Muqdisho (Caasimada Online) Marka aad tagtid xarumaha dowladda ama aad ka qaybgashid shirarka jaraa’id oo ay qabtaan madaxda dowladda, waxaad arkeysaa hab dhaqan aad u xun oo ay ku kacayaan ilaalada madaxda dowladda.
Laga bilaabo ilaalada madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka, waxa ay isla wadaagaan dhaqan aad u xun oo aysan xitaa ku dhaqmin ilaalada wafduuda caalamiga ee timaada dalka.
Tusaale, marka uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shir jaraa’id ku qabanaayo xarunta Villa Somalia ama meelaha uu booqanayo, waxaa dhacda in baabuurka lagu wado isaga ay la socdaan illaa afar ama shan baabuur oo kale oo ay saaran yihiin ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha.
Waxa ay sameeyaan iyagoo socda baabuurka yey orday iyo qababac iyo xoog ku fuulaan waxaana moodaa in ay yihiin maleeshiyaad ku sugan goob colaadeed, waxa intaas u dheer baabuurta si waalan ayaa loo wadaa oo aad is lee dahay darwalka baabuurka ma cabsan yahay tolow!!!
Waxaan ka mid ahaa raxan wariyaal ah oo ka qaybgalay shir jaraa’id oo ka dhacayay Villa Somalia, waxa inta uusan shirka qabsoomin dhacday in ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka soo baxay kulanka, kuna sii jeeda aqalkiisa, ilaaladiisa gaarka ah ay sameeyeen is-waal iyo in baabuurta si xowli ah loo wado.
Waxan anniga iyo koox wariyaal ah is weydiinay maxaa ku kalifay in sidan oo dhan isku waalaan ilaalada ra’iisal wasaaraha, maadama ay ku jiraan meel ammaan ah, isla markaana uu baabuurka la socdo ra’iisal wasaaraha.
Mid ka mid ah wariyaashii aan isla joognay oo ka socday Al-Jazeera ayaa igu yiri waa dhaqan ay lee yihiin dhammaan ilaalada madaxda dowaldda, oo haddii aysan sida sameen waxa loo arkayaa ma shaqeyste aan waxbo tari hayn.
Markaas yaan ku iri waxa hadda shir jaraa’d qabtay danjire Agustine Mahiga oo ay la socdaan saraakiil badan oo ka socota midowga Africa, ilaalada la socota is-waal iyo baabuurka oo si xawaara ah loo wado ka muuqan ee maxaa meesha ka qaldan.
Wariya kale ayaa igu yiri, war kuwan waa kuwa sharci iyo nidaam soo arkay marka isku mid ma ahan dhallinyaradan waa kuwixii badan kood ahaa maleeshiyaadkii dhibka ku hayay magaalada oo ciidan laga dhigay.
Siddii u dhaqmaan ilaalada guddoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari?
Waxbo kama duwan kuwa aan ka soo sheekeenay ilaalada guddoomiyaha baarlamaanka, marka uu immaanayo kal fadhiyada golaha baarlamaanka, waxa la socda dhowr ilaalo ah, kuwaasoo inta uusan baabuurka ka soo dagin meelaha odar isla markiina difaac gala, Malaha waxaad moodaa kuwa dagaal ku jira, waxa intaas dheer si hal-haleel ah ama xoog ayaa lagu galiyaa xarunta baarlamaanka, isagoo xitaa salaamin dadka meesha jooga ama waardiyaha irida ayuu orad ku gala.
Dhibaatada ay ku qabaan Saxaafadda ilaalada madaxda dowladda.
Suxufiyiinta ka howlgasha Muqdisho dhibaato wayn yey ku qabaan madaxda dowladda, waxa ay ku dhibaan meelaha ay joogaan madaxda dowladda in si fudud ay howshooda u gutaan, waxa ay is hortaagaan kaamirada ama iyaga ayaa buuq galiya wariyaasha codadka ka duubanaya shirka jaraa’id
Waxa kaloo wariyaasha ay soo maraan dhowr jid gooyooyin oo yaalla xarumaha madaxda dowladda kuwaasoo si weyn la isku soo baaro, intaas la isugu ma turo ee waxaaba sii dheer in lagu marsiiyo mashiino wax baaro.
Waxa kaloo dhacda in wariyaasha loo sheego shir jaraa’id oo ay qabanayaan madaxda dowladda, markii ay yimaadaan ayaa wariyaasha waxa ay goobta joogaan dhowr saacadood oo aad u badan, taasna ay keento in shaqooyin badan oo ay qabsan lahaayeen ay meesha ku xayiranto.
Marka qaar waxaaba dhacda in iyagoo joogay goobta dhowrkaas saac la yiraahdo iska baxa shir jaraa’id ma jiro.
Waxa kastoo wariyaasha marka uu shirka jaraa’id uu qabto loo sheegaa in wax su’aalo ah aysan jirin oo ay iska baxaan, warkana ay qaataan.
Waxa kaloo aan ku arkay xarumaha madaxda, marka ay shirka jaraa’id qabtaan wafuuda caalamiga ah, in wariyaal badan aan loo sheegin magaca ama xilka uu hayo shaqsiga shirka jaraa’id qabtay taasna dhib ay ku noqoto wariyaasha.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi