24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

DUUB dhaqameed ma leeyahay door siyaasaded

Waxaa cad ineey soo xoogeysano ku milmidda siyaasadeed ee duub dhaqameedyada sidii dagaaladii sokeeye ay uga bilaabmeen Soomaaliya. Arinkaan waxeey soo fool saartay Soomaliweyn oo idil, hase ahaate beryahaan dabme waxeey si toos u saameysaa Beesha Mudulood oo aad dareemi karto jahowareerka ay keentay ka talinta arimaha siyaasadeed oo ay duub dhaqameedyada hogaamiyaan. Waxaa muuqda fikradaha siyaasadeed ee duub dhaqmeedyada Mudulood qaasatan Beesha Abgaal Cismaan in aysan ka turjimaynin danaha gaarka ah, taaso sababtay xaquuqdii dastuuriga ee beelahodii oo lunta, ha ugu horeysee mataladda siyaasadeed ee Gobalka Banaadir iyo kuwa kaleba.

Dib u dhaca xaquuq helidda Gobalka Banaadir waxaa loo sababi karaa hormuudka duub dhaqameedyada iyo ka ariminta siyasadda oon aheyn doorkoodi beesha ay ku mateli lahaayeen. Waxaa daliil u ah horbood-koodii ee shiraarkii Garoowe I iyo Garoowe II ee lagu marin habaabiyey umadda Somaaliyeed sababtayna ansixinta dustuurka lidka ku ah danaha bulsho-weynta ay matalaan gaar ahaan qodob kusheega 9aad “Maqaamka magaala madaxda Federaalka Soomaalya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegista dastuurka”. Ma la dhihi karaa duub dhaqameedyada saxiixay ogolaadeyna qodobka 9aad ay ka liitaan Af-Soomaliga fahankiisa iyo jawiga siyaasadeed!

Waxaa taas sii dheer in duub dhaqameedyada ay soo xulaan xildhibaanda metala belahooda ayagoon khibrad u laheyn maamul siyaasadeed.

Xildhibaanada metala Beesha Mudulood qaasatan Abgaal Cismaan, waxeey u badan yihin ganacsato ku ilaashada xilka danoohada gaarka ah oo marnaba u taagneyn danaha bulsho-weynta ay matelaan.

Markaad hesho fursad aad ugu tagto xildhibaanada ay duub dhaqmaeedyada soo xuleen ee metala beesha Mudulood oo aad u sheegto dhibka beesha si ay wax uga qabtaan una gutaan masuuliyadda saaran, jawaabtoda ugu horeyso waxay tahay “saaxiib aniga kursigaan lacagteyda ayaan ku gatay ee nac-nacda igala tag”. Lagama yaabo inaad xildhibaankii ku matali lahaay aad khadka telefoonka kula hadasho, xafiis aad uga tagtaana waa mid aan ku dhicin si fudud.

Waxaa is weydiin leh, maxaa gudboon oo ay Beesha Abgaal ku dhaqaaqi kartaa?

Berisimaadkii ayaa waxaa dhacday in Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) iyo AUN Maxamuud Axmed Maxamed (Kutubo Xoor) oo ahaa labo xildhibaan ee Dowladii Rayidka kana tirsanaa xisbiga leegada “SYL” ay isku qabsadeen kii noqon lahaa musharaxa koowaad ee doorashadii 1968 dalka ka dheceysay. Markii ay isku mari-waayeen ayaa waxa loo yeeray AUN Imaam Cumar Imaam Cali Cubeyd , si uu u kala saaro, waxaan la dhigay gogosha deegaanka Cadale . Hadaba markii la qadeeyey ayaa shirkii loo fariistay si Imaamka loogu sheego waxa loogu yeeray, waxaana lagu yiri Imaamka waxaan kuugu yeernay inaad kala saarto Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) iyo AUN Maxamud Axmed Maxamed (Kutubo Xoor) qofkii laga dhigi lahaay musharaxa kowaad ee doorashade soo socota ee xisbiga “SYL”.

Allaha u naxariistee, Imaam Cumar waxa uu yiri marka hore Faataxada noo mara, kadib markii Faataxada la maray ayuu wuxuu dhahay “in aan leego aan kala saaro Abgaal iima duuban” waana uu ka kacay gogoshii. Imaam Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “Leego maaha beelaha Soomaaliyeed ee wada hadalka naga dhexeeyo”.

Duub dhaqameed wuxuu ka taliyaa goob xoolo lagu dhaqo, beer lagu tacbo, ama xaajo beeleed lagu gorfeeyo shaqana kuma laha siyaasad iyo maamul dawladeed.

Oraah Soomaliyeed ayaa dhahaysa “Duub Tuf Maahinee Talo Siyaasadeed Ma Laha”.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Buuhoodle iyo magacyada siyaasiyiinta lagu dilay + Sawirro

Buuhoodle (Caasimada Online) – Sida aanu horay u baahinay waxaa Caawa Salaadii Makhrib kadib magaalada Buuhoodle  ka dhacay Qarax gaystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Waxaana kasoo baxaya Faah faahin dheeriya sida wax u dhaceen.

Naftii halige isasoo miidaamyey ayaa isku qarxiyey baabuur ay saaraayeen masuuliyiin isugu jira siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo odayaal deegaanka ah, waxaana  Waxaa loo badinayaa in bartilmaameedku ahaa masuuliyiinta baabuurka saaraa oo kala ah.

Cabdifataax Maxamed Cali (Rotman) oo soo noqday lataliyaha Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo arimaha siyaasada uu kala talin jirey, Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii hore ee armaha gudaha Khaatumo iyo Col Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed Nuur (Afweyne) oo kamid ah saraakiisha ciidamada Gobolka Cayn.

Baabuurka ayuu is hortaagey naftii haligaha qaraxa fuliyey kadibna baabuurka ayaa istaagey sidaas ayuuna isku qarxiyey.

Khaasare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa waxaana la xaqiijiyey geerida AUN Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Rotman) iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo soo noqday wasiirkii arimaha gudaha Khaatumo.

Waxaa la helay Maydka qofka loo malaynayo inuu is qarxiyey oo wajigiisu badqabo halka jidhkiisa kale googo’ay walina ma jirto cid aqoonsatay qofka uu yahay wajigan la helay ee qofka wax qarxiyey.

Waxaa dhaawac sahlan soo gaarey Yuusuf Cismaan Baxnaan (Dhagcas) oo kamid ah odayaasha deegaanka sida weyn looga yaqaano, iyo Col Cabdiraxmaan Afweyne oo isagu dhaawac sahlan qaba iyo darawalkii baabuurka masuuliyiinta waday.

Buuhoodle loogama baran falalka noocan ah bulshada ayay anfariir ku noqotay dhacdadan aadka looga naxay waxaana kumanaan qof ay buux dhaafiyeen meesha qaraxu ka dhacay iyadoo markii danbe ciidamada amaanku rasaas ku kala didiyeen dadka meesha isasoo dhoobay.

Warbixinta | Khadar Cawl Ismaaciil, Kalshaale.com

Siyaasiyiinta Puntland ugu caansan oo qoraal 6 qodob ah ku weeraray KHEYRE

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadda ku sugan degaanada Puntland.

Waxaa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in Madaxweynaha Puntland uu dhagax dhigo Dekedda Garacad, iyadoo oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku sugan yahay degaanada Puntland.

Waxa ay sheegeen in lagu qanci waayay Kheyre in uu taggo degaanka Garacad ee gobolka Mudug oo uu dekedda Dhagax dhigo.

War kasoo baxay Dallad ay ku mideysan yihiin Siyaasiyinta kasoo jeedda degaanada Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay Nasiib daro weyn Kheyre in  uu diido horumarinta Puntland.

“Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer” ayaa lagu yiri Warka.

Waxa ay intaa kusii dareen”Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland”

Hoos ka aqri qoraalka oo dhameystiran 

Arbaca, August 1, 2018.

1 – Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen.

2 – Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer.

3 – Waxay artintani su’aal weyn gelinaysaa xiriirka iyo niyadsamida Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ka dhexeeya.

4 – Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland.

5 – Puntland Focus Group waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in Madaxweynaha Dawladda Puntland awoodi waayey, kuna guul daraystay, in uu ku qanciso RW Xassan Khayre in uu dhagax dhigo Dekadda Gara’cad.

6 – Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa midnimo, isku duubni iyo isku tashi.

Xubnaha siyaasiyiinta waxay kala yihiin:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr. Maxamed Salaad Qoryooley

Aqri jawaabihii laga bixiyey hadalkii Juxa ku weeraray Kheyre ee qaado-quuriwaa

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa si weyn bulshadu u hadal haysaa hadalkii xalay uu bartiisa Facebook soo dhigay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa ee uu ku dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Juxa oo hadda ah murasharax u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland ayaa ku dhalliilay Xassan Cali Kheyre ka baaqashadiisii degmada Garacad oo lagu dhagax dhigayey dekedda halkaas laga dhisayo.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha kana tirsanaa xukumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ayaa ciwaan uga dhigay hadalkiisa weedhan: Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”. Waxaana uu ula jeeday in Kheyre diiday dhagax dhigga dekedda Garacad!

Hase ahaatee, shacabka baraha bulshada adeegsada ayaa si carro leh uga falceliyey qoraalkii Juxa iyaga oo ku tilmaamay hadal aan laga fileyn wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha.

Dadka sida weyn u cambaareeyey hadalka Juxa sida ka muuqata qoraalada waxa ay u badnaayeen reer Puntland oo su’aal ka keenay ahmiyadda ay leedahay in xilligan deked laga dhiso degmada Garacad!

FALCELINADDII QORAALKA JUXA!

 

Sawirro: Diyaarad Xamar ka qaaday golaha wasiirada oo ka degtay GAROOWE

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland gaaray Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia ee uu hoggaamiyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Wasiiradan ayaa waxaa hoggaaminaayay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Avv Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxa ayna magaalad Garoowe ku gaaren hal diyaarad oo ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirada ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, Saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirada ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ay uga qeybgali doonaan shirka Golaha Wasiirada oo magaaladaasi lagu qabanayo maalinta berri ah.

Sidoo kale, shirkan ayaa waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maalmo kahor gaaray magaalada Garowe.

Waxaa lagu wadaa in Shirkan ay ka qeyb galayaan Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada maamulka Puntland waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka sida ammaanka iyo horumarada dalka.

Waxaa jiray khilaaf halis galiyay inuu dib u dhac ku imaado shirka Golaha ee kadhacaaya magaalada Garoowe, hase yeeshee ugu danbeyntii waxaa xal laga gaaray Khilaafka oo u dhexeeyay Ra’isul wasaare Kheyre iyo C/weli Gaas.

ONLF oo war cusub kasoo saartay kulankii Farmaajo iyo ayaga ee ASMARA..!!

Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa qoraal uu soo saaray faah faahin dheer kaga bixiyey kulankii magaalada Asmara ee xarunta wadanka Eritrea ku dhexmaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo sidoo  kale guddoomiyaha ururkan Maxamed Cumar Cismaan.

Qoraalka ONLF ayaa sidan u qornaa:

Markii ay taariikhdu ahayd 28/07/2018, waxaa magaalada Casmara ee waddanka Eritrea ku kulmay Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) Admiral Mohamed Omar Osmaan iyo madaxwaynaha dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo booqasho rasmi ah ku joogay waddanka Eritrea.

Kulanku wuxuu dhacay, ka dib markii madaxwaynaha Soomaaliya uu codsaday inuu la kulmo guddoomiyaha JWXO, si ay uga wadahadlaan dhibaatooyinkii ka dhashay falkii sharci darrada ahaa ee dowlada Soomaaliya ay gumaysiga Itoobiya ugu gacan gelisay halgame C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) iyo go’aankii uu Golaha Wasiirradu soo saaray ee ahaa in JWXO ay tahay urur argagixiso ah.

Wadahadal qoto-dheer oo Labada masuul dhex-maray ka dib, wuxuu madaxwaynaha Soomaaliya ka garaabay falkii sharci darrada ahaa ee dowlada Soomaaliya ay kula kacday halgame C/kariim Sh Muuse, wuxuuna sheegay in falkaasi ahaa mid si khalad ah ku dhacay.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) waxay soo dhawaynaysaa kulanka dhex-maray labada dhinac iyo natiijooyinka ka soo baxay, waxayna rumaysan tahay in kulankaasi uu dhabbaha u xaadhi karo in la wanaajiyo xidhiidhka u dhexeeya JWXO iyo dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya.

Si loo dhammaystiro wixii ka soo baxay kulankaas, waxay JWXO ka sugaysaa dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyinka soo socda; Inay buriso go’aankii Golaha Wasiirrada ee dowlada fedaraalka Soomaaliya ka soo baxay 06 September 2017 ee ahaa in JWXO ay tahay urur argagixiso ah.

Iyo inay cudurdaar rasmi ah ka bixiso falkii sharci darrada ahaa, oo dhaawac wayn u gaystay halgame C/kariim Sh Muuse iyo dadwaynaha Soomaaliyeed oo dhan, meel kastoo ay joogaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Saameynta weerarkii ay siyaasiyiinta Puntland ku qaadeen Kheyre iyo hal arrin oo ka dhalan karta

Garoowe (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khyre booqday deegaanada Puntland oo uu hadda ku kala bixinayo magaalooyin kale duwan waxa ay noqotay mid muran siyaasadeed abuurtay.

Xasan Cali Kheyre oo booqday Puntland markii ugu horreeysay tan iyo markii loo magacaabay xilkaas, ayaa ku bilowday jawi qurux badan isaga oo loo sameeyey soo dhaweyn heer sare ah.

Yeelkeede, booqashadiisa waxaa bar badow u yeelay siyaasiyiinta Maamulka Puntland oo cambaareyn kala dul dhacay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhalleeceyntan ayaa ka soo bilaabatay hadal u Garacd ka jeediyey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isaga oo tilmaamay in aysan fileyn sida uu u dhaqmay Xassan Cali Kheyre!

Maxaa sabab u ah?

Maalinimaddii salaasada waxaa degmada Garacd laga dhagax dhigay Deked cusub oo halkaas laga dhisayo waxaana ka qeyb qaatay Madaxweynaha Puntland, isimada iyo siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Cali Xaaji Warsame.

Hase ahaatee, waxaa ka baaqday Kheyre oo ay maamulka Puntland filayeen in uu ka qeyb-qaato dhagax dhigga Dekedda Garacad, sababo aan la shaacin awgeed balse loo badinayo in aysan ku jirin qorshihii uu u aaday deegaanadaas.

Cabdi Faarax Siciid Juxa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee xukumadda Xassan Cali Kheyre ayaa noqday shaqsigii labaad ee dhaliila Kheyre isaga oo bartiisa Facebook-ka ku soo weeraray.

Waxaa lama filaan noqotay in ay isku wada raaceen Siyaasiyiinta Puntland eedeenta loo jeedinayo Ra’iisul Wasaaraha markiisii kowaad booqashada ku jooga deegaankooda.

War Saxaafadeed ay soo saareen golaha Puntland Focus Group ee ay ku bohoobeen siyaasiyiinta u tartameysa xilka madaxweyne ee Puntland ayaa si adag loogu cambaareeyey ka baaqashadii Raisul Wasaaraha ee dhagax dhigga Dekedda Garacad.

Saameynta ay arintaas ku yeelaneyso booqashada Kheyre ee Puntland?

Eedemahaas sidaas u culus ee ay isku raaceen siyaasiyiinta Puntland iyo isimadooda waxa ay qalbi jab ku abuurtay Kheyre oo aan  fileyn in sidaas ku dambeeyo boqashadiisii hilowga lahayd ee uu ugu ambabaxay Puntand.

Waa eedeemo ay suurtagal tahay in ay bilowdo khilaaf hor leh oo ka dhex dhasha Puntland oo hore caan ugu ahaa hagardaaminta dowladnimada Soomaaliya haddii ay tiisa meelmari weydo in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhacdooyinkan ayaa su’aal ka keenaya hab-dhaqanka Siyaasiyiinta Puntland  maadama markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo booqday deeganaas si meeqaam sare ah loogu qaabilay oo aysan ka dhalan wax carqalad ah kuna soo dhammaatay guul, farxad iyo reyn reyn!

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Iran oo jawaab cajiib ah ka bixisay kulan “Sheydaanka weyn” uu ka codsaday

Tehran (Caasimada Online) – Madaxa ciidamada ugu awoodda badan milatariga Iran ayaa diiday yabooha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah inuu wada hadal toos ah la yeesho hogaamiyayaasha Iran, isaga oo sheegay in Tehran aysan weligeed wada hadal la yeelan doonin waxa uu ugu yeeray “Sheydaanka Weyn”

Taliyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Ali Jafari ayaa hadalkan ku sheegay warqad furan oo lagu daabacay wakaaladda wararka Iran ee Fars.

Jafari ayaa sheegay in iimaanka islaamiga ee dhabta ah ee Iran uu ka dhigayo dalkaas mid ka duwan dalalka kale ee adeecayaasha Mareeykanka ah.

Jafari ayaa sidoo kale Trump ugu yeeray inuu yahay “madaxweyne aan xirfad lahayn”, kaasi oo rajadiisa ah inuu kulan la yeeshay madaxda Iran la gali doona qabriga.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay hadal kale oo yaab leh oo ah inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal toos ah la yeesho Iran.

Shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Trump waxaa lagu weydiiyey inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani.

“Waxaan aaminsanahay kulamada” ayuu ku jawaabay Trump, oo intaas ku daray “In lala hadlo dadka kale, gaar ahaan marka ay timaado halista dagaalada, dhimashada iyo macluusha, waa inaad kulamo sameysaa, ma jiro wax dhib ah oo ku jira in la kulmo”

Trump ayaa xusay inuu kulamadii fool-ka-foolka ahaa ee uu dhowaan la yeeshay hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay tusaale u yihiin diblomaasiyad toos ah oo lala yeesho dalal loo arko inay cadow ku yihiin danaha Mareykanka.

“Sidaa darteed waan la kulmayaa Iran, haddii ay doonayaan inaan kulano. Ma aqaan haddii ay diyaar u yihiin. Waxaan filaa in hadda xaalka ku adag yahay, balse watqi kasta oo ay diyaar yihiin waan la kulmayaa”

Madaxweyne Trump ayaa dhowaan ka baxay heshiiskii lixda dal ee Mareykanka uu ka midka ahaa ee sanaddii 2015 laga gaaray barnaamijka Nuclear-ka Iran, isaga oo ku sheegay heshiis hal dhinac ah oo aan dan ugu jirin Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected] 

Wasiirkii waxbarashada oo JAWAAB ka bixiyey xil ka qaadistii lagu sameeyey

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan oo xilka uu dhowaan ka qaaday Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka hadlay qaabkii xilka looga qaaday iyo wixii dhex maray Ra’iisal wasaaraha.

Wuxuu sheegay inuu telefoon kusoo wacay ra’isul wasaaraha, oo kala hadaly arrintii uu Jaamacaha ka sheegay, isaguna uu u sharaxay ujeedkiisa siduu ahaa. “Kuma dhihi karo hal sabab ayaa la iigu ceyriyay, waxaa dhici hadalka oo khalad loo arkey, shaqo gudasho la’aan ama cadaadis siyaasadeed oo jirey ama xataa waxaas oo dhan oo is-biirsaday…” ayuu yiri Wasiirka la eryay oo u waramay Idaaacadda Goobjoog.

Mar uu ka hadlay waxa sababay inuu ku dhawaaqo inuusan aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ak jira ayuu sharaxaad dheeraad ah bixiyey wasiir Cabdiraxmaan Daahir, wuxuuna yiri: “Hadal run ahaa ayaan sheegay. Aan kuu sharaxo, Jaamacad ma aqoonsato wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, ee waxaa aqoonsi siiya hey’adda madaxbannaan oo tacliinta sare iyaga oo hubinaya dhowr arrimood:

Halkaan hoose ka akhriso wareysiga oo dhameystiran

Ugu horeyntii, waxaa Cabdiraxmaan Daahir  wax ka weydiiney qaabkii loo ceriyey iyo haddii ay jirto cid la soo xiriirtay?

Jawaab: Haa, waxaa isoo wacay ra’isul wasaaraha, arrintii aan Jaamacaha ka dhahay, waana u sharaxay ujeedkeyga sida uu ahaa. Kuma dhihi karo hal sabab ayaa la iigu ceyriyay, waxaa dhici karto qofka hadal uu dhahay oo qalad loo arkey, shaqo gudasho la’aan ama cadaadis siyaasadeed oo jirey ama xataa waxaas oo dhan oo is-biirsaday, intaas ayaa ku dhihi karaa ee Fadlan ha isii cadaadin.

Su’aal: Waxaa Maxay Sababta Aad U Dhahdey Jaamacadaha Ma Aqoonsanin?

Jawaab: Hadal run ahaa ayaan sheegay. Aan kuu sharaxo, Jaamacad ma aqoonsato wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, ee waxaa aqoonsi siiya hey’adda madaxbannaan oo tacliinta sare iyaga oo hubinaya dhowr arrimood: (1). In Jaamacadda ay leedahay board of directors oo hal qof aaney jeebka ugu jirin, oo aanu markii uu rabo xerin sida ardey kumannaan ah ay waxbarasho la’aan ugu dhacdo. (2).  in ay hubiso tayada macalimiinta, oo midka ugu hooseeya uu heysto Master oo aqoontiisa la sii hormarinayo. (3).  Inay hubiyaan siyaasadda maaliyadeed ee Jaamacadda iyo Manjadka. (4). Iyo Jaamacadda Qalabka leedahay, tusaale ahaan haddii caafimaad ay dhigayan ama Injineerinka, waxaa ay u baahanyihiin qalab….intaas marka la hubiyo aya aqoonsi la bixiyaa. Hadda ma jirto hey’addii, mana jirto qorshe dhow oo arrintaas ah, sidaas ayaan ula jeeday.

Su’aal: Maxaa Keenay Inaan Manhaj Af-Soomaali Ah Soo Saartaan Xilli Dunida AfKa Ingiriiska Ku Wada Xiriirto?

Jawaab: Luqadda waa means  ee ma aha muhiim, waxaa muhiim ah tayada manhajka iyo falsafadda fog ee laga leeyahay. 3-maado keliya ayaa Af-Soomaal lagu dhigi-doonaa oo kala ah:  Science-ka( biology, Physics, Chemistry), Social Stadies-ka oo arrimaha bulshada ah iyo Xisaabta, inta kale caadi, oo Carabi iyo Ingiriiska luqad ahaan ayaa loo baran-doona. Teeda kale dalal badan oo Shiinaha ku jiro afkooda ayey wax ku bartaan waxbarashadana qiimo ayey leedahay, waxaan intaas kuugu darayaa waxaa hadda dalkeenna jooga ardey wax ku soo bartay Carabi iyo Ingiriis oo aan cilmi iska dhaafee, luqaddii ay wax ku soo barteen ay dhib ku tahay.

Su’aal: Dhaqan-gelinta Manhajka Makala Hadasheen Dalladaha?

Jawaab: Haa, in Af-Soomaali manhajka laga dhigo waxaa ay ku qorantahay sharciga waxbarashada dalka, arrintan waxaa heshiis ku ah dalladaha iyo dhammaan bah-wadaagta waxbarashada iyo xey’adaha taageera, waxa diyaar ahaa buugaagtii fasalka 1aad ilaa 4aad, waana in laga dhaqan-geliyaa iskuul walbo oo Soomaaliya ku yaallo.

Su’aal: Markii aad Timid, waxaad ka sheegatay shaqaalo badan iyo Howl yar, Maxaad Ka tagtay?

Jawaab: Waa Su’aal fiican. Waxaan ka tagay arrimo badan, horta wasaaradda hadda waxaa jooga 10 agaasime iyo 10 waaxood, oo agaasimaeyaashii tirada badnaa waa ceyriyay.  Waxaan aad u wanaajiyey xiriirka wasaaradda iyo dhigooda maamul goboleedyada, waxaa aad u wanaagsan xiriirka wasaaradda iyo dalladaha dalka ka jira, waxaan qalabeeyay wasaaradda oo hadda lama sugayo saxiix hebel, waxaan ka dhigay hey’ad iyo xafiisyo wada shaqeeya. Imtixaanaadkii mideysan oo dibadda lagu daabici jiray, waxaan ku daabacney, ku habeyney, kuna keydiney gudaha dalka iyada oo ay wasaaradda bixisay maaliyadda iyo qarashka ku baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kulankii golaha wasiirada ee Garoowe oo uu baaqday khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Gaas iyo Kheyre

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu baaqday kulankii la filayey inay halkaas ku yeeshaan Golaha Wasiirada.

Sida xogta lagu helayo Shirka Golaha Wasiirada ayaa u baaqday Khilaaf Xoog leh oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Khilaafka xoogiisa ayaa dhashay kadib markii uu Ra’isulwasaare Kheyre diiday inuu dhagax dhigo Dekad laga furayo Magaalada Garacad.

Madaxweyne Gaas ayaa markii dambe go’aansaday inuu kaligiis ka dhigo waxayna arrintaas keentay khilaaf iyo inay Isimada kasoo jeedo Puntland hanjabaad u diraan Ra’isulwasaare Kheyre.

Ra’isulwasaaraha iyo madaxda ugu saresyo Maamulka Puntland ayaa xalay dhan lahaa kulamo xasaasi ah kuwaas oo looga wada hadlayey diidmada Kheyre iyo sida laga yeelayo kulanka Golaha Wasiirada.

Dood dheer kadib madaxda Maamulka Puntland ayaa isku raacay inaan kulankaas lagu qaban karin Magaalada Garoowe waxaana Kheyre loo sheegay inuu baajiyo.

Kulanka ayaa ugu dambeyn lagu kala tagay waxaana sidaas ku baaqday kulankii Golaha Wasiirada oo intooda badan la filayey inay Maanta ka dhoofaan Magaalada Muqdisho.

Khilaafka ayaana sii xoogeystay iyadoo hadda Kheyre uu xuska sanadguurada Puntland uu uga qeybgeli doono Boosaaso Xilli Cabdiweli Gaasna uu uga qeyb geli doono Magaalada Garoowe.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inuu Kheyre Puntland u quuri waayey Qaando Shamiito ah taasoo muujineyso halka uu gaarsiisan yahay Khilaafka Puntland iyo Kheyre.

Sidoo kale  Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mida odayaasha dhaqanka Isimada Puntland ayaa qarxiyey qorshe ay heshiis ku ahaayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhagax dhigo Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug.

Islaanka oo ka hadlayey Garacad ayaa shaaciyey wixii dhex maray iyaga iyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Waxaan afkayga kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana u sheegay in dhismaha dekedda Garacad la dhagax dhigayo, waxaana ka codsaday in madaxda Qaranka kasoo qeyb galaan dhagax dhigga,. Wuxuu igu yiri, waan soo tashanayaa isug. Wuu igu soo laabtay wuxuuna igu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre baa idiin imaanaya. Kheyre Puntland waa joogaa mana noo imaan..”

Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Mashruuc halis oo Xamar ka bilowday iyo carruurtii oo laga joojiyey iskuulada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday mashruuc cusub oo ka dhan ah Carruurta gaar ahaan kuwooda gabdhaha ah.

Degmada Yaaqshiid oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taagan cabsi ay muujinayaan Dadka Degmadda oo ku aadan Caruur la Afduubtay isla markaasna laga rabo madax furasho

Dadka deegaankaas dagan ayaa cabsidaas darted joojiyey inay carruurta u diraan dugsiyada iyo Iskuulada sida ay idaacadaha Maxaliga ah u sheegeen qaar ka tirsan dadka halkaas dagan.

Cabdulqaadir Sheekh cusmaan oo ka mid ah Dadka Degmadda Yaaqshiid ayaa idaacadaha Muqdisho u sheegay in Qoyskiisa gabar laga Afduubtay, walina ay la’yihiin .

Wuxuu sheegay in gabadhooda oo aheyd 12 jir ay ka waayeen wax war ah balse markii dambe la ogaaday in la afduubtay.

Wuxuu intaas ku daray inay gabadhaas kasoo hadashay Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

“cabsi badan ayaa nagu jirta, waayahaan gabdhihii waa lagadanayaa, madaxfurasho ayaa laga qaadayaa dhib intaas ka weeyna wuu imaan karaa, marka walwal ayaan dareemeeynaa” Cabdulqaadir Sheekh cusmaan.

Meesha uu Afguubkaan ka dhacay waa xaafadda carafad ee Degmadda Yaaqshiiq, sidoo kalana waxaa jiro ilmo kale oo la afduubtay oo laga qaaday lacag.

Mashruucaan ayaa ah mid Xamar ku cusub baryahaan waana dabeecad jiri jirtay xilligii dalka ku jiray dagaaladii sokeeye balse hadda waxaa muuqato in dib loo soo celiyey.

Dhawaan ayey aheyd markii Gabar laga afduubtay Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafadda Seybiyaano la heystay muddo kadibna lagu soo tuuray laamiga.

Arrintaan weli ma aysan ka hadlin Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo ah meesha cabsida hadda ka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shan su’aal oo ay ahayd in la weydiiyo ra’isul wasaare Kheyre, wareysigii BBC-da

Saxaafadda iyo baraha bulshada waxaa laga hadal hayay su’aal uu weyddiiyay Weriye Farhan Max’ed Jimcaalle ee ka tirsan BBC qeybteeda afka Soomaaliga ku hadasha R/W Kheyrre, taas oo ahayd in uu marti ku yahay Garoowe.

Haddaba waxa aan isla falanqeyn doonnaa ugu yaraan shan su’aal oo ka muhiimsaneynd kuwaas, oo la weyddiin karay mudane Kheyrre.

Waa markii ugu horreysay oo uu wasiirka koobaad kasoo hor muuqanayo warbaahin aan ahayn tan dowladda tan iyo markii uu xilkan qabtay, islamarkaana si toos ah loo weyddiinayo su’aalo.

Haddaba shantan su’aal ayeey ahayd in la weyddiiyo ra’iisul wasaaraha intii la weyddiin lahaa marti ku ahaanshiyihiisa Garoowe.

1)Qirashada qaladkii Dhiibistii Qalbi Dhagax:- Madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay sida ay caddeeyeen madaxda jabhadda ONLF in ay qalad ahayd dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax, taas oo dhanka kale ay golaha wasiirrada oo uu Kheyrre madaxda u yahay ay ku sheegeen in ay sax tahay, ONLF na ay tahay jabhad Argiggixiso, haddaba su’aasha ah halka uu ka taagan yahay dhiibista Qalbi Dhagax ayeey ahayd in laga weyddiiyo su’aal sidoo kalena uu ka hadlo dhanka madaxweynaha iyo qirashada qaladkaas.

2) Hadalka Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo doorashada 2021-ka:- Mahdi Khadar oo ah wasiir kuxigeenka koobaad ee Soomaaliya ayaa meel fagaaro ah ka yiri in uu soo socdo xisbi weyn oo soomalida oo idil u furan, kaas oo uu madax ka yahay mudane Farmaajo, haddaba sidee bay isku waafiqi karaan hadafka Kheyrre ee doorashada xigta iyo hadalka Mahdi Khadar? su’aashaas iyana waxa ay ahayd mid kale oo muhiim ah islamarkaana dad badan ay u baahnaayeen.

3) Khilaafka Isaga iyo madaxweynaha iyo kaalinkii burburinta ciidanka xasillinta:– is qabsi xooggan ayeey warbaahinta baahisay, kaas oo laga garan karay in uu jiro kaddib markii hoos loo dhigay dhammaan qorshayaashii ammaan ee uu mudane Kheyrre atooraha ka ahaa, in arrinkan wax laga weyddiiyo ayaa ka mudneyd in uu weriyaha ku mashquulo marti ku ahaanshiyihiisa Puntland.

4) Qalqalkii la geliyay xajka sannadkan:- taariikhda markii ugu horreysay ayeey Soomaaliya qarka u kortay in aysan wax diyaarad ah oo xajka aadda aysan ka duulin gebi ahaan dhulka ay ka taliso dowladda Soomaaliya, taas na waxaa sabab u ahaa harddan la siyaasadeeyay oo ganacsatada u dhaxeeyay, doorka xukuumaddiisa ay ku lahayd qal qal gelinta xajka iyo sida ay wax u dheceen iyana waxa ay ahayd su’aal kale oo muhiim u ahayd in weriyaha uu weyddiiyo mudanaha.

5) Qaabka xukuumaddiisa ay u casisho wasiirrada:– ma jiro wasiir ka tirsan xukuumadda Kheyrre oo si qurux badan shaqada looga eryay, laga soo bilaabo min Yuusuf Garaad illaa wasiirka waxbarashada, nidaamka ceyrinta mas’uuliyiinta iyo sababta ay noocaas ku doorteen?

dhammaan waa su’aalaha wax laga weyddiin karay ra’iisul wasaare Kheyrre intii uu socday wareysigii uu siiyay barnaamijka caawa iyo caalamka ee TV ga BBC laanteeda la hadasha dadka Afka Soomaaliga ku hadla.

F.G:- Khibraddeydu ma gaarsiisna in aan wax u sheego qof sida Farxaan M. Jimcaale oo kale, ha yeeshee waa su’aalaha aan is leeyahay waa uu ilduufay weyddiinteeda

W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali

E-mail:- [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Guuxa doorashada P/Land: Yaysan soo laaban Gaas iyo Maxamuud Saleebaan

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa si weyn Puntland looga dareemayaa dhaq dhaqaaqa olole ee ay wadaan murashixiin tiro badan oo doonaya in ay u tartamaan xilka madaxtinimo ee maamulkaas.

Waxaa loolanka ku jira rag miisaan culus ku leh siyaasadda deegaanada Puntland iyo waliba guud ahaan dalka sida Siciid Cabdullaahi Deni, wasiirkii hore ee arimaha gudaha Juxa, Cali Xaaji Warsame iyo kuwo kale.

Waloow aysan si rasmi ah u shaacin, waxaa Iyana la filayaa in ay loolamaan madaxweynaha haatan talada haya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Musharixiinta waxaa sidoo kale ka mid ah General Maxamd Siciid Xirsi Moorgan.

Hadaba waa maxay Guuxa ugu weyn ee ka jira Puntland?

Garowe oo ah caasimadda maamulka Puntland waxaa hadda ku sugan oo walina ku soo qul qulaya murashixiinta tartamaya waxaana ka socda is xulufeysi.

Sida ay Caasimadda Online xogo hoose ku heshay, siyaasiyiinta waa weyn ee Puntland waxaa sanadkan ka go’an laba arrimood.

KOW –  Hadal haynta ugu weyn ee ka dhex jirta siyaasiyiinta waa in uusan soo laaban Cabdiwali Cali Gaas oo uu hadda xilka ka sii dhammaanayo

Midda Labaad: In sanadkan madaxtinimada la dhaadfiyo beesha Maxamuud Saleebaan oo intii ay Puntland jirtay soo haysay talada.

Kaliya, waxaa si KMG ah madaxweyne aan ahayn beesha Maxamuud Saleebaan u soo qabtay Maxamed Cabdi Xaashi oo ku xigeen u ahaa AUN madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed, Cabdi Xaashi waxa uu ahaa Dhulbahante waxa uuna xilka hayey wax ka yar shan bilood!!

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

 

Aqri: Prof. Gaandi oo soo bandhigay 6 qalad oo ah istaraatiiji oo ay gashay DF

Muqdisho (Caasimadda Online)-  Prof. Gaandi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaladaadka istaraatiijiga ah oo ay gashay dowladda federaalka Soomaaliya, mar uu wareysi siiyey Universal TV.

Prof. Gaandi ayaa qaladaadka dowladda u kala qaaday mid Istaraatiiji  ah iyo mid siyaasadda ah, waxaana warbixintaan kusoo qaadaneynaa Qaladaadka Istaraatiijiga oo uu Prof-ka ka hadlay.

1) Amni

Prof. Gaandi ayaa sheegay inuu amniga ahaa muhiimada koowaad ee laga sugayey dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in laga sugayey dowladda inay gacanta ku dhigto amniga, wuxuuna xusay inay arrintaas dowladda ku fashilmatay oo aysan waxba ka qaban.

2) Dib u heshiisiinta

Prof. Gaandi ayaa xusay inay dadka Soomaaliyeed soo mareyn dhibaato iyo dagaalo badan loona baahan yahay in la heshiisiiyo lana iloobo wixii soo dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inaysan xoogga saarin dib u heshiisiinta.

3)  Dhameystirka Dastuurka:

Prof. Gaandi ayaa xusay inay dowladda Soomaaliya ku fashilan tahay inay Dastuurka ka saarto kumeel gaarnimda isla markaasna la gaarsiiyo dalka qof iyo cod, wuxuuna sheegay inaan weli jidkaas la qaadin .

4) Maqaamka Muqdisho

Prof. Gaandi ayaa qodobka afaraad ee Istaraatiijiga ah oo ay ku fashilmatay dowladda ku sheegay inay tahay maqaamka Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay laga soo bilaabo dowladdii Carto in cid kasta ay ka leexaneysay lagana gaabinayey in maqaamkaas la caddeeyo.

Gaandi ayaa aaminsan inay dowladda Soomaaliya ee hadda jirto qaaday wadadii dowladahii hore.

5) Adeegga Garsoorka

Gaandi ayaa qabo inay dowladda Soomaaliya ku fashilmatay inay wax ka qabato adeegga Garsoorka oo uu u arko inay tahay qodobada ugu muhiimsan markii nabad la helo kadib.

6) Tiro Koob

Ugu dambeyn Gaandi ayaa qodobka ugu dambeeyo ku sheegay inuu yahay tiro koob laga sameeyo dalka si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna qabaa inay arrintaas dowladda ku fashilmatay waqtigana uu ku socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland iyo Somaliland oo ogolaadey qorshe ay QM iyo IGAD soo bandhigeen

Hargeysa (Caasimada Online) – Wefdi ka socdey urur goboleedka IGAD iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa booqasho ku kala bixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa waxaana ay kulan la qaateen madaxda labada maamul, wada hadalka ayaa la xiriirey in ay labada dhinac oggolaadaan qorshe IGAD iyo UNSOM ay soo dejisey oo xaaladda lagu dejinaayo.

Sida aan ogaanay waxaa qorshahan si weyn u soo abaabuley dowladda Ingriiska, waxaana uu dhigayaa sidii dagaal danbe aanu u dhici lahayn, qorshahan ayaa dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaya dowladda Ingriiska.

War saxaafadeed ka soobaxay UNSOM iyo IGAD ayaa lagu sheegay in ay la kulmeen, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas, ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Camey, Isimada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Sool, sidoo kale waxay Hargeysa kula kulmeen, Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalland Dr. Sacad Cali Shire, Golaha Wasiirada, Xildhibaano, hoggaamiyaasha UCID iyo Waddani.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka labada dhinacba waxay soo dhaweeyeen in nabad lagu dhameeyo xaladda, waxaana ay soo dhaweeyeen qorshaha IGAD-UNSOM, warka ka soo baxay ergada qorshaha nabadda wada ayaa sheegay in todobaadyada soo socda wadahadalku sii socon doono.

Wararka ayaa sheegaya in qorshahan cusub ee xaaladda lagu dejinayaao uu dhigaayo in isu socodka labada maamul, ganacsiga iyo is-dhexgalka sidii hore uu ahaa loo soo celiyo, in dadka uu saameynta ku yeelatey colaadu loo oggolaado in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo, in ciidamada la kala qaado oo Somaliland ay dib ugu laabato xeryahoodi hore, gobolka Soolna laga dhigo mid ka caagan ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Juxa oo weerar ku qaaday Kheyre “Wuxuu noo quuri waayey qaado shamiito ah”

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku maraya deegaanada Puntland, oo Juxa uu kasoo jeedo.

Juxa ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in Kheyre uu Puntland u quuri waayo, sida uu hadalka u dhigay, qaaddo shamiito ah, isaga oo kaga jeeda inuu diiday dhagax dhigga dekadda Garacad ee Puntland.

Kheyre ayaa maanta ka baaqday munaasabaddii dhagax dhigga dekaddaas, ayada oo sida la sheegay uu cadaadis uga yimid siyaasiyiinta Galmudug oo dekaddaas u arkay inay halis ku tahay dekedda Hobyo, oo dhismaheeda uu socfo.

Juxa ayaa qoraalkii uu soo dhigay Facebook, oo uu cinwaan uga dhigay “Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”.  ku yiri “Raysal wasaare Khayre markii ugu horraysay 18 bilood ayuu booqasho rasmi ah ku yimi Puntland. Si weyn ayaa loo soo dhoweeyey. Waxay ballantu ahayd inuu dhagax-dhigo dhismaha Dekedda Garacad oo ah dadaal ay bulshada reer Puntland si iskutashi ah u wadday muddo dheer. Nasiib darro Raysal wasaare Khayre wuxuu reer Puntland u quuri waayey qaaddo shamiito ah oo dhagax dhig ah. Waxaa la is-weydiinayaa maxaa hadaba safarkiisa Puntland ku saabsanaa, muxuuse Madaxweyne Gaas ka bedeshay?”

Kheyre iyo Juxa ayaa horey ay xiisad uga dhaxeysay, ayada oo Juxa xilka wasiirka arrimaha gudaha ku waayey, markii ay is-qabteen Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa xoghayihii joogtada wasaaradda, oo sida la sheegay la wareegay shaqadiisa, isaga oo tagaeero ka helaya Kheyra, inkasta oo markii dambe loo beddelay xafiiska Kheyre. Yaxye iyo Kheyre ayaa isku beel ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

ABIY AHMED oo sheegay HADAL dareen gaar ah gelinaya SOOMAALIDA.!!

Minneapolis (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay aad usoo dhaweysato Somalia oo uu sheegay inay wadaagan dhaqan isa shabaha.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed waxa uu xaqiijiyay in marka la eego wadamada kale ee afrikaanka ah ay aad uga soo dhaweystan Somalia, waxa uuna sababta ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo dhib badan isla markaana lala noolaankaro.

Abiy Axmed oo ka qeybgalaayay kulan ay Madaxtooyada Addis Ababa ku yeelanayeen qaar kamid ah Xildhibaanada dalkaasi oo ay ku jireen kuwo asal ahaan kasoo jeeda Somalia ayaa sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay inay u faa’iideyso Somalia oo xiligaan u bisil nabadda iyo midnimada.

Waxa uu sheegay in Ethiopia aysan ka raali noqon doonin in la kala jaro, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dhexda u xiran doonaan sida ay Somalia dib ugu midoobi laheyd.

“Ethiopia baalmadow kama gali doonto Somalia waxaanu horay u ballanqaadnay ka shaqeynta horumarka Somalia, haddana waxaan xaqiijinayaa in Somalia iyo Ethiopia ay isugu imaan doonaan wadada wanaaga”.

“Waayo Soomaalida waan kasoo dhaweysanaa wadamada kale waxaana u sabab ah inaanu wadaagno dhaqan, midab iyo diin”

Sidoo kale, Abiy Axmed waxa uu kulankaasi ka cadeeyay in mudada uu hayo xilka ay xooga saari doonaan ka shaqeynta nabadda, horumarka iyo midnimada Somalia.

Haddalka Abiy Axmed ayaa u muuqda mid lagu dhiirigalinaayo dowlada Somalia oo iminka ku dadaaleysa dib u hagaajinta arrimaha horumarka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Farmaajo oo isu diyarinaya safar kale oo dibadeed iyo dalka uu ku sii jeedo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Khartoum ee Caasimada Dalka Sudan, sida uu shaaciyey Wasiiru Dowlada Madaxtooyada Somalliya C/Qaadir Macalin Nuur.

Warbaahinta Sudan ayaa soo xigatay wasiiru dowlaha oo sheegay in safarka Madaxweyne Farmaajo uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo heshiisyo ay kala saxiixaan doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Sudan Cumar Hassan Axmad al-Bashiir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in safarka Suudaan ay ku wehlin doonaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliya iyo qaar kamida la-taliyeyaashiisa, waxaana safarkan uu noqonayaa kii labaad uu Madaxweyne Farmaajo ku tago Dalka Suudaan, isagoo safarkiisii ugu horeeyay ku tegay dalka Suudan October Sanadii 2017.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmahan dib usoo cusbooneysiiyay Safaradiisii tirada badnaa ee uu ku tagayay Wadamada Caalamka isagoo Isniintii kasoo laabtay Dalka Eritrea oo uu saddex maalmood ku sugnaa, wuxuu kaloo 19-kii Bishan dib uga soo laabtay Magaalada Brussels ee dalka Biljim halkaas oo uu uga soo qeybgalay shirkii arrimaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xubnaha beelaha Garxajis ee Somaliland oo weerar ku qaaday Michael Walls

Hargeysa (Caasimada Online) – Boqoro iyo qaar ka mid ah gudida beesha Garxajis ayaa canbaareeyay Mr. Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex-dhexaad ka ahayn goob jooganimada doorashadii madaxtooyada oo uu hogaaminayay goob joogayaasha caalami ah.

Waxa ay madax dhaqameedkani beesha caalamka ay ka codsadeen in aan mar danbe goob jooge nimo ugu soo dirin Somaliland Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex ka ahayn arimaha  doorashada iyo qabaalika ee Somaliland.

Boqor Faysal Cismaan oo ka mid ahaa odayaasha hadlay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta waxaanu halkan ku canbaaraynaynaa, ku ceebaynaynaa, ku dhaleecaynaynaa saancadaalii Michael Walls oo ku xad gudbay xuquudayada magacayaga iyo shirkayagaba.”

Boqor faysal waxa uu sheegay in aanay beeshoodu wax lug ah ku lahayn samayntii filimkii ‘Baadigoob’ laakiin waxa uu sheegay in eedaha filimkaas ku jiray in ay run ahaayeen uu caddeeyey Michael Walls, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Barnaamijkii baadigoob isaga [Michael Walls] ayaa u furay inuu ahaa barnaamij run ah oo sax ah oo xaqiiqo ku salaysan, waxa cadaatay in aanu ahayan goob jooge ee uu ahaa garba jooge cid gaar ah u adeegayay, waxa cadaatay in aanu ka mid ahayn daneeyayaasha doorashadii dalka ka socotay ee uu ahaa danayste cid gaar ah u adeegaya, sida qaran dumisku u jiro, ayaa waxa jira qabiilo dumis ninkaas waxaanu leenahay meel kasta oo uu aduunka ka joogo cid kasta oo magaca nala wadaagtaa waa inay gacan bir ah ku soo qabtaa haduu Yurub tago iyo haduu meel kale tagoba oo maxkamadaha dunida la hor geeyaa”

Dhinaca kalana, boqorka oo  Michael Walls ku xidhiidhinaya xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxa uu yidhi, “Waxa aan leeyahay xarunta dhaqanka ee uu waxaas faxshiga ah ka sheegay, waa in haayada wanaagfarista iyo xumaan reebhista la geliyo waxa aanu haynaa warar aan diinteena ku wanaagsanayan, dhaqankeena ka baxsan.  Michael Walls arimaha dhaqankeena meel  buu kaga dhacay, kuwa diinteena meel buu kaga dhacay waana isku keen dilayaa waana isku keen dirayaa, jeegaantiina haday laba geesood ahayd waxay u baahatay gees sadexaad oo saanbuus sadex gees ah la samaynaayo, dalka hadii aan laga dayn saanbuuskaas sadex geeska ah waxaanu keeni doonaa mid afar gees ah oo aan waligiiba hore loogu arkin.”

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa waxa uu shirkaas jaraa’id ee ay warbaahinta kula hadleen uu ka seegay”Shirkan jaraa’id waxaanu u qabanaynaa arintii yaabka lahayd ee fajicisada lahayd ee gaal iyo islaamba ka yaabisay ee ninka cadaanka ah ee beesha Garxajis shirkeedii soo farogaliyay, arimahaas waxa galiyay aad ayaanu ula yaabnay taariikhda la qarinaayo ee garxajis oo aan qarsoomayn oo baryahanba ay ka shaqaynaysay jeegaantu, waxaanu u sheegaynaa wax la qarin karo in aanay ahayn. Waxaanu ka doonaynaa beel weynta Garxajis meel kasta oo ay ku nooshay in sidii Saleebaan Rushdi ninkaas loo raadiyo oo la horkeeno maxkamada caalamiga ah, waxaanuna leenahay haayad kasta oo uu u shaqeeyo ama jaamacada uu ka shaqeeyo waxaanu u sheegaynaa in aanu ninkaasu waxa uu sheegay aanay waxba ka jirin, beeshaas iyo Somaliland-na meel kaga dhacay.”

Guddoomiye ku xigeenka guddida beesha Garxajis ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka sheegay “Ninkaas ahaa madaxa goob joogayaasha waxa uu soo farogaliyay wax ka duwan waxii shaqadiisu ahayd  oo ah inuu qabaalika Somalilad farogaliyo, oo uu ku sheegay shirkii beelweynta Garxajis ay ku qabsatay Gacanlibaax iyaga oo aan soo hadalqaadin doorashooykii iyo goobjoogayaashii oo ka hadlay dantooda gaarka ah, waxa uu ku soo daray inuu Garxajis ku lug lahaa barnaamijkii Baadigoob, waxaanu arintaas u aragnaa inuu si dhaqan xumo ah ugu milmay beelaha Somaliland oo uu wax ka sheegooda ku soo dhiiraday, waxaanu u gudbin doonaa dacwad oo aanu looyaro u qaban doonaa cid kasta oo ay arintiisu xidhiidh la yeelato hadii ay tahay Jaamcadii soo dirsaday iyo cid kasta oo ay arintiisu gasho, waxaanu leenahay hadii uu ka tagay dalka intuu kalmadahaas foosha xun ee loo dhiibay sii yidhi kuma soo noqon karo, sababta aanu ugu soo noqon karina waa amaankiisa ilaa iyo uu soo cadeeyo oo uu keeno xaqiiqooyin, hadii u soo cadayn waayaana isaga ayaa la kulmi doona talaabo waafaqsan talaabooyinkii uu qaaday.”

Shirkadda Hormuud oo soo bandhigay khasaaraha ay u geysteen ciidanka Kenya 

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkada Isgaarsiinta Hormuud  oo shalay shir aan caadi aheyn oo xog wareysi ah ku qabtay Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Beled Xaawo iyo Beledweyne ayaa soo bandhigay gabood falka ciidanka kenya ay kula kaceyn  xarumo ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degaano ka tirsan gobolka Gedo.

​Ujeedada kulankaan ayaa eheyd in Saamileyda Shirkadda Hormuud xog laga siiyo dhibaatadii ay ciidamada Kenya u geysteen afar xarumood oo ay leedahay Shirkadda.

Intii uu kulanka socday Saamileyda Shirkadda ayaa loo sheegay in malaayiin doolar ay ku qasaartay qalabka iyo agabka kala duwan  oo ay burburiyeen ciidanka Kenya.

Aftarta Xarun oo ay ciidamada Kenya burburiyeen ayaa waxay dhammaan ka tirsan yihiin gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya  waxayna kala yihiin xarumahaas:

  1. Khadiijo Haji,
  2. Ceel Baande,
  3. Dhamase, iyo
  4. Dhuuntoow.

Sidoo kole waxay sheegeen  in xarunta Shirkadda ku lahayd  deegaanka Dhuuntoow ay ciidanka kenya ku dileen injineero ka mid ah shirkadda iyo sidoo kale dad shacab ah.

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in Xarumahaas la burburiyey ay sababtay in 40,000 qof ay waayeen isgaarsiin iyo biilashii loogu soo diri jiray adeegyada kala duwan ee Shirkadda bixiso.

Sidoo kale Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay inay dacwad u gudbiyeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed  iyo Maamul Goboleedka Jubaland oo ay khuseyso arrintaas.

Dhamaadka kulankii xog wareysiga ahaa ee Saamileyda Shirkadda Hormuud ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda loogu baaqay inay ka dhiidhiyaan falkaasi, sidoo kole waxay dalbadeen  in cadaalada la horkeeno ciidanka Kenya ee ka dabbeeyey falkaasi.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa u sheegay Saamilayda Shirkadda in dib loo dhisi doono loona howl galin doono xarumihii dhibku soo gaaray, wuxuu isla goobtaasi amar ku baxshay in si degdeg loo dhiso xarumihii la Burburiyey si Dadka ku nool deegaankaasi ay u helaan Adeegyad isgaarsiineed.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]