27.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Kooxda Quint ee ‘Saaxiibada Soomaaliya’ oo wajaheysa jahwareer uu sababay Trump

Washington (Caasimada Online) – Kooxda “Saaxiibbada Soomaaliya” ee loo yaqaan “Quint,” oo ka kooban Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Qadar, ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo 11-kii Oktoobar 2024, markaas oo ay shir ku yeesheen Ankara.

In kasta oo kulan lagu balamay inuu ka dhaco dhammaadkii sannadkii hore magaalada Dooxa, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalbaday in shirka lagu qabto Muqdisho halkii horey loogu qorsheeyay.

Dalabkan waa la oggolaaday, balse bilo badan ayaa laga jooga, mana jiro wax taariikh rasmi ah oo ilaa hadda loo gudbiyay dalalka xubnaha ka ah kooxda Quint, oo ku aaddan qabsoomidda kulanka.

Dib u dhaca shirka waxaa sabab u ah isbeddelka ku yimid hoggaanka Mareykanka, kaddib markii Donald Trump uu xafiiska la wareegay. Maamulka cusub ayaa weli ku kala qeybsan siyaasadda la xiriirta Soomaaliya iyo arrinta midnimada dalka.

Qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha cusub ee Mareykanka, oo uu ka mid yahay J. Peter Pham, ergaygii hore ee gaarka ahaa ee gobolka Harooyinka Waaweyn, lagana filayo inuu hoggaamiyo siyaasadda Afrika, ayaa cadaawad u qaba Soomaalida.

Pham wuxuu si gaar ah u ololeynayey, muddo isaga oo lacag ka qaadanaya, in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado. Hase yeeshee, lama qabaan fikraddiisa xubno kale oo ka tirsan maamulka Trump.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale si hoose ula macaamila, una taageera ololeyaasha madaxbannaanida Somaliland, inkasta oo aanu banaanka soo dhigin, halka UK, inkasta oo aysan ahayn siyaasadda dowladda, ay siyaasiyiin badan taageeraan Somaliland.

Labada dal ee kaliya ee ku jira kooxda, ee si buuxda uga go’an tahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya waa Turkiga iyo Qadar.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii ugu dambeeyey kooxda oo ka dhacay Washington, ayaa bayaan ka soo baxay waxa uu si cad u muujiyay sida beesha caalamku ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka Soomaaliya, iyada oo diiradda la saarayo arrimaha amniga gobolka.

“Xulafada Quint ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya. Iyaga oo la jaan-qaadaya himiladan, waxay garab istaageen dadaallada dowladda federaalka ee lagu dhisayo ciidan xirfad leh, hufan, oo lala xisaabtami karo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Taageeradan ayaa lagama maarmaan u ah Soomaaliya, maadaama ay weli la tacaaleyso halista ay kooxaha argagixisada ahi ku hayaan amniga dalka iyo gobolka. Isku-dubaridka tababarada caalamiga ah ee ciidamada Soomaaliya ayaa muhiim u noqon doona in la xoojiyo awooddooda hawlgal, taasoo sii xoojinaysa kartida dalka ee sugidda amnigiisa muddada fog.”

Madaxda sare ee dalka oo war kasoo saaray geerida Dr. Maxamed Yuusuf

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, oo kamid ahaa haldoorka bahda caafimaadka qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geeridda naxdinta leh ee ku timid Dr. Maxamed Yuusuf, isagoo ku sifeeyay “adeegga bulsho” oo waqtigiisi u huray badqabka bulshada Soomaaliyeed.

“Innaa-lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehelkiisa iyo bahda caafimaadka geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Yuusuf, oo muddo badan ahaa Agaasimaha Isbitaalka Madiina, bare iyo badbaadiye soo saaray arday Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh caafimaadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Marxuumku wuxuu waqtigiisa u huray u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isaga oo hormuud ka ahaa gurmadkii caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii ku waxyeelloobay masiibooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkeenna.”

Mudane Xamza ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee marxuum Dr. Maxamed Yuusuf, agaasimihii hore ee Isbitaalka Madiina oo kamid ahaa hormuudka dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa hormuudka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee dalkooda iyo dadkooda u khidmeynayey sanadaha badan, laguna xasuusan doono kaalintii uu ka soo qaatay horumarinta iyo daryeelka caafimaadka bulshada,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wasiirka ayaa sidoo kale marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Turkey: Hogaamiyaha PKK, Abdullah Ocalan oo go’aan taariikhi ah ku dhowaaqay

Istanbul (Caasimada Online) – Magaalada ugu weyn ee Kurdiyiinta ku badan yihiin ee Koonfur Bari Turkiga waxaa ka dhacay dareen isku dhafan oo murugo iyo farxad leh, iyadoo dadweynuhu sacab tumayeen, halka kuwo kale ay ilmaynayeen.

Taageerayaashu waxay ka falcelinayeen baaq uu jeediyay hoggaamiyaha muddada xabsiga ku jiray ee PKK, Abdullah Ocalan, kaas oo ugu yeeray kooxdiisa in ay is kala dirto, dagaalyahanadiisuna ay hubka dhigaan.

Baaqa taariikhiga ah ee Ocalan waxaa lagu akhriyey shir jaraa’id oo ka dhacay Istanbul, iyadoo codkiisa si toos ah looga sii daayay makarafoonno waaweyn oo lagu xidhay magaalooyinka Koonfur Bari Turkiga, halkaas oo tobannaan sano oo colaado hubeysan ah ay waxyeello ballaaran ka geysteen.

“Dhammaan kooxaha waa in ay hubka dhigaan, PKK-na waa in ay is kala dirtaa,” ayuu yiri Ocalan, iyadoo hadalkiisu uu ka soo baxay xabsigiisa jasiiradda Imrali, halkaas oo uu tan iyo 1999-kii ku xirnaa si keli-nimo ah.

Baaqa ayaa yimid afar bilood kadib markii dowladda Ankara ay muujisay fursad nabadeed oo la siinayo hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo hoggaaminayey kacdoon hubeysan oo Turkiga ka dhan ah muddo tobannaan sano ah, dagaalkaas oo galaafay in ka badan 40,000 oo naf.

“Waxaan jeedinayaa baaq la xiriira in hubka la dhigo, waxaana garwaaqsanahay masuuliyadda taariikhiga ah ee arrintan,” ayuu yiri, iyadoo hadalladiisa ay akhriyeen xildhibaanno ka tirsan xisbiga DEM ee u ololeeya xuquuqda Kurdiyiinta, kuwaas oo Khamiista maanta ah kula kulmay xabsiga.

Fal-celinta shacabka

“Maanta waa maalin barakeysan,” ayay tiri Emine Atac oo 45 jir ah, kuna hadlaysay luuqadda Kurdishka, xilli ay ku sugneyd magaalada Diyarbakir oo ay isugu soo baxeen 3,000 oo qof si ay u dhageystaan hadalka Ocalan. Qaarkood ayaa farxay halka kuwo kale ay ilmeynayeen.

“Aad baan u faraxsanahay. Waxaan rabnaa nabad iyo xorriyad,” ayay tiri Atac.

Dhinaca kale, Ferha Akbuyuk, oo 65 jir ah, ayaa bogaadisay hadalka Ocalan, iyadoo ku tilmaantay mid dhiirrigelinaya “nabad iyo walaaltinimo” dhex mara Turkiga iyo Kurdiyiinta.

“Wuxuu ahaa farriin bini’aadannimo, oo ku saabsan xuquuqda, sharciga, caddaaladda iyo sinnaanta,” ayay tiri, iyadoo muuqatay mid rajo leh.

Si kastaba ha ahaatee, Sukru Erdogan, oo 52 jir ah, ayaa dareen ka duwan ka muujiyay farriinta, isagoo sheegay in aysan wax badan u qabin Kurdiyiinta.

“Ma aysan xusin wax la xiriira federaal ama xuquuqda dhaqanka. Waa niyad jab,” ayuu yiri isagoo gacmaha kor u taagaya.

Isbeddel taariikhi u ah colaadda

Baaqa Ocalan waxaa si diirran u soo dhaweeyay madaxweynaha Kurdistaan-ta Ciraaq, Nechirvan Barzani, kaas oo ku booriyay PKK in ay u hoggaansanto farriinta hoggaamiyahooda, wuxuuna ku ballan qaaday “in uu si buuxda u taageerayo geeddi-socodka nabadda.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa sidoo kale soo dhoweysay hadalka Ocalan, iyagoo ku tilmaamay “fursad taariikhi ah” oo lagu soo afjari karo colaadda muddada dheer socotay.

Khabiirada ayaa ku tilmaamay arrintan guul weyn oo diblomaasiyadeed.

“Baaqa Ocalan ee ah in PKK hubka dhigto oo is kala dirto waa isbeddel taariikhi ah. Kaliya Turkiga ma ahan, oo muddo dheer la dagaallamayay kooxdaan, balse waa isbeddel saameynaya gobolka oo dhan,” ayuu yiri Hamish Kinnear, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Verisk Maplecroft.

Su’aasha ugu weyn ayaa ah sida uu baaqa Ocalan uga hirgeli karo dagaalyahanada PKK, kuwaas oo inta badan hoggaankooda militari uu fadhiyo buuraleyda Waqooyiga Ciraaq.

Taariikh-yahan Faransiis ah oo lagu magacaabo Boris James, kuna takhasusay arrimaha Kurdiyiinta, ayaa sheegay in jawaabaha ka imanaya PKK ay noqon karaan kuwo aan toos u muuqan.

“Hoggaanka militari ee PKK wuxuu si rasmi ah u aqbali karaa baaqan, balse macnaheedu ma ahan in uu saameyn toos ah ku yeelanayo dagaalyahanada ku sugan goobaha dagaalka,” ayuu u sheegay AFP.

Qodobka si gaar ah loogu walaacsan yahay ayaa ah mustaqbalka dagaalyahanada PKK ee ku sugan Waqooyiga Suuriya, kuwaas oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Suuriya (SDF) ee uu Mareykanku taageero.

Ciidankaan ayaa cadaadis kala kulmaya dowladda Dimishiq oo rabta in la hubka dhigo, halka ay dagaal kula jiraan maleeshiyaad ay Turkigu taageeraan.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah sida ay PKK-da Turkiga ugu hoggaansanto baaqa Ocalan,” ayuu yiri Kinnear.

“Haddii inta badan xubnaha PKK ee Turkiga ay u hoggaansamaan baaqan, waxaa la filan karaa in dagaalyahanada PKK ee Ciraaq iyo kooxaha xiriirka la leh ee Suuriya ay iyaguna raacaan,” ayuu raaciyay.

Jawaabta taxaddarka leh ee Ankara

Dowladda Turkiga weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin baaqa Ocalan, balse Efkan Ala, oo ka tirsan xisbiga AKP ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa muujiyay rajo taxaddar leh.

“Haddii ururkan argagixisada ah uu baaqan dhegeysto, hubkana dhigo, isna kala diro, Turkiga wuxuu ka xoroobi doonaa silsiladahaas,” ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Tan iyo markii la xiray Ocalan sanadkii 1999, waxaa jiray dadaallo kala duwan oo lagu soo afjarayo dagaalladii qarxay 1984-tii, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof.

Wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada nabadeed ayaa burburay 2015-kii, waxaana dib u qarxay dagaalka.

Dowladda Turkiga waxay muddo dheer cadaadis saartay mucaaradka, iyadoo xirtay boqolaal siyaasiyiin, u dhaqdhaqaaqayaal iyo saxafiyiin, waxayna xilka ka qaaday 10 duq magaalo oo dhowaan la doortay, kuwaas oo dhammaantood lagu eedeeyay xiriir argagixiso.

Inkasta oo ay jiraan xarigyo ballaaran, haddana dad badan ayaa rajaynaya in baaqa Ocalan uu keeni karo tanaasul ballaaran oo Kurdiyiinta loogu fidiyo xuquuq siyaasadeed iyo bulsho, iyadoo Kurdiyiintu ay ka kooban yihiin 20% shacabka Turkiga oo gaaraya 85 milyan.

Sawirka iyo goobta ay maanta tageen Xasan Sheekh iyo Abiy ee shakiga abuuray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki iyo hadal heyn badan ayey abuurtay booqashadii Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay maanta ku tageen xeebta Liido, iyadoo halkaas looga qaaday sawir ka saameyn batay wax kasta oo maanta dhacay, dadkuna ay siyaabo kala duwan ugu faaqideen baraha bulshada.

Siyaasiyiinta sida qotada dheer u cabiray dareenka laga akhrisan karo sawirkaas waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Xasan Sheekh ku tilmaamay masuul aan u dhaqmeyn sidii laga rebay hoggaamiyaha Soomaalida u jooga xafiiska uu joogo.

Sidoo kale, Senator Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh ku eedeeyey “Khayaano Qaran.”

Arrinta kale ee maanta laga argagaxay waxay dhacday markii ciidamada ammaanka ee labada masuul ay toogteen wiil yar oo badda ku dabaalanayey, kaas oo sida la sheegay ay uga shakiyeen in dhankooda uu u soo orday, dhiigga wiilkaas oo geeriyooday ayaa ku darsamay biyaha badda oo gaduud noqday.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya si cad ugama laaban sheegashadiisa Badda Soomaaliya, kamana uusan bixin raaligelin, sidaas darteed soodhaweyntii weyneyd ee Xasan Shiikh uu Xamar ku soodhaweeyey Abiy Axmed waxay ka dhigantahay bahdil weyn oo Soomaalida lagu hayo. Xasan arrintaan ujeedada kaliya ee uu ka leeyahay waa inuu Abiye ka helo taageero uu ku qabsado Jubbooyinka. Tani waa Khiyaano Qaran.”

CC Shakuur ayaa ka soo sheekeeyey sidii Xasan Sheekh uu arrimaha Itoobiya u wajahay sanadihii lasoo dhaafay oo 2024 ay ugu dareyd iyo sidoo kale heshiisyo uu la galay Itoobiya oo aan miro dhalin.

“Madaxweynaha, maanta wuxuu inoo sheegayaa in ay Itoobiya walaal tahay, wax kastana iska kaashanayno, waa su’aale; soo shacabkii uu shalay kiciyey, kuna abaabulay cadawtinimada Itoobiya xaq uguma laha inuu ka shaafiyo, una sharraxo sababta loo aaminayo Itoobiya?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan CC Shakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan wuxuu hoosta ka xariiqay labo qodob oo kala ah:

1- In uu shacabka yaraysanayo, danna ka lahayn waxay ka aaminaan go’aannadiisa is burinaya, maadaama aysan lahayn awood ay kula xisaabtamaan, hay’adihii kale ee dowladdana la dhufaanay.

2- In uusan kala garanaynin farqiga u dhexeeya isaga shaqsiyaddiisa iyo hay’adaha dowladda ee loo wakiishay in uu hoggaamiyo oo uu isku maleeyo in uu isagaba dowladdii yahay.

Dadweyne badan ayaa falanqeeyey sawirkii maanta ay labada masuul ku galeen xeebta iyo si guud booqashada uu Abiy ku yimid Muqdisho, su’aalaha ugu badan waxay ku saabsanaayeen sababta xeebta Liido loo geeyey oo badda loo tusay.

Hoos ka eeg sawirada Abiy looga qaaday xeebta Liido

Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay gantaallo halis ah iyo warshadihii Daacish

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay ilaa 2,000 (Laba kun) oo gantaallo gacan ku sameys ah.

Khawaarijta Daacish ayaa doonaysay in gantaalahaan ay ku dhibaateeyaan shacabka iyo Ciidamada maamulkaas ee howlgallada ciribtirka ah ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qabsadaan Warshado macmal ah oo Khawaarijta Daacish ay ku sameynayeen gantaallada gacan ku sameyska ah.

Ciidamada ayaa maanta u daatay saldhig muhiim ah, waxaana sidoo kale halkaas lagu diyaari jiray qaraxyada, waxaana laga yaabay haliska ay diyaarineysay kooxdaas ee laga hor tegay.

Guulo waaweyn ayaa saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay laga gaaray howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa isaga carareysa saldhigyadooda ugu muhiimsan markii ay soo gaaraan ciidamada Puntland, taasi oo suurta-gelisay in gacanta lagu dhigo warshadihii ay qaraxyada iyo gantaallada ku sameysa jireen.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saakay hawlgalladii ay maanta fuliyeen waxay sidoo kale ku qabsadeen Ceelka Dharinta oo kamid ah goobaha ay u soo baxsadeen firxadkii dagaallamayaasha ISIS ee ku soo jabay togga Jeceel.

Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa yiri, “Ciidamada Daraawiishta Puntland oo si qorshaysan u soo dhaqaaqay ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharin oo saacadihii u danbeeyay lagu sheegay firxadka Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo isku dayay in ay gabbaad ka dhigtaaan goobtaasi ceelka leh balse laga hortagay.”

Maxay ka dhigan tahay booqashada Abiy Ahmed uu maanta ku yimid Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada Abiy Axmed ayaa ku soo beegantay xilli labada dal ay isku dayayaan inay soo afjaraan khilaafkii January 2024-kii ka dhashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

Kadib khilaaf diblumaasiyadeed oo aad u kululaa oo ku saabsanaa arrintan, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay bishii December 11-keedii heshiis diblumaasiyadeed, oo loogu magac daray “Baaqii Ankara,” ku gaareen magaalada Ankara.

Bishii Janaayo ee sanadkan, bil kadib heshiiskii Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Maxay ka dhigan tahay booqashada Abiy?

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee maanta uu ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka dhigan in horumar wanaagsan laga gaaray wada-hadalladii Ankara, islamarkaana ay labada dowladood muujinayaan “dhab ahaanshaha” xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo iskaashiga labada dal.

Tallaabadan ayaa sidoo kale direysa farriin ah in Itoobiya ay ixtiraameyso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya oo hore ugu xad-gudubtay, sida uu sheegay Cabdiqafaar Cabdi Wardheere, oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya kuna sugan dalka Mareykanka.

Cabdiqafaar oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya, sidaas darteedna ay daneynayso in la dhameystiro wada-hadallada labada dhinac dib ugu soo celiyeen xiriirkoodii.

“Itoobiya waa ka laabatay heshiiskii inkasta oo aysan afka ku ballaadhin, haddana waa muuqataa. Itoobiya waxay garowsatay in is-afgaradkii Somaliland uu meel dheer gaareyn, taas ayuuna muujinayaa Abiy,” ayuu yiri Cabdiqafaar.

Waxa uu intaas kusii daraya “Imaatinkiisuna (Abiy) wuxuu qeyb ka yahay kalsooni dhiska labada dowladood, waxayna sida runta ee wax u dhacayaana waxay geli doonta farsamo iyo guddiyo labada dal ah.”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Villa Somalia, ayaa bogaadiyey billowga wada-hadallada farsamo ee ka socda Ankara.

Labada hoggaan ayaa sheegay in wada-hadalladani ay muujinayaan sida ay uga go’an tahay labada dal in ay yeeshaan wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi miro-dhal ah. Sidoo kalena waxay adkeeyeen mudnaanta uu leeyahay xiriirka labo-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xogta kulan muhiim ah oo Villa Somalia ku dhex-maray Abiy iyo Xasan? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay kulan gaar ah Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid dalka.

Labada masuul ayaa kulankaan diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Kulanka ayaa lagu adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aas-aas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa wadajir u soo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale waxa ay bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed booqashada uu ku yimid dalka iyo wada-hadallada mirodhalka ah ee ay ku yeesheen Villa Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ku celiyey aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisan tahay diblumaasiyadda Soomaaliya ee ilaalinta daris wanaagga, is-ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland oo maqaam dowladeed laga siiyay shir ka socda Addis Ababa + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa haatan ka qayb galaya shirweyne muhiim ah oo ka socda magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyada oo laga siiyay maqaam weyn oo dowladeed.

Shirka ka socda Addis Ababa, oo ah midka dhalinyarada ee Afrika, ayaa lagu casuumay Somaliland, iyada oo loo maamuusay sida dowlad oo kale, taas oo hadal-heyn dhalisay.

Sidoo kale, calamada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa garba siman loo dhigay goobta uu shirka ka socdo, halkaas oo ay yaallaan calamada dalalka Afrika ee ka qayb galaya shirka.

Sawirrada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale si weyn u qabsaday internet-ka, taas oo sii xoojisay hadal-heynta ka dhalatay maqaamka sare ee loo sameeyay Somaliland.

Waa markii labaad oo ay arrintan dhacdo, iyada oo dhowaan sidoo kale Imaaraadka Carabta uu dal ugu yeeray Somaliland, taas oo dhalisay carro xoogan. Dhankeeda, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabo ay uga jawaabayso arrintaasi.

Imaaraadka Carabta ayaa xilligaas ku casuumay madaxweynaha Somaliland Shirka Dowladaha Adduunka ee Abu Dhabi ka dhacay, iyada oo la siiyay darajada madaxweyne dal. Kadibna, waxaa xigtay in wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM ay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu maanta soo gaaray Muqdisho si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada dib u heshiisiinta ee labada dal.

Xiisad diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay sanadkii hore kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland, si ay uga hesho marin badeed.

Hase yeeshee, bishii Janaayo ee sanadkan, labada dal waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib heshiis nabadeed oo ay Turkiga garwadeen ka ahayd bishii hore.




Somalia, Ethiopia vow stronger ties as Abiy visits Mogadishu

0

MOGADISHU, Somalia—Somalia and Ethiopia have reaffirmed their commitment to strengthening diplomatic, economic, and security ties to stabilize their often-tense relationship.

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met with Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Mogadishu for talks aimed at rebuilding trust between the neighboring nations. The visit comes amid ongoing disputes over Ethiopia’s push for maritime access and growing regional security concerns.

In a joint statement following the meeting, both leaders underscored their commitment to “building trust through enhanced diplomatic, economic, and social cooperation,” calling their countries “interdependent nations with a common destiny and a shared vision for regional stability and prosperity.”

Resetting relations after a period of strain

Tensions between Somalia and Ethiopia have been high since Ethiopia signed a controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland in January 2024, seeking access to the Gulf of Aden. Somalia rejected the deal as a violation of its sovereignty, while Ethiopia insisted it was essential for its economic future.

Despite these disagreements, the Mogadishu meeting was framed as a step toward renewed cooperation.

“Both sides reiterated their determination to work together in advancing common interests, promoting peace and security, and deepening bilateral relations for the well-being of their citizens and the broader Horn of Africa region,” the communiqué stated.

Security remains a central concern for both nations, particularly given the ongoing threat of Al-Shabaab. The leaders welcomed recent military understandings between the Somali National Army (SNA) and the Ethiopian National Defense Forces (ENDF), describing them as “a critical step toward enhancing security cooperation and fostering stability in the region.”

Ethiopia has played a significant role in Somalia’s fight against Al-Shabaab, contributing troops under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). However, political tensions in recent months have raised concerns about the future of this military partnership.

The reaffirmation of cooperation signals that both sides recognize the necessity of maintaining security collaboration despite political differences.

Infrastructure and economic cooperation

Beyond security, economic development was also high on the agenda. The statement highlighted plans for “strategic infrastructure projects to ensure sustainable development, economic integration, and strengthen people-to-people ties.”

Landlocked Ethiopia has sought alternative port access beyond Djibouti, its primary maritime gateway, fueling concerns in Somalia. While the Somaliland agreement remains a major sticking point, the two governments appear to be looking for ways to cooperate economically while respecting Somalia’s territorial integrity.

Improved trade routes, road networks, and cross-border cooperation could help alleviate some economic tensions, provided both sides can agree on terms.

The leaders also supported the Ankara Declaration, which set the stage for technical discussions to resolve disputes diplomatically. They welcomed the start of negotiations in Ankara, seeing them as an opportunity for “constructive dialogue and cooperation.”

While the details of these discussions remain unclear, analysts believe they could provide a framework for addressing Ethiopia’s maritime aspirations and Somalia’s sovereignty concerns. However, it remains to be seen whether these talks will lead to a concrete resolution.

The Mogadishu meeting suggests that both nations will engage diplomatically rather than let tensions escalate further. However, significant challenges remain. Ethiopia’s ongoing pursuit of a port deal and Somalia’s insistence on protecting its sovereignty could continue to strain relations.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo saaray bayaan wadajir ah kadib booqashadii Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa goor dhoweyd soo saaray bayaan wadajir ah, kadib booqashada uu maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bayaankan wadajirka ah ayaa marka hore lagu sheegay in imaatinka Abiy ee Muqdisho uu ka dambeeyo wada-hadallo is-daba-joog ah oo dhacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa dib-u-heshiisiinta xiriirka labada dal.

Bayaanka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in labada dal ay dib u xaqiijiyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan kor u qaadista danaha guud, dhiirrigelinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka labada dhinac si loo hagaajiyo nolosha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

“Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si ay uga faa’iideystaan,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa lagu yiri: “Iyagoo aqoonsan xiriirka taariikheed ee qoto dheer ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xuduudda wadaagga ah ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la dhiso kalsooni iyada oo la xoojinayo iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo bulshada.”

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran:

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Dowladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, inta uu ku guda jiray booqashadiisa shaqo ee Soomaaliya.

Booqashadan waxay ka dambeysaa wada-hadallo is-daba-joog ah oo dhacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa dib-u-heshiisiinta xiriirka labada dal.

Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si ay uga faa’iideystaan. Iyagoo aqoonsan xiriirka taariikheed ee qoto dheer ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xuduudda wadaagga ah ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la dhiso kalsooni iyada oo la xoojinayo iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Itoobiya iyo Soomaaliya waa dalal isku tiirsan oo leh mustaqbal wadajir ah iyo aragti isku mid ah oo ku saabsan xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Iyada oo laga duulayo ruuxaasi, labada hoggaamiye waxay muujiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan fulinta mashaariicda muhiimka ah ee kaabayaasha si loo xaqiijiyo horumar waara, isku-dhafnaanta dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka dadweynaha.

Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen bilowga wadahadallada farsamo ee Ankara, sida ku xusan Baaqa Ankara, iyagoo muujinaya ballan-qaadkooda ah inay sii wadaan wadahadallo wax-ku-ool ah iyo iskaashi.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen fahamka laga gaaray is-afgaradka u dhexeeya Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Itoobiya (ENDF), iyagoo aqoonsaday inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo abuurista xasillooni gobolka.

Labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan kor u qaadista danaha guud, dhiirrigelinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka labada dhinac si loo hagaajiyo nolosha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay imaatinka Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay imaatinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo maanta lagu soo dhaweeyay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda, kadib casuumaad ay u fidisay dowladda federaalka.

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga falceliyay labiska uu soo xirtay Abiy Axmed, kaasoo ahaa futo-shaari isku joog ah oo midabkiisu cad yahay, taas oo dadku siyaabo kala duwan uga hadleen, inkastoo kooxda hab-maamuuska Madaxweyne Xasan Sheekh ay iyaguna qaadeen tallaabo kale oo cajiib ah.

Madaxweynaha ayaa isna soo xirtay futo-shaari isku joog ah, isaga oo sidaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uguna tegay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dadka ka falceliyay arrintan waxaa kamid ah siyaasiyiin iyo dad kale oo wax ku qora baraha bulshada, kuwaas oo aragtiyo ka bixiyay labiska Abiy ee doodda dhaliyay.

Cabdinuur Maxamed, Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa yiri: “Kooxda Hab-maamuuska Madaxweynaha si fiican ayay saaka u shaqeeyeen. Ninkii futo-shaari kuu soo qaato, adigana mid u soo tolo.”

Mahad Xasan Saney: “Tolmo ahaan iyo midab ahaanba kan madaxweynahaynaa shidan.”

Cabdifitaax Xaaji Dirir: “Adigoo masaajidka jooga sow taad na dhahday Itoobiya waa cadow, Madaxweyne?”

Cabdiqaasim Maxamed Sheekh Aadan: “Protocol-ka Madaxweyne HSM maanta waa fadhiyaa.”

Mahdi Diiriye: “Itoobiya waa cadow, waxa noo xigtay Afrika waa ilmo adeer.”

Aweys Sheekh Cabdiraxmaan: “Sidee lagu ogaaday inuu futo-shaari soo qaatay?”

Maxamed Abuukar Guutaale: “Wax walba waan naqaan ayaa laga wadaa, waa body language.”

Xasan Kaalmoy: “Odeygan futo-shaari-ga noo soo qaatay sidii inuu u socdo Oromia Region, ma la waayay Madaxweyne Soomaaliyeed oo Itoobiya dhar Sports Somalia u qaata?”

Hoobiyeyaal lagu garaacay agagaarka garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goor dhow lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli haatan la sugayo inuu kasoo dago Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo maanta wada-hadallo la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen nawaaxiga xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka, waxaana lasoo wariyay inuu jiro khasaare u badan dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay guryahooda ugu tageen hoobiyeyaasha, kuwaas oo haatan xaaladdooda lagula tacaalayo isbitaallada.

Dhanka kale, waxaa garoonka laga shiday gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taas oo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aaddan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyada oo si weyn loo adkeeyay amniga. Dowladda Soomaaliya ayaa heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimadda.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa inta badan xiray waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka. Xitaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugaynaya.

Si kastaba ha ahaatee, marar badan Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimadda, waxaana lagu bartilmaameedsaday Madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Al-Shabaab oo gudaha u gashay Balcad iyo wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka

0

Balcad (Caasimada Online) – Faahfaahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa bilowday abaare 5:00 subaxnimo, waxaana maleeshiyada Al-Shabaab ay beegsadeen fariisimaha ciidamada, kadibna waxaa sidaas ku qarxay dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka qaaday ay u suurtagashay inay gudaha u galaan qaybo kamid ah degmada, waxaana lasoo wariyay inay tageen saldhigga Balcad, ayna sii daayeen tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa halkaasi.

Waxyar kadib, waxaa sidoo kale degmada gaaray ciidamo gurmad ah, iyadoo isla markiiba magaalada laga saaray Shabaabkii soo weeraray, waxaana hadda degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay cashar u dhigeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka weeraray degmada Balcad.

“Ciidamada ayaa saakay cashar lama ilaawaan ah u dhigay maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaaddii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa aagga degmada Balcad oo saaka gashay xaalad adag.

Shabeellaha Dhexe waxaa haatan xoogga saaray Khawaarijta, iyada oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay weerarro culus ka fulisay deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Wararkii ugu dambeeyey ee mooshinka R/W XAMZA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ku guuldarreystay in uu yeesho fadhi rasmi ah sababo la xiriira kooram la’aan, taasoo dib u dhigtay howlaha sharci-dejinta ee muhiimka ah, isla markaana sii xoojisay tuhunka la xiriira mooshin kalsooni kala noqosho ah oo laga yaabo in laga keeno xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kaliya 137 xildhibaan ayaa soo xaadiray fadhiga, iyadoo labo xubnood ay ka maqnaayeen tiradii sharciga aheyd si kulanka uu u qabsoomo.

Guddoomiyaha baarlamanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si kulul u dhaliilay maqnaanshaha xildhibaannada, gaar ahaan kuwa dalka ka maqan, wuxuuna uga digay in haddii ay sii wadaan maqnaanshahooda, magacyadooda si rasmi ah loo shaacin doono.

“Fadhiga Baarlamaanka waa waajib qaran, waana nasiib darro in uu fashilmo sababo la xiriira maqnaansho xildhibaano,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.

“Xildhibaanadu waa in ay si dhab ah u qaataan mas’uuliyadda ay bulshada u hayaan. Maanta, kuwa maqnaa waxay si toos ah u hakad geliyeen shaqadii Baarlamaanka. Haddii tani sii socoto, waxaan bilaabi doonaa in aan magacyadooda shaaciyo.”

Xiisadda siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Fashilka fadhiga baarlamanka ayaa yimid xilli xiisado siyaasadeed ay sii xoogeysanayaan, iyadoo la sheegay in xildhibaannada mucaaradka ay qorsheynayeen in ay soo bandhigaan mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ka hor inta aan la baajin kulanka.

Inkasta oo mooshinka si rasmi ah loo horgeynin, hadana suurtagalnimadiisa ayaa sii hurisay walaaca laga qabo jahwareerka siyaasadeed ee dalka.

Kooram la’aanta ayaa muujisay caqabadaha ballaaran ee ka taagan nidaamka sharci-dejinta Soomaaliya, kaasoo la daalaa dhacaya maqnaansho baahsan iyo is qabqabsi siyaasadeed.

Bishii hore, guddoonka labada gole ee baarlamanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada in ay kusoo laabtaan Muqdisho ka hor furitaanka kalfadhiga lixaad ee baarlamanka 22-ka Febraayo, iyagoo ka digay in maqnaansho dheeri ah ay hakad gelin karto shaqooyinka sharci-dejinta ee muhiimka ah.

Baaqan ayaa yimid xilli mucaaradka ay dareemayeen cadaadis isa soo taraya, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada mucaaradka ay ku hanjabeen in ay fadhiyo gaar ah yeelan doonaan haddii baarlamanka la hakiyo.

Xildhibaannada mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo howlaha sharci-dejinta, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Kalfadhiga lixaad ee baarlamanka oo la furay

Kalfadhiga lixaad ee baarlamanka, oo si rasmi ah uu u furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 22-ka Febraayo, waxaa diiradda lagu saari lahaa arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii dalka loogu gudbin lahaa nidaamka doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku ammaanay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, dib u dhiska Ciidanka Cirka iyo Badda ee Soomaaliya, iyo qorshaha dhismaha xarunta ugu horreysa ee gantaallaha satellite-ka laga bilaabo dalka, taasoo uu ku tilmaamay horumar taariikhi ah oo u horseedi kara Soomaaliya guulo waaweyn.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira baarlamanka ayaa caqabad ku noqday ajendayaasha sharci-dejinta, iyadoo xiisadda u dhaxeysa xildhibaanada mucaaradka iyo dowladda ay sii xumaatay.

Arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka, maalgelinta amniga, iyo wax-ka-bedelka dastuurka ayaa wali ah mowduucyo la isku haysto, kuwaasoo sii wiiqaya shaqada Baarlamaanka.

Iyadoo caqabadaha kourum la’aanta iyo khilaafaadka gudaha ay sii kordhayaan, waxaa la is weydiinayaa siduu baarlamanku u gudan karo waajibaadkiisa, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo in fowdada siyaasadeed ay horseedi karto xasillooni darro xagga dowladnimada ah bilaha soo socda.

 

Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixanaya MoU cusub

0

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada xaajoonaya heshiis lagu fududeynayo ganacsiga si loo baabi’iyo caqabadaha aan sharciyeysnayn ee ganacsiga ka hor istaaga labada dal ee dariska ah.

Soomaaliya waxay bishii December 2023 si rasmi ah ugu biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo ka dhigtay xubinta siddeedaad ee ururka gobolka. Si kastaba ha ahaatee, ganacsigeeda Kenya ayaa marar badan wajahaya canshuurro dheeraad ah, isbeddel siyaasadeed, iyo caqabado kale oo aan la xiriirin xeerarka canshuuraha.

Sababta ugu weyn ee arrintan keentay ayaa ah in Soomaaliya ay weli hirgelinayso heshiisyada ganacsiga ee muhiimka ah si ay ula jaanqaado xeerarka ganacsiga xorta ah ee dalalka xubnaha ka ah EAC.

Shirweynaha Ganacsiga Soomaaliya-Kenya, oo Arbacadii ka furmay magaalada Nairobi, ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Kenya, Lee Kinyanjui, oo sheegay in heshiiska is-afgaradka (MoU) ee la filayo uu mudnaan siin doono ka saarista caqabadaha ganacsiga ee aan sharciyeysnayn, xoojinta ammaanka xuduudaha, iyo hagaajinta nidaamyada kastamka.

“Si loo xoojiyo ganacsiga iyo maalgeshiga, Kenya iyo Soomaaliya waa inay sahmiyaan meelaha muhiimka ah ee iskaashiga. Tallaabada ugu horreysa ee muhiimka ah waa dhameystirka heshiiska is-afgaradka ee kor u qaadaya iskaashiga ganacsiga, kaasoo fududeyn doona xiriirka ganacsi ee labada dal,” ayuu yiri Wasiir Kinyanjui mar uu ka hadlayay BBS Mall ee Eastleigh, Nairobi.

Wuxuu intaa ku daray in talooyin muhiim ah la tixgelinayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la dhiso guddi wadajir ah oo wax ka qabta caqabadaha ganacsiga (NTBs).

Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Nation Media Group PLC iyo Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle.

Guddoomiyaha Guddiga Nation Media Group, Wilfred Kiboro, ayaa ku baaqay in la xoojiyo ganacsiga u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Soomaaliya oo leh fursado waaweyn oo maalgashi

Soomaaliya waxay leedahay dhaqaale kobcaya iyo fursado ballaaran oo maalgashi, gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga, wax-soo-saarka, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Warshadaha kalluumeysiga ayaa la rumeysan yahay inuu ku kacayo ilaa 258 bilyan oo shilin ($2 bilyan), iyada oo lagu saleynayo xeebteeda dheer ee 3,000km, taasoo ah tan ugu dheer qaaradda Afrika.

Xeebaha Soomaaliya waxay si weyn u furan yihiin kalluumeysi ballaaran iyo ganacsi badeed oo muhiim ah.

“Labada dal waa inay mudnaan siiyaan xoojinta ammaanka xuduudaha iyo fududeynta ganacsiga si loo xakameeyo ganacsiga sharci-darrada ah, isla markaa lagu horumariyo ganacsiga sharciyeysan. Tan waxaa lagu gaari karaa iyadoo la casriyeynayo xafiisyada kastamka ee Garissa, Wajeer, iyo Mandheera, lana hagaajinayo hannaanka kastamka,” ayuu yiri Wasiir Kinyanjui.

Wuxuu intaa ku daray: “Xoojinta sharciyada ganacsiga iyo hubinta hufnaanta waxay door muhiim ah ka ciyaari doontaa dhiirrigelinta kalsoonida maalgashadayaasha.”

Sannadkii 2023, Soomaaliya waxay ahayd suuq muhiim u ah badeecadaha Kenya u dhoofiso dibedda, waxaana la diiwaangeliyay dhoofin gaaraysa 20.2 bilyan oo shilin ($155.2 milyan).

Badeecadaha ugu muhiimsan ee Kenya u dhoofiso Soomaaliya waxaa ka mid ah jaadka, caanaha, badarka, daawooyinka, sibirka, biraha, saliidda cuntada, tubaakada, iyo saabuunta. Hase yeeshee, ganacsiga jaadka ayaa mararka qaar la kulmayay canshuurro aan joogto ahayn iyo duulimaadyada oo aan si rasmi ah loogu wargelin hakinta safarrada.

Sida laga soo xigtay xogta 2023, Kenya waxay Soomaaliya ka soo dhoofsatay badeecado qiimahoodu gaarayo 45.2 milyan oo shilin ($348,000), oo ay ka mid yihiin kalluunka, xoolaha, sisinta, miraha, xabagta dabiiciga ah, saliidaha lagama maarmaanka ah, iyo biraha dib loo warshadeeyo.

Dadaallada xasilinta dhaqaalaha Soomaaliya

Inkasta oo ay jiraan caqabado siyaasadeed, haddana dowladda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa xasilinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgeshiga shisheeye, sida uu sheegay Wasiir Faarax, oo ku baaqay in la sugo sharciyada ganacsiga.

“Shirkan ganacsi wuxuu ku soo beegmay xilli muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay gashay waqti cusub oo rajo iyo horumar leh. Wuxuu sare u qaadi doonaa iskaashiga ganacsi iyo maalgeshi ee labada dal, wuxuuna xoojin doonaa xiriirka dhaqaale ee dhinacyo badan oo dan wadaag ah,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya.

Dr. Kiboro ayaa sheegay in la joojiyo dhoofinta dharka iyo kabaha la isticmaalay, isagoo ku baaqay in badeecadahaas lagu soo saaro gudaha Afrika.

“Waa maxay sababta aan weli u soo dhoofsaneyno dhar la isticmaalay halka aan ka soo saari lahayn gudaha Afrika? Waa inaanu joojinaa soo dejinta dhar duug ah oo ka yimaada Shiinaha ama Yurub,” ayuu yiri Dr. Kiboro.

Wuxuu xusay: “Afrika waxay leedahay dad gaaraya 1.4 bilyan, kuwaas oo intooda badan ay yihiin dhallinyaro. Horumarka Afrika wuxuu ku xiran yahay in dalalka qaaraddu ay si toos ah isugu ganacsadaan.”

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la eego siyaasadaha dowladda ee xaddidaya ganacsiga xorta ah, wuxuuna yiri: “Ma jiro sabab aanan suuf u beeri karin.”

“Qiimaha korontada ee Kenya waa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya caalamka. Ma garanayo xaaladda Soomaaliya, balse ma horumari karno warshadaha illaa aan hoos u dhigno qiimaha tamarta,” ayuu yiri Dr. Kiboro.

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya iskaashiga ganacsiga

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xusay in labada dal ay wadaagaan dano badan oo muhiim u ah kobcinta ganacsiga.

“Bandhiggan ganacsi wuxuu muujinayaa xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasoo ay isku xiraan taariikh, dhaqan, iyo ruux ganacsi oo dhiirrigelinaya kobaca gobolka,” ayuu yiri Safiir Jabriil.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ugu baaqay shirkadaha Kenyan-ka ee ka howlgala Muqdisho inay kala duwaan ganacsigooda.

“Maadaama ay Soomaaliya tahay dal aan dayn lahayn, waxay hadda haysataa kalsooni caalami ah oo sii xoogeysanaysa, taasoo ay xoojisay siyaasad istiraatiiji ah oo kor u qaadeysa koboca dhaqaalaha. Dalkayagu wuxuu hodan ku yahay kheyraad dabiici ah, oo ay ka mid yihiin saliid, gaas, kalluumeysi, iyo tamarta la cusboonaysiin karo, waxaana barbar socda bulsho da’yar oo firfircoon oo diyaar u ah horumar.”

Guddoomiyaha Gobolka Garissa, Nathif Jamah, ayaa cambaareeyay warbixinaha taban ee laga faafiyo Soomaaliya, isagoo warbaahinta ugu baaqay inay gacan ka geysato dhiirrigelinta sawir togan oo ku saabsan dalka.

Toddobaadka Ganacsiga Kenya-Soomaaliya 2025 waa sii amba-qaadkii Shirka Maalgashiga Soomaaliya iyo Bandhigga 2024, oo sidoo kale ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Nation Media Group iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, iyo Xafiiska Horumarinta Maalgashiga Soomaaliya. Shirkaasi wuxuu ka dhacay Muqdisho.

Bandhigga ganacsiga ee sanadkan wuxuu soconayaa inta u dhaxaysa 26 ilaa 28 Febraayo, waxaana ka qeyb galaya ugu yaraan 76 shirkadood iyo ganacsato ka kala socda qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha Kenya iyo Soomaaliya.

IRAN oo ku dhowaatay hub Nuclear – Maxaa soo kordhay?

0

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa si weyn u kordhisay kaydkeeda uranium-ka ee sida sare loo bacrimiyey bilihii la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin sir ah oo ay wakaaladda wararka ee AFP heshay Arbacadii, taasoo ka timid Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA).

Xiisadaha u dhexeeya Iran iyo hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa si isdaba joog ah u qarxay tan iyo markii uu burburay heshiiskii 2015, kaasoo xaddidayay barnaamijka nukliyeerka ee Tehran iyada oo looga beddelayo in laga khafiifiyo cunaqabataynta saarneyd.

IAEA ayaa ku sheegtay warbixinteeda saddex-biloodle in ay “walaac weyn” ka qabto xaqiiqda ah in Iran ay leedahay 274.8 kg (605 rodol) oo uranium ah oo lagu hodmiyay ilaa heerka 60 boqolkiiba, sida lagu sheegay warbixinta 8-dii Febraayo. Kani waa koror dhan 92.5 kiiloogaraam tan iyo warbixintii hore ee bishii Nofeembar.

Heerkaas hodmintan ayaa si aad ah ugu dhow 90 boqolkiiba, taasoo ah heerka looga baahan yahay in lagu farsameeyo hub nukliyeer ah.

Bishii December, Tehran ayaa ku dhawaaqday in ay kordhin doonto wax-soo-saarka uranium-ka sida sare loo hodmiyey ee 60 boqolkiiba, taasoo ay uga jawaabayso go’aankii guddiga IAEA uu Iran ugu canaantay iskaashi la’aanteeda.

Iran ayaa sidoo kale shaacisay inay hawlgelin doonto centrifuges cusub oo horumarsan.

Tehran waxay ku adkeysatay xaqa ay u leedahay adeegsiga tamarta nukliyeerka hab nabadeed, iyadoo beenisay in ay qorsheyneyso horumarinta hub nukliyeer ah.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay IAEA, Iran waa waddanka kaliya ee aan haysan hub nukliyeer ah balse uranium u hodmiyay heer sare oo gaaraya 60 boqolkiiba, taasoo aad uga badan inta looga baahan yahay in lagu soo saaro tamarta nukliyeerka.

“Wadarta guud ee wax-soo-saarka iyo kaydka uranium-ka sida sare loo hodmiyey ee Iran, oo ah waddanka kaliya ee aan hub nukliyeer haysan ee soo saara agabkan, waa arrin walaac weyn leh,” ayaa lagu yiri warbixinta sirta ah ee IAEA.

Sida ay AFP u xaqiijiyeen ilo diblomaasi ah, xawaaraha wax-soo-saarka uranium-ka sida sare loo hodmiyey ee Iran ayaa si aad ah kor ugu kacay, wuxuuna hadda gaaray inta u dhaxaysa 35 ilaa 40 kiiloogaraam bishii, marka la barbar dhigo qiyaastii 6 kg oo hore loogu soo saari jiray.

Qiimeyn Dhamaystiran

Sanadihii la soo dhaafay, Tehran waxay si tartiib tartiib ah u dhimaysay wada-shaqeynta ay la lahayd IAEA, iyadoo hakisay qalabka kormeerka lagama maarmaanka u ah dabagalka barnaamijkeeda nukliyeerka, sidoo kalena ay mamnuucday gelitaanka kormeerayaasha Qaramada Midoobay.

Madaxa IAEA, Rafael Grossi, ayaa warbixin kale ku sheegay in uu soo saari doono “qiimeyn dhamaystiran oo la cusbooneysiiyay” oo la xiriirta barnaamijka nukliyeerka Iran, taasoo dabooli doonta “joogitaanka iyo adeegsiga walxo nukliyeer ah oo aan la shaacin,” xilli ay jiraan arrimo taagan oo weli aan xal laga gaarin.

Bishii Febraayo horraanteedii, kaydka guud ee uranium-ka Iran ee heerarka kala duwan ee hodmintan ayaa lagu qiyaasay 8,294.4 kg, taasoo ah koror dhan 1,690 kg ah marka loo eego warbixintii saddex-biloodle ee hore.

Tiradaasi waxay in ka badan 40 jeer ka badan tahay xadka lagu dejiyay heshiiskii 2015 ee Iran lagula galay quwadaha caalamka.

Labadan warbixin ayaa la soo saaray xilli la filayo inuu furmo shir ay yeelanayaan guddiga maamulka IAEA.

Dadaallada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee 2015 – kaasoo Maraykanka dib ugu soo celinaya wadahadalka, Iran-na dib ugu soo celinaya u hoggaansamida shuruucda – ilaa hadda wax miro dhal ah ma keenin.

Toddobaadkan horaantiisii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada wadahadalo toos ah oo lala yeesho Maraykanka oo ku saabsan barnaamijkooda nukliyeerka, kaddib markii Washington ay ku dhawaaqday cunaqabatayno cusub oo ka dhan ah Tehran.

Falanqeeyaha Crisis Group, Ali Vaez, ayaa yiri: “Iran kama wadahadli doonto arrimaha nukliyeerka iyadoo qori madaxa looga hayo.”

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si iskiis ah uga baxay heshiiskii 2015 ee Tehran intii uu xukunka hayay. Heshiiskaasi wuxuu Iran u oggolaanayay in laga qaado cunaqabataynta, iyada oo laga xakameynayo barnaamijkeeda nukliyeerka.

Daawo: Xiddig oo shaaciyey sida ay ku aargudan doonaan kadib dhacdadii garoonka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo jeeda Jubbaland, ayaa si adag uga hadlay xildhibaannadii laga soo celiyey garoonka Aadan Cadde, isagoo shaaciyey cawaaqibka ay ka dhaxli doonto xukuumadda uu hoggaamiyo Xamsa.

Xiddig ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in safarkii laga hor istaagay xildhibaannadii u socday Kismaayo loo ciqaabo, xilkana looga qaado raggii ka dambeeyey, isagoo u hanjabay xukuumadda.

“Dad badan oo masuuliyado kala duwan haya ayaa xilkooda ku waayi doona wixii shalay ka dhacay garoonka. In xildhibaan la hor istaago waxay u dhigantaa in Baarlamaanka dhan la hor istaagay,” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa sheegay in go’aankii shalay safarka looga baajiyey xildhibaannada uu noqon doono kii ugu dambeeyey ee xildhibaan looga hor istaago safarkiisa.

“Xayiraadda saaran Jubbaland waxaan ku soo afjari doonaa mooshinkan, waana uga mahadcelineynaa guddoomiyaha in ajendaha uu noogu daray mooshinkan. Is-hortaagii shalay wuxuu noqon doonaa kii ugu dambeeyey ee qof reer Jubbaland ah lagu dhaco,” ayuu yiri Xiddig.

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa sidoo kale ku goodiyey in kulamada Baarlamaanka aan looga hadli doonin wax kale ilaa kiiskan laga xaliyo oo cid mas’uuliyadda dusha laga saaro.

“Waxaan la tacaalaynaa nidaam qowleysato ah oo fashilmay, kuwaas oo doonaya inay dadka ku ciqaabaan aragtidooda yar ee doorasho qof iyo cod ah, iyagoo dadkii ay codka ka doonayeen haddana ciqaabaya,” ayuu yiri.

Cabdirashiid Xiddig ayaa si toos ah u sheegay in qorshaha raggani – oo uu ula jeedo xukuumadda – aysan u shaqeyn doonin doonistooda qabashada doorasho qof iyo cod ah. “Waan fashilin doonaa kooxdaan,” ayuu yiri.

Hadalkaan Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig wuxuu ka sheegay shir jaraa’id oo afaafka hore ee xarunta Golaha Shacabka uu ku qabtay, kadib markii uu maanta kooram la’aan u baaqday kulankii Golaha oo mooshin la geeyey.

Mooshinka ayay xildhibaannadan ku dalbadeen faahfaahin ku saabsan sababta labo xildhibaan looga soo celiyey garoonka, iyadoo loo diiday safar ay doonayeen inay ku tagaan Kismaayo, oo cunaqabatayn ay saartay dowladda federaalka.

Hoos ka daawo

Sawirro: Abiy Ahmed oo ka soo dagay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka ugu tegay Abiy iyo wafdigiisa, halkaas oo uu sidoo kale salaan sharaf uga qaatay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka safarka Abiy Axmed uu yahay dhammeystirka heshiiska labada dal iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriiirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.

“Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wada-hadallo gaar ah xarunta madaxtooyada kulan yeelan doono madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha dhex yaalla labada dal oo ay ugu muhiimsan tahay marin-biyoodka ay dooneyso Itoobiya.

Imaashaha ra’iisul wasaare Abiy ee Muqdisho ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.

 

DF oo heegan sare gelisay ciidamada ammaanka kahor imaanshaha Abiy Ahmed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo kusoo jeedo Soomaaliya, kadib casuumaad uu ka helay dowladda federaalka.

Ammaanka ayaa aad ah loo adkeeyay, iyada oo dowladda Soomaaliya ay heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimada.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa diyaar u ah inay xaqiijiyaan amniga guud, maadaama uu imaanayo wafdi culus, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo guud.

Sidoo kale waxaa la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka, xittaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugeynaya.

Sawirrada Abiy Axmed iyo madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale lagu dhajiyay bartamaha magaalada, iyada oo soo dhaweyn heer sare loo sameynayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Labada mas’uul ayaa ku kulmi doono xarunta Villa Soomaaliya oo saaka laga dareemayo mashquul xooggan iyo u diyaar garowga imaanshaha Abiy Axmd.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmo doono madaxweyne Xasan, iyaga oo ka wada-hadli doono arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal iyo heshiiska ay dhowaan gaareen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, hoggaamiyeyaasha labada waddan ayaa sii amba qaadi doono wada-hadalladooda ku aadan heshiiskii Ankara ee lagu soo afjaray xiisaddii badda, waxaana haatan qorshaha Itoobiya uu yahay inay hesho marin biyood, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Imaashaha ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee Muqdisho ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan sameynaya iskaashi ballaaran, kaas oo bog cusub u furayo labada dal, waxaana sidoo kale Itoobiya loo ogolaaday howlgalka AUSSOM

Cabdi Wabiir oo isku dhiibay Shabaab-kii uu ku laayey Sh/Dhexe, caawana u xiran DF

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii Macawiisleyda deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee muuqaalkiisu baraha bulshada qabsaday isagoo sharaxa sidii Khawaarijta ay isaga difaaceen, uguna laayeen deegaanka, iyagoo saaran Masjidka ayaa isku dhiibay kooxda.!

Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamuud Suubiye (Cabdi Wabiir) wuxuu ahaa oday geesi ah oo laga yaqaan deegaankaas, waxaa laga dhigay hoggaamiyaha macawiisleyda deegaanka Cali Axmed, waxaana halkaas uga warqabtay dowladda oo lacag iyo rasaas-ba sii jirtay.

Khawaarijta ayaa maanta baahisay muuqaal laga duubay Cabdi Wabiir oo gacanta ku haysta marada madow ee calanka u ah argagixisada, isagoo sheegaya in Al-Shabaab uu isku dhiibay, uguna baaqaya saaxiibadiis inay argagixisada isku dhiibaan, wuxuu noqday muuqaal aad loola yaabay.

Rag kale oo ka mid ah macawiisleydii uu Cabdi Wabiir hoggaaminayey ayaa laga dhex arkay muuqaalka, balse Cabdi Maxamuud Suubiye (Cabdi Wabiir) hadda wuxuu ku jiraa gacanta dowladda, wuxuuna ku xiran yahay Godka Jilicow ee Muqdisho.

Hadaba sidee Cabdi Wabiir iyo kooxdiisa ay ugu gacan galeen Khawaarijta, kadibna ugu soo noqdeen gacanta dowladda oo ugu dambeyn Muqdisho ku soo xirtay?

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ninkaan wiilkiisa ayaa ku jira horjoogayaasha Khawaarijta, maalin ka hor howlgalkii Al-Kowsar iyo Cali Axmed ee lagu laayey Al-Shabaab, inta uusan bilaabay waaberigii hore ayuu aadan sahan ay duurka uga raadsanayaan kooxda, isagoo wata rag kale oo tiradooda lagu sheegay 5 ilaa 6.

Balse waxay toos ugu tageen Al-Shabaab oo jooga dhulka howdka ah ee gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe ay ku kala rogmadaan, halkaas ayaa looga duubay muuqaalka, isla maalinkaas waxaa dhacay weerarkii kooxda lagu laayey ee Al-Kowsar ay ku soo qaadeen, isagana waxaa loo maleynayey in la qabtay ama la dilay, laakiin hadda waxaa cadaatay in toos uu isugu dhiibay kooxda.

Markii laga duubay muuqaalka, waxaa laga qaaday qoriyihii isaga iyo saaxiibadiis, kadibna waxaa loo diray raggii kale ee macawiisleyda kala tirsanaa, wicitaano badan kadib waxay ku guul dareysteen in macawiisleydii kale ay ku qanciyaan qorshaha ku biirista Khawaarijta, waxaana sidaas ku fashilmay oo dadka deegaanadaas ogaadeen in Cabdi Wabiir iyo ragga la maqan ay Shabaab jiraan.

Intaas kadib, wiil uu dhalay Cabdi Wabiir oo horjoogayaasha Shabaab ku jira ayaa odaga la soo hadlay, wuxuuna u sheegay in la siray oo waxaba aysan ka fuli doonin balan-qaadyada loo sameeyey, raggii uu Ceel Cali Axmed ku laayana aan loo cafi doonin, markii lagu daneystana la gowrici doono, isagoo kula taliyey in meesha uu isaga tago oo dowladda isku dhiibo.

Cabdi Wabiir oo talo ku xuntahay qorigiisiina uu Shabaab u gacan galay, balantii lagu soo xera-geliyana looga baxay, ayaa mar kale maanta ka soo dhuuntay Khawaarijta, wuxuuna soo galay degmada Aadan-Yabaal isagoo cararaya oo faro-maran, markii la wareystana waxba waa sheegi diiday.

Intii la joogay Aadan Yabaal oo xogta laga raadinaayey ninkaan waxaa soo dhacay muuqaalkii ay Shabaab ka duubeen, waxayna dowladdu qaadatay go’aan deg deg ah, waxaana lagu soo xiray Godka Jilicow ee Muqdisho, si baaritaan ugu bilowdo.

Kiiskaan oo kale wuxuu dhowr bilood ka hor ka dhacay Xarardheere, halkaas oo nin oday ah oo qori Seban ah wata lagu soo bandhigay, kaas oo ka tirsanaa macawiisleyda, una muuqday nin uu daacad ka yahay dagaalka Khawaarijta, ilaa uu gaaray heer la isku qabsaday reerka uu yahay oo baraha bulshada aad loogu faafiyey.

Maalmo kadib waxaa soo yeertay in odagaas uu u goostay Khawaarijta, weerarro badan oo uu soo hoggaamiyey kadib, isagoo rafaadsan oo juwaano kuwata qaraxyo ayaa lagu qabtay duleedka Xarardheere, waana la xiray.

Labadaan kiis oo isku eg, waxaa laga baran karaa in kooxaha Khawaarijta ah ay xiriirkooda raadiyaan, juhdina ku bixiyaan, soo helidooda ragga halyeeyada ah ee kasoo dhalaala dagaalka, ee dadku buun-buuniyaan, si loo han-jebiyo bulshadii ku faraxday kartidiisa, waana fikrado ay adeegsato argagixisadu oo u dhamaanaya cabsi gelin, natiijo badana aan laheyn.

Hoos ka eeg sawirrada markii uu Cabdi Wabiir la dagaalamay Al-Shabaab, markii uu isku dhiibay iyo maanta oo lasoo qabtay.