27.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Muqdisho oo billowday olole lagu bixin doono abaal marin lacageed oo gaareysa illaa 15 kun oo dollar

Qashinka buux dhaafiyay xaafadaha Muqdisho ayaa sii yaraanaya taa oo looga mahdinayo ololaha nadaafadeed ee ay ku dhawaaqday xukuumadda Soomaaliya ayna dhaqan-galinayaan muwaadiniin is-xil-qaamay.

Ololaha ayaa bilowday 26-kii January, waxa uuna socon doonaa hal todobaad, ama ka badan haddii loo baahdo, si loo qurxiyo loona nadiifiyo 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Is-xil-qaamayaasha ayaa sheegaya in ayasan shaqadooda ku doonayn abaal-marin, laakiin si arrinka xallad loogu yeelo, xukuumadda Soomaaliya ayaa lacag caddaan ah ugu yaboohaysa degmooyinka gala kaalimaha hore ee nadaafadda.

“Waxaan ku bixin doonnaa abaal-marin degmooyinkii kaalimaha hore ka gala tartanka nadaafadda Muqdisho,” ayuu yiri Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon 21-kii January. “Degmada guulaysata waxa ay heli doontaa $15,000 oo doollar, tan labaad $10,00, halka tan seddexaadna ay heli doonto $5,000.”

Dowladda federaalka ah ma aanay sheegin shuruudaha lagu xulanayo kuwa guulaysta marka uu ololaha dhammaado Jimcaha (1-da February), ama haddii loo baahanyahay in degmada guulaysata ay lacagta ku kharasha garaynayso mashruuc mucayan ah.

Agaasimaha waaxda fayadhowrka gobolka Banaadir Xuseen Warsame Abtidoon ayaa sheegay in howlaha nadaafadda ay si wanaagsan u socdaan, iyadoo 200 oo qof oo is-xil-qaame ay ka qeyb qaadanayaan degmo walba.

“Waxaannu doonaynaa in aan ololaha nadaafadda ku dhameystirno todobaad gudihii, balse waqtiga waa la kordhinayaa haddii ay lagama maarmaan noqoto si Muqdisho looga dhigo magaalo nadiif ah oo faya qabta,” ayuu yiri

Abtidoon ayaa sheegay in ololaha uu isbedel weyn ka sameyn doono xaaladda fayadhowrka ee Muqdisho, uuna ku rajo waynyahay in uu soo celiyo bilicdii magaalada.

Degmooyinka oo u baratamaya abaal marinta koowaad

Cumar Cabdule Cusmaan, oo ah guddoomiyaha degmada Heliwaa, ayaa sheegay in nadaafadda ay si wanaagsan uga socoto aaggiisa.

“Waxaan ku rajo waynahay in degmadayda ay guulaysan doonto maxaa yeelay waxaannu samaynaynaa dadaal dheeri ah si aan u hagaajino nadaafadda guud ee degmada Hiliwaa,” ayuu yiri. “Haddii aan ku guuleysano tartankan waxaan u balan-qaadaya in lacagta abaal-marinta ahi ay tahay mid go’aankeedu leeyihiin dhammaanka dadkii u guntaday howsha nadaafadda ah.”

Deeqa Cabduqaadir, oo ah guddomiyaha degmada Warta Nabadda, oo markii hore loo aqoon jiray Wardhiiglay, ayaa sheegtay in 200 ee iskood wax u qabsadayaasha nadiifinaya degmada aanay filaynin in lagu abaal-mariyo dadaalkooda. Saas ooy tahayna, waxa ay wali ku rajo wayntahay in ay guulaysanayaan.

“Waan ku hanweynnahay in degmada Warta Nabadda ay noqon doonto tan kaalinta koowaad ka gasha tartanka ololaha usbuuca nadaafadda ee Muqdisho,” ayay tiri. “Si adag ayaannu u shaqeyn doonnaa si aan u guulaysanno.”

Iskood wax u qabsadayaasha ragga iyo dumarka ah ee ka qeyb qaadanaya ololaha todobaadka soconaya waxaa soo xulay odayaasha xaafad walba, sida ay sheegayaan guddoomiyayaasha degmooyinka. Iskood wax u qabsadayaasha waxa ay shaqaynayaan laga bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo maalin walba, iyadoo xaafad walba loo diro 15 ilaa 20 qof.

ICusmaan Cabdi, oo ah 36-jir kana mida mutawiciinta ayaa sheegay in uu doonayo in uu qeyb ka noqdo dadaallada nadaafadda loogu soo celinayo Muqdisho, gaar ahaan degmada Warta Nabadda oo uu ku noolyahay.

“Qof lacag nagu siiya ma jiro howshan nadaafadda ah ee aan wadno,” ayuu u sheegay Sabhi. “Waxaanu rabnaa in aan hagaajino nadaafadda degmadeena, kaas oo wax weyn katari doona nolasheenna waayo horey ayaa loo yiri ‘inta uu qashinka kuu jiro ayuu cudurkuna kuu jiraa’.”

Dr. Axmed Maxamed Sheekh, oo ku takhasusay caafimaadka guud, ayaa sheegay in ololaha nadaafadda uu yahay mid yar balse uu bilow muhiim ah u yahay caasimadda.

Waxa uu sheegay in Muqdisho ay u baahantahay olole nadaafadeed oo ballaaran maxaa yeelay majirto cid u istaagtay in ay nadiifiso magaalada 20 sano. “Todobaad kuma filna in lagu nadiifiyo Muqdisho, waana in si joogto ah loo qorsheeyaa,” ayuu sheegay.

“Waxaan aaminsanahay in dhibaatada ugu weyn ee ina haysata ay tahay nadaafadda xumida ka jirta waddanka oo dhan,” ayuu yiri. “Waxaan ka rajaynaynaa maamulka cusubi in uu la tacaalo dhibaatadaa.”

Isha: Sabahi Online

Arag Sawirrada: Madaxweyne Xasan iyo Socdaalkiisa magaalada Brussels

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa booqasho ku jooga magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub, halkaasi oo uu kula kulmayo madaxda ururkaas, oo dowladda Somalia inay caawiyaan usoo jeestay markan.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Sheikh Cabdulqaadir iyo wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisul wasaare  ku xigeen Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Daawo Sawirrada socdaalka madaxweynaha

brus 1brus 2brus 3brus 4brus 5

Nuxurka hadal Madaxweyne Xasan uu u jeediyay baarlamaanka Yurub

Brussels (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Brussels ee waddanka Belgium, ayaa khudbad u jeediyay baarlamaanka midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa khudbada maanta oo Khamiis ah uu ka jeediyay waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin isbadalka iyo horrumarka ka dhashay Soomaaliya.

Ugu horreen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay muddadii ay jirtay dowladiisa in ay qabatay wax badan ay ka mid tyahay siddii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya adduunyada inteeda kale.

Wuxuu sheegay in wadashaqeen fiican uu ka dhexeeyo baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanka midowga Yurub.

“Waxaa la joogaa xilligii gabagabada ahaa ee miisaaniyadii Midowga Yurub ay ugu talogaleen Soomaaliya, kaasoo soo billowday sannadkii 2008 kuna eg sanadkan 2013, waxaana ku wargeliyay in sannakan wax laga bedelo habkii hore ee Soomaaliya loo caawin jiray, waxaana ka hadalnay qaabeyntii habkii lagu caawin lahaa Soomaaliya wixii ka dambeeya sannadka 2014,” ayuu yiri madaxweynne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in midowga Yurub laga rabo siddii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay siinayaan dowladda Soomaaliya oo hadda si tartiib cagaheeda isugu taageyso.

Madaxweynaha waxa wafdiga la socda ka mid ah ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda, wasiiru dowlaha madaxtooyada Qaranka, ku xigeenka labaad ee guddoomiyaha baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.

Si kastaba madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub, Jose Manuel Barroso iyo Catherine Ashton.

Mrs. Ashton ayaa shirkaas ka sheegtay in Midowga Yurub uu garab istaagay shacabka Soomaaliyeed 20-kii sano ee la soo dhaafay, uuna garab istaagi doono mustaqbalka.

Waxay intaas raacisay inay wadaan qabanqaabada shirweyne dhowaan lagu qaban doono Brussels oo taageero siyaasadeed, mid amni iyo mid horumarineed loogu raadinayo Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussels

Xalay habeen wanaagsan uma ahayn Soomaalida Koonfur Africa

Eastern Cape (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in dukaamo dad Soomaali ay lee yihiin lagu boobay magaalada Eastern Cape, kaddib markii ay dhaceen madowga dalkaas.

Soomaalida la dhacay ayaa sheegay in saakay ilaa xaley in la dhacay illaa ku dhawaad 20-dukaan oo ay lee yihiin dad Soomaali ah.

Qaar kood markii la dhacay ayaa la sheegay in dab la qabadsiiyay, waxana la sheegayaa in goobta ay ku dhawaayeen, isla markaana aysan waxbo ka qaban .

“Boobka xaley ayuu billowday 9-kii habeenimo illaa saaka waa socday, cidna goobta uma soo gurman oo ah booliska, waxana meeshaaas lagu boobay in ka badan 17-dukaan oo ay lee yihiin dad Soomaali ah” sidaas waxaa yiri wariye ka tirsan Somali Chanel oo goobtay gaaray.

Arrintan ma ahan wax ku cusub dalka Koonfur Africa, horrey ayaa goobo ganacsiyo ah oo lee yihiin Soomaalida ku nol dalkaas la dhacay ama dab la qabadsiiyay.

Ma jirto illaa hadda wax dowladda Koonfur Africa ay ka qabatay dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool dalkeeda.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo shaley madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo magacaabay safiir cusub oo dalkiisa u fadhin doona Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirto ay taabaneyso dadka u dhashay koonfur Afrika.

Wuxuu xusay in ay Soomaalida ku taageeri doonaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen, una soo ceshan lahaayeen xasiloonidiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo si xikmadeysan ula hadlay Somaliland, arrimo kalena shaaca ka qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu kaga hadlayo socdaalkiisa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub siiyay idaacadda BBC-da, isaga oo qeybta dambe ee wareysigaasna si xikmadeysan oo cajiib ah uga hadlay arrinta Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay xarunta Midowga Yurub.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen wax uu ugu yeeray ‘waayaha cusub’ ee Soomaaliya ay gashay iyo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday inay aad isku af garteen, isla markaana Midowga Yusub uu diyaar u yahay in dowladdiisa ay ka taageeraan dhinacyo fara badan, sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.

Waxa uu sheegay in la dejinayo qorshooyin badan oo la xiriira tobanka sano ee soo socota Soomaaliya waxa ay u baahan tahay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay in aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay heshay ay tahay mid maslaxad ugu jirto dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanay jiri doonin cid la qasbayo ama dhibaato loo geysanayo, oo ay dowladdiisu ka shaqeyn doonto midnimada umadda Soomaaliyeed.

Kulanka Brussels

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay is gacan qaadayaan Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxa uu la kulmay guddoomiyaha Guddiga Yurub Jose Manuel Barroso, Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy.

Masuuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub gacan u siin lahaa dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay horumar wanaagsan sameysay labadii sano ee u dambeeyay.

Kulanka kadib waxa ay shir jaraaid ku qabteen xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels.

Waxaa ka hadashay booqashada Madaxweynaha Catherine Ashton oo wakiilka sare ee Golaha Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Golaha Yurub Herman Van Rompuy

Baroness Catherine Ashton, waxa ay sheegtay in ay wax wanaagsan tahay waaga cusub ee Soomaaliya u bilowday. Waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya uu gacan ka geystay aasaaska horumarka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in dhawaan ay qabanqaabinayaan shir Soomaaliya ku saabsan oo ka dhici doona Brussels, kaasi oo ay sheegtay inuu la soo bixi doono qorshe cusub oo Soomaaliya lagu siinayo taageero siyaasadeed, ammaan iyo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay taagan tahay halkii ay Yurub taagenyd sanadkii 1945, oo wax walba burbureen ayna u baahan yihiin taageerada beesha caalamka, gaar ahaan midda Midowga Yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku yimid magaalada Brussels booqasho rasmi ah oo uu ka helay Midowga Yurub sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhageyso Wareysiga Madaxweyne Xasan ee BBC

Faah Faahin Booqashada Ra’isul Wasaaraha ee Marko. + “Sawiro”

0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta kormeerayey deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa magaalada Marka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka degmada,kan gobolka,saraakiil,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Marka Cadeey ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

sa
Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalladda Mudane C/laahi Abyan Nuur,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.
sa2

Waxaa hada ka soconaya xarunta maamulka gobolka Shabeelada Hoose kulan uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada kulankaasi oo Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa ay warbixinno kaga dhageysanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobolka Shabeelada Hooseba.
sa1

Qaar ka mid ah Waxgaradka magaalada Marka oo khudbaddo ka jeediyey kulanka hada soconaya ayaa ballan qaaday iney hiil iyo hooba la garab taaganyihiin sidii loosoo celin lahaa sharafta,karaamada iyo dowladnimada umadda Soomaaliyeed.
sa3

Ra’isulwasaaraha iyo xubanaha Wasiirrada ee la socda ayaa khudbaddo u jeedin doona qeybaha kala duwan ee kasoo qeybgalay kulankan ayadoo Ra’isulwasaaraha iyo xubnaha la socdana ay bulshada u sharixi doonaan qorshe howleedka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kadib kulankana Ra’isulwasaaraha wuxuu booqan doonaa magaalada qeybo ka tirsan.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa waxey saakay kasoo ambabaxeen magaalada Muqdisho oo ay kasoo raaceen diyaarad  Helicopter ah oo ay ugasoo degeen deegaanka Shalaanbood oo ay gaadiid kasoo raaceen kuna yimaadeen magaaalada Marka.
sa4sa5

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia oo arrimo dhowr ah ka hadashay

Brussels (Caasimada Online) Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ka mid ah wafdi madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminaayo oo ku sugan Brussels ayaa sheegtay arrimo dhowr ah.

Marwo Fowsiyoo wareysi siiyay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua, ayaa ugu horreyn waxa ay ka hadashay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, waxana ay sheegtay in uu wanaagsan.

Wasiiradda ayaa sidoo kale daaha ka qaatay in dowladda Shiinaha ay ka hirgelisay Soomaaliya dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin: dhismaha isbitaallo, garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium iyo weliba waddada isku xirta gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee Soomaaliya.

“Shiinuhu wuxuu ahaa saaxiibka wanaagsan ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 1960-kii. Markii Shiinaha la godoomiyay, waan caawinnay Shiinaha , oo dedaal ayaan u galnay siddii ay ugu biiri lahaayeen QM,” ayay tiri Marwo Fowsiyo.

Wasiirradda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Shiinaha ay hadda diyaar u tahay siddii markale u caawin lahayd dowladda Soomaaliya. “Soomaaliya waxa ay ka gudbaysaa colaadii la hartay muddada ka badan 20-ka sano, waxayna u socotaa dib u dhiska dalka iyo dhinaca horumarka,” ayay tiri wasiirradda.

Marwo Fowsiyo ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeynayso lix tiir oo waaweyn, taasoo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay tiri lixdaas waxa ay xoogga saari doonaan sugidda ammaanka, cadaaladda iyo weliba maareynta dhaqaalaha dalka.

Wasiiradda ayaa sheegtay in amniga ka dhashay dalka bil kasta ay dalka yimaadaan ilaa 1,000 qof kuwaasoo badan kood deegan ahaan ka sameesta dalka.

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in ciidamada AMISOM ay door wanaagsan ka qaateen sidii deggenaashaha dalka loosoo celin lahaa, mar uuna ayayna dalka ka baxayaan. Iyadoo xustay in bixitaankoodu uu ku xiran yahay marka la xoojiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dooneysa in ay iskaashi fiican la yeelato waddamada caalamka gaar ahaan kuwa dhaqaalaha badan leh.

Caasimada Oline

Xafiiska Wararka Brussels