26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Masar iyo Israel oo wada galay heshiis cajiiba oo wajigiisa koowad uu horay u burburay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada Dolphinus ee laga leeyahay dalka Masar ayaa la xaqiijiyay inay Heshiis dhanka shidaalka ah la gashay Shirkad kale oo laga leeyahay Israel.

Heshiiska Shirkada Dolphinus ee Masar iyo Israel ayaa ku xeeran kala iibsiga Gaaska dabiiciga ah.

Shirkada Dolphinus ayaa la sheegay inay gaaska dabiiciga ah kasoo iibsan doonto shirkada Israel, heshiiskan oo socon doona muddo 10 sano ah.

Dowlada Masar oo qani ku ah Gaaska dabiiciga ayaa sanadkii 2005 saxiixday in gaaska siin doonto Israel.

Heshiiska dhacay sanadii 2005 ayaa waxaa ka horyimid shacabka Masar oo ku dhaliilay dowladii Xusni Mubarik inay gaaskooda ka iibiso maamulka Yahuuda.

Muddo dheer kadib dowlada Israel ayaa ku guuleysatay sanadadii 2009 iyo 2010 inay badeeda kasoo saarato gaaska dabiiciga ah.

Israel ayaa soo sarashada kadib heshiiskii ugu horeyay la gashay dalka Jordan, heshiiskaasi gaaska oo socon doona 15 sano ayey dowlada Jordan dhaqaale gaaraya 10 bilyan oo dollar ku iibsaneysaa gaaska Israel.

Sidoo kale, heshiiskan labaad ee Israel la saxiixatay Masar ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo xoojin doona dhaqaalaha iyo amniga Israel.

Docda kale, Heshiiska Masar iyo Israel eek u xeeran Gaas ayaa lagu qiimeeyey inay ku baxeyso lacago dhan $15bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qardho iyo Boosaaso – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Laba iyo Tobnaad

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Salaadda subax marka la tukaday anse weli qorraxdii soo bixin ayaan aniga iyo Beatrix ku dhacnay waddada laamiga ah ee ka baxda Garowe, annaga oo u soconna Jihada Qardho.

In yar markii aan soconnay waddadii laamiga ahayd waa ay dhammatay.   Cagafyo kala nooc nooc ah iyo baabuur iska orgayaal ah iyo mishiinno kale oo waddada dhismaheeda loo adeegsanayo iyo shaqaale dhulka tuban ayaan dhex marnay markii waddada nalaka dejiyay.

Waxaan marnay waddo dheer oo maalintaa soo dhan aan ku socon doonno oo inta badan dhagax ah.  Waddooyin badan oo miliqsan waan aragnay marnabase qiyaasteennu nama habaabin.

Annaga oo aad u kulul ayaan goor duhur ah tagnay Qardho.  Waa magaalo dhexaad.  Xilligaa aan joognay aad u kulul. Kulaylka jawiga waxaa noogu darsamay safarka iyo welwelka aan ka qabno in aan habowno ama wax uun ay si naga noqdaan.

Batuun

Markiiba howsha baadi-goobka qoysaska ayaan galnay.  Qaddar yar ka dib waxaan la kulannay gabar aan magaceeda ku soo koobayo Batuun.  Walaalkeed ayaan waraaq uga sidnaa.

Waraaqdii markii ay ka bogatay jawaabna ay diyaarisay ayaan weydiiyay in ay ka warqabtay walaalkeed in uu nool yahay iyo in kale.  Waxay noo sheegtay in ay hadda ka hor maqashay in uu nool yahay oo uu xabsi ku jiro.  Inta ay samysay hilib oodkac ah ayay u qaadday.  Waxay aaday Ethiopia.

Waxay noo sheegtay iyada oo la kaashaneysa rag SSDF ka tirsanaa oo Ethiopia joogay ay isku dayday in ay aragto walaalkeed, taasina ay shaqeyn weyday.  Xataa waxaa u suurta-geli weyday in loo xaqiijiyo in uu nool yahay oo uu xabsi ku jiro.

Ma hubo in ay Batuun nagu tiri in mar labaad u baxday safar noocaas ah.  Warqadda aan u keennay Batuun aad ayay ugu faraxday.  Waxayna markiiba intii aan howsha ku jirnay ay midkeenba u keentay barafuun haddiyad ah oo aan aad uga helay.

Markii aan qadeynay ayaan sii wadannay safarkeennii.  Markaa anigaa ayaa gaariga wada.  Waxaan ka carareynaa in ay qorraxdu dhacdo inta aynaan gaarin Boosaaso.

Inta suura-gal ah ee ugu badan ee gaarigu dhagaxa ku dul roori karo ayaan eryayaa.  Marka ay qorraxdii sii gaabaneyso, waxaan fishaa in buurta nooga muuqata meesha ugu dambeysa ee ishu ay qabato marka aan gaarno ay baddu noo muuqan doonto.  Laakiin mar kasta oo aan bartaas gaarno, waxaa mar kale meesha ugu shisheysa ee ishu qabato nooga muuqaneysa buur kale.  Waa buuro aan kala go’ lahayn.

Daalka, kuleylka, shanqaraha aan dhegaha u rooneyn ee gaariga dhagaxa maraya ka yeeraya, waddo xumada, aniga iyo Beatrix xataa sheeko ma jirto.

Mar kasta oo buur kale ay noo sii muuqato, iyada oo qorraxdiina sii dhacayso annagana waxaa nagu sii badanaya welwelka.

Gobolka Bari hore uma imaan.  Laakiin ilaa xad ayaan sheekooyin badan ka haystaa.

Boosaaso

Marka laga soo tago waxoogaagii aan iskuulka ku soo qaatay, in magaalada oo la dhihi jiray Bender Qaasim ay tahay magaalo taariikhi ah iyo kaalinteedii ganacsigii fooxa iyo beeyada ee Faraaciinta, walaalkeey Ismaaciil Cumar AUN ayaa dhowr sano ahaa Isu-duwaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Bari.  Marka uu fasax ama shaqo u yimaado Muqdisho, ayuu nooga sheekeyn jiray Gobolka baaxaddiisa iyo waxyaabaha u gaarka ah; Sida in degmooyinkiisa qaaarkood doon uun lagu tegi karo ee aan waddo jirin.

Waxaa kale oo uu noo sheegay in ay Gobolka ka soo degaan waxyaabo badan oo qaarkood laga soo geliyo dalka dekado macmal ah oo canshuurta lagala dhuuntay.  Sidaa darteed ay waxyaabahaas qiimahoodu aad uga jaban yihiin kuwa xamar yaalla. Waxaa ka mid ahaa saacadaha, boorsooyina, dharka, goglaha iyo katiifadaha, maacuunta, waxyaabaha korontada ama bateriga ku shaqeeya sida rikoorrada oo berigaas kuwa labada cajaladood qaadaa ay ahaayeen farsamada ugu sarreysa, raadiyayaasha, mashiinnada xisaabta, nalalka iyo qalabka kale ee korontada iyo wax kasta oo waxtar leh oo dibadda laga keeno.

Wax aan wakhtiga eegnaba, ugu dambeyntii waxaan soo gaarnay waddo aan laami ahayn, laakiin la simay si laami loo saaro oo gaarigu aad ugu xawaareyn karo.   Waddadaas markii aan muddo yar ku soconnay, qorraxdiina ay markaa dhacday oo salaadda makhrib la tukaday laakiin weli iftiin ah, ayaan waxaan galnay Boosaaso.

Hotel aan u maleynayo in magaciisu uu ahaa Milano ayaan tagnay.  Magaaladu dhaqdhaqaaq noocaasa ma laha.  Dad waddooyinka socda ma aynaan arag.  Gaadiid aan keenna ahayna intii yarayd ee magaalada aan joognay waxaan ka aragnay hal baabuur oo kuwa xamuulka ah oo magaalada ka soo baxaya.

Nin aan hoteelka ugu tagnay ayaa meel deyrad gudaha ku taalla na fariisiyay inta uu malahaa qolalka soo diyaarinayo ama uu soo hubinayo nin la hadlay oo gudaha u galay hoteelka.

Wuxuu naga wareystay meesha aan ka nimid, markaas ayaan u sheegnay in aan Garowe saaka ka soo baxnay.

Oday meel aan naga fogeyn gogol ku fadhiyay.  Ayaa wuxuu yiri: “Adduunyooy xaalkaa ba’. Ma dadkii xalay Garowe ku hoyday ayaa caawa Boosaaso nala jooga!”.

Wuxuu u dan leeyahay in uu tilmaamo in adduunku casri noqday oo maalin keliya loo kala socon karo Garowe iyo Boosaaso.

Xilli Boosaaso laga xagaa baxay ayay ahayd.  Iga rumeyso waxaa howl noqotay iska daa nooca aan dalbanno ee in casho naloo helo.  Dadaal ay ka mid tahay in la tegey makhaayad la xiray, aakhirkii waxaa nala siiyay raashin.

Cashada ka dib waa naloo digay.  Haddii aan berri joogeyno waa in meesha aan wax ka cuni doonno aan hadda sii wargelinno si loogu talo galo.  Iyaga ayaan u xil saarnay howshaas.

Maalintii xigtay waan joognay.  Waxay ahayd maalin dhinacna aan ku faraxsan ahay in aynaan shalay habaabin, welibana aan soo dheereynay.  Dhinacna aan jawiga magaalada xammili kari la’ahay.  Berbera ayaan markiiba soo xusuustay.

Goobihii tirada yaraa ee aan maalintaas tegey waxaa ka mid ahaa Xarunta Isgaarsiinta ee Gobolka Bari oo walaalkeey wakhti badan ka ahaa Isu-duwaha Isgaarsiinta, ninka hadda joogaana uu yahay saaxiibkiis oo aan is naqaan.  Derejada Isu-Duwaha Gobolka hadda lama adeegsado.  Qiyaasteyda waxay u dhigantay Wasiirrada Dowlad Goboleedyada ee hadda jira.  Isu Duwayaashu waxay ahaayeen mas’uuliyiinta ugu sarreeya howlaha Wasaaradda ee heer Gobol.

1995 iyo 2002 

Safarkeygii 1987, markii iigu xigtay ee aan Boosaaso tago waxay noqotay 1995 mar dad Soomaali ah oo tarxiil ah uu markab ku soo daadiyay xeebta.  Laba maalmood ayaan Boosaaso soo joogay oo aan af Soomaali, af Ingiriisna iyo af Faransiisba aan caalamka ugu soo tebiyay dhibaatada dadkaas haysatay.

Berigaas Dowlad Soomaaliyeed ma jirin, waxayna ahayd ka hor inta aan la sameyn Dowlad Goboleedka Puntland.

1995 Boosaaso way ka dad badnayd sidii aan ku ogaa 1987, laakiin Boosaasada iga yaabisay waxay ahayd horraantii 2002 markii aan socdaal ku tegey si aan heshiis ula galo SBC, shir saxaafadeedna aan Boosaaso ugu qabto oo aan ku dhawaaqo in BBC, FM looga dhegeysan karo Boosaaso, Qardho iyo Garowe.

Markaas Boosaaso waxay ahayd mid aan la barbar dhigi karin, magaaladii densanayd ee aan arkay 1987.

Boosaaso waxay ahayd magaalo la mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka amaba qaraddeenna.  Welibana qaar badan ka horumarsan.  Hoteellada, makhaayadaha, gaadiidka cir dhul iyo badba leh, isgaarsiinta, ganacsiga kala socda, shaqaalaha tirade badan ee dekedda, Jaamacadda Bariga Afrika oo aan booqday iyo dhsimayaasha tirada badan ee qaarkood ay aad u qurxoon yihiin.

Qofkii Boosaaso hore u yaqaannay, waxay u ahayd magaalo hor leh. Xataa waan aqoon waayay goobihii aan tegey 1987.

Wararka aan maqlayana, Boosaaso aad ayay hadda uga sii horumarsan tahay, middii intii aan ku ogaa 2002.

W/Q. Yuusuf Garaad

 

Ra’isulwasaare Kheyre oo Shakhsi cusub u magacaabay Unuga Isku  Xirka Deeqaha  (Akhriso Taariikhdiisa)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa MUHUMED HUSSEIN AHMED  u magacaabay Unuga Isku  Xirka Deeqaha (aid coordination unit- Acu).

Xilkaan ayaa waxaa horey u haayey Axmed Caynte, waxaana waraaq kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha loogu magacaabay Maxamed Xuseen Axmed oo ah nin aqoon fiican u leh shaqadaan sida ka muuqato taariikhdiisa.

Muxuu yahay Xilkaan?

Unuga Isku  Xirka Deeqaha (aid coordination unit- Acu) waxay u taagantahay  taaba gellinta iyo socodsiinta hanaanka fullinta qorshahha qarranka , isku xirka deeqa iyo taaba gellinta hanaan ay kuwada hadlaan somaliada iyo deeq bixiya yaasha,  waxay ka caawisaa hanaanka qorshaha qaranka taageero farsamo sidaa Arrimaha xog ururinta iyo loojistikada. Waxay qaban qaabisaa  shirar kala duwan ee qorshaha qaran lagu taaba geliyo., sida

1-     Hanaanka Wadaaga ee Somalia ( Somalia Partnership Forum)

2-    Sanduuqa Dib u diska Somalia ( SDRF)

3-    Shirarka Tiirarka   (Pillars)

waxay kaloo dawladda ka caawisaa

·  isku xirka hay’adda dawladda.iyo gobollada

·  Daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha ( aid  mapping Exercise)

·    Taaba Galnimada Deeqah ( aid Effectivness)

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Waddooyinka Muqdisho oo Caawa xiran & Ciidamo farabadan oo lagu daadiyay goobo badan

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa caawa inta badan xiran waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho oo ay tuban yihiin ciidamada amaanka Nisa iyo Booliska.

Ciidamada ayaa Gaadiidka dagaalka ku jaray waddooyinka waxaana laga celinayaa dhammaan gaadiidka raaxada iyo kuwa BL-ka.

Dhexbartanka iyo hareeraha waddooyinka ayaa waxaa la arkayaa shacab farabadan oo ku lugeynaaya kuwaa oo hoyaad  u ah xaafadahooda.

Dadka lugeynaayo ee shacabka ah ayaa intooda badan waayay gaadiidka ay ku gaari lahaayen xaafadahooda, taa oo ay ku eedeynayaan dowlada Somalia oo xili gabal dhac ah waddooyinka ka xiratay shacabka u hoyaadaya guryahooda.

Wadooyinka xeran waxaa kamid ah Km4 ilaa Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho Dadka ayaana ah caawa kuwo lugeynaya iyadoona hareeraha wadooyinka ay taaganyihiin ciidamada Amaanka ee dowlada Somalia.

Si rasmi ah looma oga sababta ka danbeysa xirnaanshaha wadooyinka xiran inkastoo shacabka ay xirnaanshiyaha waddooyinka u barteen xiliyada ay magaalada Muqdisho ka dhacayaan shirarka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Canshuur Devos laga soo Waaridey oo xanibtey dhaqdhaqaaqii Dekeda iyo Suuqa Bakaaraha AK

0

Iyadoo Weli uu Taagan yahay Muranka Wasaarada Maaliyada ee Canshuuraha ayaa qof Soomaali ah oo igala soo xiriirey Mid ka mid ah Wadamada Yurub oo diidey Magaciisa Warbaahinta loo adeegfsado ayaa ii sheegey in Sababta Canshuurta Dheeraadka oo ay Xukumada ku soo rogtey Ganacsatada Soomaaliyee ay Tahay markii Ra’iisul Wasaare Khayre uu ka qayb galey Shirkii Dhaqaalaha ee Magaalada Devos ee cariga Switzerland Bishii Hore ayaa Wadamadii ka soo qayb galey Shirkaas oo u Badnaa kuwaa Dhaqaalaha ku hormaray waxay Raiisul Wasaare Khayre u sheegeen In Soomaaliga looga baahan yahay in ay Bixiso Deymaha lagu leeyahay.

Raiisul Wasaaraha ayaa ka dalbadey Wadamadii ka qayb galey Shirkaas sida ay Deyntaas ku Gudi karto Soomaaliya waxay u sheegeen ‘Deyntaas Soomaaliya u Gudi kartaa iyadoo Xukuumada ay qaado Canshuur Dheeraad ah oo Noqoneysa Mid Tafaariikh Tusaale “Koobkii Shaah waxay Dowlada ku yeelaneysaa Cent-yo Canshuur ah marka Dowlada sidaa sameyso ayey Wadamadaas Sheegeen Soomaaliya Heli Doonto Deyn kale, Hadaba Su’aasha is weydiinta Mudan waxay tahay ma Muqdisho kaliya ayaa Dhabar u ridn doonto in ay Deyntaas bixiso mise Dalka oo dhan baa laga rabaa .

Canshuurta Noocaan ah waa Mid Soomaaliya ku cusub waxaana Isticmaala Wadamada Reer Galbeedka oo Dhinaca Amaanka , Dowlad Wanaaga, la Dagaalanka Musuqa iyo Horumarka Meel sare ka gaarey marka Canshuur Devos laga soo Waaridey oo Xanibtey Dhaqdhaqaaqii Dekeda iyo Suuqa Bakaaraha

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail:[email protected]
E-Mail:[email protected]
Tel 00252615532494

K/galbeed: Waxba Masoo Kordhineyso Taliyeyaasha Ay Magacawday DFS

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in xilligaan aanay dhanka amniga wax badan kusoo kordhin karin Saddex taliye oo shalay lagu magacaabay shirkii golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga K/galbeed C/raxmaan Shariif Baraf ayaa sheegay in markii horeba ay qalad ahayd in shaqooyinka laga ceyriyo taliyeyaashii ka horreeyay kuwan cusub.

Waxa uu sheegay in madaxda dowlada dhexe laga doonayey in markii horeba ay ka fiirsadaan cidda ay xilalka u dhiibayaan, sidoo kalena aanay ahayn in sanad gudahiisa taliyeyaal badan la kala bedalo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax walba oo lagu degdego dhibaatadeeda ayey leedahay, laguma degdego taliyeyaasha sida Booliiska iyo Nabad-sugidda, markii horeba haddaan laga fiirsan wixii ka dhashay waa la ogaaday, waxay ahayd in dowladda sida ay hadda sameysay ka fiirsato muddo badan, balse ma qabo in wax dheeraad ah ay soo kordhayaan, inkastoo rag ruug-caddayaal ah xilalkaan loo magacaabay” ayuu yiri Baraf.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay magacawday Taliyeyaasha ciidamada Booliiska, Nabad-sugidda iyo Asluubta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxda Dowlada Dhexe iyo Kuwa Maamul Goboleedyada oo ka tacsiyeeyay Geerida Nabadoon Axmed Diiriye

0

Kismaayo (Caasimadda Online) –Iyadoo uu xalay magaalada muqdisho ku geeriyooday Allah u naxariistee nabadoon Axmed diiriye cali oo kamid ahaa Odaaysha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed kuwa ugu Caansan ayaa waxaa geeridaasi ka tacsiyadeeyay Madaxda dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Goboledyada qaar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Allaha u naxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye Cali.

“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Nabadoon Axmed Diiriye oo xalay ku geeriyoday Muqdisho. ilaahay ha u naxariisto nabadoonka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay ayaa alagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale reysulwasaaraha xukuumada Somalia xasan cali kheyre ayaa dhankisa ka tacsiyeyay geerida ku timid Nabadoonka waxaana uu rabi uga baryay Naxariista Janno.

Axmed ducaale geele xaaf madaxweynaha maamulka Galmudug oo la hadlay idaacda kulmiye ayaa tilmaamay in Axmed diiriye uu ahaa nabad u dhaxeeyay umada Somaaliyeed uuna ka qeybqaatay nabadeynta dalka uuna shacabka soopmaliyed uga tacsiyadeuynayo Geeridaasi.

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Craxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in dhamaan shacabka soomaaliyeed gaarahaan ehelada marxuumka uu la wadaagayo xanuunka geerida Allah u naxariisteen nabadoon Axmed diiriye.

Inaalilaah wa inaa ileyhi Raajicuun.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

” Sh. Umal Shalay wuxuu nagu xakumay Riddo haddana Kismaayo oo Itoobiyaan heysto ayuu ….” sidaas waxaa yiri.

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Col. Aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha dowladda federalka ah ee Gedo ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan magaalooyinka ay joogaan ay yihiin kuwa qaba dhibaatooyin badan.

Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Kenya ayuu ku eedeeyay iney hab gumeysi ah ula dhaqmaan bulshada isagoo tusaale usoo qaatay qof haweeney ah oo ay ciidamada Kenya ka hor istaageen in isbital la geeyo si ay u dhasho kadibna dhimatay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Kenya wadaan iney ku dhul ballaarsanaan degmada Beledxaawo, si lamid ahna wuxuu ku eedeeyay iney gubeen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta qaarkood.

Wuxuu qaadacay shirka amniga looga hadlayo ee magaalada Kismaayo isagoo Axmad Madoobe ku eedeeyay kaligi talisnimo iyo falalka tarxiilka ah ee uu kula koco dadka uusan rabin ama ka aragtida duwan.

Mar wax laga weydiiyay booqashadii ay wadaada Ictisaam ku tageen magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu aad uga xun yahay in rag uu ku sheegay inay wadaadnimo sheeganaya ay booqdaan magaalo aan xor ahayn oo ku jirta gacanta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya sida uu hadalka u dhigay.

“Sheekh Bashiir anigu nimaan aqaano ma ahan laakin Sheekh Umal iyo qolada la fatwoota waxaan u aqaanaa culimada cadiifadda qabiilkooda u fatwoota” ayuu yiri Rufle, isagoo ku eedeeyay in 2008 uu ciidamadii amxaaro kalkaalka ee Kismaayo laga saaray ku xukumay Rido, haddana uu isagii Kismaayo ka dhisanayo guryo uu ku sheegay sharci darro xilli waliba ay magaalada joogaan ciidamo Itoobiyaan iyo kuwa Kenyaati ah.

Sheekh Umal ayaa dhawaan dhagax dhigay dhul uu muran ka taagan yahay oo ku yaalla magaalada Kismaayo, dhulkaasoo sida uu sheegay uu ka iibsaday dadkii gacanta ku hayay waagii dowladda iyo burburkeedii kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso Qisada Maxamed C/raxmaan: Tahriibe Soomaali ah oo saddex jeer lagu kala iibsaday Dalka Liibiya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Maxamed C/raxmaan Maxamuud waxa uu ka mid yahay tahriibayaal Soomaalida oo dhawaan laga soo daayey xabsiyada Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay.

Wuxuu ka warramay qisada xanuunka badan ee wixii soo marau oo rafaad iyo dhibaato ah intii uu ku sugnaa dalka Liibiya. Maxamed ayaa sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya isagoo adoon ah oo marba ay koox heysatay.

“Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsaday, mar waxaa la iga bixiyay $5,500, mar la iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la igu iibsaday” ayuu yiri Maxamed oo ka sheekeeyay xaaladii xanuunka badneyd ee ku soo martay Liibiya.

Tahriibayasha ayaa doonaya in ay Liibiya uga sii gudbaan dalalka Yurub. Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Dalka Liibiya waxaa ku xiran ama tahriib sugayaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya in ay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Taliyaaniga. Dadkan xiran waxay isugu jiraa kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan.

Maxamed ayaa xusay in ciqaab kala duwan la marsiiyo tahriibayaasha la afduubtay. “Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa, Usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa” ayuu intaa ku daray Maxamed.

Baxsashadii Maxamed

Maxamed C/raxmaan Maxamuud ayaa sheegay inuu kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay uu si lama filan ah uga soo baxsaday. “Markii salad subax la tukaday intaan iska dhigay wax suulida aadaya ayaan aayar albaabka iska furay dabeedna gidaar dheer ayaan ka booday” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa sheegay in markii uu gidaarka ka booday uu suuxsanaa muddo 20 daqiiqo ah balse waxaasi oo dhan ay uga darnaayeen in dib ugu laabto gacanta kooxdii haysatay.

“Markii dambe waxaan is iri xanuunkan lagaaga daran, aniga oo si daciifnimo ah ku kacaya oo gidaarada cuskanaya ayaan is iri sidan haddii laguugu soo gaaro xaaladaada way cuslaanaysaa”ayuu yiri

Ka dib markii uu sii lugayanay muddo laba saaca ah ayuu gaaray magaalo yar halkaa oo uu masaajid ku yaalla ku noolaa muddo lix bari ah.

Waxaa dabadeedna u suuragashay inuu Tripoli gaara halkaasi oo uu la xiriiray safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuusan mar dambe tahriib ku laaban doonin, balse uu rajeynaya inuu fursado shaqo ka hela dalkiisa, dibna ugu laabto waxbarashadii uu markii hore ka tagay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasaaradda Dastuurka Koofur Galbeedka oo xiriirka u jartay Wasaaradda Dastuurka Federaalka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – War ka soo baxay Wasaarada Dastuurka Maamulka Koofur-Galbeed ayaa lagu sheegay in xariirkii ay la haayeen wasaarada Dastuurka Soomaaliya ay u jareen, sidaasi waxaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka dastuurka Koofur-Galbeed Cabdullahi Shiiq Xasan.

Wasiirka wasaarada Dastuurka Maamulka Koofur-Galbeed Cabdullahi Shiiq Xasan  ayaa sheegay in la dafiraad weyn loogeystay Wasaarada Dastuur ee Koofur-Galbeed isla markaana dafiraadaasi uu ka danbeeyay Wasiirka Wasaarada Xukumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jirriil.

Sidoo kale dafiraadaasi ayaa lagu micneeyay in ay timid kadib markii booqasho oo uu horkacayo wasiirka dastuurka ee xukuumadda soomaliya islamarkaana qeybn ay ka ahaayeen gudigada dastuurka ee baarlamaanka soomaaliya iyo midka qaran ee madaxa banaan ay ku tagi lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay uu baaqday iyaga oo aan lagu wergelin wasaarada dastuurka ee maamulkaKoofur-Galbeed ee soomaliya.

Booqashadaasi ayay kula kulmi lahaayeen wafdigaan Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaliya Shariif Xasan Shiiq Aadan iyo waliba ururada bulshada rayidka ah ee maamulka koonfur galbeed soomaliya balse waxaa lagu yiri arintyaasi ayaanana dhicin.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddiyada Dastuurka ayaa safaro ku kala bixinayay deegaanada maamul goboleedyada, kaasoo la xiriira sidii wadatashi loogu soo sameyn lahaa Dastuurka, lalana kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada deegaanka.

Warqadaan uusoo saaray wasiirka wasaarada dastuurka ee maamulka koonfur galbneed soomaliya Cabdullahi Shiiq Xasan ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay mar hadii  qaladkaasi dhacay lagu laabto ismaalrkaana raali gelin laga bixiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo dib u furmay & Dowladda Soomaaliya oo dhegaha ka fureysatay Ganacsatada

0

Muqdisho (Caasimadda Online)- Waxaa maanta dib loo furmay qeybo ka mida Suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho, kadib markii uu xirnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Ganacsatada waaweyn ayaa xiray suuqa, iyadoo ganacstada kale ku amray inay xiraan ganacsigooda, taasoo keentay in Suuqu shaqeyn waayey muddo laba maalmood ah, laakiin waxaa muuqata inaysan socon karin tallaabada ay Ganasatada isku xayireen, iyagoo ka cabanaya canshuur ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku adkeysaneysa in canshuurta iibka ee lagu soo rogay badeecadaha lagu qaado Dekeda, halka Ganacsatada ay diidan yihiin in alaab aan wali suuqa la geyn laga qaado canshuurta Iibka oo ah 5%.

Ganacsatadda gadoodka wada ayaan weli ku guuleysan in wax tanaasul ah ka helaan dowladda Soomaaliya oo ku adkeysaneysa canshuurta iibka ee ay soo rogtay, waxaana is mari waaga jira uu yahay kii ugu adkaa ee labada dhinac ka dhex oogma.

Ganacsatada ayaa kulamo la leh xildhibaannada Baarlamaanka, iyagoo raadinaya qaab loo xaliyo khilaafka kala dhaxeeya wasaaradda Maaliyadda, iyadoo dekadda ay ku xayiran yihiin alaab uu kharash ku socdo, welina la soo xirin maraakiib u socota ganacsatada oo taagan xeebta Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawir: Gaashaanle Sare ka tirsan dowlada Federaalka oo lagu riday Xukun dil ah + Warbixin

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidanka Qalabka ayaa goordhow riday Xukun Toogasho ah kadib markii lasoo afjaray kiista toogashada bareerka ah ee uu geystay Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya.

Maxkamada ayaa Xukunka ku riday Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh, waxa ayna sheegtay inuu qirtay in falka dilka ah uu u geystay si kutalo gal ah.

Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh ayaa lagu eedeeyay in uu  dil bareer ah u geystay Taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Sareeyo Guutto Siciid Aadan Yuusuf Mariino.

Maxkamadu waxa ay sidoo kale sheegtay in gacan ku dhiigle C/naasir Xoosh ay u dhamaatay dhageysiga dacwada oo horay u dhacday.

Eedeysanaha ayaa heysto fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan, hadii uusan ku qanacsaney xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Somaliya.

Xasan Cali Nuur Shuute, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka lagu riday  Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh.

Sidoo kale, Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh, ayaa taliye ku-xigeenkii badda Saciid Mariino  ku dhex dilay Xafiiskisa 18-kii Bishii lasoo dhaafay.

Geesta kale, taliye ku-xigeenkii badda ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray dhowr xabadood oo looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Kulan dhexmaray Jawaari iyo danjiraha Imaaraadka oo shaki badan dhaliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaki badan uu ka dhashay kulan dhexmaray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Danjiraha Imaaraadka ee Somalia Al-Othmaani.

Kulanka labada mas’uul oo qaatay wakhti kooban ayaa la xaqiijiyay in lagu dhameystiraayay kulan qabyo u ahaa Jawaari iyo Al-Othmaani ka hor inta uusan Guddoomiye Jawaari u bixin fasaxa kalfadhiga baarlamaanka ee hadda gabagabada ah.

Kulanka qabyatirka labada mas’uul ayaa salka ku hayay qorsho ku aadan sida dowlada hadda jirta loogu dhex abuuri lahaa Xubno daacad u ah dowlada Imaaraadka balse ka tirsan garabka Damul-Jadiid.

Xubnaha uu Danjire Al-Othmaani usoo bandhigay Guddoomiye Jawaari ayaan horay uga soo dhexmuuqan dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnahaan oo tirro ahaan ka kooban ilaa Siddeed xubnood ayaa la doonayaa in lagu buuxiyo Kuraas muhiim ah oo ka tirsan Xukuumada sida Wasaaradaha ku magacaaban Kheyraadka.

Sidoo kale, Kuraasta uu sida aadka ah u doondoonaayo Al-Othmaani ayaa ah Agaasimayaasha ilaa Afar Wasaaradood iyo Waaxyo dhowr ah oo ay Imaaraadku u arkaan ahmiyad gaara.

Xubnahaan ayaa sidoo kale la doonayaa in laga soo kala sooco beelo dhowr ah, iyadoo ahmiyada ugu weyn ay noqoneyso aaminaanshiyaha danaha Imaaraadka Carabta.

Jawaari ayaa bilihii ugu danbeeyay u janjeeray dhanka dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa ayna talaabada ceynkaasi ah dareen gaara ku abuurtay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa aad uga didsan Siyaasada dowlada Imaaraadka Carabta iyo xiriir hoosaadka kala dhexeeya Guddoomiye Jawaari.

Geesta kale, shakiga ugu weyn ayaa ah in Jawaari uu Xukuumada kala safto dowlada Imaaraadka oo caqabado Siyaasadeed u maleegeysa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waa kuma Taliyaha ciidamada Asluubta Sareeyo Guud Bashiir Goobe (Akhriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somalia ee shalay ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyeyaasha ciidamada Nabad sugidda, Booliska iyo Asluubta, hadaba wax ka ogow taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo markale loo magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta.

Waxbarashada Madaniga

Taariikhda dhanka waxbarashada ee Madaniga ah, Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu Jaamacadda heerka koowaad ka qaatay Culuumta Bulshada Taqasuska (Social Work) iyo isla heerka koowaad ee Jaamacadda oo uu ka diyaariyay Culumta Siyaasadda, sidoo kale Waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda (Master degree)  ka sameeyay Culuumta Amniga iyo Nabadgelyada (Master in Peace and Security Study) wuuxu kaloo u sharxanyaahy in uu qaato shahaadada PHD oo la xiriirta arrimaha amniga iyo xasalinta.

Waxbarashada Amniga

Haddii aan eegno dhanka Waxbarashada ciidanka wuxu wax barashadiisa sargaalnimo ku soo qatay Dalka Jarmalki Federaaliga ee Galbeed (West Germany) Isagoo Waxbarashada abaandulka ciidamada iyo dugsiga sare ee dagaalka ku soo qaatay (SCUOLA Di GUERRA) ee dalka Talyaniga, wuxuu kaloo waxbarashada Amniga, dambi-baarista iyo hogaaminta ciidamada ku soo qaatay Dalalka Faransiska, (Interpol) Sacudiga, South Africa iyo kuwa kale.

Dhanka Shaqada

Haddii aan wax yar oo kooban ka sheegno taariikhda dhanka shaqo, Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac wuxuu ka soo shaqeeyay ciidanka booliska muddo dheer Ilaa uu ka gaaray xilka Taliye ku-xigeenkaciidanka booliska Soomaaliyeed, sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Wuxu kale uu soo noqday Wasiir ku-xigenka Wasaaradda Adeega Bulshada Xukumadii 10 Wasir ka koobneed, wuxuu dhowr mar so noqday Xildhibaan ka tirsan Baarmanaanka Federaalka Soomaaliya,  waxa uu horey u soo noqday Garsoore heer Caalami ah oo Kubbada Kollayga (FIBA Referee) iyo Garossore Caalami ah ee Kubbada Cagta (FIFA Referee) Isagoo mudadaas ka soo noqday Macalin soo saaray Garsoorayaal badan oo Soomaali ah, wuxuu kaloo soo noqday xubin Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu kaloo soo noqday Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, NISA iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana uu ugu dambeyn ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee dhanka Ciidanka Xoogga dalka, waxaana maanta markale si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo ahaa shaqsigii xabsiga Dhexe ee Xamar ka hirgeliyay in maxaabiista loo qabto tartamo isboorti oo lagu dhiiri gelinayo iyo inay helaan adeegyo waxbarasho oo dhameystiran.

Sidoo kale waxa uu Xabsiga dhexe ee Xamar ka hirgeliyay Warshad sameysa agabyo kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

HirShabelle oo dekad u fureysa ganacsatada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiim Warsame oo ka tirsan baarlamaanka maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qaldan tahay in canshuur dheeraad ah ay saarto ganacsatada gobolka Banaadir

Xildhibaanka waxa uu sheegay in dowladda dhexdeeda uu ka jiro boob sidaas daraadeedna ay tahay inay ganacstada ka deyso cadaadiska ay saareyso, waxa uu hoosta ka xarriiqay in haddii uu sii socdo cadaadiska lagu hayo ganacsatada gobolka Banaadir ay u furi doonaan dekadda Ceel-macaan.

Xildhibaanka oo caawa wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa waxa uu yiri “Ganacsatada sida hadda socota haddii culeyska laga badiyo annaga oo ah Hirshabeelle ganacstada Xamar waxaan u furi doonnaa dekadaha Ceel-macaan iyo Cadalle si ay ula soo degaan badeecaddooda ayna ugu shaqeystaan, maxaa yeelay ganacsatada waan u naxeynaa”.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli uu muran ka dhaxeeyo ganacsatada Gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya arrinta canshuur kordhinta oo ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wadahadalladii ONLF iyo Itoobiya ee Nairobi oo hakad galay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wadahadaladii Magaalada Nairobi ugu socday xubno ka kala socda Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa hakad ku yimid, waxaana sabab looga dhigay Qalalaasaha ka taagan dalkaasi.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Shiikh Xasan Hirmooge ayaa sheegay in guddiga wadahadalka wada ay labada dhinac u jeediyeen sidii loo hakin lahaa, illaa inta ay wax iska badalayaan Xiisadaha kasoo cusboonaaday Itoobiya.

Dhinacyada wadahadalka u furay ayaa laga dalbaday in aysan ku dhaqaaqin waxyaabo dhaawici kara wadahadalka hordhaca ah ee bilawday, dibna la isugu soo laaban doono kolka ay wax iska badalaan Xaaladda Itoobiya.

Afhayeen Hirmooge ayaa xusay in labada dhinac ay isla qaateen Mas’uuliyadda ka saaran daminta Xiisadaha ka taagan Itoobiya, wadahadalkoodana ay ka daran tahay Marxaladda Siyaasadeed ee dalka uu wajahayo.

Wararka ayaa sheegaya in hakinta wadahadalka uu ka yimid dhanka Dowlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, maadaama ay ka baqayaan in rabshada ku kooban Qoomiyadaha Oromada iyo Amraaxadda uu soo gaaro dhulka Ismaamulka Soomaalida uu maamulo.

Wadahadalada u dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa ka furmay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, waxaana lagu wadaa in labada dhinac ay ku dhameeyaan Colaad sanado soo jiitameysay oo ka dhaxeysay.

Inkastoo wadahadalka uu furmay, socdayna mudooyinkaan, hadana ma jiro qodobo la taaban karo oo ay labada dhinac ku heshiiyeen kahor hakinta wadahadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faallo: Maxay soo kordhin karaan Taliyeyaasha cusub ee DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, hadaba maxay soo kordhin karaan raggan cusub, maxayna kaga duwan yihiin Taliyeyaashii hore.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya iyo Hay’adda Booliska ma aysan laheyn Taliyeyaal mudo ku dhow Afar bilood, kadib markii xilalkii hal kol laga wada qaaday Sambaloolshe iyo Saacid, 29-kii October 2017-kii.

Xilka qaadista labadaasi Taliye ayaa soo da dejisay kadib markii Muqdisho bil gudaheed ay ka dhaceen laba Qarax oo kala ahaa midkii Zoobe iyo kii kale ee Hotel Naasa-hablood oo Madaxtooyada Soomaaliya wax ka yar u jira.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed, wuxuu hada ahaa Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, waa sargaal guun ku ah hanaanka ciidmada Booliska wuxuu daganaa London oo uu maamule ka ahaa shirkada lagu magacaabo cooperative.

Saddex sano ka hor ayaa shaqadaasi uu ka tagay si uu wax ugu biiriyo Booliska Soomaaliya oo mudooyinkan uu la shaqeynayay, Dadka falan qeeya Siyaasadda ayaa qaba sarkaalkan inuu ka hoos shaqeynayay markii hore laba Taliye oo isaga ka sareysay, balse isaga oo taas ka duulaya laga filan karo inuu la yimaado isbedel iyo horey u socod.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa kahor inta aan xilkan loo magacaabin ahaa La Taliyaha dhinaca arrimaha Ciidamada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), sidoo kale horey ayuu u soo qabtay hoggaanka Nabad Sugidda iyo Asluubta.

Bashiir Goobe ayaa dadka ka hadla arrimaha ciidamada waxa ay aaminsan yihiin in marki horeba ay qalad aheyd in xilka qaadis lagu sameeyo, hadana uu ka soo bixi karo shaqadan uu horey hoggaankeeda u soo qabtay, horey ayuu Gen. Goobe ugu guuleystay dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda Maxaabiista.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanad wax ka yar waxa ay shaqada ka ceyrisay Gen. Bashiir Goobe Taliyaha Asluubta, ku dhowaad sanad kadib shaqadii ayaa loogu soo celiyay,

Taliyihii Ciidanka Asluubta S/Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa 9-kii April 2017-kii xilkan kala wareegay Bashiir Goobe oo xilkan dib loogu soo celiyay markale.

Taliyaha Asluubta ayaa xilligii xilka qaadista lagu sameynayay ku guda jiray howlihiisa shaqo, sidoo kale wuxuu u diyaar garoobayay xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegsan Khamiista soo socota, 22-ka bishan.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen ayaa hada ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, sidoo kale wuxuu ka tirsan yahay Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa qaba Dowladda in ay isaga dhex yaacsan tahay Siyaasadda iyo Amniga, waxayna sheegeen in aragti ahaan aysan qabin qof aanan in mudo ah ku soo jirin in arrimaha Ciidamada in loo magacaabo Taliye amni.

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Gen. Tuuryare oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay magacaabista Taliyeyaashan in ay tahay talaabo ay horey u qaaday Dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay ka fursad fiican yihiin Taliyeyaashii hore.

Dowladda Federaalka ayaa looga bartay in aysan wargelin xubnaha ay xilka qaadista ku sameyneyso, mar qurana ay ogaadaan in xilka laga qaaday iyaga oo ku guda jira howlahooda shaqo, taasi oo nabar iyo naxdin ku noqioneysa masuulka xilka qaadista lagu sameeyay, Dowladda marka ay masuulka u magacaabeyso xilka waa ay ku wargelisaa, sida muuqata.

Aan dib u laabano Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa sheegay xilka qaadistii horey loogu sameeyay inaan lagu soo wargelin, un keliya uu u soo sheegay qof jooga Mareykanka, kadibna uu soo wacay Wasiirka Warfaafinta, sidaasina loogu xaqiijiyay, waqtigaasina wuxuu ku guda jiray Howl uu Ra’iisul Wasaaraha u xilsaaray, maalinkaasina uu doonayay inuu horgeeyo Golaha Wasiirada.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, wuxuu sheegay xilka qaadistii lagu sameeyay inuu ka maqlay oo keliya Idaacadaha, xilligaasina uu u diyaarinayay Booqasho Madaxweynaha uu ku tagayay degaanada Puntland iyo Galmudug.

W/D- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Suuragal ma tahay inuu fulo heshiiska madaxda DF iyo maamul gobaleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Asbuucii hore waxaa Muqdisho lagu saxiixay heshiis ay wada gaareen madaxda dawladda Federaalka iyo dawladaha xubna ka ah, kaas oo ka koobnaa 3 arrimood oo laf dhabar u ah dawlad-nimada Somaliya. Hadii lagu guuleystana waxaa suurta gal ah in la helo dawlad Somaliyeed oo leh awood ay ku difaacato siyaasadeeda, amnigeeda iyo khayraadkeeda.

Si aan kala har lahayn ayaa dadka Somaaliyeed usoo dhaweeyeen una taageereen heshiiska mucaarad iyo mucaafid ba, waxeyna madaxdu ku heshay heshiiska ammaan iyo bogaadin.

Hadii la hirgaliyo heshiiskaan sida khubaradu sheegeen waxaa lagu guuleysan karaa;

A-In la helo siyaasad xasilan oo hufan, lagana maarmo 4.5 iyo oday dhaqameed soo xula Xildhibaan aan matalin dadkiisa iyo deegaankiisa, maamul gobaleed kaligii qaraabta, shisheeye madaxda Somaliya kala iibiya iyo qabiil haysta kuraas u gaar ah.

B-In laga baxo amni darada, lana helo ciidan qaran, lagana gudbo ciidan beeleed, xuduud beeleed, jabhado beeleed iyo jabhado diimeed.

C-In la heli karo dhaqaale ku filan dawladda iyo dadka Somaaliyeed, haddii si sax ah looga faa’ iidaysto khayraadka Badda, Hawada, Dhulka hoostiisa iyo korkiisa. Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegay; hadii la kireeyo kaluunka Badda iyo marinka Hawada kaliya in laga heli karo sanadkii 2 – 3 $Billion. Waxaana dawladda iyo dadka Somaliyeed lagu gummeystaa sida ay sheegaan; in sanad kasta lagu bixiyo 1.2 $Billion amniga Somaliya iyo 800 $Million gargaarka deg dega ah ee Somaliya. Taas ayaa laga maarmi karaa haddii si sax ah loo kireeyo Kalluunka Badda iyo marinka Hawada kaliya.

Caqabadaha hor-taagan hir-gelinta heshiiskaan oo fashil ku keeni kara hadii aan si wada jir ah looga hor-tegin ama loo wajahin. Waxaana ka mid ah;

1-Dawlada Federaalka iyo dawlad-gobaleedyada oo aan weli is aaminin sida ka muuqata heshiiska sida; in ruqsada la wada bixiyo, dakhligana la wada maamulo, taas oo keeni karta; “dherigii kariyaal bata waa maraq xaraareeyaa” cadawguna fursad iyo dal-daloolo ayuu ka helaa!.

2-Somaliland oo aan ku jirin heshiiska caqabadna ku noqon karta hir-gelintiisa iyo cadawga Somaliya oo ka dhigan kara “hashii rabta in ay caanaha diido maqaarka ayey meel daloosha ka eegtaa”.

3-Qaraaraadka iyo cuna-qabateynta UN ka oo caqabad ku gudban ah horumarka dawladda iyo dadka Somaliyeed, sida ku cad taariikhda UN ka oo aan weli lagu arkin wadan dawladiisii burburtay oo UN guul ka keentay, waxaana dabool ama maqaar saar ka dhigta dawladaha raba gumeysiga cusub! Sida Angola iyo Lubnaan oo ciidan UN ka socda ku suganyahay mudo ka badan 30 sano, khayraad-koodiina la guranayo, dadkoodiina gaajo u dhimanayaan.

Somaliya 27 sano ayey UN magacyo kala duwan ku joogtay Somaliya wax guul ahna weli kama soo hoynin, waxaana hir-gelinta heshiiskaan caqabad ku ah:

A-Qaraarka cunaqabateynta hubka ee ciidamada Somaliya.

B-Qaraarka Burcad Badeedda ee loogu fasaxay Badda Somaliya Maraakiibta Dagaalka iyo kuwa Burcad Kalluunka.

C-Qaraarka Hawada Somaliya looga qaatay, laguna baneystay qaadashada hantida Marinka Hawada Somaliya 27 sano, kaas oo weli taagan.

D-Qaraarka joogitaanka AMISOM ama in lagu beddelo kuwa UN u gaar ah oo waligood jooga.

4-Shirkadaha Shidaalka reer Galbeedka oo kala xirxirtay dhammaan dhulka Somalida cid kalena aan u ogoleen.

5-Ciidamada AFRICOM oo soo galay Afrika xilligii madaxweyne Bush, mar la weydiiyey taliye-hoodana sababta ay Africa u yimaadeen uu ku jawaabay; “waxaan u nimid in madaxda Afrika aysan qaadan go’aan aan lala ogeyn” iyaga oo ilaalinaya danaha America iyo khayraadka Somaliya.

6-Dawladaha deriska, kuwa ciidamadu ka joogaan Badda iyo Berriga iyo kuwa ay dhibayso horumarka Somaliya ama raba kharaadkeeda.

Hadaba waxaa waajib ku ah dawladda iyo dadka Somaliyeed in ay u hawl-galaan sidii caqabadahaas looga guuleysan lahaa, loona hirgelin lahaa heshiiska bilawga ah ee dawladda Fedaraalka iyo dawladaha xubnaha ka ah.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)

 

Borame iyo Soo Noqosho – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Kow iyo Tobnaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hargeysa waxaan uga gudubnay Gabiley.  Waxaan magaalada soo galnay iyada oo roob aad u xooggani uu da’ayo.   Magaalo aadan aqoon, qof waddada socdaana aanuu jrin oo roob laga okoranayo ma ahayn sida ugu sahlan ee howl looga fulin karo.

Waxaan tagnay Dukaan, ka dibna waxaan xusuustaa in guri naloo tilmaamay oo aan waraaq geynay.

Markaas ka dib Borame ayaan u gudubnay.

Wadaddadii laamiga ahayd ee marna wanaagsanayd meelaha qaarna dayactir u baahnayd ee aan Muqdisho ka soo qaadannay waxay nooga dhammaatay meel u dhexeysa Gebiley iyo Borama.  Ma hubo in aay ahayd Dila’ iyo in ay ahayd Gorayo-Cawl.

Waxaan galnay waddo aan laami ahayn.  Waa dhul dhagax ah.  Xawaaraha uu gaarigu ku socon karo aad ayuu isu dhimay.

In yar ka dib ayaan tagnay Borame.  Waa magaalo dhagax miiran ah, ku dhex taalla Buuro waawweyn oo dhagax ah, iyada lafteeduna kala sarreysa.  Xilliga roobka waa degaan aad u qurux badan.   Dhulka aflaamta qaar aan ka daawaday, siiba aflaamta Cowboy-ga lagu jilo ayaan soo xusuustay.

Waxay ahayd magaalo aad u dad badan.

Buur la yiri way guuxdaa xilliyada qaarkood ayaan arkay oo aan magaalada ka fogeyn.  Aad ayaan ula yaabay.

Waxaan markiiba soo xusuustay in hadda degaankaas uu dhul gariir ka dhacay.  Waxaan markaa u qaatay in laga yaabo in buurta uu hoos jiifo lava aan dibadda u soo bixin.

Mas’uuliyiinta Dowladda ee Borame ayaan kulannay, Saldhigga Booliiskana waan tagnay. Waxaan u fasirnay howsha aan Borame u nimid.  Sida aan dooneynay gacan ugama aynaan helin iyada oo sababtu ahayd arrimo kale oo magaalada markaa ka taagnaa oo ay ku mashquulsanaayeen.  Waan ka qanacnay.

Si kastaba ha ahaatee howsheennii waa ay noo qabsoontay.

Borame iyo guud ahaanba Gobolka Awdal, safarkaas wax badan kamaan fahmin.  1990 ayay ahayd markii aan baadiyaha Gobolka ku wareegay oo aan baabuur ku tegey Weeraar oo aan habeen ku hoyday.

Socdaalkeygii Qol-u-jeed, Xaliimaale, Boon, Weeraar, Ruqi, Beysaarre iyo Baki,  waxaa igu wehliyay Alard du Bois-Raymond oo markaa aan ICRC ka wada tirsaneyn oo madax u ahaa xafiiska Borame.  Markii dambe wuxuu noqday madaxa Laanta Socdaalka ee dalka Switzerland.

Socdaalkaas oo ahaa kii iigu horreeyay ee aan baaddiye shaqo u tago, haddii Eebbe idmo qoraal ayaan mar kale uga warrami doonaa.

Mar kale iyo waddadii dheereyd

Borame marka aan ka bogannay waxaa halkaa nooga billowday in aan waddadeennii dib ugu laabanno.  Magaalo kasta oo aan soo marnay oo aan waraaqaha maxaabbiista uga soo tagnay waa in aan dib ugu laabanno si aan u hubinno inta waraaqood ee ay suurta gal noqotay in qoysaskii ay u socdeen la gaarsiiyay, ka dibna aan uga qaadno jawaabaha u socda Maxaabbiista.

Markaas ayaan Hargeysa ku noqonnay annaga oo Gebileey sii marnay.  Habeen kale ayaan Hargeysa joognay.  Maalintii xignay ayaan socdaalkii sii wadannay. Waxaan u hoyannay Shiikh si aan uga baaqsanno kuleylka Berbera.

Shiikh

Madaxa Idaacadda Hargeysa ayaa waraaq iigu qoray Guddoomiyaha Shiikh oo ay saaxiib ahaayeen.  Guri dhismihiisu ka duwan yahay magaalada ayaa nala dejiyay.  Berigaas aqoon uma lahayn laakiin hadda marka aan dib uu fiiriyo waxaan u maleynayaa nooca dhismaha Victorian in uu ahaa.  Waxaan xusuustaa markii aan gudihiisa galnay in Beatrix ay markiiba billowday ma moodeyn guri noocan ahi in uu halkan ku yaallo oo ay fiiro ugu dhaqqaday marba meel gooni ah.

Waa guri aan markaa mid kale ka dambeyn oo ku dhow meel hoobad ah.  Dhir dabiici ah ayaa ka dambeysa.

Runtii waa meel haddii adeeg wanaagsan loo yeelo noqon kartay goob nasasho ama dalxiis loo tago.

Waa guri uu degganaan jiray  sida la ii sheegay ninkii Ingiriis ee degaankaa ugu sarreeyay xilligii gumeysiga.

Maalintii xigtay ayaan socdaalkeenna sii wadannay.  Burco, Caynaba iyo Laas Caanood ayaan midba mar ku hakannay.  Annaga oo ku talo-galkeennu yahay in aan aroorta u baxno Qardho iyo Boosaaso ayaan habeenkaas u hoyannay Garowe.

Garowe

Markii aan Garowe soo galnay, Hotel degnay, oo aan qubeysannay ee casho u soo baxnay ayaan arkay darawalkii baabuurka oo sita shandaddiisii oo aniga i sugaya.

Wuxuu ii sheegay in aanuu Boosaaso noo raaci doonin oo uu isla caawa Muqdisho aadi doono.

Waxaan weydiiyay sababta oo aan u qaatay cabasho aniga ama Beatrix nagu saabsan in uu sheegan doono.  Waxaan is lahaa aad ka xallisid.  Laakiin arrinka uu sheegtay sidaa ma ahayn.

Wuxuu yiri shaqo uu arji u qortay inta aanuu Xamar ka soo bixin ayuu hadda Radio Muqdisho ka maqlay in dadkii araajida soo qortay loo yeeray.  Waxaa loo sheegay in ay imtixaan u yimaadaan Garoonka Kubbadda Cagta ee Banaaddir.

Mowjadaha gaa-gaaban ee Radio Muqdisho waxaa berigaas laga dhegeysan jiray dalka oo dhan, waddammada deriska ah iyo Khaliijka.  Waxaa kale oo aan xusuustaa in dad Roma naga dhegeystay ay waraaq noo soo direen.

Darawalkii aniga oo arkaya ayuu ku dhacay gaari isjiid ah oo Muqdisho u baxaya.

Waa Garowe.  Beatrix iyo aniga ayaa isku soo harnay.  Berri waxaan rabnaa in aan aadno Boosaaso.  Waa waddadii aan darteed u soo kaxaysannay darawalka, isagiina waa naga tegey.

Waxaan isku soo qaadnay in aan darawal ka raadsanno magaalada.  Haddana waa ay nala noqon weyday.  Waxaan goosannay in aan labadeennu isku qaadno waddada dheer ee isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo inteeda badan aan weli markaas laami la saarin.

Berri subax waxaa na sugeysa waddada Qardho.

W/Q. Yuusuf Garaad