27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Mid ka mid ah musharaxiinta maamulka PUNTLAND oo ku geeriyooday shil gaari

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho, kaasi oo uu ku geeriyooday mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Puntland.

Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Afguduud) oo kamid ahaa siyaasiyiinta u sharaxnaa xilka madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa maanta ku geeriyooday shilkaasi gaari.

Laamaha ammaanka maamulka ayaa xaqiijiyay geerida musharaxa, ayada oo la sheegay in gaari uu la socday oo ahaa Land Cruiser oo xawaare saa’id ah ku socday uu kula rogmaday  deegaanka Qayaadsame ee gobolka Bari.

Musharaxa iyo taageerayaal badan oo la socday ayaa ku wajahnaa magaalada Qardho, halkaasi oo looga diyaar garoobayay soo dhawayn in loogu sameeyo.

Allaha u naxariiste, marxuumka ayaa maalmo kahor kasoo dagay magaalada Boosaaso, halkaasi oo uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Suldaan Afguduud ayaa markaas sheegay inuu isku soo taagay sidii uu maamulka isbeddel dhab ah uga hirgalin lahaa, balse waxaa kasoo hormartay qadarta rabbi.

Markii laga tago inuu ahaa musharax madaxweyne, sidoo kale wuxuu ahaa caaqil kamid ahaa dadkii kasoo qeyb qaatay dhismihii maamulka Puntland.

Goorma ayey ciidamada ATMIS faarujinayaan dekeda iyo garoonka Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaacisay in dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ay noqon doonaan goobaha u dambeeya ee ciidanka ATMIS ay ka bixi doonaan.

Wasiirka Wasaaradda CabduLqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlayay qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) ayaa shaaciyay arrintaan, isaga oo sheegay in qorshaha bixitaanka uu u socdo sidii loogu tala-galay.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dekedda weyn ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku jiraan kuwa ugu muhiimsan ee ATMIS ay ciidankeennu kala wareegayaan, ayna yihiin qeybaha ugu dambeeya ee bixitaanka askarta shisheeye.

“Garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho waa goobaha ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS ka baxayaan, qeybaha ugu dambeeya ee bixitaanka askartaan ayay ku jiraan. Dalka oo dhan amnigiisa ayaa lala wareegayaa micnaheedu waa in goob walba oo dalka kamid ah dowladda Soomaaliya iyo ciidankeeda ay ku filnaadaan weeyi,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mr Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka ATMIS gebi ahaanba dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadka cusub ee bilaabanaya ee 2024-ka, ayna kahor si tartiib-tartiib ah ciidamada Soomaalida ay ula wareegayaan goobaha ay ka baxaan kuwa howl-galka Midowga Afrika.

“Goob walba oo laga baxayo waa muhiim, dhulkeena Soomaaliyeed meelba meeshii kale waa ka muhiimsan yahay. Meel walba oo ATMIS ku harsan tahay waxaa la wareegi doona ciidamada Soomaaliya.”

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maalmo kahor ciidanka ATMIS kala wareegay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, taasi oo ay maanta amnigeeda sugayaan ciidamada Soomaalida kadib 16 sano oo ay gacanta ku hayeen ciidamada shisheeye.

ATMIS ayaa horay u wareejisay xerooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Dowladda Soomaaliya oo haatan waddo dadaal dheeraad ah ayaa qorsheyneysa inay sugato amnigeeda, sidoo kalena ay kala wareegto ciidamada howl-galka ATMIS.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay horumar ballaaran, waxaana dhawaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd, taasi oo muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso

Mareykanka oo war culus ka soo saaray howlgal uu ka fuliyey Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed uu soo saarey Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa looga warbixiyey duqeyn cirka ah, 17-kii Bishan December fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dalkaas.

Duqeyntaas ayaa lala beegsadey kooxda Al-Shabaab, waxayna ka dhacday meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM, waxaa weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee degmadaas ku sugnaa.

AFRICOM waxay intaas ku sii dareen in duqeyntaas aysan wax khasaare ah oo kale uusan ka soo gaarin dad shacab ah.

Howlgalkaasi duqeynta ah ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo tan Mareykannka.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo kale oo lagu wiiqayo awooda kooxda Al-Shabaab ee carqaladda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku badan degmada Jilib, waxayna sheegaan inay tahay caasimadda kooxda, maadaama uu gacanta ugu wadajiro gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay warbixin uga soo saartay duqeyntaan, waxayna shaacisay geerida sarkaal weyn oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kale dowladda ayaa warbixinteeda horay ugu cadeysay in diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen duqeyntaas.

Natiijo rasmi ah oo laga soo saaray baaritaanka shilkii uu ku lug lahaa wiilka Xasan

0

Istanbul (Caasimada Online) – Baaritaan ku saabsan shilkii uu ku lugta lahaa wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen khubarrada dambiga iyo Machadka foreensigga dalka Turkiga ayaa soo saaray warbixin cusub.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilka gaari ee ka dhacay magaalada Istanbul 30-kii bishii Novembar ee uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ah wade mooto uu khaladka lahaa Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud sida lagu sheegay natiijada baaritaanka Machadka iyo Khuburrada.

Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay mootada, isagoo u leexiyay dhanka midig, halka darawalka mootada Göçer uu yareeyay xawaarihiisa oo u leexday dhanka saxda ah.

Warbixinta baaritaanka waxaa kale oo lagu sheegay Maxamed Xasan Sheekh uusan tixgalin xaaladda, oo uusan qaban bareegga, sidaasna uu khaladka ku lahaa.

Darawalkii mootada Yunus Emre Göçer, oo ku dhintay shilka, ayaa sidoo kale natiijada lagu shegay in uu lahaa khadka labada.

Waxa la sheegay in Göçer uu sameeyay khaladka ah in uusan si fiican u fiirin muraayadda gadaale ee laga fiiriyo baabuurta kaa dambeeysa, isla markaan uu leexday dhanka midig yareeyna xawaare sare oo uu ku socday taas oo keentay in shilku dhaco.

Warkii ay hore dowladda Turkiga uga soo saartay wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Wasiirka caddaaladda Turkiga, Yılmaz Tunç, ayaa dhowaan sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa shil gaari oo uu ku dhintay nin mootoole ah oo ka dhacay magaalada Istanbul uu dib ugu soo laaban doono dalka Turkiga.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Ankara ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay hay’adaha garsoorka Soomaaliya, wuxuuna yiri “Maalmaha soo socda waxaa suurtagal ah in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qeyb galo dacwadda arrintaasi ku saabsan”.

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir ah.

Baabuurka uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku dhacay mooto uu watay ninka geeriyooday, sida laga arkay muuqaal ay duubeen kaamirooyinka qarsoon taas oo bartiisa X uu soo dhigay duqa magaalada Istanabul, waxaana xilligaas ninka soo gaaray dhaawac, basle lixdii bishaan ayuu geeriyooday.

Warbixinta hordhac ah ayaa lagu sheegay in wax khalad uusan lahayn Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sidaas darteedna eedaysanaha loo sii daayay, basle wasiirka Cadaaladda Turkiga wuxuu sheegay in warbixinta labaad ay daaha ka qaadday inuu khalad leeyahay.

Yılmaz Tunç wasiirka caddaaladda Turkiga waxaa kale oo uu sheegay in baaritaanka dambe ee la saameeyay iyo kii hore uu farqi weyn u dhaxeeyo ayada oo kan dambe uu qeyb ka ahaa shaybaarka.

Wasiirka ayaa horey u sheegay in “Baaritaan maxkamadeed lagu bilaabay askartii booliska ahayd ee tagtay goobta fal dambiyeedka isla markaana keenay qiimeynta khaladka ah billowgeedii shilka”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AP ku sheegay in “wiilkiisa uusan baxsan ee uu howlo shaqo u aaday dalka dibaddiisa, waxaa kale oo uu xusay in uu la hadlay uuna u sheegay in dalka dib ugu laabto oo maxkamadda uu wajaho,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya .

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul wuxuu sheegay in warbixinta shilka ee la diyaariyay isla markiiba ka dib dhacdada ay mujinaysay in darawalka mootada uu xadgudbay sharciga, ayada oo sidaasi lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud .

Ka dib dhimashadii Göcer 6-dii Disembar goobta shilku uu dhacay waxaa loo diray guddi khabiirro ciidanka taraafikada ee wadooyinka ah.

Kooxo khabiirro ah oo sameeyanayay baaritaan ayaa warbixinta ay soo saareen la wadaagay warbahinta DHA ee dalka Turkiga.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in mootada ay si lama filaan ah dhinac midig ugu leexatay isaga oo aan shidin wax calaamad ah, darawalku ma uusan wadan koofiyad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inkasta oo uu bareegga qabtay, haddana uu ku dhacay mootada, laakiin Khabiirradu waxay shaaciyeen in wadaha mootada dhinac u leexaday, balse Maxamed Xassan uu ku dhacy oo gaariga uusan tartiib u wadin.

Iyaz Çimen, oo ah qareenka qoyska Göçer oo la hadlayay wakaaladaha ayaa yiri: “Darawalkii gaariga, oo boqolkiiba 100 khaladka lahaa waxaan filayaa in lagu ciqaabi doono arrintan”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay walaac ka qabaan in eedaysanaha uu soo laabto ama lasoo qabto maddaama hadda arrinta ay kasoo wareegtay toddobaad oo aan wax tallaabo ah la qaadan.

Wasiirka caddaaladda Turkiga waxa uu sheegay in baaritanka arrinta ku saabsan uu sii socon doono isla markaana qof kasta uu sharciga u hoggaansami doono.

Isha: BBC

Sawirro: Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaano cusub iyo howlgal culus oo socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo culus oo saaka ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saaka ka fuliyeen gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saaka waxay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano muhiim ah oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaanada ay ciidamadu la wareegeen ayaa kala ah Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli uu socdo howl-galka, islmarkaana Shabaab-ka lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Maalin kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dardar xooggan ku billowday mar kale, ayada oo dhawaan la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tego furimaha dagaalka, si loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka.

DF oo eedeymo yaab leh ku soo oogtay gabar caan ka ah baraha bulshada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay la hor geeyey gabar caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, taas oo lagu magacaabo Bishaaro Idiris.

Gabadhaan ayaa caan ku ah magaca Bishaaro Balaayo, waxaana loo heystaa muuqaalo anshax-xumo ah oo barteeda TikTok ay ku baahisay.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaran oo war ka soo saaray kiiska gabadhaas ayaa shaaciyey in maanta la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka.”

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

Go’aankaan waxaa la sheegay inay wada qaateen hey’adaha garsoorka iyo wasaaradda diinta, waxaana la beegsanayaa xubnaha baahiya muuqaalada anshaxa ka hor imaanaya, iyadoo laga bilaabay Bishaaro Idiris.

Gabadhaan ayaa lagu maxkamadeyn doonaa eedeymaha loo heysto, wuxuuna kiiskeedu noqonayaa mid ku cusub maxkamadaha dalka, dad badan ayaa dowladda uga mahadceliyey go’aankaan lagu dhowrayo dhaqanka.

Dowladda Mareykanka oo wajahaysa cadaadis weyn oo la xiriira Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa waxaa lagu cadaadinaya in uu wax ka beddel ku sameeyo duqeymaha cirka ee uu ka geysto gudaha Soomaaliya, kadib kororka khasaaraha rayidka ah.

In ka badan 20 hay’adaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga kamid ah ayaa ka dalbaday wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Mareykanka in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibanayaasha duqeymaha cirka ee Soomaaliya.

Hay’addahan ayaa weydiistay wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka in ay il gaar ah ku eegto codsiyada qoysaska ehelladooda lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha Maraykanka uu ka geysto gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay hay’addahan xuseen in saraakiisha Mareykanka ay iska indho tireen baaqa kasoo yeeray dhibanayaasha duqeymaha Mareykanka.

Warqad loo diray Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa waxaa lagu muujiyay kiisas badan oo waxyeelo rayid ah, kuwaasi oo ka dhacay Soomaaliya, oo ay xaqiijisay dowladda Mareykanka.

Kiisaskan ayaa ka kooban dhibanayaasha rayidka ah, kuwa badbaaday iyo qoysaskooda aysan wali helin jawaabo la taaban karo.

Warqadda ayaa muujineysa dhibanayaal ay kamid tahay Luul Daahir Maxamed, oo ahayd 22-jir Soomaali ah oo lala dilay gabadheeda Maryan Shilow Muuse oo 4-jir ahayd, kaddib markii bishii April ee 2018-kii uu Mareykanku duqayn ka geystay magaaalada Ceel-buur.

Luul walaalkeed Abuubakar Daahir ayaa sheegay in dhibanayaasha qoyskiisu ahaayeen dad rayid ah, haddana milatariga Mareykanka aysan weli reerkiisa siinin wax jawaab ah oo ay ku qanci karaan .

“In ka badan 5 sano ayaa laga joogaa tan iyo markii ay dhacday duqayntaas, laakiin ma aanan awoodin inaan helno cadaalad. Mareykanku xitaa ma uusan aqoonsan jiritaankeenna,” ayuu Abuubakar Daahir ku yiri warbixin wargeyska The Continent.

Sidoo kale waxaa lagu xusay warqadda in wasaaradda difaaca ay gacanta ku hayso saddex milyan oo doollar oo maaliyad sannadle ah oo uu bixiyo Koongareeska Mareykanka.

Lacagtan ayaa la sheegay in loogu tal-galay si loogu abaal-mariyo dhibbanayaasha rayidka ah iyo kuwa ka badbaaday howl-gallada Mareykanka.

Pentagon-ka ayaa sannadkii hore shaaciyay qorshe howleedka ka-hortagga iyo ka-jawaabista dhibaatada rayidka, oo ay ku jiraan ballan-qaadyo lagu horumarinayo maaraynta xogta iyo kor u qaadida awoodda milatari, balse taasi waxba kama tarin waxyeellada rayidka ee ay geystaan weerarrada Mareykanka.

Si kastaba, Duqeymaha Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar uu galaafta nolosha rayid badan oo Soomaali ah, iyada oo weli maamulka Biden uu si aamusnaan ah u sii wado waxa loogu yeero la-dagaalanka argagaxisada.

Huruuse ma waxaa wadata Villa Somalia oo dhiseysa mise?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa shalay ku dhowaaqay inuu is-casilay, sababo la xiriira musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland.

Huruuse ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay is casilaaddiisa, isaga oo u gudbiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Wasiirka oo xilkan soo hayay muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu ka tago shaqada, uuna hadda kadib diiradda saari doono ololihiisa doorashada Puntland, si uu ugu helo waqti, una galo diyaar ku aadan doorashadaasi.

Puntland ayaa aadeysa doorasho guud. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markale u tartamaya xukunka, siyaasiyiinta uu aadka uga didsaneyn ayuu kamid yahay Huruuse.

Inkasta oo ay jiraan dad Huruuse ku xiraya dowladda dhexe, haddana waxaa jira xogo sheegaya in ra’iisul wasaare Xamza iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ay mar hore kaarkooda Puntland saarteen musharax kale, taas oo Abshir Huruuse ka dhigeysa nin isagu garabka isku sida.

Laakiin weli booska madaxweyne Xasan Sheekh ma cadda.

Doorashadii Puntland ee 2019-kii madaxda dowladda federaalka ah ee xilligaa xilka hayay ayaa hal musharax kaarkooda saartay, kaasi oo ku haray wareegii koowaad ee doorashada.

Balse hadda waxaa loo badinaya inay Villa Somalia cilaaqaad wanaagsan la leedahay inta badan musharaxiinta raadineysa kursiga madaxtinimada Puntland.

Waxaa jira dad aaminsan in Huruuse u wacnaan laheyn inuu booskiisa arrimaha dibadda uu sii joogo oo uu u dhakado kursiga ra’iisul wasaaraha, maadaama xilli walba wax isbeddeli karaan, haddana sida muuqata waxa uu dookhday inuu tijaabiyo calaf siyaasadeedkiisa.

Ninkan ayaa dhinaca kale ka tirsan urur siyaasadeedka Puntland ka dhisan ee la yiraahdo Mideeye, kaasi oo uu hoggaamiyo Asad Diyaano. Ururku laba musharax ma wada dhisi karo, tarahana waxaa markaan laga leeyahay Garoowe oo uu Abshir kasoo jeedo mana hayno illaa iyo hadda war sheegaya in ururka Mideeye ay ku qanceen inay dhistaan Huruuse oo ay xoogeeda iskugu geeyaan musharaxaas.

Fursada Abshir Huruuse aad uma xoog badna xilligaan, laakiin doorashada Puntland maadaama ay Xildhibaannada aad u kooban yihiin wax walba ayaa macquul ka ah.

Huruuse waa mid kamid ah xubnaha ugu jeebka buuran dadka raadinaya kursiga madaxtinimada Puntland.

Xiriirka kala dhaxeeya kooxda Saciid Deni oo aan xumeyn, taraha ay Puntland ku dhaqmeyso waqtiga fog oo markaan maraya reerkiisa, saaxiibadiisa Mideeye iyo diiwaankiisa shaqo ee dowladda federaalka ah ayaa Huruuse ka dhigaya mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Puntland ee mudan in laga waramo.

DENI oo war kasoo saaray geerida ku timid musharax Cabdicasiis Af-guduud

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntaland, Saciid Cabdullaahi Deni oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Af-guduud) oo kamid ahaa musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha ee maamulkaasi.

Marxuumka ayaa maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ee maamul goboleedka Puntland.

Deni ayaa tacsi u diray ehallada marxuumka iyo dadkii kale ee ku dhintay shilkaasi baabuur, isaga oo kuwa dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Allah ha u naxariisto walaal Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Af-guduud), oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka qeybgalaya Doorashada Puntland, waa geeri naxdin leh, isaga iyo dadka kale ee Shilka Gaari ku geeriyooday Allah janadii ha geeyo, intii ku dhaawacantayna Allah ha u boogga dhayo aamiin” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray madaxweyne Deni.

Xilliga uu shilka galayay Marxuum Cabdicasiis Af-gaduud ayaa la socday gaari Land Cruiser oo xawaare saa’id ah ku socday, kaas oo kula rogmaday deegaanka Qayaadsame ee Bari.

Musharaxa iyo taageerayaal badan oo la socday ayaa ku wajahnaa magaalada Qardho, halkaasi oo looga diyaar garoobayay soo dhawayn in loogu sameeyo.

Allaha u naxariiste, marxuumka ayaa maalmo kahor kasoo dagay magaalada Boosaaso, halkaasi oo uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Suldaan Afguduud ayaa markaas sheegay inuu isku soo taagay sidii uu maamulka isbeddel dhab ah uga hirgalin lahaa, balse waxaa kasoo hormartay qadarta rabbi.

Markii laga tago inuu ahaa musharax madaxweyne, sidoo kale wuxuu ahaa caaqil kamid ahaa dadkii kasoo qeyb qaatay dhismihii maamulka Puntland.

Khilaafkii doorashooyinka PUNTLAND oo heshiis laga gaaray (Aqriso qodobada)

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash iyo Gudddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa heshiis ka gaaray Khilaafkii arrimaha doorashada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in saddexda mas’uul ka heshiiyeen murankii ka taagnaa arrinta doorashada 2024.

Madaxda ayaa ku heshiiyay in Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo mudo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:

Shir ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa looga hadlay Doorashada Puntland. 

Madaxda ayaa ku heshiiyey qodobada soo socda: 

1- In Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

2- In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi baarlamaankii 5-aad, oo muddo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023. 

Dhinaca kale, heshiiska kadib ayaa madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanka, ayaa kulan la qaatay Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Golaha wakiillada Dowladda Puntland. 

Madaxda ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyadoo la raacayo habraacii soo jireenka ahaa ee 66-da xildhibaan hore ugu iman jireen, kaasi oo cuqaasha iyo Isimadu soo gudbiyaan xubnaha ku metelaya Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Waxayna guddiga u rajeeyeen in Allah u fududeeyo masuuliyadda saaran.

Taliyaha Booliska Jabuuti iyo saraakiil sare oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Jabuuti Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Taliyaha iyo wafdiga saraakiisha ah ee uu hoggaaminayo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde masuuliyiin ka tirsan dowladda, oo ugu horreeyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska General Cismaan Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil kale.

Safarka Taliyaha ayaa sheegay in uu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda weyn ee 80 sano guurada aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta Berrito ah 20 December.

Wafdiga taliyaha ayaa loo galbiyey xarunta Taliska ee Komaanda Boliisiya, si halkaas uu ugu qaabilo Taliyaha Ciidanka Booliska General Sulub Axmed Firin.

20-ka December ayaa ah astaan kamid ah maalmaha qaran ee loo dabbaal-dego xusuusta dhaxal-galka ah ee umadda, gaar ahaan aas-aaska ciidamada booliska oo kamid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka.

Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan boolis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn, islamarkaana lagama maarmaan u ah aas-aaska dhismaha dowladd Soomaaliyeed oo wax la wadaagta waddamada caalamka.

Sawirro: Xamza oo gaaray dalka JABUUTI + Ujeedka

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti.

Sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha, safarka Xamza Cabdi Barre ee dalka Jabuuti ayaa uu daaran ka qayb-galka shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage, oo ka qabsoomaya dalkaasi.

Madasha ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda Geeska, taasi oo saamayn u leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka Heritage oo sanadle loo qabto ayaa waxaa inta badan waxaa lagu soo bandhigo doodo cilmi ah oo ku saabsan xaaladda gobolka Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaaliya, siyaasadaha saameynta ku leh Soomaaliya iyo Soomaalida iyo qodobo kale.

Madasha ayaa la filayaa inay kasoo qeyb-galaan mas’uuliyiin ka socota dowladaha Soomaaliya, Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya, sidoo kalena waxaa qeyb ka ah aqoon-yahano fara badan iyo qaar kamid ah ururada bulshada.

Xasan oo safar deg deg ah ku tegay Kuwait + Ujeedka

0

Kuwait (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqasho-tacsiyeed ku tagay dowladda Kuwait.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka dalkaas Mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.

Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Amiirrada oo uu la kulamy.

Inta badan madaxda dalalka Carabta ayaa isugu tegay dalka Kuwait, si ay ugu tacsiyeeyaan dowladda iyo shacabka reer Kuwait oo dhawaan uu geeriyooday Amiirkoodii.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid noqday madaxda dunida Muslimka ee ka qeyb galay tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Nawaf Al-Axmad.

Dowladda Kuwait ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageera Soomaaliya, sidoo kale waa xubin muhiim ah oo ka mid ah dalalka Carabta.

Sheekh caan ka ah dunida oo hal arrin ku amaanay gabdhaha Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekha caanka ah ee Muft Menk ayaa maalmahan qabsaday baraha bulshada Soomaalida, kaddib markii muuqaal uu soo duubay uuna kaga hadlayay arrimo dhowr ah, uu ku ammaanay haweenka Soomaalida.

Sheekhan oo khudbad Jimcihii lasoo dhaafay ka jeedinayay masjid ku yaalla dalka Koofur Afrika, ayaa ammaanay sida ay u asturan yihiin gabdhaha iyo haweenka Soomaalida.

“Xoogaa kahor waxaan idiin sheegay in dadka ka yimid Soomaaliya aad dadka kasoo dhex saari karto durba markaad meesha soo gasho, dadkaanna ma aysan dhigin xijaabkooda. Haweenka walaalahey ee Soomaaliya kasoo jeeda hambalyo, mabruuk ayaan idiin leeyahay,” ayuu yiri sheekha.

Sheekha ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaalida inay tusaale u noqdaan dunida. Wuxuu intaa raaciyay inuu tegay dalal dhowr ah oo adduunka ah uuna mar walba la dhaco asturnaanta haweenka Soomaalida.

“Waxaan mar walba iraahdaa Subxaanallaah, bal eeg dadkan mar walba waxay u asturan yihiin si qurux badan.” Ayuu intaa raaciyay.

Wuxuu sheegay in inkastoo dadka Soomaalida guryahooda laga soo barakiciyay, haddana diintooda aysan ka bixin wadnahooda.

Hadaba waa kuma Sheekh Muft Menk?

Mufti Dr Ismail Menk waa wadaad caan ah oo Muslim ah wuxuuna ku dhashay kuna barbaaray dalka Zimbabwe. Wuxuu Shareecada ka bartay magaalada Madiina ee dalka Sacuudiga wuxuuna heystaa shahaadada sare ee Hanuuninta Bulshada oo uu ka qaatay Jaamacadda Aldersgate.

Mufti Menk oo da’diisu ay 50 ku dhowdahay ayaa aad looga yaqaannaa dunida wuxuuna ku jiraa “500 ee Muslimiinta ugu Saameynta badan Dunida” tan iyo 2010.

Malaayiin qof ayaa ku xiran barihiisa bulshada. Dad badan ayaa ku taageera qaabka uu wacdiyada u jeediyo oo ah kuwo soo jiidasho leh uuna mararka qaar ku cabbiro wixii uu shakhsi ahaan lasoo kulmay.

Mufti ayaa u safra dunida isagoo dadka kula taliya inay is wanaajiyaan isuna gargaaraan.

Isha: BBC Somali

Wasaaraddaha ugu muhiimsan ee DF oo maanta bilaa wasiir ah iyo xog cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa noqotay wasaaradii labaad oo kamid ah wasaaradaha ugu waaweyn dowladda federaalka ah ee maanta aan laheyn wasiir kadib markii uu is-casilay Wasiir Abshir Huruuse.

Sidoo kale waxaa horey wasiir la’aan u noqotay wasaaradda amniga, oo kamid ah wasaaradaha ugu muhiimsan ee dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii safiirka dalka Qatar loo magacaabay wasiirkii wasaaradaasi Mr. Doodishe.

Wasaaraddahan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan uu soo buuxiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxaa sidoo kale soo baxeysa in ra’iisul wasaaraha uu qorsheynayo sameynta isku shaandheyn ballaaran oo xukuumadda ah, waana midday ay muddo bilaa wasiir u tahay wasaaradda amniga, ayay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu si adag ula hadlay Golaha Wasiiradda, isagoo saluug ka muujiyay kaalintooda arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, si gaar ahna isku dul-taagay arrinta Dastuurka, oo aan weli sidii uu rabay loo dhaqaajin.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan ayaa markaas waxa uu kala doorad-siiyay Golaha Wasiirada inay meel-mariyaan qorshihiisa siyaasadeed ee wax ka bedelka Dastuurka iyo inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Xasan oo aad uga careysnaa Wasiirada Xukuumadda ee aan waxba ka goyn Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siiyay.

Si kastaba, Buuxinta labada wasaaradood ee muhiimka ah ayaa lala sugaya isku shaandheyn ballaaran oo dhawaan ra’iisul wasaaraha uu ku sameyn doono xukuumadda, taasi oo galaafan doonta xubnaha aan weli wax ka goyn qorshaha uu wato madaxweyne Xasan.

Mareykanka oo $5 Milyan ku raadinaya ninka labaad ee ugu sarreeya Al-Shabaab

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa lacag abaal-marin ah oo gaareysa Shan Milyan oo dollar u ballan-qaaday inay siineyso ciddii soo sheegta xog la xiriirta halka uu ku sugan yahay ama far muuqda ninka labaad ee awood ahaan ugu sarreeya kooxda Al-Shabaab.

Ninkan uu Mareykanka dul dhigay madaxiisa 5 Milyan ayaa lagu magacaaba Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka Amiirka Al-Shabaab, waana ninka ku xiga Amiirka kooxda Axmed Cumar Abu Cubeyda.

Abuukar ayaa muddo dhowr sano ah soo ahaa madaxa garabka Jabhadda Al-Shabaab, isaga oo kadib noqday taliyaha milateriga Al-Shabaab, ayada oo ugu dambeyntiina loo dalacsiiyay booska uu hadda hayo ee Ku-xigeenka Amiirka Ururka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Abuukar Cali Aadan ayaa bishii January ee 2018-kii ayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah, sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa Abuukar ku dartay liiskeeda argagixisada.

Al-Shabaab ayaa lagu tilmaama garabka ugu ballaaran ee ugu hantida badan kooxaha la howl-gala Ururka Al-Qaacida, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kooxda Al-Shabaab inkasta oo saldhigyadeeda Soomaaliya yihiin ayaa haddana waxay weeraro argagixiso ka fulisa waddamada deriska sida; Kenya iyo Ethiopia.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, islamarkaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa ahaa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May ee 2009-kii, sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

5-tii Janaayo 2023 dowladda Mareykanka ayaa waxay 10 milyan oo dollar ugu yabooday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale 13-kii Janaayo 2023 ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii Hotel DusitD2 ee 2019-kii ka dhacay magaalada Nairobi.

Xasan oo ku laabanaya furimaha dagaalka kadib xujo culus oo meesha ka baxday

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ayaa dib u bilaaban doona dhawaan, kaasi oo uu hakad ku yimid tan iyo markii ay dalka ka curteen roobabku.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laaban doona gobollada dhexe, si uu u xaqiijiyo hadafka ugu weyn ee umadda Soomaalidu leedahay maanta, kaasi oo ah in laga adkaado kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan ayaa dib ugu laabanaya la-dagaalanka argagixisada, isaga oo meel soo saaray arrimo waaweyn oo qabyo ka ahaa dowladnimada Soomaaliya, oo ay kamid yihiin;

  1. Deyn cafinta Soomaaliya.
  2. Xubinimada ururka bulshada Bariga Afrika ee EAC.
  3. In dalka laga qaado cuna-qabateynta hubka oo sanado badan saarneyd Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku dhowaad 15 sano la tacaaleysa mid kamid ah kooxaha argagixisada ah ee adduunka ugu dhaqaalaha iyo ciidanka badan, balse mid kamid ah sababihii dheereeyay dagaalka argagixisada ka dhanka ah ayaa dhawaan soo afjarmay, waana nuuca hubka.

Ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa argagixisada waxay ahaayeen laba dhinac oo hubkooda kala weynayn, kala casriyeysneyn oo dhinacaas isku itaal ka ah.

Soomaaliya hadda waa laga qaaday cuna-qabateentii hubka, waxaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u furan inay soo iibsato hub casri ah oo si ba’an u gumaadi kara argagixisada, xilli dhinaca kale uu adduunka laba jibaaray cuna-qabateynta hubka ee saaran kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Sida laga soo xiganayo illo Sirdoon argagixisada ayaa si weyn uga walaacday in dowladda Soomaaliya laga qaaday cuna-qabateyntii hubka, taasi oo hadda saamixi karta inay dowladda soo iibsato hub si ba’an wax u gumaadi kara oo soo gaabin kara cimrigii ay argagixisada aaminsaneyd in uu dagaalkooda qaadan karo.

Doodda farqiga hubka ee argagixisada iyo ciidanka xoogga dalka waxay aheyd mid muddo taagneyd, waana qodob kamid ah sababihii cuna-qabateynta hubka looga qaaday dowladda Soomaaliya, si ay ugu sahlanaanto inay ka adkaato argagixisada.

Inkasta oo soo iibsiga hubka uu dhaqaale badan uga baahan yahay dowladda, haddana waxaa sidoo kale xusid mudan fahamka isticmaalka hubka casriga ah, oo la aaminsan yahay in aysan askarta Soomaalida badi u tababarneyn aanay u baahan yihiin in hadda loo diyaariyo, sidoo kale ilaalinta amaanada hubkaas ee ah in uusan gacan qaldan gelin ayaa kamid ah waajibaadka waaweyn ee horyaalla dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya oo bilaa argagixiso ah ayaa la aaminsan yahay inay wax weyn la qeybsan karto caalamka, oo ay heli karto maalgashi caalami ah maadaama ay leedahay kheyraad badan oo dabiici ah oo weli la isticmaalin.

Dadka Soomaalida ayaa isha ku haya sida uu nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu faa’iideysto qaadista cuna-qabateynta hubka, una soo gaabiyo dagaalka argagixisada oo wiiqay dhaqaalaha, xasiloonida iyo horumarka guud ee Soomaaliya.

Xeer Ilaalinta oo billowday beegsi cusub iyo shaqsigii u horreeyay oo maanta lasoo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa billowday beegsiga dadka dhaqan xumada ku baahiya baraha bulshada, ayada oo maanta soo xirtay Bishaaro Idiris Maxamed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro oo maalmahii lasoo dhaafay baraha bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah.

Muuqaaladaasi ayay sheegtay Xeer Ilaalinta Qaranka inay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa isla maanta horgeysay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xireen ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Bishaaro Idiris ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay ku xad-gudubtay anshaxa iyo dhaqanka, wuxuuna kiiskeeda uu billow u yahay beegsiga dadka baraha bulshada ku baahiya waxyaabaha lidiga ku ah anshaxa iyo dhaqanka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

Waxaa muddooyinkii dambe baraha bulshada, oo si weyn u isticmaasho Soomaalida kusoo badanayay dadka sameynaya waxyaabo ka baxsan anshaxa suuban iyo dhaqanka, waxayna dadka qaarkood ay qabaan inay tahay tallaabo lala soo daahay wax ka qabashada dhaqanadaasi.

Si kastaba, Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa si rasmi ah u billowday beegsiga shaqsiyaadka waxyaabaha lidiga ku ah anshaxa iyo dhaqanka ku faafiya baraha bulshada, ayada oo sida Bishaaro Idiris oo kale la horgeyn doono maxkamadda, sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay is-casilaada Huruuse

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa maanta ku dhowaaqay inuu is casilay, sababo la xiriira musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland.

Is-casilaadda Huruuse ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, kadib markii qoraal uu soo saaray ku shaaciyay is casilaaddiisa, isaga oo u gudbiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Wasiirka oo xilkan soo hayay muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu ka tago shaqada, uuna hadda kadib diiradda saari doono ololihiisa doorashada Puntland, si uu ugu helo waqti, una galo diyaar ku aadan doorashadaasi.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Siyaad Shaafici: “Maah-maah: Miro gunti ku jira kuwa geed saaran looma daadiyo, waxaan ka baqayaa in aad wasiirnimadii iyo madaxweyne maamul-goboleed weyso.”

Axmed Xasan Xaaji ayaa waxa uu yiri “Waxay ila tahay waa go’aan geesinimo leh wallow ay jirto maah-maahdii ahayd miro gunti ku jira mira geed saaran looma daadiyo. Hase yeeshee waa geesinimo kalsooni xoogani ka muuqato.”

“Ina adeer sooma ogid in aan Puntland laga ogoleyn qof dowladda dhexe ay riixeeyso. Xilkaada maad iska heysatid Jaalle Wasiir,” ayuu yiri Maxamed Xuseen.

Cabdifataax Axmed ayaa isna waxa uu yiri “Wasiir waxaaba geesinimo ah in aadan xaydha jecli beerka jecli aadan samayn sidii raga qaybtii sanadka sameeyeen iyaga oo gacanta midig wax ku haysta ay bidixda wax kale ku doonteen.”

Cabdullaahi Soofe: “Miro guntigaaga ku jira kuwa geed saaran looma daadiyo inadwr waa deg-degtay adoo xilkaga haysta ayaa la rabaa inaad raadsato hanka kugu jira, inkasto warar hoose sheegayeen inadan ku qanacsanayn shaqada wasiirka arrimaha dibada oo aad u ma madax bananayn.”

“Waxaad isku diyaarineysa inaad Puntland dumiso, xilkan xil ku dhamo ma lahan,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdiraxmaan Saciid.

Cabdixakim Saciid Arax ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Guul iyo gobonimo waa dadaashay inta xilka haysay, cuna-qabateyntii hubka in laqado waa ku dadaashay.”

“Aad ayaan uga naxay go’aankaas tuntii anigoo fahamsan sababta hadana intii Huruuse xilka hayay waxaan marag ka aheyn siyaasad arimo dibadeed degan oo waxtarna u aheyd dowladnimadeena,” ayuu yiri Dhageey oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Cabdifatah Xareed: “Nasiib iyo mustaqbal wanaagsan ayaa kuu rajeynaa mudane Wasiir.”

Cawaale Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Adeer wasiir waad is dadajisay, Puntland wax ba ka soo qaadi mayside, armay kuu fiicnan lahayd in aad wasiirnimadaada ka sii bariisaysid. Khayr waa iska imanayaaye.”

“Shaqo wanaagsan ayaad qaranka u qabatey waxan rajeynayaa in deegzankaga Puntland kugu aaminan kalsoonida si aad u hormariso,” ayuu yiri Sakariye Fante.

Maxkamadda G/Banaadir oo xayiraad kusoo rogtay agaasimaha W/Gaadiidka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar xayiraad safar ah oo lagu soo rogay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Bashiir Macallin Cali Xasan oo loo haysto eedeymo musuq ah.

Maxkamadda oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay inuu codsi usoo gudbiyay Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ay tilmaamtay inuu baaris ku hayo agaasimaha.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan loo haysto inuu musuq-maasuqay deeq lacageed oo ka timid dowladda Shiinaha, taas oo uu maamulay Bashiir Macallin Cali.

“Waxaa xayiraadda loo sababeeyay in xafiiska HG uu baaris ku haayo habka loo maareeyay deeq lacageed oo Safaaradda Shiinaha ka timid oo uu maamulay Bashiir Macallin Cali Xasan, ayna heleen xog ah inuu ka bixi rabo dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda.

Warqadda ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu sheegay inay aqbashaday codsiga Hantidhowrka, ayna xyiraad safar kusoo rogtay Agaasime Bashiir.

“Waxay aqbashaday Maxkamadda codsiga Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ee xayiraadda, waxayna go’aamisay in xayiraad safar la saaro eedeysane Bashiir Macallin Cali Xasan Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada” ayaa la raaciyay qoraalka.

Maxkamadda ayaa fartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay fuliso amarkan, inta ay baarista ku socoto Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Waxay fareysaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay safarka ka joojiyaan Bashiir Macallin Cali Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, inta ay baarista socota” ayaa mar kale lagu yiri amarka ay soo saartay Maxkamadda Gobolka.

Bashiir Macallin Cali ayaa kamid ahaa raggii ku caan baxay dagaalkii siyaasadeed ee ay lala galay Farmaajo, waxaana xilkan loo magacaabay kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh.