24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

ONLF oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan gobolka Soomaalida dalka Ethiopia

Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ee u dagaalama gobonimada gobolka Soomaalida ee Ethiopia ay xoogga ku haysato ayaa soo saaray bayaan ku saabsan xaaladda gobolka iyo is-marin waaga ka taagan madaxweynaha maamulka Cabdi Iley iyo ciidamada federaalka Ethiopia. Hoos ka aqriso bayaanka.

Bayaan ONLF

Dawlada Federalka Itoobiya ayaa ciidankeeda ku amartay in magaalada Jigjiga la weeraro si gacanta loogu dhigo maamulka kajira gobolka Soomaalida Ogadenya. Talaabadan aan loo wada dhanayn ee ay qaaday Itoobiya ayaa galaafatay inay dad badan naftooda ku waayaan, sidoo kalena fawdo, xasilooni darri, iyo boob hantiyeed u horseeday. Shacabka Soomaalida Ogadenya ayaa ka filayay dawlada Itoobiya xasilooni iyo nabadgaliyo inay heli doonaan balse taas badelkeeda waxay kala kulmeen duulaan iyo weerar awood ciidan loo adeegsaday.

Waxay Jabhada ONLF rumaysantahay in xal kasta oo ku meelgaadh ah oo laga gaadho gobolka Soomaaliyeed uu iman karo oo kaliya hadii laga qaybgaliyo xal u helista gobolka dhinacyada ay khusayso sida Jabhada ONLF, Dawlada Dhexe iyo dhamaan qaybaha kale ee daneeya xal uhelida Gobolka Soomaaliyeed. Talaabo kasta oon loo wada dhanayn laguna heshiinin, waxay sii cakiri kartaa xaalada gobolka ka taagan, sidoo kalena waxay horseedi kartaa cawaaqib aan lasaadaalin karin mustaqbalka saamaynta ay yeelan karto.

ONLF waxay ugu baaqaysaa Ra’iisul-wasaaraha cusub ee Itoobiya in uu joojiyo talaabo kasta oo militari oo ka dhan ah Soomaalida Ogadenya isla markaana uu ku dhawaaqo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaalada Gobolka Ogadenya, taas oo ay kamid tahay wada hadal toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo ONLF, arintan oo u horseedi karta shirwayne qaran oo loogu gogol xaadho sidii isbedal guud oo loowada dhan yahay loogu soo dabaali lahaa Gobolka Soomaalida isla markaana looga arinsan lahaa mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

ONLF waxay shacabka Soomaalida Ogadenya ugu baaqaysaa inay u istaagaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda isla markaana aysan ogolaanin in dadyaw kale oo iyaga aan ahayn inay u yeedhiyaan mustaqbalkooda ay xaqa u leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, goobaha diimaha lagu caabudo iyo hantida shacabka ee sida gaarka ah loo leeyahay waa in laga difaacaa kuwa danaha gaarka ah wata ee bartilmaameedsanaya.

ONLF waxay ku baaqaysaa in la joojiyo dagaalka ka socda xadka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada. Dagaalkan ayaa hadii uu sii socdo keeni kara xasilooni darro saamaysa xidhiidhka u dhexeeya labada qawmiyadood ee dariska ah.

Waxaa dhamaan xubnaha ONLF ee gudaha Ogadenya ku sugan laga codsanayaa inay xaalada dejiyaan oo ay ka qayb qaataan sidii xasilooni iyo nabadgaliyo loogu horseedi lahaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka qaybqaataan sidii shacabka loogu wacyigalin lahaa ixtiraamka iyo ilaalinta nafta, maalka iyo goobaha diimaha ee ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gudaha Ogadenya.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ONLF.

KENYA oo qorsho cusub ka damacsan SOMALIA iyo dalalka kale ee qaaradda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaacisay inay xoojineyso howlaha ka socda Safaaradeeda Somalia iyo dhammaan Safaaradaha kale oo ay ku leedahay Africa.

Dowladu waxa ay sheegtay inay xooga saari doonto ballaarin ay ku sameyso Safaaradaheeda si loo xoojiyo shaqooyinka ka dhex socda.

Wasaarada Arimaha dibeda kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay furi doonto 12 xarumo diblumaasiyadeed oo dalalka afrika ah sadexda sano ee soo aadan.

Xarumaha ayey Wasarada ku sheegtay inay u qaadan doonto xitaa howlwadeeno cusub si loo kaamilo shaqooyinka diblumaasiyadeed ee kadhex socda Safaaradaha iyo xarumaha kale.

Waxaa sidoo kale jira xafiisyo ka shaqeeya arimaha dibeda oo ay ku leedahaya magaalada kismaayo iyo magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland kuwaasi oo qudhooda la filaayo in la hormariyo.

Sidoo kale, Wasaarada ayaa sheegtay in aysan jirin xarumo uga furan dalalka Afrika qaarkood,taasina ay adkeyneyso in ay dalalka xiriir fiican la yeeshaan.

Ugu danbeyntii, Wasiirada Arimaha Dibeda kenya Monica Juma ayaa sheegtay inay xoojin doonaan xiriirka kala dhexeeya dowladaha kale ee Africa.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Arag sawirrada khasaaraha ka dhashay qaraxii caawa ka dhacay MUQDISHO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Shaleemo Somali.

Qaraxa oo aad u xooganaa isla markaana loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Bar Somalia oo ah Baar dhowaan la furay kana soo horjeeda Baar Italy Café oo ku yaalla Shaleemo Somali.

Saraakiisha amaanka ee Qaraxa kadib goobta gaaray ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux halka toddobo kalana ay ku dhaawacmeen.

Xogta ayaa sheegeysa in gaariga qarxay uu ahaa mid meesha la soo dhigay, iyada oo aan laga warqabin, kadibna uu qarxay, goobta qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay tahay maqaaxi mashquul badan oo dadweyne kala duwan isugu yimaadaan.

Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hada waxa ay tahay mid degan, waxaana sawirro la soo qaaday ay muujinayaan burbur soo gaaray dhismaha maqaaxida Somali Coffee.

Dhinaca kale, Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii amaanka magaalada Muqdisho laga wareejiyay ciidamada xasilinta laguna wareejiyay ciidamada Booliska.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa Muqdisho caawa ka dhacay + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay Maqaayad dhawaan la furay oo kasoo horjeeda Baar Italia Café oo ku taalla Isgoyska Shaqaalaha ee wadada Makala Amukarama ee Magalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan islamarkaana laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen afar qof, toddoba kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiliga uu Qaraxa dhacaayay waxaa halkaasi ku shaahayay dhalinyaro farabadan oo ay ku jiraan kuwo u shaqeeya dowlada Somalia iyo kuwo shacab ah.

Bartamaha wadada iyo hareeraha Maqaaxida ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay yaalan Meydad iyo dhaawacyo badan oo ku waxyeeloobmay Qaraxa, waxaana xusid mudan in wadada bartankeeda ay ku gubanayan gaadiid iyo Mootooyin la kawsaday gaariga Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xoosh Jabriil oo sheegay in Messi-gii siyaasada uu ku soo biiray Nabad iyo Nolol

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa soo dhaweyn cajiib ah u sameeyey wasiirka cusub ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo kusoo biiray wasirrada xukuumadda.

Dikreeto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu aqriyey Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu shaaciyey isku shaadeyn uu sameeyey Kheyre, oo Goodax uu qeyb ka noqday.

Wasaaradda Waxbarashada oo hore looga eryey Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa loo magacaabay Goodax Barre halka Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda laga bedelay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Bidhaan Warsame.

Hadaba, qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Cabdi Xoosh ku sifeeyey Goodax Barre ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or-ka ee Lionel Messi.

“Mudane Cabdullaahi Goodax Barre (Messi) ayaa ku soo iiray kooxda Nabad iyo Nolol. Waa sidii ugu wanaagsaneyd. Hambalyo saaxiib!!” ayuu yiri Xoosh Jabriil.

Hadalka Xoosh Jabriil ayaa loo arkaa inuu kala jeedo in Goodax uu yahay nin siyaasadda iyo kala dhigdhigideeda ugu wanaagsan sida Messi ugu wanaagsan yahay kubbad. Waxaa sidoo xusid mudan in Goodax siyaasad muddo fog ah oo cajiib ah uu usoo dheelay inuu xil wasiir helo, isaga oo bilooyin taageere weyn u ahaa xukuumadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaalka DFS ee musuq maasuqa oo xoogeystay iyo mas’uul kale oo la xiray

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush.

Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llaahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.

Arrintaan ayaa muujineyso inay dowladda Soomaaliya sare u qaaday la dagaalanka musuq maasuqa ka dhanka ah, ayada oo sidoo kale shalay saacado la xiray wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale horey loo xiray illaa dhawr mas,uul oo lagu helay musuq maasuq kuwaas oo qaarkood xabsiga la dhigay halka qaarna damiin lagu sii daayey.

Xog: Xagee ku dambeeyey milaterigii ay rabshaddii JIG-JIGA ka billaabatay?

0

Jijiga (Caasimadda Online) –   Ciidanka milateriga federaalka Itoobiya ee shalay ay isku dhaceen ayaga iyo shacabka, markii ay rabshaduhu ka billaabanayeen Jigjiga ayaa la sheegayaa inay weli magaalada ku sugan yihiin.

Dad kala duwan oo BBC ay la xiriirtay ayaa u sheegay in ciidanakaas ay shalay isku dayeen inay ka baxaan magaalada, hase yeeshee dad caraysan ay ka dalbadeen inay hubka wareejiyaan.

Ciidanka ayaa markaa ka dib waxaa khasab ku noqotay inay dib ugu laabtaan xeryahooda.

Xerada ay ku jiraan tirada ugu badan ee ciidankaas waa xerada Garab case oo la sheegay in qiyaastii ilaa 250 askarii oo milateri ay ku jiraan.

Wararku waxay sheegayaan inay dhinac kasta ka fadhiyaan askar ka tirsan Liyuu booliska.

Ilaa 100 askari askar lagu qiyaasay ayaa iyagana la sheegay inay ku jiraan xerada Dul Qabow ee u dhow garoonka dayaaradaha ee magaalada Jigjiga, halka xero ku taalla dhanka Kaaraa mardha ayadana la sheegay in ay ku jiraan askar ilaa 50 ah oo qaabilsan maamulka.

Sawirka guud ee xaaladda Jigjiga iyo maanta?

Shalay iyo maanta farqi weyn ayaa u dhaxeeya xaaladda Jigjiga, sida ay sheegayaan dad ay BBC la xiriirtay.

Marka la eego waddooyinka, ayaa waxaa laga bilaabay nadiifin iyo in laga guro qashinkii ka dhashay rabshadihii shalay magaalada ka dhacay.

Waddooyinkaas waxaa jooga oo gaar ka haya booliska rabshadaha ka hor taga oo sita Budhadh, laakinse aan cidna waxyeello u gaysan.

Waxaa iyagana waddooyinka u soo baxay dadka ka soo jeeda qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn, ee shalay naftooda u cabsaday.

Dadkaas waxay eegeegayaan burburka gaaray meheradahoodii iyo hantidoodii shalay ku burburtay rabshadihii dhacay.

Waxaa la sheegay in xalay ay ku hoydeen kaniisad ka mid ah seddexda kaniisadood ee Jigjiga ku yaalla, iyo 5 masaajid oo dadkaas lagu magan galiyey.

Kaniisadaha middood ayey dadka deegaanku sheegeen in ay weli gubanayso oo uu qiiq ka baxayo.

Waxaa iyana la sheegayaa in aysan magaalada soo gelin khudaarta, xaabada, caanaha iyo waxyaabaha kale ee dibadda uga imaan jiray ee suuqyada lagu gado.

Makhaayadaha iyo meheradaha ganacsiga ayaa iyagana la sheegayaa inay weli irdaha u xiran yihiin.

Internetka ayaa isna weli magaalada Jigjiga ka go’an.

Booliska rabshadaha ka hortaggo oo la geeyay waddooyinka Jijiga

Dadweynaha ku nool magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in saaka waddooyinka magaalada ay ku arkeen booliska rabshadaha ka hortaggo oo ku sugan meel kasta.

Dad goob joogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay in ciidammada oo wato burar oo u socdo tobbaneeyo ay gaaf wareegayaan waddooyinka si ay ammaanka u sugaan.

Booliskan qabo koofiyadaha qafilan ayaa la sheegay ina yihiin Soomaali.

Weli waxaa magaalada ka maqan Internet-ka oo saamayn nolosha dadka.

“Bartamaha Jigjiga ha lagu dal-dalo” Siyaasi caana oo ku baaqay dilka Cabdi Iley

Jigjiga (Caasimada Online) – Siyaasiga aan hadalka la gaban ee reer Soomaalida Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa si kulul u weearay Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), oo hadda xaalad adag ku sugan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay ka baxay Jigjiga kaddib markii ay ciidamada Federal-ka ah gudaha u soo galeen magaalada kaddibna la wareegeen xarumihii dowladda sida Baarlamaanka iyo Madaxtoyada.

Arntaas waxa ay dhalisay kacdoon shacab oo gil gilay Jigjiga iyada oo ay dadku jidadka ku mudaaharaadeen kaddiba gubeen Kaniisado, iyo goobo ganacsi oo uu ku jiro Bankiga Oromada.

Hase ahaatee, siyaasiyiinta iyo shacabka ayaa dareenno kala duwan ka bixiyey dhacdadaas waxaana ka mid ah Faarax Macallin.

Faarax Macallin waxa uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku bogaadinayo falka dowladda dhexe ee Itoobiya, isaga oo ku baaqay in gudaha magaalada meel fagaare ah lagu dal dalo Cabdi Maxamuud Cumar.

“Kawaanlaha Jigjiga waa in uu maalin ku yeeshaa Maxkamadda. Waxaan rejeynayaa in ay ku daldalaan bartamaha Jigjiga si ay farriin xoog leh ugu noqoto kuwa laga yaabo in ay ku tacadiyaan bani aadamka. Waxa uu sababay in maxaabiista ay saxaradooda/xaarkooda cunaan halka uu kuwo bandanna ay gaajo u dhinteen. Dr Abiy muddo badan uu sugayey in uu Iley iyo xulafadiisa cadaaladda horkeenno.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Militariga ETHIOPIA oo isku dayaya in Qabri-Daharre ay galaan iyo shacabka oo la hortaagan dhagxaan

0

Qabri-Daharre (Caasimada Online) – Wararka horleh oo kasoo baxaya Kililka Shanaad ayaa waxa ay sheegayaan in Xaalad kacsanaana laga dareemayo Magaalada Qabri daharre oo kamid Magaalooyinkan deegaankaa ugu muhiimsan.

Xiisadan ayaa bilaabatay kadib markii Ciidamada Milatariga Federaaalka Itoobiya ay saaka kasoo ruuqaansadeen xeryihii ey ka daganaayeen duleedka Qabri daharre.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegayaa In ay isku dayeen in ay la wareegaan Xarumaha Dowladda ee Magaalada ku yaalla.

Dadka rayidka ah ayaa ishor istaag ku sameeyay Milatariga doonayay in Xarumaha Magaalada qabsadaan, waxaana dadka rayidka ah ay Askarta ku tuurayaan dhagxaan, walisa lama soo warin in ciidanku ay dhibaato ugeesteen dadka rayidka ah.

Dhanka kale Xukuumadda gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha gobolka soomaalida iyo dowladda federaalka inay ka shaqeeyaan nabadgelyada dowlad deegaanka Soomaalida

Waxay cambaareeyeen rabshadihii halkaasi ka dhacay.

Bayaan kasoo baxay xafiiska maamulka Tigreega ayaa lagu sheegay in tallaabo kasta oo lagu carqaladaynayo nabadda iyo xasilloonida in si dastuurka waafaqsan loo xaliyo.

Waxay intaasi ku dareen in aanan loo dulqaadan doonin tallaabo kasta oo wiiqayso nidaamka dastuuriga ah.

Ugu dambayn, dowladda gobolka Tigreega ayaa tacsi u dirtay ehaladii dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga

Magaalada ayaa xilligan waxaa ka taagan xaalad u eg tii Shalay ka dhacay Jigjiga inkasta oo xaalka ku daganyahay sida tii shalay ka dhacday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo u dhoofay dalka Suudaan: Maxaa keenay in uu Farmaajo baaqdo? (Xog)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdigan uu hoggaaminayo raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u amba baxay dalka Suudaan,iyadoo mas’uuliyiin ay ku sii sagootiyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka socdaalka raiiusl wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir looga hadlayo arrimo la xiriir anabadeynta Suudaanta Koonfureed iyo qeybsiga khayraadka ka dhexeeya labada dowladood ee Suudaan..

Shirka oo ay garwadeen ka yihiin wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee halkaasi ka taagan.

Raiisul wasaare Xasan Cali Khayre inta uu joogo magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa lafilayaa in uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha kuyaala dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kulankaasi la qorsheeyay inuu tago ayaa ka baaqsaday saacadihii ugu danbeeyay, iyadoo wararku sheegayaan inuu go’aansaday inuusan u safrin dalka Suudaan.

Dowladda Suudaan ayaa casumaad u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo Todobaadkii hore, iyadoo uu aqbalay waxaana loo diray liiska wafdiga madaxweynaha oo u badnaa shaqaalaha Madaxtooyada, laakiin waxa safarka loo baajiyey markii ay soo shaac baxday khilaafka ka dhashay safarkii Eritrea oo dowladda Jabuuti ay si weyn uga carootay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mas’uuliyin ka tirsan DF oo cabsi ay soo food-saartay kadib olole ay billowday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in cabsi xoogan ay lasoo daristay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya dowlada federaalka ah ee Somalia, xilli dowladda ay waddo olele cusub.

Mas’uuliyiinta ay soo wajahday cabsida ayaa waxaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin Wasiiro, Ku-xigeeno, Agaasimayaal wasaaradeed iyo Agaasimo waaxyo ka tirsan Dowlada Somalia.

Cabsida lasoo daristay mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay tahay mid ka dhalatay weerarada iyo xariga wada socda ee lagu hayo mas’uuliyiinta lagu eedeeyay kiisaska musuqa.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in tirro Wasiiro iyo Agaasimayaal ka tirsan Xukuumada ay isaga baxeen Hooygooda kuwaa oo degay Hoteelada magaalada Muqdisho.

Wasiirada iyo Agaasimayaasha ka guuray guryahooda ayaa baqdin ka muujiyay in ciidamada dowlada ay uga soo dhacaan darbiyada isla markaana lagu xiro Hooygooda, taa oo ay ka doorbideen inay u hoyasho tagaan Hoteelada.

Cabsida ugu badan ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid soo foodsaartay Agaasimayaasha Wasaaradaha kuwaa oo inta badan saaxiib u noqday musuqa iyo isdabamarinta hantida Qaranka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in xariga Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arrimaha dibadda Somalia kadib ay xigi doonaan kuwo kale.

Dowlada Somalia ayaa dhwor jeer oo sii horeysay ka digtay musuqa oo xiligaa lagu eedeeyay mas’uuliyiin badan oo xilal ka hayay dowlada.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana arrinta xariga mas’uuliyiinta ku eedeysan musuqa soo dhaweeyay dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
[email protected]

Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay dhowr wasiir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay Wasiiro cusub, iyadoo la buuxiyay labo wasiir oo booskooda banaanaa, kuwaasoo bil ka hor uu Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa goor dhow warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegtada Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabay illaa shan wasiir iyo wasiir kuxigeen.

C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, waxaa lagu bedelay wasiirkii xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan oo ay isku heyb ahaayeen.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaas hayay Sheekh Nuur loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Baqdaadi, waxaa uu bedelay Wasiiru dowlihii hore Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Cabdi ILEY oo ay xaaladdu ku xun tahay iyo ciidamo hor leh oo lagu hareereyay

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xiisada ka taagan deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia, kadib markii halkaa ay ka dhaceen rabshado dhibaato geystay.

Xiisada oo wali taagan ayaa waxa ay xoogeedu tahay mid u dhexeysa maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo dowladda Federaalka ah, kadib markii la sheegay in Iley uu ka baxsaday Madaxtooyada maamulka.

Saaka waxa ay wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Jigjiga sheegayaan in korantada iyo biyaha oo shalay la jaray ay dib ugu soo laabteen deegaanada Soomaalida.

Magaalada Jigjiga waxaa sidoo kale goordhow  gaaray wafdi dheeraad ah oo ka socda dowlada Ethiopia kuwaa oo la sheegay inay u socdaan dajinta xiisada ay wadaan Soomaalida kuwaa oo la filaayo in saacadaha soo socda ay la kulmaan Madaxda maamulka.

Sida aan warkeena hore ku sheegnay Qoraal lagu daabacay wargayska ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Addis Standard, ayaa waxaa lagu sheegay in wali ciidamada militariga Ethiopia ay ku hareersan yihiin halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa uu wargeyska Standard qoray in ay ciidamada Toban iyo labadii saac ee ugu dambeeyay ay ku harereysnaayeen madaxtooyada magaalada Jigjiga, kadib markii Iley uu la imaaday ciidamo reerkiisa ah.

Ciidamada ku hareereysan Cabdi Iley ayaa la sheegay inay wataan warqad amar ah oo lagu soo xirayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo la doonaayo in gacanta lagu dhigo, halka ciidamada isaga ilaalada u ah ay ka biya diidan yihiin in loo gudbo.

Ciidamada dheeriga ah ee lagu hareereeyay Cabdi Iley oo laga keenay magaalada Addis Ababa ayaa la xaqiijiyay in amar lagu siiyay inay xiraan isla markaana usoo dhoofiyan magaalada Addis Ababa inta ay ka dageyso xiisada wali taagan.

Sidoo kale, Standard ayaa qoray in arrintasi loo samayn doono si looga hortago dhibaatooyin hor leh oo Federaalka Ethiopia kaga imaada dhulka Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee xaalada ayaa u muuqaneysa mid marba marka xigta kasii dareysa waxaana aad looga cabsi qabaa in Cabdi Iley uu isku dhiibo ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

SOMALILAND oo qaadday talaabo adag, qalalaasaha amni ee Jigjiga kadib (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in heegan buuxa ay galsheen ciidamadooda amaanka ee ku sugan deegaanada ku dhow dhow maamulka Jigjiga.

Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa goordhow sheegay in ciidamada Somaliland ee degmooyinka xuduuda ay la leeyihiin Ethiopia ay heegan geliyeen.

Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay inay suuragal tahay in danbiilayaal falal amni darro kasoo geestay dhulka Soomaalida ay usoo cararaan dhanka Somaliland,sidaa aawgeed la doonaayo in laga hortago.

Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay in heeganka uu yahay si loo ilaaliyo nabadgelyada  maadaama qalalaase ka jiraan magaalada jigjiga .

Wuxuu sheegay inay Ethiopia ay la leeyihiin xiriir iskaashi ee xaga nabadgelyada iyo ganacsiga , sidaa darteedna ay indho dheer ku eegayaan xaaladda ka soo cusboonaatay jigjiga .

Dhinaca kale, Wasiirka waxaa ugu baaqay shacabka somaliland inay ilaaliyaan nabadelyada dadka reer Ethiopia ee la nool.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Afgooye iyo xog hordhac ah oo laga helayo

0

Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar Ismiidaamin ah uu goordhow ka dhacay Bar-koontorool ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa ka dhacay Afgooye, waxaana warar horudhac sheegayaan inuu ahaa qarax ismiidaamin oo lagu weeraray xero ciidan.
Khasaaro kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa lagu weeraray xero ciidamada ku lahaayeen wakaaladii hore ee biyaha afgooye.

Weerarka Ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano HOMEYDA,waxana lala bartimaamed saday Koontorool ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Wadada soo gasha degmada Afgooye,isla markaana kala qeybisa Wadooyinka Aada Magalada Baydhabo iyo Magalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen dhimashada 6 ruux oo qaarkood ay Shacab yihiin iyo dhaawaca kuwo kale,isla markaana xaaladu ay tahay mid kacsan.
Wixii kusoo kordha la soco

Maxaa ku qoran qodobka 39 ee dastuurka Ethiopia ee uu maamulka Soomaalida adeegsan rabay shalay?.!!

0

Jigjiga (Caasimada Snline) – Markii uu dalka Itoobiya ka baxay gacantii kacaankii Derg-ga ee uu hormuudka ka aha Mingistu Hailamariam oo ay taladu gacanta u gashay EPRDF waxaa is bedelay nidaamkii siyaadi ee dalkaas.

Itoobiya waxa ay qaadatay nidaam Federal oo ku dhisan qaab qoomiyadeed iyo dastuur siiyey qoomiyadahaas awoodo aysan hore u heli jirin.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Dastuurka Itoobiya-da Federal-ka ku dhisan ku qoran waxaa ka mid ah in ay Maamul Gobolleedyada ku disan Qowmiyadaha ina go’i karaan oo ay aayahooda ka talin karaan “Self Determination”. Sidaa darteed ayaa gobolka Soomaalida shalay waxaa ka dhacay rabshado, ayada oo laga qabsi qabay inay go’aan.

Si ay u go’aan waxay adeegsan karaan qodobka 39-aad ee dastuurka dalkaas.

Muxuu dhigayaa qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiyada?

1. Xuquuqda Qowmiyadaha, dhalashooyinka iyo dadka aayo ka tashi, oo ay ku jirto xaqa ay u leeyihiin go’itaan.

2.Qowmiyad walba, dhalasho walbba iyo dadka Itoobiya waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka hadlaan, qoraan oo ay horumariyaan afkooda; muujiyaan, horumariyaan iyo sare u qaadaan dhaqankooda; oo ay ilaaliyaan soyalkooda.

3.Qowmiyad kasta, dhalasho iyo dadka Itoobiya waxa ay awood buuxda u leeyihiin ay helaan ismaamul oo ay qeyb ka yihiin dhisidda hay’ado dowli ah ka dhisaan deeganadooda waxa ayna xaq u leeyihiin ay saami cadaalad ah ka helaan matalaada dowladda deegaanka iyo Federal-ka ah.

1.Xuquuqda aayo ka tashiga oo ay ka mid tahay go’itaan, ee ay qowmiyad walba xaqa u leedahay waxa ay ku suurtagali kartaa:

1.Marka saddex meelood laba ka mid ah ay golaha baarlamaanka dowlad deegaanka qoymiyadda iyo dadka ay quseyso ansixiyaan.

2.Marka ay dowladda Federalka ay qaban qaabiso afti ay qasab tahay in ay ku qabato muddo saddex sano ah oo ka bilaabaneysa marka ay golaha baarlamaanka dowlad deegaanka kala waregto rabitaanka go’itaanka ah.

1.Marka aftida go’itaanka ah uu ku meelmaro coddeyn aqlabiyad ah

2.Marka dowladda Federal-ka ah ay ku wareejiso awooddeeda golaha baarlamaanka ee qowmiyadda, dhalashada iyo dadka u codeeyey in ay go’aan; iyo

3. Marka hantida loo kala qeybsado sida uu dhigayo sharciga.

1.”Qowmiyad, dhalasho ama umadd” waxa uu dastuurkan ku qeexayaa, umad wadaagta dhaqan isku mid ah iyo caado isu dhaw, is fahan afeed, is aqoonsi dhalasho, fahan ku dhisan aanimaad oo sida ay u dhisan yihiin ah, iyo degenaanta deegaan la garanayo oo ay aad ugu badan yihiin.

R/W Kheyre iyo Khadar oo ku haftay juqraafiga dalka kadibna abuuray muran.!!

0

Muqdisho (Caasimadda Online)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada maamul goboleedka Puntland.

Xassan Cali Kheyre maalintii uu ka degay Garowe waxa ay dadweyne aad u tira badan ku soo dhaweeyeen barxdda magaalada isaga oo ku hadlay halkaas.

Hadaladdiisii waxaa ka mid ahaa: “Waxaad ku mahadsantihiin mudane iyo madaxweyne adiga iyo shacabka sharafta leh ee reer Puntland in aad igu soo dhaweyseyn dhulkii xudunta u ahaa halgankii daraawiishta”.

Hadallada Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre waxa ay dhaliyeen muran ku saabsan juqraafidda dalka iyo sida ay deegaanado kala yihiin.

Sida taariikhda lagu hayo xaruntii halgankii Daraawiishta waa degmada Taleex ee ka tirsan Gobolka Sool, magaalada Buuhoodle ee ka tirsan Gobolka Togdheer iyo deeganado kale oo ku xeeran!

Waxaa ka daray Xassan Cali Kheyre ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed ‘Khadar!’ Isaga oo hadal ka jeediaya xaflad habeenkii jimcaha ay Puntland ugu dabaal dageysay sanadguuradeedii 20-aad, waxaana uu yiri:“Puntland wa hoygii halyeeyaddii curiyey halgankii 60-kii, Allow yaa darwiishkii farriin dabacsan gaadhsiiya, Allow yaa yiraa dadkaagii dowladnnima qaate”.

Hadaba, su’aasha ayaa ah labada mas’uul miyeysan kala aqoon dalka?

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected] 

Dowlada Somalia oo go’aan adag qaadatay kadib xarigii wasiir ku xigeenka dibeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia aysan u arxan fali doonin kuwa ku shaqeysta musuqa.

Waxa uu Hanti dhowraha sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo isha lagu hayo kuwaa oo hadii ay kusoo cadaato kiisaska baaritaankooda ay muteysan doonaan xarig.

Waxa uu tilmaamay in arrin adag ay tahay in indhaha laga qabsado ficilada kuwa dhaqanka iyo caadada ka dhigtay musuqa Hanti Qaran waxa uuna ku goodiyay in sharciga uu noqon doono mid ku xoogeysta dalka.

Hanti dhowre Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa tilmaamay in Qaranimada Somalia ay tahay mid ku jirta in la kala saaro kuwa musuqa caadeystay iyo kuwa wanaagsan, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga hortago cid waliba oo halis ku ah Qaranka.

Sidoo kale, waxa uu carab dhabay mar uu saxaafada la hadlaayay in sharciga ay u siman yihiin dadka Soomaaliyeed,sidaa aawgeed la doonaayo in mas’uul waliba uu ka fiirsado qaabka shaqadiisa.

Geesta kale, waxa uu sheegay inaan lagu khaldami doonin cid aan waxba galabsan, hase yeeshee qofkii loo xira musuq ay micnuhu tahay inaan loo weyn cadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Is-rasaaseyn Muqdisho ka dhacday rag hubeysnaa oo la socday gaari oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in israsaaseyn ay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimda Somalia.

Israsaaseynta oo ka dhacday Isgoyska Saybiyaano ee degmada Hodon, ayaa u dhexeeyay ciidamada dowladda Somalia oo la socday gaari nooca dagaalka ah iyo rag hubeysnaa oo la socday gaari raaxo.

Israsaaseynta oo muddo kooban soctay kadib ayaa waxa ay ciidamada dowlada toogasho ku dileen raga hubeysnaa oo saarnaa gaari nooca raaxadda ah oo marayay Isgoyska Saybiyaano ee degmada Hodon.

Ciidamda ayaa dilay labo ruux oo kamid ahaa ragga hubeysnaa ee saarnaa gaariga Raaxadda ah, waxaana sidoo kale dhaawacmay Saddex Askari  oo saarnaa gaariga Cabdi bilaha oo ay la socdeen ciidamada.

Laba kamid ah meydadka ragga hubeysnaa iyo gaariga ay la socdeen ayaa yaala goobta, halka ciidamo gurmad ahaa ay goobta ka qaaden dhawacyada seddexda askari.

Sidoo kale, waxaa goobta ku sugan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee baara miinooyinka waxaana aad looga cabsi qabaa in gaariga ay la socdeen ragga hubeysnaa uu ay ku xiran yihiin walxaha Qarxa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn laba nin ay ee Ciidamada toogteen waxa ay ahaayeen, waxaana socda baaritaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Laba-kaclaynta loolanka Geeska Afrika – Q. 3-aad

Tani waa qormadi saddexaad ee aan ku eegayno amuuraha dabada ka riixayo loollanka cusub ee loogu jiro hanashada Geeska Afrika. Qormadi koowaad waxay ahayd gogal xaar. Middi labaad waxaan ku eegnay waddamada loollanka ku jiro iyo waqtiyadii ay kusoo kala biireen hardanka. Qaybtaas waxaan ku khatinnay in faaiidooyin ay ka heleen waddamada lagu loollamayo. Sidoo kale waxaan tilmaannay inay kasoo muuqdaan hardankaan khataro waaweyn oo dhibaatooyin u horseedi kara dadka ku nool gobalka oo dhan. Waa qodabkaas danbe midda ay qormadaan faafaahin doonto.

Khatarta kasoo muuqata loollaankaan waa mid dhowr waji leh dalalka Geeska-Afrikana si kale duwan u saamayn doonta. Qaar waxay isku dayayaan inay ka mid noqdaan kuwa loollanka ku jira ee wax qaybsanaya halka qaar ay yihiin dhibbanayaal dhab ah oo dhibta ugu weyn ay kaligood ku dhici doonto. Soomaalida (Soomaaliya iyo Jabbuuti) waxay noqon doontaa dhibbane la hubo hadduusan Eebbe faraj kale furin.

Halis Siyaasadeed

Waddamada ku harmadayo hanashada siyaasadda Bariga Afrika waxaan ku dheegnay inay carab u badan yihiin. Qaabka waddamada Carbeed wax u rabaan waa mid khar weyn ku ah horumarka mandhiqadda.

Ma jiro calaaqaad iyo dano mideeyo oo ka dhaxeeyo dalalka Carabta iyo kuwa Afrikaanka. Xariirka ka dhaxeeyana wuxuu ku qotomaa mid ka dhashay xariirka dhexmaro madaxda markaas talada hayso. Madaxda Carabtu, dhammaan waxay madaxda Afrika siiyaan miisaaniyad joogta. Lacagtaas badan waxay ku badashaan in madaxda Afrika ay daacad u noqdaan kuwa Carabta marki loo baahadana ay codkooda iyo cududdooda ku taageeraan.  Tusaale muddo dheer Senigaal waxay taageero dhaqaale ka heli jirtay Sacuudiga. Sanadki 2012ki ayaa la doortay madaxweynaha talada hayo mudane Sall. Waqtigaas wuxuu ballan qaaday fulinta qorshaha horumarinta Sanigaal. mashruucaas ayaa u baahday lacag gaarayso 16.8 bilyan doolar.

Wax badan lagama fulin qorshihii uu doorashada kusoo galay walow uu dhacdhac badan helay madaxweyne Sall. Waxaa xog hoose lagu helay in Sacuudigu bixiyay maal gaarayo $216 milyan oo doolar sanadki 2015ki oo aan caddayn waxa ay tahay meesha loogu talagalay. Taas baddalkeeda Sanigaal waxay ciidamo ka badan 2000 oo askari u dirtay Yemen si ay u caawiyaan Sacuudiga.

Siyaasadda noocaan ah halista ay leedahay ayaa ah in Carabtu aysan isku shuqlin horumarinta iyo hagaajinta xariirka kala dhaxeeyo Afrika taasoo keeni lahayd xariir siyaasadeed, mid dhaqaale iyo dhaqan oo dhex maro Afrika iyo Carabta. Sidoo kale, habdhaqanka Carabta wuxuu xoojiyanayaa musuqa ka jiro qaaradda wuxuuna cudud siinayaa madaxweynayaasha kursi ku dhagga ah ee ka taliyo Afrika.

Sidoo kale, qaadashada sandareertada ayaa madaxda Afrika ka dhigtay in loo arko kuwa hooseeyo. Carabtu, sida ree Galbeedkuba, ulama dhaqmaan madaxda Afrika si kuwo la siman, waxaa sidaa ka dhigayna waa in madaxda Afrikaanku lacag waydiistaan Carabta marki ay booqdaan. Sida loo quursado Afrika waxaa tusaale noogu filan sida loola dhaqmay waqtigii la tuuri rabay AUN korneel Qadaafi.

Midowga Afrika wuxuu si dag dag ooga shiray xaaladda Liibiya maadaama ay tahay dal Afrikaan ah. Midowga ayaa go’aamiyay qorshe nabadeed cad kaasoo dalkaas wax ka badbaadi lahaa. Qorshahaas oo ahaa in si nabad dalka looga sameeya isbaddalka ay dadku rabaan ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay dalalka carabta iyo Galbeedka. Maadaama Afrika aysan xoog ciidan lahayn madaxdeeduna horay cunno badan ugu maqnayd aad uma aysan qaylin marki lagu tuntay qorshihii ay rabeen in dalkaas lagu badbaadiyo. Wixii xigay waa midda laga wada shallaayayo maanta.

Intaas waxaa dheer, waddamada Khaliijku Barika Afrika wuxuu u yahay ahmiyadda saddexaad haddii uusaan ahayn midda afraad. Waxay u badan tahay ahmiyadda Bariga Afrika waxa keenay inay tahay xariirka ay la leedahay kuwa culayska ku hayo Khaliijka sida Iiraan iyo Yemen. Khatarta arrintaan ka dhalanayso ayaa ah in xariirka lagu saleeyo xaaladda markaas taagan taas oo noqon korto si, matalanba, Iiraan looga adkaadao in la dumiyo cid walba oo xariir la leh sida Yemen lagu sameeyayba.

Halista Loollanka xeebaha Bariga Afrika

Muddo 25 sano ka badan xeebaha Bariga Afrika waxay ahaayeen kuwo nabdoon oo uusan is rixriix ka jirin. Eritareeya iyada unbaa isku koobtay xeebaheeda meel kalana wax kama aysan dayin, Soomaaliya amni darro iyo dowlad la’aan ayaa indhaha caalamka ka weeciyay ku tartamidda xeebaheeda. Jabbuuti ayaa iyadoon cidna loollan kula jirin ka suud-daaqday xeebaheeda iyadoo kulmisay ganacsiga Itoobiya, Maalgashiyo shisheeye iyo saldhigyo ciidamo kala duwan.

Laakiin xasilloonidaas waxay isu baddashay si dhaqso. Waxaa si kadis agh u bilowday ku tartamidda xeebaha gobalka. Sidoo kale, gobalka naftisia ayaa billaabay u tartamidda cid maalgaliso xeebahiisa. Itoobiya oo ah dalka ugu weyn ee lagu tartamayo inuu noqdo macmiil ayaa heshiishyo aan xad lahayn la galay dhammaan dalalka dariska la eh ee badaha leh. Waxay heshiis ah inay baddooda isticmaalayaan la gashay, Jabbuuti, Soomaaliya oo labo ah, Kiinya iyo Suudaan iyo Eritaerrya oo hadda howsheedu socoto.

Dhowr arrimood ayaa keenay inay dakedo badan raadiso Itoobiya. Kow, ku tiirsanaanta hal daket waxay Itoobiya ka dhigaysaa mid taag daran oo u hoggaansato waxa uu rabo dalka leh dekaddaas. Sidaa darteed inay hesho meelo badan oo ay wax kala soo dagto waxay keenaysaa kalsooni shacabkeeda iyo dowladduba ay ku seexdaan. Labo, la heshiinta dowlado badan oo mid walba rabo in la isticmaalo dakeddiisa waxay keenaysaa in beeca la isku eryo sidaasna ay Itoobiya qiimo jaban ku hesho adeegga ay u baahan tahay. Saddex, Itoobiya waxay u aragtaa tartanka socdo mid lagu qaybsanayo Bariga Afrika sidii dhacdayba 1884’ti, inay qaybta ka qadin ee sidii awalba ay wax ooga heshay ay haddana wax ooga hesho ayay u xarbinaysaa. Inshallah qormo arrintaan u gaar ah ayaan soo dhigi doonaa.

Hunguri wax ka weyn waa dillaaciyaan

Jabbuuti ayaa inta aysan dalalkaan kale soo galin tartanka dajisay qorshe fog oo hormarineed. Qorshahaan oo loogu wanqalay Jabuuti 2035’ta ayaa ah in Jabuuti ay noqoto xarunta ugu weyn ee ay ku gashiimaan maraakiibta ku safarto Badda-cas iyo inay noqoto xarunta kala wareegga badeecadaha ka yimaad Shiinaha ee u socda Afrika.

Sanadkaan horraantisi ayaa xarigga laga jaray jid tareen oo dheerarkiisu yahay 750KM kasoo isku xirayo Jabuuti iyo Itoobiya. Tareenkaan oo ay ku baxday $3.4 bilyan oo doolar ayaa sahlay safarka badeecadaha isaga gooshi jiray Jabuuti iyo Itoobiya. Gaaska laga helay gobalka Soomaalida ee ay Itoobiya guumaysato ayaa isna la doonayaa in laga dhoofiyo Jabuuti. Julaay shanteedi ee sanadkaan ayaa sidoo kale, waxaa xarigga laga jaray aagga ganacsiga furan (free trade zone). Goobtaan ayaa ah midda Afrika ugu weyn waxayna qaadan doontaa in la dhammays tiro muddo 10 sano ah. Wajiga kowaad hadda xariga laga jaray waxaa ku baxay $3.5 bilyan doolar. Xaruntaan ayaa loogu talagalay inay lagu kala qaybiyo badeecadaha u socdo Afrikada aan badda lahayn sida Koonfurta Suudaan, Ruwaanda, Burindi iyo Yugaandha.

Si loo helo daketo fulin karo qorshaha Jabuuti, waxay dowladdu maalgalisay dakedda Doorale oo ay ku baxday adduun gaarayo $590 milyan oo doolar. Waxay sidoo kale, maalgalisay kuwa yar yar sida midda Tajuura oo loo calaamadeeyay inay kasoo dagaan cuntooyinka u socdo Itoobiya iyo Dameerjoog oo loo asteeyay in laga dhoofiyo gaaska dabeeciga ah ee laga qodayo dhulka Soomaalida.

Yaa bixinayo lacagta sidaan u badan?

Sida muqaato mashaariicdaan waxaa ku baxayo lacago balaayiin. Yaa bixinayo maxayse ka helaysaa cidda maalgalisay? Dhammaan maalgashiga dekadaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee socdo wuxuu ka imaanayaa Shiine iyo Imaaraat. Mashaariicda balaayiinta dhaaftay ee aan kor ku xusnay waxaa maalgaliyay Shiine. Shiine wuxuu wadaa dhisamaha mashruuc loo bixiyay soo noolaynta jidkii jidkii xariirta. Jidkaan ayaa isku xiri jiray Shiine iyo dunida inteeda kale qaruumihi dhexe. Qorshahaan ayaa hadda ah in jid bad iyo birriba ah oo kasoo baxo Shiine oo maro Afrika iyo Aasiya la dhiso si Shiine u noqdo dalka haysta goobaha ugu istiraatijisan dunida.

Geeska Afrika ayaa hal bowle u ah fulinta mashruuca jidki xariirta. Jabuuti ayuu Shiine u doortay inay noqoto saldhigga ugu muhiimsan ee Afrika mashruucaan ku leeyahay. Si taas loo xaqiijiyo Shiine wuxuu si miyir la’aan ah qaan ah u siiyay Jabuuti. Labo sano gudahood qaanta bannaanka laga leeyahay ee ay qabto Jabuuti wuxuu ka kacay 50% wax soo saarka dalka wuxuuna gaaray 75%. Taasi waxay ka dhigan tahay 75% dakhliga soo galo Jabuuti waa qaan. Ma jiro dal kale oo ka mid ah waddamada soo korayo halkaas qaanta lagu leeyahay ay gaartay. Maanka ku haay in ree Jabuuti oo hal milyan ka yar ay wali ka mid yihiin dadka ugu saboolsan dunida iyadoo intaas oo deyn ah dalka la galiyay. 23% waxay ku noolyihiin saboolnimo aad u daran shaqa la’aantuna waa 60%.

Qaanta maanta ay qabto Jabuuti maahan mid ay awood u leedahay inay bixiso. Waa si xowli ah u kordhi doono dulsaar ilaa uu gaaro heer aan an la hawaysan karin bixintiisa. Awal sidii wax ahaayeen ma adkayn in la sawirto in dekadahaan is bixiyaan oo Jabuuti aysan qasaarin waayo qorsha ayaa ahaa in isticmaalka Itoobiya ee dekadaha Jabuuti uusan ka hoos mari doonin 80%. Qorshahaas waxaa lagu saleeyay inuusan dhawaan dhici doonin heshiis dhex maro Itoobiya iyo Eritareeya iyo inaysan marnaba suuragal noqon doonin in Itoobiya isticmaasho dekadaha Soomaalia. Hasa ahaatee isbaddallada dag dagga ah ee dhacay ayaa soo saaray sawir madow marki  laga eego dhinaca Jabuuti.

Sidaan ku arki doonno qormada middaan xigto, hadii dekadaha Eritareeya howl galaan, Jabuuti waxay lumin doontaa in ku dhow kala bar isticmaalka Itoobiya. Taasina waa sababta ay Jabuuti af labadii u yeertay markay aragtay Eritareeya oo suuqa tartarnka akusoo laaban rabto. Caaqibada ka dhalan doonto inay Jabuuti bixin waydo dulsaarka qaanta ay qabto ayaa ah in Shiine la wareego maamulka meelaha uu maalgaliyay oo ay kow ka yihiin dakedaha oo ah isha kaliya ee Jabuuti ay dhaqaale ka hesho.

Arrintaan maahan mid qarsoon. Shiine wuxuu horay sidaas oo kale ugu sameeyay dalka Siiralaanka. Hasa yeeshee Jabuuti way dhib iyo halis badnaan Siiralaanka. Xeebta Jabuuti ee Shiine isu gaagaabinayo waxa saldhiggiisa ugu weyn ee Afrika ku leh ciidamada Maraykanka. Shiine ayaa isuguna ka dhistay saldhiggisi ugu horreeyay ee uu ku yeesho dibadda dalkiisa. Labada saldhig ee Shiine iyo Maraykan waxay isu jiraan lix mayl kaliya. Sanadkaan gudihiisa waxaa hawada isu mariyeen eedaymo midba kan kale uu ku eedeeyay daandaansi. Waxaa cad in Shiinuhu si ku talagal ah u doortay saldhiggiisa meesha uu ka dhigayo iyo ujeedka uu ka leeyahay lacagta aan loo meeldayin ee uu ku shubayo jeebka Isciil Cumar Geelle. La soco qormada xigta si aan u fahanno khatarta wajiyada badan ee soo foodsaartay Jabuuti iyo waxa la filan karo hadduu Shiine la wareego gacan ku haynta xeebaha Jabuuti taasoo aad u dhici karta.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
[email protected]
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/