24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Farmaajo oo garab istaagay Erdogan iyo Soomaaliya oo laga yaabo inay xiriirka u jarto dowlado dhawr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho hadal heynta ugu badan ay noqotay war la sheegay inuu kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, kaasoo ku aadan in dowladda Soomaaliya ay Turkiga ku garab istaagtay loolanka ay kula jirto dowlado badan oo ka tirsan midowga Yurub.

Dowladda Turkiga ayaa meeshii ugu dambeysay kala mareyso dowladda Holland oo ah mid ka mid ah dowladaha ugu saameynta badan Yurub waxaana maalmihii ugu dambeeyey xumaaday xiriirkooda.

Waxaa Muqdisho lagu hadal hayaa waraaq qoraal ah oo la sheegay inay soo saartay Safaaradda Turkiga taasoo lagu sheegay in dowladda Farmaajo ay Erdogan ku taageertay colaada kala dhaxeyso Yurub.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Farmaajo ayaa dhigiisa Turki Erdogan ku taageeraya xataa haddii uu xiriirka u jaro dalka yurub sidaas waxaa faafisay mid kamid ah idaacadaha ka howlgalo magaalada Muqdisho.

Inkastoo aysan safaaradda si rasmi ah saxaafadda ugu soo bandhigin waraaqda la sheegay inay soo saartay, haddana haddii ay run noqoto midaas waxaa laga yaabaa inay dhaawacdo dowladda cusub ee Soomaaliya oo aan weli helin taageero iyo siyaasad fadhiso.

Turkiga ayaa dagaal siyaasadeed kula jiro dowlado dhawr ah oo ka tirsan midowga Yurub waxaana ugu horreeyo  dowladaha Holland, Germani, Belgium iyo kuwa kale.

Turkiga ayaa dhawaan xiriirka u jartay dowldda Holland oo diiday in dadka kasoo jeedo Turkiga ay banaanbax ka dhigaan halkaas iyagoo taagerayo awoodda loo kordhinayo Erdogan oo la filayo in dhawaan afti loo qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo go’aan adag ka qaadanaaya taliyayaasha hay’adaha amaanka DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in go’aan kama danbeys ah uu ka gaaro Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Somalia.

ilo ku dho dhow Madaxweynaha ayaa sheegay in Farmaajo uu qaadi doono talaabo lidi ku ah Taliyayaasha Hay’adaha amaanka waxaana la xaqiijiyay in dhammaantooda uu ku bedeli doono.

Waxa uu ila wareedka intaa ku daray in Madaxweynaha uu dib usoo celin doono Khubaro dhanka amaanka oo horay ula soo shaqeeyay dowladii Dhexe ee Somalia.

Qorshaha Farmaajo ee ku aadan Isbedelka Taliyayaasha ayaa la sheegay inay ku hormari doonaan Taliyaha Booliska iyo NISA oo la rumeysan yahay in lagala xaajoonaayo amniga magaalada Muqdisho.

Khubarada dhanka amaanka ee loo kala dhiibi doono xilalkaasi ayaa la sheegay inay kasoo kala jeedan Beelaha Daarood iyo Hawiye, waxa uuna qorshuhu yahay in isbedelkaasi uu dhaco magacaabida Golaha Wasiirada kadib.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay inaysan wada shaqeyn doonin Taliyayaasha Hay’adaha amaanka waa haddii aan wax laga bedelin amni darida ka taagan magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa marti galineysa Qaraxyo iyo dilal joogta ah, oo loo geysanaayo Madaxda, Saraakiisha, Ciidamada, Odayaasha iyo Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidamo ka socdo Turkiga oo Muqdisho kusoo wajahan + Shaqada ay qaban doonaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay caasimadda Online ka heshay safaaradda dowladda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo in ciidamo ka tirsan dowladda Turkiga ay dhawaan imaan doonaan Magaalada Muqdisho.

Xogtaan ay Caasimadda heshay oo ah mid la isku haleyn karo ayaa sheegeyso inay dowladda Turkiga Muqdisho dhawaan usoo direyso tiro badan oo ka tirsan ciidamadeeda sida gaarka ah u tababar.

Tirada ciidamadaan ayaa lagu sheegay inay gaarayaa ilaa 4000  (Afar Kun) oo askari kuwaas oo dhawaan la filayo inay Muqdisho imaadaan, weliba waa ciidamo ay dowladda Turkiga si gaar ah usoo tababartay.

Wararka ayaa sheegayo inay ciidamadaan tababaro gaar ah siin doonaan Ciidamo ay dowladda Soomaaliya u rabto in si gaar ah loogu tababaro si ay u sugaan amniga Muqdisho iyo qeyb kamid ah Soomaaliya.

Turkiga ayaa xero lagu tababari doono ciidamada Dowladda ka sameysay Muqdisho waxaana dhawaan lagu xareyn doonaa kumanaan kun oo askari oo ay soo qori doonto dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegayo in ciidamadaan sidoo kale ay dowladda ka caawin doonaan suggidda amniga Muqdisho maadaama ay si fiican ugu tababaran yihiin  ka hor tagga qaraxyada iyo sidoo kale weerarada, gaar ahaan qaraxyada ay sameeyaan Al-shabaa, waxayna si gaar ah u ilaalin doonaan xarumaha dowladda.

Ciidamadan ayaa gacan ka geysan doona in la helo ciidamo awood badan leh oo Soomaaliyeed, waxayna si hagar la’aaneed ula shaqeyn doonaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin waqtiga rasmiga ah ee ciidamadaan soo gaarayaan Magaalada Muqdisho balse waxaa la filayaa inay noqon doonto marka uu Kheyre ku dhawaaqo golaha wasiirada.

Dowladda Turkiga ayaa wada shaqeyn dhaw la leh dowladda Soomaaliya, waana dowlad ay aad u jecel yihiin shacabka Muqdisho kadib markii ay si weyn ugu gurmatay xilligii ay abaaraha xun ku dhufteyn Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ceeb iyo fadeexad ka dhacday soo dhaweyntii Muqdisho ee wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya booqasho aan la fileyn ku imaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson .

Haddaba warar hadda soo gaarayo Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay halkaas ka dhacday fadeexad iyo ceeb ku aadan soo dhaweynta xoghayaha arrimaha Dibadda ee dowladda Ingiriiska.

Wararka ayaa sheegayo inay noqotay isku dhex yaac iyo nidaam darro soo dhaweyntii soo sameeyey xoghayaha oo ka socdo dowlad awood ku leh Soomaaliya, kadib markii aysan dowladda ku wargelin wasaaradda Arrimaha dibadda.

Sida uu sharciga iyo nidaamka qorayo waxay aheyd inuu xoghayaha soo dhaweeyo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ee sii hayaha ah balse qaladka ugu weyn ayaa ahaa inaan wasaaradda lagu wargelin imaanshaha wasiirka.

Ceebta ugu weyn ayaa ah in wasiirka ay garoonka Adan Adde kusoo dhaweeyeen shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha iyo Saacid Celiye oo ah ninka garoonka u qaabilsan xagga amaanka.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta ka qeyb qaatay ilaalada gaarka ah ee safaaradda Ingiriiska ku leedahay Muqdisho taasina waxayna noqotay ceebtii ugu weyneyd oo ay gashay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Dowladda oo leh wasiir arrimo dibadeed ayaa la garan waayey sababta keentay inay arrintaan dhacdo balse waxaa loo badinayaa inay sabab u tahay safarka wasiirka oo ahaa mid kadis ah, midaasna ma noqon doonto marmarsiiyo ku aadan ilaalinta protocol-ka soo dhaweynta madaxda martida ku ah wadankaaga.

Arrintaan ayaa dhaawac iyo sharaf dhac ku noqoneyso dowladda cusub ee Soomaaliya oo laga filayo inay xiriiro dhaw la yeelato dowladaha dariska iyo kuwa kale ee caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo mar kale qaadi rabo tallaabo lagu yaqaanay Siyaad Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa weli ku dhex jiro shirarka ku aadan magacaabista golaha wasiirada oo sii socoto waqti aan laga fileyn, waxaana dhawaan la filayaa in si rasmi ah loo magacaabo wasiirada.

Haddaba Maxamed Cabdulaahi Faraajo ayaa mar kale sameyn rabo tallaabo horey looga bartay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariiste Maxamed Siyaad Barre.

Siyaad Barre ayaa looga bartay inuu wadanka ka dhoofo marka ay dowladiisa ama isaga uu magacaabo xil muhiim, waxayna siyaasiyiintii hore kuu sheegayaan inay Siyaad wadanka isaga dhoofi jiray isla markaasna uu ka maqnaan jiray ilaa 3 maalin oo ay socoto xasarada ku aadan waxa la magacaabay.

Sidaas camal waxaa sameeyey markii koowaad Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna wadanka ka dhoofay subixii uu magacaabay Ra’isulwasaare Kheyre oo ahaa lama filaan wuxuuna wadanka ka maqnaa 3 Maalin.

Haddaba waxaa la filayaa inuu mar kale Farmaajo sameeyo tallaabo midaas la mid ah, waxaana lasoo sheegayaa in wasiirada la magacaabi doono 21 bishaan oo uu madaxweynaha ka safri doono Muqdisho isagoo ka qeybgeli doono shirka Nairobi uga furmayo dowladaha IGAD.

Xogta laga helayo Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegaya in magacaabidda Golaha cusub ee wasiirada ay dhici doonto 21-ka bishan Maarso iyo wixii ka dambeeya, xilligaas oo madaxweyne Farmaajo uu isu diyaarinayo safarra dibadda ah oo uu ku tegi doono dalka Kenya, halkaasoo uu ka dhacay shirk madaxeed dalalka IGAD ka leeyihiin arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.

Haddii ay midaan dhacdo waxay noqoneysaa markii labaad oo uu Farmaajo Siyaad Barre ka barbareeyo tallaabooyinka lagu yaqiinay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Loolan adag oo ku saleysan wasiirada oo ka bilawday beesha Ceyr iyo liiska shaqsiyaadka doonaya xilalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay socdaan weli  shirarka ku aadan magacaabista golaha wasiirada oo uu wado Ra’isulwassaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa soo baxayo war sheegayo inuu loolan xooggan ka dhex bilawday Beesha Ceyr ee Habargidr ka tirsan markii ay soo baxeyn shaqsiyaad badan oo doonayo inay helaan wasiir.

Xog hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay jiraan siyaasiyiin badan oo kasoo jeedo beeshaan kuwaas oo doonayo inay xil wasiir ka heleyn golaha wasiirada ee dhawaan lasoo dhisayo.

Sidoo kale waxaa jiro shaqsiyaad kale oo iyagana daba ka riixayo kuwa kale oo ay la doonayaan in wasiir laga dhigo, waxayna midaas beesha ka dhex dhalisay loolankii ugu weynaa oo la mid ah midkii ay isku khilafeyn xilligii ay baadi goobka ugu jireyn xilka Ra’isulwasaaranimo oo ay isku soo taageyn siyaasiyiin badan.

Liiska Shaqsiyaadka beeshaas kasoo jeedo ee xilka wasiir raadinayo

Eng. Sabriye oo ka mid ah madaxda Nationalink

Saciid Nuur Giriish

Cabdixakiim Macalin

Axmed Cabdisalaan

Dr. Culusow

Cabdirxmaan Cabdishakuur

Cabdisamad Macalin Maxamuud

Sidoo kale waxaa jiro shaqsiyaad kale oo beeshaas ka mid ah oo daba ku wato kuwa kale oo ay la rabaan in xilal loo  magacaabo waxaana kamid ah shaqsiyaadkaas: Maxamed Daylaaf, Shiikh Shaakir iyo Xuseen Goley.

Inkastoo aan la garaneyn dadka ay wadaan shaqsiyaadkaan haddana waxaa soo baxayo warar sheegayo inay yihiin seddexdaan shaqsi kuwa saameyn ku leh beesha Ceyr.

Loolankaan ayaa muujinayo inuu shaqsi kasta si gaar ah u doonayo xil ,  mana jiro mowfiq mideysan oo ay leeyihiin beeshaan oo ku aadan wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xoghayaha Arimaha dibada Britain oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha arimaha dibada dowladda UK ayaa soo gaaray saaka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Boris Johnson iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyay masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Safarka Xoghayaha arimaha dibada Ingiriiska ayaa imaanaya iyadoo xaalado adag oo dhanka nolosha ay ka jiraan gobolo badan oo dalka, dowladdana dhawaan ay caalamka kaalmo weydiisatay.

Waxaa kulan gaar ah yeelanaya madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha arimaha dibada Mareykanka, kaasi oo arimo dhowr ah looga hadlayo.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa Madaxda Dowladda kala hadli doona Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka iyo Abaaraha ka jira Dalka.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Geesiyad garab u baahan (Gabar 9 jir ah oo Soomaali badan ka ilmeysiisay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa gabar sagaal jir ah, waxay dad badan badashay caloosha, maadaama ay saameyn ku reebtay abaarta ka jirta Soomaaliya.

Magaceeda waa Meymuun Nuur Axmed, waxay Muqdisho timid iyada oo lugeyneysa misana xambaarsan wiil yar oo la dhashay, waxayna gacanta heysay caruur kale oo la dhalatay.

Meymuun, Waxay kasoo lugeysan degmada Waajid ee gobolka Bakool, balse markii hore waxaa wehlinayay hooyadeed iyo ayeeyadeed, laakiin maxaa is badalay ?.

Meymuun Hooyadeed way geeritootay iyaga oo ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Macluul darteed, waxayna soo xambaaratay canug ka yaraa oo ilaa Muqdisho ay keentay.

Ma jirin dalag ay beerteen oo dib loogu laaban karay, hoolaha ay lahaayeena waxay ku marteen abaarta sanadkaan ka dhacday Bakool iyo deegaano kale.

Sawirada iyo dhacdada xanuunka ah ee ay martay oo qabsaday Baraha bulshada ayaa sababay in dad badan ay la calool xumaadaan

Ayeeyadeed oo hadda la joogto ayaa sheegtay in laga heli karo teleefoonka ah 00252-61 508 9446.

Caaismada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh Shaakir oo shaaciyay in heshiis ay la galeen Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay guulaha ay ka gaaren wada hadalkii ay la fureen Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Sheekh Shaakir, ayaa sheegay in guul ay ka gaaren wada hadalada waxa uuna sheegay in Heshiis ay wada gaareen Dowlada Somalia.

Waxa uu Sheekh Shaakir sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka dalbaday in Ahlusunna ay si dhow ula shaqeyso Dowlada Somalia, waxa uuna cadeeyay inay aqbaleen dalabkaasi.

Sheekh Shaakir waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha DFS Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka helay ballanqaad ku aadan in la qarameeyo ciidamada Ahlusunna isla markaana ay la shaqeeyan Dowlada.

Waxa uu tilmaamay in wada hadalka uu ahaa kii ugu fiicnaa oo ay wada yeeshan Dowlada iyo Ahlusunna waxa uuna ballanqaaday in dhankooda ay ka fulin doonaan.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sidoo kale xusay in wax walba ay ku soo dhamaadeen is fahan iyo wax isla meel dhigid ayna rajo fiican ka qabaan dowladda cusub.

Dhinaca kale, waxa uu cadeeyay in Ahlusunna ay diyaar u tahay wada shaqeyn ay la sameyso Dowlada waxa uuna ballanqaaday in dhankooda aysan ka bixi doonin ballanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Exclusive: Farmaajo iyo Kheyre oo heshiis 20% la galay shirkadda SHS

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa heshiis la gaaray shirkadda qaliin-shubatada shacabka ka dhoofaya garoonka Muqdisho ee Sahal Hospitality Service (SHS), sida aan ku ogaanay baaritaan ay sameysay Caasimada Online.

Heshiiskan ayaa waxaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku qaadan doonaan 20% daqliga soo galay shirkadda, waxaana taa beddelkeed loo ogolaaday inay sii wadaan adeegga ay ka qabtaan garoonka Muqdisho ee lacagta looga qaado shacabka ka dhoofaya garoonka.

Shirkaddan ayaa waxaa lahaanshaheeda ku magacaaban nin la yiraahdo Jabriil Maxamuud, hase yeeshee waxaa wax ka leh rag ka tirsan kooxdii Damu-jadiid ee madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana xilal sare ka hayey dowladdii dhacday.

Waxay terminal ama hool weyn ku leedahay agagaarka KM4, halkaasi oo dadka dhoofaya ay ku baaraan saraakiil ka tirsan nabad-sugidda, kadibna basas waaweyn lagu geeyo garoonka, ayaga oo aan marin wax baaritaan kale ah.

Waxay dadka garoonka Muqdisho ka dhoofaya iyo kuwa soo degaya ka qaadaa lacag ka baxsan ticket-ka oo u dhaxeysa 6 illaa 11 dollar. Qofka gudaha ka dhoofaya, waxay ka qaaadaa $6 (Lix Dollar), halka qofka sita Ticket dibadda ah laga qaadayo $11 (kow iyo toban dollar).

Lacagtan ayaa u muuqan karta mid yar hase yeeshee, marka la eego lacagaha tirada badan ee siyaabaha kala duwan looga qaado dadka ka dhoofaya garoonka Muqdisho, waa culees aad u weyn oo shacabka saaran, balse faa’iido badan u ah shirkaddan.

Ugu yaraan haddaan kasoo qaadno kaliya in dadka ka dhoofa iyo kuwa kasoo dega Muqdisho ay bishii yihiin kaliya boqol kun qof, waxay taas macnaheedu yahay in shirkadda bil walba hesho lacag ku dhow hal milya oo dollar.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii ay soo shaac baxday in dowladda cusub ay qorsheyneyso inay ka wareejiso shirkadda adeegyada ay ka qabato garoonka, waxaana lagu gaaray kulan dhex maray ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxda shirkadda, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa si shaqsiyan ah ay isugu dhow yihiin qaar ka mid ah madaxda shirkaddan, maadaama uu saaxiibo badan ku leeyahay kooxda Damu-Jadiid.

Warar kale ayaa sheegaya in terminal-ka cusub ee shirkaddan oo aan weli si rasmi ah loo furin laga yaabo inuu furo madaxweyne Farmaajo, ama ra’iisul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Erdoğan oo sii kordhiyey weerarada Holland, arrin xasaasi ahna shaaca ka qaaday

Turkiga dagaalkiisa xagga hadalka ee ku wajahan Holand ayaa kasii kululaanaya kuwii hore, kaddib markuu mudane Erdogan uu dowladda Holand ku eedeeyay inay gacan-libaax ku lahaayeen xasuuqii Bosnia ka dhacay sanadkii 1995,   gaar ahaan magaalada Srebrenica.
Ciidamadii nabad ilaalinta ahaa ee ka socday dalka Holand waqtigaas  ayaa ku guuldarraystay inay magangaliyaan dadkii Muslimiinta Bosnia ahaa oo waqtigaas ay xasuuqayeen ciidamada Serbia.
Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inay wali muuqdaan dhibaatadii ay ku luglahaayeen ciidamadii nabad ilaalinta Holand ee Bosnia ku sugnaa.
Raysalwasaaraha Holand Mark Rutte ayaa warfidiyaannada u sheegay in eedeyntaasi tahay been abuur.
Rutte wuxuu yiri, “Mr Erdogan wuxuu u muuqdaa qof sii xanaaqaya marba marka ka dambeysa waxaan ka codsanayaa inuu isdajiyo”.
Carada Turkiga waxay timid markii dowladda Holand ay laba wasiir oo Turkey ah u diiday inay waddankeeda galaan, si ay ula hadlaan dad Turkey ah oo deggen dalka Holand.
Taa baddalkeeda madaxda Turkidu waxay Holand ku eedeeyeen inay tahay  “Haraadigii Nazi” waxay kaloo Turkidu cagta u dhigeen inay soo dhawayn heer sare ah u sameeyaan safiirkii Holand oo markaas Ankara kusoo dagay, waxaa kaloo intaa u dheer inay booska ka saareen ixtiraamkii xagga diblomaasiyadda labada waddan.
Raysalwasaare kuxigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegay in waddankiisu cunaqabatay xagga dhaqaalaha kusoo rogi doono Holand, taasoo uu ula jeedo inay canshuurta ku kordhin doonaan wixii waddanka Holand ka yimaada.
Xog-haynta arrimaha siyaasadda Yurub haweeneyda la yiraahdo Federica Mogherini ayaa ka codsatay Turkiga “Inay joojiyaan hadallada xad-dhaafka ah iyo ficillada sii murjin kara xaaladda”.  Hadalka xog-haynta ayaa u muuqda kuwa aan wax ka baddalin xaalka taagan.
Turkidu, hadalka xog-haynta waxay ku tilmaameen waxaan macno lahayn!
 
Maxay Holand u diiday in shicibka Turkidu dibad-baxaan?
Xurguftu waxay  timid markii laba wasiir oo Turki ah loo diiday inay waddanka Holand galaan, si ay ula hadlaan dad asalkoodu Turki yihiin oo ku nool dalka Holand.
Isu-soobaxa ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dadka loogu dhiirigalin lahaa inay taageeraan afti la doonayo inay dhacdo 16-ka April oo  sharciga dalka Turkiga waxlooga baddalo, taasoo awood dheeraad ah siinaysa madaxweynaha Erdogan.
Dowladda Holand ayaa go’aansatay inaysan dhicin arrintaas, waxayna ku sababaysay arrimo ammaan awgood.   Dad gaaraya 5.5 Milyan oo Turki ah ayaa ku nool Yurub, 400 oo kun oo kamid ah waxay ku noolyihiin dalka Holand.
Xasuuqii Srebrenica
Erdogan oo markii hore weerarka  afka wuxuu  u adeegsaday “Haraadigii Nazi”  haatan waa ka duwan tahay oo wuxuu bartilmaameedsanayaa halka dowlad waliba ka jilicsan tahay.
Mr Erdogan wuxuu cod dheer ku yiri,   “Holand iyo annaguba waan ognahay xasuuqii ka dhacay Srebrenica, waan la socnaa anshax xumadii iyo falalkii lagula kacay 8-kun oo qof oo Bosnia u dhashay”.
Sidee arrinkani ugu lug-yeelan karaa doorashada Holand.
Arrinkani wuxuu imaanayaa maalmo kahor iyadoo la isku diyaarinayo cod-bixin guud oo ay shacabka dalkaasi u dareeri doonaan, waxaana doorashada dalka hareeyay muhaajiriinta iyo waxay   ku tilmaamaan xagjirnimada Islaamka.
Xisbiga Cunsuriyiinta ee Freedom Part uuna madax u yahay ninka Islaam nacayka ku fogaaday Geert Wilders ayaa u muuqda mid ka faa’iidaya arrimahan ka dhex aloosan Holand iyo Turkey.
Arrintani ma noqon kartaa mid kusii faafta Yurubta kale?
Mudane Erdogan ayaa u digay waddamo kale oo uusan sheegin cawaaqib-xumo ay la kulmi karaan hadday ku dhaqaaqaan wixii Holand ay fashay.
Waddamada Yurub ayaa faaiido weyn ku qaba in Turkigu uusan kusoo siidayn malaayiin qaxooti ah oo uu dalkiisa ku hayo. Waxayna madaxda Turkidu soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii Yurub lala galay ee muhaajiriinta.
Tan iyo sanadkii hore bishii   March waxaa laba jibaar hoos u dhacay muhaajiriintii gaari jirtay Giriiga tan iyo markii heshiis buuxa Turkiga lala galay.
Hadallada weerarka ah ee qayaxan ee kasoo baxaya madaxda Turkida waxay u muuqdaan kuwa farriin ah oo tilmaamaya in Turkigu uusan u baahnayn Yurub ee iyagu ay u baahan yihiin Turkiga.
W/Q: Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
[email protected]
 

Ciidamada Puntland oo kaabiga ku haya Markabkii dhawaan la afduubtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa kaabiga ku haya markab dhawaan ay afduubteen kooxo burcad badeed ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Puntland iyo ciidamadda badda oo iskaashanaya ay ku jiraan baadi goobta markabka kooxaha burcad badeeda ay afduubteen.

Cali Shire Maxamuud guddomiyaha degmada Caluula ayaa qeyb ka ah ciidamada ku baxay markabka oo la sheegay in lagu heysto xeebaha degmadaasi.

Puntland ayaa ka qiirootay afduubta markabkaasi loo geystay balse marnaba sidan oo kale ugama aysan bixin dhibaatada loo geysto dhalinyarada kaluumeysanayo oo xitaa loo diiday inay biyahooda ka kaluumeystaan.

Inka badan 15 dhalinyaro Soomaali ah oo kaluumeysato ahaa ayaa la sheegay inay markabkaasi ku heystaan xeebaha degmada Caluula, waxayna ka caroodeen falka looga hortagay kaluumeysigooda.

Markabkan oo ka diiwaan-gishan Wadanka Emirate-ka Carabta, isla-markaana watay Calanka Sri Lanka, ayaan la garanayn waxa uu xaalkiisu ku dambeen doono.

Sanadihii u dambeeyay waxaa yaraa weerarada ay geysanayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ethiopia oo xabsi dhigtay siyaasiyiin Soomaali ah + Magacyada

Goofgaduud(Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia ay xabsi dhigeen Gudoomiyaha Degaaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay Xasan Xuseen Wardheer iyo Ku-xigeenkiisa cabdiqaadir Aadan Nageeye.

Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa la sheegay in lagala baxay Hooygooda kadib markii lagu eedeeyay inay Musuqeen Deeq loogu dhiibay dadka tabaaleysa ee deegaanka.

Mas’uul ka tirsan maamulka Deegaanka ayaa sheegay in labada Mas’uul loo xiray Musuqa Dawo loogu tallo galay in la gaarsiiyo dadka xanuunka ka qaaday abaarta iyo Carruurta ay daashatay Jadeecada ee ku nool Degaaanka Goof-gaduud.

Mas’uulkaani ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa loo qaaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo lagu qaadi doono Dacwadooda.

Isagoo ka hadlaayay xariga Mas’uuliyiintaasi ayuu yiri ”Waxaa jiray dacwado dhowr ah oo loo soo gudbiyay maamulka waxaa xigay in Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ay gaaren Hooygooda isla markaana kala baxeen si wax looga weydiiyo Musuqa ay ku kaceen”

Waxa uu tilmaamay in iminka uu socdo Baaritaan ku aadan Deeqaha ay lunsadeen Mas’uuliyiintaasi, waxa uuna carab dhabay in lagu helay Kiisas la xiriira Musuqa iyo Raashiin ay horay u musuqeen.

Xariga Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa imaanaya xili dhawaan ay Ciidamada Ethiopia xireen Mas’uul kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed kaa oo lagu eedeeyay Musuq la xiriira lacag iyo Raashiin loogu tallo galay dadka ay abaaruhu saameeyen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Mo-Farah oo si qiiro leh kaga hadlay xaalado adag oo ka jira Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada ONline) – Ororyahanka reer UK, asal ahaanna kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa si qiiro leh kaga hadlay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Orodka Sir Mohamed farah ayaa ka hadlay caruurta la ildaran nafaqo darada, wuxuuna bogaadiyay hay’adaha kala duwan ee ka qeyb qaadanaya dhibataada Soomaaliya ka taagan.

Muuqaal uu duubay Mo-Faarax ayaa lagu baahiyay warbaahinta waaweyn ee caalamka, waxaana uu diirada ku saarayay in dunida looga baahan yahay caawinaad iyo feejignaan dheeri ah.

“Waxaana Bixin doonaa Dhaqaalo badan oo loogu tala galay Carruurta ay Saameeyeen Abaaraha ee ku sugan Soomaaliya dadka dunida waxaana ugu baaqaya in ay feejignaadaan oo ay Muujiyaan dadaal badan” ayuu yiri Mo Faarax.

Maxamed Faarax ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu ku dhashay uuna dareemayo xanuunka ay leedahay dhibataada ka taagan dalkiisa Hooyo.
“Waxaan ku dhashay Soomaaliya waxaa qalbigeyga Xanuujinaaya dhibaatada haysata Qoyska Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa kusii daray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Taliyaha militeriga oo aan wali dhag jalaq usiin amarkii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Millatariga DFS Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaan wali qaadin talaabo lagu daadgureynaayo Ciidamada Militeriga ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ayaa dhawaan isla gartay in Ciidamada Militeriga laga saaro magaalada Muqdisho oo ay ka geystaan dilal fool xun.

Taliyaha ciidanka Millatariga DFS Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaa kulanka kadib shaaciyay in Taliska Ciidamada Militeriga uusan raali ka noqon doonin Ciidamo ka tirsan Taliska oo dhex socda magaalada.

Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in Askarigii ka tirsan Militeriga ee lagu dhex arkaa magaalada Muqdisho uu meteysan doono ciqaab, balse waxaa muuqaneysa inaan wali laga dhabeyn amarka Madaxweynaha isla markaana Waddooyinka magaalada ay si caadi ah u dhex socdaan Ciidamada oo ku labisan dareeskooda.

Taliyaha waxa uu sidoo kale ku goodiyay in sharciga ay la tiigsan doonaan Ilaalada Hoteelada iyo kuwa Hay”adaha ee ku labisan dareeska Ciidamada Militeriga, inkastoo aysan ilaalada goobahaasi wali u hogaansamin amarka.

Sidoo kale, Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa si caadi ah u dhex maraaya Ciidamo ka tirsan Militeriga oo ilaalinaaya shaqsiyaad Ganacsato ah iyo kuwo caadi u dhex lugeynaaya kuwaa oo aan wali u hogaansamin amarka.

Taliyaha Ciidamada Xooga Sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed oo amarka saarida Ciidamada la faray dhowr maalin ka hor ayaa u muuqanaaya mid ku hingoobay dhaqan galinta amarka Madaxweynaha Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ciidamada ugu badan ayaan u diiwaan gishneyn Dowlada Somalia kuwaa oo qab qabiil ula socda Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada waxa ayna taa suuragalisay in Ciidamada labisan aysan dhag jalaq usiin amarka Madaxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Bukaan sariir jiif ah oo nolosha ku gubay kalkaalisadii gacanta ku heysay dawadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeysyada kasoo baxa dalka Israel ayaa qoray warbixin ku aadan in Bukaan jiifa goob Caafimaad uu nolosha ku gubay Kalkaaliso si dhow ugu adeegeysay.

Dhacdadaani ayaa ka dhacday Isbitaal ku yaalla magaalada Holon oo ku taalla Koonfurta Tel Aviv, waxaana gubashada u geeriyootay Kalkaalisada.

Bukaanka ayaa la sheegay inuu ka cabanaayay dawo tayo yar oo lasiinaayay iyo addeega Kalkaalisada oo u muuqday mid ay ku jirtay hagar isla markaana yasi jirtay xiliyada uu dawada weydiisto.

Bukaanka oo dhammaan intaa ka careysnaa ayaa Kalkaalisada ku shubay shidaal waxa uuna qabadsiiyay dab, waxaana halkaa ku naf waayay Kalkaalisada

Falkaasi kadib waxaa Isbitaalka laga saaray Bukaanka oo loola cararay Goobo caafimaad oo ku yaalla duleedka magaalada Holon oo ku taalla Koonfurta Tel Aviv.

Shaqaalaha Caafimaadka dalka Israel ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin, kadib markii ay dowlada ka codsadeen in sharciga la mariyo Bukaanka falkaasi geystay.

Geesta kale, Bukaanka falkaasi geystay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka badbaaday dagaalkii holocaust uuna qabay xanuunno dhanka dhimirka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Halkuu ku dambeeyey wiilkii ku caan baxay (Farmaajo Ii geeya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulaahi Cismaan Daanyeerow oo ku caan baxay ereyga “Ar Farmaajo ii Geeya”  ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Daanyeerow wuxuu kasoo jeedaa qoys Danyar ah oo degen xaafad ku taala magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ahaa ruux xoogiisa ku xamaasha oo reerkiisa biilka u dhiciya.

Inta aan ka aqaan sanadihii ugu dambeeyay wuxuu ka shaqeynayay foor lagu dubo rootiga oo ku taala magaalada Muqdisho, wuxuuna mararka qaar aadi jiray beer uu leeyahay oo aabihii uu kaga dhintay.

Wuxuu mar qura noqday ruux caan ah habeenkii la doortay madaxweyne Farmaajo, isagoo si kaftan ahaa habeenkaasi ku dhahayay “Ar Farmaajo ii geeya, Ma ii geysiinoo” iyo erayo kale.

Wararka la xiriir xaaladiisa ayaa sheegaya in dhawaan la filayo inuu ka shaqo bilaabo madaxtooyada Soomaaliya, balse waxaa ka harsan inuu maraa hanaanka shaqaaleysiinta.

Farmaajo ii Geeya oo la hadlay Caasimada Online, wuxuu sheegay in dhawaan uu filayo inuu shaqadaasi helo, haddana loo sameynayo ID uu kaga shaqeyn lahaa madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in rajadiisa ay tahay in xil sare loo magacaabo, laakiin ma lahan aqoon uu ku shaqeysan karo, sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqoonyahan, Profosser udub dhexaad u ahaa bulshada Soomaaliyeed oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, aqoonyahan, Profosser lafdhabar iyo tiir u ahaa aqoonta iyo waxbarashada ka hana qaaday dalka Somalia, allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan Maxamed oo mudooyinkii danbe ku xanuunsanaa dalka.

Geerida Prof. Cali Xasan ayaa dad badan naxdin ku riday, waxaana bulshada ka baxay tiir iyo udub dhexaad bahda waxbarashada tebi doonto.

Allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa aqoonyahanadii kiciyay waxbarashada jaamacadaha maanta hormuudka ka ah dalka, wuxuu ahaa barre jaamacadeed oo bulshada hilmaami doonin.

Anigoo ku hadlaaya magaceyga Cali Muxiyaddiin Cali, kan qoyskeyga iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed, waxaan ugu tacsiyadeynayaa dhamaan qoyska reer Cali Xasan, gaar ahaan Eng. Cabdullahi Cali Xasan iyo Eng. Afhad iyo goud ahaan bulshada Soomaaliyeed geerida ku timid Prof. Cali Xasan, waxaana alle ugu baryaa janatu fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana midigta ka siiyo.

Hadaba inyar oo ka mid ah shaqsiyadii Prof. Cali Xasan ayaa halkaan idiinkugu soo gudbinayaa, waxaa qoraalkaani kasoo qaatay barta Facebook ee Xasan Hundubey Jimcaale oo faallo yar ka bixinaya kumuu ahaa Prof. Cali Xasan.

Profosser Cali Xasan Maxamad: Aqoon Aamin!

Asaga oo Hormuud ah, ayuu haddana waxa uu arday ka ahaa qeybta taariikhda ee Jaamacadda Umadda.

Ardadii galaaska la fariisan jiray asaga oo Hormuud ah, waxa ay ii hubiyeen inaan ardada laga aqoon jirin.
Heerka Jaamacadda laba shahaado ayuu ka qaatay. Laba Diploma sare ayuu qaatay. Master iyo PHD.
Asaga oo leh degaan u gaar ah ayuu diiday in uu degaanadoodo, oo uu ardada soo dhex degay, Africa University oo Khartoum ku taala.

Waa nin ku raaxaysta ku dhex jirka ardada iyo goobaha waxbarashada.

Jaamacadda Muqdisho aqoon-yahankii kiciyay ee hawada geliyay ayuu ka mid yahay.

Waxaa u dhreer in uu aad u jecelyahay midnimada Soomaalia.
Waxa uu mar walba dhegaystayaashiisa ku booriyaa in waddan yar, ama dad yar uusan adduunka qiima weyn ka lahayn oo loo baahanyahay in Midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed lagu dadaalo lana adkeeyo.

Professor-ku waxa uu ka mid yahay dadka si dulqaad leh ugu dhabar adaygay waxabarshadiisa iyo weliba sii gudbinteeda, asaga oo ku gudbiya si qiirad iyo waddaninimo ka buuxdo oo aan qabow ahayn.

Asaga oo kale ayaa tiir u naqan kara dhismaha aqoonta waddanka iyo isku haynta bulshada. Iyo sidoo kale in la helo soomaali isku kalsoon, isku duuban, isna aaminsan.

Professor-ka asaga oo kale Alaha nagu badiyo. Waan qirsanahay kaalintiisa weyn ee uu bulshada ugu jiray.

Caasimada Online 
Xafiiska Muqdisho 
[email protected]

Xogo kusoo kordhay Markabkii ay afduubteen Burcad-badeeda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online )-Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay markab la sheegay in ay afduubteen koox burcad badeed ah, waxa ayna sheegeen in ay abaabulayaan ciidamo soo furta markabkaasi.

Gudoomiyaha degmada Caluula Cali Shire Maxamuud Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Puntland ay isku diyaarineyso soo furashada Markabka.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin burcad badeed, balse nin sheegtay in uu ka mid yahay dadka markabka afduubtay ayaa isna saxaafadda u sheegay in ay yihiin kalluumeysato.

Markabka ay soo afduubeen kooxda hubaysan ayaa la geeyay meel u dhow xeebta Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland-Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii shalay la afduubay.

Sidoo kale, Markabka ayaa waxaa la socday Toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashay dalka Sirilanka ayaa saaran markanka.

Lama oga waxa ay noqon doonto talaabada ay qaadi doonto Puntland maadaama Kooxaha afduubka geystay ay yihiin kuwo Hubeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixinta Ethiopia oo iska horgeyneysa Farmaajo, beelaha iyo musharaxiinta uu ka guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Caqabado kala duwan kala kulmi doono Musharaxiintii looga guuleystay Doorashada Somalia.

Warbixin ay soo saartay Xaruunta Wada xaajoodka, Cilmi-baaritsa iyo Iskaashiga ee loo yaqaan ”The Centre for Dialogue, Research and Cooperation” isla markaana hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in Dowlada Ethiopia ay walaac xoogan ka muujineyso Caqabada ay Musharaxiinta laga guuleystay ku noqon doonaan Dowlada Farmaajo.

Warbixinta oo ka kooban 10 Bog ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia uu maciin biday misna wada shaqeyn la sameeyay Odayaasha Dhaqanka iyo Maamul-gobaleedyadda Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa Warbixinta sidoo kale, lagu lafa-guray Magacaabista Kheyre, khibradiisa iyo Taageeradda uu ka helay Odayaasha Dhaqanka.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ballanta uga baxay Musharaxiintii uu kaga guuleystay Doorashada, taa oo sababtay inay ka caroodan Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale, lagu sheegay in Musharaxiintaasi ay u muuqdaan Siyaasiyiin Mucaradsan Dowlada Madaxweyne Farmaajo ee aan wali dhisin Xukuumada Cusub, sida ay sheegtay Wada xaajoodka Cilmi-baaritsa Ethiopia.

Warbixinta oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Wakiilo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Abgaal booqdeen Dekedda Ceel-Maraan iyo garoonka dabeeciga ah ee Cisileey oo laga yaabo inay kaga biyo-diidsan yihiin Dekedda Muqdisho.

Booqashadaasi ayaa waxaa lagu sheegay mid muujinayso calaamad looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqii Doorashadda sida warbixinta lagu qoray.

Waxaa lagu muujiyay warbixinta Saluugga Beelaha ee Dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Beelaha qaar u arkaan sidii guul-darro iyo in laga yaabo inay dib u eegaan Istaraatijiyeynta dhaqdhaqaaqooda Mustaqbalka.

Waxa ay warbixinta intaa ku dartay in dhibaato hor leh ay soo foodsaari doonto Dowlada Madaxweyne Farmaajo, waa haddii Beelaha ugu tunka weyn ay Kuraas fiican ka waayan Xukuumada Cusub ee uu Hogaaminaayo Ra’isul wasaare Kheyre.

Warbixinta waxa ay shaki galisay in Madaxweyne Farmaajo uu maareynkaro Beelaha gadoodsan iyo sii wadista xiriirka uu la leeyahay Maamul-gobaleedyadda, gaar ahaan Jubbaland oo ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya Qabaa’illadda daga maamulka Jubalanad.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixintaani kasoo baxday Dowlada Ethiopia, gaar ahaan Xaruunta Wada xaajoodka, Cilmi-baaritsa iyo Iskaashiga ee loo yaqaan ”The Centre for Dialogue, Research and Cooperation” isla markaana hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, ayaa u muuqata mid lagu carqaladeynaayo Dowlada Somalia, iyadoo laga horgeynaayo dhinacyada iminka ku mideysan Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]