25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Ciidamada Dowlada iyo Amisom oo qarax lagu eegtay Kismaayo.

Qarax qasaaro gaystay ayaa  Maanta waxaa Ciidamada Dowlada iyo Amisom loogu gaystay Magaaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabada Hoose.

Ciidamada ayaa waxaa qaraxa lagula eegtay Xaafada Calanley oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo Xili ay howgalo halkaas ka wadeen.

2 ruux ayaa ku dhintay qaraxa labo kalana waa ay ku dhaawacmeen .

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miinada Dhulka lagu aaso kaas oo loo dhigay Ciidanka Dowlada Iyo Amisom bartamaha Magaalada.

Marka laga soo tago labada Dhimashada waxaaa jira Askar ka tirsanaa kuwii qaraxa lala eegtay oo ku dhintay qaraxa lakiin lama oga tirada ay dhanyihiin.

Iker Casillas: Ronaldo ayaan ka dooran lahaa Lionel Messi.

Katbaka kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa sheegay inuu ninka ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo ka door bidi lahaa weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Mess, hadii uu sameynaayo dooqiisa u dhexeeya labada ciyaaryahan.

kooxda Jose Mourinho ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Barca kulankii El Clasico wuxuuna tababaraha reer Portugal ku sifeeyey labada ciyaaryahan inay ka yimaadeen caalam kale, laakiin taas bedelkeeda Casillas ayaa ka dooran lahaa kabtanka xulka Portugal xidiga dalka Argentina.

“Cristiano ayaan ka door bidi lahaa Messi sababtoo ah waa ciyaaryahan sano walba nasiiya wax weyn waana ciyaaryahan aan maalin walba isla joogno,” ayuu Casillas u sheegay Cadena Cope.

“Waan garanayaa, waan garanayaa wuxuu yahay, waan garanayaa sida uu tababarka u qaato, waan garanayaa wax uu doonayo, waana garanayaan sidoo kale meesha uu doonayo.”

Arsenal oo sheegtay inaysan Bank-geeda u jebin doonin Theo Walcott (Aqriso)

Arsenal ayaa qiratay inaysan Bank-geeda u jebin doonin si ay u ceshtaan Theo Walcott oo qandaraaskiisa kooxdu ka dhacaayo sanada soo aadan.

23 jirkaan reer England ayaa kooxda uga tegi kara si xor ah dhamaadka xilli ciyaareedka ka dib markii uu ka biyo diiday qandaraas cusub oo uu kooxda isbuucii uga qaadan lahaa 75 kun oo ginni.

Wakiilka Walcott ayaan la hadli doonin  Arsenal inta uu ciyaaryahanku soo gudanaayo waajibkiisa xulka England, iyadoona marar hore lagu guul darreystay wax is afgarad ah.

Laakiin gudoomiyaha Gunners Peter Hill-Wood ayaa qirtay inaysan kooxdu Bank-geeda u jebiun doonin mushaarka isbuuclaha ah ee Walcott, kaaso wax ka yar 12 bilood uu ka dhiman yahay andarasskiisu.

“Waxaan leenahay hab maamul mushaar isbuucle ah mana qorsheyneyno inaan u jebino qofna,” ayuu u sheegay Daily Star.

“Waxaan sameynay dalabyo kuwaas oo aan fileyno inaysan aheyn kuwo la aqbalaayo taasna way dhamaaneysaa. Waxaan ku fikireynaa inay tahay dalab mas’uuliyadeed.

“Waqtigaan qoyskiisa ayaa nala hadlaaya waxaana rajo ka qabnaa in la xaliyo. Laakiin ha I weydiin goorta ay noqoneyso, sababtoo ah waxba kama ogi.

“Waxaan rajo ka qabaa in xalku uu noqdo saxiix. Ma garanayo hadii aysan sidaas ku socon.”

Kooxaha ay xafiiltamaan ee Manchester City iyo Chelsea ayaa diyaar u ah inay Walcott ka dhaqaajiyaan bariga London sidoo kale Liverpool iyo Tottenham ayaa isha ku haaya.

 

Kaka oo la dhacsan bandhigiisa Real Madrid iyo in loogu waco xulkiisa Brazil.

Kaka ayaa daaha ka qaaday inuu ku farax sanyahay labadii kulan ee uu ku bilowday ciyaaraha Real Mardi wuxuuna sheegay inuu sidoo kale rajo ka qabo xulkiisa.

Ciyaaryahankii sanadii 2007 ku guuleysatay abaal marinta Ballon d’Or ayaa lala xiriirinaayey inuu xagaaga ka tegegaayo Santiago Bernabeu, laakiin wuu ku adkeystay inuu kooxdiisa iska sii joogo.

Seleccao ayaa looga yeeray laba sano ka dib, isagoo ka mid ah xulka Brazil ee la ciyaaraya wadamada Iraq iyo Japan.

“Diyaar ayaan u ahay inaan soo laabto, waana ku farax sanahay soo laabashadeysa,” ayuu u sheegay saxaafada. “Waxaan dareemayaa xoganaan fiican iyo farsamo.

“Inta badan ku dhowaad sanad dhaawac ayaan ahaa waxaana tababarka u qaadanayaa si wanaagsan anigoo fursado badan ka helaaya kooxda koowaad ee Real Madrid.”

Frank Lampard oo ay doonayaan laba koox oo ka dhisan dalka Shiinaha (Warbixin)

Frank Lampard ayaa lagu baadi goobayaa inuu isbuucii qaato 250 kun oo ginni.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka England ayaa waxaa u gacan haatinaaya kooxda uu u ciyaaro ciyaaryahankii ay isku kooxda ahaan Jireen Didier Drogba ee Shanghai Shenghua, sidoo kale iyadoo ay baadi goobeyso kooxda ka dhisan caasimada oo ay xafiiltamaan ee Beinjing Guoan.

Waxayna labada koox diyaar u yihiin inay bishii jeebkiisa ku shubaan hal milyan oo ginni.

Lamprad oo 34 jir ah ayaa la hadli kara koox walba oo caalamka ka dhisan bisha Janaayo wuuxuna xor noqonayaa xagaaga soo aadan marka uu dhamaado qandaraaskiisa Blues.

Wuxuu ku socdaa wadadii uu kaga tegi lahaa Stamford Bridge ka dib 11 sano, iyadoo uu ogyahay sharciga kooxda ee ah in 30 jir loo ogoyahay keliya hal sano oo qandaraas ah.

Lampard ayaa 36 milyan oo ginni ku aruursan kara sedax sano oo qandaraas ah oo uu la galo kooxda Shiinaha ee uu u ciyaaro saaxiibkiis Drogba.

Wuxuuna doonayaa inuu galo waqtigiisa lacag xamaalka, Sun Sport ayaa werineysa in sidoo kale looga baaqayo kooxda uu u ciyaaro David Beckham ee LA Galaxy.

 

 

Ashley Cole oo aan lagu ganaaxeyn hadaladii qaldanaa ee uu wax uga sheegay FA-ga.

Ashley Cole ayaa ku yiri xiriirika kubada catga ingiriiska ee marka magacooda laasoo gaabsho loo yaqaan FA “bunch of t***s” mar uu isticmaalayey akoonkiisa Twitter, isagoo uga dan lahaa inuu muujiyo taageerada uu u hayo kabtanka Chelsea John Terry kasoo lagu heystay inuu hadalo cunsuri ah u adeegsaday Anton Ferdinand.

Bernstein oo la hadlaayey BBC-da ayaa sheegay inuu ciyaaryahanku bixiyey raali gelin shaqsi ah ka dib markii uu aalada bulshada ku adeegsaday hadaloo aan habooneyn.

“Hadeer wuxuu bixiyey raali gelin jimcadii markii aan is aragnayna si shasi ah ayuu ii raali geliyey,” ayuu yiri Bernstein. “Wuxuu noo muujiyey ixtiraam dhab ah. Wuxuuna noo sheegay dhabtii inuu aad uga xun yahay.

“Xor ayuu u yahay inuu u ciyaaro England ciyaaraha soo aadan. Waxay quseysaa tababaraha hadii uu ciyaarsiinayo iyo hadii kale.”

 

Arturo Vidal oo sheegay inuu mustaqbalkiisa K/cagta ku afjaraayo Juventus.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Juventus Arturo Vidal ayaa cadeeyey inuu ku faraxsan yahay joogistiisa Italy, isagoona sheegay inuu ku farxi lahaa inuu inta mustaqbalkiisa ka dhiman joogo Serie A.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Chile ayaa suuqa xanta ah lagula xiriirinaayey inuu ku biirayo midkood kooxaha Manchester United iyo Real Madrid, laakiin wuxuu ka dhaqwaajiyey inuu waqtigaan ciyaarayo kubadii ugu wanaagsaneyd abid.

“Ma aanan ku fikirin wax tegitaan ah,” ayuu u sheegay fifa.com. “Waan ku celinayaa – Waan ku farax sanahay halkaan waxaana hadii ay noqoto aan ku qarash gareynayaa inta ka dhiman mustaqbalkeyga ciyaareed. Anigoo u sameynaya inaan ku farax sanahay.

“Wax walba waa ay wanaagsanaayeen markii aan ka ciyaarayey Germany oo aan la joogay [Bayer Leverkusen], laakiin hada waxaan u ciyaarayaa mid ka mid ah kooxaha ugu taariikhda wanaagsan kubada cagta.”

Sirta socdaalka Xasan Sheikh iyo Yoolka Yuweri Museveni! “XOG”

Waxaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda gaaray madaxweynaha Somalia Xasan Shekh Maxamuud oo marti qaad ka hellay sida uu sheegay Dhigiisa dalka Uganda Yuweri Musevani waxana uu ka qeyb galayaa munaasabad sanad guurada 50-aad ee kasoo wareegay markii xurnimada dalka Uganda ay ka qaateen dalka ingiriiska.

Madaxweynaha Somalia safarka uu ku aaday Kampala kaliya ma ahan inuu ka qeyb galo xurnimada Uganda laakin waxaa jira siro qarsoon oo ku aadan safarkiisa.

Madaxweyne Prof.Xasan Sheekh ayaa marka laga tago ka qeyb galka munaasabadda sanad guurada waxaa jira kulan gaar ah oo uu la yeelanayo Yuweri Musavani waxaana kulankaas uu yahay mid si qarsoodi ah ku dhacaya oo looga hadlayo arrimo dhowr ah sida Kenya iyo Ethiopia oo haatan culees siyaasadeed uu kala kulmayo Yuweri Musavani oo odey ka ahaa xureeynta Somalia.

Waxaa jira loolan siyaasadeed oo Uganda kala kulmayso dalka Kenya oo ciidamadayda ay gudaha u soo galeen Somalia sanadkii lasoo dhaafay isla markasna ay gacanta ku dhigeen magaalo dekadeedka Kismaayo halkaas oo ay haatan gacanta si buuxda ugu hayaan ciidamada dalka Kenya.

Yuweri Musavani ayaa arrinta walaaca ku hayso waxaa ay tahay inay Kenya gudaha u soo galisay ciidamo tira ahaan ku dhow kuwa Uganda ka joogay Somalia isla markaasna ay la wadaagto Magaca Amisom taas oo ay u sii dheertahay in dalkeeda lagu soo dhisayo maamul la sheegay in loo sameenayo gobolada Jubbooyinka+inay ceelal shidaal ay ka samaysanayso isla markaasna ay rabto inay beel gaar ah u dhiibto maamulka dekadda iyo magalada Kismaayo si ay saamayn ugu sii lahaato dalka Somalia.

Dhanka  kale,Yuweri Musavani wuxuu kaloo ka walaacsan yahay dalka Ethiopia oo 21-kii sanno kadib burburka dalka Somalia saamayn military iyo mid siyaasadeed ku lahayd dalka Somalia waxaana jiray in dhawaan ciidamo Amisom ah oo la geeyay Baladweyne ay diideen ciidamada itoobiya isla markasna isaga baxay magaalada iyagoo muujinayay inay isla joogeen labada ciidan.

Etoobiya waxay doonaysaa in arrimaha Somalia iyada lagala tashto oo ay hogaanka u hayso si lamid ah xiliyadii maamuladii iyo dowladihi hore Somalia soo maray 21-ka sanno isla markasna doonayso inay meesha ka saarto Uganda oo hormuud u ah ciidamada amisom ee nabad ilaalinta Somalia.

Yuweri Musavani ayaa doonaya inuu xiriir wanaagsan la samaysto dhiggiisa Somalia  Prof. Xasan Sheekh waxaana jira in rag u kala dab qaadaya labada mas’uul ay meesha ku jiraan waxaana wararka ay sheegayan in Prof.Food Cadde oo wax kusoo bartay Dalka Uganda jaamacad ku taalla isla markaasna saaxiibo dhow ay yihiin Xasan Sheekh uu yahay shaqsiga ka shaqeenaya inuu adkeeyo xiriirka labada madaxweyne.

Prof. Food Cadde ayaa ah nin muddo ku noola dalka Uganda isla markaasna wax kusoo bartay oo shahaadada Master-ka dhaqaalaha ku qaatay jaamacad ku taalla dalka Uganda,waa nin qabiil ahaan kasoo jeeda Beesha Dir,waana nin siyaasad ahaan kasoo horjeedo dalalka dariska ah ee Kenya iyo Ethiopia isla markasna raba inuu meesha ka saaro dalalkaas iyo saamaynta ay ku leeyihiin Somalia.

Waxaa kaloo jira in xafladda Sanad guurada Uganda uu kasoo qeyb galaayo madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi oo siyaasad ahaan si weyn ugu soo horjeedo dalka Ethiopia iyo danaha ay Somalia ka leedahaya ayaa shir hordhac waxaa xarunta madaxtooyada Uganda ku yeelan doonno madaxweynayaasha Somalia iyo Masar Xasan sheikh iyo Maxamed Morsi waxana ay ka wada hadli doonan arrimaha siyasadda Somalia iyo sidii siyaasad ahaan Masar gacan u siin lahayd waxaa kaloo looga hadlayaa xaaladda Magaalada Kismaayo iyo Kenya oo maamul u samaynayso jubbooyinka.

Kadib kulanka labada Mas’ul ee dalalka Somalia iyo Masar ayaa waxa jiraya kulan saddex geesood ah oo xarunta madaxtooyada ku dhexmaraya Maxamed Morsi,Yuweri Musafani iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah nin siyaasad ahaan aan jeclayn dalalka dariska la ah Somalia kuwaas oo uu u arko inay yihiin caqabadda 1-aad ee dalka.

Sheekada sida nin u shaqeeya CIA ula saaxiibay kadibna dilkiisa ka shaqeyay hogaamiyaha Al-Qacidada….!

Hay’adda sirdoonka dalka Denmark PET, ayaa shaaca ka qaaday inay si toos ah ugu lug lahayd dilkii hogaamiyaha Al-Qacidada Yemen Anwar Al-Awlaki, oo lagu dilay weerar diyaaradaha aan cidi duulin ee Mareykanka ay ka fuliyeen dalka Yemen, bishii september ee 2011.

Morten Storm oo ah 36 jir ka tirsan PET oo la shaqeeyay CIA-da Mareykanka, ayaa u sheegay wargeyska Jyllands-Posten, in isaga oo iska dhigay saaxiib wanaagsan uu ku biiray kooxda Awlaki, uuna ku lug lahaa dhacdooyin dhowr ah oo hogaamiyey dilka Awlaki.

“Waxaan ka caawiyaya CIA-da iyo PET inay daba galaan Awlaki, si ay ugu diraan diyaaradda drone-ka oo ay u disho” ayuu yiri Storm.

“Waxa uu ahaa qorshe ay soo hindistay CIA-da” ayuu yiri.

Storm ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo Awlaki ay billaabeen inay farriimo isku dhaafsadaan cajalka Flash drive, horaantii bishii september ee 2011.

“Markii uu fariin iigu soo diray Flash Drive, waxaan u celiyay mid kale oo lagu xiray qalab sheegaya halka uu joogo, kadibna sidaas ayaa CIA-da ku weerartay Awlaki, uuna ku geeriyooday” ayuu yiri Storm.

Storm ayaa kashifay in muddo dheer uu ku noolaa nolol laba wajiile ah. Mid ka mid ah noloshiisa ayaa ahayd wakiil ka tirsan PET oo lagu magacaabo Morten Strom, lana shaqeeya CIA, halka mid kalena ay ahayd Islaami mintid ah oo lagu magacaabo Muraad Storm, oo saaxib la ah Al-Qaeda.

“Dad badan oo qoyskeyga ka mid ah ayaa rumeysnaa inaan muddo lix sano ahaa hogaamiye u go’ay ilsaamiyiinta” ayuu yiri Strom, oo intaas ku daray “Hadda waxa ay ogaadeen inaan la dagaalamayay argagixsada”.

Storm ayaa diinta Islaamka qaatay sanaddii 1997-kii, waxaana uu muddo ku noolaa dalka Yemen, si uu halkaas qur’aanka uga barto.

Sanaddii 2000, ayuu guursaday haweeney Maroccan ah, oo u dhashay wiil sanadii 2002, kaasi oo loogu magac daray Osama.

Waxa ay astaan u ahayd sida uu u jecel yahay Osama Bin Laden, waxaana uu la saaxiibay hogaamiyaha Al-Qacidada Yemen Mr Awlaki oo ahaa American.

Muddo haddii uu la joogay ayuu sheegay inuu dhibsaday fikradda aadka u mayalka adag ee Al-Qacida, taasi oo keentay inuu aamino in waxa loo dagaalamayo aysan ahayn waxa uu isaga mooday.

Xagaagii 2006, ayuu xiriir la sameeyay PET una sheegay inuu ka caawin karo la dagaalanka argagixisada isaga oo ka faa’iideysanaya kalsoonida ay u hayaan.

Waxaa kadib dhacday in CIA-da ay sidoo kale arrinka ku lug yeelato, waxaana jiritaanka iyo howsha uu hayay Mr. Storm, sidoo kale ogaa madaxweyne Obama, kadibna waxaa billowday qorshaha lagu dili lahaa Awlaki oo qaatay waqti dheer.

“Waan ku faraxsanahay shaqada aan qabtay” ayuu yiri.

Si kastaba quburada aragagxisada ayaa ka digay in Storm uu iminka naftiisa ka dhigay bartilmaameed, kadib markii uu shaaca ka qaaday wixii uu sameeyay.

Waxa ay sidoo kale tani halis gelin kartaa dadka caddaanka ah ee iminka xubnaha ka ah Al-Qacida, oo ay suurta gal tahay in laga shakiyo.

Waxaa qoray: Tifaftiraha Caasimada Online, Alaxmed.

Maxay tahay ay sababta ICG uga digtay doorka Turkey ee Somalia. (Dhageyso)

Ma naqaan ujeedka ay ka damacsan tahay, hase yeeshee hay’adda xalinta shaqaaqooyinka Caalamiga ee International Crisis Group, ICG, ayaa ka digtay waxa ay ugu yeeraty fara gelinta Turkiga ee Somalia.

Warbixin ay soo saartey hay’addu oo ay ku qiimeyneysey doorka Turkiga ee Somaliya ayey ku sheegtey in dadka Soomaaliyeed ay rajo ka badan waxa ay dowladda Turkiga u qaban karto Soomalida ay ka qabaan inuu Turkigu wax badan ka qaban karo Somaaliya iyagoo taasna sabab uga dhigay kaalmadii bani,aadanimo ee waqtiga muhiimka ahaa ay geeyeen Soomaaliya.

Abdirashid Khaliif Xaashi oo ah Cilmi bare ka tirsan ICG gaar ahaana geeska Afrika ayaa VOA uga warramay caqabadaha ay hay’addu ka dhex arkeen howlaha gargaarka iyo dib u dhiska Turkiga ka wadaan. Dhageyso Wareysiga Abdirashid.

Maxaad ka taqaan Jaraa’idada ugu aqriska badan caalamka? (TOP 200)

Adduunka waxaa kasoo baxa jaraa’ido fara badan oo gudbiya akhbaaro kala duwan. Haddaba joornaaladaas ayaa ah kuwa kala sareeya kalana aqris badan, marka la eego tirada akhristayaasha ah oo ay helaan maalin kasta. Haddaba si aad ula socoto jaraa’idada ugu aqriska badan caalamka waxaan halkan kugu soo gudbineynaa labada boqo ee jaraa’id ee ugu aqriska badan uguna caansan caalamka iyo dadalka ay kasoo baxaan.

                Top 200 Newspapers in the world

MAGACA JOORNAALKA          WADDANKA              

1  The New York Times United States
2  The Guardian United Kingdom
3  The Daily Mail United Kingdom
4  The Wall Street Journal United States
5  The Washington Post United States
6  The People’s Daily China
7  The Daily Telegraph United Kingdom
8  USA Today United States
9  Los Angeles Times United States
10  El Mundo Spain
11  La Repubblica Italy
12  The Times of India India
13  Bild Germany
14  Corriere della Sera Italy
15  The Examiner United States
16  The Independent United Kingdom
17  El País Spain
18  Financial Times United Kingdom
19  The Sydney Morning Herald Australia
20  Daily News United States
21  Chicago Tribune United States
22  Le Monde France
23  Marca Spain
24  Hürriyet Turkey
25  Die Welt Germany
26  Asahi Shimbun Japan
27  The Sun United Kingdom
28  New York Post United States
29  The Age Australia
30  Gazeta Wyborcza Poland
31  The Philadelphia Inquirer United States
32  The Washington Times United States
33  Die Zeit Germany
34  Yomiuri Shimbun Japan
35  The New Zealand Herald New Zealand
36  The Onion United States
37  Milliyet Gazetesi Turkey
38  Il Sole 24 Ore Italy
39  The Chicago Sun-Times United States
40  Al-Ahram Egypt
41  Le Figaro France
42  Süddeutsche Zeitung Germany
43  The Hindu India
44  Houston Chronicle United States
45  The Seattle Times United States
46  Libération France
47  The Globe and Mail Canada
48  Der Standard Austria
49  The Irish Times Ireland
50  The Toronto Star Canada
51  Le Nouvel Observateur France
52  San Jose Mercury News United States
53  The Australian Australia
54  The Denver Post United States
55  The Christian Science Monitor United States
56  The Dong-a Ilbo Korea
57  The Atlanta Journal-Constitution United States
58  Aftonbladet Sweden
59  Kommersant Russia
60  Bangkok Post Thailand
61  Star Tribune United States
62  The Hollywood Reporter United States
63  Daily Mirror United Kingdom
64  Dawn Pakistan
65  El Universal Mexico
66  The Miami Herald United States
67  Mladá fronta Dnes Czech Republic
68  DNA – Daily News & Analysis India
69  Pittsburgh Post-Gazette United States
70  Sports Nippon Japan
71  L’Equipe France
72  Die Presse Austria
73  Detroit Free Press United States
74  Neue Zürcher Zeitung Switzerland
75  Clarín Argentina
76  Chosun Ilbo Korea
77  The Sacramento Bee United States
78  China Daily China
79  Nihon Keizai Shimbun Japan
80  AS Spain
81  The Baltimore Sun United States
82  Frankfurter Allgemeine Zeitung Germany
83  La Gazzetta dello Sport Italy
84  Mainichi Shimbun Japan
85  Boston Herald United States
86  The Dallas Morning News United States
87  The Times United Kingdom
88  Newsday United States
89  Orlando Sentinel United States
90  St. Louis Post-Dispatch United States
91  Taipei Times Taiwan
92  The Hindustan Times India
93  The Economic Times India
94  Kompas Indonesia
95  The Observer United Kingdom
96  Jornal de Notícias Portugal
97  South Florida Sun-Sentinel United States
98  ABC Spain
99  Le Soir Belgium
100  The Kansas City Star United States
101  Komsomolskaya Pravda Russia
102  The Plain Dealer United States
103  O Globo Brazil
104  The Orange County Register United States
105  Jie Fang Daily China
106  The Star Online Malaysia
107  Verdens Gang Norway
108  National Post Canada
109  Seattle Post-Intelligencer United States
110  Adevarul Romania
111  De Telegraaf Netherlands
112  Kleine Zeitung Austria
113  Maariv Israel
114  La Nación Argentina
115  Handelsblatt Germany
116  Sankei Sports Japan
117  Lianhe Zaobao Singapore
118  The Vancouver Sun Canada
119  Sabah Turkey
120  Al Watan Saudi Arabia
121  Postimees Estonia
122  Herald Sun Australia
123  Yedioth Aharonot Israel
124  O Estado de São Paulo Brazil
125  Wiener Zeitung Austria
126  Milwaukee Journal Sentinel United States
127  Al Jazirah Saudi Arabia
128  Granma Internacional Cuba
129  Qingdao News China
130  Al Ahram Weekly Egypt
131  Le Parisien France
132  The Indianapolis Star United States
133  Independent Online South Africa
134  La Stampa Italy
135  Express-News United States
136  Austin American-Statesman United States
137  Dagbladet Norway
138  The News & Observer United States
139  The Hill United States
140  Hartford Courant United States
141  Deseret News United States
142  El Comercio Peru
143  Rheinische Post Germany
144  The Daily Telegraph Australia
145  20 Minutos Spain
146  Pravda.ru Russia
147  Financial Times Deutschland Germany
148  Nikkan Sports Japan
149  Die Tageszeitung Germany
150  Toronto Sun Canada
151  Gulf News United Arab Emirates
152  Dainik Bhaskar India
153  Dagens Nyheter Sweden
154  Manager Thailand
155  Las Vegas Review-Journal United States
156  Algemeen Dagblad Netherlands
157  Aftenposten Norway
158  St. Paul Pioneer Press United States
159  Iltalehti Finland
160  The Columbus Dispatch United States
161  Expressen Sweden
162  Arizona Daily Star United States
163  Khaleej Times United Arab Emirates
164  Business Standard India
165  Las Vegas Sun United States
166  Vedomosti Russia
167  Hamburger Abendblatt Germany
168  The Irish Independent Ireland
169  Público Spain
170  Salt Lake Tribune United States
171  China Times Taiwan
172  SME Slovakia
173  Infobae Argentina
174  The Montréal Gazette Canada
175  Mail & Guardian Online South Africa
176  Rossiyskaya Gazeta Russia
177  Maeil Economic Daily Korea
178  Ekstra Bladet Denmark
179  De Standaard Belgium
180  Metro United Kingdom
181  Les Echos France
182  The Morning Call United States
183  Richmond Times-Dispatch United States
184  El Universal Venezuela
185  United Daily News Taiwan
186  Blick Switzerland
187  Ilta Sanomat Finland
188  Olé Argentina
189  Belfast Telegraph United Kingdom
190  20 Minutes France
191  Svenska Dagbladet Sweden
192  El Economista Spain
193  Vatan Gazetesi Turkey
194  Investor’s Business Daily United States
195  Al Riyadh Saudi Arabia
196  Manila Bulletin Philippines
197  Los Angeles Daily News United States
198  The Province Canada
199  Helsingin Sanomat Finland
200  De Volkskrant Netherlands

200 Boqol ee joornaal qaarada AFRICA  waxay ku yeeltay sadex  joornaal oo ka soo baxo  2 masaarida ah iyo hal south Africa ah

Qoryaasha soomaliyeed goormaa ayay joornaaladeena dunida la tartami doonaan.

 

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Ifo.

Kooxo hubaysan ayaa Nabadoon caan ah waxaa ay ku dileen Xerada Ifo ee gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya.

Marxuumka ayaa u dhintay dhowr Risaas oo lagu cel celiyay,waxaana ay kooxaha hubaysan ay ku dileen Nabadoonka Bartamaha Xerada Ifo oo ay ku noolyihiim dadka barakacayaasha.

Kooxaha ayaa dilka kadib goobta ka baxsaday iyadoo Ciidamada Amaanka magaalada oo goobta soo gaaray ay xireen dhowr qof oo lala xiriirinayo dilkaas.

Marxuumka ay dileen kooxaha burcada ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Wali Maxamad Diiriye  waana nabadoon Caanka ahaa Gobolada Jubooyinka.

Dilalkan ayaa ka qayb ah Amaandarida ka jira Xeryaha loo barakacay ee dalka Kenya ee Soomaalida ay dagto.

Intay al-Qaacida sii dhacayso, waxaa soo baxaya Ansaar al-Shareeca.

Booska bannaan ee uu abuuray kacaanka waddamada Carabta gudihiisa, kooxo Islaamiyiin ah oo xagjir ah ayaa samaynaya tiro kooxo cusub si ay ujeedooyinkooda u riixaan.

Garabka hore ee Salafiyiinta awoodda leh ee Tuniisiya, Libya iyo Yemen ayaa ku midaysan tabeelaha “Ansaar al-Shareeca”. Markii hore, falaanqeeyeyaal badan ayaa rumaysnaa in kooxahan cusub ay ahaayeen isku-day ay Salafiyiinta hadda kula qabsanayeen xaaladda cusub, isla markaana ay ugu dambayntii ka tanaasuli doonaan fikradda qaska ku salaysan ee jihaaddoonka.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu sharraxayo Cabdellah Rami oo ah cilmibaare u dhashay Morocco, Kooxaha Ansaar al-Shareeca ayaa hadda u shaqaynaya sida “waji-caqiideedka, kaydka iyo dhaqaale bixiyaha al-Qaaciddada hubaysan”.

Haddaba wakaaladda warar Sabahi ayaa la fariisatay Rami, oo ah siyaasad falaanqeeye ku taqasusay kooxaha Islaamiyiintaa oo ka tirsan Xarunta Morocco ee Cilmiga Bulshada, si aan ugala munaaqashoonno ififaalahan cusub iyo waxa ka dhalan kara.

Sabahi: Ma u aragtaa muuqaalka tirada kooxaha salafiyiinta isku magacaabaya Ansaar al-Shareeca inay yihiin wax kadis ah mise waxay ka qayb tahay qorshe ballaaran?

Abdellah Rami: Ma u maalaynayo inay iska dhacday. Shaki la’aan waa natiijada wadatashi iyo qorshe loogu dan lahaa in dib loogu soo nooleeyo jihaadiyiinta salafiyiinta ah ee xaaladda ay abuureen Kacdoonkii Carabta ee aagga.

Tani waxaa xaqiijiyay caddeymo badan, sida kulamadii la qabtay iyo hoggaamiyayaaashii ka dambeeyaay abaabulka, oo intooda badan ahaa bar-tilmaan jihaad oo taariikho jihaad ku leh Afgaanistaan iyo meelo kale.

Arrinta la xiriirta magaca, waxaan filayaa waxa ay jawaab u tahay rajadii Osama bin Ladenkahor intaan la dilin, oo kooxdiisa waydiistay in la badalo magaca al-Qaacida, loona dooro magac cusub oo u dhow damiirka Muslimiinta. Waxa ay u muuqataa magaca “Ansar al-Sharia” waxa uu ku haboon yahay ujeedadaan, isagoo bixinaya bar-tilmaameednimadiisa iyo saameyntiisa xooggan ee dareenka diinta Bulshada Muslimiinta. Sidaa daraadeed, magacaa la iskama dooran, balse waxa uu ahaa natiijo katimid qorshe iyo isku raac. Waxaa loo doortay isagoo ku salaysan ahmiyad xoog badan iyo calaamadda magaca.

Si walba oo ay ahaataba, waa in aan sidoo kale ogaanaa magaca nafsad ahaantiisa ma ahan mid cusub, maadaama uu bixiyay Abu Hamza al-Masri, oo hadda ku xiran Ingrisiiska, oo ay sidoo kale doon doonayaan Mareykanka iyo Yemen isagoo lala xiriirinayay jarriimooyin argaggixiso, isagoo mar hore u bixiyay magaca kooxdiisii uu London ku aasaasay markii u Afgaanistaan kasoo laabtay 1994-tii. Abu Hamza waxaa ka go’neyd in uu ka dhigo Ansar al-Sharia urur caalami ah oo faracyo badan ku leh dalal badan.

Hoos u dhaca taageerada al-Qaacida

Sabahi: Tani ma magac badalka al-Qaacidaa, sidii uu bin Laden soo jeediyay, mise kooxahan cusub waxay muujinayaan kala go’a salafiyiinta iyo shabakadda caalamiga ah ee argagixisada?

Rami: Maya, kala go’ ma jiro. Aragtidayda, Kooxaha Ansaar al-Shareeca iyo al-Qaacida waa labada dhinac ee hal shilin. Ansaar al-Shareeca waxay muujinaysaa qatar kordhaysa, ka soo qaad inay tahay dacwo [wacdi] lagu ballaarinayo al-Qaacidda. Waxaan kala jeedaa waxay qayb ka noqon kartaa waxa aan u arki karno inuu yahay dib u qaabaynta xiriirka ka dhaxeeya salafiyiinta jihaaddoonka ah iyo bulshooyinka muslimiinta ah.

U janjeerka al-Qaacidda ee qaska iyo falalka hubaysan ayaa horseeday hoos u dhaceeda iyo sii xumaanshaheeda.

Ansaar al-Shareeca, isla mar ahaantaa, waxay u timid inay ka taqallusto xaddidaadda iyo go’doominta ay al-Qaacidda la dhibtoonayso. Tani waa ahmiyaddii bin Laden uu ugu yeeray dadka taabacsan inay ka fikiraan magac cusub oo uu ururka yeesho, kaas oo awood u siinaya inay bulshada ku soo dhex noqdo isagoo sita waji cusub oo ay suuragal tahay in la aqbalo, laakin aan laga tanaasulin caqiidadii jihaaddoonka ee salafiyiinta, iyadoon la sameyn wax isbeddel caqiido.

Sabahi: Maxay tahay sababta hoos u dhacan taageerada al-Qaacidda?

Rami: Sababta ugu muhiimsan waxay tahay in warbaahintu ay joojisay buunbuuninta al-Qaacida, haddana waxaa saaran culays sirdoon iyo mid millateri oo adag hab-dhismeedka iyo calaamadaha al-Qaacida. Billowgeedi, al-Qaacida waxay si xooggan ugu tiirsanayd in howlgalladeeda lagu baahiyo janaallada dayax-gacmeedka taasoo ahayd hab wayn oo magaceeda ay ku muujiso, ku gudbiso farriinteeda oo ay ururka ugu xayaysiiso dalalka Mulimka ah, taasina waxay ballaarisay xiriirkeeda dadka u laab furan iyo taageereyaasha ay ku leedahay dalalkaas. Taasi waxaa sii dheer, dabcan, kaalinta al-Qaacidda ee suugaanta internetka.

Si kastaba ha ahaatee, dharbaaxada al-Qaacidda ku dhacday, culayska millateri, sirdoon iyo culayska saxaafadda ay ku hayso, iyo hoos u dhaca howlgalladeeda ayaa ururka dhexe ka dhigay mid hoos u dhacayay tan iyo sanadkii 2005, taasina waxay dhalisay, in dadka u laabfuran iyo taageereyaasha ay ka dhaqdhaqaaq bataan al-Qaacidda lafteeda.

Iyadoo taas laga tixraacayo, waxay ku fikireen baahida qaab cusub oo uu ururka yeesho shardina laga dhigo in dacwada lagu ballaariyo, la dhexgeliyo oo saqafkeeda lagu adkeeyo bulshada iyadoo la adeegsanayo qudbooyin, fursado shaqo oo asxaan ah oo bulshooyinka u dhow. Kacdoonka Carabta ayaa si lixaad leh u fududeeyay unkashadan waxaanuu u sameeyay faa’iido ah inay salafiyiinta si xornimo leh ay gees-ka-gees isku qabsdaan kaddib markii bulshooyinka gobolka ay iska dul-qaadeen awood xooggan oo ay ku maamulayeen kali-teliyeyaasha.

Sabahi: Waa maxay cilaaqaadka dabiiciga ah ee u dhexeeya al-Qaacidda iyo Ansaar al-Shareeca? Ma waxaa jira xiriir urureed oo ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha?

Rami: Isku xirka ugu wayn ee ka dhexeeya labada waa caqiidada midaysan. Kooxaha Ansaar al-Shareeca waxay caqiiddo ahaan midaysan yihiin al-Qaacidda, waxayna dhammaantood qirayaan u daacad ahaanshahooda taliska al-Qaacidda ee Waziristan, inkastoo aysan jirin xiriirro urureed.

Tani way caddahay, sida arrinta Yemen, halkaas oo al-Qaacidda ay wada joogaan Ansaar al-Shareeca. Xaqiiqdii, waa isku mid, wayna isku dhow yihiin, laakin isku nooc uma shaqeeyaan. Waxaa la oran karaa Ansaar al-Shareeca waxay matashaa garabka caqiido ee la dhisay ee salafiyiinta hadda ee jihaaddoonka ah ee ballaaran, halka al-Qaacidda ay matasho garabkeeda hubaysan. Si kale haddii loo dhaho, Ansaar al-Shareeca waa waji-caqiideedka, kaydka iyo dhaqaale bixiyaha al-Qaaciddada hubaysan.

Fikirka salafiyiinta oo diiday dimuquraadiyadda

Sabahi: Waa maxay siyaasadda laga filan karo Ansaar al-Shareeca?

Rami: Habka siyaasadeed ee ay kooxahan rabaan waa aas-aaska khaliifo sida Taliban u samaysan iyadoo jihaad lagu raadinayo. Sababaha macquulka ah ee ay salafiyiintu ku diideen noocyada siyaasadda rayidka iyo maamulka rayidka. Ansaar al-Shareeca ma aqbali karto dimuquraadiyadda, maxaa yeelay dimuquraadiyaddu waxay ogolaanaysaa inay dumarku wax maamulaan, iyadoo keeni karta siyaasad furfuran ama Kirishtaan; wax aanay salafiyiintu marnaba aqbali karin. Ma aqbali karaan wax aan ka ahayn xukunka shareecada, xukunka shareecadana aragtidooda waa in la oggolaado habka Taalibaan oo kale ah.

Tani waxaa laga aaminsan meelaha ay salafiyiinta ka maamulaan Mali, Soomaaliya iyo Yemen, daciifnimada awoodda dowladaha dhexe darteed iyo xukuumadaha siyaasadeed ee aan adkayn. Meelahan, waxay qaab ahaan leeyihiin dowlado iyo maamullo sida Taalibaan oo kale u samaysan, isla qaabkii, wax cusubna ma jiraan.

Arrinta ugu muhiimsan ayaa waxay tahay inay abuuraan awood boolis oo maskaxeysan oo ay ku faraan dhaqanka wanaagsan, kuna reebaan fasahaadka, kaddibna ay dab qabadsiiyaan dukaamada lagu iibiyo canjaladaha muuqaalka iyo kuwa maandooriyeyaasha lagu iibiyo, ay kala geeyaan ragga iyo dumarka, ay gacanta la galaan barnaamijyada waxbarashada, ay burburiyaan qabuuraha, isla markaana ay baabi’iyaan wax kasta oo ay u arkaan inay shareecadda ka hor imaanayso.

Tani wuxuu macnaheedu yahay inuu na wajjahay hab dhaqankii xukunkii Talibaan oo kale.

Waraysigan waxaa qaaday Mawassi Lahcen oo jooga Kasablanka.

Daawo Sawirada Madaxwaynaha oo la kulmay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Halkaan ka Daawo Sawirada Madaxweynaha Oo Kulan Laqaatay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Kulankaan ka dib Madaxwaynaha ayaa u duulay Dalka Uganda, oo uu kaga qeyb galayo xuska sanad guurada xoriyadda dalkaas.

 

DEGDEG: Madaxweynaha oo marki ugu horaysay dalka dibadiisa u dhoofay.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa goordhow Safarkiisuu ugu horeeyay waxaa uu ku aaday Dalka Dibadiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Waxaa ay ka amba baxeen Garoonka Aadan Cadde waxaana ay u duulen Dalka Uganda.

Ujeedada Socdaalka uu ugu dhoofay dalka Uganda ayaanan wali cadayn laakiin waxaa uu kulan la qaadan doonaa dhigiisa dalkaas iyagoo ka wada hadli doono Arimaha Amaanka Iyo Xiriirka labada hogaamiye ee Soomaaliya iyo Uganda.

Booqashada ayaa Noqonaysa Tii ugu horaysay ee Madaxwaynaha Soomaaliya uu ugu baxo dalka Dibadiisa.

Madaxwayne Xasan oo wafti caalami ah ku qaabilay Muqdisho.

Wafdi kasocday Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta waxaa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxda dowlada.

Madaxdii Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka horboodayay waxaa kamid ahaa Xoghayaha Ururkaas Ikmaaludiin Ixsaan Oglo waxaana ay kula kulmeen Xarunta madaxtooyad Vila soomaaliya Xasan Sheekh Madaxwaynaha Soomaaliya.

Waxaa lagu Micneeyay imaansha wafdigaan iyo kulanka inuu ahaa sidii loo muujin lahaa  In ururkaas uu taageerayo Dowlada Soomaaliya.

Ikmaaludiin Ixsaan Oglo ayaa sheegay in Muqdisho ay u yimaadeen inay hambalyeeyaan Madaxda Dowlada Soomaaliya.

 Imaashaha wafdiga ayaa waxaa uu kaqayb yahay Wafidi dhowr ah oo muqdisho booqosho ku yimid Si dowlada Cusub ay ugu hambalyeeyaan.

KA: Muqdisho, KU: Kismaayo (Farriin caajib ah oo 2da magaalo isu direen).

Waxey aheyd sanado xanuun badan markii ciideyda si qasab ah lagu cabsiiyay dhiig bini’aadam, ma aanan dareemi jirin qoyaanka biyaha, ma aanan dareemi jirin qabowha hawada, ma aanan carfi jirin uduga neecaawda, geedaheygu waa ey qalaleen, guryaheygu waa ey dumeen, habeenkeygu wuxuu ahaa maalin, maalinteyduna habeen, waxaan had iyo jeer is weydiin jiray maxaa sidaan kuu qoray, maxaa nasiibkaaga sidan ka dhigay, waxaan indho jilicsan ku eegi jiray magaalooyinka iga yaryar ee hadane nabada ah, waxaan isdhihi jiray alla maxaa caasimad kaa dhigay!!

Xalaadu waxa ey sidaa ahaataba waxaa mar qura ii ifay iftiin aanan 22 sano arkin, hawadeyda waxaa dabooshay daruur hillaaceysa, xeebteyda oo 22 sano fadhisay ayaa hirarkeedu kaceen, waxaa I sarqaamiyay neecaaw udgoon oo mudo aanan dareemin, geedaheygi ayaa ubax bixiyay, guryaheygi ayaa boorka laga jafay, waxaa meel dhaw iiga bidhaamay calan qurux badan oo midabka cirka iyo xidig shan geesood ah leh, maanta miyaa la’idhalay?, xageen jiri jiray?

Anigoo habeen iyo maalin ku jira damaashaad, ubaxyadeyda udgoon dhunkanaya, neecaawda qabow ku raaxeysanaya, ayaa waxaa ii timid qeylo-dhaan, “Walaalshaa, Walaashaa”, mudo labaatan sano kabadan waxaan ilaawsanaa in aan walaal leeyahay, waxaan ku iri walaashey waa tuma? Waxaa jawaab la’iisiiyay walaashaa Kismaayo ka gaar, inyar oon fikiray waxaan soo xasuustay Kismaayo, haa, magaaladii quruxda badneyd, xeebta iyo dakada weyn laheyd, magaalada soomaalidu ku hamiso in ey noqoto mid kamida magaalooyinka ugu ganacsi wanaagsan Afrika, magaalada cadawgu wada haminayo, magaalada aan dooneyno in aan kula tartano dakadaha iyo garoomada aduunka ugu waaweyn, haa, maxaa helay?, waxaa la’isiiyay jawaab farxadeydii ka dhigtay murug, maalinteydii ka dhigtay habeen, damaashaadkeygii ka dhigtay tacsi, “wadadii qodxaha badneyd ee aad 22 sano ku dhex rafaadsaneyd ayey soo heysaa”.

Kismaayo, darsi iga qaado, cilmi iga baro, nabadu waa qaali, colaadu waa cadaw, wax kasta oo lugugu sameeyo ma jirayaan wax kaaga xanuun badan in dhiig lugugu dul daadiyo, yeysan ku dagin dhalin yarada durbaanka dagaal kuu garaaceyso, ogow waa wax xanuun badan marki aad aragtid cunug yar oo dushaada ku dhiig baxaya, marki aad aragtid hooyo dushaada lugu dilayo, marki aad aragtid caruur iyo duqow dushaada baahi ugu dhimanaya, waxaad ogaataa waxaad leedahay hal walaal, walaalkaa waa Soomaali, dhulkaaga waa balaaranyahay, kheyraadka badaada iyo barrigaaga waa badanyihiin, soomaali oo idilne waa deeqaan, maanta digsi dowladnimo ayaa dabka noo saran, inta aan murmeyno yuusan naga gubanin.

Wiligeyn dowladaheena waxaa lagusoo dhisi jiray dibadaha, marki ugu horeysay dowlad soomaaliyeed ayaa lagu dhisay gudaha dalka, marki aan ku faraxnay bilaabashada kahoos bixida shisheeyaha, in aad nooga hartid kaligaa waa wax na niyad jabinaya, maanta dadka gurbaanka dagaal garaacaya dhib uma arkaan in IGAD maamul u sameyso kismaayo, balse waxey dhib u arkaan in dowlada soomaaliya oo dhiig iyo dhaqanba wadaagaan ey maamul KUMEEL_GAAR AH u dhisto, war maxaa qiyaasta naga qalday, Kismaayo marki soomaali oo idil lagasoo tago dadka daga ayaa iskaleh, maamul kasta oo laga dhisana ayaga ayaa xaq u leh in ey dhisaan, hase ahaatee maamul la dhisaa wuxuu qaadanayaa waqti, si kumeel gaar ah in dowlada dhexe u maamusho Kismaayo sida ey hada u maamusho Beydhabo, Baladweyn iyo Marka waxaa kismaayo ugu jirto faa’iido, waxaa lagu baajin karaa colaad fool xun oo aan lagasoo kabsan.

Ogaada reer Kismaayow in shisheeyaha Keynyaatiga ah eysan jaceyl ey soomaali u qabaan u daadinin dhiigooda, hadii ey kamid yihiin ciidama AMISOM, hade AMISOM dowlada ayey hoos joogtaa ee ayagane hasoo hoos galaan, laakin ciidan shisheeye ah oo ajande qarsoon wata in uu maanta maamul Kismaayo u dhiso isla markaane uu yiraahdo AMA HEBEL AMA DAGAAL waa wax aan soomaaliya wili horay uga dhicin.

Kismaayey maanta haku dhaqaaqin wax aad berri ka shalaay doonto, soomaaliya iftiinka usoo ifay dhinacaaga ka ifiso, shisheeyahana aan si wada jir ah uga wada hoos baxno, midnimo, midnimo, midnimo.

Wabillaahi towfiiq

 W/Q Axmed Xalaal

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan 

Man City oo kusoo biirtay hardanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka A.Madrid Falcao.

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa xooga saari kara inuu gegeda Vicente Calderon kasoo kaxeysto Falcao, kaasoo  qeyb ka ahaa guushii ay axadii Atletico Madrid ka gaartay kooxda Malaga, laakiin gudoomiyaha kooxda ka dhisan caasimada Spain ayaan ka welwel qabin qiimaha uu kaga dhaqaaqi karo xidigoodu.

Weeraryahanka, ayaa lala xiriirinayaa inuu bisha Janaayo u dhaqaaqi karo kooxda heysata horyaalka England Premier League ama Chelsea, ka dib markii uu daqiiqadii lixaad shabaqa ku hubsaday karoos uu ka helay Emre, isagoona kooxdiisa u diray inay hugaanka La Liga wadaagaan Barcelona.

Ninka reer Colombia ayaa si aan caadi aheyn loola xiriirinayaa inuu mar un ka ciyaaro England, laakiin gudoomiyaha Atletico Enrique Cerezo kama welwel qabo mustaqbalka 26 jirkaan, inkastoo uu Tababare Mancini daawaday kulankii ka dhacay Madrid.

“Waan ognahay inuu Mancini daawanaayey ciyaarta laakiin wuu xasiloon yahay mawduuca Falcao,” ayuu Cerezo u sheegay Cadena Ser.

“Waxaan qiyaasayaa in Mancini uu halkaan u yimid inuu guri ka raadsado Malaga,” ayuu sidoo kale isagoo dhoola cadeynaya goor dambe u sheegay Canal+.

Falcao ayaa xilli ciyaareedkaan dhaliyey 11 gool, marka lagu daro sedaxleydii uu ka dhaliyey Chelsea Finalkii 4-1 ku dhamaaday ee European Super Cup.

Goolashiisa ayuu sii wataa ciyaaryahankii hore ee FC Porto, kaasoo sanadii hore 36 gool dhaliyey tartamada oo dhan.

Dani Alves oo dhaawac soo gaaray darti sedax isbuuc garoomada uga maqnaan doona.

Daafaca kooxda Barcelona Dani Alves ayaa sedax isbuuc garoomada uga maqnaan doona dhaawac soo gaaray sida lagu xaqiijiyey website-ka kooxdiisa Barca.

Daafaca dadabka midig ayaa ku dhaawacmay intii ay socotay ciyaartii barbaraha 2-2 ah ku idlaatay, oo ay kooxdiisu Comp Nou kula ciyaartay Real Madrid, waxaana laga yaabaa inuusan nasiib u yeelan kulamada Deportivo La Coruna iyo Rayo Vallecano.

Ninka reer Brazil ayaa sidoo kale seegi doona kulamada saaxiibtinimo oo xulkiisu la ciyaaro xulalka Iraq iyo Japan 11ka iyo 16ka October.

Warbixin lagu qoray bogga ay Internet-ka ku leedahay Barcelona ayaa lagu yiri:

“Dani Alves wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa sedax isbuuc. Ciaayrayahanka reer waxaa soo gaaray dhaawac feysha ah oo lugisiisa bidix ah intii ay socotay ciyaartii Real Madrid. Markaasoo Martín Montoya lagu bedelay daqiiqadii 27aad.”

Min laba gool oo ka kala yimid Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa El Clasico lagu kala baxay, halka ay Barcelona sideed dhibcood ka sareyso kooxda ay cadaw wadaagta yihiim.

Daawo Video: Qaxooti Somaliyeed oo silic & saxiriir ay ku heystaan Holland.

Qaxooti Soomaaliyeed ayaa dhibaato xoogan ku wajahaya magaalada Ameterdam ee dalka Holland. Qaxootigaasi ayaa waxaa sharci u diiday dowladda Netherlands, mana heystaan hoy iyo meel ay seexdaan oo rasmi ah. Waxa ay taasi ku qasabtay inay meelo banaan ah iska seexdan si ay ugu noolaadaan. Waxaa sidoo kale jira isku dayo la doonayo in dalkooda dib loogu celiyo.

Halkan ka daawo Video-ga Soomaalidaas.