27.7 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Puntland oo war cusub oo yaab leh ka soo saartay markabkii hubka ee ay qabsatay

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in markabka lagu magacaabo MV Sea World ee ay dhowaan qabteen uu si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda laba maalmood, isaga oo aan wax codsi caawimaad ah soo gudbin, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuduudaha badda.

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xog hordhac ah ay muujinayso in markabkaasi uusan la socon wax sharciyad ah oo oggolaanaya joogitaankiisa biyaha Puntland, taas oo ka hor imaneysa heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta madax-bannaanida badeed ee dalalka, gaar ahaan Xeerka Qaramada Midoobay ee Badda (UNCLOS 1982), sida ay hadalka u dhigtay.

“Markabkan waxa uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo halis amni abuuri kara,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida lagu xusay, MV Sea World waxa uu ku sugnaa meel kamid ah aagga dagaalka lagula jiro kooxda Daacish (ISIS), taasoo Puntland ku tilmaantay mid khatar dheeraad ah ku keenaysa nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Puntland waxay sheegtay inay haysato awood sharci ah oo ay ku baari karto maraakiibta soo gasha biyaha ay maamusho, iyadoo cuskaysa qodobbada 25(1) iyo 27(1) ee xeerka UNCLOS.

“Dowladdu waxay hadda ku guda jirtaa baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo cidda iska leh markabkan, ujeeddadiisa dhabta ah, iyo waxa uu sido,” ayay tiri wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay in baaritaanka kadib lala xisaabtami doono cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha xadgudubka.

Sidoo kale, bayaanku wuxuu xusay in markabkan uusan raacin nidaamka diblomaasiyadeed ee looga baahanyahay maraakiibta leh halista ciidan ama sharci-darrada ah, kuwaas oo waajib ku ah inay si rasmi ah u wargeliyaan dowladda ay gelayaan biyahaheeda.

Wasaaraddu waxay shacabka Puntland iyo beesha caalamka la wadaagtay in joogitaanka markabkaasi si dhuumasho ah uu khatar weyn ku yahay ammaanka Puntland, gaar ahaan maadaama uu ku sugnaa aag ay dowladda kula dagaallameyso kooxaha argagixisada.

“Waa meel muhiim ah oo ay dhowaan ka dhaceen howlgallo ka dhan ah argagixisada caalamiga ah, sidaa darteed joogitaanka markab shisheeye oo aan fasax haysan waa arrin aad u culus oo u baahan feejignaan dheeraad ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Puntland oo ka gaabsaday in la magacaabo.

Puntland ayaa sheegtay inay si buuxda ugu go’an tahay difaaca madax-bannaanideeda, ilaalinta biyaha xuduudaheeda iyo xaqiijinta ammaanka, iyadoo sheegtay in wixii ka dhasha baaritaanka markabkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

“Puntland waxay la xisaabtami doontaa cid kasta oo ku lug yeelata xadgudubka sharciga badda iyo halista amni ee markabkan wato,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda.

Sabtidii, Ciidanka Booliska Badda ee Puntland (PMPF), oo ah ciidan amniga gobolka ah oo ay inta badan tababareen isla markaana maalgeliyaan Imaaraadka, ayaa xaqiijiyay inay la wareegeen markabka sitay calanka Turkiga ee MV Sea World.

Markabka ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna ku socday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu gayn rabay hubka iyo gaadiidka uu sido.

“Hubka oo dhan waxa uu xambaarsan yahay calaamado Turkish ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Puntland u sheegay warbaahinta deegaanka, mana uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca iyo tirada hubka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo madax-bannaan oo ku dhow kiiskan ayaa Caasimada Online siisay xog horudhac ah, inkastoo aan weli la xaqiijin. Sida ay sheegeen, xamuulka waxaa ka mid ah hub culus oo kala duwan, gaadiidka dagaalka ee gaashaaman, iyo qoryaha casriga ah ee lidka diyaaradaha oo lagu tilmaamay “kuwo aan horey loo keenin Geeska Afrika,” iyo sidoo kale qalab militari iyo rasaas noocyo badan leh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya — oo si weyn ugu tiirsan Turkiga dhinacyada taageerada milatari, horumarinta kaabayaasha, iyo gargaarka bini’aadannimo — ayaan si fagaare ah uga hadlin qabashada markabka.

Xog: Xasan oo mucaaradka uga tanaasulay qodobkii ugu cuslaa, ku bedeshay arrin kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, iyagoo sii wadaya wadahadalkooda. Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu tanaasul sameeyey.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Golaha Samatabixinta ka aqbalay in dib loogu noqdo cutubka 4-aad ee dastuurka oo ah cutubka siyaasadda oo wax walba ku dhan yihii, kaasi oo horey baarlamanka uu wax uga beddelay.

Arrintan ayaa ahayd mid ka mid ah qodobadii ugu xasaasisanaa ee doodda adag ay ka taagneyd, waxaana muuqata in madaxweynuhu markan uga tanaasulay mucaaradka.

Xubno ka tirsan mucaaradka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diyaar u yahay inuu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka, kaas oo uu khilaafku ka taagnaa. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in madaxweynuhu uusan weli go’aan kama dambeys ah gaarin, balse uu qorsheynayo inuu arrintaasi wadatashi kala yeesho hay’adaha ay khusayso.

Natiijada wadatashiyadaas ayaa la filayaa in dib loogu soo bandhigo kulanka soo socda oo lagu wado inuu dhaco 10-ka bisha Agoosto.

Mucaaradka oo ka niyad wanaagsan sidii hore ayaa galabta maqribkii ka dareeray Villa Somalia, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga tanaasulay arrinta dib-u-eegista ama wax-ka-bedelka dastuurka — taasoo uu Xasan Sheekh horey ugu bixiyey xoog, xoolo, xilal iyo waqti badan.

Inkasta oo aan faahfaahin rasmi ah laga soo saarin shirkii u dhexeeyey madaxweynaha iyo mucaaradka, haddana warar hoose ayaa sheegaya in tanaasulka Madaxweynaha ee dastuurka uu yahay mid uu wax uga bedelanayo mucaaradka, gaar ahaan arrinta doorashooyinka.

Qodobada ay mucaaradku kaga soo horjeedaan dowladda federaalka waxaa ka mid ah qaabka loo marayo doorashada iyo guddiga doorashooyinka, oo ay u yaqaannaan “guddi lagu muransan yahay.” Inkasta oo ay aqbaleen in la qabto doorasho qof iyo cod ah, ama ugu yaraan mid u dhow, haddana waxay dalbanayaan dadaal dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo arrintaas.

Sida la sheegay, madaxweynaha ayaa damacsan in mucaaradka looga dhaafo arrinta doorashooyinka, isagoo weli ku adkeysanaya in dowladdiisu qaban karto doorasho qof iyo cod ah — taasoo ay suuragal tahay in uu tanaasulka uu ka sameeyey dib-u-eegistii dastuurka uu uga bedelanayo taageero ama ogolaansho ku saabsan arrimaha doorashada.

Ka laabashada isbeddellada dastuurka ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayaa inuu mucaaradka uga beddesho in ay taageeraan hab-raaca doorashada ee dowladda uu hoggaamiyo.

“Isu-dheellitirka uu madaxweynuhu sameeyay ee ku saabsan dastuurka waxa uu u muuqdaa mid lagu doonayo in mucaaradku ay ka tanaasulaan diidmadooda la xiriira hannaanka doorashada,” ayuu yiri falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho. “Madaxweynuhu waxaa si buuxda ugu go’an in uu hirgeliyo doorasho hal-qof hal-cod ah, waxaana suurtagal ah in tani noqoto qiimaha uu ku bixinayo.”

Soomaaliya kama aysan dhicin doorasho hal-qof hal-cod ah tan iyo sanadkii 1969. Tobannaan sano, dalka waxa uu ku tiirsanaa hannaan dadban oo ku saleysan awood-qaybsiga beelaha, kaas oo odayaasha iyo ergooyinka beelaha ay doortaan xildhibaannada baarlamaanka, kuwaas oo markaas kadib dooranaya madaxweynaha.

Isbeddelka lagu tallaabsanayo ee dhanka cod-bixinta tooska ah waa tiir dhexe oo ka mid ah dadaallada beesha caalamka ee lagu dhisayo dowladnimo madax-bannaan oo ka hanaqaada Soomaaliya, halkaas oo wali ay ka jirto kacdoon hubeysan oo ay wadaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Hase yeeshee waddadaas waxa ay weli wajahaysaa caqabado culus oo dhinacyada farsamada, siyaasadda, iyo ammaanka ah — taas oo sii hurisay shakiga laga qabo suurta-galnimada doorasho qaran oo toos ah.

Dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu qabto doorashooyin toos ah ayaa si is-daba joog ah dib ugu dhacay, taas oo keentay in ay dhacaan marar badan xaalado siyaasadeed oo qalafsan — gaar ahaan rabshadihii dhimashada dhaliyay ee ka dhacay Muqdisho ka hor doorashadii dib loo dhigay ee sanadkii 2022.

Inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo laga soo saaray kulankii ugu dambeeyay ee Villa Somalia, haddana hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa la arkay iyagoo si ka farxad badan sidii hore uga baxaya xarunta madaxtooyada — taasoo loo fasiray inay jirto rajo cusub.

Somali President backs down to resolve political deadlock

Mogadishu (Caasimada Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has made a significant concession to opposition leaders over controversial constitutional amendments, aiming to break a political deadlock and rally support for his ambitious election plans, sources familiar with the talks said on Sunday.

In ongoing discussions at the presidential palace in Mogadishu, President Mohamud has reportedly agreed to revisit recent changes to the country’s provisional constitution — a central sticking point with his political rivals.

The move is widely seen as a strategic trade-off, intended to build consensus on a path toward Somalia’s first direct “one-person, one-vote” election in more than 50 years — a long-cherished national goal fraught with political tension and security risks.

“The president has shown he is ready to retract the fourth chapter of the constitution, which has been the focus of the dispute,” said an opposition figure involved in the talks, speaking on condition of anonymity.

Still, a source close to the presidency urged caution, noting that no final decision has been made yet. The president, the source added, will first hold “consultations with the relevant institutions” ahead of the next round of negotiations, scheduled for August 10.

Constitutional compromise

At the heart of the impasse are amendments to several chapters of the 2012 Provisional Constitution, which were passed by parliament earlier this year in a controversial manner. The opposition — a coalition called the National Salvation Forum, which includes high-profile figures such as former presidents — argues that the changes were rushed through without broad political consensus.

The most hotly contested provision, Chapter 4, deals with the “Representation of the People”, outlining key aspects of Somalia’s political architecture — from elections to the operation of political parties. Critics, including several Federal Member States, say the amendments centralize power in Mogadishu at the expense of regional autonomy.

President Mohamud, currently serving his second non-consecutive term after being re-elected in 2022, had invested substantial political capital in implementing the reforms. His apparent willingness to now revisit them marks a significant shift in government strategy.

In return for backing down on the constitution, President Mohamud is seeking support from the opposition for his government’s electoral framework.

The opposition has long voiced deep mistrust of the process, especially criticizing the appointment of what they call a “disputed” national electoral commission. While they back the idea of universal suffrage in principle, they are demanding more transparency and a genuinely inclusive process to ensure the vote is credible.

“The president’s concession on the constitution is likely intended to get the opposition to drop its objections to the election process,” said a political analyst in Mogadishu. “He is determined to deliver a one-person, one-vote election, and this may be the price.”

Long road to universal suffrage

Somalia has not held a one-person, one-vote election since 1969. For decades, the country has relied on an indirect, clan-based system where elders and community representatives choose members of parliament, who then elect the president.

The transition to universal suffrage is a central pillar of the international community’s state-building efforts in the Horn of Africa nation, which continues to grapple with a prolonged insurgency by the Al-Shabaab jihadist group. But the path remains fraught with logistical, political, and security hurdles — fueling deep skepticism over whether a nationwide vote is realistic.

Previous attempts to hold direct elections have been repeatedly delayed, triggering recurring political crises — most notably the deadly clashes in Mogadishu ahead of the postponed 2022 vote.

Although no formal statement was released following the latest round of talks, opposition leaders were seen leaving the presidential compound, Villa Somalia, with noticeably more upbeat expressions — a sign that the president’s offer may have opened the door, however narrowly, to a fragile breakthrough in the high-stakes negotiations.

NISA oo soo saartay digniin ku socota reer Muqdisho xilli ay daba-gal iyo baaris ku hayso…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa haatan dabagal iyo baaris ku haysa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab.

NISA oo si gaar ah isha ugu haysa aruurinta lacagaha ay kooxdu ugu yeerto Zakawaadka ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, iyadoo uga digay la macaamilka Shabaab ama bixinta lacagaha kooxdu baadda uga rabto.

“Ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Hay’adda ayaa sheegtay in qof kasta oo bixiya baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka uu ku dhacayo dembiyada maalgelinta argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

“Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka NISA.

Ugu dambeyntiina, hay’adda ayaa waxay ka dalbatay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira lacagaha ay kooxdu qaaddo iyo culays kasta oo argagixisada uga yimaada.

Dagaalka maaliyadeed ee haatan socda ayaa qeyb ka ah gulufka tooska ah ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo lasoo warinayo in hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalihii ay kooxdu ka heli jirtay ganacsatada Muqdisho kadib tallaabooyinka ay hay’adda NISA uga hor tageyso arrintaan.

Turkey accused of bias in Somalia’s electoral showdown

Mogadishu (Caasimada Online) – Turkey is facing criticism from Somali opposition leaders who accuse Ankara of abandoning its long-standing neutrality and throwing its weight behind the government in a high-stakes political standoff over the country’s future electoral system, adding a new layer of complexity to already fragile negotiations.

The accusations surfaced after Turkey’s ambassador in Mogadishu convened a closed-door meeting on Saturday, bringing together international diplomats and members of the Somali opposition. The gathering came just one day before a pivotal third round of talks between President Hassan Sheikh Mohamud and opposition leaders, held at Villa Somalia on Sunday.

According to diplomatic and opposition sources, the Turkish envoy’s primary aim was to convince the opposition to drop its objections to the government’s proposed “one person, one vote” (1P1V) electoral model—an initiative that has sharply divided Somalia’s political elite.

An opposition figure who attended the meeting said the Turkish ambassador directly confronted them on their position. “He looked at us and asked, ‘Why do you refuse?'” The source told Caasimada Online—a question that many interpreted as clear support for the government’s stance.

That perceived pressure marks what some see as a significant shift in Turkey’s role in Somalia. While Ankara has been a major partner in security and development for over a decade, it has traditionally steered clear of overt involvement in the country’s turbulent internal politics.

A shift from perceived neutrality?

For years, Turkey has been viewed as a steadfast but impartial ally to Somalia. Its contributions have been substantial: hundreds of millions of dollars invested in infrastructure, including the reconstruction of Mogadishu’s airport and main port, the building of hospitals, and the delivery of extensive humanitarian aid. On the military front, Turkey trains Somalia’s elite Gorgor commandos at a major base in the capital.

But opposition figures now worry that this posture is changing.

“The Turkish side did not seem to understand the country’s complex political situation genuinely,” said another opposition member who was present at the meeting. “They are different from other international partners; Turkey lacks sufficient experience in Somalia’s internal politics and elections.”

The meeting itself was reportedly initiated by Turkey’s ambassador, despite Ankara not being part of the core “C6+” group of international partners—which includes the UN, US, UK, and EU—tasked with overseeing the formal political process.

According to sources, the Turkish envoy began the meeting by urging all sides to de-escalate recent tensions, including those sparked by the seizure of a weapons-laden ship off the coast of Puntland state.

Deepening political ties

This diplomatic rift comes against the backdrop of a deeper dispute over how Somalia should conduct its next elections. President Mohamud’s administration is pushing for a universal suffrage model—the country’s first since 1969.

However, the opposition coalition, known as the Madal Badbaado Qaran (National Salvation Forum), has raised serious concerns. They argue Somalia lacks the security, legal framework, and logistical infrastructure—such as a credible census and voter registration system—needed to conduct a fair and transparent 1P1V election.

Many fear the process could be manipulated, potentially plunging the country into further instability. Previous attempts to implement direct elections have been shelved in favor of indirect models, where clan elders and delegates choose lawmakers.

Signs of a growing political closeness between Ankara and Villa Somalia are becoming more visible. Somalia’s electoral commission recently traveled to Ankara to “exchange experiences” with Turkish election authorities.

In addition, senior officials from President Mohamud’s Justice and Solidarity Party have met with counterparts from Turkish President Recep Tayyip Erdoğan’s ruling Justice and Development Party (AKP). Observers have taken note of the ideological and even nominal similarities between the two parties.

While Turkey’s latest diplomatic move has set off alarm bells among opposition ranks, the wider international community still views the ongoing dialogue between Villa Somalia and its opponents as the best hope for reaching a consensus that could secure the country’s fragile stability.

Somalia blocks Ethiopia’s ‘subversive’ naval drill push

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has firmly rejected a proposal for multinational naval exercises in its waters, which would have included landlocked Ethiopia. Officials in Mogadishu slammed the plan as a “subversive” new attempt by Addis Ababa to secure access to the sea.

The episode is the latest flashpoint in a worsening diplomatic standoff between the Horn of Africa neighbours, sparked earlier this year by Ethiopia’s contentious port deal with the breakaway region of Somaliland.

Somalia’s Defence Minister, Ahmed Moallim Fiqi, made it clear that the government strongly opposes the naval drills, calling them a thinly veiled attempt to advance Ethiopia’s strategic maritime ambitions.

“We refused to conduct naval exercises with landlocked countries, and that will not happen in our country,” Fiqi told local media. “They wanted to subordinate us to countries with whom we have disputes.”

While Fiqi did not name all the participants, he left no doubt that Ethiopia’s involvement was the central reason for Somalia’s refusal. The government viewed the exercise as a backdoor attempt to force cooperation with Addis Ababa on highly sensitive maritime security matters.

Tensions over new AU mission

The fallout over the proposed naval drills comes amid mounting friction tied to a recent African Union meeting in Mogadishu. During that gathering, Ethiopia surprised Somali officials by announcing plans to contribute a naval force to the AU’s new peacekeeping mission in the country.

That mission, known as the African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM), is set to replace the long-running ATMIS operation. But tensions flared at a planning conference hosted by the Eastern Africa Standby Force (EASF), when Ethiopian delegates announced their first deployment under AUSSOM would consist of naval units—complete with ships and patrol boats.

According to officials at the meeting, the Ethiopian side presented what they claimed was a prior agreement signed in Addis Ababa, alleging that Somalia had already approved the inclusion of naval forces in AUSSOM’s force-generation plan.

That claim was swiftly and forcefully denied by the Somali delegation, led by State Minister for Defence Abdifatah Kasim and Deputy Commander of the Somali National Army, General Madey Nurey Sheikh Ufurow. The session reportedly ended in heated disagreement, underscoring the deep mistrust that continues to plague relations between the two nations.

Lingering fallout from port deal

These latest tensions unfold against the backdrop of a major diplomatic crisis dating back to January 2024, when Ethiopia signed a memorandum of understanding (MoU) with Somaliland—a region that declared independence from Somalia in 1991 but remains unrecognized internationally.

Under the MoU, Ethiopia would gain a 50-year lease on a 20-kilometer stretch of Somaliland’s coast for a naval base and port access. In exchange, Addis Ababa reportedly agreed to recognize Somaliland’s sovereignty—a step that would mark a dramatic shift in regional diplomacy.

Somalia, which regards Somaliland as part of its sovereign territory, denounced the agreement as a direct assault on its territorial integrity. The deal has since been stalled by intense international backlash, including condemnation from the Arab League and the Intergovernmental Authority on Development (IGAD).

Yet, analysts believe Ethiopia is now seeking more discreet avenues to achieve its long-held goal of sea access, especially as the Somaliland deal faces growing resistance.

A decades-long quest for the sea

Ethiopia, Africa’s second-most populous country with over 120 million people, has been landlocked since Eritrea’s independence in 1993—a geopolitical loss that stripped it of an entire coastline. Ever since, Ethiopia has relied heavily on Djibouti’s ports for nearly all of its maritime trade.

Prime Minister Abiy Ahmed has made no secret of his view that sea access is vital to Ethiopia’s long-term economic and strategic future. He has repeatedly described it as an “existential” need.

Somalia, for its part, possesses the longest coastline on mainland Africa, stretching along the Gulf of Aden and the Indian Ocean—key global shipping routes. Its government remains resolute that it will not compromise on sovereignty or territorial rights.

Now, Somali officials see Ethiopia’s bid to join naval exercises and deploy maritime units under AU frameworks as a calculated pivot—a strategy to achieve through security cooperation what it could not accomplish through direct agreements or confrontation.

Mogadishu picks Janan in escalating Gedo political battle

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s federal government has appointed a controversial former regional minister, previously accused of serious human rights abuses, as the intelligence chief for Jubaland state — a move that signals a sharp escalation in the long-simmering political standoff over the strategic Gedo region.

Abdirashid Hassan Abdinur, better known as Adirashid Janan, a former regional minister previously accused of grave human rights abuses, was named commander for the National Intelligence and Security Agency (NISA) in Jubaland by the agency’s director, Mahad Salad. Sources inside the agency, speaking to Caasimada Online, confirmed that the appointment also places Janan in charge of overall security operations in the volatile Gedo region.

The move is being widely viewed as a direct challenge to Jubaland’s President, Ahmed Madobe. It is also seen as a calculated step by the central government in Mogadishu to reassert its control over Gedo—a longstanding flashpoint that has repeatedly ignited tensions between the two sides.

This high-stakes appointment comes amid reports that the federal government is deploying more troops into Gedo, bolstering an already sizable military presence to counter recent movements by Jubaland’s Darawish forces operating in the area.

The naming of Abdirashid Janan has struck a particularly sensitive chord, given his recent and turbulent history. During his time as Jubaland’s security minister, Janan was arrested in 2019 and faced serious allegations of human rights violations, including torture and extrajudicial killings—allegations that were documented by international rights watchdogs such as Amnesty International.

Then, in a dramatic twist in January 2020, Janan escaped from a government-run prison in Mogadishu and fled to neighboring Kenya, triggering a diplomatic standoff. He later returned to the spotlight as a battlefield commander for Somali forces aligned with the federal government, fighting against troops loyal to Jubaland in the Gedo region.

His new role now under Mogadishu’s intelligence command marks a dramatic realignment—and a bold political move by the federal leadership. However, it has raised concerns that Mogadishu is placing its strategic interests in the region above past commitments to justice and accountability.

The Gedo flashpoint

Bordering both Kenya and Ethiopia, the Gedo region has for years served as a proxy battlefield between the federal government—based at Villa Somalia in Mogadishu—and the Jubaland administration, headquartered in the southern port city of Kismayo.

The stakes are high. Gedo plays a significant role in shaping Somalia’s national politics due to its ability to elect a substantial number of federal parliamentarians. As a result, control over the region has become a central objective for both Mogadishu and Kismayo. A Somali-language source noted that “tensions in Gedo severely intensify during election periods as the parties compete specifically for the region’s parliamentary seats.”

According to recent reports, Janan has been holding talks with top federal officials in Mogadishu regarding “the complex situation in Jubaland.”

These discussions are said to have focused on the federal government’s plans for the region, including the potential rollout of one-person-one-vote elections—a major shift from Somalia’s clan-based power-sharing model that could significantly diminish the influence of regional leaders, such as Madobe.

This appointment marks the latest twist in a power struggle that has defined Somalia’s politics for over a decade. Successive federal governments have tried to centralize power and bring federal member states under tighter control. However, regional leaders such as Ahmed Madobe have fiercely pushed back, determined to preserve their autonomy.

By tapping Janan—a figure with deep local roots and a strong personal network in Gedo—the federal government appears to be leveraging a local powerbroker to weaken Madobe’s hold from within.

Yet this risky strategy carries significant potential fallout. Analysts warn that it could further destabilize a region already grappling with insecurity and the persistent threat of Al-Shabaab militants. The International Crisis Group has previously cautioned that such political infighting can detract from, and even derail, the broader fight against extremist violence.

With fresh troop deployments, heightened military activity, and a divisive figure now at the helm of federal security operations in Gedo, the region appears once again on the brink—positioned at the heart of a deepening political showdown in the Horn of Africa.

Imaaraadka oo lala xiriiriyey tallaabadii ay Puntland ku qabsatay markabka hubka

Ankara (Caasimada Online) — Qabashada markab Turkish ah oo siday qalab militari oo ku sii jeeday dowladda Soomaaliya, taasoo ay fuliyeen ciidamada maamulka Puntland ee taageerada ka hela Imaaraadka Carabta, ayaa hurisay eedaymo laba-wajiilenimo ah oo loo jeedinayo Abu Dhabi, waxayna mugdi gelisay shir madaxeed diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo dhawaan ka dhacay Ankara.

Maalmo uun ka hor dhacdadan, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Mohamed bin Zayed Al Nahyan (MBZ), ayaa si wadajir ah uga soo muuqday Ankara si ay u saxiixaan todobo heshiis oo iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyada difaaca, teknoolajiyadda, iyo qaybaha kale ah.

Waqtiga la qabtay markabka — oo yimid wax yar ka dib soo bandhigidda midnimada diblomaasiyadeed — ayaa dhaleecayn kulul ka dhex abuuray Turkiga, wuxuuna kiciyay walaac ku saabsan ujeeddooyinka Abu Dhabi ee Geeska Afrika.

Sabtidii, Ciidanka Booliska Badda ee Puntland (PMPF), oo ah ciidan amniga gobolka ah oo ay inta badan tababareen islamarkaana maalgeliyaan Imaaraadka, ayaa xaqiijiyay inay la wareegeen markabka sitay calanka Turkiga ee MV Sea World.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa markii hore ku andacooday in markabku uu magan ka raadsanayay bad kacsan oo u dhowayd Bareeda. Si kastaba ha ahaatee, waxay markii dambe qireen in loo qabtay inuu siday hub iyo gawaari gaashaaman oo loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diiriye, ayaa sheegay in markabku “uu magangalyo u raadsaday bad kacsan” oo ka ag dhawaa xeebta degmada Bareeda. “Baaritaan ayaa socda. Wixii war ah ee soo kordha warbaahinta ayaan la wadaagi doonnaa,” ayuu raaciyay.

Dowladda federaalka Soomaaliya — oo si weyn ugu tiirsan Turkiga dhinacyada taageerada milatari, horumarinta kaabayaasha, iyo gargaarka bini’aadannimo — ayaan si fagaare ah uga hadlin qabashada markabka. Si kastaba ha ahaatee, fallanqeeyayaasha Ankara waxay ku doodayaan in dhacdadu tahay isku day ula kac ah oo lagu wiiqayo joogitaanka iyo saamaynta sii kordhaysa ee Turkiga ee Soomaaliya.

Eedaymo ku saabsan qas-wade wakiilnimo ah

“Saciid Cabdullaahi Deni kaligiis ma shaqeynayo; wuxuu wakiil u yahay Imaaraadka Carabta, oo ah dalka maalgeliya, tababara, kuna hagga Ciidanka Booliska Badda Puntland,” ayuu yiri fallanqeeye Turkish ah, Umut Çağrı Sarı. “Tani ma ahan kacdoon maxalli ah oo keliya; waa qayb ka mid ah hab-dhaqanka Imaaraadka ee ku aaddan wiiqista madax-bannaanida Soomaaliya iyo khalkhal gelinta gobolka.”

Sarı wuxuu ku baaqay in baaritaan ay sameyso Qaramada Midoobay, wuxuuna ku dooday in Deni, madaxweynaha Puntland, “ay waajib tahay in la xakameeyo,” isagoo ku boorriyay beesha caalamka inay ka hortagto waxa uu ku tilmaamay “doorka Abu Dhabi ee hurinta burcad-badeednimada, iska horimaadyada, iyo diidmada heer federaal.”

Fallanqeeye kale, Ebuzer Demirci, ayaa sii fogaaday, isagoo PMPF ku tilmaamay “maleeshiyo burcad-badeed casri ah oo uu hoggaamiyo hoggaamiye-kooxeedka Deni.” Wuxuu ku andacooday in ciidanku “uusan ku dhiirradeen qabashada markabka iyadoo uusan MBZ horay ula socon ama uusan oggolaan.”

Imaaraadka Carabta kama uusan jawaabin eedaymaha loo jeediyay.

Warar is khilaafsan ayaa tan iyo markaas ka soo baxayay Puntland. Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in markabka MV Sea World ay la soo deristay cilad farsamo isla markaana loo galbiyay dekedda Boosaaso. Waxa kale oo jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dad deegaanka ah oo hubaysan ay boobeen hub fudud oo ka mid ahaa shixnadda — eedaymahan oo aysan mas’uuliyiinta Puntland ka hadlin.

Shixnadda ayaa la sheegay inay ku jireen hub casri ah iyo gawaari gaashaaman oo loogu talagalay ololaha socda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu kula jiro ururka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab. Turkigu wuxuu taageere muhiim ah u ahaa ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalkan, isagoo siiya tababar milatari, kaabeyaal, iyo gargaar.

Loolanka Turkiga iyo Imaaraadka ee Soomaaliya

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Ankara waxay maalgashi ballaaran ku samaysay Soomaaliya, iyadoo ka dhistay isbitaallo, waddooyin, dekedo, iyo xarumo milatari. Mid ka mid ah mashaariicdeeda ugu hamiga weyn waa ballanqaad malaayiin doollar ah oo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska ee xeebaha ka baxsan — mashruuc maalin uun Soomaaliya u rogi kara xarun cusub oo tamar ah, oo loollan la geli karta waddamada shidaalka soo saara ee Khaliijka, oo uu ku jiro Imaaraadka.

Fallanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in iskaashigan sii xoogaysanaya ee Turkiga iyo Soomaaliya uu noqday mid xiisad ka dhex abuuray Abu Dhabi, taasoo loo arko inay saameynteeda Puntland — oo ah maamul-goboleed ismaamul hoosaad leh oo inta badan khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka — u adeegsanayso inay wiiqdo isbahaysiga iyo himilooyinka Muqdisho.

Ciidanka PMPF waxaa asal ahaan la aasaasay sannadkii 2010-kii iyadoo taageero caalami ah lagu bixinayo si loola dagaallamo budhcad-badeednimada ka jirta xeebaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, sida uu ula saftay maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Deni ayaa dhaleecayn kala kulmay inuu sii hurinayo loollanka awoodeed ee gobolka iyo inuu sii fogeynayo kala qaybsanaanta u dhaxaysa Puntland iyo dowladda dhexe.

Puntland, oo ku dhawaaqday ismaamulkeeda 1998-kii, ayaa muddo dheer xiriir cakiran la lahayd Muqdisho, kaasoo ay hareeyeen khilaafyo ku saabsan awoodda amniga, qaybsiga kheyraadka, iyo awoodda dastuuriga ah. Qabashada markabka MV Sea World ayaa noqotay dhacdadii ugu dambeysay ee xiisaddan muddada dheer soo jiitamaysay.

Dhinaca Ankara, waxay u badantahay inaan dhacdadan laga aamusin doonin. Saraakiisha Turkiga ayaa si hoose u muujiyay carro ku aaddan waxa ay u arkaan khiyaano uga timid Imaaraadka. Diblomaasiyiintu waxay soo jeedinayaan in Turkigu laga yaabo inuu raadiyo la xisaabtan caalami ah, oo ay ku jirto baaritaan ay Qaramada Midoobay hoggaamiso oo ku saabsan doorka Imaaraadka ee qabashada markabka.

“Imaaraadku ma wada ciyaari karo labada dhinac,” ayuu yiri sarkaal Turki ah. “Suurtagal maaha inaad Ankara heshiis nagula gasho, haddana aad Soomaaliya naga wiiqdo.”

Haddii la xaqiijiyo, ku lug lahaanshaha Abu Dhabi waxay calaamad u noqon doontaa sii xumaan weyn oo ku timaadda loolanka awoodeed ee gobolka ka socda Geeska Afrika — mid halis gelinaya inuu sii xoojiyo kala qaybsanaanta gudaha Soomaaliya isla markaana carqaladeeyo dadaallada dib-u-heshiisiinta qaran.

 

Janan oo loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Jubbaland.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad ayaa xilkaan u magacaabay Cabdirashiid Janan, sidoo kalena waa Madaxa Guud ee Hay’addaha Amniga gobolka Gedo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan hay’adda.

Qorshaha magacaabista Cabdirashiid Janan ayaa billow ah dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay damacsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka billowdo gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan ayaa dhawaan la kulmay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda murugsan ee Jubaland, maadaama mar kale ay fooda is darayaan Villa Somalia iyo Axmed Madoobe.

Janan iyo madaxda dowladda ayaa kulamadaasi ku lafa-guray qorshaha dowladda dhexe ka damacsan tahay gobolka Gedo oo ay ugu horreyso hirgelinta doorashooyinka tooska ah. Dowladda Federaalka ayaa haatan Cabdirashiid Janan u adeegsanaysa dagaalka Gedo, maadaama uu yahay nin saameyn leh oo kasoo jeeda gobolkaas.

Si kastaba, magacaabista Janan ayaa imaanaysa, xilli mar kale dowladda dhexe ay bilowday inay ciidamo u daabusho qeybo kamid ah gobolka Gedo, si ay usii xoojiso kuwii horay u joogay gobollaasi, loogana hortago dhaq-dhaqaaq ay dhankooda halkaas ka bilaabeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland.

Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Shirka madaxweyne Xasan iyo mucaaradka oo mar kale ka furmay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maanta Xarunta Villa Soomaaliya dib uga furmay wada-hadaladii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta ee Mucaaradka, waxayna wada-hadalladu galeen wajigii saddexaad oo xiriir ah.

Wararka ayaa sheegaya in haatan kulan foolka fool ah uu u socdo labada dhinac, waxaana goobjoog ah inta badan xubnaha mucaaradka ee hoggaaminayo Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isugu dhisay Madasha ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaradka.

Labada dhinac ayaa markan toos u guda galay doodda u dhexeysa ee ku aadan is-mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ah, kaasi oo labada dhinac ay la tashiyo kasoo sameeyeen kadib markii la isku dhaafi waayay shirkii hore.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka dowladda, haddana ma cadda in isfaham ay labada dhinac ku gaari kadaan shirka, oo si dhow isha loogu hayo.

Shirkan waxaa ka horreeyay laba shir oo hore oo ay dhinacyadu kaga doodeen arrimaha hortabinta u leh dalka, balse laguma gaarin wax natiijo ah, iyada oo lagu ballamay inay sii socdaan wada-hadallada oo mar kale maanta oo Axad ah dib loo sii amba qaaday.

Maxaa laga fili karaa shirkaan?

Shirka furmay maanta oo ay ku beegan tahay 20-ka bisha July, labo arrimood midkood ayaa laga filan karaa:

1- Inuu noqdo shir ay ka soo baxaan natiijo shacabka Soomaaliyeed u riyaaqaan, sida in laga heshiiyo waxa dhabta ah ee la isku diidanyahay oo ah nuuca doorashooyinka 2026, guddiga doorashooyinka, dastuurka dalka iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay.

Heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay waxaa loola jeedaa in wada-xaajoodka la ballaariyo oo la gaarsiiyo madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in la dhagaysto aragtiyadda iyo tallooyinka dhinacyada kale ee siyaasadda sida madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2. Haddii haddaba, Madaxtooyadu ku adkaysato rabitaankeeda siyaasadeed, isla markaana mucaaradka ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed aysan kala qaybsamin, waxaa markaa keddib, la filan karaa, hubanti la’aan siyaasadeed oo baahnsan.

Soomaaliya oo ka badbaaday shirqool ay Itoobiya ku gaari laheyd damaceeda badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka badbaaday qorshe u muuqday shirqool Itoobiya loogu daneynayo, si ay u soo gaarto badda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn. Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.

“Waxaan diidnay in dhoollatus badeed aan la samayno dalal aan bad lahayn, dalkayagana kama dhacayso taas,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxay doonayeen in naloo hoos geliyo dalal muranno naga dhee­xaayaan.”

Itoobiya oo kamid ah dalalka badda laheyn ayaa saaxiibada gobolka ku riixayso in ay qeyb ka noqoto dhoolatus la qorsheynayo inuu ka dhaco biyaha Soomaaliya. Dalabka Itoobiya ee tababarka la qorsheeyay ayaa si weyn uga yaabiyay dowladda Soomaaliya, oo ayadu diiday.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay dhawaan Itoobiyaanku si ganbasho la’aan ah ay Muqdisho uga dhawaaqeen in howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ay kusoo darayaan ciidamadooda badda.

Dowladda Itoobiya ayaa shirka dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo maalmihii lasoo dhaafay ka qabsoomay Muqdisho ka sheegtay in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howl-galka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.

Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaab leh ku soo bandhigay shirkaasi, iyaga oo lasoo baxay heshiis ay sheegeen in dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, kaas oo dhigaya in xilligaas ay Soomaaliya ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.

Dhankooda, saraakiisha Soomaaliya oo uu markaas hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa si adag uga horyimid qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda, wuxuuna shirku maalintaas kusoo dhamaaday buuq iyo sawaxan.

Si kastaba, Itoobiya ayaa weli ku howlan sidii ay kusoo gaari laheyd badda, xilli uu fashilmay heshiiskii xad-gudubka ahaa ee ay la gashay Somaliland, waxayna haatan sida muuqata yoolka ay qorshaheeda ku gaari karto u bedeshay mid xeeladeysan oo loo hoosaasinayo Soomaalida.

Qorshihii Israel oo u muuqda inuu ka hirgalay Gaza iyo xaalad quus ah oo taagan

Gaza (Caasimada Online) – Marinka Gaza ayaa usii muuqanaya “meel aan lagu noolaan karin” iyadoo sawiro laga soo qaaday magaalada Beyt Xanuun ee waqooyiga marinka Gaza ay muujinayaan xaalad quus ah.

Sawirradan ayaa muujinaya xaaladda argagaxa leh ee ka jirta iyo sida marinka loogu rogayo dhul bannaan, marka la is barbar-dhigo muuqaalkeeda hore iyo sida ay hadda noqotay.

Israa’iil oo adeegsaneysa kooxo calooshood u shaqeystayaal ah ayaa burbur aan horey loo arag ka fuliyay marinka Gaza, iyadoo shirkaddo gaar ah lagu siiyay heshiisyo inay burburiyaan dhismayaasha shacabka reer Falastiin.

Sida ay muujinayaan xogaha la helayo, halkii dhisme waxay Israa’iil ku bixisaa lacag gaareysa kun dollar in dhulka la dhigo, taas oo keentay in si xawli ah u socdo qorshaha lagu burburinayo marinka Gaza.

Nidaamkan ayaa isu rogay hab ganacsi oo dadka fulinaya ay ka helayaan faa’iido dhaqaale, halka dadkii lahaa guryaha ay wajahayaan xaalad xuus ah, xilli ay Israa’iil go’doon ku hayso marinkaasi.

Ujeedka qorshahan ay ka leedahay Israa’iil?

Ujeeddada ugu weyn ee qorshahan waa in dadka reer Gaza laga tirtiro hantidooda iyo guryahooda, si ay u waayaan meel ay ku hoydaan.

Tani waxay cadaadis ku keeni kartaa dadka shacabka ah si ay u qaxaan una faarujiyaan dhulkooda, iyadoo loo marayo burburin joogto ah.

Qorshahan ayaa iftiiminaya in Israa’iil aysan kaliya dagaal milatari ka wadin Gaza, balse sidoo kale ay ka shaqeynayso burburinta magaalada, taasoo ujeeddadeedu tahay in meesha laga saaro nolol kasta oo ka jirta Gaza.

Qorshahani wuxuu qayb ka yahay xeelad fog oo shacabka lagu cadaadinayo si ay uga tagaan dhulkooda.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu fashilmay qorshe uu Mareykanku gadaal ka riixayay, kaasoo lagu doonayay in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, kadib markii ay ka caga jiideen dalal dhowr ah oo loo soo bandhigay inay qaabilaan dadka si qasaba looga rarayo dhulkooda.

Hoos ka arag sawirada hadda iyo markii hore:

Puntland oo shaacisay in la bililiqeystay hub saarnaa markabkii ay ka qabsatay DF

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha gobolka Raas-casayr ee Puntland ayaa waxaa looga hadlay qabashada markabkii hubka u siday Dawladda Soomaaliya ee Jimcihii lasoo dhaafay lagu qabtay xeebaha gobolka Bari, iyada oo inta badan hubkii fududaa ay la dageen dad shacab ah oo weeraray aagga lagu hayay hubka.

Cabdiraxmaan Maxamuud Cali oo ah xeer-ilaaliyaha gobolka ayaa amar deg-deg ah ku bixiyay in la soo celiyo hubkii fududaa ee lagala degey Markabka Sea World, kaas oo lagu qabtay aagga degmada Bareeda ee gobolka Raasi-casayr ee maamulka Puntland.

Cabdiraxmaan Maxamuud Cali ayaa si gaar ah taliska qaybta booliska gobolka Raas-casayr ugu amray inuu faah-faahin rasmi ah ka soo gudbiyaan cidda fuushay markabka, soona caddeeyo qaabka uu shacabka ugu gacan galay hubka illaa iyo hadda maqan.

“Waxaa la farayaa taliyaha qaybta booliska ee gobolka Raas-casayr in aad xafiiska lasoo wadaagto warbixinta markabka Sea World iyo hubka gacanta shacabka galay iyo cidda ka mas’uulka ka ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska xeerilaaliyaha ee Raas-casayr.

Sida aan shalay baahinay hubka fudud ee markabka saarnaa, gaar ahaan qoryaha fudud iyo bistoolado waxaa la dagay maleeshiyaad hubeysan oo ay suuragashay inay gaaraan markabka, iyaga oo la wareegay inta badan hubkii fududaa ee saarnaa markabka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in arrintaan ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin deegaanka ah, kuwaas oo wax kala dagay hubka fudud ee u gacan galay shacabka.

Markabka oo sida hub culus iyo gaadiid gaashaaman ayaa ugu dambeyn shalay ku xirtay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, siday muujinayaan sawirro la helay oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa xaqiijiyey qabashada markabka, iyagoo xusay inuu hadda gacanta ugu jiro Ciidanka Badda Puntland (Puntland Maritime Police Force – PMPF) isla markaana lagu wado baaritaan rasmi ah. “Hubka oo dhan waxa uu xambaarsan yahay calaamado Turkish ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Puntland uu sheegay warbaahinta deegaanka, mana uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca iyo tirada hubka.

Dhacdadan ayaa si degdeg ah u noqotay qodob kale oo sii hurin kara xiisadda maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, oo illaa hadda aan ka hadlin arrintan. Labada dhinac ayaa xiriirkoodu ahaa mid cakiran oo inta badan ay colaado hareeyeen muddo dheer.

Si kastaba, Milkiyadda markabka oo la sheegay inay Turkey leedahay iyo halka uu ku socday ee Muqdisho, ayaa dhalisay su’aalo culus, gaar ahaan marka la eego iskaashiga xoogan ee dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Turkey iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Tan iyo horraantii 2010-kii, Turkey waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay dib u dhiska ciidamada amniga Soomaaliya iyo bixinta qalabka militari.

 

Somaliland oo dalab u dirtay caalamka kadib markabkii hubka ee ay qabsatay Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa soo saaray war culus oo la xiriira markabkii hubka siday ee Jimcihii u gacan galay Puntland, waxayna dalab u dirtay beesha caalamka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in go’aankii ay Qaramada Midoobay xayiraadda hubka kaga qaaday Soomaaliya uu ahaa mid khaldan, isla markaana maanta ay taagan tahay saameyntiisa.

Cabdiraxmaan Daahir ayaa xusay in sidoo kale in go’aanka qaadista xayiraadda hubka uu sababay xasilooni darro wayn, uuna sii xoojiyay khatarta kooxaha xagjirka ah, sida uu hadalma u dhigay.

“Go’aanka Qaramada Midoobay kaga qaaday xayiraadda hubka waddanka fashilmay ee Soomaaliya wuxuu horseeday cawaaqib baaxad leh oo sababay xasillooni darro. Halkii uu gacan ka geysan lahaa nabadda iyo xasilloonida, wuxuu xoojiyay kooxaha xagjirka ah wuxuuna sii huriyay amni darrada ka jirta gobolka,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibada Somaliland.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray waddamada beesha caalamka, isaga oo ugu baaqay inay dib u eegaan go’aanka qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, si looga fakiro amniga gobolka Geeska Afrika, loogana hortago wax kasta oo halis ku ah.

“Beesha caalamku waa inay si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan tallaabadan, iyagoo tixgelinaya khataraha sii kordhaya ee ku wajahan Geeska Afrika,” ayuu sii raaciyay.

Somaliland ayaa u muuqato in durbo siyaasad ahaan iyo diblumaasiyad ahaan uga faa’iideysaneyso dhacdadan oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday xeebaha bari ee maamul-goboleedka Puntland, kadib markii markab wayn oo siday hub uu u gacan galay Puntland, kaas oo kusoo socday dhanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Markakabka oo lagu magacaabo Sea Word, lagana leeyahay Turkiga oo siday shixnad aad u badan oo hub ah iyo dabaabado dagaal, waxaana haatan la geeyay dekedda Boosaaso.

Si kastaba, Milkiyadda markabka oo la sheegay inay Turkey leedahay iyo halka uu ku socday ee Muqdisho, ayaa dhalisay su’aalo culus, gaar ahaan marka la eego iskaashiga xoogan ee dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Turkey iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Tan iyo horraantii 2010-kii, Turkey waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay dib u dhiska ciidamada amniga Soomaaliya iyo bixinta qalabka militari.

Trump oo si lama filaan ah u kashifay jab Hindiya ka soo gaaray dagaalkii Pakistan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay Jimcihii in ilaa shan diyaaradood la soo riday intii ay socdeen iska-hor-imaadyadii dhowaan dhexmaray Hindiya iyo Pakistan, kuwaas oo bilowday ka dib weerar bishii Abriil ay koox Islaamiyiin xagjir ah ka geysteen gobolka Kashmiir, qeybta ay Hindiya maamusho, iyadoo xaaladdu ay degtay ka dib xabbad-joojin la gaaray bishii May.

Trump, oo hadalkan ka sheegay casho sharaf uu Aqalka Cad kula yeeshay qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Jamhuuriga ee Maraykanka, ma uusan sheegin dhinaca ay ka tirsanaayeen diyaaradaha uu tilmaamayay.

“Xaqiiqdii, diyaarado ayaa hawada laga soo ridayay. Shan, shan, afar ama shan, laakiin waxaan u malaynayaa in shan diyaaradood dhab ahaan la soo riday,” ayuu yiri Trump isagoo ka hadlayay iska-hor-imaadyada Hindiya iyo Pakistan, isagoon bixin faahfaahin dheeraad ah.

Pakistan ayaa sheegatay inay soo ridday shan diyaaradood oo ay leedahay Hindiya dagaal hawada ah oo toos ah. Jeneraalka ugu sarreeya ciidanka Hindiya ayaa sheegay dabayaaqadii bishii May in Hindiya ay beddeshay xeeladeeda dagaal ka dib markii khasaare uu kasoo gaaray hawada maalintii ugu horreysay ee iska-hor-imaadyada, ayna gacanta sare yeelatay ka hor inta aan lagu dhawaaqin xabbad-joojin saddex maalmood ka dib.

Trump ayaa si isdaba joog ah u sheegtay inuu isagu ka dambeeyay xabbad-joojintii dhexmartay Hindiya iyo Pakistan, taasoo uu kaga dhawaaqay baraha bulshada 10-kii May ka dib markii Washington ay wada-hadallo la yeelatay labada dhinac. Hase yeeshee, Hindiya ayaa diidday sheegashada Trump ee ah in xabbad-joojinta ay timid ka dib faragelintiisa iyo hanjabaadihiisii ahaa inuu joojinayo wada-hadallada ganacsiga.

Mowqifka Hindiya wuxuu ahaa in New Delhi iyo Islamabad ay tahay inay si toos ah u xallistaan dhibaatooyinkooda iyadoo aysan jirin cid dibadda ah oo soo faragelisa.

Hindiya waa saaxiib muhiimad sii kordheysa u leh dadaalka Washington ay kaga hortagayso saamaynta Shiinaha ee Aasiya, halka Pakistan-na ay tahay dal xulafo la ah Maraykanka.

Weerarkii bishii Abriil ka dhacay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho ayaa lagu dilay 26 nin, wuxuuna huriyay dagaal culus oo dhexmaray labadan dal ee deriska ah ee Aasiya, kuwaasoo ku hubaysan hubka nukliyeerka, kaasoo noqday kii ugu dambeeyay ee xiisadaha ka dhasha loolan tobannaan sano soo jiray.

New Delhi waxay weerarkaas ku eedaysay Pakistan, taasoo iska fogeysay mas’uuliyadda, iyadoo ku baaqday in baaritaan dhex-dhexaad ah lagu sameeyo.

Washington way cambaaraysay weerarka balse si toos ah uma aysan eedayn Islamabad.

7-dii bishii May, diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ayaa duqeeyay goobo ku yaalla dhinaca kale ee xadka, kuwaasoo ay New Delhi ku tilmaantay “kaabayaal argagixiso,” taasoo horseedday is-weydaarsi weerarro ah oo labada dal ay isku adeegsadeen diyaaradaha dagaalka, gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo madaafiicda, kuwaasoo ay ku dhinteen tobannaan qof ilaa laga gaaray xabbad-joojinta.

Xogta maxaabiis ka baxsaday saldhigga degmada Hodan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa maxaabiis tiro badan oo xalay ka baxsaday saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ku eedeysnaa dambiyo kala duwan oo culus.

Illaa 27 maxbuus ayaa lasoo wariyay inay hal mar ka wada baxeen xabsiga, iyaga oo jabiyay darbiga gadaale ee dhismaha saldhigga, kadibna sidaas ku baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in maxaabiista baxsatay oo u badan dhalinyaro ay ku eedeysnaayeen dambiyo ay kamid yihiin kufsi, dhac dadweyne iyo isku dey dil, waxaana qorshuhu ahaa inoo loo gudbiyo maxkamadaha ku shaqada leh, si loo horgeeyo sharciga.

Saaakiil ka tirsan booliska Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa innoo xaqiijiyay baxsashada maxaabiistan, waxaana haatan socda baaritaanno ay wadaan laamaha amniga.

Arrintan ayaa dhalisay in su’aallo la’iska waydiiyo sida ay ku suurageli karto in tiro intaas la’eg oo maxaabiis ah ay hal mar fakadan, taas oo keentay tuhunno aad u xooggan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Hodan iyo saraakiisha amniga oo ku aadan falkan, waxaana isha lagu wada haya baaritaanka haatan socda iyo natiijada kasoo baxda.

Horay ayaa sidaan oo kale maxaabiis waxa ay uga baxsadeen xabsiyo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xabsiga dhexe ee Xamar, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku xirnaa xabsigaas ay weerar soo abaabuuleen, kadibna ay la dagaalameen ilaalada, taas oo keentay in qaarkood la dilo, kuwa kalena ay baxsadaan.

Daawo: Howlgal ay ka qayb qaateen Ahlu Sunna oo jab lagu gaarsiiyay Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Macalin ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka, wuxuuna sheegay inay ka qayb qaateen ciidanka Ahlu Sunna Waljaamaca.

Afhayeenka oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ahlu Sunna, kuwa deegaanka iyo ciidanka Xoogga dalka ay iska kaashandeen howlgal culus oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Camaara iyo Qodqod, laguna naafeeyay kooxda Al-Shabaab.

Sheekh Abuukar ayaa sheegay in howlgalkaas uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu dilay illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Howgal barakeysan ayaa waxa uu ka dhacay deegaan u dhexeeyo Camaara iyo Qodqod, kaas oo lagu magacaabo Xingaduud, waxaana lagu dilay Khawaarij gaareyso illaa 11 dhagarqabe, howlgalkaas waxaa fuliyay ciidamada deegaanka ee xaq-udirirka ah, ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Baxdo, wuxuuna howlgalkaas u dhacay sidii loogu talagalay” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay howlgal kale oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo uu tilmaamay in lagu dilay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka iyo dilalka.

“Sidaas oo kale ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab howlgal ay fuliyeen waxay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu khaarijiyay horjooge sare oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdiraxmaan Sanbuur oo ku magaca dheeraa Ibraahim Takey” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxa uu kooxda ku biiray 2010-kii, wuxuuna u qaabilsanaa afduubka iyo in la laayo dadka muslimiinta ah”.

Ugu dambeyn wuxuu afhayeenku hoosta ka xariiqay in howlgalladu ay sii socon doonan, illaa inta Al-Shabaab laga xoreynaayo deegaannada ay hadda ka joogaan gobollada dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay xaqiijineysaa in howlgalkan uu sii soconaayo inta ay kooxaha Khawaarijta ka joogaan taako in lamid ah dhulkeenna hooyo” ayuu mar kale yiri.

Jaamacadda Carabta oo dhowaan wafdi culus usoo direysa Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda Jaamacadda Carabta ayaa maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalada Muqdisho, kuwaas oo mashaariic muhiim ah ka fulin doono gudaha dalka, sida uu shalay shaaciyay Danjiraha Jaamacadda Carabta u jooga Muqdisho, Cabdalla Cuteybi oo kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaare Xamza.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa la wadaagay danjiraha, guulaha ay ku tallaabsatay dowladda ee dhinacyada horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamacadda Carabta wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Intaasi kadib Danjire Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay in dhowaan ay Soomaaliya imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dalka ka hirgelin doona mashaariic, isaga oo xusay doorka wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo is daba joog ah oo uu maalmahan Ra’iisul wasaaruhu la qaadanayay wakiilada beesha caalamka, isaga oo inta badan kala hadlay arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo kordhinta taageerada ay siiyaan dawladda federaalka ah.

Xamza ayaa kulankii u dambeyay la yeeshay danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa danjiraha UK la wadaagay guulaha la xaqiijiyey ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socodaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Waxaa kale oo uu dhowaan Ra’iisul wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay anjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi oo ay ka wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana muran xooggan uu ka dhashay hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka 2026, kadib markii xubno mucaaradka iyo laba Maamul-goboleed ay ka biyo diideen qorshaha Villa Somalia

Alleged UAE role in Puntland’s seizure of Turkish arms ship

Ankara (Caasimada Online) — The seizure of a Turkish ship carrying military equipment to Somalia by forces from the UAE-backed Puntland region has ignited accusations of duplicity against Abu Dhabi, casting a shadow over a recent high-profile diplomatic summit in Ankara.

Just days before the incident, Turkish President Recep Tayyip Erdogan and UAE President Mohamed bin Zayed Al Nahyan (MBZ) posed together in Ankara to sign seven strategic cooperation agreements covering defense, technology, and other sectors. The timing of the ship seizure — coming so soon after this display of diplomatic unity — has fueled sharp criticism in Turkey and raised concerns over Abu Dhabi’s intentions in the Horn of Africa.

On Saturday, the Puntland Maritime Police Force (PMPF), a regional security force largely trained and funded by the UAE, confirmed it had taken control of the Turkish-flagged vessel, MV Sea World.

Puntland officials initially claimed the ship had sought shelter from rough seas near Bareeda. However, they later acknowledged it had been seized for transporting weapons and armored vehicles intended for the Somali National Army (SNA) in Mogadishu.

Puntland’s Minister of Information, Mohamud Aydid Dirir, said the vessel “sought refuge from heavy seas” off the coast of the Bareeda district. “An investigation is underway. We will share any developments with the media,” he added.

The Somali federal government — which relies heavily on Türkiye for military support, infrastructure development, and humanitarian assistance — has not publicly commented on the seizure. However, analysts in Ankara argue that the incident is a deliberate attempt to undermine Turkey’s growing presence and influence in Somalia.

Accusations of proxy sabotage

“Said Abdullahi Deni is not acting alone; he is merely a proxy for the UAE, which funds, trains, and directs the Puntland Maritime Police Force,” said Turkish analyst Umut Çağrı Sarı. “This is not just a local rebellion; it’s part of the UAE’s pattern of undermining Somalia’s sovereignty and destabilizing the region.”

Sarı called for a United Nations investigation and argued that Deni, Puntland’s president, “must be contained,” urging the international community to confront what he described as “Abu Dhabi’s role in fueling piracy, conflict, and federal defiance.”

Another analyst, Ebuzer Demirci, went further, describing the PMPF as a “modern-day pirate militia led by warlord Deni.” He claimed the force “wouldn’t have dared seize the ship without MBZ’s prior knowledge or approval.”

The UAE has not responded to the allegations.

Conflicting reports have since emerged from Somalia. Some local media sources reported that the MV Sea World experienced mechanical issues and was escorted to Bosaso Port. There are also unconfirmed claims that armed locals looted lighter weapons from the cargo in the Bari region — allegations Puntland officials have not addressed.

The cargo reportedly included advanced weaponry and armored vehicles destined for the SNA’s ongoing campaign against the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab militant group. Turkey has been a key supporter of Somalia’s security forces in this fight, providing military training, infrastructure, and aid.

Turkey-UAE rivalry in Somalia

Over the past decade, Ankara has invested heavily in Somalia, building hospitals, roads, ports, and military facilities. One of its most ambitious undertakings is a multi-million-dollar commitment to offshore oil and gas exploration — a venture that could one day transform Somalia into a new energy hub and potential rival to Gulf producers, including the UAE.

Analysts believe this deepening Turkish-Somali partnership has become a point of friction with Abu Dhabi, which is seen as using its influence in Puntland — a semi-autonomous region often at odds with the federal government — to undermine Mogadishu’s alliances and ambitions.

The PMPF was originally established in 2010 with international support to combat piracy off Somalia’s coast. However, its growing alignment with the Puntland administration under Deni has drawn criticism for exacerbating regional power struggles and fueling division between Puntland and the central government.

Puntland, which declared autonomy in 1998, has long had a fraught relationship with Mogadishu, marked by disputes over security control, resource sharing, and constitutional authority. The seizure of MV Sea World marks the latest flashpoint in this long-standing rift.

For Ankara, the incident is unlikely to go unanswered. Turkish officials have privately expressed anger over what they see as a betrayal by the UAE. Diplomats suggest that Turkey may seek international accountability, including a UN-led investigation into the UAE’s role in the seizure.

“The UAE cannot play both sides,” said one Turkish official. “You cannot shake hands in Ankara and sabotage us in Somalia.”

If confirmed, Abu Dhabi’s involvement would mark a significant escalation in the ongoing regional power struggle unfolding in the Horn of Africa — one that threatens to deepen Somalia’s internal divisions and derail efforts toward national reconciliation. 

Puntland oo dalab yaab leh u dirtay caalamka kadib markabkii ay ka qabsatay DF Soomaaliya

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa Markabkii hubka u siday Dowladda Federaalka ee ay Puntland qabsatay ka soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay “QAADISTA CUNAQABATAYNTA HUBKA IYO HUBAYNTA DHINAC GAAR AH WAA KHALAD IYO KHATAR WEYN.”

Wasiir Juxa, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Soomaalidu ay weli khatar isku tahay, dunidana khatar ku tahay, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay inuu yahay ninkii ugu halista badanaa ee tan iyo Carta soo mara siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Juxa, wuxuu si bareer ah caalamka uga codsaday in Soomaaliya dib loogu celiyo cunaqabateyntii hubka, isagoo tusaale u soo qaatay sawirrada hub ay Al-Shabaab horay uga furteen dowladda.

Hoos ka aqriso qoraalka Wasiir Juxa uu soo dhigay bartiisa Facebook:

Dawladda Federaalku waxay ku fashilantay dhammaan hawlihii loo igmaday ee heshiiska lagu ahaa dagaalkii sokeeye kadib. Waxay gabtay midnimadii iyo wadajirkii dalka, ilaalinta iyo ku dhaqanka sharciga, hirgelinta nidaamka federaaliga ah iyo sugidda amniga.

Dhibaca kale waxay ku mashquushay la dagaalanka iyo burburinta hannaanka Federaaliga ah. Waxay Puntland iyo #Jubaland ka dhex waddaa kala qaybin iyo kicin bulsho, abuurid xasarado gudaha ah, khalkhal gelin amni iyo xagal-daacin dagaalka #Puntland kula jirto argagixisada caalamiga ah ee #DAACISH.

Tusaale cad waxaa arrintan u ah dhacdadii #RAASKAMBOONI, Jubaland (Deceber, 2024) iyo #Dhahar, Puntland (Julay, 2025)  oo ay labadaba  garwadeen ka ahaayeen saraakiil ciidan, wasiirro iyo xildhibaanno Federaal ah.

Somalia weli way qaybsan tahay, kamana soo kaban dagaalkii sokeeye. Amnigeedu ma sugna, mana jirto Dawladnimo iyo sharciyad heshiis lagu yahay maanta midna.

34 sano kadib, Somalia weli iyada ayaa khatar isku ah, dunidana khatar ku ah.

Waxay ahayd khalad weyn in la qaado CUNAQABAAYNTA HUBKA oo ay Soomaalidu isu-adeegsato ama uu galo gacan cadow (#DAACISH iyo #AS) sida dhacda inta badan. (Eeg sawirrada hubka #AS kala wareegay Dawladda.)

Waa khalad kale oo weyn in maanta Somalia lagala macaamilo hal dhinac oo keli ah (FGS) oo deeqaha caalamigu noqdaan Aalad siyaasadeed oo ku dhisan wax dumin iyo is-muquunin.

#XSM iyo xukuumaddiisu waa khatarta ugu weyn ee ku timi Dawlad-dhiska Somalia ilaa iyo shirkii CARTA, Djibouti, 2000. Waa firdhiyaha siyaasadda Somalia, iyo caqabadda ugu weyn ee hannaanka Federalka iyo dib u heshiisiinta.

Waa xilligii dib-u-eegis degdeg ah lagu samayn lahaa Cunaqabataynta HUBKA, adduunkuna dhex u noqon lahaa dhinacyada is-diidan ee Somalia.