28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Muqdisho: Askari ka tirsan Dowladda oo qof dumar ah ku dilay meel cunto laga qeybinayay, kadibna…….!

Askari ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa qof rayid ah waxaa uu maanta ku dilay Xaafada Soonikey ee Degmada Hodan.

Degmada Hodan ayaa waxaa maanta dad rayid ah oo dhibaataysan waxaa loogu qaybinayay Cuno gar gaar ah waxaana ay damac ka gashay cunadaas Askarta Dowlada.

Askari goobta Cunadada dadkaan loogu qaybinayay joogay ayaa waxaa uu risaas ku faray dadkaas waxaana ay sababtay risaastaas dhimashada Haweenay goobtaas joogtay.

Marka uu dilka gaystay Askariga ayuu goobta ka baxsaday Mana jirin Askari kale oo isku dayay inuu gacanta ku soo dhigo Ninkaas Qofka haweenka dilay.

Dilalka Noocaan oo kale ayaa  ku sii badanayay Mudooyinka Muqdisho oo ciidanka Dowlada Si bareer ah dadka ugu  dilaan cid xaqooda u dhicisana aysan jirin.

Ciidamada Raaskambooni oo la wareegay Qaybo badan oo ka tirsan kismaayo iyo Dowlada oo ka carootay.

Cabsi Dagaal ayaa laga dareemayaa inay ka jirto Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose kaa oo dhexmara Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Jabhada Raaskambooni.

Jabhada Raaskambooni ayaa la sheegay inay damacsantahay in Kismaayo qayb ay ka qabsato maamulkeedana la wareegto.

Dad ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa saakay Shabakada Caasimada u sheegay in Jabhada Raaskambooni ay isku balaarisay qaybaha ugu badan ee Kismaayo iyadoo dowlada Ciidankeeda ay meelo kooban ka joogaan Kismaayo.

Sarakiil ka tirsan Dowlada ayaa ku eedeeyay Raaskambooni inay rabaan in Amaanka Magaalada Kismaayo liin ku dhiijiyaan.

Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku dhaliilsanyihiin in Jabhad ay ka bar bar dagaasho kulana dagaasha in maamul loo dhiibo.

Xog hoose ayaa sheegaysa In Ururka Raaskambooni  qaybta ay magaalada Kamaamulaan iyaga ay kala wareegaan Dowlada taas oo keeni kara dagaal Sokeeye.

 

Madaxweyne Xasan Shiikhow aaway calankeeni bulugga? (Arag Sawirkan)

Wax badan oran meyno, hase yeeshee waxaan halkan ku qoreynaa qoraal yar oo xambaarsan micno weyn. Ma nihin mucaarad Dowladda Somalia iyo Madaxweyne Xasan Sheikh intaba. Marka aan saas leenahay waxaan ula jeednaa, waxaa jir dad wixii la qoraba u arka ama ka eega dhinaca xun.

Si kastaba, bal arag sawirkan hoose ee kullanka Madaxweyne Xasan Sheikh iyo madaxweyne Kibakiga Kenya. Waxaa goobta ka muuqda calanka Kenya oo kaliya waxaana ka maqan kii Somalia. Ujeedka ayaa ah in dadka madaxwyenaha u qaabilsan dhinaca nidaamka ay ka feejignaadaan arrimahan oo kale.

Waxaa intan inaga keenay jaceylka aan u qabno calankeena, oo markii aan weynay xoogaa dhiiga ina kacay. Mahadsanidiin.

Bacary Sagna: Waan farax sanahay maadaama aan soo laabtay, mar ayaanse murgooday.

Daafaca midig ee kooxda Arsenal Bacary Sagna ayaa sheegay inay la yaab ku noqotayu inuu soo bogsaday ka dib markii uu kasoo muuqday kulan ay ciyaarayeen ciyaartoyda 21 jirada ka hooseeya ee kooxdiisa.

29 jirkaan ayaa lugta ka jabay markiisii labaad isagoona 12 bilood aan garoomada cag soo dhigin ka dib markii bareelo lagu qaaday kulankii ay kooxdiisu bishii May 2011 wajahday kooxda Norwich. Daafacaan ayaana sugaayey waqti uun inuu dhaawiciisa kasoo bogsoodo.

“La yaab ayey igu noqotay inaan soo laabto, waxaan sugaayey ilaa iyo waqtigaan shan bilood,” ayuu Sagna u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxdiisa Arsenal.

“Tani waxay aheyd mid diiradu ii saarneyd: inaan soo laabto aana ciyaaro, markii iigu horeysay kooxda ka yar 21 jirada. Wax wakba si fiican ayey u dheceen guul ayaana gaarnay, sidaas darteed aad ayaan u farax sanahay.

“Si adag ayaan run ahaantii usoo shaqeeyey. Waqtiyada qaar waxaan joogay xarunta baxnaaninta, ka dibna waan soo laabtay run ahaantii si adag.

“Markii aad mar jabot jab weyn, waad kasoo bogsaneysaa, laakiin laba mar wey adag tahay. Maskax ahaan waa murgoonaayey, laakiin maalintii xigtay tartan ayaan diyaar u ahaa. Markaasoo aan si xoogan usoo kabsaday maantna si wanaagsan ayaan u farax sanahay.”

 

Arsenal, Liverpool iyo Man City oo isku heysta xidig 19 jir ah oo u ciyaara Crystal Palace.

Kooxaha ka ciyaara horyaalka Barclays Premier League Liverpool iyi Manchester City ayaa hugaanka u haaya loolanka loogu jiro da’yarka garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Wilfried Zaha, sida ay ogaatay shabakada Goal.com.

Kooxaha ugu waa weyn horyaalka England ayaa diiwaan gashaday 19 jirkaan tayada leh waxayna sugayaan inay usoo bandhigaan xiisahoodu ku aadan.

Arsenal ayaa sidoo kale dooneysa inay u xaluulato xidiga ka mid ah Under-21 xulka Ingiriiska, laakiin sida ay ogaatay Goal.com kooxda Gunners ayaa xidigaan u tixgelineysa miisaaniyad yar maadaama ay kasoo kexeysaneyso koox ka ciyaarta horyaalka hoose.

Zaha ayaa fure u ahaa kooxdiisa tan iyo markii uu  17 jirsaday wuxuuna ku hugaamiyey afar guul oo isku xigta, isagoona dhaliyey min laba gool labadiisii ciyaarood ee u dambeysay.

Arsenal ayaa xidigaan u aragta bedelka xidiga gadoodka ah ee Theo Walcott, halka Liverpool ay dooneyso inay ku dhisto baahideeda mustaqbalka weerarka Fog, Sky Blue ayaana ah koox uu saameynku yeeshay kuraygaani.

Palace, ayaana laga yaabaa inay madaxiisa dul dhigto aduun dhan 12.5 milyan oo euro, maadaama uu yahay xidig wax tar miiran ah.

Sidee loo baaraa Dhiigga Dhalmada Ama DNA? (wax ka ogow)

DNA Profiling, DNA Testing, DNA Typing, Genetic Fingerprinting Waa hal baaritaan oo dhawr magac leh.

Baaritaankaan aadka u sarreeya oo ay adeegsadaan culumada ku takhasusay climiga dambibaarista (Forensic Scientists) waxaa looga gol leeyahay in lagu ogaado qofka DNA-diisa u goonida ah maadaama qeyb ka mid ah DNA-da uu eebbe qof waliba u gooni yeelay.

Baaritaanka Aabanimada iyo Hooyanimada (Paternal & Maternal Testing)
Baaritaankaan ayaa waxii ka sii farcama qeyb lagu ogaanayo xiriirka ka dhaxeyn kara laba qof oo waalid isku ah.

Baaritaanka haddii la baarayo aabaha cunuga waxaa loo yaqaannaa (Paternal Test) hooyadane waxaa loo yaqaannaa (Maternal Test).
Fikradda baaritaanka waa in la is barbar dhigo labada DNA ee la baarayo kadibna laga soo saaro mid DNA-da ka mid ah in ay ka timid midda kale oo laga soo koobiyeeyay.

Haddii aan kuu sii faafaahiyo DNA-da waxaa loo qeybiyaa marka halkaan la joogo labo

1- Mitochondrial DNA – Tani waxay ka socotaa hoooyada waxa ayna taraysaa kaliya in labada qof ee la baarayo ay xidid yihiin (hooyannimo ma sheegeyso).
2- Nuclear DNA – Tani waxay ka socotaa dhinaca aabaha waxa ayna taraysaa in labada qof ee la baarayo ay is dhaleen iyo in kale.

Sidaa darteed waxaa badanaa la baaraa aabanimada markaa ka dibne baaritaanka hooyada wuu xoojinayaa.

Haddii dhallaanka uu yahay wiil, aad ayay u sahlantahaya in aabihiis la helo iyadoo laga tix raacayo koromosoomka “Y” maadaama aabaha kaliya uu ka qaato.

 

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

somalidoc.com

Kooxdee ugu badan ee maaliyadeeda laga iibsadaa caalamka? (Baro Top Ten)

Kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ayaa ugu sita liiska kooxaha ugu iibinta badan maaliyadooda, iyadoo koox weliba ay shantii sano ee lasoo dhaafay caalamka u iib geysay 1.4 milyan oo maaliyado Rasmi ah.

Red Devils iyo Los Blancos ayaa ah labada koox ee ka mid ah sedax kooxood oo dhaafay hal milyan oo maaliyad iib geyn ah intii u dhexeysay 2007-08 iyo 2011-12, halka booska sedaxaad ay degtay kooxda baasas qurxoon ee Barcelona taasoo iyaduna iibsatay 1.15 maaliyado rasmi ah.

Horyaalka Barclays Premier League ayaa afar koox ku leh kooxaha ugu badan ee maaliyado laga iibsado sano walba waana Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo Arsenal, Halka Horyaalka Italian Serie A, ay majaraha u hayaan Juventus, Inter iyo AC Milan. Horyaalka aan ka dhicin ee Bundesliga Germany waxaa matalaaya kooxda lagu niinaaso Bavarians ee Bayern Munich, FC Hollywood ayaana ah koox ka mid ah kooxaha sanadii laga iibsado maaliyadaha ugu badan caalamka.

Waxaa sameeyey maaliyadahaan tobanka koox ee ugu sareysa midkood shirkada ku caan baxay qalabka Ispoortiga ee Adidas ama Nike, iyadoo Shirkada waliba ay dhinac u ridatay shan koox oo ka mid ah liiskaan.

Liiska Tobanka koox ee loogu iibsiga badan yahay maaliyadahooda waa sidaan:

#KooxdaWadankaQiimaha la iibiyeyShirkada
1Manchester UnitedEngland1.4 milyanNike
2Real MadridSpain1.4 milyanAdidas
3BarcelonaSpain1.15Nike
4ChelseaEngland910 kunAdidas
5Bayern MunichGermany880 kunAdidas
6LiverpoolEngland810 kunAdidas
7ArsenalEngland800 kunNike
8JuventusItaly480 kunNike
9InterItaly425 kunNike
10AC MilanItaly350 kunAdidas

*Ogow maaliyadaha la xisaabshay waa kuwa rasmiga loo iibiyey.

Chelsea oo suuqa ugu jirta weeraryahan, balse indheheedu qabteen Loic Remy.

Kooxda Chelsea ayaa indheheedu qabteen weeraryahanka kooxda Marseille Loic Remy, waxayna Blues qorsheyneysaa inay Bisha Janaayo kasoo dhaqaajiyaan dalka France, ka dib markii uu daawaday qaab ciyaareedka Loic wakiil ka socda Chelsea.

Wargeysyada kasoo baxa dalka France ayaa intooda badab shaaciyey in Chelsea iyo Marseille ay ka heshiiyeen qiimaha macquulka ah ee uu Remy ugu baqooli karo Stamford Bridge Stadium, waxaana lagu soo waramayaa in Remy uu kula biiri doono kooxda ka dhisan galbeedka London aduun lacageed dhan 15 milyan oo euro.

Xidiga dalka France Remy ayaa horaan diirada u saarnaa kooxda Tottenham iyo kooxda kale ee ka dhisan isla magaalada London ee Arsenal.

Anderson: Hadii uu Sir Alex Ferguson ka fariisto Man Utd dhaqaaluhu waa Allow Sahal.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Manchester United Anderson ayaa saadaaliyey in kooxdu ay lumin doonto “30 ilaa 40 boqolkiiba”  heerkooda marka uu Sir Alex Ferguson ka fariisto shaqada kubada cagta.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil Anderson ayaa lacag xoog leh Man Utd 2008dii uga soo biiray kooxda FC Porto, wuxuuna qabiirka hugaamiya Red Devils ku sheegay mid aabe u ah dhamaan ciyaartoyda kooxda.

“Manchester United waa Alex Ferguson. Marka uu soo dhameeyo shaqadiisa kubada cagta waxay kooxdu lumin doontaa [30 ilaa 40 boqolkiiba] wax badan ayaa isaga ku dhisan,” ayuu xidigu u sheegay TV-ga Grande Are ee xaruntiisu tahay dalka Portugal.

“Waxa uu aabe u yahay dhamaan ciyaartoyda, waa qof aad loo ixtiraamo, marka uu ciyaaraha ka fariistana kubada cagta caalamka ayaa dareemi doonta.

“Had iyo jeer wuu I caawiyaa waxaana ka qaatay sameyn weyn, wuxuu noogu yimaadaa tababarka wuxuuna doonayaa inuu ogaado sida uu yahay xaalka ciyaartoydiisa iyo qoysaskooda.”

24 jirkaan ayaa dhowaanahaan la daalaa dhacaayey dhaawacyo wuxuuna keliya toban kula saftay sanadii lasoo dhaafay.

Ferguson oo jirsaday da’da 70 ayaa shaqada maamulka Old Trafford qabtay 6dii November, 1986dii, wuxuuna kooxdiisa kula guuleystay 12 horyaal oo Premier League ah, shan FA Cup, afar League Cup iyo laba Champions League.

Liverpool oo dooneysa inay labada Manchester ka dul qaado daafaca Turino Ogbonna.

Ogbonna ayaa horay loola xiriirinaayey kooxaha xafiiltama ee Manchester United iyo Manchester City, laakiin waxaa hada wararka xanta ahi sheegayaan inay daafaca dhexe ee dalka Italy xiiseyneyso kooxda ka dhisan Anfield Stadium ee Liverpool.

24 jirkaan ayaa lasoo sheegayaa inuu u furan yahay inuu ku biiro Barclays Premier League, laakiin wuxuu qirtay inuusan ka maageyn kooxdiisa uuna ku farax san yahay.

“Waa iska caadi in lala ila xiriiriyo Liverpool, mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn caalamka, aad ayeyna caan u tahay,” ayuu Ogbonna u sheegay Sky Sports.

“Si kastaba, qandaraaskeyga Turino wuxuu dhamaanayaa 2016ka waxaana jeclahay inaan la joogo kooxda. Laakiin waxna ma ogaan kartid.”

Ogbonna ayaa si fiican uga soo dhex muuqday horyaalka Italian Serie A taaso keentay inay xiiseeyaan kooxaha ugu shidan horyaalka Ingiriiska.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Jaaliyada Soomaaliya ee Uganda kulan la qaatay.

Xasan Sheekh Maxamuud  Madaxwaynaha Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaalida ee dalkaas ku nool.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa kulanka uu la qaatay jaaliyada wuxuu ku qotomay taageero jaaliyada ay umuujinayaan isbedelka dhanka hogaanka ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo sida ay u arkaan.

Qaar kamid ah dadkii uu kulanka la qaatay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay kawada hadleen arimaha dalka Soomaaliya iyo sidii dib udhiska dalka ay kaga qeyb qaadan lahaayeen.

Wuxuu Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  jaaliyada ujeediyay qudbad ballaaran oo uu kaga hadlaayo arimo dhowr ah oo ku aadan dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in jaaliyada Soomaalida ee dalka Ugandha looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka Soomaaliya iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka ka socda.

Uga dambayn waxaa uu Madaxwaynaha u sheegay in dalka la xasilin doono waqti dhowna dadka qurba joogta ah dalkooda ay dib ugu soo noqon doonaan.

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan oo kullamo kala duwan Kampala kula qaadanaya madaxda caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia ayaa booqasho ku jooga dalka Uganda, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo sanad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay xoriyadda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa magaalada Kampala kula kulmay madax ka socota caalamka oo kala duwan oo isugu jira African iyo reer galbeed.

Haddaba daawo sawirrada kulmada Madaxweynaha.

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo ka tagaya Muqdisho u direysa magaalada Kismaayo kadib markii…..!

Wararka naga soo garaya Magaalada Muqdisho ee Xarunta Wadanka Somalia ayaa waxaay tibaxayaan in Dowlada Somalia ay Magaalada Kismaayo u soo dirayso Ciidamo  ka tirsan Dowlada Somalia oo iskugu jira  Milatary police iyo Nabadsugida.

Ciidamadan oo garaya hal guuto  ayaa waxaa horkicidoona  Taliyahay Guutada kowaad ee Ciidamada Xogga Somalia Gen. Cabdilahi  Cali Canood  waxaaana Ciidamadan  badankood ka soo jeedan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
Ciidamadaan ayaa waxaay saldhig ka sameynsan doonan Xeerada Ciidamada ee Luglow  ee Duleedka Magaalada Kismaayo waxaana si toos ah logu biirin doona  Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo ayagu  wayihii danbe ku sugna Gobolada Jubboyinka.
Dowlada Somalia  ayaa waxaay dadaal  ugu jirta sidi Maamul  Rayiid ah ugu sameyn lahad Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose balse waxaa arinkaasi si weyn uga horyimid Dowlada Kenya oo ayado Abaabulaysa in Maamul ayada hoos taga laga dhiso Magaalada Kismaayo.
Balse Dowlada Somalia ayaa wali ku adkaysanaya in ay ayadu xaq u ledahay in ay dhisto Maamulka Magaalada Kismaayo oo ah Magaalo ka mid ah Wadanka Somalia.
Muranka ka tagaan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa waxaa  maanta Magaalada Kampala uga wada hadlay Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Kenya  waxana kulankaasi fududeeeyay  Madaxweynaha Uganda Musaveni Waxana Madaxweyne Musaveni u aminsan yahay in Maamulka Gobolada Somalia lo madax baneeyo Dowlada Somalia.
Arimahan oo dhan ayaa waxaay dhacayaan xili shir uu Magaalada Muqdisho uga socdo beelaha Daga gobolada Jubboyinka  ee kala ah
1)Beesha Sade
2)Beesha Gaaljecel
3)Beesha Shiikhaal.
4) Beesha Cawrmale
5)Beelaha Direed.
6)Jareerweyne
Waxaayna dhamaan beelahaasi ka codsadeen  Dowlada Fadaraalka  Taliska Amisom iyo UNPOS in Magaalada Kismaayo lo diiro Ciidan ka madaxbanan Ciidamada Kenya oo ay beelahaasi ku edeyeen in aysan dhex dhexaad ka ahayn Arimaha Jubboyinka .
——————————–
Maxamed Cabdi Cali
Muqdiso-Somalia

Ciidamada Dowlada iyo Amisom oo qarax lagu eegtay Kismaayo.

Qarax qasaaro gaystay ayaa  Maanta waxaa Ciidamada Dowlada iyo Amisom loogu gaystay Magaaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabada Hoose.

Ciidamada ayaa waxaa qaraxa lagula eegtay Xaafada Calanley oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo Xili ay howgalo halkaas ka wadeen.

2 ruux ayaa ku dhintay qaraxa labo kalana waa ay ku dhaawacmeen .

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miinada Dhulka lagu aaso kaas oo loo dhigay Ciidanka Dowlada Iyo Amisom bartamaha Magaalada.

Marka laga soo tago labada Dhimashada waxaaa jira Askar ka tirsanaa kuwii qaraxa lala eegtay oo ku dhintay qaraxa lakiin lama oga tirada ay dhanyihiin.

Iker Casillas: Ronaldo ayaan ka dooran lahaa Lionel Messi.

Katbaka kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa sheegay inuu ninka ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo ka door bidi lahaa weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Mess, hadii uu sameynaayo dooqiisa u dhexeeya labada ciyaaryahan.

kooxda Jose Mourinho ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Barca kulankii El Clasico wuxuuna tababaraha reer Portugal ku sifeeyey labada ciyaaryahan inay ka yimaadeen caalam kale, laakiin taas bedelkeeda Casillas ayaa ka dooran lahaa kabtanka xulka Portugal xidiga dalka Argentina.

“Cristiano ayaan ka door bidi lahaa Messi sababtoo ah waa ciyaaryahan sano walba nasiiya wax weyn waana ciyaaryahan aan maalin walba isla joogno,” ayuu Casillas u sheegay Cadena Cope.

“Waan garanayaa, waan garanayaa wuxuu yahay, waan garanayaa sida uu tababarka u qaato, waan garanayaa wax uu doonayo, waana garanayaan sidoo kale meesha uu doonayo.”

Arsenal oo sheegtay inaysan Bank-geeda u jebin doonin Theo Walcott (Aqriso)

Arsenal ayaa qiratay inaysan Bank-geeda u jebin doonin si ay u ceshtaan Theo Walcott oo qandaraaskiisa kooxdu ka dhacaayo sanada soo aadan.

23 jirkaan reer England ayaa kooxda uga tegi kara si xor ah dhamaadka xilli ciyaareedka ka dib markii uu ka biyo diiday qandaraas cusub oo uu kooxda isbuucii uga qaadan lahaa 75 kun oo ginni.

Wakiilka Walcott ayaan la hadli doonin  Arsenal inta uu ciyaaryahanku soo gudanaayo waajibkiisa xulka England, iyadoona marar hore lagu guul darreystay wax is afgarad ah.

Laakiin gudoomiyaha Gunners Peter Hill-Wood ayaa qirtay inaysan kooxdu Bank-geeda u jebiun doonin mushaarka isbuuclaha ah ee Walcott, kaaso wax ka yar 12 bilood uu ka dhiman yahay andarasskiisu.

“Waxaan leenahay hab maamul mushaar isbuucle ah mana qorsheyneyno inaan u jebino qofna,” ayuu u sheegay Daily Star.

“Waxaan sameynay dalabyo kuwaas oo aan fileyno inaysan aheyn kuwo la aqbalaayo taasna way dhamaaneysaa. Waxaan ku fikireynaa inay tahay dalab mas’uuliyadeed.

“Waqtigaan qoyskiisa ayaa nala hadlaaya waxaana rajo ka qabnaa in la xaliyo. Laakiin ha I weydiin goorta ay noqoneyso, sababtoo ah waxba kama ogi.

“Waxaan rajo ka qabaa in xalku uu noqdo saxiix. Ma garanayo hadii aysan sidaas ku socon.”

Kooxaha ay xafiiltamaan ee Manchester City iyo Chelsea ayaa diyaar u ah inay Walcott ka dhaqaajiyaan bariga London sidoo kale Liverpool iyo Tottenham ayaa isha ku haaya.

 

Kaka oo la dhacsan bandhigiisa Real Madrid iyo in loogu waco xulkiisa Brazil.

Kaka ayaa daaha ka qaaday inuu ku farax sanyahay labadii kulan ee uu ku bilowday ciyaaraha Real Mardi wuxuuna sheegay inuu sidoo kale rajo ka qabo xulkiisa.

Ciyaaryahankii sanadii 2007 ku guuleysatay abaal marinta Ballon d’Or ayaa lala xiriirinaayey inuu xagaaga ka tegegaayo Santiago Bernabeu, laakiin wuu ku adkeystay inuu kooxdiisa iska sii joogo.

Seleccao ayaa looga yeeray laba sano ka dib, isagoo ka mid ah xulka Brazil ee la ciyaaraya wadamada Iraq iyo Japan.

“Diyaar ayaan u ahay inaan soo laabto, waana ku farax sanahay soo laabashadeysa,” ayuu u sheegay saxaafada. “Waxaan dareemayaa xoganaan fiican iyo farsamo.

“Inta badan ku dhowaad sanad dhaawac ayaan ahaa waxaana tababarka u qaadanayaa si wanaagsan anigoo fursado badan ka helaaya kooxda koowaad ee Real Madrid.”

Frank Lampard oo ay doonayaan laba koox oo ka dhisan dalka Shiinaha (Warbixin)

Frank Lampard ayaa lagu baadi goobayaa inuu isbuucii qaato 250 kun oo ginni.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka England ayaa waxaa u gacan haatinaaya kooxda uu u ciyaaro ciyaaryahankii ay isku kooxda ahaan Jireen Didier Drogba ee Shanghai Shenghua, sidoo kale iyadoo ay baadi goobeyso kooxda ka dhisan caasimada oo ay xafiiltamaan ee Beinjing Guoan.

Waxayna labada koox diyaar u yihiin inay bishii jeebkiisa ku shubaan hal milyan oo ginni.

Lamprad oo 34 jir ah ayaa la hadli kara koox walba oo caalamka ka dhisan bisha Janaayo wuuxuna xor noqonayaa xagaaga soo aadan marka uu dhamaado qandaraaskiisa Blues.

Wuxuu ku socdaa wadadii uu kaga tegi lahaa Stamford Bridge ka dib 11 sano, iyadoo uu ogyahay sharciga kooxda ee ah in 30 jir loo ogoyahay keliya hal sano oo qandaraas ah.

Lampard ayaa 36 milyan oo ginni ku aruursan kara sedax sano oo qandaraas ah oo uu la galo kooxda Shiinaha ee uu u ciyaaro saaxiibkiis Drogba.

Wuxuuna doonayaa inuu galo waqtigiisa lacag xamaalka, Sun Sport ayaa werineysa in sidoo kale looga baaqayo kooxda uu u ciyaaro David Beckham ee LA Galaxy.

 

 

Ashley Cole oo aan lagu ganaaxeyn hadaladii qaldanaa ee uu wax uga sheegay FA-ga.

Ashley Cole ayaa ku yiri xiriirika kubada catga ingiriiska ee marka magacooda laasoo gaabsho loo yaqaan FA “bunch of t***s” mar uu isticmaalayey akoonkiisa Twitter, isagoo uga dan lahaa inuu muujiyo taageerada uu u hayo kabtanka Chelsea John Terry kasoo lagu heystay inuu hadalo cunsuri ah u adeegsaday Anton Ferdinand.

Bernstein oo la hadlaayey BBC-da ayaa sheegay inuu ciyaaryahanku bixiyey raali gelin shaqsi ah ka dib markii uu aalada bulshada ku adeegsaday hadaloo aan habooneyn.

“Hadeer wuxuu bixiyey raali gelin jimcadii markii aan is aragnayna si shasi ah ayuu ii raali geliyey,” ayuu yiri Bernstein. “Wuxuu noo muujiyey ixtiraam dhab ah. Wuxuuna noo sheegay dhabtii inuu aad uga xun yahay.

“Xor ayuu u yahay inuu u ciyaaro England ciyaaraha soo aadan. Waxay quseysaa tababaraha hadii uu ciyaarsiinayo iyo hadii kale.”

 

Arturo Vidal oo sheegay inuu mustaqbalkiisa K/cagta ku afjaraayo Juventus.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Juventus Arturo Vidal ayaa cadeeyey inuu ku faraxsan yahay joogistiisa Italy, isagoona sheegay inuu ku farxi lahaa inuu inta mustaqbalkiisa ka dhiman joogo Serie A.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Chile ayaa suuqa xanta ah lagula xiriirinaayey inuu ku biirayo midkood kooxaha Manchester United iyo Real Madrid, laakiin wuxuu ka dhaqwaajiyey inuu waqtigaan ciyaarayo kubadii ugu wanaagsaneyd abid.

“Ma aanan ku fikirin wax tegitaan ah,” ayuu u sheegay fifa.com. “Waan ku celinayaa – Waan ku farax sanahay halkaan waxaana hadii ay noqoto aan ku qarash gareynayaa inta ka dhiman mustaqbalkeyga ciyaareed. Anigoo u sameynaya inaan ku farax sanahay.

“Wax walba waa ay wanaagsanaayeen markii aan ka ciyaarayey Germany oo aan la joogay [Bayer Leverkusen], laakiin hada waxaan u ciyaarayaa mid ka mid ah kooxaha ugu taariikhda wanaagsan kubada cagta.”