26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Israel oo ay ka soo hartay aamusnaan iyo la-yaab kadib go’aanadii uu qaatay Trump

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dowladda midigta fog ee Israa’iil ayaa toddobaadkan aamusnaan diblomaasiyadeed qaadatay, xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu soo saaray tiro hadallo ah oo si weyn u ruxay kalsoonidii Israa’iil ee ku aaddan xiriirka ay la leedahay xulafadeeda ugu dhow.

Go’aankii Trump ee uu kaga weecday Israa’iil booqashadiisa Bariga Dhexe ayaa durba loo fasiray calaamad muujinaysa sida xukuumaddiisu diiradda u saartay heshiisyada ganacsi ee lacagta badan leh oo uu la galayo dalalka Khaliijka hodanka ah, oo ay Qatar ku jirto – waddan Israa’iil ay muddo dheer ku eedeynaysay inuu taageero siiyo Xamaas.

Kahor safarka Trump, Israa’iil waxay dareemaysay walaac ku saabsan wadaxaajoodyada Mareykanka uu la leeyahay Iran – cadawgooda ugu weyn – iyo sidoo kale go’aankii Trump uu ku joojiyay duqeyntii Xuutiyiinta Yemen, xilli kooxdaasi, oo ay Iran taageerto, ay sii waday weerarada gantaallada ee ay ku qaadayso Israa’iil.

Saraakiisha Israa’iil waxay markii dambe ku khasbanaadeen inay si aamusnaan ah u daawadaan sida Mareykanku heshiis ula galayo kooxda Falastiiniyiinta hubeysan ee Xamaas si loo soo daayo Edan Alexander, oo ahaa muwaadinkii Mareykan ee ugu dambeeyay ee lagu haystay Gaza.

Intaas kadib, Israa’iil waxay dhegaysanaysay Trump oo ku dhawaaqaya in uu qaadayo dhammaan cunaqabateyntii saarnayd Suuriya, isla markaana ku baaqaya in la caadiyeeyo xiriirka dowladda cusub ee Dimishiq – xukuumad ay Israa’iil u aragto mid jihaadiyiin si qarsoodi ah ugu shaqeeya.

Xilli Trump Talaadadii hadal ka jeedinayay Riyadh, isagoo sheeganaya guusha heshiiska xabad-joojinta ee Xuutiyiinta, warbaahinta Israa’iil ayaa soo werisay in digniino weerar ay ka yeerheen magaalada Qudus iyo Tel Aviv, xilli gantaal ka yimid Yemen uu ku soo jeeday Israa’iil.

Trump ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil uu burburayo, isagoo saxaafadda la socotay u sheegay in booqashadiisu ugu dambayn faa’iido u noqon doonto Israa’iil oo weli u arkaysay mid ka mid ah taageerayaasheeda ugu dhow.

“Waxay Israa’iil u tahay fursad weyn, in la yeesho xiriir sida kan aan hadda la leeyahay dalalka Bariga Dhexe – dhammaanba,” ayuu yiri.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu weli si toos ah ugama hadlin arrimaha socda, marka laga reebo mahadcelinta uu u jeediyay Trump doorkii uu ku lahaa sii deynta Alexander.

Si kastaba, Israa’iil waxay la tacaalaysaa aragtida dadweynaha ee ah in laga hareer maray, iyada oo mar horeba cadaadis caalami ah kala kulmaysay dagaalka Gaza oo wiiqay dedaalladii ay ku doonaysay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Sacuudi Carabiya.

“Bariga Dhexe waxa uu horteena kaga samaysmayaa qaab cusub oo ay wadaan heshiisyo iyo kulamo isdaba joog ah, halka Israa’iil ay (ugu yaraan) u muuqato daawade dibad joog ah,” ayuu qoray Yoav Limor, oo ka faallooda wargeyska midigta u janjeera ee Israel Hayom.

Mudnaanta kala duwan

Netanyahu, oo wajahaya maxkamad musuq-maasuq ah oo uu beeniyay eedeymaheeda, si cad ayuu u muujiyay in uu doorbidayo Trump marka loo eego Madaxweyne Joe Biden, kaasoo hakiyay dirista hub culus oo Israa’iil la siin lahaa isla markaana cunaqabateeyay xagjiriin Israa’iili ah.

Netanyahu wuxuu la kulmayaa cadaadis uga imanaya xulafadiisa xagjirka ah ee dowladda, kuwaasoo ku adkeysanaya in dagaalka Gaza la wado ilaa Xamaas gebi ahaanba la jebiyo, iyo sidoo kale dadweynaha Israa’iil oo aad ugu daalay dagaalka in ka badan 18 bilood socday. Ilaa hadda, wuxuu doortay inuu la safan xulafada xagjirka ah.

Si kastaba, dhacdooyinka todobaadyadii la soo dhaafay ayaa muujinaya “farqi cad oo ku yimid mudnaanta siyaasadeed,” taasoo keenaysa in daryeelka khaaska ah ee Israa’iil ay ka heli jirtay Mareykanka aysan hadda si toos ah ugu jirin, sida uu sheegay Jonathan Panikoff, oo hore u ahaa ku xigeenka Madaxa Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ee Bariga Dhexe.

“Trump si cad ayuu u go’aansaday inuu hore ugu socdo ajende ku saleysan ganacsi iyo maalgelin,” ayuu yiri Panikoff, oo ka tirsan xarunta fikirka Atlantic Council ee Washington.

“Haddii arrimaha amni ama siyaasadeed ee Mareykanka iyo Israa’iil ay caadi ahaan iskaashi ku lahaayeen aysan waafaqsaneyn mudnaanta Trump, wuu horay ugu socon doonaa qorshihiisa.”

Iyaga oo mar kale ku adkaysanaya in xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil uu weli xooggan yahay, saraakiisha xukuumadda Trump ayaa si hoose u muujiyay niyad-jab ay ka qabaan Netanyahu, xilli madaxweynaha uu doonayo inuu degdeg ugu dhammeeyo dagaallada Gaza iyo Ukraine.

Waxay Netanyahu ku cadaadinayaan inuu dadaal dheeraad ah geliyo sidii loo gaari lahaa heshiis xabad joojin ah iyo la soo celinta la haystayaasha, iyagoo sidoo kale muujiyay inaanay diyaar u ahayn inay taageeraan weerar Israa’iil ku qaaddo xarumaha nukliyeerka Iran inta Mareykanku uu wadaa dadaallada diblomaasiyadeed.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad James Hewitt ayaa sheegay in maamulka Trump uu sii wadaayo wada shaqeynta Israa’iil si loo xoreeyo 58-ka la hayste ee weli lagu hayo Gaza, iyo in la xoojiyo amniga gobolka Bariga Dhexe.

“Isra’iil weligeed saaxiib ka wanaagsan Trump ma aysan yeelan,” ayuu yiri Hewitt.

Xagjiriinta xukuumadda Israa’iil, oo horay ugu farxay qorshihii Trump ee ahaa in Gaza laga saaro dadka Falastiiniyiinta ah lagana dhiso goob dalxiis xeebeed, ayaa hadda u muuqda kuwo aamusan. Saraakiisha Israa’iil waxay si taxaddar leh uga fogaanayaan wax dhaleeceyn ah oo loo jeediyo xukuumadda Mareykanka.

“Dal kasta waa madax bannaan yahay,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil, markii la weydiiyay haddii la dareemayo in Israa’iil laga hareer maray arrinta Alexander. Wuxuu intaas ku daray in “wadahadalka dhow ee Israa’iil iyo Mareykanka” lagu qaban doono “si toos ah, ee aan loo marin warbaahinta.”

Koox Israa’iili ah ayaa loo diray Doha si ay uga qaybqaataan wadahadallada xabad joojinta oo uu dhexdhexaadinayo ergayga Trump, Steve Witkoff, hase yeeshee ciidamada Israa’iil ayaa kordhiyay weerarrada Gaza, iyadoo Arbacadii la dilay tobanaan Falastiiniyiin ah.

Netanyahu laftiisa ayaa caddeeyay in Israa’iil aysan beddelaynin himilooyinkii dagaalka Gaza, isagoo mar kale xaqiijiyay in hadafkoodu yahay in gebi ahaanba la burburiyo awooda ciidan iyo maamulka ee Xamaas.

“Isra’iil ma joogsanayso, mana is dhiibayso,” ayuu yiri Arbacadii.

Trump oo 5 qodob ka dalbaday Madaxweynaha Suuriya – “Waa nin soo jiidasho leh oo adag”

Riyadh (Caasimada Online) – “Waa nin soo jiidasho leh oo adag” waxaa sidaas yiri Madaxweynaha Trump u qeexay hogaamiyaha Suuriya, isla markaana la saxiixday Heshiisyada Abraham – Sharaa ayaa ahaa nin markii hore lagu sheegay inuu yahay argagixiso.

Intii uu Trump kula kulmay Madaxweynaha Kumeelgaarka ee Suuriya Axmed al-Sharaa, wuxuu hogaamiyahaasi siiyay shan tilmaam, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka White House Karoline Leavitt:

  • Inuu saxiixo Heshiisyada Abraham si loo hagaajiyo xiriirka Israa’iil
  • Inuu u sheego dhammaan “argagixisada ajnebiga ah” inay ka baxaan Suuriya
  • Si gaar ah, Trump wuxuu tilmaamay “argagixisada Falastiin” dalka laga saaro
  • Inay ka caawiyaan Mareykanka in la joojiyo soo laabashada kooxda loo yaqaan Daacish
  • Iyo isla mowqifkaas, inay qaataan mas’uuliyadda xarumaha xabsiga ee la xidhiidha kooxdaas ee ku yaal bariga iyo waqooyiga Suuriya.

Ka hor inta uusan Trump shaacin qorshihiisa ah inuu ka qaado cunaqabataynta Mareykanka ee Suuriya shalay, Suuriya waxay ahayd dowlad lagu calaamadiyay taageeridda argagixisada tan iyo 1979, markaas madaxweynayaasha isbedelka dalka ku qabsaday Bashar al-Assad, aabbihiis Hafez al-Assad, uu ahaa madaxweyne.

Waxaa xusid mudan in Israa’iil ay burburisay awooda difaaca Suuriya 48-kii saacadood ee ka dambeeyay xukunkii Bashaar Al Asad ee Diseembar, markii lagu soo waramay in in ka badan 400 duqeyn hawada ah la sameeyay.

Israa’iil waxay sii waday weerarada ka dhanka ah Suuriya, waxayna dhawaan duqeysay meel ku dhow madaxtooyada, iyadoo sheeganaysa inay rabto inay difaacdo xuquuqda dadka Druze – oo ah koox diimeed yar.

Madaxweynaha Sharaa ayaa marar badan sheegay in Suuriya ay rabto xidhiidh wanaagsan oo ay la yeelato deriskeeda – iyada oo aan la cayimin kuwaas. Dad badan ayaa soo jeedinaya inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Israa’iil.

Hogaamiyaha ayaa si aad ah u diiradda saaraya sidii uu dib cagaheeda ugu istaajin lahaa Suuriya iyo dhaqaalaheeda, si uu u sii hayo ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka.

Daawo: Odawaa oo shaaciyey arrin loo fasaxay iyo xisbiga Xasan oo tallaabo kale qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo xalay loo doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaankiisa loo doortay ayaa ka hadlay xaflad uu galabta isku diiwaan-geliyey xisbigaas.

Odawaa ayaa warbaahinta la hadlay markii uu qaatay shahaadada diiwaan-gelinta urur siyaasadeed JSP ayaa sheegay in hadda kadib ay bilaabayaan ololaha doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shahaadada guddoonsiiyey urur siyaasadeedkaan oo xalay xafladiisa daah-furka lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Shaqo dheer kadib, waxaan maanta qaadanay shahaadadii urur siyaasadeed rasmi ah, hadda kadib guddiga doorashooyinka wuxuu noo fasaxay inaan bilowno ololaheena doorashada,” ayuu yiri Odawaa.

Sidoo kale, Odawaa ayaa sheegay doorashadaan ay muhiim u tahay dalka, isagoo siyaasiyiinta kale ugu baaqay inay axsaab sameystaan.

“Madaxweynaha markii hore waxaa la doortay isagoo hoggaaminaya UPD, mar kale wuxuu hadda doorasho gelayaa isagoo hoggaaminaya xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, marka hadda kadib axsaabta ayaa lagu dagaalamayaa ee xisbiyo hala furto,” ayuu yiri Odawaa.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaaddada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay shuruudaha diiwaangelinta Ururrada.

Guddoomiyaha Guddiga Cabdikarim Axmed Xasan oo qudbad ka jeediyey Munaasabadda shahaadada lagu gudoonsiinaayey Ururrada cusub ayaa sheegay in Diiwaan-gelinta ururada ay ku eg tahay maanta oo ah 14-May balse ay jiraan ururro soo buuxiyey qaar ka mid ah shuruudihii looga baahnaa kuwaas oo wadada ku soo jira oo maalmaha soo socda ku soo dhamaystiridoona shuruudaha kale ee looga baahanyahay.

Madaxda Urur siyaasadeedyada maanta la guddoonsiiyay shahaaddooyinka ayaa dhankooda caddeeyay in ay diyaar u yihiin ka-qayb-galka doorashada Qof iyo Codka ah.

Hoos ka daawo Odawaa

DENI oo qaylo dhaan afka furtay, weerarna ku qaaday Xasan iyo xisbigiisa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee la xiriira doorashooyinka dalka ee 2026.

Saciid Deni ayaa si gaar ah uga hadlay shirkii soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaran iyo xisbiga Xasan Sheekh ee xalay looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa si weyn uga horyimid xisbiga la dhisay ee Cadaaladda iyo Wadajirka, kaas oo ay ku mideysan yihiin madaxda maamullada iyo kuwa dowladda dhexe, isaga oo xusay in tallaabada la qaaday ay god-dheer kusii rideyso mustaqbalka dalka.

“Wixii xalay ka dhacay Muqdisho, marka eegto  xaalku wuxuu marayaa, islaanta indho la’aan hadaa ku ogeydeen dad cunimo ayeey ku darsatay“ ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, isaga oo sheegay in sababta uu diideen ay tahay burburinta Jubaland iyo kala qaybinta dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Shirkii NCC waxaan ku diidnay waa aragtaan maanta ma dadka leh Jubaland hala burburiyo baa wadajir ka shaqeynaya” ayuu mar kale yiri Saciid Deni.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay magaalada Muqdisho looga dhowaaqay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), waxaana guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ay ka yihiin ku xigeenno, halka xoghayaha guud-na loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Waxaa kale oo xisbigan ku jiro madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Galmudug, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo xalay kasoo muuqday xafladda oo ka dhacday hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah oo uu muran ka taagan yahay, kadib markii ay diideen Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee dalka.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo kulan xasaasi ah la yeeshay guddiga sare…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya.

Sanduuqan oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga, ayaa wuxuu muhiim u yahay qorshaha horumarinta qaranka, kaas oo ay ka shaqeynayso xukuumadda Dan-Qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS. Mashaariicdan ayaa dhammaantood diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hirgelin doono deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya ee (TPSS), waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkan uu guddigu maanta yeeshey ayaa waxaa ka qeyb-galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya H.E. Pier Mario Daccò Coppi.

Si kastaba, barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Muqdisho: Sarkaal sare oo si arxan darro ah loogu dhex-dilay gurigiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo xalay sarkaal sare loogu gaystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhacdadan ayaa xaqiijiyay dilka sarkaalka oo Gaashaanle Sare ahaa, laguna magacaabi jiray Cabdulqaadir Xuseen Cigaal.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in marxuumka lagu dhex-dilay gurigiisa, isla-markaana loola dhaqmay si ka baxsan bani’aadanimada. Sidoo kale, afhayeenka ayaa xaqiijiyay in lasoo xiray 5 eedeysane oo lagu tuhmayo dilka arxan darrada ee loo gaystay marxuum Cabdulqaadir Xuseen Cigaal,

“Xalay 10:00 habeenimo waxaa si arxan darro ah oo bani’aadanimada ka baxsan gurigiisa dhexdiisa loogu dilay Gaashaanle Sare marxuum Cabdulqaadir Xuseen Cigaal, waxaana loo hayaa illaa 5 eedeysane oo 100% la tuhmaayo inay ku lug leeyihiin,” ayuu yiri afhaayeenku.

Dhanka kale, Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdooyin kale oo ka dhacay Xamarjajab, wuxuuna sheegay in saaka rag burcad ah ay isku rasaaseeyeen degmada Xamarjab, ayna iska dileen mid kamid ah, halka uu dhaawac soo gaaray mid kale.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ragga dagaalamay ay isku qabteen taleefoono ay kasoo dhaceen dad shacab ah, kadibna iyaga dhexdooda ay isku gaysteen dil iyo dhaawac.

“Saaka aroortii marka saaladda subax laga soo baxay kadib waxaa saddex eedeysane oo lagu raadjoogay oo dhacay moobeello ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed iyo isla iyagii oo sarqaansan, iskuna khilaafsan wixii ay soo dhaceen kadibna is rasaaseyn ka dhex-bilaabatay waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah, halka uu dhaawacmay mid kale oo gacanta lagu hayo,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dil kale oo ka dhacay isla degmada Xamarjajab, kaas oo loo gaystay marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, wuxuuna sheegay in loo soo qabtay afar eedeysane. Dilkaas wuxuu tilmaamay inuu ka dhacay aagga iskuulka Raage Ugaas, uuna ka dhashay khilaaf soo kala dhex-galay 4 eedeysane, kadibna uu kusoo dhamaaday dilka marxuumka.

“Isla Xamarjajab sagaalka May abaare 1:00 habeen saq-dhexe waxaa eeriyada Raage Ugaas khilaaf ku bilowday afar eedeysane oo hubeysan qaarkood oo shacab ah muran dhex-maray wuxuu kusoo dhamaaday in uu ku geeriyoodo marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, gacan ku dhiiglihii iyo eedeysanayaashii kale waa lasoo xiray,” ayuu sii raaciyay.

Mucaaradka oo soo saaray go’aan 7 qodob ah, kadib tallaabadii Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo goordhow soo saaray bayaan culus ayaa ka hadlay tallaabadii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan dhsimaha xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee xalay lagu dhowaaqay.

Mucaaradka oo mideysan, ayna ku jiraan madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore ayaa soo saaray go’aan ka kooban 7 qodob oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026.

Ugu horreyn waxa ay sheegeen in la burburiyay Madashii wadatashiga qaran, kadib dhismaha xisbiga cusub ee Xasan Sheekh, waxayna tilmaameen in loo beddalay kooxeysi.

Sidoo kale waxa ay dalbadeen in la’isugu yimaado wadatashi deg-deg ah oo laga soo qayb-gelinayo bulshada, kaas oo ay ugu yeereen in lagu samata bixinayo dalka.

Madaxweynaha ayay sidoo kale ku booriyeen inuu ka waantoobo inuu dagal ku wajaho Jubaland, maadaama haatan ay soo kordheen xaalado cusub oo labada dhinac ah.

Waxaa kale oo ay xubnaha mucaaradku soo dhoweeyeen go’aankii Mareykanka uu ku diiday qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sii huriyaya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Dhinaca kale, waxay farriin deg-deg ah u direen madaxda Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug oo ay ugu baaqeen inay xurmeeyaan shacabka, ayna qabtaan doorashada, maadaama uu ka dhamaaday muddo xileedka.

Ugu dambeyn waxay ka hadleen musuq ay sheegeen inuu ka dhex jiro hay’adaha dowladda iyo dhul boobka socda, iyaga oo QM ugu baaqay inay dabagal ku sameyso arrimahaasi.

“Kalitalisnimada, ku takrifal awoodda, musuqa iyo maamul-xumida baahsan, faquuqista siyaasadeed iyo caddaalad-darrada waxay shacabka ku ridday quus iyo rajo la’aan sababtay in ay lunto kalsoonidii ay ku qabeen dowladda, waxayna nuxuusisay taageeradii beesha caalamka, iyadoo fursad u abuurtay kooxaha argagixisada ah” ayaa lagu yiri bayaanka.



Xogta iska horimaad iyo dilal qorsheysan oo maanta ka dhacay Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maanta shir saxaafadeed u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay dilal qorsheysan iyo iska imaad maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdooyinkan ayaa sheegay in saaka rag burcad ah ay isku rasaaseeyeen degmada Xamarjajab, ayna iska dileen mid kamid ah, halka uu dhaawac soo gaaray mid kale.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ragga dagaalamay ay isku qabteen taleefoono ay kasoo dhaceen dad shacab ah, kadibna iyaga dhexdooda ay isku gaysteen dil iyo dhaawac.

“Saaka aroortii marka saaladda subax laga soo baxay kadib waxaa saddex eedeysane oo lagu raadjoogay oo dhacay moobeello ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed iyo isla iyagii oo sarqaansan, iskuna khilaafay wixii ay soo dhaceen kadibna is rasaaseyn ka dhex-bilaabatay waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah, halka uu dhaawacmay mid kale oo gacanta lagu hayo” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dil kale oo sagaalkii bishan ka dhacay isla degmada Xamarjajab, kaas oo loo gaystay marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, wuxuuna sheegay in loo soo qabtay afar eedeysane.

Dilkaas wuxuu tilmaamay inuu ka dhacay aagga iskuulka Raage Ugaas, uuna ka dhashay khilaaf soo kala dhex-galay 4 eedeysane, kadibna uu kusoo dhamaaday dilka marxuumka.

“Isla Xamarjajab sagaalka May abaare 1:00 habeen saq-dhexe waxaa eeriyada Raage Ugaas khilaaf ku bilowday afar eedeysane oo hubeysan qaarkood oo shacab ah muran dhex-maray wuxuu kusoo dhamaaday in uu ku geeriyoodo marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, gacan ku dhiiglihii iyo eedeysanayaashii kale waa lasoo xiray” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dil kale oo ka dhacay degmada Heliwaa, gaar ahaan agagaarka Shaneemo Cabdi-waayeel, kaas oo oo loo gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Faysal Cabdullahi Takar, wuxuuna xaqiijiyay in lasoo qabtay ninkii dilay.

Afhayeenka booliska ayaa tilmaamay in inta badan ragga gaystay dilalkan iyo dhaca ay yihiin dambiilayaal horay loo xukumay, balse lagu soo daayay wada-hadallo iyo heshiis dhex-maray dhinacyda dacwadda, hadane ay markale ku laabteen isla falalkii hore.

DF oo war ka soo saartay guusha uu gaaray Erdogan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa ka hadashay guusha ee uu Isniintii gaaray madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, taas oo la xiriira hubka dhigista uu sameeyay ururka PKK ee dalkaasi.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso go’aanka ururka PKK ee ay hubka ku dhigeen, taas oo meesha ka saareysa dagaalka ay muddada dheer kula jireen dowladda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibads Soomaaliya ayaa waxaa  lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid gacan ka geysaneysa xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee Turkiga iyo guud ahaan gobolka.

Sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa taageero waynu muujiyay madaxweyne Erdogan, gaar ahaan dadaalladiisa ku aadan xoojinta wada-hadallada nabadda eed dalkaasi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujineysaa dadaallada lagu xoojinayo wadahadalka nabadeed, midnimada shacabka Turkiga, iyo xasilloonida guud ee gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Isniintii todobaadkan ku dhawaaqay inuu is-burburiyey, isagoo sheegay inuu soo afjaray halgankii hubeysnaa ee uu kula jiray dowladda Turkiga, taasoo dhammaatay kadib afartan sano oo kacdoon dhiig badan ku daatay.

Ururka PKK, oo uu aasaasay Abdullah Ocalan dabayaaqadii 1970-meeyadii, ayaa qaatay hub sannadkii 1984, halkaas oo uu ka bilaabay weerarro ka dhan ah dowladda Turkiga kuwaas oo sababay in ka badan 40,000 oo dhimasho ah.

“Shirkii 12-aad ee PKK wuxuu go’aamiyey in la burburiyo qaab-dhismeedka ururka lana joojiyo halgankii hubeysnaa,” ayaa lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka ee u ololeysa Kurdish-ka, ANF.

Dhanka kale, tallaabadan ayaa si diirran waxaa u soo dhoweeyey xisbiga AKP ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah,” balse xusay in habraaca loo “kormeerayo si dhow” oo joogto ah.

Go’aanka taariikhiga ah ayaa yimid kadib baaq uu Ocalan bishii 27-ka Febraayo ka diray xabsiga Imrali ee magaalada Istanbul, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo 1999, kuna booriyey dagaalyahanadiisa inay hubka dhigaan oo ay ururka kala diraan.

Puntland oo shaacisay halis ka dhalan karta xisbiga cusub ee madaxweyne Xasan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si adag uga hadlay ku dhowaaqista Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay ku mideysan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad-goboleedyada dalka, kaas oo uu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka nPuntlad oo ka hadlay dhismaha xisbigaan siyaasadeed ayaa tilmaamay inuu lamid yahay kii kacaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in dalka uu dib u celiyay, isla markaana tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa halis ah oo mugdi galinaya Soomaaliya.

“Xsibiga Xasan Sheekh iyo 3 sano kadib: Xisbiga siyaasadeed la mid ah kii KACAANKA oo aan ilo lahayn waa xilli soo dhammaatay” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka dib ugu celiyay kumeergaarnimadii, isla markaana uu dib usoo celiyay caqabado horay looga soo gudbay.

“Tani waxa ay Soomaaliya ku hoggaamin doontaa xilligii kumeelgaarka. Maxaa xoog Doofaar lagu eryay?” ayuu mar kale yiri wasiir Juxa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay magaalada Muqdisho looga dhowaaqay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), waxaana guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ay ka yihiin ku xigeenno, halka xoghayaha guud-na loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Waxaa kale oo xisbigan ku jiro madaxweynayaasha maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo xalay kasoo muuqday xafladda oo ka dhacday hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah oo uu muran ka taagan yahay, kadib markii ay diideen Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee dalka.

Qaab dhismeedka xisbiga Xasan oo loo qeybsaday habka 4.5 + Liiska magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa xalay ka qabsoomay munaasabad si rasmi ah loogu daah-furay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay ku mideysan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad-goboleedyada dalka.

Xisbigan oo uu hoggaamin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sameeyay bandhig wayn, waxaana ka qayb-galay ergo ka badan 2700 oo ka kala timid daafaha dalka isla markaana ka mid ah Xubnaha Rasmiga ee Urur Siyaasadeedka JSP. Waxaa sidoo kale la shaaciyay hoggaanka saree ee xisbiga, iyada oo lagu kala qaybsaday 4.5.

Guddoomiyaha Xisbiga iyo musharraxa waa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ay ka yihiin ku xigeenno, halka xoghayaha guud-na loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Hoos ka akhriso bayaan laga soo saaray ku dhowaaqista Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Shirwaynaha oo ay ka soo qaybgaleen ergo ka badan 2700 oo ka kala timid daafaha dalka isla markaana ka mid ah Xubnaha Rasmiga ee Urur Siyaasadeedka JSP, ayaa lagu ansixiyay Dastuurka iyo Xeerhoosaadyada Ururka iyada oo sidoo kale la doortay Xubnaha Guddiga Fulinta iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Ururka.

Shirweynaha waxaa kale oo hadaljeedin ka sameeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka, Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Gunaanadkii, xubnaha uu Shirwaynaha u doortay Guddiga Fulinta ayaa kala ah:

  1. Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka ahna Musharraxa
  2. Md. Xamza Cabdi Barre, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Istaraatiijiyadda iyo Qorsheynta
  3. Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada
  4. Md. Saalax Axmed Jamac, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhaqaalaha
  5. Marwo Sacdiyo Yasiin Samatar, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Horumarinta Bulshada iyo Wacyigalinta
  6. Md. Cabduraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Xoghayaha Guud ee Ururka JSP

Shirqool: Soomaaliya oo la rabo in la hoos geeyo Itoobiya

Istiraatiijiyadda Isdhexgalka IGAD ee 2021–2025 ee la sheegayo wax kale ma aha ee waa ajende khatar ah oo si qaldan loo diyaariyey, ujeedkiisuna yahay in lagu xayuubiyo madax-bannaanida dalkeena, lagu burburiyo midnimadiisa dhuleed, laguna hoosgeeyo shacabka Soomaaliyeed saameyn shisheeye — gaar ahaan tan Itoobiya.

Waa in la xasuusnaadaa: IGAD markii hore looma aasaasin sidii aalad siyaasadeed oo wax lagu cabburiyo. Ujeeddadeedii bilowga ahayd waxay ahayd mid sharaf leh oo fudud: in la mideeyo dadaallada wax lagaga qabanayo abaaraha, nabaad guurka, iyo caqabadaha deegaanka iyo beeraleyda ee Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, ujeeddadaasi mar hore ayaa la leexiyay.

Iyadoo uu si toos ah u saameeyey ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, IGAD waxaa loo rogay aalad siyaasadeed iyo millatari oo lagu maamulo Soomaaliya. Halkii ay taageeri lahayd dib-u-dhiska dalka ee ka soo kabanaya tobannaan sano oo colaado ah, IGAD waxay isu beddeshay caqabad wiiqeysa nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya, horumarkana carqaladeysa, iyadoo dalka ku haysta xaalad degganaansho la’aan iyo ku-tiirsanaan shisheeye.

Ma la caawinayo Soomaaliya, waa la maamulayaa.

Maanta, Soomaaliya wax faa’iido ah kama hesho xubinimada IGAD—waxba. Taas waxaa ka sii daran, istiraatiijiyadda cusub ee la soo jeediyay waxay si toos ah u halis gelinaysaa jiritaanka Soomaaliya oo xor ah. Waxaa nalagu qasbaya in aan furno xuduudaheenna, ka tanaasulno maamulkeenna socdaalka, islamarkaana aan aqbalno malaayiin Itoobiyaan ah oo si xor ah uga dhex shaqeeya, uga guura, kuna noolaada gudaha Soomaaliya, iyaga oo leh xuquuq la mid ah tan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Tani ma aha isdhexgal — waa duullaan dadweyne oo si sharci ah loo qarinayo.

Istiraatiijiyaddan ma aha mid ujeedadeedu tahay nabad, mana aha mid u adeegaysa barwaaqo. Waa qorshe gumeysi oo si ula kac ah loogu talagalay in lagu:

  • Daciifiyo hay’adaha dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya;
  • Wiiqo amniga qaran iyo xuduudaha dalka;
  • Laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyadoo lagu dhuumanayo magaca iskaashi goboleed;
  • La caburiyo Soomaalinimada, gudaha Soomaaliya iyo deegaannada Soomaalida ee Itoobiya iyo Kenya.

Qorshahan waxa uu la mid yahay qaladkii laga galay markii Soomaaliya ay si degdeg ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC), halkaas oo aan bixinnay kharash fara badan iyo sumcad, balse aan helin wax faa’iido ah marka laga reebo ballanqaadyo been ah iyo faragelin shisheeye.

Maanta, waxaan sanad walba bixinaa $7 milyan oo dollar oo xubinimo ah — maxaase aan ka helnaa? Waxba.

Su’aashu waa: Yaa ka faa’iideysanaya ajandahan? Shaki kuma jiro in aysan shacabka Soomaaliyeed ka faa’iidaysanayn. Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u dagaalamaysa nolol dhaanta kama faa’iidaysanayaan. Waxaa si cad u muuqata in ajandahan ay riixayaan wakiillo shisheeye iyo mas’uuliyiin sahashanaya khatarta weyn ee ka dhalan karta dhiibista madax-bannaanideenna.

Waxaa layaab leh sababta wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Cali Cumar (Balcad), uu si xamaasad leh ugu ololeynayo istiraatiijiyaddan khatarta ah. Tani waxay dhaliyaan su’aalo culus oo ku saabsan daacadnimadiisa iyo ujeedooyinka uu leeyahay. Maxay tahay faa’iidada uu shakhsiyan ka helo haddii Soomaaliya laga dhigo dal hoos taga Itoobiya? Waxaa la ogyahay in IGAD ay mar walba hoostagayso Addis Ababa.

Waa in aysan jirin wax shaki ah: Soomaaliya uma baahna IGAD. Waxa aan u baahanahay waa in aan dib u dhis ku samayno hay’adaheena annagoo xor ka ah faragelinta shisheeye. Waa in aan gacanteenna ku maamulno xuduudaheenna, siyaasaddeenna, iyo dhaqaalaha dalka — si ay ugu adeegaan danaha dadka Soomaaliyeed.

Istiraatiijiyadda Isdhexgalka IGAD ee 2021–2025 waa in si buuxda loo diidaa. Looma baahna in wax laga beddelo. Looma baahna in laga doodo. Waa in la diido gabi ahaanba, si loo badbaadiyo madax-bannaanida, jiritaanka iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Tani waa khad casaan ah oo aan la gudbi karin.

SOOMAALIYA HA NOOLAATO!

Mukhtaar Caynaashe

DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xaaladda gobolka Gedo, kadibna soo xirtay…

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro odayaal ah oo shalay lagu xiray gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo taageero u muujiyay maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Odayaasha la xiray oo gaaray illaa 10 Oday dhaqameed ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada, waxayna kasoo horjeestay qorshaha dowladda ay ku wajaheyso xaaladda Jubaland, waxaana lasoo wariyay in ay soo xiraan ciidamada booliska Garbahaarey.

Arrintan ayaa dhalisay buuq xooggan iyo in durbo xaalad laga dareemo gobolka Gedo oo mar kale wajahaya xiisad u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada oo ku aadan xarigga maanta loo gaystay qaar kamid ah odayaasha gobolka Gedo.

Dhinaca kale Jubaland oo ka hadashay arrintan ayaa si weyn u cambaareysay xarigga odayaasha, waxayna ku eedeysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo intaasi ku dartay in ujeedadu tahay burburinta maamulka halkaas ka jiro.

“Tani ayaa waxa ay tilmaameysaa qorshaha xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ay la damacsan yihiin in ay ku burburiyaan nidaamka dowliga ah ee ka jira deegaanada Jubbaland balse Bulshada ku nool deegaanada Jubbaland ayaa fahamsan qorshaha qar-iska tuurnimada ah ee Xasan Sheekh Maxamuud rabo taas oo marna aan oga suuragaleynin deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Jubaland.

Waxaa kale oo jirtay in Jubaland ay maanta sheegtay in la afduubtayAxmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ee degmadaasi, kaas oo ay sheegtay in lagala baxay gurigiisa.

“Axmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayay gordhow Ciidamo ka Amar qaata Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ka afduubteen gurigiisa oo ku yaalo degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Xiisadda Muqdisho iyo Kismaayo ayaa haatan u muuqata inay dib usoo laba kacleysay, waxaana huriyay bayaankii kasoo baxay shirkii u dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu sheegay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda Jubbaland.

Xaaladda Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

DONALD TRUMP oo qaatay go’aan farxad u ah reer Syria – Maxaa maanta dhacaya?

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu amri doono in la qaado cuna-qabataynta saaran Suuriya, kadib codsi uga yimid dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, taas oo astaan u ah isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda Mareykanka xill la filayo inuu la kulmo madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharca.

Sida uu sheegay mas’uul ka tirsan Aqalka Cad, Trump ayaa la kulmi doona Sharaa maalinta Arbacada ee Sucuudiga, taas oo gogol xaaraysa kulan muhiim ah oo dhex mara Trump iyo Al-Sharca xilka la wareegay kadib ridistii Bashar al-Assad. Ilo madaxtooyo oo Suuriya ah ayaa u xaqiijiyay Reuters in kulanka uu dhici doono subaxnimada Arbacada.

“Waxaan amri doonaa in la joojiyo cunaqabataynta Suuriya si aan fursad ugu siino inay gaaraan heer sare,” ayuu Trump ka sheegay madal maalgashi oo ka dhacday Riyadh, xilli uu bilaabay safar uu ku marayo dalalka Khaliijka. “Waa waqtigooda inay iftiimaan. Waan ka qaadaynaa dhammaan cunaqabatayntii,” ayuu raaciyay, “Nasiib wacan Suuriya, noo muuji wax gaar ah.”

Trump wuxuu sheegay inuu go’aanka qaatay kadib wada-tashi uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kuwaas oo si xooggan ugu baaqay in cunaqabataynta la qaado.

Go’aankan lama filaanka ah ayaa yimid inkasta oo ay jiraan tuhunno xooggan oo Israa’iil ka qabto maamulka Sharca. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa weli ku tilmaama Sharca inuu yahay jihaad-doon, inkasta oo uu xiriirkii Al-Qaacida uu gooyay sannadkii 2016.

Trump ayaa sheegay in dhammaan cunaqabatayntii laga qaaday Suuriya, isagoo xusay inay horey u lahayd ujeedooyin muhiim ah, balse hadda la joogo waqtigii Suuriya loo ogolaan lahaa inay hore u socoto.

Waxa uu intaas ku daray in dadaallo lagu soo celinayo xiriir caadi ah la bilaabay, isla markaana Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, uu toddobaadkan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya.

Cunaqabataynta Mareykanka, oo lagu soo rogay intii uu talada hayay Assad, ayaa Suuriya ka go’doomisay nidaamka maaliyadeed ee caalamka, iyadoo carqaladeysay maalgashiga iyo ganacsiga, taasoo dib u dhac weyn ku keentay dadaallada dib-u-dhiska dalka kadib dagaalkii sokeeye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, Asaad al-Shibani, ayaa warqad uu u diray Reuters ku sheegay in go’aanka Trump uu yahay isbeddel taariikhi ah oo u suurtagelinaya shacabka Suuriya inay dib u dhistaan dalkooda.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dhisno xiriir ku saleysan is-ixtiraam, kalsooni iyo dan wadaag la leh Mareykanka,” ayuu yiri Shibani.

Sidoo kale wuxuu xusay in Trump uu heli karo “heshiis nabadeed oo taariikhi ah iyo guul u ah danaha Mareykanka ee Suuriya,” balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.

Intii uu talada hayay Assad, Suuriya waxay sii wadaysay xaalad dagaal oo rasmi ah oo kala dhaxaysay Israa’iil, xiriir dhow la lahayd Iiraan iyo Ruushka, halka xiriirkeeda reer Galbeedkuna uu ahaa mid mararka qaar kacsanaa.

Tan iyo bishii December, ciidanka Israa’iil ayaa maamula dhul ku dhow Buuraha Golan ee ay qabsadeen 1967, iyadoo sidoo kale si joogto ah duqeymo cirka ah uga fulinaysay gudaha Suuriya.

Mas’uuliyiinta Suuriya ayaa dhankooda muujiyay diyaar garow ay u qabaan hagaajinta xiriirka Israa’iil, xitaa suurtagalnimada heshiis nabadeed.

Sharca ayaa sanado badan ahaa hoggaamiyaha garabka rasmiga ah ee Al-Qaacida ee dagaalka Suuriya. Wuxuu markii ugu horreysay ku biiray Al-Qaacidada ee Ciraaq, halkaas oo uu ku qaatay shan sano oo xabsi Mareykanku ku hayay. Bishii December, Mareykanka ayaa ka qaaday abaalmarintii $10 milyan ee madaxiisa lagu doonayay.

Sharciyada cunaqabataynta ee ay ansixiyeen labada aqal ee Congress-ka Mareykanka, oo ay ku jirto xeerkii 2019 ee cunaqabataynta adag ee Suuriya, waxay siiyaan madaxweynaha awood uu ku joojin karo haddii uu u arko inay u adeegayso danaha amniga qaranka Mareykanka.

Magacaabista argagixisada

Qaramada Midoobay, oo muddo dheer ku dadaalayay in la qaado cunaqabataynta Suuriya, ayaa si diirran u soo dhoweysay go’aanka.

“Waxay ahayd arrin muhiim ah in la arko yareynta cunaqabataynta si loo taageero dib-u-dhiska Suuriya, loogana caawiyo shacabka Suuriya inay kasoo kabtaan dagaallo iyo maalgashi la’aan socday in ka badan toban sano,” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Hay’adda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), oo horey loogu yaqaanay Nusra Front, ayaa ahayd garabka rasmiga ah ee Al-Qaacida ee Suuriya ilaa ay xiriirka ka jartay 2016. HTS si rasmi ah ayaa loo kala diray Janaayo.

HTS waxay ku jirtaa liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Al-Qaacida iyo Daacish, iyadoo saaran xayiraad caalami ah oo dhanka hantida iyo hubka ah. Si kastaba, Qaramada Midoobay wax cunaqabatayn ah kuma aysan soo rogin Suuriya la xiriirta dagaalka sokeeye.

Weli lama caddayn haddii Mareykanka uu qorsheynayo inuu Golaha Ammaanka ka codsado in laga qaado cunaqabataynta HTS.

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey 3 arrin oo xisbigiisa uu ka shaqeynayo

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa loo doortay xilka Guddoomiyaha, ahna Musharraxa Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo xaaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka dalka uu uga hadlay, isagoo sharaxaad ka bixiyey xisbiga uu hoggaaminayo ee caawa lagu dhawaaqay.

“Caawa waa ii farxad in aan hortiina soo istaago, anigoo xambaarsan masuuliyadda Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyaha iyo Musharaxa xisbigaas caawa loo doortay.

Madaxweynaha oo farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa yiri, “Dhalinyaro waxaan idin leeyahay waa cusub ayaa idiin soo iftiimay, madax madow ayuu maan ku haray, talada dalka ayaa idiin baahan ee nagu taageeraya in awoodiina aan dib idinkugu soo celino.”

Xasan Sheekh ayaa aad u naqdiyey dhibaatooyinkii lasoo maray, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in weli dadka qaar ay quud dareynayaan in halkii hore lasii joogo, isagoo codsaday in maanta hormar la sameeyo.

“Hebelaa shaatigiisa tolanaya, koox hebel ayaa xoagga ka dhacday, kanaa inta ka booday, waxaas waan soo aragnay. Sanad doorasho ay dhacdo oo aan erayadaa la isticmaalin yaa sheegi kara? ANNAGABA ALLAHA KA DHIGEE aan soo isticmaalnee. Maanta aan ka socono” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kooban u sharaxay waxyaabaha uu xisbigaan u taagan yahay ayaa yiri:

1-Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka waxa uu u taagan yahay in dalku u gudbo doorasho qof iyo cod ah.

2- Dhameystirka Dastuur, si dalku u yeesho hanaan sharciyeed, xisbigaan waa ka shaqeynayaa.

3-Maamul u dhow shacabka iyo awood siinta bulshada si hormar loo gaarsiiyo bulshada iyo deegaanka ayaan hirgeli doonaa doonaa.

Madaxweynaha ayaa sharaxaad ka sii bixiyey sida ay uga shaqey doonaan qodobadaas saldhigga u ah xisbigiisa, isagoo siyaasiyiinta kale ugu baaqay inay xisbiyo dhistaan, una diyaar garoobaan doorasho qof iyo cod ah.

Hoos ka daawo khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh

Daawo: Xamsa oo shaaciyey arrin dhib badan oo caawa ka hartay Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo caawa ka qeyb galay shirweynaha urur siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka dalka sida uu ku imaanayo xukunka.

Xamsa ayaa sheegay in wax kasta ay kala weyn tahay in mar un laga gudbo waxa uu ugu yeeray “nidaamka liita ee 4.5” oo Soomaalidu ay wax ku weybsato.

Wuxuu sheegay in hadda kadib ay u gogol xaarayaan in qofka Soomaaliga ah uu soo doorto hoggaamiyaha ku metelaya xukunka iyo siyaasadda, “dadka intii aniga iga yar waligood doorasho ma arkin, caawa wixii ka dambeeya ayaan firsad heysanaa,”  ayuu yiri.

Xamsa ayaa aad u amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u soo dhabar adeygay welina ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay gasho nidaam is doorasho oo dalka ka saaraya nidaamkii la isku dhibsaday ee (afar dhibic shan).

“Waxaa caawa la gaaray xiligii aan ka gaari laheyn qabiilka, oo aan u guuri laheyn dowladnimada saxda ah iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, waana ku faraxsanahay in xisbigaan aan caawa xubin ka noqdo oo nidaamkii 4.5-ka ahaa aan halkaan uga tagno caawa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Xamsa Cabdi Barre ayaa noqday guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Istaraatiijiyadda iyo Qorsheynta Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee Xasan Sheekh uu hoggaaminayo.

Xisbigaan oo yeeshay afar guddoomiye ku xigeen waxay xubnaha kale kala yihiin: 1-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, 2-Sacdiyo Yaasiin Samatar, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, 3-Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga ayaa loo doortay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).

Hoos ka daawo Xamsa

Xasan Sheekh oo mar kale caawa lagu doortay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee (JSP) oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo madaxda saddex dowlad goboleed ayaa caawa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka lagu shaaciyey Xisbigaan uu caawa ka socda Hoolka Sahal, waxaana goobta jooga dhamaan xubnaha xisbiga oojeedinaya khudbado ay kula hadlayaan taageerayaashooda oo goobta soo buux dhaafiyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqday Guddoomiyaha, ahna Musharaxa JSP, iyadoo uu yeelanayo illaa afar Guddoomiye ku xigeen oo lagu salleeyay saami qeybsiga dhanka beelaha ee 4.5.

Dhismaha Xisbigaan ayaa soo maray todobaadyo si adag la isugu hayay qaab dhismeedka hoggaanka xisbiga, balse ugu dambeyntii waxaa laga gaaray gaaray heshiis rasmi ah.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in Xisbigan uu yahay mid isku qaatay dhammaan awooddii dowladda dhexe iyo tan dowlad goboleedyada ka dhisan koonfurta dalka.

Sidoo kale, waxaa meesha ka baxaya kalsoonida lagu qabi karo siyaasad loo dhan yahay oo ka timaada madaxda ku mideysan xisbigaan.

Dad badan ayaa is waydiinaya sida uu Xisbigu ku socon karo, maadaama uu yahay isbahaysi isku danaysi ah oo dhinacyada ku mideysan ay yihiin kuwo damacoodu yahay xukun dheereysi.

Dowlad goboleedyada ku jira xisbigaan waxaa u dhamaaday muddo xileedkooda, halka madaxda dowladda federaalka uu u haray hal sano oo kaliya.

Sikastaba caawa waxaa lagu dhawaaqayaa xisbigaan weyn ee gacanta ku haya awoodda dowladda federaalka iyo seddax kamid ah dowlad goboleedyada, waxaana munaasabadda khudbado ka jeedi doona dhamaan xubnaha muhiimka ah ee Xisbiga.

Daawo: Fiqi oo ka jawaabay eedeynta ‘Xisbiga Kacaanka’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyey xafladda furitaanka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hogaaminayo, isagoo farriin u diray siyaasiyiinta aan ku jirin xisbigaan.

Wasiir Fiqi ayaa ugu horeynba ka jawaabay eedeynta ah in hadda dib loo aas-aasayo xisbi lamid ah kii dowladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, waa xisbigii ‘Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed’ wuxuuna sheegay in xisbigaas ay uga duwan yihiin dimuqoraadiyadda, isla markaana ay ogolyihiin in axsaab kale la dhisto doorasho xor ahna la galo.

Fiqi ayaa siyaasiyiinta aan ku jirin xisbigaan ku eedeeyey inay doorasho diid yihiin oo iyaga lagu tilmaami karo xisbigii kacaanka, isagoo ugu baaqay inay axsaab dhistaan oo doorashooyinka ka qeyb galaan.

“Ayagaa wada xisbigii hanti wadaagga, kuwo aan xisbi oo dhan ogoleyna waa jiraan oo Al-Shabaab wata, marka hadafka guud waa doorasho qof iyo cod ah iyo nidaam xisbiyo badan oo doorasho lagu geli karo,” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan ku dhexjiri karin laba afduub dhexdooda, oo kala ah: kuwo khawaarijta u afduuban iyo kuwa siyaasiyiin ay isku dayaan in ka hor istaagaan xaqooda dastuuriga ah in ay helaan oo codkooda ku ciil baxaan.

“Dalku 56 sano kadib waxaa laga tallaabsiinayaa nidaamkii doorasho ee iska daba-wareegga ahaa, is-addoonsiga ahaa, is-daba-marinta, musuqa, dad kooban talada ay lahaayeen iyo tayo xumada la saaxiibka ahaa, waxaana loo tallaabayaa nidaam dadweynuhu go’aanka madaxdooda iyo kuwa matalaya ay dooranayaan leeyihiin qaab ku salaysan xisbiyo aragtidooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed soo bandhigaya,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Ururka Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka uu ka mid yahay xisbiyada dalka ayna ku midaysan madax iyo siyaasiyiin miisaan culus leh, isagoo dadka ku dhiiri geliyey in axsaabta ay ku kala biiraan.

“Dadbaa nagu celinaya dhibaatooyinkii aan soo marnay, siyaasadda dalka waa la isku soo gumeystay, kuwa raba inay halkaan iyo meeshii aan soo marnay nagu sii haayaan allaha naga qabto, anagu waan diidnay,” ayuu yiri.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inay jiraan rag dowlado Carbeed lacag ka soo qaatay oo dalkaan dib u dhac la raba, “mana dooneyno kuwaas, balanteenu waa doorasho ay shacabku codeynayaan,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Hoos ka daawo

Firdhiye oo sheegay astaan uu u taagan yahay oo xisbiga Xasan uu ka dhex arkay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye oo caawa ka qeyb galay munaasabadda shaacinta xisbiga weyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo ayaa sheegay inay “Sharaf gaar ah u tahay inuu la kowsaday aas-aaska ururkan weyn ee Cadaaladda iyo Wadajirka.”

Firdhiye ayaa u mahadceliyey taageerayaasha xisbiga oo caawa soo buux-dhaafiyey goobta, isagoo ka sheekeeyey muhiimadda ay u leedahay in xisbigaan uu ku biiro.

“Xisbiga aan maanta aas-aasnay wuxuu ka dhigan yahay mideynta talada bulshada, magaca xisbigaan waa Cadaaladda iyo Wadajirka, waana idiin kala faaleynayaa magacaan,” ayuu yiri Firdhiye.

1-Cadaaladda waxaan idinka leeyahay ‘Rag cadaalad waayey sidii Cowsha kala yaac’ isku heynta bulsho kasta waxaa saldhig u ah cadaaladda.

2-Wadajirka wuxuu aniga ii yahay ‘wadajirka umadda Soomaaliyeed’ cidda wadajireysa maaha xubnaha xisbiga oo kaliya ee waa dhamaan umadda Soomaaliyeed.

Labadaas qodob ayuu Firdhiye ku sifeeyey magaca urur siyaasadeedka cusub ee caawa looga dhawaaqay Muqdisho oo isku diyaarinaya inuu noqdo xisbi weyn oo ku soo baxa doorasho dadweyne.

“Anigu waxaan isku arkaa astaan u taagan wadajirka iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waa ii sharaf inaan ku biiro xisbi ay astaamihiisa ka mid tahay wadajirka umadda Soomaaliyeed, waxaan aaminsanahay inaan cagta saarnay waddo noo horseedi karta wadajir iyo xasilooni,” ayuu yiri Firdhiye Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Hoos ka daawo

Sawirro: Trump oo heshiisyo culus la saxiixday Sacuudiga xilli uu dhabarka xajiyey Israel

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadada maanta ah ka helay Sacuudiga ballanqaad maalgashi oo gaaraya $600 bilyan, kaddib markii boqortooyada saliidda hodanka ku ah ay si heer sare ah u soo dhoweysay, bilowga safarkiisa dalalka Khaliijka.

Trump ayaa cirka feeray isagoo ka soo degaya diyaaradda Air Force One, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Amiir Maxamed bin Salmaan, oo markii dambe la saxiixday heshiisyo ku saabsan tamarta, difaaca, macdanta iyo meelo kale oo muhiim ah.

Ballanqaadka Sacuudiga waxaa ku jira waxa Mareykanku ku tilmaamay heshiiska iibka hubka ee ugu weyn ee taariikhda labada dal, oo ku kacaya ku dhowaad $142 bilyan.

Reuters ayaa horey u soo tabisay bishii April in Mareykanku uu qorsheynayay inuu boqortooyada siiyo xirmo hub ah oo qiimaheedu ka badan yahay $100 bilyan.

“Runtii waxaan aaminsanahay inaan aad isugu wanaagsanahay,” ayuu Trump yiri intii lagu guda jiray kulan uu la yeeshay dhaxal-sugaha, oo loo arko hoggaamiyaha dhabta ah ee Sacuudiga.

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale ka wadahadlay suurtagalnimada in Riyadh ay iibsato diyaaradaha dagaalka ee Lockheed F-35, sida ay Reuters u xaqiijiyeen labo ilo-wareed oo xog ogaal ah — diyaarado muddo dheer ay xiiseynayeen Sacuudiyaanka.

Ma cadda haddii diyaaradahaasi ay qayb ka yihiin heshiiskii lagu dhawaaqay Talaadadii.

Trump, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ganacsiga Mareykanka oo uu ka mid yahay bilyaneerka Elon Musk, ayaa safarkiisa ka sii wadi doona Qatar maalinta Arbacada, halka Khamiistana uu tegayo Imaaraadka Carabta.

Trump ma qorsheynin inuu booqdo Israa’iil, arrin su’aalo ka dhalisay meesha xulufada dhow ee Israa’iil kaga jirto mudnaanta siyaasadda Washington, iyadoo safarkiisu diiradda saarayo maalgashi halkii uu ka eegi lahaa arrimaha amniga Bariga Dhexe.

“Halyeeyga xiriirka aan la leenahay Sacuudiga waa tamarta, laakiin maalgelinta iyo fursadaha ganacsi ee boqortooyada aad ayay u kordheen,” ayuu yiri Wasiirka Maalgashiga Sacuudiga Khalid al-Falih intii lagu jiray Madasha Maalgashiga Mareykanka-Sacuudiga.

“Waa natiijo cad in marka Sacuudiyaan iyo Mareykan iskaashi yeeshaan, wax weyn oo wanaagsan la gaaro,” ayuu hadalkiisa raaciyay, kahor imaanshaha Trump.

Sida laga soo xigtay warbixin ay Wall Street Journal ka heshay il-wareedyo, Trump ayaa Amiirka dhaxal-sugaha ku tilmaamay saaxiib dhow, isagoo xusay in xiriirkoodu aad u wanaagsan yahay, maalgashiguna uu ka caawin doono abuurista shaqooyin cusub gudaha Mareykanka.

Maal-gashiyo ballaaran

Madaxda ganacsiga ee ka soo qayb galay Madasha Maalgashiga waxaa ka mid ahaa Larry Fink, agaasimaha guud ee BlackRock; Stephen A. Schwarzman, agaasimaha Blackstone; iyo Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent.

Elon Musk ayaa si kooban ula sheekaystay Trump iyo Amiirka dhaxal-sugaha ah — oo sidoo kale loo yaqaan MbS — intii lagu jiray munaasabad qasriga loogu sameeyay madaxweynaha Mareykanka. Musk, oo ah madaxa Tesla iyo SpaceX, iyo Sam Altman, madaxa OpenAI, ayaa sidoo kale la casheeyay Trump iyo MbS.

MbS ayaa xoogga saaray dib-u-habeynta dhaqaalaha boqortooyada iyada oo la raacayo qorshaha “Vision 2030”, oo ay ka mid yihiin “mashruucyo waaweyn” sida NEOM — magaalo mustaqbalka ah oo baaxaddeedu la mid tahay Belgium. Sanadkii hore, 62% dakhliga dowladda Sacuudiga waxa uu ka yimid saliidda.

Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga ayaa dib u eegay qaar ka mid ah hamigiisii markii kharashaadka kordhay iyo qiimaha saliidda oo hoos u dhacay ay saameeyeen.

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa muddo tobanaan sano ah lahaa xiriir adag oo ku salaysan is-dhexgal cad oo boqortooyadu shidaal siiso Mareykanka, halka Mareykankuna bixiyo difaac.

Xiriirka MbS iyo Trump ayaa aad uga dhowaa xiriirkii uu la lahaa madaxweynihii hore Joe Biden, iyadoo cilaaqaadkooda uu dhaawacay dilkii suxufiga Sacuudiga Jamal Khashoggi ee ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018. Sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in amar dilkaas uu bixiyay MbS, inkastoo uu si cad u beeniyay.

Trump ayaa ka reebay Israa’iil safarkiisa, inkastoo uu doonayo in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalo heshiis cusub oo xabbad-joojin ah oo ku saabsan dagaalka Gaza.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa muujiyay wajigabax deggan oo ku aaddan go’aanka Trump, laakiin shaki isa soo taraya ayaa ka jira Israa’iil iyadoo la dareemayo in mudnaanta ay ku leedahay Washington ay hoos u dhacday, maadaama cadaadis ka imanaya Mareykanka uu kordhayo si loo soo afjaro dagaalka.

Howlgallada milatari ee Israa’iil ka waddo Gaza iyo Lubnaan, oo lagula beegsanayo Xamaas iyo Xisbullah, iyo dilalka hogaamiyeyaasha xiriirka la leh Iran, ayaa Trump siiyay fursad uu cadaadis uga saaro Tehran iyo xulafadeeda gobolka.

Diblomaasiyiin Mareykan iyo Iiraan ah ayaa ku kulmay Oman dhammaadkii asbuuca si ay uga wadahadlaan heshiis suurtagal ah oo lagu xakameynayo barnaamijka nukliyeerka ee Tehran. Trump ayaa ku hanjabay in haddii wadahadallada la fashiliyo uu adeegsan doono awood milatari.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Reuters in Trump uu diyaarinayo xirmo hub ah oo ka badan $100 bilyan oo uu siiyo Sacuudiga, taasoo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo hub casri ah.

Wakiilka Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa sheegay toddobaadkii hore inuu rajeynayo horumar degdeg ah oo ku saabsan ballaarinta heshiisyadii uu Trump keenay xilligii hore, kuwaas oo dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka, Baxrayn iyo Morocco ay aqoonsadeen Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, diidmada Netanyahu ee ku aaddan joojinta joogtada ah ee dagaalka Gaza ama aasaasidda dowlad Falastiin ayaa caqabad ku noqotay horumarka wadahadallada la filayo in lala galo Riyadh, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Reuters.