27.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Booqo website-ka ciyaaro24.com

Websetkan http://ciyaaro24.com/  waxaa uu bulshada Soomaaliyeed ee Aduunyada meelkasta ka jooga ugu tala galay inuu idin soo gudbiyo Saacad walba,Waqti walba iyo daqiiqad kasta Wararkii ugu dambeeyay Suuqa kala iibsiga,Natiijooyinka Ciyaaraha,Xasuus Taariiqeed ku saleysan Xidigaha,kooxaha,Macalimiinta iyo Kuwa kale.

Sidoo kale Websetka waxaa uu ku dadaalayaa soo gudbin Warar xaqiiqa ah kuna salaysan dhabta iyo Waliba war walba inaad ku hesho si dhaqsa ah.

RIIX HALKAN SI AAD U BOOQATO.

 

Drs. Maryan Qasim iyo sodaalka Turkey + wixii ay ka tiri Safiirka M. Mursal

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryan Qaasim oo maalmihii la soo dhaafay safar ku joogtay dalka Turkiga ayaa waxay halkaas kulamo kula qaadatay wasiiro ka tirsan Turkiga iyo Xubno kale.

Wasiirada oo kulamadaas uu ku Wehliyay safiirka Soomaaliya ee Turkiga  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu ahaa mid guul ku soo idlaaday.

Waxaa ka mid ahaa Xubnihii ay wasiirada la kulanatay Ra’iuslwasaare Kuxigeenka dalka Turkiga Bakir Bozdag oo ay ka wada hadleen sida loo hirgelin karo mashaariic hormarineed oo ay walaalaha Turkigu ka hirgelinayaan gudaha Dalka soomaaliya. Safaarada Soomaaliya ee turkiga ee uu safiirka ka yahay danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxay ahayd mishinka arintaas dhaqaajinayay maadaama Qaran walbaa uu ka Turjimo ama wakiil uu ka yahay safaarada markaas dalkaas ugu taala.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amaan u soo jeedisay safaarada Soomaaliya ee Turkiga iyo shaqaalaheeda oo ay ku amaantay in ay hayaan howl shaqo oo aan la dafiri Karin.   Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryan Qaasim ayaa  shaqaalaha safaarada ku tilmaantay kuwa u heelan u adeegida Qaranka ay wakiilka ka yihiin.

Kulammadan ay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maryam Qaasim la qaadatay Madaxda Turkiga iyo Beesha caalamka ee Jooga Turkiga ayaa waxay ku soo dhamaadeen guul sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo aan qadka Taleefanka kula xiriirnay, ayaga oo nooga waramay howlaha iyo safarka wasiirada.

Maryan qaasim ayaa sheegtay in safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ay shaqo badan qabato, ayada oo ku amaantay qaabka ay shaqaalaha safaarada iskugu xiran yihiin iyo sida ay bulshada joogta Turkiga ugu adeegaan baahidooda gaar ahaan ardayda wax ka barata Turkiga.

OLYMPUS DIGITAL CAMERASidoo kale danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa la sheegay in uu yahaya shaqsi dhaqaajiyay howlaha shaqo ee safaarada Soomaaliya iyo Turkiga iyo Xiriirka ka dhaxeeya dalka Soomaaliya iyo Turkiga oo maraya meeshii ugu sareeyay oo uu abid gaaray.

Dhinaca kale  hadalka wasiirada ayaa ku soo aadaya iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda gaar ahaan 12-bishan uu ka Furmo shir Muqdisho kaas oo ay iskugu imaan doonaan safaradaha caalamka ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado in ay kulan la yeelato Wasiirada arimaha dibada Fowsiyo.

Kualnkaan ayaa lagu wadaa in qaar ka mid ah safaaradaha caalamka is badal lagu sameeyo halka shaqalaha safaaradana la isku dhafi doono sida ay Bogan u sheegeen Ilo Xog ogaal ah.

Cabdixakiin Cilmi Xasan [email protected] Tel-+254-711830393

Wadooyinka Muqdisho oo ciidamo fara badan lagu arkay + Xaaladda guud

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa saaka lagu arkay wadooyinka magaalada Muqdisho ciidamo fara badan oo isugu jira boolis, nabad sugid iyo millatari kuwaasoo foyijignaan xooggan ku jira.

Laga bilaabo KM4, waddada shaqaalaha, Makah Al-Mukaramah iyo madaxtooyadda Villa Somalia ayaa lagu arkayaa ciidamo fara badan kuwaasoo halkaas ku sugan.

Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo baabuurta iyo dadka ku amraya in ay socdaan oo ay joojiyaan istaaga.

Ma cadda ciidamada saaka lagu arkay magaalada Muqdisho laakin waxa la sheegayaa in maanta ay yimaadaan wafuud ka socota caalamka, sidaasna ayaana loo adkeenayaa ammaanka magaalada Muqdisho.

Ma ahan wax ku cusub magaalada Muqdisho in lagu arko ciidamo badan, marka ay magaalada imaanayaan waxa inta badan la xiraa waddooyinka, waxana meel kasta la dhigaa ciidamo, taasoo caqabad ku noqota dad weynaha Muqdisho.

Dhinaca kale, waxa dib u dhacay xaflad lagu waday in maanta loo sameeyo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo dhammeestay fadhigiii koobaad tan iyo markii la doortay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo la hadlay radiyaha dowladda Radio Muqdisho ayaa sheegay in xaflada lagu soo xiraayo kulankii koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya ay dhici doonto maalinta berri ah oo Isniin ah.

Wuxuu shegay in ay jiraan kulamo maanta ay yeelan doonaan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka shaqeyn doona guddiyo shaley ay iska doorteen baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Digniin caafimaad oo halis ah oo Somalia looga soo diray Chicago, USA

Chicago (Caasimada Online) Sida ay sheegeen kooxo ku takhasusay dawooyinka oo fadhigoodu yahay magaalada Chicago ee gobalka Illinois ee dalka Maraykanka , waxa laga digay dawooyinka la keeno Soomaaliya, oo qaar badan ay tayadooda lii dato, kuwa kalena ay dhaafeen waqtigooda ama iyagoo dhacsan loo soo qaado Soomaaliya.

Dawooyinkan ayaa la sheegay in si furan oo aan qarsoodi ahayn loogu iibiyo suuqyada ku yaalla Muqdisho.

Yuusuf Axmed Maalin oo madax ka ah hey’adda Somali Strategy From oo xaruntooda tahay magaalada Chicago isla markaana ku takhasusay cilmiga Kimistariga ayaa VOA –da u sheegay in uu dhawaan ka soo laabtay Muqdisho, isagoona halkaas ku soo arkay dawooyin dhacay oo suuqa si furan loogu iibinaayo.

“Waxan ku soo arkay magaalada Muqdisho in loo baahan yahay Kontorol dhanka dawooyinka maadama uu dalka lahayn meel dawooyinka lagu kontoroolo tayada dawadda, dowladda waxa looga baahan yahay in ay fiiriso dawooyinka dalka soo galayo” ayuu yiri Yuusuf Axmed Maalin.

Waxa kaloo uu sheegay in Isbitaalada dalka ay u baahan kalkaaliyaan khibrad iyo aqoon ballaaran leh, si aan dadka loo dhibaateen.

“Waxan soo arkay in dalka la soo galiyay dawooyin fara badan oo kuwa dhacay iyo kuwa aan dhicin laakin tayadooda ay u liidato, kuwaasoo si aan shaki ku jirin loogu iibinaayo suuqyada waaweyn ee Muqdisho”.

Yuusuf ayaa sheegay in ururkiisa ay dowladda Soomaaliya ka caawin karaan siddii loo xakameen lahaa dawooyinka dhacay ama aan tayo fiican lahayn in dalka la soo galiyo.

“Dowladda waxaan ka caawin karnaa in la baaro tayada dawooyinka dalka soo galayo, oo mid loo jeegareeyo” ayuu yiri markale.

Si kastaba, Soomaaliya oo dagaalo ku jirtay in ka badan 21-sano, isla markaana ay wax kasta burbureen waxa dalka si sharci daro ah loo soo galiyaa dawooyin , raashin iyo qalab dhammaantood dhacay, kuwaasoo lagu iibiyo suuqyada dalka, mana jirto hey’addo waxaas la socda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Daawo Video: Soomaalidii Nairobi oo kusii qul quleysa magaalada Muqdisho

Soomaali badan ayaa billaabay inay isaga tagaan dalka Kenya ayaga oo dib ugu laabanaya dalkooda, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada ah.

Qul qulka Soomaalida ayaa waxaa sabab u ah amar Kenya kasoo baxay oo ahaa inay tagaan xeryaha qaxootiga iyo ammaanka Muqdisho oo isna sii hagaagaya.

Halkan ka daawo Warbixin BBC World Service ay arrintaas ka diyaarisay.

Shacabka Degmada Walanweyn oo qaati ka taagan ciidamada AMISOM

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen inay kala kulmaan ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadaasi Walanweyn.

Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya dil iyo gudida gaadiidkooda oo ay sheegeen inay ku hayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose,sida ay sheegeen Odayaasha deegaanka.

Ka sokow odayaasha deegaanka waxaa sidoo kale sheegay inay dhibaatadaasi jirto gudoomiye ku xigeenka degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose Nuur Axmed ,isagoo cadeeyay in dhibaatooyinkaasi ay jiraan.

“Dhibaato kalama kulanno ciidamada Soomaalida ,dadkaan masuul ayaan ka nahay beenna ma wanaagsana,laakiin ciidamada AMISOM wey jirtaa dhibaatooyin ay geysanayaan,dad badan oo ay dileen iyo gaadiid ay gubeen ayaa jirto”ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Degmada Walanweyn.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha oo ay kaga jawaabayaan eedeynta ay ujeediyeen wax garadka iyo maamulka Degmada.

Wasiirka Difaaca Kenya “Haddii aan la joojin tacadiyada lagu hayo Somalida Islii waan is casilayaa”

Nairobi (Caasimada Online) Wasiirka gaashandhigga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa ku amray in baaritaan buuxa lagu sameeyo dhibaatada la sheegay in ciidamada ammaanka Kenya ay ku hayaan Soomaalida deggan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin amar uu ogyahay oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ah in la dhibaateeyo Soomaalida ku dhaqan dalkaas.

Mudane Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in dhibaatada Soomaalida lagu hayo uu kala hadlay madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, isla markaana haddii wax laga qaban waayo uu xilka ka dagayo.

Wasiirka ayaa warkan maanta ka sheegay magaalada Nairobi kaddib markii uu shaley isaga iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Kenya ay kulan la qaateen Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

“Waxan ku baqaayaa in taliyaha ugu sareeya ciidamada xaafadda Islii uu baaritaan ku sameeyo dhibaateeda ciidamada booliska ay ku hayaan dadka Soomaalida, isla markaana ay ku xadgudbayaan taasoo ah waajibaad aan loo diran” ayuu yiri Yuusuf Xaaji.

Illaa intii ay soo baxday awaamirta sheegeysa in Soomaalida ku dhaqan Kenya ay ka baxaan magaalooyinka isla markaana ay ku laabtaan xeryahaha qoxootiga Kenya, waxa soo baxayay cadaadis badan oo ka immaanaya ciidamada GSU-da iyo ciidamo kale oo baaritaan maalin iyo habeen ka sameeya xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Ciidamadan ayaa dadka xirxira oo ka soo qabtay xaafadaha iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla Islii.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka dhibaatada loo geesanayo in ay iyagana si sharci ah uga hor yimaadaan lacaga ay qaataan ciidamada bilayska, isla markaana xaqooda ay raadsadaan iyagoona sameenaya isku soo baxyo sharci ah oo ay ku muujinayaan dhibaatada lagu hayo.

“Waxan ka mid ahay wasiirada Kenya kama aan qaybgalin kulan lagu sheegay in la baabiyo Soomaalida ku dhaqan Kenya meel kasta oo ay joogaan oo dalka halooga saaro, waa arrimo guracan oo dad siyaad gaar ah watta ay wadaan”

Waa hadalkii ugu ballaarnaa ee ka soo baxa wasiir ka tirsan dowladda Kenya tan iyo markii ay billaabmeen howlgalka ka dhanka ah dadka Soomaalida ee ku dhaqan xaafadda Islii.

Soomaali badan ayaa dib ugu laabtay waddankooda kuwa kalena waxa ay aadeen xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo oo ah kuwa buux dhaafay isla markaana ah kuwa go’doon ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

FAALLO: Isku ekaanshaha halgankii Vietnam iyo kan Khaatumo

Maqaalkan ayaan uga gon leeyahay inaan isku barbardhigo halgankii jamhuuriyada Vietnam iyo kan dadka Khaatumo oo marlabaad dib usoo cusboonaaday.

Dadka Khaatumo ayaa taariikh dheer u leh halgan ay kala horyimaadeen gumaystayaashii ciida iyo dadka soomalia kuwaas oo falal lid ku ah jiritaanka umada soomaliyeed si aan hayb laheen kula kacay. Hadaba sida caadada ah mar kasta oo ay yimaadan fikrado ku dhisan dulmi iyo gumasysi lagula kaco bulsho meel dagan waxaa jirra shacuub ka dhiidhisa fikradahaasi una kacda inay heeryada iska tuuraan cadawgana kala horyimaada halgano dhiig badani ku daato.

Dalka Vietnam waa dal ku yaala bariga fog ee qaarada asia, dalkaasi waxaa lagu qiyaasa dadkiisa tira ahaan 90.3 milion  , dalkaasi wuxuu taariikh u leeyahay dagaalo boqortooyooyin ku halgamayay hanashada dhulkaasi iyo waliba kuwo ka dhexeeyay shacabka Vietnam iyo gumaysatayaal isku badbadalay si ay u muquuniyaan fikirka xorta ah ee shacabka Vietnam. Dadka daga Vietnam waa dad wadaaga luuqad, midab iyo dhaqan kaliya ,waa dal leh khayraad isugu jira beero, bad iyo kaymo. Kasakow hardamadii boqortooyooyinkii china iyo japan, dadka Vietnam waxay waajaheen cadaw ku hubaysnaa hub casri ah, stratigiyad dhisan oo si toos ah wax u yeelaysa jiritaanka dal ahaan ee vienam, stratigyadaas ayaa ku salaysneed in dadka badan ee Vietnam loo qaybiyo laba dal si meesha looga saaro midnima iyo jiritaanka jamhuuriyada Vietnam.

Dalka France oo ahaa gumaystihii kowaad ee dalkaasi ayaa horaantii gumaysigooda kusoo galay dalka inay la yeelanayaan xiriir ganacsi iyo mid dhaqaale sida ay ula yeesheen qaar kamida dalalka asia lakiin markii danbe siyaasadii fransiiska ee ku waajahnayd dalkaasi ayay daaha ka qaadeen iyaga laftirkooda kadib markay isku dayeen inay ka faaidaystaan shacabka firfircoon ee Vietnam iyagoona u isticmaalayay nidaama slave trade ama ka ganacsiga dadka, iyo waliba kala-goyn ku salaysneed arrimo dhaqaale iyagoo dhulkii ugu khayraadka badnaa la maagay inay si gaar ah u gooyaan. Hasa yeeshee shacabka Vietnam waxay gaashaanka u daruureen inay aqbalaan fikradaahaasi meel-waaga ah sida ay shacabka soomaliyeed uga horyimadeen gumaysigii ingiriiska iyo talyaaniga.  Halkani waa isku ekaanshaha halganka barakaysan ee shacuubta Khaatumo iyo kii shacabwaynaha Vietnam, waxayna si isku mid ah uga horyimaadeen fikrad ku salaysan kala-goyn si loo yareeyo awooda dalalka soomalia iyo Vietnam waa sida ay isugu xigaane.

Kadib fashilkii France waxaa u daba maray dalka maraykanka si uu ugu muquuniyo inay qaataan fikrada kala-goynta waxaana la ogaa waxa uu ka dheefay maraykanu kadib markii uu hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee shacuubta Vietnam ee Hu Chi Minh uu sidii Sayid Maxamad Cabdulihii daraawiishta uu gumaysataha kala horyimi kumaanaan kun oo u halgamayaal ah una diyaar ah inay naftooda u huraan intii lakala goyn lahaa soomalia iyo Vietnam.

Halgankii hu chi minh iyo kii sayidku waxay ka duulayeen hal agande kaas oo ahaa ka hortagida kala-goynta umada ka midaysan dhaqanka, afka, diinta iyo midabka kaas oo keeni karra daciifnimo ku timaada shacuubtaasi. Ladabaas halgame waxay ka mira dhaliyeen halgankoodii waxayna ka tageen dalalkoodii oo xor ah waxaana xusid midan in labada ay kaga tageen laba taalooyin oo ay muujinayay naftii hurnimadii ay u muujiyeen shacabkooda tabarta yaraa iyaguna ay ula kulmeen dhibaatooyin iyo jabhadayn.

Hadaba waxay Soomaalia iyo Vietnam noqdeen dalal mid ah ayna ku fashilmeen gumaysatayaashu hamigoodii kala-goynta. Lakiin nasiib darro shacabka soomaliyeed waxaa markale dib ugusoo laabatay fikradii ay ka dhiidhiyeen halgamayaashii soomaliyeed taas oo ay waajib tahay in la hello hogaan si heer sare ah uga hortaga waxaanuna la soconaa inay jiraan dhaqdhaqaayo soomaliyaysan oo ka jira deegaanada fikrahadaasi dib ugu soo noqdeen taas oo ay hormuud marlabaad u yihiin shacuubta Khaatumo.

Isku ekaanshaha labadan halgan ee dalalka Vietnam iyo Khaatumada soomalia waxay muujinaysaa inaysan marnaba suuragal ahayn in la muquuniyo shacuubta dalalkaasi soomalia iyo Vietnam. Waxaa laga yaabaa in la is waydiiyo muxuu qoraagu u barbardhigay dal dadkiisu yahay 90 milion shacab kamida dadka soomaliyeed, waxaase muran madoonta ah in halgankii Vietnam ay wadeen waqooyiga Vietnam dad daga ayna u horseedeen inay uga faaideeyaan dhiigooda shacabwaynihii dulmanaa ee Vietnam, taasi waxay jawaab u noqonaysaa arrinkan. Shacabka Khaatumo waxay ku maamusaysan yihiin inay u halgameen jiritaanka umada soomaliyeed ayna dhiigooda uga faaideeyaan umada soomaliyeed. Waa ay jiraan halgano kalle oo ay Somalidu u gashay xornimadooda lakiin taariikhda laguma sheegin mid u dhigma halgankii barakaysnaa ee daraawiishta.

Ugu danbayn, soo noqoshada halgankan waa mid kasoo ifbaxay deegaandii uu awalba ka bilawday lakiin taariikhda ayaana xussi doonta. Waxaa intaas dheer in kuwii awalba doonayay inay kala-gooyaan Soomaali ay haatana horboodayaan kala-goynta siyaasadaysan ee umada midka ah ee soomaliyeed. Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ka bilawday midawga boqortooyada kuwaas oo loogu magac daray wadahadalada soomalia iyo Somaliland taas oo cid kasta oo aan soomali ahayn u arkayso inay tahay laba dal oo wada hadlaya. Arrinkaasi wuxuu khatar ku yahay jiritaanka jamhuuriyada soomalia waxayna ku timid fudaydka siyaasiyiinta koonfurta kuwaas oo haatan ku jira xaal aan qallinku qaban. Lakiin waxaa markasta in la xusso mudan inaysan shirar meelo lagu qabto aanay wax saamayn ah ku yeelanayn gudaha waqooyiga soomalia waxaana uga fillan inay taariikhda wax ka bartaan. Marnaba suura gali mayso inay soomalida waqooyi ka go’odo kuwa koonfureed hadiiba ay koonfurtu u riyaaqdo. Waxaana jira fikrado badan oo midba mid furri doono, hadii Soomaalida koonfureed aqbasho kala goynta soomalia meesha haku darsato inaanay jirin koonfur ee ay jiri doonto dawlado badan oo koonfureed ayna sidoo kalle jirayaan dawlado badan oo waqooyi taasina ay noqon doonto miraha kala-qoqobnaanta lakiin marnaba aysan dadka qaarkii ku haminin in wax loogu yeero Somalia iyo Somaliland dawlada noqon doonaan kaligood. Taariikhduna waa mid ay arrinkaasi xussi doonto.

W/q. Dr. Adbijaliil Mahamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

 

Ganacsade caan ah oo lagu dhaawacay magaalada Laascaanood

Laasacaanood  (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya in maanta barqadii halkaas lagu dhaawacay ganacsade caan ah.

Sida ay lee yihiin dad goobjoogayaal ah, waxa maanta bartamaha Laasacaanood lagu toogtay Axmed Cabdi Timir oo ah ganacsade si aad ah looga yaqaanno gobolka Sool.

Waxa toogtay labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasoo rasaas madaxa kaga furay isasagoo xilligaas lugeynayay bartamaha magaalada.

Ma cadda wax yaabaha keenay in la dhaawaco Axmed Cabdi Timir, laakin isla xaley ayaa magaalada lagu dhaawacay haweeney dumaashidiis ah, taasoo lagu weerraray guri uu leeyahay nin ay walaalo yihiin.

Markii uu weerrarka dhacay waxa goobta soo gaaray ciidamo badan oo bilays ah kuwaasoo la soo sheegayo in ay gacanta ku dhigeen dableydii weerarka geysatay.

Boqollaal qof ayaa buux dhaafiyay saldhigga waqooyiga magaalada kaddib markuu falka weerarka ah dhacay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo magaalada Laasacaanood ay ka dhacaan falal noocan oo kale, horrey ayaa kooxo hubeysan oo aan la garaneynin dilal uga geesteen magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Laasacaanood

Ahlu-Suna iyo Galmudug oo la isku darayo dhisayana dowlad goboleed

Warar nasoo gaaray ayaa waxa ay sheegayaan in Wafdi ay hogaaminayeen Hogaamiyayaasha Sare ee Maamulka Ahlu Suna Waljameeca ay maanta gaareen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. 

Ujeedka Safarka wafdigan ay ku gaareen gaalkacyo ayaa waxa lagu micneeyay inuu qeyb ka yahay qorshe xoogaan oo socda oo la doonayo in la isugu daro Maamuladda Ahlu -Suna iyo Galmudug. 

Hogaamiyayaasha Ahlu suna ayaa magaalada Gaalkacyo kula kulmay Cabdi Qeybdiid oo ah Madaxweynaha Galmudug.

Kadib kullanka ayaa waxaa la magacaabay Xubno kuwaasi oo soo falanqeyn doona waxyaabihii laga hadlay iyo suurtagalnimada sidii loo magacaabi lahaa Maamul ay ku mideysan yihiin labadaasi Maamul. 

Waxaa la sheegaya in maamulkaasi hadii uu dhismo in uu ka aramin doono gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Faroole “Waxgaradka Somalia waxaa lagu leynayaa hab siyaasadeed”

Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa wuxuu ka hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhaca dalka Soomaaliya oo ay geestaan kooxaha hubaysan.

Isaga oo ka hadlaye kulan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in dilalka loo geesto dadka indheer garadka ay tahay arin siyaasad ah oo ay ka dambeeyaan kooxo dano gaar ah leh.

Wuxuu sheegay in dadka la laynayo meelaha qaar lagu dilo balse aysan ka dhicin aduunka intiisa kale sida uu sheegay Madaxweyne Faroole.

Hadalkiisa ayuu intaasi wuxuu ku daray in dadka geysanaya falalka dilalka ah ay yihiin kuwa argagaxiso ah oo dalalka shisheeye kusoo tababartay balse aysan aheyn dad Soomaali ah sida uu sheegay.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedada ka dambeysa dilalka loo geesto dadka waxgalka u ah bulshada ay tahay arin ay ka dambeeyaan siyaasad argagixiso.

Kasokoow hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole waxaa deeganada Gobalada dalka Soomaaliya ka dhaca dilal qorsheysan oo ay fuliyaan kooxo hubaysan oo aan la garaneyn.

Daawo Video: Dib u dhiska Xoogan ee ka soconaya Magaalada Muqdisho

Muuqaalka maanta aan idiin soo gudbineyno waa mid goos goos ah oo idiin tusinaya horumarka ka socda Dalkeena kaas oo ku tusinaya sida Dalka ay uga socoto howlaha dib u dhiska xoogan Iyo shaqo abuurista ay helayaan Shacabka Baagamuudada ah.

Aqristoow ogoow oo la soco dalka anagaa leh waxuuna naga sugaa in aan dib u dhisno ee ka qeyb qaado howlahaan wanaaga badan ee soconaya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GAAN:

KASHIFAAD: Yaab iyo wax uusan fileyn oo wasiirka Gaashaandhiga Somalia ku qabsaday magaalada Baydhaba.

Wasiirka gaashaandhiga Somalia,  ayaa maalmihii dhowaa safar ku  bixiyay gobolada Dalka Somalia, isaga oo ku sheegay safarkiisa indha indheen xaga arrimaha ciidamada iyo amniga ah, islamarkaana ciidamada goballada jooga mushaar u qaybiyay.

Safarkiisii ugu dambeeyay ayaa waxa uu ku gaaray magaalada Baydhaba ee caasimada gobalka Bay, oo uu kasoo laabtay khamiistii.

Hadaba wasiirka iyo waftigii la socday ayaa safarkoodi waxay kala kulmeen wax aysan marnaba fileyn, yaab iyo amakaagna ku noqotay.

Wasiirka iyo waftigiisa,  ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay saraakiil itoobiyaan ah, islamarkaana meel kasta oo waftigu tago la socday una diiday inay si qaas ah u arkaan maamulka iyo saraakiisha ciidamada Soomaalida ah. Ciidamada Itoobiya waxay kale oo wasiirka u diideen inay saraakisha Soomaalida ah ay war bixin siiyaan, taas badalkedana waxaa war bixinta gobalka bixiyay saraakiil Itoobiyaan.

Waxaa kalo yaab iyo amakaag noqotay in saraakiisha Itoobiya ay si amar aad moodid ay wasiirka iyo waftigiisa ugu sheegeen in saraakiisha Itoobiya lagu soo wareejiyo mushaharka ciidamada, sidaas daraadeed ayaa ciidamada dawlada Itoobiya waxay kula wareegeen lacagtii ciidamada Somalia.

Marka laga reebo xoogaa lacag ah oo intii wasiirku kormeer ku marayay ciidamo tobabar loogu soo xirayay duleedka Baydhabo loo qabiyay, ma jirto  cid og halka lacagta inteeda kale ay ku dambaysay.

Arrintan ayaa noqotay qaran jab ku dhacay umada Soomaaliyeed, madaama wasiir dhan oo umada Soomaaliyeed matalaya ay noqotay inuu amar ka dhagaysto askari Itoobiyaan ah. Hadaba Umada Soomaaliyeeed, ha ogaadaan in dalka Somalia ay itoobiya qabsatay oo ayna umada Soomaaliyeed dan ugu jirin askarta Itoobiyaanka ah ee magaalooyinkeena haysta.

Hotel wasiirka Amniga Puntland ku leeyahay Boosaaso oo la weeraray

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kooxo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Hotel uu leeyahay wasiirka amniga Puntland oo ku yaala magaaladaasi Boosaaso e xarunta gobolka Bari.

Weerarka kooxa hubaysan ayaa la sheegay inuu sababay dhaawaca hal ruux oo ka mid ahaa ilaalada Hotelka,sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo ku sugan goobta weerarka uuka dhacay habeenimadii xalay.

Sidoo kale kooxaha hubaysan ayaa weerar ku qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso kaasi oo aan la ogeyn qasaaraha uu geystay weerarkaasi,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland.

Kooxaha hubeysan ayaanan la garaneynin halka ay ka yimaadeen iyo sababaha keenay inay weeraraan saldhiga magaalada iyo hotelka uu leeyahay Qaliif Ciise Mudan,wasiirka amniga maamulka Puntland.

Si kastaba waa weerarkii ugu horeeyay oo lala eegto hotelka uu leeyahay wasiirka amniga iyo xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso

Arin shacabka Muqdisho ka cabteen oo amar adag laga soo saaray

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay la dagaalamayso dadka ku labista dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya islamarkaana dhibaato u geysta dadka rayid ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wasiirka difaaca dalka Soomaaliya C.Xakiin Xaaji Maxamuud “Fiqi”,ayaa si kulul uga hadlay dadka kuu labisan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dadka ka ganacsada hubka sharci darada ah sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada ay la dagaalamayso dadkaasi sida uu sheegay ,isagoo xusay in ciidamo gaar ah loo tababarayo dadka ku labisan dareeska iyo suuqyada magaalada Muqdisho,kuwaasi oo soo gudbinayo dadka iibiya dareeska iyo hubkaba.

Wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo dhar cad ah,waxaana uu sheegay in dadkii lagu soo qabtaa iyaga ka ganacsanaya hubka iyo dareeska ciidanka in lala xisaabtamayo oo maxkamad lasoo taagayo.

Hadalkaan ayaa imaanayo iyadoo shacabka magaalada Muqdisho ay ka cabanayaan dadkaku labisan dareeska ciidamada dowlada ,iyadoo degmooyin badanoo ku yaala Muqdisho lagu soo qabqabtay dad ku labisan dareeska ciidamada dowlada.

Soomaaliya oo soo ceshaneysa hanti kaga maqan dibedda

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa siddii dib loogu soo celin lahaa hantida Soomaaliya ka taalla dibedda. Taasoo gaareysa Malaayin dollar, waxana la xayiray markii ay burburtay dowladii dhexe sannadkii 1991-dii.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa billowday safari ay ku tageyso dhowr waddan oo ku yaalla caalamka si ay u soo celiso hanti Soomaaliya kaga maqan dibedda iyo agab kale sida diyaarad, maraakiib iyo safaarado.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiga Kenya, ambassador Maxamed Cali Nuur, ayaa u sheegay wargeyska the Nation  ee ka soo baxa dalka Kenya in dowladda Soomaaliya ay billaabtay in ay soo celiso hantida dibedda ka taalla.

“Mid ka mid ah hantideena halkan Nairobi ayey taalla, kuwa kalena caalamka ayey ku kala firirsan yihiin oo aan lee nahay,”ayuu sheegay.

Sida laga soo xigtay wargeyska Internetka Sabahi, Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mrs. Fowsiyo Aadan ayaa booqaneysa waddamada Isku taga immaaraadka, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

“Waxan soo aruurin doonaa isla markaana aan soo qiimeen doonaa dhammaan hantida Soomaaliya ka taalla caalamka,” ayey u sheegtay Mrs Fowsiyo u sheegtay Sabahi.

Waxay tiri dowladda Soomaaliya waxa ay ka codsan doontaa in la soo celiyo lacagta ka taalla Swisserland, sidoo kale Germany, Italy iyo Yemen.

Wixii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladdii ugu dambeesay waxa la joojiyay in la fasaxo lacagihii Soomaaliya u tiilay caalamka. Waxana laga cabsaday in loo adeegsado dagaaladii xilligaas ka socday dalka.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xassan Suleiman ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay kala shaqeeyaan siddii Soomaaliya loogu celinaa dhammaan hantida dibedda ka taalla.

Bishii November, golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya waxa ay si rasmi ah uga codsadeen golaha ammaanka QM in ay ku caawiyaan siddii loo soo celin lahaa hantida iyo wax yaabaha kale ee Soomaaliya ka yaalla dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Xildhibaan: DF ayaa wax ka og dhibka lagu hayo Somalida qurbaha + Cod

Dhowaan waxaa sii kordhayay dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaalida ee dalal badan oo adduunka ka tirsan jooga, sida Libya, Tanzaniya, Italy  iyo haba ugu badnaadaan’e kuwa dalka Kenya.

Haddaaba waxaa arrintaas ka hadlay xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa, oo wareysi siiyay idaacadda Al-Furqaan ee magaalada Muqdisho.

Waxaa si aad ah u eedeeyay dowladda madaxweyne Xasan Sheikh, oo uu ku eedeeyay inay arrintaas wax ka og tahay iyo wax ka qabasho la’aan.

Dalxa wuxuu soo hadal qaaday socdaal uu dhawaan Nairobi ku tegay Xasan Sheekh, maalin kadibna ay Booliska Kenya xoog ku galeen gooba gaancsi oo ku yaalla xaafadda Islii dhibaato xoogana ugeysteen ganacsatada Soomaalida.

Dhageyso Wareysiga Dalxa

Sawirro Taariikhi ah: Jaceylkii Bill Clinton iyo Hillary Clinton

0

Waxaa shalay lasoo bandhigay sawirro taariikhi ah oo laga qaaday madaxweynihii hore ee dalka Mareyanka Bill Clinton iyo xaaskiisa Hillary Clinton.

Sawirradan cajiibka ah ayaa waxaa la qaaday waagii ay labada Clinton ahaayeen dad da’ yar oo jaceyl uu ka dhaxeeyo, islamarkaana ay dhiganayeen iskuulka sharciga ee Yale University, sanaddii 1969-kii

Daawo Sawirrada

clinton 1

 

Sawirro: Maxaad ka taqaan webiga ugu biyaha nadiifsan dunida?

0

Waligaa ma aragtay mase maqashay wabiga dunida ugu nadiifsan? Waxaan aqristayaasheena Caasimada.com maanta usoo gudbinaynaa waxyaabaha dunida kajira oo layaabka dunida kamid ah.

Waligaa ma argatay webiga dunida ugu biyo cad ama haddaan si kale u dhaho ugu nadiifsan?. hadaba webigan magaciisa waxa la dhahaa Virzasca, wuxuuna ku yaallaa waddanka Switzerland.

Webigan waxa lagu tiriyaa webiga caalamka ugu nadiifsan, taasi oo qofku awoodo inuu arko wax kasta oo gudihiisaku jiraa, xitaa haddii ay kaa fog yihiin masaafo dhan 15 mitir.

Marka aad eegto waxaadba isku moodaa inad dhalo nadiiif ah biyo lagu dhex shubay aad fiirineyso oodanba webi ku dhex jiri. hadaba aan idiinkala dhexbaxo adinka iyo sawirada wabigan adinkaa yaabi doonee.

Ponte dei Salti, Lavertezzo; Verzasca Riverwebi 2webi 1

W/Q: Mowliid Yare

Xafiiska Caasimada Online Hyderabad, India

Weli ma booqatay Website-ka cajiibka ah (Booqo adaa ka heli doonee)

Dhammaan bahda jecel cayaaraha, waxaa loogu bishaareenayaa billowga website-ka cusub ee www.kubadle.com, oo ah website hawada soo galay 1-da January 2013.

www.kubadle.com waa website kaliya u gaar ah kubadda cagta caalamka, oo aad loola dhacay.
Waxa uu in badan kaga duwan yahay website-yada kale ee cayaaraha ka faalooda, waayo ma qoro oo kaliya wararka, balse waxaad ka daawan kartaa video-ga cayaar kasta oo dhacda iyo waliba ayada oo live ah iyo taariikho hore.

Website-ka cususb ee www.kubadle.com, waxaa sidoo kale uu soo gudbiyaa barnaamijyo u saamaxaya aqristayaasha inay ku guuleystaan abaal marino, sida barnaamijka saadaasha cayaaraha oo lagu helo lacag aad u badan.

Haddaba booqo adaa ka heli doonaa shabakadda cayaaraha ee www.kubadle.com