26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Trump oo hanjabaad culus u direy M/Yurub iyo Shiinaha – Maxaa soo kordhay?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu qorsheynayo inuu canshuur dul dhigo Midowga Yurub, oo ku eedeeyey in ganacsi aan caddaalad aheyn uu kala dhaxeeyo Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka doodaysay canshuur ciqaab oo dhan 10% oo la saaro alaabaha laga keeno Shiinaha, sababtuna tahay in daroogada fentanyl oo ka timaada Shiinaha loo soo gudbiyo Mareykanka iyada oo lasoo mariyo waddamada Mexico iyo Canada.

Trump ayaa hanjabaadaha cusub ee canshuuraha ku dhowaaqay mar uu Talaadadii ka hadlayay Aqalka Cad, maalin kaddib markii uu xafiiska la wareegay, isagoo aan isla markiiba fulin ballanqaadyadii uu ololaha doorashada ku galay ee ahaa inuu canshuurro soo rogi doono.

Hadalladii ugu dambeeyay ee Trump ayaa hoosta ka xariiqay rabitaankiisa mudada dheer ee ah in la ballaariyo canshuuraha, iyadoo 1-da Febraayo loo qabtay waqti kama dambeys ah si loo soo rogo canshuur 25% ah oo saameyn doonta Canada iyo Mexico, iyo sidoo kale Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo waddamada kale ay leeyihiin faa’iidooyin ganacsi oo xad-dhaaf ah oo ka dhan ah Mareykanka.

“Midowga Yurub aad iyo aad buu inoo xumeeyaa,” ayuu yiri isagoo ku celinaya hadallo uu Isniintii sheegay. “Markaa waa inay canshuuro wajahaan. Waa habka kaliya … oo aad caddaalad ku heli karto.”

Trump ayaa Isniintii sheegay inuu ka fakarayo inuu canshuur dul dhigo Canada iyo Mexico haddii aysan tallaabo ka qaadin xakameynta tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogada fentanyl, oo ay ku jiraan kiimikooyinka laga soo gudbiyo Shiinaha, ee soo gala Mareykanka.

Trump ayaa horey ugu hanjabay inuu 10% canshuur dul dhigi doono alaabaha laga keeno Shiinaha, balse wuxuu qorshahan dib ugu dhigay illaa waqtiga kama dambaysta ah ee 1-da Febraayo.

China ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadallada Mareykanka si loo “maareeyo khilaafaadka si habboon loona ballaariyo iskaashiga wadajirka ah ee faa’iidada leh.”

Waxay sidoo kale sheegtay inay dooneyso inay horumariso xiriir xasilloon oo waara oo ay la leedahay Mareykanka, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Mar walba waxaan rumeysanahay in aan guuleyste laga noqon karin dagaal ganacsi ama canshuur. Shiinaha had iyo jeer wuxuu si adag u ilaalin doonaa danta qarankiisa,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, Mao Ning, oo la hadlayay warbaahinta Arbacada maanta ah.

La-taliyaha ganacsiga ee Aqalka Cad, Peter Navarro, ayaa Talaadadii u sheegay CNBC in hanjabaadda canshuurta ee Trump ee ku wajahan Canada iyo Mexico ay tahay cadaadis lagu saarayo labada waddan si ay u joojiyaan tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogooyinka khatarta ah ee ka soo gudbaya xuduudaha Mareykanka.

Reuters

FAL-CELIN aan caadi ahayn oo ka dhalatay abaal-marinta la siiyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ah ayaa ka dhalay Abaalmarin xalay la guddoonsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo aah Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika (Africa Leadership Award) oo ay bixisay Africa House kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta ee Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Villa Somalia, abaalmarintan waxay muujinaysaa sida ay Africa House ugu qanacday horumarka ay Soomaaliya ku gaartay dib u dhiska hay’adaha, xasiloonida, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta.

Madacweyne Xasan oo qudhiisa ka hadlay munaasabadda ayaa yiri ““Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed,”.

Haddaba side looga falceliyay?

Ismaaciil Maxamed “Tan camal ciyaalka xaafada waxay dhahaan hebel waa laga waalay”.

Daahir Cali “In Abiy Axmed la raaligalyo waa lagu qaada karaa abaalmarin, taas waxay na tusee Midowga Afrika in uu Iska leeyahy Abiy Axmed”.

Liibaan Xiddig “Dalxoreeye boqolaal biladood u qalantaa Madaxweyne”.

Shaafici Haleel “Nobel peace prize-tii la sheegayey ma tanay isu bedeshay?”.

Zaahir Sheekh Muxumad “Maadaama wax madaxwayne ah kaligiis ka joogay baa la siiyy illeen dowladaha kale agaasino iyo wasiiro unba ka socday”.

Nuur Cabdullahi Cali “Hambalyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Guulo badan ku rajeynayaa”.

 

Maxay tahay xarunta ay baahida u qabeen reer Muqdisho ee maanta la furay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta laga daah-furay xarun muhiim ah, isla markaana loo qabay baahi wayn, taas oo ah xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino.

Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray dhismaha xaruntay oo si weyn loo qalabeeyay, kadib munaasabad maanta ka dhacday Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo looga hadlay daah-furta xaruntaan cusub

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xarig jarka kaddib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, isaga oo tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, ayna ka qayb qaadaneyso bad-baadinta dadka ay waxyeelada culus soo gaarto.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo ay maalgelisay, una dhistay dadka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay daboolli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah.

“Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu qoraalka.

Si kastaba, xaruntan ayaa sidoo kale lagula tacaali doonaan dhaawacyada ka dhasha qaraxyada ama shilalka aadka halista u ah e ka dhaca magaalada Muqdisho oo markii hore loo qaadi jiray dalka dibaddiisa, maadaama aanay markii hore jirin xarun gaar ah oo lagula tacaalo.

Xog: Madaxweyne Xasan oo kusii jeeda Masar + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinka dambe ee maanta kusii jeeda magaalada Qaahira ee xarunta Masar, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa dalkaasi, Cabdifitaax Al-Siisi.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Switzerland uu isla usii gudbi doono magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay wadahadalladooda diiradda ku saari doonaan arrimo la xiriira howlgalka ciidanka AUSSOM oo Masaarida door ka qaadanayso, heshiiskii iskaashiga amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Sidoo kale waxa ay isla eegi doonaa xaaladda gobolka iyo isbeddaladii dhacay, kadib heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Labada dhinac ayaa dhowaan gaaray is faham hoos loogu dhigayo xiisaddii Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy la galay horraantii sanadkii hore maamulka Somaliland.

Si kastaba, ujeedka ugu wayn ee dowladda Masar ayaa ah in haatan ay si toos ah ugada gasho qorshaha ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa dhankooda sheegaya in joogitaanka militari ay Masar ku dooneyso gudaha Soomaaliya inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Dowladda Masar ayaa la filayaa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyso cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowday sanadkan cusub.

Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Laascaanood + khasaaraha

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qarax ah oo loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Booliska SSC-Khaatumo ay hareereeyeen nin la sheegay inuu ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, kaas oo sidoo kale ku hubeysanaa bam-gacmeed, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ciidanka oo isku dayay inay qabtaan eedeysanaha ayaa ka biyo diiday, kadibna qarxiyay bam-gacmeedka oo sababtay inuu isagii iyo askari kale ay ku dhintaan.

Taliyaha Booliska SSC-Khaatumo oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in meesha sidoo kale uu ka dhacay iska hor imaad, ayna dhinteen eedeysanihii iyo askariga, ayna dhaawacmeen 4 askari oo kale.

“Ciidanka Birmadka Booliska SSC-Khaatumo oo ku guda jira howlgal ay ku gudanayeen waajibaadkooda, kuna daba joogay eedeysanayaal ay isku heleen aag magaalada dhexdeeda ah, ayaana is rasaaseyn ay dhex-martay taas oo ay ku dhinteen ninkii eedeysanaha ahaa oo muqaadaraad ku jiray iyo askari ka tirsan ciidamada Booliska AUN” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Eedeysanaha dhintay waxaa la yiraahdaa Maxamed Cali Xaashi, ninka booliska ah ee dhintay isna waxaa la yiraahdaa Cabduqaadir Cabdiraxmaan, afar askari oo kale ayaa ku dhaawacantay”.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in weli ay wadaan baaris ku aadan falkaasi, ayna dib ka shaacin doonaan natijada rasmiga ah, haddii uu soo dhamaado howlgalkooda.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray bulshada Laascaanood oo uu ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada Booliska, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah amniga iyo sidoo kale kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha ee kusoo badanaya deegaannada SSC-Khaatumo.

Kooxo hubeysan oo xildhibaan ku dilay magaalada Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay xildhibaan reer Koonfur Galbeed ahaa loogu gaystay  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaas oo ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo baxsaday.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay Xildhibaan Cabdiwahaab Daqare oo ka tirsanaa golaha deegaanka degmada Bardaale ee gobolka Baay, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xildhibaanka ayaa xilliga la tooganayay ku sugnaa goob aan ka fogeyn guri uu ka dagan yahay magaalada Baydhaba, waxaana u yimid rag hubeysan oo dilay, kadibna cararay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jirto natiijo ay gaareen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dilka xildhibaanka, wuxuuna tacsi u diray ehelladiisa, isaga oo marxuumka eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

“Innaa li laahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaan ugu tacsiyaynayaa Ehelka, Qaraabadda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha-u-naxaristee Abduhaab Mohamed Daqare oo Caawa Baydhabo gacan ka xaq daran ay ku dishay. Waxaan Alle uweydiinayaa in hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo Alle haidinka siiyo.” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Baydhabo ayaa waxaa dilal qorsheysan alaaba ka fuliya maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxayna horay magaaladaasi ugu dileen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, Baydhaba ayaa kamid ah magaalooyinka ay sidoo kale go’doomiyeen xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanada u dhow magaaladaasi.

Kenya oo ku dhowaaqday go’aan bahdil ku ah Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Kenya ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo lagu fududeynayo safarka muwaadiniinta Afrika, iyadoo inta badan dalalka qaaradda laga dhaafayo shuruudda Oggolaanshaha Safarka ee Elektaroonigga ah (eTA).

Sida ku cad siyaasadda dib-u-eegista lagu sameeyay, booqdayaasha ka imaanaya dalalka Afrika waxaa loo oggolaan doonaa inay Kenya joogaan muddo gaareysa laba bilood. Sidoo kale, muwaadiniinta Dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sii wadan doona joogitaanka lixda bilood ah, iyadoo la raacayo hab-maamuuska dhaqdhaqaaqa xorta ah ee EAC.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Liibiya ayaa laga saaray liiska ka-dhaafitaanka sababo lagu sheegay walaac dhanka ammaanka ah.

Isbeddelladan ayaa lagu sameeyay shirkii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirrada ee 2025-ka, kaas oo uu shir-guddoomiyay Madaxweyne William Ruto, kana dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Kakamega.

Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in hindisahani uu higsanayo in lagu horumariyo is-dhexgalka gobolka iyo in la fududeeyo safarka guud ahaan Afrika.

Waxay xoojiyeen in isbeddellada lagu sameeyay nidaamka eTA ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo taageeridda kobaca dalxiiska.

“Iyadoo qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo siyaasadaha hawada furan iyo kobaca dalxiiska, soo jeedin muhiim ah ayaa ah in laga dhaafo shuruudaha eTA dhammaan dalalka Afrika marka laga reebo Soomaaliya iyo Liibiya—sababo la xiriira walaacyada amni. Hindisahani wuxuu higsanayaa in lagu horumariyo is-dhexgalka gobolka iyo in la fududeeyo safarka guud ahaan qaaradda,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Golaha Wasiirrada.

Go’aanka Kenya ayaa bahdil iyo liiditaan ku ah Soomaaliya oo xubin ka ah ururka EAC, saxna ma ahan in Kenya ay kala soocdo xubnaha ururka.

Kenya ayaa marar badan oo ay Soomaaliya is-qabteen islamarkaana heshiisyo la gaaray waxaa mar walba ku jiray fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed, hase yeeshee Kenya marna ma fuliso.

Sidoo kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan Kenya kula xisaabtamin fulitaanka heshiisyada ay la gasho, inkasta oo dhankeeda ay ka fuliso qodobada Kenya sida fasaxa khaatka Keya ee yimaada Soomaaliya.

Nidaamka eTA, oo la hirgeliyay Janaayo 2024, ayaa ku waajibinaya dhammaan dadka u soo safraya Kenya, oo ay ku jiraan carruurta, inay helaan oggolaansho ka hor inta aysan u safrin Kenya. Oggolaanshuhu wuxuu ku kacayaa $30 (qiyaastii Sh3,880) waana mid loo isticmaalayo hal gelitaan, taasoo u oggolaaneysa joogitaan ilaa 90 maalmood ah.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale oggolaaday hirgelinta habka dedejinta eTA, taasoo u oggolaaneysa musaafuriinta inay si degdeg ah u helaan oggolaansho.  

Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa ka dhaaftay khidmadaha eTA safarrada ka imaanaya Botswana, Eswatini, Itoobiya, Gambia, Ghana, Lesotho, Malawi, Mauritius, Mozambique, Sierra Leone, Koonfur Afrika, Zambia, Comoros, Eritrea, iyo Jamhuuriyadda Congo, iyo kuwa kale.

 

Safarkii Axmed Madoobe ee Kenya oo khilaaf ka dhex-abuuray Villa Somalia – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in safarkii uu dhawaan ku tagay Kenya Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu khilaaf ka dhex abuuray Villa Somalia.

Ilo wareedyada ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay isku maandhaafeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud arirntan, iyadoo labadoodu ay ku kala aragti duwan yihiin tallaabada laga qaadayo Kenya, oo martigelisay Madoobe iyadoo aan oggolaansho laga haysan.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka kadib doorasho dadban oo muran dhalisay, taas- oo uu ku helay muddadiisii saddexaad, inkastoo Villa Somalia ay ku amartay in doorasho qof iyo cod ah la qabto. Xasan Sheekh ayaa doonaya in hoggaamiyeyaasha si toos ah loo soo doorto.

Si loo ciqaabo Kenya oo gabaad siisay Axmed Madoobe, Xamza ayaa la sheegay inuu doonayo in Soomaaliya ay mamnuucdo soo dejinta Qaadka (Miraa) ee Kenya, iyo in la eryo safiirka Kenya ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, xeeladdan ayaa waxaa diiday qaar ka mid ah xubnaha ku dhow Xasan Sheekh iyo madaxweynaha.

Xamza ayaa sidoo kale doonaya in safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle dib loogu yeero Soomaaliya, kadib markii Kenya ay fududeysay safarka Axmed Madoobe. Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh ayaa ka soo horjeeda tallaabooyinkaas, isagoo u arka inay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka Bulshada Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa xiriirkii laba geesoodka ah dib ula soo celisay Kenya sannadkii 2023-kii, ka dib markii Madaxweyne William Ruto uu xukunka la wareegay, waxaana tan iyo markaas ay qaadday cunaqabateyntii saarnayd ganacsiga Miraa. Laakiin Xamza ayaa aaminsan in cunaqabateyn noocaas ah, haddii la soo rogo, ay cadaadis ku saari doonto Kenya inay ka fogaato ‘faro-gelinta arrimaha gudaha’ ee Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday in hoggaanka Soomaaliya uusan heshiis ka gaarin sida looga jawaabayo falalka Kenya, taasoo niyad-jab iyo jahwareer ku ridday qaar badan oo ka mid ah madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo ka xun midnimo la’aanta iyo tallaabo la’aanta muuqata.

Xasan iyo Xamza labaduba waa ay ka soo horjeedaan Axmed Madoobe, kaasoo Muqdisho ay u jartay warqad xarig ah, kadib markii uu jebiyay xeerarka doorashada. Si kastaba ha ahaatee, Madoobe ayaa ku adkeysanaya in hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka ee hadda jira ay doonayaan inay muddo kororsi sameystaan, iyagoo hirgelinaya doorashooyin toos ah.

Xogta dabkii xalay ka kacay xarunta dambi baarista C.I.D

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dab xoogan oo xalay ka kacay dhismaha Xarunta Laanta Dambi baarista C.I.D, kaas oo si weyn looga dareemay caasimada.

Qoraalka booliska ayaa waxaa lagu sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, isla-markaana uu ka kacay qol kamid ah xarunta  C.I.D, balse lagu guuleystay in deg-deg loo damiyo, kadib markii ay gurmad meesha ku tageen gaadiidka dab-damiska.

Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in wax khasaare ah aanu gaysan dabkan, isla-markaana la xakameeyay kahor inta aanu ku fidin xafiisyada kale ee xarunta.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu Bulshada Caasimadda Dalka ee Muqdisho la wadaagayaa in wax khasaare Nafeed iyo mid Maal uusan geysan Dabkii ka dhashay Korontada ee Caawa ka kacay qol kamid ah qololka Ciidanka Ilaalada Xarunta Laanta Dambi baarista C.I.D” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Booliska

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa Ilaahay Mahaddii ah in Kooxda Dabdamisku oo ka howlgalay daminta Dabka ay ku guuleysteen”.

Dabkan ayaa intii uu socday saameyn ku yeeshay isku socodka isgoyska KM4 oo ay ku taalla xarunta, waana waddo mashquul badan oo ay dadweynuhu isticmaalaan.

Waxaa sidoo kale dabkan ka dhashay walaac xoogan, maadaama xarunta ay ku xiran yihiin eedeysanayaal ay soo qabteen ciidamada Booliska, kuwaas oo ku jira Xarinta C.I.D, laakiin booliska ayaa xaqiijiyay inay nabad qabaan dadkaasi, dabkana aanu gaysan khasaaro.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah

Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika (Africa Leadership Award), taas oo ay bixisay Africa House munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta ee Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Villa Somalia, abaalmarintan waxay muujinaysaa sida ay Africa House ugu qanacday horumarka ay Soomaaliya ku gaartay dib u dhiska hay’adaha, xasiloonida, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa ka jeediyey munaasabadda ayaa u mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Guulaha dowladda iyo dadaalka madaxweynaha

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Tani waxaa ka mid ah:

  1. Dayn-cafinta iyo HIPC Initiative: Soomaaliya waxay gaartay heerka dhammaadka (Completion Point) ee qorshaha dayn-cafinta ee HIPC Initiative bishii December 2023, taas oo fursad u siisay dowladda in ay maalgashi ku sameeyo mashruucyo horumarineed oo muhiim ah.
  2. Dib u dhiska ciidamada iyo xasiloonida: Dowladda waxay dib u dhisay ciidamada qalabka sida iyo hirgelisay qorshe lagu qaado cunaqabateynta hubka, taas oo ka caawisay xasiloonida gobollada.
  3. Ku biiritaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC): Soomaaliya waxay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkan, taas oo furanaysa fursado cusub oo ganacsi iyo iskaashi dhaqaale.

Caqabadaha iyo Fursadaha Soomaaliya

Inkastoo Soomaaliya ay horumar badan ku gaartay, haddana waxaa jira caqabado muhiim ah oo wajiga u tahay, sida colaadda, kala qaybsanaanta siyaasadeed, iyo saamaynta cimilada oo keentay abaaro iyo daadad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabadda ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay taageerada caalamka si loo xoojiyo xasiloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu saamaynta cimilada ugu badan, waxaana aan u baahanahay taageerada caalamka si aan u dhisno mustaqbal waara,” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Kenya exempts Africa from eTA, but Somalia left out

Nairobi, Kenya – In a move aimed at promoting regional integration and easing travel across Africa, Kenya’s Cabinet has announced new measures to simplify travel for African nationals, exempting most countries on the continent from the Electronic Travel Authorization (eTA) requirement.

However, due to ongoing security concerns, Somalia and Libya have been excluded from these exemptions.

Under the revised policy, visitors from African countries can stay in Kenya for up to two months. Nationals of the East African Community (EAC) member states, including Somalia, will continue to enjoy a six-month stay, in line with the EAC’s free movement protocols.

Despite this, Somalia’s exclusion from the eTA waiver has raised questions, particularly given its membership in the EAC and the close ties between the two nations.

The decision was made during the first Cabinet meeting in 2025, chaired by President William Ruto at the State Lodge in Kakamega. The Cabinet stated that the initiative aims to foster regional integration and boost tourism across the continent.

“As part of efforts to support open skies policies and tourism growth, a key proposal is to grant eTA exemptions to all African countries except Somalia and Libya—due to security concerns. This initiative aims to promote regional integration and ease travel across the continent,” read the Cabinet dispatch.

Somalia’s exclusion

Kenya has long cited security threats, including the presence of militant groups such as Al-Shabaab, as a reason for maintaining strict travel and border controls.

However, this decision will likely disappoint many Somalis, particularly those who frequently travel to Kenya for business, education, or medical purposes.

The eTA system, introduced in January 2024, requires all travelers, including children, to obtain prior approval before entering Kenya. The permit costs $30 (approximately Sh3,880) and is valid for a single entry, allowing a stay of up to 90 days.

This adds an extra layer of bureaucracy and cost to Somalis’ travel plans despite the historical and economic ties between the two nations.

Implications for Somalia-Kenya relations

Somalia’s exclusion from the eTA waiver could strain the already complex relationship between the two countries.

While Kenya has been a key partner in Somalia’s efforts to combat terrorism and stabilize its institutions, this decision may be perceived as a setback to bilateral relations.

Somalia’s membership in the EAC, which it joined in 2023, was seen as a step toward deeper regional integration. However, its exclusion from the eTA exemptions raises questions about the practical benefits of this membership for Somali citizens.

Other Reforms to the eTA System

In addition to the exemptions, the Cabinet approved several reforms to the eTA system, including introducing an expedited processing option that allows travelers to receive instant approval.

The standard processing time for eTAs will be capped at 72 hours, depending on operational capacity.

The government has also waived eTA fees for travelers from several African countries, including Botswana, Eswatini, Ethiopia, Gambia, Ghana, Lesotho, Malawi, Mauritius, Mozambique, Sierra Leone, South Africa, Zambia, Comoros, Eritrea, and the Republic of Congo.

Furthermore, implementing an Advanced Passenger Information/Passenger Name Record (API/PNR) system is expected to enhance pre-screening, bolster security, and streamline passenger processing at entry points.

Somalia’s Hassan Sheikh Mohamud awarded in Davos

0

Davos, Switzerland Africa House has awarded Somali President Hassan Sheikh Mohamud the Africa Leadership Award during a ceremony at the World Economic Forum in Davos, Switzerland.

The prestigious accolade recognizes his contributions to state-building, economic recovery, and the successful implementation of Somalia’s debt relief plan under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative, Villa Somalia announced in a statement.

The award highlights President Mohamud’s leadership in advancing governance reforms, rebuilding national institutions, and fostering stability in Somalia.

During the ceremony, the President dedicated the award to the Somali people, acknowledging their resilience and determination.

“This award is a recognition of the Somali people’s resilience, courage, and determination. I am deeply honored to receive it on behalf of the Somali people, to whom I dedicate this achievement,” President Mohamud said in his acceptance speech.

A decade of progress and challenges

Somalia has faced decades of conflict, political instability, and economic hardship. However, under President Mohamud’s leadership, the country has made significant strides in rebuilding its institutions and restoring its place in the international community.

One of the most notable achievements of his administration has been the successful implementation of the HIPC Initiative, which culminated in Somalia reaching the Completion Point in December 2023.

This milestone has unlocked substantial debt relief, enabling the government to redirect resources toward critical development projects, including infrastructure, healthcare, and education.

The HIPC Initiative has also restored Somalia’s access to international financing, fostering investor confidence and paving the way for economic growth. This progress is particularly significant for a country that has struggled with high levels of poverty and unemployment.

Security sector reforms and regional integration

In addition to economic recovery, President Mohamud’s administration has prioritized security sector reforms. The rebuilding of Somalia’s security forces and the implementation of a nationwide arms control program have improved stability in several regions.

These efforts have been complemented by Somalia’s recent accession to the East African Community (EAC), a regional bloc that promotes economic integration and cooperation. Membership in the EAC is expected to enhance trade, investment, and diplomatic ties between Somalia and its neighbors, further boosting the country’s economic prospects.

Despite these achievements, Somalia continues to face significant challenges, including insecurity, political fragmentation, and the impacts of climate change. Recurring droughts and floods have displaced millions, threatening livelihoods and food security.

In his engagements at Davos, President Mohamud emphasized the need for increased international support to address these challenges.

He called for funding for infrastructure projects, disaster preparedness, and sustainable development initiatives to build resilience and adapt to the impacts of climate change.

Somalia is one of the countries most vulnerable to climate change, and we need the international community’s support to build a sustainable future for our people,” President Mohamud said.

Global engagement and investment opportunities

President Mohamud’s participation in the World Economic Forum underscores Somalia’s commitment to strengthening international partnerships and attracting investment.

His engagements in Davos focused on showcasing Somalia’s progress and outlining plans for sustainable development in key sectors such as energy, agriculture, and telecommunications.

Somalia’s strategic location along the Indian Ocean and its untapped natural resources make it an attractive destination for foreign investment. However, challenges such as insecurity and political instability remain significant hurdles to sustained growth.

The Africa Leadership Award serves as a testament to Somalia’s progress under President Mohamud’s leadership and the resilience of its people. It also reflects the international community’s recognition of the country’s potential for growth and stability.

As Somalia continues its journey toward peace and prosperity, President Mohamud’s recognition in Davos reminds us of the country’s determination to overcome its challenges and reclaim its place on the global stage.

Puntland oo shaacisay tirada ciidan uga dhintay dagaalka Daacish iyo xogtii ugu dambeysay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kooxda Daacish, mid kamid ah dagaaladii ugu coslaa ayaa maanta dhacay, waxayna ciidamada Puntland kooxda ka xoreeyeen dhul badan.

Deegaan lagu magacaabo Tasjiic oo ku yaalla buuraha Calmiskaad ayuu dagaalkaasi ka dhacay, sida afhayeenka howlgalka ciribtirka Daacish ee Puntland Maxamuud Maxamed Axmed uu ku sheegay wareysi uu siiyey BBC.

Afhayeenka ayaa sheegay in Daacish badan ay ku dileen dagaalka dhul badana ay ka xoreeyeen, sidoo kale wuxuu qiray in ciidamada Puntland uu khasaare ka soo gaaray dagaalka.

Lix kamid ah ciidamada Puntland dhintay waxaa la kacday Miino ay Daacish la beegsatay gaari ay la socdeen.

“Annaga muhiimadeenu waxa weeye maxaa dhul laga qabsaday, maxaase khasaare la gaarsiiyey, annaga lix nin ayaa miino la kacday, intaas ayaa khasaare naga soo gaartay, laakiin iyaga dhowr iyo toban qof ayaa laga dilay, halkii ay fadhiyeenna ciidanka ayaa ka qabsaday” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Puntland.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in kooxda Daacish ay u dagaalamayaan xubno ajaanib ah oo aad u badan, kuwaas oo dalalkoodii uga soo haajiray dembiyo ay ka galeen.

“Ciidamada ku jira howlgalka la dagaalanka Daacish waxay ku guuleysteen inay xoreeyaan dhul ka badan 250 KM, saldhigyo ilaa 40 ah ayaa laga qabsaday cadowga, marka dagaalku waa socdaa, aag cusub ayuu hadda ka bilowday, laakiin aagagii hore guulo badan ayaa laga gaaray, khasaare badana waa la gaarsiiyey,” ayuu wareysigaan ku sheegay Jeneraal Faadhigo.

Wuxuu sheegay in Puntland uu ku soo duulay cadow caalami ah, kuwaas oo adduunka oo dhan dhibatooyin badan ka gaystay, isla markaana ay go’aansadeen in toos looga ciribtiro deegaanada Puntland oo hadda ay uga jiraan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ka sagootiyey ciidamo ku soo dhaawacmay dagaalka Buuraha Calmiskaad ka socda.

“Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira difaaca iyo Hawlgalada Argagixisada looga sifeynayo Puntland, isaga oo ka tacsiyeeyay intii ku shahiiday hawlgalada socda, inta dhaawacantayna Allaah uga baryay in uu u boogga dhayo,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland ka soo baxay.

Puntland ayaa sameysay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, kuwaas oo Deni u xilsaaray inay ka jawaabaan baahiyaha caafimaad iyo wixii kale ee taakulo ah ee ay u baahdaan ciidamada dagaalka kula jira argagixisada.

 

60 qof ka badan oo Ankara ku dhimatay kadib ‘arrin musiibo ah’ oo ka dhacday goob dalxiis

Ankara (Caasimada Online) – Dab ayaa qabsaday hotel ku yaalla goobta loo dalxiis tago ee Kartalkaya ee waqooyi galbeed dalka Turkiga Talaadadii maanta, waxaana ku dhintay 66 qof, 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalka Turkiga.

Dabka ka kacay hotelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq, kaas oo ka samaysan alwaax, ayaa bilowday 3:27 subaxnimo ee saacadda gudaha, ayuu Cali Yerlikaya ku yirri barta X.

Telefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen kadib markii ay ka boodeen daaqadaha hoteelka.

Goobtan dalxiiska ayaa ku taalla meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Turkiga ee Ankara.

Dabka oo la rumeysan yahay inuu ka kacay maqaayadda hoteelka saqdii dhexe ee xalay ayaa si degdeg ah u fiday. Ilaa hadda ma cadda waxa sababay.

Muuqaalo laga soo duubay oo uu baahiyay telefiishanka NTV ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo cirka isku shareeray oo daboolay buur baraf oo hoteelka gadaashiisa ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 237 qof ay ku sugnaayeen hoteelka.

Kuwa la daadgureeyay ayaa dib loo dajiyay hoteello u dhowaa.

Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa sheegay in lix xeer ilaaliye loo qoondeeyay inay baaraan dabka.

Caawa ayaa la filayaa in ay halkaasi tagaan Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha iyo Dhaqanka, si xaaladaan musiibada ah ay ugu kuurgalaan.

Xamza oo Muqdisho ku qaabilay wasiir ka socota Finland – Maxay ka wadahadleen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Finland, Ms Mari Rantanen, oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirrada lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Finland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha gudaha Finland ayaa si gaar ah hoosta uga xariiqay muhiimadda iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo wasiirkaan ka socotay Finland warbixin ka siiyey xaaladda dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar dhanka amniga ah, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah oo ay ka gaartay guullo waaweyn.

Sidoo kale Xamsa ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay bishan billowday inay door muhiim ah ka cayaarto amniga dunida, kadib markii ay xubin ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Finland ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, halka dalkaan uu ka soo kabanayo burburkii u horseeday in dunida uu caawinaad weydiisto.

Arrimaha argagixisada ayaa dunida oo dhan waajib ku ah inay iska kaashato, Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada qibradda ugu dheer u leh argagixisada, maadaama ay ka dagaalamaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa aad u doon doonta in dunidu ka caawiso dagaalka ay kula jirto argagixisada oo u baahan taageero militeri, mid dhaqaale iyo mid qibradeed intaba.

Cali Jayte oo Beledweyne ku laabtay kadibna ku dhaartay…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, haddane ah hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleyda ayaa muddo kadib maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, isaga oo muddooyinkan safaro dibadda ku maqnaa, sidoo kalena soo maray magaalada Muqdisho.

Cali Jayte oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in soo laabashadiisa ay la xiriirto dib boor uga jafida dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Aniga waxaan u imid nimankaas shayaadiinta ah ee aad moodo inay ahayn gob oo xittaa dagaalkooda ahayn dagaal gobeed waxaa ka buuxsamay baadilkii hadda waaba u dhamaatay godadka ayay ku jiraan,” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu digniin u diray dadka shacabka ah ee ku sugan meelaha ay joogaan Al-Shabaab, isaga oo ku dhaartay inuu gantaallo ku dhafanayo, haddii aanay ka fogaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab.

“Walaahi Bilaahi Talaahi waan dhaartay qofkasta oo ku nool meel ay Al-Shabaab joogaan gantaal ayaan ku dhufanayaa, iyaga iyo Shabaab waa isla mid ” ayuu mar kale yiri Jayte.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyayWaa idin digeynaa hadii kale iyaga la guura meesha ay galaan la aada ama ka fogaad”.

Hiiraan ayaa waxaa hadda ka socda qorshe dib loogu abaabulayo kacdoonkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, si loolaba jibaaro howlgallada xoreynta ee ka socda gobolkaasi.

DF oo soo saartay go’aan ka duwan midkii ay shirkadaha diyaaradaha ku dhowaaqeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa meesha ka saartay go’aankii ay shirkadaha diyaaradaha ku sheegeeen in aysan jiri doonin duulimaadyadii gudaha.

Shirkadaha diyaaradaha oo go’aankooda ku saleeyay cabashooyin ay sheegeen inay ka tirsanayaan dowladda, gaar ahaan wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka ayey goordhoweyd waxba kama jiraan ku tilmaamtay dowladda.

“Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyada oo ka duulaysa bedqabka, habsami usocodka duulimaadyada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee safraya, ayeey waxay u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed in howlaha safarada gudaha iyo dibadda ay caadigoodii u socon doonaan beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 22/01/2025,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda duulista rayidka.

Hay’adda ayaa sheegtay in shirkadaha diyaaradaha ay ku kaceen tacadiyo ka dhan ah rakaabka, kadib marka ay marar badan dhacday in rakaabka lasoo xareeyo iyada oo aysan diyaarad joogin, ayna dhowr jeer dib u dhacyo ku keeneen dadkii safrayay.

Arrintan oo dhibaato badan ku haysay shacabka Soomaaliyeed ee u safraya gudaha dalka ayey sheegtay hay’adda duulista rayidka inay amartay in aan Counter-ka loo furi karin shirkadaha aysan diyaaradaha u joogin.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay shirkadaha diyaaradaha ka gacansiiyaan in ay si waafaqsan sharciga u gutaan shaqadooda una adeegaan shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) iyada oo ka duulaysa bedqabka, habsami usocodka duulimaadyada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyeed ee safraya, ayeey HDRS waxa ay u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed in howlaha safarada gudaha iyo dibadda ay caadigoodii u socon doonaan beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 22/01/2025.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa markasta waajib ka saaranyahay in ay daboosho baahida shacabka safraya dal iyo dibad.

Hadaba, Hay’addu Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxa ay ka digaysaa wararka ay shaqsiyaadka ku faafiyeen baraha bulshada kuwaasoo lagu sheegayo inay safarada gudaha carqalad ku imaan doonto berito 22/01/2025, iyada oo go’aankaasi uu yimid kadib markii ay:

1. HDRS iyo Maamulka Garoonka Aadan Cadde soo saareen amar saameeynaya shirkadaha aan diyaaraduhu ujoogin kuwaas oo marka ay rakaab soo xareeyaan ay kadhalatay tacadi baaxad leh oo sababay cabashooyin xad dhaaf ah (fadlan eeg lifaaqa).

2. HDRS waxa ay baaritaan kusameeysay diyaaradaha gudaha kuwaas oo ay ka heshay arimo saamay ku yeelan kara badqabka rakaabka raacaya ayna Hay’addu ku amartay in aanay duulimaad samayn karin inta dayactir rasmi ah oo sharciga waafaqsan looga sameeynayo.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay shirkadaha diyaaradaha ka gacansiiyaan in ay si waafaqsan sharciga u gutaan shaqadooda una adeegaan shacabka.

Jubaland oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta GEDO

0

Doolow (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee gobolka Gedo oo indhawaanahan ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo maamulkaasi iyo dowladda federaalka.

Jubbaland oo maanta qaaday tallaabo la xiriirta gobolka Gedo ayaa iclaamisay shirweyne looga hadlayo xaaladda gobolkaasi, si looga tashado xiisada ka taagan.

Wafdiga Jubbaland ee ku sugan Doolow isla markaana uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulkaasi ayaa sheegay inay isku raaceen in la qabto shirweynahaasi, iyaga oo tilmaamay in looga arrinsanayo xaaladda soo noq noqotay ee gobolka.

“Waxaa lagama maarmaan noqotay in wafdiga Jubbaland ee gobolka ku sugan ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan in lagama maarmaan ay tahay in la iskuugu yimaado gobolka wadatashi guud oo looga tashanayo xaaladda gobolka Gedo ku sugan yahay taas oo soo noq noqotay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sida lagu sheegay qoraalka shirka ayaa 15-ka bisha 4-aad ee sanadkan ka dhacaya degmada Garbahaarey, iyada oo ujeedada lagu sheegay midnimada reer Gedo.

“Sidaa aawgeed wafdiga wuxuu isku raacay in la qabtao shirweyne wadatashi oo looga hortagayo khataraha jiro, laguna gogol xaarayo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha dadka reer Jubbaland, shirkaas oo loo qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Garbahaarey taariikhdu marka ay tahay 15/04/2025”. ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa ka hadashay xayiraadda ay dowladdu saartay garoomada gobolka Gedo, iyada oo maamulka hawada ugu baaqday inay furaan garoomadaasi, si loogu adeego shacabka.

“Waxaan ku baaqeynaa in maamulka hawada Soomaaliya ay si deg-deg ah u furaan garoomada, si loogu fuliyo adeegyada bulshada oo uu kamid yahay garoonka degmada Doolow” ayaa lasii raaciyay warqadda.

Villa Somalia oo shaacisay abaal-marin sare oo Xasan lagu guddoonsiinayo DAVOS

0

Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa la guddoonsiin doona abaalmarinta hoggaaminta madaxweynimo ee Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Davos u jooga ka qeyb-galka shirweynaha dhaqaalaha Adduunka ayaa la siin doona abaalmarinta oo loo yaqaano Africa Presidential Leadership Award, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Billadan ayey Madaxtooyada sheegtay inuu madaxweynaha ku mutay dadaalkiisa hoggaamineed ee u hiilinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Xasan ayaa inta uu socdo shirka uga qeyb-galay Davos ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa isdul taagi doona kobaca dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan horumarka waara, iyada oo sare loo qaadayo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka muhiimka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shirar doceedyo la yeelan doona hoggaamiyeyaasha caalamka iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee shirka ka qayb-galaya.

Ujeedka kulamadan ayey Madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay kuwo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dalalkaasi, laguna dhiirri-gelinayo maalgashiga Soomaaliya.




NISA oo soo saartay digniin culus oo ku socoto 3 dhinac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo maanta soo saartay warsaxaafadeed ayaa digniin culus u dirtay saddex dhinac oo kamid ah bulshada, iyada oo uga digtay inay la xiriiraan kooxda Al-Shabaab ama lacago ay siyaan.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in hay’addu ay la socoto dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta, isla-arkaana ay ganacsatada, dallaaliinta iyo darawallada gaadiidka uga digeyso maalgelinta argagixisada iyo bixinta baadda ay Zakawaat-ka ugu magac dareen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in saddexdan dhinac ay ku howlan yihiin bixinta Zakawaadka ay qaadaan Al-Shabaab, laakiin loo dirayo digniin kama dambeys ah.

“Iyada oo la tixraacayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee 4-tii Diseembar 2024, kuna saabsan joojinta maalgelinta argagixisada, waxa ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, digniin adag u direysaa ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka ee isku daya in ay u dhego-nuglaadaan baadda Khawaarijta.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxa ay NISA intaasi kusii dartay in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.

Hay’adda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay u taagan tahay ilaalinta hantida iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, iyada oo dalbatay in lala shaqeeyo.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagu boorinayaa muwaadiniinta in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga.” ayaa lasii raaciyay.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay in ay xirtay Akoono ay leedahay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale gacanta ku soo dhigtay ganacsato lagu eedeeyey la shaqeyn Al-Shabaab.