26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Aqriso: Taariikh nololeedkii Khadiija Maxamed Diiriye

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa shalay magaalada Jabuuti ku geeriyooday Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, kadib xanuun asiibay.

Khadiija ayaa kamid aheyd wafidiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ee ka qeyb-galaya Madasha Aragti-Wadaag ee lagu qabanayay dalka Jabuuti.

Waayihii ay soo martay

Waxa ay 2 April 1964 ku dhalatay magaalada Muqdisho, iyada oo barashada Qu’aanka ku bilawday hayaankeeda waxbarsho.

Waxa ay 1972 illaa 1979 Dugsiga hoose iyo dhexe ku baratay Dugsiga Hassan Dhagey ee ku yaala magaalada Jowhar, waxayna Dugsiga Sare ilaa heer Jaamacad ku qaadatay magaalada Muqdisho.

Xirfadaha Shaqo

1981-1982: Bare Dugsiga Dhexeee Hassan Dhagey Burey – Jowhar – Soomaaliya
1982-1983: Xogheynta iyo Maamulka Xisaabaadka Dugsiga Sare ee Beeraha Jowhar
1983-1984: Maamulka Xarunta Xiriirinta Labada Gobol ee Hiiran iyo Shabellaha Dhexe – Buurane
1984-1990: Mashruuca Fidinta Beeraha 1990-2000: Ganacsato iyo Guri Joogto

Doorka Siyaasadeed

Waxa ay AUN Khadiija leedahay 23 Sano oo Khibrado Siyaasadeed ah, iyada oo soo qabatay xilalkan:

  • 2000-2004: Xildhibaan Dowladii Carta lagu soo Dhisay (TNG)
  • 2004-2009: Xildhibaan Dowladii Impagathi lagu soo dhisay (TFG)
  • 2004: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Dalyeelka Qoyska XKMG
  • 2005-2006: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka XKMG
  • 2006-2007: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha XKMG
  • 2008-2009: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska XKMG
  • 2008-2009: Siihayaha Wasiirka Wasaraadda Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Bii’ada XKMG
  • 2009-2010: Xildhibaan Baarlamaankii lagu Biiriyey Djibouti
  • 2009-2010: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga XKMG Dhirta iyo Daaqa XKMG
  • 2010-2011: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga
  • 2011 : Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Biyaha, Batroolka Macdanta iyo Tamarta XKMG
  • 2011-2012: Guddoomiyaha Guddiga Cilmi Baarista, Tignaloojiyada, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka KMG
  • 2012: Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya
  • 2013: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arr. Bani’aadanimo ee Golaha Shacabka BJFS
  • 2014: Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJF
  • 2016: Wakiilka u matalaaya Soomaaliya IPU-IGAD Women CAUCUS
  • 2017: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF
  • 2017 – 2020: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS
  • 2020 – 2022: Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XJFS
  • 2022: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF
  • 2022: Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Daawo: Maydka Khadiija Diiriye oo la keenay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dajiyay maydka waisirkii haweenka iyo xaquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay waddanka Jabuuti.

Diyaarad gaar ah ayaa maydka marxuumadda kasoo qaaday dalka Jabuuti, waxaana la socday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa haatan socda qaban qaabada aas qaran oo wasiiradda loogu sameynayo magaalada Muqdisho, waxaana ku howlan guddi gaar ah oo ay u xil saartay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka qayb-galaya aaska madax kala duwan oo ka tirsan dowlada dhexe, mas’uuliyiin hore, ehellada marxuumadda iyo dadweyne kale.

Geerida ku timid Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lama filaan ku noqotay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna xilliga ay geeriyooneysay ay qayb ka ahayd wafdi uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti.

Wasiirada ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kadibna ayada oo la qorsheynayo in loo qaado dalka Turiga ay ku geeriyootay halkaasi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka mid aheyd xildhibaanada ugu muddada dheer baarlamanka Soomaaliya, oo ay ku jirtay ku dhowaad 20 sano, tan iyo markii dowladda federaalka ee hadda jirta la aas-aasay sanadkii 2004.

Geerideeda waxaa ka tacsiyeeyay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada iyo mas’uuliyiintii hore ee dalka.

Dowladda oo shaacisay khasaare culus oo Shabaab ka soo gaaray howlgal ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey howlgal culus oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka.

“Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab,” ayaa lagu yiri warkaan.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaas oo dhacay goor galab ah looga hortegay koox Shabaab ah oo qorsheyneysay weerarro culus.

“Hawlgalka ayaa xilli galab ah dhacay, waxaana looga hortagay koox ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku urursanayay xadka u dhexeeya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana lagu burburiyay qorshihii Khawaarijta halkaasi ku maleegayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda ayaa sheegay inuu jiro taxadar culus, si looga hor tago weerarrada Al-Shabaab, iyadoo lagu guuleystay in laga hortago dhagaro badan oo Shabaab ay soo maleegayeen, sida lagu sheegay qoraalkaan.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka oo iskaashanaya ayaa khidad aad loo qorsheeyay lagana taxadaray waxyeelada shacabka u adeegsaday hawlgalka si loo dhabar jabiyo dhagartii Khawaarijta soo maleegtay, waxaana hawlgalka u fulay si guul ah,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Toddobaadkan gudihiisa waxaa hawlgal kale oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe lagu bartilmaameedsaday horjooge sare oo ka tirsan cadowga Khawaarijta ah ee Al Shabab, kaas oo ka mid ahaa horjoogayaasha muhiimka ah ee kooxda.”

Ugu dambeyntii warkaan ka soo baxay dowladda federaalka waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxa ay diiradda Koowaad saaraysa ciribtirka argagixisada Khawaarijta ah ee Al Shabab, waxaana sannadkan dagaalka lagu xididada siibayo laga gaaray guulo waa weyn.”

Daawo: DF oo shaacisay halka lagu aasayo Khadiija Diiriye oo ku geeriyootay Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in meydka Allaha u naxariistee wasiir Khadiija Diiriye berri loo qaadi doono magaalada Muqdisho, si halkaas loogu sameeyo aas qaran.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa xaqiijiyey in meydka marxuum Khadiija Diiriye berri laga deji ayo Muqdisho, iyadoo la abaabulay qorshe aas qaran loogu sameynayo.

Guddi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa loo xil-saaray qaban qaabada aaska qaran ee loo sameynayo wasiir Khadiija.

“Khadiijo door firfircoon ayey ka soo qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dowladda oo qirsan in waqtigeedii ugu badnaa ay u soo hurtay qarankaan waxay go’aansatay in dib loogu celiyo Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo marxuum Khadiija Diiriye,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomalaiya.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Marxuum Khadiija ay ku jirtay madaxdii Soomaaliyeed ee lagu casuumay shirka Heritage ee Jabuuti ka socda, balse ay xanuunsatay, kadibna la dhigay isbitaal.

“Markii aan ka soo degnay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ayey xanuunsatay, isbitaal ayaa la dhigay, dadaal badan ayaa la sameeyey, qaliin yar ayey martay, balse amarkii Alle ayaa maanta dhacay oo ugu dambeyn waa ay geeriyootay,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Allaha u naxariistee Wasiir Khadiijo ayaa dowladnimada Soomaaliya ku soo dhexjirtay 23-kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ka mid aheyd baarlamaankii lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, ilaa ay hadda ka geeriyootana waxay aheyd xildhibaan heer federaal ah.

Waxaa la sheegay inay ifka uga tagtay lix qof oo ay dhashay, 12 jeer ayey soo noqotay wasiir, waxayna aheyd qof laga jecelyahay siyaasadda Soomaaliya.

Hoos ka daawo wareysiga

Somaliland oo war kasoo saartay dagaal dhimasho leh oo ka dhacay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa faah-faahisay dagaal shalay buurta Naaso Hablood ee magaalada Hargeysa ku dhex-maray ciidanka Millateriga iyo shacab hubeysan.

Dagaalkan oo sidoo kale markale dhex-maray ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa millateriga ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu salka ku hayo muran dhuleed, kaasi oo qeybo kamid ah millaterigu ay dageen kadibna ay kusoo weerareen maleeshiyaad hubaysan oo dhulka sheeganaya.

Waxa uu shaaciyay in dagaalka ay ku dhinteen illaa 6 qof, oo askar iyo shacab iskugu jira.

“Niman shacab ah ayaa soo weeraray ciidankii halkaa deganaa, nin way ka dileen, nina way ka dhaawaceen, kadibna labada ciidanba way ku gurmadeen, markii dambena waxaa la isla gartay in ciidanka qaranka ku noqdo xeradiisa oo howsha loo daayo Booliska,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada Booliska Somaliland.

Dhinaca kale, Abaanduulaha Guud ee Miilateriga Somalilad Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Bullaale ayaa sheegay in dagaalka ay markii dambe kusoo biireen niman milateri ah, oo uu sheegay inay dhulka lagu muransan yahay sheegtaan.

Raggan milateriga ah ayuu sheegay inay weerar ku qaadeen ciidankii Booliska ahaa ee dhulka la isku haysto la geeyay, kadibna ay halkaasi ku dhinteen saddex askari.

Ugu dambeyntiina waxay si cad u sheegeen in arrinta dagaalka, askarta dhimatay, magtooda iyo aaskoodaba lagala soo xiriirayo oo keli ah xafiisyada labada ciidan, islamarkaana aanay shaqo ku laheyn beelo iyo odayaal toona, sida ay hadalka u dhigeen.

Deegaanada Somaliland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dagaallo salka ku haya muran dhuleed, kuwaasi oo sababa dhimasho iyo dhaawac.

Madaxda sare ee dalka oo war kasoo saaray geerida Khadiija

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dalka, oo ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa qoraal kasoo saaray geerida ku timid AUN Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Allaha u naxariistee, Wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Jabuuti ku geeriyootay, kadib xanuun deg deg ah oo asiibay.

Ugu horreyn, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wasiir Khadiija, isaga oo ku tilmaamay mid qalbi taabad ah oo aad u xanuun badan.

“Innaa Lillaahi waa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaan Khadiijo ay ahayd howlkar wasiir ka noqotay wasaaradda kala duwan, wakhti adagna u soo shaqeysay dalkeenna, kuna tilmaamnayd garab istaagga iyo u damqashada dadkeenna nugul, haweenka iyo dhallinyarada.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, hoygeedana haka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna haka siiyo qaranka Soomaaliyeed, qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay. Aamiin, Aamiin”

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay ka mid ahayd ka qeygalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee Soomaaliya ay dowladnimadeeda ku soo ceshatey,’’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna tacsi tiraanyo leh u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Wasiir Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.

Waxa uu xusay inay kamid ahayd gabdhihii fara ku tiriska ahaa ee waqtiga badan geliyay dib u dhisidda Jamhuuriyadda seddexaad ee Soomaaliya, iyadoona kamid ahayd ka qeyb-galayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, oo socday intii u dhaxeysay 20-ka April ilaa 5-ta May ee sanadii 2000, kaas oo ay Soomaaliya ku soo ceshatay dowladnimadeeda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina marxuumad Khadiija Diiriye Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay CEELDHEER

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta gudaha u galay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugna degmada ay iskaga carareen, kadib markii ay ka war heleen gulufka ku wajahan.

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo hogaaminayay howl-galka ayaa xaqiijiyay in lagu xoreeyay deegaanada bariga Galgaduud dhaca ee hoostago degmada Ceeldheer.

Ciidamada ayaa hadda howl-gal miino baaris ah ka wada wadooyinka soo gala degmada Ceeldheer iyo kuwa ka baxa.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii u horreysay ee ciidamada dowladda ay qabsadaan degmada Ceeldheer, hase yeeshe dagaal-yahaanada Shabaab ay dib ula wareegay kadib markii ay iskaga baxeen ciidamada, ayada oo ugu dambeyn markale maanta ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gulufka dagaal ee Shababa ka dhanka ah ayaa si habsami leh u socda, ayada oo shalay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano muhiim ah oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaanada ay ciidamadu la wareegeen ayaa kala ahaa Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Sidoo kale maalmo kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray.

Si kastaba, Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dardar xooggan ku billowday mar kale, ayada oo dhawaan la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tego furimaha dagaalka, si loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka.

Wasiir KHADIIJA Maxamed Diiriye oo maanta geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee, waxaa goordhow magaalada Jabuuti ku geeriyootay wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, sida ay ehelkeeda u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wasiirka ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jabuuti, ayada oo ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku sugan halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Khadiija ay maanta qalliin ku gashay dalka Jabuuti, ayada oo la qorsheynayey in loo qaado dalka Turkey, balse waxay ay geeriyootay waxyar kahor markii la rabay in la qaado.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka mid aheyd xildhibaanada ugu muddada dheer baarlamanka Soomaaliya, oo ay ku jirtay ku dhowaad 20 sano, tan iyo markii dowladda federaalka ee hadda jirta la aas-aasay 2004.

Geerida Wasiir Khadiija ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay geerida Khadiija ayaa yiri “Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.”

“Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku tilmaamay Wasiir Khadiija mid kamid ah halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.

“Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay ka mid ahayd ka qeygalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee Soomaaliya ay dowladnimadeeda ku soo ceshatey,’’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Sawirro: Geelle oo 4 arrin oo weyn ku amaanay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo uu si weyn ugu bogaadiyay Soomaaliya.

Kulanka Xamza iyo Geelle ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay.

Mudane Geelle ayaa dhankiisa waxq uu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban.

Geelle ayaa si gaar ah u xusay guusha laga gaaray dagaalka ay dowladda iyo shacabka kula jiraan Al-Shabaab, qaadista cuna-qabateynta hubka, ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sanadkan dhamaadka ah daba-yaaqadiisa gaartay guullo waaweyn oo wax ku ool ah, taasi oo ay ugu dambeysay deyn cafinta oo lagu dhawaaqay 13-kii bishaan, taasi oo Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka aan lagu laheyn wax deyn ah.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka DF iyo Al-Shabaab oo ka socda gobolka Mudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Al-Shabaab ayaa ka socda Koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah uga socda deeganka Jeex-jeex iyo buurta Yacgoos oo u dhaxeeya magaalooyinka Caad iyo Camaara ee Koofurta gobolka Mudug, xilli gobolka uu ka socda guluf culus oo ka dhan ah kooxda.

Howl-galka ayaa waxaa qaaday ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka oo is?kaashanaya kadib markii ay heleen xogta maleeshiyaad Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaanadaas, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Saraakiisha ciidanka ayaa dhankooda warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey kooxda Al-Shabaab, uuna wali uu socdo dagaalka.

Howl-galka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey kooxda, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.

Maalin kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dardar xooggan ku billowday mar kale, ayada oo dhawaan la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tego furimaha dagaalka, si loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka.

IMF oo Soomaaliya u ansixisay deyn cusub oo malaayiin ah

0

New York (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano IMF ayaa Soomaaliya u ansixisay dayn cusub oo 100 Milyan  oo dollar ah.

Guddiga sare ee hay’adda ayaa shaaciyay in lacagtaan ay ku bixineyso muddo saddex sano ah gudahood, kadib markii dhawaan Soomaaliya laga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa.

IMF ayaa sheegtay in taageeradan dhaqaale ay tahay mid lama huraan ah oo lagu taageerayo Soomaaliya, si looga caawiyo dadaallada dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Ujeedka waxa ay hay’adda ku sheegtay in la xoojinayo hay’adaha dhaqaalaha Soomaaliya, kadib dayn cafinta, ayada oo diiradda la saarayo horumarinta xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha.

“Barnaamijku wuxuu taageeri doonaa istaraatiijiyada dib-u-habaynta ka dib dayn cafinta dalka, si loo sii xoojiyo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo horumarinta xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo kasoo baxay hay’adda lacagta ee IMF.

Ansixintan ayaa daba socota gaarista barta dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Sidoo kale taageeradaan dhaqaale ayaa daba socota heshiis ay bishii November ee sanadkan ay gaareen dowladda federaalka iyo IMF, kaas oo ku saabsanaa in dalka la siiyo $100 milyan oo dollar, oo dayn ah, laguna taageerayo miisaaniyadda dowladda

Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan New York kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa u gudbiyay dalab culus, isaga oo ka codsaday in Soomaaliya ay ku garab istaagaan himilooyinkeeda kale.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dalbaday inay ka gacan siiyaan tayeynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga gudaha iyo maalgashiga caalamiga ah, taas oo hadda laga soo jawaabay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay gaartay guullo waa weyn, sida dayn cafinta, qaadista cunaqabateynta hubka & ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika.

Xog: Mucaaradka oo aqbalay codsi uga yimid Xasan Sheekh iyo qorshe culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho toddobaadkaan waxaa lagu wadaa inay shir ku yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, shirkaas waxaa looga hadlayaa dooda ka taagan wax ka bedelka lagu sameynayo dastuurka.

Mucaaradka iyo madaxtooyada ayaa raba in la dhameystiro dastuurka, balse waxaa la isku diidan yahay qorshe uu Xasan Sheekh rabo in wax looga bedelo qodobada qaar.

Khamiista toddobaadkaan ayaa lagu wadaa in shirkaasi uu ka furmo Muqdisho, inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa Muqdisho soo gaaray.

Xubnaha sida weyn u diidan wax ka bedelka dastuurka qaabka ay u wajaheyso Villa Somalia waxaa kamid ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ka mid ah siyaasiyiinta ku soo laabtay dalka, si ay kaalintooda uga qaataan kiiskaan.

Sheekh Shariif iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah ayaa qorsheynayey maalmahaan inay la kulmaan xildhibaanada, si ay ugu ololeeyaan in baarlamaanku diido qorshaha wax looga bedelayo dastuurka, gaar ahaan qodobada ay ku diidan yihiin Madaxweyne Xasan.

Caasimada Online, waxay ogaatay in Xasan Sheekh uu mucaaradka ka codsaday inay joojiyaan kulamada ay uga ololeynayaan qorshihiisa, ilaa inta uu kala kulmayo, una sharaxayo faa’iidada dalka ugu jirta hanaanka uu wax u rabo.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay aqbaleen codsigii Xasan Sheekh, waxayna joojiyeen kulamadii ay doonayeen inay Muqdisho ka bilaabaan, Khamiista soo socota ayaa lagu wadaa in shir xasaasi ay uu Muqdisho uga furmo mucaaradka iyo madaxtooyada.

Sheekh Shariif ayaa shalay u amba baxay deegaanka Burkaderin oo hoos taga degmada Cadale, halkaas oo lagu heshiisiinayo beesha uu ka soo jeedo oo dagaal aano qabiil ah oo khasaare culus ay isku gaarsiiyeen maleeshiyaad kala taabacsan labo jifo oo walaalo ah.

‘Yuu yahay’ – Xilligee ayey Soomaali ka bixi doonta?

Beledweyne (Caasimada Online) – Yuu yahay? Waa su’aasha koowaad ee ay Soomaali is weydiiso.

Dunida marka qof jago ama xil loo magacaabo waxaa la is weydiiyaa su’aalahan;

  • – Shaqada ma yaqaan
  • – Khibrad ma u leeyahay shaqada
  • – Howlkar ma yahay
  • – Ma yahay qof ku haboon xilka
  • – Ma leeyahay karti uu ku dardar geliyo howsha
  • – Ma yahay qof dhiiri geliya shaqaalaha uu madaxda u yahay
  • – Ma horumarin karaa hey’adda loo magacaabay, Iyo su’aalo badan oo ay is weydiintooda ku jirto danta dalka. Waa yahaye bal markaan u soo jeeso dalka.

Marka qof Soomaali ah loo magacaabo xil su’aasha ugu badan ee ay shacabka isku howlaan waa sidey u ogaan lahaayeen reerka uu yahay iyo cidda ka dambeysa in la magacaabo.

Iska daa wax kalee marka la yiraahdo mid naftii hallige ah ayaa is qarxiyay, waxaad maqli kuwo dhahaaya yuu ahaa iyo kuwo dhahaya dadka dhintay yey isugu jireen. Bal maxaa ka galay cidda uu Shabaab ka yahay? Malaha hadduu muhaligga ku reer noqdo wuxuu ka xumaanayaa inuu tolkii qof ka dhintay.

Annaga oo og khasaaraha uu qabiil noo geystay ayaan haddana isaga hari la’ nahay. Sow lama mid nihin kuwa isbitaalka waalida ku xareysan ee baaldiga salka ka daloola raba iney biyo ku dhaamiyaan si ay u buuxiyaan fuusto ayadana salka ka daloosha oo aan celineyn biyaha lagu shubo.

Dadka ugu fiyow Soomaaliya ee aan qabin cudurka yuu yahay waa wiilasha bajaajleyda ah ee aan kala jecleyn reerkaaga isla markaana sida daacadda ah kuugu adeegaya.

Anoo soo xiganaya hal qabsiga reer Puntland ee ah ku dayo Puntland ku dayo, ayaa waxaan leeyahay Soomaaliyey ku dayo bajajleyda ku dayo.

Haddey Soomaali u shaqeyso sida bajajleyda ee 24ka saac ordaya ee shaqeynaya ee aan wax shaqo ah ku lageyn “yuu yahay”, waxaan is leeyahay muddo labaatan sano ah gudahood wexeynu ka horumareynaa waddanka Mareykanka. Ku dayo bajaajleyda ku dayo.

W/Q: Cali Cosoble, Madaxweynihii hore ee HirShabelle

Sawirro: Soomaaliya oo si rasmi ah maanta ugu biirtay Midowga Ururada (OACPS)

0

Brussels (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ugu biirtay waddamada qeybta ka ah heshiis iskaashi wadaag oo dhex-mara xubnaha ururka Africa oo qeyb ka ah Midowga Yurub (EU).

Munaasabad ka dhacday xarunta ururka Africa ee Brussels ayaa waxaa heshiiskaasi ku saxiixay Danjiraha Soomaaliya ee dalalka la isku yeraado Benelux iyo Midowga Yurub, Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde).

Heshiiskan ayaa dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya Africa iyo Midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa waxay isaga kaashan doonaan nabadda iyo amniga, hormarka bulshada, kobaca dhaqaale, xuquuqul insaanka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Heshiiskan ayaa waxaa loo yaqaan “The Samoa Agreement” wuxuuna dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya (OACPS) iyo Midowga Yurub, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ku dhowaad $5 bilyan laga cafiyay.

Soomaaliya ayaa sanadkan dhamaadka ah daba-yaaqadiisa gaartay guullo waaweyn oo wax ku ool ah, taasi oo ay ugu dambeysay deyn cafinta oo lagu dhawaaqay 13-kii bishaan, taasi oo Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka aan lagu laheyn wax deyn ah.



Mareykanka oo billaabay barnaamij fududeynaya keenista qaxooti cusub

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ee uu hadda madaxda ka yahay Joe Biden ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday barnaamij cusub oo dhanka qaxootiga ah, kaas oo muwaadiniinta Mareykanka u ogolaanaya in ay doortaan dadka ay rabaan in loo keeno Mareykanka.

Mashruucaan ayaa loogu tala galay in qoysaska looga caawiyo, in ay dib ula midoobaan kuwa ay jecelyihiin ee ka maqan. Waxaa sidoo kale fursad u heysta in keenista dadka qaxootiga ay ku lug yeeshaan qof kasta, kooxaha diinta iyo ururada bulshada qaarkood.

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah hindisaha loogu magac-daray Welcome Corps, ayaa u ogolaanaya koox ka kooban shan ama in ka badan oo muwaadiniin Mareykan ah ama dadka heysta deganaashaha joogtada ah, in ay codsan karaan qof ama qoys si ay mas’uul uga noqdaan keenitaankooda gudaha Mareykanka.

Kooxdan shanta ah ayaa ku guuleysan kara keenitaanka dadka ay rabaan haddii ay shakhsiyaadka la keenayo buuxiyaan shuruudaha laga rabo isla markaana ay ku gudbaan baaritaannada dhanka amniga, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Dadka la filayo in barnaamijkaan ay ka qeybgalaan ayaa waxaa ka mid ah qoysaska iyo qaraabada qaxootiga, kooxaha diinta, ururada u dooda dadka isku jinsiga ah iyo halyeeyada u soo dagaallamay Mareykanka.

Sarah Cross, oo ah ku xigeenka kaaliyaha xogheynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wareysi ay siisay Reuters ku sheegtay, in muwaadiniinta Mareykanka ay doonayaan in ay caawiyaan qaxootiga isla markaana kafaalo-qaadka uu sidaasi ku fududaa doono.

Marki hore, inta badan qaxootiga soo galayo Mareykanka ayaa waxaa Mareykanka u soo gudbi jiray Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Joe Biden, oo dimoqraadi ah ayaa hadda xusul-duub ugu jira sidi uu mar kale ugu guuleysan lahaa jagada madaxweynaha, marka la gaaro doorashada soo socota ee 2024.

Sidaasi daraadeed ayaa waxa uu dhaqaajiyay, barnaamijyo dhowr ah oo qaxootiga u ogolaanaya in ay Mareykanka ku soo galaan hab shari ah. Maamulka Biden ayaa isaga oo barnaamijkan u sii maraya tiigsanaya in sannadka 2024-ka uu keeno ilaa 10,000 oo qaxooti ah. Guud ahaan sannadkaas ayaa qorshuhu uu yahay in la keeno qaxooti dhan 125,000.

VOA + Reuters

Dowladda oo shaacisay in la dilay Macallin Ayman

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday duqeyn 17-kii bishan December ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, taasi oo la sheegay in lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogg Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadoow ayaa sheegay in duqeynta Jilib lagu dilay horjooge Khaliif Daa’uud oo Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaalada.

Taliayaha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in in 17-kii bishan duqeynta Degmada Jilib ka dhacdayn lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo magaciisa afgarashadu yahay Macallin Ayman.

Macallin Ayman ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa abaabulka weerarro ka dhacay gudaha dalka Kenya, oo lala beegsaday saldhiggii Mareykanka ee Manda-Bay iyo ciidamda Kenya, iyo weerarro badan oo loo maleegay shacabka Soomaaliyeed.

Macallin Ayman ayaa waxaa xayiraad saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana uu ahaa aasaasaha ‘Jaysh-Ayman’ oo ah guuto Al-Shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliya gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa abaal marin lacageed madaxiisa saaray Macallin Ayman, iyadoo loo daba joogay weerarkii Manda-Bay oo askar Mareykan ah iyo Qandaraaslayaal lagu dilay.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed uu soo saarey Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inuu qaaday duqeyn cirka ahoo 17-kii Bishan December lala beegsadey kooxda Al-Shabaab, meel ku dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee deegaankaasi, kaasoo aanay magacaabin, balse aanu jirin wax khasaare ah oo dadka shacabka kasoo gaaray weerarka.

Howlgalkaasi duqeynta ah ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo tan Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo kale oo lagu wiiqayo kooxda Al-Shabaab ee carqaladda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Maxay ka wada-hadleen R/W Xamza iyo dhiggiisa Jabuuti?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan gara ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Cabdulqaadir Kaamil Maxamed oo ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Kulankan ayaa waxaa labada ra’iisul wasaare ku wehlinayo wasiiro ka kala tirsan xukuumadaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo iyaguna yeeshay kulamo doceeyo.

Qoraal kooban kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza ayaa lagu faahfaahiyay kulankaas iyo waxyaabaha ay uga wada-hadleen labada dhinac.

“Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah Ee Soomaaliya iyo Jabuuti” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shirarkiisa sii wada ayaa xalay la kulmay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku hawlan cilmibaaris ku saabsan dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Aqoonyahannada ayaa ra’iisul wasaaruhu kala hadlay doorka muhiimka ee ay ku leeyihiin baarista iyo xal u helidda mashaakilaadka ka dhashay dagaalladii sokeeye ee dalkeenna.

Ugu dambeyn Xamza Cabdi Barre ayaa  sheegay in dib u heshiin dhab ah ay saldhig u tahay xoojinta dowladnimada, isla markaana Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso ka mirodhallinta aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u tegay u furitaanka madasha Heritage, kaas oo uu shalay ka daah-furay dalkaasi, isaga oo khudbad ka jeediyay ku sheegay in nabaddu ay fure u tahay albaabada naga xiran ee horumar la taaban karo kaga gaari karno dhinacyada amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda.

Ciidanka xoogga dalka oo bur-buriyay fariisimo Al-Shabaab ku laheyd howdka

0

Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen duleedka degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa qaaday ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid, kuwaas oo isku fidiyay dhulka howdka ah ee kala qaybiya gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen fariisimo ay kooxda ku lahayd halkaasi, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare culus.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in goobayha la burburiyay ay isku uruursanayeen xubnaha kooxda, isla markaana laga hortagay dhagar ay kasoo maleegayeen halkaasi.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in howlgalladu ay guulaysteen, isla markaana ay u dhaceen sida ay qorsheeyeen, ayna sii wadi doonaan.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Aagga Ruun-Nirgood ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi.

Bangiga Adduunka oo wafdi culus usoo diray Muqdisho kadib dayn-cafinta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soo gaaray wafdi culus oo ka socda Bangiga Adduunka.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, oo ay kamid yihiin wasiiru-owlaha wasaaradda maaaliyadda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Suleymaan Sh Cumar.

Wafdigaan ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Dr. Floribert Ngaruko oo ah agaasimaha fulinta xafiiska loo yaqaano (Africa Group 1) oo ay ku mideysan yihiin 22 dal oo Afrika ah, Soomaaliya-na ay ka mid tahay, ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Dr. Ngaruko iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir gaar ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Rugta ganacsiga, halkaasi oo ay ku soo bandhigeen ganacsatada qeybaha muhiim ka ah ee u baahan in la maalgaliyo.

Sidoo kale Dr. Floribert Ngaruko ayaa kulan gaar ah waxa uu xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula qaatay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cigae iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

Kulamadan ayaa waxaa looga wada-hadlay qorshayaasha dpwladda iyo fursadaha maal-galineed ee Bangiga Adduunka uu ka fulin karo gudaha Soomaaliya, maadaama dowladdu ay ku guuleysatay hannaankii deyn cafinta.

Dhinaca kale, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa isna xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Floribert Ngaruko, Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Afrika (Group 1).

Agaasimaha ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay muujisay si ay usoo gaarto barta dhammaadka hannaanka deyn cafiska oo soo gaba-gaboobay 13-ka bishaan December ee aynu ku jirno.

Mudane Saalax ayaa kala hadlay masuulkan sidii Bangigu uga taageeri lahaa Soomaaliya qorshaha deyn cafiska kadib, isaga oo uga mahad-celiyay agaasimaha doorkii uu bangiga ka qaatay dhammaystirka hannaanka deyn cafiska.

Sidoo kale waxa uu xusay inay ka dawlad ahaan ballan qaadayaan inay sii xoojin doonaan sii wadista dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, la dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta hiigsiga xukuumadda Dan-Qaran ee isku filnaansho dhaqaale.

13-kii December ayaa Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa. Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay ku dhowaad deyn 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu u dhaqaaqay sanadkii 2016, waxaana ay tallaabadaasi ka dhigan tahay guushii 3-aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabadihii ku hor-gudbanaa dowlad-dhiska iyo madax-bannaanida.

Muxuu yahay qorshaha saraakiisha ka socda Jabuuti iyo Itoobiya ee Muqdisho yimid?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo ka socota booliska dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa maanta soo saaray Muqdisho, si ay kaga qeyb galaan 80-sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan sanadkii 1943-kii.

Taliyaha booliska dalka Jabuuti ayaa Muqdisho soo gaaray maanta duhurkii, halka taliye ku xigeenka ciidanka booliska dalka Itoobiya uu Muqdisho yimid galabta, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey saraakiil Soomaaliyeed oo taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Cismaan Kaniif uu horkacayo.

Saraakiisha oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen ka qeyb galka munaasabadda weyn ee sanad guurada ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan berri 20-ka December.

“Maanta uma heysto in aan imid dalka kale, Soomaaliya waa dalkeyga, waxaa iigu dambeysay 1987-kii aadbaan ugu faraxsanahay soo kabashada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Ciidanka Boliiska ee dalka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Dhankiisa, Taliye Xigeenka Boliiska Itoobiya Mr. Musfin Abebe Badeye oo isna warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay iskaashiga dhamaan hay’adaha Amaanka Gobolka, si loo xaqiijiyo Amniga iyo Xasiloonida Geeska Afrika.

Taliye Kaniif ayaa soo dhaweyntii labada Taliye ka sheegay in booliska Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii ay iskaashi buuxa ula sameysa lahaayeen booliska wadamada deriska ah oo Jabuuti iyo Kenya ay ugu horeeyaan.

“Booliska Jabuuti iyo kan Soomaaliya waa iskugu kaana mid, waqti aad u fog ayaa igu dambeysay Soomaaliya, sharaf ayey ii tahay in maanta aan Muqdisho ka soo dhaadhaco, markaan soo baxayey saraakiil badan oo ka tirsan booliska Jabuuti ayaa iga codsaday inaan Muqdisho keeno, laakiin waxaa ii saamixi weysay duruufta,” ayuu yiri Ciidanka Boliiska ee dalka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Taliyaha ayaa intaas ku sii daray, “Taliyaha booliska Jabuuti wuxuu sheegay in taageerada ay siinayaan Soomaaliya ay tahay abaal ay horay ugu gashay Soomaaliya dalkooda, Jabuuti idinka ayaa cagaha u taagay, abaalka dadka Soomaaliyeed ma gudi karno.”

Qorshaha ay saraakiishaan ka kala socota Jabuuti iyo Itoobiya ay Muqdisho u yimaadeen ayaa ah inay ka qeyb galaan munaasabad weyn oo berri ka dhaceysa Muqdisho, taas oo ciidanka booliska Soomaaliyeed ay ugu dabaal-degayaan sanad-guuradioda 80-aad, boolisku waa hey’adda ugu faca-weyn dowladda Soomaaliya.