26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Somalia-Ethiopia thaw: How Abiy’s visit reshapes the region?

Mogadishu, Somalia – Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed arrived in Mogadishu on Thursday for an official visit to meet with Somali President Hassan Sheikh Mohamud. The visit follows President Mohamud’s unexpected trip to Addis Ababa last month and signals a potential thaw in diplomatic relations between the two nations.

The talks come in the wake of the December 2024 Ankara Declaration, which ended a year-long political standoff triggered by Ethiopia’s controversial memorandum of understanding (MoU) with Somaliland.

Many analysts view Abiy’s visit as a critical step toward restoring diplomatic ties between Somalia and Ethiopia, which have remained strained since January 2024.

“We held in-depth discussions on key issues, including peace and security, economic cooperation, diplomacy, and joint infrastructure development. The Horn of Africa is rich in natural resources—fertile land, clean water, and a vast labor force. However, achieving economic self-sufficiency remains challenging,” Abiy stated in a social media post.

“This makes regional integration essential to realizing our shared aspirations. Our region has immense potential that can only be fully harnessed through cooperation. We cannot develop in isolation, but together, we can thrive. A regional approach and collaboration are imperative, and we are ready to work with Somalia to turn this vision into reality.”

The visit marks a tangible step toward implementing the Ankara Agreement and signals Ethiopia’s gradual retreat from its contentious MoU with Somaliland. This shift aligns with the stance of Somaliland’s newly elected leadership, which has shown little interest in implementing the agreement.

Meanwhile, Somalia has reversed its opposition to Ethiopia’s participation in the African Union’s peacekeeping mission in Somalia.

This week, it was announced that Ethiopian troops would officially join the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), which was launched last month.

Major diplomatic realignment in the region

Political analysts see these developments as part of a broader realignment in the Horn of Africa’s diplomatic landscape, particularly following the collapse of the Somalia-Eritrea-Egypt alliance.

According to experts, the formation and dissolution of political alliances in the Horn of Africa are recurring patterns.

“Interstate relations in the Horn have always been fluid—sometimes allies, sometimes rivals. The only relatively stable relationship has been between Ethiopia and Kenya. Similarly, Ethiopia’s ties with Djibouti and South Sudan have remained steady. However, Ethiopia’s relationships with Sudan, Eritrea, and Somalia have fluctuated over time,” said Dr. Constantinos Berhutesfa, a former African Union official and regional analyst.

He argues that the rapprochement between Mogadishu and Addis Ababa stems from the Ankara Agreement and Somaliland’s ambiguous stance on the MoU.

Somaliland’s new president, Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro), previously announced that his administration would review the agreement. This has allowed Ethiopia to quietly distance itself from the deal, which escalated regional tensions last year.

Additionally, this diplomatic shift weakens Egypt’s strategy of isolating Ethiopia through Sudan and its military engagement in Somalia.

Ethiopia-Eritrea tensions looming

Despite Ethiopia’s warming ties with Somalia, regional analysts warn that deteriorating relations between Ethiopia and Eritrea could fuel new tensions. Since Ethiopia reestablished ties with Somalia, concerns have grown that Eritrea may feel sidelined.

“The Ethiopia-Somalia rapprochement is a positive development, but Eritrea might see it as a setback. Before this new understanding, Somalia was part of a tripartite alliance with Egypt and Eritrea, signed in October 2024. Now, Somalia is aligning with Ethiopia, effectively dismantling the Asmara Agreement,” said Constantinos.

He added, “The key question now is: Can Somalia maintain stability? Given their previous efforts to isolate Ethiopia, how will Egypt and Eritrea react? Will they provide support to Al-Shabaab? Will they actively work to destabilize Somalia?”

Recently, the United States conducted airstrikes targeting Al-Shabaab bases in Somalia, underscoring Washington’s continued involvement in regional security affairs.

Ethiopia’s diplomatic rebuilding efforts

Despite its rapprochement with Somalia, Ethiopia still faces diplomatic challenges, including ongoing tensions with Egypt over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) and persistent security concerns. The fallout from the Somaliland MoU significantly damaged Ethiopia’s international standing.

Constantinos suggested that Ethiopia take the lead in organizing an international conference focused on regional peace and security.

“With the new African Union chairperson hailing from the Horn of Africa, he could facilitate such a summit. Ethiopia must prioritize convening a high-level peace and security conference. This could lay the groundwork for stronger regional integration,” he said.

He also noted that Kenya is positioning itself to fill Ethiopia’s traditional role in regional stabilization, as evidenced by its recent peacekeeping operations along its border with Ethiopia.

“This should be Ethiopia’s role,” Constantinos asserted, highlighting that Addis Ababa is home to the African Union (AU), the Economic Commission for Africa (ECA), and over 120 embassies and international organizations—making it the continent’s diplomatic hub.

“It is time for Ethiopia to reclaim its leadership role in the region,” he concluded, emphasizing that a well-organized international summit could help rebuild Ethiopia’s global standing while addressing the region’s pressing security challenges.

DF oo xirtay Weriye Cali Aadan kuna eedeysay labo kiis oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa caawa xabsiga dhigay Weriye Cali Aadan Muumin oo kamid ah weriyaasha ugu caansan caasimadda Muqdisho.

Taliyaha qeybta guud ee booliska Gobolka Mahdi Cumar Muumin ayaa xaqiijiyey inay xireen Weriye Cali Aadan, isagoo ku eedeeyey ‘qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed.’

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar-Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Booliska ayaa qoraalkaan ku sheegay in Cali Aadan la horgey doono Maxkamadda awooda u leh.

“Muwaadiinta Soomaaliyeed waxaa la faray in aysan qeyb ka noqonin qalqal galinta Amniga iyo faafinta wararka been abuurka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Cali Aadan Muumin ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliilayey dowladda federaalka, isagoo ka hadkayey waxyaabaha ay ka gaabiyeen madaxda dowladda federaalka.

Sidoo kale dagaallada Al-Shabaab ee ka socda HirShabeelle ayuu aad wax uga qoray Cali Aadan maalmihii lasoo dhaafay.

Waxyaabaha uu Cali Aadan qoray ee la xasuusto waxaa kamid ah in caasimadda HirShabeelle ee Jowhar ay gashay go’doon, halisna ay ugu jirto la qabsado.

Dhinaca kale, markii la shaaciyey xarigga Weriye Cali Aadan kadib, waxaa is qabsatay hadal-heyn ku saabsan in Cali aan la xirin oo jiliin uu wado Macalin Mahdi, maadaama ay labada nin qaraabo yihiin.

Saaxiibada Social Mediaha ee Weriye Cali Aadan ayaa baraha bulshada ku faafinaya warar sheegaya in Macalin Mahdi uu afur ugu yeeray Cali Aadan, kadibna uu xiray markii uu ugu tegay gurigiisa.

Xogta dagaal soo bilowday xalay oo ka socda Biyacadde iyo Al-Shabaab oo la go’doomiyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo u dhow magaalada Jowhar waxaa caawa soo gaaray dagaal soo bilowday xalay 4:00 AM, xiligii Saxuurta, waxaana soo weerartay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay toos u beegsadeen xero militeri oo ku taalla duleedka magaalada, halkaas oo urur ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu deganaa, waxaana is difaacay ciidankii joogay xeradaas.

Kooxda waxaa u suurtageli weysay inay u soo dhawaato xerada, waxayna aadeen dhanka magaalada, balse mar kale ayaa lagu weeraray gudaha magaalada, laguna hareereeyey, waxayna fuuleen Masjid weyn oo seddax dabaq ah, halkaas oo toos ay uga dagaalamayaan ayagana lagu go’doomiyey.

Maleeshiyaad badan ayaa kooxda maanta looga laayey dagaalka Biyacadde, caawana wuxuu gabalku dhacay iyagoo ku go’doonsan, laakiin si adag uga dhex dagaalamaya Masjidka weyn ee magaalada.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo jiho kasta ka soo gurmaday ayaa kooxda ku hareereeyey magaalada, saraakiisha hoggaamineysa dagaalka Biyacadde ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshahoodu yahay inay laayaan Al-Shabaab-ka soo weeraray magaalada.

200 oo dagaalame ayay Al-Shabaab xalay u soo direen Biyacadde si ay u qabsadaan, gurmad kalena uma imaan, iyadoo kala bar la laayey, sid ay saraakiishu noo sheegeen.

Ugu yaraan 15 gaari oo 10 kamid ah ay Noohooyin dagaalamayaasha lagu soo qaaday yihiin, inta kalena kuwa dagaalka yihiin ayey Al-Shabaab ku soo weerareen deegaanka Biyacadde, waxaana halkaas ka dhacay mid kamid ah dagaaladii ugu qaraaraa.

Qeybo badan oo kamid ah magaalada ayuu maanta dab-qabsaday oo gobtay, dadkii magaalada ayaa isaga cararay xaafadahooda, jaga Biyacadde wuxuu maanta ahaa mid kulul, dadkii shacabka ahaa oo Sooman ayaa isaga cararay dhulka howdka ah, halka ciidamaduna ay galeen mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa, kaas oo weli socda.

Wixii ka soo kordha dagaalka Biyacadde kala soco Caasimada Online.

Daawo: Senator lagu waayay magaalada Kismaayo oo la baafinayo 4 bilood kadib

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa muddo ku dhow afar bilood oo xiriir ah lagu la’yahay Kismaayo Senator Ilyaas Bedeel Gaboose oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, kaas oo isaga oo ahaa musharrax madaxweyne Jubbaland lagu xiray gudaha magaaldaasi.

Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa maanta Senatorka ka dhex baafisay baarlamaanka, waxayna sheegtay inuu ku dhex maqan yahay magaalada Kismaayo oo fadhi KMG u ah maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ee Jubbaland.

“Xildhibaan ayaa 4 bilood lagu la’yahay magaalada Kismaayo waa Ilyaas Gaboose, isaga oo musharrax ah ayuu meesha tegay raadsanayo madaxweyne ma dhihi karnaa sababo la xiriira arrintaas in xildhibaanka tega meeshaas inuu nabad kusoo noqono iyo inuu kusoo noqoneynin sababo amnigooda la xiriira inay u xanibtay hay’adda NISA” ayay tiri Qaali Cali Shire.

Sidoo kale waxaa arrintan si kulul uga hadlay Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo isna shir jaraa’iid qabtay, wuxuuna sheegay in Ilyaas Gaboose uu u afduuban yahay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland, uuna ugu xiran yahay magaalada Kismaayo.

“Waxaa rabnaa in laga hadlo xoriyadda Senator Ilyaas Gaboose oo runtii saddex bilood ka badan xabsi guri ugu jira hoggaamiyihii hore ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, taas oo ah mid ku xadgubeysa xoriyadda Senatorka iyo tan muwaadinka Soomaaliyeed” ayuu yiri Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo ka tirsan Aqalka Sare.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in iyaga oo 14 Senator ah ay keeneen mooshin looga hadlayo xaaladda uu ku sugan Senator Gaboose, balse waxa uu tilmaamay inuu diiday guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare wuxuu si ku takrifal awoodeed ah noogu diiday in aan usoo jeedino in maanta golaha looga hadlo sidii xoriyaddiisa loogu soo celin lahaa Senatorka” ayuu mar kale yiri Cabdiweli Garyare.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa ayaan darro wayn arrinta uu maanta ku kacay guddoomiyuhu, mana ka hari doono illaa xoriyaddiisa helo Senator Ilyaas, loogana soo saari lahaa gacanta cadowga”.

Xildhibaan Firimbi oo qaaday tallaabo kale oo caro abuurtay – Muxuu sameeyay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda mucaaradka ah ayaa mar kale maanta buuq ka sameeyay xarunta baarlamaanka, xilli laga doodayay mooshin ay xildhibaannada kasoo jeedo Jubbaland horgeeyeen golaha, kaas oo looga hadlayay xayiraadda saaran Kismaayo.

Xildhibaanka oo hadal ka jeediyay fadhiga maanta ayaa barakacayaal ku tilmaamay xildhibaannada kasoo jeedo Somaliland, arrintaas oo durbo abuurtay caro xooggan.

Xildhibaan Gobsan oo kasoo jeedo Hargeysa ayaa ka daba qaadatay Makarafoonka, waxayna si caro leh ugu jawaabtay xildhibaan Xasan Yare, iyada oo ku goodisay inay la dagaalami doonto cid kasta oo golaha dhexdeeda uga xad-gudubta deegaankeeda.

“Somaliland wax ay ku suntan tahay anaa idin sheegaayo ee labada dhagood furo waxaana kuu sheegayaa aniga iyo adiga farqiga inoo dhexeeyo waxaan ku suntanahay midnimada. Ogow Xasanow Somaliland la’aanteed midnimo kama jireyso Soomaaliya” ayay tiri xildhibaan Gobsan oo si weyn uga carootay hadalka xildhibaanka.

Sidoo kale waxa ay raacisay “Nafar dambe oo san ku neefla ah oo halkan imaada, kuna xadgudba Somaliland dhaar waxaan ku maray inaan shan shan ugu taakeeyo”.

Intaas kadib waxaa hadalka kusoo noqday xildhibaan Xasan Yare oo raalligelin buuxda ka bixiyay hadalka kasoo yeeray ee buuqa ka dhex abuuray Golaha Shacabka.

“Xildhibaannada sharafta leh ee meesha fadhiyo waxaan rabaa hortiina wixii hadal ahaa ee erayga barakac ahaa xildhibaannada qaarkood oo saaxibadey waan ka raalligelinayaa si Public ah” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare oo mar kale hadalka qaatay.

Horay xildhibaankan ayaa u feeray mid kamid ah saraakiisha Booliska ee ka howlgala xarunta baarlamaanka, kadib markii ay askarta soo dhex-galeen xildhibaannada dhexdooda oo isku qabtay arrimo la xariiray doorashooyinka dalka iyo dastuurka.

Cali Balcad oo shaaciyey cidda diiday warqaddii Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa beeniyay in wasaaraddiisu ay sabab u tahay diidmada warqadda habraaca dalbashada fiisaha dalka Koonfur Afrika. Wuxuu caddeeyay in warqaddii ay u direen Dowladda Koonfur Afrika ay dib ugu soo celisay wasaaradda.

Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ka weydiisay wafdiga Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, iyo cidda rasmi ahaan u casuuntay dalkaas.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa su’aal ka keentay sida Ra’iisul Wasaare hore uu u hoggaamin karo wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno, iyada oo aysan jirin warqad casuumaad rasmi ah oo dowladeed. Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cali Balcad wuxuu qiray in Xildhibaan Cabdullaahi Carab uu mar kale la xiriiray mas’uuliyiinta, una sheegay inuu ku safrayo baasaboorka Soomaaliga, taasoo fududeysay in fiisaha loo soo saaro.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa war qoraal ah oo uu ku daabacay bartiisa Facebook kaga jawaabay hadalka Wasiir Cali Balcad, wuxuuna yiri: “Waxaan ognahay oo kaliya in Wasiir Cali Balcad uu si shaqsi ah u hor istaagay warqaddaas, diidayna in ay ka gudubto kaydka (Archive) Wasaaradda Arrimaha Dibadda.”

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Markii aan xaqiiqsannay in warqadda la hor istaagay, waqtiguna nagu socday, ayaan u maray guddoonka Baarlamaanka sida xildhibaannada kale si aan fiisaha u qaato. Wafdiga qayb ka mid ahna ma suurtagelin inay safraan, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare hore Rooble.”

Dhinaca kale, Rooble oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibbadiis ay saameysay dhacdadan, balse ay la xisaabtami doonaan marka uu dib u soo laabto.

“Nin ciid kugu rogay, calooshiisa ku tusay. Markaan dalka imaado, ayaan la xisaabtami kuwa dadka u dowladaynaya ee na hor istaagay,” ayuu yiri Rooble.

Rooble oo aan horey loogu baran hadallo kulul ayaa markan si adag uga hadlay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka, wuxuuna uga digay inuu ku dhaqaaqo wixii uu shalay ka diiday Farmaajo markii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa.

“Wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay, ayaan rabaa inaan maanta walaalkey Madaxweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego, taasoo ah in wax loo dhan yahay la wada helo. Waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.

Sawirro: Xaruntii shanaad ee suuqa Hayat Market oo Muqdisho laga furay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad lagu furayay xarunta shanaad ee Suuqa Hayat Market ayaa ka dhacday xarunta suuqa oo ku taalla xaafadda Cali Kamiin, degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare, xildhibaanno, wasiirro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maamulka Hayat Market ayaa warbixin ka bixiyay suuqa, iyagoo xusay in dhismaha iyo qalabaynta suuqan ay soo socotay muddo dheer. Waxay tilmaameen in Hayat Market uu yahay suuq casri ah oo laga heli karo dhammaan adeegyadii iyo agabkii loo baahnaa.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed, ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo u mahadceliyay intii ka shaqeysay furitaanka suuqa. Wuxuu u duceeyay ganacsatada suuqan leh, isagoo Allaah uga baryay in uu xoolahooda barakeeyo.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Galambi, oo isna hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in suuqan uu fursad u furayo in Soomaaliya ay la jaan-qaado suuqyada casriga ah ee caalamka. Wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyay in ay ka qeyb qaataan horumarinta dalka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, oo iyana ka hadashay xafladda, ayaa u mahadcelisay ganacsatada furay xarunta shanaad ee Hayat Market. Waxay sheegtay in furitaanka suuqan uu calaamad u yahay sida ay Soomaaliya ugu tallaabsaneyso horumar iyo nabadgelyo.

Sidoo kale, xildhibaanada Gobsan, Khaliif Cabdi Cumar, iyo guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Seynab Xaabsey, ayaa bogaadiyay ganacsatada shirkadda Hayat Market, iyagoo xusay dadaalka ay galeen si ay u hirgeliyaan suuqan. Waxay ugu hambalyeeyeen guusha ay gaareen inkastoo ay la soo kulmeen caqabado badan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay sare u qaadeyso bilicda caasimadda, isla markaana ay shaqo u abuurtay dhalinyaro badan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray suuqa. Wuxuu xusay in dowladda ay soo dhaweynayso furitaanka suuqyada casriga ah sida Hayat Market, isagoo bogaadiyay ganacsatada maalgashanaya dalka.

“Jidkan Hayat Market laga furay, gaari xaajiyad ah ayaan ku mari jiray, xasuus baan galay. Aniga Hayat waan ku horreeyay, oo waxaan kala soo billaabay bilowgii,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

War culus oo kasoo kordhay kiiska Cabdi Wabiir

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – War cusub oo xasaasi ah ayaa kasoo kordhay kiiska hoggaamiyihii Macawiisleyda deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Maxamed Suubiye oo ku magac dheer (Cabdi Wabiir).

Ninkan oo muuqaalkiisu baraha bulshada qabsaday isagoo sharaxaya sidii Khawaarijta ay isaga difaaceen, uguna laayeen deegaanka, iyagoo saaran Masjid ayaa haddane waxyar waxaa la arkay ninkii oo u gacan galay kooxda, muuqaal kalena laga soo duubay, taas oo dhalilay hadal-heyn iyo shaki xooggan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo farogeliyay kiiska Cabdi Wabiir oo haatan xiran, wuxuuna sheegay in uu ku jiro gacan ammaan ah.

Shuute ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in baaris lagu hayo ninkan, maadaama mugdi badan uu ku jiro kiiskiisa, isagoo tilmaamay in la deyn doono haddii aanu dambi yeelan.

“Cabdi Wabiir iyo arrintiisa anaga waxa uu inoo ahaa nin idinka mid ah oo dagaalamaya oo halgamaya oo diidan dhibaatada ayuu inoo ahaa waana inoo yahay ilaa hadda, waala baarayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute).

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii sida aan ku naqaanay uu noqdo halyeygiisa ayuu inoo ahaanaa, haddii kitaabkiisa uu dhaqmay sida oo dhinaca kale kasoo jeystay sida uu u camal falay ayaa loo camal falaa.”

Cabdi Maxamuud Suubiye (Cabdi Wabiir) wuxuu ahaa oday geesi ah oo laga yaqaan deegaankaas, waxaa laga dhigay hoggaamiyaha macawiisleyda deegaanka Cali Axmed, waxaana halkaas uga warqabtay dowladda oo lacag iyo rasaas-ba sii jirtay.

Hase ahaatee, Khawaarijta ayaa dhowaan baahisay muuqaal laga duubay isagaoo gacanta ku haysta marada madow ee calanka u ah argagixisada, sheegayana in Al-Shabaab uu isku dhiibay, wuxuuna ugu baaqay saaxiibadiis inay argagixisada isku dhiibaan, taas oo noqotay arrin aad loola yaabay.

Si kastaba, kiis kan lamid ah wuxuu dhowr bilood ka hor ka dhacay aagga Xarardheere, halkaas oo nin oday ah oo qori Seban ah wata lagu soo bandhigay, kaas oo ka tirsanaa macawiisleyda, una muuqday nin uu daacad ka yahay dagaalka Khawaarijta, ilaa uu gaaray heer la isku qabsaday reerka uu yahay oo baraha bulshada aad loogu faafiyey.

Biyo-Cadde oo gubaneyso iyo dagaal culus oo ka socda

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay deegaanka Biyo-Cadde oo qaybo kamid ah ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in goordhow uu dib qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayo dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo qaybo kamid ah magaalada oo gubaneyso, kadib markii ay qaraxyo ku xireen maleeshiyaadka argagixisada.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa isku sii ballaarinayo Biyo-Cadde, kuwaas oo ku guda jiro sidii magaalada looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale dagaalladan barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu garaacayo aagga ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo jabiyo.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana sidoo kale jiro burbur xoogan oo ay argagixisada u gaystay deegaankan oo horay looga xoreeyay, balse ay dib ugu soo laabatay.

Xaaladda ayaa aad u cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka ku dhex-maraya deegaanka Biyo-Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka fuliyeen weeraro ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab gudaha usoo gashay degmada Balcad oo qiyaastii illaa 35 KM u jirta magaalada Muqdisho, kadib saacado kooban oo ay magaaladaasi haysteeen maleeshiyaadka Khawaarijta, haddane dib looga saaray.

Golaha Ammaanka oo dib u cusbooneysiiyey qaraarka cunaqabateynta Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay Xeerka 2775 (2025), kaas oo dib u cusboonaysiinaya tallaabooyinka lagu xakameynayo badeecooyinka sharci-darrada ah ee la xiriira cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Xeerkan wuxuu ujeedadiisu tahay in la joojiyo tahriibinta sharci-darrada ah ee hubka iyo qalabka ciidan ee loo gudbiyo Al-Shabaab, wuxuuna ka hortagayaa dhoofinta dhuxusha sharci-darrada ah, taasoo ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn ee kooxda argagixisada ah.

Iyadoo la raacayo Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood wuxuu mar kale xaqiijiyay in falalka Al-Shabaab—oo ay ka mid yihiin weerarrada argagixisada iyo dadaallada xasilooni-darrada—ay halis weyn ku yihiin nabadda iyo amniga caalamka.

Xeerkan waxa uu dib u cusboonaysiiyay oo xoojiyay qodobadii horey loogu dejiyay Xeerka 2182 (2014), kuwaas oo markii dambe la sii adkeeyay Xeerarka 2607 (2021) iyo 2762 (2024). Tallaabooyinkan cusub waxay sii jiri doonaan ilaa 3-da Maarso 2025.

Xoojinta kormeerka badaha

Xeerka cusub wuxuu dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay awood u siinayaa inay baaraan maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya, Badda Carabta, iyo Gacanka Faaris, haddii ay jirto sabab macquul ah oo lagu tuhmi karo in maraakiibtaasi wadaan hub, qalab ciidan, ama agab loo adeegsan karo qaraxyada macmalka ah (IED) oo loo waday Al-Shabaab.

Sidoo kale, xeerkan wuxuu awood siinayaa dowladaha inay qabtaan oo ay burburiyaan wax kasta oo sharci-darro ah oo lagu helo baaritaannada, sida hubka, rasaasta, iyo dhuxusha la mamnuucay.

Ganacsiga dhuxusha sharci-darrada ah ayaa noqday il dhaqaale oo weyn oo Al-Shabaab ka hesho malaayiin doollar sannad kasta, iyagoo si qarsoodi ah dhuxusha ugu dhoofiya Bariga Dhexe iyo meelo kale oo caalamka ah.

Si loo wiiqo dhaqaale-siinta kooxda, xeerka cusub wuxuu oggolaanayaa in dhuxusha la qabto dib loo iibiyo iyadoo ay kormeereyso Qaramada Midoobay, taasoo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee Al-Shabaab.

Go’aanka Golaha Ammaanka wuxuu muujinayaa sida ay beesha caalamku uga go’an tahay xasilloonida Soomaaliya, oo in ka badan toban sano la daalaa-dhaceysay kacdoon argagixiso iyo caqabado amni.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AU) iyo xulafada caalamiga ah, waxay sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab si dib loogu soo celiyo dhulalka istiraatiijiga ah loona wiiqo awoodda kooxda.

Inkasta oo la qaaday tallaabooyin militari iyo kuwo ka hortag argagixiso, Al-Shabaab weli waxay adeegsataa marinnada ganacsiga sharci-darrada ah, taasoo ka dhigaysa fulinta cunaqabateynta hubka iyo howlaha kormeerka badaha mid muhiim ah si loo gooyo silsiladda sahayda kooxda.

Go’aanka Qaramada Midoobay wuxuu kusoo beegmayaa xilli Soomaaliya ay dardargelinayso dib-u-habeynta waaxda amniga, iyada oo qorsheyneysa in mas’uuliyadda amniga dalka laga wareejiyo ciidanka nabad ilaalinta ee caalamiga ah loona wareejiyo ciidamada qaranka.

Xeerkan wuxuu xoojinayaa madaxbannaanida Soomaaliya iyo dadaallada muddada-dheer ee amniga, isagoo muujinaya taageerada caalamka ee la dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan ee gobolka.

Istiraatiijiyad ballaaran oo ka hortag ah argagixisada

Dib-u-ansixinta Golaha Ammaanka waxay la jaanqaadaysaa dadaallada caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan iskaashiga gobolka ee dalalka Geeska Afrika, Midowga Afrika, iyo waddamada Khaliijka.

Adkaynta amniga badaha iyo burburinta ilo-dhaqaaleedka kooxaha argagixisada, xeerkan wuxuu gacan ka geysanayaa xasilloonida, nabadda, iyo koboca dhaqaale ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Go’aankan wuxuu caddeynayaa in beesha caalamku ay si weyn uga go’an tahay xasilloonida Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu curyaaminayo awoodda Al-Shabaab ee ay u adeegsanayso ganacsiga sharci-darrada ah si ay u sii waddo falalkeeda rabshadaha wata.

Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland oo mooshin geeyay BF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta la geeyay mooshin culus oo ku saabsan xaaladda Jubbaland, kaas oo ay saxiixeen Xildhibaanno kasoo jeedo maamulkaasi iyo kuwa kale oo u badan dhanka mucaaradka.

Mooshinka oo kusoo aaday xilli xasaas ah ayaa ah mid ka dhan ah dhibaatooyin ay Xildhibaannadu sheegeen in ay ku qabaan dhinaca safarka, gaar ahaan Jubbaland.

Xildhibaannada gudbiyay mooshinka oo la shaaciyay magacyadooda ayaa guddoonka ka codsaday in ajendaha lagu soo daro soo jeedintooda, kadibna sidaas ayaa looga dooday.

“Annaga oo ka duuleyno xad-gudubyada loo gaystay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xildibaannada si waafaqsan qodobka 25-aad, faqraddiisa 3-aad xarfaha B iyo E ee xeer-hoosaadka golaha shacabka waxaan soo jeedineynaa in lagu daro ajendaha in wax la’iska waydiiyo ku tumashada qodobada dastuurka iyo xasaanadda xildhibaannada” ayay yiraahdeen Xildhibaannada mooshinka gudbiyay oo u badan kuwa mucaaradka.

Sidoo kale Xildibaannada mooshinka geeyay golaha ayaa guddoonka ka dalbaday in Baarlamaanka uu soo saaro qaraar arrintan looga hortegayo, si aysan mar kale u dhicin in la hor istaago safarka Xildhibaannada Soomaaliyeed ee Baarlamaanka dalka.

“Waxaan mudane guddoomiye codsaneynaa in qaraar Baarlamaani ah soo baxo oo xayiraadda lagaga qaado Xildhibaannada iyo shacabka” ayaa lasii raaciyay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha gudbiyay mooshinka ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay ku tumatay xuquuda shacabka iyo Xildhibaannada.

“Waxaad arkaysaa diyaarad la handadayo oo la leeyahay Xildhibaan Jeesoow ha soo qaadina, DFS waa ka dartay waxayna ku tumatay sharcigii xuquuqda muwaadinka ama xildhibaanka uu lahaa”. ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo wax ka gudbiyay mooshinka.

Si kastaba, Todobaadkii hore Dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagan safarkaasi.

Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyay duleedka Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa kasoo korortay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen duleedka magaaladaasi.

Maleeshiyaadka kooxda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay deegaano u dhow magaalada, taas oo keentay in cabsi ay dareemaan dadka deegaanka.

Xubnaha Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay isku uruursanaayeen aaggaasi, iyaga oo durbo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay tuulooyin hoostaga Jowhar, taas oo keentay xaalad horleh iyo in la dareemo cabsi la xiriirta ammaanka.

Sidoo kale waxaa iyaguna dhaq-dhaqaaqyo xooggan bilaabay ciidamada dowladda iyo daraawiishta HirShabelle oo adkeeyay amniga waddooyinka laga soo galo caasimada, si looga hortago haddii ay weerar soo qaadaan xubnaha soo qul-qulaya ee Al-Shabaab.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay dhinaca maamulka HirShabelle oo ku aadan xaalada soo korortay iyo abaabulka Al-Shabaab ay ka wadaan halkaasi.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka fuliyeen weeraro ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab gudaha u gashay degmada Balcad oo qiyaastii 35 KM u jirta magaalada Muqdisho, kadib saacado kooban oo ay magaaladaasi haysteeen maleeshiyaadka Khawaarijta haddane dib looga saaray.

Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday guddiga doorashooyinka qaranka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo bixiyey wareysi dheer ayaa si faah-faahsan uga hadlay arrimaha doorashooyinka ee dhaliyay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Axme Madoobe ayaa shaaca ka qaaday doorashada ay afduuban tahay Villa Soomaaliya, isla markaana ay kamid ahayd waxyaabihii keenay inuu ka baxo Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland ayaa ka horyimid dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, isaga oo sheegay in wax kalsooni ah aanu ku qabin guddiga ay magacowday dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hadda kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo aad u wayn.

Axmed ayaa xusay in guddiga lasoo magacaabay laga keenay Cabdalle Shideeyaha  Bakaaro, isla markaana aynan ka shaqeyn doonin dan qaran, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwa guddiga ah dhexdooda ayaa is og in aanay wax sharciyad ah lahayn, waa Cabdalle Shideeye waxa ay wadaan ma ahan wax Soomaali leedahay. Waa wax ay shirkadi leedahay,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa la weydiiyey metelaada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna sheegay inuu yahay nin ku biiray shirkad uu maamulo Xasan Sheekh oo ku cayaareysa dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Villa Soomaliya ay dardar-gelineyso qorshaheeda ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka, xilli ay diidan yihiin Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha dalka.

Dhib, dhagar iyo dheef: Safarkii Abiy ee Muqdisho!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Socdaalkii halka maalin ahaa ee Abiye Ahmed ku tegay Muqdisho ayaa keenay hadal hayn ku aaddan waxa ay Dowladda Federaalka ah lumisay ama heshay. Sidoo kale waxaa ka dhashay isweydiimo dhawr ah oo u baahan in laga jawaabo.

Sababta ugu weyn ee keentay in wax la iska waydiiyo hoggaamiye dal oo Soomaaliya booqanaya dhib iyo dheefka ay tahay, in kasta oo Soomaaliya u baahan tahay madax sare soo booqata, haddana shaqsiga yimid iyo xilliga uu soo booqday Muqdisho ayaa dhaliyey hadal haynta.

Maxaa keenay walaaca ay qabaan qayb ka mid ah Soomaalida?

Muddadii ay soo kabashada ku jirtay Soomaaliya, marna masoo marin dagaal siyaasadeed ku dhisan damaca ah in dhulkooda la qaato, inkastoo duullaankii TPLF ee Meles Zenawi garwadeenka ka ahaa uu ahaa dagaal wakaaladeed oo reer Galbeedku dagaal ka riixayeen.

Heshiiskii Abiy ee uu la galay Somaliland ayaa noqday mid dadka Soomaaliyeed ay si feejigan uga gilgishaan, waxayna keentay in Soomaalidu aysan aamin mar dambe Itoobiya.

Walaaca ugu badan waxaa keenay laba qodob. Kow, jidkii dagaal ee ay jeexeen madaxda Dowladda Federaalka oo jeediyay hadalladii ugu adkaa ee fagaare iyo faqba lagu gudbiyo, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed loogu sheegayo in cadowgooda Itoobiya ay iska celinayaan, dalkooda ka difaacayaan, taariikhdoodana ilaashaadaan.

Haddii waqtigan heshiis la qaatay, shacabka looma sheegin waxa dhabta ah ee lagu heshiiyey, mana jirin hannuunin qaran oo ka timid madaxda dalka.

Tan labaad waa sooyaalka taariikheed. Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa ka dhaxeeya loollan taariikheed oo ku dhisan damac iyo dhul-boob, tan waa midda markasta shacabku ay dhegta u taagayaan.

Haddaba in khilaafka meesha laga saaro yaa dheeftiisa qaatay?

Si kooban dal nugul oo sida Soomaaliya ah oo kale uma fiicna inay galaan khilaaf dheer, maadaama waxa ay nabaddu ku weyn karto ay ka badan tahay waxa kaga lumaya dagaalka iyo khilaafka.

In la soo afmeero khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa xilligan dhibcaha sare qaatay dhanka Soomaaliya, waxaana Muqdisho ay maanta haystaa; in khilaafkii dhammaaday, lagu heshiiyey qodobo la isku raacsan yahay, Itoobiya la macaamilayso Dowladda Federaalka iyo in damaanad qaad buuxa oo heshiiska ah jiro. Tan waa faa’iido aysan Soomaaliya helin muddooyinkii ugu dambeeyey.

In kasta oo dad badani qabaan in joogista Ciidanka Itoobiya ay tahay guul weyn oo gaartay Addis Ababa, haddana waxaa la ilaawi karin in markii ugu horraysay ay Soomaaliya imaan karaan ciidan Masaari ah oo ku yimid khilaafka kuwaas oo ahaa waxa ugu weyn oo Itoobiya ka dagaallamaysay.

Marka aan isbarbardhigno walaaca ka dhashay dhammaynta khilaafka iyo miraha kasoo baxay oo ah waxa waaraya, laguna heshiiyey, sida muuqata waa dheeftii heshiiska qaatay Soomaaliya.

Hase ahaatee, fasiraad-xummada hoggaanka dalka iyo maqnaanshaha xiriirka ka dhaxeeya shacabka iyo fariimaha dowladda ayaa laga yaabaa in xagal daaciyaan guushan diblumaasiyadeed oo ay gaartay dowladdu.

Isha: SomaliStream.com

Sharaxaad: Muxuu yahay fiisaha cusub ee lagu geli karo Mareykanka ee ‘Gold Card’?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa qorsheynaya barnaamij cusub oo fiisa ah oo loogu magac daray “Gold Card”, kaas oo maal-qabeennada u ogolaanaya waddo ay ku heli karaan dhalashada Mareykanka iyagoo bixinaya $5 milyan.

Barnaamijkan cusub wuxuu beddeli doonaa nidaamka hadda jira ee fiisaha maal-gashiga, kaas oo u ogolaanaya dadka shisheeye in ay helaan fiiso haddii ay ku maal-gashadaan Mareykanka qiyaastii $1 milyan, ama sameeyaan shirkad shaqaaleysiisa ugu yaraan 10 qof.

Barnaamijka Trump wuxuu la mid yahay nidaamyada “golden visa” ee ay adeegsadaan dalal ay ka mid yihiin Kanada, New Zealand, Malta iyo kuwo kale, kuwaas oo maal-gashadeyaasha u fura fursad ay degenaansho rasmi ah ku helaan iyagoo maal-gashi sameynaya.

Si kastaba ha ahaatee, barnaamijyada “golden visa” ee waddamada kala duwan waxay leeyihiin shuruudo kala geddisan iyo waddooyin kala duwan oo lagu heli karo degenaansho rasmi ah, iyadoo natiijadooda dhaqaale lagu kala aragti duwan yahay.

Yaa heli kara fiisaha ‘Gold Card’?

Xoghayaha Ganacsiga Mareykanka, Howard Lutnick, ayaa sheegay in fiisaha ‘Gold Card’ uu beddeli doono barnaamijka hadda jira laba toddobaad gudahood, taas oo ka dhigan in faahfaahinta shuruudaha iyo habraaca codsiga la filayo in la shaaciyo kahor waqtigaas. Ilaa iyo hadda, Trump wuxuu kaliya sheegay in fiisahan lagu heli doono $5 milyan.

Markii wax laga weydiiyay cidda u qalmi doonta, Trump wuxuu yiri: “Dadkii helaya waxay noqon doonaan maal-qabeenno guuleystay, lacag badan kharash gareynaya, canshuur badan bixinaya, dad badan shaqaaleysiinaya, waxaana rumeysanahay in barnaamijkani uu noqon doono mid aad u guuleysta.”

Wuxuu intaa ku daray in shirkado, marka laga soo tago shakhsiyaadka, ay sidoo kale “iibsan karaan Gold Card.”

Muxuu hadda bixiyaa Mareykanka?

Kongareeska Mareykanka ayaa sannadkii 1990 abuuray barnaamijka fiisaha EB-5 ee maal-gashiga, kaas oo loogu talagalay abuurista shaqooyin iyo dhiirrigelinta maal-gashiga shisheeye.

Barnaamijkan, maal-gashadayaasha ku bixiya qiyaastii $1 milyan shirkad shaqaaleysiisa ugu yaraan 10 qof, waxay heli karaan fiiso iyo waddo ay ku heli karaan deggenaansho rasmi ah.

Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka ee ku saabsan tirakoobka socdaalka, qiyaastii 8,000 qof ayaa helay fiisaha maal-gashiga intii lagu guda jiray 12-kii bilood ee dhammaaday September 30, 2022.

Dalalka kale maxay bixiyaan?

Shirkadda Henley & Partners, oo ka talo-bixisa dowladaha iyo shakhsiyaadka ee barnaamijyada degenaanshaha iyo dhalashada maal-gashiga lagu helo, ayaa sheegtay in in ka badan 100 waddan ay bixiyaan ama hore u bixiyeen barnaamijyada “golden visa” ee maal-qabeennada iyo maal-gashadeyaasha.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Mareykanka, UK, Spain, Greece, Malta, Australia, Canada iyo Talyaaniga, inkastoo qaar ka mid ah dalalku ay xaddideen ama joojiyeen barnaamijyadooda.

Barnaamijyada waddamada kala duwan waxay leeyihiin shuruudo kala duwan, oo ay ka mid yihiin iibsashada guryo, maal-gashiga dhaqaale, ama abuurista tiro cayiman oo shaqooyin ah.

Basil Mohr-Elzeki, oo ah la-hawlgalaha shirkadda Henley & Partners ee Waqooyiga Ameerika, ayaa sheegay in barnaamijyadani ay mararka qaar dowladaha ka caawiyaan gaarista yoolalka maal-gashiga, balse aysan had iyo jeer sii jirin.

Xukuumadda Spain ayaa joojisay barnaamijkeedii, kaas oo ogolaanayey in dadka aan ka tirsaneyn Midowga Yurub ay helaan ruqsadda deggenaanshaha haddii ay maal-gashadaan in ka badan nus milyan yuuro ($520,000) oo guryo ah, sababo la xiriira sare u kaca qiimaha guryaha.

Sidoo kale, Boqortooyada Ingiriiska ayaa joojisay barnaamijkeeda 2022 iyada oo loo cuskaday walaacyo dhanka amniga ah.

Ma guuleysan doonaa ‘Gold Card’?

Mohr-Elzeki oo ka tirsan Henley & Partners ayaa sheegay in inkasta oo fiisaha ‘Gold Card’ uu yahay mid aad qaali u ah, haddana laga yaabo in uu helo dad daneynaya, balse waxay su’aashu tahay waxa ay shuruudaha dhammeystiran noqon doonaan.

“Weli ma hayno macluumaad badan marka laga reebo in shuruudda maal-gashiga la dejiyay iyo in qorshuhu jiro,” ayuu yiri. “Laakiin guud ahaan, barnaamijyadan waxay caawin karaan waddamo ay gaaraan yoolalka maal-gashiga, iyadoo ay ku xiran tahay ujeedada.”

“Waxaan u maleynaynaa in barnaamijkani uu heli doono dalab xooggan,” ayuu sii raaciyay. “Waxaan sugaynaa faahfaahinta shuruudaha iyo qaab-dhismeedka ay dejin doonaan.”

Guusha barnaamijkani waxay aad uga xiri doontaa habraaca iyo fududeyntiisa, halkii ay ku xiran lahayd lacagta $5 milyan ah.

“Guud ahaan, barnaamijyada ay shuruudahooda deggenaanshaha hooseeyaan waa kuwa ugu caansan, sababtoo ah dadka maal-qabeenka ah waxay jecel yihiin inay yeeshaan xulashooyin,” ayuu yiri.

“Waxay maal-gashan karaan Mareykanka, balse sidoo kale way maal-gashan karaan dalal kale – si ay u helaan fursado kala duwan, sida deggenaanshaha Mareykanka, Yurub, ama Imaaraadka Carabta.”

Maxaa xiga?

Haddii barnaamijkan cusub uu beddelo barnaamijka EB-5 laba toddobaad gudahood, waxaa soo baxaya su’aalo ku saabsan waxa dhici doona dadka horey uga faa’iideystay barnaamijka hadda jira. Mohr-Elzeki wuxuu sheegay in badanaa dadka ku jiray barnaamijka hore loo sii ogolaado inay dhameystiraan nidaamka, balse waxaa dhici karta in arrintaas aysan dhicin.

Sannadkii 2022, Kongareeska Mareykanka ayaa kordhiyay barnaamijka EB-5 ilaa 2027, taasoo ka dhigan in wax ka beddelidda uu u baahan yahay ansixinta Kongareeska. Hase yeeshee, Trump wuxuu sheegay in fiisaha ‘Gold Card’ uusan u baahneyn oggolaanshaha Kongareeska.

Xogta weerar culus oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa weerar ku qaaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen saraakiisha Al-Shabaab iyo maleeshiyaad la socday, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Cag-cadde oo hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalkooda uu qaatay 40 saacadood oo xiriir ah, ayna khasaare culus ku gaarsiiyeen argagixisada.

“Howlgal qaatay 41 saacadood oo ay fulinayeen ciidamada xaq u dirirka deegaanka iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed run ahaantii waxaan leenahay mujaahidiintu in Caga-cadde ay ku weerareen cadowga Khawaarijta” ayuu yiri sarkaalka hadlay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka sifeeyaan dhulkaas, ayna gaaraan illaa degmada Galhareeri iyo dhamaan iyo deegaanada u dhow.

“Waxaan rajeyneynaa inaan gaarno degmada Galhareeri iyo dhammaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan, howlgalkana waa sida uu u bilowday” ayuu mar kale yiri.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxaha Khawaarijta, waxaana iska kaashanaya ciidanka dowladda, daraawiishta Galmuddug iyo shacabka.

Xogta dagaallo iyo duqeymo culus oo ka dhacay Ceelbaraf

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaallo culus iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay dhawaan uun la wareegeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ilo dadka deegaaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaallo kala duwan ay ka dhaceen deegaanka, kuwaas oo dhex-maray ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa howlgalladan barbar socday duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay illaa deegaanka Cali Fooldheere, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaadka argagixisada ah.

Ma cadda kasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradan oo uu ujeedkoodu ahaa in lagu cuuryaamiyo dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga deegaanka Ceelbaraf oo ay soo buux dhaafiyeen maalmihii u dambeeyay.

Dhanka kale, waxaa howlgallo kuwaan lamid ah ay ka socdaan deegaannada dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ah halka ay kasoo tallaabaan maleeshiyaadka Al-Shabaab kasoo gudbaya wabiga Shabelle ee mara labada gobol.

Khawaarijta ayaa haatan culeys xoogan soo saartay Shabeelaha Dhexe, iyada oo todobaadyadii u dambeysay weeraro ku ekeysay deegaanno iyo degmooyin dhaca gobolkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin xooggan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay isku hayaan labada dhinac.

UN targets Al-Shabaab with extended Somalia arms embargo

New York – The UN Security Council has unanimously adopted Resolution 2775 (2025) to reauthorize maritime interdiction measures aimed at enforcing the arms embargo on Somalia.

The resolution seeks to curb the illegal flow of weapons and military equipment to Al-Shabaab and prevent the export of illicit charcoal, a major revenue source for the terrorist group.

Acting under Chapter VII of the UN Charter, the 15-member Council reaffirmed that Al-Shabaab’s actions—ranging from terrorist attacks to destabilization efforts—pose a grave threat to international peace and security.

The resolution extends and reinforces provisions first established in Resolution 2182 (2014) and later strengthened by Resolution 2607 (2021) and Resolution 2762 (2024). The renewed measures will remain in effect until March 3, 2025.

Expanded authority for maritime inspections

Under the new mandate, UN Member States are authorized to inspect vessels operating within Somali territorial waters, the Arabian Sea, and the Persian Gulf if there are reasonable grounds to suspect they are transporting weapons, military supplies, or improvised explosive device (IED) components for Al-Shabaab.

The resolution also grants authority to seize and dispose of contraband identified during inspections, including arms, ammunition, and prohibited charcoal exports.

The illicit charcoal trade has been a significant financial pillar for Al-Shabaab, generating millions of dollars annually through illegal exports to the Middle East and beyond.

By allowing the resale of seized charcoal under UN monitoring, the resolution aims to disrupt the group’s funding mechanisms while ensuring proper oversight.

This latest action by the Security Council underscores the global commitment to stabilizing Somalia, which has been grappling with ongoing insurgency and security challenges for over a decade.

The Somali government, alongside African Union (AU) peacekeeping forces and international allies, has been intensifying operations against Al-Shabaab to reclaim strategic territories and dismantle terrorist networks.

Despite military and counterterrorism efforts, Al-Shabaab continues to adapt and exploit illicit trade routes, making enforcement of the arms embargo and maritime interdictions a critical tool in cutting off the group’s supply chains.

The UN’s decision comes as Somalia pursues greater security sector reforms and prepares for the full transition of security responsibilities from international peacekeepers to national forces.

The resolution is expected to strengthen Somalia’s sovereignty and long-term security efforts while reaffirming international support in countering terrorism and organized crime in the region.

A broader counterterrorism strategy

The Security Council’s reauthorization aligns with broader global counterterrorism initiatives, emphasizing regional cooperation among the Horn of Africa nations, the African Union, and Gulf states.

By tightening maritime security and targeting terrorist groups’ financial lifelines, the resolution seeks to create lasting conditions for peace, security, and economic stability in Somalia and the wider region.

With this decision, the international community sends a clear message: Somalia’s stability is a priority, and Al-Shabaab’s ability to sustain its violent campaign through illicit means will continue to be aggressively challenged.

Jubaland leader: Feds ‘plays’ with Somalia’s statehood

KISMAYO, Somalia—Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, also known as Ahmed Madobe, recently sharply criticized the Somali federal government in a recent interview, accusing it of political maneuvering and military aggression.

The regional leader’s remarks come after his withdrawal from the National Consultative Council meeting in Mogadishu, signaling a deepening rift between Jubaland and the central government.

Madobe cited concerns over alleged term extensions and the interests of the Darood clan, which he said he alone represented at the meeting, as reasons for his departure.

“I left the National Consultative Council meeting because of the term extensions being planned and considering the interests of the Darood clan, whom I was the sole representative of,” Madobe stated.

The National Consultative Council is a platform for dialogue between the federal government and regional states, intended to foster cooperation on key national issues.

In November 2024, Jubaland announced the suspension of all relations and cooperation with the federal government.

This decision followed disputes over local elections in which President Madobe was re-elected without federal involvement, leading to mutual arrest warrants between Jubaland and Mogadishu authorities.

The federal government opposed these elections and issued an arrest warrant for Madobe, accusing him of treason and revealing classified information to foreign entities. In response, a regional court in Kismayo issued an arrest warrant for President Mohamud, accusing him of treason and conspiring with al-Shabaab militants.

Criticism of prime minister and president

Madobe strongly criticized Prime Minister Hamza Abdi Barre, describing him as someone who “joined a company run by Hassan Sheikh, which is playing with the statehood of Somalia.”

The relationship between the federal government and regional states has been strained for years, with disputes over resource sharing, security responsibilities, and political representation.

Madobe addressed the recent clashes in Ras Kamboni, a strategic area in Jubaland, accusing the federal government of initiating the conflict despite repeated warnings.

“The federal government forces started the fighting,” he asserted, adding, “We were prepared for everything, and we ordered our forces to minimize casualties. You saw the outcome of the fighting; the casualties were disproportionate, although there were losses on both sides.”

The Ras Kamboni region is strategically important due to its proximity to the Kenyan border and its history as a battleground between various factions.

Madobe expressed particular dismay over the surrender of over 1,000 Somali soldiers to Kenyan forces across the border. He contrasted this with his administration’s treatment of captured and wounded federal soldiers, who he said were treated with respect and sent to Mogadishu.

Allegations of failure against Al-Shabab

Madobe also accused the federal government of failing in its fight against the Al-Shabaab militant group, pointing to recent attacks in the Hiiraan and Middle Shabelle regions.

“The federal government has failed in the fight against Al-Shabaab,” he stated, adding, “The Somali forces lack the morale to fight.”

Al-Shabaab continues to pose a significant security threat in Somalia, carrying out frequent attacks against government and civilian targets. The group’s persistent presence underscores the challenges facing Somali security forces.

Madobe firmly denied any cooperation with Al-Shabaab, asserting that he is engaged in a continuous fight against the group, a fight that he says his accusers have never been involved in.

History of conflicts 

Jubaland, located in southern Somalia, shares a long and porous border with Kenya. This proximity has made the region a key player in regional security dynamics. The area has historically been a site of conflict involving various clans, militias, and external actors.

Ahmed Madobe, a former leader of the Ras Kamboni Brigade, has been a dominant political figure in Jubaland for over a decade.

His relationship with the federal government has been marked by periods of cooperation and conflict, reflecting Somalia’s complex political landscape.

The Darood clan is one of the central Somali clans, with a significant presence in Jubaland and other parts of Somalia. Clan dynamics are crucial in Somali politics, often influencing alliances and conflicts.

The ongoing tensions between Jubaland and the federal government threaten to undermine efforts to stabilize Somalia and combat Al-Shabaab.

The fragile political situation requires urgent dialogue and cooperation to address the root causes of the conflict and prevent further escalation.

Port deal: Somalia sets terms for Ethiopia, no land lease

Mogadishu, Somalia – In a move to clarify recent discussions, the Somali government has unveiled details of a potential commercial port agreement with neighboring Ethiopia.

If finalized, this agreement would allow Ethiopia to utilize a Somali port much like it currently relies on Djibouti for its trade. Importantly, Somalia has firmly dismissed any notion of granting a land lease to Addis Ababa.

While the specific port remains to be determined, Somali officials have narrowed down the possibilities to several locations along the country’s extensive Indian Ocean coastline.

“The port we’re discussing for Ethiopia’s use will be situated along the Indian Ocean, definitively excluding the Gulf of Aden and any ports within Somaliland, such as Saylac,” explained State Minister for Foreign Affairs, Ambassador Ali Balcad.

He pointed to a broad area stretching from Garacad down to Kismayo, a region dotted with around seven ports, all of which require significant investment and upgrades.

Who pays for the port?

A key point of clarification: Ethiopia won’t be footing the bill for the port’s development. Instead, Somalia plans to partner with international investors to finance the project.

“We will build the port ourselves, with the support of external investors. Ethiopia will have no direct financial role in its construction,” Balcad stated.

“However, identifying a location that aligns with their market needs and logistical requirements will be a central part of our technical discussions.”

He emphasized the potential for this deal to unlock substantial investment opportunities. “By reaching an agreement with Ethiopia, we can attract the funding needed to develop major port facilities.

And even more crucial than the port itself are the connecting road networks. In today’s global economy, investment in infrastructure that links countries is a top priority,” he added.

Balcad revealed that various companies and nations have already expressed significant interest. “When investors see a market beyond Somalia’s borders requiring a well-connected port and road system, they recognize a valuable opportunity,” he said.

Agreement timeline and next steps

Somalia and Ethiopia aim to finalize the port agreement by June, following a series of talks in Ankara, Addis Ababa, and Mogadishu. While the broad strokes of the agreement are known—it’s a commercial deal—the finer details are still under wraps.

“We anticipate concluding the negotiations after four more rounds of meetings scheduled for June. These discussions will determine the specific port location and the necessary investment framework,” Balcad confirmed.

These upcoming meetings will ultimately decide how Ethiopia gains access to a Somali port for its trade. The Somali government will reiterate its unwavering stance against any territorial concessions to Addis Ababa.

Securing reliable port access is a strategic imperative for landlocked Ethiopia. Currently, the country relies heavily on Djibouti. This potential agreement with Somalia highlights the shifting geopolitical landscape of the Horn of Africa.

The coastal stretch from Garacad to Kismayo holds significant economic potential. With the right investment, the ports in this area, including Hobyo and Barawe, could become vital hubs for regional trade. These locations have seen varying levels of infrastructure development throughout recent history.

While the relationship between Ethiopia and Somalia has experienced its ups and downs, this port agreement represents a chance for greater economic cooperation. The deal can potentially boost trade for Ethiopia and spur economic activity in Somalia.