Kooxo hubaysan ayaa goordhow waxaa ay Mid kamid ah Shaqaalo Samafal ay ku dileen Gobolka Waqooyi bari Ama Gobolka NFD. Dilkan ayaa ka dhacay xerada dadka Soomaalida ay ku barakaceen ee IFO. dhowr xabad ayaa madaxa looga dhuftay Ninkaan oo dad goobta ku sugan ay inoo sheegeen in lagu magacaabi jiray Ducaysane. Kooxaha dilka gaystay ayaa baxsaday Isagana goobta lagu weeraray ayuu...
Xiriirka kubada cagta dalka Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in labada ciyaaryahan ee kooxda Chelsea Frank Lampard iyo Ryan Bertrand ay seegi doonaan kulanka xulka England uu isreeeb-reebka koobka aduunka ciyaar ka tirsan booqan doono dalka Poland. Waxay seegeen kulankii Jimcada ay England guusha ka gaartay San Marino laakiin Roy Hodgson ayaa rajo ka qabay inay ciyaaraan kulanka labaad ee talaadada. Si kastaba...
Ashley Cole ayaa diyaar u ah inuu ka tago Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii la isku afgaran waayey wadahadalo uu qandaraaska ku kordhin lahaa. Cole ayaa diiday inuu saxiixo hal sano oo uu qandaraaska ugu kordhinaayo Blues wuxuuna isku diyaarinayaa inuu bisha Janaayo ee sanada cusub la hadlo kooxo shisheeye ah, oo ay ku jiraan Real Madrid iyo...
Dhacdo Naxdin leh ayaa lagu arkay magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka hiiraan ka dib markii qof deegaanka la gowracay. Maydka Ninkan la gowrcay ayaa waxaa lagu arkay gudaha magaalada Beledwayne gaar ahaan dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Magaaladaas taasna waxaa ay cabsi badan gelisay shacabka. Muuqaalka Ninka la dilay ayaa waxaa uu ahaa ruux la gowracay oo qoorta laga jaray. Dilka...
Shalay ayaa baarlamanka Somalia, waxa ay qaadeen tallaabo codsi ah, balse u ekeyd amar ayaga oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u mariyay warbaahinta in R/W Saacid muddo laba malamood gudahood uu ku hor yimaado baarlamanka si codka kalsoonida loogu qaado. Haddaba qaar ka tirsan xildhibaanada oo arrintaas dhaliilsan, ayaa la hadalay Caasimada Online, waxaana ay sheegeen in tallabadaas ay tahay...
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in urur Goboleedka IGAD uu go’aamiyay in shirka gudiga farsamada ee ka socda Nairobi loo raro magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isbuuca soo socda. Wararka oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah, ayaa sheegaya in dhamaan 12-ka xubnood ee gudiga farsamada iyo madaxda saxiixayaasha ay dhowaan gaari doonaan magaaladda Kismaayo. Ciidamada Amisom...
Bilicda iyo quruxda magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, ayaa sii kordheysa maalinba maalinba ka dambeysa ayada oo aad arkeyso in magaalada ay ksuoo badanayaan dhismooyin cajiib ah iyo gawaari qurux badan. Taasi waxa ay astaan u tahay in magaaladu ay sii kobceyso, islamarkaana ay ammaan sii noqoneyso, oo dadku ay isku haleen karaan. Haddaba halkan ka daawo sawiro kooban oo dhowaan...
Sidaan wada ognahay heshiiskii Embagaati ee Soomaalida logu qabtay dalka Kenya sanadii 2002-2004, waxaa gabagabadii lagu soo yagleelay dowlad ku dhisan habka federaalka, waxaana madaxweyne u ahaa alaha unaxariistee C/lahi Yusuf Axmed. Bishii Augusto aynu soo dhaafnay ee sanadkaan waxaa magaalada Muqdisho lagu ansixiyay Dastuur Federaal ah oo KMG ah, waxaana ansixyay oday dhaqameedyo gaaraya 825 kuwaasoo laga soo kala...
Ka dib markii uu daqiiqadihii ugu dambeeyey Chelsea si amaah ah ku siisay kooxda Real Madrid, Michael Essien ayaa daaha ka qaaday inuu mar kale usoo carfaayo koobka ugu xiisaha badan Yurub ee Uefa Champions League. Los Blancos ayaa isha ku heysa inay soo meeleysato koobkeedii Tobnaad ee Champions League. Wuxuuna halbowlaha qadka dhexe ka qabaa rajo inuu mar kale Dhega...
Daafaca duula ee kooxda Real Madrid iyo xulka Brazil Marcelo ayaa garoomada sedax bilood ka maqnaan doona ka dib markii uu ku ciyaaray jab lugta hoosteeda ah, sida ay xaqiijiyeen xiriirika kubada cagta dalkiisa Brazil. 24 jirkaan ayaa dhaawac qabay intii uu tababarka qaadanaayey wuxuuna ka dhego adaygay tashiga qolyaha caafimaadka, taasoo loo sheegay inuusan ku ciyaari Karin dhaawaca. Si kastaba,...
Inter Milan ayaa lasoo werinayaa inay qorsheyneyso inay dalab cusub bisha Janaayo u dirto daafaca dambe ee kooxda FC Porto Rolando. Ciyaarayahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa lala xiriirinaayey inu xagaagii tegay u baqoolayo Serie A, markaasoo ay hardan ugu jireen Inter iyo Juventus. Rolando Jorge Pires da Fonseca ayaa maxadiisa kooxda Porto dul dhigtay aduun lacageed gaaraya 15 milyan...
Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda AC Milan Riccardo Montolivo ayaa ka dhawaajiyey inuusan ka shalaaynin inuu ku biiro kooxda Milan, isagoona difaacay qaabciyaareedkiisa xulka Italy ee kulankii Almenia. Mishiinkaan haga qadka dhexe ayaa si xor ah uga soo tegay kooxda Fiorentina wuxuuna ku biiray Rossoneri, oo hada horyaalka Italian Serie A kaga jirta booska 11-aad “Waa sax inay Milan ku jirto...
Halyeeyga kubada cagta Zinedine Zidane ayaa daaha ka qaaday inuu maalin uun macalin u noqon doono xulka France. 40 jirkaan ayaa xulkiisa lagu niinaaso Les Bleus ku hugaamiyey koobkii aduunka ee 1998dii iyo koobkii Qaramada Qaarada Yurub ee 2000, ka hor inta uusan Koobkii aduunka ee 2006dii kabtanku u weyn xulka Italy, wuxuuna talaabo u jiraa inuu noqdo macalin buuxa. “Waxaan...
Kooxo hubaysan ayaa  haweenay Ganacsata ah waxaa ay ku dileen gurigeeda oo ku yaala Xaafada suuqa Xoolaha ee degmada heliwaa. Dilka Haweenaydan ayaa yimid markii Wiilal bistoolada ku hubaysan ay ugu galeen gurigeeda oo Xaafada Cali Turcaaye ku yaala. Haweenaydan  la dilay ayaa waxaa la sheegay inay ahayd ganacsato oo waxaa ay ka ganacsan jirtay Shidaalka iyadoo fariisin jirtay Black Sea. Sabata...
Beryahaan dambe waxaa kusoo batay dalka Sweden tuugo ka qaraabata sanduuqa boostada, iyagoo la baxa warqadaha biilasha ay soo diraan shirkadaha, ka dibna isbedal ku sameeya. Qiyaanada ayaa ah in ay tuugadu la baxaan warqada biilka ay soo diraan shirdaha doonaya in uu qofku lacagta soo bixiyo. Tuugada ayaa wax ka soo badala koontada lacagta lagu shubayo iyagoo markaas warqad...
Baarlamanka Somalia ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana ay kullankooda kaga hadleen waxyaabo badan oo dalka quseeya. Waxaa ugu weynaa inay ra'iisul wasaaraha ka codsadeen inuu laba maalmood gudahood ku hor yimaado baarlamanka. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa hadalkii guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari uu halkaasi ka jeediyay. Hadalka Jawaari  
Taliyayaasha Ciidamada Dalka Somalia ayaa maanta hadallo ka jeediyay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa codadka Hadallada  Abaandulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Dhago Nadan, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sheekhuna Maye iyo Agaasimaha hay'adda nabad sugidda qaranka Axmed Fiqi ay maanta ka jeediyeen Wanlaweyn sheegayna in ciidama ammanka sida nabad sugida iyo Booliska la geeyo...
Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ayaa mudooyinkii ugu danbeysey ka wadey dekedda magaalada Bossaso mashaariic lagu balaarinayo oo qayb ka ah dadaalka dowladda Puntland ugu jirto sidii loo horumarin lahaa shaqada dekedda. Agaasimaha guud ee wasarada Dekaddaha Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafaan oo maanta 14 October,2012 warbaahinta kula hadlayay xarunta Dekadda  Bossaso ayaa ka war bixiyay qorshaha lagu balaarinayo dekada,wuxuna sheegay...
Kulankii maanta Baarlamanka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay barlamanka ku jeex jeexeen Arimo badan oo ay ku jirtay Codsi Ra’iisul Wasaaraha loo jeediyay. Kulan ay maanta  ay ku yeesheen Barlamanka xaruntooda Magaalada Muqdisho waxaa ay  uga hadleen Arimo dhowr ah waxaana ka mid ahaa Codsi ay u jeediyeen madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya  kaas oo ah in uu ...
Robinho ayaa afkiisa furtay iyadoo Milan ay guul darro kasoo gaartay kulankii Derby De Mondalino, wuxuuna ku hadaaqay in kooxdiisu hadiis aysan is dhigana y ku guuleysan karto Scudatto. Rossoneri ayaa fadhisa booska 11aad ka dib todobo kulan ay ciyaartay Serie A waxayna guul darro 1-0 ah dhowaan kasoo gaartay 10 ciyaaryahan oo Inter Milan ah. “Waxaad iigu yeeri kartaa Waalanoow,...

Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Sanbaloolshe iyo Ugaaska Xawaadle

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanboloolshe) ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Ugaaska beesha...