinta shidaalka ayaa lagu wadaa in ay bilaabato sanadda 2021.

Shidaalkani ayaa waxaa lagu wadaa in uu sanooyiinka ugu horeeya ka soo galo dalka Itoobiya dhaqaala dhan 1.2 bilyan oo doolar.

Balse dhaqaalaha ka so baxa ayaa si tartiibtartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaaro 7 bilyan oo doolar.

Khuburada ayaa sheegaya in khayraadkan dabiiciga ah haddii si xaq ah oo wanaagsan loo isticmaalo uu gacan ka gaysan doono in lacagta Itoobiya uu qiimaheedu sare u kaco islamarkana uu dhaqaalaha dalkaasi si xawli ah u kobco.

Waxaa sidoo kale shidaalkan laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya uu gacan ka gaysan karaa in dadka ay helaan fursado shaqo.

Waxaa jira cabsi dhanka ammaanka ah maadaama horey injineero shidaal qodis ka waday deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu laayay halkaasi.

2007 ayay ahayd markii 11 injineer oo u dhashay dalka Shiinaha iyo 74 qof oo ah dadka u dhashay dalkaasi ay jabhadda ONLF ku dileen halkaasi.

Balse gobolka ayaa imika la sheegay in uu ammaan uu yahay .

Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere} oo horay madax uga ahaa ururukii UWSLF, ee xorenta Soomaali galbeed oo Itoobiya horay ula heshiiyay ayaa sheegay in ay tahay fursad aad u fiican oo ay dadka deegaankaasi sugayeen muddo qarni ka badan.

Mr Ibraahim ayaa intaa ku daray in caqabadaha ka hor imaan kara arrintani ay ka mid tahay arrinta amniga ayna tahay in arrintaasi la xaliyo.

Waxa uu sheegay in sanooyiin ka hor weerar lagu qaaday goob shidaal laga qodayay oo deegaanka ka tirsan lagu laayay injineero islamarkana ay tahay in arrintaasi la xaliyo si kalsoonida shirkadaha loo kasbado.

“Waxaan ogsoonahay in mar hore rag injineero ah oo shiineysa ah lagu laayay oo jabhadihii dagaalamayay ay laayeen marka taasi waxay u baahan tahay in la xaliyo oo jabhadaasi ONLF lala hadlo oo lala heshiiyo si degdeg ahna kiiskaasi loo dhameey”.ayuu yri.

Xigasho: BBC Somali

Dacwadda Imaaraadka iyo Qatar oo si rasmi ah uga furantay maxkamada ICJ

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa dalka Sacuudiga, Dowlada Qadar ayaa dhawaan dacwad heer caalami ah ka gudbisay dowlada Imaaraadka carabta taa oo iminka ka furmatay Maxkamada ICJ ee Magaalada Hague.

Maxkamada ICJ ee Magaalada Hague oo dacwadaani la hordhigay ayaa iminka furay, waxaana Maxkamada ku sugan mas’uuliyiin kala mataleysa labada dal.

Dacwada ay Qadar u gudbisay Maxkamada ICJ ayaa ku saleysneed in Dowlada Imaaraadka carabta ay ku xadgudubtay dhinaca xuquuqda aadanaha iyo takoor gaar ah oo ay ku sameysay muwaaddiniinta Qadar ee ku sugan caasimada iyo Gobolada dalka Imaaraadka.

Dowlada Qadar ayaa Maxkamada ICJ horgeysay in Imaaraadka carabta ay gaf ku talo gal ah u geysatay Muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi kuwaa oo cadadka qiyaasta kor u dhaafaya 13,000 oo shacab Qadar u dhashay ah.

Dacwada Qadar ayaa ah in dowlada Imaaraadka carabta ay dalkeeda ka erisay 13,000 muwaadin, halka tirro kale ay boob Hantiyadeed kula dhaqaaqen inta lagu guda jiray bilowga xiisada labada dal.

Dacwada Qadar ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in dowlada Imaaraadka ay hawadeeda ka mamnuucday diyaaradda Qatar Airways iyo qodobo kale.

Wakiillada Dalka Qatar ayaa shalay oo Arbaca ahayd waxaa ay Maxkamadda ka hor jeediyeen dacwadda ay u qabaan Imaaraadka.

Sidoo kale, maanta oo khamiis aheyd ayaa waxaa Maxkamada hortagaayay wakiillada Imaaraadka oo  iyaguna fal celintooda ka jeedinaayay Maxkamadda horteeda.

Si kastaba ha ahaatee, kiiska ugu badan ayaa dusha laga saaray Dowlada Imaaraadka oo iyadu si ay ku jirto cadaawad kula dhaqantay Qadar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somaliland oo war cusub ka soo saartay Tukaraq iyo waxay ka damacsan tahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulan ay madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa maanta ku yeesheen xubnaha golaha wasiirada maamulkaas, ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha amniga, gaar ahaan xaaladda deegaanka Tukaraq, oo ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxana lagaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka Somaliland.

“Qodobada ugu muhiimsanaa ayaa waxa ka mid ahaa xaaladda xuduudaha bariga Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Somaliland.

Puntland ayaa dhowaanahan ku hanjabeysay inay xoog ku qabsan doonto Tukaraq.

Sidoo kale waxa uu shirka lagu  caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba u xaqiijinayso muhiiim nabada iyo deganaanshaha.

Hadalka kasoo baxay Somaliland ayaa imanaya ayada oo maanta hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha ee ICG ay sheegtay in dagaal kale oo ka dhaca Tukaraq ay si aad ah suurto-gal u tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sacuudiga oo go’aan cusub ka qaatay xoolaha Somalia ee dalkaas loo dhoofin jiray

Riyadh (Caasimada Online) – Wargeyska Al-iqtisaadiyah ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoray inay Dowladda Sacuudiga u oggolaatay Bangiga Horumarinta Islaamka (The Islamic Development Bank) inay keeni karaan Xoolaha Somalia oo ay Dowladda Sacuudiga horey u xaryirtay in Xoolahaasi loo iib keeno dalkeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga, Dr. C/llaahi Aba Kheyl ayaa sheegay in Bangiga Horumarinta Islaamka loo fasaxay inay Somalia ka keeni karaa 1,140.000 oo neef, oo loogu tala galay Mashruuca Xoola-qalka ee Maka Al-mukarama, si Xujeyda loogu qeybiyo Xilliga Xajka ee foodda nagu soo haysa.

Afhayeenka Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga, Dr. C/llaahi Aba Kheyl waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Baaritaan lagu sameeyo Xoolaha laga keenayo Somalia, ka hor inta aan Maraakiibta lagu soo daabulin.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in lagu ballamay inaysan Qandaraaslayaasha Bangiga Horumarinta Islaamka u gudbin Karin Xoolajaasi Suuqyada ku yaalla gudaha Sacuudiga, si looga hortago inaan lasoo gudbinin Cudduradda xuduudaha ka soo gudba.

2 Markab ayaa la filayaa inay Xoolaha nool ee ay Somalia ka soo daabulaan ku soo xiran doonaan Dekedda Islaamiga ee magaalladda Jeddah, halkaasi oo mar kale lagu baarayo Sheybaarka Khaaska.

Dhinaca kale, Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga waxay walaac xooggan ka muujisay

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected] 

Itoobiya oo billaabeysa inay maanta soo-saarto gaas-ka dhulka Soomaalida (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Itoobiya ayaa sheegay in maanta oo khamiis ah uu bilaabayo soo-saarista Gaas-ka dabiiciga ah ee ku jira deegaan Soomaalida ay degto ee dalkaasi.

Qoraal arrintan laga soo saaray waxaa lagu sheegay in ribixa ama faa’idada laga helayo uu dhaafayo 1 billion dollar.

Sida ay sheegtay wasaaradda Macdanka iyo Petroolka ee dalka Itoobiya, keyda gaaska ee ku jira dhulka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu qiyaasay lix-siddeed billion cubic feet, tayadoodana aad u sareyso.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in daaweynta qarashka ku baxaya xagga gudaha oo xooggan darteed, heshiis lala galay shirkad Shiinees ah, shirkadda Poly-GCL waxaa ay tubooyinka gaaska geyn-doontaa ilaa Djibouti.

Lacagta laga helayo gaaska laga soo saarayo dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegayaa inuu siyaadi doono sanadaha soo socda, mar haddii keyda uu aad u badan yahay.

Gaaskan la helay keliya lama dhoofin-doono ee waxaa kale oo loo isticmaali-doonaa in ay isticmaalaan warshaha gudaha.

Gaaskan dabiiciga ah ee la helay waxaa ay qeyb ka tahay kor u qaadista dhaqaalaha dalka Itoobiya kaas oo hadda ku jira dalalka ugu dhaqaale kororka badan qaaradda Afrika.

World Bank waxaa uu qoraal ku soo saaray in Itoobiya oo wax soo saarka gudaha hadda GDP-ga ka yahay 1.5%  in 2025-ka gaari-doonno ilaa 10%.

Warar kale ayaa sheegaya in Gaaska dabiiciga ah aanu ku koobnen  dhulka Soomaalida ee ay jiraan shirkado ka raadinaya Rift Valley, Gambella, Cafar iyo gobollada Amxaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]