23.9 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Qatar oo ku dhawaaqday go’aan dan weyn ugu jirto dowladda SOOMAALIYA

0

Doha (Caaimadda Online) – Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay wado dadaal ay dhaqaale badan ugu raadineyso dowladda Federaalka Soomaaliya si loo hormariyo dadka iyo dalka.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada dowladda Qatar Sultan Bin Saad Al Muraikhi ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya u raadinayaan dhaqaalle si ay u fududaadaan Fulinta Howlaha laga wado dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay Beesha Caalamka ka codsadeen sidii dowladad Soomaaliya loogu yaboohi lahaa dhaqaale aad u badan si ay u noqoto dowlad awood u leh hirgelinta mashaariicda horimarineed ee la doonayo in la fuliyo.

“Tan waxaa kaliya lagu gaari karaa dadaal dhab ah oo mideysan, kordhinta taageerada Soomaalida, ka dhabeynta xushmeynta madaxbanaanida Soomaaliya, inaan la faragelin arimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga”. Sultan Bin Saad

“In la siiyo taageero buuxdo oo looga caawinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo la tixgeliyo xoojinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyadoo dhinac aan lala safaneyn”. Ayuu sidoo kale yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada Dowladda Qatar.

Wasiirka ayaa sheegay in ka qeyb-galka bulshada Caalamka ee Madasha ay xoojineyso dedaallada xal raadinta Soomaaliya, si Soomaaliya ay u ilaashato qarannimadeeda iyo in la xaqiijiyo danaha waddanka si loo dhiso amnigeeda iyo hay’adaheeda si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolo wanaagsan, wasiirka ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan suuroobeyn ilaa inta uu Caalamka ka mideynayo dedaalladiisa ku aadan Soomaaliya.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “ Iyada oo wax lagu dhisayo horumarka hadda la gaaray, waxaa waajib nagu ah in aan Soomaaliya taageerno iyo in aan oofinno ballamaheenna annaga oo Ixtiraameyno madaxbannaanida Soomaaliya iyo in aannu farogelin arrimaheeda gudaha ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah”.

Hadalka kasoo yeeray dowladda Qatar ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro loolan u dhaxeeyo dowladaha Khaliijka gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta oo cadaadis weyn ku heyso dowladda Soomaaliya.

Isbaheysiga uu hoggaamiye Sacuudiga ayaa xayiraad kusoo rogay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda Qatar ayaa xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya waxayna arrintaas keentay inay dowladda Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadato Khilaafka dowladaha Khaliijka halka Imaaraadka ay ku dadaaleyso inay Soomaaliya xiriirka u jarto dalka Qatar.

 Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

“Hadii Sacuudiga uu garab nasiin wixii Soomaaliya ku dhacaa nagu dhici lahaa”

0

Cadan (Caasimadda Online) – Madaxweyne C/rabu Mansuur Haadi ayaa sheegay inay Yeman ka badbaaday hal arrin oo ay kala mid noqon rabtay Soomaaliya.

Madaxweyne Haadi oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda BBC-da xilli uu ku sugnaa Magaalada Cadan ayaa sheegay inay Somaaliya kala mid noqon lahaayeen amni darada iyo xasilooni la’aanta haddii aysan garab ka heli laheyn Isbahaysiga Sacuudiga.

Hadalkaan ayuu Haadi sheegay kadib markii la waydiiyey su’aal aheyd haddii uu ka shanleynayo adeegsiga iyo faragelinta dalkiisa ay ku sameeyeen Isbaheysiga Sacuudiga wuxuuna ku jawaabay

” Maya, kama shanleynayo sababtoo ah haddii aanan garab ka heli laheyn isbaheysiga Sacuudiga waxaan noqon laheyn Soomaaliya oo kale”

Wuxuu sheegay inay dalka Yeman ka dhici lahaayeen Dagaallo Sokeeye, sida kan Somalia ragaadiyey tan iyo sannadihii 90-aadka ee Qarnigii hore, waa sida uu hadalka u dhigay.

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Dowladda Yeman ee uu madaxweynaha ka yahay Haadi ayaa ku guuleystay inay la wareegaan qeybo kamid ah oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyada Xuutiyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Cabdi Weli Gaas: “Farmaajo meesha uu ka raadinayo xalka Somaliland ma jiro”

0

Brussels (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul uga hadlay qaabka loo wajahayo wadahadalka lagula jiro maamulka Somaliland.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inuusan xalka ku jirin sida uu Farmaajo u wajahayo sidii Somaliland loogu qancin lahaa inay Soomaaliya kasii mid ahaadaan.

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uusan go’aan ka gaari karin in Somaliland ay la midowdo Soomaaliya sidaas darteed loo baahan yahay in wadatashiyada iyo kulamada labada dhinac la xoojiyo.

Cabdiweli Gaas ayaa ku taliyey mar uu ka hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loogu sameeyey Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka in kulamo iyo wadatashi lala yeesho shacabka Soomaliland oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa la qasbayo

” shacabka ku nool gobolada Sool iyo Sanaag ma rabaan inay Soomaaliya ka go’aan balse waxaa xoog ku heyst oo qasbayo Muuse Biixi, sidaas darteed haloo sameeyo kulamo iyo wadatashi” ayuu yiri Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa carabka ku adkeeyey inaysan jirin wax la yiraahdo Somaliland iyo Soomaaliya balse ay Somaliland tahay dhulkii Soomaaliyeed, wuxuu yiri

“Arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa aaminsanahay wax la yiraah Soomaaliya iyo Somaliland ma jirto, magaca Somaliland waa dalkii soomaaliya weeye, gobolada waqooyi Soomaaliya ka mid yihiin, marka waxaa moodaa labo dowladood oo siman anaga iyo kenya oo kale, wax laga xishoodo weeye, mideeda kale wada hadaladaas waxba kama soo baxayaan, sababta waa idin sheegayaa nin Soomaali oo Madaxweyne ah ama Ra’iisul Wasaare ah baa wuxuu ku dhacaa in Somaliland taga uu yiraahdo, ma awoodi karaan, Muuse biixi miyaa ku oran kara dadka jooga Hargeysa iyo Burco Soomaaliya ku biirayaa ma oran karo, haddii iyagana aysan oran karin, kuwa xamar joogana aysan oran karin Somaliland ha iska tagto maxaa la isku xiijinayaa oo la isku wareerinayaa”ayuu yiri C/weli Gaas.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo xilli Madaxweyne Farmaajo uu shalay kulan la yeeshay Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr oo matalayey Maamulka Somaliland.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii deeqaha Beesha Caalamka loo qeybsan lahaa iyo sidii loo xoojin lahaa wadahadalka labada dhinac, sidoo kalana waxaa lagu heshiiyey in la qaboojiyo dagaalka ka taagan Takuraq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kuwait oo qabaneysa shir muhim u ah Somalia oo aan noociis horey loo qaban

0

Brussels (Caasimada Online) – Danjiraha Kuwait ee Midowga Yurub Jasem Al-Budaiwi ayaa sheegay in ay marti-gelinayaan shirka Waxbarashadda Soomaaliya,waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay Muhiim tahay in la kobciyo garaadka Aqooneed Ee Bulshadda Soomaaliyeed.

Jasem Al-Budaiwi ayaa Dalalka Caalamka Ugu baaqay in ay Waqtigaan usoo jeestaan sidii loo garab istaagi lahaa Bulshadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in hada diyaar u yihiin in kasoo Kabtaan Dagaaladii Wajiyadda Badnaa Ee Dhex-maray.

” waxaan sii wadi doonaa inaan anigoo Wadajir ah islamarkaana kaashaneeyno , saaxiibada Qaramada Midoobay ee taageeraya Soomaaliya ee dhinac walba ah, waxaanu mas’uul ka nahay dadka Soomaaliyeed, waxayna u baahan yihiin inay dareemaan sida ay uga go’an tahay heerarka bulshada iyo dhaqaalaha,

Danjiraha Kuwait ee Midowga Yurub Jasem Al-Budaiwi ayaa xusay in tan iyo Sanadkii 2017 ay bixiyeen Lacago gaaraya 50-Milyan taasi oo qeeyb ka Aheed jawaaib ka bixinta Baaqyo Caalami ah oo kasoo yeeray Beesha Caalamka ,sidaasi oo ay tahay ayuu’Madaxda dalkeeynawaxaa ay ku kalsoon yahay Bulshadda Soomaaliyeed waana aaminsanahay ineey isku tashan doonaan’’

Hadalkaan ayuu ka sheegay Jasem Al-Budaiwi Magaalada Brussels Ee Dalka Belgium halkaasi oo lagu qabtay Shir dhaqaalle loogu Yabaahay Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaalida Maraykanka oo wadnaha farta ku haya iyo go’aan laga sugayo Trump

Washington DC (Caasimada Online) – In ka badan 500 oo qof oo Soomaali ah, ayaa maanta ka war sugaya in sharciga magangalayada ee ku meel gaarka ah ee ay ka heleen waddanka Mareykanka in loo cusboonaysiin doono iyo in kale, taasi oo mamulka Trump uu maanta ku dhawaaqi doono.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa socday dalaalo lagu dalbanayay in dadkaasi waqtiga loo kordhiyo, oo 21 Senator oo ay hor kacayaayn labada gabdhood ee laga soo doorto gobalka Minnesota oo ay ku nool yihiin inta badan dadkaasi ayaa waxa ay warqad u direen maamulka madaxwayne Trump.

Warqaddaasi waxay Senatoradu ku codsadeen in dadka Soomaalida ah loo kordhiyo muddada sharcigooda, iyada oo la eegayo xuquuqda bini’aadamka iyo duruufaha ka jira waddanka Soomaaliya.

Maxamuud Muuse Xasan oo looyaqaan BBC oo u ol’oleeyaa arrimaha dadka Somaaliyeed ee ku nool wadanka Mareykanka ayaa waraysi uu BBC siisay ku sheegay in dadkan laga hadlayo ay ka mid yihiin kuwo Maraykanka ku noolaa in kabadan 20 sano oo shaqaysta, canshuur bixiya isla markaasna qoysas ku samaystay, waligoodna aan dambi galin.

Isha: BBC Somali

Halkee ayuu ku danbeeyay wada-hadalkii laga dhex waday DF iyo Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa wadahadal la sheegay in waayadan laga dhexwaday Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Wadahadalka oo marar kala duwan leysku fahmi waayay ayaa waxaa la xaqiijiyay in fashilkiisa ay sabab u noqotay dowlada Imaaraadka carabta oo dano Siyaasadeed ka leh Somalia.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo wareysi siinaayay BBC Al-Carabiya ayaa sheegay in wadahadal ay labada dhinac ka dhexwaday dowlada Sacuudiga balse uusan mirro dhalin.

Waxa uu qiray Wasiirka in wadahadalka uu fashilmay isla markaana ay dowlada Imaaraadka carabta la imaaday shuruudo adag.

Waxa uu sheegay inuu wali jiro khilaaf hase yeeshee xalkiisa uu imaan doono goorta ay qaladaadka jira ay garwaaqsato Imaaraadka.

Waxa uu sidoo kale, Wasiirka cadeeyay in dowlada Sacuudiga ay sii wadi weysay wadahadalka laga dhex abuurayay Somalia iyo Imaaraadka sidaana uu ku hakaday.

Dowlada Somalia ayaa aad uga soo horjeeda inay u hogaansamato qodobo gaara ay dooneyso dowlada Imaaraadka inay kula heshiiso, si aan heshiiska kadib looga talaabin qodobada la kala xariiqday.

Geesta kale, Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay inaysan aqbali doonin in lagu xadgudbo madax-banaanineeda, waxaana iminka hakat ku jira xiriirka iyo dhamaan shaqooyinkii ka dhexeeyay labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

 

Xog dheeraad ah oo laga helaayo kulanka dhexmaray Farmaajo, Galeyr iyo Faysal

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka ku dhexmaray Madaxweynaha JFS Farmaajo Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr.

Kulanka oo ahaa mid wakhti kooban qaatay ayey uga wadahadleen sida lagu soo nooleyn lahaa wanaagii u dhexeeyay dowlada Somalia iyo Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labada mas’uul u ballanqaaday in dowlada Somalia ay dib u wanaajineyso maamulka Somaliland, waxa uuna cadeeyay in dowladu aysan xumeyn, balse laga fahmay xumaan.

“Anigoo ku hadlaaya magaca dowlada waxaan diyaar u nahay inaan xalino tabasho waliba,shacabka Somaliland waa cad nagamid ah Soomaaliyana meel kuma kala tagto”

“Waxaan diyaar u nahay wadahadal iyo inaan wanaajino maamulka Somaliland iyo shacabkeeda, waxaanu dooneynaa in Siyaasiyiintiina aadan hurin khilaafka oo aad taageertan wado waliba oo leysugu soo dhawaan karo”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr u cadeeyay in Somalia iyo Somaliland aysan in diidaneyn, hase yeeshee ay jiraan dad ka dhex shaqeeya colaada labada dhinac.

Waxa uu Farmaajo hubaal ka dhigay in wax waliba ay hagaageyso waa haddii la helo siyaasiyiin labada dhinac ah oo si wanaagsan u wajaha xalinta tabashooyinka.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr waxa ay aqbaleen in dowlada Somalia ay kala shaqeyn doonaan wado waliba oo lagu xalinkaro khilaafka Somalia iyo Somaliland.

Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr waxa ay sidoo kale ballanqaaden in siyaasadooda aysan u eegi doonin danahooda gaarka ah, iyaga oo carab dhabay inay u kala dabqadi doonaan laba dhinac.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo inuu ku soo dhamaaday is fahan, isaga oo sidoo kale sheegay inay ka dalbadeen in xanafta laga fogaado, si uu u yimaado isku soo dhawaansho.

Inta uu kulanka socday waxa ay Seddexda mas’uul isku raaceen in Soomaalidu aysan is khilaafsaneen balse cida is khilaafsan ay tahay madaxda oo qaab ku saleysan baahidooda u roga Siyasada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

DF oo shaacisay halka ay ku danbeysay lacagtii laga qabtay Imaaraatka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay lacago Bishii April 2018 lagu qabtay Garoonka Aadan cadde ee magalada Muqdisho.

Lacagtan ayaa waxaa lahaa dowlada Imaaraadka carabta waxa uuna qorshaheedu ahaa in lagu qalqal galiyo dalka, iyadoo loo adeegsan lahaa caqabadaha dowlada Somalia, maadaama labada dal ay isku khilaafsan yihiin arrimaha Siyasaada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo lagu wareystay Barnaamijka todobaadlaha ee BBC Al-Arabiya ayaa sheegay in dowlada Somalia ay weli heyso lacagtaas oo ku dhow 9 malyuun iyo 600 oo kun oo dollarka Mareykanka isla markaana ay ku jirto keydka Dowlada Somlaia.

Waxa uu sheegay Wasiirka in sababta ay dowlada Somalia u wareejin la’dahay lacagtaasi ay tahay inaanu jirin xiriir sidaa usii buuran oo xiligaan kala dhexeeya Imaaraadka.

Cawad waxa uu carab dhabay in dowlada Somalia aysan dano gaara ka laheyn lacagta Imaaraadka ee iminka ku jirta Keydka Bankiga Dhexe, hase yeeshee ay muhiim tahay in dhiibisteeda ka hor xal laga gaaro faragalinta.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in lacagtaasi lagu celiyo sifo sharci ah, balse ay dowlada Somalia marka hore dooneyso in laga wadahadlo xadgudubka.

Haddalka Wasiir Cawad ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay weli jirto xiriir xumo ka dhex oogan dowlada Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Amiir Imaaraati ah oo iska dhiibay Qatar kadibna sir culus shaaca ka qaaday

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wargeyska The New York Times ayaa warbixin ka qoray wareysi uu la yeeshay amiir Imaaraati oo 31 jir ah, Sheikh Rashid Bin Hamad al-Sharqi, kaasi oo bishii May ka cararay dalka Imaaraatka, iskana dhiibay Qatar.

Amiirka ayaa shaaca ka qaaday sir ku saabsan muran ka dhex oogan Amiirada dalkiisa, ku lug lahaanshaha Abu-Dhabi ee been-xalaaleynta lacagaha iyo sida Imaaraatka u maal-geliyaan amiirada Qatar ee dibad-joogga ah.

Amiir Rashid bin Hamad al-Sharqi, oo ah wiilka maamulaha Imaaradda Fujairah, ayaa maamulayey warbaahinta dowladda tan iyo 16-kii bishii May, markaasi oo uu si yaab leh uga soo degay garoonka diyaaradaha Doha, isaga oo magan-galyo doon ah, oo sheegay in naftiisa ay halis ku jirto.

Amiirka ayaa shaaca ka qaaday in xiisad ay ka dhex oogan tahay amiirada Imaaraadka, gaar ahaan ku lug lahaanshaha Abu Dhabi ee howlgallada Milatari ee dalka Yemen.

Waxa uu sheegay in amiirada imaaradda Abu Dhabi aysan wax latashi ah la sameyn maamulayaasha Inaaradaha kale, ka hor inta aysan ku biirin dagaalka Yemen.

Waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Imaaraati ah oo lagu dilay Yemen ay badankood kasoo jeedaan Imaarado yaryar sida Imaaradda Fujairah.

Amniirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Abu Dhabi ay marti-geliso amiiro kasoo cararay dalka Qatar, kuwaas oo ay ka dhigaan amiirada saxda ah ee Doha.

Amir Rashid ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in Abu Dhabi ay ku lug leedahay been-xalaaleyn lacago loo kala gudbiyo dad uusan aqoon iyo dalalka ay kasoo jeedaan.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Wasiir Cawad oo xaqiiqda ka sheegay arrin mar kasta ay sheegato Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia uu xiriir toosa kala dhexeeyo maamulka Somaliland.

Wasiir Cawad oo wareysi gaara siinaayay BBC Al-Arabiya ayaa xaqiijiyay inuu aad u wanaagsan yahay xiriirka dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Somalia ay mar waliba u taagan tahay la shaqeynta maamulada ka jira dalka, waxa uuna cadeeyay in xiriirka ay la leeyihiin Somaliland aysan dayici doonin.

“Xiriirkeena Somaliland wuu wanaagsan yahay waxyaabaha jira waxaanu ku dhameyn doonaa is afgarad”

Waxa uu Cawad carab dhabay in dowlada Somalia ay diyaar u tahay inay saxdo dhammaan tabashooyinka yar ee jira, sidaa aawgeed ay sixi doonaan waxyaabaha dhiman.

Geesta kale, Cawad ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay inay qaatan wadahadal si loo saxo fahan xumida jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Afrika iyo Galbeedka kee la biilaa, keese wax biilo?

Muuqaal: Somaliland iyo DF oo Brussels ku wada hadlay iyo Farmaajo oo hal arrin ka dhaartay

0

Brussels (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa wadahadal xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Brussels ee dalka Biljamka.

Wada hadalkaan ay yeesheen labada dhinac ayaa waxaa looga wada hadlay wada hadalka labada dhinac iyo sidii ay ku heshiin lahaayeen, sida loo qeybsanayo deeqaha iyo sidii loo xalin lahaa Dagaalka Takuraq ee madada badan la isku hor fadhiyo.

Feysal Cali Waraabe oo u waramayey idaacadda BBC Somali ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wada hadalka labada dhinac isla markaasna wax kasta miiska korkiisa lagu dhameeyo.

Feysal Cali Waraabe oo la waydiiyey waqtiga dib loo bilaabayo wada hadalka ayaa sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen in si dhaqso ah loo bilaabo.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyey dagaalka Takuraq ayuu sheegay inay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen inuu isaga lug ku leeyahay dagaalkaas, wuxuuna Feysal sheegay inuu Farmaajo ka dhaartay inuusan dagaalkaas wax lug ah ku laheyn.

Wuxuu sheegay in lagu heshiiyey in la qaboojiyo dagaalka Takuraq isla markaasna dooda taagan lagu dhameeyo si wada hadal ah.

Feysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyey inaan shirka marnaba lagu soo hadal qaadin magaca Somaliland marka deeqaha la yaboohayey oo lagu bixiyey magaca Soomaaliya ayaa ku dooday inay iyagaba Somalia ka mid  yihiin isla markaasna ay qeybtooda rabaan.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga wadahadlo sidii dhaqaalaha soo qeybsan lahaa isla markaasna ay Somalia waligood wax la qeybsan jireen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Farmaajo ka wada hadleen qeybsiga dhaqaalaha isla markaasna ay wax badan isla meel dhigeen.

Wuxuu intaa sii raaciyey “Somaliland finalka ayey u soo baxday, halkaa ayeyna taagan tahay. Waxaan u sheegnay in intii uu isagu yimid ay dagaalladu bilaabmeen, wixii aannu kala heshiinnay dawladihii hore ee Soomaaliyana ay ahaayeen in aan la is af lagaadeyn oo laga fogaado wixii xanaf keenaya. Labadayadaba wuu naga yar yahay, waxaannu siinnay aragti waalidnimo iyo odaynimo ku dheehan tahay, waana is af garannay”.

Isagoo ka hadlayey mar lagu celceliyey, oo weliba toos loo weydiiyey, in dabaysha isbeddel ee gobolka ka socota, gaar ahaan sida Itoobiya iyo Eritrea oo kale ay u muuqato, wuxuu Faysal Cali Waraabe markii hore ku jawaabay “Farmaajo Hargaysa ha yimaado oo ha ka furo safaaraddii Soomaaliya”, laakinse mar labaad markii su’aasha lagu celiyey ayuu yiri “annagaa Soomaali isu keennay, annagaa shantii keennay, Jabuuti ha timaado, NFD ha timaado, Ogaden ha timaado, bal markaa na waaya, laakin inta intaa lagu kala maqan yahay wixii wanaagsanaa ee aan wadnay Soomaaliya ayaa bi’isay, innagu dadka waan isku keennay”.

Faysal Cali Waraabe oo aad ugu ololeeya qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland wuxuu si toos ah u diiday in Soomaaliya ay iyagu kala jareen “innagu kuwii isku keenay ayaannu nahay, dadkii dayaaradaha la dhacay, dadkii xabaal wadareedyada sameeyey, kuwaas ayaa kala jaray” ayuu yiri.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Wareysiga Waraabe oo dhameystiran:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CIIDAMO laga leeyahay qorshe cusub oo 3 Jiho ka kooban oo kusoo fool leh MUQDISHO (Qorshaha)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi waxa uu oggolaaday in Ciiddamo aan tiradooda la sheegin loo soo dirayo Somalia, kuwaasi oo uu  dhawaan Tababar ugu soo xiray Xarunta Tababarka ee Taaageerida  Hawlgalladda Ammaanka oo ku taalla Degaanka Singo ee Degmadda Nakaske ee dalkaasi.

Jeneral Muhoozi waxa uu tilmaamay in Kooxda Ciiddamadda Dagaalama ee (Battle Group 25)  ku biiri doonaan Hawlgalka AMISOM ee mas’uulka ka ah Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Guutadaasi waxaa Taliye u ah Kolonel Paul Muwanguzi, Waxaana Kuxigeenkiisa noqonaya Kolonel CK Asiimwe.

Dhinaca kale, Dowladda Uganda waxay soo diraysaa Ciiddamo kale oo ka madax bannaan kuwa Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ah Ciiddamo Khaas u ah Ilaaladda Xarumaha DFS, kuwa QM iyo Gelbinta Madxda Sare ee DFS iyo kuwa Hay’ddaha QM ee ku sugam Somalia.

Ciiddanka Ilaaladda Xarumaha DFS iyo kuwa QM waxaa Taliye loogu soo magacaabay  Kolonel Stuart Agaba, halka Ku-xigeenkiisa loo magacaabayGaashaanle Edward Mugisha.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi waxa uu Ciiddankaasi kula dardaarmay Akhlaaq Wanaag iyo inay daacad u noqdaan Hawlgalka loo dirayo, isla marfkaana ay hoos u dhigin Sharafka dalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 6,000 oo Askar ka socota Uganda ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, waana Waddanka ay  Ciiddanka ugu badan ka joogaan Somalia, marka loo eego Dowladaha kale ee Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Olole lagu doonayo in lagu maxkamadeeyo taliye ku xigeenadii NISA oo socda

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmo ka hor Agaasimaha guuda ee NISA uu shaqo ka joojin ku sameeyeey Laba ku xigeenadiisa ah ,kuwaas oo kala ah:Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamad oo mudo ahaa Taliye-ku-Xiggeenka Dhinaca Sirdoonka NISA iyo G/Sare Abduqaadir Mohamed Nur Jaamac.

Labadaba waxaa hadda lagu haystaa inay ku takrifaleen awoodda hay’adda. Agaaimaha Nabdasugidda ayaa waxaa uu labdodababa ku sameeyey shaqo ka joojin, waxaana la sugayaa inuu madaxweynaha xilalka ka xayuubiyo si loo maxkamadeeyo.

S/Guuto Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa loo haysataa edeymo badan oo saldhigoodu yahay inuu siduu rabo u isticmaalay awooodda xafiiska, waxaa kaloo loo tiiriyey inuu lug ku lahaa qarraxyo magaalada ka dhacay iyo ka ganacsi dadka la soo xeray ama la daayey.

Sido kale G/Sare Abduqaadir Mohamed Nur ( Jaamac ) oo ahaa Taliye xigeenka Dhinaca Maamulka iyo Maaliyada NISA ayaa lagu eedeeyey arrimo ka mid yihiin: musuq maasuq, qaatayna hantida Hey’adda, taas oo uu u isticmaalay si gaar ah, dilal iyo qaraxyodad ay ku la’deeen.

Warar kale ayaa sheegaya in raggaas la maxkmadeyn rabo suuragalna ay tahay in la geeyo maxkamadda cidamada qalabka sida si luu xukumo  iyadoo u cuskaneysa khalkhal gelinta amaanka.

Labada taliye xigeen ee xilka laga qaaday ayaa ka hor imaaday xil ka qaadista lagu sameeyey iyagoo ku andacoonayo inuusan taliyaha awood u laheyn inuu xilka ka qaado.

Wararka qaar ayaa sheegayo in xil ka qaadistaas uu ka dambeeyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sida uu dastuurka qabo madaxweynaha Soomaaliya ayaa awood u leh in xil ka qaadista iyo magacaabista dhammaan xilalka ciidamada noocyadooda kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Wadooyinka Xamar saakey waa ku baaashaal!

0

Waxaa ka mid ahaa dad sida weyn ugu dhib qabey xirnaanshaha  wadooyinka Muqdisho, waayo waxaa ka soo gudbaa saddex Jidgooyo oo kala ah warshadaha, Wadnaha  iyo Makka Almukarama hase yeeshee Shaley iyo Maanta waxay ahaayeen Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo  Waxaa moodaa in uu Dhamaadey Ereygii Kala wareeg  oo maalmahaan Magaalada aad ugu soo batey.

Saakey waxaa Dhagaheyga  ku maqaley Haweeney la Hadley Haween kale waxay tiri “Muddo Labailood isma anaan arag Calashaan wadooyinka Xiran marka walaal Wadooyinkii waa la furey ee Jimcaha soo socota Aniga ayaa ii Marti qaadan tahay” Tii kal waxay leedahay.

“ Aleyle Waa farxad iyo Reyntey mar hadii ay Dowladii Jidgooyadii ay qaadey marka waxaan ku leeyahay “ Ibna aadan is waayey Jid gooyaa kala geysey walaal waa inoo Jimaca hadii uu  Eebe Idmo “ Ma yara dadka Dhibaatada ka soo gaartey Xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho..

Sidoo kale Saakey Quraacdii waxaa la ii keeney Khudaar aan mudooyinka aan Cunin  markii aan weydiiyey Saaxiibtey waxay tiri “Wadooyinkii baa la furey marka waxaana Magaalada soo galey Gawaari fara badan oo sida Khudaar waxaa ka sii daran Khudaarta aad bey u jabtey Nus Doolar baad ku xaabsaneysaa intaas oo  Khudaar kala duwan.“

Furnaanshaha Wadooyinka waxay sahashey in Bukaanada ay gaaraan  Goobaha Caafimaadka sidoo kale Dhaqaatiir Xarumahood oo mudo Dhowr  Bilood ah aysan soo fariisan Wax bukaan ayaa  shaley iyo Maanta waxaa Buux dhaafiyey dad Bukaan ka dib markii ay waayeen meel ay u maraan  Isbitaalada.

Xirnaanshaha wadooyinka waxay kaloo  ay saameeyn ku yeeshee Goobaha Waxbarashada , mar aan la Xiriirey Mid ka mid  Macalimiinta Jaamacadaha  Magaalada ayaa wax ka weydiiyey sida uu u arkoo Furnaanshaha Wadooyinka  waxaana uu yiri “ Maalinkii waxaa Dhigi jirey ilaa  Afar Xiisadood oo Casharo ah , waxaana ku soo uruurey intii ay Wadooyinka Xirnaayeen in aan Maalinkii aan dhigo Hal Xiso sidaa Darteed waxaan Dowlada uga mahadcelinayaa in ay Fududeysey  Isku socodkii Dadka iyo Gaadiidka.

Xirnaanshaha Wadooyinka waxay iyana aad u saameysey Suuqa Weyn ee Bakaaraha ,waxaana Suuqaas maalin kasta u Dukaameysi Tagi jirey ilaa Kumanaan Qof oo ka kala Imaan jirey Daafaha  Magaalada, hooyo Bacadle ku leh Bakaaraha ayaa iyana Tiri” Bilooyinkii ugu dambeeyey waa nala Ceejiyey, sidaa darteed Shaley maanta Suuqa Waa Shab  Shab”.

Saameynta kale ee Xirnaanshaha  Wadooyinka waxayna iyana ku imaaneysey Dadka qabsanaya Aroosada , waxaa la arkeyey intay Xirnaanayeen Wadooyinka Gawaari galbineysa Aroos oo loo diidey in ay Gudbaan waxaana Qofka aroosaya ka bixi jirtey Laba Kharasha oo a, kharashka  Kala Wareega Gawaarida waxaa la arkayey Gabar Aroosad ah ooTaaj-ka u Xiran yahay oo Goyneysa Wadada si ay u raacdo Gawaarida kale ee Dhinaca kale  ku Diyaarsan  ee Kala Wareega sidaa Darteed Shaley iyo Maanta  Gawaarida Aroosyada sida si Faraxd leh ayey ugu Baashaalayaan Wadooyinka.Waxaana Shaley iyo Maanta ay Wadooyinka ay ahaayeen kuwa BALI BALI AH AMA KU DUR DURI.

Ugu  Dambeyn  Shacabka Muqdisho weli waxaa u Taagan far , waxay Dowlada Federaalka ay ka Codsanayaan in dib loo Furo Wadooyinka Xiran ee Jid cadyaasha iyo kuwii la Xiray laga soo Bilaabo Xiligii Ramadaanka marka waxaa ka rajeyneynaa in Dowlada ay u Dheg raariciso Codsageena , sidoo kale waxay Shacabka soo jeediyey in Dowlada la Timaado Siyaasad Hufan oo Amniga lagu sugayo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
Tel 00252615532494  

Maxaad mucaaradka DF ka taqaan, qeybaha ay u kala baxaan iyo danahooda?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa mucaarad aad u adag oo kaga imaanaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale.

Waxaan warbixintaan ku eegeynaa mucaaradka ka jira Soomaaliya iyo haddii uu yahay midkii saxda ahaa ee dan ugu jirto shacabka iyo Dalka.

Mucaaradka sida caadiga ah waxaa loogu talagalay inuu dowladda tuso qaladaadka ay leedahay isla markaasna uu soo bandhigo qaabka loogu gudbi karo iyo sida uu xalka ku jiro.

Taas badalkeeda mucaaradka ka jira Soomaaliya wuxuu xoogga saaraa arrin midaas ka duwan waxayna u kala baxaan laba qeybood:

Qeybta 1-aad: Xil doon

Qeyb ka mid ah mucaaradka dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda waa kuwa ay kaliya u muuqato sidii ay ku heli lahaayeen xilal iyo mansab, midaasna waxay keentay inay ka hadlaan kaliya waxa ay iyaga dantooda ku jirto.

Mucaaradkaas ayaa faagfaago boogo ay dowladda Soomaaliya leedahay, tusaale ahaan waxaad arkeysaa Wasiirka Arrimaha debadda ayaa tagay Kigali wuxuu soo saxiixay heshiis oo laga yaabo inuu ganacsatada Soomaaliyeed dhibaato u keenoo qof mucaarad ah oo ka hadlay majiro.

Balse mucaaradkii waxay ka hadlayaan wiilal 17 jiro ah oo cayaaro soo cayaaray bajaaj baa la saaray ayey leeyihiin, laakiin kama hadlayaan waxyaabaha muhiimka ah oo ay dowladda soo saarto.

Kama hadlayaan nidaamka IMF ay dowladda Soomaaliyeed ee hadda jirto ee sameeneyso iyo dhibaatada ay Soomaaliya u keeni karto balse waxay ka hadlayaan Xasan Cali Kheyre oo cunug oonayo Xambaarsan oo isisoo sawiray.

Mucaaradkaas maahan mid dhisayo dalka Soomaaliya iyo mid raadinayo danta Shacabka balse kaliya wuxuu raadinayaa sidii uu isaga horkeeni lahaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ama uu u heli lahaa xilka uu raadinayo.

Qeybta 2-aad: Lacag doon

Mucaaradka labaad ee ka jira dalka Soomaaliya waa mid lacag doon ah oo kaliya fiirsado sidii uu lacag ku heli lahaa wuxuuna la safanayaan cid kasta oo lacag siineyso, waxayna qeybtaan mararka qaar isticmaalaan laba waji oo laba dhinac lacag uga qaataan.

Sifooyinka ay Mucaaradka jaga doonka ah kusoo sheegnay oo dhan way wadaagaan labada qeyb ee uu mucaaradka Soomaaliya u qeybsamo.

Waxaan kuwaan tusaale ahaan ugu soo qaadan karnaa Madaxda Maamul Goboleedyada oo dowladda Imaaraadka lacag kasoo qaatay isla markaasna ka hor imaaday go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Sidaas darteed siyaasiyiintaas waxay ku dadaalaan sidii ay u fulin lahaayeen dalabaadka dowladda Imaaraadka Carabta waxaana kaliya u muuqato lacagtaas ma jirto dan ay ka leeyihiin dowladnimo iyo shacab Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Madaxda Soomaalida oo shirkii magaalada Brussels ka sameeyey arrin ceeb ah

0

Brussels  (Caasimadda Online) – Madaxda Dowladda Soomaaliya qeybaheeda kala duwan iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa shirkii Xalay kusoo dhamaaday Magaalada Brussels ka sameeyey arrin ay aad ula yaabeen madaxdii ka socotay Beesha Caalamka ee u imaaday inay kaalmo dhaqaale siiyaan dowladda Soomaaliya.

Arrinta yaabka badan oo ay sameeyeen madaxda Soomaalida ayaa aheyd inaysan Xitaa Files ay qodobada ku notes gareeysaan la tegin Shirkii Brussels iyo Ajaaniibta oo la yaaban!!

Shirkii lagusoo gabagabeeyay Magaalada Brussels Ee dalka Biljimka ayaaa waxaa laga diiwaan geliyay ilaa iyo dhowr qodob kuwaasi oo cadeeynaayay Nidaam daro iyo fowdo cad oo aan la dhayalsan Karin taasoo ay ku kaceen madaxda Soomaalida.

Sida caadada ah marka laga qeybgalayo shirarka waa inay madaxda qaataan Book ama waraaqo ay ku qortaan qodobada ugu muhiimsan ee laga hadlay, sida loo xalin karo iyo qaabka looga hortagi karo dhibaatooyinka balse taas lagama helin madaxda Soomaalida.

Taas badalkeeda dhammaan madaxdii ka socotay beesha Caalamka ayaaa waxaa ay dhamaantood wateen book notes-yo ay ku qoranaayeen waxyaabaha ay ka codsadaan madaxda Soomaalida.

Midda sida weyn cajiibka u aha yaa aheyd raggii gudbinaayay codsigga ee dalbanaayay in dhaqaalle la siiyo ma aysan wadan qoraal iyo qodob u calaameeysnaa kuwii laga codsanayeyna waxaa ay qoranayaaan waxa ay ku hadlaan.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Qaar ka mid ah golaha wasiiradda xildhibaano Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada maxaa ka dhigay rag isku mid ah maxaasa looga waayay shaqsi caqligiisu siiyo in uu ugu yaraaan qaato books notes, xitaa qaarkood ayaaa telfoono ku mashquulsan.

Shirkii Brussels kusoo dhammaaday ayaa madaxda Soomaalida u ahaa cashir lama iloobaan ah waxaana laga yaabaa inay shirarka dambe iska badalaan dabeecadaan ay la yaabeen Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Maamul goboleedyada iyo DF oo xiriirka isugu jiray arrin la xiriirta kheyraadka

0

Muqdosho (Caasimadda Online) – Wasaaradaha Kaluumaysiga Maamul Goboleedyada dalka xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa joojiyay xiriirkii ay la lahaayeen Wasaaradda Kalluumeysiga ee dowladda Federaalka, iyagoo caddeeyay inaysan oqoonsan doonin heshiisyada ay gasho.

War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Wasaaradaha Kaluumaysiga shanta maamul Goboleed ku yeesheen Magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay in afar shuruud oo ay Wasaaradaha Kaluumaysiga Maamul Goboleedyada ku xireen wadashaqeynta labada dhinac.

Waxay ku sheegeen in baahi loo qabo ilaalinta iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda Somaliya iyo in la helo Siyaasad mideysan ee sahli karta in laga faa’iideysto Kheyraadka Badda Somaliya ,

Sawirro: Somalia iyo Qatar oo Xamar ku yeeshay kulan ay Qatar ku shaacisay in…

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza.

Safiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay saraakiil ka tirsan Safaarada Qadar ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood,sidoo kale kulanka waxa loogu hadlay wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay.

” Mudane guddoomiye waxa marka hore hambalyo iyo salaan kaaga wadaa guddoomiyaha baarlamaanka Qadar, dowladda Qadar waxay balan qaadeysaa iney dhinac walbo ka taageereyso golaha shacabka, waxa ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada baarlamaan “. ayuu yiri Safiirka.

Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacbaka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dalka ka socdo.

” Dowladda Qadar waxa ay qeyb weyn ka qaadaneysaa hormarka dalka ka socdo, barnaamijyo hormarineed oo shacabka wax weyn u tari doono mustaqbalka ayay dalka ka wadaa” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabaka.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kaga mahad celiyay dadaalada uu ku xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo labada baarlamaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux”.

M/Goboleedyada oo arrin dhibaato ku noqoneysa DF ka codsaday B/Caalamka

0

Brussels  (Caasimadda Online) – Shirka lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Brussels ee Dalka Bulgium-ka ayaa watay Duufaan culus oo Dowlada Soomaaliya kasoo wajahday Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Dowladaha kasoo qeyb galay shirka ku dacweeyay inay xuquuqda ay ku leeyihin dalka aysan helin.

Arrinta ugu xasaasineyd ee Madaxda Dowlad Gobaleedyada ku bahdileen Dowlada ayaa aheyd iyagoo Dalalka Deeq bixiyaasha Caalamka ka codsaday in Lacagaha ay ku taageerayaan aysan Dowlada Soomaaliya usoo marsiin oo iyaga ay toos ugu soo wareejiyaan taasoo noqoneysa caqabad cusub oo ka dhex dhalatay Dowlada iyo Maamulada hoostaga.

Sidoo kale Madaxda Maamul Gobaleedyada waxay ku eedeeyeen Dowlada dhexe inaysan fulin qodobada kasoo baxa shirarka ka dhaca Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn kaga carooday talaabooyinka ay qaadeen Madaxda Maamul gobaleedyada oo fashiliyay qorshaha dowlada Soomaaliya ay ka laheyd Beesha Caalamka oo ahaa inay maalgaliso dalka isla markaana dib u dhis ay ku sameyso Xarumaha burbursan iyo Waddooyinka waa weyn.

Beesha Caalamka ayaa hore dowlada Soomaaliya ugu xirtay Shuruudo ay ka mid yihiin inay meel iska saarto Musuq maasuq oo eedaha loo jeediyo marka ay soo cadeyso la siin soono qarashka kasta oo Soomaaliya lagu hormarinayo laakiin Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa dadaalkii dowlada fashiliyay inkastoo balanqaadyo ay sameeyeen dalalka Midowga Yurub.

lama ogo sida ay Beesha Caalamka ku aqbali karto codsiga ay usoo gudbiyeen Madaxda Maamul Goboleedyada Somaaliya waxaana arrintaas garab socdo dadaal ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay kaga hortagto qalalaasaha ay wadaan maamulada.

Waxaa muddo soo jiimatay khilaaf u dhaxeeyo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, wuxuuna asal ahaan salka ku hayaa go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Maamul Goboleedyada iyo sida loo qeybsanayo lacagaha laga helo beesha caalamka.

Shirka Brussels lagu soo gabagabeeyey ayaa waxaa isku wareysanayey xubnaha beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya waxaana looga hadlayey arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd lacagaha deeqaha ah iyo Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Brussels
[email protected]