25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo: Maxaa kala qabsaday Wasiir Roobow iyo ninkii lacagta laalushka u geeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii uu ku guda-jiray howlaha adeegga Xajka.

Roobow oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga uu nin ganacsade ah u keenay lacag badan oo laaluush ah, balse uu iska diiday.

“Anaga oo mowduuc Xaj ka shaqeynayay nin baa noo keenay lacag badan oo laaluush ah noo keenay, ma u baahni oo ma rabo ayaa ku dhahay, ninkii xoogga wuu dhibsaday, wajiga uu ka dhididay waa kacay waa fariistay ma u baahni aan ku dhahay waa iga tagay,” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ninkaas uu markale isaga oo Muqdisho ku sugan uu usoo watay masuuliyiin, si loogu fuliyo waxa uu rabo, hase yeeshe uu haddan ka diiday, “Lacagta idinka oo la qarqaraya ayaad keenaysan ee ha noo keenin ee haysta lacagtiina.”

“Waa nin akhyaar ah oo hebel dhihi maayo, Soomaaliya ayaa isku aragnay oo cid kasta oo aniga cadaadis igu sameyn kartay oo masuul ah ayuu soo watay oo wasaaradda ayuu igu yimid, waxaas iyo waxaas ayaa raba ee fuli, fulin maayo ayaa ku dhahay, aad ayuu u xanaaqay oo wuu naga tagay.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in haddii uu maalinkii ugu horreysay uu ka qaadan lahaa lacagta laaluushka aheyd uu addoon u noqon lahaa, maadaama masuulka uusan xor aheyn inta uu qaadanayo laaluushka, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninkii galabkii horena ila joogay ee galabkana ila joogay waxaa ku idhi ninkaan ma ujeeda siduu u xanaaqay maalintii haddaan lacagtiisa qaadan laheyn addoon ayaa u noqon laheyn, war waa ogtihiin ee imaamula ina dhihi lahaa waana maamulo laheyn. Qofka masuulka ah wuxuu xor yahay inta uusan laaluushka qaadan.”

Wasiir Roobow ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay masuuliyiinta dowladda in la iska ilaaliyo laalushka oo Ilaahay laga baqo, isaga oo bulshadana ku booriyay in laga waantoobo bixinta laaluushka.

“Masuulka Ilaahay ha uga baqo, ka u geynaya ayaa ka daran ee yaan xafiisyada lacag loogu geynin, xuquuqdiina ayaa helaysa idinka oo hal cent la idinka qaadan ayaa leeyahay.”

Hoos ka daawo

Goorta uu dhaqan-galayo heshiiska Soomaaliya ee ku biirista ururka EAC (Aqriso)

0

Arusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii ku saxiixay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, ku biirista rasmiga ah ee Soomaaliya ee dallada bulshada Bariga Afrika.

Xaflad ka dhacday Madaxtooyada Uganda ayaa lagu saxiixay dhaqan-galka xubinimada Soomaaliya, iyada oo goobjoog ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh, dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni iyo madaxweynaha South Sudan.

Soomaaliya ayaa heshay codadka dhamaan dalalka ku jira ururkaan dabaal-yaqaadii bishii November, laakiin xaflada saxiixitaanka ee ku biirista rasmiga ah ayaa Jimcihii ka dhacday Madaxtooyada Uganda.

Qariirada Soomaaliya ayaa lagu daray qariirada ururka, taasi oo bedeshay sawirkii sanadaha badan ee ururkaan.

Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo goobta ka hadlay waxa uu sheegay in afafka, dhaqanada iyo dabeecaduhu ay mar hore soo mideeyeen bulshooyinka ku jira ururkan iyo Soomaalida, taasin ay ka dhigan tahay inay jiraan waxyaabo dabiici ah oo isku soo jiidaya bulshooyinka dallada bulshada Bariga Afrika.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa isweydiinaya xilliga uu heshiiskan dhaqan-galka noqon doono, oo ay Soomaalida ay bilaabi doonto fulinta qoddobada lagama maarmanka ah ee xubinimada iyo hirgelinta sharciyada.

Marka koowaad waa inuu heshiiskan maraa baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa waxaa laga rabaa in ay heshiiskan geeyaan baarlamaanka, kadibna uu ansixin ka helo labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, si uu u noqdo mid rasmi ah, kadibna waxaa bilaaban doonta fulintiisa.

Marka la eego faa’iidooyinka uu xambaarsan yahay waxay u badan tahay inay labada Aqal ee Soomaaliya ay aqbali doonaan kadibna waxay Soomaaliya dhisi doonta wasaaradii qaabilsaneyd bariga Afrika, sida uu yahay xeerka dalalka ku jira ururkaan.

Fulinta qoddobada faa’iidada u leh dadweynaha ayaa masaafo jirta, waxaana loo badinaya inay ku xiran tahay xawaaraha ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan laba sano ayay qaadan kartaa inay Soomaalida helaan fursadaha ku jira ku biirista dalladan, gaar ahaan arrimaha ganacsiga, shaqooyinka iyo socdaalka.

Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka aan weli kheyraadkooda la isticmaalin ee ku yaalla caalamka. Waxaana dhinaca kale dalalka ku jira dalladan ay iyaguna sugayaan inay wax badan ka faa’iidaan dalkaan hodanka ah ee kheyraadkiisa weli ku nacfin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in la joogo waqtigii si dhab ah loogu xirmi lahaa adduunka, oo Soomaalida ay ka faa’iidaysan laheyd halka ay juquraafi ahaan uga taallo adduunka iyo kheyraadkeeda dabiici ah.

Dalladaan waxa uu sheegay inay tamar iyo sare u kac xagga ahmiyada ah ka heli doonto muhiimada juquraafiyadeed ee Soomaaliya. Waxaase dhinaca kale jira duruufo aan la iska indho tiri karin oo ay tahay in Soomaalida ay xal u hesho sida argagixisada, qabyaalada iyo faham darrada federaalka, waa haddii ay rabto inay si dhab ah ula fal-gasho caalamka.

Ciidanka DF oo la wareegay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka MUDUG

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd koonfurta gobolkaasi.

Saldhigyadan oo ay muddo dheer ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ku yaalla isgoyska Caadooley iyo balliga lagu magacaabo Dhagaxley, halkaas oo ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaanoa Macawiisleyda.

Goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa u dhow deegaanka Caad oo ay haatan ka socdaan howlgallada xoogooda, si Al-Shabaab looga saaro halkaasi.

Saraakiisha howlgallada hoggaamineysa ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna baacsanayaan firxadkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa haatan kusii siqaya aagga buurta Yacgoos, halkaas ay oo ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana ujeedka u yahay in laga xoreeyo dhulkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhawaan duqeymo xoogan ay ka dhaceen duleedka Xarardheere, taas oo lagu beegsaday gaadiid ay la socdeen xubno Shabaab ah.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta.

DF iyo maamulka G/Banaadir oo ka shiraya 3 qodob oo saameynaya caasimadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay daah-furay shirka wadatashiga dib-u-cusbooneysiinta qorshaha horumarinta qaranka 9-aad ee sandka 2024.

Qorshaha shirkaan looga tashanayo ayaa waxaa fulinteeda iska kaashan doona maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda qorsheynta qaranka.

Shirkaan oo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka XFS, Agaasimaha Guud ee Waaxda Qorsheynta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah, oo kamid yihiin;

  1. Soo gudbinta waxyaabihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir.
  2. Baahiyaha waaweyn ee hortabinta u leh horumarinta Gobolka, si loogu daro qorshaha qaranka 9-aad ee sanadka 2024.
  3. In la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga u dhaxeeya maamulka gobolka iyo wasaaradda qorsheynta qaranka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu bogaadiyay tallaabooyinka socda ee lagu xoojinayo horumarinta caasimdda iyo in lala jaanqaado qorshaha horumarunta qaranka.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay muhiimada horumarka caasimada, iyada oo hortabin la siinaayo qorshaha u degsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Sawirro: Ciidamada xoogga oo ka hor tegay khatar culus, lana wareegay deegaano cusub

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) –Ciidamada xoogga dalka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa galabta la wareegay deegaano cusub oo horay ay u joogtay kooxda Al-Shabaab.

Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ayaa maanta howlgalo lagu guuleytay fuliyey goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray galabta.

Guutada 24-aad ayaa dhanka kale qarxisay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyin ka baxa degmadaas Ruun-nirgood.

Dhinaca kale, koonfurta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo kale oo culus, ciidamada ayaa shalay gudaha u galay deegaanka Shabeelow.

Sidoo kale ciidamada ayaa maanta ka gudbay Shabeelow, iyagoo ku wajahan deegaano muhiim ah oo Caad ay ku jirto.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka iyo saraakiil kale oo aad u badan ayaa ku sugan furinta Shabeelow, kuwaas oo hoggaaminaya howlgalka xoreynta dalka.

 

Ganacsiga Soomaalida oo wajahaya halis horleh kadib weerarada kasoo kordhay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Badda cas waa mid ka mid ah marinada ugu weyn ee ay adeegsadaan ganacsiga isaga kala goosha caalamka, uuna ku xiran yahay xaddi badan oo ganacsiga Soomaalida ee ku xiran dalalka Khaliijka carabta.

Dekaddaha Berbera iyo Boosaaso oo ka mida ilaha dhaqaalaha ee Soomaalida, ahna dhuumaha ugu waaweyn ee ay ka dhoofaan ama ka soo dagaan ganacsiga soomalida ayaa ku yaala badda cas.

Sida ay sheegeen ciidamada caalamiga ee ku sugan xeebaha badda cas, waxaa jira walaacyo isa soo taraya oo laga qabo kororka weeraro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga ee isaga gooshaya badda cas kuwaas oo saamayn durba ay ka dhalatay.

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay ka hortageen ilaa dhowr weerar oo kooxda xuutiyiinta Yemen ku qaadeen maraakiib ganacsi oo maraysay badda cas.

Dekadda Boosaso oo fure u ah ganacsiga Puntland ilaa gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa inta ugu badan ganacsatadu alaabtooda uga timaada dalka imaaraadka carabta iyo dalalka kale ee Khaliija kala soo degaan, halka xoolo badanna uga dhoofaan wadamada carabta.

Walaaca weerarada ee badda cas waxaa ay samayn toos ah ku yeelanayaan ganacsiga oo ay khatar ku tahay sida BBC-da uu u sheegay Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Cabdalla Cali Maxamed (Xaashaawe) oo xusay in halista ka soo korortay badda cas iyo weeraradu ay walaac galinayaan ganacsiga.

“Runtii annaga saamayn taban ayey nagu yeelanaysaa ganacsigeena waayo 90% ganacsigeenu wuxuu ku xiran yahay gacanka Cadmeed, wuxuu ku xiran yahay dalalka khaliijka marinkaas ayeyna wax noo soo maraan ha noqoto mid lala soo dagayo ama mid laga dhoofinayo, waana nasiib daro iyo khalkhal ku yimid waxaa ka soo kordhaya badda cas waayo nolashada dadka reer Puntland ayey toos u taabanaysaa ” ayuu yiri wasiir Cabdalla.

Sida uu sheegay ganacstada qaar ee ganacsigoodu isaga kala goosho badda cas ayuu sheegay inay walaac arintaas ay ka qabaan uu soo gaaray wasaarada ganacsiga balse uusan wali ahayn mid faraha ka baxay.

Wasiirka ayaa sheegay in inta badan ganacsatadu adeegsadaan doomo ganacsigooda ka soo qaada dalalka Khaliijka, sidoo kalena ay maraakiib marmar adeegsadaan.

Dekadda magaalada Berbera waxay saaran tahay gacanka Cadmeed, waxaana wax badan kala soo dega kana dhoofiya ganacsatada Soomaalida, waxaana imaanaysa su’aasha ah, ganacsigan ma saamayn karaan dhaqdhaqaayada ay Xuutiyiintu ka wadaan badda Cas, maadaama ay Soomaali badan adeegsadaan maraakiib kiro ah oo ay leeyihiin dad ajaaniib ah.

Saamaynta ugu horaysana waxay noqon kartaa in mid ka mid ah maraakiibta kirada ah ee Soomaalidu uu bartilmaameed u noqdo Xuutiyiinta iyaga oo aan u eegin cidda uu u raran yahay.

Kabtan Yuusuf Cali Nuur, waa wakiil u kala kireeya ganacsatada Soomaalida ee Berbera maraakiibta ajnabiga, wuxuuna BBC-da u sheegay inaysan hadda jirin wax saamayn ah oo ay ku yeelatay, basle waxaa uu xusay in haddii halistu sii socoto ay suurtogal tahay inay saamayn ku yeelan doonto.

Yuusuf ayaa xusay in maraakiibta Soomaalidu ay kiraysato laga leeyahay inta badan dalalka Hindiya, Suuriya iyo dalal kale. Sidoo kalana kuwa kunteenarada qaada ee u kiraysan Soomaalida laga leeyahay ayagana dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska.

Walaaca soo laabashada burcad badeedii Soomaalida

Sidoo kale xeebaha Puntland waxaa ka dhacay weeraro burcad baddeed oo ay Puntland ku tilmaantay weerarro isku day ah oo lagu soo celinayo burcad baddeeda balse ay ka hortagayaan.

Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdalla Xaashaawe ayaa sheegay in Puntland leedahay ciidamo ku filan inay ka hortagaan isku dayo lagu khalkhal galinayo xeebaha, awoodoodana ay ilaalinayaan.

Tododobaadyo ka hor ayey ahayd markii koox burcad baddeed ah ay deegaan xeebeedka Maraya ee degmada Eyl ay ka afduubeen doon u rarnayd ganasato reer Puntland ah kuwaas oo dalbaday madax furasho.

Qaar ka mida kaluumaysatada ku sugan xeebaha Eyl ayaa walaac ka qaba soo laabashada burcad baddeeda marka ay arkaan jariifka xoogan ee xeebaha ay ku hayaan doomo shisheeye oo laga leeyahay dalal ajnabi ah sida uu BBCda u sheegay Cabdiqaadir Aadan Maxamed oo ka mid ah golaha deegaanka ee degmada Eyl kana mid ah ganacstada deegaankaasi.

Sidoo kale wuxuu Cabdiqaadir sheegay inay hadda ka duwan tahay sanadihii 2007 ilaa 2011 markii ay burcad baddeedu sida ba’an ugu xooganaayeen deegaanada xeebaha Eyl, farqiga ayuu ku sheegay in bulshadu hadda aysan rabin inay soo laabtaan sababo uu ku tilmamay halaagii ay badeen dadka iyo deegaanka.

Weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas

Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in dhowr weerar ay Xuutiyiinta ku qaadeen maraakiib ganacsi oo maryey gacanka cadan.

Shalay oo kaliya Badda cas waxaa ka dhacay labo weerar oo ay Xuutiyuuntu la beegsadeen labo markab oo marayey gacanka Baabul mandab.

Labada markab ayaa sida ay militariga Maraykanku sheegay waxay ku gooshayeen calanka dalka Liberia.

Waxaa isa soo taraya tirada weerarada ee ka dhacaya badda cas oo ay geysanayaan kooxda Xuutiyiinta oo xulufo la ah Iran.

Dhanka kale shirkadda maraakiibta ee dalka Denmark ee Maersk ayaa sheegtay inay hakisay dhammaan safaradii ay ku mari jirtay badda cas.

Go,aankan ayey shirkaddu ku sheegtay inay samaysay ka dib weerarada halista leh ee ka dhacaya badda cas.

Warbixin ay siisay BBC-da, Maersk, oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee maraakiibta ayaa tiri “Weerarradii dhawaan lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee aaggaas waa kuwo argagax leh, waxayna khatar weyn ku yihiin badqabka iyo ammaanka badmaaxiinta”.

Haddi halistu sii kororto waxaa dalalka ugu badan ee ay saamaynayso ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea iyo dalalka carbeed ee ku teedsan badda cas.

Isha: BBC Somali

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo bilaabatay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta guda-galay doodda qodobo kamid ah qabyo qoraalka wax ka beddelka Dastuurka KMG.

Guddiga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah ayaa guda-galay ka doodista iyo meel-marinta qodobada 1-aad illaa iyo 62-aad ee 4-ta cutub ee ugu horreeya qabyo qoraalka wax ka beddelka Dastuurka KMG oo ay guddiga u soo gudbiyeen guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha guddiga ayaa qodobada loo soo gudbiyey ku samaynaya wax ka bedel, sixid, siiqayn iyo toosin, si ay u soo saaraan soo-jeedinta kama dambaysta ah ee la horgaynayo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

3-dii December ayey aheyd markii guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka JFS ay kulan wada-jir ah ku yeesheen magaalada Muqdisho. kulan wada jira waxa uu uga furmay magalada Muqdisho.

Kulankaasi oo ahaa soo bandhigid iyo soo jeedinta cutubyo kamid dastuurka, kaasi oo uu diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka Soomaaliya.

Labada guddi ayaa isla eegi doona cutubyada 1-aad illaa 4-aad ee uu soo diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka, ayada oo markaas kadib loo gudbin doono labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, dhawaan ayay aheyd markii baarlamaanada dowlad-goboleedyada ay saluug ka muujiyeen howlaha socda ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka, iyaga oo sheegay in laga reebay guddiyada wax ka bedelka iyo dib u eegista dastuurka.

“Ma jiraan guddiyo ka wada shaqeeya shuruucda dalkaan, baarlamaanada dowlad goboleedyada wax talo wadaag ah kuma lahan shuruucda lasoo dhisayo ee dalka,” ayaa lahu yiri bayaan kasoo baxay afhayeenada baarlamaanada dowlad-goboleedyada, markii laga reebo Puntland.

Sawirro: Ciidanka xoogga oo si rasmi ah loogu wareejiyay amniga Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.

La-wareegistan ayaa imaneysa kaddib 16 sano oo walaalaha Ciidamada Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM). ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayey ciidamada xoogga dalka kula wareegeen amniga Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga madaxda dalka.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacan siinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

Arrintan ayaa ka dhigan in hadda kadib amniga xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay sugi doonaan ciidamada Soomaaliyeed, taasi oo soo gaba-gabeneysa ciidamadii ajnabiga ahaa ee Madaxtooyada joogay tan iyo sanadkii 2007-dii.

ATMIS ayaa horay u wareejisay xerooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Dowladda Soomaaliya oo haatan waddo dadaal dheeraad ah ayaa qorsheyneysa inay sugato amnigeeda, sidoo kalena ay kala wareegto ciidamada howl-galka ATMIS.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay horumar ballaaran, waxaana dhawaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd, taasi oo muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.

Puntland oo xog xasaasi ah ka bixisay Markab lagu afduubtay xeebaha Somalia (Dhageyso)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Dekadaha iyo La-dagaalanka Denbiyada Badda ee Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa ka warbixiyey Markab Jimcihii lasoo dhaafay ay afduubteen kooxo loo maleynayo burcad-badeed.

“Ragga afduubtay markabka waxay u abaabulan yihiin sidii burcadii, baasuukayaal iyo BKM ayey ku hubeysan yihiin, sawirrada uu Satarleydu ka qaaday waxay muujinayaan inay gaarayaan 15 qof,” ayuu yiri wasiirka dekedaha Puntland.

Wasiirka ayaa u waramay VOA isagoo ku sugan magaalada Garowe, wuxuuna sheegay in dembiyada noocaan ah dhowr jeer laga hor tegay.

“Inta badan fal dembiyeedka noocaan ah waxaan ku burburi jirnay xeebaha, laakiin kan waa dhacay ka tabatagiisa ayaana ku howlanahay,” ayuu yiri wasiirka dekedaha Puntland Axmed Yaasiin.

Wuxuu sheegay in maanta uu xeebaha Soomaaliya ka soo galay dhanka Xaafuun, isla markaana ay toos ula socdaan, wuxuuna sheegay inuu socdo howlgal lagu badbaadinayo markabkaas.

“Markabka la qafaashay wuxuu u socdaa tartiib oo xawaare badan malahan, Markab kale oo ciidan oo Hindiya laga leeyahay ayaa daba socda, waana ka daba dhowyahay, dhanka gacankana waa laga soo baxay, waxaan rajeyneynaa in tuugada la qabto, saacadaha soo socdana aan soo gudbino xogta Markabkaas oo bad qaba, insha allah,” ayuu yiri wasiirku.

Markabka la afduubtay waxaa la sheegay inuu siday waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha, balse lama sheegin dalka uu u rarnaa.

Markabkaan oo weli badda ku dhex socda ayaa lagala socdaa Map-ka, wuxuuna wasiirku sheegay in biyaha Soomaaliya uu soo galay maanta duhurkii.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal qorsheysan oo dhanka cirka ah ayaa goordhoweyd lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ayaa lagu beegsaday horjoogahan sare ee ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daray in horjoogaha la beegsadey uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaallada.

Howl-galka ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe.

Si rasmi ah weli looma shaacin horjoogaha la beegsaday magaciisa, iyo waxa kasoo gaaray howl-galkan dhanka cirka ah ee ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka.

Waa tallaabo kale oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Mareykanka ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar-jabinta Al-Shabaab ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa horey u sheegtay inay ka go’an tahay “xididda siibka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab” si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada.

Maxaa laga yiri arrintii yaabka laheyd ee ay sameysay kooxda Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ayaa shalay waxaa kasoo hor muuqday oo la geeyay 32 qof oo loo heysto Shabaabnimo, kuwaasi oo u badan carruur aan qaan-gaarin.

Sidoo kale kooxdaan waxaa ku jira rag waaweyn oo qaarkood hoggaaminayey caruurtaan ah Shabaab u qorsheeyeen inay ka dagaalamaan dhulka Galmudug iyo HirShabeelle.

Inta u dhaxeysa deegaanka Basra iyo degmada Afgooye ayaa lagu qabtay gaadiidkii waday raggaan caruurta u badan oo aan hubeysneyn.

Al-Shabaab ayaa doonayey inay dadkaan u gudbiyaan deegaanada ay ka dagaalmayaan, iyagoo ka dhigaya shacab, balse waxaa ogaaday oo qabtay ciidan ku sugnaa jiinka wabiga, aagga deegaanka Basra.

Carruurtaan ayaa soo bandhigay xogo naxdin leh oo muujinaya sida ay Shabaab dabka ugu shubayaan carruur aan dagaalami karin, sidoo kale waalidiintood ayey sheegeen caruurtaan in laga soo dhacay.

Sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Khadar Maal: “Markaa maxaa ciyaalka maxkamada laga keenay maa meel dhaqan celin ah la geeyo oo la waaniyo way yar yar yihiin oo waanaga way qaadanayaan.”

Safiyo Maxamuud ayaa isna waxa uu yiri :Masha Allah dowladda dadaalkeeda Allaha la garab istaago.”

Fa’iisa ayaa sidoo kale waxay tiri “Wejiga dhabta ah ee Al-Shabaab waa kaas.”

“Waxaan maqli jiray caruurta iyo dumarka ayey kaxeeystaan laakiin hadda waa ay ii cadaatay midaasi,” ayuu yiri Keynaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Saciid Ibraahim ayaa isna waxa uu yiri “Waxaan qabaa ilmaha yar yar in dhaqan-celin loo sameeyo maadaama maskaxda laga xaday.”

Ruun Sagaal Geed ayaa waxay tiri: “Waa la soo qasbe safadaha dambiga fududeeyo ha loo fiiriyo caruurta.”

Villa Somalia oo shaacisay natiijada safaradii ugu dambeeyay ee Xasan uu galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo oo uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Uganda.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in safarada shaqo ee uu galay madaxweyne Xasan ahaayeen kuwo miro-dhal ah, sida; shirkii amniga Soomaaliya ee New York iyo deyn cafinta, iyo kulamadii Mareykanka.

Madaxweyne Xasan ayaa intii uu joogay Uganda magaalada Entebbe ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaasi oo rasmi ka dhigay xubinimada Soomaaliya ee EAC.

Xasan ayaa dhanka kale kulan miro-dhal ah kula soo qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Maraykanka ee magaalada Washington, ku-simaha ku-xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Marwo Victoria Nuland oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Mareykanka sidoo kale kulan kula soo qaatay xarumahooda magaalada Washington mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, isagoo uga mahad-celiyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Mudane Xasan ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkaas oo ka soo qeyb-galeen dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soomaaliya u horseeday guullo waaweyn oo ku hagaya mustaqbal wanaagsan.

Guddiga uu magacaabay DENI oo qaaday tallaabo cusub oo uga sii dareysa xiisadda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ee uu dhawaan magacaabay Deni ayaa maanta soo saaray jadwalka iyo shuruudaha laga rabo musharixiinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, taas oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan magaalada Garoowe.

Guddigan oo welu lagu muransan yahay ayaa maanta shaqo bilaabay, kadib markii xalay ciidamada PMPF ee ka amar qaata Saciid Deni ay la wareegeen xarunta baarlamaanka.

Shuruudaha uu guddiga soo bandhigay ayaa gaaraya illaa siddeed qodob, waxayna kala yihiih:-

1- Inuu yahay muwaadin reer Puntland ah, muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah anshax wanaagsan, miyirkiisu dhan yahay, da’diiusuna aanay ka yareyn 30 sano.
2- In aan xaquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga ilaalin 5tii sano ee la soo dhaafay.
3- Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dusgsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta
4- Inuu keensado habraacii soo xulista xubinimada reerkiisa
5- Inuu keensado shahaado dugsi sare ama wax u dhigma
6-Inuu keensado laba sawir iyo taariikh nololeedkiisa (CV)
7- Inuu keensado warqadda dambi la’aanta.

Sidoo kale waxaa guddiga xallinta khilaafaadka uu sheegay in jadwalkan uu maanta bilaabanayo, kuna egyahay illaa 25/12/2023-ka.

“Qabashada codsiyada iyo faylasha qofka buuxiyay shuruudaha kor ku xusan waxay bilaabaneynsaa 17/12/2023, waxayna ku egtahay 25/12/2023” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xulista xidhibaanada cusub kadib waxaa xigi doona doorashada madaxtooyada oo ay weli isku hayaan madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee maamulka Puntland

Daawo: 7 jir fal argagax leh loogu gaystay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo ka dhacday gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, taas oo lagula kacay wiil yar oo todobo sano jir ah, sida ay xaqiijiyeen Waalidiintiisa.

Wiilkan yar oo dhiganayay mid kamid ah iskuulada ku yaalla degmada Xamarweyne ayaa la faraxumeeyay, sida ay sheegeen Waalidiintiisa oo la hadlay Telefishinka Dalsan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in falkaas uu gaystay waardiyihii iskuulka uu dhigayay wiilka, kadibna uu baxsaday.

“Wiilkeyga ayaa musqusha ku jiray, wuuna la galay waardiyaha, kadibna falal xumadaan ayuu ku sameeyay xittaa waa dilay” ayay tiri wiilka yar hooyadiis.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in kiiskan ay u gudbiyeen saldhigga degmada, isla-markaana la xiriray dad uu jiro maamulihii iskuulka, si loo soo qabto eedeysanaha

“Annaga marka ay dhacdadaas dhacday iskuulka ayaan aadnay, ninkii waa nagala qariyay, maamulahaa lasoo waday saldhigga ayaa la geeyay hadda dacwaddii ayaa socota” ayay raacisay.

Ugu dmabeyn waxay ay farriin u dirtay dowladda Soomaaliya oo ay ka codsatay in cadaalad loo raadiyo wiilkeeda oo ay tilmaamtay in uu dhibane u yahay falka lagula kacay.

“Waxaan codsanayaa in meel la’iis saaro wiilkan cabashadiisa oo xuquuq islaami ah aan ku socono oo ninkaan meel la ii saaro” ayay mar kale tiri hooyadu.

Dhacdadan aragagaxa leh ayaa xanuun ku reebtay dadka deegaanka iyo ehellada wiilka yar, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Ciidamada Soomaaliya oo maanta gaaraya guul taariikhi ah kadib 16 sano (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya ee looga arrimiyo dalka waxaa 16 sano kadib maanta si rasmi ah ula wareegaya ciidamo Soomaali, kuwaas oo beddalaya ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee muddada dheer ilaalinayay amniga Madaxtooyada.

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in ATMIS ay maanta wareejineyso amniga Villa Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha ay amniga dalka kula wareegayaan ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada la wareegaya amniga Villa Somalia ayaa ah kuwo dhowaan tababar xooggan kusoo qaatay dalka Serbia, tababarkaas oo uu ka shaqeeyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas Maxamed Cabdullaahi.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in ciidamada Soomaali ah ay la wareegaan Madaxtooyada?

Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga, Cabdicasiis Xildhibaan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in la wareegitaanka amniga madaxtooyada ay wax weyn uga dhigan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna tahay guul taariikhi ah oo la gaaaray.

“Waxay uga dhigan tahay shacabka Soomaaliyeed guul wayn oo dhinac taariikhda ah oo la gaaray, kuna tusineysa halka uu marayo dib u dhiska dowladnimada” ayuu yiri Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Soomaaliyeed ay ku filan yihiin ilaalinta amniga madaxda qaranka iyo sidoo kale xarumaha ay leedahay dowladda Soomaaliya.

“Waxaan xaqiijinayaa in ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliya ay difaacayaan sidii ay horay dhiigooda ugu hureen u ilaalin doonaan dhammaan xarumaha iyo hay’adaha ay leedahay dowladda Soomaaliya” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Cabdicasiis Xildhibaan.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay leeyihiin awood lagu kalsoonaan karo, taas oo ah mid ay ku wajaheen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka JFS waxay ku guuleysteen in kooxaha duulaanka ku ah dowladnimada Soomaaliya ay ka saaraan dhul ballaaran, tusiyeen caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay diyaarka ugu yihiin inay hanan karaan amniga dalka oo dhan” ayuu sii raaciyay.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in hadda kadib amniga xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay sugi doonaan ciidamada Soomaaliyeed, taas oo soo gabagabeneysa ciidamadii ajnabiga ahaa ee Madaxtooyada joogay tan iyo sanadkii 2007-dii.

Turkiga oo war cusub kasoo saaray dilkii uu geystay wiilka madaxweyne Xasan Sheekh

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka caddaaladda Turkiga, Yılmaz Tunç, ayaa sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa shil gaari oo uu ku dhintay nin mootoole ah oo ka dhacay magaalada Istanbul uu dib ugu soo laaban doono dalka Turkiga.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Ankara ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay hay’adaha garsoorka Soomaaliya, wuxuuna yiri “Maalmaha soo socda waxaa suurtagal ah in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qeyb galo dacwadda arrintaasi ku saabsan”.

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul, waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir Turkish ah.

Baabuurka uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku dhacay mooto uu watay ninka geeriyooday, sida laga arkay muuqaal ay duubeen kaamirooyinka qarsoon taas oo bartiisa X uu soo dhigay duqa magaalada Istanabul, waxaana xilligaas ninka soo gaaray dhaawac, basle lixdii bishaan ayuu geeriyooday.

Warbixinta hordhac ah ayaa lagu sheegay in wax khalad uusan lahayn Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sidaas darteedna eedaysanaha loo sii daayay, basle wasiirka Cadaaladda Turkiga wuxuu sheegay in warbixinta labaad ay daaha ka qaadday inuu khalad leeyahay.

Yılmaz Tunç wasiirka caddaaladda Turkiga waxaa kale oo uu sheegay in baaritaanka dambe ee la saameeyay iyo kii hore uu farqi weyn u dhaxeeyo ayada oo kan dambe uu qeyb ka ahaa shaybaarka.

Wasiirka ayaa horey u sheegay in “Baaritaan maxkamadeed lagu bilaabay askartii booliska ahayd ee tagtay goobta fal dambiyeedka isla markaana keenay qiimeynta khaladka ah billowgeedii shilka.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AP ku sheegay in “wiilkiisa uusan baxsan ee uu howlo shaqo u aaday dalka dibaddiisa, waxaa kale oo uu xusay in uu la hadlay uuna u sheegay in dalka dib ugu laabto oo maxkamadda uu wajaho,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul wuxuu sheegay in warbixinta shilka ee la diyaariyay isla markiiba ka dib dhacdada ay mujinaysay in darawalka mootada uu xadgudbay sharciga, ayada oo sidaasi lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud.

Saciid Deni oo ciidamo horleh geeyay xarunta baarlamanka Puntland + Qorshaha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamo ka tirsan kuwa PMPF ee Puntland ay la wareegeen xarunta baarlamaanka maamulkaas, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Saciid Deni.

Ciidamada ayaa u daatay gudaha xarunta, waxaana ay la wareegeen amniga guud ee dhismaha ay ku shiraan Golaha Wakiilada Puntland.

Ujeedka ayaa lagu sheegay in madaxtooyada ay dooneyso in halkaas ay gayso guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Deni.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Deni uu rabo in guddiga uu shaqo bilaabay, kaas oo diidmo kala kulmay guddoonka golaha iyo xubnaha mucaaradka.

Deni ayaa lagu eedeeyay inuu xubno badan kusoo darsaday guddiga uu magacaabay, taas oo ay diidan yihiin musharixiinta la tartameysa, maadaama la galayo olole doorasho.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii la’isku fahmi waayey dadaalladii & waa-waanta socotay ee lagu doonayo in xal looga gaaro arrinta doorashada oo ay weli dood ka taagan tahay.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad cakiran, ayada oo lagu sii dhawaanayo xilligii doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana saameynta khilaafkan si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Maxay tahay farriinta cusub ee DF ay u dirtay Al-Shabab?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa booqday deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, kadib markii laga saaray Al-Shabaab.

Dayax oo khudbad ka jeediyay deegaankaas ayaa farriin culus u diray kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay isaga tagaan gobolka Mudug, maadaama lagu jebiyay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in aysan dabka kusii shidin dhalinyaro u sheegay inay soo qaldeen, kuwaas oo ka barbar dagaalamay kooxda, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaan leenahay war gobolka ka aruursada wixii idinka yaalla kala tega, ilmaha yaryarka ah ee aad qaldeysaan oo dadkoodii aad kasoo marin habaabiseen oo aad dabka kusoo shubeysaan meesha ka qaada dadkooda u celiya intaa ayaan u direynaa Shabaab” ayuu yiri

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday doorka dadka deegaanka, wuxuuna sheegay inay u istaageen xoreynta deegaankooda.

“Dadkaan waa diideen in la qabsado, dadkaan waa diideen in diintooda iyo noloshooda lagu cabiidiyo, waxaan leenahay aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, qof walba qoraygiisa ha qaato, gobolka Mudug waan ka saareynaa nimankan canaasiirta ah” ayuu sii raaciyay.

Ugu dmabeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada gobollada dhexe, isaga oo kula dardaarmay inay sii wadaan halganka.

“Waajibaadkiinii aad Ummadda ugu adeegeyseen baad gudateen, waxaan idin leeyahay horay u socda waxyarbaa dhiman ee xididada u siiba” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Mudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan howlgallada, waxaa sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo inta badan lagu laayo xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Daawo: DF oo soo bandhigtay ciidamo carruur u badan oo Al-Shabaab laga qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda ciidamada ayaa Sabtidii la horgeeyey 32 qof oo loo heysto Shabaabnimo, kuwaas oo u badan carruur aan qaan-gaarin.

Sidoo kale kooxdaan waxaa ku jira rag waaweyn oo qaarkood hoggaaminayey caruurtaan ah Shabaab u qorsheeyeen inay ka dagaalamaan dhulka Galmudug iyo HirShabeelle.

Inta u dhaxeysa Deegaanka Basra iyo degmada Afgooye ayaa lagu qabtay gaadiidkii waday raggaan caruurta u badan oo aan hubeysneyn.

Al-Shabaab ayaa doonayey inay dadkaan u gudbiyaan deegaanada ay ka dagaalmayaan, iyagoo ka dhigaya shacab, balse waxaa ogaaday oo qabtay ciidan ku sugnaa jiinka wabiga, aagga deegaanka Basra.

Markii dhamaantood la hor keenay Maxkamadda Ciidamada waxay mid mid uga sheekeeyeen sidii loogu qanciyey, qaarkoodna loogu qasbay inay ku biiraan Al-Shabaab.

Carruurtaan ayaa soo bandhigay xogo naxdin leh oo muujinaya sida ay Shabaab dabka ugu shubayaan carruur aan dagaalami karin, sidoo kale waalidiintood ayey sheegeen caruurtaan in laga soo dhacay.

Ragga la hor keenay maxkamadda waxaa ku jira horjoogayaashii Shabaab u qaabilsanaa kaceynta carruurtaan qafaalan ee loo waday dagaalka iyo kuwii ku waday gaadiidka.

Xeer ilaaliyaasha maxkamadda ciidamada walabka sida ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan baaritaanka kiiskaan ay ku sameeyeen, sida loo kala leeyahay dembiga laga galay caruurtaan qafaalan, iyagoo maxkamadda ka codsaday in carruurtaan loo sameeyo dhaqan celin, maadaama aysan qaan gaarin.

Hoos ka daawo

Xog: Ciidanka ATMIS oo 16 sano kadib maanta ka guuraya Villa Somalia – Yaa bedelaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada howlgalka ATMIS ee howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inay maanta banneeyaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay muddo dheer sugaayeen amnigeeda, maadaama ay ku sugan yihiin madaxda qaranka.

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in ATMIS ay maanta wareejineyso amniga Villa Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha ay amniga dalka kula wareegayaan ciidamada Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa amniga Villa Soomaaliya maanta wixii ka dambeeya la wareegaya ciidanka Madaxtooyada iyo kuwa Booliska gaarka ah oo beddalaya ATMIS.

Ciidamada la wareegaya amniga Villa Somalia ayaa ah kuwa dhowaan tababar xooggan kusoo qaatay dalka Serbia, tababarkaas oo uu ka shaqeeyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas Maxamed Cabdullaahi.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in hadda kadib amniga xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay sugi doonaan ciidamada Soomaaliyeed, taas oo soo gabagabeneysa ciidamadii ajnabiga ahaa ee Madaxtooyada joogay tan iyo sanadkii 2007-dii.

ATMIS ayaa horay u wareejisay xaryooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Dowladda Soomaaliya oo haatan waddo dadaal dheeraad ah ayaa qorsheyneysa inay sugato amnigeeda, sidoo kalena ay kala wareegto ciidamada howlgalka ATMIS.

Dhowaan Ra’iisul wasaare Xamza oo ka hadlayay guushii deyn cafinta ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay dhisida ciidanka Xoogga iyo la wareegida amniga dalka.

“Waxaa noo dhiman oo dhawaan aan xaqiijin doonaa xoreynta qaybaha ka dhiman dalkeenna, la wareegidda iyo hanashada amniga dalka, marka la gaaro, Insha Allah dabayaaqada sanadka soo socda,” ayuu horay u yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay horumar ballaaran, waxaana maalmo kahor laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd, taas oo muhiim ah dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka daawo sawirrada ciidanka la wareegaya amniga Villa Somalia