27.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

NISA oo soo saartay digniin culus oo ku socoto 3 dhinac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo maanta soo saartay warsaxaafadeed ayaa digniin culus u dirtay saddex dhinac oo kamid ah bulshada, iyada oo uga digtay inay la xiriiraan kooxda Al-Shabaab ama lacago ay siyaan.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in hay’addu ay la socoto dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta, isla-arkaana ay ganacsatada, dallaaliinta iyo darawallada gaadiidka uga digeyso maalgelinta argagixisada iyo bixinta baadda ay Zakawaat-ka ugu magac dareen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in saddexdan dhinac ay ku howlan yihiin bixinta Zakawaadka ay qaadaan Al-Shabaab, laakiin loo dirayo digniin kama dambeys ah.

“Iyada oo la tixraacayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee 4-tii Diseembar 2024, kuna saabsan joojinta maalgelinta argagixisada, waxa ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, digniin adag u direysaa ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka ee isku daya in ay u dhego-nuglaadaan baadda Khawaarijta.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxa ay NISA intaasi kusii dartay in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.

Hay’adda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay u taagan tahay ilaalinta hantida iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, iyada oo dalbatay in lala shaqeeyo.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagu boorinayaa muwaadiniinta in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga.” ayaa lasii raaciyay.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay in ay xirtay Akoono ay leedahay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale gacanta ku soo dhigtay ganacsato lagu eedeeyey la shaqeyn Al-Shabaab.

Xogta kulamo muhiim ah oo dhex-maray Soomaaliya iyo saddex dal kale + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan magaalada New York ayaa halkaasi ka wada kulamo muhiim ah, iyadoo saacadihii u dambeeyay ay mas’uuliyiinta Soomaaliya la kulmeen saddex dal.

Wasiir Fiqi ayaa la kummay Zénon Ngay Mukongo, Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabilsan Qaramada Midoobey, isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka labo dhinac iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale horumarka siyaasadeed iyo amni ee Afrikada dhexe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray kor u qaadidda xiriirka dhaqaale, dhowridda midnimada dhuleed iyo qarannimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo.

Sidoo kale waxaa la isla soo hadal-qaaday muhiimadda ay leedahay in caqabadaha gobolka lagu xaliyo aragti Afrikaanku leeyihiin, iyo xaqiijinta bedqabka iyo ammaanka ganacsatada Soomaaliyeed ee beec-mushtarka ku leh DRC, loona fududeeyo habraacyada, iyadoo la ilaalinayo naftooda iyo danahooda maaliyadeed.

Sidoo kale, wasiir Fiqi ayaa New York kula kulmay Tanja Fajon, ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo Yurub ee Jamhuuriyadda Slovenia, isaga oo kala hadlay ballaarinta dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasad iyo amni, si gaar ah howl-galka lagu baacsanayo, laguna ciribtirayo argagixisada, si la mid ah dadaallada lagu bixinayo fulinta hindasayaasha lagu horumarinayo goobaha la xorreeyay sida; dayactirka iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah oo ay ka mid yihiiin iskuullada, isbitaallada iyo saldhigyada booliiska, kuwaas oo muhiim u ah soo kabashada iyo xasilloonida.

Panama oo ah dalka saddexaad ee wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu la kulmay ayaa waxaa metelayay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Panama, Carlos Ruiz-Hernández.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta dhinacyada iskaashi ee kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan, iyadoo kulanka uu ahaa fursad dib loogu eegayay xiriirka jira iyo in la ogaado siyaabaha cusub ee iskaashi.

Trump oo ku dhowaaqay tallaabadii ugu cusleyd iyo ciidamo militari oo la gaynayo…

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in uu soo saari doono amarro fulineed oo ballaaran si uu dib ugu habeeyo qaabka ay Maraykanku ula macaamilaan arrimaha jinsiyadda iyo socdaalka.

Madaxweynaha 47-aad ayaa si degdeg ah u billaabi doona soo saarista awaamiir madaxweyne oo loogu talagalay in si weyn loo yareeyo tirada muhaajiriinta dalka soo galaysa.

“Marka hore, waxaan ku dhawaaqi doonaa xaalad degdeg ah oo aan ku soo rogayo xadka koonfureed ee dalkeenna,” ayuu Trump yiri daqiiqado ka dib caleema saarkiisa.

“Gelitaanka sharci-darrada ah ayaa si deg deg ah loo joojin doonaa, waxaana billaabi doonaa nidaam malaayiin dambiilayaal shisheeye ah loogu celinayo meelihii ay ka yimaadeen.”

Waxa uu sheegay in uu ciidamada militariga u diri doono xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico si loo joojiyo “duullaanka musiibada leh ee lagu soo qaaday dalkeenna.”

Trump, oo ku ololeeyay ballanqaadyo uu ku xakameynayo muhaajiriinta isla markaana uu ku kasbaday taageerada dadka ka walwalsan isbeddelka tirakoobka bulshada, waxa kale oo uu qorsheynayaa in uu joojiyo dhaqanka qadiimiga ah ee qarniyada soo jiray ee dhalashada si toos ah loogu siiyo qof kasta oo ku dhasha dhulka Maraykanka.

“Waxaan soo afjari doonnaa magangelyo-doonka,” ayay tiri afhayeenka ku xigeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, iyadoo intaas ku dartay in la abuuri doono nidaam degdeg ah oo lagu celiyo dadka aan haysan fursad magangelyo-doon.

Dastuurka Maraykanka ayaa dhalasho siiya qof kasta oo ku dhasha dhulka Maraykanka.

Hase yeeshee Kelly ayaa sheegtay in tallaabooyinka Trump ay “caddeyn” doonaan waxyaabaha ku saabsan wax-ka-beddelka qodobka 14-aad ee Dastuurka, kaas oo la xiriira jinsiyadda dhalashada.

“Dawladda federaalku ma aqoonsan doonto jinsiyadda dhalashada ee tooska ah ee carruurta ku dhalata Maraykanka ee waalidiinta sharci-darrada ku jooga dalka,” ayay tiri.

La-taliyaha sare ee Trump iyo qofka lagu yaqaan fikirka adag ee socdaalka, Stephen Miller, ayaa baraha bulshada ku sheegay in albaabadu xiran yihiin.

“Muhaajiriinta sharci-darrada ah ee raadinaya inay galaan Maraykanka waa inay dib u noqdaan hadda,” ayuu qoray.

“Qof kasta oo soo gala Maraykanka iyada oo aan fasax loo siin waxa uu wajahayaa dacwad iyo masaafurin.”

Kelly waxa kale oo ay sheegtay in maamulka Trump uu dib u soo celin doono siyaasaddii “Ku sugnoow Mexico,” oo hore u jirtay muddo xileedkii hore ee Trump.

Sida sharcigaasi dhigayo, dadka dalbanaya in ay Maraykanka ka soo galaan xadka Mexico lama ogolaan karo illaa codsigooda go’aan gaaro.

Kelly waxay sheegtay in Trump uu qorshaynayo in uu u adeegsado ciqaabta dilka ah ee dadka aan Maraykanka u dhalan ee gala dambiyada culus, oo ay ku jiraan dilka.

“Tani waxay la xiriirtaa amniga qaranka. Waxay khuseysaa badbaadada dadweynaha, waana arrin ku saabsan dhibanayaasha qaar ka mid ah dambiyada ugu xun uguna waxashnimada badan ee dambiilayaasha soo galay dalkeenna abid, waxaana arrintani dhammaan doontaa maanta,” ayay tiri.

COSOBLE oo talo cajiib ah ujeediyay Sheekh SHARIIF

0

Walaalkeyow waxaad madaxweyne ku meel gaar ah noqotay sannadkii 2009. Waxay aheyd xilli lagu yiri gacantaada ku soo qoro 275 xubnood oo kamid noqonaya baarlamaankii jiray ee lagu soo dhisay dalka Kenya. Wey caddeyd inaad adiga ku guuleysaneysay doorashadii ka dhacday waddanka Djibouti.

Dowladaha Markeykanka, Ingriiska iyo Midowga Yurub ayaa sidaa rabay. Ka hadli maayo ujeeddadey ka lahaayeen. Doorasho ayaad gashay 2012 adigoo ahaa madaweynihii ku fadhiyay kursiga, waana lagaa guuleystay.

Doorashadii xigtay ee 2017 mar labaad ayaad tartantay markii labaadna waa lagaa guuleystay. Doorashadii xigtay ee 2022 ayaad mar saddexaad isku dayday inaad noqoto madaxweynaha Soomaaliya, mar saddexaadna waa lagaga guuleystay doorashadii. Ayadoo ay tartii kaa dhamaatay ayaad haddana rabtaa inaad mar afaraad tartan gasho.

Maxaa kula gudboon Mudane Sharif Shekh Axmad oo aan kugula talinayaa?

Waxaan kugula talinayaa inaad ugu horreyn isaga harto saaxiibbada beenta ah ee raba iney kugu shaqeystaan kaarkana kaa gubaan.

Fursaddaada wexey ku jirtaa inaad taageerto barnaamijka doorashooyinka ee ay dowladda wado, si dhab ahna u dhisto xisbigaada Himilo Qaran. Ka shaqee inaad soo saarto xildhibaanno baarlamaanka ku soo gala magaca xisbigaaga. Markaad u liidato waxaad noqoneysaa hoggaamiyaha xisbiga soo labeeya kan xukuumadda isla markaana leh saameynta ugu ballaaran.

Nasiib darro, waxaa farqaha kugu dhaggan saaxiibbo been ah oo shalayba diidanaa inaad dalka madaxweyne ka noqoto.

Waxaad qarka u fuushaa inaad fuliso barnaamijkooda ah inaad Xamar xabbad ka rido oo lagu kala cararo, taasoo la hubo iney sababi doonto iney taageerayaal badan kaala noqdaan kalsoonida, waxaana taariikhda kuu geli doonta inaad tahay ninkii labaad ee madaxweyne walaalkii ah ku qabsaday jagada madaxweynaha, halka kii koowaad uu ahaa Jen Ceydiid ee la dagaalay Madaxweyne Cali Mahdi.

Sannadka markuu ahaa 1980 waxaa madaxweynaha Mareykanka loo doortay Ronald Reagan. 1984 ayuu mar labaad tartamayay wuxuuna ahaa hogaamiyaha iyo musharraxa xisbiga Republican-ka. Aniga waxaan ahaa arday jaamacad ka dhigta kuna nool dalkaas, aad ayaana ula socday sidey wax u dhacayeen.

Xisbigii Democrat-ka intoodii ugu magaca weyneyd amaba intoodii ugu badneyd wexey ku qanacsanaayeen ninka ugu habboon inuu la tartamo Reagan inuu yahay Ted Kennedy. Taladii ayey ula tageen, balse waa uu ka diiday.

Wuxuu ku yiri Reagan waa oday, uma baahni inaan hadda la tartamo. Labaatan sano kaddib ayaan xataa u tartami karaa madaxweynaha Mareykanka. Sidaa ayuuna uga baaqsaday tartankii loo soo jeediyay.

Sheekh Sharifow weli dhallinyaro ayaad tahay, xataa labaatan sano kaddib waad u tartami kareysaa madaxweynaha Soomaaliya. Waqtigaan la joogo xisbigaaga dhiso, qeybtaada ka qaado doorashooyinka, ka shaqee inuu xisbigaaga noqdo mid nagaada, baarlamaankana ku yeesha miisaan dhab ah. Balse taladeyda waxaan ku soo koobaysa “saaxiibbada beenta ah yeysan dhiiqo lugaha kuu gelin”.

W/Q: Cali Cabdullaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee HirShabelle

Shirkadaha diyaaradaha oo joojiyay duulimaadyadii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamullada shirkadaha diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo maanta isugu yimid shir xasaasi ah ayaa ka hadlay caqabado ay sheegeen inay indhowaanahaan kala kulmayeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa sheegay in muddo dhowr jeer ay soo bandhigayeen cabashooyinkooda, balse ay dowladdu wax ka qaban waysay, sida ay hadalka u dhigeen.

Intaas kadib shirkadaha duulimaadyada dalka ayaa soo saaray go’aan culus ayaa sheegay in shaqadooda ay ka wadi waayeen wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka.

Sidoo kale waxa ay ku dhowaaqeen in ay joojiyeen duulimaadyadii gudaha iyo dibadda laga bilaabo berri oo Arbaco ah, taariikhduna ku beegan tahay 22 Janaayo, 2025-ka.

“Waxay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed caddeynayaan in ay shaqadii ka wadi waayeen wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay shirkadaha diyaaradaa dalka.

Waxaa kale oo ay sii raaciyeen “Sidaas darteed, laga bilaabo beri oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 22 Janaayo, 2025 waxay gebi ahaanba shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed joojiyeen dhammaan duulimaadyada gudaha dalka iyo dibadda ay ku tegi jireen ilaa xal waara laga gaarayo”.

Go’aankan oo saameyn doono isku socodka duulimaadyada dalka ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan oo qabsatay warbaahinta iyo baraha bulshada ee Internet-ka.

Maalmihii dambe ayaa waxaa isa soo tarayay cabashada shirkadaha duulimaadyada, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya.

Tirada shaqaalaha Soomaalida ee loo dirayo Sacuudiga iyo shaqada ay qabanayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daba-yaqaadda sanadkii tegay ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga ay gaareen heshiis la xiriira shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Sacuudiga.

Heshiiskan oo si gaar ah ay bishii December 2024-kii qalanki ku wada dugeen wasiirada shaqada ee labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa door muhiim ah ka qaadanaya yareynta shaqo la’aanta dalka.

Labada dal ayaa ku heshiiyey in nidaam ka duwan kuwii hore ee shaqaalaha Soomaalida loogu diri jiray Sacuudiga hadda loo maro, kaas oo waafaqsan shuruucda shaqaalaha ee caalamiga iyo kuwa labada dal u yaalla, sida uu sheegay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

“Runtii dowladda Soomaaliya Sucuudiga shaqaale ayaa loo diri jiray inkasta oo uusan ahayn heshiis rasmi ah oo ahaa mid afka ah iska ahaa, khaladaad badana ayaa dhici jiray oo dadkii meesha la geeyo aysan xaquuqdodi helin, Kufis, khaladaad badan ayaa jiray,” ayuu yiri wasiir Yuusuf Maxamed Aadan.

“Wasaaradduna door kuma lahayn taas ayaana keentay markaa imaanay wixii ugu horreeyey ee qabanay inaa joojino Shirkadihii khaladaadas sameeyey markii safaaraddeena noo soo gudbiysay.”

Shaqaalahan ayaa noqon doona laba qeybood oo kala ah xirfadleyaal iyo xoogmaal, iyadoo dadka xoogsato ah ay qabanayaan shaqooyn ay kamid yihiin ka shaqaynta guryaha, ilmo haynta, dadka waayeelka ah, dadka caawinta u baahan iyo shaqooyinka la mid ah.

Halka dadka xirfadlayda ay noqonayan kuwa shahaado ka haysta xirfadooda kuwaas oo ay kamid yihiin kalkaaliyaal, dhaqaatiir, injineero, dadka bartay culuumta kombuyuutarka iyo dadka haysta oggolaanshiyaha gawaarida waaweyn lagu kaxeeyo.

Si kastaba, horraanta bisha Febraayo ee sanadkan ayaa lagu wadaa in shaqaalaha ugu horreeya loo qaadi doono dalka Sacuudiga, kuwaasi oo gaaraya illaa 15 kun oo qof oo shaqaale isku jira xoogsato iyo xirfadlayaal.

Xasan oo lagu tusaaleyay Erdogan iyo codsi yaab leh oo u direy wasiir ka tirsan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu haatan hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaysa in dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah, taas oo si weyn u diidan yihiin mucaaradka.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuuusf Cali Xoosh oo qorshahaan door muhiin ku leh ayaa waxa uu ku dooday in la joogo xilligii fursad kale oo waxqabad la siin lahaa madaxweyne Xasan Sheekh, halka 4-tii sano mid aan la aqoon la dooran lahaa, uuna sii hayo talada dalka.

Wasiir Cali Xoosh ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay Mahatiir Maxamed oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia muddo dheer iyo inta jeer ee uu hogaaminayay dalkaasi ee dib loo doortay.

Halka uu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ku tusaaleeyay Erdogan-ka Turkiga oo ah nin ay si weyn u jecel yihiin Turkida, islamarkaana dhowr doorasho oo dalkaasi ka dhacdayna ku guuleeystay.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay fursad siiyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan 4-tii sano mid aan la aqoon inta la dooran lahaa uu kursiga joogo madaxweynaha hadda talada haaya,” ayuu yiri wasiir Cali Xoosh.

Hadalka wasiirka oo noqday mid dad badan la yaabeen ayaa waxa uu shaki galin karaa hufnaanta doorashada ay ka shaqeynayso dowladda dhexe, taasi oo haatanba ay diidan yihiin madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa wajaheysa eedeymo culus oo ay kamid yihiin ku tagri-fal awoodeed iyo barakicin dadweyne, iyadoo inta uu haatan tallada hayo la iibiyay dhulkii u badnaa ee danguud ah.

Maxaa ka jira inay Somalia u yeeratay safiirkeeda Kenya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib safarkii uu hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa mad-madow badan soo dhex-galay xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa isla Sabtidii markii uu Axmed Madoobe ka degay Nairobi waxay safiirka Kenya u jooga Muqdisho u dhiibtay warqad cabasho ah oo ay dowladda ku dooneyso in loo fasiro sida ay arrintan ku dhacday.

Sidoo kale waxaa tan iyo markaas oo baxayay warar la isla dhex-marayay oo sheegayay in dowladda federaalka Soomaaliya ay u yeertay safiirkeeda u fadhiya Kenya, si uu u yimaado Muqdisho.

Caasimada Online oo xiriir kala duwan la sameysay madaxda sare ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa naloo xaqiijiyay in warkaasi aysan waxba ka jirin, ayna baraha bulshada ku faafinayaan dad dano gaar ah leh.

Masuuliyiinta ayaa noo xaqiijiyay in ay jiri karaan tallaabooyin culus oo looga jawaabayo xad-gudubka Kenya, balse ay haatan jawaab ka sugayaan safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho oo fasiraad dhameystiran laga dalbaday sida ay arrintaan ku dhacday.

Kenya ayaa Sabtidii caddeysay sida ay u garab taagan tahay Axmed Madoobe, iyadoo ka caawisay in waxba kama jiraan laga soo qaado waarankii soo qabashada ahaa ee dhawaan ay dowladda Soomaaliya dul dhigtay hoggaamiyaha Jubbaland.

Tallaabadan ayaa si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan markale lagu wado inay gasho dagaal diblumaasiyadeed ka dhan ah Kenya, xilli ay dhawaan kasoo baxday dagaalka Itoobiya, oo ayadu horraanta sanadkii tegay heshiis is-afgarad la gaartay Somaliland.

Xaaladda dalka: Mucaarado culus oo qarxay iyo jahawareer hareeyey gudaha iyo dibadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf siyaasadeed oo culus ayey cagaha la sii geleysaa Soomaaliya, Farmaajo, Sheekh Shariif, CC Shakuur iyo in ka badan 100 Xildhibaan ayaa gasha kala baxay seefta mucaaradnimada, maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in Muqdisho marti-geliso siyaasiyiin badan oo mucaarad ku ah hoggaaminta Xasan Sheekh.

Sidoo kale, siyaasadda arrimaha dibadda ayaa weli qasan, Fahad Yaasiin oo kol sii horeysay farriin soo saaray ayaa Xasan Sheekh kula taliyey in labada khilaaf ee kan gudaha iyo kan arrimaha dibadda uu mid un xaliyo, maadaama waqtiga u haray uusan labadaba ku xali karin.

Farogelin xoog leh oo arrimaha dibadda ah ayaa Soomaaliya ku socota, Kenya ayaa maalin ka hor u bareertay inay Axmed Madoobe oo u eedeysan dowladda federaalka ay dalka ka dhoofiso oo geyso Nairobi.

Itoobiya ayaa sidoo kale toos u taageereysa qorshaha Axmed Madoobe ku wiiqayo dowladnimada Soomaaliya, maalmo ka hor diyaarado hub sida ayey Itoobiya ka dejisay Kismaayo.

Sharciyadii socdaalka hawada Soomaaliya ayey sidoo kale toos u jebiyeen dowladaha Kenya iyo Itoobiya, dowladda Soomaaliya weli jawaab kama aysan bixin xad-gudubyadaas loo geystay madax-banaanida iyo qaranimada dalkeeda.

Arrimaha gudaha, waxaa taagan xaalad adag oo jaho wareer ah, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah oo shacabku aad u rabaan, balse maamul goboleedyadu diidan yihiin.

Jubbaland iyo Puntland ayaa toos xiriirka ugu jaray dowladda federaalka, waxaana la is weydiinaya sida doorasho dalka looga qaban doono maamuladaas oo maqan.?

Maanta, guddiga doorashooyinka qaranka oo dhismihiisa ay mucaaradku ka soo hor jeedaan ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah ay u bilaabeen diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda dalka, iyagoo soo dheji doona toddobaadka soo socda jadwalka doorashada.

Intaas waxaa dheer dagaal beeleedyada oo gobol iyo deegaan kasta ka qarxay, dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa ku guul dareystay inay joojiyaan colaadaha sokeeye ee sii huraya.

Abaarta El-Nino ayaa sidoo kale dalka ku dhufatay, waxaana suurtagal ah in toddobaadyada soo socda ay guraan wabiyada dalka mara, sida ay saadaalinayaan quburadu, taasi oo sii adkeyn doonta xaaladda.

Kooxaha Khawaarijta ayaa sidoo kale dalka ka dagaalamaya weli, Puntland ayaa duulaan rasmi ah markii ugu horeysay ku qaaday Daacish ay mar hore ku fiirsatay buuraha gobolka Bari, kuwaas oo lagala kulmayo iska caabin aysan awoodi laheyn hadii mar hore la weerari lahaa.

Sidoo kale waxaan weli sal fariisan qorshaha howlgalka AUSSOM oo la rabay inuu dalka ka bilowdo 1-dii bishaan, dhaqaalihii howlgalkaan iyo ciidamada ka qeyb gelaya wadamada ay ka imaanayaan ayaan weli xal rasmi ah laga gaarin.

Al-Shabaab oo gaadiid ku gubay Sh/Hoose iyo sababta

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in manta xaalad adag ay ka taagan tahay waddada xiriirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye, kadib markii ay weeraro ka fuliyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sida uu sheegay mid kamid siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka oo la hadlay Radio Kulmiye, maleeshiyaadka kooxda ayaa gubay gaadiid ay lahaayeen shacab oo ku safrayay waddadaasi.

Gaadiidka la gubay ayaa qaarkood siday dhuxul, halka sidoo kale dhacdadaan lagu gubay mootooyin kor u dhaafayo illaa 10, kadib markii ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaadka kooxda.

“Waxaa la gubay gawaari siday dhuxul iyo 12 mooto marka dhibaato xooggan ayaa ka jirta waddada xiriirisa Wanlaweyn iyo Afgooye” ayuu yiriq mid kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Haddii gawaari la gubaayo wax la afduubanaayo cidda sameyneyso waa ka war haysaan waa qoladaas Al-Shabaab,”.

Dhinaca kale wuxuu eedeyn culus u jeediyay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo uu tilmaamay inuu indhaha ka laabtay dhibaatada ka jirta waddadaasi oo go’an, cabsi laga qabo weerarada Al-Shabaab darteed.

“Illaa hadda guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo ku xigeennadiisa wax ka hadlay ma jiraan, xiittaa labada maamul ee degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye”.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaaa weeraro ay qaarkood ka fuliso Muqdisho.

Trump oo saxiixay amaro culus oo midkood Mareykanka looga saarayo xubinnimada…

0

Washington (Caasimada Online) – Dhowr saacadood kaddib marki loo dhaariyay xilka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka, ayuu madaxweyne Donald Trump xalay fiidkii saxiixay tobnaan wareegto madaxweyne oo kala duwan.

Qaarkood ayuu ku hor saxiixay ilaa 20,000 ka mmid ah taageerayaashiisa oo isugu tagay xalay garoonka kubadda koleyga ee Caiptal One Arena ee magaaladan Washington D.C.

Amarrada sharci ee uu illaa haatan saxiixay Trump ayaa kala ah;

1. Cafinta dhamaan dadkii ku eedaysnaa kiiskii 6-dii Janaayo ee rabshadii xarunta baarlamaanka sanadkii 2021-ka.

2. Ka bixitaanka xubinnimada hay’ada caalamiga ah ee caafimaadka aduunka (WHO).

3. Xiritaanka xuduudaha Koonfureed ee Mareykanka.

4. Ka bixitaanka heshiiskii xakamaynta isbedelka cimilada aduunka ee Paris.

5. Joojinta aqoonsiga Mareykanka ee ay heli jireen caruurta ku dhasha dalka ee aan waalidkood sharciga ku joogin Mareykanka (Birth Citizenship). Tani ma saameynayso haddii waalidku sharci haysto, keliya waxay khusaysaa ilmaha ay dhalaan waalidka sharci darada ku jooga dalkaasi.

6. Ka qaadista cuna-qabataynta madaxweyne Biden uu kusoo rogay maamulka Netanyahu.

7. Mamnuucida dadka aan lahayn jinsiga asalka ah ee (lab iyo dhedig) ee kamid noqoshada milatariga iyo laalitaanka amarkii Biden ee u garbinayay luudka.

8. Joojinta hawlaha qaxootiga lagu keenayo Mareykanka.

9. Mukhalasiinta dadka tahriibiya iyo kooxaha daroogada soo galiya Mareykanka oo argagixiso shisheeyo loo aqoonsado.

10. Hirgalinta wasaarad cusub oo lagu magacaabo wasaaradda xaqiijinta shaqooyinka dowladda.

Tobankaan amar ee Trump soo saaray ayaa qeyb ka ah ku dhowaad 200 bayaan amar madaxwayne ah, kuwaas oo dhamaantood saamayn ku leh siyaasadda caalamka ee Mareykanka iyo tan gudahaba.

Somali President to receive prestigious award at Davos

DAVOS, Switzerland – Somali President Hassan Sheikh Mohamud is set to receive the Africa Presidential Leadership Award at the World Economic Forum in Davos, Switzerland.

According to an announcement from Villa Somalia, the presidential palace, the accolade recognizes his efforts in advancing peace, stability, and economic development in Somalia.

The award highlights President Mohamud’s leadership in addressing Somalia’s complex challenges, including conflict resolution, economic recovery, and nation-building. His participation in Davos also provides a platform to showcase Somalia’s progress and outline plans for future growth.

Peace and economic recovery

President Mohamud has prioritized peacebuilding and economic reform since assuming office in May 2022 for his second non-consecutive term.

His administration has worked to stabilize regions affected by conflict, strengthen governance, and attract international investment. These efforts have positioned Somalia as a key player in the Horn of Africa.

A significant milestone under his leadership was Somalia’s recent qualification for debt relief under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. This achievement in December 2023 marks a major step toward economic recovery, unlocking access to international financing and enabling the government to invest in critical infrastructure and public services.

During his visit to Davos, President Mohamud is expected to deliver a keynote address focusing on Somalia’s economic potential and the government’s plans for sustainable development. Key sectors such as energy, agriculture, and telecommunications are expected to feature prominently in his discussions with global leaders and investors.

Strengthening international partnerships

The World Economic Forum offers Somalia a unique opportunity to strengthen its ties with the international community. President Mohamud is scheduled to hold bilateral meetings with global leaders and stakeholders to discuss enhanced cooperation and investment opportunities.

Somalia’s strategic location along the Indian Ocean and its untapped natural resources make it an attractive destination for foreign investment. However, challenges such as insecurity, political fragmentation, and climate change remain significant hurdles.

President Mohamud is also expected to highlight Somalia’s vulnerability to climate change, which has exacerbated humanitarian crises in the country. Recurring droughts and floods have displaced millions, threatening livelihoods and food security.

In his engagements, the President will likely call for increased international support to build resilience and adapt to the impacts of climate change. This includes funding for infrastructure projects, disaster preparedness, and sustainable development initiatives.

Somalia risks political turmoil, Farmajo warns

MOGADISHU, Somalia – Somalia is facing heightened political uncertainty, with former President Mohamed Abdullahi Farmaajo warning that the country is entering a “dangerous” phase following a disputed election announcement by the national electoral body.

In a statement issued this week, Farmaajo, who served as president from 2017 to 2022, expressed deep concerns that the current political climate could lead to “instability” and undermine national security. The former leader strongly criticized election plans that he claims are not inclusive and lack consensus.

Farmaajo: “Path to Political Setback”

“Our country has entered a political phase surrounded by many dangers that could lead to a political setback, harm the unity of the country, and cause political turmoil that could undermine the nation’s security,” Farmaajo stated.

The former president, popularly known as “Farmaajo,” has been a vocal critic of current President Hassan Sheikh Mohamud’s administration, particularly regarding proposed constitutional amendments and electoral reforms.

These reforms have been a point of contention between the federal government and some regional states, notably Puntland and Jubaland.

“We have repeatedly warned that any non-inclusive change to the Constitution, which is the only thing that holds the Somali people together, could lead to the disappearance of the legitimacy upon which government institutions are built,” Farmaajo added.

He argued that the Constitution should be the basis for consensus.

The crux of the dispute lies in the electoral process. Farmaajo accuses President Mohamud of pushing for an election that he “unilaterally devised and manages,” a move that the former president believes fails to reflect the country’s political reality.

“The election law, the political parties law, and the election commissions are a process that involves the constitutional institutions, the Federal Member States, and the political leadership,” Farmaajo emphasized.

“Therefore, President Hassan Sheikh Mohamud’s continued insistence on holding an election that he has devised and managed is a step that does not reflect the political situation in the country and could lead to a political setback and turmoil that can be avoided.”

Call for national dialogue 

The former president’s statement further called for a united front among regional governments, former national leaders, and members of both houses of parliament to initiate a national dialogue.

This dialogue, he suggests, is crucial to address the current political situation and avoid “political uncertainty and harm to the unity of the country.”

“Amending the Constitution and holding elections without the participation of Puntland, Jubaland, and the country’s political leadership can only be interpreted as the leadership in power having no regard for the unity and solidarity of the country, which is the national responsibility for which they were elected, and that they have prioritized their personal interests over the common good,” Farmaajo asserted.

A fragile political landscape

Somalia has long struggled with political instability, clan-based conflicts, and the persistent threat of the al-Shabaab Islamist insurgency. The country operates under a complex federal system, with power shared between the central government and federal member states.

The current political tension comes amidst ongoing efforts to finalize a provisional constitution, which has been a work in progress since its adoption in 2012.

The proposed amendments, including changes to the electoral system, have been met with resistance from some regions, particularly Puntland, which has declared itself autonomous from the federal government’s constitutional reform process.

Jubaland, another key regional state, has also expressed reservations about the proposed changes, leading to a widening rift between Mogadishu and some regional administrations.

President Hassan’s stance

President Hassan Sheikh Mohamud, who served as president from 2012 to 2017 and was re-elected in 2022, has defended the electoral reforms necessary for strengthening democracy and ensuring a more inclusive political process.

His administration has emphasized the importance of moving forward with the elections as a crucial step toward consolidating the country’s fragile state-building efforts. However, details on his specific response to Farmaajo’s recent statement are yet to emerge.

The escalating political dispute in Somalia will likely attract attention from the international community, which has invested heavily in supporting the country’s stabilization and development.

The United Nations, the African Union, and various Western partners have consistently called for dialogue and consensus-building among Somali stakeholders to ensure a peaceful and democratic transition.

DF oo Sacuudiga la gashay heshiis fursado badan siinaya Soomaalida shaqo doonka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirrada shaqada ee dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa bishii December ee sanadkii hore kala saxiixday heshiis dhigaya in Soomaaliya shaqaale u dirto dalka Sacuudiga.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aadan ayaa sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in nidaam ka duwan kuwii hore ee shaqaalaha Soomaalida loogu diri jiray Sacuudiga hadda loo maro, kaas oo waafaqsan shuruucda shaqaalaha ee caalamiga iyo kuwa labada dal u yaalla.

“Dowladda Soomaaliya waxay Sucuudiga u direysaa shaqaale cusub, markii hore waa loo diri jiray, inkasta oo uusan ahayn heshiis rasmi ah, khaladaad badan ayaa dhici jiray oo dadkii meesha la geeyo aysan xaquuqdodi helin, kufis iyo qaladaad kale oo badan ayaa jiray, hadda wixii ka horeeyey wasaaraddu door kuma lahyen,” ayuu yiri wasiir Yuusuf Maxamed Aadan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qaladaadkii laga galay shaqaalaha Soomaalida ah ay keentay liiska Shirkadihii qaladaadas sameeyey ay dowladda u soo gudbisay safaaradda Soomaaliya, taasi oo keentay in labada dal ay galaan heshiis rasmi ah oo lagu dhowrayo xuquuqda shaqaalaha.

Wuxuu intaa raaciyey in xilligii hore ay shirkado si gaar ah loo leeyahay oo labada dal ka shaqeeya ay iyagu lahaayeen doorka shaqaalaha Soomaalida ee loo dirayo Sacuudiga, balse shirkadaha Soomaalida ee howshaas qabanayey ay ahaayeen kuwo sharciyo ka haysta wasaaraddda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

“Shirkaddo Sacuudi ah ayaa heshiis la gali jiray kuwa Soomaaliya jooga, marka kuwa Soomaalida ah ayaa dadka ay raadsanayeen Sacuudiga gaynayey, taas hadda meesha waa ka baxaysaa, waxaana arrimahaan toos uga wada shaqeynaya labada dowladood,” ayuu yiri Wasiirka Shaqada Soomaaliya.

Guddiyo labada dhinac ah iyo wasaaradda ayuu sheegay wasiir Yuusuf inay la soconayaan hubinta in dadkaas ay ku shaqa galayaan nidaamka heshiiska.

“Markii hore waxaa dadku ku shaqayn jireen laba shaqo oo ah darawalnimo iyo xamaali, basle hadda waxaa loo furay in dadka Soomaaliyeed ku shaqayn karaan sida dadka dalalka kale xirfado ku shaqayn karaan,” ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hadda heshiiskan dhigayo in dadka sharciyadooda ay haynayaan shirkadaha Sacuudiga ee u xilsaaran shaqo gelinta, halka xiligii hore ay ka qaadi jireen dadka ay u shaqaynayaan.

“Dadku inta aysan bixin waxaa la barayaa xaqa uu leeyaha, xaqa lagu leeyahay iyo nidaamka Sacuudiga, Wasaaraddu waxay magacowday u qaabilsane, qof kasta xogtiisa waa haynaa,” ayuu yiri wasiir Yuusuf.

Wuxuu intaas raaciyey in qofka shaqaalaha la cadayn doono xaqiisa iyo mushaaarkiisa inta uusan ka bixin Soomaaliya, “Qofku maba baxaayo wasaaradda ayaa haysa heshiiska,” ayuu yiri wasiir Yuusuf.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in la dhisay nidaam App ah oo qofka u ogolaanaya inuu cabashadiisa ku soo gudbiyo haddii uu dhibaato kala kulmo halka uu u shaqaynayo, kaas oo ay helayaan safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

“Qofka waxaa la gey doonaa Sacuudiga, inta uu joogo dalkaas mushaarkiisa ayuu qadanayaa, isagoon nus doollar ka isticmaalin oo wadankiisa ku soo celin karaa, caymis caafimaad ayuu leeyahay, fasax caafimaad ayuu leeyahay, gunno ayuu leeyahay, siddeeed saacadood ayuu shaqaynayaan, cunnadiisa iyo meesha uu seexanayo qofka uu u shaqaynayo ayaa laga rabaa,” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aadan.

Trump oo caawa la wareegay xilka iyo tallaabooyin culus oo uu qaadayo

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa loo dhaariyay madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka Isniinta maanta, isagoo ballan-qaaday “kacaan caqli saliim ah “, wuxuuna xilka la wareegay iyadoo Jamhuuriyiintu ay maamulayaan labada gole ee sharci dejinta Mareykanka.

Trump, oo ka gudbay isku day xil ka xayuubin, eedeymo dambiyo iyo labo isku day dil si uu ugu guuleysto Aqalka Cad, ayaa si deg deg ah u howlgali doono kadib munaasabadda caleemo-saarka, isaga oo soo saari doona amaro madaxweyne oo kala duwan.

Waxaa amarradaas ka mid ah kuwa la xiriira sugidda amniga xuduudda, dhameynta shaqaaleysiinta ku saleysan jinsiga ee dowladda federaalka iyo kuwa kale.

Waxa uu ku dhowaaqay bilowga “xilli cusub oo xiiso leh oo guulo qaran ah” maadaama “mowjadaha isbedelka ay dalka ka socdaan,” sida laga soo xigtay qaybo ka mid ah khudbadiisii caleemo-saarka.

Awaamiirta fulinta ayaa ah tallaabada ugu horreysa ee uu Trump ugu yeeray “dib u soo celinta dhamaystiran ee Ameerika iyo caqliga saliimka ah.”

Cimilo qabow darteed ayaa keentay in dhaarinta loo raray gudaha Capitol Rotunda – markii ugu horreysay muddo 40 sano ah.

Xarunta Capitol, madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa markii hore lagu dhaariyay, isaga oo uu dhaariyay garsooraha Maxkamadda Sare Brett Kavanaugh.

Trump ayaa ku xigsaday daqiiqado ka dib, isaga oo isticmaalaya laba bible oo mid ay leeyihiin qoyskiisa iyo kii lagu dhaariyey madaxweyne Abraham Lincoln 1861-kii, waxaana dhaariyey garsooraha ugu sarreeya maxkamadda sare John Roberts.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay maal-qabeeno ay ka mid yihiin; Mark Zuckerberg, Jeff Bezos, Tim Cook and Sundar Pichai, iyo sido kale Elon Musk oo aad ugu dhow Trump.

Caleema-saarka Trump waxa ay xaqiijisay dib u soo laabasho siyaasadeed oo aan horey uga dhicin taariikhda Maraykanka.

Afar sano ka hor, waxaa loo codeeyay in laga saaro Aqalka Cad intii lagu jiray burbur dhaqaale oo uu sababay cudurka dilaaga ah ee COVID-19. Trump wuu diiday guul-darradiisa, wuxuuna isku dayay inuu xukunka ku dhegnaado.

Waxa uu taageerayaashiisa ku amray in ay socod ku maraan xarunta Congress-ka xilli ay sharci-dajiyayaashu ansixinayeen natiijada doorashada, taasoo dhalisay rabshado sababay in ay carqaladeeyaan dhaqankii dalka ee ahaa in si nabad ah xukunka loogu kala wareego.

Laakin Trump waligiis ma lumin gacan ku hayntiisa xisbiga Jamhuuriga mana niyad jabin kiisas dambiyeed oo lagu soo oogay iyo laba isku day dil, wuxuuna si awood leh uga adkaaday kuwii la loolamayey, kuna guuleystay doorashada.

Xasan iyo Xamza oo isku mari la’ tallabo culus oo Kenya kadib safarkii A/Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka carootay tallaabadii ay dowladda Kenya dalkeeda ugu fasaxday hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaasi oo Sabtidii gaaray magaalada Nairobi.

Kenya waxay Axmed Madoobe ka caawisay in waxba kama jiraan laga soo qaado waarankii soo qabashada ahaa ee dhawaan ay dowladda Soomaaliya dul dhigtay hoggaamiyaha Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa la sheegay inay deg-deg iskaga wareysteen nuuca ay noqon karto jawaabta dowladda Soomaaliya ee la xiriirta safarka Axmed Madoobe ku tegay magaalada Nairobi, balse waxaa lasoo dusiyay inay go’aan weyn gaari waayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamza waxaa la wariyay inuu qabo in qaadka la joojiyo si cadaadis loo saaro Kenya, in loo yeero safiirka Soomaaliya u jooga magaalada Nairobi iyo in safiirka Kenya u jooga Muqdisho wada-tashi loogu diro dalkiisa.

Laakiin madaxweynaha taas aad uma laqin sida ay ku waramayaan illo ka tirsan Villa Soomaaliya. Joojinta qaadku waxay aheyd hub ay Soomaaliya ku cabsiin jirtay, laakiin maadaama uu madaxweyne Xasan Sheekh dan shaqsi ah ku qaadka maanta isaga ayaa Kenya uga walwal badan inuu qaadku joogsado.

Xamza isagu maadaama uusan faa’iido badan oo shaqsi ah ka helin qaadka, wax fudud oo cadaadis dhalin kara ayay la tahay joojintu. Weli doodda qodobkan ma dhamaanin laakiin dad badan oo dowladda ka tirsan ayaa rejo xumo ka muujinaya in madaxweyne Xasan Sheekh lagu qancin karo joojinta qaadka.

Haddii tallaabadan la qaado oo danaha gaarka ah la iska tuuro oo dan guud lagu dhiso oo dan guud lagu dhiso go’aamada qaranka waxaa yaraan laheyd in meel walba dowladnimada Soomaaliyeed ceeb looga soo miiso.

Dooddii u socotay dowladda federaalka ee la xiriirtay safarka Axmed Madoobe ayaa dhashay in safiirka Kenya u jooga Muqdisho loo dhiibo warqad cabasho ah oo ay Muqdisho ku dooneyso in loo fasiro sida ay arrintan ku dhacday.

Micnaha lagu aaday dhinaca safiirka waxaa la yiraahda “hadda arrinta joojinta qaadku nooma fududa, wixii dhaceyna kuma faraxsanin balse aan xeeladeysano.”

Maxaa loogu dhegan yahay hay’adda sirdoonka Kenya ee agasimaha uu ka yahay Nuradin

0

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Kenya (NIS) Nuuradiin Xaaji ayaa lagu baaqay inuu is-casilo, kadib sababo la xiriiro afduubyo iyo dad la waayay.

Falalkan oo dalka Kenya ku soo badanayay muddooyinkii dambe kadib waxay koox ololeeyeyaal ah ugu baaqeen inuu is-casilo Nuuraadiin, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya.

Hay’adda Justice Alliance, iyada oo u sii marinaysa isu-duwaha hay’adda ee Kennedy Omulo ayaa sheegtay inay nasiib darro tahay in NIS lala xiriiriyo afduubka Leslie Muturi sida uu ku eedeeyay aabbaha dhibbanaha, oo sidoo kale ah wasiirka adeegga dadweynaha iyo horumarinta raasamaal ee golaha xukuumadda, Justin Muturi.

Ururka bulshada rayidka ah ayaa su’aal galiyay doorka NIS ay ku leedahay afduubka loo maleenayo in ay dowladda ku dhaliilayaan, haddana mas’uuliyadda ilaalinta nolosha dadka Kenyaanka ah iyo hantidooda iyo sidoo kale in la soo xiro marka loo baahdo ay mas’uul ka tahay adeegga booliska qaranka.

“Maaddaama uu soo shaac baxay warka wasiir Muturi, waxaan hadda haynaa cidda iyo hay’adaha dawladdu ay afduubka ku hayaan dhallinyaradeenna, sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa in uu si deg-deg ah isu casilo gaashaanle sare Nuuradiin Xaaji,” ayuu yiri Omulo.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaana hay’adaha ay qusayso ka codsanaynaa in ay baaris ku sameeyaan, lana caddeeyo doorka uu ku leeyahay kiisaska afduubka.”

Mowjadda afduubka ayaa bilowday kadib mudaharaadyo looga soo horjeeday canshuur kordhin bishii June ee sanadkii tegay, waana ay sii socotay tan iyo markaas.

Qaar kamid ah dadka la afduubay ayaa la sii daayay kadib cadaadis dadweyne, halka kuwa kale illaa hadaa la la’yahay.

Saalax oo maanta isku maray laba wasaarad iyo hay’ad – Muxuu kusoo arkay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta tegay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, wasaaradda dhalinyarada iyo hay’adda maareynta musiibooyinka (SODMA).

Mudane Saalax ayaa mid mid usoo kormeeray xarumaha, iyadoo intii uu kormeerka ku guda jiray uu si qoto dheer ula socday hawlaha iyo adeegyada ay hay’adahan u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa wuxuu kala hadlay madaxda hay’adaha sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka, hufnaanta maamul, iyo daba-galka qorsheyaasha horumarineed.

Waxa uuna xaqiijiyey in qorshayaasha iyo mashaariicda wasaaradahan iyo SKDMA ay waafaqsan yihiin qorshaha isbeddelka qaran (NTP), si loo gaaro yoolalka waaweyn ee horumarineed ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dadaalka wasaaradahan iyo hay’adda SODMA ay ku bixiyaan adeegyadooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri qoraal uu xafiiska ra’iisul wasaaraha soo saaray.

Sidoo kale wuxuu ku dhiirri-geliyey in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda, si loo hormariyo nolosha bulshada, loona xaqiijiyo in adeegyadu gaaraan dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambayntiina wuxuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka ballan-qaaday in xukuumaddu sii wadi doonto taageerada dhammaan hay’adaha qaranka, iyadoo mudnaanta la siinayo dhammaan qorsheyaasha lagu horumarinayo waxbarashada, dhalinyarada, isboortiga, iyo maaraynta musiibooyinka.

Farmaajo: Dalku wuxu lugaha la galaya qalaalase siyaasadeed oo halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dalku galay marxalad siyaasadeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan, kadib dhawaaqii maanta kasoo yeeray guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay.

Madaxweynihii hore oo qoraal soo saaray ayaa muujiyay in tani dalka u horseedayso qalaalase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga, isagoo meel adag ka istaagay doorashooyinka aan loo dhameyn.

“Marar badan waxaan ka dignay in wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay’adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay,” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waa tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada, madaxdii hore ee qaranka iyo mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka in la iska kaashado sidii lagu gaari lahaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaalada siyaasadeed ee dalka, si looga baaqsado hubinti la’aan siyaasadeed iyo dhaawac soo gaara wadajirka dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystirkan;

Dalkeennu wuxuu galay marxalad siyaasaddeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan oo horseedi kara dib u dhac siyaasadeed, dhaawac gaara wadajirka dalka iyo qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga dalka.

Marar badan waxaan ka dignay in wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay’adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay.

Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo guddiyada doorashada waa hannaan ka dhexeeya hay’adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda, waana arrin tiir dhexaad u ah siyaasad loo dhan yahay, sidaas darteed in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waa tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.

Wax ka baddal Dastuur iyo qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, waxaa kaliya ee lagu fasiri karo waa in hoggaanka talada dalka haya uusan wax tixgalin ah u hayn wadajirka iyo midnimada dalka oo ah mas’uuliyaddii qaran ee loo doortay, uuna damiciisa gaarka ah ka hormariyey masaalixdii guud.

Haddaba annagoo maanka ku hayna arrimahaas masiiriga ah ee aan kor ku xusnay, waxaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu talada dhexda dhigo, horseedna uusan u noqon in dalku uu kala tago iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ku dhammaan karta qalalaase iyo dib u dhac qaran.

Sidoo kale, waxaan Dowlad Goboleedyadda, madaxdii hore ee qaranka iyo mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka ugu baaqayaa in la iska kaashado sidii lagu gaari lahaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaalada siyaasadeed ee dalka, si looga baaqsado hubinti la’aan siyaasadeed iyo dhaawac soo gaara wadajirka dalka.

Ugu dambayn, qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, sida culimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo ururrada bulshada rayidka waxaan ku boorrinayaa inay ka qaataan dowrka ay ku leeyihiin ilaalinta wadajirka dalka iyo sidii lagu gaari lahaa xasillooni siyaasaddeed.

Guddiga doorashooyinka oo ku dhowaaqay diiwaan-gelinta ururada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa goordhow shaaciyay jadwalka doorashada, kuna dhowaaqay inay furan tahay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in maanta laga bilaabo oo 20-ka Janaayo 2025 billaabatay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda illaa 31-ka Maarso 2025.

Muddadaas ayuu guddoomiyaha sheegay in ururrada siyaasadda lagu siin doono shahaadada aqoonsiga ah, iyadoo ururradii horey uu udiiwaan-geliyay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka ay dib ka qaadanayaan shahaadada cusub.

Diiwaan-gelinta iyo qaadashada shahaadada ururrada siyaasadda ayaa sidoo kale waxaa barbar soconeysa saxiixa shuruucda lasoo kordhiyay, oo ururrada laga rabo inay saxiixaan.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyay in aan wax khidmad ah laga qaadeyn ururradii horey isku diiwaan-geliyay ee markale la faray inay isdiiwaan-geliyaan si ay u qaatan ee shahaadada cusub.

“Maanta oo ah 20-ka Janaayo ilaa 31-ka Maarso waxaa furan diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda, ururradii horay loo diiwaan-geliyay wax khidbad ah lagama qaadi doonno, keliya waxa ay qaadanayaan shahaadada iyaga oo saxiixaya shuruucda cusub,” ayuu yiri gyddoomiye Cabdikariim.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddigu uu gaari doonno goobo lasoo sahmiyay, si dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda si looga gudbo doorasho dadban.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid maamullada dalka.

Villa Soomaaliya ayaa qorsheysatay in dalka ay gaarsiiso qof iyo cod, laakiin waxaa qorshaasi si cad uga horyimid Puntland, Jubbaland iyo madaxdii hore oo hadda mucaarad ah.