26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Port deal: Somalia sets terms for Ethiopia, no land lease

Mogadishu, Somalia – In a move to clarify recent discussions, the Somali government has unveiled details of a potential commercial port agreement with neighboring Ethiopia.

If finalized, this agreement would allow Ethiopia to utilize a Somali port much like it currently relies on Djibouti for its trade. Importantly, Somalia has firmly dismissed any notion of granting a land lease to Addis Ababa.

While the specific port remains to be determined, Somali officials have narrowed down the possibilities to several locations along the country’s extensive Indian Ocean coastline.

“The port we’re discussing for Ethiopia’s use will be situated along the Indian Ocean, definitively excluding the Gulf of Aden and any ports within Somaliland, such as Saylac,” explained State Minister for Foreign Affairs, Ambassador Ali Balcad.

He pointed to a broad area stretching from Garacad down to Kismayo, a region dotted with around seven ports, all of which require significant investment and upgrades.

Who pays for the port?

A key point of clarification: Ethiopia won’t be footing the bill for the port’s development. Instead, Somalia plans to partner with international investors to finance the project.

“We will build the port ourselves, with the support of external investors. Ethiopia will have no direct financial role in its construction,” Balcad stated.

“However, identifying a location that aligns with their market needs and logistical requirements will be a central part of our technical discussions.”

He emphasized the potential for this deal to unlock substantial investment opportunities. “By reaching an agreement with Ethiopia, we can attract the funding needed to develop major port facilities.

And even more crucial than the port itself are the connecting road networks. In today’s global economy, investment in infrastructure that links countries is a top priority,” he added.

Balcad revealed that various companies and nations have already expressed significant interest. “When investors see a market beyond Somalia’s borders requiring a well-connected port and road system, they recognize a valuable opportunity,” he said.

Agreement timeline and next steps

Somalia and Ethiopia aim to finalize the port agreement by June, following a series of talks in Ankara, Addis Ababa, and Mogadishu. While the broad strokes of the agreement are known—it’s a commercial deal—the finer details are still under wraps.

“We anticipate concluding the negotiations after four more rounds of meetings scheduled for June. These discussions will determine the specific port location and the necessary investment framework,” Balcad confirmed.

These upcoming meetings will ultimately decide how Ethiopia gains access to a Somali port for its trade. The Somali government will reiterate its unwavering stance against any territorial concessions to Addis Ababa.

Securing reliable port access is a strategic imperative for landlocked Ethiopia. Currently, the country relies heavily on Djibouti. This potential agreement with Somalia highlights the shifting geopolitical landscape of the Horn of Africa.

The coastal stretch from Garacad to Kismayo holds significant economic potential. With the right investment, the ports in this area, including Hobyo and Barawe, could become vital hubs for regional trade. These locations have seen varying levels of infrastructure development throughout recent history.

While the relationship between Ethiopia and Somalia has experienced its ups and downs, this port agreement represents a chance for greater economic cooperation. The deal can potentially boost trade for Ethiopia and spur economic activity in Somalia.

Daawo: Axmed Madoobe oo bixiyey wareysi xasaasi ah – Maxay isku hayaan DF?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa bixiyey wareysi dheer oo uu kaga hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda iyo halkii uu ka soo bilowday markii uu ka baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka socday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii golaha wadatashiga qaranka uu uga baxay muddo kororsigii lagu sameysanayey, isagoo fiirinaya danaha beesha Daarood oo sida uu sheegay uu kaligiis ka joogay shirka.

Waxaa la weydiiyey metelaada Ra’iisul Wasaare Xamsa, wuxuuna sheegay in Xamsa yahay nin ku biiray shirkad uu maamulo Xasan Sheekh oo ku cayaareysa dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wuxuu ka hadlay dagaalkii Raaskambooni, wuxuuna sheegay in dowladda uu marar badan uga digay sida ay u dhaqmeysay, ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay bilaabeen dagaalka.

“Dagaalka waxaa ku gacan sareynay anaga, wax kasta waa noo qorsheysanaayeen sida ay u dhacayaan, waxaan ciidankeena ku amarnay in khasaaraha la yareeyo, taasi oo waad aragteen dagaalka dhacay iyo khasaaruhu isma laheyn, inkastoo labada dhinacba ay dhimasho jirtay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in wax kasta ay uga xanuun badnaayeen ciidankii Soomaaliyeed ee kunka askari ka badnaa ee ka gudbay xuduudda, iyagoo gacmaha kor u taagayana isku dhiibay Kenya, isagoo sheegay in ciidankii ay dagaalkii Raaskambooni ku qabteen iyo kuwii dhaawacmay ay Muqdisho u direen iyagoo sharfan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay dagaalka Al-Shabaab, wuxuu tusaale u soo qaatay weerarrada Al-Shabaab ay ka wadaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan laheyn niyad ay ku dagaalamaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa iska diiday inuu la shaqeeyo Al-Shabaab, taas bedelkeeda wuxuu sheegay in kooxdaas uu kula jiro dagaal ahli ah oo ragga ku eedeynaya aysan waligood la gelin.

Hoos ka daawo

 

DF oo shaacisay goobaha ay ku yaallaan dekedaha ay Itoobiya adeegsan karto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horreysay si faah-faahsan uga hadashay heshiis deked ganacsi oo dhex mari kara Itoobiya, kaasi oo ay Itoobiya u isticmaali doonto si la mid ah sida ay Jabuuti u adeegsato.

Inkasta oo weli si rasmi ah loo go’aamin dekedda ay Itoobiya adeegsan doonto, haddana dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay goobaha suurta-galka ah ee ay Itoobiya ka heli karto deked ganacsiyeed.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Balcad, ayaa sheegay in dekedda ay Itoobiya adeegsan doonto ay ku taallo Badweynta Hindiya, taasoo meesha ka saareysa Gacanka Cadmeed, oo ay ku yaallaan Saylac iyo dekeddaha kale ee maamulka Somaliland.

Waxa uu tilmaamay inay noqon karto dekedda Itoobiya lagula heshiinayo isticmaalkeeda mid ku taalla laga soo bilaabo Garacad illaa Kismaayo, halkaas oo ay ku yaallaan illaa toddobo dekedood oo u baahan maalgelin iyo dayactir.

Yaa maalgelinaya dhismaha dekedda?

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Itoobiya aysan maalgelin doonin dhismaha dekedda ay adeegsaneyso, balse ay Soomaaliya iyo maalgashayaal caalami ah iska kaashan doonaan maalgelinteeda.

“Dekedda annaga ayaa dhisan doona anagoo kaashanayna cid na maalgelisa, iyagu (Itoobiya) wax shaqo ah kuma yeelan doonaan. Laakiin meesha ku habboon suuqooda iyo isticmaalka Itoobiya waa mid ka mid ah waxyaabaha farsamo ee laga wada hadli doono,” ayuu yiri Cali Balcad.

Waxa uu intaas kusii daray: “Haddii aan Itoobiya heshiis la galno, waxaan heli karnaa maalgelin aan ku dhisno dekeddo waaweyn. Weliba dekedda waxaa ka muhiimsan jidadka waaweyn ee ka baxaya. Adduunyadu maanta waxay usoo jeeddaa in la maalgeliyo isku xirka dalalka.”

Wuxuu tilmaamay inay jiraan shirkado iyo dalal daneynaya dhismaha dekeddan. “Haddii qofka ogyahay in suuq Soomaaliya ka weyn uu u baahan yahay deked iyo waddo, shirkado iyo dalal maalgeli kara ayaa heli doona fursaddaas,” ayuu raaciyay.

Goorma ayaa la gaarayaa heshiiska dekedda?

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay bisha Juun gaaraan heshiis la xiriira dekedda ay Itoobiya ka adeegsaneyso, kaas oo illaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin qodobadiisa marka laga reebo in uu yahay heshiis ganacsiyeed.

Wasiiru-dowlaha ayaa xaqiijiyay in ay harsan yihiin illaa afar kulan, kadibna ay labada dal soo gaba-gabeyn doonaan wada-hadallada, kuwaas oo ka bilowday Ankara, una sii gudbay Addis Ababa iyo Muqdisho.

Gaba-gabada wada-hadallada labada dal ayaa lagu go’aamin doonaa habka ay Itoobiya ku heli doonto deked ay ganacsigeeda u adeegsato, iyadoo dowladda Soomaaliya meesha ka saartay suurta-galnimada in dhul-badeed la siiyo Addis Ababa.

“Wada-hadallada labada dal waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo afar shir kadib, oo dhici doona bisha Juun, taas oo lagu go’aamin doono dekedda iyo nooca maalgelin ee loo baahan yahay,” ayuu yiri Cali Balcad.

Daawo: Donald Trump oo shir jaraa’id oo live ah ku bah-dilay, kuna canaantay Zelensky

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa isku dhacay oo isku buuqa, ayaga oo shir jaraa’id oo la wada daawanayo ku qabanayey Aqalka Cad, halkaasi oo Trump uu si xun ugu weeraray Zelensky.

“Waa inaad heshiis gaartaa ama waan ka baxeynaa,” ayuu Trump oo carooday u sheegay Zelensky, xilli shirkii loogu talagalay in lagu dejiyo xiisadda ka dhalatay xiriirka lama filaanka ah ee Maraykanka iyo Ruushka uu si lama filaan ah u kiciyay xiisado hor leh.

“Waxaad khatar gelinaysaa nolosha malaayiin qof. Waxaad khatar gelinaysaa Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka, waana wax aan xushmad lahayn inaad sidaas u dhaqanto,” ayuu sii raaciyay Trump.

Zelensky ayaa Aqalka Cad u tagay saxiixa heshiis ku saabsan wadaagga kheyraadka macdanta ee Ukraine iyo wadahadallo ku saabsan heshiis nabadeed oo lala galo Ruushka, inkasta oo Trump dhawaan ku tilmaamay Zelensky inuu yahay kaligii-taliye.

Kulanka ayaa yimid kaddib toddobaad uu Maraykanku ku mashquulsanaa dedaallo diblomaasiyadeed, iyadoo hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Britain ay Aqalka Cad u yimaadeen si ay Trump ugu qanciyaan inuusan ka tanaasulin taageerada Kyiv.

Hase yeeshee, xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance uu yiri “diblomaasiyad ayaa loo baahan yahay si dagaalka loo soo afjaro.” Zelensky ayaa weydiiyay “noocee diblomaasiyad ah?” taasoo keentay in Vance ku eedeeyo inuu si aan xushmad lahayn ula hadlay madaxweynaha.

– Heshiis adag –

Trump ayaa difaacay Madaxweyne ku-xigeenkiisa, iyadoo labada hoggaamiye ay isku qabteen dooddii ku saabsanayd in Maraykanku uu ku guuldarreystay inuu hor istaago Putin kaddib duullaankii Crimea ee 2014, taasoo sii hurisay xiisadda.

“Uma muuqato inaad wax mahadnaq ah leedahay,” ayuu Trump ku yiri Zelensky.

“Waxay noqon doonta wax aad u adag in ganacsi sidan lagu wado,” ayuu sii raaciyay Trump. “Heshiis adag ayaa la gaari doonaa, sababtoo ah waa in la beddelo dabeecadaha.”

Zelensky ayaa si deggan uga jawaabay, isaga oo Trump iyo xulafadiisa ku eedeeyay in ay “si cod dheer” ula hadlayaan.

Trump ayaa markii shirka jaraa’id lagu kala kacay wuxuu soo saaray bayaan xaaladda ka sii daraya, oo u qornaa sidan:

“Waxaan maanta kulan muhiim ah ku yeelanay Aqalka Cad. Wax badan ayaa la bartay—wax aan la fahmi karin haddii aanu jirin wada-hadal toos ugu dhaca xaalad cadaadis iyo xiisad leh.”

“Waa layaab waxa soo baxa marka dareenku kaco. Waxaan go’aansaday in Madaxweyne Zelensky uusan diyaar u ahayn nabad haddii Maraykanku lug ku leeyahay, maxaa yeelay wuxuu aaminsan yahay in ka-qaybgalkeenna uu siinayo faa’iido weyn oo gorgortan ah.”

“Ma rabo faa’iido—waxaan rabaa NABAD.”

“Wuxuu si aan xushmad lahayn ula dhaqmay Maraykanka, iyo xafiiskeeda sharafta leh ee Oval Office. “Wuxuu soo laaban karaa marka uu diyaar u yahay nabad.”

Trump ayaa argagax geliyay xulafada Maraykanka laba toddobaad ka hor markii uu la hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo bilaabay wadahadallo nabadeed oo aan Kyiv lagala tashan, taasoo wax weyn ka beddeshay siyaasaddii hore ee Maraykanka ee ku aaddan Ukraine.

Trump ayaa Jimcihii u sheegay wariyeyaasha in tan iyo markaas uu “si isdaba joog ah” ula hadlay Putin.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa dalbaday in heshiis lala galo Ukraine si Washington u hesho mudnaanta wax ka qodista kheyraadka dabiiciga ah ee Ukraine, taasoo uu shuruud uga dhigay sii wadidda taageerada Maraykanka, inkasta oo uusan ballanqaadin dammaanad amni oo Kyiv ay helayso haddii heshiis lala gaaro Ruushka.

“Waan qodaynaa, qodaynaa, qodaynaa,” ayuu Trump ku yiri hadal uu jeediyay Khamiistii kahor kulanka, isagoo soo xiganaya hal-ku-dheggiisii ololaha doorashada ee “drill, baby, drill” oo la xiriiray qorshihiisa ku aaddan soo saarista shidaalka Maraykanka.

– ‘Kali-taliye aan doorasho lahayn’ –

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay inkasta oo Trump uu dhowaan dib u dejiyay hadalladii adkaa ee uu Zelensky ka sheegay, isagoo toddobaadkii hore ku tilmaamay “kali-taliye aan doorasho lahayn,” kuna eedeeyay Ukraine inay sabab u tahay duullaanka Ruushka ee billaabmay bishii Febraayo 2022, isaga oo sidoo kale adeegsaday dooddo Kremlin-ku adeegsado oo la xiriira dagaalka.

“Waxaan u hayaa xushmad badan,” ayuu Trump Khamiistii ku sheegay shir jaraa’id uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer. “Waxaan rajeynayaa in aan si wanaagsan u wada shaqeyn doono.”

Trump, oo ah maalqabeen ganacsade ah, ayaa ku adkaysanaya in heshiiska macdanta uu lagama maarmaan u yahay Maraykanka si uu dib ugu helo balaayiin doollar oo uu Ukraine u siiyay gargaar militari iyo taageero kale.

Zelensky ayaa kahor booqashadiisa Washington sheegay in saraakiisha Maraykanka iyo Ukraine ay ka wadahadli doonaan dammaanadaha amni ee Kyiv iyo qaddarka dhaqaalaha ku lug leh heshiiska.

Hase yeeshee, Trump — oo toddobaadkan sheegay inuu aamisan yahay in Putin “ballantiisa ka dhabayn doono” haddii xabbad-joojin la gaaro, isla markaana si isdaba joog ah u muujiyay ixtiraam uu u hayo hoggaamiyaha Ruushka — ayaa ka gaabsaday inuu ballanqaado dammaanado amni.

Britain iyo Faransiiska ayaa labaduba soo jeediyay in nabad-ilaaliyeyaal loo diro Ukraine haddii heshiis la gaaro, balse waxay ku adkeysteen in ay tahay in Maraykanku bixiyo dammaanad dhab ah oo ay ka mid yihiin sirdoonka Maraykanka iyo suurtagalnimada in ciidamo cirka ah la geeyo.

Putin iyo Trump ayaa shaaciyay in ay isku afgarteen inay si fool ka fool ah u kulmaan kaddib wada-hadalkoodii khadka telefoonka ee dhacay 12-kii Febraayo, balse weli ma aysan cayimin waqti rasmi ah oo ay kulmi doonaan.

In kasta oo xiisadda u dhaxaysa Moscow iyo Washington ay hoos u dhacday, haddana weerarrada Ruushka ee Ukraine way sii socdaan.

Maalintii Jimcaha, ciidamada dhulka ee Ruushka ayaa weerarro ka bilaabay xadka Ukraine ee gobolka Kursk, meel u dhow deegaanno ay ciidamada Ukraine dib u qabsadeen xagaagii hore, sida ay Kyiv sheegtay Jimcaha.

Daawo: Xasan oo farriin u diray shacabka iyo ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu horeyn, Wasaaradda Awqaafta ayaa iclaamisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, iyadoo madaxda qarankana ay soo saareen hambalyo iyo dardaaran bulsho.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Mukhtaar Roobow Cali oo garbihiisa ay taagan yihiin qaar ka mid ah madaxda wasaaradda iyo culumada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan.

Wasiirka iyo Culimada oo caawa tegay xarunta Warbaahinta Qaranka ayaa ku dhawaaqay in Bishii laga arkay Magaalooyin badan oo dalka ah, sidaas darteedna ay berri oo Sabti ah tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.

Intaas kadib, madaxda Qaranka ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka BFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, iyo masuuliyiin kale ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku soomaya furimaha dagaalka ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Bisha Ramadaan ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojiyo midnimada, walaalnimada iyo isu naxariisashada bulshada.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagaan, ayna caawiyaan dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan. Waa waajib ina saaran in aynu taageerno dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, waxaan idin xasuusinaya in loo baahanyahay xoojinta nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo la-shaqaynta hey’adaha amniga, kana fogaanno wax kasta oo carqalad ku noqon kara xasilloonida dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Hoos ka daawo hadalka Xasan Sheekh

Sawirro: Sanbaloolshe oo qaaday tallaabo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda ayaa booqday dhawaacyada askar ka tirsan ciidamada qaranka iyo geesiyaasha macawisleyda oo ku jira isbitaallada magaalada Muqdisho.

Agaasime Sanbaloolshe ayaa mid mid u booqday bukannada, isagoo Alle uga barayay inuu caafimaad deg deg ah siiyo geesiyaddan ku soo dhaawacmay dagaalka ka dhan ah khawaarijta ee ka socda HirShabeelle.

Agaasimaha NISA ayaa ciidamada deegaanka iyo kuwa Qaranka ee  dhaawacyadu soo gaareen u balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan tahay sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhameystiran.

Sidoo kale, wuxuu Sanbaloolshe dhaawacyada uu booqday u balan qaaday in qofkii dalka wax looga qaban waayo dalka dibadiisa loogu qaadi doono daryeel caafimaad.

Sanbaloolshe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha dagaalka ee HirShabeelle ayaa door muuqda ku lahaa dagaalka tooska ah ee Khawaarijta.

Ciidamada uu caawa Sanbaloolshe ku booqday isbitaallada Muqdisho ayaa ku soo dhaawacmay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dagaaladii ugu cuslaa ay ka dhaceen toddobaadkaan dhamaaday.

Kooxda Al-Shabaab oo soo laba kacleysay ayaa toddobaadkaan weerarradii ugu cuslaa ku soo qaaday deegaanada HirShabeelle, taasi oo sababtay in saraakiil badan ay iska xaadiriyaan furimaha oo markale dagaalka dhexda loo xirto.

Al-Shabaab ayaa ku guul dareystay in hal deegaan ay dib uga qabsadaan HirShabeelle, kadib weerarro ay ku soo qaadeen in ka badan 10 deegaano iyo degmooyin muhiim ah isugu jiray, waxaana meel kasta lagu gaarsiiyey jab iyo burbur aysan badan, goobaha qaar weli waxaa yaalla meydadkooda.

Daawo: Deni oo beddalay wejiga dagaalka Daacish

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, isagoo sheegay in hadda uu bilowday wajiga 3-aad ee dagaalka.

Howlgalkaan oo loogu magac daray Hillaac ayuu Saciid Deni sheegay in guulo waaweyn laga gaaray, kaddib markii labadii waji ee hore ee dagaalka ay ciidamada Puntland muujiyeen karti iyo adkeysi aan horay u jirin.

“Wajiga 3-aad ee howlgalka waxaan saraakiisha farayaa in berri laga bilaabo uu halkiisa ka sii socdo, waa soconayaa bisha Ramadaan iyo bilaha ka dambeeya, ilaa inta kan ugu dambeeya ee Daacish aan dileyno ama qabaneyno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Afar dowladood oo howlgalkaan ku gacan siiyey ayuu Saciid Deni u mahadceliyey, kuwaas oo kala ah Mareykanka, Imaaraadka, Kenya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in weli ay u baahan yihiin garabsiin xoog leh.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in muddo 7 cisho ah ay u qabanayaan kooxo uu sheegay inay la shaqeeyaan Daacish.

“Waxaan fariin u dirayaa dadka la shaqeeya Daacish, kuwaas oo ku soo dhaweeya magaalooyinka, guryahana u kireeya, waxaa ku jira ganacsato, anagoo ilaalineyna mustaqbalka dadkeena, waxaan fursad siineynaa 7 cisho qof kasta oo la shaqeeya Daacish, si qaladaadkooda ay u saxaan, ilaaheybaa ma qaldame ah, waa qaldameen inay ka towbad keenaan ayaana u siinay fursadaan,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale Deni wuxuu xaqiijiyey in Puntland ay qabsatay warshadihii samey jiray hubka ay ku dagaalanto kooxda Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan gantaalo la qorsheynayey in Puntland oo dhan lagu gaarco laguna burburiyo magaalooyinka muhiimka ah, si Daacish ay ula wareegto xukunka.

“Cadowga Daacish, kii toddobadaas maalmood isku soo dhiibaya, kii naga tegaya oo dalkiisa ku laabanaya, waxaan siineynaa fursad, waxaan ognahay in carruur iyo xaasas ay ku jiraan, ma dooneyno inaan maras leyno, isku soo dhiiba dowladda Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni.

Hoos ka Daawo

Mogadishu’s remarkable turnaround: How President Hassan Sheikh made the capital safer

0

For years, Mogadishu was a nightmare. Suicide bombings left and right, assassinations, extortion. This city had seen it all. People left their homes every morning not knowing if they would make it back. The so-called security forces were either too weak, too corrupt, or too compromised to do anything about it. The previous method of operation was to turn Mogadishu into an open-air prison. They blocked roads, set up endless checkpoints, and made daily life unbearable for the people, all while Al-Shabaab moved freely and kept terror in the city.

The horrors of that era still haunt the memories of many. The Soobe massacre alone left more than 1,000 people dead when a truck loaded with explosives tore through the busy intersection, turning it into a mass grave. Parents, children, workers, ordinary people going about their day, were wiped out in seconds. Then came the Ex-Control Afgooye bombing, another horrific attack where over 150 people, many of them students, were slaughtered. Liido Beach has been a slaughterhouse, with repeated attacks where Al-Shabaab gunned down and blew up innocent civilians simply trying to enjoy their day.

The terror did not stop there. The Mayor of Mogadishu, Eng. Yarisow, and many of his colleagues were killed in his own office, by a bomb that made a mockery of what was supposed to be the city’s most secure building. Despite all of this bloodshed, the government of that time had no answers except to suffocate the city with roadblocks and checkpoints that did nothing to stop the attacks.

Then came President Hassan Sheikh Mohamud, and everything changed. He refused to let Mogadishu remain a war-zone. Instead of waiting for attacks, his government took the fight straight to those cowards hiding in the bushes. Full-scale offensives were launched in both Shabelle regions as well as Hiiraan, Galgaduud, and parts of Mudug. For the first time in almost twenty years, it was not the government running and hiding. It was Al-Shabaab. They lost ground, they lost fighters, and most importantly, they lost their grip on the people. 

However, the real problem wasn’t just in those bushes, it was within the system itself. The police and intelligence agencies were plagued by sheer incompetence. A prime example was the infamous Bac Kasii, a group of Al-Shabaab defectors, unqualified officers, and individuals who never should have been allowed to wear a uniform, let alone be promoted without due process. These were the same people who handed Mogadishu over to the enemy. They were swiftly removed and replaced by experienced, disciplined officers committed to serving the people. For the first time in years, we had security forces that truly worked for the people. 

The President took direct control of Mogadishu’s security. Through an executive order, he established a special police-military unit reporting directly to his office, stationed outside the city to monitor everything coming in. Previously, terrorists smuggled explosives into Mogadishu as easily as transporting vegetables. That door is now firmly closed. Inside the city, following his orders, security agencies have reformed the checkpoints, replacing corrupt officers with well-trained, disciplined personnel. Unlike before, they are now properly supervised, no more harassment, no more bribes, just effective and accountable security. 

One of the biggest game-changers was disarming Mogadishu. For too long, this city felt like a war camp where every self-proclaimed “strongman” had a stash of heavy weapons. That era is over. The president outlawed all heavy weaponry inside the city, making sure only authorised security forces carried such arms. The result was a drastic drop in violence. People can finally walk the streets without feeling like they are caught in the middle of a battlefield. 

In addition to these efforts, none of this would have worked without real accountability. When Al-Shabaab attacked, the President did not just issue empty statements. He made sure people paid the price. Security officials, in some cases high-profile ones, who failed in their duties were dismissed. Some of them were even dragged to court. The dirty deals between rogue officers and terrorists were dismantled. No more shady business. If you betray the people, you will be exposed and punished.

At the same time, the government also took the fight to the ideological battlefield. These gangsters did not just rely on guns. They thrived on lies, using a fake version of Islam to brainwash people. The government destroyed their narrative, launching massive public awareness campaigns led by scholars and Imams to expose their deception. Their so-called jihad was nothing but a scam. The people finally saw through the lies. 

In places like Middle Shabelle and Hiiraan, the locals, after realising that this time, there is a government so invested and serious about wiping out Al-Shabaab, and with support in the form of weapons and ammunition from the government, have turned against them. The Macawiisley, brave villagers who have had enough, are now hunting down Al-Shabaab fighters like wild animals. Their heads have become trophies, their executions a form of sport. The fear that once gripped the people is gone. It is Al-Shabaab who are now running for their lives, watching their men get wiped out by the very people they once terrorised. 

Mogadishu is no longer suffocating. Businesses that used to shut their doors early at night now stay open all night. Roads are getting fixed. Streetlights are shining bright. Nightlife is on full display. For the first time in years, people can actually feel safe. That does not mean the city has become Oslo, this is still Mogadishu, a city that has been through hell. And those who lost loved ones in past massacres know that scars like those do not fade overnight. Al-Shabaab may be on the brink of collapse, but they are not gone yet. Their desperate attacks remind us that vigilance is still necessary. Attacks have not been completely erased, but the difference is clear. For the first time in a long time, security forces are in control, not the terrorists. 

Nevertheless, there is still one last battle for the President to win. Mogadishu needs its rightful place in the constitution. For too long, this city, the heart of the nation, has been treated like an orphan. It has been denied proper political representation. If President Hassan Sheikh succeeds in securing political status for Mogadishu and gives its people the right to elect their own mayor through One Person One Vote elections instead of having one imposed on them, he will not only reshape the future of this city. He will seal his re-election and his name in history. 

At that point, there will be no doubt. His name will be written in gold.

Abdullahi H. Samoow is a commentator on political and social affairs in Somalia.
He can be reached at: [email protected]

Sacuudiga oo ku dhowaaqay maalinta 1-aad ee Ramadan

Makkah (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa ku dhowaaqday in berri oo Sabti ah, 1-da March ay tahay maalinka koowaad ee bisha Ramadan, kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay dalkaas.

“Bisha Ramadaan ayaa laga arkay Sacuudi Carabiya, waxaana sidaas darteed Ramadaan 1446 uu bilaabanayaa caawa,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal la soo dhigay barta ay labada Xaramayn ku leeyihiin Twitter.

“Allaha ﷻ ha naga aqbalo soonkeena, salaadeena, iyo dhammaan cibaadooyinkeena. Ha inagu gallado oo ha inasiiyo awood aan si wanaagsan ugu faa’iidaysano daqiiqadaha qiimaha leh ee bishan barakaysan, annaga oo ku dadaalaya camalka uu raalli ka yahay. Aamiin.”

Kadib markiii la arkay bisha cusub fiidnimadii Jimcaha, Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa shaacisay in bisha barakeysan ee Ramadaan, oo ah bisha 9-aad ee taariikhda Hijriyada Islaamka, ay bilaaban doonto Maarso 1, oo ku beegan Sabtida.

Dhalashada bisha cusub ayaa laga arkay goobaha la socodka cirka ee dalka, oo ay ku jiraan xarumaha Sudair iyo Tumair.

Maxkamadda Sare ayaa Khamiistii ku baaqday in dhammaan Muslimiinta ku sugan Sacuudi Carabiya ay fiidnimada Jimcaha raad raacaan bisha Ramadaan.

Maxkamaddu waxay sheegtay in qof kasta oo arka bisha Ramadaan, isagoo adeegsanaya indhihiisa ama daawadayaasha (binoculars), uu la xiriiri karo maxkamadda ugu dhow si uu uga marag furo, ama uu la xidhiidho xarunta ugu dhow si loogu hago maxkamadda u dhow.

Guddiga raadinta bisha Sacuudiga ayaa si joogto ah u kormeera cirifka bisha maalmo ka hor taariikhda la filayo ee Ramadaanka, balse waxa ay dhiirrigeliyeen Muslimiinta kale ee doonaya inay bisha arkaan in ay isku dayaan.

Bishan Ramadaan, Muslimiintu waxay ka soomaan cuntada iyo cabitaanka laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax-dhaca, taasoo qayb ka ah cibaadada Islaamka ee lagu xoojinayo dulqaadka, samafalka iyo isku-duubnida bulshada.

Waa bishii barakeysneyd ee Qur’aanka Kariimka ah lagu soo dejiyey Nebi Muxamed (NNKH). Soonka maalintii oo dhan, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax-dhaca, waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Munaasabadda barakeysan ee Ramadaanka, Muslimiintu waxay u arkaan fursad muhiim ah oo ay ku horumariyaan ruuxdooda, uga tagaan caadooyinka xun xun halkii ay dib u dhigi lahaayeen, badiyaan ducada, naftooda bogsiyaan, sadaqo bixiyaan, hurdo yar sameeyaan, tukadaan salaado badan, ayna sare u qaadaan iimaankooda bisha cafiska iyo naxariista.

Soomaaliya oo dal kale la saxiixatay heshiis saliidda iyo gaaska + Sawirro

0

Baku (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa gaaray heshiis iskaashi oo ku saabsan ka faa’iidaysiga saliidda iyo gaaska.

Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, iyo Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan, Parviz Shahbazov.

Kadib saxiixa heshiiska, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan heshiis is-faham la saxiixday H.E. Parviz Shahbazov, Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan, si loo xoojiyo iskaashiga qaybta saliidda & gaaska.”

Iskaashigan ayaa astaan ​​u ah tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo shidaalka iyo gaaska Soomaaliya, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradda Azerbaijan.

Horey Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay u gaareen heshiisyo dhowr ah, kadib markii bishaan uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo booqashadii ugu horreysay ku tageen Azerbaijan.

Heshiisyadii hore ee la saxiixay waxaa ka mid ah: kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka.

Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal waxay markaas ku heshiiyeen wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada, iyo tayeynta hay’adaha amniga. Sidoo kale, waxay isku afgarteen in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Sidoo kale, waxaa markaas la isla gartay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo, taas oo haatan la saxiixay.

Faah-faahinta xukun adag oo lagu riday ra’iisul wasaarihii hore ee waddanka…

0

Conakry (Caasimada Online) – Maxkamad gaar ah oo ka dhisan dalka Guinea ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Ibrahima Kassory Fofana, oo horey u ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumaddii madaxweynihii hore Alpha Condé, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay laba bilyan oo franki Guinea ah ($230,000). Xukunkiisa ayaa lagu dhawaaqay Khamiistii, magaalada Conakry ee caasimadda dalka.

Maxkamaddu waxay Fofana ku heshay inuu lunsaday ilaa 15 bilyan oo franki Guinea ah ($1.7 milyan) oo ka mid ah dhaqaalaha barnaamijyada daryeelka bulshada ee dowladdii hore, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dadaalladii wax looga qabanayay cudurka COVID-19.

Wuxuu ka mid yahay mas’uuliyiin badan oo ka tirsanaa xukuumaddii la afgambiyay ee Condé, kuwaas oo ay maxkamaddu si gaar ah u dabagalayso tan iyo markii militarigu la wareegeen talada dalka.

Fofana wuxuu xilka ra’iisul wasaaraha hayay intii u dhaxaysay May 2018 iyo September 2021, markii militarigu xukunka la wareegeen. Waxaa la xiray bishii April 2022 isagoo lagu eedeeyay musuq-maasuq, wuxuuna xabsiga ku jiray tan iyo markaas.

Fofana si adag uyuu beeniyey eedeymaha, waxaana qareennadiisa ay ku tilmaameen dacwadiisa “ugaarsasho siyaasadeed.”

Dacwadiisu waxay socotay muddo dheer, iyadoo dib u dhac uu ku yimid sababo la xiriira xaaladdiisa caafimaad oo sii xumaanaysay. Wuxuu marar badan codsaday in loo oggolaado inuu dalka dibaddiisa aado si uu caafimaad u raadsado, balse codsigaas waa la diiday.

Guinea waxay ka mid tahay dalal dhowr ah oo Galbeedka Afrika ku yaalla, sida Mali, Niger iyo Burkina Faso, oo militarigu la wareegeen xukunka iyagoo dib u dhigay qorshayaashii talada loogu celin lahaa rayidka.

Col. Mamadi Doumbouya, hoggaamiyaha taliska militariga, ayaa xukunka la wareegay sannadkii 2021, isagoo ku dhaleeceeyay dowladdii hore inay ka baxday ballanqaadyadii ay sameysay.

Wuxuu balanqaaday inuu dalka ka ciribtirayo xukun xumo iyo musuq-maasuq. Si kastaba ha ahaatee, kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka digay in xorriyadaha iyo mucaaradka la cabburinayo ee isa soo taraya.

Xog cusub oo kasoo korortay wada-hadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maraya meel wanaagsan, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen isku soo dhawaansho, ayna bilaabeen kalsooni-dhis kadib xiisaddii ka dhex qaraxday horraantii sanadkii hore.

Wada-hadalladan, oo xal looga gaaray is-afgaradkii Somaliland ka carootay ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo bisha Juun ee sanadkan.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xaqiijiyay in ay harsan yihiin illaa afar kulan, kadibna ay labada dal soo gabagabeyn doonaan wada-hadallada, kuwaas oo kasoo bilowday Ankara una sii gudbay Addis Ababa iyo Muqdisho.

Gabagabada wada-hadallada labada dal ayaa lagu go’aamin doonaa habka ay Itoobiya ku heli lahayd deked ay ganacsigeeda u adeegsato, iyadoo dowladda Soomaaliya meesha ka saartay suurta-galnimada in dhul badeed la siiyo Addis Ababa.

“Wada-hadallada labada dal waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo afar shir kadib, kuwaas oo ku aaddan bisha Juun, waxaana lagu go’aamin doonaa dekedda iyo nooca maalgelin ee loo baahan yahay,” ayuu yiri Cali Balcad.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore meel adag uga istaagtay damaca Itoobiya ee dhul badeed, iyadoo si adag uga hortimid is-afgaradkii ay Addis Ababa ku gaareen madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka labada dal ayaa soo hagaagay kadib wada-hadalladii Ankara, iyagoo kadib yeeshay wada-hadallo ka dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho.

Labada masuul ee ugu sarreeya labada dal, Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa sidoo kale booqasho ku tegay caasimadaha labada dal – Addis Ababa iyo Muqdisho – si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac, islamarkaana looga miro-dhaliyo wada-hadallada socda.

Ciidamada DF oo maanta qabsaday magaalo muhiim ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Magaaladan oo aheyd mid muhiim ah ayaa waxay gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab, waxaan ugu dambeyn maanta ka xooreeyay geesiyaasha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo weerar ballaaran ku qaaday saaka.

Dagaal-yahaannada Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ayaa la sheegay inay iskaga baxeen magaalada, markii ay awoodi waayeen inay u babac dhigaan ciidamada iskaashanaya, waxaana sidaas gacan ku haynta magaalada kula wareegtay dowladda.

Inkastoo aan si rasmi ah khasaaraha loo ogeyn, haddana waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay kasoo gaaray dagaalka.

Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo kooxda ka xoreeyay deegaano muhiim ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab maalmihii lasoo dhaafay la gaarsiiyey jabweyn oo dhankasta ah.

“Khawaarijta jab aad u balaaran ayaa 20-kii maalin ee la soo dhaafey ku gaarey gobolada dalka, rafadkii ugu dambeeyey ayey ku jiraan, geesiyaasha ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ciidanka xooogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa cashiro lama ilaawaan ah Shabaab ugu dhigay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo laga laayey Horjoogayaal halka kuwo dagaalamayeyna gacanta lagu dhigay.

DF Somalia oo diiday arrin la hadal hayey oo ku saabsan badda ay dooneyso Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay isku soo dhawaadeen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa soo baxayay warar kala duwan oo sheegaya in Itoobiya ay weli ku dhagan tahay damaceeda helitaanka badda.

Itoobiya ayaa la sheegay in ay rabto in dowladda Soomaaliya u marto helitaanka bad, ka dib markii ay hoos iskaga dhigtay is-afgaradkii xiisadda kiciyay ee Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda beenisay in marnaba ay miiska saaran tahay in Itoobiya la siiyo bad, taas beddelkeedana ay tahay in laga wada xaajoon karo in Itoobiya ay sida dalalka deriska ah u adeegsato dekedaha Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo wareysi gaar ah siiyay Telefishanka Universal, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba gorgortan ka galeyn in dhul Soomaaliyeed la siiyo dal kale.

“Annaga waxaan mas’uul ka nahay Soomaaliya, in aan danaheeda ilaalinona waa waajib naga saaran. Marnaba wax ogolaanaya in dhul Soomaaliyeed cid kale yeelato kama shaqeynayno, miiskana ma saarno,” ayuu yiri Wasiir Balcad.

“Itoobiya waxay maanta isticmaashaa dekedda Jabuuti oo 95% ay adeegsato. Dabcan, waxay doorbiday inay hesho dekedo kale, si haddii dhibaatooyin dhacaan—sida aayandhaweyd dagaalkii Tigray-ga oo kale—ay u hesho dekedo kale oo ay isticmaasho, ama dekedo kale oo u dhow dhankeeda koonfureed.”

Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax ka duwan isticmaalka dekedaha oo ay ka wada hadlayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ogolaan doonin wax ka baxsan arrintan.

“Sida Itoobiya u isticmaasho Jabuuti, wax ka duwan oo laga wada hadlayo ama laga wada hadli doono ma jiraan, mana aha wax aan ogolaan doono,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Wada-hadallada labada dal waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo afar shir kadib oo ku aaddan bisha Juun, taas oo lagu go’aamin doono dekedda iyo nooca maalgelin ee loo baahan yahay.”

Isku dayga Donald Trump ee masaafurinta Soomaali oo guul-darreystay + Sababta

Anchorage (Caasimada Online) – Maxkamad federaal ah ayaa xukuntay in Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ay si sharci-darro ah u xirtay qaxooti Soomaaliyeed oo magangelyo doon ah, waxayna amartay in si degdeg ah loo sii daayo. Go’aankan wuxuu muujinayaa khilaafaadka ka dhex jira siyaasadda socdaalka ee Mareykanka.

Roble Ahmed Salad, oo 27 jir ah, ayaa tan iyo 5-tii Febraayo ku xirnaa xabsiga Anchorage ee gobolka Alaska, kadib markii ICE ay qabatay isaga oo qeyb ka ah olole socdaalka lagu adkeynayo oo ka dhacay xilligii maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Kyle Reardon oo ka tirsan maxkamadda federaalka ayaa xukumay in sii haynta Salad ay jabinayso sharciga federaalka, maadaama dowladda aysan caddeyn in Soomaaliya si joogto ah u aqbalayso dadka laga masaafurinayo.

“Dhoofintiisu lama saadaalin karo waqti dhow,” ayuu garsooruhu ku qoray xukunkiisa, isagoo xusay in haddii aan la haynin qorshe rasmi ah oo lagu masaafurinayo, dowladda aysan sharci u haysan in ay xabsiga ku sii hayso. Garsooruhu wuxuu soo jeediyay in maxkamadda gobolka Alaska ay ogolaato sii deyntiisa iyadoo lagu xiro shuruudo kormeer.

Salad oo ku jira xaalad sharci la’aan ah

Salad wuxuu Mareykanka soo galay sanadkii 2022 isaga oo ka soo gudbay xadka Mexico si uu u dalbado magangelyo. Codsigiisa waa la diiday, waxaana maxkamadda socdaalka ay sanadkii 2023 soo saartay amar masaafurin ah. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda amni-darro ee ka jirta Soomaaliya ayaa ka hortagtay in dib loogu celiyo.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa qiray in dalkaasi weli khatar yahay oo aysan suurtagal ahayn in dadka lagu celiyo si khasab ah, taasoo Salad gelisay xaalad sharci la’aan ah.

Kadib sii deyntiisii hore, wuxuu u guuray Anchorage, halkaas oo uu shaqo ka helay xarun daryeel oo lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah. Sidoo kale, wuxuu codsaday Xaaladda KMG ah ee La Ilaaliyo (Temporary Protected Status – TPS), taasoo u ogolaanaysa dadka ka yimid dalal ay ka jiraan dagaallo ama xaalado adag in ay si ku meel gaar ah ugu sii nagaadaan Mareykanka.

Iyadoo weli la sugayo natiijada codsigiisa TPS, ayaa ICE bishan gudaheeda mar kale xirtay Salad, iyagoo ku andacoonaya in Soomaaliya ay hadda si wanaagsan u aqbasho dadka la masaafurinayo, kadib isbeddelladii lagu sameeyay siyaasadda socdaalka ee Trump.

ICE waxay ku dooday in Salad uu weli ku jiro liiska dadka la masaafurinayo, sidaas darteedna ay sharci u leeyihiin xiritaankiisa.

Si kastaba ha ahaatee, garsoore Reardon wuu diiday dooddaas, isagoo xusay in dowladda aysan caddeyn in Soomaaliya ay si joogto ah u aqbali doonto dadka laga soo celinayo. Wuxuu ku dhawaaqay in sii haynta Salad ay tahay sharci-darro, maadaama uusan jirin qorshe cad oo lagu masaafurin karo.

“Sidaa darteed, codsaduhu wuxuu xaq u leeyahay in si degdeg ah loo sii daayo, iyadoo la raacayo xeerar kormeer oo habboon,” ayuu garsooruhu ku xusay xukunka.

Xukunka oo dood abuuray

Kiiska Salad wuxuu soo jiitay dareenka ururrada u dooda xuquuqda muhaajiriinta, kuwaas oo u arka in ICE ay adeegsanayso xeelado xirxirid adag, xitaa gobollada sida Alaska oo aan inta badan lagu arkin hawlgallada waaweyn ee la xiriira socdaalka.

“Xukunkan wuxuu xoojinayaa mabda’ aasaasi ah: dowladda ma hayn karto qof si aan xad lahayn haddii aysan jirin wax suurtagal ka dhigaya in la masaafuriyo,” ayuu yiri mid ka mid ah qareennada Salad.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Anchorage weli kama hadlin haddii uu racfaan ka qaadan doono xukunka. Haddii dowladda ay racfaan qaadato, Salad waxaa laga yaabaa in uu sii ahaado xabsiga ICE inta maxkamadaha sare ay go’aan ka gaaraan.

Hadda, xukunka maxkamadda federaalka waa mid cad: Salad waa in si degdeg ah loo sii daayo, iyadoo la sugayo ansixinta rasmiga ah ee maxkamadda gobolka Alaska.

Farqiga booqashadii Abiy Ahmed uu Xamar ku yimid shalay iyo tii xilliga Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shalay dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu yimid oo wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia, kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Waxay sidoo kale adkeeyeen xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab, iyagoo ku saleynaya is-ixtiraam qaranimo iyo ka fogaanshaha faragelinta arrimaha gudaha ee dal kasta.

Muddoyinkii u dambeeyay, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa u muuqday inay xalliyeen khilaaf u dhexeeyay, kaasi oo ka dhashay heshiis is-afgarad ahaa oo hore u dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.

Booqashadan waa tii labaad ee rasmi ah ee uu Abiy Ahmed ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay. Safarkiisii ugu dambeeyay ee rasmiga ahaa wuxuu ahaa sanadkii 2018, in kasta oo uu marar kale Muqdisho u yimid shirar ay ka mid ahaayeen caleema-saarkii Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022, iyo shir ay Muqdisho ku yeesheen dalalka Bariga Afrika sanadkii 2023. Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa ah tii labaad ee rasmi ah ee uu Abiy Axmed ku tago Muqdisho.

Booqashadan waxay daba socotaa safarkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Janaayo ku tagay Addis Ababa, booqasho lagu gaaray heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan, iskaashi amni oo la xoojiyo, iyo wadahadalladii Ankara oo la sii ambaqaado.

Farqiga booqashadan iyo tii 2018 ee xilligii Farmaajo

Sanadkii 2018, markii uu Abiy Axmed booqday Soomaaliya, waxa uu shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ku sheegay in labada dal ay sameyn doonaan iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh, oo ay ka mid tahay is-dhexgalka bulshada.

Labada hoggaamiye waxay markaas ku dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo dhaqso u hawlgala, si loo fuliyo qodobadii ay ku heshiiyeen. Qodobka 7-aad ee heshiiskaas ayaa ka mid ahaa kuwa ugu muhiimsanaa, isaga oo xusayay in labada dal ay ku heshiiyeen maalgashiga ilaa afar dekedood iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, qodobka 12-aad wuxuu xusayay in labada dal ay si buuxda ugu heshiiyeen ixtiraamka madaxbannaanida, qaranimada, iyo xornimada siyaasadeed ee dal kasta, iyo sidoo kale xoojinta midnimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, heshiisyadii ku saabsanaa maalgashiga dekedaha iyo dhismaha jidadka lama hirgelin.

Booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho waxay kusoo beegantay xilli heshiis laga gaaray tirada ciidamada Midowga Afrika AUSSOM ee ka howlgalaya Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka sii ahaan doona hawlgalkan, kadib markii dowladda Soomaaliya oo markii hore diidaneed ay ugu dambeyn aqbashay inay Itoobiya ka mid ahaato ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

Booqashadan waxay sidoo kale kusoo aadaysaa iyadoo labada dal ay gaareen heshiis lagu xallinayo khilaafaadkii hore, iyagoo isku dayaya inay xoojiyaan xiriirkooda iyo iskaashiga labada dhinac.

Kadib booqashadii Abiy: Arrimo xasaasi ah oo Xasan Sheekh uga baahan jawaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi wada-hadallo kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaatinka Abiy oo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal iyo ka miro-dhalinta wada-hadalladii Ankara, ee labada dowladooda ay ka sameeyeen horumarka, ayaa waxaa imaatinkiisa ka dhashay su’aallo dhowr ah, oo qaarkooda shaki abuurayaan.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore shacabka Soomaaliyeed ugu sheegtay in Itoobiya cadow tahay, balse maanta waa saaxiib, mana bixin dowladdu fasiraad dhameystiran, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waa su’aale; sow shacabkii uu shalay kiciyey kuna abaabulay cadawtinimada Itoobiya xaq uguma laha inuu ka shaafiyo una sharraxo sababta loo aaminayo Itoobiya? Heshiiska uu la galay wuxuu yahay? Iyo waxa laga yeelayo midki ay maamulka Somaliland la gashay?.”

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweynuhu wuxuu si aan kala joogsi lahayn u sheegay bilowgii 2024 in aan Itoobiya la aamini karin, cadow soo jireen ah tahay, dadkana kaga digay in aan lagu kadsoomin, isagoo ciddii la macaamisha ku sifeeyey in ay ku kacday khiyaano qaran.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Ruuxa dal hoggaaminaya dadkiisu waxay ka fishaan in uu ilaaliyo haybadda qaran, xeeriyana caadooyinka dowladnimo ee soo jireenka ah, una dhaqmo si u qalanta xurmada xafiiska uu hayo. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhammaadkii sanadkii 2023 Itoobiya la saxiixday heshiis difaac, isagoo sheegay in ay kala qayb-gelayso duulaankii dhicisoobay ee loo bixiyey “Libaaxii Madoobaa”.

Bilawgii 2024 qaylo-dhaan ayuu qaranka ku soo dhextuuray isagoo marada bitinaya lehna Itoobiya waa cadow, badeenna ayey duullaan ku tahay, wuxuu si aan kala joogsi lahayn u sheegay in aan Itoobiya la aamini karin, cadow soo jireen ah tahay, dadkana kaga digay in aan lagu kadsoomin, isagoo ciddii la macaamisha ku sifeeyey in ay ku kacday khiyaano qaran.

Madaxweynaha, maanta wuxuu inoo sheegayaa in ay Itoobiya walaal tahay, wax kastana iska kaashanayno, waa su’aale; sow shacabkii uu shalay kiciyey kuna abaabulay cadawtinimada Itoobiya xaq uguma laha inuu ka shaafiyo una sharraxo sababta loo aaminayo Itoobiya? Heshiiska uu la galay wuxuu yahay? Iyo waxa laga yeelayo midki ay maamulka Somaliland la gashay? Laba midkood ayuusan madaxweynuhu u yeelaynin;

1- In uu shacabka yaraysanayo, danna ka lahayn waxay ka aaminaan go’aannadiisa is burinaya, maadaama aysan lahayn awood ay kula xisaabtamaan, hay’adihii kale ee dowladdana la dhufaanay.

2- In uusan kala garanaynin farqiga u dhexeeya isaga shaqsiyaddiisa iyo hay’adaha dowladda ee loo wakiishay in uu hoggaamiyo oo uu isku maleeyo in uu isagaba dowladdii yahay.

Waa labo kala daran kii ay tahayba, waxaase la sheegaa in madaxda sidan u dhaqanta uu ku dhaco cudur nafsiyeed iscajabin ah oo qofka ku rida jahwareer shakhsiyadeed oo uu kulansanayo kalsooni xad dhaaf iyo kalsooni la’aan, taasoo uu kaga maarmo talada waxgaradka qaatana go’aanno degdeg ah oo aan ka fiirsi lahayn.

Imaaraadka oo shuruud ku xiray dib u dhiska GAZA

Abu Dhabi (Caasimada Online) – La-taliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, ayaa Arbacadii sheegay in dib-u-dhiska Gaza aanu suurtagal noqon karin haddii aan la helin waddo cad oo lagu gaaro xal laba dowladood oo ay ku heshiiyaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, sida ay werisay Reuters.

Isagoo ka hadlayay shirweynaha maalgashiga Investopia 2025 ee ka qabsoomay Abu Dhabi, Gargash wuxuu carrabka ku adkeeyay in maalgelinta mashruucu uu ku xirnaan doono xasilloonida siyaasadeed.

“Waa caddahay in xasillooni siyaasadeed iyo hannaan qorsheysan ay lama huraan u yihiin hirgelinta maalgashi ballaaran,” ayuu yiri Gargash.

Dowladaha Carabta ayaa ka fiirsanaya qorshe cusub oo ku aaddan Gaza marka dagaalku dhammaado, si ay uga hortagaan hindisaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo la sheegay inuu doonayo in marinka Gaza dib-u-habeyn lagu sameeyo lana hoos geeyo xukunka Mareykanka, taasoo keeni karta barakicinta Falastiiniyiinta—arrin si weyn uga carreysiisay hoggaamiyeyaasha gobolka.

Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta, hindisaha uu hoggaaminayo Masar ayaa laga yaabaa inuu ka koobnaado maalgelin gaareysa illaa $20 bilyan oo laga heli doono waddamada gobolka muddo saddex sano ah.

Masar iyo Urdun ayaa todobaadkii hore shirar kula yeeshay dalalka Khaliijka magaalada Riyadh si ay uga arrinsadaan hindisahan, kahor shir degdeg ah oo lagu qaban doono Masar 4-ta Maarso, kaasoo si gaar ah diiradda loogu saari doono dib-u-dhiska Qaza.

“Waa lagama maarmaan in la helo caddeyn siyaasadeed kahor inta aan la maalgelin balaayiin doolar, si aysan xaaladdu ugu soo noqon khilaaf kale,” ayuu yiri Gargash. “Waxaan u arkaa in mowqifkaasi aad u cad yahay.”

Markii la weydiiyay in qorshaha Trump uu si ula kac ah u kiciyay dowladaha Carabta si ay iyagu qorshe ula yimaadaan, Gargash wuxuu ku jawaabay: “Madaxweyne Trump waa siyaasi wax ka beddela xaalado badan, nidaamka dowladaha Carabtana wuxuu la jaanqaaday caqabaddaas. Waxaan aaminsanahay in taasi ay fursad siisay nidaamka dowladaha Carabta inuu door firfircoon qaato.”

Xaalad adag oo ka taagan qeybo ka mid ah Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 4.4 milyan oo qof ayaa halis gaajo ku wajahaya Soomaaliya bisha Juun, gaar ahaan abaarta awgeed, sida lagu shaaciyay warbixin ay taageerto Qaramada Midoobay.

Tiradaas oo ka dhigan koror hal milyan oo qof ah marka loo eego xaaladda hadda jirta, waxay ka timid Qiimeynta Heerarka Amniga Cuntada ee Isku-dhafan (IPC), oo ah qiimeyn ay taageerto QM.

“Waxaan ka digeynaa xaalad amni cunto oo sii xumaaneysa oo ka jirta dalka,” ayuu yiri afhayeenka xoghayaha guud ee QM, Stephane Dujarric.

Roobabka ka hooseeya heerkii la rabay, qiimaha cuntada oo sarreeya, colaadaha, iyo amni darrada cuntada ayaa horseedi doona tirada 4.4 milyan ah, taasoo ka dhigan 23 boqolkiiba dadweynaha dalka, sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixintu waxay xustay in tiradaas la gaari doono inta u dhaxeysa April iyo Juun.

Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka, waxaana ay la daalaa dhacaysaa tobanaan sano oo dagaal sokeeye ah, kacdoon dhiig badan ku daatay oo ay waddo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo masiibooyin cimilada oo soo noqnoqda.

Warbixinta IPC ayaa sidoo kale lagu qiyaasay in ku dhawaad 1.7 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay la kulmi doonaan nafaqo-xumo ba’an sanadka 2025 (koror afar boqolkiiba ah tan iyo 2024), oo ay ku jiraan 466,000 oo kiis oo nafaqo-xumo ba’an oo aad u daran.

“Abaarta oo sii xumaaneysa, roobabka aan joogtada ahayn, iyo colaadda socota ayaa burburinaya hab-nololeedyada, iyaga oo qoysaska ku riixaya xaalad adag,” ayuu yiri Etienne Peterschmitt, wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee QM (FAO) ee Soomaaliya.

Hay’adda QM ayaa ka jawaabeysa xaaladda iyada oo kordhineysa taageeradeeda wax-soo-saarka beeraha, kor u qaadeysa xalalka cimilada-u-fiican, iyo xoojinta nidaamyada cuntada-beeraha ee adkeysiga leh,” ayuu yiri.

Sida ay sheegtay QM, ku dhawaad lix milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doona gargaar bani’aadannimo sanadka 2025.

Hase yeeshee ayadoo ay jirto maalgelin yaraan joogto ah, baaq la soo saaray dhammaadka Janaayo ayaa ku baaqaya 1.43 bilyan oo doollar si loo taageero kaliya 4.6 milyan oo ka mid ah kuwa ugu nugul.

Kooxda Quint ee ‘Saaxiibada Soomaaliya’ oo wajaheysa jahwareer uu sababay Trump

Washington (Caasimada Online) – Kooxda “Saaxiibbada Soomaaliya” ee loo yaqaan “Quint,” oo ka kooban Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Qadar, ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo 11-kii Oktoobar 2024, markaas oo ay shir ku yeesheen Ankara.

In kasta oo kulan lagu balamay inuu ka dhaco dhammaadkii sannadkii hore magaalada Dooxa, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalbaday in shirka lagu qabto Muqdisho halkii horey loogu qorsheeyay.

Dalabkan waa la oggolaaday, balse bilo badan ayaa laga jooga, mana jiro wax taariikh rasmi ah oo ilaa hadda loo gudbiyay dalalka xubnaha ka ah kooxda Quint, oo ku aaddan qabsoomidda kulanka.

Dib u dhaca shirka waxaa sabab u ah isbeddelka ku yimid hoggaanka Mareykanka, kaddib markii Donald Trump uu xafiiska la wareegay. Maamulka cusub ayaa weli ku kala qeybsan siyaasadda la xiriirta Soomaaliya iyo arrinta midnimada dalka.

Qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha cusub ee Mareykanka, oo uu ka mid yahay J. Peter Pham, ergaygii hore ee gaarka ahaa ee gobolka Harooyinka Waaweyn, lagana filayo inuu hoggaamiyo siyaasadda Afrika, ayaa cadaawad u qaba Soomaalida.

Pham wuxuu si gaar ah u ololeynayey, muddo isaga oo lacag ka qaadanaya, in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado. Hase yeeshee, lama qabaan fikraddiisa xubno kale oo ka tirsan maamulka Trump.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale si hoose ula macaamila, una taageera ololeyaasha madaxbannaanida Somaliland, inkasta oo aanu banaanka soo dhigin, halka UK, inkasta oo aysan ahayn siyaasadda dowladda, ay siyaasiyiin badan taageeraan Somaliland.

Labada dal ee kaliya ee ku jira kooxda, ee si buuxda uga go’an tahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya waa Turkiga iyo Qadar.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii ugu dambeeyey kooxda oo ka dhacay Washington, ayaa bayaan ka soo baxay waxa uu si cad u muujiyay sida beesha caalamku ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka Soomaaliya, iyada oo diiradda la saarayo arrimaha amniga gobolka.

“Xulafada Quint ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya. Iyaga oo la jaan-qaadaya himiladan, waxay garab istaageen dadaallada dowladda federaalka ee lagu dhisayo ciidan xirfad leh, hufan, oo lala xisaabtami karo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Taageeradan ayaa lagama maarmaan u ah Soomaaliya, maadaama ay weli la tacaaleyso halista ay kooxaha argagixisada ahi ku hayaan amniga dalka iyo gobolka. Isku-dubaridka tababarada caalamiga ah ee ciidamada Soomaaliya ayaa muhiim u noqon doona in la xoojiyo awooddooda hawlgal, taasoo sii xoojinaysa kartida dalka ee sugidda amnigiisa muddada fog.”