27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Ganacsatada Kismaayo oo jeediyay codsi muhim ah (Dhageyso)

Ganacsatada dhuxusha ee Jubadda Hoose ayaa sheegay in haddii dhuxushan aan hadda la dhoofin ay baaba’ayso, sidaas darteedna shacabkii lahaa looga faa’iideeyo

Maalintii shalay ayey ahayd markii ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM ay codsi u direen Taliska Dhexe ee ciidanka AMISOM, kaasoo ay ku weydiisanayeen in dhoofinta dhuxusha si ku-meel-gaar ah loo qaado, iyaga oo sheegay in arrintaasi ahayd codsi ka yimid dadka reer Kismaayo.

Arrintani waxay timid ka dib markii Madaxweynaha dawladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dhuxusha aan la dhoofin karin ilaa amar uu kasoo baxo dawladda Somalia, isaga oo sii adkeeyey go’aan uu horay Golaha Ammaanka ee QM uu arrintaas uga soo saaray.

Wareysi ku saabsan meesha ay ganacsatada dhuxushu arrrintan ka taagan yihiin, hoosta ka dhageyso.

Dhageyso Mowqifka Ganacsata Dhuxusha

Barnaamij gaar ah oo ka hadlaya taariikhda dhuxul dhoonfinta ee gobolka Jubadda Hoose, lacagta laga heli jiray, iyo dhibaatada deegaanka arrintaas ka soo gaartay hoosta ka dhageyso.

Dhageyso Warbixin ku saabsan taariikhda dhuxul dhoofinta

KASHIFAAD: Ugaarsi lagu hayo Soomaalida ku nool…..!

Dadweeynaha ku nool qaxootiga ayaa ka cabanaya amni xumo sii baaheeysa oo ka jirto xeryaha qaxootiga ee ku yaalo Dhadhaab. Isbuucan waxaa toogasha lagu dilay afar qof.

Dilkii ugu danbeeyay ayaa shalay lagu dilay xerada qaxootiga ee Xagardheere askari ka tirsanaa waaxda sirdoonka Kenya ee CID. Waxaa lagu dilay gudaha masjid ku yaallo xeryaha maalintii ciida. Waxaa la toogtay isagoo akhrisanayay Qur’aan.

Kol sii horeeysay isbuucan ayaa meeydka sedax nin oo xoogsato ah laga helay duleedka xeryaha. Goobjoogayaal ayaa sheegay in nimankaasi la dilay jirkooda ay ka muuqtay rasaas lala dhacay

Qaxootiga waxa ay sidoo kale ka cabanayaan burcad geeysato dhac oo gaar ahaan dadka dhaca xiliyada habeenkii.

Majirto wali cid loo soo qabtay dilalkani. Boolisku waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan cidda ka dambeeysa dilalkan.

Qaxootiga ku nool xeryaha ayaa boliiska ku eedeeynayo in ay waxba ka qabanin sugida amniga xeryaha.

Amni xummida ayaa waxa ay saamayn ku yeelatay isku socodka iyo ganacsiga xeryaha gaar ahaan xiliyada habeenkii.

Lionel Messi: Waxa ugu dambeeya ee aan ka fikiraayo waa inaan Jebiyo Rikoorka Pele.

Weeraryahanka kooxda Barcelona  Lionel Messi ayaa sheegay in jebinta rikoorka Pele ee goolasha hal sano uu dhaliyey ay tahay waxa ugu dambeeya ee uu ka welweli doono wuxuuna ku daray inuu diirada saarayo inuu kooxdiisa guulo ka ciaawiyo.

kabtanka xulka Argentina ayaa xalayto dhaliyey goolashiisii 72aad iyo 73aad ee sanadkaan kulankii ay wajaheen Rayo Vallecano, wuxuuna ku dhow yahay inuu jebiyo rikoorkii halyeeyga reer Brazil ee 75 gool ahaa iyo rikoorka taariikhiga ah ee Gerd Muller oo ah 85 gool.

“Inaan jabiyo rikoorka Pele waa waxa ugu danbeeyay ee aan ka walwali doono,” ayuu Messi u sheegay suxufiyiinta. “Waxaan guul ku gaarnay garoon ay adag tahay in lagu badiyo, taas ayaana ah muhiimada ugu weyn.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Alexandre Pato oo sheegay inuu aad ugu farax san yahay inuu kusoo laabto garoomada.

Alexandre Pato ayaa u riyaaqay kulankii xalay ay kooxdiisy guusha ka gaartay Genoa, wuxuuna ahaa kulankiisii ugu horeeyey ee uu ku bilowdo muddo sideed bilood ah.

Duck ayaa soo laabtay ka dib dhaawac uu ku dhibaatoonaayey oo muruqa ah wuxuuna ciyaaray 72 daqiiqo markii ay Milan 1-0 uga talaabsatay Genoa ciyaar ka dhacday San Siro.

“Mar kale ayaan soo noolaaday,” ayuu yiri isagoo dhoola cadeynaaya.

“Waan ciyaaray. Waan orday mana aana dareemin wax xanuun ah. Aad ayaan u farax sanahay.

“Waan jeclahay inaan ciyaaro aana  wax fiican sameeyo, sidaas darteed caawa waxay aheyd mid muhim ii ah. Waan awoodaayey inaan wax waliba sameeyo mana aanan dareemeyn xumad, sidaas oo ay tahay wax fiican ayaan dareemayaa.

“Nasiib xumo gool ma aanan dhalin, laakiin waxaan isku dayaayey inaan caawiyo asxaabta aan isku kooxda nahay. Waxaan rajeynayaa inaan dhowaan goolal dhaliyo. Waxaan ku rajo weyn nahay ciyaarta soo aadan.”

Milan ayaa goolkeeda guusha ka heshay Stephan El Shaarawy kaasoo sanad guuradiisii 20aad ee dhalashadiisa ugu dabaal degay guushii ay ka gaareen Genoa.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Alessandro Del Piero oo kulankiisii sideed boqolaad gool ugu dabaal degay.

Alessandro Del Piero ayaa gool ugu dabaal degay kulankiisii 800aad (Sideed Boqolaad) ee ciyaar caalami ah ka dib markii ay kooxdiisa Sydney FC guul ka gaartay kooxda Perth Glory.

Halyeeygii hore ee kooxda Juventus ayaa 705 kulan u saftay Juve, 91 kulan ayuuna u ciyaaray xulkiisa Italy, halka uu afar kulan xirtay maaliyada Sydney.

Pinturicchio ma uusan heleyn wax uga fiican oo taariikhi ah, ka dib markii uu kooxdiisa u hugaamiyey inay kasoo kabsadaan gool looga hormaray markaasoo ay 2-1 kaga talaabsadeen Perth Glory.

Sydney ayaa ciyaarta gool looga hugaaminaayey qeybtii hore iyagoo marti ah, laakiin Del Piero ayaa gool ku laad ugu barbareeyey.

Emerton ayaana hurdo u diray kooxda martida loo ahaa.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Liverpool oo dooneysa inay laba bil oo amaah ah kula soo wareegto Didier Drogba.

Liverpool ayey macquul tahay inay Didier Drogba usoo dhaqaahiso Anfield waxayna ku dooneysaa laba bilood oo amaah ah marka uu bisha soo aadan soo afjarmo Horyaalka Shiinuhu, Reds ayaana dooneysa inay xidigaan ku xaliso dhibaatada ka heysata dhanka weerarka, laakiin waxaa laga yabaa inay ku guul darreysato sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Drogba ayaa xilli ciyaareed la dhameysanaaya Shanghai Shenhua wuxuuna bisha soo aadan ku laaban doonaa England si uu laba bilood tabbabar ugu soo qaato ka hor inta uusan xulkiisa Ivory Coast bisha Janaayo kala qeyb gelin African Cup of Nations.

Drogba ayaa ku laaban doona koox Premier League ka ciyaarta bilaha November iyo December si uu u ilaasho qaab ciyaareedkiisa wuxuuna uga baahan yahay fasax kooxdiisa ka dhisan Shiinaha iyadoo uu markaasi ku biiri karo koox ka dhisan EPL inta uu fursan yahay suuqu bisha Janaayo.

Liverpool, oo ku guul darreysatay inay Clint Dempsey lasoo saxiixato bishii August daqiiqadihii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga ka dibna amaah isaga diray Andy Carroll oo ku biiray West Ham, ayey macquul tahay inay lasoo saxiixato Drogba kuwaas oo doonaya inay kula sii meel gaaraan inta ay Janaayo ka helayaan weeraryahan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Mucjiso islaami ah: Nebi Muxammad (NNKH) miyuu socon jiray suuqa?

Nebi Muxammad (NNKH) waa sayidka khalqiga Alle, iyo Nebigii ugu dambeeyay Nebiyada iyo Rususha. Waxaa la siiyey mucjiso aanan lasiinin cid kale (Quraanka), sidoo kale ficilladisii iyo oraahyadiisii ayaa iyana ah mucjiso oo ka marag kacay zamanka aynu joogna iyo tiknoloojiga casriga. Kuma hadli jirin wax hawadiisa ah, siduuba Alle sarreeye inoogu sheegay Quraanka markuu ka warramayay Nebigiisa (NNKH), wuxuu yiri.

قال تعالى: “وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَى* إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَى” النجم : 3-4

”Kuma hadla Nebigu wax hawadiisa ah, wax kale maahe (waxa uu ku hadla iyo Quraanka uu la yimid) waa uun waxyi loo waxyooda”. Suuradda An Najm: 3d- 4d.

Sidii Nebi Muxammad (NNKH) ay u weyneyn jireen asxaabtiisu ma jirin boqor xilligaas jirey oo loo weyneyn jirey. Curwa Ibnu Mascood Ath Thaqafi oo ka sheekeynayay arrinkaas wuxuu yiri ”Wallaahay waxaan u wafdiyey boqorrada reer Furus iyo kuwa Ruum, iyo kuwa Xabashida, weligey ma arag sida Muxammad (NNKH) raggiisa ay u weyneynayaan boqor loo weyneeya, candhuuf afkiisa kama soo baxda illaa mid (saxaabi) baa isu dhigaya oo dhulka ka ilaalinaya”.

Ninka sha’nigaas weyniga badan leh, waxaa caada u ahayd inuu suuqyada magaalada Madiina kudhex wareega. Waxaa kaloo Nebiga (NNKH) caada u ahayd xilligii Makka inuu ku wareegi jirey suuqyada Cukaada iyo Delmajinnah, asagoo dadka dacwada ugu yeeri jirey. Xilligaas masuuliyiinta iyo boqorrada inay tagaan suuqyada waxay u arki jireen ceeb ha noqoto kuwii Furus iyo kuwii Ruum ama kuwii Xabashida’e. Laakiin Nebi Muxammad (NNKH) ficil ka duwan kuwii ay samayn jireen boqrradaas ayuu asaga la yimid, taasoo dhalisay inayba la yaabaan kufaartii Qureesheed arrinkaas, waxayna yiraahdeen siduu Ilaahay inooga qisooday markuu arrinkooda iyo fajacooda inooga warramayay.

”يقول تعالى: (وَقَالُوا مَالِ هَذَا الرَّسُولِ يَأْكُلُ الطَّعَامَ وَيَمْشِي فِي الْأَسْوَاقِ لَوْلَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مَلَكٌ فَيَكُونَ مَعَهُ نَذِيرًا)

 [الفرقان: 7].

”Waxay yiraahdeen: Oo muxuu yahay Rasuulkani cunaya raashiinka, ee suuqyada wareega?, miyaa lalasoo dejiya Malak noqdo mid la diga maciisa”. Suuradda Al Furqaan: 7d

Haddii ay iyagu kudhaleeceeyeen in Nebi Muxammad (NNKH) uu suuqyada wareegi jirey, ayna la yaabeen nin masuul ah inuu suuqyada dhex wareega, maxay culimada casriga ahi arrinkaasi ka yiraahdeen.

Daraasad dhawaan galbeedka lagu sameeyay ayaa caddeysay suuqa oo la wareegaa inay tahay arrin caafimaad ah oo indhaha iyo maskaxduba u fiican, waxayna daraasaddoodu ku sheegeen in suuqa oo la booqda laguna dhex wareega ay ka hortagta cudurrada nafsaaniga ah iyo isku dhex yaaca. Sidoo kale waxay kusheegeen daraasaddaasi in arrintaasi ay qofka ku xambaarta dabeecad iyo bii’ad wanaagsan inuu lasoo baxa, nuurka indhahana ay ku saa’idaan.

Waxaa markaa isweydiinta mudan xilligii uu Muxammad (NNKH) suuqa wareegi jirey, ee boqorraduna ka xishoon jirtay arrinkaasi inay sameeyaan, madaxyaweyntii gaaladana ay ku dhaleeceeyeen arrinkaasi Nebiga, ma waxaa jirtay cilmi lamid ah kan hadda ee lagu gaaray tiknoloojiyada oo uu Muxammad (NNKH) jaamacad uga soo baxay xilligaas?

Tani waxay caddeyneysaa in qaa’idkeennii Muxammad ibn Cabdillaahi (NNKH) uu ahaa dhaqtar, iimaam, qaa’id, tusaale, bare toosan, iyo hoggaamiya  dhammaystiran. Waxay tani inoo sheegeysaa halka uu Nebi Muxammad  (NNKH) ka gaaray aqoonta caafimaadka in khalqiga oo dhan uu ka caajisay arrinkaas inuu gaaro muddo kusiman 1400 ka badan, taasoo muddadaasi kadib ay ku heleen cilmi lagu tacbay iyo tiknolooji casri ah. Laakiin Xabiibkeenna (NNKH) 1400 sano kahor ayuu xaqiiqada arrinkaasi inoo kashifay.

Subxanallaah!!

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
_____________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay ugaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan.

Sir Alex Ferguson: Chelsea ma ahan Chelsea-dii Jose Mourinho.

Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in kooxda hugaanka u heysa Barclays Premier League ee Chelsea aysan aheyn sidii waqtigii uu tababaraha u ahaa Special One.

Macalinka Blues Roberto Di Matteo ayaa si wanaagsan ku bilowday horyaalka iyadoo aan weli dhinaciisa dhulka la dhigin.

Tababaraha Manchester United Fergie  — oo ay maanta kooxdiisu u safreyso Stamford Bridge, ayaana amaanay kooxda aan weli la garaacin xilli ciyaareedkan.

Laakiin wuxuu dareensan yahay inay wado dheer u jirto sidii ay ku gaari lahaayeen waqtigii Jose Mourinho, iyagoo horyaalka ku guuleystay 2005 ilaa 2006.

“Ma dhihi doono waa kooxdii ugu adkeyd ee Chelsea. Hadii aan dib u milicsado sanadihii lasoo dhaafay, xaqiiqdii waxay ahaayeen koox aan laga reyn Karin, ayan adag tahay inaad la ciyaarto,” ayuu yiri Ferguson.

“Waqtigaas Didier Drogba, John Terry wey yaraayeen, Frank Lampard — wuxuu ahaa mid qadka dhexe ku dhaliya 30 gool taas oo kale weli kuma arkin.

“Run ahaantii waxay ahaayeen koox aad u awood badna, ayan adag tahay in la garaaco naxariisna ma laheyn.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Tababaraha Chelsea Roberto di Matteo oo kooxdiisa ku qal qaalinaya inay ceshato A.Cole.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto di Matteo ayaa ku booriyey  kooxdiisa inay ceshtaan daafacooda bidix Ashley Cole, kaasoo ay doonayaan Manchester United iyo Paris St Germain daafaca reer England ayaana qandaraaskiisa Stamford Bridge wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan.

Cole ayaa iska diiday hal sano oo qandaraas ah oo ay usoo bandhigtay Chelsea, PSG ayaana dooneysa inay kusoo jiidato qandaraas dhaqaale badan waxayna doonayaan inay Janaayo soo xareystaan, halka United ayba dooneyso inay la qaadato kulan weji ka weji a.
Tababarihii hore ee Chelsea Carlo Ancelotti ayaa fiiro gaar ah ka haaya xidigaan wuxuuna doonayaa inay mar kale ku midoobaan caasimada Faransiiska, halka Red Devils ayba kulanka maanta ee Chelsea la ciyaareyso u aragto midkii ay kusoo jiidan lahaayeen waaya aragaan.

Di Matteo ayaase arkin wado uu daafacaani kaga Tago Chelsea wuxuuna doonayaa inuu ka dhaadhiciyo inuu kooxda u saxiixo heshiis cusub.

“Dabcan waxaan jeclaan lahaa inuu sii joogo halkaan,” ayuu yiri Di Matteo.

“Waxaa jira waxyaabo yar oo ay isku afgaran la’a yihiin ciyaaryahanka iyo kooxdu. Rajadeydu waa inuu sii joogo halkaan.”

Milkiilaha Chelsea ayuu u degan yahay sharci ah in ciyaaryahankii da’diisu ka weyn tahay 30 jir keliya ay kooxdu usoo bandhigto hal sano oo qanadaraas ah.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Real Madrid oo dooneysa inay Janaayo lasoo wareegto xidiga Tottenham Gareth Bale.

Real Madrid ayaa dooneysa inay si la yaab leh usoo bandhigto kooxda ka ciyaarta Premier Laegue ee Tottenham kaasoo ah in daafacooda bidix ee reer Portugal Fabio Coentrao iyo 50 milyan oo ginni ay kaga doonayaan Gareth Bale, sida ay qortay majalada The Sun.

Tababaraha Real Jose Mourinho ayey u cadahay inuu Janaayo lasoo wareego xidiga reer Wales ee garabka ka ciyaara.

Andre Villas-Boas ayaa horay ugu daalay waqtigii uu joogay Chelsea inuu lasoo saxiixdo Coentrao oo 24 jir ah wuxuuna sidoo kale doonayey inuu qeyb kaga dhigo heshiiskii uu Luka Modric kula biiray Bernabeu.

Coentrao ayaa xilli ciyaareedkaan keliya laba kulan u saftay kooxdiisa Real Madrid.

Bale ayaa shan sano oo qandaraas ah u saxiixay kooxdiisa bishii August laakiin Real Madrid ayaa horaanba usoo bandhigtay qiimaha ugu macquulsan.

Gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa  si adag ugu dagaalami doona inuu ceshto xidiga ugu il qabadka wanaagsan kooxdiisa.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Daawo sawirada: Degmada Wanla wayn ee huwantu qabsatay.

Daawo sawirada degmada Walanwayn oo Ciidamada dowlada ay joogaan.

Warbixin kashiftay inta goor ee uu Mareykanka maalin kasta diyaarado dagaal u diro Somalia iyo Yemen.

Wargayska Washington Post ayaa wax ka qoray dhaq dhaqaaqayada Ciidamada Maraykanklu ay ka wadaan Saldhigga Milatery ee Maraykanku ku leeyahay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dhaq Dhaqaaqan ayuu Wargaysku ku sheegay mid Ciidamada Maraykanku ay ku sii laba jabbaarayaan la Dagaalank waxa loo yaqaano Argagixisada Geeska Afrika iyo Dalka Yaman.

Diyaaradaha drones ka loo yaqaano ee aysan cidi wadin ayaa la sheegay in maalin walba ay sameeyeen duulimaad illaa Lix iyo Toban goor ah oo maalin walba ay samaynayaan Diyaaradahaas.

Diyaaradahaas oo duulimaadyo bar tilmaameedsi ah qaada ayaa sida lagu soo waramayo waxaa ay u duulaan Dalka Yaman iyagoo qaarkoodna ay u soo gudbaan dhinaca Soomaaliya.

Duulimaadkan ay sameynayaan Diyaaradahaas aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa uu ka mid yahay ayuu yiri wargaysku mid looga hor tagayo Al Qaacidada Geeska Afrika iyadoo Ciidamo gaaraya illaa Seddax Boqol oo Askeri oo kuwa sida gaarka ah u dagaalama ah ay barnaamijyadaas wadaan.

Xukuumadda Maraykanka ayuu Wargaysku sheegay in ballaarinta Saldhiggaas ay ku bixisay 1.4 Milyan oo Doolar iyadoo saldhiggaasina uu yahay midka ugu weyn ee ku yaala Geeska Afrika. Saldhiggan Maraykanku ku leeyahay DalkaJjabuuti ayaa ah mid si weyn loo ilaaliyo ammaankiisa iyadoo Xukuumadda Washington ay ku bixisay Adduun Lacageed oo aad u fara badan oo la siiyay Xukuumadda Jabuuti.

Diyaaradahan aan Duuliyaha wadin ayaa sida la sheegay waxa ay hore weeraro uga fuliyeen wadamada Soomaaliya iyo Dalka Yaman kuwaas oo lagula bar tilmaameedsaday Rag si gaar ah loo daba taagnaa oo ka tirsanaa Urur Weynaha Al Qaacidda hase yeeshee Diyaaradahaasi atyaa marka qaar waxay dhibaatooyin isugu jira dil, Dhawaac iyi Burbur Hantiyadeed u geystaan dad rayid ah oo aanwaxba Galabsan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected].

64 muslimiin ah oo la xasuuqay.

Sawirro ay dayax-gacmeed ku qaadday hay’adda Human Rights Watch waxay muujinayaan caddeymo aad u xun ee mujtamac dhan oo la burburiyay galbeedka dalka Burma toddobaadkan.

Deegaan dhan oo ka tirsan magaalada Kyaukpyu ayaa u muuqda in gebi ahaanba la gubay oo dhulka lala simay.

Human Rights Watch waxay sheegaysaa in dadka halkaas deggan badankoodu ay ahaayeen Muslimiinta Rohingya, kuwaas oo weerar ay la beegsadeen dadka reer Burma ee aan muslim-ka ahayn oo sheegaya in muslimiintu aanay dalka waxba ku lahayn.

Kooxuhu waxay sheegeen in dhismayaal ka badan 800 iyo guryo doonyo ka samaysan la baabi’iyay. Dadkii halkaas ku noolaa badankooda waxaa loo maleynayaa inay doonyo ku carareen oo xagga badda ay mareen.

Dadka aan muslimiinta ahayn waxay ku warramayaan in iyaga xataa markan ay ciidammada dowladdu xabbado ku fureen intii ay rabshaduhu socdeen, khasaarooyin badanna ay ka soo gaareen.

Dowladdu waxay ku dhawaaqday bandow deegaannada dhibaatadu ka dhacday, hase ahaatee jawaabta ay ka bixisay tan iyo markii ugu horreysay ee dagaalku qarxay bishii June ee la soo dhaafay waxaa si weyn loogu dhaleeceeyay inaysan wax ku filan ka qaban.

Sidoo kale aqri

Maxaad kala socotaa Burma iyo xasuuqa Muslimiinta ku nool?

Soomaalida Reer Minnesota: Ma Ogyihiin waxa ay u codaynayaan?

Sanadkan 2012-ka guud ahaan dalka Maraykanka waxaa ka dhici doona doorashooyinka guud. Taas waxaa sii dheer in gobalo badan oo ay Minnesotaku jirto loo codayn-doono- In Wax Ka Badalid lagu sameeyo Cahdi goboleedka sida kan Minnesota oo 2 (labo) arin oo waa weyn loo codayn-doono.

Soomalidu waxa ay tiraahdaa “War helaa Talo Hela”, run-ahaantiina Soomaaliduna waa dad aad oola socda wararka meelkasta oo ay aduunka ooga noolyihiin. Marka qormadaydo ma ahan in aan wax cusub idiin sheego ee waa iga xasuusin oo kaliya maadaama dadku inta badan ay isha ku hayaan loolanka adag ee u dhaxeeya labada nin ee kala ah Romney iyo Obama.

Waa Maxay Waxa dadku U Codaynayaan Ee Cahdi Gobladeedka Minnesota?

I. Waxaa loo coday doonaa in wax ka badalin lagu sameeyo Cahdiga gobalka oo hada aynan sifiican oogu qeexnayn waxa guurku uu yahay. Hadaba Soomaaliyeey inagu ka muslimiin ahaan waxaynu guur u naqaanaa heshiis u dhaxeeya lamaane ah nin iyo naag (wiil iyo gabadh). Marka aad codaynaysid 6-da November, fadlan u codee “Haa”. Haa macnaheedu waxa ay tahayMinnesotaguur waxa ay u aqoonsan heshiis u dhaxeeya Nin iyo Naag. Arinkani waxa uu boqolkiiba boqol ka muhiimsanyahay tan madaxwayna aad u codaynaysid.

AMENDMENT 1
RECOGNITION OF MARRIAGE SOLELY BETWEEN ONE MAN AND ONE WOMAN

Shall the Minnesota Constitution be amended to provide that only a union of one man and one woman shall be valid or recognized as a marriage inMinnesota?
YES
NO

Maxaa dhacaya hadii aad iska dhaaftid in aad codaysid ama “Maya” aad u codaysid? 

  • Caruurtaada oo iskuulaadka lagu baro in wiilashu is guursan karaan.
  • In maxkamadaha gobalku ay go’aamiyaan in waaliku uusan xaq u lahayn in ilmihiisa uu fasalka ka wato.
  • In iskuulaadku aysan waajib ku ahayn in ay ogaysiiyaan waalidka in ay barayaan ilmahooda in wiilku wiil kale guursan karo, gabadhuna gabadh kale guursan karto.

Hadii aad tahay muwaadin Maraykan ah fadlan codkaaga dhiibo. Waxaadna ogaataa in Maalinta Qiyaamaha lagu waydiin doono waxa aad arinkaa ka tadhi. U sheeg saaxiibadaa, qaraabadaada, dariskaaga iyo dadka aad isla shaqaysaan ee Soomaaliyeed in arin Obama iyo Romney ka wayn kana muhiimsan ay jirto. Balanteenu waa codkaaga oo noqda “Haa”.

II. Kaadh-ka Aqoonsiga Iyo Marka La Codaynayo

Waxaa loo codayn doonaa in doorashadaan wixii kadanbeeya laga rabi doono qofkasta marka uu codaynayo in uu layimaado kaadh aqoonsi dowladeed. Kaadh kaasi waa in uu ahaadaa mid uusan taariikhdiisu dhacsanayneen, cinwaanka shakhsiga codaynaya waa in uu ahaadaa midka uu markaas dagan yahay.

AMENDMENT 2
PHOTO IDENTIFICATION REQUIRED FOR VOTING

Shall the Minnesota Constitution be amended to require all voters to present valid photo identification to vote and to require the state to provide free identification to eligible voters, effective July 1, 2013?
YES
NO

Hadaba anigu hadii Allaah uu ogalaado waxa aan u codaynayaa “Maya” sababahaan soo socda daraadood:

Aniga oo u arka in arinkaani uu yahay mid ay wataan dad aanan jeclayn qoxootiga, dadka laga tirada badan yahay oo ay Soomaalidu ka midka yihiin iyo odayaasha.

  • Dadkeena Soomaaliyeed oo ah reer guuraa oo labadii sanaba guri horleh u guura, taas oo sababi karta in ay hilmaamaan in ay cinwaankooda ay badalaan.

Doorashadu waa Talaado 6-da bishan soo socada ee November. Codayntu waxa ay bilaaban doontaa Totobada Subaxii (7:00 am) ilaa Sideeda (8:00 pm) Fiidkii.

C/risaaq Macalin Mursal

[email protected]

Ruushka oo markab dagaal usoo diraya Somalia.

Bayaan manta kasoo baxay dowlada Ruushka ayaa lagu shegay in Ruushka uu qorsheeynayo sidii uu markab dagaal ugu soo diri lahaay Khaliijka Cadan.

Roman Martov oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada Mariiniska Ruushka ayaa mar uu saxaafada lahadlayay waxa uu sheegay in markabka {Marshal Shaboshnikov} uu kazoo dhaqaaqay saldhig ay ciidamada Bada Ruushka ku leeyihiin bariga wadankaas islamarkaasna uu kusoo wajahanyahay biyaha Soomaaliya si uu qayb uga noqdo dagaalka lagula jiro Burcad-badeeda.

Sarkaalkaan uhadlay ciidamada badda Ruushka ayaa sheegay in markabkaan dagaal uu maalmahaan waday safari tijaabo ah kahor intuusan usoo dhaqaaqin biyaha Soomaaliya.

Markabkaan dagaal ee Marshal Shaboshnikov ayaa sanadkii 2010 waxa uu soo badbaadiyay markab siday shidaal lagana lahaa wadanka Ruushka kaasoo ay afduubteen burcad badeeda Soomaalida.

Ruushka ayaa qayb muhiim ah oo firfircoon ka ah ladagaalanka Burcad-badeeda Soomaalida waxayna maraakiib dagaal oo farabadan usoo direen biyaha Soomaaliya iyagoo raacaya qaraarka QM ee tirsigiisu yahay 1897 soona baxays anadkii 2009, iyo qaraar kazoo baxay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin kaasoo soobaxay isna sanadkii 2008 bishii October.

Tababar Ciidamada Dowlada looga furay Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaaa tababar loogu furay Mgaaalada Muqdisho kuwaa oo ah Boolis.

Tirada Ciidan ee tababarka loo furay ayaa waxaa ay gaarayaan 40 iyadoo goobta ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Dowlada iyo Amisom.

Taliyaha Dugsiga Tababarka Xarunta Generaal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho Generaal Abuukar Axmed oo halkaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in ujeedka tababarka uu yahay sidii ciidankaan loo bari lahaa Baarista dambiyada kala duwan.

Masuuliyiinta Dowlada ayaa ku booriyay Ciidamada tababarka loo furay in Casharadooda si wanaagsan ay u qaataan.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed C/laahi Xasan Bariise oo halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa dardaaran xoogan ujeediyay ciidamada Booliiska ee 40-gaaraya kuwaasi oo maanta tababarka dambi baarista loo furay.

Taliyaha ayaa ciidamada tababarka loo furay kula dardaarmay inay si hufan u qaataan casharadooda ku aadan tababarka islamarkaana marka ay soo qaataan tababarka si wanaagsan ugu dhaqmaan.

Ujeedada tababarka Ciidankan ayaa waxaa uu yahay sidii ay u baran lahaayeen Arimaha baarista dambiyada.

Dowladda oo soo saartay amar wax looga mamnuucayo Kismaayo.

Warsaxaafadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celinaysa in la mamnuucay dhoofinta dhuxusha, iyadoo u hoggaansameysa qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu boorriyay dowladda inay ka hor tagto tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu dhoofiyo dhuxusha, maadaama dhoofinta dhuxusha ay halis ku tahay deegaanka.

Sidaa daraadeed, waxay dowladdu walaac qoto-dheer ka muujinaysaa cid kasta oo ku xadgudubta qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya dhoofinta dhuxusha, waxayna qaadi doontaa tallaabooyin ay ku xoojinayso sidii looga hortegi lahaa ku xadgudubka sharciga mamnuucaya dhoofinta dhuxusha.

Dowladda federaalku waxay mahad ballaaran u jeedinaysaa guushii ay ciidamada Midowga Afrika ka gaareen gacan ku dhigista magaalada Kismaayo, waxayna sidoo kale hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda magaalada Kismaayo ku boorrineysaa inay muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya iyo danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan midda guud si loo hubiyo adkeynta ammaanka iyo soo celinta kalsoonida shacabka.

Dowladda Soomaaliya waxay meel cad ka taagan tahay in dekedda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha ay yihiin kuwo u furan, dadka Kismaayo, isla markaana fududeynaya sidii shacabka loo gaarsiin lahaa gargaarka bini’aadannimo, iyadoo dowladda ay ku boorrinayso ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda inay sii wadaan howsha ay ku sugayaan ammaanka ilaa iyo inta laga dhisayo maamul kumeel gaar ah.

Waa mid iska cad in dadka deegaanka ay khaatiyaan ka taagan yihiin jahawareerka siyaasadeed, hoggaamiye kooxeedyada iyo kuwa mayalka adag, balse ay u baahan yihiin ammaan, xasilooni, helista waxyaabaha daruuriga ah iyo mustaqbal wanaagsan, sidaas daraadeed dhuxusha hadda ku xareysan dekedda Kismaayo waxay ku jiri doonaan meesheeda inta ay dowladdu go’aan ka soo saareyso.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay u hoggaansanto qaraarka Golaha Ammaanka ee tiriskiisu uu yahay 2036 waxayna soo jeedinaysaa in la adkeeyo mamnuucista dhoofinta dhuxusha, waxayna diyaar u tahay inay gurmad u fidiso dadka magaalada Kismaayo iyadoo qaadeysa tallaabooyin ay isugu dubba-rideyso sidii gargaar halkaas loo gaarsiin lahaa, isla markaana ay hadda waddo qorshe markab gargaar sida loogu dirilahaa shacabka Kismaayo.

Baaq: Jaaliyadda Absuge ee Norway.

Ujeedo : Baaq Jaaliyada Absuge Qumbur ee Dalka Norway                       27/10/2012

Jaaliyada Beesha Absuge Qumbur ee ku Nool Dalka Norway waxa ay Cadeeneysaa in aay Taageersantahay Kulankii Dhowaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya Kaasi oo ay Beesha  kaga dhawaaqday Gudi 21 Xubnood ah oo Matala Beesha Abusge Qumbur.Hadaba Waxaan Mar kale Cadeynaynaa in hadii aan nahay Jaaliyada Beesha Absuge Qumbur aan ku Aragti nahay Taageersanahayne Gudigaas oo ay Taariikh-du Markey Eheed  17/10/2012, Beesha kaga Dhawaaqday Magaalada Muqdisho.

Sidaas darteed Waxaan Mar Kale ku Celinayaa Baaqii ahaa in Loo dhega nuglaado baaqii  ka soo baxay beesha Absuge 17/10/2012, lana tixgeliyo walaalnimada iyo Cadaalada Lana ogolaado in Beel walba xaq u ay leedahay in ay Aayaheeda Katashato si Cadaalada loo adkeeyo.

Baaqaan oo ay soo saareen Jaaliyada Beesha Absuge Qumbur ee ku Nool Dalka Norway Waxaa ku Saxiixan.

1 YAASIIN CABDULE SIYAAD  
2 DAAHIR MAXAMED CALI [CASEYR]
3 IBRAAHIM AXMED MAXAMED [ MAJABE]
4 MAXAMED ABUKAR JIMCAALE[CADDE]
5 CABDULAAHI CALASOOW YABAROOW[SHUUKAX]
6 CABDI IBRAAHIM CALASOOW
7 CALI AXMED XUSEEN [SHAATI]
8 ANWAR CABDI CASEEYR
9 QADAR CABDULAAHI CALASOOW 
10 CABDULAAHI MACALIN ABUKAR [SUJUU]
11  SAHRO MAXAMED CALASOOW [SAGAAR]

Yaasiin Cabdulle Siyaad
Jaaliyada Absuge Qumbur ee Norway 

Wabilaahi Towfiiq

Huwanta oo u dhaqaaqay Jowhar.

Ciidamada Dowlada soomaaliya oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa maanta waxaa ay dagaal ku qaadeen Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe.

Gawaariad gaashaaman Amisom iyo dowlada ayaa ka tagay degmada Balcad waxaana u jileecsadeen Jowhar,waxaana Ciidamadan oo tiradooda ay badan tahay arkay dad ka soo tagay jowhar oo muqdisho yimid.

Dadkan oo aan la sheekaysana  ayaa waxaa ay inoo xaqiijiyeen inay jiraan Ciidamada ayna ku soo mareen iyago maraya Meel qiyaastii Jowhar 30 km u jirta.

Dhowr mar ayay Ciidamadan weerar ku qaadeen Jowhar laakiin ma aysan galaynin balse duulaankaan ayaa u muuqanaya mid ay ku doonayaa ciidamada inay ku qabsadan Maanta ama bari.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ciidamadan ay rabaan in Caawa ay ku hoydaan afaafka Jowhar maalinta kalana ay gudaha u galaan.

Mudo todobaad gudaheeda Dowlada waxaa ay qorshaynaysaa sida Saraakiisha dowlada inoo sheegeen ilaa iyo Buula burde ay u gudbaan oo la wareegaan jowhar ,mahadaay una talaabaan Hiiraan.

Faroole oo shaaciyay go’aankiisa ku aadan maamul u dhisida Kismaayo.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay arrinta iminka Soomaali badan ay aragtiyo kala duwan ka bixinayeen ee maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolka.

Isaga oo ka hadlay salaadii ciidda kadib ee shalay, ayaa Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu si cad u sheegay inuu taageersan yahay dhismaha maamul dadka deegaanka ay halkaasi ka dhistaan.

“Waxaan ku baaqayaa in dadka Kismaayo loo madax baneeyo dhismaha maamul ay ku qanacsan yihiin oo ay deegaankooda ka dhistaan”. Ayuu Faroole.

Waxa uu dhinaca Dowladda Somalia ugu baaqay inay dadka deegaan walba kala shqeyso sidii ay maamul ay ayaga ku qanacsan yihiin u dhisan lahaayeen.

Arrinta Kismaayo ayaa muddo ahayd mid dood badan ay ka dhalatay, ayadoo uu jiro maamul ay Kenya gadaal ka riixeyso oo la doonayo in halkaas laga dhiso, halka qaar ka mid ah beelaha deegaankana ay muujiyeen inaysan ku qanacsaneyd, ayada oo kuwa kalena ay taageersan yihiin.