27.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Guddiga doorashooyinka oo ku dhowaaqay diiwaan-gelinta ururada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa goordhow shaaciyay jadwalka doorashada, kuna dhowaaqay inay furan tahay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in maanta laga bilaabo oo 20-ka Janaayo 2025 billaabatay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda illaa 31-ka Maarso 2025.

Muddadaas ayuu guddoomiyaha sheegay in ururrada siyaasadda lagu siin doono shahaadada aqoonsiga ah, iyadoo ururradii horey uu udiiwaan-geliyay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka ay dib ka qaadanayaan shahaadada cusub.

Diiwaan-gelinta iyo qaadashada shahaadada ururrada siyaasadda ayaa sidoo kale waxaa barbar soconeysa saxiixa shuruucda lasoo kordhiyay, oo ururrada laga rabo inay saxiixaan.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyay in aan wax khidmad ah laga qaadeyn ururradii horey isku diiwaan-geliyay ee markale la faray inay isdiiwaan-geliyaan si ay u qaatan ee shahaadada cusub.

“Maanta oo ah 20-ka Janaayo ilaa 31-ka Maarso waxaa furan diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda, ururradii horay loo diiwaan-geliyay wax khidbad ah lagama qaadi doonno, keliya waxa ay qaadanayaan shahaadada iyaga oo saxiixaya shuruucda cusub,” ayuu yiri gyddoomiye Cabdikariim.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddigu uu gaari doonno goobo lasoo sahmiyay, si dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda si looga gudbo doorasho dadban.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid maamullada dalka.

Villa Soomaaliya ayaa qorsheysatay in dalka ay gaarsiiso qof iyo cod, laakiin waxaa qorshaasi si cad uga horyimid Puntland, Jubbaland iyo madaxdii hore oo hadda mucaarad ah.

Xog: Madaxweyne XASAN oo u baxayo safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u baxaya safar kale oo dibadeed, xilli uu dhowaan cagta soo mariyay dalal dhowr ah oo Afrika ku yaalla, gaar ahaan waddamada Uganda iyo Itoobiya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan madaxweynaha uu kusii jeedo safar kale oo uu ku gaarayo Qaaradda Yurub, gaar ahaan dalka Switzerland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan Sheekh uu Switzerland uga qayb-galay Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka oo sanadkan lagu marti qaaday, isaga oo ka jeedin doono khudbad xasaasi ah oo uu uga hadli doono horumarka dowladdiisa.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo dalka Switzerland kulamo la qaadan doono madaxda dalkaas iyo kuwa kale ee kasoo qayb-gali doono Shirka Dhaqaalaha Adduunka, si uu uga hadlo xaaladda wadanka iyo qorshayaasha dowladdiisa oo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan ayaa maalmahan aad u kordhiyay safaradiisa dibadda iyo ka qayb-galka shiraraka caalamiga ah, waxaana ugu dambeeyay oo uu tegay Shir-madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP) oo ka dhacay Kampala.

Shiaweynahaas ayaa waxaa looga hadlay maalgelinta iyo horumarinta beeraha qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneysa horumar weyn oo ku aadan dhaqaalaha iyo dhinacyada kale ee muhiimka ah, taas oo si weyn loogu boggaadiyay dowladda dhexe.

Maxaa hortaagan dhismaha waddada ugu foosha xun Muqdisho?

0

Muqdisho Caasimada Online) – Waddada Afisyooni ee kala qaybisa degmooyinka Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xilligan ka muuqanayo burbur xoogleh wasaq, ciid tuuran, iyo dhagaxaan la tubay laamiga, taas oo waddadan ka dhigtay midda ugu foosha xun jidadka ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sababta ugu wayn ayaa waxa ay dadka deegaanka ku sheegeen inuu istaagay dhsimihii waddadan oo socda muddo ka badan hal sano, welina lagama gaarin wax natiijo ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in boorka ka jiray waddadan ay cuduro ka qaadeen, isla markaana ay go’an tahay gebi ahaan waddada.

“Ciid ayaa irdaha nalaga soo dhigay laamiga inta laga soo xaaqay wax la qabtay maleh, dadkii shacabka ahaa cudur ayaaba laga bixi la’yahay bus ciid wadata baa na wareerisay carruurihii waa naga jiradeen” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka ayaa si qiiro leh uga hadlay dhibaatada ay ku qabaan waddada Afiysooni, wuxuuna tilmaamay in lacago laga qaaday dadka deegaanka, illaa iyo haddana aan waxba loogu qaban, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa mayd ah labadaan degmo dadka degan waa Xamarjajab iyo Waabari, mana ah dad xaqooda dhacsan karo guri kasto oo laamigaan saaran waxaa laga qaaday lacag, waxbana looguma qaban shacabkaan way dhiban yihiin” ayuu yiri wiilka dhalinyarada ah.

Waxaa kale oo uu sii raciyay “Markii hore wasaq ayaan dhib ku qabi jirnay, laakiin maanta waxaan dhib ku qabnaa boorkaan iyo inay ilmaha laamiga dhibaato kasoo gaarto”.

Ugu dameyn shacabka deggan xaafadaha ay marto waddada Afisyooni ayaa farriin culus u diray maamulka gobolka Banaadir oo ay ka dalbadeen in loo dhiso, loona dadajiyo.

Xogta jahwareer xooggan oo maanta ka taagan xaafad ku taalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka taagan xaalado adag oo ka dhashay muranada dhulalka danta guud, maadaama maalmahaan dowladdu waday howlgallo ay ku burburineyso, si ay ula wareegto.

Maanta waxaa xaalad adag oo jahwareer ah ay ka taagan tahay xaafadda Carwadii hore ee Taleex oo ay dagan yihiin boqolaal shacab ah, kuwaas oo haatan wadnaha farta ku hayo, kadib markii ay soo gaartay in laga rarayo guryahooda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddi ay sameysteen dadka deegaanka ayaa waxaa kulan ugu yeeray guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cali Fahle oo si toos ah ugu sheegay in dhulkaan loo soo baahday, isla-markaaa ay tahay inay ka guuraan, laakiin waxaa arrintaasi su’aallo ka keenay odayaasha deegaanka ee shirka goobjoogga ah.

Xubnaha guddiga ee matalayay shacabka ayaa guddoomiyaha waydiiyay su’aallo ay kamid ahaayeen sababaha rasmiga ah ee loo rarayo iyo cidda bixisay amarka lagu barakicinayo sababtaas oo illaa iyo hadd aaan si toos ah loola wadaagin dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa arrintaan sii xoojiyay, walaacana kusii kordhiyay shacabka hadal dhowaan kasoo yeeray Xildhbaan Cabdiraxmaanka Cabdishakuur Warsame oo shaaciyay in dhulka carwadii hore iyo dhulal kale laga iibiyay ganacsato, isaga oo ku eedeeyay dowladda dhexe.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in muddo dheer ay daganaayeen Carwadii Taleex, haatana aanay haysan meel kale oo ay deegaansadaan haddii si qabsab ah loo burburiyo gurayhooda.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta Carwada Taleex, laakiin warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayaa in howlgal burburin ah uu ku wajahan yahay xaafaddaasi oo haatanba qaybo kamid ah la burburiyay, laguna bilaabay dhismaha dabaqyo dhaadheere.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa ula wareegtay dhulal dan-guud ah oo ku yaalla gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay xaruntii Dab-damiska, xaafaddii Kalluunka, Buulo Weekiyo, xaruntii wasaaradda arrimaha gudaha ee Boondheere iyo dhulal kale oo ku yaalla agagaarka isgoysa Ex-kontrol Afgooye, illaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Xog: Itoobiya iyo Kenya oo jebiyey xayiraaddii hawada ee DF ay saartay Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku guuldarraysatay inay dhaqangeliso xayiraad dhanka cirka ah oo ay saartay maamulka Jubaland, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay garoonka diyaaradaha ee magaalada dekedda ah ee Kismaayo ka dageen duulimaadyo badan oo aan fasax loo haysan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Jebinta muuqata ee xakamaynta hawada ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabadaha joogtada ah ee Muqdisho ay kala kulmayso ku dabaqidda awoodeedda ee maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan xaaladda siyaasadeed ee kacsan ee Jubbaland.

Isku dayga xayiraadda dhanka cirka ah, oo loogu dan lahaa in lagu cadaadiyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hadda si rasmi ah u fashilmay. Ilaa Sabtidii, ugu yaraan laba diyaaradood ayaa ka degay Kismaayo, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland.

Mid ka mid ah diyaaradaha, oo la sheegay inuu kiraystay Madoobe, ayaa u qaaday Nairobi, Kenya, si uu kulammo ula yeesho wakiillo caalami ah iyo hay’ado horumarineed.

Arrintan ayaa dhalisay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay u yeertay safiirka Kenya Sabtidii si ay wax uga weydiiso duulimaadka.

Diyaaradda kale ayaa timid Kismaayo galabnimadii Jimcaha, iyadoo u daabushay wasiirro ka tirsan Jubbaland magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dibna waxay odayaal ka soo qaadday Addis Ababa una daabushay Doolow, oo ah magaalo ku taal gobolka Gedo ee Jubbaland.

In kasta oo aan la caddayn asalka iyo cidda iska leh diyaaradaha, haddana duulimaadyadu waxay muujinayaan xadgudub muuqda oo ka dhan ah xannibaadaha ay Muqdisho isku dayday inay ku soo rogto Jubaland.T

Is-mari-waaga hadda jira ma aha mid cusub, balse waa dhacdadii ugu dambeysay ee taxane khilaaf ah oo ka dhex jira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale xayiraad duulimaad oo ka dhan ah Jubaland isku dayday xilligii maamulkii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo loo yaqaan “Farmaajo”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa gacanta ku haysa hawada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, duulimaadyada aan la fasixin waxay muujinayaan xadka dhabta ah awooddaas, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan maamullo maxalli ah oo xooggan sida Jubaland.

Ma jiro wax war ah oo degdeg ah oo laga heli karo Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Jubbaland.

Dagaal culus oo dib uga dhex-qarxay SSC iyo Somaliland

0

Laacaanood Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo mar kale ka dhex-qarxay ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo ee ku sugan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay isku horfadhiyeen labada ciidan.

Dagaalka oo dhacay gelinkii dambe ee Axaddii ayaa ka qarxay deegaanka Guumeys ee gobolka Sool, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay saaka dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan aagga deegaanka guumeys oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.

Dadka ayaa dhankooda cabsi ka muujinayo in dagaalka uu sii laba qarxo, kuna fido deegaanno horleh oo ka tirsan gobolka Sool.

Dhowaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa ku dagaalamay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay weli ay ka taagan tahay xiisad culus, waxaana haatan furin kale ay kasoo baxday aaga gobolka Sool.

SSC ayaa haatan dadaal xoogleh ku bixineyso, sidii ay u qabsan lahayd deegaannada ay sheegtay inay ka maqan yihiin oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Somaliland.

Xamaas oo shalay qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib heshiiskii Israa’iil

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saddex la-heyste oo Israa’iiliyiin ah oo laga sii daayay Gaza ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidamada Israa’iil, waxayna u gudbeen gudaha Israa’iil, taasi oo ah tijaabadii ugu horreysay ee xabbad-joojin jilicsan oo dhex-martay Israa’iil iyo Xamaas.

Saddexda laheyste ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, laguna afduubtay xafladdii muusigga ee Nova, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, laguna afduubtay Kibbutz Kfar Aza.

Ciidanka Israa’iil ayaa soo bandhigay sawirradii ugu horreeyay ee la-haystayaasha oo kula midoobaya hooyooyinkood xarun soo dhaweyn ah oo ku taalla koonfurta Israa’iil, ka hor inta aan lagu qaadin diyaarad helicopter ah loona duulin isbitaal, halkaasoo ay kula midoobi doonaan inta kale ee qoysaskooda, kuna heli doonaan daryeel caafimaad.

Xabbad-joojin ka dhaqan-gashay Gaza ayaa bilaabatay Axaddii ka dib markii Golaha Wasiirrada Israa’iil ay ansixiyeen heshiiska, iyadoo 24 wasiir ay u codeeyeen, halka siddeed wasiir ay diideen heshiiska.

Heshiiska ayaa la qorsheeyay in la dhaqan-geliyo laga bilaabo Axadda. Laakiin Sabtidii, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in aysan bilaaban doonin ilaa Xamaas ay bixiso liiska saddexda laheyste ee la qorsheeyay in la sii daayo Axadda.

Xamaas ayaa ugu dambeyntii bixisay magacyada, Israa’iilna waxay sheegtay in xabbad-joojintu ay bilaaban doonto 11:15 subaxnimo xilliga maxalliga ah.

Heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa la gaaray ka dib in ka badan hal sano oo wada-hadallo ah, iyadoo ay dhex-dhexaadinayeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii ugu horreysay taageeray heshiiska bishii May. Dhinacyada dagaallamaya ayaa ku heshiiyay Arbacadii, waxaana markii dambe ansixiyay Golaha Wasiirrada Israa’iil aroornimadii hore ee Sabtidii.

Laga bilaabo bartamaha Isniinta marka la caleemo saaro Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, maamulkiisa ayaa mas’uul ka noqon doona hubinta in heshiiska la dhaqan-geliyo.

Heshiiska wuxuu leeyahay saddex weji, mid walbana wuxuu socon doonaa lix toddobaad. Shuruudaha wejiyada labaad iyo saddexaad ayaa weli laga wada hadlayaa, laakiin wejiga koowaad, joojinta colaadda ayaa la filayaa inay sii socoto haddii lix toddobaad ay ka soo wareegto ka hor inta aan la soo gabagabeyn wejiga xiga.

Colaadda Israa’iil iyo Xamaas ayaa bilaabatay ka dib weerarkii Xamaas ee October 7, 2023, kaasi oo lagu dilay 1,200 oo qof oo ku sugan Israa’iil.

VOA/AP

Jadwalka doorashada dalka oo maanta la shaacinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu wadaa in goordhow uu shaaciyo habraaca doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan gudaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo haatan shir jaraa’id isugu yeeray Wariyeyaasha ayaa soo bandhigi doono qaabka iyo nidaamka lagu qaban doono doorashooyinka dalka oo uu haatan muran xooggan ka jiro.

Sidoo kale waxa uu qorshuhu yahay in guddiga uu soo saaro jadwalka lagu jihaynayo doorashooyinkan oo ay ugu horreeyaan goleyaasha deegaanka, si sanadkanba loo bilaabo.

Horay guddiga doorashooyinka qaranka ayaa u ballan qaaday inuu diiradda saari doono sidii loo gaari lahaa doorashada guud ee shacabka intooda marta diiwaanka iyo habraaca la qorsheeyay ay ugu codeeyaan mas’uuliyiinta metaleysa, si ay iyaga usoo doortaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid maamullada dalka.

Villa Soomaaliya ayaa qorsheysatay in dalka ay gaarsiiso qof iyo cod, laakiin waxaa qorshaasi si cad u diiday Puntland, Jubbaland iyo madaxdii hore oo hadda mucaarad ah.

Somaliland seeks closer ties with US, Ethiopia

HARGAISA, Somaliland – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi “Irro” has underscored the importance of maintaining and strengthening his administration’s relationships with Ethiopia and the United States, citing economic, security, and diplomatic benefits.

Speaking at a dinner held for Somaliland’s House of Elders (Guurti) at the Presidential Palace, President Irro emphasized the long-standing ties between Somaliland and its larger neighbor, Ethiopia.

“Ethiopia is a long-time friend, a partner that we cannot do without for economic development, strengthening security, our social stability, and our relations with Africa,” Irro stated.

He further stressed the need to elevate the relationship to new heights. “It is our duty to further improve this relationship and maximize the benefits for both our nations,” he added.

The relationship between Somaliland and Ethiopia has grown significantly in recent years, particularly in the economic sphere. Landlocked Ethiopia relies heavily on the Port of Berbera in Somaliland for access to the sea.

A 2016 agreement saw Ethiopia acquire a 19% stake in the port alongside the Dubai-based DP World, which holds a 51% stake. The development of the Berbera Corridor, a road project connecting the port to the Ethiopian border, is also a key element of this partnership, aimed at boosting trade and regional integration.

Somaliland seeks closer US engagement

President Irro also highlighted growing interest from the United States in engaging with Somaliland.

He welcomed recent calls by members of the US Congress and the House Foreign Affairs Committee for the establishment of a US diplomatic office in Hargeisa, the capital of Somaliland.

“We commend the US lawmakers and the House Foreign Affairs Committee who are calling for the US to open a diplomatic office in Somaliland,” Irro said. “We will pursue every avenue to strengthen this relationship.”

The United States has shown increasing interest in Somaliland, driven partly by strategic considerations in the Horn of Africa, a region facing security challenges including terrorism and maritime piracy. Somaliland’s stable governance and strategic location along the Gulf of Aden make it a valuable partner for the US.

In recent years, US delegations, including military officials, have visited Somaliland. Analysts suggest that establishing a diplomatic presence in Hargeisa could enhance US-Somaliland cooperation on security, trade, and development.

Quest for international recognition

Somaliland, a self-declared independent republic in the Horn of Africa, has been seeking international recognition since it declared independence from Somalia in 1991 following the outbreak of the Somali Civil War.

While Somaliland has established its own government institutions, currency, and security forces and has maintained a relatively peaceful and democratic environment, it has yet to be recognized by any sovereign state.

The administration of President Irro has made gaining international recognition a top priority. Cultivating strong relationships with countries like Ethiopia and the United States is a key part of this strategy.

In conclusion, President Irro indicated that Somaliland is actively pursuing closer ties with other countries. He expressed optimism that these efforts would yield “fruitful results.”

Somalia: Government fails to enforce air blockade on Jubaland

KISMAYO, Somalia – Somalia’s federal government, led by President Hassan Sheikh Mohamud, has failed to enforce an air blockade on the autonomous region of Jubaland, with multiple unauthorized flights landing in the port city of Kismayo in recent days, sources reported.

The apparent breach of airspace control underscores the persistent challenges Mogadishu faces in asserting its authority over the country’s federal member states, particularly in the politically charged context of Jubaland.

The attempted air blockade, aimed at pressuring Jubaland’s leader Ahmed Madobe to hold a one-person, one-vote election not agreed upon nationally, has backfired. Since yesterday, at least two aircraft have landed in Kismayo, the interim capital of Jubaland.

One plane, reportedly chartered by Madobe, transported him to Nairobi, Kenya, for meetings with international representatives and development agencies. Nairobi is a key diplomatic and development hub in East Africa, with many global partners.

This comes after the Somali Ministry of Foreign Affairs summoned the Kenyan ambassador on Thursday to question him about the flight.

The other aircraft arrived in Kismayo on Friday afternoon, carrying Jubaland ministers to Addis Ababa, Ethiopia, and later transported elders from Addis Ababa to Doolow, a town in the Gedo region of Jubaland.

While the origin and ownership of the aircraft remain unclear, the flights demonstrate an apparent defiance of Mogadishu’s attempted restrictions.

Background: A history of tensions

The current standoff is not an isolated incident but rather the latest episode in a long history of strained relations between Somalia’s federal government and Jubaland.

The Federal Government has repeatedly employed flight bans as a tool of political pressure, notably during the previous administration of President Mohamed Abdullahi Mohamed, known as “Farmaajo.”

The Gedo region, bordering Kenya and Ethiopia, remains a particularly sensitive area. The region has been a major point of contention, with disputes over its administration contributing to the broader tensions between Mogadishu and Jubaland.

Jubaland, located in southern Somalia bordering Kenya, is one of Somalia’s five federal member states. Ahmed Madobe, a former Islamist militant who later aligned with the government, has led the region since 2013.

Jubaland is a critical strategic location that is crucial for counterterrorism efforts against al-Shabaab, the al-Qaeda-affiliated terrorist group that controls large swathes of rural southern and central Somalia. Kismayo, the region’s most populous city, is a significant economic hub and a vital port.

Mogadishu’s limited control

The Somali Federal Government, based in Mogadishu, theoretically controls Somalia’s airspace. However, the unauthorized flights highlight the practical limitations of this control, particularly in regions with strong local administrations like Jubaland.

This situation underscores Somali politics’ complex and fragmented nature, where regional autonomy often trumps central authority.

The ongoing defiance of the air blockade is likely to further inflame tensions between Mogadishu and Jubaland. This could potentially destabilize the region and complicate efforts to hold peaceful and credible elections.

The international community, which has invested heavily in Somalia’s state-building process, is watching the situation closely. The outcome of this power struggle will have significant implications for the future of Somalia’s fragile political landscape and its long-delayed democratic transition.

It remains to be seen whether President Mohamud’s administration will be able to effectively enforce its authority or will be forced to negotiate with the increasingly assertive leadership of Jubaland.

No immediate comment was available from the Federal Government of Somalia or the Jubaland administration.

Xog: Maxaa ka dhexeeya Coldoon iyo Abwaanadii Al-Shabaab tababarka u soo xireen?

0

Burco (Caasimada Online) – Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku sugan deegaanada Somaliland ayaa bartiisa Facebook ku soo bandhigay aflagaado ka dhan ah ciidanka qaranka Soomaaliyeed, isagoo toos ugu hiiliyey Khawaarijta.

Ninkaan oo weligiis aan ka hadlin dilalka, qaraxyada iyo dhibaatooyinka nooc kasta leh ee kooxaha Khawaarijta ah ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ayaa taas bedelkeed mar kasta u gefa ciidamada qaranka Soomaaliya oo dagaal ahli ah kula jira argagixisada dalkaan uga faa’iideysatay firaaqii dowladnimo ee ku dhacay.

Cabdimaalik ayaa ciidamada Soomaaliya ku tilmaamay kuwo u shaqeeya Mareykanka iyo talisyo kale oo ‘kufri’ uu ku tilmaamay, wuxuuna su’aal geliyey markii ay dhintaan sida ay ‘shahiid’ u noqonayaan.

“Askariga soomaaliyeed ee u dagaalamaya danaha Maraykanka iyo talisyada kufriga ee adduunka sidee buu u noqon karaa shahiid marka la dilo?!” Ayuu bartiisa Facebook ku soo qoray Cabdimaalik Coldoon.

Dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa aragtiyo adag ka dhiibtay qoraalkaan, wuxuuna qof kasta muujiyey sida uu uga xunyahay waxa uu soo qoray Cabdimaalik Coldoon oo marar badan Somaliland lagu dhaliilay sababaha ay u xireyso.

Ninkaan ayaa markiisii hore ku soo caan-baxay mihnadda saxaafadda oo u horseeday in Somaliland ay u dirto xabsiyo dhaadheer oo is xigxigay, dadka Soomaaliyeed ayaa u doodi jiray mar kasta oo la xiro.

Waayihii dambe wuxuu iska noqday samafale dadka danyarta ah caawiya, wuxuuna la soo baxay xajirmo aan gambasho laheyn, taasi oo gaarsiisay in dad badan oo baraha bulshada ka weydiiyaan “goorta uu Jilib aadayo?” Taasi oo macnaheedu yahay goorta uu cadeysanayo Shabaabnimadiisa.

Hadalkaan loogu gefay ciidamada Soomaaliya ee jihaadka kula jira argagixisada, wuxuu Cabdimaalik Coldoon kasoo yeeray iyadoo maalin ka hor ay Shabaab baraha bulshada ku faafiyeen sawirrada Abwaano ka soo jeeda deegaanada Somaliland oo Muqdisho jooji jiray, balse aaday kooxda, kuwaas oo tababar loogu soo xiray degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xiriir ka dhaxeeyo Cabdimaalik Coldoon iyo Abwaanadii caanka ahaa ee horay ugu biiray Khawaarijta, balse qoraalka Cabdimaalik ayaa cadeeyey wax badan oo humaag ay ku jirtay, waxaana qof kasta u cadaatay in ninkaas uu ku aragti yahay kooxaha argagixisada ah ee gumaadaya shacabka Soomaaliyeed muddo ku dhow 20 sano.

Xogta aan heyno waxay timaaxeysaa in Abwaan Nageeye iyo Abwaan Gama’diid oo shalay Shabaab tababar u soo xireen ay xiriir toos ah la leeyihiin Cabdimaalik Coldoon, xiriirkooda ayaa soo jiray ilaa yaraantoodii, maadaama ay yihiin isku deegaan iyo xigto.

Waxaa hadda suurtagal ah in Cabdimaalik Coldoon uu toos ugu biiro Al-Shabaab, maadaama ay isku biirsadeen faquuq uu kala kulmayo bulshada oo postigii uu soo dhigaba qeybta aragtisa ku weydiisa goorta uu aadayo dhanka Jilib iyo Khawaarijta, iyo tashkiilin joogto ah oo ay ku hayaan saaxiibadiisii qaaday jidka halaagga ee shalay Shabaab soo bandhigeen iyagoo tababar ka soo baxay oo ‘diif’ badani ka muuqato.

 

Daawo Falanqeyn: DF oo 3 guul darro kala kulantay duulaankii Axmed Madoobe

0

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdullahi Cabdi Sheekh madaxii hore ee Idaacadda BBC Somali oo hadda ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in safarka Axmed Madoobe uu ku tegay Nairobi uu yahay duulaan ka dhan ah jiritaanka iyo madax-banaanida Soomaaliya, xitaa hadii ay wax ka ogtahay dowladda Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Falanqeeye Cabdullahi Sheekh oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in tani ay tahay guul-darradii 3-aad ee dowladda federaalka ka soo wajahday dagaalka ay la gashay Axmed Madoobe, taasi oo dhaawaceysa jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay ilaalinta wadajirka umadda Soomaaliyeed “Guul darradu waxay ka soo bilaabatay Raaskambooni, waxaa xigtay tii Doolow, hadana waa tan Axmed Madoobe dowlad kale ay ka soo qaaday dalkii, dowladda federaalkana ay ku fashilantay inay ka hortagto,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdullahi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xaq u laheed inay ciidan geyso magaalooyinka uu Axmed Madoobe kula dagaalay ee Raaskambooni iyo Doolow, si xuduudaha dalka ay u ilaaliyaan, balse taas ay ku fashilantay.

“Talaabada ugu horeysa ee dowladda Soomaaliya ay qaadi karto waa in safiirka loo yeero oo faahfaahin la codsado sida ay wax u jiraan, kadibna la isla eego waxa ka dhalanaaya hadii falkaas ku dhacay si tuugnimo ah, hadii dhacdo loo bareeray ay tahana waa in dowladda Soomaaliya ay ka fekerto madax-banaanida dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdullaahi Cabdi Sheekh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in diyaaradda qaaday Axmed Madoobe ay demisay Raadeerka, isla markaana ay qarisay lambarkeeda duulimaadka, iyadoo Kismaayo ka degtay waqti hore oo salaadii subax ah.

“Wax kasta waxay ku kala cadaa doonaan warqadda faahfaahin ee dowladda Soomaaliya ay ka codsatay Kenya, laakiin cidda geysataba waa duulaan lagu soo qaaday madax-banaanida Soomaaliya, waana arrin halisteeda leh,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdi Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu falanqeynta arrintaan ka fiiriyey dhanka qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, “Indhaha shacabka Soomaaliyeed waxay arkayaan dowladooda oo ku fashilantay ilaalinta qaranimada iyo madax-banaanida dalka,” ayuu yiri.

Falanqeeye Siyaasadeed Cabdullahi wuxuu sheegay in qaladkaan diblomaasiyadeed uu marqaati u yahay doodda Al-Shabaab ee ah in cid kasta oo shisheeye ah aysan Soomaaliya u joogin taageerada dowladnimada Soomaaliya ee danahooda gaarka ah ay ka wataan dalka.

Hoos ka daawo wareysigaan

 

DF oo dagaal diblomaasi ku qaadeysaa Kenya? Xogta tallaabooyinkii u dambeeyey

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka oo dhawaan ka soo baxday dagaal diblomaasiyadeed oo ay kula jirtay Itoobiya, ayaa hadda u muuqata in dagaal kale oo diblomaasiyadeed ay la galeyso dowladda Kenya.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Madoobe oo dowladda federaalka ku cunaqabateysay Kismaayo ayaa shalay u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Inkastoo safarka Axmed Madoobe uusan kala cadeyn in dowladda federaalka ay ogolaatay iyo in lagu xad-gudbay madax-banaanida Soomaaliya, hadana waxaa la werinayaa in safarkaas abuuray xiisad diblomaasiyadeed.

Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa maanta Caasimada Online u sheegay in warqad loo gudbiyay Safiirka Kenya u jooga Muqdisho, taas oo looga dalbaday in muddo kooban uu ku soo bandhigo jawaab ku saabsan “Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo Maxkamad ay dacwad ku soo oogtay,” Sida lagu yiri warqada ay qortay Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay u yeeratay Safiirka u jooga Nairobi Danjire Ibraahim Cabdulle, balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qoraal soo saartay ayaa beenisay in Muqdisho u yeeratay Safiirkeedii Nairobi.

“Warka la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan in aan ugu yeerannay Safiirkeena noo qaabilsan Kenya inuu yimaado Caasimadda Muqdisho waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, balse ilo wareedyo muhiim ah ayaa maanta soo dusiyey warkaan.

Axmed Madoobe oo ah ninka Madaxiisa ay iskula dhacayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa Kismaayo ku go’doonsanaa tan iyo markii uu ka baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee dagaalka siyaasadeed iyo midka tooska ah uu la galay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadda wuxuu kulamo xasaasi ah ka wadaa Nairobi oo taageerayaal badan ay u joogaan, waxayna talo ku ciirsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo qorsheyneysa in dagaal diblomaasiyadeed ay ku qaado Kenya oo u bareertay inay ku xad-gudubto madax-banaanida Soomaaliya.

Xogta sababta ka dambeysa go’aanka shalay ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ka dhaqan-gelisay go’aan ay ku mamnuuceyso sameecadaha gadaal ka saaran mootooyinka loo yaqaan Bajaajta.

Ciidamada ammaanka ayaa shalay mootooyinka Bajaajta ee caasimada ka shaqeeya ka dejinayay sameecadaha, taas oo aan horey loogu sii wargelin ayna ka qeylo dhaamiyeen qaar kamid wadayaasha Bajaajta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, amarkan ayaa waxaa soo rogay laamaha amniga, iyada oo sababta lagu sheegay inay ka qayb-qaadan karaan nabad-gelyo darrada, waxna lagu soo dhex qarin karo.

Arbacadii ayey aheyd markii laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen gaari ay qarax kasoo buuxisay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay rabeen inay ku waxyeelayaan shacabka degan caasimadda.

Gaarigan ayaa waxay kooxda kusoo xiryay sameecado ay walxo qarxa ku jiraan si aan loo fahmin, balse waxaa ugu dambeyn ku fahmay booliska oo fashiliyay, waana farsamo cusub oo kooxda u adeegsaneyso dhagarteeda.

Kooxda oo haatan wajaheysa cadaadis xooggan ayaa isku dayeysa inay la timaado hal abuur cusub oo ku fulin karto falalkeeda lidka ku ah amniga.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ka nasatay qaraxyada kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay, iyadoo laamaha kala duwan ee ammaanka ay dadaal badan ku bixiyeen xasiloonida caasimada.

Cirro oo caddeeyay in aysan Somaliland ka maarmin Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa si cad u sheegay in Somaliland aysan marnaba ka maarmeyn Itoobiya oo haatan ka dhaxeeyaan dano badan.

Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad ka jeedinayay hadhimo sharafeed uu Qasriga Madaxtooyadda ugu sameeyay Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay inay waajib ku tahay ilaalinta xiriirka soo jireenka ah ee Itoobiya.

“Itoobiya oo ah saaxiib soo-jireen ah, iyo jaal aynnaan uga marmayn horumarka dhaqaalaha, adkaynta amniga, xasiloonideenna bulsho, iyo xidhiidhkeenna Afrika,” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Waxa uu intaas kusii daray “Waajib bay nagu tahay in aannu xidhiidhkaas sii wanaajinno, faa’iidada uu u leeyahay labadeenna qaranna aanu halka ugu sarraysa gaadhsiinno.”

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday madaxweynuhu xiriirka Mareykanka iyo Somaliland oo uu sheegay inuu ku jiro dalalka sida gaarka ah u daneeya.

“Waxa aan bogaadinaynaa xildhibaanada reer Mareykan iyo guddidada arimaha dibadda baarlamaanka ee ku baaqaya in Mareykanku uu xafiis diblumaasiyadeed ka furto Somaliland. Waxa aannu mari doonnaa dariiq kasta oo aannu ku sii xoojinayno xidhiidhkaas,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in haatan ay Somaliland u socdaan xiriiro fiican oo dowladdo badan oo kale, kuwaasi oo uu rajeeyay in miro wax ku ool ahi ka soo baxaan.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay xarunta wasaarada difaaca kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay wasiiru-dowladaha wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo hay’adda nabad-sugidda.

Intii kulanka socday ayaa waxaa diirada lagu saaray dardar-gelinta howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada, kaasi oo bilhii dambe uu hoos u dhac ku yimid, kadib muddo kooxda Al-Shabaab dagaal adag lagu hayay.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka ciidamada qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha bogaadiyay daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen ciidammada xoogga dalka, oo ayagu kaalin muhiim ah uga jiray dagaalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan dadaal ku bixineysa sidii markale loo qaadi lahaa guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayadoo dhawaan abaabulkeeda la bilaabay shacabkii hubeysnaa ee ka barbar dagaalamayay ciidanka dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood ahaan wiiqmatay markii uu bilowday gulufka ka dhanka ah, wallow markii dambe ay heshay nafis ay dib ugu soo haweysato dhulkii laga qabsaday, taasi oo haatan u baahan qorshe iyo howlgal ka culus kii hore.

Wiil yar oo uu dhalay wasiir oo xil sare looga magacaabay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wiil yar oo uu dhalay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa xil sare looga magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda, kadib wareegto uu soo saaray Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa Cabdiraxmaan Abshir Bukhaari u magacaabay agaasimaha guud ee waaxda sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, sida ku cad wareegtada kasoo baxay xafiiska Wasiir Fiqi oo ay aragtay Caasimada Online.

“Waxaa dhammaan hay’adaha iyo xafiisyada ee warqaddani sida tooska ugu socoto iyo kuwa ogsiinta lehba lala socod-siinayaa in mudane Cabdirahman Abshir Mohamed loo magacaabay agaasimaha waaxda sharciyada iyo heshiisyada,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Haddaba waxaa hay’adaha iyo xafiisyada sare ku xusan laga codsanayaa in aad u dhameystirtaan habraaca la xiriira wareegtadan gacana ku siisaan waajibaadkiisa shaqo”.

Wiilkan yar oo magacaabistiisu ka dhalatay hadal-heyn xooggan ayaa waxaa da’diisu tahay 22 jir, horayna ugama soo shaqeyn xafiis dowladeed, sida ay wararku sheegayaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya lagu eedeeyo inay ceyrisay diblomaasiyiin khibrad dheer u lahaa howlaha wasaaradda, kuna beddeshay shaqsiyaad aan waayo aragnimo badan laheyn.

Si kastaba, waxaa horay su’aallo badan looga keenay gabar uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu la-taliye ka dhigtay, halka madax kalena ay caruurtooda ka shaqaaleysiiyeen xafiisyada dowladda Soomaaliya, iyaga oo u xiray mashaariic gaar ah.

Fahad oo sheegay in 3 dal garab siinayaan A/Madoobe iyo waddo u furan Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay khilaafka weli u dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha maamulka Jubbaland oo haatan kasii daray, kadib markii uu Axmed Madoobe u safray dalka dariska ah ee Kenya.

Fahad ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh Maxamuud uu wax ku keeni waayey dagaal iyo heshiis, uuna ku fashilmay arrinta Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

“RUNTA KHARAAR: Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe Waxaan maqli jiray, war hebeloow labada orod mid daa! Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Axmed Madoobe la dagaalo iyo inuu la heshiiyo midna kartideeda ma lahan, marka labada orod midkood ha daayo” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay jiraan saddex dowladood oo waa wayn oo garab siiyo Axmed Madoobe, haddane uu dhaqaale ka helo Xasan Sheekh, inkastoo aanu shaacin dalalkaasi.

“Cudurrada qaarkood hadaadan iska daaweyn karin waxaa jira kaniiniyo loo qaato si aad ula noolaato xanuunka. Runta kharaarka badan waxay tahay, Madoobe waxaa maanta garab siinaya saddex dowladood oo Madaxweyne Xasan Sheekh dano dhaqaale oo shakhsi ah uu ku qabo labo kamid ah. Qof baahan uma caroon karo qofka uu gacanta u hoorsado” ayuu mar kale ku yiri qoraalka uu soo saaray taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay haboon tahay in runta loo soo laabto, si dhab ahna loo wajaho khilaafka taagan, isaga oo xusay in haatan ay dhowdahay nabadda.

“Nabad iyo colaad waxaa hadeer dhaw nabadda. Dowladdii horaba markay aragtay xaalka waxay aqbashay iney xanuunka la noolaato. Ceeb waxaa ah inaad si joogto ah darbiga madaxa ugu sii garaacdo” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Fahad Yaasiin.

Xog: DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah safarka uu Axmed Madoobe ku tegay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay u yeertay safiirka Kenya ee Muqdisho kadib markii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) uu ka degay magaalada Nairobi isagoo saaran diyaarad gaar ah. 

Sida aan xog ku helnay, dowladda ayaa safiirka u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarka Axmed Madoobe, oo ay aad uga carootay. 

Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Warqad loo gudbiyay Safiirka looga dalbaday inuu muddo kooban jawaab ku soo bandhigo oo ku saabsan “Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo maxkamad ay dacwad ku soo oogtay,” sida lagu yiri warqada cabashad ah.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee dibedda ah ee uu galo tan iyo markii dib loogu doortay hoggaanka Jubaland, natiijadaas ay diiday in ay aqoonsato dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in haddii aanay Kenya jawaab lagu qanco bixin ay horseedi doonto in mar kale uu xumaado xiriirka Nairobi iyo Muqdisho, ayada oo dowladda federaalka ay qaadi doonto tallaabooyin jawaab ah.

Dhinaca kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Axmed Madoobe uu la kulmi doono safiirrada beesha caalamka ee Kenya si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee saameynaya Soomaaliya.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa ah khilaafka socda ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, kulamada ayaa la filayaa in lagu soo qaado wararka ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ka socda dowlad goboleedka Jubaland.

Xogta aan helnaya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ka dib marka uu soo gaba-gabeeyo kulamadiisa Kenya, uu Axmed qorsheynayo inuu u safro Imaaraadka Carabta isagoo ku tegaya booqasho rasmi ah.

Safarka dibedda ee Axmed ayaa loo arkaa isku day lagu raadinayo taageero uga timaada daneeyayaasha dibadda iyadoo ay jirto caqabadaha gudaha ka jira.

Wadahadalladiisa Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka socda iyo horumarinta Jubaland.

Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya muran ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo dib-u-habeynta doorashada.

Dib-u-doorashadii Axmed ayaa waxaa ka horyimid dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay dagaalkii Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

DF Soomaaliya iyo Puntland oo isku qabtay arrin xasaasi ah – Maxaa soo kordhay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa haatan yeelatay weji cusub, kadib tallaabo horleh oo ay qaaday dowladda dhexe, taas oo la xiriirta maamulka fadhigiisu yahay Garoowe.

Arrinta cusub ee soo korortay ayaa la xiriirta gargaar ay Hay’adda SoDMA u dirtay Puntland, kaas oo loogu talagalay illaa saddex kun oo qoys oo ku dhaqan maamulkaasi.

“Gargaar bani’aadannimo oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys oo ay saamaayeen abaaraha iyo calaadaha ayaan maanta u dirnay degaanno ka tirsan maamulka Puntland” ayuu yiri guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gargaaran ay ku wareejiyeen mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeedo Puntland, si loo gaarsiiyo shacabkii loogu talagalay.

“Gargaargaan oo dhulka mari doona ayaan ku wareejiyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale Puntland oo si dhaqsi leh uga soo jawaabtay arrintan ayaa ka hortimid tallaabada ay qaaday Hay’adda SoDMA ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka gagaarka Puntland Marwo Ubax Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in aan deegaanada maamulkaas la keeni karin wax gargaar ah haddii aan lasoo marsiin maamulkooda, waxayna sheegtay in xuduudahooda aanu soo gaari gaari karin gargaarkaasi.

”Gargaar aan la soo marin Puntland kama soo degi karo xuduudkeeda, bada iyo hawada Puntlnad” ayay ku jawaabtay Wasiir Ubax Cabdirashiid.

Puntland iyo dowladda dhexe ayaa horay isugu hayay arrimaha siyaasadda, haddase wuxuu khilaafkooda galay dhinaca bani’aadanimada oo horay looga digay in la siyaasadeeyo.