25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Xog: Xisaabta siyaasadeed ee Xasan Sheekh uu ciidanka Burundi uga saaray AUSSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Burundi, oo ka mid ahayd dalalkii ciidamo ku deeqayey tan iyo markii la aasaasay AMISOM sanadkii 2007, ayaan hadda ka mid noqon doonin hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Arrin oo si weyn uga careysiisay xukuumadda Gitega, ayaa waxaa go’aankeeda leh madaxtooyada Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Africa Intelligence.

Waaberigii 27-kii Febraayo, ciidamo Burundian ah oo ka tirsan ATMIS (Hawlgalka Kumeelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya) waxay u diyaar garoobeen dagaal. Iyagoo kaashanaya ciidanka Soomaaliya, waxay ka hortageen weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday degmada Balcad, oo 35km dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Hase yeeshee, laba maalmood ka hor, kulan ka dhacay xarunta Midowga Afrika ayaa xaqiijiyay in joogitaanka Burundi ee Soomaaliya uu gabagabo ku dhow yahay, kadib 18 sano oo ay halkaas ka howlgalayeen.

Burundi kama mid noqon doonto hawlgalka cusub ee AUSSOM (Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya), kaasoo ATMIS lagu beddeli doono 1-da Luulyo, iyadoo ciidamo Masar ka socda la filayo inay beddelaan Burundians.

Ciidamo yari iyo tartan siyaasadeed

Kulankii guddiga isku-dhafka ah ee ATMIS ee ka dhacay Addis Ababa 24-25 Febraayo, Burundi waxay wali rajaynaysay in laga qaybgeliyo AUSSOM. Sababta ugu weyn ee ay u danaynaysay waa dhaqaalaha ay ka hesho ciidamada ay Soomaaliya ku leedahay, iyadoo la sheegay in ciidamadeeda ku sugan ATMIS ay la daalaa dhacayaan mushaar la’aan gaaraysa in ka badan 10 bilood.

Gitega waxay markii hore bishii Sebtember 2024 soo bandhigtay qorshe ay ku bixinayso 2,500 oo askari, balse dhawaan ayay hoos ugu dhigtay 2,000, oo ay ku jiraan laba cutub oo duulimaadyo ah.

Sida ay sheegeen taliska ciidamada Burundi, tani waa tirada ugu yar ee loo baahan yahay si loo sugo amniga ciidamada, loona fuliyo hawlgallada iyo howlaha saadka. Laakiin qorshahan wuxuu kasoo horjeedaa yoolka Midowga Afrika ee ah in la dhimayo tirada ciidamada ilaa 1,100. Sidaas darteed, hawlgalka cusub waxaa laga dhimayaa guud ahaan ciidamada gaarka ah ee ATMIS oo hadda ah 17,600, loogana dhigayo 11,800.

Xogta ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sidoo kale door weyn ka ciyaaray isbeddelkan.

Isagoo tixgelinaya xiisadaha u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii hore, Xasan wuxuu markii hore doonayay in ciidanka Itoobiya laga saaro hawlgalka cusub, iyadoo lagu beddelayo ciidamada Masar. Arrintan waxay keentay in geedi-socodka xulashada dalalka ciidamo ku deeqaya uu noqdo mid siyaasadeysan, taasoo niyad-jab ku dhalisay diblomaasiyiinta Midowga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, kadib heshiisyadii Ankara ee la saxiixay bishii December 2024, oo dib u hagaajiyay xiriirka Addis Ababa iyo Muqdisho, waxaa la go’aamiyay in ciidamada Itoobiya ay sii joogayaan Soomaaliya iyagoo hoos imaanaya Midowga Afrika.

Xasan Sheekh, oo hore u ballanqaaday in Itoobiya iyo Masarba ka qaybqaadan doonaan hawlgalka cusub, wuxuu ugu dambeyn ka saaray ciidamada Burundi.

Maalgelin la sugayo

Masar, oo qorsheyneysa inay si gaar ah ciidamo ugu dirto Soomaaliya, waxay filaysaa inay hawlgalka ku biiriso 1,091 askari, kuwaasoo la wareegi doona aagga ay hore u joogeen Burundians ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo saldhigga ugu weyn uu noqon doono magaalada Jowhar.

Wafdiga militariga Masar ayaa haatan ku sugan dalka si ay u qiimeeyaan goobaha saldhigyada. Ciidamada Masar loogama fadhiyo inay si toos ah ula falgalaan ciidamada Itoobiya, kuwaasoo sii joogi doona gobollada Gedo, Bakool iyo Bay.

Inta aan la shaacin qorshahan, taliyaha ciidanka Itoobiya, Jeneral Birhanu Jula, wuxuu 22-kii Febraayo heshiis kula saxiixday Muqdisho dhiggiisa Soomaaliya, Jeneral Odowaa Yuusuf Raage.

Heshiiskan wuxuu qeexayaa shuruudaha joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, hadday noqonayso kuwa hoos yimaada Midowga Afrika ama kuwa lagu keenayo heshiis gaar ah. Sidoo kale, wuxuu gogol-xaar u noqday booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee Muqdisho 27-kii Febraayo.

Inkasta oo qorshaha AUSSOM wali la dhameystirayo, maalgelintiisa ayaa dib u dhacday. Shir lagu qabanayo Doha bisha April ayaa lagu casuumay taageerayaal dhaqaale oo suurtagal ah, kuwaasoo ay ku jiraan Midowga Yurub, dalalka Khaliijka, iyo Turkiga.

Wadamada Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa muujiyay rabitaankooda ah in la dhaqan geliyo Qaraarka Qaramada Midoobay ee 2719, kaasoo dhigaya in QM ay dabooli karto ilaa 75% kharashaadka hawlgallada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

Mucaaradka Lafta-Gareen oo dib isugu abaabulay Xamar kadibna bilaabay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib isku abaabulay, iyagoo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Laftagareen.

Kulan xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid inta badan xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah xildhibaannada labada gole ee laga soo doorto deegaannada maamulkaasi, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha soo kordhay.

Waxaa shirkan sidoo kale kasoo muuqday musharraxiinta ku bahoobay Madasha Maanshiil, oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah, sida madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo mas’uuliyiin kale.

Inta badan xubnaha ka qayb-galay shirka ayaa diiradda saaray xaaladda sii cakirmeysay ee maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka horyimaadeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Laftagareen.

Ugu horreyn, warsaxaafadeed ay soo saareen mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay indhaha ka qabsatay xaaladda ka taagan maamulka, iyo falal gurracan oo ay sheegeen in madaxweynaha maamulkaasi uu kula dhaqaaqay shacabka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale nasiib darro weyn ku tilmaamay in Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed uu sii shaqeeyo, iyada oo uu ka dhammaaday muddo xileedkii, isla markaana uu ku hawlan yahay doorasho cusub.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu diiday dhammaan tallaabooyinka uu qaatay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo sheegay inay baal marsan yihiin shuruucda dalka.

Sidoo kale, xubnahan ayaa ku ballamay shirar kale oo ballaaran, kuwaas oo ay kasoo qaybgali doonaan dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Koonfur Galbeed, si looga arrinsado xaaladda adag ee ka taagan deegaannada maamulkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Koonfur Galbeed ayaa u muuqata inay mar kale wajahayso xaalad siyaasadeed oo cakiran, taasoo la xiriirta doorashada maamulkaasi oo ay isku hayaan madaxweynaha hadda talada haya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo jeeda maamulkaasi.

 

Qorshaha safarka Xamza uu ku tegay dalka Masar

0

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira, caasimadda dalka Masar, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.

Xamza ayaa ka qayb-galaya shir aan caadi ahayn oo ka dhacaya Qaahira, kaas oo ay berri yeelanayaan madaxda Ururka Jaamacadda Carabta, oo fadhigoodu yahay magaaladaasi.

Shirkan, oo ah mid xasaasi ah, ayaa waxaa looga hadlayaa qaddiyadda Falastiin, gaar ahaan dib u dhiska Gaza iyo sidii loo caawin lahaa shacabka reer Falastiin, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale, oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ka qayb-galayaa shir aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan madaxda Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlayo sidii dib loogu dhisi lahaa Gaza, loona caawin lahaa reer Falastiin,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ka hadli doono mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda shacabka Falastiin, isaga oo la filayo inuu mar kale ku celiyo in dowladda Soomaaliyeed ay si adag u diiday hadalladii dhowaan kasoo yeeray Israa’iil ee ahaa in la barakiciyo shacabka Falastiin.

“Waa xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda iyo axdiyada caalamiga ah, kuwa xuquuqda aadanaha, isla markaana khal-khal gelin kara amniga guud iyo nabadda gobolka iyo tan caalamka,” ayuu mar kale yiri Farxaan Maxamed Jimcaale.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doono sidii xal loogu heli lahaa xasaradaha ka taagan waddamada Carabta, sida Sudan iyo Syria, oo dhowaan isbeddel uu ka dhacay.

Shirkan beri furmayo ayaa kusoo aadaya xilli muhiim u ah Soomaaliya, maadaama dowladda federaalka ay xubin ka tahay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxaana door firfircoon ay ka ciyaareysaa masraxyada caalamiga ah, hadii ay noqon lahayd dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Ethiopia’s Red Sea quest stirs tensions with Somalia

ADDIS-ABABA, Ethiopia – Ethiopia’s military chief has reignited regional tensions by asserting that the nation is on the verge of becoming a Red Sea power, even as Somalia proposes alternative port access through the Indian Ocean.

This follows a controversial deal between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland, which sparked a diplomatic crisis. Turkey brokered talks between Ethiopia and Somalia in December 2024 to defuse tensions, resulting in the Ankara Declaration.

The agreement aimed to restore diplomatic ties and set a framework for discussing Ethiopia’s maritime aspirations while respecting Somalia’s sovereignty.

General Birhanu Jula, Chief of the Ethiopian National Defense Force, stated that “only a short time remains” before Ethiopia joins Red Sea nations.

His remarks followed recent talks between Ethiopia and Somalia aimed at de-escalating tensions stemming from a Memorandum of Understanding (MoU) signed between Ethiopia and Somaliland on January 1, 2024.

That MoU granted Ethiopia access to the Red Sea via Somaliland, a move vehemently opposed by Somalia’s federal government, which deemed it an act of aggression.

“Only a short time remains before Ethiopia becomes one of the countries bordering the Red Sea,” General Birhanu said, without elaborating on how this would be achieved.

This lack of clarity has further fueled speculation that Addis Ababa intends to proceed with the Somaliland agreement despite strong objections from Mogadishu.

The Ethiopian government has not officially clarified whether General Birhanu’s statement signifies a renewed push for the Somaliland agreement.

Somalia’s response: Indian Ocean ports

Somalia has previously outlined potential port alternatives for Ethiopia along the Indian Ocean.

Somalia’s Deputy Minister of Foreign Affairs, Ambassador Ali Balcad, stated that any port access granted to Ethiopia would be located on the Indian Ocean, excluding the Gulf of Aden, where Somaliland’s ports, including Zeila, are situated.

“The port that Ethiopia will use will be located on the Indian Ocean,” Balcad said. He indicated that possible locations include ports between Garacad and Kismayo, a stretch of coastline with seven potential ports requiring investment and development.

Balcad emphasized that Ethiopia would not finance the port’s construction. Instead, Somalia and international investors would collaborate. “We will build the port with the help of those who invest with us. They (Ethiopia) will have no part in it,” he said.

He added, “If we deal with Ethiopia, we can get funding to build big ports. The highways that go out of it are even more important than the port. The world today is looking to invest in connecting countries.”

Diplomatic efforts and future talks

Following further discussions, Somalia and Ethiopia are expected to reach an agreement on port access by June. Four talks are scheduled, building on initial meetings in Ankara, Addis Ababa, and Mogadishu. Somalia has ruled out granting Ethiopia any territorial waters.

“The talks between the two countries are expected to conclude after four meetings, which will take place in June and will determine the port and the type of investment needed,” Balcad stated.

Ethiopia, a landlocked nation, has long sought access to the sea to boost its economy. Prime Minister Abiy Ahmed has repeatedly stressed the importance of securing a direct sea outlet through peaceful negotiations.

The Red Sea and the Gulf of Aden have very high geopolitical importance, with shipping lanes vital to international commerce. The breakaway region of Somaliland declared its independence from Somalia in 1991 but is not internationally recognized.

With negotiations ongoing, the coming months will be crucial in determining whether Ethiopia can secure maritime access through diplomatic agreements rather than unilateral moves.

The stakes are high—not just for Ethiopia and Somalia but for the broader Horn of Africa region, where geopolitical rivalries and economic interests are deeply intertwined.

Somalia: Political maneuvering excludes Burundi from mission

MOGADISHU, Somalia – A diplomatic row is brewing after Burundi, a cornerstone troop contributor to Somali peacekeeping efforts since 2007, was excluded from the upcoming African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM).

The decision, reportedly emanating from the Somali presidency, has sparked significant discontent in Gitega, according to Africa Intelligence.

Despite their continued operational engagement—as evidenced by a joint Somali-Burundi counteroffensive against Al-Shabaab in Balcad on February 27thBurundi’s— 18-year presence is nearing an end.

A meeting at the African Union headquarters confirmed their exclusion from AUSSOM, the mission succeeding ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) on July 1st, with Egyptian forces slated to fill the vacated positions.

Political calculations underpin exclusion

Burundi’s hopes for inclusion in AUSSOM, voiced during the ATMIS Joint Committee meeting in Addis Ababa (February 24-25), were driven by strategic and financial considerations. With reported salary arrears exceeding ten months, the mission’s financial incentives were crucial.

Gitega’s initial offer of 2,500 troops, later revised to 2,000, including aviation units, was deemed insufficient by the African Union, which mandated a troop reduction to 1,100. This downsizing, from ATMIS’s 17,600 to AUSSOM’s 11,800, was a core requirement of the transition.

However, sources suggest Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s strategic maneuvering played a decisive role.

Amidst earlier tensions with Ethiopia, Mohamud initially favored excluding Ethiopian forces, seeking to replace them with Egyptian troops. This politicization of troop selection strained AU diplomatic relations.

Following the Ankara agreements in December 2024, which normalized Ethiopian-Somali ties, Ethiopian forces were reinstated under the AU framework. Despite previous assurances to both Ethiopia and Egypt, President Mohamud ultimately excluded Burundi.

Funding uncertainties persist

Egypt is preparing to deploy 1,091 troops, taking over the Burundian area of responsibility in Middle Shabelle, with Jowhar as its primary base.

Egyptian military delegations are currently conducting site assessments. Egyptian forces will operate independently of Ethiopian troops, who will maintain their presence in Gedo, Bakool, and Bay.

A February 22nd agreement between the Ethiopian and Somali Chiefs of Defence laid the groundwork for an Ethiopian troop presence, preceding Prime Minister Abiy Ahmed’s visit to Mogadishu.

While the AUSSOM plan is nearing finalization, funding remains a critical concern. A donor conference in Doha, scheduled for April, aims to secure financial commitments from key partners, including the European Union, Gulf States, and Turkey.

European nations and the UK have signaled their intent to leverage UN Resolution 2719, which allows the UN to cover up to 75% of AU peacekeeping costs.

Xog cusub oo ka soo korortay xariga Weriye Cali Aadan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa caawa xabsiga ka sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin oo kamid ah weriyaasha ugu caansan Muqdisho ee wax ku qora baraha bulshada.

Taliska qeybta guud ee booliska Gobolka ayaa labo habeen ka hor xaqiijiyey inay xireen Weriye Cali Aadan, iyadoo lagu eedeeyey ‘qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed.’

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar-Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalkii xiligaas ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Inkastoo habeenkaas warbixinta Booliska lagu sheegay in Cali Aadan la horgey doono Maxkamadda, hadana caawa ayaa si tartiib ah loo soo daayey, sida lagu shaaciyey pageka gaarka ah ee Cali Aadan.

Sidoo kale, saaxiibadiisa gaarka ah ee Weriye Cali Aadan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in caawa uu dib xoriyadiisa u helay, mana bixin faahfaahin intaas ka badan.

Xarigga Weriyahaan ayaa aad loogu dhaleeceeyey dowladda, iyadoo laga eegayo dhinacyada xogta uu tebin jiray iyo culeyska ka imaanaya dhanyada Mucaaradka iyo Al-Shabaab oo dowladda federaalka ku haya dagaal toos ah iyo mid qabow.

Mucaaradka ayaa bulshada u sheegay in xukunka Xasan Sheekh uu dulqaadkii ka dhamaaday, isla markaana uu bilaabay caburin, iyagoo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay tusaale u soo qaadanayeen xarigga Cali Aadan iyo dhacdooyin kale, sida xildhibaanadii loo diiiday inay Jubbaland u safraan.

Dhinaca kale, Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maalmahaan bilowday dagaal toos ah oo dowladda looga qabsaday dhul hor leh, waxayna shacabku dowladda ku dhaliilayeen sababta ay Weriyaasha u caburineyso Shabaab-na isaga celi difaaci la’dahay.

Cali Aadan kiiska lagu xiray ayaa la aaminsan yahay inuu khuseeyo weerarrada Khawaarijta ee Sh/Dhexe ka socda oo aad uu wax uga qoray, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in bartiisa Facebook uu ku aflagaadeeyey madaxda qaranka.

Xamza oo caawa sameeyey magacaabista toddoba xil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa  magacaabay Agaasimeyaal Guud iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xubnaha ka magacaabay oo toddoba gaaraya ayaa kala ah:

CABDIFATAAX CABDIQAADIR FAARAX oo loo magacaabay Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

MAXAMED CUMAR NUUR ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

IBRAAHIM AXMED CISMAAN ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS.

MAXAMED SANEY DALMAR ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya.

FAARAX CABDINUUR AXMED ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

SAHRA CABDI MAXAMED ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.

CABDULLAAH SAHID CABDI ayaa loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.

Dikreetadaan ayaa noqoneysa mid kamid ah agaasimayaashii ugu badbaa ee hal mar uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa, inta badan agaasimayaasha wasaaradaha joogay ayaa ahaa kuwii horay u haayey xilalka oo ra’iisul wasaarayaashii isaga ka horeeyey ay magacaabeen.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda ka dhex-taagan Eritrea iyo Itoobiya iyo dagaal…

Asmara (Caasimada Online) – Mas’uul hore oo ka tirsanaa dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Dr. Mulatu Tashoma ayaa kashifay in Eritrea iyo Itoobiya ay dagaal damacsan yihiin, inkastoo Wasiirka Warfaafinta Eritrea uu beeniyey tuhunkaas, haddana waxaa la xaqiijiyey in ciidamada dalka Eritrea heegan buuxa la geliyey.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ma aha sidii hore; heshiiskii dunida ka yaabiyey shan sano ka hor ayaa burburay labadii sano ee la soo dhaafay, waxayna dhawaan labada dal bilaabeen inay si furan isku eedeeyaan.

Eritrea waxa ay tababar ugu yeertay muwaadiniinteeda ka tirsan ciidamada iyo kuwa kaydka ah ee dalkeeda.

Dhanka kale, waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ka dhacay shir la sheegay in ay soo qabanqaabiyeen mucaaradka Eritrea, oo ay ka soo qeybgaleen dad badan, kaas oo looga tashanayey sidii Afwerki looga tuuri lahaa xukunka uu muddo dheer hayay ee Eritrea.

Waddamada Reer Galbeedka ayaa lagu soo waramayaa in ay walaac ka muujiyeen wadahadallo qarsoodi ah oo lala yeeshay saraakiisha kooxda TPLF ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Maxaa burburiyey heshiiskii caalamka caan ka noqday?

Heshiiskii ay kala saxiixdeen hoggaamiyayaasha labada dal, kaas oo sababay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed la siiyo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, ayaa hadda burburay.

Madaxda Eritrea ayaa la sheegay in aysan ku faraxsaneyn qaabka ay ciidamada Itoobiya uga baxeen gobolka Tigray iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee Pretoria, Koonfur Afrika.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara, halka sidoo kale hawada laga saaray adeegyadii telefoonnada ee labada dal. Eritrea waxa ay xulafo la sameysatay Masar, Soomaaliya, iyo dalal kale, taas oo muujinaysa in xiriirka labada dal uu sii xumaanayo.

Eritrea waxay si cad ugu eedeysay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu masuul ka yahay xiriirka xumaaday ee labada dal.

Mucaaradka Eritrea ayaa si bareer ah isu soo bandhigay, iyagoo magaalada Addis Ababa shir ku qabsaday, waxaana lagu dhawaaqay in ay helayaan barnaamijyo warbaahineed si ay u faafiyaan afkaarahooda ka dhanka ah xukunka kaligii taliska ah ee dalkooda ka jira.

Mid ka mid ah aqoonyahannada u kuur galay xaaladda hadda taagan oo lagu magacaabo Mr. Baisa Waqwaya, kana mid ah qareennada caalamiga ah ee khibrad dheer u leh xallinta khilaafaadka Qaramada Midoobay, ayaa sheegay: “Uma maleynayo inay sax tahay in la qaldo ummad isjecel, oo aan bilowno dagaal kaliya waxa ay rabaan madaxda,” ayuu yiri.

BF oo soo gaba-gabeeyay dood culus oo ka dhalatay tacadigii ay DF kula kacday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeeyay dood la xiriirta soo jeedinta xildhibaanno ka tirsan Golaha, taasoo ku saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarrada xildhibaannada.

Dooddan ayaa timid kadib mooshin ay gudbiyeen qaar kamid ah xildhibaannada Golaha oo laga hor istaagay inay ka safraan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Xildhibaannada ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan dhinaca safarka, gaar ahaan Jubbaland, oo haatan uu dagaal siyaasadeed xooggan kala dhexeeyo hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada gudbiyay mooshinka, oo la shaaciyay magacyadooda, ayaa guddoonka ka codsaday in ajendaha lagu soo daro soo jeedintooda, kadibna sidaas ayaa looga dooday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankii maanta, ayaa ku dhawaaqay in la soo gaba-gabeeyay doodda arrintan oo soo bilaabatay kulankii ka horreeyay.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Daawada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedkan ayaa waxaa mudanayaasha Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kaasoo faahfaahin ka bixiyay qodobada Hindise Sharciyeedkan uu ka kooban yahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in, maadaama sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Hindise Sharciyeedka marka uu marayo akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn, lagu wareejinayo guddiga ku shaqada leh si uu u soo diyaariyo akhrintiisa labaad, islamarkaana Golaha dib loogu soo celiyo si looga doodo.

Kadib weerarkii Shabaab ee Ceel Cali, maxaa dhacay?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Ceel Cali Axmed, halkaas oo horey ay u weerareen kooxda.

Weerarkan ayay ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ku jabiyeen dagaalyahannadii soo qaaday weerarka, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa maanta Khawaarijta ku jabiyay weerar naf-la-caari ah oo ay isku dayeen inay ku qaadaan deegaanka Ceel Cali Axmed,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada iskaashanaya horey uga feejignaayeen dhagarta cadowga, islamarkaana ay maleeshiyaadkii kooxda ka hor istaageen isku daygii ay ku doonayeen inay ku qabsadaan Ceel Cali Axmed.

“Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo ciidamada xaq u dirirka ee dadka deegaanka oo si weyn u foojigan ayaa jab xooggan gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah, waxaana ay ka hor istaageen isku daygoodii liitay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Ciidamada ayaa ku guuleystay inay laayaan maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee soo weeraray, iyadoo ciidamada iskaashanaya ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Ceel Cali Axmed iyo deegaannada ku dhow.

“Xogta khasaaraha gaaray cadowga iyo macluumaadka howlgalka ballaaran ee ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda dalka, dib ayaa laga soo gudbin doonaa iyadoo faahfaahsan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Weerar kale oo ka dhacay Jarmalka + Khasaaraha

Mannheim (Caasimada Online) – Laba qof ayaa dhintay, dhowr kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii gaari lagu jiiray dad ku sugnaa magaalada Mannheim ee Jarmalka Isniinta, sida ay boolisku sheegeen. Hal qof ayaa loo xiray weerarka.

Ciidamada booliska oo hubeysan ayaa xannibay bartamaha magaalada, halkaasoo la arkay gaari burburay oo muraayadda hore dillaacsan tahay.

Tan iyo bishii December, laba weerar oo gaari lagu jiirayo dad rayid ah magaalooyin kale ayaa sababay dhimashada siddeed qof.

Mannheim waxay horey u ahayd goob uu ka dhacay weerar mindi bishii May ee la soo dhaafay, kaasoo lagu dilay askari boolis ah, laguna dhaawacay shan kale intii lagu guda jiray mudaaharaad ka dhan ah Islaamka.

Boolisku ma aysan sheegan in dhacdadii ugu dambeysay ay ahayd weerar, balse waxay xaqiijiyeen in eedeysane looga shakisan yahay falka la xiray kadib markii gaariga lagu dhex waday goob wax laga dokaameysto abaare 12:15 duhurnimo (1115 GMT).

Afhayeenka booliska, Stefan Wilhelm, ayaa sheegay: “Waxaan xaqiijin karnaa in gaari lagu waday aag loogu talagalay lugayn, waxaana la xaqiijiyay in hal qof dhintay.”

Wuxuu intaa ku daray: “Hal qof ayaa loo xiray falka, baaritaankuna waa socda.”

Wilhelm ayaa sidoo kale dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama boolisku ay wadaan hawlgal ballaaran. Ciidamada ammaanka oo hub culus watay ayaa xannibay goobta, waxaana cirka marayay diyaarado helikobtar ah.

Khasaaraha weerarka

Wargeyska Bild ayaa sheegay in laba qof ay dhinteen, halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen dhacdada, iyadoo sawirro la baahiyay ay muujinayeen ambalaasyo taagan agagaarka taallada taariikhiga ah ee magaalada.

Wariye ka tirsan telefishinka NTV oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in “ugu yaraan hal qof la daboolay maydkiisa” iyo in kabaha carruurta la arkayay iyagoo daadsan goobta shilka ka dhacay.

Boolisku waxay ku wargeliyeen dadka deegaanka inay ka fogaadaan bartamaha magaalada, maadaama inta badan goobta la daadgureeyay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolka Baden-Württemberg ayaa shacabka uga digtay “xaalad halis gelin karta nolosha,” iyadoo farriin ku dirtay app-ka digniinta masiibooyinka.
Waaxda daryeelka degdegga ah ee isbitaalka jaamacadda Mannheim ayaa soo saartay heegan caafimaad.

Weeraro hore oo rabshado wata

Magaalooyinka Jarmalka ayaa horey u arkay weerarro rabshado wata oo ay ka mid yihiin dilal mindi loo adeegsaday iyo gawaari lagu jiirayo dad, kuwaasoo intooda badan lagu eedeeyay dad magangalyo-doon ah.

Bishii hore, nin ayaa gaari ku jiiray mudaaharaad ay sameynayeen xubno ka tirsan urur shaqaale oo ka dhacay magaalada Munich, isagoo dilay gabar laba sano jirtay iyo hooyadeed.

Bishii December, weerar kale oo gaari lagu jiirayo dad ayaa lagu bartilmaameedsaday suuq Kirismas oo ku yaalla magaalada Magdeburg, halkaasoo lix qof lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay.

Mannheim lafteeda waxaa bishii May ee la soo dhaafay ka dhacay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay mudaaharaad ka dhan ah Islaamka, kaasoo lagu dilay askari boolis ah, shan kalena lagu dhaawacay.

Ciidamada ammaanka ayaa feejignaan sare ku jiray maanta, maadaama maalintani ay ahayd xilliga ugu sarreeya ee dabaaldegyada caanka ah ee carnival-ka Jarmalka kahor bilowga Soonka Masiixiyiinta.

Wasiirka arrimaha gudaha, Nancy Faeser, ayaa Isniintii – kahor dhacdada Mannheim – sheegtay in dabaaldegyadu ay ka dhacayaan “iyadoo la qaaday tallaabooyin adag oo dhinaca ammaanka ah.”

Kumanaan qof ayaa Axaddii isugu soo baxay waddooyinka Mannheim si ay uga qeyb galaan xafladda carnival-ka magaalada.

Faeser waxay joojisay booqashadeedii ay ku tegi lahayd dabaaldega Rose Monday ee Cologne si ay u tagto Mannheim.

Amniga ayaa sidoo kale ahaa mawduuc muhiim ah oo doorashadii guud ee bishii hore laga dooday, taasoo xisbiga midig-dhexe ee CDU/CSU uu ku guuleystay.

Sawirro: Itoobiya oo maanta dhoolatus ballaaran ka sameysay gudaha Somalia

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ka sameeyay dhoolatus u muuqday mid ay kusoo bandhigayeen cududdooda ciidan ee ka jooga Soomaaliya.

Munaasabadda dhoolatuskan ayaa lagu sheegay mid lagu xusayo “Guusha Adwa, iska caabintii gumeysiga iyo guushii midnimada Afrika.”

Munaasabaddan waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyo kuwa kale oo ka socday Midowga Afrika.

Guusha Adwa ee Itoobiyaanku u dabaal-dagayaan waxay ahayd mid taariikhi ah oo Itoobiya ku xoreysatay madax-bannaanideeda, kana adkaatay gumeystihii Talyaaniga. Tan ayaa la sheegay inay dhiirrigelisay dhaq-dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika.

Marka laga yimaado munaasabadda dabaal-degga, cududda ciidan ee maanta Itoobiya kusoo bandhigtay Baydhabo waxay muujinaysaa sida ay ugu xooggan tahay joogitaankeeda gudaha dalka, iyadoo dhawaan dib ugu biirtay howlgalka cusub ee AUSSOM.

Dhoolatuskan ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xifaaltanka hoose ee dowladaha Masar iyo Itoobiya, oo iyagu ku kala furtay xiisadda Webiga Niilka.

Ciidamada Masar ayaa sidoo kale ka mid ah ciidamada cusub ee qeyb ka ah howlgalka cusub ee Midowga Afrika, ee haatan loo yaqaan AUSSOM.


Xildhibaan Sareedo oo weerar culus ku qaaday Xasan Firimbi – Maxaa la isku hayaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo maanta ka hor hadleysay baarlamaanka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Xildhibaan Xasan Yare oo loo yaqaano Firimbi, kaas oo kamid ah xildhibaannada hormuudka u ah mooshinka la geeyay baarlamaanka ee ku saabsan xayiraada xildhibaannada Jubbaland.

Sareedo ayaa runta u sheegtay Xasan Firimbi waxayna tilmaamtay in kaligood aan la celin ee horay arirntan loogu sameeyay xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed.

“Ninkaan bood-boodaayow jooji bood-boodka waa adiga, hortaa ayaa dadka la xiray waxaan ku leeyahay waddanka cagta u dhig,” ayay tiri Xildhibaan Sareedo.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Haddii aad iga daba hadasho maanta bannaanka ayaan kuu istaagaa ee meel fariiso”.

Dhanka kale waxa ay soo jeedisay in lala xisaabtamo xildhibaan kasta oo gacan-qaad sameeya ama aflagaadka ka dhex-gaysta baarlamaanka Soomaaliya.

“Baaramaankan aan ka dhigno baarlamaan, guddoomiye xildhibaankii gacan-qaad sameeyo waa inuu shaqeeyo guddiga anshaxa iyo sharciga, aflagaado ninkii sameeyaa waa in lala xisaabtamaa” ayay mar kale tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle.

Xasan Yare ayaa maalin kahore buuq ka sameeyay baarlamaanka, kadib markii uu barakacayaal ku tilmaamay xildhibaannada kasoo jeedo Somaliland, arrintaas oo durbo abuurtay caro xooggan.

Xildhibaan Gobsan oo kasoo jeedo Hargeysa ayaa ka daba qaadatay Makarafoonka, waxayna si caro leh ugu jawaabtay xildhibaan Xasan Yare, iyada oo ku goodisay inay la dagaalami doonto cid kasta oo golaha dhexdeeda uga xad-gudubta deegaankeeda.

“Somaliland wax ay ku suntan tahay anaa idin sheegaayo ee labada dhagood furo waxaana kuu sheegayaa aniga iyo adiga farqiga inoo dhexeeyo waxaan ku suntanahay midnimada. Ogow Xasanow Somaliland la’aanteed midnimo kama jireyso Soomaaliya” ayay tiri xildhibaan Gobsan oo si weyn uga carootay hadalka

Horay xildhibaan Xasan Firimbi ayaa sidoo kale u feeray mid kamid ah saraakiisha Booliska ee ka howlgala baarlamaanka, kadib markii ay askarta soo dhex-galeen xildhibaannada oo isku qabtay arrimo la xariiray doorashooyinka dalka iyo dastuurka.

Taliye iyo ciidamo kasoo baxsaday furimaha hore ee dagaalka oo la soo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute), oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka, ayaa goob fagaare ah kula hadlay ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, isaga oo ka hadlay ciidamo iyo taliye usoo baxsaday Muqdisho.

Shuute ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay xiran yihiin taliye horin iyo ciidamo kale oo ka baxsaday furimaha hore ee dagaalka, laguna hayo xabsi ku yaalla caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada uu la hadlayay in ay sii laba jibaaraan dagaalka, si aysan fursad u helin argagixisada ay dagaalka kula jiraan.

“Ciidamadii baxsaday ee Xamar aaday way xiran yihiin, kuwiina inta joogo waxaa la’idinka rabaa dadaal. Waxaa lagu jiraa Ramadaan ee dhinaciina yay dabeyl naga soo gelin,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciidamada looga baahan yahay in aysan isku xirin qof ama koox, balse looga baahan yahay inay ka dhabeeyaan dhaartii ay soo mareen ee difaaca dalka.

“Xitaa taliye horin ayaa iska tegay. Ogaada, xitaa haddii taliyihiina ugu weyn uu dhinto, sow ma shaqayn lahayn? Qofkii tega inuu dhinto ayaa laga soo qaadaa,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ciidamada dowladda, oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka, ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo mar kale dib ugu soo rogaal celisay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo horay looga saaray.

Donald Trump oo soo saaray go’aan saameyn weyn ku yeelanaya Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib uga noqday xaddidaadyadii xukuumaddii Biden ay saartay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo howlgallada ciidamada gaarka ah ee ka baxsan goobaha dagaalka caadiga ah.

Turmo wuxuu si rasmi ah ugu laabtay xeerarkii dabacsanaa ee uu adeegsaday muddo xileedkiisii koowaad, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal u ah arrinta.

Xilligii uu xilka hayay Madaxweyne Joe Biden, ciidamada Maraykanka iyo hay’adda sirdoonka CIA waxay u baahnaayeen oggolaansho rasmi ah oo ka yimaada Aqalka Cad ka hor inta aan la beegsan bartilmaameedyo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, meel ka baxsan goobaha dagaalka rasmiga ah.

Laakiin hadda, taliyeyaasha ciidamada ee furimaha dagaalka ayaa mar kale heli doona awood ay iyagu go’aan uga gaari karaan in ay fuliyaan weerar.

Dib-u-dajintan xeerarka waxay muujinaysaa in Maraykanku uu u badan yahay inuu kordhiyo weerarrada cirka ee lagu bartilmaameedsanayo argagixisada, gaar ahaan meelaha aan si buuxda loo maamulin sida Soomaaliya iyo Yemen. Sidoo kale, waxay sare u qaadaysaa khatarta waxyeellada shacabka.

Xukuumadda Trump si rasmi ah uma shaacin isbeddelkan, balse warbixino hore oo ay baahisay CBS News ayaa shaaca ka qaaday arrintan.

Warbixintaasi waxay sheegtay in Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth uu saxiixay amar cusub oo lagu dhaqan-gelinayo isbeddelka, gaar ahaan xafiiska taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), intii lagu guda jiray kulan bishii la soo dhaafay ka dhacay xaruntooda Jarmalka. Hegseth ayaa sidoo kale bartiisa bulshada ku faafiyay warbixinta CBS, isagoo si kooban u yiri: “Correct” (waa sax).

Balse ilo xog-ogaal ah, oo codsaday in aan la magacaabin maadaama ay arrintan xasaasi tahay, ayaa caddeeyay in Trump uu dib u dhaqan-geliyay xeerarkii uu soo rogay bishii Oktoobar 2017, isaga oo si rasmi ah u laalay xeerarkii Biden ee la dajiyay Oktoobar 2022. Mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijiyay arrintan.

Goorta go’aanka la qaatay

Lama oga xilliga rasmiga ah ee Trump uu go’aankan qaatay, laakiin waxay u muuqataa inuu dhacay kaddib weerar cirka ah oo lagu qaaday maleeshiyaad ka tirsan Daacish (ISIS) oo ka dhacay Soomaaliya bishii Febraayo 1.

Khudbad uu jeediyay 21-kii Febraayo, Sebastian Gorka, oo ah Agaasimaha Amniga Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada, ayaa si buunbuunin leh u sheegay in Trump uu si shaqsi ah u ansixiyay weerarkaas. Haddii xeerarka cusub la dhaqan-geliyo, taas looma baahnaan doono mar kale.

Hegseth wuxuu ku sugnaa Jarmalka 11-kii Febraayo. 16-kii Febraayo, waxaa dhacay weerar kale oo lala beegsaday Daacish, sida uu xaqiijiyay taliska AFRICOM. Gorka ma uusan xusin weerarkaas, balse wuxuu ku dhawaaqay: “Waxaan dushooda ku daadinay culayskii cadaabta.”

Dukumentiyo la shaaciyay oo ay heshay New York Times iyada oo adeegsanaysa Xeerka Xorriyadda Macluumaadka (FOIA) ayaa muujiyay xeerarkii Trump iyo kuwii Biden ee la kala dejiyay. (Hay’adda ACLU ayaa sidoo kale dacwad u gudbisay maxkamadda si loo helo xeerarkii xilligii Trump.)

Xeerarkii Trump ee xilligii uu xilka hayay waxay qeexayeen shuruudo guud oo lagu oggol yahay “weerarrada tooska ah” ee la-dagaallanka argagixisada—kuwaas oo intooda badan ah duqeymo cirka, mararka qaarkoodna ah hawlgallo ciidan.

Haddii shuruudahaas la buuxiyo, hawl-wadeennada dagaalka ayaa si madaxbannaan u go’aamin kara bartilmaameedkooda. Laakiin nidaamka Biden wuxuu adkeeyay xeerarka, isaga oo waajib ka dhigay in Aqalka Cad oggolaansho ka bixiyo weerar kasta.

Sidoo kale, nidaamka Trump wuxuu oggolaaday in bartilmaameedka weerarrada lagu xusho kaliya xubinnimada urur argagixiso, taasoo u sahli karta taliyeyaasha in ay beegsadaan dagaalyahanno heer hoose ah.

Nidaamka Biden wuxuu xaddiday weerarrada, isaga oo faraya in Madaxweynaha si shaqsi ah u oggolaado weerarrada oo keliya marka bartilmaameedku yahay qof muhiim ah.

Labada nidaamba waxay sheegayaan in ay jirto “hubanti dhow” oo ah in dadka rayidka ah aan waxyeello loo geysan, hase yeeshee xeerarkiiTrump waxay hoos u dhigeen heerka ilaalinta ragga dadka rayidka ah ah marka la barbar dhigo haweenka iyo carruurta, sida lagu ogaaday dib-u-eegis la sameeyay xilligii Biden.

Taliyeyaasha oo xor laga dhigay 

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, Brian Hughes, ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsan isbeddelka xeerarka, isaga oo sheegay in taliyeyaasha la siiyay xorriyad buuxda:

“Madaxweyne Trump kama laba-labeyn doono in uu tirtiro argagixisada qorshaynaysa weerarro ka dhan ah Maraykanka,” ayuu yiri. “Ma oggolaan doonno in nidaamka xukuumaddii Biden carqaladeyso howlgallada dagaalka. Maraykanku wuxuu dib ugu soo laabtay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Xeerarkii Biden ayaa horey u oggolaaday in taliyeyaasha ay fuliyaan weerarro is-difaacid ah iyada oo aan loo baahnayn oggolaansho sare.

Weerarro badan oo la-dagaallanka argagixisada ee sannadihii dambe ayaa hoos imaanayay qaanuunkaas, sida duqeymaha lala beegsaday Al-Shabaab ee Soomaaliya si loo difaaco ciidamada ay Maraykanka taageeraan, iyo sidoo kale weerarrada lagu qaaday Xuutiyiinta Yemen si loo ilaaliyo maraakiibta la beegsaday.

Waxaa sidoo kale yaraaday weerarradii la-dagaallanka argagixisada ee ka baxsan goobaha dagaalka rasmiga ah, maadaama hanjabaadda argagixisadu ay is-beddeshay.

Markii ay sii xoogeysanayeen dagaalyahannada Daacish, waxay isugu tageen Ciraaq iyo Suuriya—kuwaas oo ah meelaha Maraykanku si toos ah uga dagaallamaan, loona tixgeliyo goobaha dagaalka caadiga ah. Sidaas darteed, xeerarka gaarka ah ee duqeymaha si toos ah uma khuseyn.

Kororka isticmaalka diyaaradaha drones-ka ee dagaalka, oo billowday qarnigii 21-aad, wuxuu la jaan qaaday dagaalka ballaarnaa ee ka dhashay weerarradii 11-kii Sebtembar 2001.

Weerarrada bartilmaameedsan ee ka baxsan goobaha dagaalka rasmiga ah waxay noqdeen xeelad dagaal oo Maraykanka si joogto ah u adeegsado.

Weerarrada drones-ka ee lagu beegsaday argagixisada waxay billowdeen xilligii Madaxweyne George W. Bush, waxayna si weyn u kordheen intii uu xilka hayay Barack Obama, taasoo sare u qaadday doodaha sharci iyo siyaasadeed ee la xiriira khasaaraha shacabka.

Bishii Maajo 2013, Obama wuxuu dejiyay xeerarkii ugu horreeyay ee nidaaminaya weerarrada ka baxsan goobaha dagaalka. Laakiin Trump wuxuu 2017 ku beddelay nidaam dabacsan. Biden wuxuu hakiyay nidaamkaas, isaga oo soo rogay xeerar u dhigma kuwii Obama—kuwaasoo hadda la laalay.

Puntland: Dokumentiyo muujinaya in Daacish ay Somaliland u aadi jireen….

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu helay dukumentiyo sir ah oo ay ka carareen maleeshiyaadka kooxda Daacish, kuwaas oo lagu ogaaday in xubnaha kooxda lagu soo daaweyn jiray gudaha Somaliland.

Inkasta oo maamulka uusan warbaahinta u soo bandhigin dukumentiyada uu sheegay inuu helay, haddana waxa uu tilmaamay in xubnaha kooxda qaarkood lagu soo daaweyn jiray magaalada Hargeysa, kadibna ay kusoo noqon jireen dhulka buuraleyda ah.

Warqadahan ayaa laga helay deegaannadii laga xoreeyay kooxda, waxayna muujinayaan in dhaawacyada xubno ka tirsan Daacish lagu soo daweeyay isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa, sida uu sheegay maamulka.

Sidoo kale, warqadahan ayaa waxaa ku jira kuwo ay shirkado ganacsi alaabo ugu soo rareen kooxda Daacish, halka qaar kalena ay lacago ka heleen.

Dhanka kale, waxaa haatan socda baaritaanno dheeraad ah oo ay waddo Puntland, kuwaas oo lagu daba-galayo shirkadaha iyo isbitaallada la sheegay inay macaamileen argagixisada.

Horay, waxaa saldhigyadii laga qabsaday Daacish looga helay lacago shilinka Somaliland ah iyo sidoo kale lacagta Shilling-ka dalka Hindiya, taas oo shalay ciidamadu ka heleen goob ay kala wareegeen maleeshiyaadka kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Daacish ayaa laga sii tirtirayaa deegaannada Puntland, iyada oo lagala wareegay dhul aad u ballaaran, kadib howlgallo ay ku qaadeen ciidanka Puntland.

Golaha ammaanka QM oo gaaraya maanta go’aan saameynaya Al-Shabaab

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ku yeelan doono magaalada New York, iyada oo la filayo inay soo saaraan go’aan culus oo saameynaya Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Golaha ayaa qorshuhu yahay in gelinka dambe ee maanta ay u codeeyaan qaraar qabyo ah oo mar kale lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka, xubnaha golaha ayaa maanta ka fariisanaya sidii ay u cusbooneysiin lahaayeen howlgalka guddiga khubarada ah ee gacan ka geysta la socodka dhaqan-gelinta cunaqabateynta lagu soo rogay Al-Shabaab.

Dowladda Ingiriiska ayaa soo diyaarisay qaybo ka mid ah qoraalkan, kaas oo dib u cusbooneysiinaya ogolaanshaha mamnuucidda badda ee soo dejinta hubka sharci-darrada ah, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo mamnuucidda noocyada kala duwan ee walxaha qarxa.

Go’aankan waxa uu kusoo aadayaa, iyada oo dhowaan guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha Ammaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab ay soo gudbiyeen warbixintii ugu dambeysay, iyaga oo kusoo bandhigay in kooxdaasi weli halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, maadaama ay haystaan deegaano iyo degmooyin badan.

Warbixinta ayaa dhanka kale lagu caddeeyay in isbedel weyn ku yimid “awoodda” kooxda Daacish-Soomaaliya, kadib cadaadis gudaha ah oo la saaray, kaas oo ka dhashay howlgallo toos ah iyo duqeymo xooggan oo lagu garaacay.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xoogganaa oo dalka looga saarayo kooxaha argagixisada, waxaana qaybo badan oo kamid ah gobollada ka socda dagaallo culus oo lagu tirtirayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan Soomaaliya.

Xogta weerar madaafiic ah oo maanta lagu qaaday degmada Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay lagu qaaday qaybo kamid ah gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaafiicda ayaa lasoo wariyay in lala beegsaday saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin halkaasi, balse ma geysan wax khasaare ah.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay madaafiicda kasoo tuurayeen duleedka degmada, kadibna ay ka hortag sameeyeen ciidamada huwanta.

Sidoo kale, waxaa hawada sare lagu arkay diyaarado dagaal oo iyaguna dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay aagga degmada Aadan Yabaal, taas oo keentay inay kala firxadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee soo gaaray halkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan baaris ku aaddan weerarkaasi, waxayna sheegeen inay soo qabteen tuhmanayaal loo haysto inay hagayeen weerarka madaafiicda ee xalay lagu beegsaday degmada Aadan Yabaal.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana aagga degmadaas isku fidiyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda oo diyaar u ah inay ka hortagaan Al-Shabaab.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa maalmahan culays xooggan saaray kooxda Al-Shabaab oo dhowr weerar ka fulisay, iyada oo isku deyday inay dib ula wareegto deeganno horay looga saaray, waxaana kamid ah Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar.

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay ISRAEL + Khasaaraha

Haifa (Caasimada Online) – Hal qof iyo eedeysanaha weerarka geystay ayaa dhintay kadib weerar mindi loo adeegsaday oo Isniinta maanta ah ka dhacay magaalada Haifa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee dhimasho sababa ee ka dhaca Israa’iil tan iyo markii xabbad-joojinta Gaza la bilaabay bishii Janaayo.

Weerarkan wuxuu dhacay maalin kadib markii Israa’iil ay xannibtay gargaarkii la geyn lahaa Marinka Gaza, xilli la isku maandhaafsanaa kordhinta heshiiska xabbad-joojinta ee dhulka Falastiiniyiinta.

Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta, oo socday lix toddobaad, ayaa dhammaaday dhamaadkii toddobaadkan. Heshiiskaas wuxuu suurageliyay in gargaar muhiim ah—cunto, hoy, iyo adeegyo caafimaad—la gaarsiiyo Gaza.

Go’aanka Israa’iil ee hakinta gargaarka ayaa keenay in Qaramada Midoobay ay ugu baaqdo Israa’iil inay si degdeg ah u soo celiso gargaarka.

Weerarkii Isniinta ayaa ka dhacay xarunta baska iyo tareenka ee Haifa, magaalo xeebeed weyn oo ku taalla waqooyiga Israa’iil, halkaas oo ay ku wada nool yihiin Yuhuud iyo Carab.

Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Israa’iil, Magen David Adom, ayaa sheegtay in nin da’diisu ku dhowdahay 70 sano uu ku dhintay weerarka, halka afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Booliska Israa’iil waxay weerarka ku sifeeyeen inuu ahaa “fal argagixiso,” iyagoo sheegay in dambiilihii la dilay. Waxay sidoo kale shaaciyeen in ninka weerarka fuliyay uu ka tirsanaa beesha Druze ee Carabta Israa’iil.

Tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday 7-dii Oktoobar 2023, Israa’iil waxay la kulantay weeraro is-daba joog ah, kuwaas oo badankood loo adeegsaday mindiyo.

Weeraradan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo, waxaana mas’uuliyiinta Israa’iil ay inta badan eedeeyaan “argagixisada,” iyagoo ula jeeda dhacdooyinka la xiriira khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Intii lagu jiray xabbad-joojinta Gaza, weeraradan oo kale lagama soo sheegin gudaha Israa’iil, waxaana guud ahaan hoos u dhacay rabshadihii ka jiray Gaza kadib in ka badan 15 bilood oo dagaal ah oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas.

Weerarkii Xamaas ee billaabay dagaalka Gaza wuxuu sababay dhimashada in ka badan 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah, badankood rayid. Dagaalka Israa’iil ee jawaabta u ahaa wuxuu dilay in ka badan 48,300 oo Falastiiniyiin ah, oo badankood rayid ah, sida ay muujinayaan xogaha labada dhinac.

ONLF oo ku eedeysay Abiy in uu jebiyey heshiiskii 2018 – Maxay qorsheyneysaa?

Jigjiga (Caasimada Online) – Jabhadda Xoreynta Qaranka Ogaden (ONLF) ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay jebisay heshiiskii nabadeed ee 2018, iyada oo sheegtay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay si nidaamsan u caburineyso ka-qaybgalka siyaasadeed ee Soomaalida, islamarkaana ay sii xoojisay go’doomin siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

ONLF, oo heshiiskaasi u saxiixday in ay soo afjarto kacdoonkii hubeysnaa ee tobannaan sano ka socday deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda federaalka ay ku guuldarreysatay fulinta qodobbadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska.

Jabhaddu waxay ku eedeysay Itoobiya inay ka hor istaagtay aqoonsiga sharci ee ONLF iyada oo loo marayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, diiday dib-u-heshiisiinta dagaalyahannadeedii hore, islamarkaana ay si khaldan u adeegsaday magaca ururka shirarka caalamiga ah iyada oo aanay jirin wax matalaad dhab ah.

“Dowladda Abiy Ahmed waxay dhabarka u jeedisay nabadda iyo dimuqraadiyadda, beddelkeedana waxay la timid cabburin, marin-habaabin, iyo xukun xarig adag,” ayaa lagu yiri bayaanka ONLF. Jabhaddu waxay ku eedeysay xukuumadda Itoobiya inay si ula kac ah u xannibtay codadka madax-bannaan ee Soomaalida, islamarkaana ay xoojisay cadaadiska siyaasadeed iyo xayiraadaha dhaqaale ee gobolka.

Cabashada ONLF ayaa sii xoogeysatay kadib markii Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, General Berhanu Jula, lagu eedeeyay inuu ONLF ku tilmaamay “cadaw” Itoobiya ah, islamarkaana uu ku andacooday in kooxdaasi horey taageero uga heshay Masar. Hadalkan, oo lagu baahiyay barta Ethio-Forum 8-dii Sebteembar 2024, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

ONLF ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya inay si degdeg ah u caddeyso arrintaasi islamarkaana ay ka laabato hadalladaas, iyada oo digtay in hadalladaasi ay halis gelinayaan heshiiskii nabadeed ee 2018.

“In nala sheego inaan la shaqeyneyno xoogag shisheeye si aan Itoobiya u wiiqno waa been abuur iyo kicin shiddo,” ayuu yiri afhayeenka ONLF, Cabdulqaadir Xasan Xirmooge (Adani), oo BBC-da la hadlay.

ONLF waxay sheegtay inay si buuxda u fulisay dhammaan qodobbadii heshiiskii 2018, kaasoo siinayay aqoonsi siyaasadeed islamarkaana soo afjaray kacdoonkii hubeysnaa ee tobannaan sano socday.

Hase yeeshee, jabhaddu waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay jebisay heshiiska iyada oo xannibtay xubnaheeda, diiday ka-qaybgalka siyaasadeed, islamarkaana xoojisay cadaadiska dhaqaale ee lagu hayo shacabka Soomaalida.

“Haddii dowladda Itoobiya ay ku guuldareysato inay si degdeg ah arrintaan wax uga qabato, waxay taasi caddeyn u noqon doontaa in aysan ONLF u aqoonsaneyn xisbi sharci ah, balse ay u aragto cadaw,” ayaa lagu yiri bayaanka.

ONLF ayaa sidoo kale sheegtay in xubnaheeda iyo taageerayaasheeda lagu beegsaday maamulka deegaanka Soomaalida, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu fulinayo siyaasado federaal ah oo lagu cabburinayo mucaaradka.

Waxa kale oo ay jabhaddu dhaleeceysay diidmada Itoobiya ee wadahadallo dhab ah oo lagu xallinayo arrimaha muhiimka ah, sida xuduudaha deegaanka Soomaalida, maamulka kheyraadka dabiiciga ah, iyo xuquuqda siyaasadeed iyo midda aadanaha.

Eedeymahan ayaa soo baxay xilli Itoobiya ay dhowaan shaacisay inay diyaar u tahay wadahadallo cusub. Dowladda federaalka ayaa magacawday wafdi ka qeybgalaya wadahadallo Nairobi ka dhici lahaa, balse ONLF ayaa sheegtay in Addis Ababa ay markii dambe ka baxday geeddi-socodkaas.

Sidoo kale, jabhaddu waxay ku eedeysay madaxweynaha deegaanka Soomaalida inuu dhigay munaasabad muujineysa in wadahadalladu guul ku soo dhammaadeen, inkasta oo aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray.

Dowladda Itoobiya wali kama aysan jawaabin eedeymahan ugu dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, warbixinadii hore ayey Addis Ababa si adag ugu beenisay eedeymo noocan oo kale ah, iyadoo ku adkeysatay inay weli ka go’an tahay heshiiskii nabadda iyo xasilloonida gobolka.

ONLF ayaa sheegtay inay hadda “raadineyso waddooyin kale” oo ay ku xaqiijinayso aaya-ka-tashiga iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed. Khubaro dhinaca amniga ah ayaa ka digaya in burburka heshiiska nabadda uu sababi karo xasillooni darro hor leh oo ka dhacda Itoobiya, taasoo horeyba ula daalaa-dhaceysa colaad gudaha ah oo baahsan.

Jabhadda ONLF, oo la aasaasay 1984, waxay muddo dheer u dagaallantay aaya-ka-tashiga shacabka Soomaalida Itoobiya, kahor inta aysan saxiixin heshiiskii nabadeed ee 2018, kaasoo soo afjaray dagaalkii hubeysnaa islamarkaana oggolaaday in ay ka qeybqaadato siyaasadda.

Hase yeeshee, ururku wuxuu hadda ku doodayaa in dowladda Itoobiya ay ku guuldareysatay fulinta ballamihii ay gashay, taasoo shaki gelinaysa mustaqbalka heshiiska iyo xasilloonida gobolka.