25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog: R/W Abiy Ahmed iyo Qalbi-Dhagax oo maanta ku kulmay Addis Ababa

Addis ababa (Caasimada Online) – Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Ethiopia ayaa iminka laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Qalbi dhagax ayaa cafis ka helay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo kusii daayay dalab kaga imaaday dowlada Somalia.

Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Jabhada ONLF ayaa maanta oo sabti ah fursad u helay la kulanka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, ayaa Qalbi Dhagax ka wareystay xaaladiisa caafimaad, caqabadaha hadda heysta iyo sida uu u arko cafiska loo fidiyay oo dalabkiisa ka yimid dowlada Somalia.

Abiy Axmed ayaa Qalbi Dhagax ka xog wareystay haddii ay jiraan dhibaatooyin khatar ah oo loogu dhex geystay Xabsiga, waxa uuna sidoo kale ka dalbaday inuusan wax dhiba u qaadan wixii horay u gaaray maadaama uu dhacay isbedel maamul.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Qalbi Dhagax uu Ra’isul wasaare Abiy Axmed ka dalbaday in lsoo xiro dhammaan kiisaska uga furan Maxkamada iyo qeybaha Sirdoonka Ethiopia oo muddo ku dhow sanad uu la xiriiraayay.

Qalbi Dhagax, waxa uu sidoo kale, Abiy Axmed ka dalbaday in lasiiyo xorriyad taam ah, maadaama uu xadidan yahay socdaalka iyo fasaxiisa, si buu yiri uu kulan ula yeesho qoysaskiisa.

Ra’isul wasaare Abiy iyo Qalbi Dhagax oo kulankooda uu ahaa mid albaabada u xiran isla markaana laga heyn faahfahino dheeri ah ayaa waxa uu daba socdaa dadaalo ay dowlada Ethiopia ku dooneyso kasbashada ONLF oo fakero khaldan ka heysta Ethiopia.

Ra’isul wasaare Abiy ayaa la xaqiijiyay in Qalbi Dhagax uu u ballanqaaday u sahlida waxyaabo badan oo ku saabsan dalabkiisa, hase yeeshee ma uusan iminka helin ballanqaad rasmi ah.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada la wareegay bishii April la yimid siyaasad furfurnaan iyo is bedelo ka duwan sidii lagu yaqiin Ethiopia, isagoo dabacsanaan u muujisay dhinacyada ka soo horjeeday Ethiopia iyo dalal ay siyasad ahaan isu hayeen.

Ma cadda go’aanka uu Ra’isul wasaare Abiy ka qaadan doona dalabka Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Addis ababa
[email protected]

Arag SAWIRRO muujinaya burburka xoogan ee qaraxii maanta ka dhashay..!!

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax maanta duleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay gaari uu saarnaa Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa miinada waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan , waxaana xusid mudan inuu ku dhaawacmay Gudoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha oo lagu magacaabo Ayaan, maadaama gaarigi ay wadatay uu qabsaday qaraxa.

Qaraxa ayaa Dhaawac aan sidaasi u buurneyn waxa uu kasoo gaaray Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Maxamed Ibraahin Barre.

Labada Gudoomiyaha ayaa dhaawacooda waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Askari  ka tirsan ilaaladda Gudoomiyaha ayaa ku dhintay Qaraxaasi waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Lix kale oo ka tirsanaa Ilaaladda Guddoomiyaha.

Fiqi oo fasiraad xiiso leh ka bixiyey hadalkii Jamaludiin ee sii daynta Qalbi-Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii maanta kasoo yeeray safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar ee ahaa in dowladda Ethiopia ay Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax kusii daysay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu fiqi soo dhigay facebook, ayaa u qornaa sidan:

COL KU DHAC OO TUUGO KUU CIIDAMISAY U EKAA MACNUHU!

Goormaa afhayeenkii Villa Soomaaliya loo magacaabay Jamaaludiin Mustafe safiirka Itoobiya iyo in uu ku hadlo magaca dawladda Soomaaliya?

Waxaan daawaday muuqaal Jamaaludiin uu uga hadlayey sii daynta halgamaagii laga afduubay SOOMAALIYA bishii August 2017 Col. Qalbi Dhagax ee ka dibna loo gacan galiyey kooxo maafiyo ah oo dawladda Itoobiya ka tirsan, oo afduub ugu haystey goobo gaar ah oo ay dadka afduuban ku xirtaan. Jamaaludiin wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya codsigeeda lagu sii daayey Qalbi Dhagax 27kii Juun, hadalkaasoo u muuqday mid uu marada ku dadayo dad afkoodii uu juuqda gabay, laakin inuu shahaado-zuur yahay ay cid walba wajigiisa ka dheehan karto.

Dadka siyaasadda u xirnaa ee la midka ahaa Qalbi Dhagax ee xabsiyda Itoobiya laga sii daayayna ha noo sheego Jamaaludiin cidda ka danbeysay sii deyntooda? In ONLF Barlamaanka Itoobiya loo gudbiyey in aysan argagixiso ahayn ha noo sheego cidda ka danbaysa!

Jamaaludiin wuxuu ka mid ahaa kuwii Qalbi Dhagax afduubkiisa gacanta ka gaystay, weliba in si dhuumaalaysi ah diyaarad loogu qaado Baydhabo ka dibna Itoobiya oo kooxahaas maafiyada ah loo gacan galiyo, Maanta inuu inta na soo hor istaago been intaas le’eg uu isku dayo inuu umadda ku marin habaabiyo waa arrin muujinaysa wadada dalkeenu uu qaaday iyo meesha xaal marayo.

Waxaan ka warqabnaa in marar badan la isku dayey mudadii kooxaha maafiyada ahi ay afduubka u heysteen Qalbi dhagax in laga hadalsiiyo asagoo leh wadahadal aan kula jiray dawladda Itoobiya Ãyaan ku imid, markii uu diidayna in laga shaqeeyey in la khaarajiyo, taasoo ilaahay ka badbaadiyay, hadalka Jamaaludiin wuxuu ka dhigan yahay “Col ku dhac oo tuugo ku ciidamisay!

Wadada u furan kooxdii shirkada ku ahayd falkii gurracnaa ee afduubka Qalbi Dhagax waa in ay cafis waydiistaan umadda, ka dibna Qalbi Dhagax, cid kasta oo laga hadalsiiyo ama been kasta oo la dhoodhoobo ma tirtiri karto xaqiiada jirta ee ku aadan taariikhda madow iyo raadka xun ee arrintaasi ay reebayso! Haddii la rabo haba laga hadalsiiyo aboowaha madaxweynaheena ee Abiy Axmed.

MAS’UUL xil sare u hayey Puntland oo baxsaday iyo xariggiisa oo la amray..!!

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa daboolka ka qaaday inay sharciga la tiigsan doonaan xisaabiyihi gobolka Mudug oo baxsaday.

Amar kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa hay’adaha amaanka lagu amray in lasoo xiro xisaabiyihi Wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug oo baxsaday.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in xisaabiyaha uu ka baxsaday dhammaan deegaanada maamulka Puntland ka dib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in uu ciidamada Ammaanka ay soo qabtaan ninkaasi.

Sidoo kale, Xisaabiyihii gobolka Mudug  Barqadle Aadan Muuse ayaa horay ugu dhawaaqay inuu iscasilay ka dib markii uu eedeyn u jeediyay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Dhinaca kale, Puntland ayaa ku eedeeysay in uu lunsaday lacago ku jiray qasnada maaliyadda gobolka Mudug.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Dadka u dhashay Banaadir: Nin mininkiisi marti ku ah.!!

Ma jiraan dad mininkooda marti ku ah? Horta marti maxaa loola jeedaa? Ma jiraan wax xuquuq ay martidu ku leedahay meesha ay joogto? Marti micnaheedu waa in aadan wax xuquuq ah ku lahayn meesha aad ku sugan tahay, maadaama aadan talo iyo go’aan midna ku lahayn rugta aad ku sugan tahay.  Haddaba, dadka ku nool gobolka Banaadir waxay ku soo bexeen marti aan wax talo ah ku lahayn gobolka, kaddib markii dalki kala baxay oo ay timid dowlad lagu magacaabay FEDERAAL.

Horay u sii soco, gobolladi goostay oo sameystay calan iyo caasimad u gaara waxay dhaqan geliyeen oraahdi ahayd KEYGANA LIHI KAAGANA KULA LIHI. Aaway dadki gobolkaan lahaay oo sheega jiray weligood oo maanta weysay inay helaan xataa aqoonsi inay yihiin dad jira oo xaq u leh inay iyaguna yeeshaan waxa ay gobollada kale heystaan oo ah AQOONSI in loo aqoonsado gobol sameysan kara dowlad goboleed u gaara oon cidina la wadaagin. Maxaa marti ka dhigay reer BANAADIR? Nasiib darro, dadki laga filaayay inay u adeegaan bulshada gobolkaan deggan waxay ka doorteen inay xoogaa laaluush qaataan waxa dhacaya iyo waxa soo socdana ay ka aamusaan…af wax cunay xishoo!!!

Xildhibaanada iyo siyaasiyyinta Banaadir waa dad aad uga liita xagga garaadka iyo garashada waxa ku dhacaaya dadka gobolkaan ku nool ay iyagu sabab u yihiin waayo kuma jiro hal qof oo dareema laqdabada ku socota ummaddaan oo canshuurihi ay bixiyanaa la siiyo gobollo kale iyaguna ay ka qadsan yihiin.  Qofki laga dareemo dhaq-dhaqaaq uu ku raadinaayo xuquuqdaXamar ama ku hamiya inuu raadiyo maqaamka Banaadir in laga takhaluso si dhaqso ah oon xishood lahayn, iyadoo aan geed loogu soo ganban, sidi lagu sameeyay Taabid Cabdi markuu isku dayay inuu Banaadir maqaamkeeda raadiyo.. Shirki uu ku qabtay xarunta gobolka waaga uma baryin..wuxuuna ku sigtay in la khaarijiyo kaddib markii la geeyay meesha ciidamo fara badan oo la wareegay gobolki oo dhan. Isla markiiba subaxdi xigtay waxaa lagu beddelay, si loo daboolo mu’aamarada, mid u nasab sheegta gobolka oo jaga ka weyn Guddoomiye Gobol laga qaaday oo welina ku faraxsan waayoo u maleyn maayo inuu kala garan karo meesha laga keenay iyo meesha la geeyay iyo xikmadda ka dambeysa.

Haddaba, Banaadir waxay u baahan tahay dad garan kara waxa soo socda kana gaashaaman kara intey goori goor tahay, gurigooda aysan marti ku ahaan. Banaadir dadka oo dhan waa ka dhexeysaa waana caasimaddi dalka, laakin taasi micnaheedu ma ahan inaysan dad lahayn, dad  xaq u lkeh inay gurigooda iyagu ka taliyaan inta kalena ay marti ku yihiin..

DALKA WAA LOOGA TALI KARAA XAMAR, DOWLADDANA WAA JOOGI KARTAA..laakin waa in la fahmaa dadkana loo sheegaa micnaha ah in dalka la wada leeyahay, haddana la kala leeyahay. Waa in dadka lagu qanciyaa in wixi hanti ah ama daaro aad ka dhisato Xamar adigaa iska leh laakin dhulka adiga ma lihid waayoo waa hanti ma guurto ah.

Tallaabooyinka loo racay casilidi Taabid waxay caddeyneysaa in awooda dalka oo dhan ay gacanta ugu jirto Xasan Kheyre cid la wadaagtana aysan meesha ka muuqan. Maanta waxaa socda  howlgallo uu wado Kheyre oo ah inuu  beddelaayo taliyeyaasha ciidamada oo dhan…yaa awooda intaas laeg siiyay…ma yaqaannaa shaqada uu qabto taliye ciidan (his job description)waa howl u gaar ah Madaxweynaha oo markuu ka qaato talooyin guddi ka tirsan Barlamaanka ku dhaqaaqo wixi la gudboonaada.

Berigii hore waxaa jiri jiray sharci xadeeya darajooyinka la siinaayo sarakiisha sarsare oo cidanka, ma noqon karin Gaashaanle ( mayjar) ILAA GUDDI BARLAMAAN KA OGGOLAADO…maantana  Xasan Kheyre ayaa cidduu doono magacaaba, cidduu doonana ka qaada jagada wax kasta oo ay tahay…Waryaa ninkaan siiyay awoodaan xad-dhaafka ah oo  ka badan xataa tan boqorradu leeyihiin.  Taasina waxay markhaati ka tahay in M/weyne Farmaajo uusan meesha wax talo ah ku lahayn awoodina la gala wareegay sidaasna uu raalli ku yahay mar haddii lagu magacaabo Madaxweyne!!!

Qaybaha dowladda oo dhan macal barlamaanka waxay hoos tagaan Xasan Kheyre oo siduu doono u maamula, cid ka daba hadli kartana aysan muuqan..ma la heli doonaa dad garta xaalka halka uu marayo iyo sida looga hortegi karo khatarta soo socota!!!

W/Q: Axmad Calasow

Ethiopia: “QALBI-DHAGAX waxaa lagu sii daayey codsi ka yimid dowlada Somalia:”

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa faah-faahin ka bixisay sii deyntii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi- Dhagax) in ay ku timid codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, dhinaca kalena fasiraad ka bixisay hadal uu dhowaan sheegay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya war uu  siiyey ku sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen sii deynta Qalb-dhgax,  dowladda Federaalka Itoobiyana ay tixgelisay codsigaas lana sii daayey.

Dhinaca Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa fasiraad ka bixiyey hadal uu dhowaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka jeediyey dalkiisa, kaas oo warbaahinta ay si khaldan u turjumeen, waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin laba dal oo la mideynaya, hasa yeeshee u jeedadu ay tahay sidii la isaga kaashan lahaa mideynta Dhaqaalaha  geeska Africa si Soomaaliya iyo Itoobiya ay hormuud ugu noqdaan arrintaas.

“Waxba kama jiraan hadallada  been abuurka ah ee sheegaya  in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu  yiri waxaa la mideynaya labada dal, waxa la mideynaya waa Dhaqaalaha labada dowladdood, taasna Midowga Yurub, Midowga Africa iyo waddamada horumaray ayaa ku dhaqma, cadowgeenna waa Faqriga iyo Gaajada waana in aan  si wadajir ah ula dagaallamaan labada dal”.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Jamaaludiin ayaa sheegay in Jiilashada hadda ee labada waddan in aysan u baahneyn colaadihii la soo maray oo ilbaxnimadu ay tahay in la isdhaxgalo.

Dalka Itooobiya waxaa ka jira isbaddello siyaasaddeed, taas oo keentay in maxaabiista qolyaha mucaawadka laga sii daayo Xabsiyada dalka Itoobiya, sii deynta Qalbi-dhagaxna ay qeyb ka tahay isbaddelladaas Itoobiya ka socda.

ONLF oo laga saarayo liiska argagixisada Ethiopia iyo cafis guud oo loo fidinayo

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in maanta ay golaha wasiirrda ee Itoobiya gudbiyeen qaraar ururka ONLF looga saarayo liiska kooxaha argigxisada ah iyo in cafis loo fidiyo kooxo iyo shakhsiyaad horay loogu tuhmay khiyaanno qaran.

Fitsuma Arega oo ah agaasimaha xafiiska ra’isul wasaaraha ayaa bartiisa ku qoray in golaha wasiirrada Itoobiya ay u gudbiyeen baarlamaanka dalkaasi qaraar ONLF iyo kooxo kale looga saarayo liiska argigixisada.

Uruurada la qaadayo xayiraadda waxaa ka mid ah  OLF, ONLF & Ginbot 7, waxaana la sheegayaa in arrintan ay dhiirigelin-doonto xuriyadda dadka iyo inay si nabad ah loo gaari karo hadaf siyaasadeed.

Waxyaabaha baarlamaanka loo diray waxaa kale oo ka mid ah: in la cafiyo shakhsiyaad iyo hey’ado horay loo dhahay waa “Khaa’imiin” kuwaas oo lagu helay ama baaritaan ku socdaan ama xataa dambiyo kale oo dowladda ka dhan ah sida kooxaha hubeysan.

September 6, 2017: Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya u dhiibtay Cabdikarim Qalbi-dhagax ayaa maalintaas sheegtay inuu ka tirsanaa koox argigixiso ah.

Ku darista Xukuumadda Soomaaliya ay ku dartay ONLF ku dartay liiska kooxahaasi, waxaa ay dhalisay muran badan, lamana oga waxaa ay sameyn-doonta kadib go’aanka xukuumadda Itoobiya ee ururkaasi uga saartay liiska kooxaha argigixisada.

Ilmadii SAMIIRA: AARGADII DAYNIILE (Dhacdo xanuun leh oo ka dhacday Xamar)

(XAQU HADUU QARAAR YAHAY SOOW QOTAMI MAAHA)

Samiira iyo C/weli waxay AQALGALEEN 16kii bishii Maarso ee isla sanadkan 2018, waa maalintii farxadooda ee lamanuhu ay qoys ku midoobeen, 3 June ee 2018 waa maalintii murugadooda,oo qoyskoodii uu kala dhantaalmay oo uu burburay kadib markii mid ka mid ah ciidamada dowladdu uu si bareer ah u dilay Bajaajlihii C/weli, 80 maalmood oo qoyskaasi ku soo jiray farxad iyo reynreyn waxuu ku soo gabagaboobay murugo, wxaase xanuun raage noqdey in dilaagii aan la soo qaban oo wali aan maxkamad la soo taagin..

Maxaa loo diley Cabdi wali?

Ma ilmeynin beryahan, waa murugo, waa ciil, waa uur kutaalo.waa boholyoow, waa abyan, waa anfariir. waa naxdin, waa ammakaag,waa afdhabaandhow, waa arxandarro,waa gabood fal,waa kaa adki, waa ayaandarro, waa lama arag iyo lama maqal.

Intaas oo erey dareenkeyga mid aan duldhigo oo ku adkeeyo qormadeydan waa garan waayay markaan maqlay dhacadada xanuunka badan ee ku dhacday gabadha Soomaaliyeed Samiira C/risaaq oo dhawaan seygeeda lagu diley isagoo waxba galabsan oo wada (bajaaj taxi)uu ku xoogsado, kana maareyayo nolashiisa isaga oo marayay mid ka mid ah waddooyinka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir oo dhinaca koofureed kaga beegan bartmaha casimada magaalada mogdishu.

In Mogadishu qof lagu dilo ma aha wax cusub laakiin sida loo diley Cabdi wali waxeey reebtey xanuun baahay oo saameeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waa sababta keentey inan qormadan Qalinka u qaato oo aan ku karfano shucladdii nololeed ee lammaanihii farxadda ku noolaa ee askarigii qaranku geerida ku kala erdheeyay markuu si ula kac ah u diley hormoodkii qoyskii xushmada iyo qaddarinta ku dhisnaa.

Waa hubaa in ay ku dhibtey oo qalbiga kala ooysay adiga oo ka caloolxumaanaya geerida naxdinta iyo uur ku taalada laheeyd ee u soo hoyatey walaasheen Samiira Cabdi risaaq oo u dhaxdey wadihii bajaajlihii la diley Cabdi wali Nuur Siyaad oo 17 kii Ramadan MUQDISHO lagu dilay.

ILMADII SAMIIRA!!!

Waa maalin adag oo gudcur ah naqasku kugu dhagi lahaa oo balowgaga iyo sawaxankaga dhinac walba MOGADISHU laga maqli lahaa haddii naf aad jeceshahay oo farxad wadaagteen oo caafimaad qabta oo daqiiqado ka horna aad codka telephone ka iska maqasheen kuuna sheegay in uu dhankaaga u soo socda oo aad daqiiqado kadibna aad dooneysay in aad indhaha ka qaado si aay ugu naaloodaan, adigoo waliba u diyaar garoobay oo hortaagan kuna sugaya halkuu saakay ku sii dhigey seygaagii aad jecleyd inta aanu bilaabin shaqadiisii caadiga aheyd.

Waa ugu adag tahay in aan sawir mala awaaleed ka bixiyo xaaladdii Samiira laakiin intii aan bushimaheeda ka furay muuqaal aan daawadey ayadoo murugooneysa aan tiraabeeyo.

Samiira qiyaastii waa 20 jir xaaskii Cabdi wali buugaagteedii jamacada iyo boorsadaadii ayay albaabka hore ee jaamacadda la kabruurtaa, indhaheedu waxaa ay qabanayaan bajaajyada faraha badan ee wadeyaasha Taksiileyda ku shaqeysta, dhammaantood indhaheedii waa ay wada xiiseynayaan laakiin kalarrada ayaa kala duwan oo mid ka mid ah ayay si gaara u sii xiiseynaysaa, kaasuna waa midka marsan bajaajka Cabdi wali uu nolosha qoyskooda ugu baadigoobo, waxay hammineysaa in ay heer wanaagsan ka gaarto aqoonta si wax weyna ay uga badsho nolosha qooyskeeda.

Waxa ay dhowreysaa in ay ku dhaqaaqdo shaqo howleedkeedii maalmeed, waxay ka fekereysaa in dukaamada iyo moolalaka kuwa ka mid ah ay ka sii sameeysato shopping ama adeeg oo subixii hore saakay ay ku balmeen lamaanuhu in aay ka dukaameystaan, tii ale waa halkeedii laakiin nooluhu waa kii sameystaa qorshe dhow iyo mid fog waxeeyna ku dhammaataa tii Alle qofna ma oga oo waa qarsoon tahay xilliga nafta laga qaadayo iyohalka uu ku geeriyoonayo, Allow qaatumada noo samee

Samiira inyar kadib waxaa aay eegeysaa telefonkeedii si aayna u hareer marina ama aanay u maqli weynin gariirka ama gambaleelka dheer ee telefonka aay gacanta ku sidatay waxey dhowreysaa codka Cabdi wali oo oranaya macaanto waa kuu taaganahay ee soo dhaqaaq.

Weli nolosheeda may arag Cabdi wali oo soo daahay weyna dareentey maalintaas inuu soo daahay, dhowr jeer oo hore ay ula hadashay sacadihii ugu dambeeyay noloshiisa ,waxuu wargaliyey in waddooyinka oo xiran uu ku soo beegmay laakiin uu u soo dhow yahay.

In ku filan in qof la dhowro markay taagan tahay, Telephone-kiisii ayeey ku dhufatey qofbaa degdeg ula Hadlay oo ku yiri “ruuxa telefonkaan leh waa meyd waa la diley, wuxuu dhexyaalaa waddada Meydkiisa soo doonta haddii aad garaneysid”.

Samiira Cirka iyo dhulka ayaa la wareegay, maalintii waa ay u soo yaraatey maskaxdeedu waxeey degdeg u aqrisay dhammaan wanaaggii iyo jaceylkii lamaanaha dhexyaalay waxuuna sawirkii ugu dambeeyay noqday ,markeey dul istaagay Cabdi wali oo meyd oo madaxa iyo lugaha ay xabadihii kaga yaallaan oo bajaajkiisii dhexyaal marar qaar run waa u qaadan weysay dhacadii adkeeyd ee ku ugubka aheeyd waxay u maleyneysay in ay riyooneyso.

Ilmadii Samiira ee sacabadeeda qooyay waxay dhabannadii Cabdi wali kaga soo tirtey kareemkii ay saakay wajiga u marisay markii ugu dambeysay ee aqalkooda ay ka soo baxayeen maalintaas.

XAQIIQADA lama dafiri karo, daqiiqad kasta iyo saacad walba guri ka mid ah guryaha Soomaaliyeed ayaa murugo dhextaallaa, sameyntii farxadii nololeed ee Samiira waa cidlo, waxaa ay dul istaagtay Qabrigii iyo gurigii rumaad qof aay hamuun u qabtey, dunida ay u jecleyd, wehelkaadii rumaad ,saaxiibkeedii dunida, sirtaadaii nolosha, iftiinkii mustaqbalkeeda, in kasta oo aan nafta leysa siin haddana kaar iyo xanuun kulka caashaq leedahay kadeed waa ay is arkeen laakiin Samiira, samirka iyo iimanka labadaba waa ay kaashatay murugadase ma qarsoomi karin.

Samiira waxaa hareeynayay jabterkii soo xirmay ee mustaqbalkii fogaa ee ay wada hiigsaneeyseen lamaanuhu , waana ay u caddaatey in dib dambe noloshii wanaagsaneyd aaney ula wadaagi doonin jaceeylkeedii dhabtaa ahaa,lamaanihii wehelka raxmada ku wadaagey labadii daarood midba mid raac laakiin culeeyskii dunida Samiiruu horyaal Cabdi walina camalkiisa ayaa horyaalay, mid walba alow u fududee

Waa hubanti xaqiiq ku saleeysan in aanay dib dambe u arki doonin Cabdi wali, dhadhansigii macaanaa, noloshii dhabtaa aheyd, gabal dhacay habeen dam ah waxba ma dhaamo, ehelkii arqabadii. Asxaabtii, Ilaahay ha u naxariisto, gacan ka XAQDARAN ayaa dishey ayaa lagu soo gunaanaday laakiin XANUUNKA, kaarkii iyo uurkutaaladii waxay ku soo hoortey Samiira, Cabdi walina intii jecleyd ciiddeey ku rogeen oo waa la aasay..

Qabrigii waa laga soo dareeray Samiira iyadoo kaligeed ah oo gacno maran hungana ka muuqato ,waxaa loo soo galbiyey gurigii ay degganeyd, kolkii qolkii aay degganaayeen ay furtay dunidu waa mugdi, iftiinka noloshu wuu yaraadey, rajadii ay qabtay waxaa ka soo soka maray huwaan gudcur salka ku heysa, laakiin Ilaahay gacantiisu waa weyn tahay iimaankeeduna waa suganaa samir iyo iimaan ayaa ka muuqdey Rabbina waa ay u bariday in ilaaheey u dambi dhaafo ruuxeey dunida u jecleeyd ee hangoosha lagu sii galbiyey iilkana la dhigey.

Hal talaabo markeey gudaha qolka u sii dhex qaadey oo darashiida furtey waxaa u muuqday kabihiisii iyo dharkii uu arooska xirnaa, jaakad cad iyo kabo madow ayaa indhuhu si gaar u qabanayaan waxeyna u aheeyd xusuus lama illoobaan ah.

Wehelkeeda ugu dhow waa in ay Sanka saarto carfiso Shaarkii iyo barafuunkii uu marsaday ee ku yaalay shaarkii ugu dambeeyay ee uu xirto oo gacmaheeda ay uga siibtay dhimashadiisa wax yar ka hor Shaarkaas oo dhulka u yaalay in la meyro ayaa helay maamuus gaar ah oo XUSUUS iyo murugo leh.

Samiira indheeda ilmada kama celin karto, daqiiqad ma iloobi karto seygeedii ay aadka u jecleyd, xuusuusteeda kama goyn karto sidii uu u daryeeli jirey, ereyadii raxmadda lahaa iyo farxaddii joogtada aheyd ee uu siin jiray.

GUNAANAD

Geeridu waa xaq naf kastana waa dhimaneysaa waana lagu qancayaa Eebbe wuxuu qaddaray laakin naftu waxa ay is weydiineysaa :-

”gacantan xaqdarrada u dishay naflaha maskiinka ah ee mustaqbalka noloshiisa bilowga ah ka shaqeynayay sidii uu meel sare u gaarsiin lahaa.?

Muxuu xaq ugu yeeshay in loo dilo si arxan la’aan ah, muxuu xoogsadaha bajaajlaha ahi galabsaday.?

Maxaa askarigii QARANKA ugu quuray in uu gooyo naf la jecel yahay oo xaaskiisu sacabada furan ku sugeeysay, maxuu u qasaariyay jaceylkan waayaha badan aan soo jirin ee ubaxa qoyan sacabada ku sitay?,

Muxuu cidlada iyo beylahda ugu kala qoqobay lammanahan nolosha wadaagay ee farxad ku noolka ahaa.

Maxaa madaxda QARANKA uga hadli waayeen askarigan dhaawacay dhammaan quluubta dadka Soomaaliyeed ee maqlay codka cabashada iyo murugada leh iyo ilmada Samiira?,

Su’aalahan looma heli karo jawaab ilaa la soo qabto dambiilihii geystay dhagartii lagu diley Cabdi wali oo ahaa bajaajle ku jiray howlmaalmeedkiisii caadiga isagoo marayay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir kuna beegan meesha loogu magacdaray Aargada Dayniile

Haddii dilaagu askari QARAN yahay wey mudan tahay in maxkamadda ciidamada si degdeg loo horkeeno si loogu qaado ciqaabta dhibbanihii uu dilay loogana abaalmariyo gaboodfalkii uu geystay.

Haddii uu baxsaday miyaanay mudneyn shacbiga iyo bejaajleydu in ka kacaan oo ka dhiidhiyaan dhacdadaas ilaa maxkamad la soo taago oo la soo qabto dilaaga Bajaajlaha xaqdarrada ku toogtay.

Ogaada Dumanayaal Soomaaliyahow in xaq laguugu leeyahay in aad sheegto halka uu ku dhumaaleeysnayo dambiilihi dilay wiilkii Bajaajlaha ahaa ee 17kii Ramadan lagu dilay magaalada MUQDISHO si aanu ugu hiilino walaasheen murugada iyo ciilka la tiicday ee weysay odeygeedii, jaceylkeedii iyo qeyb ka mid nolosheedii cusbeyd.

Sow ma haboona in aan kor u qaadno codsiga Samiira xaaskii C/weli si caddaaladda loola tiigsato kii ka dambeeyay in nolosheedii farxadda laheyd uu tirtiro.

Waxaan qormadan ku gabagabeynayaa fadlan caawmaad ka geeyso si loo soo qabto dhagar qabihii, dilaagii darawalkii Bajaajlahii C/weli Nuur Siyaad ku dilay Aargada Dayniile.

Waxaa Qoray: Cawil Dahir
[email protected]

Guusha Erdogan iyo rajada cusub ee dunida Islaamka u bidhaantay (Xog-warran)

Kadib dhacdadii 11 September 2001 waxaa dunida Islaamka ku socday dagaal siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatery oo ay iska kaashadeen quwadaha reer galbeedka iyo reer bariga. Waxaana bilawday waxa loo yaqaan “Islamophopia” ama dagaalka Islaamka iyo Argagaxisada, waxa ay arintu kasii dartay markii la fashiliyay mashruucii kacdoonka Carabta 2011, khilaaf iyo dagaalna la dhex-dhigay Carabta iyo Iran, Pakistan oo aheed dawlad Nuckear na lagu abuuray mashaakil gudaheeda ah oo daciifiyay.

Kadib doorashadii Trump 2016 xaalada dunida Islaamku waxa ay gaartay meel khatar iyo rajo beel ah kadib markii uu ku dhawaaqay qorshe dagaal cad oo ka dhan ah dunida Islaamka oo lagu qaadanayo Qudus, laguna burburinayo Turkey, laguna go’doominayo Iran, laguna boobayo hantida Khaliijka, laguna baabi’inayo Muqaawamada Israel (Xamas & Xizbulah) laguna eryayo Muslimiinta ku nool Galbeedka, cadaawadna lagu dhex-dhigayo dawladaha Islaamka hub-badana looga iibinayo kadibna la isugu dhiibayo.

Bilawgii sanadkaan 2018 markii xaaladu gaartay meel adag oo quus ah ayaa Iftiin iyo Rajo kasoo muuqatay dhawr gobal oo Muslimiintu ku farxeen, Cadawgooduna ku jabay, kuna guul-daraystay dagaalkii iyo hantidii uu ku bixiyey ka hortaga guulahaas sida;

1-Doorashadii Ciraaq ee u ku guulaystay aqlabiyada Barlamaanka wadaadka mayalka adag ee Muqtada Sadri.

2-Doorashadii Lebanon ee uu aqlabiyada Barlamaanka ku guulaystay Xizbullah.

3-Malaysiya oo uu dib ugu soo laabtay sanadkaan Dr. Mahathir Mohamed.

4-Turkey oo uu dib ugu soo laabtay M. Ordogan iyo Xizbigiisa AK Party.

Afartaan Xizbi in aysan doorashooyinka ku guulaysan dagaal qor-shaysan iyo hanti fara badan ayey ku bixiyeen dawladaha waawayn ee reer Galbeedka, Israel iyo qaar ka mid ah Carabta lkn kuma guulaysan gaar ahaan doorashadii Turkey.

Hadaba Guusha 4 taan Xizbi ee sanadkan waxa ay dunida Islaamka ugu dhigantahay in ay weli noolyihiin, muqaawamadii Israel-na ay nooshahay, rajadii awooda Islaamkana weli nooshahay, dhulkooda iyo muqadasaad-koodana aan la qaada karin.

Guusha M.Ordogan waxa ay dunida Islaamka uga dhigantahay Salaaxudiin Ayuubi oo mar kale soo laabtay iyo Boqor Najaashi oo mar kale soo dhaweeyay Qaxootiga Islaamka, diidayna in agtiisa lagu dulmiyo.

Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay uga dhigantahay Guushii 2aad ee u soohoyatay kadib markii uu ka furay xeradii lagu ooday Somaaliya 2011, garabna taagnaa 8 sano, hadduu mar kale usoo laabtay waxaa rajo laga qabaa 5 ta sano ee la doortay Ordogan in Somaliya dib cagaheeda isugu taagi-doonto iyada oo Garab, Gacan iyo Hiil ka helaysa Walaalaheed reer Turkey.

W/Q: Mohamed Gacal (Dr Gacal)

SAWIR: Dilalka ISIS oo ku soo rogaal celiyay XAMAR (Shaqaale laga dilay DF)

Muqdisho (Casimada Online) – Maleeshiyaadka Daacishta Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay ka danbeysay dil ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Daacishta ayaa sheegatay in dilkaasi ay u geysatay labada ruux oo kamid ah shaqaalaha rayidka dowlada, gaar ahaan Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia.

Kooxda Daacish ayaa dilka labadaasi ruux ku muujisay Sawirro ay soo bandhigtay Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee Amaq kaa oo  muujinaya labo nin oo geysanaya toogashada.

Waxa ay Daacish sheegtay in labadaasi ruux ay ku daba joogen muddooyinkaan, balse ay iminka ku heleen fursadii ay ku baadi-goobi jireen.

Sidoo kale, Dilkan ayaa ka mid noqonaya dilal taxane ah oo ISIS ka fulisay Muqdisho, kaasoo muuqaalo laga duubay.

Dhinaca kale, dilka labadaani ruux ayaa imaanaya iyadoo Kooxda Daacish ay kordhisay weerarada sida dilalka qorsheysan oo ay muddooyinkii u dambeysay ka fulisay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Casimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Gaas oo ka walaacsan ciidamo kuwa Puntland ka mid ah oo uu ka shakiyey

Garoowe (Caasimada Online) – Warar laga heley ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland cabsi ka muujiyey ciidamo gobolka Karkaar dhowaan kaga soo biirey degaanka Tukaraq oo ay Colaadu ka taagan tahay.

Kulan golaha xukuumada Puntland isugu yimadeen khamiistii ayaa warar aan ka helney waxay sheegayaan in Madaxweyne Gaas Wasiirada kasoo jeeda gobolka Kar-Kaar u sheegey in ciidamadii ka yimid magaalada Qardho ahaayeen kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

Gaas ayaa sida aan xogta ku heleyno si gaar ah cabasho ugu gudbiyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha kuwasoo u sheegey dareenka uu ka qabo imaanshaha ciidaankaan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdulahi Shiikh Axmad oo ka hadlay kulanka golaha ayaa Madaxweyne Gaas u sheegey in ciidamadaan dowladu ka codsatey beelaha dagan gobolkaas islamarkaana aysan aheyn kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

Colaada Tukaraq ayaa asbuucyadii ugu dambeeyey waxaa kaalin wayn ka qaadanayay abaabulkeeda beelaha dagan Puntland kuwasoo jiida hore ku soo gurayey ciidamo.

Cabdiweli Gaas oo inta uu talada hayey hoos u dhigey tayada ciidamada maamulkaan ayaa dadaalada beelahu kaga qayb qaadanayaan difaaca Puntland waxaa uu ku raadinayaa inuu ku sameysto kororsiimo sharci daro ah sida ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen warsidahaan.

Cabsida uga weyn ee Madaxweyne Gaas  muujinayo ayaa ah xiligaan in jiida Tukaraq ku soo gurmaan ciidamo beeleedyo aan isaga ka amar qaadan kuwasoo suurtagal tahay iney ka hor-yimadaan hadii uu ku dhawaaqo kororsiimada sharci darada ah ee uu qorsheynayo.

Dhinaca kale wararka la xaqiijiyey ayaa sheeegaya in Madaxweyne Gaas ka cago jiidayo in dagaalka Tukaraq xal nabadeed iyo mid colaadeed mid uun ku dhamaato tan iyo inta qorshihiisa kororsiimada meel marayo.

” Siyaasiyiinta iyo qaar ka tirsan odayaasha gobolka Sool oo ololaha ugu jira in waqti loogu daro Xilli madaxeedka Cabdiweli Gaas  waxaysan ogeyn in talabadaan sharci darada ah ay khalkhal ku keeneyso midnimada shacabka ku midoobey maamulkaan.”sidaas waxaa sheegey siyaasi ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Cabsida Madaxweyne Gaas ka muujiyey ciidamada ka yimid gobolka KarKaar ayaa sidoo kale waxaa sabab u ah, madaama qaar kamid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha u taagan ay kasoo jeedaan degaanadaas.

Puntland ayaa sanadihii u dhexeeyey 2000-2003 waxaa ka dhacey dagaalo sokeeye kadib markii Madaxweynihii xilka hayey waqtigaas sameeyey korirsiimo sharci daro ah.

Xigasho: Garoowe Online

Senator ka tirsan BF oo ka digay go’aan ay dowladda Somalia ka qaadatay ONLF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqday in ururka ONLF ay u aqoonsatay urur argagixiso kadib markii ay ku eedeysay inay aad uga soo horjeeda Nabadda iyo Horumarka Ethiopia.

Dowlada Somalia ayaa kamid ah dhinacyada ururka ONLF u aqoonsan urur argagixiso sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay xiliga dhiibista Qalbi Dhagax.

ONLF ayaa dhankeeda ka aaminsan urur xaq u dirir ah oo ay kala feker duwan yihiin iyaga iyo argagixiso maadaama ay u dagaalamayaan in dhulka Soomaalida laga soo celsho gacanta Ethiopia.

Qaar kamid ah Senatorada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa aad uga soo horjeeda tuhunka la xiriira in ONLF ay tahay urur argagixiso, waxaana arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Senatoro ka tirsan Aqalka.

Senator Axmed Xaashi oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ururka ONLF aan loo aqoonsan karin urur argagaxiso ah.

Senator-ka waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Wasiirada xukuumadda federaalka ay argagaxiso u aqoonsadaan ONLF.

“Wey na dhibeysaa in Wasiirada xukuumadu ay argagixiso u aqoonsadaan ONLF ka hor inta aan la gaarin adduunka kale, waa arrin khaldan in urur gobonimo doon ah lagu tilmaamo argagixiso’’

“Xaqiiqatan aad ayaan ula yaabnay go’aanka kasoo baxay golaha wasiirada, waxaan ka hadleynay waxay ahayd muwaadin Soomaali ah oo la dhiibay, ku dhashay Soomaaliya, ku barbaaray Soomaaliya, wey ka dartay arrintu sidii, waxay aadday in urur la yiraahdo ONLF inuu argagaxiso yahay’’

“Inta badan caalamka uma aqoonsana…micnaha marka argagaxiso laga hadlayo qeex bay leedahay oo caalamka u yaqaanaa, ninka xaq u dirirka ah iyo argagaxisadu Labo micno ayeey kala leeyihiin, ONLF looma aqoonsan karayo Aragagaxiso, waxaa loo aqoonsan karayaa dad xaq u dirir ah”

Isagoo haddalkiisa sii wata waxa uu Senatorka yiri “Baarlamaanka hadaan nahaya, arrinta Soomaaaliya sida wiliasha yar yar ugu ciyaarayaan ma ahan, wey ka weyn tahay, wiil meelahaa ka yimid inuu Soomaaliya xambaarto oo waxeeda oo dhan dusha saarto wey ka weyn tahay, intaas oo Kun oo Soomaali ah baa usoo dhimatay halganka Soomaaliya”

Sidoo kale, waxa uu Senatorka sheegay in fakerkan ay la qabaan Xildhibaano badan oo ka kala tirsan labada Gole waxa uuna ka digay in daacad nimada dhalinyarada ONLF lagu raali galiyo Ethiopia.

Haddalka Senatorka ayaa kusoo beegmaaya xili madaxda dowlada Somalia ay ku kala aragti duwan yihiin magac u tiirinta ONLF.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muxuu KHALADKA xiga ee xukuumadda Xasan Cali KHEYRE noqon doonaa?!!

Tan iyo markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi  Farmaajo uu Ra’isul wasaare u magacaabay Mudane Xasan Cali kheyre waxaa xukuumadii uu soo dhisay Ra’isul wasaaraha  laga diiwaan geliyay khaladaad shacabka Soomaaliyeed aaney iloobeynin.

Bishii February 2017-kii waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre shir jaraa’id ku qabtay bartiisa baraha bulshada Facebook-ga waxaana uu sheegay markii uu magacaabay Madaxweynaha kadib  hadii Baarlamaanka ay ansixiyaan in uu soo dhisi doono dowlad ka turjumeysa shacabka Soomaaliyeed iyo Hadafyada Madaxweynaha.

Mudada ku dhaw labada sano ee uu xafiiska Joogo’ Ra’isul wasaaraha waxaa xukuumadiisu ay ku dhaqaaqday khalaad aaney jecleysan Madaxweynaha Iyo Shacabka waxaana ilaa imika laga sugayaa balanqaadyo farabadan oo shacabka uu u sameeyay, sida ilaalinta Cadaaladda iyo amaanada umadda.

Magacaabista wasiiro horay la tijaabay oo  aaney dalka waxba ku soo kordhin  ayaa kamid ah waxyaabaha  hoos u dhigay wax qabadka Xukuumadda  iyo shaqo ka ceyrinta  wasiirada la ceyriyay iyo kuwa iscasilay.

Khilaafka kala dhaxeeya xukuumadda inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada oo isku siyaasad iyo isku argti toona aaney aheyn waxeey cuuryaamin karaan aragtida fog ee dalka uu ka leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya taa oo ah wada shaqeyn ,wax wada qeybsi iyo dib u heshiisiin dhab ah, waxaana xukuumadda dhowr jeer qaar kamid ah madaxda maamul Goboleedyada ku eedeeyeen faragelin iyo ku xadgudub siyaasadeed oo maamuladooda lagu hayo.

Xukuumaddu waxeey ka gaabsatay in dhiibistii Cabdikarim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax kadib ay ka qaadato go’aan wanaagsan oo shacabka ku raali noqdaan maadama isla xukuumadda ay u gacan gelisay Itoobiya, balse taasi waa ay ku guul dareysatay oo waxaa xukuumaddu sheegtay in Qalbi Dhagax oo Ah Sarkaalka ONLF  in uu liddi ku yahay nabad galyada gobalka waxaana uu la shaqeeyaa Argagixisada, sidaas waxaa lagu soo saaray war-murtiyeedka shir deg deg ahaa oo golaha wasiiradda xukuumadda isugu yimaadeen, waana mid kamid ah khaladkii ugu weynaa ee Xukuumadda gasho.

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya waxaa la fahasanyahay in ay caburin ku hayso siyaasadaha ka soo horjeeda (Mucaaradka) waxaana arintani ay kaga duwan tahay dhamaan dowladihii dalka soo maray oo xor ka dhigay mucaaradka iyo in ay dalka la hadlaan.

Bishii August 2017-kii Qoraal ka soobaxay  xafiiska Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka waxaa wasiirada looga mamnuucay in howlaha ay mas’uulka ka yihiin ee wasaaradaha xukuumadda la xiriira i n aysan kaga waramin dhamaan qeybaha kala duwan ee warbaainta kadib markii 25-kii August 2017 -dhacdadii  lagu laayay dadka shacabka ah ee ka dhacday deegaanka Bariire oo katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose , dhowr wasiir ay siyaabo kala duwan uga hadleen  waxaana meesha kabaxday hanaankii ahaa in wasiiradda bulshada u soo bandhigaan wax qabadkooda si loola socdo islamarkaana ugu kalsoonaadaan xukuumadda.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’isul wasaare kheyre ilaa imika  ma aysan shaacin xuquuqda Muqdisho/ Maqaamka Gobalka Banaadir oo ismaandhaaf siyaasadeed ka taagan yahay tan iyo xiligii uu Gudoomiyaha Gobalka Ahaa Taabid Cabdi.

Howlaha xukuumadda ayaa sii luminaya kalsoonidii iyo Taageeradii Shacabka ay ku qabeen dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo laga rabay in ay ka shaqeyso sidii lagu sii kasban lahaa taageerada Shacabka iyadoo loo sahlayo adeegyada bulshada sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Hadaba Su’aasho waxeey tahay muxuu noqon doonaa Kkahaldka xiga ee xukuumadda Xasan Kheyre.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

MAHAD SALAAD: Ceeb iyo calool xumaa haysa kuwii dhiibay QALBI-DHAGAX!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo muddo sannad ku dhow ku jiray gacanta dawladda Ethiopia ayaa iminka laga sii daayay Xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Deysmada Qalbi-dhagax, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo Siyaasiyiin madax-banaan oo dhamaantooda aad u dhaliilay degdega markii hore lagu xiray Qalbi-dhagax.

Qaarkood ayaa dowlada Somalia oo mar sii horeysay iska fogeysay dhiibista Qalbi-dhagax dusha ka saaray in si ula kac ah ay Sarkaalkan ugu gacan galisay Ethiopia.

Xildhibaan Mahad Salad oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in Qalbi-dhagax uu ka badbaaday halista xabsiga Ethiopia.

Waxa uu Xildhibaanku tilmaamay in Qalbi-dhagax markiisa hore lagu dhiibay sifo khaldan, hase yeeshee iminka uu dib u helay xorriyadiisa isaga oo caafimaad qaba.

Mahad Salaad oo qoraal ku saabsan deysmada arrinta Qalbi-dhagax kusoo daabacay beejkiisa ayaa yiri “Allahii kaasoo badbaadiyay ciilkii iyo calool xumadii lagu baday ayaa mahad iska leh ee Rabbi ku xamdi Qalbi-dhagax”

Waxa uu intaa raaciyay mudanaha “Kuwii damiirkoodu siiyay in ay dhoofiyaan Abdikariin maanta iyaga ayaa ceeb, ciil iyo calool xumo qaba, waxaan leeyahay ilaahey u toobad keena”

Waxa uu intaa raaciyay  “Waxaan idin leeyahay Umadda Soomaaliyeed iyo miskiinkaas aad dulmiseen cafis weydiista”

Xildhibaan Mahad Salad ayaa horay uga mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka ee sida weyn uga soo horjeestay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax.

Sidoo kale waxaa uu horay u duray in qaraarkii Baarlamaanka Federaalka ee sharci darro ka dhigay dhiibidiisa aan lagu lifaaqin mas’uuliyadda cida leh.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Mahad Salad oo kaalmaha hore uga jira liiska Mucaaradka dowlada ayaa la rumeysan yahay in kiiska Qalbi-Dhagax uu uga faa’iideysanaayo danihiisa Mucaaradnimo ee gaarka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiir markii ugu horeysay qiray arrin lagu eedeyn jiray xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabashooyinkii ay dadka shacabka ah ka qabeen cadaalada.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradiisa ay la dirirtay musuq badan oo ku saleysnaa cadaalada waxa uuna tilmaamay in iminka uu soo hagaagayo sharciga.

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji, waxa uu si gaara uga hadlay kiisaska shacabka ee baaristooda la geeyo xarunta Dambi Baarista ee CID-da, waxa uuna taa ku micneeyay talaabo muhiim ah.

“Waa talaabo muhiim ah in CID laga soo bilaabo baaritaanka kiiska danbiga ah, waayo xaruntaasi waxaa jooga dad si gaara loo soo xulay oo ku wanaagsan waxyaabaha barista u baahan”

Waxa uu Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji sheegay in ay muhiim tahay hubinta kiisaska shacabka ee ka soo bilaabanaya xarunta Dambi Baarista ee CID-da.

Waxa uu intaas ku sii daray Wasiir Xasan Xuseen Xaaji in ay tahay in ahmiyad la siiyo cadaalad u sameynta  shacabka waxa uu carabka ku dhuftay marka galka dacwada loo gudbiyo xeer ilaalinta ay u eegaan dhankooda in dacwada tahay mid sharci ah.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ahmiyada ugu weyn ay tahay in xalka koowaad loo helo aaminaada shacabka dhanka cadaalada iyo garsoorka, waxa uuna meesha ka saaray in loo dulqaadan doono wixii sharci daro ah.

“Nidaamka hadda socda waxa uu albaabada u furayaa in shacabka ay si joogta ah u aaminaan cadaalada ka jirta dalka, waa sax wey jiraan caqabado weli taagan balse heerkii hore ma taagna”

Sidoo kale, Wasiirka Wasaarada Cadaalada ayaa hadalkiisa sal uga dhigay dastuurka dalka kaas oo qeexaya dhowrista xuquuqda Muwaadinka iyo Cadaalad u falida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhowr jeer uu Madaxweyne Farmaajo dhaliil ka muujiyay cadaalada ka jirta dalka ee lagu dhaqo shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu xildhibaan AXMED MACALLIN FIQI ka yiri sii deynta QALBI-DHAGAX?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan baraha bulshada waxaa aad loogu hadal hayaa deysmada C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ah Sarkaal sare oo katirsan Jabhada gobonima doonka ONLF.

Hadal heynta deysmada Qalbi-Dhagax waxaa ka qeybqaadanaya Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale oo aad uga faaloonaaya sida lama filaanka ah oo dowlada Ethiopia ay kusii deysay Sarkaalka.

Qalbi Dhagax oo arintaani laga wareystay ayaa sheegay in amarka lagu sii daayay uu lahaa Ra’isul wasaaraha isbedel doonka Ethiopia Abiy Axmed Ali.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta ka hadlay deysmada Qalbi-Dhagax.

Fiqi waxa uu sheegay inuu aad usoo dhaweynaayo deysmada Qalbi-Dhagax, waxa uuna tilmaamay in tani ay cashar u noqon doonto dowlada Somalia oo uu sheegay inay ka danbeysay deysmadiisa.

Fiqi waxa uu carab dhabay inuu aad uga xun yahay in Qalbi-Dhagax oo markiisii hore laga dhiibay Somalia, ay maanta u danqatay Ethiopia isla markaana lagu sii daayay si sahlan oo aan loo marin dhibtii lagu dhiibay mar hore.

Axmed Fiqi, Isagoo ka hadlaayay xarigii hore iyo deysmada maanta lasiiyaay ayuu yiri “Waa damiir xumo shalay marka uu walaalkiis u jeebaysnaa si Ethiopia loogu dhiibo iyo maanta markii Itoobiyadii loo dhiibay ay asagoo xor ah sii daysay”

“Runtii wuu ka sii farxad iyo qurux badnaan doonaa marka uu dhulkiisa iyo dadkiisa dhex yimaado Qalbi Dhagax, waxaase aad u niyad jaban kuwii shalay dhiibay muwaadinka”

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in mas’uuliyiintii shalay Qalbi Dhagax u gacan galiyay Ethiopia xitaa aysan ka qeybqaadan dadaalkii lagu sii daayay, waxa uuna tusaale arrintaa ku saabsan usoo qaatay Suldaan Fowzi oo kamid ah shaqsiyaadka iminka gacanta ku haya Qalbi-Dhagax kaa oo warbaahinta u sheegay in Dowlada Somalia aysan kaalin ka qaadan deysmada Qalbi dhagax.

Sidoo kale, Xildhibaan Fiqi ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay qaado talaabo lagu raali galinaayo muwaadinka Qalbi-Dhagax iyo qoyskiisa oo la galiyay xaalad adag mudadii uu ku jiray gacanta Ethiopia.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa la xusuustaa in bishii August ee sanadkii hore u gacan gelisay Ethiopia, waxaana tallaabadaas la xusuustaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay ku weysay inta taageeradii shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay Somalia uga dhigan yihiin heshiisyada madaxda iyo mucaaradka deriska?

Isbadallo xoogaan ayaa ka dhacay dalalka bariga iyo geeska Africa waxaa Heshiiyay Mucaaradka iyo madaxda dalalka Kenya, Itoobiya iyo Koofurta Suudaan iyo dalalkoo dhaca Africa  oo u tanaasulay danaha qarankooda iyo dadkooda si looga fogaado dagaalo dhiig ku daato iyo in Qarankooda uu  ragaadiyo horumar la’aan dhan walbo ah.

Dagaalo Sokeeye ayaa ka qarxay Soomaaliya waxii kadambeeyay 1990-kii, xiligaas oo ay burburtay dowladii dhexe ee uu hogaaminayay Allaha U Naxariistee Jaale Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa Dagaalamay  xiligaas  kooxo  siyaasad ahaan iska soo horjeeda iyo Qabaa’ilo Soomaaliyeed, tan iyo xiligaas wax talaab ah looma qaadin dib u heshiisin dhab ah oo dadka Soomaaliyeed dhexmarta oo la rabay Madaxda dalka iney hormuud ka noqdaan.

Hadda Soomaalidu weey kala qeybsantahay iyadoo dalalka Africa iyo dalalka dunidu horumartay  u midoobeen mustaqbalka umadooda iyo dalalkooda.

In Soomaalidu heshiiso waxaa habeen iyo maalin hortaagan faragelin shihseeye oo ka imaaneysa dalalka deriska la ah Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo kuwa carbeed kana soo horjeeda midnimada Soomaaliya  iyagoo danahooda fiirsanaya kana shaqeeya sidii loo sii kala fogeyn lahaa Soomaalida oo hadda maamul maamul u qeybsan.

Waxaa la ogyahay in Shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan in ay israbaan waana heshiis  wax walba wada qeybsada, kala ganacsada waxna isla barta, laakiin Madaxda hogaamisa  ay isku khilaafsan-yihiin siyaasadda iyo fikirka taas oo ah halka ay sarta ka quransantayahay iyadoo ay xusid mudantahay   in afaaro qabiilka uu sii dhamaanayo maadaama mirihii laga dhaxlay ay noqdeen kuwo qaraar, shanta Soomaaliya si ay u midowdo waa in madaxda dalka, Mucaarad iyo Muxaafadba ay eegaan wixii na soomaray iyo mustaqbalka jiilka dambe iyo dalka.

W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Email: [email protected]

Mustaf Dhuxulow oo lacag iyo qalab sports u qeybiyay dhalinyaro Soomaaliyeed

Dhowaan magaada Kampala ee wadanka Uganda waxaa ka furmi doona tartan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya caasimadaha 18-ka gobal ee Somalia.

Tartankaan waxaa soo agaasimay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda, waxaana ciyaari doona caasimadaha 18kii gobal ee Somalia.

Xildhibaan Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow oo ah mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa qalab sports iyo lacago ugu deeqay dhalinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo midka Dhuusamareeb ee ka qeyb galaya koobka.

Dhalinyaradan ayaa markii hore codsi u diray xildhibaanka, waxaana xildhibaan Mustaf oo ka jawaabaya codsiga dhalinta uu wariye Cabdulaahi Cismaan Faarax oo howlo shaqo u jooga magaalada Kampala u wakiishay inuu labbada koox gaarsiiyo qalabka iyo lacagta. Munaasabad shalay ka dhacday Kampala ayey labbada koox ku gudoomeen dhiiri-galinta xildhibaan Mustaf Dhuxuloow.

Dhallinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo magaca Dhuusamareeb ayaa xildhibaanka uga mahad celiyay dhiiri galintiisa wanaagsan ee uu mar walba la garab taagan yahay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Tartanka ayaa furmi doona 14ka bisha July.

Caasimada Onine
Muqdisho-Office
[email protected]

Arag sawiro qurxoon oo ka turjumaya bilicda iminka ee magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho oo kasoo kabanaysa sanado badan oo dagaalo sokeeye iyo bur ah ayaa waxaa ka soconaya dadaalo dib loogu dayactirayo qeybihii muhiimka ahaa ee magaalada, mana ahan mid shacab iyo dowladba ay u kala hareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay dib u dayactirto goobaha uu caanka ku yahay dalka, inkasta oo ay waqti dheer qaadan doonto in sidii ay horey u ahaayeen dib loogu soo celiyo.

Dowladda oo kaliya ma ahan dadka kaliya ee ku hawlan dib usoo celinta bilicdii iyo astaamihii magaalada, waxaa jira urur dhalinyaro oo iskood isu xilqaamay , shaqooyinka ay qabtaan waxaa ka mid ah dhireynta magaalada iyo bilic soo celinteeda.

Waddooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemi karaa isbedel muuqda waxaana xiliyada Maqribka ilaa Subixii socda Gaadiid noocyo kala duwan leh oo ay leeyihiin dad shacab ah, waxaana waddooyinka ku sugan ciidamo khaasa oo xiliyada habbeenkii suga amniga.

Maqribka ilaa Subixii waxaa sidoo kale si caadi ah u furan goobaha qaar ee ganacsiga, iyadoo ay xusid mudan tahay in goobaha caafimaadk ay shaqeeyan 24 saac, halka xiligii hore albaabada loo xiri jiray maqribka ka hor.

Sidoo kale, dadka shacabka iyo Hay’adaha amaanka ayaa sida uu nidaamku yahay gudanaaya shaqooyinkooda amni, waxaana ka dhexeeya wada shaqeyn joogta ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA LAGA QAADAY BILICDA MUQDISHO

Sawirro: Dad Mareykanka laga soo celiyey oo laga soo dajiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dagay diyaarad siday dhalinyaro farabadan oo dib looga soo celshay dalka Mareykanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dad ka badan 83 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay kusoo dhaweeyen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

Waxa ay mas’uuliyiintani sheegen in dowlada Somalia ay si rasmi ah ula wareegtay xaalada dhalinyarada laga soo musaafuriyay Mareykanka maadaama qaarkood aysan deegaan ku aheyn magaalada Muqdisho inta ay dib ula midoobayan reerkooda.

Dhalinyaradan laga soo celiyay dalka Mareykanka oo garoonka ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa waxaa Dumar ka ahaa 4, halka 79-ka kalena ay yihiin Rag.

Soo tarxiilida dhalinyaradan ayaa waxa ay qeyb ka aheyd heshiis ay horay u gashay Safaaradda Soomaaliya ee Washington markii uu safiirka ahaa Danjire Axmed Ciise Cawad oo hada ah Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ku eedeeyay in ay iska indha tirayaan in dalka dib loogu soo celiyo Dhalinyaro xaalad amni daro darteed u baqaya.

Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya.

Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Somalia ay ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal.

Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay.