25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Ciidamada DF Soomaaliya oo hareereeyay deegaan ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay guluf culus ku qaadeen deegaanka Yacgoos ee gobolkaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay hareereeyeen deegaankaas oo ku yaallo dhul buuro ah, waxayna haatan ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ujeedka ayaa inay Al-Shabaab laga saaro deegaankaas oo ay muddo dheer ku sugnayd, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda dhaq-dhaqaaq ka wada buurta deegaanka Yacgoos, si ay isaga difaacdo duulaanka ciidamada Xoogga iyo kuwa dad deegaanka ee ku dhow deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo ay ka socdaan.

Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana gobolkaas gaaray ciidamo horleh oo ay gaysay dowladda dhexe.

Maalin kahor ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay Al-Shabaab kala wareegeen saldhig wayn oo ku yaalla buurta lagu magacaabo Badbad oo ku taalla duleedka degmada Xararardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalladan ayaa waxaa sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan dhulka hawdka ee ku yaalla gobolkaasi.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta

Koox Soomaali ah oo weerar guuleystay ku qaaday markab aad u weyn oo laga leeyahay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab ay leeyihiin ciidamada badda Spain ayaa ku baxay markab ganacsi oo ka diiwaan-gashan dalka Malta, kaasi oo la rumeysan yahay inay afduubteen burcad badeedda Soomaaliya, waxaa sidaas sheegay ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad badeedda.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto oo ay ku lug yeeshaan burcad-badeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii, markaasi oo howlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weeraradii gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Xarunta hawlgallada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan “markab la sheegay inay burcad-badeeda afduubteen,” kaasi oo lagu magacaabo Ruen, xilli uu marayey meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra ee u dhow Soomaaliya.

Xubin ka mid ah kooxihii hore ee gacan ka gaysan jiray abaabulka weerarada lagu qaado maraakiibta, oo ku sugan Puntland, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu maqlay in burcad-badeedda ay u suurta-gashay in ay qabsadaan markab.

“Lix ka mid ah saaxiibadeyda burcad-badeedda ah waxaa u suurtagashay in ay qabsadaan markab, waxayna keeni doonaan xeebaha gobolka bari ee Puntland,” ayuu Mukhtaar Maxamuud yiri isagoo ku sugan magaalada xeebta ah ee Qandala.

Ma uusan shaacin magaca doonta, islamarkaana mas’uuliyiinta Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Howlgalka EUNAVFOR ayaa sheegay in markabka dagaal ee Victoria ee Spain loo diray goobta weerarka, “si uu usoo ururiyo macluumaad dheeri ah, una qiimeeyo tallaabooyinka la qaadi karo.”

Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee Ambrey ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in markabka Ruen ay afduubteen burcad-badeedda.

Horaantii Jimcihii, hay’adda badaha Britain ee UKMTO ayaa sheegtay in ay warbixin ka heshay sarkaal ka tirsan ilaalada markabka oo sheegay in shaqaaluhu aysan gacanta ku hayn markabka, oo hadda ku sii jeeda Soomaaliya.

Markabka Ruen waxaa maamula shirkadda Bulgare ee dalka Bulgaria, sida ku cad xogta shirkadda Equasis ee kaydisa xogta maraakiibta.

Markabka ayaa markii ugu dambeysay la arkay isaga oo shareecanaya dhanka Soomaaliya abaare 2:26 pm Jimcihii, sida ku cad xogta shirkadda LSEG ee la socota dhaqaaqa markaaiibta.

Howlgal culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa ciidamada ay ka fuliyeen xaafadaha deegaankaas oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga caasimada iyo deegaanada ku xeeraan.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo qabtay shaqsiyaad lagu tuhumayo inay xiriir la leeyihiin ama ay la shaqeeyaan Al-Shabaab, kuwaas oo haatan lagu haayo baaritaano.

Sidoo kale saraakiisha amniga ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna ka hortagi doonaan weerarada suurtagalka ah ee ay soo abaabuli karto kooxda Al-Shabaab.

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa haatan ka howlgalo ciidamo kala duwan sida Booliska iyo kuwa Xasilinta caasimada, kuwaas oo loo geeyay inay sugaan amniga deegaankaasi.

Howlgalladan joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa keenay isbeddal ballaaran oo dhanka amniga ah, kaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Waxaa sidoo kale meesha ka baxay kooxihii ciyaal weerarada iyo kuwii kale ee dhaca u gaysan jiray shacabka, kuwaas oo iyana dhibaato ku hayay reer Muqdisho.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa la timid qorshe lagu sugayo amniga Muqdisho, waxaana yaraaday qaraxyadii dhici jiray.

Israa’iil oo iska dishay xubno gacanta uga jiray Xamaas iyo Mareykanka oo wada qorshe…

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Iyadoo in ka badan 18 kun oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen dagaalka Israel iyo Xamaas, ayaa sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Biden ee Mareykanka waxa uu sheegay inuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Israel inuu wajiga dagaalka uu bedelo oo howlgalladan culus uu ku bedelo kuwo bartilmaameedsan.

La-taliyaha amniga qaranka ee dowladda Mareykanka ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, si uu kaga dhaadhiciyo in la bedelo xeeladda dagaal ee Israa’iil ay ka wada Qaza.

Wuxuu sheegay in bartamaha bisha soo socota ay Israa’iil la imaa doonto qorshe bartilmaameed oo cusub oo ka dhan ah Xamaas, iyadoo la yareynayo khasaaraha shacabka.

“Israa’iil waa inay wax u fahanto sida uu Biden wax u fahamsan yahay, dhimashada kumanaanka shacabka ah ee Falastiin ma ahan mid sii soca karta, xaq ay Israa’iil u laheed inay is difaacdo ayaa hadda ayada ku soo noqday oo weji kale yeeshay, marka waa inay wax ka bedesho qorshaheeda dagaalka oo ay la timaado dheeli tir,” ayuu yiri sarkaalka Mareykanka ah.

Dhinaca kalena Israa’iil ayaa sheegtay inay si qalad ah Waqooyiga Gaza ugu dishay saddex ka mid ah la-haystayaashii Israa’iiliyiinta ahaa ee kooxda Xamaas ay ku qafaalatay weerarkii culaa ee Israa’iil ay ku qaaday.

Sarkaal ka tirsan IDF ayaa sheegay in mid ka mid ah askartooda uu arkay la-haystayaasha oo ka soo baxayay dhisme iyaga oo feera qaawan, isla markaana kor u taagaya mara cad oo ay ul sureen.

“Askariga ayaa dareemay cabsi, wuxuuna ku furay rasaas, isagoo sheegay in raggaasi ay ahaayeen argagixiso,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan IDF.

Labo nin oo la qafaashay ayaa isla markiiba la dilay midna waa la dhaawacay, wuxuuna dib ugu carary dhismihii ay kasoo bexeen, intaas kadibna waxaa la ogaaday in ragga la toogtay ay ahaayeen Israa’iiliyiin ka soo baxsatay xabsiga Xamaas.

Aadan Barre oo raali-gelin ka bixiyay hadalkii carada abuuray ee ka dhanka ahaa…

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu 8-dii bishan ka jeediyay Masaajid cusub oo laga daahfuray Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Masaajidkan ayaana loogu magac-daray Masjidka Albir.

Wasiirka ayaa Maamulka Masaajidka kula dardaarmay in laga ilaaliyo dadka Takfiirka ama Suufida ah, sida uu yiri.

Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee ku nool Magaalada Mandhera oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhalleeceeyay hadalka Wasiirka, iyagoona iftiimiyay sida ay uga xun yihiin, waxayna Wasiirka ka dalbadeen in hadalka ka soo yeeray uu raaligelin ka bixiyo.

Aadan Barre Ducaale ayaa hadda raaligelin ka bixiyay hadalkiisa, isagoona muujiyay inaanu uga la jeedin in cid gaar ahi uu ku weeraro, balse ay ka ahayd uun in dadka uu u nasteexeeyo.

“Dadka uun baa u nasteexaynayay oo ummadda ayaan la hadlayay, maxaa yeelay Masjidkan sidaan u fiican waa in loo raadiyaa Imaam, mu’adin iyo culimo kale oo kutubka Ilaahay laga akhriyo,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Qof kasta ayaa ah Ahlu Sunna Waljameeca, aniga kula hadlayo Ahlu Sunna Waljameeca ayaan ahay, oo Ahlu Sunna Waljameeca cid gaar u leh ma jirto, laakiin waxaan ka sheegay Masjidka ha laga ilaaliyo qolooyinka Takfiirka ah iyo qolooyinka aan walaalaha nahay ee Suufiyada. Qolooyinkan markay Masjid dhisaan waxay dhahaan dadka kale ha laga ilaaliyo.”

Wasiir Ducaale ayaa intaasi ku daray “Marka hadday jiraan dad ka xumaaday hadalkayga qayb ka mid ah dadka Muslimiinta, waan ka raaligelinayaa, inkastoo fekerka aan qabo, haddaan ahay Aadan Barre Ducaale aan bedelaynin.”

Masjidkan oo qaab qurxoon loo dhisay ayaa waxaa dhistay Hay’adda Ali Roba Foundation, oo uu gacanta ku hayo Senator-ka Mandhera, Cali Ibraahim Rooba.

Al-Shabaab oo qarax ka fulisay KENYA + Khasaaraha

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax ay maanta kooxda Al-Shabaab ka fulisay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Garissa iyo Xerada Dhadhaab, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Booliska Kenay oo war kasoo saaray qaraxaasi ayaa sheegay in miinadu ay haleeshay gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaalayay halkaais.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 4 qof halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo kamid ahaa rakaabkii la socday baabuurka la qarxiyay.

Saraakiisha laamaha amniga Kenya waxa ay intaasi ku dareen in qaraxan uu qeyb ka yahay weeraro ay halkaas fuliso kooxda Al-Shabaab oo inta badan beegsata ciidanka dalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo howlgallo ka wada agagaarka magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisay deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, kuwaas oo aad u kordhiyay sanadihii lasoo dhaafay.

Kenya ayaa kamid ah waddamada la dagaala kooxdan, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.

Muxuu ahaa ujeedka kulanka dhex-maray DF, Jubbaland, Galmudug iyo K/Galbeed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka qabsoomay kulan gaar ah oo u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Hay’adda SoDMA ayaa wuxuu dhex-maray guddoomiyaha Hay’adda Maareynta iyo wasiirada gargaarka ee saddexdaas maamul goboleed.

Inta uu socday shika waxay dhinacyadu ka wada-hadleen sidii wadajir dadka sameynta ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada loogu gurman lahaa, si loo caawiyo dhibanayaasha, gaar ahaan qoysaska soo barakacay.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday in raashinkii dowlada Ruushka ugu deeqday  Soomalaiya si siman si siman loogu qaybiyo dowladd Goboledyada dalka ka jira, kadibna la wada gaarsiiy  bulshada tabaayalysan ee ku dhaqan koonfurta iyo bartmaha dalkeenna.

Dhankooda Wasiirada gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Candiraxmaan Makaawi, Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo jubbland Dr Abdiraxmaan Maxamed ayaa u mahadnaqay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, waxayna sheegeen in weli xaalado adag oo nolosha ah ay ka jiraan deegaanadooda.

Waxaa kale oo ay ku ammaaneen Hay’adda SoDMA sida ay go’antahay caawinta iyo u gargaarida bulshada tabaayalysan ee ay dhibaatada kasoo gaartay xaaladda Elnino.

Kulankan waxaa ka maqnaa Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda iyo HirShabelle oo aan la ogayn sababta ay uga baaqatay kulankan ka dhacay Muqdisho.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah gudaha dalka.

Laba qoys oo dacwad kusoo oogay dowlada Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Laba qoys oo u dhashay dalka Maraykanka kana soo jeeda Falastiin ayaa waxay dacweeyeen xukuumadda Maraykanka ee uu hoggaamiye madaxweyne Biden, iyaga oo sheegay inaanay u fidinin qoysaskooda ku go’doomay Gaza, gargaar samatabixin ah oo la mida kan ay dawladda Maraykanku u fidisay muwaadiniinta Maraykanka ee asal ahaan ka soo jeeda Israa’iil.

Ka dib markii uu dhacay weerarkii 7-da October, waxaa dawladda Maraykanku ay duulimaadyo kaga daadguraysay muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugnaa Telaviv, ka dib markii la joojiyey duulimaadyadii aadiyey dalkaas.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay caawisay illaa 1,300 oo muwaadiniin Maraykan ah oo ka soo jeeda Falastiin, si ay uga baxaan Gaza isla markaana ay u gudbaan Masar, iyada oo Maraykanku wada shaqayn kala yeeshay masuuliyiinta Israa’iil iyo Masar.

Qoysaska dacwadda soo oogay ayaa sheegay inaanay dawladdu qaabaynin duulimaadyo si ammaan ah oo lagu daadgureeyo dadka halkaas ku go’doomay. Waxay ku qiyaaseen illaa 900 oo muwaadin, ama dad haysta deganaanshaha dawladda Maraykanka ama qoysaska muwaadiniinta Maraykanku inay ku go’doonsan yihiin Gaza.

Waxay sheegeen in tallaabadani ay tahay xadgudub ka dhan ah xuquuqda dastuurka.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku waxay ka gaabsatay inay faallo ka bixiso dacwad socota, hase ahaatee afhayeen u hadlay ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u soo samatabixin lahaayeen muwaadiniin badan oo Maraykan ah iyo qoysaskooda.

Aqalka Cad ayaa su’aal arrintaas la xidhiidha wuxuu isu dhaafiyey Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka, hase ahaatee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanku, iyana si degdeg ah arrintan ugama falcelinin.

VOA + Reuters

Kooxda Al-Shabaab oo dishay dad isku qoys ah

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta qarax miino oo dhulka ay ku aastay ku dishay saddax qof oo isku qoys ahaa.

Qaraxaas ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen dadkaas isku qoyska ah, xiili ay marayeen deegaanka Eegay uu dhexeeya magaalooyinka Gaarisa iyo Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weriyaal ku sugan Gaarisa ayaa sheegay in dadka qaraxa miinada ku dhintay uu ka mid ahaa Ugaas Amiin Ugaas Xasan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka Soomaalida ee dalka Kenya.

Gaariga waxaa waday oo la dhintay wiil uu Ugaasku dhalay iyo nin ay Ugaaska walaalo ahaayeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la aaminsan yahay inay geysatay qaraxaas, maadaama weerarro dad badan ay ku dileen ay ka gaystaan gobolka NFD ee Soomaalida dalka Kenya.

Inta badan weerarrada Al-Shabaab  ee ka dhaca gobolka NFD ayaa waxaa lala beegsadaa ciidamada Kenya, sidoo kale marar qaar waxay weeraradaan saameeyaan dadka socotada ee deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarro ka geysata gudaha dalka Kenya, ciidamada Kenya ayaa howlgallo joogto ah ka wada xuduuda labada dal, si ay kaga hor tagaan beegsiga kooxda.

Daawo: Muxuu madaxweyne Xasan ka sheegay saxiixa Axdiga ku biirista ururka EAC?

0

Entebbe (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadii uu ku saxiixay qariiradaan cusub ee bulshada bariga Afrika, wuxuuna ku amaanay madaxda dalalka ku bahoobay daladaan sida ay ugu sarakaceen soo dhaweynta Soomaaliya.

“Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga afrika ee caalamka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Xasan Sheekh wuxuu ka hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab, wuxuu sheegay in hormar muhiim u ah gobolka ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka.

“Horumarka ay ciidamada qaranka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka Khawaarijta, ayaa muujinaya ka go’naashaheena ku biiridda dalaadaan iyo hanashada amniga guud ee gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday guushii ay Soomaaliya ka gaartay dadaalkii ay u gashay in laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saaraa 31-ka sano.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa madaxda daladda uga warbixiyey guushii kale ee Soomaaliya ay ka gaartay barnaamijkii 10-ka sano ee socday ee deyn cafinta oo muhiim u ahaa dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee Soomaaliya.

“Dadaalkii dheeraa ee aan u galnay cafinta deynta ayaa ka marqaati ka caya sida ay nooga go’antahay kubcinta ilaheena dhaqaale oo muhiim u ah horumarinta, si wadajir ah u dhisno dhaxal midnimo iyo wax wadaqabsi,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka daawo khudbadda

Muxuu yahay heshiiska ku kacaya $17.7 Milyan ee Soomaaliya ay la gashay…?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa maanta kala saxiixday mashruuc cusub oo ku kacaya in ka badan 17.7 Milyan oo dollar.

Waxaa iska kaashanaya mashruucan cusub dowladaha Soomaliya oo ay ku matalayso Hay’adda Gargaara iyo Jarmalka oo ka wakiil ah banigga horumarinta (KWF).

Hadafka mashruucan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo kobcin lahaa awooda bankiyadda Soomaaliyeed, in qeyb weyn ka qaataan horumairnta bulshada qeybaheeda kala duwan, wuxuuna mashruuca kor u qaadayaa qeybo kala duwan sida; beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, waxbarashada, caafimaadka iyo dalxiiska.

Madasha saxiixa heshiiskan ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxda dowaldda Federaalka Soomaaliya, Bankiyada dalka iyo masuu’liyiin kale. Heshiiskan ay wada gaareen gargaara iyo iyo KWF waxa uu ahniyadd u leeyahay bulshada nugul sidii kor loogu qaado dhaqaalahooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara Suleymaan Cabdil Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahiyay muhiimada ay mashaariicda maal-galinta dalkeennu u leedadahay.

“Ujeedada laga leeyahay barnaamijkan waa in awoodiinna kartidiinna iyo aqoontiinna xaga lacag bixinta ay kor u kacdo si aad ugu dhiirataan, tiina aad heysataan ee dheeraadka ah ee tan ka badan inaad bixisaan iyada naftirkeda aad maalgalin ku sameysaan,” ayuu yiri Dr. Suleymaan.

“Waxaan idin sheegayaa dalka waa dal faqri ah shaqo la’aan baa jirta dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xitaa nabadgalyada maanta dhaawacaya waxaa kamid ah dhaqaale xumida iyo shaqo la’aanta dhalinyarada.”

Agaasimha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka Sharmaake Maxamed ayaa isna sheegay in waddanka fursado badan tan ka ballaaran ay wadada kusoo jiraan taasi oo mudnaan siinayso horumarka bulshada iyo shaqa Abuurka.

“Sharaf gaar ayey ii tahay inaan goobjoog ahaado oo aan ka soo qeybgalo xafladan lagu saxiixayo heshiiska (KWF)lala galay tani waxay mudnaan siineysaa horumarka bulshada iyo kobaca shaqo abuurka, ka Hey’add ahaan wadshaqeynta ayaan la yeelan doonaa Gargaara,” ayuu yiri agaasime Sharmaake.

Guddoomiyaha Midowga Bangiyada Soomaaliya (SBA) Mudane Shirwac ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda gargaara iyo dowladda KWF ee Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in howlaha socda ay ka turmayso soo noolaynta hay’addaha dhaqaalaha dalka sida bangiyada.

“Waxaan ballan-qaadeynaa wada-shaqeynta dhankeenna laga filaayo, waxaan rajeyneynaa in aan ka soo bixi doono, gargaarana naguma cusbo waan la shaqeynaa ee kaliya waxaa cusub qeybtaan kale (KWF) wuxuuna heshiiskan ku soo aaday waqti munaasib ah oo deyn cafinta loo dabaaldagayo. Insha Allah gacanta waan furi doonnaa dad badan ayaa ka faa’iideysan doono oo shaqo abuur heli doono,” ayuu yiri.

Hay’adda Gargaara Lt, oo isku xirta hay’addaha maal-galinta, dowladda iyo adduunka ayaa wadda daddaalo lagu horumarinayo bulshada, gaar ahaan qeybaha muhiimka u ah adeegyada buslahda.

Caro xooggan oo ka dhalatay go’aanka ay qaadatay DF ee ka dhan ka ah SSC-Khatumo

0

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa laga reebay tartanka kubadda cagta gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ee 2023-ka, taasi oo ay ka dhalatay fal-celin xooggan.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya iyo Xiriirka K/Cagta ayaa shaaciyay in tartanka ay ka qeyb-galayaan kooxaha Gobolka Banaadir, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.

Tartanka kubadda cagta ayaa si rasmi ah u bilaaban doona 29-ka bishaan December, oo ku beegan maalin Jimce ah. WaxaaNA lagu ciyaari doona magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa tartankaan si iskeed ah iskaga hartay Puntland, oo uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Nimco Kayf: “Wajigiin gubeey kuwaani dowlaadnimo ma rabaan qabyalaad ba loo rebeey SSC-Khaatumo.”

Ugaas Cabdiraxmaan ayaa isna yiri “Jubbaland State tartanka ha ka qeyb-galina waa tartan ay ka hareen walaaladiin. Puntland sidoo kale laga reebay SSC-Khaatumo, Fadlan tartanka ha ka qeyb-galina Wabillahi Towfiiq.”

“Dowladda Soomaaliya dadka ka ah madaxda umada ayey kala qaybinayan si cad waliba, dadku ha idin si naadan billahi-caleykum,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka SSC-Khaatumo looga reebay tartanka.

Qanuuni Xaaji Maxamed: “Khaatumo yaa ka reebay, tartanka, ma warkii la sheegayey baa run ah oo prank miyey ahayd aqoonsigii Khaatumo. Waan ogaa odayga reerka u wayn in uu dhan u batayee, oo uu diiday in uu dhexdo istaago.”

Cabdicasiis Maxamed ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Wax qaran ladhaho majiree Koonfur ciyaaraysa dheh, Puntland iyo Khaatumo waddan gaara weeye.”

“Ciyaar Puntland iyo SSC-Khaatumo ka maqan yihiin xadaarad ma leh,” ayuu yiri Xabiib Ibraahim.

Axmed Cabdi: “Wax Khaatumo la dhaho majirto maad dhahdayn.”

“Runtii waa wax aad looga xumaado in SSC-Khaatumo ciyaaraha dowlad-goboleedada laga reebo laakiin reer Khaatumo waxaan leeyahay ha ku niyad jabina ee dadaalkiina siiwada waxaadna ogaataan in aad hadafkiini iyo ujeedadiinii gaadheen oo ahaa dhulkiina in aad ka xoraysateen Somali-diidkii,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka fal-celiyay in SSC-Khaatumo laga reebo tartanka kubadda cagta.

Muumin Raage Axmed: “Tartanka haddii Puntland aysan qeyb ka ahayn waxa SSC-Khaatumo looga reebay waa qalad.”

“Khaatumo maxaa looga reebay koobka markaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdullaahi Sky.

Marwo Hafsa M. Warsame ayaa sidoo kale waxay tiri “Puntland, Jubbaland,  SSC-Khaatumo iyo DDS ayaa wada qabsan Jigjiga, Laascaanood, Garoowe ama Kismaayo ayaa la iskugu imaan dhawaan ka sheekeeya.”

Soomaaliya oo dib u hanatay xuquuqdeedii dayax-gacmeedka (Sawirro)

0

Dubai (Caasimada Online) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku guulaysatay soo celinta xaqa ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho khayraadka meeraha dayax-gacmeedka baahinta isgaarsiinta.

Guushan, oo tilmaamaysa dhammaadka geeddi-socod adag oo socday muddo sanad ah,si waafaqsan ujeeddooyinka qaraarka 559 ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxa ay horumar u tahay dhinaca isgaarsiinta dalka.

Magaalada Dubai oo uu ka soconayo shirweynaha isgaarsiinta raadiyaha adduunka waxaa toddobaadkan lagu qabtay munaasabad loogu dabbaal-dagayo guusha ay 31 dal oo Afrikaan ah ka gaareen inay dib u hantaan kheyraadkooda dayax-gacmeedka ee ay hore u haysteen shirkado iyo dalal kale.

Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalkii ku guuleysatay inay dib ula wareegaan kheyraadkooda dhinaca isgaarsiinta dayax-gacmeedka.

“Ballan-qaadkii iyo dadaalkii aan kala go’a lahayn ee aan sameynay sanadkii la soo dhaafay ayaa ku soo dhammaaday guushan, taasoo muujineysa sida aan ugu heellan nahay horumarinta isku-xirka iyo kaabayaasha teknoolajiyada dalka,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yasiin Sheekh.

Guushani ayaa horseedaysa in horumar dheeri ah laga gaaro dhinaca isgaarsiinta dayax-gacmeedka, waxayna suurta-gelineysaa in dayax-gacmeedka looga faa’iideysto sidii isgaarsiinta loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan.

Waxay sidoo kale u gogol xaaraysaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee isgaarsiinta, gaar ahaan dalalka Afrika.

Soo-celinta kheyraadka dayax-gacmeedka waxay horumar weyn ku soo kordhin doontaa qeybaha isgaarsiinta, warbaahinta, iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

“Waxaan soo dhoweynayaa guusha dalkeenu ka gaaray soocelinta kheyraadka baahinta ee dayaxgacmeedka isgaarsiinta. Waxaana ku ammaanayaa hay’adda iyo kooxdii ka shaqeysayba guushan taariikhiga ah iyo inaan ka mid noqonno 31ka dal ee Afrika ee ka soo gudbay halbeegyadii la asteeyay,” ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolijiyadd Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif.

Guushan laga gaaray baahinta isgaarsiinta dayax-gacmeedka ayaa ka dhigan waa cusub oo u baryay adeegyada ku shaqeeya isgaarsiinta iyo teknolojiyada, taas oo saameyn toos ah ku yeelan doonta geedi-socodka horumarka qaranka.

Laba jid gooyo oo uu DENI u dhigay Xasan Sheekh oo la jiiray iyo xujo weyn oo hortaalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hal sano iyo lix bilood jooga xafiiska. Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay maamulka Villa Somalia ma uusan helin wada-shaqeynta maamulka Puntland oo waxaa dagaal aan qarsooneyn ku qaaday Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni iyo Xasan ayaa isku khilaafay qoondada kursiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Puntland ayaa dagaal rasmi ah iclaamisay markii uu Xasan Sheekh joogay xafiiska dhowr billood.

Waxay ka baxday shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran, waxay muddo kadibna ku dhawaaqday inay cilaaqaadkii u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna wasiiradeeda ka joojisay dhamaan howlihii wada-jirka ahaa ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada iyo inay sidoo kale wasiiradeedu tagaan magaalada Muqdisho.

Shaqooyinka wada-jirka ah, gaar ahaan kuwa la xiriiray arrimaha maaliyadda, kheyraad wadaaga iyo amniga ayaa muhiim u ahaa barnaamijka deyn-cafinta iyo in la qaado cuna-qabateynta hubka, maadaama marwalba reer galbeedku adkeynayeen muhiimada jiritaanka wada-shaqeyn laba heer dowladeed ah iyo xasilooni siyaasadeed, si loo gaaro dhameystirka labadaasi arrimood.

Saciid Deni iyo maamulkiisa si cad ayay u sheegeen inay diidam yihiin in qodobadaasi hadda la dhameystiro illaa laga xalinayo tabashooyinkooda, waxaana Xasan Sheekh u dhigeen dhowr jidgooyo oo dib loogu dhigayo arrimahaan, laakiin Xasan Sheekh ayaa qaaday olole ay Puntland ka maqan tahay si uu u dhameystiro qabyadii uu ka tegay shan sano kahor.

Waxaa la sheega inuu wakiiladda beesha caalamka ku qanciyay in uusan khilaafka aheyn mid dowladda dhexe iyo Puntland ah, balse uu yahay arrimo shaqsi ah, taasi oo lumisay dareenkii uu Deni ka filaayay inay beesha caalamka siiso diidmadiisa.

Waxay ahaayeen laba arrimood oo waaweyn, waxaa la aaminsan yahay in haddii diidmada Saciid Deni suuq ka heli laheyd dhanka beesha caalamka, inuu markaas Xasan Sheekh ku qasbanaan lahaa inuu raadiyo Deni, laakiin Xasan Sheekh oo laba jeer madaxweyne noqday kana macaamil iyo cilaaqaad badan dhamaan siyaasiyiinta kale ee Soomaalida oo aan iyagu fursad intaas le’eg helin ayaa jiidhay dhamaan isbaarooyinkii uu Deni u dhigay, wuxuuna 1-dii bishaan xaqiijiyay in dalka laga qaado cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd 31 sano, markalena wuxuu habeen hore ku guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo deyn dhameyd ku dhowaad 5 bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo Soomaaliya lagu lahaa tan iyo markii ay qaadatay xornimada.

Sida ay iskugu aaday Xasan Sheekh ma farxad gelinayso Saciid Deni, oo malaha u muuqda in waayo-aragnimo iyo baaxadda cilaaqaadka loo sheegtay. Weli xiriirka dowladda federaalka ah iyo maamulka Saciid Deni ma hagaagsana.

Laakiin wax walba oo wada-jir ku xirnaa ayuu Xasan Sheekh sidoodii u wata, wuxuuna keenay guullo wax ku ool. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kal xukunkiisi hore ahaa nin lagu cabsiiyo tabashada maamul gaar ah, laakiin wuxuu hadda la yimid dabeecad taas ka duwan.

Wuxuu dhinaca kale dhulka isku dhigay afarta maamul goboleed ee kale, si uu qabyadiisa u dhameystiro.

Qoddobka saddexaad ee hadda diirada u saaran madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu dhameystiro dastuurka. Saciid Deni meel adag ayuu iyadana ka taagan yahay oo waa diiday sida uu Xasan Sheekh u wado howshaas.

Laakiin in middaan looga adkaan karo Deni iyo inkale waxaa ka horeysa doorashada Puntland oo uu Saciid Deni dhawaan ku dhawaaqay inay dhaceyso 8-da Janaayo ee 2024.

Cutubyada ugu horeeya ee doodda dastuurka Soomaaliya ayaa baarlamaanka la horgeyn doona badhtamaha bisha Janaayo. Natiijada madaxtinimada doorashada Puntland iyo doodda dastuurka waa laba xaaladood oo marna is riixaya, marna isku xiran.

Maxay kula tahay adiga?

Arag: Qariiradda ururka EAC oo isbedeshay, laguna daray tan Soomaaliya (Sawirro)

0

Arusha (Caasimada Online) – Waxaa isbedel lagu sameeyay qariiradda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee EAC.

Isbedelka lagu sameeyay qariirada ururka EAC ayaa imaneysa kadib ku biiristii Soomaaliya, waxaana lagu biiriyay qariiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa daba-yaaqada bishii hore ee November si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, ayada oo sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Qariiradda EAC ayaa markii hore aheyd sida hoos ka muuqato;

Ku biirista EAC ayaa qariiradda isku badashay sida hoos ka muuqato;
Ku biirista EAC ayaa waxay fursad weyn u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo 24-kii November guddoomay xubinimada ururkaan ayaa waxa uu ku biirista dalladan ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”

Soomaaliya ayaa sidoo kale markaas soo bandhigtay faa’iidada ay u leedahay shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

Xogta dagaal culus oo ka socda gobolka SANAAG

Ceel Afweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal beeleed xooggan uu saaka ka qarxay deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday aroornimadii hore ee saaka, uuna u dhaxeeyo laba beelood oo kal hore ku dagaallamay deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa la sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli faah-faahin sugan laga helin, maadaama uu socdo dagaalka.

Colaadda beelahan ayaa sannadihii u dambeeyay ku soo noq-noqotay deegaanada dhaca galbeedka gobolka Sanaag, gaar ahaanna Ceel Afweyn iyo Dararweyne.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland oo ku aadan dagaalka kasoo cusboonaaday dhulkaasi.

Sanaag oo marar badan kusoo laa-laabteen dagaal beeleedyada, ayaa waxay saameynta ugu badan ku yeeshaan dadka shacabka, waxayna inta badan salka ku hayaan aano qabiil.

Si kastaba, Dagaalkan ayaa kusoo aadaya, xilli ay haatan Somaliland ku jirto wax u muuqda diyaar garow dagaal oo horleh, si ay mar kale u wajahdo ciidamada SSC oo bilihii u dambeeyay ka qabsaday dhul aad u ballaaran.

SSC-KHAATUMO oo laga reebay tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo tartanka kubadda cagta gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ee 2023-ka.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya iyo Xiriirka K/Cagta in tartanka uu si rasmi ah u bilaaban doono 29-ka bishaan December, oo ku beegan maalin Jimce ah.

Tartanka kubadda cagta gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa lagu ciyaari doona magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay in la kordhiyay tirada kooxaha rasmiga ah ee tartanka ka qeyb-galeysa, kuwaasi oo markii hore ahayd 22 ciyaartooy, halka sanadkan laga dhigay 25 ciyaartooy.

Tartanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya kooxaha Gobolka Banaadir, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland. Waxaa laga reebay SSC-Khaatumo, halka ay si iskeed ah uga hartay Puntland.

Hoos ka aqriso, qoddobada kasoo baxay wasaaradda dhalinyarada & ciyaaraha XFS iyo masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

  1. In Diiwaan-gelinta ciyaartoyda ay furanto Sabti, 16-ka December, ayna xiranto Khamiis, 21-ka December 2023.
  2. In tartanka cayaaraha dowlad-goboleedka iyo gobolka Banaadir uu si rasmi ah u furmo Jimco, 29-ka December 2023-ka.
  3. In tirada ciyaartoyda xul walba laga dhigay 25 halka ay hore aheyd 22 ciyaartooy.
  4. In si wada-jir ah looga wada shaqeeyo qabsoomidda iyo dardar-gelinta tartanka.
  5. Ugu dambeyn, Wasaaradda iyo Xiriirka waxay si wada-jir ah uga raali-gelinayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda ciyaaraha in tartanka uusan ku qabsoomin waqtiyadii hore loo shaaciyay sababo farsamo oo laga baaqsan waayay awgeed.

Daawo: Muxuu JENERAAL SHUB ka yiri hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka hadlay guulaha uu Xasan Sheekh gaarsiiyey dalka, isagoo taageeray hal kudhigiisa “Qabyo ninkeedaa dhameystira.”

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu ka dhabeeyey balantii uu ka qaaday dadka Soomaaliyeed, isagoo balan-qaaday inay ku taageerayaan Madaxweynaha xaqiijinta inta ka hartay guulaha uu ku hoggaminayo dalka.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu soo bilaabay barnaamijyada deyn cafinta iyo cunaqabateyntii hubka ee mudada dheer saaraa Soomaaliya, isagoo yiri, “Waxaa rumowday halmadii Madaxweynaha ee qabyo ninkeeda ayaa dhameystira.”

Wuxuu soo hadal qaaday mucaaradka, isagoo sheegay in xiligaan aysan macquul aheyn in la mucaarado Xasan Sheekh, maadaama markii hore la aqbalay qodobo muhiim u ahaa dalkaan, kuwaas oo inuu ka shaqeynayo uu balan-qaaday, kadibna ka dhabeeyey.

Sidoo kale Jeneraal Shub ayaa soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in sababta looga adkaa waayey kooxdaas ay tahay, cunaqabateyntii hubka ee saareed Soomaaliya.

“Cunaqabateyntu waxay Al-Shabaab iyo ciidamada qaranka ka dhigtay kuwo isku awood ah, maadaama ay wataan hub isku nooc ah, hadda waxaan heli doonaa qoryo waaweyn iyo taangiyo, markaan ayaa laga adkaa doonaa cadowga,” ayuu yiri.

“Taageerada Madaxweynaha ma jooji doono, hadii uu qorigii weynaa uu noo keenay oo cunaqabateyntii 30-ka sano na saareed uu naga qaaday, hadii deymihii ilaa 60-kii nalo heystay nalo dhaafay, khudbadiisii shalay waa dhageysanay hal saac ka badan ayuu arrimaha Soomaaliya ka hadlaayey, waa in loo hambalyeeyo madaxweynaha,” ayuu yiri Jeneraal Shub.

Taliyaha Asluubta Soomaaliya ayaa si qota dheer uga hadlay dhameystirka dastuurka oo ka mid ah qodobadii uu madaxweynuhu balan-qaaday, wuxuu sheegay in xubno aan ujeedadooda la garaneyn ay hortaagan yihiin qabyo tirka dastuurka.

Hoos ka daawo

Xamza oo shaaciyay 7 arrin weyn oo Soomaaliya uga dhigan tahay dayn-cafinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay guusha taariikhiga ah ee deyn cafinta, taasi oo habeen hore si rasmi ah looga cafiyay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in deyn cafinta ay dowladsa Soomaaliya iyo shacabkeeda uga dhigan tahay horumar dhaqaale iyo isku filnaansho amni.

“Deyn cafintu waxay dalkeena iyo dadkeena uga dhigan tahay in ruux walba oo Soomaali ah laga cafiyay lacag ka badan $300,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu sheegay in deyn cafinta ay Soomaaliya ka dhaxlayso in dalkeena iyo dadkeeda la aamino, islamarkaana ay hesho maalgashi caalami ah, maadaama ay Soomaaliya ka vaxday liiska waddamada qaamaysan.

“Xasilooni siyaasadeed iyo adeeg bulsho oo horumarsan ayay uga dhigan tahay dalkeena iyo dadkeena deyn cafinta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay ku dhowaad deyn 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu u dhaqaaqay sanadkii 2016, waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3-aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabadihii ku hor-gudbanaa dowlad-dhiska iyo madax-bannaanida.

Hoos ka aqriso toddobada arrin, iyaga oo qoddobeysan;

  1. $4.5 Bilyan ayaa la’inaga cafiyay macnaheedu waa in ruux walba oo Soomaali ah laga cafiyay lacag ka badan $300
  2. Dalkeena iyo dadkeena oo la aamino
  3. Soo jiidasho maalgashadayaal caalami ah
  4. In aan ka baxnay liiska waddamada qaameysan
  5. Xasilooni siyaasadeed
  6. Horumar dhaqaale iyo isku filnaansho amni
  7. Adeeg bulsho oo horumarsan.

Aqriso: DF oo soo saartay bayaan 34 qodob ah iyo arrimo xasaasiya oo looga hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 34 qoddob, kaasi oo looga hadla deyn-cafinta, qaadista cuna-qabateynta iyo howl-gallada ka socda dalka.

War-saxaafadeedkan oo ah midka ay dowladda ku faah-faahiso waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah, ayaa sidoo kale markaan lagu soo qaatay shirkii Amniga Soomaaliya ee dhawaan kusoo idlaaday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

“Baanka adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daymihii lagu lahaa oo gaarayay 4.5 bilyan oo doolar, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Sidoo kale waxa lagu yiri “Al-Shabaab ayaa isaga carartey goobo ay ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug.”

Hoos ka aqriso qoddobada bayaanka;

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka Baanka Adduunka iyo IMF ee deyn cafinta Soomaaliya, isla markaana hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.

2- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo loogu dabaal dagayay guusha deynta Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah.

3- Baanka adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daymihii lagu lahaa oo gaarayay 4.5 bilyan oo doolar, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Baanka Adduunka, isla markaana uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hoyay barnaamijka deyn cafinta.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Ku-Simaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marwo Victoria Nuland, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ku guddoomiyay Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari oo ka socday dalka Turkiga.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Talyaaniga ee u fadhin doona Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo La- Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow u magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dib u Heshiisiinta.

11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti uga qeyb-galay Shir Madaxeedka 41-aad aan caadiga ahayn ee Urur-Goboleedka IGAD.

12- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaarey hanaanka doorashada Dowlad Goboleedka Puntland.

13- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayey go’aankii Golaha Ammaanka uu cunaqabateynta hubka uga qaadey Soomaaliya.

14- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdillaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka wadajirka ah ee labada aqal oo ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda 2024.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.

16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern oo ay ka wada hadleen xiriirka, iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso Soomaaliya.

17- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka uga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

18- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

19- Urur Goboleedka IGAD ayaa Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay magacaabista Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD ku tilmaamey guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Ethiopia Mudane Abraham Belay ayaa kala saxiixday dib u cusbooneysiinta heshiis is afgarad oo dhanka iskaashiga milateriga.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi oo ay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Aqalka Sare ka hor akhriyay hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, akhrintiisa 1-aad.

24- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa qaabilay ku ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey.

25- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Dooxa kaga qeybgaley Shirka 26aad ee Wasiirrada Dalxiiska Jaamacadda Carabta.

26- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Manama ee Boqortooyada Baxreyn kaga qeyb galay kulan weynaha 15aad ee u dhaxeeya wadamada Carabta iyo Jarmalka kaasoo looga arinsanayo arrimaha Caafimaadka.

27- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Dooxa ee Qatar kula kulmay Duqa Magaalada Dooxa Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin waxaana ay ka wada hadleen dib u cosbooneysiinta heshiiska mataanayna Muqdisho iyo Dooxa.

28- In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal milateri oo ciidanka degaanka ka fuliyeen Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

29- Khawaarijta Alshabaab ayaa isaga carartey goobo ay ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug.

30- Wabiga Shabeelle ee ku fatahay Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa xaalad go’doon ah geliyay degmada.

31- Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar ku saabsan hubinta ilaha rasmiga ah ee laga helo wararka, mabaadii’da anshaxa iyo badqabka suxufiyiinta u furay 36 suxufi oo ka howlgala warbaahinta qaranka iyo warbaahinta madaxa banaan.

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada Mudane Axmed Xuseen.

33- Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan ka hergelisay mashruuc waxbarasho oo lagu magac daray Bar ama Baro, halkaas oo ka mid ah goobaha laga xoreeyey Khawaarijta.

34- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri oo ka dhan ah Al Shabab ka fuliyay deegaannada kala ah Farag ,Huuyaley , Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor, iyo Ceelgaras oo hoostaga Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.