28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog: Taliyaashii hore ee Nabadsugidda oo ka bixi la’ xafiiska Kheyre, maxay doonayaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinayo in taliyayaashii hore ee nabad sugidda Soomaaliya ay maalmihii ugu dambeeyey ka bixi la’ yihiin xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo kan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo horey usoo noqdeyn taliyayaasha nabadsugidda Soomaaliya ayaa ku jiro ololihii ugu dambeeyey oo ay ku raadinayaan xil wasiir.

Cabdiraxmaan Tuuryare oo nin kasoo jeedo Beesha Wacaysle, sidoo kalana wuxuu aad ugu dhawaa dowladii Xasan Shiikh Maxamuud ee waqtigeeda dhamaaday, wuxuuna usoo xusul duubtay sidii uu uga soo dhex muuqan lahaa golaha wasiirada ee la filayo inuu asbuuca soo socdo ku dhawaaqo Ra’isulwasaare Kheyre.

Tuuryare ayey ka go’an tahay sidii uu xilkaas u heli lahaa wuxuuna arrintaas u marayaa dad saaxiibo dhaw la ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ilaa haddana nalooma caddeyn nooca wasiirka uu doonayo inuu helo.

Dhanka kale, waxaa dhankiisa isna ololo weyn wado taliyihii hore ee ciidamada Nabadsugidda qaranka Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo ay heysato caqabad kasoo wajheyso awood qeybsiga beeshii Habargidir maadaama siyaasiyiin badan oo ay isku beel yihiin ay isku soo sharaxeyn xilka madaxweynimo ee maamulka Galmudug, haddii uu ku guuleysto mid kamid ah beeshiisa Fiqi shaki la’aan wuxuu weyn doonaan inuu helo wasiir.

Lama qiyaasi karo halka uu kusoo dhammaan doono dadaalka ay wadaan labadaan nin oo ay dhanka kale ka heystaan caqabado badan oo kaga imaanayo dhanka beelahooda, balse waxaa hubaal ah in liiska wasiirada la diyaariyey lamana ogo hadii ay kamid yihiin iyo haddii kale.

Golaha wasiirada ayaa la filayey in xalay fiidkii lagu dhawaaqo balse midaas ma dhicin dib ayey u dhacday sababo aan si rasmi ah loo ogeyn awgeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog kusoo korortay hub uruursiga Puntland iyo Kooxihii afduubtay markabka

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Xaabo oo 5-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Caluula ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ka taagan tahay xiisad.

Wararku waxa ay sheegayaan in xiisada ay tahay mid u dhexeysa Ciidamada maamulka Puntland iyo Kooxdii Afduubatay Markabka.

Dadka ku dhow dhow deegaanka ay ka taagan tahay xiisada ayaa sheegay in la arkaayo ciidamo ka tirsan maamulka oo aad u hubeysan kuwaa oo duulaan ku ah Kooxaha wali heysta Markabka.

Ciidamada Puntland ayaa ku hubeysan Hub kala duwan oo ay ku doonayaan inay kusoo furtaan Markabka, halka Kooxaha afduubka ku heysta Markabka ay iyaguna wataan Hub aad u farabadan.

Xiisadan ayaa timid kadib markii kooxdii Burcad badeeda ee Afduubatay Markabka ay la aadeen Degaanka Xaabo oo 5-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Caluula, waxaana dhabagal ku haya Ciidamada Puntland.

Ciidamada Maamulka Puntland oo isugu jira kuwa Badda iyo dhulka ayaa shalay waxa ay gaareen degmada Caluula ee Gobolka Bari oo ah halka Kooxda dhalinyarada ah ay ku heystaan Markabka.

Xaalada ayaa ah mid adag waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Kooxaha Afduubka geystay.

Dhinaca kale, dadka qaar ayaa isaga baxaaya eeryada deegaanka ay ka socto gulufta.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

Xaakim heer Federaal ah oo amarka Trump hakiyay inta aanu dhaqangelin

Hawaii (Caasimadda Online) – Xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka Hawaii, ayaa si kumeelgaar ah u joojiyay mamnuucidda uu madaxweyne Trump saaray dadka ka yimaada 6 dal oo Muslim ah.


Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa 7-da aroornimo saacadda geeska Afrika, ayaa waxaa dacwado ka dhan ah laga furay 7 gobol oo kala ah Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii.

Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga.

Amarka ayaa dhigaya in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin muwaadhiniinta dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga.

Dalka Ciraaq oo todobo ku ahaa dalalkan ayaa liiska laga saaray, ka dib markii uu ogolaaday in muwaadhiniintiisa dooneysa in ay galaan Maraykanka lagu soo rogo baaritaan dheeraad ah.

Erdogan oo si xajiib ah u ciqaabay Holland (Akhriso sheekada billow illaa dhammaad)

Todobaadkan, dalka Holland ayaa labo wasiir oo ka tirsan dalka Turkiga u diiday in ay ka qeyb galaan, kana hadlaan kulammo lagu taageerayo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan taasi oo keentay in Ankara ay xiriirka u jarto Amsterdam, kuna soo rogto cuna-qabateyn ay ku jirto xiriirka diplomaasiyadeed.

Dibad-baxyadan oo shacabka Turkiga ay ku taageerayaan in Tayyip Erdoğan uu helo awoodo dastuuri ah aftida dhaceysa bisha soo socota waxaa ay sidoo kale ka dhici doonaan Jarmalka gaar ahaan magaalooyinka Berlin, Stuttgart, Hamburg, Munich iyo North Rhine-Westphalia halkaas oo 1.4 Milyan oo Turki ah oo codkooda dhiiban kara ay ku nool yihiin.

Bilowga Sheekada:

Madax ka tirsan Turkiga ayaa u safray midowga Yurub si jaaliyadda dalka Turkiga ee dalalkaasi ku nool uga dhaadhiciyaan aftida loo qaadayo dastuurka cusub iyo awoodaha la doonayo in uu helo madaxweyne Tayyip Erdoğan.

Ugu horreyntii magaalada The Hague ayaa diidday in ay ka soo degto diyaarad uu la socday wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu si uu ula hadlo taageerayaal halkaasi ku sugnaa.

Tillaabadaas waxaa xigay  in wasiirka qoyska Fatma Betul Sayan Kaya loo diiday iyadana in ay gudaha Hollanad gaar ahaan magaalada Rotterdam kula hadasho taageerayaasha Erdoğan, gabadhan oo ka dalkaasi ka soo gashay Jarmalka ayaa dib loogu celiyay isla dalkaasi, arrintaas oo dalka Turkiga iyo xulafadiisa ay aad uga xumaadeen.

Jawaabta Turkiga:

Turkiga jawaabta uu ka bixiyay waxaa ay noqotay mid deg deg ah, Ankara waxaa ay joojisay xiriirka diplomaasiyadeed ee labada dal,  waxaa ay diiday in safiirka Holland uu dalka soo galo, waxaa ay baabi’isay shirar iyo kullamo dhex mari lahaa mas’uuliyiinta labada dal, waxaa kaloo ay mamnuucay in diyaarado sida diblomaasiyiin Turki ah ay soo galaan dalkaasi ama hawadeeda isticmaalaan, intaasi waxaa dheer in labo wasiir oo dalkaasi ka tirsan ay dacweyn doonaan dalkaasi Hollanad sida foosha xun ee loola dhaqmay. waxaa kaloo ay qarka u saaran tahay  Ankara in ay ka baxdo heshiiska socdaalka tahriibayaasha ee dhex-maray Turkiga iyo Yurub.

Saameynta Isku Dhaca Turkiga Iyo Hollanad:

Ka sokow xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, tusaale ahaan ganacsatada Hollandiiska ah ee maalgeshi ku sameeyay dalka Turkiga  intii u dhaxeysay sanadihii 2005-2015, waxaa ay qarash-gareeyeen lacag dhan  $20 billion. Sanadkii tagay ee 2016-ka ganacsiga labada dal dhex maray waxaa lagu qiyaasay illaa $6.6 billion….xiriirka labada dal waxaa uu jiray muddo ka badan 400 oo sano.

Yurub Waxaa Ay La Safatay Holland:

In kasta oo dalka Turkiga qeyb ka yahay NATO hadana dalalka ku jira midowga Yurub waxaa ay la safteen Holland, tusaale ahaan Angela Merkel oo madax ka ah dalka Jarmalka waxaa ay sheegtay in ay ka hortagi doonto in dhibka ka dhacay Holland uu dalkeeda saameeyo, illaa 4 dibad-bax oo lagu waday in ay ka dhacaan Austria iyo mid kale oo ka dhici lahaa dalka Switzerland ayaa la hakiyay kadib markii ay Holland iyo Turkiga isku dhaceen….waxaa intaa dheer mas’uul kasta oo Yurub ah oo hadlaya waxaa uu Tayyip Erdoğan ka dalbadaa in uu lahjadda dabciyo.

Dalka Holland Islaamka Lagama Jecla:

Dalka Turkiga waxbo ma reeban, waxaa uu caalamka u sheegay in Holland ay la mid tahay Nazigii Jarmalka, Fajistihii Talyaaniga ee dagaalkii labaad ee adduunka dhaliyay, intaasi kuma ekaan ee Ankara waxaa ay Amsterdam ku eedeysay in ay mas’uul ka aheyd xasuuqii ka dhacay Srebrenica  kolkaas oo illaa 8,000 oo Bosnian  muslimiin ah la dilay iyaga oo ay indhaha ka fiirsanayaan ciidamada Hollanad.

Yurub Ma Jecla Hoggaanka Erdoğan:

Awoodaha dastuuriga ah ee uu raadinayo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan kuma qansana dalalka ku jira midowga Yurub, awoodda uu helo Erdoğan waxaa ay saameyn doontaa dalalka NATO, bariga dhexe iyo dhammaan dalalka Islaamka,  waxaa kaloo dalalkaasi Yurub iyo reer galbeedka  dhibaya in madaxweyne Islaam ah oo iyaga daris la ah uu dhammaan awoodahaasi la haado.

Jawaabta In “Haa Lagu Codeeyo”

Khudbad uu ka jeediyay Ankara, Recep Tayyip Erdoğan waxaa uu sheegay in Yurub loogu jawaabi doono natiijada ka soo baxi doonta codbixinta dalka Turkiga ka dhici doonta April 16-keeda.

Go’aanka uu Farmaajo ku taageeray Turkiga oo laga dhexli doono 4 arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku baahinay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Garab istaagay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan oo isagu ay colaad kala dhexeyso Dowladaha reer Galbeedka.

Xiisada ka dhex aloosan Dowladaha Turkiga iyo wadamada Reer Galbeedka gaar ahaan wadanka Holland, ayaa u muuqata mid waayadaani danbe soo jiitameysay waxa ayna dadka qaar is weydiinayaan haddalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Somalia oo uu kula saftay dalka Turkiga.

Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Turkiga iyo Holland ayaa ka sii dartay, kadib markii Dowladda Holland ay xirtay Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Turkiga, Fatma Betul Sayan Kaya isla markaana u musaafurisay dalkeeda.

Xiisada ayaa u dhexeysa Dowladaha Turkiga iyo Holland ayaa waxaa ku biiray Jarmalka, waxaana xiisada iminka lagu fooraariyay Somalia oo garab u noqotay Dowlada Turkiga.

Haddalka kasoo baxay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu muujiyay in DFS ay Garabtaagan tahay Turkiga oo Xiisad ay kala dhaxeyso Qaar kamid ah Wadamada Reer Yurub.

War ay faafisay Safaaradda Turkiga ee Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu Dowladda Turkiga ku taageerayo Go’aanada ay ka qaadatay Xiisadda qaar kamid ah Wadamada Reer Yurub kala dhexeeya.

Warbaahinta Caalamka ayaa buun-buunisay haddalka Madaxweynaha Somalia waxa ayna sheegtay in Somalia ay garab u noqoneyso Dowlada Turkiga oo dhaqaale abuuris ka wada Gudaha Somalia.

Waxa ay sheegen in Madaxweynaha Somalia uu cadeeyay in Dowlada Turkiga ay ku garab taagan yihiin wanaag iyo xumaanba, waxa ayna intaa ku dareen in Somalia ay dib u burburineyso calaaqaadkii yaraa ee kala dhexeeyay Dowladaha reer Galbeedka.

Dhibaatooyinka ka dhalankara haddalka Madaxweyne Farmaajo uu ku taageeray Dowlada Turkiga ayaa kala ah:

1-In Dowladaha Reer Galbeedka ay ku dhaqaaqaan gaabis dhanka Dhaqaalaha ay siinayaan Somalia.

2-Inay caqabada ku noqdaan dhinacyada Siyaasada iyo Amniga Somalia maadaama aysan la dhacsaneyn talaabooyinka Dowlada cusub.

3-In Dowladaha reer Galbeedka ay Ethiopia iyo Kenya ku taageeran faragalinta Somalia iyagoo ka duulaaya naceybka hoose oo ay muujineyso Dowlada Somalia.

4-Inay xiriirka u gaabiyaan Dowlada Somalia isla markaana qaadacaan tallaabo waliba oo muujineysa Horumarka iyo Hanaqaadka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaliilay in dhexda uu ka galo Dowladohorumarsan oo iyagu isku heysta arrimo waayadaani ka dhextaagnaa.

Go’aanka uu Madaxweyne Farmaajo ku taageeray Dowlada Turkiga ayaa la rumeysan yahay in Caqabad dhanka Siyaasada ah u horseedi karto Dowlada cusub ee Somalia, waxaana xusid mudan in Dowladaani ay ka mucaarad badan tahay Dowladihii hore marka la’eego ficilada ay muujinayaan Dowlada Ethiopia iyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada cusub ee Somalia ayaa waxaa la gudboon inay ka gaabiso xiisadaha u dhexeeya Dowladaha shisheeye isla markaana ku mashquusho arrimaha khuseeya Dalkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Boris oo ballanqaaday arrin ahmiyad u leh Soomaalida oo aan wali la xusin (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday inay ka shaqeyneyso midnimada Somalia, kadib markii uu magaalada Muqdisho soo gaaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Britain.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Britain, ayaa mudadii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho kulan gaara la qaatay Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Xildhibaanada la kulmay Xoghayaha ayaa sheegay inuu ballanqaaday wax ka qabashada kala irdhoobida Soomaalida.

Xildhibaan Zakariye waxa uu tilmaamay in Xoghayaha uu ballanqaaday inay ka shaqeynayaan midnimada Somalia, iyadoo loo maraaya dhinacyo kala duwan.

Xoghaye Boris, waxa uu tilmaamay in Britain ay ka go’an tahay mideynta Soomaalida waxa uuna carab dhabay in Somalia ay u aqoonsan yihiin hal dal oo hal mad-hab leh.

Xildhibaan Zakariye waxa uu sheegay in Xoghaye Boris uu ballanqaaday xitaa inay ka qeybqaadan doonaan wadahadalada lagu mideynaayo DFS iyo Maamulada shisheeye taageerka ah.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay Dowladda Ingiriiska in ay ka shaqeyneyso in Soomaaliya ay ku soo noqoto sideedii hore, sidoo kalena ay midoobaan shacabka Soomaaliyeed.

Docda kale, Xoghaye Boris ayaa shalay safar lama filaan ah ku yimid Magaalada Muqdisho, wuxuuna kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ilaalada madaxweynaha USA (Secret Service) oo shaqo yaab leh ka haya Somalia

Muqdisho (Caasimada online) – Ciidamada ilaalada madaxweynaha Mareykanka ee loo yaqaan Secret Service ayaa caawinaya masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, taasi oo ujeedada tahay inay ku tabaraan ka hor taga doolarka been abuurka ah.

Ciidamadan oo kaashanaya hay’adda lacagta adduunka ayaa qorshahooda waxay tahay ka qeyb qaadashada dib usoo nooleynta lacagta Soomaaliya iyo iney ka hor tagaan dadka doolarka been abuurka soo gelinaya dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Bangiga adduunka Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ugu faqrisan adduunka, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya sanadkii 2015 uu gaaray 549.30 doolar wax soo saarka gudaha marka lala barbar dhigo Mareykanka oo sanadkaasi ahaa 56,115.70 Doolar.

Madaxa Hay’adda Dhaqaalaha IMF ee Soomaaliya Maxamed El-xaji ayaa sheegay in tababarka ku saabsan ka hor tagista doolarka been abuurka uu ka dhacay magaalada Nairobi bishii lasoo dhaafay ee February.

Lacagta Shilin Soomaaliga oo dalka uu leeyahay ayaa ah lacagta seddexaad ee wax lagu kala gato gudaha Soomaaliya, marka loo eego doolarka iyo lacagta oo moobeylada lagu kala qaato oo kaalmaha koowaad iyo labaad ku jira.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaanan awood buuxda u laheyn inuu ilaaliyo heerka is dhaafsiga lacagta, laakiin waxaa hadda socdo qorshe lagu dhisayo hay’adaasi, sida uu sheegay wakiilka hay’adda IMF ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyo ka hor sheegtay inay dooneyso inay ilaaliso lacagaha Soomaaliya ayna soo daabacaan lacag cusub iyada oo kaashaneyso IMF, waxayna taasi noqon doontaa markii ugu horeysay 25 sano kadib oo dowlada ay dhaqaalo soo daabacdo.

Laakiin waxaan wax sahlan aheyn hanaanka lacagtaasi cusub lagu soo daabacayo, waxaana hay’adda IMF ay sheegtay in agaasimaha guud ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan sidii lacagtaasi cusub loosoo daabici lahaa.

“Waqtiga la daabacayo lacagta cusub waxaa go’aamin doona masuuliyiinta marka ay hergeliyaan qorshaha ay isku raaceen, Sababtoo ah Soomaaliya waxay noqoneysaa meel doolarka kaliya looga adeegto mustaqbalka haddii lacag cusub aan la keenin”ayuu yiri wakiilka IMF ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Kheyre oo hanjabaad dadban u jeediyay shaqsiyaad gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ka hadlay wararka sheegaya in shaqsiyaadka xilalka haya ee la shaqeynaayay Dowlada hore ay wali wadaa Musuq maasuq Hanti Qaran.

Kheyre waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay mid mid ula xisaabtami doonto shaqsiyaadka wali haya xilka waxa uuna meesha ka saaray inay dhici karto xadgudub dhanka Hantida Qaranka.

Kheyre waxa uu tilmaamay inay jiraan shaqsiyaad la tuhunsan yahay balse lagu wado baaritaan waxa uuna cadeeyay in shaqsigii lagu helo Musuq uu muteysan doono waxa uu sharciga qabo.

”Haddii uu jiray Musuq waxaan halkaani ka cadeynayaa in DFS aysan indhaha ka daboolan doonin musuqa, cidii aan ku helno musuq waxaan horgeyn doonaa sharciga”

”Ma jiri doonto cid ka sareyn doonta sharciga cidii lagu helo fal musuq maasuq ah waxa ay saaxiib la noqon doonaa qodobada ku xusan sharciga ee ku aadan Musuqa”

Kheyre waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay la xisaabtamaan Dowladiisa oo ay ugu horeeyaan isaga Madaxweyne Farmaajo si ay iyagana ula Xisaabtamaan Madaxda kale iyo shaqaalaha ku sifoobay Musuqa.

”Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxa ay diyaar u yihiin inay aqbalaan qeyla dhaanta shacabka sida musuqa, Cadaaladarida iyo wixii la halmaala, waxa aan anaguna la xisaabtami doonaa kuwa naga hooseeya cidna loogama aamusi doono musuq”

Dhanka Kheyre ayaa sheegay in dhibaato kasto oo ku timaada Shacabka Soomaaliyeed ay la qeyb san doonaan si looga badbaado tafaraarus iyo Khilaaf ka dhex curta Madaxda iyo Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay tahay sababta keentay inay dib u dhacdo ku dhawaaqistii golaha wasiirada ee Caawa?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa caawa la filayey in si rasmi ah loogu dhawaaqo golaha wasiirada ee uu diyaariyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre balse midaas ma dhicin dib ayey u dhacday.

Golaha wasiirada ayaa la filayey in dhawaaqo fiidnimadii caawa aheyd balse waxaa dib u dhacday magacaabistaan.

Sababta ay dib ugu dhacday magacaabista ayaa lagu sheegay inay tahay culeyska ka jirto magacaabista shaqsiyaad iyo xilalka ugu muhiimsan iyo wasaaradaha loo yaqaan (A) oo ay ka mid yihiin  : Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Gaashaandhigga oo ah seddexda Wasaaradood ee ugu saameynta badan dowladda

Dhawaaqista ayaa la sheegay inay dib u dhacday iyadoo laga yaabo in lasoo magacaabo asbuuca soo socdo gaar ahaan maalmaha ay taariikh ku beegan tahay 21 March, 22 March iyo 23 March.

Wasiirada ayaa la filayaa inay noqdaan ku dhawaad 30 wasiir, 30 ku xigeyn iyo 10 wasiirul Dowlayaal, waxaana mar kale golaha wasiirada kasoo muuqan doono wasaarado la yaabay waqtiyadii dambe sida  Dalxiiska, Deegaanka, Dib u heshiisiinta iyo kuwa kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ku loolamayaan shakhsiyaad hore Wasiirro u ahaa iyo diblomaasiyiin ayaa dad badan ay eegayaan qofka loo huwin doono, halkas Warar soo baxay ayaa sheegaya in Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ay ku loolamayaan Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadda waqtigeeda dhamaaday.  Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumadda waqtigeeda dhamaaday.  Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer),  Safiir kuxigeenkii hore ee Soomaaliya ee dalka Algeria Dr. Xasan Maxamuud Cali iyo shakhsiyaad kale.

Sidoo kale waxaa la rajeenayaa in wasaaradaha maaliyadda iyo Gaashaandhigga loo magacaabo shaqsiyaad cusub oo aan horey xilal uga soo qaban dowladda si loola dagaalamo musuq maasuqa sidoo kalana la xoojiyo awoodda ciidamada Dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21 March ku amba bixi doono Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya halkaas oo la filayo inuu kaga qeybgalo shirka ay yeelanayaan dowladaha IGAD oo looga hadli doono Arrimaha        xaqootiga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso: Somaliland oo Fannaaniin ka saartay Liiska Koox faneedka & Safarada Hargeysa oo laga mamnuucay

Hargeysa (Caasimada Online)-Warbixin ay goordhow soo saaren Koox fanneedka Xidigaha Geeska ee ka dhisan magaalada Hargeysa ayaa waxaa lagu sheegay in Fannaaniinta kala ah Nimcaan Hilaac iyo Yurub Geenyo laga saaray Kooxda.

Warbixinta ayaa lagu muujiyay dhaliilaha labadaasi Fannaan looga saaray Kooxda waxaana lagu sheegay inay ka baxeen xeendaabka iyo sharciyada u degsan Kooxda.

Warbixin qoraal ah oo kasoo baxay Kooxda laguna daabacay beejajka Warbaahinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Safarka labadaasi Fannaan ee magaalada Muqdisho ay ka dambeysay kadib markii ay jabiyeen qawaaniin u dagsanaa kooxda .

Fannaaniintaani ayaa waxaa sidoo kale laga mamnuucay inay u safraan magaalada Hargeysa iyadoo waaxda socdaalka maamulka Somaliland aysan u ogolaan doonin Hargeysa iney soo galaan labadan fannaan, sida lagu sheegay warbixinta.

Fannaanka da’da yar Nimcaan Hilaac ayaa dhowrkii bil ee ugu danbeysay deegaan ku ahaa magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kadib markii uu ka gadooday tallaabooyinka Somaliland ay ku caburineyso isla markaana xoriyada uga qaaday.

Fannaanada Yurub Geenyo ayaa iyana Seddexdii bil ee ugu danbeysay kamid noqotay Fannaaniinta garwaaqsaday inaanu kala go’in Somalia waxa ayna sidoo kale kamid noqotay Fannaaniinta deegaanka ku ah Magaalada Muqdisho.

Labada Fannaan ayaa kamid ah kuwa loogu jecelyahay Fannaaniinta waxaana muuqaneysa in Somaliland ay carqalad ku tahay Fankooda iyadoo aan kala saarin Siyaasad iyo Xoriyada.

Tallaabada lagu caburinaayo labada Fannaan ayaa soo ifbaxday kadib markii Fannaaniin dhowr ah oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland lagu xiray magaalada Hargeysa iyadoo xarigooda loo sababeeyay imaanshiyahooda magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Duqa Muqdisho oo doorashadii Farmaajo kadib dhul qaali ah ka iibiyay ganacsato

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale “Boorsaani” ayaa sii wada ku takrifalka hantida qaranka, iyadoo la filayay in ay hakan doonto boobka sharci darada ee Duqa Muqdisho iyo kooxo ganacsato ah ku midoobeen.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo oo sheegay doorashadiisii kadib inuu la dirirayo masuq maasuqa iyo ku takrifalka hantidada qaran wuxuu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu bixiyay 27 boos oo ku yaal degmada Waaberi, gaar ahaan inta u dhaxeysa dhabarka danbe ee Hotel Afrik iyo Warta Biya-galeenka.

Boosaskaasi oo ahaa oobasiibooyin si qasab ah looga kiciyay dad shacab ayaa wuxuu guddoomiye Boorsaani uu ku wareejiyay ganacsato ka beec mushtara dhulalka, waxaana hadda socda cabirka dhulalkaasi oo la bixiyay doorashadii Farmaajo kadib.

Hotel Afrik, dhabarka danbe dhulka ku yaal ee la bixiyay

Dhulkaasi oo horay loo bixiyay ayaa muran badan oo ka dhashay sababay is qabqabsi markii dadkii deganaa laga kiciyay, waxaase markii xiisada degtay kadib guddoomiyuhu ku wareejiyay ganacsato.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa wuxuu shaqsiyaad gacansaar kala dhaxeeyo uu ku abaal mariyay ilia 16 boos oo ku yaal agagaarka saldhiga degmada Waaberi, dhulkaasi oo ay dowladdu laheyd.

Mar aan la xiriirnay Guddoomiye Yuusuf Boorsaani ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo jiritaanka warkaan, hase ahaatee wuxuu ku gaabsaday in dowladda hoose ee Xamar inay iyadu xaq u leedahay hadiiba la yiraahdo bixin dhul cid galena aan shaqadeeda aheyn.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga sugayaa ballan qaadkiisii ahaa la dagaalanka masuq-maasuqa iyo boobka hantida shacabka iyo mida dowldada.

Laakiin Guddoomiye Boorsaani ayaa ku guda jira hanti abuurasho maadaama soo baxayaan warar sheegaya in xilka uu weyn doono, inta u harsans uu ka faa’iideysanayo, isagoo dareensan ama tuhmayo in ay soo bixi doonto dikreetada xil ka qaadistiisa marka la dhiso xukuumadda cusub.

Wuxuu horay guddoomiyuhu bixiyay xiligii ololaha doorashada dhulkii Terabuunka iyo Digfeer u dhaxeeyay, dhulkaasi oo ka koobnaa 128 boos oo lacagtii uu kaga iibiyay ganacsato ay ka mid yihiin Xasan Mire guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaro iyo C/qaadir Cumar Caddaan ayaa waxaa lagu galay ololihii doorasho ee xildhibaanada Xasan Sheekh taageersanaa lagu soo saaray iyo doorashadii madaxweynaha.

Waxaa wararkeena danbe idiin kugu soo gudbin doonaa caddeymo iyo documentiyadii uu guddoomiyaha ku bixiyay dhulalkaasi danta guud ee laga iibiyay ganacsatada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Maxay aheyd ballantii ay lahaayeen Shariif Xasan, Axmed Madoobe, Cosoble taasoo keentay inay Muqdisho kula kulmaan Boris Johnson

Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayaha Arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska Boris Johnson ayaa maanta kulan horey loo qorsheeyey Muqdisho kula yeeshay qaar ka tirsan maamula Goboleedyada dalka oo si deg deg ah usoo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha soo gaaray Muqdisho ee maanta la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ingiirka waxay kala ahaayeen madaxweyneha Jubbaland Axmed madoobe, Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Hirshabeelle cosbole.

Kulankaan oo ahaa mid horey loo balamiyey ayaa ka dhacay safaaradda ay ingiriiska ku dhex leedahay xarunta Xalane ee garoonka Muqdisho, waxayna l isugu soo hadal qaaday sidii ay dowladda Ingiriiska maamul Goboleedyada uga caawin laheyd dhincyada  dhinacyada horumarinta iyo kaalmada bani’aadanimo.

Boris Johnson ayaa marka hore wax lagu farxo ku tilmaamay inuu kulan la qaato qaar kamid ah madaxda maamul Goboleedyada dalka , isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto kaalmada maamulada ka jira dalka gaar ahaan soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha oo maamulada dalka ay ka caawin doonto sidii looga horumarin lahaa dhinacyada  caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska guud, iyo amniga.

Madaxweynayaashaan oo la ballansanaa wasiirka Arrimaha dibada UK ayaa si lama filaan ah uga soo dagay garoonka Aadan Cadde waxayna durba ku xaroodeen safaarada Ingiriiska si ay kulankaas uga qeyb galaan.

Ballanta ka dhaxeysay ayaa aheyd sidii ay lacag iyo mucaawino uga codsan lahaayeen wasiirka Arrimaha Dibadda UK, wuxuuna kulankaan ahaa mid qorsheysan oo laga soo shaqeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Sawirada: Xerada Milateri ee Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera iyo Wasiir diini oo booqday

Muqdisho (Caasimada Online) –C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ah Sii-hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay Saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera halkaas oo ay dowladda Farmaajo dooneyso inay ciidamo badan tababar ugu sameyso sidoo kalana laga soo saaro saraakiil Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa qaab casri ah oo loo riyaaqay u dhistay xaruntaas waxaana ku sugan oo la geeyey sarakiil ka tirsan dowladda Turkiga oo doonayo inay bixiyaan tababarada halkaas lagu qaban doono.

Waxaa xaruntaas maanta si weyn loogu soo dhaweeyey wasiirka Gaashigga Soomaaliya oo kormeeray qeybaha kala duwan oo ay ka kooban tahay xerada.

Wasiira ayaa tilmaamay inay hadda meel fiican mareyso dhisidda xaruntaas isla markaas la filayo in dhawaan lasoo gabagebeeo, waxaana la filayaa in lagu bilaabo howlihii loogu talagalay oo ah in tababar loogu sameyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda.

Wasiirka ayaa mahadcelin gaar ah u diray Turkiga isagoo uga mahadceliyey dhisidda xeradaan wuxuuna tilmaamay inay midaan noqoneyso tallaabo horey loogu qaaday horuarinta iyo kor u qaadidda tayada ciidamada Soomaalida.

Waxaa la filayaa in dhawaan xariga laga jaro saldhiggaas oo ay  Turkiga sheegtay inay saldhig militariga ka dhigan doonto oo ay ku tababarto ciidamada Dowladda waxaana la filayaa inay dhawaan Muqdisho soo gaaraan ilaa 4000 Kun oo sarakiil iyo ciidamo Turki ah isugu jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre iyo Farmaajo oo ku gacan seyray shaqsi uu watay Jawaari iyo kulan dhex maray oo ku dhamaaday fashil!

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Villa Soomaaliya ka dhacay kulan xasaasi ah oo kusoo dhamaaday fashil kaasoo dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’isulwasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari.

Kulankaan oo  ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga wada hadlay shaqsi uu rabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari in lagu soo daro liiska golaha wasiirada Soomaaliya.

Jawaari ayaa madaxweynaha in Ra’isulwasaaraha ka codsaday in Wasiirka Maaliyada loo dhiibo Wasiirkii hore ee Wasaaradda maaliyada Maxamed Aadan Ibraahim” Farkeeti” hayeeshee waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraaha labadooduba ay si wada jir ah ugu sheegeen in golaha wasiirada aan lagu soo dari doonin  xubno ka tirsanaa dowladihii hore.

Markii ay go’aankaas qaateen waxaa isbadal iyo xanaaq kulanka ka muujiyey Jawaari oo sheegay inaan la siin  doorka uu ku leeyahay magacaabsita wasiirada cusub ee Xukuumadda  Soomaaliya, taasina ay muujineyso kalsooni darro.

Kulankaan oo qaatay saacado badan ayaa kusoo dhamaaday fashil iyo ismari waa, waxaana dariishada laga tuuray codsigii Jawaari ee ahaa in Farkeeti laga dhigo wasiirka Maaliyadda, waxaana meesha ka tagay Prof. Jawaari oo niyad jabsan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli la filayo in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo golaha wasiirada cusub oo la filayo inay noqdaan ilaa 30 wasiir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Deg Deg: waqtigii ku dhawaaqista wasiirada oo is badalay iyo Saxaafadda oo looga yeeray Villa Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyey ee soo gaaray caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inu isbadal deg deg ah ku dhacay waqtigii lo qorsheeyey in wasiirada lagu dhawaaqay oo ahaa maalinta Jimcaha ah.

Wararka hadda soo dhacay ayaa shegayo in wasiirada lagu dhawaaqi doono maanta weliba xilliga dambe waana sida rasmi ah ee kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Salaadda maqrib kadib ee xilliga Muqdisho ayaa lagu ballansan yahay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya markaas oo lagu dhawaaqi doono golaha wasiirada oo uu soo diyaariyey Xasan Cali Kheyre oo ah Ra’isulwasaaraha dalka.

Waxaa la filayaa inay halkaas ka dhacdo munaasabad yar oo lagu soo bandhigayo wasiirada waxaana halkaas lagu casuumay inay imaadaan guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in haatan ay socoto diyaarinta xaflada kooban ee looga dhawaaqayo Golaha Wasiirada, waxaana arrinta magacaabista Golaha Wasiirada si aad ah looga hadal hayaa Xafiisyada dowladda.

Sidoo kale qaar kamid ah saxaafadda Muqdisho ayaa looga yeeray Villa Soomaaliya si ay goobjoog uga noqdaan arrinta magacaabista wasiirada.

 

Sawirro: Tarxiil ka billowday Somalia iyo ajaaniibtii ugu horreysay oo maanta la masaafuriyey (Dalkee u dhasheen?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda kusoo dhacay xafiiska warqabadka Caasimadda Online ee magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajinayo inay dowladda Soomaaliya qaaday tallaabo aad loogu riyaaqay markii ay dalka ka musaafurisay dad kasoo jeedo dalka Kenya.

Wararka ayaa xaqiijinayo in Maanta Magaalada Muqdisho laga musaafuriyey laba nin oo kasoo jeedo dalka Kenya markii lagu eedeeyey inay dalka kusoo galeyn sharci darro.

Labadan nin ayaa la  sheegay in si sharci darro ah ay ku joogeen Soomaaliya isla markaana ay markii horana si dhuumaaleysi ah kusoo galeen.

Tallaabooyinka Soomaaliya looga musafurinayo dadka ajaanibta ah weliba kuwa kasoo jeedo Kenya ayaa maalmihii dambe si xooli ah uga socdo Magaalada Muqdisho taasoo muujineyso awoodda Dowladda.

Dhowaan Maamulka Galmudug ayaa Musaafuriyay kalumeysato reer Yemen ah oo si sharcidarro ah kaga kaga jilaabanayay Xeebaha badda Soomaaliya .

Kenya ayaa soohdin la wadaagta Soomaaliya waxaana shaqaale badan ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo ka shaqeeya Hotelada iyo Dhismooyinka ka socda caasimadda Muqdisho waxana jira shaqaale badan oo u soo shaqo raadsaday Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa looga bartay inay dalkeeda markasta kasoo musaafuriso muwaadiniinta kasoo jeedo wadanka Soopmaaliya.

Dadka Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyey talaabada ay dowladda maanta qaaday waxayna sheegeyn inay midaas keeni doonto in Kenya ay iska dhaafto Soomaalida ay soo musaafurineyso ama ay dalka Soomaaliya isaga baxdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Hooyo Suuxda oo Haysata laba wiil oo Madaxa looga jiro oo Abaareysan.

Dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira maanta ma yara Gobolada Dhexe  gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud muddo labo sano ah  wax roob ah kuma hoorin, xoolihii  kala bar waa le’deen, haddii la iibsan lahaa xoolaha beec  ma leh, kuwo irmaana  maba jiraan Beled & Baadiyaba, nolosha dadkuna waa mid aan la sheegi karin, ciddii heli karta Caruurta waxaa la siiyaa Caano Booro,  si kastaba  waan ogaa in dhulka abaari ka jirto laakiinse waxaan soo arkay in ka badan waxaan filayay .

Safarkeyga wuxuu ahaa Safar Murugo Dhibaato aan la Xanuunsado waxay tiiley Deegaanka Xiin-God oo Gaalkacyo u jirta Qiyaastii 120 Km Dhinaca Bari,  waxaan arkay Hooyo Haysata Laba Caruur, oo waalan hadana Cuuryaan ah, waxaa intaa ka sii daran in Hooyadu ay qabto Cudurka Suuxdinta. Hooyada waxaa la yiraahdaa Khadar Axmed Xuseen waa Afartan Jir. Wiilsha waa Xasan Axmed Nuur Aadan oo Sagaal Jir waalan ah, si Qumaati ah uma socon karo, waxaa lagu Xiraa Xarig iyadoo Baqdin laga qabo in uu dadka Dilo, kan kalana waxaa la yiraahdaa Cabdirashiid Axmed Nuur Aadan waa Lix Jir Garguurta oo waalan oo marba meel laga soo qabto. waxaa Waalida u dheer Cunto la’aan, Dhar la’aan,  daryeel la’aan  iyo Hoyga  oo aad ugu liita.si kastaba Qoyskaas waxaa ka muuqdey Dhibaato Bani’aadanimo tii ugu darneyd

“Dhibaatada igu daran waxaan wajahaa markaan Suuxo Sababtoo ah ma helayo wax  caruurta waalan ii celiya” ayey Tiri Hooyo Khadar oo intaa ku dartey “ Marka Suuxdinta la igu Ogaado ayaa waxaa la igu  yeeraa wiil aan dhalay oo Tuulada Xaas ku leh”

Mar aan weydiiyey  Seygeeda, waxa tiri “Gaalkacyo ayuu jiraa” waxaan kaloo weydiiyey Teleefonkiisa waxay tiri “Maxaan Teleefankiisa kaaga sheegaa wax uu na dhaamo ma leh”

Qoyskaas Dhibaateysan  waxay Tuulada ka degen yihiin meel Gees ah waxaa uga dhisan Buush  Dayr leh, dadkii  Caawin lahaa waxay ii sheegtey in aaney maanta waxba dhaamin Abaarta jirta darteed.

Hadaba Ciddi dooneysa in ay Caawiso Qoyskaas Dhibaateysan ha la xiriirto Cabdisalaan Axmed Nuur Aadan oo ah wiil ay dhashay Hooyo Khadar kaasoo ah qofka ugu dhow. Tel 00252618205627

W/Q Cabdinaasir Xiirsi Iidle

E-Mail [email protected]

Tel 00252615503978

Sawiro: Arrimo ay isaga mid noqdeyn dowlada Farmaajo iyo tii Xasan Shiikh oo maanta muqdisho lagu arkay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sidii aad ku aqrisateyn wararkeenii hore waxaa maanta Magaalada Muqdisho safar lama filaan ah kusoo gaaray wafdi uu hogaaminayet xoghayaha arrimaha dibadda ingiriiska Boris Johanson.

Xoghayaha ayaa kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo badan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Haddaba waxaa durba lasoo calaamadeeyey waxyaabo ay isaga mid noqdeyn dowladii Xasan Shiikh Maxamuud iyo midda Faraajo ee ku aadan soo dhaweynta wasiirada arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska kuwaas oo Muqdisho imaaday markii uu Xasan hoggaanka hayey iyo hadda oo uu madaxweyne yahay Farmaajo.

Labada dowladood ayaa isaga mid ka noqday inay si qarsoodi ah Magaalada Muqdisho u keeneyn wasiirada arrimaha dibadda Ingirsiiska, waxaana xilligii Xasan Shiikh yimid Muqdisho Philip Hammond oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda Ingiriiska, waxaana qaabkaas loo fahamay amni xumada ka jirto Caasimadda.

Sidoo kale waxay isaga mid noqdeyn inaan la ogeysiin wasaarada arrimaha Dibadda ee Xilligii Xasan iyo dowladda hadda uu hoggaamiye Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana booqashadaas isku koobay kaliya Shaqaalaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Waxay haddana iskala mid noqdeyn inaan madaxdaas si weyn loo soo dhaweyn haba ugu darnaato booqashadii uu maanta Muqdisho ku yimid wasiirka Arrimaha dibadda Ingiriiska Boris Johanson.

Balse waxaa lasoo calaameeyey inay jirto hal arrin oo ay  ku kala duwanayeen dowladda Xasan Shiikh Maxamuud iyo tan Farmaajo marka laga hadlayo booqashada wasiirada arrimaha dibadda ingiriiska ay ku imaadeen Muqdisho labadaas Xilli.

Waxaa la sheegay in Xasan Shiikh Maxamuud uu wasiirkii arrimaha dibadda ingiriiska kula kulmay garoonka diyaaradaha Muqdisho halka uu madaxweynaha Soomaaliya ee Hadda Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku qaabilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Sawiradii laga soo qaaday booqashadii ay wasiiradaas ku imaadeen Muqdisho xilliyadii Xasan Shiikh iyo Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xog: Xilliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo wasiirada la ogaaday iyo kheyre oo dhameystiray liiskiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wixii lasoo jiitamaba waxay xogta ay heleyso caasimadda Online sheegeysaa in Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu dhameystiray liiska golihiisa wasiirada iyadoo aysan jiri doonin cid dambe oo lagu soo dari doono.

Warar ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inuu Ra’isulwasaaraha qoray liiska golaha wasiirada ee kama dambeysta ah kadib wadatashiyo socday dhawr asbuuc.

Su,aasha soo laalaabatay ee ah goormaa la magacaabayaa golaha wasiirad ayaa u muuqato inay soo dhamaatay kadib markii ay Caasimadda Online heshay waqtiga rasmiga ah ee la filayo inuu Kheyre ku dhawaaqo golihiisa wasiirada.

Xogta ayaa sheegeyso in kama dambeyso uu Ra’isulwasaaraha ku dhawaaqi doono wasiiradiisa cusub maalinta Jimcaha ah oo ay taarikhdu ku beegan tahay 17 March 2017.

Dadka intooda badan ayaa filayey in wasiirada lagu dhawaaqo doono maalin Arbaco ah iyadoo arbaco kasta dhagta loo taagi jiray xafiiska Kheyre balse midaas waxay noqotay mid aan dhici doonin in arbaco lagu dhawaaqo.

Ujeedka ugu weyn ee keentay in wasiirada lagu dhawaaqo maalin aan arbaco aheyn ayaa ah in magacaabista lagu aadiyo maalin u dhaw xilliga uu madaxweynaha ka dhoofayo garoonka diyaaradaha Muqdisho si uu uga qeybgalo shirka IGAD uga furmi doono caasimadda Kenya ee Nairobi.

Tallaabadaan ah in marka wax la magacaabo durba laga dhuufo Magaalada ayaa aheyd siyaasad lagu yaqaanay Siyaad Barre oo uu soo min guuriyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaal:  F. Cali Waraabe: Hangoolkaan aan wato Ilaahey ayaa Whatsup igala balamay inaanan iska dhigin

Muqdisho (Caasimada Online)-Feysal Cali Waraabe oo kamid ah mas’uuliyiinta xisbiga Ucid ee mucaaradka ku ah Somaliland ayaa la helay muuqaal muujinayo isagoo sheegayo inuu Ilaahey kala soo hadlay Whatsup.

Muuqaalkaan oo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa Feysal Cali Waraabe lagu waydiiyey hangoolkaan uu markasta wato isla markaasna uu iska dhigin waxa ugu wacan? .

Waraabe ayaa sheegay inuu hangoolkaan qaatay sanadkii 1995 markaas oo uu sheegay inuu Ilaahey Whatsup kala soo hadlay isla markaasna lagala dardaarmay inuusan iska dhigin.

Lama uga ujeedka rasmiga ah ee uu Waraabe ka leeyahay hadalkaan balse muuqaalkaan ayaa muran badan ka dhaliyey meelaha ay ku sheekeystaan bulshada Soomaaliyeed.

dadka qaar ayaa qabo in muuqaalkaan uu yahay mid la isku keen keenay balse lama ogo xaqiiqda, waxaana la filayaa inuu Waraabe ka hadlay arrintaan waxa ka jiro.

Haddab halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Waraabe uu arrintaan kala dhawaajiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]