31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

DF oo shaacisay qorshe Aadan Cadde looga joojinayo duulimaadyada gudaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa keenay qorshe culus oo garoonka Aaadan Cadde looga joojinayo duulimaadyada gudaha, si loo yareeyo culeyska haatan jira.

Mustafe Dhuxulow ayaa maanta shaaca ka qaaday in dib loo furayo garoonka diyaaradaha degmada Dayniile, halkaasna loo wareejin doono diyaaradaha u duula gobollada dalka.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in garoonka wayn ee magaalada Muqdisho uu hadda ka jiro culeys xooggan, sidaas daraadeedna ay ku dadaalayaan sidii u shaqeyn lahaa garoonka ku yaalla degmada Dayniile, una adeegsan lahaayeen diyaaradaha aadaya gobollada dalka.

“Waxaan rajeynayaa maadaama garoonka Aadan Cadde oo ah garoon caalami ah uu busy noqday oo culeysku ku badan yahay in garoonka Dayniile mardhow ay madaxda qaranka garato inuu noqon karo garoon culeyska kasoo qaada garoonka Aadan Cadde” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Diyaaradaha gudaha ayaa loo soo wareejinayaa Garoonka diyaaradaha degmada Deyniile, si culeyska hadda jira u yaraado”.

Hadalkan ayaa agaasimaha hay’adda socdaalka waxa uu maanta ka sheegay munaasabad ka dhacday Dayniile oo xarigga looga jaray xarun cusub ee hay’adda ka furatay degmadaas.

Waxaa kale oo uu agaasimuhu sheegay in Dayniile iyo degmooyinka kale ee ku yaalla cirifyada ay u baahan yihiin in loo daadajiyo adeegyada muhiimka ah ee dowladda.

“Dayniile waxay kamid tahay degmooyinka daafaha ku yaallo taas oo micnaheedu tahay degmooyinka loo baahan yahay in adeegga loo daadajiyo maadaama 10 km ama ka badan ay u jirto magaalada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo Muqdisho, oo laga heli karo adeegyada ay u baahan yihiin dhammaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha iyo dibadda.

“Istaraatijiyo ayaa u degsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, markii xukuumadda la doortay madaxweynaha wuxuu amar ku siiyay in aan la imaano qorshe lagu dhisayo garoon cusub oo ay yeelaneyso caasimadda,” ayuu horay u yiri Mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan.

Tallaabadii ugu horreysay oo loo qaaday gogoshii uu dhigay Xasan Sheekh + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tallaabadii ugu horreysay u qaaday gogoshii uu dhowaan dhigay madaxweynaha Soomaaliya, si la’isugu yimaado wada-tashi ballaaran oo laga yeesho xaaladda dalka.

Guddi gaar ah oo k kooban xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa maanta guda galay howsha taallo, si ay qabsoonto gogasha madaxweynaha oo diiradda lagu saari doono xaaladda cakiran ee dalka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Xubnaha guddiga ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay wakiilo ka socday Ururada Bulshada Rayadka ah oo ay kala hadleen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen gogosha qaran ee taalla.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa ay dhinacyadu yeesheen aragti wadaag ballaaran, kaas oo ku qotoma sidii looga miro dhalin lahaa gogosha qaran.

Ajndaha ugu muhiisam ee gogosha ayaa waxa uu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, sida ay horay u shaacisay Villa Soomaaliya.

“Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed horay uga soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlay gogosha uu dhigay madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ciidii jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si lama filaan u qaatay go’aan uu gogol u fidiyay siyaasiyiinta, hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, si ay talooyinkooda ugu darsadaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku ammaanay fahamka wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan in “aan Khawaarijta isku heysan, balse aan isku heysanno sidii loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeena ka hanaqaada.”

Waxa kale oo uu yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si ay aragtidooda ugu biiriyaan dagaalka lagaga hortagayo Khawaarijta,” isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee nafahooda u huraya sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, iyada oo la’isku hayo arrimaha doorashooyinka, waxaana sii dheer dagaalka Shabaab oo sii laba kacleeyay.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo kashifay arrin culus oo la xiriirta Mukhtaar Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarigga ka jiray dhismaha cusub ee wasaaradda Aw-qaafta iyo arrimaha Islaamka, ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira wasiir Roobow iyo shaqada uu qabtay.

Dhismaha xaruntan oo lagu dhisay iskaashi dadweyne ayaa waxaa hirgelinteeda door libaax leh ka qaatay Wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo munaasabadda ka sheegay in lacagihii ay ka qabteen adeegga xajka ay ku dhiseen dhismaha wasaaradda.

“Markaan imaanay dadbaa nagu qeyliyay markii aan soo saarnay kontan milyan oo lacag ah arrimaha Xajka, Ra’iisulwaaaaraha ayaan u sheegay oo aan ku yiri kontan milyan waayey wax nagu buuqaya maanta waa tan aan dhisnay guriga ugu quruxda badan Madaxweyne” ayuu yiri wasiirku.

Intaasi kadib madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalka qaaday ayaa kashifay arrin culus oo la xiriirta Roobow, wuxuuna ka ka sheekeeyay sida uu uga jawaabay markii looga dacwooday Roobow oo horay loogu eedeeyay musuq-maasuq iyo wax is daba marin.

“Roobow lacag malaayiin ah buu dhacay, hebal buu keensaday wasaaradda ayaa la igu yiri anna waxaan iri wixii uu dhacay isagaa ka mas’uul ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay sida ay ku timid in Roobow loo magacaabo wasiir ka tirsan dowladda federaalka, isaga oo mar kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda Al-Shabaab, wuxuuna madaxweynaha qiray in Roobow kaliya aanu kasoo bixin Shabaab ee dad kale oo badan ay ka yimadeen, kuwaas oo hadda ku jira dowladda.

“Dadbadan oo la qumanaa fikirka Al-Shabaab ayaa ka soo noqday, Saraakiisha ciidamada ayay ku jiraan, Wasiirkayna (Mukhaataar Roobow) mas’uul ayuu noo yahay.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ‘Qofkii kasoo noqdaa Al-Shabaab xabadka ayaa saaranaynaa waana soo dhaweynaynaa, qaraxii wuxuu noqday meeshaas ayaa dad badan joogaan ee igeey“ ayuu markae yiri.

Wasiir Fartaag oo war culus ka soo saaray weerarada hoobiyeyaasha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo maanta ka qayb-galay munaasabad ka dhacday degmada Dayniile ayaa si adag uga hadlay weerarada hoobiyeyaasha ee lagu garaaco magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo kordhay maalmihii lasoo dhaafay.

Fartaag ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan degmooyinka ku yaalla cirifyada ‘ee mararka qaar laga soo tuuro madaafiicda, wuxuuna ka dalbaday inay ka shaqeeyaan amniga oo gacan saar la yeeshaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya

“Waxaa la’idinka baahan yahay maadaama aa tihiin degmooyinka daafaha ku yaalla laga soo bilaabo Gubadley, Daarusalaam, Dayniile, Garasbaaley iyo Kaxda oo dariseen la leedihiin gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose inaad amniga ku fiirisaan indho dhow” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu reer Dayniile ku amaanay isku tashiga ay sameeyeen, isaga oo qiray in lixdii bildood ee lasoo dhaafay aan wax hoobiye ah laga soo tuurin gudaha degmadaasi.

“Waxaan ku amaanayaa Dayniile lixdii bilood ee ugu dambeysay hal madfac oo laga soo tuuray kuma soo dhicin magaalada Muqdisho, waana dadaal aad muujiseen” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo aroornimadii hore ee saaka tiro hoobiyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kuwaas oo qaarkood ku dhaceen gudaha xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney maqleen ilaa afar jug oo is xig-xigay, kuwaas oo si gaar ah ugu dhacay agagaarka garoonka. Waxaana la tilmaamay in jugta hoobiyaashaas ay abuurayeen cabsi iyo dareen amni darro oo ku faaftay qeybo ka mid ah degmada.

Daqiiqado kadib weerarka ayaa kooxda Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda, iyagoo fariin ku baahiyay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin, taasoo ay ku sheegeen iney iyagu fuliyeen weerarka lagu beegsaday xerada Xalane.

Kooxda ayaa horey ugu caan baxday weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsado xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo horey u bartilmaameedsatay xeradan iyo dhismaha xarunta wayn ee madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga caasimadda soo hagaagayo, iyadoo la ogyahay in xerada Xalane ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan magaalada, maadaama ay hoy u tahay ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika iyo shaqaale caalami ah.

Maamulka Trump oo tallaabo culus ugu hanjabay Israa’iil haddii aysan joojin…

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa si adag u cadaadinaya Israel, isagoo uga digay in Maraykanku kala laabanayo taageerada muhiimka ah haddii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uusan joojin dagaalka Gaza, sida uu qoray wargeyska The Washington Post oo soo xiganaya ilo-wareed sir ah.

“Dadka Trump waxay Israel si cad ugu sheegayaan, ‘Haddii aadan joojin dagaalkan, waannu idinka tegi doonaa,’” ayuu yiri qof xog-ogaal ah oo codsaday in aan la magacaabin maadaama uusan haysan oggolaansho uu ku faahfaahiyo wadahadallada diblomaasiyadeed ee xasaasiga ah.

Sida la sheegay, cadaadiska Mareykanka ayaa sii kordhay maalmahan, xilli Israel ay dib u abaabulayso ciidamo keyd ah, isla markaana kordhisay duqeymaha cirka ee ka socda Gaza.

Xigashada ayaa sheegtay in Netanyahu uu intii lagu guda jiray shirkii golaha wasiirrada ee Axaddii, dib u bilaabista gargaarka bani’aadannimo ee Gaza ku tilmaamay arrin “farsamo oo kaliya,” isagoo saraakiisha u sheegay in aysan wax siyaasad ah ka dambeynin.

Inkasta oo uu haysto “aqlabiyad aad u ballaaran oo ka jirta Knesset-ka iyo guud ahaan bulshada Israel,” haddana ilaha xogta bixiyay ayaa sheegay in Netanyahu “uusan lahayn rabitaanka siyaasadeed ee lagu joojin karo dagaalka.”

Netanyahu ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Israel ay damacsan tahay “adeegsiga awood ciidan oo baaxad leh si ay ula wareegto dhammaan Marinka Gaza,” isaga oo isla markaa oggolaaday dib u bilaabista gargaarka bani’aadannimo ee uu ku sifeeyay mid “yar oo xadidan.”

Wuxuu xusay in sawirro muujinaya macaluul baahsan ay noqon karaan “xadka cas ee diblomaasiyadeed” oo halis gelin kara taageerada istaraatijiyadeed ee Mareykanka.

Netanyahu ayaa sheegay in uu la hadlay “saaxiibbada ugu dhow Israel ee caalamka,” oo ay ku jiraan siyaasiyiin Maraykan ah oo uu ku tilmaamay “dad si aan leexleexad lahayn u taageerayay Israel muddo tobanaan sano ah.”

Sida uu sheegay, saaxiibbadaasi waxay ballanqaadeen in ay hub siiyaan Israel ayna difaacaan mowqifkeeda marka ay la timaado Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse waxay uga digeen “in aysan awoodin in ay wajahaan sawirro muujinaya dad macaluulsan.”

“Sababo la xiriira arrimo dhanka amniga iyo diblomaasiyadda ah, ma ogolaan karno in xaaladdu gaarto heer macaluul baahsan,” ayuu Netanyahu ku yiri muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada.

Warbixinta ayaa muujineysa xiisad sii xoogeysaneysa oo u dhexeysa maamulka Trump iyo dowladda Netanyahu, xilli Israel ay sii waddo dagaalka ba’an ee Gaza, halka caalamkana uu sare u kacayo walaaca laga qabo khasaaraha rayidka iyo burburka bani’aadannimo ee isa soo taraya.

Ciidamada Puntland oo dilay hogaamiye sare oo Daacish ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in la dilay madixii kooxda Daacish u qaabilsanaa arrimaha dibadda iyo keenista ajaanibta, kaas oo lagu magacaabo Axmed Muuse Siciid (Axmed Beeldaaje).

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in ninkan lagu dilay howlgal cir iyo dhul ah oo Khamiistii 15-kii bishan May ay qaadeen ciidamada difaaca maamulkaas, kaas oo ka dhacay deegaanka Gurya-samo ee buuraha Calmiskaad

Cabdifitaax ayaa sheegay in maydka ay gacanta ku dhigeen, isla markaana ay xaqiijiyeen inuu yahay madixii Daacish u qaabilsanaa xiriirka arrimaha dibadda iyo keenista ajaanibta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu ahaa nin halis badan oo ay muddo dheer ku raad-joogeen, maadaama uu qaabilsanaa keenista ajaanibta u dagaalanta kooxda Daacish.

“Shaqadiisa ugu muhiimsan waxay ahayd xiriirinta iyo isku xirka argagixisada ajaanibta ah, iyo sidii dalkan gudihiisa ay u keeni lahaayeen dadka dagaalka nagula jiray” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu dilkiisa ka yiri “”Arrintan waxay marqaati cad ka tahay inaan cidna la cafin doonin oo sharciga la horkeeni doono”.

Waxaa kale oo hoosta ka xariiqay in ciidamada Puntland ay sii wadi doonaan dagaalka, ayna si joogto ah u ugaarsan doonaan xubnaha ka tirsan kooxda ee ku sugan halkaasi.

Hoggaamiyaha la dilay ee Axmed Beeldaaje ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland, gaar ahaan gobolka Bari, laakiin wuxuu wax kusoo barbaaray dalka Imaaraatka Carabta, halkaasi oo uu wax kusoo bartay, sidoo kalena uu ka abuurmay xiriirada uu la lahaa shabakado dibadeed, taasi oo ka dhigtay shakhsi aad muhiim ugu ahaa kooxda Daacish.

Si kastaba, howlgallada culus ee haatan ka socda Puntand ayaa gabagabo ku dhow, waxayna ciidamadu ku xoreeyeen dhul ballaaran oo ka tirsan buuraleda gobolka Bari.

Macawiisleda iyo ciidamada DF oo weeraray goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku sugaan xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada huwanta ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday maleeshiyada Al-Shabaab oo isku uruursanayeen halkaasi, waxayna gaarsiiyeen khasaare culus.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen goobta ay isku uruursanayeen, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo qarxay, kaas oo socda illaa hadda.

“Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa mar kale saakay weerar culus ku qaaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah ee dhaca dhulka howdka ah ee soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Cadowga Khawaarijta waxaa loogu galay goob ay isku uruursanayeen, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaal culus,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay weli kusii siqayaan dhulka hawdka ah ee  dhexeeya labada gobol.

Howlgallada ayaa waxaa barbar socda duqeymo lagu garaacayo Al-Shabaab ku sugan labada gobol, iyada oo illaa degmada Aadan Yabaal ay garaaceen diyaaraduhu.

Duqeymaha qaar ayaa waxaa lala helay gaadiid ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo gurmad ahaan uga soo baxay deegaanka Ceel Cali Axmed, iyaga oo kusoo socday dhanka degmada Aadan Yabaal, si ay xoojiyaan Al-Shabaabka kale ee ku sugan halkaasi.

Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhacay dagaal la isku riiqmay, hoggaamiyihii ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda Xawaadle Cabdi Guumey ayaa ka mid ah geesiyaasha ku shahiiday dagaalkaas, sidoo kale tobanaan askari ayaa uga dhimatay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab oo la isugu daray weerarro toos ah, iska caabinta weerarro ay soo qaadeen iyo weerarro jid gal ah ayaa lagu laayey soohdinta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana hadda la isla gaaray aagga Al-kowsar iyo Aadan-yabaal oo caawa Al-Shabaab ka qaxayaan.

Britain, Canada iyo France oo soo saaray bayaan xasaasi ah oo ay ugu hanjabeen Israel

London (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Britain, France iyo Canada ayaa Isniintii si adag u cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen “falal xadgudub ah” oo Israel ka waddo Marinka Gaza, iyaga oo uga digay inay qaadi doonaan tallaabooyin mideysan haddii Israel aysan joojin weerarka milatari ee sii kordhaya iyo xayiraadda saaran gargaarka bani’aadannimo.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa si gaar ah u cambaareeyay diidmada Israel ee gargaarka iyo hadallo ka soo yeeray wasiirro ka tirsan xukuumadda Netanyahu oo ku hanjabay in si ballaaran loo masaafuriyo dadka Falastiiniyiinta ah.

“Ma eegi doonno iyadoo dowladda Netanyahu ay sii waddo falalkan xadgudubka ah. Haddii Israel aysan joojin weerarrada cusub iyo xayiraadda gargaarka, waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin dhab ah oo ka dhan ah,” ayay hoggaamiyeyaashu ku sheegeen bayaan wadajir ah.

Inkasta oo aysan caddeyn nooca tallaabooyinka la qaadi doono, waxay intaas ku dareen: “Waxaan naga go’an in aan aqoonsanno dawlad Falastiini ah oo qeyb ka ah xalka laba-dowladood ah, waxaana diyaar u nahay in aan kala shaqeyno waddamada kale sidii loo xaqiijin lahaa arrintaas.”

Bayaankan ayaa ku beegmay baaq kale oo ay si wadajir ah u soo saareen 22 dal—oo ay ku jiraan Britain, France iyo Canada—kaas oo Israel looga codsaday in ay si degdeg ah u fasaxdo “gargaarka buuxa ee Gaza,” iyada oo la xusay in shacabka ku nool Marinka Gaza ay wajahayaan “macaluul baahsan.”

Israel ayaa Gaza ku haysay go’doon gargaar tan iyo 2-dii Maarso, balse Isniintii waxay sheegtay in ay oggolaan doonto tiro kooban oo gaadiid gargaar ah in ay gudaha galaan.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in oggolaanshaha xadidan ee gargaarka uu yimid si looga hortago in “sawirrada muujinaya macaluul baahsan” ay dhaawacaan sharciyadda dagaalka uu dalkiisu wado.

Bayaan ay wadajirka u soo saareen Britain, France iyo Canada ayaa si kulul u cambaareeyay diidmada Israel ee gargaar muhiim u ah dadka rayidka ah, taasoo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali karin isla markaana laga yaabo inay jebiso xeerarka bini’aadannimo ee caalamiga ah.

Sidoo kale, waxay cambaareeyeen “hadallada nacasnimo iyo naceybka leh” ee dhawaan kasoo yeeray qaar ka mid ah xubnaha dowladda Israel, kuwaas oo ku hanjabay in shacabka Gaza ay iyagu bilaabi doonaan barakac baahsan sababo la xiriira burburka dagaalka.

Hoggaamiyeyaashu waxay caddeeyeen in “barakicinta qasab ah ee joogtada ah ay jebinayso sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo.”

Netanyahu oo si caro leh uga jawaabay

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa si kulul uga falceliyay bayaanka kasoo baxay London, Paris iyo Ottawa, isagoo ku tilmaamay hadalkooda “abaal-marin weyn” oo la siiyay kooxda Hamas.

“Marka hoggaamiyeyaasha London, Ottawa iyo Paris ay naga dalbanayaan in aan joojino dagaalka aan ku difaacayno jiritaankeena, isla markaana ay ku cadaadinayaan in la aqoonsado dawlad Falastiini ah, waxay abaal marin u fidinayaan weerarkii xasuuqa ahaa ee 7-dii October, waxayna dhiirrigelinayaan dambiyo kale oo la mid ah,” ayuu yiri Netanyahu, isagoo xusay weerarkii Hamas ee 2023 ee sababay dagaalka hadda socda.

Netanyahu wuxuu ugu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha Yurub in ay ku daydaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu ku tilmaamay mid si buuxda u garab istaagay Israel.

“Dagaalku wuxuu dhammaan karaa berri haddii la sii daayo dhammaan la haysteyaasha, Hamas ay hubka dhigto, hoggaamiyeyaasheeda la musaafuriyo, Gaza-na laga dhigo deegaan aan milatari ahayn. Qaran kasta wuxuu xaq u leeyahay in uusan aqbalin wax ka yar intaas—Israel-na marnaba ma aqbali doonto,” ayuu yiri.

“Dagaalkan waa dagaal u dhexeeya ilbaxnimo iyo arxandarro. Israel waxay sii wadi doontaa is-difaaceeda si sharciyeysan ilaa ay gaarto guul buuxda.”

Milatariga Israel ayaa xoojiyay weerarrada ka socda Gaza, iyagoo weli ka falcelinaya weerarkii 7-dii October 2023 ee ay fulisay kooxda Hamas. Sida lagu sheegay tiro-koob uu sameeyay AFP oo ku saleysan xog rasmi ah, weerarkaasi wuxuu sababay dhimashada 1,218 qof oo u badan rayid.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa Isniintii sheegtay in ugu yaraan 3,340 qof lagu dilay tan iyo markii Israel dib u billowday duqeymaha 18-kii Maarso, taasoo tirada guud ee dhimashada dagaalka ka dhigeysa 53,486.

Wasiir shaaciyay in hal reer ku kaliyeystay dagaalka iyo arrin loo baahan yahay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guure Karoore, ayaa sheegay in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay ku hareereysan yihiin degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wuxuu tilmaamay in howl-gal ballaaran uu haatan ka socdo nawaaxiga degmadaasi.

Wasiirka ayaa xusay in ciidamada is kaashanaya ay saacadaha soo socda gudaha u gali doonaan Aadan Yabaal, taasoo muddooyinkii lasoo dhaafay ku jirtay gacanta kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in diyaar garowgii ugu dambeeyay la dhameystiray si magaalada looga xoreeyo kooxdaasi.

Wasiir Cabdi Karoore ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka socda gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in hal beel oo kaliya ay haatan dagaalka kula jirto Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tani aysan ahayn mas’uuliyad hal qabiil saaran, balse loo baahan yahay in dhammaan beelaha deegaanka ay ka qayb qaataan dagaalka.

Wasiir Karoore ayaa si gaar ah ugu baaqay beelaha kale ee ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay garab istaagaan walaalahooda beesha dagaalka ku jirta, si loo suurtageliyo in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan gobolka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdi ballaaran oo isugu jiray heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaasoo shalay gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Socdaalkooda ayaa la xiriiray dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay hormuudka ka tahay beesha Xawaadle.

Wafdigaasi ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Cali Sambaloolshe, waxaana wehelinayay qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wafdigu waxa uu kulammo la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha dagaalka hoggaaminaya.

Xog: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo shir deg-deg ah ku yeelanaya Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in haatan shir deg-deg ah ay ku yeeshaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, iyaga oo ka arrisan doono xaaladda dalka iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa goordhow ka baxay magaalada Boosaaso, isaga oo u duulay Addis Ababa, kadibna uga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee uu hadda ku sugan yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in labada madaxweyne ay is arki doonaan, kadibna ay yeelaan doonaan kulan u gaar ah oo ay uga hadli doonaan xiisadda taagan.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u kala tegay, wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya, waxaase haatan ay wajahaan xaalad isku mid ah, maadaama labada nin uu khilaaf culus kala dhexeeyo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in shirkooda ay diiradda ku saari doonaan sida loo wajahayo dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ay waddo Villa Soomaaliya oo ay ugu horreyso arrinta doorashada oo haatan banaanka ay ka joogaan maamullada Jubaland iyo Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Axaddii iska xaadiriyay Nairobi ayaa halkaasi ka waday qorshe ka dhan ah dowladda federaalka, isaga oo la shiray wakiilada beesha caalamka iyo saraakiil ka kala tirsan dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo uu kala hadlay xiisadda taagan.

Sidoo kale wuxuu la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee deggan magaaladaasi, iyaga iska xog wareystay xaaladda dalka.

Haddii uu Deni tego Nairobi, isla markaana ay is arkaan Axmed Madoobe ayaa waxa ay u badan tahay in marka hore qorsheeyaan dhabaha cusub ee ay qaadayaan, maadaama ay yihiin saaxibo hore oo kala tegay, hadana ay isku keentay duruufta isku midka ah ee ay wajahayaan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana is haya dowadda dhexe, Jubaland, Puntland iyo mucaarada, kadib markii ay isku fahmi waayeen dastuurka iyo doorashada.

Al-Shabaab ma waxay ku dhex-milmeen ciidanka DF – Laba arrin oo shaki abuurtay

Moqokori (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa Sabtidii lagu dilay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii uu rasaas ku furay askari ka hooseeya, falkaas oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Marxuumka, Col. Cabdiraxmaan Hujaale, oo ahaa taliyaha guutada 26-aad ee qeybta 27-aad, ayaa lagu dilay isagoo ku guda jiray hawlihiisa hogaamineed ee safka hore. Askariga dilka geystay ayaa si lama filaan ah rasaas ugu furay taliyaha, iyadoo weli aan si rasmi ah loo caddeynin ujeedada ka dambeysay falkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Moqokori oo ka tirsan gobolka Hiiraan, gobol ka mid ah meelaha ay colaadaha iyo falalka argagixiso ee Al-Shabaab ay si joogto ah uga dhacaan. Sida ay sheegeen saraakiisha, askarigii falka gaystay ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababaha ka dambeeya dilka.

Geerida Col. Hujaale ayaa ku soo beegmaysa dhowr toddobaad kadib dil la mid ah oo loo geystay Taliyihii ciidanka ee Nuur Faaray, kaas oo lagu toogtay meel u dhow degmada Afgooye. Labada sarkaal waxay ka mid ahaayeen saraakiisha hoggaaminayay dagaalka dowladda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo wali gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Falanqeeyeyaasha amniga ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay si hoose ugu dhex milmeen taliska Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo sheegay in xubno ka tirsan ciidanka ay si qarsoodi ah ugu shaqeeyaan danaha kooxda. Si kastaba, Caasimada Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karto sheegashooyinkaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda, iyadoo warar soo baxaya ay muujinayaan in qaar ka mid ah askarta dowladda ay si hoose ula shaqeeyaan kooxda, arrintaas oo si xilliyeed loogu eedeeyo siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore.

Mas’uuliyiinta degmada Moqokori, oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada, ayaan wali meesha ka saarin suurta-galnimada in Al-Shabaab ay ka dambeyso falka, hase yeeshee warbixin horudhac ah ayaa muujinaysa in askarigii dilka geystay uu u muuqday mid ku sugnaa xaalad maandooriye.

Guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in isticmaalka daroogada ee ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa ku sugan goobaha dagaalka, uu yahay dhibaato baahsan oo wiiqaysa anshaxa iyo awoodda shaqo ee ciidanka.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadeedu ay xoojiyeen weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna dileen tiro ka mid ah dagaalyahannada kooxda. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa iyaduna sheegatay in ay dileen in ka badan 22 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda intii lagu jiray weerar aargudasho ah. Tiradaasi lama xaqiijin karo si madax-bannaan, maadaama kooxda ay caan ku tahay faafinta warar buunbuun ah oo u adeegaya ujeeddooyin dacaayadeed.

Faah-faahinta hoobiyeyaal lagu weeraray xerada Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaal ah oo aroornimadii hore ee saaka ayaa tiro hoobiyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ku dhaceen gudaha xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney maqleen ilaa afar jug oo is xig-xigay, kuwaas oo si gaar ah ugu dhacay agagaarka garoonka. Waxaana la tilmaamay in jugta hoobiyaashaas ay abuurayeen cabsi iyo dareen amni darro oo ku faaftay qeybo ka mid ah degmada.

Tirada madaafiicda guud ayaa lagu qiyaasay lix, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn halka ay labo ka mid ah ku dhaceen. Ilaa iyo hadda lama hayo war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkaan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay hey’adaha amniga ee dowladda Federaalka ama maamulka ciidamada AUSSOM ee halkaas ku sugan.

Daqiiqado kadib weerarka ayaa kooxda Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda, iyagoo fariin ku baahiyay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin, taasoo ay ku sheegeen iney iyagu fuliyeen weerarka lagu beegsaday xerada Xalane.

Kooxda ayaa horey ugu caan baxday weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsado xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo horey u bartilmaameedsatay xeradan.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga caasimadda soo hagaagayo, iyadoo la ogyahay in xerada Xalane ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan magaalada, maadaama ay hoy u tahay ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika iyo shaqaale caalami ah.

Weerarka maanta ayaa qeyb ka ah weerarro dhowr ah oo Al-Shabaab ay sanadkaan gudihiisa ka fulisay gudaha Muqdisho, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado xarunta Xalane iyo nawaaxigeeda, taasoo muujineysa in halista amni ee magaalada ay weli tahay mid taagan.

Mas’uul ka tirsan HirShabelle oo lagu dilay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Agaasimihii Waaxda Arrimaha Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowlad goboleedka HirShabelle, Dr. Maxamed Cabdi Cali (Dr. Gaalib) ayaa lagu khaarajiyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii Dr-ka ku dilay xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, iyadoo wararka ay sheegayaan in kooxdii falka ka dambeysay ay si deg-deg ah uga baxsadeen goobta.

Dr. Gaalib ayaa ka mid ahaa dhalinyarada aqoonyahanka ah ee si weyn looga garanayo magaalada Jowhar, isagoo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan oo la xiriira caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Dilkiisa lama oga ciddii ka dambeysay, balse falkaasi wuxuu gilgilay bulshada deegaanka oo aad uga argagaxday dilka agaasimaha.

Laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno ay ku raadinayaan gacan ku dhiigleyaasha dilka geystay, hase yeeshee ilaa iyo hadda lama shaacin cid loo qabtay ama si cad looga tuhmayo weerarka. Warbaahinta ayaa la xaqiijiyay in ay socdaan howlgallo lagu ogaanayo xogta ka dambeysa falkaasi naxdinta leh.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle, Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim (Cali Ciiley), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, eheladiisa iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda. Wuxuu sidoo kale faray hay’adaha ammaanka in la dadajiyo baaritaanka isla markaana caddaaladda la horkeeno kuwii falkaasi geystay.

War qoraal ah oo uu wasiirku soo saaray ayaa lagu muujiyay sida uu uga xun yahay geerida agaasimaha, isagoo ku tilmaamay shaqsi firfircoon oo kaalin mug leh ka qaatay arrimaha wacyigelinta bulshada iyo barnaamijyada horumarinta. Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Jowhar in ay garab siiyaan hay’adaha ammaanka si loosoo qabto dambiilayaasha.

Dr. Gaalib ayaa maalmihii u dambeeyay ka shaqeynayay wacyigelin iyo baraarujin ku saabsan arrimaha bulshada, isagoo kulamo la yeeshay arday iyo macallimiin ku sugan iskuulo iyo jaamacado ku yaalla Jowhar. Dadaalladaas ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo bulshada loogu dhiirri-gelinayay iskaashi iyo ka hortagga kooxaha dhibaatada ku haya nabadda iyo horumarka deegaanka.

Soomaaliya: Handaraab siyaasadeed oo salka ku haya khiyaano iyo awood-doon

Hordhac

Qoraalkani waa turjumid kooban oo Af-Soomaali ah, ee buugga 48-da Xeer ee Awoodda. Waxaan si kooban u tilmaami doonaa sida ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu dhaqmaan fikradaha iyo xeeladaha lagu soo bandhigay buugga caanka ah ee “The 48 Laws of Power” ee uu qoray Robert Greene iyo 48da xeer oo Af-Soomaali ah.  Buuggu wuxuu si qoto dheer u eegaya xeeladaha ay adeegsadaan dadka doonaya inay helaan awood siyaasdeed iyo sida ay ku gaaraan. Buuggu wuxuu ku saleysan yahay taariikho dhab ah, khiyaanooyin casri ah, iyo sida loo xakameeyo ama loogu ciyaaro dareenka iyo maskaxda dadka.

Siyaasadda Soomaaliya, oo ay hadheeyeen kalsooni darro, isku dhac joogto ah, iyo hoggaan la’aan, waxay muujinaysaa sida xeerarkan loogu dabaqay si indho la’aan ah, iyadoo laga dhaxlo cawaaqibka xun mustaqbalka dhaw iyo kan fogba. Inta badan siyaasiyiinta Soomaalidu waxay adeegsadaan xeeladaha buuggan iyaga oo aan fahamsanayn, ama aan la akhrin istaraatiijiyadda iyo nuxurka dhabta ah ee ka dambeysa, taasoo keenta burbur, fowdo, iyo bulsho ku waalan siyaasado ay faham la’aani sal u tahay.

Xeerarka Awoodda – Turjumaad Kooban

  1. Waligaa Ha Shiiqin Sayidkaaga

Ka dhig kuwa kaa sarreeya inay dareemaan inay ka wanaagsan yihiin; ha muujin kartidaada si aanad u baqdin gelin.

  1. Kalsooni Badan Ha Ku Qabin Saaxiibadaa; Baro Sida Cadowga Loo Adeegsado Saaxiibkaa ayaa ku khiyaamayn kara, mid cadaawad hore idinka dhexeysay ayaa daacad kuu noqon kara haddii fursad la siiyio.
  2. Qari Ujeedadaada Dhabta ah

Dadku ha garan waayaan waxa aad damacsan tahay si aad u wareeriso.

  1. Hadalkaagu Ha Yaraado

Dadka awoodda badan leh hadalkoodu wuu kooban yahay; aamusnaantu waxay keeni kartaa in lagaa baqo.

  1. Sumacadu Waa Muhiim Ilaalinteeda Nafta ag dhig

Sumcaddaadu waa xudunta awooddaada; u ilaali si dhammaystiran.

  1. Soo Jeedi Indhaha Dadka, Qiimo Kasta Ha Kuugu kacdee Is-muujintu waxay la mid tahay
  2. Ka Faa’iidayso Dadka Kale Laakiin Adigu Qaado Amaanta Shaqada u dir dadka kale, natiijadana adigu sheego.
  3. Ku Qasab Dadka Inay Adiga Kuu Yimaadaan, Haddii Loo Baahdo U dhig Dabin Xakamee ciyaarta adigoo dejinaya shuruudaha.
  4. Guusha Ficil Ku Raadi, Hadal Ha Ku doonin

Dooddu waxay abuurtaa iska caabin; ficil ku muuji halkii hadal iyo dood aad geli lahayd.

  1. Ka Fogow Dadka Murugeysan ee Nasiibka Xun La dhaqan keliya kuwa ku dhiirrigeliya.
  2. Baro Sida Dadka Kuugu tiirsanaadaan

Ka dhig in adiga la’aantaa tahay khasaaro.

  1. Adeegso Daacadnimo iyo Deeqsinimo aad dooranaysid Si Aad U Seexiso Kuwo Aad Dhagraysid

Tus caddaalad iyo deeqsinimo si aad u qariso khiyaanadaada.

  1. Markaad Gargaar Dalbanayso, Ka Tus Dadka Dantooda, Ha Dalban In Naxariis

Laguu Sammeeyo

Dadku waxay wax u sameeyaan danahooda awgood.

  1. U Ekow Saaxiib, Laakiin U Shaqee Sida Basaas Xogta uruuri adigoo is qarinaya.
  2. Cadawgaaga Si Buuxda U Baabi’i

Hawl aan si dhammaytiran loo fulin, waxay keentaa aargoosi.

  1. Isticmaal Maqnaanshe Si Laguu Tebo

Mararka qaarkood maqnaanshuhu waa xoog.

  1. Ha U Ogolaan Dadka Inay Fahmaan Talaabooyinkaaga Noqo Mid Aan La

Saadaalin Karin

Odoris la,aantu waxay dadka ku abuurtaa inay cabsi dareemaan.

  1. Ha Noqon Kaligaa – Kelinimadu Waa Halis

Ku xirnow dadka si aadan u noqon bartilmaameed.

  1. Ogow Qofka Aad La Macaamileyso Ha u Gefin Qof Khaldan Dadka qaarkood waxay noqon karaan cadow khatar badan.
  2. Ha Isku Dhiibin Qof Kasta

Iska Dhig dhexdhexaad si aad u ciyaarto dhinac badan.

  1. Is Doqomee Si Aad Doqon U Qabato

Muuji doqonnimo si aad u ogaato gol-jilicda cadawgaaga.

  1. Isticmaal Taaktikada Is-dhiibka Si Awood Yarida Aad Ugu Rogto Awood

Is-dhiibiddu waxay keeni kartaa inaad hesho waqti ama naxariis laguu muujiyo.

  1. Awoodaada Ku Uruuri Hal Meel

Ha kala firdhin dadaalkaaga iyo awoodaada.

  1. Ciyaar Doorka Garsooraha Ugu Wanaagsan

Adeegso Diblumaasiyad iyo hadal macaan

  1. Naftaada Dib U Samee

Wanaaji muuqaalkaaga si aad ula jaanqaadid waqtiga.

  1. Ha Wasakheyn Gacmahaaga

U isticmaal dad kale inay kuu qabtaan shaqooyinka wasakhda ah.

  1. Ka Faa’iidayso Baahida Dadku U Qabaan Runta, Abuur Dad Kuu Raacsan Sida

Caqiido

Abuur mabda’ si aad dadka ugu xirto meesha ay higsanayaan.

  1. Qaado Tallaabo Geesinimo Leh

Labalabayntu waxay astaan u tahay tabar-darro.

  1. Qorshee Tallaabooyinkaaga

Ka fiirso caqabadaha iyo natiijada ka dhallan kara tallaabooyinka aad qaadayso.

  1. Ka Dhig Guulahaaga Kuwo Si Fudud Ku Yimid Qari dhibka aad ka soo martay guusha.
  2. Xakamee Fursadaha Isu Kala Daadi Si Aad u Dagto Si xirfadaysan ah u xadid ikhtiyaarada dadka kale.
  3. La Ciyaar Khiyaalka iyo Riyada Dadka

Dadku waxay jecel yihiin riyo iyo been macaan.

  1. Ogow Meesha Uu Qofku Ka Jilicsan Yahay Raadi meelaha laga jabin karo qofka.
  2. U Dhaqan Sida Boqor Si Laguu Tixgeliyo

Isku kalsoonaantaadu waxay keentaa ixtiraam.

  1. Baro Farshaxanimada adeegsiga Waqtiga Ku dhufo marka ku habboon
  2. Waxa Aanad Helayn Ha haybin, Ka Fogaanshaha waxaanad helayn Waa Aargoosi Ugu Wanaagsan

Ka hadalka wax aanad heli karin waxay muujinaysaa tabar-darro.

  1. Abuur Muuqaallo Qiiro Leh

Astaamo indho-daraandar leh ayaa qarin kara xaqiiqooyin adag.

  1. Sida Aad Doontid U Feker, Laakiin U Dhaqan Sida Dadka Kale Is qari si aad uga fogaato weerar.
  2. Walaaq Biyaha Si Aad Uga Kalluumaysato Abuur jahwareer si aad uga faa’iideysato.
  3. Ha Jeclaan Qado Bilaash ah

Hadiyaduhu waxay wataan xarko; ka digtoonow.

  1. Ka Fogow Inaad Gashato Kabaha Shakhsi Wayn oo Hore Soo bandhig kala duwanaansho iyo ikhtiraac.
  2. Weysha Gawrac, Dibbigu ha Quus Qaatee

Tirtir hoggamiyeyaasha si aad uga adkaato mucaaradka.

  1. Kasbo Quluubta iyo Maskaxda Dadka

Adeegso daacadnimo adigoo isticmaalaya hadallo qiiro iyo caadifad leh.

  1. Hubka ka dhig oo Ka Caraysii Adigoo sidooda Iska Dhigaya U ekow sida cadowga si aad khaladkooda u aragto.
  2. Ka Hadal Baahida Loo Qabo Isbeddel, Laakiin Ha Sameynin Mid Xad-dhaaf Ah Hal Mar

Isbeddel badan oo hal mar ah wuxuu keenaa iska caabin.

  1. Ha Iska Dhigin Qof Wada Wanaagsan

Xaasidnimo ayaa dhalata markaad u ekaatid qof aan qalad lahayn.

  1. Ha Dhaafin Bartilmaameedkii Aad Hiigsaneysay Guusha Dhexdeeda, Ogow

Goorta La Joogsado Iyo Halka lagu Joogsado

Isfidinta xad-dhaafka ahi waxay dhalisaa cawaaqib xun.

  1. Noqo Mid Aan Lahayn Qaab Joogto ah

Is banbaani si aad u badbaado, ad-adayga xad dhaafka ah waxaa laga dhaxlaa halaag.

Gabagabo

Xeerar aan la shaandhayn iyo siyaasiyiin aan damiir lahayn oo isbiirsaday waxay horseedeen burburka siyaasadeed ee Soomaaliya:

Siyaasadda Soomaaliyeed waxay si ba’an ugu dhacday dabinka “xeeladaha awoodda,” iyadoo la adeegsanayo khiyaano, cabsi gelin, iyo sumcad dilid si loo gaaro kursi iyo mansab, balse aan la eegin maslaxadda shacabka ama xasilloonida dalka. Waxaa nasiib darro ah in xeerar loogu talagalay baraarujin iyo feejignaan istaraatiijiyadeed loo adeegsado sidii qaanuun la isku halleyn karo, iyada oo aan laga fiirsaneyn waxyeellada mustaqbalka fog.

Waa in bulshadeennu barato oo ku baraarugto in awood aan damiir lahayn aysan waarin, xukunka iyo maamulka dawliga ahi uusan micno yeelan , lagana dhaxlo burbur, colaad iyo kalsooni-darro. Waxaa lagama maarmaan ah in jiilka cusub ay yeeshaan damiir, aqoon iyo aragti qaranimo, kuwaas oo awoodda ku raadiya hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka.

Xeerarka awoodda waa in lala akhriyaa nuxurka iyo istraatiijiyada ka dambaysa laguna akhriyaa maskax furan, miisaan iyo damiir diimeed. Waana in lagu barrarugaa in ummadda diinteeda iyo dhaqankeeda loo ilaaliyo, si xeerarkani ugu noqon ummadda xadhigii lagu daldali lahaa. Ugu dambayn jiilka cusub waxaan ku baraarujinayaa in Siyaasi buuggaas tixraac iyo marjac u yahay, oo dal iyo dad aan muraad ka lahayn ku awr kacsan.

Abdul-kadir M. Ahmed
[email protected]

Cirro oo codsi u diray 130 dal – Maxay rabtaa Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa mar kale si xooggan ugu celiyay baaqiisii ku wajahnaa beesha caalamka, isagoo dalbanaya in si rasmi ah loo aqoonsado madax-bannaanida Somaliland, xilli la xusayay sannad-guuradii 34-aad ee waxa ay Somaliland u aragto dib u heliddii xorriyaddeeda.

Cirro oo khudbad ka jeediyay xuska maalinta qaranimada 18-ka May ayaa sheegay inuu warqado rasmi ah u diray in ka badan 130 dowladood—oo ay ka mid yihiin madaxwayneyaal, ra’iisul wasaarayaal, boqorro iyo amiirro—kuwaas oo uu ka codsaday in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

“Beesha caalamka waxaan leeyahay: hadda ayaa la jooga waqtigii la aqoonsan lahaa Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Cirro. “Waxaan diyaar u nahay in aan door muhiim ah ka ciyaarno nabadda, amniga iyo barwaaqada guud ee Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu caddeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku dhisan tahay nabad ku wada noolaansho, is-ixtiraam iyo iskaashi wax-ku-ool ah. Wuxuu xusay in Somaliland ay doonayso xiriir adag oo wada-shaqeyn leh oo ay la yeelato dalalka caalamka, gaar ahaan iyadoo gobolka uu sii kordhayo muhiimaddiisa istiraatiijiyadeed.

Cirro ayaa u mahadceliyay dalalka la yeeshay xiriir dhinacyada ganacsiga iyo diblomaasiyadda, isagoo si gaar ah u magacaabay Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday, Mareykanka, Jabuuti, Taiwan, Turkiga iyo Kenya.

“Maalintan qaranimada, waxaan la xiriiray dhammaan 195-ka dal ee xubnaha iyo goobjoogayaasha ka ah Qaramada Midoobay,” ayuu yiri. “Waxaan ka codsaday in ay taageeraan xaqa Somaliland u leedahay inay ka mid noqoto dalalka caalamka.”

34 sano oo xasillooni ah balse diblomaasiyad cakiran

18-ka May 2025 waxay Somaliland u tahay 34 sano tan iyo markii ay si madax-bannaan ugu dhawaaqday gooni-isu-taag, kaddib burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991. Somaliland oo hore u ahayd maxmiyad Ingiriis ah ayaa xornimadeeda la heshay bishii Juun 1960, kahor inta aysan ku biirin gobollada Koonfureed ee uu Talyaanigu maamulayay si loo dhiso Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Tan iyo markaas, Somaliland waxay si dhammaystiran ugu shaqeynaysay sida dal madax-bannaan—iyadoo leh dastuur u gaar ah, lacag u gaar ah, ciidan qaran, iyo garsoor madax-bannaan. Waxay qabatay doorashooyin nabad ah oo dhowr ah, waxaana si weyn loogu ammaanay xasilloonideeda marka loo eego inta kale ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro dal si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland, halka Midowga Afrika uu mar walba ku celiyo muhiimadda ay leedahay midnimada Soomaaliya. Kuwa taageersan aqoonsiga Somaliland waxay ku doodayaan in ay buuxisay dhammaan shuruudaha dawladnimada caalamiga ah, ayna muujisay waayo-aragnimo deggan oo dimuqraadiyadeed. Laakiin kuwa kasoo horjeeda waxay ka baqayaan in aqoonsiga Somaliland uu dhiirrigelin u noqon karo dhaqdhaqaaqyo kale oo gooni-isu-taag ah oo ka dhaca Afrika.

Baaqan Somaliland ayaa imanaya iyadoo gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas uu noqday goob istiraatiiji ah oo ay tartan xoogan ka wadaan quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Dekedda Berbera oo la ballaariyay iyadoo taageero ka helaysa shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, ayaa si degdeg ah ugu soo baxaysa xarun ganacsi iyo amni oo muhiim ah. 

Somaliland President renews international recognition bid  

HARGEISA, Somaliland – On the 34th anniversary of what it regards as the restoration of its independence, Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro made a renewed and determined appeal to the international community, urging formal recognition of the self-declared republic.

Addressing the nation during official National Day celebrations on May 18, President Irro announced that he had dispatched letters to more than 130 countries—including presidents, prime ministers, monarchs, and emirs—calling on them to recognize Somaliland as a sovereign state.

“To the international community, I say this: now is the time to recognize the Republic of Somaliland,” Irro declared in his speech. “We stand ready to play a central role in advancing peace, security, and shared prosperity across the Horn of Africa and the Red Sea region.”

The president reaffirmed that Somaliland’s foreign policy is grounded in peaceful coexistence, mutual respect, and constructive partnership. He emphasized that Somaliland seeks strong, cooperative relations with nations worldwide, particularly as the region gains strategic importance.

Irro expressed gratitude to countries that have engaged Somaliland through economic cooperation and diplomatic dialogue, naming Ethiopia, the United Arab Emirates, the United Kingdom, the United States, Djibouti, Taiwan, Turkey, and Kenya, among others.

“On this day of national pride, I have reached out to leaders of all 195 member and observer states of the United Nations,” he said. “I urge them to support Somaliland’s rightful place among the world’s nations.”

A legacy of stability amid diplomatic limbo

May 18, 2025, marks 34 years since Somaliland unilaterally declared independence from Somalia following the collapse of the central government in 1991. A former British protectorate, Somaliland briefly gained independence in June 1960 before uniting with the former Italian-administered south to form the Somali Republic.

Since breaking away, Somaliland has functioned as a de facto state with its own government, constitution, currency, armed forces, and independent judiciary. It has held multiple peaceful elections and has been widely praised for its relative stability, especially compared to other parts of Somalia.

However, no country has formally recognized Somaliland, and the African Union has consistently urged Somali unity. While proponents argue that Somaliland meets all the criteria for statehood and has demonstrated a longstanding commitment to peace and democratic governance, opponents fear that recognition could encourage secessionist movements elsewhere.

Somaliland’s call for recognition comes amid heightened geopolitical interest in the Horn of Africa and the Red Sea corridor—an area increasingly shaped by competition among regional and global powers. Somaliland’s strategic port of Berbera, expanded with investment from the UAE-based DP World, is emerging as a key trade and security hub.

Qorshaha halista badan ee Imaaraadka maxay indhaha uga fiirsanayaan madaxda DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda ugu sareysa dalka ayaa indhaha ka daboolaneysa hagar-daamada ay dowladda Imaaradka Carabtu ku heyso Soomaaliya, laakiin mararka qaar waxay u sheegaan si maldahan, kamana muuqato geesinimo ay ku qaadan karaan go’aan lamid ah kii xukuumadii Xasan Cali Kheyre ay xiriirka ugu jirtay, dalkana uga saartay.

Xalay oo ugu dambeysay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa muujiyey inay tuhmayaan inay jiraan dowlado shisheeye oo mucaaradka lacago soo siinaya, si ay qalalaase amni uga bilaabaan dalka, loona diido doorashooyinka, dagaalka argagixisada iyo dhamaan qorshayaasha dowladda.

Horay Madaxweybe Xasan Sheekh ayaa u miijiyey walaaciisa tallaabooyinka ay qaadayaan Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya, hadana wuxuu hoosta ka xariiqay inay ixtiraamayaan oo hadda aysan diyaar u aheyn inay la kala dhintaan dowlad sidaas saameyn u leh.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo yeertay xog sheegeysa in Imaaraadka ay lacag u soo dhiibayaan qaar kamid ah mucaaradka, kuwaas oo qorsheynaya inay ka hortagaan doorashada dadweynaha, dagaalka argagixisada, gudaha Muqdishana ka bilaabaan qalaalaase, ilaa xukuumadda lagu qasbo inay u soo laabato doorasho dadban.

Xamse xalay kulan fursan kula hadlaayey dhallinyarada Muqdisho ayaa yiri, “Waxaa jira dowlado aad idinkuba garaneysaan oo markii xiliyadaan oo kale la soo gaaro ay shaqadoodu tahay inay kala laaluushaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo soo siiya lacago aan micno laheyn, kuwaas oo lagu yiraahdo orod waxaas diid, halkaas qarxi iyo waxaas hor istaag.”

Ra’iisul Wasaraha ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ogahay ragga dhahayana ay ogyihiin in hadallada qaar ay yihiin xisaab xir iyo farriimo loo dirayo dowladahaas shisheeye, waan fahmeynaa dhagartooda, dhaqaale yar oo dalkaan in lagu qaso lagu soo qaatay dadka Soomaaliyeed ma dhaafsa doonaan mustaqbalkooda.”

Horay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowr bilood ka hor u sheegay in Imaaraadku ay Soomaaliya ula dhaqmaan siyaabo aan habooneyn, balse markii ugu dambeysay ay balan qaadeen inay joojinayaan ficiladooda xad-gudubka ah.

Hadda waxaa la sheegay inay sameysteen dalaal rasmi ah oo ku jira madaxda dowlad goboleedyada, waxayna qorsheeyeen inay bilaabaan qalalaase aan horay loo arag oo ay uga hortegayaan qorshaha lagu qodayo shidaalka Soomaaliya oo Turkigu gacanta ku hayo.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay hubeynayaan, dagaalka Al_Shabaab ayaa sidoo kale la qorsheeyey in dowladda lagu fashiliyo, iyadoo ugu dambeyntiina gudaha Muqdisho lagu haminayo in ciidamo hubeysan lasoo geliyo, si talada dalka looga wareejiyo Xasan Sheekh ooh adda hal sano u dhiman tahay.

Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalka ay isku dhacsan yihiin ayuu saaxiibka koowaad ka dhigtay Imaaraadku, dhowaan waxaa la sheegay in safkooda u uku biiray Laftagareen, horay waxay si gaar ah ula macaamili jireen Somaliland, waxayna Soomaaliya ka jecelyihiin Itoobiya oo ay la safteen markii uu qarxay khilaafkii ka dhashay heshiiskii uu sanadkii hore Addis Ababa ku saxiixay Muuse Biixi.

Sawirro: Xasan Sheekh oo soo arkay dhaawacyada macawiisleyda Xawaadle

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho ku booqday Ciidamada Macawisleyda gobolka Hiiraan ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka ka socda gobolkaas ee lagu jebiyey argagixisada.

Madaxweynaha oo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee ciidamadaan geesiyaasha ah ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, isagoo ka wareystay xaaladooda iyo baahiyaha caafimaad ee ay qabaan.

Madaxweyne Xasan ayaa balan-qaaday in Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad ee geesiyaashaan ku soo dhaawacmay jihaad.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay in dowladdu bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin dadka reer Hiiraan ee dagaalka adag kula jira argagixisada.

“Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen, dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Demartino oo lagu dabiibayo dhaawacyada ugu badan ee ciidankii laga keenay Hiiraan iyo bukaano kale oo horay u yaallay.

Madaxweynaha ayaa kormeer kadib warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka.

Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

Loolanka Jihaadiyiinta VS Suufiyada ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jihaadiyaddu waa khatar si joogto ah isu beddesha—mar waa dhibaato maxalli ah, mar kalena waxay noqotaa hanjabaad caalami ah.

Soomaaliya waxay ka reeban tahay xaaladdan rogroganta, iyadoo muddo labaatan sano ah ay kooxdu al-Shabaab—farac ka tirsan Al-Qaacida—si joogto ah u beegsatay dhammaan hay’adaha dowladda, xarumaha amniga, iyo hoteellada waaweyn ee Muqdisho.

Bishii April, al-Shabaab waxay qabsatay magaalooyin muhiim ah oo qiyaastii 150 mayl u jira caasimadda, halkaas oo weli laga fuliyo weerarro miinooyin dhulka lagu aaso ah iyo hoobiyeyaal. Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa dhawaan shaaciyey inuu u baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah si uu u fuliyo waajibaadkiisa.

In Soomaaliya ay noqoto meel lagu beero jihaadiyaddu waa masiibo taariikhi ah oo murugo leh. Islaamka Soomaalida wuxuu ka soo jeedaa dhaqan Suufinimo oo ruuxi ah, mana aha diinta laf-dhabarta kala qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee sagaashamaadkii, dagaalladu waxay ahaayeen kuwo salka ku haya qabiil iyo gobol—ma ahayn kuwo diin ku saleysan. Si kastaba, marka nidaamyadii dowladeed burburaan, jihaadiyaddu waxay isu beddeshaa nidaam degaan u leh kooxaha hubeysan.

Sida uu ii sheegay sarkaal sare oo Soomaali ah, al-Shabaab waxay dagaalka uga horreysay dowladda. Kooxda waxaa la aasaasay 2006, halka Ciidanka Xoogga Dalka dib loo dhisay 2008. Jihaadiyaddu waxay dad badan u tahay waddo looga baxo nidaamka qabiilka iyo qaab lagu raadsado aargoosi beeleed.

Al-Shabaab waxay ciidamo badan ka heshaa beelaha la takooro, halka dowladda ay weli ku liidato in ay xooggeeda ku muujiso gudaha dalka. Tababarayaal maxalli ah iyo ajaanib, dalaaliin hub, iyo faafiyayaal xagjir ah ayaa si xornimo leh ugu howl gala Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa dagaalyahanadeeda siisa fursado ballaaran oo ay ku hantaan awood iyo dhaqaale, taas oo ka badan waxa laga helo dowladda ama hay’ad kale.

Hase yeeshee, diintu qayb bay ka tahay colaadda. Waxaan wareystay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud gudaha Villa Somalia, dhisme amni adag leh oo ku yaalla xarunta dowladda.

Madaxweynaha oo 69 jir ah, kana badbaaday weerar lagu qaaday kolonyadiisa bishii Maarso, ayaa sheegay in dowladda ay ku jirto “dagaal feker ah.” Wuxuu xusay aayad Qur’aan ah oo muujinaysa in Islaamku ixtiraamo karaamada aadamaha. “Al-Shabaab waa dad hal mar isugu yimaada si ay 1,000 qof u dilaan,” ayuu yiri.

Dowladdu waxay bilaabaysaa telefishin cusub oo faafin doona aragtida Islaamka ee aan xagjirnimadu dhaawicin. Waxaana laba jeer la isugu yeeray in ka badan 300 culimo Soomaaliyeed si ay shirar ugu cambaareeyaan al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa qiray in kulamadan lagama maarmaan u ahaayeen sidii shacabka loogu qancin lahaa khatarta kooxda. “Marka siyaasi yiraahdo al-Shabaab waa xun tahay, dadku waxay u arkaan olole siyaasadeed… Laakiin marka sheekh weyn fatwo bixiyo oo yiraahdo arrin gaar ah waa diidmo Islaam ah, dadka ma aqbalaan.”

Cabdulqaadir Macallin Nuur, siyaasi iyo imaam Suufi ah, ayaa sheegay in arrintaasi aysan ku filnayn. “Suufiyadu way is ururiyeen, fatwana way bixiyeen, laakiin yaa fulinaya? Madaxweynaha wuu dadaalay, laakiin waxaad u baahan tahay xoog.”

Cabdulqaadir, oo horey saaxiib ula ahaa madaxweynaha balse hadda siyaasadda kaga soo horjeeda, ayaan xilliga aan la kulmayey wax ilaalo ah la socon. Waxaan kula kulmay masaajid furan oo uu hoggaamiyo, halkaas oo ay joogeen boqolaal arday iyo taageerayaal xiran dhar cad.

Wuxuu madax ka yahay xisbi siyaasadeed Suufi ah oo cusub, wuxuuna horey u soo noqday wasiir iyo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Ururka Iskaashiga Islaamka. Xilkaas ayuu iska casilay si uu ugu laabto siyaasadda. “Dabeecad ahaan, waxaan ahay hoggaamiye ruuxi ah, ma ahan siyaasi,” ayuu yiri.

Cabdulqaadir, oo ah wiil uu dhalay wadaad caan ah, wuxuu dalka dib ugu soo laabtay 2009 kaddib sanado uu dibadda ku maqnaa. Waqtigaas, al-Shabaab waxay gacanta ku haysay qiyaastii 80% Muqdisho. Cabdulqaadir wuxuu abaabulay malleeshiyaad Suufi ah oo la dagaallama al-Shabaab.

Kooxdiisa waxay waayeen in ka badan 200 dagaalyahan intii lagu jiray dagaalladaas, waxayna ku guuleysteen in ay kooxaha ku riixaan miyiga. Wixii intaa ka dambeeyay, al-Shabaab waxay dishay wiil uu dhalay iyo walaashiis.

“Kahor dagaalkii sokeeye, hal qof oo jihaadi ah xitaa dalka kuma nooleyn,” ayuu yiri. “Suufinimo ayaa dalka hoggaaminaysay.” Tan iyo markaas, dhammaan hay’adihii dowladda iyo ilihii awoodda ee dalka ayaa burburay. Inta weli muuqata waxay salka ku haysaa diin ama qabiil. Haddii jihaadiyaddu tahay wax dibadda laga keenay, waxay u muuqan kartaa mid ay dadku u arkaan xal, maadaama dalku uu ka arradan yahay nidaam shaqeynaya.

Fikirka xagjirka ah ee Islaamiyiintu wuxuu bixiyaa aragti cad, adag, isla markaana leh himilo caalami ah. Al-Shabaab waa urur jiritaankiisu dheer yahay, kana xooggan hay’adaha dowladda ee ay la dirirto. Dowladda weli ma awoodo inay si waara u keento beddel lagu kalsoonaan karo oo meesha ka saara argagixisada.

Si kastaba, waxa laga yaabaa in asalka dibadda ee jihaadiyaddu uu sidoo kale yahay meel ay ka jilicsan tahay. Soomaaliya waxay xambaarsan tahay dareen qaranimo oo xooggan, xitaa iyadoo dagaallo sokeeye ay wiiqeen muddo dheer. Cabdulqaadir Macallin Nuur, oo fadhiyay roog maqaar ah oo si farshaxanimo leh loo sameeyay, wuxuu ii soo dhigay bun ku dhex jirta saliid kulul oo sisin ah, kuna jirta weel qoryo ah oo la xardhay—cunno dhaqameed lagu marti geliyo xafladaha ruuxiga ah ee Suufiyada.

Waxaa laga yaabaa in jawaabta al-Shabaab lagu xallin karo Soomaalinimadaas gaarka ah—soo celinta aqoonsiga qaran iyo mid diineed oo awood u leh inuu maalin maalmaha ka mid ah ku darsado xataa kuwa hadda xagjirka ah. “Haddii al-Shabaab ay diyaar u yihiin inay aqoonsadaan Soomaaliya inay tahay dal leh xuduudo iyo calan buluug ah, waxaan ku martiqaadi lahaa halkan. Waa dadkeennii,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

“Haddii ay doonayaan awood, ha yimaadaan oo aan wada hadalno. Laakiin haddii ay rabaan in Soomaaliya laga tirtiro khariidadda adduunka, annagu maya baan leenahay.”

Qalinkii: Armin Rosen, The Wall Street Journal

AFRICOM oo wax ka bedel ku sameysay siyaasadda howlgallada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay in uu joojinayo shaacinta macluumaadka la xiriira khasaaraha ka dhasha duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump uu wali dejinayo siyaasaddiisa amni iyo militari ee gobolka.

Tan iyo markii Trump xafiiska la wareegay, Mareykanka ayaa fuliyay ugu yaraan 24 duqeyn oo ka dhacay Soomaaliya, kuwaasoo lagu beegsaday xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee ka howl-gasha Puntland. Weeraradan ayaa qeyb ka ah dagaalka Mareykanka uu ku taageerayo dowladda Soomaaliya ee la tacaaleysa kooxaha xagjirka ah.

AFRICOM ayaa horay si joogto ah u shaacin jirtay khasaaraha weeraradaas, iyadoo war-saxaafadeedkii 12-ka April lagu sheegay in hal xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeyn. Si kastaba, bayaanka dambe ayaa laga reebay tirooyinka khasaaraha iyo waxyeellada shacabka.

Taliska AFRICOM ayaa sabab uga dhigay go’aankan in la ilaaliyo amniga howl-galada, iyagoo sheegay in aysan shaacin doonin faah-faahinta gaarka ah ee cutubyada iyo qalabka militari ee la adeegsanayo. Afhayeenka AFRICOM, Lt. Col. Doug Halleaux, ayaa sheegay in ay go’aansadeen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo shaacinta khasaaraha, maadaama maamulka cusub uu weli dejinayo siyaasadiisa.

Col. Halleaux wuxuu intaas ku daray in AFRICOM ay sii wadi doonto daabacaadda warbixino saddexdii biloodba mar ah oo ay ku faahfaahin doonaan haddii uu jiro khasaare soo gaaray shacabka. Wuxuu tilmaamay in duqeymihii u dambeeyay aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu sidoo kale hoos u dhigay daah-furnaanta weerarada uu ka fuliyo dalka Yemen. Taliska CENTCOM oo ka mas’uul ah gobolkaas ayaa muddo ku dhow lix toddobaad aan wax xog ah ka bixin khasaaraha shacabka, iyadoo Yemen Data Project ay sheegtay in duqeymahaas ay sababeen dhimashada in ka badan 200 oo qof oo shacab ah.

Tallaabadan AFRICOM ayaa dhalisay su’aalo la xiriira hufnaanta iyo isla xisaabtanka ku aaddan howl-gallada Mareykanka ee dibadda, gaar ahaan marka ay saameeyaan shacabka rayidka ah.