25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Hogaamiyaasha Yurub oo go’aanno culus ka gaaray bahdilkii Trump ee Zelensky

London (Caasimada Online) – Kaddib kulan deg-deg ahaa oo ay Axaddii shalay isugu tageen London, ayay Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo 18 hoggaamiye oo reer Yurub ah kasoo saareen qodobo rajo-gelinaya difaaca iyo amniga dalka Ukraine.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa shirka kaga dhawaaqay go’aanno ka kooban afar qodob oo lagu rabo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine laguna taageero qarannimada Ukraine.

Starmer wuxuu sheegay in qorshahaasi, oo ay iskala shaqeeyeen Faransiiska iyo Ukraine, ay qodobadiisu kala yihiin:

1- In la sii joogteeyo gargaarka la siiyo Kyiv, iyo in Ruushka lagu sii hayo cadaadiska dhaqaale si taasi ay gacan u siiso Ukraine.
2- In la xaqiijiyo in dowladda Ukraine ay goob joog ka ahaato miis walba oo looga gorgortamayo aayaheeda.
3- In heshiis walba oo nabadeed uu dammaanad qaado midnimada iyo amniga Ukraine.
4- In la sii wado kaalmooyinka hubka ee Ukraine si ay isaga difaacdo duullaan kale mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska wuxuu sheegay in Yurub ay hadda taagan tahay isgoys taariikhi ah, isla markaana aan la joogin waqtigii hadalka, balse ay tahay xilligii waxqabadka iyo midnimada.

Shir-madaxeedkii Axaddii ayaa soo gabagabeeyay toddobaad diblumaasiyadeed oo xamaasad leh, kaasoo ay ku jireen booqashooyin ay Washington ku yimaadeen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer iyo Madaxweynaha Ukraine Zelensky.

Kulankii uu Zelensky la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa JD Vance ayaa kusoo dhammaaday hadallo kulul oo ay dhinacyadu is weydaarsadeen, kaas oo si toos ah looga daawanayay shaashadaha caalamka.

Trump ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha Ukraine inuu ku khamaarayo dagaal saddexaad oo dunida ka dhaco.

Xasan Sheekh oo soo saaray oo amar culus oo la xiriira arrinta ka taagan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku amray in si degdeg ah looga jawaabo dhaqdhaqaaqyada ay kooxda Al-Shabaab ka wado qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa 72 saac u qabtay militeriga Soomaaliya inay uga hortagaan cabsi-gelinta Khawaarijta ee ka socota Shabeellaha Dhexe, isagoo hoggaamiyaasha beelaha gaar gaar ula kulmay.

Xasan Sheekh ayaa beelaha ka dalbaday inay abaabulaan ciidamada deegaanka oo dhulkooda ka difaacaan Khawaarijta, garabna u noqdaan ciidanka xoogga dalka, oo amar lagu siiyey inay soo afjaraan Al-Shabaab-ka soo galay Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Xoogga, oo ku sugan Shabeellaha Dhexe, iyo Madaxweynaha JFS, oo ku sugan Muqdisho, ayaa saacadihii lasoo dhaafay shirar gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada, siyaasiyiinta, hoggaamiyaasha ciidamada deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha dega HirShabeelle. Qaarkood shirarkaas waxaa lagu qabtay qadka taleefanka.

Waxaa la isla qaatay go’aan dib loogu abaabulayo dagaalka, ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaana qaadaya duullaan culus oo cagta lagu marinayo Al-Shabaab, kuwaas oo saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay fowdo aan horay loo arag ka bilaabay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hoggaamiyaha Khawaarijta Al-Shabaab, Abuu Cubeyda, oo maalmo ka hor hadlay, ayaa khudbad uu jeediyey ku caddeeyey in dagaalka ay ku jabeen oo burbur ay qarka u saaran yihiin, isagoo dhibaatada heysata u sababeeyey duullaanka dhinac kasta leh ee dowladda Soomaaliya ay ku qaaday.

Tan iyo maalintii uu hadalkaas jeediyey hoggaamiyaha Khawaarijta, waxaa Shabeellaha Dhexe ka bilowday weerarro fowdo ah oo lagu macneeyey kuwo naf-la-caari ah, looguna talogalay in lagu niyad-dhisiyo maleeshiyaadka sii burburaya ee kooxda, laguna cabsi-geliyo dadka shacabka ah ee deegaannadaas ku nool.

Dadku waxay ku jiraan xilli jiilaal ah oo aad u kulul, roob ma helin muddo dheer, waxaana curatay bisha barakeysan ee Ramadaan. Duruufahaas oo is biirsaday iyo ciidanka xoogga oo dhowr furin ka dagaalamaya ayaa kooxda u suurtageliyey inay arbushaad ka geystaan qeybo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka qaranka, oo Jowhar ilaa Balcad dhanka galbeed uga gudbay Wabiga, ayaa ku guuleystay in deegaano muhiim ah ay ka saaraan kooxda, iyagoo jaray marinkii ay Khawaarijta uga gudbi jireen gobollada dhexe, taasoo cadaadis weyn ku abuurtay kooxda.

Qorshaha dowladda ayaa la aaminsan yahay inuu cadaadis hor leh ku kordhiyey kooxda, taasoo keentay in ay ka cararaan ciidamadii weerarka ku qaaday iyo deegaanadii ay horey u joogeen. Waxaana kooxdu, oo ka quusatay inay dib u laabtaan, usoo direen dagaalyahanno weerarro ka fuliya deegaano yar yar oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, si ay duullaanka ciidanka xoogga u dhabar-jabiyaan.

Duqeymo culus ayaa maanta ka dhacay Biyacadde iyo Ceelbaraf, waxaana laga gubay gaadiid ay wateen, iyadoo laga laayey maleeshiyaad badan. Saacadaha iyo maalmaha soo socda waxaa la qorsheeyey in la qaado weerarro lagu soo afjarayo Al-Shabaab-ka ku sugan HirShabeelle.

Daawo: Dabageed oo dagaal-yahannada beeshiisa ka codsaday inay badbaadiyaan…

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle, Yuusuf Dabageed, oo galabta khudbad u jeediyey ciidamada Macawiisleyda beeshiisa Xawaadle, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo maalmahan rogaal-celis ku sameynayey weerarradooda.

Yuusuf Dabageed ayaa tusaaleeyey sida looga adkaan karo Al-Shabaab, isagoo dib u xusuusiyey dagaalyahanada beeshiisa geesinimadii ay ku xoreeyeen inta badan dhulkooda.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku baaqay in dagaalka la bilaabo oo si degdeg ah looga xoreeyo kooxda goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan, oo inta badan xor ka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, Dabageed ayaa cod dheer ku dalbaday in colaadaha sokeeye meesha laga saaro, isagoo beeshiisa kula dardaarmay in qof aan Shabaab ahayn aysan dilin, isla markaana ay deriskooda nabad geliyaan.

“Cadowgaan wuxuu walaaleeyey dadkeenii deriska ahaa ee difaaca isugu jiray. Waxaan hubaa in laga adkaan doono haddii dadkeenu is-kaashadaan. Walaalayaal, maanta kadib dhiig aan ahayn kan Shabaab idiin ma bannaana,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle ayaa beeshiisa Xawaadle ka codsaday inay ka qeyb qaataan xoreynta Ceelbaraf.

“Ciidanka dowladda ayaa kow ah, idinkana waa laba, weerara cadowga, iska ilaaliya khilaafka, iskana amar qaata walaalayaal, waad liibaanaysaan,” ayuu yiri Yuusuf Axmed Hagar.

Dabageed ayaa dowladda federaalka iyo saraakiisha ciidamada uga mahadceliyey sida ay ugu heellan yihiin difaaca HirShabeelle oo uu cadow argagixiso ah kusoo duulay.

“Dadkeygiiyow, waxaa maanta idiin hortaagan ninka labaad ee ugu sareeya ciidamada xoogga Soomaaliya. Idinkoo qoryihiina wata, wuxuu idiin aaminay oo idiin soo hor istaagay waa kalsooni uu idinku qabo. Isagoo Soomaali madax u ah, ayuu habeeno badan idin dhex joogay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Yuusuf Dabageed.

 

Nin Soomaali ah oo loo xiray arrin la xiriirta weerarkii New Orleans – Muxuu sameeyey?

Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo degann Minneapolis oo lagu eedeeyay in uu amaanay weerar lala xiriiriyay Dacaish oo ka dhacay New Orleans, isla markaana isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda argagixisada, ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta bixinta taageero maaddi ah oo loo fidiyay urur argagixiso oo shisheeye, waxaa sidaas Jimcihii shaaciyey dacwad-oogayaasha federaalka.

Abdisatar Ahmed Hassan, 22 jir, ayaa la xiray Khamiistii, waxaana la horgeeyay Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minnesota, halkaas oo lagu amray in lagu sii hayo xabsiga iyada oo aan dammaanad loo fidin, illaa iyo dhegeysiga dacwadiisa oo la qorsheeyay Maarso 5.

Sida lagu xusay cabasho dambiyeed ka kooban 34 bog, Abdisatar ayaa laba jeer isku dayay inuu ka baxo Mareykanka una safro Soomaaliya bishii December, balse safarkiisu wuu fashilmay sababo la xiriira dukumentiyo dhameystir la’aan ah.

La socodka FBI iyo isku dayo safar oo fashilmay

Baarayaal federaal ah ayaa sheegay in FBI-du ay si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqa Abdisatar kadib markii uu dhowr jeer baraha bulshada kusoo qoray fariimo taageeraya Daacish.

Bishii Maajo 2024, booliska New York ayaa FBI-da uga digay howlaha Abdisatar ee internetka, oo ay ku jireen muuqaallo lagu xayeysiinayo Daacish iyo al-Shabaab, oo ah koox fallaago ah oo ka dagaalanta Soomaaliya.

Bishii December 13, FBI-da ayaa xustay inay arkeen Abdisatar oo isku dayaya inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Minneapolis-St. Paul si uu ugu safro Soomaaliya. Shaqaalaha diyaaradda ayaa diiday inuu raaco duulimaadka sababo la xiriira dukumentiyo aan dhameystirneyn, taasoo keentay inuu garoonka ka laabto.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inuu mar kale isku dayay inuu safro December 29, markaas oo uu u duulay Chicago. Halkaas waxaa su’aalo ku weydiiyay saraakiisha Ilaalada Xuduudaha Mareykanka ka hor inta aan la sii deyn. Wuxuu seegay duulimaadkiisii xiriirka la lahaa Itoobiya, taasoo keentay inuu dib ugu laabto Minneapolis.

Xagjirnimada iyo faafinta aragtiyada Daacish

Baarayaashu waxay sheegeen in xagjirnimada Abdisatar ay si xowli ah u korortay kadib markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Dukumentiyada maxkamadda ayaa muujiyay in uu baraha bulshada, sida TikTok iyo Facebook, kusoo bandhigay muuqaallo Daacish lagu xayeysiinayo, islamarkaana uu xiriir la sameeyay akoon Facebook ah oo lala xiriiriyay Manjaniq Media Center, oo ah xarun Daacish u adeegsato qorashada taageerayaal Soomaali ah.

Toddobaadkii hore, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in Abdisatar uu soo dhigay muuqaal uu isagu duubay isagoo gaari wada, mindina dul dhigtay jilbihiisa.

Bishii Febraayo 21 iyo mar kale 26-keedii, FBI-da ayaa xustay inay arkeen isaga oo gaari wada, gudaha gaarigana uu suran yahay calanka Daacish. Maalintii xigtay, waa la xiray.

Sidoo kale, Abdisatar ayaa lagu eedeeyay inuu taageero u muujiyay Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa askari hore oo 42 jir ah kana tirsanaa Ciidanka Mareykanka, kaasoo fuliyay weerar gaari lagu qaaday dad rayid ah New Orleans Janaayo 1.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in Jabbar uu gaari xamuul ah la beegsaday dad ku sugnaa Bourbon Street, isagoo dilay 14 qof ka hor inta aysan boolisku toogan. Hassan ayaa la sheegay inuu si isdaba joog ah ugu amaanay Jabbar baraha bulshada ka hor inta aan la xirin.

Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa D. Kirkpatrick, ayaa muujisay halista eedeymaha loo haysto Hassan, iyadoo tiri: “Kuwa taageera ururrada argagixisada ee ka hawlgala gudaha Mareykanka—sida Abdisatar —waxay khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka. Waxay wajihi doonaan caddaaladda.”

Alvin M. Winston Sr., oo ah wakiilka gaarka ah ee xafiiska FBI-da Minneapolis, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay hay’addu uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada.

“FBI-du waxay si adag u baari doontaa, una xireysaa qof kasta oo taageera ururrada argagixisada. Isku-dayada Hassan ee uu ku doonayay inuu ugu biiro ISIS waxay muujinayaan muhiimadda ay leedahay feejignaanta joogtada ah,” ayuu yiri.

Minnesota iyo dagaalka lagula jiro xagjirnimada

Abdisatar waa kii ugu dambeeyay ee ka mid ah dad reer Minnesota ah oo lagu tuhunsan yahay inay isku dayeen inay ku biiraan Daacish.

Sannadkii 2016, sagaal nin oo ka yimid gobolkaas ayaa lagu helay danbi la xiriira shirqool ay u abaabuleen safarro dibadda ah oo ay ku doonayeen inay uga qaybqaataan falal argagixiso. Dhawaan, bishii Juun 2024, nin reer Minnesota ah oo horey ugu dagaallamay ISIS gudaha Ciraaq ayaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah xabsi federaal ah.

Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa xusay in xagjirnimada weli tahay walaac la qabo, hase yeeshee ay jiraan horumarro ballaaran oo laga sameeyay la dagaallanka qorashada kooxaha xagjirka ah.

“Waxaan sameynay horumar aad u ballaaran oo lagu xakameynayo xagjirnimada Minnesota,” ayuu yiri Jaylani Hussein, oo ah agaasimaha fulinta ee Golaha Xiriirka Mareykanka-Islaamka ee Minnesota. “Kiisaska noocan ah waxay noqdeen kuwo aad u yar sababtoo ah dadaalladeenna.”

Abdisatar waxaa la filayaa in mar kale maxkamadda la horkeeno Maarso 5, isaga oo kasoo muuqan doona Maxkamadda St. Paul horteda garsoore Douglas L. Micko.

Villa Somalia oo shaacisay isbedel weyn oo ka dhashay dagaalka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in meesha ka baxday cabsidii shacabka ay ka qabeen kooxaha argagixisada, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah argagixisada.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay gareen hadda in si cabsi la’aan ah ay u soo bandhigaan xumaanta iyo dhagaraha Al-Shabaab.

Isbeddelkan weyn ayuu sheegay inay keentay kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda, oo haatan dagaal culus kula jirta kooxda Al-Shabaab, iyadoo gacan ka helaysa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

“Shacabku waxa ay hadda gaareen in ay si toos ah u soo bandhigaan xumaanta Khawaarijta cabsi la’aan,” ayuu yiri La-taliyaha Amnig Qaranka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilligii hore ay shacbku ka cabsan jireen magacyada argagixisada oo erayo afgarasho ah ay isticmaali jireen, taas oo meesha ka baxday kadib markii dowladda ay qaaday howl-gallada Al-Shabaab looga xoreeyay degaanno badan oo ka tirsan gobollada dalka.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in si weyn loo wiiqay, lana soo afjaray illihii dhaqaalaha ee Shabaab, taasoo kaalin muhiim ah ka qaadatay dagaalka aya geesiyaasha ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay wadaan.

“Habraacyo sugan ayaa loo sameeyay oo lagula dagaalamo, loogana hortagayo farsamo walba oo Khawaarijta isku daydo in ay dhaqaale ku helaan,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin.

MN man charged with ISIS support and Somalia travel plot

Minneapolis – A Somali man residing in Minneapolis has been indicted on charges of providing material support to a foreign terrorist organization, federal prosecutors announced Friday.

Abdisatar Ahmed Hassan, 22, is accused of praising an ISIS-inspired attack in New Orleans and attempting to travel to Somalia to join the militant group. 

Hassan was arrested Thursday and appeared in U.S. District Court in Minnesota, where he was ordered detained without bail pending a hearing on March 5.

A 34-page criminal complaint details two failed attempts by Hassan to travel to Somalia in December, thwarted by incomplete travel documents.  

FBI surveillance and thwarted travel

Federal investigators revealed that the FBI had been monitoring Hassan’s online activity, which included repeated pro-ISIS posts on social media.

In May 2024, the New York Police Department alerted the FBI to Hassan’s online presence, which featured videos promoting ISIS and al-Shabaab, an insurgent group operating in Somalia.  

On December 13, Hassan attempted to depart from Minneapolis-St. Paul International Airport for Somalia but was denied boarding due to documentation issues.

A subsequent attempt on December 29 saw him fly to Chicago, where U.S. Customs and Border Protection officers questioned him before being released. He missed his connecting flight to Ethiopia and returned to Minneapolis.  

Radicalization and online propaganda

Investigators allege that Hassan’s radicalization intensified following the outbreak of the Israel-Hamas conflict.

Court documents indicate he disseminated pro-ISIS videos on platforms like TikTok and Facebook and interacted with an account linked to Manjaniq Media Center, an ISIS recruitment platform targeting Somali supporters.

In recent weeks, Hassan allegedly posted a self-recorded video of himself driving with a knife on his lap. He was observed driving with an ISIS flag displayed inside his vehicle. 1 He was arrested the following day.    

Hassan is also accused of expressing support for Shamsud-Din Jabbar, a 42-year-old former U.S. Army soldier who carried out a vehicle attack on civilians in New Orleans on January 1.

Acting U.S. Attorney Lisa D. Kirkpatrick emphasized the gravity of the charges, stating, “Those who support terrorist organizations operating within the United States, such as Abdisatar, pose a direct threat to our national security. They will be held accountable.”

FBI Minneapolis Special Agent in Charge Alvin M. Winston Sr. reiterated the agency’s commitment to combating terrorism.

“The FBI will aggressively investigate and apprehend anyone who supports terrorist organizations. Hassan’s attempts to join ISIS underscore the critical importance of ongoing vigilance,” he said.

Minnesota’s ongoing struggle with extremism

Hassan’s case marks the latest instance of a Minnesota resident facing charges related to alleged ISIS support.

In 2016, nine men from the state were convicted of conspiring to support terrorism. More recently, a Minnesota man who fought for ISIS in Iraq was sentenced to 10 years in federal prison in June 2024.

Community leaders acknowledge that extremism remains a concern while also highlighting progress made in counter-radicalization efforts.

“We have made significant strides in addressing extremism in Minnesota,” said Jaylani Hussein, executive director of the Minnesota chapter of the Council on American-Islamic Relations. “Cases like this have become less frequent due to our collective efforts.”

Hassan is scheduled to appear in court on March 5 before U.S. Magistrate Judge Douglas L. Micko in St. Paul.  

Xildhibaanadee dhab ahaan ah barakacayaal siyaasad?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil, oo dadku badi u yaqaanaan Xasan Firimbi, ayaa shalay qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay kuwo barakacayaal ku ah magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa dhibsaday ereygaas, kadibna waxaa laga codsaday Xildhibaan Xasan Firimbi inuu raalligelin ka bixiyo ereygaas, waana bixiyey.

Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay: Barakacayaal siyaasadeed ma ku jiraan baarlamanka Soomaaliya?

Inta aadan “Haa” ama “Maya” midna dooran, aan qeexno micnaha barakac, kadibna aan ku dabaqno xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya maanta.

Ereyga barakac waxaa loo adeegsadaa muwaadin dalkiisa weli jooga, balse ay duruufuhu ka soo eryeen deegaankii uu ku dhaqnaa.

Barakac waxaa keeni kara duruufo amni, dhaqaale, ama kuwo siyaasadeed. Waa in aad deegaankaaga ku laaban karin oo ay duruufuhu ka hor istaagayaan.

Marka siyaasadda Soomaaliya lagu dabaqo, waxa barakacayaal siyaasadeed noqonaya xildhibaan walba oo aan tegi karin deegaan doorashadiisa.

Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland, waxaa jira deegaano badan oo weli ay haystaan argagixisadu, xildhibaannana ay ku metelaan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo lagu doorto deegaano kale.

Xildhibaankaas ay dhulkiisa argagixisadu haysato, deegaankiisa ma tegi karo, lagamana soo dooran karo, wuxuuna barakac siyaasadeed ku yahay deegaan kale oo kursigiisa la dhigay.

Si taas la mid ah, xildhibaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ma tegi karaan deegaankooda, lagama ogola calanka iyo dowladnimada Soomaaliya, doorashana kama soo geli karaan.

Magaalada Muqdisho waxaa ku nool in ka badan 1 milyan oo barakacayaal ah. Haddii muwaadiniinta kale loogu yeero barakac, xildhibaanka aan deegaankiisa tegi karin lagana soo dooran uu dhibsado ereygaas, waxay ku fahamsiinaysaa sida ay siyaasiyiinta Soomaalidu isku dhaafinayaan waaqica dhabta ah.

In xaqiiqda laga caroodo waxaa ka muhiimsan in laga doodo sida loo afjari karo barakaca nololeed iyo midka siyaasadeed ee haatan ka jira Soomaaliya.

Xogta duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaab iyo horjoogayaal sare oo la…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gallo dhacay saacadihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab looga dilay horjoogaal iyo Dagaal-yahaanno badan.

Howl-galladan oo dhacay xalay iyo saaka ayaa marar kala duwan lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa waxaa kooxda looga dilay ku dhowaad 50 xubnood kooxda, sida ay sheegtay dowladda.

“Ciidanka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 44 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa waxaaa sidoo kale lagu burburiyay ilaa saddex gaadiid oo ahaa nooca dagaalka oo ay wateen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa sii wada howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo kooxda ka xoreeyay deegaano muhiim ah.

Sidoo kale waxaa howl-galladan barbar socda duqeymo cirka ah oo ay fulinayaan saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo gacan ka helaya hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Mustaqbalka isbaheysigii Asmara kadib heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Khamiistii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Muqdisho si uu ula kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Safarkan ayaa jawaab u ahaa booqashadii lama filaanka ahayd ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu bishii hore ku tagay Addis Ababa.

Kulamada rasmiga ah ee labada hoggaamiye ayaa imanaya kaddib markii ay bishii December 2024 kala saxiixdeen Heshiiskii Ankara, kaas oo soo afjaray sannad dhan oo khilaaf iyo xiisado siyaasadeed ah oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Dad badan ayaa u arka booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy mid xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo go’naa tan iyo Janaayo 2024.

“Waxaan wadahadallo qoto dheer ka yeelanay arrimo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale ee wadajirka ah. Geeska Afrika waa gobol hodan ku ah kheyraad dabiici ah—dhul beereed bacrin ah, biyo nadiif ah, iyo xoog shaqaale oo ballaaran. Hase yeeshee, wali waxa aan la tacaaleynaa sidii aan isku filnaan dhaqaale u gaari lahayn,” ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

“Tani waxay ka dhigaysaa is-dhexgalka goboleed mid lagama maarmaan u ah gaarista himilooyinkeena guud. Gobolkeennu waxa uu leeyahay awood aad u weyn oo aan si wadajir ah uga faa’iidaysan karno. Uma horumari karno kaligeen, balse wadajir ayaan u kobci karnaa. Ka fikiridda xalka gobolka iyo iskaashiga waa lama huraan, waxaana diyaar u nahay inaan Soomaaliya kala shaqeyno sidii tani dhab u noqon lahayd.”  

Booqashadan ayaa muujinaysa horumar la taaban karo oo ku aaddan hirgelinta heshiiska Ankara, iyadoo sidoo kale muujineysa in Itoobiya ay dib uga sii durugtay heshiiskii is-afgaradka ee ay la gashay Somaliland. Arrintan waxay la jaanqaadaysaa mowqifka hoggaanka cusub ee Somaliland, kaas oo aan si cad u muujin xiisaha uu u qabo fulinta heshiiskaas.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa ka laabatay qorshe ay Itoobiya u diiday in ay uga mid noqoto waddamada ciidamadooda ka qeyb qaadanaya hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Waxaa toddobaadkan lagu dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ay qeyb ka noqon doonaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaas oo bishii hore si rasmi ah u billowday.

Isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda gobolka

Falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa rumeysan in horumarkan uu muujinayo isbeddel weyn oo ku yimid xeeladaha diblomaasiyadeed ee gobolka, iyadoo dhowaan la arkay burburka isbahaysigii Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar.

Sida ay qabaan khubaradu, sameysanka iyo burburka isbahaysiyo siyaasadeed ee Geeska Afrika waa arrin soo noqnoqota.

“Xiriirka dowladaha Geeska Afrika mar walba wuu is-bedbedeli jiray. Mar waa saaxiib, marna waa colaad. Kaliya xiriirka Itoobiya iyo Kenya ayaa inta badan ahaa mid xasilloon. Sidoo kale, Itoobiya iyo Jabuuti, iyo Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, waa kuwo deggan. Laakiin Itoobiya iyo Suudaan, Itoobiya iyo Eritrea, iyo Itoobiya iyo Soomaaliya, waxay soo mareen waqtiyo kala duwan oo xasillooni darro ah,” ayuu yiri Dr. Constantinos Berhutesfa, oo horey uga tirsanaa Midowga Afrika kana faallooda siyaasadda gobolka.

Waxa uu aaminsan yahay in is-afgaradka cusub ee Muqdisho iyo Addis Ababa uu ka dhashay Heshiiskii Ankara iyo mowqifka aan caddayn ee Somaliland ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Abdirahman Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa horey u sheegay in maamulkiisu dib u eegis ku sameyn doono heshiiska, taas oo siisay Itoobiya fursad ay ku hakiso heshiiskaasi, oo sababay xiisadaha gobolka sannadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, heshiiskan cusub wuxuu meesha ka saaray dadaalladii Masar ee lagu go’doominayey Itoobiya iyada oo loo marayo Suudaan iyo qorshe ay ciidamo ugu soo dirtay Soomaaliya.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea oo halis ku jira

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in xiriirka sii xumaanaya ee Itoobiya iyo Eritrea uu sababi karo xiisado cusub. Tan iyo markii Itoobiya ay dib usoo celisay xiriirkeeda Soomaaliya, waxaa jira walaac laga qabo in Eritrea ay dareento in la go’doomiyay.

“Horumarka laga gaaray xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya waa mid wanaagsan, balse waxaa laga yaabaa in Eritrea ay ka carootay. Kahor is-afgaradka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa jiray isbahaysi saddex geesood ah oo ay wada saxiixdeen Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya bishii Oktoobar 2024. Hadda, Soomaaliya waxay isku hallaynaysaa Itoobiya, taasoo la micno ah in heshiiskii Asmara uu burburay,” ayuu yiri Constantinos.

Wuxuu intaa ku daray: “Laakiin su’aashu waxay tahay, Soomaaliya ma sii ahaan doontaa mid xasilloon? Maxay samayn karaan dalalka Masar iyo Eritrea, oo horey uga shaqeynayay in Itoobiya laga go’doomiyo? Ma taageeri doonaan Al-Shabaab? Ma sii wiiqi doonaan xasilloonida Soomaaliya?”

Dhowaan, Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ku leeyahay gudaha Soomaaliya, taas oo xoojinaysa doorka Washington ee ku aaddan xaaladda gobolka.

Itoobiya oo dib u dhiseysa sumcadeeda caalamiga ah

Iyadoo Itoobiya ay heshiis la gaartay Soomaaliya, haddana waxaa weli taagan xiisadda kala dhaxeysa Masar ee ku saabsan biyo xireenka GERD, iyo sidoo kale walaacyada amni ee gobolka. Heshiiskii ay la gashay Somaliland wuxuu Itoobiya ku yeeshay saameyn diblomaasiyadeed oo ba’an.

Constantinos wuxuu ku taliyay in Itoobiya ay abaabusho shir caalami ah oo looga hadlayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Maadaama guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika uu ka soo jeedo Geeska Afrika, wuxuu kaalin ka qaadan karaa shirkan. Itoobiya waa in ay diiradda saartaa abaabulidda shir caalami ah oo nabadda iyo ammaanka looga hadlayo. Tani waxay gogol xaar u noqon kartaa isku xirka gobolka,” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Kenya ay hadda raadineyso inay la wareegto doorkii Itoobiya ee xasillinta gobolka, iyadoo dhawaan shaacisay howlgallo nabad ilaalin ah oo ka socda xadka ay la leedahay Itoobiya.

“Tani waa inay noqotaa doorkii Itoobiya,” ayuu yiri Constantinos, isagoo tilmaamay in Addis Ababa ay tahay xarunta Midowga Afrika (AU), Guddiga Dhaqaalaha Afrika (ECA), iyo in ka badan 120 safaaradood iyo hay’ado caalami ah, taas oo ka dhigaysa caasimadda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Afrika.

“Waxaa la joogaa xilligii Itoobiya ay dib u dhisi lahayd doorkeeda gobolka,” ayuu yiri, isagoo xusay in shir heer caalami ah uu sare u qaadi karo sumcadda Itoobiya ee caalamka, isla markaana uu xallin karo xiisadaha taagan.

CC SHAKUUR oo qeyliyey, weerarna ku qaaday Xasan kadib arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda dalka, gaar ahaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u cambaareeyay xarigga loo gaystay Wariye Cali Aadan Muumin oo xalay xabsiga la dhigay iyo sidoo kale is hortaaggii lagu sameeyay xildhibaannada Jubbaland ee laga celiyay Kismaayo.

Siyaasigan oo si weyn weerar ugu qaaday Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabooyinka uu qaaday ay muujinayaan taag-yaradiisa, maadaama uu dhammaanayo muddo xileedkiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warsame ayaa su’uaal ka keenay waxa loo cuksaday xarigga Wariye Cali Aadan Muumin, wuxuuna yiri “Bal eeg sababta loo cuskaday xarigga wariyaha “Qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madax”.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan jebinta shuruucda dalka oo uu ugu horreeyo dastuurka iyo burburinta hantida guud ee qaranka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waxaan canbaaraynaa xarigga wariye Cali Aadan Muumin, waana in degdeg loo sii daayo, xoriyaddiisana loo soo celiyo.

Xarigga Cali,  Xildhibaannadii safarka laga xayiray, iyo kulamada siyaasadeed ee la hor istaagay waa ififaalo muujinaya taagyarida rajiimka muddo xileedkiisu dhammaanayo. Waxay kaloo caddayn u tahay in xeeladdii xil iyo xoolo ku aamusinta ee caadada u ahayd rajiimka ay shaqayn la’dahay.

Bal eeg sababta loo cuskaday xarigga wariyaha “Qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madax”

Madax dastuurkii dalka beddeshay, sharcina uusan xakamaynin, awoddii dowladeed iyo hantidii qaranka ku takrifalaysa ayaa ku leh ciddii wax naga sheegta waa danbiile.

Dhurwaa baa laga sheegay gano Doofaar baa ii sahansan, innaguna waxaan leenahay Tiiro-dhigga rajiimka inoo sahansan.

Sisi oo farriin deg deg ah u diray Afwerki kadib safarkii Abiy Ahmed ee Muqdisho

Asmara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Jimcihii booqday caasimadda Eritrea ee Asmara si uu fariin uga gudbiyo Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El Sisi, uguna dhiibo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay Sabtidii soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Fariinta Madaxweynaha Masar ayaa diiradda saartay xoojinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iyo sidoo kale arrimo goboleed oo dan u ah labada dhinac.

Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, Danjire Tamim Khallaf, wadahadalladu waxay sidoo kale taabanayeen arrimo muhiim ah oo labada dal ay iska kaashan karaan.

Khallaf wuxuu xusay in booqashada Abdelatty ay la xiriirto daba-galka booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweyne Sisi bishii Oktoobar 2024 ku tegay Asmara, iyo in la xoojiyo hab-maamuuska iskaashiga saddex-geesoodka ah ee Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya.

Shirkii ugu horreeyay ee heer wasiir ee iskaashi-gan ayaa lagu qabtay Qaahira bishii Janaayo, waxaana hadda la diyaarinayaa kulankii labaad oo la filayo in la qabto mustaqbalka dhow.

Xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah

Intii uu socday kulanka Wasiir Abdelatty iyo Madaxweyne Afwerki, waxay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka wanaagsan ee labada dal iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyo kala duwan si loo gaaro danaha labada dowladood.

Wadahadalladu waxay sidoo kale diiradda saareen arrimaha gobolka, gaar ahaan xaaladda qaaradda Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray taageerada Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo dadaallada ay ugu jirto xaqiijinta madax-bannaanideeda dhuleed.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay xaaladda Sudan, iyadoo la adkeeyey baahida loo qabo in la bixiyo dhammaan noocyada taageerada ee dowladda Sudan iyo hay’adaha qaranka si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalkaas.

Arrimaha gobolka iyo badda cas

Kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Madaxweynaha Eritrea ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey xaaladda Libya iyo gobolka Saaxil ee Afrika, iyo sidoo kale xasiloonida Badda Cas. Waxaa la caddeeyey mowqifka labada dal ee ah in aan dowlado aan xeebaha Badda Cas lahayn loo ogolaan inay ka qeyb qaataan amniga iyo maamulka baddaas, taasi oo u muuqata in loola jeedo Itoobiya.

Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa u diray salaan iyo mahadnaq Madaxweyne Sisi, isagoo muujiyey rabitaankiisa ku aaddan horumarinta xiriirka labada dal si loola jaanqaado rabitaanka shacabka iyo xiriirka taariikhiga ah ee Masar iyo Eritrea.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya 11-kii Janaayo 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in saddexda dal ay ku heshiiyeen “in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyo bixinta taageero buuxda oo lagu garab istaagayo dowladda Soomaaliya.”

Saddexda wasiir waxay sidoo kale isla meel dhigeen fulinta tallaabooyin la jaanqaadaya heshiisyadii ka soo baxay shirkii madaxda saddexda dal ee Asmara.

Waxay diiradda saareen horumarinta amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo sidoo kale ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha gobolka, iyagoo raacaya xeerarka caalamiga ah iyo mabda’a aan faragelin lagu sameyn arrimaha gudaha ee dowladaha madax-bannaan.

Sidoo kale, saddexda wasiir ayaa soo dhaweeyey horumarka laga sameeyey xoojinta iskaashiga saddexda dal si loo xaqiijiyo amniga Soomaaliya. Waxay si gaar ah u xuseen iskaashiga joogtada ah ee Masar iyo Soomaaliya ee dhinacyada nabad-ilaalinta iyo dib-u-dhiska nabadda, iyadoo Masar ay kaalin ka qaadanayso Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Fariinta Sisi uu u diray Afwerki iyo booqashada Badr Abdelatty ee Asmara ayaa timid maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu booqasho ku tegay Muqdisho, xilli ay isku soo dhowaadeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Tallaabada Sisi ayaa u muuqata mid direysa farriin ah in isbaheysiga saddex geesoodka ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea aanu waxba iska beddelin.

Itoobiya oo war cusub ka soo saartay xiriirka Soomaaliya kuna dhowaaqday in uu…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Nebiat Getachew, ayaa sheegay in xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu si weyn u xoogeysanayo, iyada oo mas’uuliyiinta labada dal ay si joogto ah isugu imaanayaan booqashooyin heer sare ah.

Afhayeenku ayaa qabtay shir jaraa’id, isaga oo ka hadlay arrimaha gudaha, gobolka, iyo caalamka ee haatan taagan.

Danjire Nebiat waxa uu xusay in dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ay si muuqata u mira-dhaleen, gaar ahaan dhinaca diblomaasiyadda siyaasadeed.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in labada dal ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, iyagoo door muhiim ah ka qaadanaya la dagaallanka argagixisada iyo sugidda nabadda gobolka iyo caalamka, taasoo waafaqsan heshiisyadii ay hore u gaareen.

Afhayeenku waxa uu carrabka ku adkeeyay in hab-diblomaasiyadeedka xeel-dheer ee Itoobiya uu horseeday natiijooyin wax-ku-ool ah, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenku waxa uu xusay in booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku tegay Muqdisho ay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray xiriirka labada dal iyo billowga xilli cusub oo ku saabsan iskaashi laba geesood ah.

Kadib booqashadaas, labada dal waxay soo saareen war-murtiyeed wadajir ah, iyadoo Danjire Nebiat uu carrabka ku adkeeyay in jihada cusub ee xiriirkooda aysan kaliya faa’iido u lahayn iskaashiga labada dal, balse ay muhiim u tahay nabadda iyo amniga gobolka.

Sidoo kale, waxa uu xusay in horumarka labada dal uu si toos ah isugu xiran yahay, isagoo tilmaamay in amniga Soomaaliya uu si toos ah u saameeyo xasilloonida Itoobiya.

Danjiruhu waxa uu sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen iskaashi ku saabsan mashaariic istiraatiiji ah oo labada shacabba faa’iido u leh, isaga oo sidoo kale xaqiijiyay in Itoobiya ay ka qaybqaadan doonto howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Danjire Nebiat waxa uu sidoo kale xusay in dhacdadii ugu weynayd ee xagga diblomaasiyadda dhaqaale ee toddobaadkan ay ahayd Madasha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Itoobiya-Shiinaha oo lagu qabtay Addis Ababa.

Waxa uu intaas ku daray in shirkado badan ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan ka qaybgalka warshadaynta baabuurta korontada ku shaqeeya, qalabka wax-soo-saarka beeraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo tiknoolajiyada macluumaadka iyo isgaarsiinta (ICT).

Danjiraha ayaa sidoo kale ka hadlay dadaallada lagu doonayo in dib loogu celiyo muwaadiniinta Itoobiya ee ku xayiran Myanmar. Waxa uu faahfaahiyay in la wado xaqiijinta dukumentiyada safarka iyo qabanqaabada dib u celinta 246 qof oo ka tallaabay xadka Myanmar una gudbay Thailand, si ay dib ugu laabtaan Itoobiya.

Afhayeenku waxa uu shacabka uga digay xayeysiisyada marin-habaabinta ah ee ay faafinayaan dadka tahriibka sharci-darrada ah ku lug leh, isagoo uga digay in loo shaqo tago dalal aan ilaalin qandaraasyada shaqo ee sharciyeysan.

Deni oo jeediyey hadal cajiib ah oo muujinaya sida ay u kala duwan yihiin Axmed Madoobe

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa dagaalkan uga hadlay si cajiib ah, isagoo hadalkiisa ka duway sida uu uga hadlay Axmed Madoobe. Khudbadda uu jeediyey habeen ka hor ayuu xoogga ku saaray dagaalka ay kula jiraan Daacish, inkasta oo uu sidoo kale ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa in halkaan hambalyo uga diro ciidamada Soomaaliyeed ee annaga oo kale howlgallada uga wada deegaannada kale ee dalka. Meel kasta oo ay joogaan ciidamada Soomaaliyeed waxay gudanayaan shaqo naf-hurnimo ah. Inta shahiiday Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland, oo qiray in dagaalku uusan sahlaneyn, ayaa dowladda federaalka iyo maamullada kale ee dalka ugu baaqay inay dhabar-adayg muujiyaan iyagoo Alle talo saaranaya.

“Dagaalka Khawaarijta waa howl qaran, halaga wada qayb qaato. Dadka Soomaaliyeed ha u jiheystaan dagaalka argagixisada dalkooda kusoo duushay,” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Saciid ayaa dadka Soomaaliyeed ku eedeeyey inay dalkooda dayaceen, taasoo u fududeysay argagixisada inay qabsadaan. “Dadka Soomaaliyeed xisaabaadka dib ha u fiiriyeen, wixii ay qaldeena ha saxaan,” ayuu yiri.

Hadalka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo aadaya iyadoo Axmed Madoobe uu ka hadlay dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka kula jiraan Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa si ka duwan Deni uga hadlay arrinta dagaalka, isagoo sheegay in ciidamada qaranka Soomaaliyeed aysan niyad iyo caqiido dagaal ku lahayn.

Axmed Madoobe ayaa tusaale u soo qaatay weerarrada isdaba-joogga ah ee maalmahan ay Shabaab ka bilaabeen gobollada HirShabeelle, isagoo sheegay in ciidamada qaranka aysan dagaalka niyad u hayn. Wuxuu eedda dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre, oo uu sheegay inay siyaasadda isku hayaan.

Axmed Madoobe wuxuu muujiyey cuqdad uu u qaaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama loo adeegsaday xilligii Farmaajo iyo hadda oo Xasan Sheekh joogo, dagaal toos ahna ay la galeen. Hadalkiisa waxaa laga dheehan karay inuusan wax jixin-jix ah u haynin ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta.

Kuraastii ay baneeyeen Saadaq Joon iyo Mustaf Dhuxulow oo la buuxinayo

0

Muuqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa qaaday tallabo culus oo ku aadan qabashada doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo, loona helo xubnihii soo buuxi lahaa kuraasta bannaan.

Guddiga oo warqad soo saaray ayaa haatan iclaamiyey doorashada kuraasta HOP#248 iyo HOP#049, isla markaana ay horay u banneeyeen Saadaq Cumar Xasan (Joon) iyo Mustaf Sheekh Cali (Dhuxulow) oo xilal sare looga magacaabay dowladda federaalka.

Saadaq Joon ayaa loo magacaabay agaasime ku xigeenka hay’adda NISA, halka Mustaf Dhuxulow isaguna loo magacaabay agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxayna sidaas ku waayeen xubinimadoodii baarlamaanka 11-aad.

Labadaan kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa doorashadooda la qaban doonaa  6-da, ilaa 8-da bishaan , sida lagu shaaciyay warqadda kasoo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashada.

Waxaa sidoo kale weli jira kuraas kale oo ka bannaan baarlamaanka Soomaaliya, waana illaa 3 kurs oo kala ah kursigii uu ka tegay agaasimaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen AUN xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamud Maxamed Seeseey.

Si kastaba, Tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashada ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii Bishii lasoo dhaafay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad uu u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqsa leh kusoo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya.

Daawo: Mukhtaar Roobow oo arrin xasaasi ah kala hadlay culimada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira midnimada guud ahaan culimada Soomaaliyeed.

Roobow ayaa shaaca ka qaday in wasaaradda uu hoggaamiyo ee Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay u taagan tahay in ay mid noqdaan dhammaan culimad Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah bulshada, iyaga oo door wayn ka qaata dhanka wacyi-gelinta.

“Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka waxay u taagan tahay waa culimada Soomaaliyeed in aad mid noqotaana waa farxadeena,” ayuu yiri Wasiie Roobow.

Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Wasaaraddu waxay qaadim u tahay dhammaan culimada Soomaaliyeed oo waa diin adeegeysaa, waxaan rajeyneyaa inaad nala sii shaqeysaan”.

Sidoo kale Wasiir Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ku boggaadiyay inay sanadkan isku raaceen maalinta 1-aad ee Soonka.

“Waxaa kaloo aad in loogu farxo ah bilashada Ramadaan waa maalin la sugayay waxaana cajiib ah in iyadoo Ramadaanka la’isku wada waafaqsan yahay oo la wada sooman yahay kuwa sooman iyo kuwa leh wa beentood aanay jirin” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu horumar iyo barwaaqo u rajeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale guul u rajeeyay ciidamada la dagaalamaya kooxaha Khawaarijta.

Hadalkan ayaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka wuxuu ku sheegay madal ay ku sugnaayeen culimo badan oo Soomaaliyeed, taaas oo xalay lagu daah-furay Gole ay ku mideysan yihiin culimada Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Waa sidee xaaladda dhaawacyadii laga keenay furimaha dagaalka? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa haatan soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee dhaawacyada askartii laga keenay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada oo ku jira Isbitaala Xoogga ayaa waxaa xalay booqatay Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marow Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyada oo u kuurgashay xaaladda dhaawacyada ku jira isbitaalka ee dagaallada kusoo dhaawacmay.

Khadiija Al-Makhzoumi ayaa sidoo kale deeq kala duwan gaarsiisay ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee soo dhaawacmay, taas oo qayb ka ah ka war qabkooda.

Deeqdan oo u badneyd dhar ka kooban Macawiisyo, go’yaal Iyo bustayaal ayey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka wada gaadhsiisay dhammaan dhaawacyada Ciidammada soo dhaawcmay, waxaana Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo la hadashay ciidammada u rajeysay caafimaad buuxa inuu Aebbe weyne siiyo.

Sidoo kale wasiiradda ayaa sheegtay in tallaabadan qeyb ka tahay ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddu deeqo kala duwan ku gaarsiineyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo xalay socodka ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo guddiga ololaha guddoomiye u ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guud u wadda garab istaag ay muujineyso ciidamada halgamaya, si ay u helaan niyad-dhis iyo taageero wax ku ool ah.

Soomaaliya ayaa waxaa kasii soconaya dagaallada ka dhanka ah argagixisada oo sii xoogeystay todobaadyadii lasoo dhaafay, kadib markii ay soo laba kacleeyeen kooxaha Khawaarijta oo isku dayay inay dib u qabsadaan deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe.

Gole shacab mise gole shaqaaqo: Sidee shalay wax uga dhaceen Villa Hargeysa?

Barakacayaal, Queen Boodo, xayiraad iyo isku eedayn dil iyo shirqool—kuwaas ayaa ugu badnaa waxyaabihii laga maqlaayay Qalka Golaha Shacabka oo fadhigiisii caadiga ahaa Sabtidii ku qabsaday xaruntiisa Villa Hargeysa.

Sida wax u dhaceen shalay waxay ahayd mid aan ku imaan qorshe iyo ajande rasmi ah. Xildhibaannada ayaa dhaafay xuduudka doodda iyo aragti is-weydaarsiga. Waxaa golaha ka dhex dhacay aflagaaddo, eedayn iyo isku xukumid dambiyo.

Hannaanka hoggaaminta Aadan Madoobe ayaa qayb ka mid ah Xildhibaannadu wax iska weydiiyeen. Marka la eego sida uu u maareeyey fadhiga shalay, dad badani waxay qabaan inay tahay caddayn aan marag u baahnayn. Kulankii ayaa ku dhammaaday qaylo iyo buuq.

Fadhiga baarlamaanka ee qabsoomay ayaa ajandihiisa lagu soo daray mooshin lagu dalbanayo in la laalo xayiraadda duulimaadyada ee saaran Maamulka Jubaland. Sidoo kale, waxaa la qorsheeyay in loo yeero hay’adaha ammaanka ee mas’uulka ka ah xannibaadda.

Qayb ka mid ah Xildhibaannada ayaa keenay cabasho ay ka muujiyeen ishortaag safar oo lagu sameeyey xilli ay u jeedeen dhanka Kismaayo.

Furitaankii kulanka ayaa isku beddelay gole muran, qaylo iyo dhawaaq taban. Xildhibaannadii hadalka qaatay—oo u badnaa mucaaradka—ayaa eed tiro beel ah dusha ka saaray Xukuumadda. Inkastoo ay xaq u lahaayeen inay doodaan, haddana dooddu waxay gashay deel-qaaf, waxaana golaha ka soo baxay erayo aan dheguhu jeclaysanayn maqalkooda.

Doodda metaalada iyo deegaanka

Doodda Xildhibaannada oo u muuqatay mid ka firfircoon sidii looga bartay ayaa kululaatay, kaddib markii ay xubnaha Baarlamaanka dooddooda u dhigeen qaab deegaan, qabiil iyo reernimo. Tani waxay muujisay in Xildhibaannadu aysan aragti dowladnimo ku dhisin dooddooda.

Hadalkii uu Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Yare) ku tilmaamay xubnaha ka soo jeeda Soomaaliland inay yihiin barakacayaal ayaa buuq weyn dhaliyey. Hase yeeshee, marka laga tago xanafta hadalkiisa, haddana marka dhanka kale laga eego, hadalka Xasan Yare wuxuu xujo ku yahay doorashada qof iyo cod ah.

Eedaymo waaweyn oo la soo bandhigay

Intii uu socday fadhiga Baarlamaanka wuxuu u muuqday meel aan xeer iyo xad lahayn. Xildhibaannadu waxay sii daayeen eedo badan, kuwaas oo qaarkood aad u culus yihiin, laguna jiro eedo la xiriira dil.

Mid ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto Jubaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, ayaa Wasiirka Amniga ku eedeeyey inuu in ka badan toban jeer dil iyo shirqool u maleegay. Xildhibaanku wuxuu Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag—oo isku deegaan yihiin—dusha u saaray inuu naftiisa halis geliyey. Waa eed aad u weyn, maadaama Wasiir Amniga Qaranka uu mas’uul ka yahay badbaadada shacabka. Arrintan waxaa sii cuslaynaya in Xildhibaan Qaran oo xasaanad leh uu Baarlamaanka hortiisa ka jeediyey eeddiisa.

Xeeldheerayaasha sharciga iyo garsoorka oo aan la hadalnay waxay qabaan in eedda Xildhibaanka aan sidaas lagu dhaafi karin. Waxay ku doodeen in arrinta aan laga dhigi karin eed siyaasadeed, balse loo baahan yahay baaritaan garsoor oo madax-bannaan si shacabka loo soo bandhigo xaqiiqada.

Sida shalay wax uga dhaceen Baarlamaanka kama turjumayaan meeqaamka golaha. Waxaa la soo jeediyey eedeymo, shirqool dil, xayiraad, caga-juglayn iyo bahdil ay la kulmeen xildhibaannada.

Marka la eego dhammaan wixii meesha ka dhacay, waxay muujinayaan sida golahani u yahay mid fadhiid ah, laguna tilmaami karo Baarlamaankii ugu tayada hooseeyay ee dalka soo mara, fashil hoggaamineedna uu haysto, sida ay qabto Xildhibaan Cadar oo Jubaland ka soo jeeda.

PKK oo ku dhowaaqday xabad-joojin deg deg ah

Ankara (Caasimada Online) – Kooxda hubeysan ee Kurdistan Workers Party (PKK), ee la mamnuucay, ayaa Sabtidii ku dhawaaqday xabbad-joojin degdeg ah, sida ay shaacisay wakaalad warar oo ku dhow kooxdaasi.

Go’aankaan ayaa yimid kadib markii hoggaamiyaha xiran ee kooxda Abdullah Ocalan, uu ku baaqay in la dhigo hubka, taasi oo ah tallaabo weyn oo lagu soo afjari karo kacdoon 40 sano socday.

Ocalan ayaa Khamiistii ugu baaqay PKK inay hubka dhigaan oo ay is-kala diraan, arrin ay taageereen xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbiga mucaaradka ee u ololeeya xuquuqda Kurdiyiinta, DEM.

Haddii xabbad-joojintu hirgasho, waxay saamayn weyn ku yeelan kartaa gobolka, iyadoo la soo afjari karo dagaalka ay PKK billowday 1984-kii, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 40,000 oo qof.

PKK, oo hadda saldhig ku leh buuraha waqooyiga Ciraaq, waxay muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Turkiga.

Dagaalkaasi wuxuu si weyn u saameeyay koonfur-bari Turkiga, halkaas oo uu kumannaan qof ku dilay, sidoo kalena dhaqaale burbur oo weyn gaarsiiyay.

Xabbad-joojinta ayaa Erdogan siin karta fursad siyaasadeed oo gudaha ah, islamarkaana u noqon karta tallaabo taariikhi ah oo lagu xasillinayo gobolka.

PKK waxay sheegtay inay rajeynayso in Ankara ay u oggolaato Ocalan, oo tan iyo 1999 ku jira xabsi go’doon ah, xorriyad dheeraad ah si uu u hoggaamiyo geeddi-socodka dhigaalka hubka. Kooxdu waxay sidoo kale xustay in ay lagama maarmaan tahay in la abuuro xaalado siyaasadeed iyo dimuqraadi ah si heshiiska loo hirgeliyo.

“Anaga oo ah PKK, si buuxda ayaan ugu raacsanahay nuxurka baaqa, waxaana caddeyneynaa inaan fulin doono dhammaan shuruudaha lagu xusay,” ayay kooxda ku sheegtay bayaan ay u dirtay wakaaladda wararka ee Firat.

“Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta dhigaalka hubka waxay suurtagal noqon kartaa oo kaliya haddii hoggaaminta tooska ah uu yeesho Hogaamiye Apo,” ayay sii raacisay, iyagoo xusay inay si degdeg ah u joojinayaan weerarrada, ilaa laga soo weeraro.

PKK, oo ay Turkiga iyo xulafadiisa Reer Galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay qabato shirweyne, sida uu Ocalan codsaday. Si kastaba ha ahaatee, waxay shuruud uga dhigtay in la xaqiijiyo ammaan buuxa si Ocalan uu si shaqsi ah u hoggaamiyo shirkaas.

Muxuu Erdogan ka yiri?

Isagoo ka hadlayay munaasabad afur ah oo lagu qabtay magaalada Istanbul Sabtidii, xilli ay billaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu dib u bilaabi doono howlgalada ka dhanka ah PKK haddii geeddi-socodka dhigaalka hubka uu istaago.

Waxa uu intaas ku daray in qorshahan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dadaallada dowladda ee lagula dagaallamayo argagixisada.

“Haddii ballamihii la qaaday si joogto ah loo wado dib-u-dhigidooda, ama la isku dayo in wax lagu sirto, magaca la beddelo, oo wax walba la iska yeelo sidii la doono, mas’uul kama noqon doonno wixii dhaca,” ayuu yiri Erdogan.

“Haddii loo baahdo, howlgalladeenna – oo weli socda – waan sii wadi doonnaa, ilaa argagixisada dhammaan laga ciribtiro, dhagax dhagax kale laga dul qaado, madaxna garbaha laga tuuro,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo xusay in Ankara ay sidoo kale soo afjari doonto halisaha kaga imanaya xadka.

Madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Cevdet Yilmaz, ayaa horey u sheegay in burburka PKK “aan wax wadahadal ah lagu samaynin” ay furi doonto waddo cusub.

Dadaalladii hore ee lagu joojin lahaa kacdoonka PKK, oo la sameeyay intii u dhaxaysay 2009-2011 iyo 2013-2015, ayaa fashilmay, taasoo keentay rabshado sii kordhay.

PKK oo dalbanaysa xorriyadda Ocalan

Xisbiga DEM ayaa Jimcihii ugu baaqay dowladda inay qaado tallaabooyin lagu xoojinayo dimoqraadiyadda, iyagoo u sheegay wakaaladda Reuters in jawaabta dowladda ay tahay mid aad u muhiim ah.

Dhanka kale, PKK ayaa ku adkeysatay in Ocalan “uu helo xorriyad jir ahaaneed, yeesho xaalado nololeed iyo shaqo oo sax ah, oo uu xiriir la samayn karo cid kasta oo uu doono, oo ay ku jiraan asxaabtiisa, iyadoon wax caqabad ah jirin.”

Wali ma cadda in Ankara ay wax ka qaban doonto dalabyadan. Wasiirka Caddaaladda Turkiga, Yilmaz Tunc, ayaa Jimcihii u sheegay taleefishinka CNN Turk in aysan jirin wax wadahadal ah oo ku saabsan cafis, xabsi guri, ama ikhtiyaarro kale.

Dadka fallanqeeya siyaasadda Turkiga ayaa sheegay in Erdogan, oo horey dhowr jeer u isku dayay inuu soo afjaro colaadda, uu hadda diiradda saarayo faa’iidada siyaasadeed ee uu ka heli karo nabadda, isagoo xusaya inuu doonayo in uu xafiiska sii joogo kadib marka xukunkiisu dhammaado 2028.

Heshiis nabadeed wuxuu meesha ka saari lahaa arrimaha la xiriira PKK ee ka taagan waqooyiga Ciraaq, halkaas oo ay Kurdiyiinta xukumaan islamarkaana uu Turkiga dagaal kula jiro maleeshiyaadka.

Baaqii Ocalan wuxuu daba socday soo jeedin lama filaan ah oo bishii Oktoobar ka timid Devlet Bahceli, oo ah xulafada Erdogan ee mayalka adag. Dalabkiisa waxaa si wanaagsan u soo dhaweeyay Mareykanka, Midowga Yurub, iyo xulafada kale ee Reer Galbeedka, iyo sidoo kale dalalka deriska la ah Turkiga sida Ciraaq iyo Iran.

Sabtidii, Bahceli ayaa soo dhoweeyay bayaanadii PKK, isagoo sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo lala geli karo kooxdaas, islamarkaana hubka dhigistooda iyo burburkooda – iyo dhammaan garabyadooda – ay tahay arrin dan ugu jirta qof walba.

“Xaaladdan cakiran iyo duruufaha adag, fursad taariikhi ah ayaa u furantay Turkiga,” ayuu yiri Bahceli, isagoo xusay in aan la oggolaan karin in hanaanka nabadeed la carqaladeeyo.

Turkiga ayaa isku dayaya inuu uga faa’iidaysto isbeddelka siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan kadib burburkii xukunkii Bashar al-Assad ee Suuriya. Dowladda cusub ee Islaamiga ah ee Dimishiq ayaa xiriir wanaagsan la yeelatay Ankara, taasoo sii xoojisay dagaalka uu Turkiga kula jiro xoogagga Kurdiyiinta ee waqooyiga Suuriya.

SDF, oo Mareykanka taageero, ayaa sheegay in baaqa Ocalan uu yahay mid muhiim ah, balse uusan khuseynin iyaga.

Somalia: MPs clash as parliament session turns chaotic

Mogadishu, Somalia – Somalia’s parliament descended into unprecedented disorder on Saturday as lawmakers traded explosive accusations of assassination attempts, tribal slurs, and unlawful travel restrictions, laying bare deep-seated divisions and a profound breakdown in legislative decorum.

The session at Villa Hargeysa in Mogadishu abandoned any semblance of formal debate, instead erupting into a maelstrom of personal attacks and grave allegations.

The parliamentary gathering, lacking a pre-determined agenda, quickly morphed into a scene of raucous shouting and pandemonium. MPs strayed far from structured debate, resorting to personal insults and serious criminal accusations.

“Yesterday’s events were unplanned and devoid of a formal agenda,” a source explained. “Lawmakers crossed the line of reasoned discourse, engaging in insults, accusations, and self-proclaimed judgments of criminal acts.”

Sharp critiques arose concerning Speaker Adan Madoobe’s leadership, with numerous MPs questioning his capacity to maintain order. The session ultimately dissolved into a cacophony of shouts and uproar.

Tribalism fuels volatile debates

At the heart of the turmoil was a motion to lift flight restrictions imposed on the Jubaland regional administration.

Lawmakers also demanded the appearance of security agencies responsible for enforcing the travel ban. Grievances were voiced regarding the obstruction of MPs attempting to travel to Kismayo, the administrative capital of Jubaland.

The session’s opening rapidly devolved into a forum for bitter disputes and vocal opposition. Anti-government MPs unleashed a barrage of accusations against the federal government. While their right to debate was acknowledged, the discourse swiftly deteriorated into personal vitriol and offensive language.

The unusually intense parliamentary debate was further inflamed by MPs’ tendency to frame their arguments along regional and clan lines. This underscored a stark absence of national perspective in the discussions.

A particularly contentious moment arose from a statement by MP Hassan Abdi Ismail (Yare), who referred to MPs from Somaliland as “displaced persons.”

This remark triggered widespread outrage. However, some observers noted that Ismail’s statement implicitly challenged the viability of a “one person, one vote” electoral system. Somaliland, a northern region of Somalia, declared unilateral independence in 1991.

Accusations of assassination plots

The parliamentary session was punctuated by a series of alarming accusations, including allegations of attempted assassinations. An MP from Jubaland, specifically from the Gedo region, accused the Minister of Security of orchestrating his assassination on more than ten occasions.

The MP alleged that Minister Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag, who shares a regional background, had jeopardized his life. This accusation carries significant weight, as the Minister of National Security is responsible for safeguarding public safety.

The gravity of the accusation was amplified by its delivery by a sitting MP enjoying parliamentary immunity.

Legal experts consulted regarding the accusations asserted that the claims could not be dismissed as mere political rhetoric. They emphasized the imperative of an independent judicial investigation to ascertain the truth.

This incident is not isolated. Disputes and allegations have previously marred Somalia’s parliamentary proceedings. For instance, in April 2021, the lower house voted to extend the president’s term by two years, a move rejected by the Senate, leading to a political standoff.

Additionally, in March 2024, Puntland state declared self-governance, withdrawing from the federal system until constitutional amendments were ratified through a nationwide referendum.

Somalia-Ethiopia thaw: How Abiy’s visit reshapes the region?

Mogadishu, Somalia – Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed arrived in Mogadishu on Thursday for an official visit to meet with Somali President Hassan Sheikh Mohamud. The visit follows President Mohamud’s unexpected trip to Addis Ababa last month and signals a potential thaw in diplomatic relations between the two nations.

The talks come in the wake of the December 2024 Ankara Declaration, which ended a year-long political standoff triggered by Ethiopia’s controversial memorandum of understanding (MoU) with Somaliland.

Many analysts view Abiy’s visit as a critical step toward restoring diplomatic ties between Somalia and Ethiopia, which have remained strained since January 2024.

“We held in-depth discussions on key issues, including peace and security, economic cooperation, diplomacy, and joint infrastructure development. The Horn of Africa is rich in natural resources—fertile land, clean water, and a vast labor force. However, achieving economic self-sufficiency remains challenging,” Abiy stated in a social media post.

“This makes regional integration essential to realizing our shared aspirations. Our region has immense potential that can only be fully harnessed through cooperation. We cannot develop in isolation, but together, we can thrive. A regional approach and collaboration are imperative, and we are ready to work with Somalia to turn this vision into reality.”

The visit marks a tangible step toward implementing the Ankara Agreement and signals Ethiopia’s gradual retreat from its contentious MoU with Somaliland. This shift aligns with the stance of Somaliland’s newly elected leadership, which has shown little interest in implementing the agreement.

Meanwhile, Somalia has reversed its opposition to Ethiopia’s participation in the African Union’s peacekeeping mission in Somalia.

This week, it was announced that Ethiopian troops would officially join the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), which was launched last month.

Major diplomatic realignment in the region

Political analysts see these developments as part of a broader realignment in the Horn of Africa’s diplomatic landscape, particularly following the collapse of the Somalia-Eritrea-Egypt alliance.

According to experts, the formation and dissolution of political alliances in the Horn of Africa are recurring patterns.

“Interstate relations in the Horn have always been fluid—sometimes allies, sometimes rivals. The only relatively stable relationship has been between Ethiopia and Kenya. Similarly, Ethiopia’s ties with Djibouti and South Sudan have remained steady. However, Ethiopia’s relationships with Sudan, Eritrea, and Somalia have fluctuated over time,” said Dr. Constantinos Berhutesfa, a former African Union official and regional analyst.

He argues that the rapprochement between Mogadishu and Addis Ababa stems from the Ankara Agreement and Somaliland’s ambiguous stance on the MoU.

Somaliland’s new president, Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro), previously announced that his administration would review the agreement. This has allowed Ethiopia to quietly distance itself from the deal, which escalated regional tensions last year.

Additionally, this diplomatic shift weakens Egypt’s strategy of isolating Ethiopia through Sudan and its military engagement in Somalia.

Ethiopia-Eritrea tensions looming

Despite Ethiopia’s warming ties with Somalia, regional analysts warn that deteriorating relations between Ethiopia and Eritrea could fuel new tensions. Since Ethiopia reestablished ties with Somalia, concerns have grown that Eritrea may feel sidelined.

“The Ethiopia-Somalia rapprochement is a positive development, but Eritrea might see it as a setback. Before this new understanding, Somalia was part of a tripartite alliance with Egypt and Eritrea, signed in October 2024. Now, Somalia is aligning with Ethiopia, effectively dismantling the Asmara Agreement,” said Constantinos.

He added, “The key question now is: Can Somalia maintain stability? Given their previous efforts to isolate Ethiopia, how will Egypt and Eritrea react? Will they provide support to Al-Shabaab? Will they actively work to destabilize Somalia?”

Recently, the United States conducted airstrikes targeting Al-Shabaab bases in Somalia, underscoring Washington’s continued involvement in regional security affairs.

Ethiopia’s diplomatic rebuilding efforts

Despite its rapprochement with Somalia, Ethiopia still faces diplomatic challenges, including ongoing tensions with Egypt over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) and persistent security concerns. The fallout from the Somaliland MoU significantly damaged Ethiopia’s international standing.

Constantinos suggested that Ethiopia take the lead in organizing an international conference focused on regional peace and security.

“With the new African Union chairperson hailing from the Horn of Africa, he could facilitate such a summit. Ethiopia must prioritize convening a high-level peace and security conference. This could lay the groundwork for stronger regional integration,” he said.

He also noted that Kenya is positioning itself to fill Ethiopia’s traditional role in regional stabilization, as evidenced by its recent peacekeeping operations along its border with Ethiopia.

“This should be Ethiopia’s role,” Constantinos asserted, highlighting that Addis Ababa is home to the African Union (AU), the Economic Commission for Africa (ECA), and over 120 embassies and international organizations—making it the continent’s diplomatic hub.

“It is time for Ethiopia to reclaim its leadership role in the region,” he concluded, emphasizing that a well-organized international summit could help rebuild Ethiopia’s global standing while addressing the region’s pressing security challenges.