25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Turkey oo xirtay 304 qof oo lala xiriiriyey Daacish

Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Turkey ayaa xiray 304 qof oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish, kadib howlgallo wada socda oo laga fuliyey gudaha dalka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Ali Yerlikaya ayaa sheegay in tuhmanayaasha lagu xiray 32 gobol oo dalka ka mid ah, balse intooda badan ay ku sugan yihiin saddexda magaalo ee ugu weyn Turkiga ee Istanbul, Ankara iyo Izmir.

Howlgalka oo loogu magac daray “Geesiyada-34” ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay sirdoonka booliska iyo cutubyada la-dagaalanka argagixisada, Yerlikaya ayaa sidaas ku sheegay barta X.

Weli ma jiro wax macluumaad oo ku saabsan dhalashada tuhmanayaasha.

Daacish ayaa weeraro dhowr ah oo dhimasho badan ka geystay dalka Turkiga, waxaana ka mid ahaa toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla Istanbul 1-dii Janaayo, 2017, weerarkaas oo ay ku dhinteen 39 qof intii lagu jiray dabaal-degga sanadka cusub.

Ma cadda haddii howlgalkii ugu dambeeyay uu qeyb ka yahay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo kahor dabaal-degga sanadka cusub.

“Ma jiri doonto wax nasasho ah oo ay helaan argagixisada, sababtoo ah nabadda, midnimada iyo wadajirka qarankeena aan jecelnahay,” ayuu yiri Yerlikaya. “Dadaalka sare ee ciidamadeena amniga dartiis, dagaalkeenu wuxuu usii socon doonaa si aan kala go’ lahayn.”

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa X soo dhigtay muuqaal muujinaya howlgallada, oo ay ku jiraan ciidamada la-dagaalanka argagixisada oo albaabo jebinaya, gacmaha ka xiraya tuhmanayaasha, islamarkaana u sii kaxeynaya gaadiidka booliska.

AP, VOA

Xasan Sheekh oo maanta si cad usoo bandhigay qorshihiisa wax ka bedelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta salaadda Jimcaha kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay dhameystirka dastuurka, hormarada la gaaray iyo halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku bilaabay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay dalka, isagoo xusay in mar kasta wax laga bedeli karo dastuurka dalka, maadaama marxaladuhu ay is rogrogayaan.

“Looma dhama ma taagnaa karno walaalayaal, laakiin intii macquul ah wax kasta wadatashi waa la geli karaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in shaqada dastuurka ay hortaallo baarlamaanka, “Sameynta dastuurka, dhameystirkiisa iyo dhaqan-gelintiisa waxay hortaalla BFJS, taasi waxay ku cadahay dastuurka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in baarlamaanku uu heysto waqti ku filan, isla markaana cid kasta laga tala-geli doono dhameystirka dastuurka, “Sida ay u dhigan tahay shuruucda kasoo baxaysa baarlamaanka waa mid qoran ee wax qof gaar ah jecelyahay ma ahan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in wax lala carari doono ama la la dedejinayo aysan jiri doonin, sidoo kale wuxuu u sheegay baarlamaanka iyo dadka Soomaaliyeed in dalkaan uu waqti badan ka soo lumay, isla markaana ay muhiim tahay in shuruucdiisa lagu dhameystro muddo kooban.

“Shaqada dastuurka waxaan soo bilownay markii la i doortay 2012-kii, seddax baarlamaan oo kan ku jiro ayuu soo maray iyadoo aan la dhameystirin, hadda sababta aan ka shaqeyntiisa u sii bilownay waa in dib u dhaca laga baxo oo baarlamaanka 12-aad aan lagu soo dhisin dastuur qabyo ah,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale maxaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay ku kalsoonaadaan baarlamaanka ay soo doorteen, “sidoo kale dadku kalsooni haku qabeen in talo ay ku yeela doonaan dastuurka, wuxuu ku soo gaari doonaa si kasta oo la awoodo, ma dhaceyso in baarlamaanka uu dhaho baarlamaanka naga dambeeya ayaa dastuurka dhameystiraya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa balan-qaaday in dalkaan aysan ka dhici doonin awood sheegasho dowladeed, isla markaana uu dalku ahaa doono dumuquraadi, “Ukeedada dowladeyda ma ahan cabsi gelin iyo awood sheegasho, hadana inta meel fariisano ma dhihi doono reer hebel ayaan u xayiranahay,” ayuu yiri.

Xog: Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid oo kulan gaar ah ka yeeshay arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay ra’iisul wasaarihiisii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ay ka wada hadleen arrimo xasaasi ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin muranka dastuurka iyo kan doorashada Puntland.

Xogta kulankaas ma aheysan baahin Villa Somalia iyo Cumar Cabdirashiid midkoodna, balse Caasimada Online ayaa ka heshay ilo xog ogaal ah oo ka agdhow dhinacyada.

Cumar Cabdirashiid ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxweynaha, habeen hore ayuu dhacay kulankooda, waxaana la sheegay in Cumar uu talooyin badan siiyey Xasan Sheeekh.

Arrimaha sida weyn loo gorfeeyey waxaa ka mid ahaa wax ka bedelka iyo qabyotirka dastuurka oo muran badan uu ka dhashay sida uu wax u rabo madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa gadaal ka riixaya qorshe meesha looga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, si madaxweynuhu u yeesho awood badan, iyadoo lagu bedelayo madaxweyne ku xigeen uusan awood badan sii doonin dastuurku.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Cumar Cabdirashiid waxay ka wada hadleen khilaafka doorashada Puntland, sida ay wax u socdaan iyo doorka kaga aadan dowladda federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu qaatay inta badan talooyinkii uu u soo jeediyey ra’iisul wasaarihiisii hore Cumar Cabdirashiid oo muddo ay soo ahaayeen saaxiibo dhow oo siyaasadeed, kulankaas kadibna waxaa la sheegay in Cumar uu u safray dalka dibadiisa.

Siyaasiyiin badan ayaa dood ka qaba hanaanka loo wajahayo wax ka bedelka dastuurka, waxaana socda qorshe lagu sii balaarinayo wadahadallada madaxtooyada iyo mucaaradka, inta aan baarlamaanka la horgeyn barnaamijka wax ka bedelka dastuurka.

Caalamka ‘oo qiray’ awoodda DF Soomaaliya kadib qaadistii cunaqabateynta hubka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay xayiraadda hubka ee dhowaan laga qaaday iyo soo iibasashada hubka culus, kadib markii ay su’aallo ka dhasheen sida loo maareynayo hubkaas, si uusan gelin gacan kale.

Xuseen Macallin Maxanuud oo ah lataliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha ayaa ka hadlay su’aalaha ku geedaaman awoodda dowladda federaalka ee ku aadan xakameynta hubka, maadaama loo fasaxay iibsashadiisa.

Lataliyaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay bishii September kasoo gudubtay dhammaan shuruudihii hubinta si loo ogaado awoodda ay u leedahay arrintaan, sidaas darteedna lagu aamini karo qorshahaas in ay fuliso, ayada oo kadib laga qaaday cunaqabateynta

Sidoo kale wuxuy hoosta ka xariiqay in caalamka uu qiray in dowladda dhexe ay awood u leedahay maareynta hubkan, kadibna ay sidaas ku timid aaminaadda iyo kalsoonida buuxda ee la siiyay dowladda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in cid kasta aysan soo iibsan karin hubka waa weyn, uuna baahan tababar iyo awood gaar ah, taas oo haatan kaliya leedahay dowladda federaalka.

“Caalamka waxa uu qiray in Dowladda Soomaaliya ay gaartay awoodda maaraynta hubkaas waaweyn ee naga xayirnaa ma ahan hub qof weliba uu isticmaali karo waayo isaga ayaa u baahan tababar, haddii aan tusaale usoo qaato Taangi qof weliba ma wadi karo, ma haysan karo mana hagi karo oo soo iibsashadiisu wax sahlan ma ahan oo waa wax marka ay ugu yar tahay Dowlad soo iibsan karto,” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in awooddeeda isugu gaynayso sidii ay u dhaqangelin lahayd shuruucda lagu maamulo hubka si looga hortago in dalka uu soo galo hub gaar ahaan kuwa waaweyn ee xayirnaa oo aanay si fudud qof weliba usoo iibsan karin.

Si kastaba, waxaa haatan socdo qorshe ku aadan meelmarinta xeerka xakameynta hubka oo hoyaalla baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo maray akhrinta 1-aad, wuxuuna muhiimad gaar ah u leeyahay hab maamulka awood ee hubka soo galaya dalka iyo in la xadeeyo hubkaas si aanay dhibaato horleh u keenin.

Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya deegaano ay joogaan Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya iyo dadka deegaanka ayaa weli howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Mudug.

Ciidamada huwanta ayaa kusii siqaya deegaanada ay xubnaha Al-Shabaab ka joogaan labadaas gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Galgaduud ay ciidamada kaabiga ku hayaan deegaanada Budbud, Cowswayne iyo degmada Galcad oo ay horay uga soo baxeen ciidamada huwanta.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ay ka wadaan gobolka, si looga xoreeyo halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgallo kale ka wada dhanka Mudug, waxayna ku dhow yihiin deegaano dhaca koonfurta gobolkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin xoogaga Al-Shabaab.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada isbaheysanaya ayaa kusii jeeda magaalada Caad oo hadda ah bartimaameedka koowaad ee qabashooda, halkaas oo marar badan ay ku dagaalameen labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay haatan isku uruursanayaan aagga buurta Yacgoos oo todobaadkanay  kala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalladaan ayaa waxaa barbar socda duqeymo xoogan oo ay diyaarado dagaal ku garaacaan dhulka howdka ah ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Galmudug ayaa waxaa sanad ka badan ka socda howlgallo dhul iyo cir ah, kuwaas oo dhul ballaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shaabaab oo qorshuhu yahay in laga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Xog: Qaar ka mid ah xubnaha xukuumadda Saciid Deni oo u weecday musharaxiin kale

0

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si hoose ugu ololaynaya musharrixiin kale, sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay. 

Mas’uuliyiinta oo ay ku jiraan wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno ayaa si qarsoodi ah ugu biiray ololaha doorashada musharrixiinta kursiga kula loollamaya Siciid Deni.

Tallaabadan ayaa sida la saadaalin karo hoos u dhac ku keeni karta ololaha dib-u-doorashada musharrax Siciid Deni, maadaama xubno ka tirsan dowladdiisa ay u ololaynayaan musharrixiin kale.

Doorashadii Puntland ee 2019 ayaa lagu xasuustaa in mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii Gaas ay si hoose ugu ololayn jireen musharrixiin uu ku jiro Siciid Deni taasi oo wiiqday dib-u-doorashadii Cabdiweli Gaas.

Saciid Deni ayaa hadda u muuqda inuu marayo isla dhabbahaas, waxaana tani ay meesha ka saari kartaa hamigiisa ah in mar kale dib loogu doorto madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale, guddoomiyihii golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa mar kale xaqiijiyay kursigiisa xildhibaanimo ee Baarlamanka cusub sida ay tilmaamayaan warar hordhac ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in guddoomiye Cabdirashiid uu mar kale ka soo muuqaan doono liiska sagaalka xildhibaan ee laga soo doorto Sanaag iyo Haylaan.

Liiska sagaalka xubnood ee ka imaanaya Sanaag iyo Haylaan ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada iyo ansixinta Baarlamanka Puntland.

Dhinaca kale weli ma cadda in Abwaan Cabdirashiid uu mar kale u tartamayo kursigiisi guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland iyo in kale inkastoo hadal-hayntaasi jirto.

Xog ku saabsan kulanka Axmed Qoor Qoor iyo Cabdikariin Guuleed + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo sidoo kale haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland.

Labada mas’uul ayaa ugu horreyn iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan deegaanada Galmudug oo ay haatan ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Intaas kadib labada dhinac ayaa waxa ay sidoo kale ka wada-hadleen arrimo ku aadan sidii loo sameyn lahaa wadatashiyo ku aadan sii amba qaadida wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay xog ku aadan kulanka uu la yeeshay Qoor Qoor, wuxuuna sheegay inuu la wadaagay talooyin ku aadan shaqada hortaallo xafiiskiisa.

“Waxaan caawa kulan muhiim ah la qaadanay aniga wafdigeyga madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie (Qoor-Qoor), kullanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaan diiradda ku saarnay ahmiyadda Wadahadallada DFS iyo Somaliland, iyo sida ugu haboon ee looga miradhallin karo, waxaa uu Madaxweynaha nala wadaagay tallooyin wanaagsan oo door muhiim ah ka qaadanay dedaalada uu wado Xafiiskeena” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inuu sii joogo caasimada maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, isla markaana uu la tashiyo la sameyn doono qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

“Inta aan joogno caasimada Galmudug ee dhuusamareeb waxaan sidoo kale la kulmi doonaa labada golle ee DOWLADDA Galmudug iyo Bulshada deegaanka, kuwaas oo aan ka dhageysan doono doodahooda ku wajahan ka gun-gaarista Wadahadallada DFS iyo Somaliland” ayuu sii raaciyay Mr. Guuleed.

Si kastaba, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland ayaa horay u teyay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isaga oo ka sameeyay la tashiyo ku aadan howlaha horyaalla ee bilaabidda wada-hadallada labada dhinac oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.

Waa kuma amiirka cusub ee dalka Kuwait ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya?

Kuwait (Caasimada Online) – Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax ayaa loo dhaariyay inuu noqdo amiirka cusub ee boqortooyada Kuwait, kadib kalfadhi gaar ah oo golaha qaranka ee dalkaasi ay yeesheen, Amiirka cusub ayaa waxa uu ballan qaaday inuu yahay “muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.”

Amiirka cusub ayaa khudbaddii ugu horreysay ee uu ka hor jeediyo Golaha Shacbiga waxa uu ku dhaliilay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxaana uu ku eedeeyay in ay danta shacabka wax u dhimayaan.

Waxaanu yiri “Waxaan khudbadeheenii hore ku adkaynay in ay jiraan xuquuqo qaran oo ay waajib tahay in ay fulaan, kuwaas oo hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta qaranka iyo shacabkaba dan u ah, sidaa darteed ma aynaan arag wax isbedel ah ama sixid ah oo arrintaas lagu sameeyay, balse arrintu waxay gaartay markii awoodaha fulinta iyo sharci dejintu ay is kaashadeen oo ay isla garteen in la dhaawaco danaha dalka iyo dadkaba.”

Dowladda Sheekh Axmed Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax oo uu dhalay Amiirka geeriyooday ayaa istiqaaladeeda u gudbisay Sheekh Mishaal.

Sheekh Mishaal waxa uu la wareegay xilka Amiirka cusub ee Kuwait kadib geeridii Amiir Nawaf Al-Ahmad Al-Sabaax ee December 16-keedii, 2023-ka, isaga oo 86 jir ah, kadib markii uu xukumay Kuwait saddex sano.

Sheekh Meshaal waxa uu la wareegay dhaxal sugaha 7-dii Oktoobar, 2020-kii, isagoo raacaya talada Amiirka geeriyooday iyo ballan qaadka daacadnimada ee golaha Shacbiga.

Sheekh Mishaal waxa uu dhashay sannadkii 1940-kii, waana wiilka toddobaad ee uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Kuwait, Sheekh Axmed Al-Jaber Al-Sabaax, waxaana ay walaalo yihiin Amiirka geeriyooday.

Hay’adaha amniga

Sheekh Mishaal waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay dugsiga Al-Mubarakiya Nizamiya ee dalka Kuwait, kadibna waxa uu u wareegay dalka Ingiriiska oo uu ka bartay culuunta Booliska, halkaas oo uu ku biiray kulliyadda Booliska ee Hinden ee dalka Ingiriiska oo uu ka qalin jabiyay sannadkii 1960-kii.

Sheekh Mishaal ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah ragga ugu muhiimsan ammaanka Kuwait, isagoo madax ka ahaa waaxda baarista guud sanadihii 1967-dii ilaa 1980-kii. Hay’addan oo uu gacantiisa ku hayay, ayaa loo beddelay maamulka hay’adda nabadsugidda dowladda oo magacan weli sidata.

Sannadkii 2004-tii waxa uu noqday Taliye ku xigeenka ciidanka qaranka oo ay la socotay darajada Wasiirnimo, ka horna waxa uu noqday Madaxweynaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka oo uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sheekh Meshaal Al-Sabaax ayaa saameyn xooggan ku dhex leh Ciidanka Ilaalada Qaranka oo ah Hay’ad Millateri oo ka madax bannaan ciidanka xoogga dalka iyo booliska, waxaana ay ujeeddadeedu tahay in ay gacan siiso Ciidamada Qalabka Sida iyo Hay’adaha Amniga Qaranka iyo in ay ka qeyb qaataan ujeeddooyinka difaaca ee qaranka.

Sheekh Mishaal waa dhif in lagu arko warbaahinta. Amiirkii hore ee Kuwait, Sheekh Jaber Al-Axmad Al-Jaber Al-Sabah, ayaa 1977-dii u magacaabay madaxa waxa ay ugu yeeraan Diwan ee ah ama khuseeya barnaamijyada hiddaha iyo gabayada caanka ah.

Waxa kale oo uu guddoomiye sharafeed kasoo noqday ururka duuliyayaasha Kuwait ilaa 1973-kii, waana mid ka mid ah aas-aasayaashii iyo guddoomiye sharafeedkii ururka Amateurs Radio ee Kuwait.

Sida laga soo xigtay mareegaha ilaalada ee Kuwait, Sheekh Mishal waxa uu aad u jecelyahay ugaarsiga iyo safarrada dhulka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait

Sanadkii 2022-kii, Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait ayaa soddon sanno kadib dib u bilaabay xiriirka iyo wada shaqeynta taageerada dhaqaalaha.

Heshiiskaan oo ka dhacay dalka Kuwait ayaa dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay, Ambasaddor Dr. Cabdullaahi Maxammed Odowaa iyo agaasimahha guud ee Sanduuqa horumarinta dalka Kuwait Sayid Marwaan Al-Qanem.

Heshiiskaan oo qeyb ka ahaa barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu dib u bilaabay wada shaqeyntii u dhaxeysay labada dhinac kaasi oo hakad ku jiray muddo ku dhow 30 sanno oo Soomaaliya ay ku jirtay burburka iyo dowlad la’aanta.

Sanduuqa Horumarinta dalka Kuwait ayaa burburkii kahor Soomaaliya ka taageerayay fulinta mshaariic badan oo muhim ah oo ay qeyb ka yihiin kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dowladda Kuwait ayaa horraan ka qayb qaadatay caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, iyada oo u qorsheysay lacago si wax loogu qabto dadka ay abaaruhu halakeeyeen.

Isha: BBC

Xog cusub oo laga helayo markabka weyn ee kooxda Soomaalida ay soo afduubteen

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa markabka weyn ee Ruen ee biyaha Soomaaliya ay ku afduubatay burcad-badeeda Soomaaliya, kaasi oo ay saaran yihiin 18 qof oo shaqaale ah, sida uu sheegay Midowa Yurub.

Sidda laga soo xigtey ciidamadda ilaalada xeebaha Midowga Yurub, mid kamid ah shaqaalihii saarnaa markabka ayaa la sheegay in laga saaray sababo caafimaad oo aan la ogeyn.

Ciidamada EUNAVFOR ayaa tibaaxay in ay kala shaqeynayaan mas’uuliyiinta Soomaalida sidii loosoo furan lahaa markabka la afduubay Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo intaa ku daray in haybta iyo dalabaadka afduubayaasha ay weli tahay qarsoodi.

Haddii la xaqiijiyo in falkan ay geysteen burcad badeed Soomaali ah, waxa ay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto tan iyo sanadkii 2017-kii.

Markabka waxaa maamula shirkadda maraakiibta ee Bulgaria ee Navibulgar. Mas’uuliyiinta Bulgaria ayaa caddeeyay in shaqaalaha markabka ay u kala dhasheen Angola, Bulgaria iyo Myanmar.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo xaalad ammaan ee badda ay ka jirto Badda Cas markii Xuutiyiinta Yemen ay begesadeen maraakiibta ganacsiga iyaga oo taageeraya Xamaas ee Gaza.

Dhanka kale, shan qof oo Soomaali ah ayaa la qabtay kadib markii ay isku dayeen in ay afduubtaan markab ganacsi oo marayey gacanka Cadmeed kuwaas oo aan la ogayn halka ay ku dambeeyaan.

DF Somalia oo soo saartay 22 qodob oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta todobaadlaha ee looga hadlo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Warbixinta oo ka kooban 22 qodob ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka dowladda ee todobaadkii lasoo dhaafay, taas oo ay mar kasto.shaaciso wasaaradda warfaafinta.

Halkan hoose ka akhriso qodobada:-

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Djibouti oo Muuqdisho ka soo dejiyay meydka Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay magaalada Djibouti.

3- Meydka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee DFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho.

4- Madaxda qaranka oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kuwait kaga qeybgaley tacsida Boqorkii Kuwait Sheikh Nawaf Al Ahmed Al Sabah oo dhowaan geeriyooday.

6- Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo dhameystir u ahaa xubinimada Soomaaliya ee EAC.

7- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sannadguuradoodii 80-aad, uguna baaqey inay sii labanlaabaan gudashada waajibaadka sugidda amniga qaranka.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay masuuliyadda amniga Madaxtooyada.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Djibouti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee aragti wadaagga Machadka Heritage, kaas oo diiradda lagu saaraya kobcinta dhaqanka nabadda ee Geeska Afrika.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay shir lagu soo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-taga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee dalka.

14- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ayaa weerar ay ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku dileen mid ka mid ah horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta Al Shabab oo magaciisa la yiraahdo Macalim Ayman.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa iska casilay xilka, isagoo ka qeybgelaya tartanka madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhigiisa Dalka Sacuudi Carabiye S/Guud Fayyadh bin Hamed Al- Ruwaili.

17- Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa booqday deegaanka Shabeeloow iyo miyiga hoos yimaada oo ka mid ahaa meelihii dhawaan laga saaray Khawaarijta Al Shabab.

18- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun min 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) oo lagu helay ka mid ahaanshaha maaleshiyada Daacish.

19- Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).

20- Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyay deegaano hoostaga gobolada Mudug iyo Shabeelaha Dhexe.

21- Ciidamadda Xoogga Dalka oo Khawaarijta Al Shabab ka saarey Mesagawaa iyo Ceel Dheer oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug

22- Axmed Mursal Maxamed oo looga yaqaanay Khawaarijta dhexdeeda (Qulaan) unaa qaabilsanaa arrimaha xooraanka ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka (NISA) ee Gobolka Bakool.   

 

 

Fal-celin xasaasi ah oo ka dhalatay wadooyin caawa loo xiray Saadaq Joon iyo xaaskiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin oo maalmahaan ku sugnaa Muqdisho, Xildhibaan Saadaq Joon iyo xaaskiisa Heybado Ismaaciil Cumar Geelle ayaa caawa loo xiray wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintaan ayaa la sheegay inay ka soo adeeganayeen Suuqa Banaadir Mall oo ku yaalla laamiyaraha Soobe, waxaana la xiray jidadka soogala aaggaas.

Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay arrintaan, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aad u falanqeynaya wadooyinka Muqdisho ee caawa u xiran Saadaq Joon, xaaskiisa iyo Taliyaha booliska dalka Jabuuti.

Dooda ugu badan ayaa ku saleysan in muwaadiniinta dalkaan aysan laheyn wax tixgelin ah, maadaama si fudud loo hakinayo dhaqdhaqaaqooda oo laga xiranayo wadooyinka, iyadoo loo deynayo dad kale.

Xiliga la xiray wadooyin oo ah fiid hore ayaa sabab u noqday in saxmad badan ay ka dhalato arrintaan, maadaama ay xayirmeen dad badan oo hoyaad u ahaa guryahooda.

Maalmahaan Taliyaha booliska dalka Jabuuti ayaa ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna dhawaan u yimid ka qeyb galka munaasabadii sanadguurada 80-aad ee aasaaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo la qabtay shalay.

Sidoo kale Xildhibaan Saadaq Joon iyo Xaaskiisa ayaa maalmahaan ku sugnaa Muqdisho, waxayna caawa isku soo raaceen ayaga iyo Taliyaha inay soo dukaameystaan.

Haseyeeshee dad badan oo dhibsaday wadooyinka loo xiray ayaa hadallo xanaf leh caawa ku baahinaya baraha bulshada, si gaar ah dhalinyarada reer Muqdisho oo aad ugu badan isticmaalka jidadka la xiray.

Inta badan waxaa la xiraa wadooyinka Muqdisho markii ay marayaan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, dadkuna waxay isku dayaan inay ogaadaan cidda markaas loo xiray wadada, balse markii caawa la isku sheegay in xubnahaas loo xiray jidka waxaa ka dhalatay hadal heyntii ugu badneed.

Al-Shabaab oo dhexda ka afduubtay ciidan safar u ahaa…

0

Marka (Caasimada Online)- Kooxda Al-Shabaab ayaa dishay, qaarna nolosha ku qabatay askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, kadib markii ay wadada u galeen.

Seddax askari ayaa saqdii dhexe ee xalay ka baxday deegaanka Lambar-komton ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna u socdeen degmada Marka ee isla gobolkaas.

Kooxda Shabaab ayaa jidka u gashay askartaas, waxaana dhex maray dagaal culus, iyadoo markii dambe laga awood batay askartii dowladda.

Dagaal culus oo socday ugu yaraan 30 daqiiqo ayaa ka dhacay halkaas, askartii dowladda oo Al-Shabaab ka dishay shan dagaalame ayey ka dhamaatay rasaastii, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Hal askari ayaa ka dhimatay askartii jidka loo galay ee dowladda, halka labadii kale ay Shabaab gacanta u galeen iyagoo nool.

Askarta u gacan gashay Al-Shabaab waxaa lagu kala magacaabaa Muuse Xasan Cabdi iyo Aweys Xasan Abshir oo ka tirsanaa guutada 14-ka October ee militeriga Soomaaliya iyo Maxamed Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Nabad sugidda gobolka Sh/Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa askartaas u gashay inta u dhaxeysa deegaanada Buulonagey iyo Jilib-marka, wuxuuna dagaalkaasi dhacay 10-saac oo habeenimo.

Aweys iyo Maxamed waxay gacanta u galeen Al-Shabaab, iyagoo nool, balse dhaawac ah, deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/Hoose ayaa naloo sheegay inay Shabaab geeyeen askartaas.

Jubaland oo war culus ka soo saartay dagaal lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howlgallo ay wadeen ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, kuwaas oo Shabaab looga saaray dhowr deegaan.

Afhayeenka Ciidamada Jubbaland G/Dhexe Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha Shabaab lagu gaarsiiyey howlgalladii laga fuliyey galbeedka Kismaayo.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadu ay Shabaab ka dileen sarkaal sare iyo 12 ka mid ah ilaaladiisa, wuxuu sheegay inuu ahaa nin laga yaqiinay galbeedka Kismaayo oo dhibaato badan ku hayey shacabka deegaanadaas.

“Wuxuu ahaa Amiir aad ugu weyn gudaha kooxda, shacabkana aad u dhibaatey jiray, xalay ayey ciidamadu dileen ninkaas iyo ugu yaraan 12 maleeshiyaad ah, howlgalladaas oo socday maalmo iyo habeeno badan wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada Jubbaland ayaa qiray in howlgalkaas markii looga guuleystay Al-Shabaab ay ciidamadu dib uga soo baxeen deegaanadii, isagoo go’aankaas ku tilmaamay inuu ahaa xeelad ciidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in howglladaas ay kaga hortageysay weerarro oo kooxda Al-Shabaab ay soo abaabuleysay.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Mareykanka oo war kasoo saaray geerida Khadiija Diiriye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay geerida ku timid Allaha u naxariistee wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti, kadibna maanta maydkeeda laga soo dajiyay magaalada Muqdisho oo lagu sameeyay aas qaran.

Qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga murugoodeen geerida naxtinta leh ee ku timid Khadiija Diiriye.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday marxuumadda ay door muhiim ah ku lahayd u dhaq-dhaqaaqida arrimaha haweenka Soomaaliyeed oo ay hadda wasiir u ahayd.

“Waxaan aad uga murugonay geerida ku timaaday Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Diiriye, oo aheyd ol’ole arrimaha haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale dhambaal tacsi ah u dirtay ehellada wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo muddo dheer kasoo shaqeyneysay dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa eheladeeda”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Geerida ku timid Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lama filaan ku noqotay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna xilliga ay geeriyooneysay ay qayb ka ahayd wafdi uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti.

Wasiirada ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kadibna ayada oo la qorsheynayo in loo qaado dalka Turiga ay ku geeriyootay halkaasi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka mid aheyd xildhibaanada ugu muddada dheer baarlamanka Soomaaliya, oo ay ku jirtay ku dhowaad 20 sano, tan iyo markii dowladda federaalka ee hadda jirta la aas-aasay sanadkii 2004.

Hungary iyo Turkey ma waxay u heshiiyeen Sweden?

Budapest (Caasimada Online) – Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey oo ku aadan ansixinta codsiga Sweden ee xubinnimada NATO, waxaa sidaas maanta sheegay ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orbán.

Orbán ayaa sheegay inay u taallo baarlamanka Hungary inay go’aansadaan xilliga ay doonayaan inay arrintan u codeeyaan.

Waxa uu sheegay inaysan jirin rabitaan weyn oo xildhibaanada xisbiga talada haya ee Budapest ay u qabaan inay ansixiyaan dalabka Sweden.

Ku-biirista Sweden ee NATO ayaa waxaa muddo hortaagan diidmada Turkey iyo Hungary ee ah inay ansixiyaan.

Orbán wuxuu sheegay bishii September in Hungary aysan ku degdegi doonin ansixinta ka mid noqoshada Sweden ee NATO, taasi oo horseeday dib u dhaca kale oo ku yimid hanaanka oo tan iyo sanadkii hore ku xayirnaa baarlamanka dalkiisa.

“Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey,” oo ku saabsan dalabka Sweden ee NATO, ayuu yiri ra’iisul wasaare Viktor Orban, isagoo intaas raaciyay “ansixinta waxaa go’aan ka gaari doona oo kaliya baarlamaanka Hungary… marka sharci-dajiyayaashu ay go’aansadaan in wakhtiga la gaaray. Weli rabitaan badan uma qabaan go’aankan.”

Budapest ayaa sheegtay, in wax ay ugu yeertay eedeymaha aan loo qiil dayin ee siyaasiyiinta Sweden ay ku sheegeen inay tirtay xuquuqdii dimoqraadiyadda, ay sabab u tahay dib u dhigista ansixinta dalabka Sweden.

Baarlamaanka Hungary, oo hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha, ayaa shaqadiisa dib u billaabi doona bartamaha Febraayo.

REUTERS, VOA

Daawo: Maxaa diiday safarkii Barkhad Batuun uu maanta ku iman lahaa Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka baaqday safar uu qorsheeyay inuu maanta kusoo gaaro Muqdisho, si uu uga qyab-galo aaska Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xildhibaanka oo hadal siiyay warbaahinta Hargeysa ayaa xalay shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka qayb-galo Janaasanada Marxuumadda, isaga oo sheegay in wax shaqo ah aysan ku lahayn arrimaha siyaasadda, maadaama ay is hayaan Soomaaliya iyo Somaliland.

“Runtii geerida qaraabada iyo qoyska ku tacaluqeysa kolley wax siyaasad ah geli meyso, waana ku han-weynahay ducadeeda iyo god-galkeeda inaan goobjoog ka noqdo” ayuu yiri.

Khadar Batuun ayaa safarkiisii ka baaqday, kamana soo qayb-gelin Janaasanada Marxuumadda oo maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Hargeysa waxaa kaliya ka yimid hal qof, waana Boqorka guud ee Beelaha Gabooye Boqor Axmed Iimaan oo kasoo qayb-galay aaska loo sameeyay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Aniga oo qura ayaa maanta ka imid Hargeysa, laakiin wafdiga kale way noo suurageli weysay” ayuu yiri Boqor Axmed Iimaan oo wareysi siiyay Telefishinka Universal.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta baajisay safarkii Barkhad Batuun Jaamac, wuxuuna sheegay in daruuf jirto uu u imaan waayay Xamar, balse ma shaacin wax ay tahay.

“Khadar daruufo kale ayuu u baaqday, laakiin wuu jeclaa inuu yimaado oo Janaasadeeda ka qayb-galo, laakiin Ilaahey ayaan u qorin” ayuu ku jawaabay Boqorka.

Allaha u naxariistee Khadiija Diiriye ayaa si weyn u garab istaagtay Barkhad Batuun, kadib guushiii uu kasoo hooyay doorashadii Somaliland, iyada oo munasaabad dagaal-deg ah ugu qabatay Muqdisho, kadibna u aruurisay lacag ay ugu talagashay inuu gaari ku iibsado.

SSC oo go’aan culus ka qaadatay doorashada Puntland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamd ah Isimada Dhaqanka SSC-Khaatuma oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaas iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka maamulka Puntland.

Garaadka ayaa ugu horreyn meesha ka saaray walaaca ay dadka SSC ka qabaan doorashada Puntland, maadaama ay haatan yeesheen maamul madax bannaan.

Waxa uu tilmaamay in qadddiyadda SSC-Khaatuma aysan marnaba gorgortan ka gali doonin, isla markaana aysan aqbali doonin in meel kale looga taliyo dadkeeda.

Sidoo lale waxa uu intaasi ku daray in halganka loo galay SSC ee ka billowday magaalada Laascaanood ay ku dhinteen dad gaaray illaa 700 oo qof, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkani maamul buu leeyahay go’aan buu gaaray. Maamulkaasi meel cad buu yaallaa. Meel lagasoo cesho ma ay jirto. 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin,’ sidaasi waxaa yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.”

Garaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa beeniyay inay jiraan dad doonay in xildhibaano kasoo jeeda SSC ay ku metalaan maamul goboleedka Puntland, maadaama doorasho la galayo.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa warar muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay in Garaadada SSC ay doonayaan inay saxiixaan 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayd Puntland.

Sidoo kale go’aankan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Puntland ay ka socota xulista xildhibaanada cusub oo diiwaangelintooda uu bilaabay guddiga xallinta khilaafaadka.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taas oo uu uga sii daray khilaafka ka dhashay muranka hareeyay doorashada maamulkaasi.

Xildhibaano is-abaabulay oo qaaday tallaabo ka dhan ah xukuumada Xamza (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano dhowr ah oo ku midoobay magaca ‘Kudladda Toosin Qaran’ oo soo saaray bayaan ay eedeyn culus ugu jeedinayaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar oo ka mid ah kudladaan xildhibaanada ah ee abaabulan ayaa akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay “Kudlada Toosin Qaran” oo aad loogu eedeeyey xukuumadda ‘Danqaran.’

“Xukuumadda way ku fashilantay Shaqadii loo igmaday, heshiisyo Qaranka halis ku ah oo qarsoodi ayey xukuumadaan la gashay dalal kale, Ra’iisul wasaare Xamza waan in uu hor imaadaa Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri bayaan.

Kudladaan waxay sheegtay in xukuumaddu ay dayacday dadkii ay saameeyeen fatahaada ka dhashay roobkii deyrta, isla markaana aysan jirin cid gargaar gaarsiisay qoysas badan oo ku tabaaleysan gobollada dalka.

“Waxay xukuumaddu ku mashquushay dastuur bedel aan heshiis lagu aheyn oo halis ku ah qaranka, boob ayaa ku socda xoolaha dadweynaha, wax is maqal ahna kama dhex jiro hey’adaha dowladda,” ayaa lagu yiri bayaanka kudladda.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay inay u yeereen guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka, kaas oo baarlamaanka ka hor sheegay in caalamku uu Soomaaliya soo gaarsiiyey raashin ku filan dadka u baahan, balse aysan heynin kharash ay dadkaas ku gaarsiiyaan raashinka iyo gargaarka ku jira bakhaarada Muqdisho.

“Waxaan is weydiinay maxaa kharash loogu khasaarinayaa xafladaha bilaa micnaha ah, maadaama la weysan yahay kharash gargaarka caalamku na siiyo lagu gaarsiiyo qoysaska u baahan ee fatahaaduhu ku saameeyeen gobollada dalka?”

Xildhibaanada ayaa sheegay in qorshaha wax looga bedelayo dastuurka uu u muuqdo kali-talisnimo iyo awood marooqsi, “waa halis weyn, wixii shalay la diidayna maanta cidna laga yeeli maayo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay soo jeediyeen dastuurka la dhameystiro, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo umadda Soomaaliyeed kala geynaya, “waxaa jirta in xukuumadu ay qaar ka mid ah dalalka caalamka la gashay heshiisyo qarsoodi ah oo la diiday in baarlamaanka la hor keeno,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka daawo

 

Daawo: Haweeney dishay seygeeda oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay haweeney loo haysto inay dil bareer u gaysatay seygeeda iyo askari isna dil ka gaystay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Hodan Diiriye Xuseen Cabdulle, isla markaana ah20 jir ayaa kasoo muuqatay Maxkamadda oo dhageystiga kiiskeeda ka billowday Beledxaawo.

Hodan ayaa dishay seygeeda oo lagu magacaabay jiray Marxuum Aadan Cali Aadan Cali oo 30 jir ahaa, sida uu sheegay guddoonka Maxkamadda oo akhriyay eedeedda.

Marxuum Aadan Cali ayaa ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Booliska degmada Beledxaawo, wuxuuna dilka ay Hodan u gaystay uu dhacay 10/11/2023-ka.

Dilka ayaa yimid kadib muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo Hodan oo Maxkamadda ka hor sameysay qiraal ku aadan dhacdadaasi.

“Way jirtaa laakiin dood sharci ah ayaan ka qabaa” ayay tiri Hodan Diiriye Xuseen oo ka hor hadleysay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale baaraha kiiskan oo goobta ka hadlay ayaa soo bandhigay caddeymo muujinayo inay dilka fulisay haweeneydan oo ugu dambeyn ay soo qabteen ciidamada ammaanka.

“Baarista waxaa iiga soo baxay inay marxuumka gacanteeda ku dishay Hodan Diiriye Xuseen Cabdulle” ayuu isna yiri baaraha kiiska.

Waxaa kale oo Maxkamadda Ciidamada kasoo muuqday Ibraahim Ismaaciil Dhimbil oo isna loo haysto dilka askari kale oo ay ka wada howlgalayeen degmada Beledxaawo.

Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa Maxkamadda ka codsaday inay u naxariisto, dibna ugu celiso xorriyaddooda.

Ugu dambeyn guddoonka Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan, sidaasna uu ku xiran yahay dhageysiga kiiska labada eedeysane.

Muxuu ka dhigan yahay dilka Macallin Aadan kadib sanado lagu raadinayey $10 milyan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in “Duqeyn dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamadda Mareykanka lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud”.

Warbaahinta Ciidanka milateriga ee Soomaaliya oo soo xiganaysay taliyaha ciidanka xooga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin waxay sheegeen in Khaliif oo magaciisa afgarashada uu yahay Macallin Ayman lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib.

Dawladda Maraykanka ayaa madaxiisa dul dhigtay 10 malyan oo dollar ayadoo ku eedeysay inuu ku lug lahaa weerarkii ay ku dhinteen Maraykanka iyo Keenyaanka ee ka dhacay saldhigga ciidamada Manda Bay ee gobolka xeebta ee Kenya bishii Janaayo 2020.

Kumuu ahaa Macallin Ayman?

Khaliif Daa’uud oo loo yaqaanno Macallin Ayman wuxuu macallin madrasa ka ahaa magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Wuxuu si gaar ah al shabaab ugu qaabilsanaa weerarrada koofurta Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna ahaa, sida ay ilo kala duwan sheegeen aasaasihii kooxda Jaysh Ayman oo u badan dagaallameyaal Al shabaab ka tirsan laakinse ka soo jeeda Kenya.

Kooxdaas waxaa kaloo ku jira ajaanib iyo Soomaali kale oo Al Shabaab ka tirsan. Waxaa la aaminsan yahay macallin Ayman in uu dhashay 1973.

Maxaa laga ogyahay Jaysh Ayman?

Warar ilo kala duwan aan ka soo xigannay waxay sheegayaan in qiyaastii 13 sano ka hor la aasaasay kooxdan. 2013 ayey Al Shabaab kooxdan u xilsaareen inay weerarro weerarro ka gaystaan dalal ay Kenya ka mid tahay.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in ay raggii kooxdaas ugu waaweynaa ee uu ku jiray Macallin Ayman qaarkood ay noolaayeen, marka laga reebo Mussa Asad oo ahaa dagaallame Kenya u dhashay.

“Waxaa loo arkaa inay ahaayeen jabhadda ugu adag ee Al Shabaab ka tirsan, xubnaheedana u baahan yihiin inay maraan hanaan adag marka la xulayo. Tababar adag oo lix bilood ilaa sannad ah ayey maraan, waxaana ku jira in la lugeeyo masaafo aad u dheer oo boqolaal kilo mitir ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo xigatay jariidadda The Star ee ka soo baxda Kenya.

Madaxda Kooxdan hogaaminaysay ayuu wargaysku sheegay inay kala ahaayeen Amir Ramzi, Habib Karongo, Axmed Iimaan Cali, iyo Macallin Ayman.

Muxuu dawladda Soomaaliya uga dhigan yahay dilka Macallin Ayman?

Dawladda Soomaaliya waxay bilihii la soo dhaafay wadday guluf xoog leh oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu hormuud ka ahaa.

Wuxuu u dhaxeeyey Ciidanka dawladda iyo miliishiyooyinka deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab, wuxuuna xoogiisa ka socday gobollada Dhexe, hase yeehee waxay duqaymo badan oo xagga cirka ah ka dhacayeen gobollada jubbooyinka, waana halka la qorshaynayey in laga bilaabo wejiga labaad marka la soo afajro dagaallada ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dilka Macallin Ayman ayey dawladda Soomaaliya u aragtaa guul weyn oo u soo hoyatay. Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga wuxuu BBC u sheegay inay dharbaaxo weyn ku tahay Al Shabaab dilka sarkaalkaas.

“Hogaan muhiimadaas lahaa geeridiisa wakhti badan ayey ku qaadayansaa Al Shabaab in ay kaga soo kabsadaan. Qaab dhismeedka kooxda ayaa hadda la burburiyey, ayadoo la daciifiyey awoodoodii iyo jahadii ay u socdeen.”

“Waxaa kaloo muhiim ah in sirdoonka Soomaaliya uu ka warqabo hogaanka Al Shabaab iyo meelaha ay kala joogaan. Horumar ayey u tahay dawladda maadaama uu ninkan xuduudda ka gudbiyey hawlgallada Al Shabaab,” Ayuu yiri Kaboole.

Wuxu kaloo intaa ku daray Al Shabaab ay niyad jabinayso geerida Macallin Ayman, ayna adkaanayso inay ka soo kabtaan “Weli waxaa jira arday uu wax baray, laakin istaraatijiyadoodii iyo jihadi ay u socdeen ayaa laga hortagay, wakhti ayeyna ku qaadanaysaa inay is abaabul kale sameeyaan,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Wuxuu intaa ku daray in mar kastoo weerarrada lagu hayo ay xoogaystaan ay adkaanayso inay helaan fursad ay ku aargoostaan.

Mar uu ka jawaabayey Kaboole farriinta ay dirayso in hogaamiye weyn oo Al Shabaab ka tirsan lagu dilay magaalo ay ku xoog badan yihiin ayuu yiri “in ciidanka Soomalida ay Al Shabaab madaxdooda beegsadeen ayaa ah farriin muhiim ah, dadkuna waxay arkayaan in hogaamiyeyaasha kooxda la baacsanayo,” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo intaa ku daray inay niyad jabinayso dadka hadda ka dib doonaya inay ku biiraan Al Shabaab.

Weerarka lagu dilay Macallin Ayman ayaa ku soo aadaya ayadoo dhawaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ka qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd muddada 30ka sano ah, iyo xilli ay Soomaaliya isu diyaarinayso billowga wajiga labaad ee dagaalka ay kula jirto Al Shabaab oo gobollada koofureed laga billaabi doono.

Isha: BBC