26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Xog: DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah safarka uu Axmed Madoobe ku tegay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay u yeertay safiirka Kenya ee Muqdisho kadib markii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) uu ka degay magaalada Nairobi isagoo saaran diyaarad gaar ah. 

Sida aan xog ku helnay, dowladda ayaa safiirka u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarka Axmed Madoobe, oo ay aad uga carootay. 

Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Warqad loo gudbiyay Safiirka looga dalbaday inuu muddo kooban jawaab ku soo bandhigo oo ku saabsan “Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo maxkamad ay dacwad ku soo oogtay,” sida lagu yiri warqada cabashad ah.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee dibedda ah ee uu galo tan iyo markii dib loogu doortay hoggaanka Jubaland, natiijadaas ay diiday in ay aqoonsato dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in haddii aanay Kenya jawaab lagu qanco bixin ay horseedi doonto in mar kale uu xumaado xiriirka Nairobi iyo Muqdisho, ayada oo dowladda federaalka ay qaadi doonto tallaabooyin jawaab ah.

Dhinaca kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Axmed Madoobe uu la kulmi doono safiirrada beesha caalamka ee Kenya si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee saameynaya Soomaaliya.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa ah khilaafka socda ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, kulamada ayaa la filayaa in lagu soo qaado wararka ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ka socda dowlad goboleedka Jubaland.

Xogta aan helnaya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ka dib marka uu soo gaba-gabeeyo kulamadiisa Kenya, uu Axmed qorsheynayo inuu u safro Imaaraadka Carabta isagoo ku tegaya booqasho rasmi ah.

Safarka dibedda ee Axmed ayaa loo arkaa isku day lagu raadinayo taageero uga timaada daneeyayaasha dibadda iyadoo ay jirto caqabadaha gudaha ka jira.

Wadahadalladiisa Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka socda iyo horumarinta Jubaland.

Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya muran ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo dib-u-habeynta doorashada.

Dib-u-doorashadii Axmed ayaa waxaa ka horyimid dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay dagaalkii Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

DF Soomaaliya iyo Puntland oo isku qabtay arrin xasaasi ah – Maxaa soo kordhay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa haatan yeelatay weji cusub, kadib tallaabo horleh oo ay qaaday dowladda dhexe, taas oo la xiriirta maamulka fadhigiisu yahay Garoowe.

Arrinta cusub ee soo korortay ayaa la xiriirta gargaar ay Hay’adda SoDMA u dirtay Puntland, kaas oo loogu talagalay illaa saddex kun oo qoys oo ku dhaqan maamulkaasi.

“Gargaar bani’aadannimo oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys oo ay saamaayeen abaaraha iyo calaadaha ayaan maanta u dirnay degaanno ka tirsan maamulka Puntland” ayuu yiri guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gargaaran ay ku wareejiyeen mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeedo Puntland, si loo gaarsiiyo shacabkii loogu talagalay.

“Gargaargaan oo dhulka mari doona ayaan ku wareejiyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale Puntland oo si dhaqsi leh uga soo jawaabtay arrintan ayaa ka hortimid tallaabada ay qaaday Hay’adda SoDMA ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka gagaarka Puntland Marwo Ubax Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in aan deegaanada maamulkaas la keeni karin wax gargaar ah haddii aan lasoo marsiin maamulkooda, waxayna sheegtay in xuduudahooda aanu soo gaari gaari karin gargaarkaasi.

”Gargaar aan la soo marin Puntland kama soo degi karo xuduudkeeda, bada iyo hawada Puntlnad” ayay ku jawaabtay Wasiir Ubax Cabdirashiid.

Puntland iyo dowladda dhexe ayaa horay isugu hayay arrimaha siyaasadda, haddase wuxuu khilaafkooda galay dhinaca bani’aadanimada oo horay looga digay in la siyaasadeeyo.

Daawo: HUB loo waday Al-Shabaab oo la qabtay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo ay si wadajir u sameeyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Howlgalka oo ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu soo qabtay hub iyo gaari ku socday dhanka kooxda Al-Shabaab, sida uu shaaciyay taliyaha guutada 5-aad, qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay).

Taliyaha oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in hubka ay gacanta ku dhigeen uu yahay 13 qoray oo AK47, loo =na waday Al-Shabaab, laakiin ay iyagu dhex ka qabteen.

“Waxa gadaasheyda safan waa qoryo laga soo qabtay argagixisada, gaarigaan ayaa lagu siday, waana cusub yahay baabuurka iyo qoryaha saaran” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xogta gaarigan ay hayeen, kadibna ay u howlgaleen sidii loo qaban lahaa kuna guuleysteen, kahor inta aanu gaarin Al-Shabaab.

“Muddo laba maalmood ah ayaan haynay xogta hubkan, uuna yahay hub u gudbaayo argagixisada, kadibna gacanta ayaa lagu soo dhigay” ayuu sii raaciyay taliye Baakaay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu baxsaday wadihii gaariga, laakiin ay la wareegeen hubka iyo baabuurka lagu waday.

“Saacaan kadib waxa hubkan la wareegay dowladda Soomaaliya awaamiirta lagu soo qabtay annaga ayaa bixinay, waxa uu u socday waxa ay ahayd argagixisada” ayuu raaciyay.

 

Xamza oo tallaabo cusub u qaaday garsoorka dalka xilli aad looga deyrinayay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah.

Dhismaha xarunta cusub ee garsoorka dalka ayaa la jaan-qaadeysa hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hey’addaha garsoorka dalka.

Tallaabadan ayaa wuxuuu ku tilmaamay mid weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hey’addaha caddaaladda dalka.

“Hirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis la’aan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa u intaas kusio daray “Tan waxay maanta ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.”

Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha garsoorka dalka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, wasiirka caddaaladda iyo dastuurka, xeer ilaaliyaha qaranka, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, guddoomiyaha racfaanka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hey’addaha caddaaladda dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Qorshaha Axmed Madoobe ee Nairobi iyo dalka ku xiga ee uu booqan doono – Xog

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa Sabtidii shalay ka degay magaalada Nairobi isagoo saaran diyaarad gaar ah.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee dibedda ah ee uu galo tan iyo markii dib loogu doortay hoggaanka Jubaland, natiijo ay diiday in ay aqoonsato dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed uu la kulmi doono safiirrada beesha caalamka ee Kenya si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee saameynaya Soomaaliya.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa ah khilaafka socda ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, kulamada ayaa la filayaa in lagu soo qaado wararka ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ka socda dowlad goboleedka Jubaland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ka dib marka uu soo gaba-gabeeyo kulamadiisa Kenya, uu Axmed qorsheynayo inuu u safro Imaaraadka Carabta isagoo ku tegaya booqasho rasmi ah.

Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya muran ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo dib-u-habeynta doorashada.

Dib-u-doorashadii Axmed ayaa waxaa ka horyimid dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay dagaalkii Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Dowladda federaalka ayaa ku baaqeysay in la hirgeliyo nidaam doorasho oo mideysan oo ku saleysan hal qof, hal cod oo ka dhacda guud ahaan Soomaaliya.

Hase yeeshee, Jubaland iyo Puntland oo ah maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa diiday soo jeedintan sababo la xiriira walaac amni iyo caqabado dhanka saadka ah.

Khilaafyadan ayaa abuuray xiisado aad u daran, iyadoo dowladda federaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Axmed kadib dib-u-doorashadiisii sanadkii hore, taasoo aan raacin hannaanka doorashada hal qof, hal cod.

Guushiisa sidoo kale ma aysan aqoonsan dowladda federaalka ee Muqdisho.

Safarka dibedda ee Axmed ayaa loo arkaa isku day lagu raadinayo taageero uga timaada daneeyayaasha dibadda iyadoo ay jirto caqabadaha gudaha ka jira.

Wadahadalladiisa Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka socda iyo horumarinta Jubaland.

Natiijooyinka ka soo baxa wada-hadallada Axmed la yeelanayo daneeyayaasha caalamka ayaa si dhow loola socon doonaa awoodda ay u leeyihiin in ay xalliyaan is-mari-waaga siyaasadeed ee taagan.

 

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed xalay ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan magaaladaasi.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Garsoor, waxaana uu daba socday colaadda indhowaanahaan ka taagnayd galbeedka gobolka Mudug

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo sidoo kale habeenimo ay barakac sameeyeen dadka deegaanka.

Is-raaseynta oo muddo socotay kadib ayaa waxaa ku baxay ciidamada ammaanka ee maamullada Galmudug iyo Puntland oo kala dhex-galay maleeshiyaadka labada beelood, waxayna ku guuleysteen inay joojiyaan dagaalka, ayna damiyaan xiisadda.

Sidoo kale waxaa haatan waxgaradka deegaanka oo baaq deg-deg ah kasoo saaray colaaddan ayaa dalbaday in dagaalka la joojiyo wax welibana lagu dhameeyo wada-hadal.

Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale waxa ku taliyeen in shuruud la’aan lagu aqbalo go’aannada nabadeed ee la gaaro, si meesha looga saaro xiisadda taagan.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa weli kacsan, waxaana lag dareemayaa saameynta dagaalkii xalay ka dhacay gudaha magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Mudug.

Jubaland leader’s visit sparks Somalia-Kenya tensions

NAIROBI, Kenya – Somalia summoned Kenya’s ambassador to Mogadishu on Saturday following a contentious private flight the same day carrying Jubaland’s regional president, Ahmed Mohamed Islam, commonly known as “Madobe,” to Nairobi, escalating tensions between the two East African nations.

The move signals a potential deterioration of relations between the neighboring countries, already strained by political disagreements and border disputes.

The Somali federal government lodged a formal complaint with the Kenyan envoy on Saturday, expressing strong disapproval of Madobe’s unauthorized flight, which it alleges violated Somali airspace.

Sources within the Somali Ministry of Foreign Affairs revealed that the complaint demands an explanation within a specified timeframe regarding the “illegal action by a Kenyan aircraft that violated Somali airspace, turned off its radar, and transported an accused individual who is facing charges in a court of law.”

The flight marks Madobe’s first international trip since his controversial re-election in November 2024, a result vehemently rejected by the Somali federal government.

The disputed election and its aftermath have been a significant source of friction between Mogadishu and the Jubaland administration.

Kenya’s response crtical

According to Somali government sources, Kenya’s failure to explain the incident satisfactorily could lead to a further breakdown in relations and prompt retaliatory measures from Mogadishu.

The nature of these potential measures remains unclear, but they could range from diplomatic sanctions to increased border restrictions. This could negatively affect cross-border trade.

Reports indicate that Madobe is scheduled to meet with ambassadors from the international community in Kenya while in Nairobi. These discussions will focus on the ongoing political impasse between Jubaland and the Somali federal government.

Furthermore, the meetings will likely address reports concerning development projects underway in Jubaland.

Following his engagements in Kenya, Madobe reportedly plans to travel to the United Arab Emirates (UAE) on an official visit.

This sequence of visits underscores Madobe’s efforts to garner international backing amidst ongoing domestic challenges, including the federal government’s refusal to recognize his re-election.

Jubaland-Federal tensions

The strained relationship between Jubaland and the Somali federal government stems from disputes over constitutional amendments and electoral reforms.

The disputed re-election of Madobe saw the federal government not acknowledge the election results. This later led to the battle of Raaskambooni between Somali forces and Jubaland forces.

Regional Implications

The escalating tension between Somalia and Kenya has broader regional implications. The two countries share a porous border and have historically cooperated on security issues, particularly in combating the Al-Shabaab militant group.

A relationship breakdown could undermine these efforts and destabilize the fragile Horn of Africa region. Kenya has been a key player in the African Union Mission in Somalia (AUSSOM, a regional peacekeeping force supporting the Somali government’s fight against Al-Shabaab.

Jubaland, one of Somalia’s five federal member states, holds strategic importance due to its shared border with Kenya and its access to the Indian Ocean.

The region has been a focal point in the fight against Al-Shabaab. It serves as a buffer zone for Kenya against militant group activities. The region’s port city of Kismayo is a key asset vital for trade and commerce.

Ahmed Madobe, a former Islamic Courts Union (ICU) member and a key figure in Somali politics, has led Jubaland since its establishment in 2013.

He previously served as a governor of Kismayo under the ICU. His administration has faced accusations of authoritarianism and human rights abuses, allegations he denies.

Sidee Trump ugu qasbay Netanyahu heshiis Xamas oo uu diidanaa sanad ka badan?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu qasbay inuu aqbalo heshiiska xabad-joojinta Gaza ee lala galay ururka Xamaas kadib cadaadis ka yimid koox uu soo magacaabay madaxweynaha maanta xilka la wareegaya ee Maraykanka, sida ay sheegayaan warbixinno.

Ergeyga Bariga Dhexe ee Trumo, Steve Witkoff, ayaa kulamo “xiisad leh” la qaatay Netanyahu gudaha Israa’iil ka dib markii uu ka qeyb galay wadahadallo xabbad joojin ah oo ka dhacay Doha, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah, waxaana kulamadaasi ay fure u ahaayeen horumarka dhowaan laga gaaray heshiiska laga wada-hadlayey muddo 15 bilood ah.

Witkoff iyo kooxdiisu wax badan ayay ku “qanciyeen” Netanyahu inuu aqbalo heshiiska, marka loo eego maamulka Joe Biden ee baxaya intii lagu jiray 15-kii bilood ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil Carab ah.

“Heshiis waxaa la gaari lahaa waqti hore, laakiin labada dhinacba waxay horseedeen in wadahadalladu burburaan waqtiyo kala duwan,” ayuu sarkaal Carbeed u sheegay wargeyska The Times of Israel.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa la sheegay inuu doonayey xabad-joojin ka dhaqangasha Gaza ka hor caleema-saarkiisa ee maanta oo ah 20-ka Janaayo, wuxuuna u diray Witkoff Qadar iyo Israa’iil si uu ugu cadaadiyo Netanyahu inuu aqbalo tanaasulaadka loo baahan yahay si heshiis loola gaaro Xamaas.

Israa’iil ayaa marar badan hor istaagtay heshiisyo xabbad joojin ah oo hore iyadoo dalbatay shuruudo aan macquul ahayn. Saraakiisha Carabta ayaa diiday eedeyntii soo noqnoqotay ee Washington ee ahayd in Xamaas ay mas’uul ka ahayd guuldarada heshiis xabbad joojin ah oo hore, iyagoo sheegay in eedda ay dusha ka saaran tahay Israa’iil.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulanka Witkoff iyo Netanyahu ayaa muujinaya hab dhaqan adag oo saraakiisha Trump ay ula dhaqmayaan hogaamiyaha Israa’iil marka loo eego maamulka Biden, inkastoo la sheegay in ra’iisul wasaaraha la siiyay dhowr waxyaabood oo dhiirigelin ah si loo macaaneyo heshiiska, oo ay ku jirto ballaarinta deegaameynta Daanta Galbeed ee la haysto.

Netanyahu ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu diido kulanka isagoo ku andacoonaya inay ahayd maalin Sabti ah, marmarsiiyadaas uu Witkoff si degdeg ah u beeniyay, isagoo tilmaamay inuu haysto xubno Yuhuud ah oo kooxdiisa ka mid ah oo diyaar u ah inay shaqeeyaan maalinta nasashada Israel.

“Witkoff ma ahan diblomaasi. Uma hadlo sida diblomaasi, dan kama lahan anshaxa diblomaasiyadeed iyo hab-maamuuska diblomaasiyadeed,” ayuu qof xog-ogaal ahi u sheegay wargeyska Haaretz.

“Waa ganacsade doonaya inuu si degdeg ah heshiis u gaaro, si aan caadi ahayn ayuuna hore ugu socdaa.”

Inkastoo Trump loo arko inuu yahay madaxweynihii “ugu taageerada badnaa Israa’iil” taariikhda Maraykanka, haddana xiriir xun ayuu la leeyahay Netanyahu, gaar ahaan ka dib markii Israa’iil ay aqoonsatay guushii doorashada Joe Biden ee 2020-kii.

Toddobaadkii hore, Trump ayaa share gareeyey muuqaal ku tilmaamaya Netanyahu inuu yahay “madow, shar badan yahay”.

Somalia: Election plan ignites firestorm

MOGADISHU, Somalia – The Somali government remains firm in its determination to implement a one-person, one-vote election system despite fierce resistance from various political factions in the historically turbulent Horn of Africa nation.

Justice and Constitutional Affairs Minister Hassan Moalim has declared the plan unstoppable, signaling the potential for a heated political clash as the country navigates its path toward democratic reform.

During a recent event in Mogadishu, Moalim, a prominent member of President Hassan Sheikh Mohamud’s administration, dismissed the opposition to the proposal. He described the shift to a direct voting system as inevitable, emphasizing its potential to empower citizens and promote government accountability.

“Introducing one-person, one-vote elections in this country is an idea whose time has come, and no one can stand in its way,” Moalim stated emphatically.

Direct elections: A divisive proposal

The proposed direct voting system dramatically shifts from Somalia’s current indirect electoral process. Under the existing 4.5 model, clan elders select delegates who then elect members of parliament, who, in turn, choose the president.

The government considers this change necessary, asserting it aligns with the provisional constitution.

However, the plan has met significant opposition from political rivals and some federal member states. Critics argue that the nation’s fragile security and political landscape make it ill-equipped to hold nationwide direct elections.

Opposition and warnings of instability

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, a former president and a key opposition leader who may run in the next presidential election, has warned that pursuing direct elections could destabilize the country further.

Ahmed, who led the Transitional Federal Government between 2009 and 2012, recently voiced his concerns, saying, “Unfortunately, there is talk of a one-person, one-vote election while the unity of the country is at risk.”

He also pointed out the absence of key stakeholders—namely Puntland and Jubaland—from critical national discussions, as well as the separate status of Somaliland. This region declared independence in 1991 but remains unrecognized internationally.

The administrations of Puntland and Jubaland have consistently opposed the federal government’s electoral strategy. Leaders of both states—Said Abdullahi Deni of Puntland and Ahmed Mohamed Islam, commonly known as Ahmed Madobe of Jubaland—have advocated for the continuation of the clan-based system, at least temporarily.

Both states have clashed with the federal government, reflecting deeper political tensions. Meanwhile, Somaliland, a self-declared independent region, remains entirely outside Somalia’s political framework.

Somalia’s ongoing struggle for democracy

Since gaining independence in 1960, Somalia has faced immense challenges in establishing a stable democratic system. Its history is marred by military rule, civil war, and the persistent threat of Al-Shabaab, a militant group linked to Al-Qaeda.

The last direct elections in the country took place in 1969, shortly before a coup ushered in the regime of dictator Siad Barre.

Critics of the proposed one-person, one-vote model cite significant security and logistical hurdles.

Al-Shabaab maintains control over large portions of southern and central Somalia, raising doubts about the feasibility of conducting elections in those areas—furthermore, the absence of a reliable voter registry and the lack of necessary infrastructure compound the challenges.

As Somalia attempts to navigate a delicate political transition and build a more stable democratic future, the debate over its electoral system remains a pivotal issue.

While international partners, including the United Nations, broadly support the idea of direct elections, they emphasize the importance of achieving consensus among Somali stakeholders.

Howlgalka musaafurinta Trump oo bilaabanaya Talaadada iyo magaalada uu ka bilaabnayo

Chicago (Caasimada Online) – Howlgallada lagu soo qabqabanayo iyo masaafurinta muhaajiriinta ugu nool Mareykanka sida sharci darrada ah ayaa lagu wadaa inay bilaabato maalinta ugu horeysa ee uu si buuxda xukunka ula wareego madaxwaynaha cusub Donold Trump, sida ay ku warantay warbaahinta Mareykanka.

Hawlgalada uu ku hanjabay Donald Trump oo loogu magacaabo “tsarka ” Tom Homan – ayaa laga yaabaa inay ka bilaabmaan galinka hore ee Talaadada magaalada Chicago, oo ah magaalo ay ku nool yihiin muhaajiriin badan, , waxaa sidaas qoray wargeysyada New York Times iyo Wall Street Journal.

Trump ayaa sheegay in uu dusha kala socon doono barnaamijka masaafurintii ugu weynayd taariikhda Mareykanka.

Wareysi uu siiyay Fox News toddobaadkan, Homan wuxuu ballan qaaday “howlgal weyn”oo laga fulin doono dalka oo dhan.

Waxa uu horay u sheegay in Chicago ay noqon doonto meesha ay ka dhici doonto xuddunta musaafurinta ugu badan.

Hay’adda Socdaalka iyo Kastamku (ICE) waxay tarxiishaa soogalootiga sharci-darrada ee Mareykanka ku sugan. Si kastaba ha ahaatee, howlgalka la filayo in uu bilaabmo ka dib caleema-saarka Trump ee isniinta ayaa la filayaa in lagu bartilmaameedsado waxa loogu yeero “magaalooyinka ” aan la yeelan wada-shaqeynta saraakiisha socdaalka ee federaalka.

Magaalooyiinka Chicago, New York City iyo Los Angeles waxay ka mid yihiin goobaha magaalooyinka Mareykanka ee qaatay siyaasadaha “inay ka hor yimaadaan go’aanka federaalka”.

“Janaayo 21-keeda, waxaad magaaladaada ku arki doontaa wakiillo badan oo ka socda laanta socdaalka ee ICE oo ku raad-jooga dambiilayaal iyo xubno burcad ah, . “Ku xisaabtan tani way dhici doontaa,” Homan ayaa sidaa ku sheegay shir Jamhuuriga ay yeesheen oo ka dhacay Chicago bishii hore.

New York, Los Angeles, Denver iyo Miami ayaa sidoo kale lagu wadaa in lala beegsado howlgaladan, sida uu baahiyay wargayska Wall Street Journal , isagoo xiganaya ilo aan la magacaabin oo aqoon u leh qorshahani.

Intii uu xilka hayay Madaxweynaha Dimuqraadiga ah Joe Biden, waaxda socdaalka guud ahaan waxay mudnaan siisay qabashada soogalootiga sharci darrada ah kuwaas oo ahaa dambiilayaal halis ah, kana soo gudbay xadka dhawaan ama khatar ku ahaa amniga qaranka.

Halka kooxda Trump ay ka dhawaajisay in ay ka bilaaban doonto muhaajiriinta dambiyada galay, dhammaan muhaajiriinta sharci darrada ah – oo ay ku jiraan kuwa ku noolaa oo ka shaqeynayay Mareykanka sannado badan oo aan lahayn taariikh dembi – waxay u badan tahay in la xiro oo la tarxiilo.

Howlgalka ay fulinayaan saraakiisha socdaalka ee goobaha dhismayaasha ee inta badan ay ka shaqeeyaan muhaajiriinta aan sharciga lahayn ayaa sidoo kale la filayaa inay dib u bilaabmaan, ka dib markii uu joojiyay maamulka Biden, sida uu sheegay CBS News.

Ka hor adkeynta la filayo ee siyaasadda Mareykanka, shaqaale badan oo ka shaqeeya beeraha ayaa raadinaya talo ku saabsan la macaamilka saraakiisha socdaalka iyo u xilsaaridda cid u daryeesha caruurtooda si kumeel-gaar ah.

“Maamulka weli lama dhaarin, laakiin dadku mar hore ayay baqeen,” waxaa sidaasi u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters Sarait Martinez, oo ah agaasimaha fulinta ee Centro Binacional para el Desarrollo Indígena Oaxaqueño, oo taageerta shaqaalaha beeraha Mexico ee California.

Sidoo kale ballan qaadka ah in la tarxiilo malaayiin muhaajiriin sharci darro ah iyo hanjabaad howlgalada goobaha shaqada, ayaa hadana dhanka kale warbixinnada qaar ay soo jeedinaya in Trump uu sidoo kale meesha ka saari karo siyaasadda soo jireenka ah ee ku saabsan in saraakiisha socdaalka aysan gali karin kaniisadaha.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalada soo socdaa waxay u badan tahay inay dhibaato weyn ku keeni karaan saraakiisha – iyadoo ay xaddidan tahay meel lagu hayn karo dadka la soo qabto.

Isla mar ahaantaana, sharciga Laken Riley – oo loogu magac daray arday jaamacadeed oo sannadkii hore lagu dilay Georgia dilkaasina uu geystay nin u dhashay Venezuela – ayaa la filayaa inay ansixiyaan sharci-dajiyayaasha Mareykanka toddobaadka soo socda.

Sharciga la soo jeediyay ayaa ku waajibin doona dowladda federaalka in ay xirto muhaajiriinta ugu nool Mareykanka si sharci darro ah islamarkana looga shakiyo fal-dembiyeed – xitaa haddii aan lagu soo oogin wax dambi ah.

BBC

Wasiir Jaamac oo si yaab leh uga jawaabay dhaliil ay u soo jeediyeen labo xildhibaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si adag ugu jawaabay labo xildhibaan oo ku heyb ah, kuwaas oo ku weeraray qoraalo ay ku baahiyeen barta Facebook, labada Xildhibaan ayaa kala ah, Maxamed Xasan Murjaan oo dhowaan siyaasadda soo galay iyo Xildhibaan Xasan Cabdinuur oo Aadan Madoobe kula tartamay kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanadaas ayaa Wasiir Jaamac ku dhaliilay isku soo bax lagu taageeray doorasho qof iyo cod ah oo shalay uu ku qabtay Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho, kulankaas ayaa la isugu keenay dhallinyarada Digil iyo Mirif ee Raxanweyn.

Qoraalka Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Jaamac ayaa u dhignaa:

“Labada nin ee caayda siyaasad u heysata kana daalin min kalmad ayaan warkooda ku soo koobayaa.”

“Murjaanow Cabduqaadir Kumaandooskii Kuunyo Barrow geed hoostiisa kaa soo qaadey oo ku soo koriyey weli Khawaarijtii ayuu jiraa mana ka imaanin, intaas kuu dhaafi maayo.”

“Xassan Cabdinuuroow weli tareelihii aad dareewal ka ahayd darewal laan waaye, deentii shilalkii aad gasheyna waa lagu leeyahay fadlan halkaas weli fursad baa kaaga banaan.”

“Dalkaan doorasho qof iyo cod ayaa ka dhaceyso golayaasheena sharafta leh ee aad iska dhex joogtaana waa ansixiyeen ineydnaan ka warqabin ayaa laga yaabaaye.”

Qoraalka Xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa u dhignaa, “Madax Jebis iyo Adigoo Shaley ahaa Mooryaan Diimeed Inaad Maanta Doorasha Ka Hadashaa Masiibo kaweyn Masoo marin Dalkaan!”

Dhankiisa, Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan ayaa soo dhigay qoraal dheer bartiisa Facebook, wuxuuna ciwaan uga dhigay, “Nin aduunyo joogow Maxaa aragti kuu laaban.”

Waxaan daawaday Wasiir madaxa na furan oo soo ururiyey dhalinyaro kooban oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle kuna hadaaqaya doorasho qof iyo cod ayaan qabanaynaa… Waxaan is waydiiyey damiirka shakhsigu markaanu shaqaynayn, sariigasho uu ka tegay, doqonimona u dheertahay waa sidan oo kale.. Xagee ayuu ku ogaa Digil iyo Mirifle markii lagu tilmaamayey garacyo xabashiyi dhashay? Damiirkiisu xaguu ku maqnaa, markii uu argagixisada ka tirsanaa ee uu gumaadayey dhalinta, wax garadka iyo waayeelka Digil iyo Mirifle? Xaguu geeyey Wasaaradii iyo Ciidankii loo dhiibay ee Kenya iska dhiibay, welina aan lagula xisaabtamin? Ma is waydiiyey raashinkii ciidanka ee uu musuqay? Mukhalasnimadii uu dowladaha  shishiyee ugu shaqaynayey miyuu dowladnimo u haystaa? Jaajuusnimadii Turkey ma iska dhaafay? Lacagtii Imaaraadka laga dhacay ma soo celiyey? Falalkii argagixiso ma ka waantoobay? Burburku ciidanka u gaystay ma faan bu moodayaaa?

Intaas oo suaala markaan jawaab u waayey, Waxa iisoo baxday, in Madaxa na furan yahay shakhsi ku astaysan calooshiisa la ciyaar, Soomali aan dan ka lahayn, Digil iyo Mirifle aan dan ka lahayn, dadnimo aan dan ka lahayn, diin aan dan ka lahayn. Markaa waa gartii in markii Soomali maxkamad ku saari wayday dembiyada uu dalkan iyo dadkan ka galay in uu isla soo taago doorasho qof iyo cod ah baan qabanaynaa, asagoo u marxabaynaya hogaamiyihiisa la halaabay dowladninda…Ugu dambayn Digil iyo Mirifle waa ka aragti dheeryahay beenta Madaxa na Furan.

Labo garsoore oo lagu dhex toogtay maxkamadda…

Tehran (Caasimada Online) – Sida ay ku warantay warbaahinta dowladda Iran, waxaa maanta gudaha maxkamadda sare ee dalkaas lagu dhex toogtay labo garsoore oo sare, kuwaas oo muhiim u ahaa dowladda Iran.

Bogga garsoorka Iran (Mizan), ayaa lagu shaaciyey in garsooreyaashii kala ahaa Ali Razini iyo Mohammad Moghiseh la dilay, kadib markii nin hubeysan uu maanta gudaha u galay maxkamadda.

Waa Maxkamadda ugu sareysa dalka Iran, waxayna ku taallaa caasimadda dalkaas ee Tehran.

Kuwa weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay is dileen, kadib markii ay howlgalka fuliyeen, isla markaana xaqiijiyeen in aysan baxsa karin.

Mid kamid ah ilaaladii garsoorayaasha la dilay ayaa sidoo kale la sheegay inuu weerarka ku dhaawacmay.

Si rasmi ah looma oga ujeeddada ka dambeysa weerarkaas, balse labada garsoore ayaa la sheegay inay door ka ciyaareen xukunka iyo dilka dadkii reer Iran ee kasoo horjeeday taliska Islaamiga ah ee dalkaas ka jira.

Waxay shaqadaan soo bilaabeen sanadihii 1980-kii iyo 1990-kii, mid ka mid ah garsooreyaasha, Razini, ayaa isku day dil ka badbaaday sanadkii 1998-kii.

Midka kale, Moghiseh, Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay sanadkii 2019-kii.

Moghiseh wuxuu sidoo kale ka mid ahaa 7 garsoore oo reer Iran ah oo dowladda Canada ay cunaqabateyn kusoo rogtay sanadkii 2023-kii, sababo la xiriira doorkooda tacaddiga xuquuqda aadanaha ee Iran ay ka wadaan.

Dalka Iiraan waxaa lagu maamulaa xukun adag oo shuuci ah, waxaana sanad kasta la daldalaa boqolaal qof oo ku eedeysan inay ka soo horjeesteen xukunka rajiimka heysta Iran.

Hoos ka eeg sawirka garsoorayaasha weerarka lagu toogtay

Dowlada oo ku dhowaaqday go’aan xasaasi oo ku saabsan qorshaheeda doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay wado Villa Soomaaliya.

Xasan Macallin oo weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan qorshaha dowladda ayaa sheegay in aysan cidna hor joogsan karin doorashada qof iyo codka ah ee lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku dooday in fikirka qof iyo cod uu ku yimid waqtigiisa, isla markaana aanu jiri karin cid ama ciidan awood u leh in ay hor istaagto hannaanka dimoqraadiyadda dalka.

“Doorasho qof iyo cod ah oo dalka laga qabto, waa fikrad waqtigeeda timid, cid hor istaagi kartana malahan.” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawi doorasho oo xor iyo xalaal ah, lana taageero qorshaha dowladda ee awoodda dib loogu celinayo shacabka.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan jeediyay Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh oo shaaciyay in xilligan aanu dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

“Waa nasiib darro in laga hadlayo doorasho qof iyo cod ah iyadoo ay halis ku jirto midnimada dalka miiska lagu go’aaminayo masiirka ummadana ay ka maqanyihiin Puntland, Jubbaland iyo Somaliland oo iyadu horey u maqnayd” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Si kastaba, maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga biyo diidan hannaanka ay Villa Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka soo socda.

Mareykanka oo loo jeediyay arrin culus oo Somaliland ah

0

Washington (Caasimada Online) – Guddi hoosaadka golaha wakiilada Mareykanka ee qaabilsan ka hortegga xisbiga shuuciga ah ee Shiinaha ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga halday qaddiyada Somaliland ee haatan hortaalla dowladda Mareykanka.

Guddigan oo ah mid muhiim ah ayaa usoo jeediyay dowladda cusub ee Mareykanka in xafiis dibulumaasiyadeed ka furato Somaliland, si looga hortago saamaynta Shiinaha ee gobolka.

Sidoo kale guddiga ayaa ku taliyay in maamulka Trump uu xiriir toos ah la sameeyo Somaliland, isaga oo soo jeedintiisa u sababeeyay inay ku taallo goob istiraatiiji ah.

Sidoo kale wuxuu guddi hoosaadka golaha wakiilada Mareykanka uu intaasi kusii daray in illaa hadda aanu Shiinuhu gaarin dhulkaasi, lagana yaabo inuu saamayn ku yeesho.

“Tallaabadani waa mid muhiim u ah horumarinta danaha Maraykanka ee Geeska Afrika, iyo ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha,” sidaas waxaa lagu yiri warqad uu golaha la wadaagay guddoomiyaha guddiga, John Moolenaar, taas oo 15-kii bishan loo akhriyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken.

Waxaa kale oo uu yiri “Haddii uu Maraykanku Somaliland si dhakhso ah ula shaqayn waayo, waxaa suuragal ah inuu Shiinuhu danaha Somaliland fuliyo, taasina ay keento inuu isagu awood ku yeesho gobolka”.

Si kastaba, Sanadihii u dambeeyay golaha wakiilada Maraykanka ayaa lwaxaa oo gudbiyay xeerar tilmaamaya in Washington ay si gaar ah ula shaqayso maamulka fadhigiisa Hargaysa, waxaana ku jira xeer ay xildhibaannada qaar rabaan in Somaliland loogu aqoonsado dal madax bannaan.

Somaliland ayaa muddo ka badan 30 sano raadineyso ictiraaf, welina ma helin laakiin waxaa hadda sii xoogeysanaya ololaheeda u aadan Mareykanka oo ah dal awood badan.

Ujeedka howlgal culus oo maanta laga fuliyay badda Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee Booliska Soomaaliya iyo markabka dagaalka SANTA MARIA F-81 ee howlgalka Midowga Yurub ee Atlaanta ayaa maanta si wadajir ah howlgal culus uga fuliyay badda, sida uu shaaciyay taliska Booliska.

Ujeedka howlgalkan ayaa mid tababar oo kor loogu qaadayo fulinta sharciga badda iyo kobcinta awoodda ilaalinta sharciyada badda ,waxaana uu ka qabsoomay gudaha biyaha.

Sawirro oo soo bandhigay taliska booliska ayaa muujinayo doomo nooca dheerayo iyo diyaarado kor kala socda oo isaga kala gooshayo xeebaha dheer ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha ay haatan u diyaarsan yihiin ka hortegga xaaladaha deg-degga iyo a dagaalanka kalluumaysiga sharci darada ah ee ka socda biyaha Soomaaliya.

“Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha Deg dega ah , la dagaalanka Kalluumaysiga Sharci darada ah , ka hor tagga Burcad badeeda iyo sugidda amniga marinada maraakiibta Ganacsiga Caalamiga ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Saddex doonyood oo nooca howlgalada ah iyo diyaarad Helicopter ah ayaa lagu fuliyey tababarkan oo sidoo kale kor loogu qaadayey xirfadaha saraakiisha ilaalada xeebaha ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed”.

Soomaaliya ayaa haatan dadaal xoogan ku  bixineyso sidii biyaheeda u ilaashan lahayd, uguna howlgeli lahaayeen ciidanka badda ee dhowaan loo soo tababaray dowladda dhexe.

Bajaajleyda Muqdisho oo lagu soo rogay amar laga qariyey shacabka – Muxuu yahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar cusub oo aan horay loo sii shaacin kusoo rogtay darawallada Bajaajleyda, kaas oo isla maanta ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Amarka lagu soo rogay Bajaajta ayaa la xiriira sameecadaha gadaal ka saaran mootooyinka oo dhammaan maanta laga dajiyay, sida ay sheegeen qaar kamid ah Bajaajleyda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, amarkan ayaa waxaa soo rogay laamaha amniga, iyada oo sababta lagu sheegay inay ka qayb-qaadan karaa nabad-gelyo darrada, waxna lagu soo dhex qarin karo.

Mid kamid ah dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta oo la hadlay Telefishina Soomaali Cable ayaa ka horyimid go’aanka dowladda, wuxuuna sheegay inuu caqabad ku yahay shaqadooda.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in aan horay loola wadaagin amarkan, kaliyana ay ka war heleen, iyaga oo laga dajinayo sameecadaha waa wayn ee gadaal u saaran.

“Dhalinyarada mooto sameecad la’aan ah maba raacaan, marka mooto aan sameecad saarneen cid raaceyso maleh. laamaha ammaanka waxaan dhihi lahaa haka laabtaan go’aankaasi” ayuu yiri mid kamid ah Bajaajleyda ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga oo is maal-gelinay waa ku baxsan la’nahay magaaladeenna mootadaan aad u jeedo waxaan kala soo bixiyay 4,400 oo dollar”.

Muqdisho ayaa waxaa ka howlgala gaadiidka Bajaajta oo aad u badan, kaas oo shaqo abuur u noqday dhalinyaro badan, waxaase sii kordhaya caqabadaha ay haatan la kulmayaan.

Nageeye iyo Gama’diid oo tababar loogu soo xiray Jilib iyo isbedel weyn oo ka muuqda

0

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaalka unug cusub oo kamid noqonayo dagaalyahannadooda jabhadka ah, kuwaas oo tababar loogu soo xiray magaalada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe oo ah saldhigga ugu way ee kooxda.

Muuqaalka oo soconayay 27:48 second ayaa waxaa kasoo muuqday Abwaan Nageeye Cali Khaliif iyo Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid oo horay ugu goostay dhanka Al-Shabaab.

Nageeye iyo Gama’diid oo caan ahaa ayaa kasoo jeedo gobollada waqooyi, laakiin kahor inta aanay ku biirin Shabaab waxay labaduba muddo ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, balse mar qura ayay tageen degmada Jilib, iyagoo toos uga mid noqday Al-Shabaab.

Labada abwaan ayaa hada ku jiray safka hore muuqaalka laga soo duubay dagaalyahanada cusub ee tababarka loo soo xiray, waxayna wateen dhar tuute ah, qoray Ak47. boosha, waxaana sidoo kale madaxa ugu xirna calanka madow ee astaanta u ah kooxd Al-Shabaab.

Sidoo kale labada Abwaan ayaa muuqaal ahaan waxaa ka muuqday isbeddal wayn oo jir ahaaneed, marka la’is barbar-dhigo sawiiradii hore iyo muuqaalkooda maanta, waxaana ka muuqda hoos u dhac wayn oo loo sababeeyay nolosha dagaalka ee ay haatan galeen.

Tani ayaa muujineyso in hadda kadib ay toos uga qayb qaadan doonaan dagaalka kooxda, maadaama ay dhameysteen tababar ku aadanaa dhanka jabadaha ee weerarada qaada.

Dhinaca kale Mahad Karataay oo kamid ah saraakiisha sar-sar ee kooxda Al-Shabaab ayaa soo xiray tababarkaan, isaga oo dardaaran u jeediyay abwaanada iyo maleeshiyaadka kale.

“Walaalaha tababarka qaatay waxaan leeyahay Allaha idinku ciseeyo Diinta, hana idinka dhigo kuwa faatixiinta ah ee cadowga ka dulqaado dhulalka muslimiinta ee gumeysiga ku hayo” ayuu yiri Mahad Karataay.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay howlgalka cusub ee AUSSOM, isaga oo sheegay inuu yahay howlgal fashilan oo muddo dheer ka socda gudaha Soomaaliya.

“Howlgalka naf la caariga ah ee ay maanta u bixiyeen AUSSOM waa howlgal lagu tilmaami karo qar iska xoorimo, kana turjumayo fashilka ciidamada shisheeye” ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya oo sanad kasta laga dhaco $300 milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ka soo baxday ENACT Africa, oo ah barnaamij Midowga Yurub ah oo u heelan la-dagaallanka dambiyada abaabulan ee xuduudaha dhaafsiisan ee qaaradda, ayaa daaha ka qaadday sida kalluumeysiga sharci-darrada ah u baabi’inayo kheyraadka kalluunka Soomaaliya, una helis gelinayo keydka kalluunka jaalaha ah (yellowfin tuna) ee dalka.

Soomaaliya ayaa ku faanta xeebta ugu dheer qaaradda Afrika iyo qaar ka mid ah goobaha kalluumeysiga ugu wax-soo-saarka badan ee Badweynta Hindiya. Hase yeeshee, waxay weli tahay meel ay aad ugu badan tahay kalluumeysiga sharci-darrada ah, ee aan la soo sheegin, oo aan la xakameynin (IUU).

Maraakiib shisheeye, oo ay ku jiraan kuwa ka yimaada Shiinaha, Iiraan, iyo Pakistan, ayaa kheyraadka dalka uga faa’iideysanaya iyagoo adeegsanaya hab jillaabasho oo xaalufin ah, kuwaas oo yareeyay keydka kalluunka.

Dhaleeceynta ayaa lagu muujiyey in maamulka badda oo daciif ah, musuq-maasuqa, iyo heshiisyada si liidata loo dhaqan geliyo ay yihiin qodobada ugu muhiimsan ee awoodda siinaya dhibaatada ay wadaan dalalkan.

Kalluunka jaalaha ah (Yellowfin tuna), oo ah nooc qiimo sare ku leh suuqyada caalamka, ayaa wajahaaya burbur dhaqaale oo halis ku ah dhaqaalaha Soomaaliya iyo amniga cunnada ee gobolka iyo adduunka labadaba.

Khabiiradu waxay ka digayaan in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, keydka kalluunka jaalaha ah uu hoos u dhici karo 70% tobanka sano ee soo socda gudahood, xaalad noocaas ah oo keeni doonta cawaaqib xumo aad u daran oo saameyn doonta bulshooyinka ku tiirsan kalluumeysiga.

Soomaaliya ayaa hadda sanad kasta waxay kalluumeysiga sharci-darrada ah ku lumisaa dhaqaale dhan $300 milyan sanadkii.

Kalluumeysiga sharci-darrada ah ayaa muddo dheer lala xiriirinayay falalka burcad-badeednimada ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya. Muddo sanado ah, kooxaha fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin, oo aan la xakameynin (IUU) u sababeeyay afduubkooda maraakiibta shisheeye.

Maamul-xumada Soomaaliya ayaa ka dhigtay mid u nugul in laga faa’iideysto. Tobannaan sano oo dagaallo sokeeye ah iyo xasillooni-darro ayaa wiiqay awooddeeda ay ku ilaalin lahayd kuna nidaamin lahayd biyaha ay maamusho si wax ku ool ah.

Sharciga Kalluumeysiga Federaalka ee Soomaaliya, kaas oo qeexaya qawaaniin adag oo ka dhan ah kalluumeysiga sharci-darrada ah, ayaa inta badan waxaa wiiqa musuqmaasuqa iyo iska horimaadyada danaha maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Tusaale ahaan, dowlad-goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeesatay awaamiirta federaalka ee ah in la diido shatiyada kalluumeysiga ee heer gobol, iyagoo ku doodaya in tallaabooyinka noocaas ahi ay jebinayaan heshiisyada wadaagga kheyraadka.

Maamul midaysan la’aanta ayaa u suurtogelineysa maraakiibta shisheeye inay ka shaqeystaan xeebaha Soomaaliya iyagoo aan wadan shatiyo sax ah, taas oo sii xumeynaysa kalluumeysiga xad-dhaafka ah iyo nabaad-guurka deegaanka.

Heshiiskii 2018 ee u oggolaanayay shirkadaha Shiinaha inay ka kalluumeystaan 24 mayl-badeed gudaha xeebta Soomaaliya ayaa tusaale u ah caqabadaha maamul ee habaysan ee wiiqaya qaybta kalluumeysiga ee dalka.

Warbixin 2019 la soo saaray ayaa daaha ka qaaday sida maraakiibta Liao Dong Yu, oo ah maraakiib Shiineys ah, ay gebi ahaanba uga gudbeen xuduudaha sharciga ah.

Beddelkii ay u hoggaansami lahaayeen xeerarka federaalka, maraakiibta ayaa shatiyada kalluumeysiga ka helay maamulka Puntland iyadoo duruufo shaki leh ay ku hareereysnaayeen.

Heshiiska ayaa la sheegay inuu fududeeyay ganacsade iyo senatar Dahir Ayande, oo xulufo dhow la ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu iftiiminayaa sida xiriirka siyaasadeed u wiiqi karo maamulka kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa ku doodeysa in daah-furnaanta oo ka maqan bixinta qandaraasyada kalluumeysiga ay dhiirrigelisay kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Maraakiibta Shiinaha, oo adeegsanaya farsamooyin aad u waxyeello badan, ayaa weli si firfircoon ugu lug leh kalluumeysiga sharci-darrada ah ee tuunaha ee xeebaha Soomaaliya.

Kuwaas waxaa ka mid ah isticmaalka shabaqyo waaweyn (purse seines) iyo maraakiibta xargaha dhaadheer (longline vessels) si ay u gurtaan tiro aad u badan oo tuuno ah, jiidista shabaqa hoose oo baabi’isa badda hoosteeda, iyo xitaa qarxinta kalluunka (dynamite fishing), oo adeegsata walxaha qarxa si ay u disho una ururiso kalluunka si aan loo aabo yeelin.

Hababka noocaas ah oo aan waarayn ayaa yareeya keydka kalluunka ee horeyba si xad-dhaaf ah looga kalluumeystay waxayna waxyeello aan laga soo kabsan karin u geystaan nidaamka deegaanka badda ee Soomaaliya, taas oo sii khatar gelineysa nolosha bulshooyinka kalluumeysatada maxalliga ah.

Si looga jawaabo, Soomaaliya ayaa wax ka qabatay kalluumeysiga sharci-darrada ah, oo ay ka mid yihiin mamnuucidda jiidista shabaqa hoose ee biyaha federaalka iyo xoojinta daah-furnaanta shatiyada.

Iskaashiga Turkiga iyo Denmark, oo ay weheliyaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), ayaa horseeday ganaaxyo lagu soo rogay kalluumeysatada sharci-darrada ah iyo la wareegidda maraakiibta. Khabiiradu waxay ku talinayaan in la qaato teknoolojiyad kormeer oo casri ah iyo kooxo-hawleedyo goboleed si loo xoojiyo dhaqangelinta.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo la mamnuucay jiidista shabaqa hoose, kalluumeysato Turki ah ayaa weli lagu soo waramayaa inay ka shaqeystaan biyaha Soomaaliya iyadoo la raacayo heshiis laba geesood ah.

Robert McKee, oo ah khabiir dhinaca amniga badda ee caalamiga ah iyo la-taliyihii hore ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), ayaa ku nuuxnuuxsaday degdegga jawaab isku-duwid ah oo ku aaddan kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Isagoo la hadlayay ENACT, wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamyada kormeerka, xakamaynta, iyo ilaalinta ee gobolka iyadoo la dhisayo kooxo-hawleedyo u go’an dhaqangelinta shuruucda kalluumeysiga.

McKee ayaa u dooda tallaabooyin go’aan qaadasho leh, oo ay ka mid yihiin la wareegidda maraakiibta sharci-darrada ah, xarigga dembiilayaasha, iyo la wareegidda qalabka kalluumeysiga ee mamnuuca ah, taasoo ah tallaabooyin muhiim ah oo loo qaadayo ilaalinta keydka kalluunka jaalaha ah ee Soomaaliya oo ay dhibaato ba’an soo gaartay.

Xog: Axmed Madoobe oo ay maanta diyaarad ka qaaday Kismaayo, kana degay dalka…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka ka safray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isaga oo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe uu diyaarad qaas ah ka qaaday Kismaayo, taas oo uu ku tegay Kenya oo ay booqasho uga bilaabatay.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland uu Nairobi ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah oo uu la qaadan madax ka tirsan dowladda Kenya, isaga oo kala hadli doono arrimaha Jubbaland iyo caqabadaha adag ee ku geedaamay maamulkaas oo ay xayiraad kusoo rogtay dowladda dhexe, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa inta uu magaalada Nairobi jooga qaabili doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Jubbaland, isaga oo la wadaagi doono warbixin ku aadan xaaladaha bani’aadanimada ee ka jira Jubbooyinka iyo Gedo ee haatan kasii daraya.

Waxaa kale qorshaha Axmed Madoobe qayb ka ah inuu Kenya kula shiro safiirada caalamka ee jooga magaalada caasimada ah ee Nairobi, si uu ula macaamilo, maadaama ay dhowaan Jubbaland ku dhawaaqday inay si gooni ah ula xaajooneyso xubnaha beesha caalamka.

Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay safarka Axmed Madoobe, maadaama uu yahay kiisii ugu horreeyay oo uu uga baxo magaalada Kismaayo, kadib dib u doorashadiisii oo ay diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya, kadibna xayiraad kusoo rogtay isaga iyo maamulkiisa.

Kenya oo ah dalka uu u dhoofay Axmed Madoobe ayaa xiriir xoogan la leh Jubbaland oo ay xuduud dheer wadaagaan, sidoo kalena ciidamadooda ay joogaan halkaasi, taas oo lala xiriirinayo inay soo dadajisay safarka uu ku gaaray Nairobi.

Si kastaba, Kenya ayaa horay isugu deyday inay dhex-dhexaadiso Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo wafdi usoo dirtay Muqdisho iyo Kismaayo, balse wax natiijo ah kama soo bixin iyadoo arrintu faraha ka baxday dagaal toos ahna ay isku rogtay.

Villa Somalia oo taageero cusub u heshay qorshaheeda – Maxaa dhacay xalay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashada qof iyo codka ah ee ay waddo dowladda Soomaaliya.

Xafladdan oo u muuqatay mid dhoolatus ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay qabaneyso qof iyo cod.

“Doorasho dadban waan diidnay, waxaana rabnaa doorasho qof iyo cod ah, waxaana uga mahadcelineynaa hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo iyaguna taageero wayn u muujiyay dadaallada socda ee ku aadan doorashooyinka dalka.

“Fikirka ah in dalkaan laga qabto doorasho dadkuna soo doortaan hoggaankooda waxaa ay ka timid Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.” ayay tiri Xildhibaan Aamino Xuseen Cali.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu casuumay madashay, kuwaas oo sheegay inay soo dhaweynayaan doorashada qof iyo codka ah.

“Hadii aan nahay dhallinyarada Koonfur Galbeed waxaan taageersanahay inay wadanka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.” ayuu yiri Nuur Aadan Cabdiladiif oo kamid ah hoggaanka dhalinyarada Digil iyo Mirifle.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli weli uu muran xooggan ka taagan yahay qorsaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qof iyo cod, waxaana diidan Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo bannaanka ka jooga sida ay wax ku wado dowladda dhexe.