Rafa Benitez ayaa aaminsan inay Chelsea dhamaadka isbuucaan noqoneyso Horyaalka Aduunka, sidoo kale wuxuu qabaa inay Chelsea bisha May gacanta kusoo dhigi karto Premier League.
Chelsea, ayaa Koobka Kooxaha Aduunka Axada ku wajaheysa kooxda Brazil ka dhisan Corinthians, waxayna 16 dhibcood ka dambeyn karaan hugaamiyeyaasha Manchester United marka ay kasoo laabtaan Japan iyagoo kulankooda xiga wajahaya Aston Villa.
Laakiin Benitez ayaa qaba inay kooxda Stamford Bridge wax walba bedeli karto sidii ay samesay 2010kii markaasoo ay United Horyaalka ka xayuubsadeen.
“Waan kugu raacsanahay inay United iyo City yihiin kooxo aan laga adkaan Karin waana kuwa ugu cadcad horyaalka,” ayuu yiri Benitez.
“Laakiin, hadii aad guuleysato laba ama sedax kulan oo xiriir ah markaas kalsooni ayaa kusoo geleysa.
“Kulanka aan wajaheyno Corinthians wuxuu noqon doonaa mid muhim inoo ah. Hadii aan ciyaarno kubad fiican kalsooni badan ayaa nasoo geli doonta. Tayada aan ku leenahay garoonka dhexdiisa, kooxdaan waxayba ku guuleysa kartaa horyaalka si gaar ahaaneed.”
Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa doonaya inay kooxdiisu booska labaad kala baxdo Manchester City bedelkii ay Reds u dagaalmi laheyd kaalinta afaraad.
Ka dib bilowgoodii xumaa ee qarnigaan, Reds ayaa haatan afar dhibcood ka dambeysa kooxda ay isku magaalada yihiin Everton oo ku jirta kaalinta afaraad.
“Qorshoheenu waa dhanka bidix, midig iyo dhexda,” ayuu yiri Tababarihii hore ee Swansea.
”Markii aad tahay koox leh qaabka Liverpool ka dib waa inaad wax fiican sameysaa.
“Aniga ahaan dareenkeyga waa inaan kor isku qaadno. Waxaan 11 dhibcood ka dambeynaa kaalinta labaad waxaana u baahanahay kaalintaas sida ugu dhaqsaha badan, taasna waxaan fursad u heysanaa daqiiqad walba.”
Muran dhuleed ayaa ka dhex oogan qoys degan magaalada Muqdisho iyo qoyska allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somalia Cabdullahi Yuusuf Axmed.
Arrintan ayaa la xiriirta dhul ku yaalla xaafadda Buulo-Xuubey ee magaalada Muqdisho, oo qoys Soomaaliyeed ay ku nool yihiin, balse qoyska madaxweyne Yuusuf ay sheegteen lahaanshaha dhulkaas, sida qoyska iminka degan oo laga saaray dhulkaas ay inoo sheegeen.
Nooma suurta galin inaan la xiriirno qoyska Madaxweyne Yuusuf, waana soo dhoweyneynaa haddii ay arrintan nagala soo xiriiraan, hase yeeshe qoyska kale ayaa xiriir nala soo sameeyay.
Waxaa xafiiska shabakadda Caasimada Online ee magaalada Nairobi lasoo gaarsiiyay qoraal cabasho ah oo ku aaddan, guryaha ay burburisay Dowladda Somalia, oo dhulkaas ka dhisnaa.
Guryaha la bur buriyay ayay dowladda ku sheegtay in laga dhistay dhul uu lahaa madaxweynihii hore ee Somalia, C/llaahi Yuusuf Axmed, oo ku yaalla xaafadda Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qoraalka cabashada ah ayaa u qornaa sidan:-
Annagoo ah qoyska reer Nuur Yalaxow, waxaan halkaan kaga cabaneynaa arrin dhacday shalay oo ay fuliyeen, dad ika tirsan mas’uuliyiin dowladda Somalia, oo uu ugu horeeyo afhayeenka Police-ka Muqdisho Cabdullahi Xasan Bariise.
Bariise ayaa arrintan ku qirtay hadal uu siiyay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, isaga oo ku andacoonayo in uu cagta mariyey dhul laga heystay madaxweynihii hore ee Somalia Cabdulaahi Yuusuf.
Arintaan ayaa waxey la xiriirtaa dhul ku yaala xaafada Buulo Xuubey oo dad shacbi ah lee yihiin kuna noolaayeen dad shacab ah, hase yeeshee dadka in ay ka socdaan dowlada isku sheegaya, ayaa waxey ku andacoonayaan in dhulkaan uu lee yahay Cabdulaahi Yuusuf oo ahaan jiray Madaxweynihii Somalia, balse xoog looga heystay, sida ay yiraahdeen.
Waxaa is weydiin mudan yaa dhici karo qof madaxweyne ah oo Muqdisho muddo ka talinaayey? Ma kula tahay in qof shacbi ah sidaa sameyn karo?
Waxa aan rabnaa in hadii Cabdulaahi Yuusuf qoyskiisa ay heystaan documentigii dhulka ay la imaadaan, oo ay u soo maraan wasaaradda garsoorka oo aysan u soo marin wasiirro dhuuni qaate ah oo aan shaqo ku laheyn habka cadaaladda oo un u dhuun daloolo laaluush iyo dhaca umadda soomaaliyeed ee aan awoodda lahyn.
Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in aanan ka hareyn dhulkaan oo aan u heysano documentigii aan ku gadaney oo aan diyaarna u nahay in aan la marno sidii cadaaladda qabto, intii ka danbeysa dhibka dhaceyna lala xisaabtami doono oo aysan jiri doonin in leys dhaco ama awood dowladeed lagu dhaco hanti shacab leeyahay.
Waxaa cad in aysan wax cadaalad ah jirin dhac iyo laaluushna ay ku lugo leeyhiin arrintaan, iyadoo la wada ogyahay, islamarkaana aysan ahayn sida loo sheegay.
Waxaa isu imaanaaya Mulki iyo Hodan oo ah laba gabdhood oo howl kar ah, isla markaana ay ku weeyn tahay soomaali nimada, intii uu afrika ku maqnaa (Kala geeye- Cuqdad aabaheed) koox dhalinyaro aqoon yahano ay kamid yihiin hablahaan ayaa waxeey meel isugu keeneen oo mideeyeen, dhamaan Soomaalida magaaladaan dagan oo aan waligood hal cod yeelan, waxeeyna go,aansadeen in ay yeeshaan midnimo xaga wax wada barida ubadka, wacyi galinta bulshada, meel uga soo wada jeesiga caqabadaha ku iman kara shacabka soomaaliyeed iyo Ayagoo gacan kaliya ah in ay ka qayb qaataan doorashooyinka xisbiyada ka dhisan magaalada iyo wadankaba, kulan kan waxaa wal wal muujisay. Hodan oo uu adeer u yahay (Kala geeye- Cuqdad aabaheed) waxaa dhex martay sheekadaan.
Mulki:- ii waran abaayo caafimaadkaaga ka waran?.
Hodan:-abaayo aad iyo aad ayaan u ladnahay, adiga xaaladaada ka waran?.
Mulki:- aniga caafimaadkeeyga waa sareeyaa, habeen walbana waxaan ka seexan la ahay farxad, maa daama aan helay arintaan waligeey ku hamin jiray.maantana soomaalida degan magaaladeenan ay yihiin ul iyo diirkeed
Mulki:- maxaad ka wadaa ma annagaad naga shakiday?
Hodan:- maya ee soo ma,ogid in uu adeerkeey kala geeye soo laabtay!?
Mulki:-oo haduu soo laabtayna waaban tabaayay markii hore oday naga maqan ayuu ahaa wax badan ayuuba nala qaban lahaa.
Hodan:- ( weji murugeysan iyo madax gilgilid yar ka dib) Naa adeerkeey kala geeye ma taqaanide wax badan baa kuugu laaban, ma is weeydiisay intuu magaaladaan joogay maxeey soomaali meel isugu imaan weeyday, mida kale hadaan Kuu sir waramo awoowgeey intuu dhalay iyo inteey sii dhaleen waa boql iyo sodon, laba isa salaanta malaha, waxaana ka danbeeya adeerkeey (kala geeye) ee na keen waan daahnay anigaa warbixin dheer ku siin doona.
Mulki:- Walaaley waaban yaabanahaye waa maxay mucjisadan aad sheegeyso, adeerkaa ma sidan buu ahaa? War illeyn tanoo kale, waaba Nin weynoo oday ahe maxaa helay?!.
Muuqaalka sadexaad
Waxaa ku kulmaaya oday kala geeye- Cuqdad aabaheed, saaxiibkiis igu akhri iyo oday muumin waxaana dhex mareeysa dood furan oo kalamaan ah.
Muumin:-maanta waa inaad warbixin naga sii saa wadankii iyo waxaad kala soo kulantay, dawlada cusub, xaallada nabadgalyada iyo rajada bulshada sideey aheeyd.
Kala geeye:- Hadaan warbixin kaa siiyo wadankii waa cadaw ku dhacyoo tuugo kuu ciidamisay, wax is dhaama labada dhinac soomaan arag, hadaan kaaga warbixiyo dawladda waa (NGO) iyo ganacsato dantooda ma,ogiye wax laga sugaayo malaha, nabadna sooma arag iyo wax sheegaayo waa gacantaada ku gabo. Waxa I gaaray hadaad ogaan lahayd anigoo qadeeynaayo ayaa wiil yar buufin uu ku ciyaarayay ka qarxay, markaasaan intaan naxay Suuxay sadex cishaan isbitaalka jiifay, waa bahala galeen, rajo danboo aadis ma, laha hadaan rajada bulshada kuu soo koobana cidina uma maqna ceelna uma qodna, alle unbeey sugaayaan.
Muumin:-kala geeyoow horta adiga oo muxaafid ah waligey ku ma arag wanaag inaad sheegtana kaaga ma baran, mida labaad Soomaaliya maalin walbo ayaa la tagaa lagana soo noqdaa, adiga mooyee wax balaayo sheegayana ma aanaan arag ee xumahan adiga unbaa watee, waxaan ku oran lahaa oday baa tahaye towba dheh oo ha noqonin oday baas abuur ah waadba tahaye!.
Kala geeye:- ( kkkkkkkk) war niyahahoow maan gaabnidaa oo dareen xumidaa soow ma,ogid in wadankii ay la wareegeen, koox la magac baxday (daam jadiid) oo aaneey waxba u ogoleeyn cid aan ayaga aheeyn, adigana aaneey meelna kaaga banaaneen
Muumin: – Anigu cuqdadaas marna ima galeeyso waxaan u fakaraa soomaalinimo,madaxweeynaha, ra,isal wasaaraha, Gudoomiyaha baarlamaanka, golaha wasiirada, xildhibaanada iyo dhamaan umada soomaaliyeed waa wada Walaaladeey, mana ka fakaraayo oo uma dagaalamaayo hebel maxaa wax looga dhigi waayay waxaana isku xisbi nahay ninkii danta umada daryeela.
Kala geeye: – war heedhe ninyahow sidee wax kaa yihiin, ma umadda dantii siyaasadeed ee damu-jadiid loo qeybiyay ururadii,i kalna laga qadiyay baa daryeel ka heleeysaa, war hooy waad indha xiran tahaye bal indhaha fur.
Muumin: –Wacade duulal marqaansan baa ku dul saaran ee nin yahow umadda ha isku dirin hana kala dirin ee deji waallidan aad la duul duuleyso.
Kala geeye: – mar walba muxaafid baa tahay, waxaadna ka shaqeeysaa midnimo, bulshada dhexdeedana anigaa kaa qiimi badan, ogoow hana daalin……La soco qeybta 3-aad
Ugu yaraan 27 qof oo ay ku jiraan 20 carruur ah, ayaa lagu dilay weerar nin hubeysan uu kusoo qaaday iskuul dugsi hoose ah oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalka Mareykanka.
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ninka falkan geystay oo isna ku dhintay iskuulka Sandy Hook Elementary magaciisa ku sheegtay Adam Lanza oo 24 jir ahaa, kana soo jeeday gobolka New Jersey.
Dadka geeriyooday ayaa waxaa ku jiray qofka falkan geystay hooyadiis oo iskuulka macallin ka ahayd.
Booliiska ayaa tirada dhimahsada u kala saaray 29 caruur ah, 6 qof oo dad waa weyn ah iyo dilaaga. Maamulihii Iskuulka Dawn Hochsprung, ayaa ku jirtay dadka geeriyooday.
Mashaqadan ayaa dhacday abaare 9:30 subaxnimo ee Jimcadan maanta.
Tifaftiraha Caasimada Online Axmed Cali Sheikh oo jooga dalka Mareykanka, waxa uu lee yahay murugadii maanta ee xasuuqa caruurra, waxa ay sare usii qaadi doontaa dooda ka taagan America ee ah in la mamnuuco qoryaha sida daran dooriga u dhaca.
Waxaa hoos loo dhigay calankii Mareykanka ee ka taagnaa aqalka Capitol Hill ee congress-ka Mareykanka ee magaalda Washington DC.
Dhacdadii maanta ka dhacday magaalada Newtown ee gobolka Connecticut, waa toogashadii labaad ee ugu xumeyd ee soo marta dalka Mareykanka, kadib dhacdadii Virginia Tech ee sanaddii 2007 ka dhacday gobolka Virginia oo ay ku dhinteen 32 qof.
Sidoo kale Dhacdadii Jimcihii maanta waxa ay noqon doontaa toogashadii saddexaad oo baaxad weyn oo ka dhacday gudaha Mareykanka sanadkan 2012 oo kaliya.
Farxad: Hooyo wiilkeedii nolol ugu timidWaalid canugoodii geeriyooday oo tiiraanyeysanAabe gabadhiisii nolol loogu dhiibayCaruur Iskuulka laga soo saaray ayagoo bad qabaCiidamada oo ilaalo ka ah dadkii bad baadayCiidamada gaarka u tababaran oo la geeyay goobta
Abuukar Xasan Cali oo loo magacaabay Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka jaraa’id ee uu qabtay ku sheegay inuu iska casilay xilkii loo magacaabay shaley.
Wuxuu ku sabaabeeyay is-casilaadiiisa, kaddib markii uu la tashaday wax-garad iyo aqoonyahano ka soo jeeda beeshiisa, kuwaaasoo ku wargaliyay in xilka loo maagaabay isaga uusan u qalmin sida uu hadalka u dhigay.
“Kaddib kulamo aan la yeeshay wax-garadka iyo odayaasha beesha aan ka dhashay ee dal iyo dibadba jooga waxaan go’aan ku gaaray in aan beesha u qaadin wax aysan u-qalmin, sidaa darteed waxa maanta oo Jimca ah, taarikhdana ay ku beegan tahay 14/12/2012-ka inaan iska casilay xilkaas, isla markaana waxa barrito warqaddeyda istiqaalada u-geyn doonaa ra’iisal wasaaraha.” ayuu yiri Abuukar Xasan Cali.
Waa wasiir ku-xigeenkii ugu horreeyay ee shaaciyay in uu iska casilay xilka loo magaacabay, manna jirto wax war ah oo xukuumadda ka soo baxday oo ku aadan is-casilaada wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya.
Jimco Wanaagsan Aqristayaasha Sharafta lahoow waxaan maanta oo jimcaha idiin soo xulnay sida Caadiga ah Qeybteynii Muuqaalada ee aan idiinla wadaagi jirnay Muuqaal ku saabsan Awoodii Ciidamadeena Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Bariisameedkii.
Aqristoow Daawo Muuqaalkaan waa Awooda Ciidamadii aan la haan jirnay Beri Balse maanta aanan heysan awoodaasi, waxaana jacelahay Maanta oo Jimca ah in aan nasiinadeena ku daawano Muuqaalkaan aan idiin kaga soo xulay Qeybteena Muuqaalada ah ee Daawo24.com.
Tababaraha KMG ah ee Cheksea Rafa Benitez ayaa ku faraxsan in shaqadiisa loo dhiibo Pep Guardiola – laakiin waa keliya ka dib markuu ku guuleysto koobabkiisii ugu horeeyey ee Chelsea.
Tababarihii hore ee Liverpool ayaa shaqadaan loo dhiibay ka dib markii Stamford Bridge laga ceyriyey Robert Di Matteo wuxuuna la wareegay bishii November, laakiin tababaraha reer Spain ayaa cadaadis uga imaanayey taageerayaasha kooxda, kuwaasoo aan ku qanacsaneyn sababtii uu Roman Abramovich u ceyriyey Di Matteo.
Isagoo la hadlaayey BBC ka hor kulanka Axada Koobka Kooxaha Aduunka uu la ciyaarayo kooxda Brazil ka socota Corinthians, Benitez ayaa yiri: “Guardiola wuxuu heystaa Rikoor Fantastik ah. Hadii uu yimaado aana ku guuleysano koobab badan, aad ayaan ugu farxi lahaa.”
Guardiola, ayaa afar sano soo leylinaayey Barcelona ka hor inta uusan ka tegin dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna sanad nasiino ah ka qaadanayaa kubada cagta isagoo haatan ku sugan New York.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan E-mail: [email protected] Caasimada – Mogadishu.
Manchester United iyo Arsenal ayaa dagaal ugu jira soo xero gelinta xidiga kooxda PSV Eindhoven ee lagu qiimeeyo 17 milyan ee ginni Kevin Strootman, sida uu qoray wargeyska The Sun.
22-jirkaan qadka dhexe ee reer Holland ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah da’yarta qadka dhexe ugu wanaagsan ee kubada cagta dalka Netherlands wuxuuna si aad ah banaanka ugu soo baxay labadii sano ee u dambeysay.
Xidigaan ayaan wax qarsoodi ah ka dhigin dareenkiisa ku aadan inuu ka ciyaaro Horyaal ka xamaasad sareeya midka dalkiisa.
Rajadiisa ayaana ah inuu bisha soo aadan marka uu suuqu furmo uu ku biiro koox sare. AC Milan, Liverpool iyo Tottenham ayaa sidoo kale xidigaan isha ku haaya, laakiin United iyo Arsenal ayaa hugaaminaya loolanka saxiixiisa.
Wakiilka United u indha-indheeya Yurub Martin Ferguson iyo dhigiisa Arsenal Steve Rowley ayaa labadoodu xidigaan soo daawaday waxaana lagu niinasaa ‘Mark van Bommel-ka cusub’.
Ilo sare oo ka tirsan kooxda PSV ayaa daaha ka qaaday: “Ma ahan wax qarsoodi ah inuu Janaayo kooxda ka tegi doono. Su’aashu keliya waa halkee ayuu ku jeedaa?
“Waxay u egtahay inuu u socda midkood Manchester United ama Arsenal, labadooda ayaa aad isha ugu haaya.”
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan E-mail: [email protected] Caasimada — Mogadishu.
Chelsea ayaa si kedis ah ugu biirtay xiisaha loo qabo xidiga kooxda Arsenal Theo Walcott, sida uu qorayo wargeyska The Sun.
Tabanaraha kooxda Blues Rafa Benitez ayaa kalsooni ku qaba inuu helo xidigaan lagu qiimeeyo 15 milyan ee ginni, wuxuuna doonayaa inuu ninka garabka ka ciyaara keeno kooxda ay xafiiltmaan kooxdiisa haatan ee Gunners.
Liverpool ayaa xidigaan muddo dheer ku raad joogtay halka ay labada koox ee gobolka Manchester si aad ah isha ugu hayeen.
Laakiin Chelsea ayaa u dirtay sarkaal soo indha-indheeya Walcott, waxayna doonayaan inay inta badan u isticmaalaan weerarka dhexe, halkaas oo ah meesha oo jecelyahay inuu ka ciyaaro xidiga heerka caalami ee dalka England.
Tababaraha KMG ah ee Chelsea Benitez ayaa bisha soo aadan lacago cadaan ah u isticmaali doona suuqa kala iibsiga.
Wuxuuna Walcott ku qiimeeyaa xidig aad u sareeya kasoo uu doonayo inuu weerarka ku taageero Fernando Torres.
Weeraryahanka, ayaa diiday inuu kooxdiisa Gunners qandaraaska u cusbooneysiiyo uuna isbuucii ka qaato 80 kun oo ginni, wuxuuna kooxda ka tegi xagaaga soo aadan marka uu qandaraaskiisu dhamaado.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan E-mail: [email protected] Caasimada — Mogadishu.
Frank Lampard ayaa ka cabsi qaba inuu xilli ciyaareedkaani yahay kiisii ugu dambeeyey ee uu xirto maaliyada Chelsea, wuxuuna xidigaani ku jiraa qandarakaasii ugu dambeyey keliya lix bilood ayaana ka harsan.
Lampard ayaa doonaya inuu sii dheereeyo 12kii sano ee uu joogay Stamford Bridge, laakiin ulama muuqato inay sidaas wax u dhacayaan, iyadoo uu bisha soo aadan la wada xaajoon karo koox ajnabi ah.
Waxaa lala xiriirinaayey Los Angeles Galaxy, Paris Saint-Germain iyo kooxo kale oo ka dhisan Ruushka iyo Shiinaha laakiin wuxuu kaloo sheegay inuu door bidi karo inuu sii joogo Barclays Premier League.
“Ma noqon karto sanadkeygii iigu dambeeyey abid EPL,” ayuu yiri Lampard oo Chelsea kaga soo biiray West Ham 11 milyan oo ginni 2001. “Waxay iila muuqataa inay tahay xilli ciyaareedkeygii iigu dambeeyey, waxaan ahay qof weyn oo garan kara sida ay wax u dhacayaan.”
Markii wax laga weydiiyey wadahadal ku saabsan qandaraaskiisa, wuxuu ku daray: “Ma jiraan wax la qorsheeyey inta aan ogahay. Ma jiraan wadahadalo socda oo ku saabsan in qandaraaska la ii dheereeyo. Wax walba kooxda ayey ka go’aan. Waxaan ahay ciyaaryahan Chelsea ah. Sida cad waqti aad u fiican ayaan halkaan kusoo qaatay.”
Markii uu Lampard kursiga keydka kasoo kacay kulankii shalay ay kooxdiisu guusha ka gaartay Monterrey ayaa waxaa sacab iyo sawaxan is qabsaday garoonka, maadaama aad xidigaan looga jecelyahay kooxda.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan E-mail: [email protected] Caasimada — Mogadishu.
Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa isku diyaarinaya inuu Radamel Falcao ka dhigo xidiga ugu mushaarka badan kooxdiisa Chelsea, wuxuuna weeraryahankaan jeebka ugu shubi doonaa 10 milyan oo ginni sanad walba, hadii uu yimaado Stamford Bridge.
Weeraryahanka qaranka Colombia, ayaa ah ninka koowaad ee suuqa kala iibsiga diirada ugu saaran Chelsea, Bilyuuneerka Ruushka u dhashay ayaana doonaya inuu weeraryahanka Koonfur America ka dhigo weeraryahan kale oo magac leh ee uu keeno Galbeedka London.
Wargeyska Afka dheer ee kasoo baxa dalka Ingiriiska Sportsmail ayaa ogaaday inay Blues 26-jirkaan ku dalban doonto heshiis ah inuu 200 kun oo ginni isbuucii ka qaato kooxda, si ay uga soo afduubtaan kooxaha doonaya.
Weeraryahanka haatan kooxda ku sugan Fernando Torres, ayaa ah ninka kooxda ugu mushaarka badan wuxuuna isbuucii ka qaataa 175 kun oo ginni.
Dhanka kale, xidiga 16-jirka ah ee Chelsea Connor Hunte oo ay horay u dooneysay Man United ayaa ku dhow inuu kooxdiisa Blues heshiis cusub oo waqti dheer ah la galo.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan E-mail: [email protected] Caasimada — Mogadishu.
Ciidamada Kenya ee magaca Amisom ku jooga magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa waxaa ay xabsi dhigeen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia
Xiisad weyn ayaa saakay ka taagan Kismaayo taas oo keentay xariga Sarkaalka iyo ciidamada la xiriray.
Wararka ka Imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in xarigoodo uu yimid markii ay godood sameeyeen oo ay rabeen in xaafado ka tirsan Kismaayo ay la wareegaan.
Tan iyo markii talada lagala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed, dadka Soomaalida ah oo aad ugu mashquuli jiray arrimaha siyaasadda ayaa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen waqtiyadii dambe. Waxaa haawanaya meelihii fadhi ku dirirada, waxaa yaraaday kaftanadii la isku tuur-tuuri jiray, faankii iyo anay taladu iga go’daa dhagaheygu ma maqal. Su’aasha keliya ee la is-weydiinayo ayaa ah qoladii fadhiidka aheyd ka warrama?
Kama wado in Sh Shariif dadku jeclaayeen, laakiin tallaabo walba oo uu qaado shariifku sheekay dhalineysay!. Mid amaana, mid ka hor-yimaada iyo mid caaya ayay dadku u qeybsanaayeen. Waxaan markaa is-weydiiyay waxa dadkani ka heli jireen waqtigii shariifka ee ay hadda waayeen.
Maskaxdeyda ayaan isla markiiba dib uga shaqeesiiyay, waxaana ii soo baxay waxyaabo badan oo qaar ka mid ah aan halkan ku soo tixi doono, dabadeed waxaan u garaabay dadkii sheekooyinka Shariif-ka sida tooska ah ugu taxnaa …waxaana kamid ahaa…..
Sh Shariif markii uu xukunka la wareegayay ka sokoow xubnihii tirada badnaa ee uu golaha baarlamaanka ku soo darsaday, waxaa barbar socotay oo iyadana xiisaheeda laheyd isaga oo koox ay awal isku jaal ahaayeen isku dhinacna xabbad u ridayeen uu dagaal kala hor yimid.
Waqtigaa qof weliba oo xaalka Soomaaliya la socday meel uu wax u qaado ayuu waayay, arrintaana waxay dhalisay sheekooyin xiiso badnaa oo aan la filayn in waqtiyadan nasoo mari doonaan, waana tan keentay in mar dambe Soomaalida qaar ka sameeyaan warbixin ay ugu magac dreen Sh Shariif Shalay & Maanta.
Shariif waxaa looga adkaaday doorashadii 10-ki september
Dooda 275-ta xildhibaan ee golaha baarlamaanka ee uu Sh Shariif la yimid ama laga siiyay kuraasta baarlamaanka waxay aheyd sheeko kale oo xiisaheeda wadatay loo qaadan waa ayayna aheyd waqtigaa, waxaan waqtiyadaa arki jiray dadka oo kacaa-fariista, wixii laga doodaba dadku markii dambe waa iska qanceen.
Magacaabistii golihii wasiirada Sh Shariif ayaa xigtay, sidoo kale shakhsiyaad kale oo Shaiifka la jaal ahaa ay wasiiro noqdeen, xabaddana dhinaca shariifka ka soo ridayay, xiisahii kooxaha islaamiyiinta ayaa cirka isku shareertay, illaa qaar badan oo kooxda Sh Shariif ka mid ah naftoodii ku waayeen magacyadii ay labaxeen ee wasiir hebel & wasiir hebel.
Xiisaha sheekooyinka Wasiiradii Sh Shariif intaa kuma ekeyn ee waxaa iyana xiiso gooni ah lahaa mid ka mid wasiiradiisa. Waa wasiir aan sheekadiisu sahlaneyn waqti badanna dadku hadal hayeen. Wasiirkan oo magacyo badan loogu bixiyay qaabka xirfadeysan ee uu u dhex mushaaxi jiray wasiiradii berigaa jiray isagoo hayay wasaaradda ugu muhiimsaneyd ee Maaliyadda. Waxaana xiisaha gaarka ah aheyd isagoo inta kooxahan isku maqnaayeen, dhaqaale faro badan ka dhex sameeyay.
Kaaga sii darane wuxuu markii loo soo jeestay in cuno-qabateyn lagu soo rogo, uu qaab xeeladeysan dusha uga yimid kuwii u tashaday. Iska daa in wax laga qaadee, waxay fursan weysay in wixii uu doono loo sameeyo sidii dhacday codsigiisii ahaa in raisal-wasaare Farmaajo la badalo. Inta howlahani oo dhan socdeen falanqeyntooda looma kala harin oo dadku waa mashquulsanaayeen.
Isku badalkii labada ra’isal-wasaare ee Sharmaarke & Farmaajo ama Farmaajo & Gaas waxay sidoo kale ahaayeen sheekooyin kale oo xiiso gooni ah lahaa, waxaana xiisaha u yeelayay qaabka qabaliga ah ee Soomaalidu ku dhaqanto ee boos isku badalka loo yaqaanno. Fikradda ah “reer hebel hadday kugu xumaadaan ama kaa hor yimaado reer hebel ku badal” ayaa aad u socotay.
Dhismihii dowladdii Farmaajo & dhaqdhaqaaqii ay Muqdisho ka bilowday iyadoo warbaahintuna kaabeyso waxay lahaayeen xiiso kale, illaa laga soo gaaro qaabkii booska looga qaaday ra’isalwasaare Farmaajo, markaa oo sheekadu meel sare gaartay, fadhiyadana loo badsaday.
Si kasta oo xaal ahaa waxaa booskii Farmaajo soo buuxiyay Gaas oo dabkii markaa baxayay gaas ku sii shubay. Road-map, Kampalla Accord, Garowe Principles, London Conference, arrimihii dastuurka iyo odayadii guryahooda laga soo kaxeeyay waxay ahaayeen sheekooyin waaweyn oo xiiso lahaa waqti badanna fadhiyada lagu badsan jiray.
Xiisaha sheekooyinkii Sh Shariif waqtigiisa jiray qoraal kuma soo koobi karno, waxaa sidoo kale kamid ahaa safaradii dibedda ee aan kala joogsiga laheyn, safiiro badalkii, dhaqaalihii muranka dhaliyay, heshiiskii Badda iyo Dhulka ee muranka dhaliyay, iibsigii viso-oyinka, lunsashadii malaayiinta doolar, iska hor-imaadyadii isaga & Sharmaarke, isaga & C/weli, isaga iyo Faroole iyo kuwo kale oo badan.
Sheekooyinkaas, doodahaas & falanqeyntuba waa socdeen llaa ugu dambeyntii Sh Shariif shan farood & calaacal booska looga qaaday isaga & saaxiibkiisii ay jidka dheer isla soo mareen ee Shariif Xasan Sh Aadan. Inkastoo doorasho ku sheegeen in looga qaaday, haddana cid walba waa ka dharagsaneyd waxa meesha ka socday, taas oo qorshu ahaa sidii labadaa oday (waa shariif-yadee) meesha looga qaadi lahaa. Laakiin dadkii sidii la ogaa jiif & joogba u diiday taageeridda in mar ay arkaan Shariifyada oo siyaasadda ka maqan, waxaa la waayay meel ay jaan & cirib dhigeen waqtigan la joogo.
Waan ogahay oo farxad kuma maqna, arrimo kalena kuma mashquulsanee waxay u badan tahay in ay arkeen wax aysan fileyn. Qaar ka mid ah oo aan weydiiyay waxa loo waayay, wax jawaab ima siin. Waxaa hubaal ah in dadkii hadalka badnaa ay hadalkii yareeyeen, fadhiyadii badnaa lagu kala kacay, wax la iska wareysto la waayay, xitaa in dowlad Soomaaliyeed dhisan tahay shaki ayay kaa galinayaan. Qaar baan arkay iyagoo xisbiyada Somali-land tirinaya dushana ka akhrinaya, malaha wax u dhaama oo ay ka sheekeeyaan ayay waayeen.
Waxay filayeen in dowlad carcarteeda qabta meesha iman doonto,heshiisyo waaweyn geli doonta, dhaqaale badan sameyn doonta, dhaqdhaqaaq & wax-qabad la iman doonta, sheekadii xiisaha badneyd ee siyaasadda Soomaalida halkeedii uga sii socon doonto.
Niyad-jabkii ugu horreeyay waxay qaadeen markii madaxweynaha ku qaadatay 30 casho ku dhowaad in uu ra’isalwasaare ku magacaabo. Waxaa ugu sii biiray magacaabistii wasiirada oo intii oo kale qaadatay, nooca wasiirada ee la magacaabay iyo dowladdii oo ka dhammaan weysay arrimo hoose oo aan agaasime ka badneyn, sida dhuxusha Kismaayo taalla, burcad-badeedda Puntland & Somali-land ku xiran iwm. Caajiskii ugu weynaana wuxuu koray markii dowladdii dhammeyd ee la yiri RASMI baad tihiin meel ay wax u dhaqaajiso weyday.
Ma garanayo waxay yeeli doonaan markay maqlaan wasiiro ku-xigeeno 20 ah ayaa la soo wadaa ee ay wasiiradii kasareeyay 10-ka yihiin, ma qosli doonaan? Ma qeylin doonaan lama oga!. Waxayse u muuqataa in sidaas uu nalka uga sii dansanaan doono 4-ta sano ee soo socota, haddiiba dowladdani sii jirto. Inkatsoo qaarkood aan ka maqlayay iyagoo leh “kuwan (waa dowladdee) afar sano oo dambe lama sugi karo”, mase fahmin waxay ula jeedeen.
waxaanse ku soo gabaynayaa waa muuqataa in dowladdii Sh Shariif la tabay, laakiin la arki doone haddii xiisahaasi wax iska badalaan waqtiyada soo socda….
Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa soo saaray qeybo kale oo ka mid ah sawirradiisa taxanaha ee Isma Lahayn.
Amin ayaa sawirradaas uga hadlaya waxyaabihii lama filaanka ahaa ee aan marnaba la maleysaneyn ee ka dhacay dalka Somalia ama qabsaday Soomaalida joogto caalamka intiisa kale.
Haddaba shan arrin oo ka yaabiyay Amin iyo Sawirradiisa Isma lahayn nala arka.
Bonn (Caasimada Online) Sida uu qoray wargeyska Der Spiegel ee ka soo baxa dalka Germalka, waxa magaalada Bonn ee dalkaas lagu xiray labo qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay in doonayeen in ay qarxiyaan saldhigyo ciidan.
Labadan qof ayaa la soo qabtay markii laga helay boorsooyinkooda walxa qaraxa sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka Germalka.
Der Spiegel ayaa waxa uu lee yahay qofka koowaad ee laga shakiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Daahir, waxana laga soo xiray goob Internet Café ah, sidoo kale ninka kale ayaa lagu magacaabaa Cabdirisaaq Bashiir, kaasoo laga soo qabtay buundo ku taalla deegganka Rhine.
Raggan ayaa mid ka mid ah lagu helay Vidio muujinaya in uu qarxin rabay saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Bonn.
Warkan markii uu soo baxay ayaa la sheegay in la xiray goobo badan oo ku yaalla magaalada Bonn.
Labadan nin ayaa la sheegay in si wayn loogu yaqaano waxa loogu yeero argagixisada, isla markaana waxa la xiray sannadkii 2008-dii, kaddib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Cologne/Bonn airport, waxa ay rabeen markaas in ay u duulaan Amsterdam.
Saraakiisha ammaanka Germalka waxaba ay lee yihiin labadan qof ayaa doonayay in ay soo aadan dalka Uganda, si ay Soomaaliya ama Pakistan u soo aadaan isla markaana ay ku biiraan kooxaha xiriirka la leh ee Al Qaed.
Sannadkii 2003-dii ayaa magaalada Bonn , waxa laga dhisay Masjid iyo Iskuul ay maalgalinayaan kooxo Wahaabiyiin ah oo ka soo jeeda waddanka Saudi Arabia, laakin dowladda ayaa xirtay markii ay walidiin badan ay ka soo caroodeen.
Nairobi (Caasimada Online) Sida ay qortay wakaalada wararka AP, koox British oo ka mid ah ciidamada la dagaalama burcad-badeeda Soomaalida ayaa ugu baaqay shirkadaha iskaleh maraakiibta ganacsiga, in ay hubiyaan in lacag madax-furasho la siiyo burcad-badeeda Soomaalida.
Kooxdan ayaa ayaa ku talisay in la ogaado in ka badan 3,00 oo milyan oo dollar in madaxfurasho ahaan loo siiyay burcad-badeeda Soomaalida tan iyo sannadkii 2008-dii.
Waxa hoos u dhacay weerrarada burcad-badeeda Soomaalida, kaddib markii ciidamo badan oo hubeysan loo soo daabulay biyaha Soomaaliya sannadkii ugu dambeeyay.sidoo kale maraakiibta ganacsiga ayaa iyana sameestay illaalo gaar ah oo waardiyeeya.
Ra’iisal wasaaraha British-ka David Cameron ayaa sheegay taallada caalamiga in ay wax badan ka badashay weerrarada burcad-badeeda Soomaalida.
Wiilkaan cusub ee gabadhaan ku larmay nolasheeda waxaa la yiraa ‘Cismaan’ waa nin xoogaa tuulada u badan, labiskiisa u badan Macawisaha qurxoon ee markaas la daneynaayo ayaana hami ku dhaliyey Safiya laakiin bacaad cidlo ah ayey qoor sagaaryo ku heysaa oo waxaa sugaya Jaamac.
Gabadhii ayaa wiilkii tiri caawa ii imaad laakiin wiilku wuxuu dhib ka marayaa sidii uu ku heli lahaa markuu guriga tago, maba kala yaqaan jiif Rag iyo mid Dumaroo waayo arag kuma ahan Shukaansiga gabdhaha looga soo kiciyo gurigooda.
Safiyo hooyadeed Caabiyo ayaa jiifatay habeenkaas booskii gabadha, Safiyana waxay ka duruqday jiifka reerka habeenkaas maadaama ay ballan laheyd.
Cismaan wuxuu yimid gurigii wuxuuna kala fiirshay sida loo jiifo qofka banaanka reer xoogaa uga baxsan waa Safiyo laakiin isagu wuxuu u heystaa duqii reerka, inta u xaluushay duqii oo jiifa bedelkii gabadha ayuu garabka ka riixay wuxuuna ku yiri: “Soo bax waa Cismaane.”
Kama uusan waalin Oday Maxamed, wuxuuna ogaaday in gabadhiisu wiil kale la jaan xiratay, wuuna ka daba kacay, Cismaan markii uu arkay nin soo socda xaalka ayaa ku xumaaday wuxuu isku deyey inuu carar sameeyo, laakiin Maxamed ayaa ku yiri: “ha cararin, waxaan ahay Safiya aabaheed, gabadhaan wiil ayaa la siiyey, ogoow hadii aan maalin dambe akteeda kugu arko wixii kugu dhaca kuguma dhigine.”
Laakiin waxaas kama daadegayaan gabadhaan oo waxay ka taagan tahay: “Nin aan rabo ayaan raacayaa intii mid aanan rabin I roorsan lahaa.”
Akhristeyaal qeybtii sedaxaad ee sheekadii la magac baxday, Jaceylkii Baadiyo Beled miyuu I biday? halkaan ha inoo joogto.
Sida Caadiga ah Saaxiibada ku xiran Shabakada Caasimada.com waxaan marba idiin soo xulnaa Muuqaal aan is dhihi karno waad ka heleysaan kaas oo aan ka soo xigano Shabakadeena dhanka Muuqaalka ah ee Daawo24.com.
Hadaba Aqristoow Muuqaalka aan Maanta idiin soo xulnay waa muuqaal ka hadlaya Dhibaatada Qaadka uu ku hayo Soomaalida ku nool Qurbaha waana Shortfilm xiiso leh oo marka aa daawato aad qosleeysid.