25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Waa maxay daynta laga cafiyey Soomaaliya? – Maxaase loo isticmaalay markii hore?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dayntaan inteeda badan waxaa lasoo daynsaday waqtigii dowladdii kacaanka, waxaana lagu dhisay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera, dekedda, garoonka diyaaradaha iyo warshadda hilibka lo’da ee Kismaayo ku ooli-jirtay. Hub 1977 lasoo gatay iyo lacag Bankiga Dhexe Raashka u taalay oo uusan dib-danbe u arag. Waxaa kaloo ku korortay dulsaar xad-dhaaf ah oo aan muddo la bixin.

Hadda waxaa la cafiyey $4.5 bilyan, waxaana dhiman $650 milyan oo la rabo inay Soomaaliya iska bixiso sanadaha soo socda.

Haddaba, maxaa faa’iido u ah Soomaaliya, haddii dayntii intii badnayd laga dhaafay? Saamayn intee le’eg bayna ku yeelanaysaa?

Hadda, Soomaaliya waxay weydiisan kartaa in lacag la amaahiyo, laakiin shuruudo adag baa horyaalla, kuwaas oo ah in Soomaaliya caddeyso waxay ku qabanayso, sida loo bixinaayo ama loo soo-celinayo iyo waqtiga. Haddii ay u arkaan dayn-bixiyayaashu mashruucaasu inuusan isbixin karin, faa’iidana lahayn, waa diidi karaan.

Saamaynta ugu weyn ee daymaha la cafiyey waa iyadoo ay yaraanayso lacagtii aan daynta ahayn ee Soomaaliya lagu taageeri jirey ama lagu kabi jiray. Waxaa kaloo dhici kara in si khaldan oo musuq-maasuqa ah wax loogu sheego dayn-bixiyayaasha, dabadeedna wax kale loo isticmaalo lacagtaas, qaantaasna dadka Soomaaliyeed oo dhanna dusha ka fuusho.

Dadka Soomaaliyeed waa dad Islaam ah 100%, laakiin dunida looga aqoonsan yahay dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka oo idil ama wax is-daba maristu ku badan tahay.

Mas’uuliyiinka Soomaaliya hoggaaminaya waxaa looga fadhiyaa siday u maareeyaan mas’uuliyaddan culus, adduunkoodana ay tan aakhiro ka doortaan.

W/Q: Mahamud Jama Farah
[email protected]

Dhimasho ka dhalatay qarax lagu weeraray shaqaalaha shirkadda Hormuud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa khasaare ka dhasgay qarax lala beegsaday gaari Hilux ah oo ay leedahay Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Qaraxaas wuxuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay gaari ay leedahay Shirkada Hormuud oo marayey deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wuxuu dhacay gabadhicii shalay, waxaana xalay dhaawac ka soo gaaray u geeriyooday Axmed Cumar Cabdulle oo ka tirsanaa Shaqalaha Shirkadda Hormuud, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Shirkadda Hormuud ayaa wajaheysa weerarro aan ilaa hadda la shaacin cidda u geysata, xarumo badan ayaa shirkadda qaraxyo looga burburiyey bilihii iyo todobaadyadii la soo dhaafay.

Laamihii iibka ee shirkaddu ay ku kala laheed Xero-Jarmal (Xaruntii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha Biyaha  ayaa qaraxyo lagu burburiyey.

Weerarrada lagu qaaday xarumihii shirkadaas ayaa inta badan la fuliyo xiliyo habeen ah, waxaana ilaa hadda la garan cidda geysata, waxaana intooda badan ku burburtay hanti oo waxaa yaraa khasaaraha nafeed.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaan weli kama aysan hadlin weerarrada ku socda xuramaha shirkadda, mana jirto cid sheegatay masuuliyadooda.

Sidoo kale ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dhammaan wixii weerarro loo geystay Hormuud, waxaana xusid mudan in amniga Muqdisho uu soo hagaagay oo ciidamo badan laga howlgeliyey.

Sidoo kale Shirkadaan waxay leedahay ciidamo gaar ah oo waardiye ka haya xarumaheeda, balse waxaan ilaa hadda lama garan sababta aan loo soo qaban cidda qaraxisa.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo ka bilaabay dalkaasi, isaga oo la shiray madax kala duwan oo ka tirsan dowadda Mareykanka.

Xasan Sheekh ayaa kulan miro dhan ah xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Maraykanka ee Washington kula qaatay ku simaha Xoghayaha Difaaca dalkaas Marwo Victoria Nuland.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Sidoo kale waxaa kulanka intii uu socday lagu soo qaaday kor u qaadista taageerada Mareykanka ee dib u habaynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ka jawaabidda xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhashay isbaddalka cimilada.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan kale la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Samantha Power, isaga oo  la wadaagay saamaynta taaban ee ka dhalatay Roobka Dayrta ee sida xad dhaafka ah uga da’ay dalka.

Sidoo kale waxa uu muujiyay muhiimadda kordhinta taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ee arrimaha dowlad-dhiska, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada iyo horumarinta kaabayaasha nolosha bulshada.

Kulamadan waxaa ka horreeyay shirar kale oo uu madaxweynuhu la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka oo uu uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka dayn-cafinta, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Hay’adda IMF iyo Bankiga Adduunka u gudbiyay dalab ku aadan in Soomaaliya ay ku garab istaagaan himilooyinka kale ee ay haatan hiigsaneyso.

Si gaar ah wuxuu dalbaday inay ka gacan siiyaan tayeynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga gudaha iyo maalgashiga caalamiga ah.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya a xalay u dabaal-degtay cafinta dayn  ka badan 5-bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Wiilka Xasan Sheekh oo la shaaciyey inuu ku laabanayo Turkey si loo maxkamadeeyo

Istanbul (Caasimada Online) – Wiilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda ku laaban doona Turkey si uu u wajaho maxkamadeyn la xiriirta shil ka dhacay waddo ku taalla Istanbul, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka cadaaladda Turkey.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa 38-sano jir mooto waday, ayaa waxaa ku dhacay gaari uu watay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu marayey waddo weyn oo ku taalla Istanbul. Yunus ayaa lix maalmood kadib, 6-dii December, ku dhintay isbitaal.

Mas’uuliyiinta Turkey ayaa amray xariga wiilka madaxweynaha, waxayna ka mamnuuceen inuu dalka ka baxo, balse warbixino ayaa sheegay in Maxamed uu amarka xiritaan kahor ka baxay Turkiga.

Turkey ayaa sidoo kale baaritaan ku billowday saraakiisha fuliyey baaritaanka horudhaca ahaa ee shilka, islamarkaana sida lagu warramay xor ka dhigay Maxamed.

“Waxaan wadahadal la yeelanay mas’uuliyiinta garsoorka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Turkey Yilmaz Tunc oo saxaafadda la hadlay.

“Waxaa suurta-gal noqon doontaa in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qayb qaato hannaanka maxkamadaynta maalmaha soo socda.”

“Waxaan la hadlay wasiirka cadaaladda Soomaaliya, waxayna arrintan ku eegayaan niyad wanaagsan,” ayuu yiri Tunc, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in maxkamadda ay dhawaan furmi doonto.

Talaadadii, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah dhaqtar, ayaa ku nagaaday goobta shilka, wuxuuna kadib Istanbul sii joogay maalmo, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska Yunus.

“Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro,” ayuu ku yiri wareysiga oo uu bixiyey Talaadada. “Waxaan la qeybsanayaa murugada geerida. Waanu ka xunahay inaay waayeen [wiilkooda].”

Turkey ayaa xiriir dhow la laheyd Soomaaliya tan iyo 2011, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – oo markaas ahaa ra’iisul wasaare – uu dalka booqday, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya oo xilligaas ay ka jirtay abaar darran.

Turkiga waxa ay bixisay gargaar bini’aadannimo, waxa ay dhistay kaabayaal dhaqaale, waxayna saldhig milatari ka furtay Soomaaliya, halkaasi oo ay ku tababartay saraakiil militari iyo boolis.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga iyo kala dambeynta Turkiga, una hortago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysiga oo lagula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaasi oo uu ku soo bandhigay qorshaha ah in dowladiisa ay kala wareegto ammaanka ciidamada Midowga Afrika, ayna sii wad dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

“Turkiga waa dal aan walaalo nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan ixtiraameynaa shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xad-gudbo nidaamka garsoorka dalkan.”

AP, VOA

Ciidamada DF oo la wareegay saldhig weyn oo ku yaalla…

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saldhig weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd koonfurta gobolkaasi.

Saldhiggan oo ay muddo dheer ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ku yaalla buurta lagu magacaabo Badbad, waxaana gudaha u galay ciidamada huwanta.

Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo ah Abaanduulaha Guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay gudaha saldhigga ugu tageen meydad ay uga carareen xubnaha Al-Shabaab ee laga saaray saldhiggaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli sii baacsanayaan firxadka kooxda oo ku sugan hawdka ku yaalla koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

“Saldhigyadii aan ka saarnay Khawaarijta ee ku yaala Buurta Badbad iyo dhulka howdka ah waxaan ugu tagnay Lafo dad, godad waaweyn iyo taliskii Caafimaadka ee Khawaarijta oo meydad dhex yaalaan, ma aheyn meel qof shacab ah tagi karo oo waxay aheyd dhul howd ah oo ay ku dhuumaaleysan jireen Khawaariijta” ayuu yiri Abaanduulaha 18-aad ee Gorgor.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay duqeymo xoogan ay ka dhaceen duleedka degmada Xarardheere, taas oo lagu beegsaday gaadiid ay la socdeen xubno Shabaab ah.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta.

Al-Shabaab oo qarax ku xiray xarun degmo – maxaa dhacay kadib?

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo ka dhacay gudaha degmada Ruun-nirgood oo ay maanta la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay Al-Shabaab ku xireen xarunta degmadaasi, ka hor inta aysan ka bixin halkaasi.

Guddoomiyaha Ruun-nirgood Macallin Muxudiin oo la socday ciidamada gudaha u galay degmadaas ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in qaraxa lagu xiray xarunta degmada, islamarkaana ujeedka uu ahaa in lala eegto ciidamada dowladda.

“Qaraxaas waa dhacay ciidamada ayay u dhigeen ilaah ayaa ka badbaadiyay wax dhibaato ah kama dhicin, wuxuuna ka dhacay bartaha xarunta degmada Ruun-nirgood,” ayuu yiri .

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxa ay ka bad-baadeen, balse uu ka dhacay meel aad ugu dhow, xilli ay ku howlanaayeen inay baaris ku sameeyaan goobta.

“Ilaah ayaa naga badbaadiyay annaga meel horteenna ah oo noo jirta dhowr tallaabo ayuu ka dhacay,” ayuu mar kale yiri Macallin Muxiyadiin.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ciidamada ayaa lugta ku galay waa la hareereeyay qolada miinada inta aysan soo gelin ayuu dhacay qaraxa”.

Macallin Maxudiin oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in kooxda Al-Shabaab ay horay usii kaxeysatay shacabka degmada, isla-markaana ay la aadeen dhanka dhulka howdka ah.

“Shacabka saaka ayay kusoo dheelmadeen beledkana waa ka saareen, waana ogeyn markaan kusoo soconay in wax shacab ah aysan joogin” ayuu ku daray.

Degmadan oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badna isku bed-bedalay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, maadaana dhulka hawdka ah ay ku xoogan tahay kooxda, halkaas oo ay dhowr bilood ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Miisaaniyadda DF: Wasiirada helay lacagta ugu badan iyo kuwa ugu dhaqaalaha yar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka ayaa toddobaadkan ansixiyay miisaaniyaddii dowladda ee sanadka soo socda, taas oo gaareysa in ka badan hal bilyan oo dollar.

Waa tii ugu badneyd abid ee la ansixiyo. In ka badan kala bar lacagtaas waa deeqo laga helayo dibeda oo ay bixinayaan hay’addo caalami ah.

Miisaaniyadan ayaa ah dhaqaalaha ay ku howlgelidoonaan hay’adda dowladda, sida xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanka, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaran.

Waxaa qeyb ka ah mushaaraadka xubnaha baarlamaanka ee kala bar ka badan la kordhiyay, kan shaqaalaha rayidka iyo ciidanka.

Hadda ba, sidee baa loogu qeybiyay miisaaniyadda Wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah, wasiiraddii helaya qoondada lacageed ee ugu badan, iyo kuwa loo qoondeeyay dhaqaalaha ugu yar ee miisaaniyadda sanadka soo socda?

Wasaaradda Maaliyadda – Tan ugu qoondada weyn dhanka dhaqaalaha

Wasaaraddan oo dhowr bil kahor yeelatay wasiirkii labaad oo ah Biixi Imaan Cige, oo ah xildhibaan gobolka Waqooyi Galbeed ku metela baarlamaanka ayaa loo qoondeeyay lacag ka badan Boqol, labaatan iyo sideed Milyan oo doolar (128,113,123).

Lacagtaas waa inta ay ku howlgaleyso wasaaradda, waxaa na ka baxsan lacag kale ee xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Adeega Guud ee Dowladda, Agaasinka Xarunta Warbixinada Maaliyadda, iyo Hay’adda Iibka iyo Qandaraasyada.

Lacagta guud ee ku baxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’addaas waxay gaareysa labo boqol, labaatan iyo saddex milyan oo doolar.

Tan waxay ka dhigeysaa Xildhibaan Biixi wasiirka ugu qoondada weyn miisaaniyadda, oo ay soo diyaarisay wasaaraddiisa, iyo mid ka mid ah wasiiradda ugu muhiimsan xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wasaaraddan oo uu xilkeeda haya xildhibaan Maxamed Cilmi Ibraahim oo ku fadhiya mid ka mid ah kuraasta gobolka Awdal waa tan labaad ee ugu miisaaniyadda weyn dhammaan wasaaradaha dowladda federaalka ah.

Xildhibaan kan oo helay xilkan wasiirnimada kadib markii Dr Cilmi Maxamuud Nuur laga qaaday xilka wasiirka maaliyadda dhowr bil ka hor ayay wasaaradiisu heshay lacag ka badan toddobaatan iyo sideed milyan, saddex boqol, sideedan iyo toddobo kun oo doolar.

Labo milyan oo ka mid ah lacagtaas waxay ku baxaysaa gunooyin iyo mushaar, halka hal milyan oo kale na ay ku baxayso socdaal, shirar iyo kiro.

Lacag kale oo dhan hal milyan iyo saddex boqol oo doolar waxay ku baxaysaa shidaalka iyo saliida, qalab isgaarsiin, iyo agabka xafiisyadda.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

Waa tan saddexaad ee ugu qoondada weyn wasaaradda federaalka, waxaa na ku magacaaban Jaamac Taqal Cabbaas, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo laga soo doorto Koonfur galbeed.

Qoondada miisaaniyadda ee wasaarad waxay gaareysaa Lixdan iyo saddex milyan oo doolar.

Lacag ku dhow 35 milyan waxay ku baxaysa adeegga Latalinta iyo Xirfadaha, halka lacag kabdan labo milyan iyo shan boqol ay ku baxayso Kharashka socdaalka iyo Shirarka.

Wasaaraddda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska

Wasaaraddan oo uu ku magacaaban yahay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir waxay qaabilsan tahay arrimaha la xiriira dhismeyaasha dowladda iyo howlaha guud.

Waxay ku shaqeyneysaa miisaaniyad ka badan kontan iyo labo milyan oo doolar.

Lacag ku dhow saddex milyan waxay ku baxaysaa adeega iyo agabka wasaaradda, halka lacag kale oo ku dhow hal milyan oo doolar na ay ku baxayso socdaal iyo shirar.

Wasaaradda Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka ee uu madaxda ka yahay Xildhibaan Cali Xaaji Aadan waa tan shanaad ee ugu miisaaniyadda weyn wasaaradaha federaalka ah, iyada oo ku shaqeyneysa lacag dhan kontan iyo labo milyan oo doolar.

Xildhibaan waxa uu baarlamaanka federaalka ah ku matelaa gobolka Hiiraan.

Afar milyan oo ka mid ah qoondada wasaaradda waxay ku baxaysaa adeeg iyo agab, halka lacag ku dhow saddex milyan iyo bar na ay ku baxayso Adeegga Latalinta iyo Xirfadaha.

Wasaaradaha ugu miisaaniyadda yar xukuumada

Shanta wasaarad ee ugu miisaaniyadda yar waxay kala yihiin wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee uu hoggaamiyo xildhibaan Maxamed Barre ee baarlamaanka ku matela gobolka Shabeelada Hoose.

Wasaaradaas oo dhan waxaa loo qoondeeyay lacag dhan hal milyan oo doolar. Lacagtaas badideed waxay ku baxaysaa gunooyin iyo mushaar.

Tan xigta waa Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadan ee ay ku magacaaban tahay xildhibaanka iyo aan mudada dheer dhicin Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, oo laga soo doorto gobolka Shabeelada Dhexe.

Wasaaradan waxaa loo qoondeeyay hal milyan iyo boqol iyo kontan kun oo doolar.

Lacag ku dhow hal milyan oo ka mid ah qoondadaas waxay ku baxaysaa mushaar iyo gunooyin.

Waxaa la mid ah Wasaaradda Bii’ada iyo isbadalada Cimilada ee Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo ah safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Pakistan.

Waxaa loo qoondeeyay wasaaradaas lacag ka yar hal milyan iyo bar doolar.

Waxaa xiga wasaaradda Amniga gudaha oo loo qoondeeyay hal milyan iyo lix boqol oo kun oo doolar.

Waxaa lacagtaas ka baxsan miisaaniyadda Taliska Ciidanka Booliska, Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee hoos yimaada wasaarada Amniga gudaha.

Isha: BBC

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay kiiska dilka ah ee loo haysto wiilkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kiiska xasaasiga ah ee loo heysto wiilkiisa Maxamed, kaas oo dhawaan shil baabuur oo sababay dhimasho ku galay dalka Turkiga.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa 38-sano jir mooto waday, ayaa waxaa ku dhacay gaari uu watay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu marayey waddo weyn oo ku taalla Istanbul. Yunus ayaa lix maalmood kadib, 6-dii December, ku dhintay isbitaal.

Xasan Sheekh, oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka ee AP, ayaa ugu horreyntii beeniyay in wiilkiisa oo 40 sano jir ah, sidoo kalena ah dhaqtar uu kasoo baxsaday Turkiga, kadib shilka, wuxuuna sheegay inuu maalmo joogay, kadib markii uu shilka dhacay.

“Waxa uu ahaa shil. Ma uusan cararin, waa taas sababta uu u qabsaday qareen,” ayuu yiri Madaxweynuha. “Ma jirin wax amar ah oo lagu soo xirayo…Marka,arrimo ganacsi buu lahaa, oo dalka wuu ka soo baxay.”

Waxa uu sheegay inuu kula taliyay inuu ku laabto gudaha magaalada Istanbul, si uu hor tago maxkamadda, una gar baxo.

“Waxaan kala hadlay inuu dib ugu laabto oo uu hory-tago maxkamadda, laakiin wiilkayga waa nin weyn, go’aankiisana isaga ayaa iska leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska Yunus Emre Göçer oo ahaa 36 jir, kaas oo lix maalmood kadib u dhintay dhaawac kasoo gaaray shilka.

“Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska Göçer, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro, waxaan la wadaagayaa murugada geerida wiilkooda” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay saameyn doonaan wax kasta oo ku aadan sidii loo ixtiraami lahaa sharciga, looguna dhammeyn lahaa maxkamadda horteeda.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga iyo kala dambeynta Turkiga, una hortago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysiga.

“Turkiga waa dal aan walaalo nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan ixtiraameynaa shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xad-gudbo nidaamka garsoorka dalkan.”

Waa kuma wasiirkii ugu horreeyay ee soo billaabay dayn-cafinta Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa haatan guul taariikhi ah ka gaartay dhammeystirka barnaamijka dayn-cafinta ee muddada dheer soo socday, waxaana si rasmi ah natiijada xalay ugu dhowaaqay Hay’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka, kuwaas oo shaaciyay in dowladda federaalka laga cafiya dhammaan daymihii lagu lahaa.

Soomaaliya ayaa laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Haddaba waa kuma wasiirkii ugu horreeyay ee bilaabay dayn-cafinta?

Maxamed Aadan Farkeeti ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee bilaabay (SMP-ga) oo ah barnaamijka dayn-cafinta, kaas oo la saxiixay sanadkii 2016-kii.

Farkeeti ayaa xilligaas ahaa wasiirkii maaliyadda muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo markaas qalinga ku duugay bilaabidda dayn-cafinta.

Wasiir Farkeeti oo haatan kamid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa war kasoo saaray guushan, isaga oo hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee maanta la gaaray oo Soomaaliya deynta looga cafiyey. Anigoo ah Wasiirkii Maaliyadda oo bilaabay SMP-gii ugu horreeyay ee 2016,” ayaa qoraalkiisa ku yiri wasiir Maxamed Aadan Farkeeti.

Sidoo kale waxa uu boggaadiyay dowladihii kala dambeeyay iyo sida ay uga miran dhaliyeen heerarkii kala duwan ee ay soo martay dayn-cafinta xalay soo dhammaatay.

“Waxaan bogaadinayaa sida dowladihii kala dambeeyey ay uga go’nayd ka miro dhalinta deyn cafinta” ayuu mar kale sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabadan ay ka tarjuneyso sida wanaagsan ee ay dowladda dhexe ula macaamishay dalalka kala duwan ee beesha caalamka.

“Guushani waxa ay ka tarjumaysaa wada-shaqeynta dowladda, saaxiibada caalamka, iyo dadka Soomaaliyeed. InshaAllah waxaan goor dhow ka jawaabi doonaa su’aalo tiro badan oo shacabka Soomaaliyeed maskaxdooda ka guuxaysa” ayuu kusoo gabagbageeyay.

Si kastaba, tallabadan aariikhiga ahi ee ay haatan ku tilaabsatay dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kor u qaaddo maalgashiga shisheeye oo qeyb ka qaadan karo horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka.

Firdhiye oo shaaciyey go’aan ka careysiisay oo dowladda UK ay ka gaartay Khaatumo

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ayaa maanta soo hadal qaaday doorka UK ay ku leedahay arrimaha SSC, isaga oo si adag u cambaareeyay isku dayga Ingiriiska ee ay ku wiiqeyso maqaamka maamulkaasi oo ay dhawaan aqoonsatay Dowladda Federaalka.

Hoggaamiyaha oo cabiray aragtidiisa ku aadan moqfika Ingiriiska ayaa yiri: “Waxa ay ka soo horjeedaan qadiyaddeena, waxa ay inoo sheegeen in aanay ogoleyn jiritaanka SSC-Khaatumo”.

Firdhiye ayaa ayaa wacad ku maray in uu awood ciidan kula macaamili doono Ingiriiska, isaga oo ka faalloonaya siyaasaddeeda arrimaha dibadda Ingiriiska ee ka soo horjeeda danaha SSC-Khaatumo.

Wuxuu intaas raaciyay: “Waxaanu leenahay inta aanan idinku khasbin in aad diyaaradihiina soo kicisaan ka jooga waxa aad waddaan, lama Joogo xiligii 1921 waannu ka xoog badan nahay xilligaa.”

Ingiriiska ayaa xidhiidh adag la leh Somaliland oo weli xad-gudubyo ka geysanaya xuduudka ay la leedahay maamulka SSC-Khaatumo, taas oo keentay in hoggaamiyaha maamulkaas uu si adag uga hadlo.

Horey waxaa xildhibaano ka tirsan baarlamanka UK ay isugu dayeen inay baarlamanka u horgeeyaan qaraar aqoonsi loogu raadinayo Somaliland, balse guuldarreystay.

Shan amar oo adag oo lagu rogay shacabka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku socota shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo loogu talagalay sugidda amniga magaaladaas oo xarun KMG u ah maamulka.

Wasaaradda amniga oo soo saartay awaamiirtan ayaa 5 qodob kusoo rogtay shacabka ku dhaqan magaaladaasi, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka oo u warramay VOA.

Sida uu sheegay afhayeenka oo lagu magacaabo Mustaf Macallin Isxaaq Garabey waxaa magaalada laga mamnuucay inay xilliyada habeenkii ah soo galaan gaadiidka, ama ay ka baxaan, sidoo kale waxaa habeenkii la mamnuucay Bajaajta, waxaa kale oo la joojiyay gebi ahaan isticmaalka  Face Mask, ayada oo mikilayaasha guryaha lagu maray inay bannaanka hore ku xiraan nalal, si loo iftiimiyo magaalada, loolana socda dhaq-dhaqaaqeeda guud.

“Laamaha amniga waxa ay soo saareen 5 qodob oo ah magaalada Baydhaba in habeenkii aan baabuur soo geli karin, sidoo kalena aanu ka bixi karin, saas oo kale waxay soo saareen in aan la xiran karin Face Mask waxa la yiraahdo ama weji xirka, waxaa kale oo gaadiidka Bajaajta la mamnuucay inay soo socdaan wixii ka dambeeya 7:00 habeenimo, saas oo kale guri walba oo ku yaalla magaalada in nal lagu xiro” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wasiirka amniga iyo saraakiisha qaabilsan nabad-gelyada ayaa kormeer ku tegay waddooyinka laga soo galo Baydhaba iyo xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada,

“Waxaan kormeer loogu kuurgalaayo amniga magaalada oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga oo ay ku jiraan wasiirka warfaafinta iyo taliyaha booliska ee qaybta gobolka Baay ay xalay ku mareen waddooyinka soo gala magaalad iyo rogaha ciidanka” ayuu yiri.

Mas’uuliyiinta ayaa inta ay ku jireen booqashadooda boggaadiyay ciidanka amniga, sidoo kale waxa ay kula dardaarmeen inay ka hortegaan weerarada kooxda Al-Shabaab.

“Wasiirka aad iyo aad ayuu u boggaadiyay dadaalka ay ciidanka wadaan, waxaana lagu dhiirageliyay inay sii feejignaadaan oo ay kordhiyaan dadaalkooda” ayuu kusii daray.

Waxaa kale oo uu yiri “Khawaarijta ayaa laga yaabaa inay soo dhuumaaleystaan oo waddooyinka ay soo maraan, marka in laga hortego ayaa lagula dardaarmay ciidamada”.

Baydhaba ayaa waxaa inta badan weeraro kusoo qaada xubnaha kooxda Al-Shabaab oo go’doomiyay magaaladaasi, maadaama ay ku sugan yihiin koonaheeda kala duwan.

Gaari ay la socdeen xubno Al-Shabaab ah oo la duqeeyay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo xalay ka dhacay deegaano dhaca koonfurta gobolka Muudg, kuwaas oo lala eegtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Duqeynta koowaad ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan kooxda oo marayay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo u dhow Xarardheere, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale diyaaradaha duqeymaha fuliyay ayaa beegsaday goob kale oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo iyana ku taalla koonfurta Mudug.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la burburiyay gaariga lala beegsaday duqeynta, sidoo kalena khasaare culus la gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka baxay dhanka degmada Xarardheere ay hadda kusii siqayaan deegaanada la duqeeyay, si ay Al-Shabaab uga saaraan halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaiya.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta.

XASAN SHEEKH oo dalab horleh u gudbiyay IMF iyo Bankiga Adduunka + Sawirro

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ayaa kulamo ka bilaabay halkaasi, kadib markii ay Soomaaliya xaqiijisay guusha dayn-cafinta.

Xasan Sheekh ayaa la kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, isaga oo uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka dayn-cafinta, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kula qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa Hay’adda IMF iyo Bankiga Adduunka u gudbiyay dalab culus, isaga oo ka codsaday in Soomaaliya ay ku garab istaagaan himilooyinkeeda kale.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dalbaday inay ka gacan siiyaan tayeynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga gudaha iyo maalgashiga caalamiga ah.

“Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dalabkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay Soomaaliya laga cafiyay dhammaan dayntii lagu lahaa sanadaha badan, oo soo martay heerar kala duwan tan iyo sanadkii 2012-kii.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa xalay u dabaal-degtay in laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Tani ayaa noqotay guul kale oo taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay gaartay isla bishan December ee dhamaadka 2023-ka, waxaana ka horreeyay ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC iyo qaadista cunaqabateynta hubka oo dhawaan lagu guulaystay.

Muxuu caalamku ka yiri guushii taariikhiga aheyd ee Soomaaliya ay gaartay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo  markii shalay hey’adda lacagta adduunka ee IMF iyo bangiga adduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo dollar, waxaa isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kristalina Georgieva oo ah madaxa IMF ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushaan waxay tilmaamatay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay.

Xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu ayaa amaanay dadaalka taariikhiga ah ee dowlada Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Workneh Gebeyehu ayaa sidoo kale madaxda Soomaaliya ku bogaadiyay doorka hoggaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbadalo muhiim ah.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale soo saaray qoraal uu ku sheegay in ay ka go’antahay taageeridda Soomaaliya guushaan weyn kadib, iyaga oo sare u qaadaya isbadalka dhaqaalaha.

Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa iyaduna sheegtay in horumarada Soomaaliya ee dhanka dowladnada, dhisida heyadaha iyo horumarka dhaqaalaha ay yihiin kuwo bogaadin mudan.

Soomaaliya ayaa xalay gaartay guul taariikhi ah, kadib imtixaan adag oo ay ku soo jirtay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, dunida ayaa xaqiijisay in dalkaan uu ku tallaabsaday hufnaan maaliyadeed oo rasmi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo bilaabay barnaamijka deyn cafinta ayaa hadda ku guuleystay in uu soo gabagabeeyo, waxaana Soomaaliya hadda ku hartay lix boqol oo milyan oo aan laga cafi karin, laakiin loo ogolaaday inay muddo dheer iska yar-yareyso.

Mucaaradka Puntland oo shaaciyey mowqifkooda ku aadan qorshaha cusub ee Deni

0

Garowe (Caasimada Online) – Mucaaradka Puntland ayaa ku gacan sayaray guddi uu magacaabay madaxweyne Saciid Deni, kaas oo loo xil saaray ‘ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiillada’.

Faarax Cali Shire oo ka tirsan mucaaradka ayaa u waramay idaacadda BBC, wuxuuna sheegay in ay u arkaan guddigaas mid aan dhex dhexaad ahayn, ‘oo aan la marin shuruudihii lagu soo xuli lahaa’.

Faarax oo aad uga hadlay xagga dhexdhexaadnimada guddiga ayaa yiri “waa dad dhanna qaraabo ah, qaarna ay xubno ka yihiin xisbiga madaxweynaha ee Kaah.”

Wuxuu Faarax Cali Shire intaa ku daray in aan la marin nidaamkii lagu soo xuli lahaa xubnaha guddigaas isagoo xusay inay ahayd in madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka wada tashadaan.

Xubnaha guddigaas waxay isugu jiraan dad siyaasiyiin ah iyo kuwo aan siyaasadda ku jirin, Caasimada Online waxay ogaatay in xubnaha guddiga ee la diidan yahay qaarkood ay ku jiraan xisbiga Kaah ee madaxweyne Deni.

Isaaq Axmed Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga uu magacaabay Saciid Deni, wuxuu 10 sano soo ahaa guddoomiyaha degmada Waaciye ee gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar.

“Waxaa muhiim ah in la helo marjac dib loogu laabto oo xalliya wixii khilaaf ah ee yimaada, kaas oo ay isimadu garwadeen ka yihiin, Madaxweynuhu waa inuu dhageystaa isimada dhaqanka, maadaama ay ku lug leeyihiin xulista xildhibaannada,” ayuu yiri siyaasi Faarax Cali Shire.

Dhawaan ayey ahayd markii la xalliyey murankii ku saabsanaa doorashada madaxweynaha Puntland, ayadoo la go’aamiyey in 66-ka xildhibaan ee baarlamaanku ay soo doortaan xilligii doorashada loogu tala galay inay dhacdo ee 8 Janaayo, ayadoo sannad kadibna la qaban doono doorashada baarlamaanka.

Muxuu yahay qorshaha DF, kadib dayn-cafinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad loogu dabaal-dagayay guusha ay Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta ayaa ka hadlay qorshaha xiga iyo halka ay hiigsan doonaan.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay dayn cafinta, isaga oo sheegay in ruux weliba oo Soomaali ah laga cafiyay lacag ka badan 300 oo dollar, sida uu hadalka u dhigay.

“Dayn cafinta micnaheedu waa in ruux waliba Soomaali ah laga cafiyay lacag ka badan 300 oo dollar” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay qorshaha dowladda federaalka kadib dayn cafinta, wuxuuna sheegay inay diiradda saari doonaan xoereynta dalka iyo xasilinta amniga si ay ugala wareegaan ciidanka ATMIS.

“Waxaa noo dhiman oo dhawaan aan xaqiijin doonaa xoreynta qaybaha ka dhiman dalkeenna, la wareegidda iyo hanashada amniga dalka, marka la gaaro, Insha Allah dabayaaqada sanadka soo socda,” ayuu mar kale yiri Xamza.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dowladdu ay ku dadaali doonto dhammeystirka KMG ka ah, si go’aan kama dambeys ah looga gaaro, isaga oo sheegay inay uga fadhiyaan baarlamaanka Soomaaliyeed.

“Dhammeystirka dastuurka dalka oo aan marti uga nahay goleyaasheenna xeer dajinta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaaruhu.

Tallabada taariikhiga ahi ee ay haatan ku tilaabsatay Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kor u qaaddo maalgashiga shisheeye oo qeyb ka qaadan karo horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka.

Si kastaba, guushaan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay hiigsatay sanadka 2023-ka guulo taarikhi ah, waxa ay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, waxaa sidoo kale 31 sano ka dib laga qaaday cunaqabateyn hubka.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrin aan la fileyn ka shaaciyey dayn-cafinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay guusha uu dalku ka gaaray barnaamijkii deyn cafinta, isagoo hambalyo kadib bayaaniyey qorshaha xiga deyn cafintaan, balse wuxuu shaaciyey arrin aysan dad badan ka fahansaneyn dayn-cafinta

Madaxweynaha ayaa sheegay in adduunyadu ay abaal-gashatay Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay guuleysatay inay dib ugu laabato hanaankii dhaqaalaha dunida oo waayo badan ay ka maqneed.

“Dalku 10 sano ayuu ku soo jiray barnaamijkaan deyn cafinta, masuuliyiin iyo xukuumado kala duwan ayaa ka soo shaqeeyey maanta ayaa la soo gaaray gunaanadkii oo nala ka cafiyey 5-tii bilyan ee deynta aheyd,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay jirto lacag kale oo Soomaaliya weli lagu leeyahay, taas oo aan laga cafi karin, laakiin loo ogolyahay inay tartiib-tartiib isaga bixiso, lacagtaas ayaa la sheegay inay tahay 6 milyan.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay dowladda garab istaagaan, si ay kaga maaranto inay deyn qaadato, si gaar ah canshuur bixiyeyaasha ayuu Madaxweynuhu ka codsaday inay iska dhiibaan canshuuraha ku waajibay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya loo ogolyahay inay deyn qaadato, balse dowladiisu aysan soo qaada doonin deyn aan loo heyn qorshe lagu gudayo.

“Madooneyno in dalkaan dib loogu celiyo deyn kale, maanta waan awoodnaa inaan deyn qaadano, balse ma qaada doono deyn aanaan iska bixi karin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay in magacooda lagu soo qaato deymo aan la bixi doonin oo Soomaaliya ku celin kara in mar kale ay caalamka tuugsato.

“Barnaamijkaan anaga ayaa soo bilownay, kadibkeen ayaa laga soo shaqeeyey, mar kale ayaan hadda ku guuleysanay inaan dhameystirno, farxad gaar ah ayey ii tahay aniga inaan nasiib u yeeshay, howshaan dad aad u badan ayaa soo qabtay, waana ku mahadsan yihiin maanta waa guuleystay dadaalkoodii,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Guutada Khaalid Bin-Waliid oo howlgal culus ka fulisay dhulka howdka (Sawirro)

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid ayaa maanta howl-gallo ka sameeyay dhulka howdka ah ee ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galladan ayaa ka dhacay Hoowdka u dhaxeeya Cali-Heele iyo Daaru-nimco, halkaas oo ay ciidamada ka ceyriyeen dagaal-yahaano Al-Shabaab ah oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay.

Taliyaha Guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweyne oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxaa uu xaqiijiyay in ciidamada ay maleeshiyaadka Shabaab ka sifeeyeen deegaano dhowr ah.

Taliye Dhagaweyne ayaa sheegay in tuullooyonka Buurmuqle, Labi oow Xasan iyo deegaano kale laga sifeeyay dagaal-yahaanada Shabaab, kuwaas oo ahaa dhul howd ah oo kooxda gabaad ka dhiganaysay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

Si kastaba, Howl-galka ballaaran ee lagu wajahayo Al-Shabaab ayaa waxaa kuu baxeysa in ay wajaheyso waqtigeedii ugu adkaa, muddadii maleeshiyadeeda ay dalka ka dagaalamayeen.

Israel oo GAZA ku riday bambooyin oo u dhigma laba qunbuliyad (Nuclear bombs)

Gaza (Caasimada Online) – Afartan kun oo ciidanka Israa’iil ah ayaa ku duulay Gaza, waxayna qaadday weerarkii cirka ugu ba’naa taariikhda dhow ee la xasuusto.

Waxay duqaysay 12 kun goobood oo masjid, isbitaal, iskool, Jaamacad, guryo, iyo goobo ganacsi isugu jira. Waxay Hay’adda Euro-Med Human Rights Monitor sheegtay in Israa’iil ay 25 kun oo tan oo qaraxyo ku riday Gaza, kuwaasoo u dhigma labo qunbiliyad (two nuclear bombs).

Laba milyan iyo bar ruux ayaa ka qaxay guryahooda, in ka badan 18,000 oo rayid ah oo 6,000 ay carruur tahay iyo 5,000 oo haween ayaa lagu dilay weerarradaas, halka ay Israa’iil jartay korontadii, biyihii, isgaarsiintii iyo cuntadii. Waa olole fal ciqaab wadareed ah oo ka dhan ah shacabka Falastiin.

Istiraatiijiyadda ciqaab wadareedka horay ayey dunida u soo martay oo dagaalkii labaad ee dunida ayaa duqaymo aan loo meel dayin lagu garaacay magaalooyinka Hamburg oo lagu dilay 40 kun, Darmstadt oo 12 kun ku dhimatay iyo Dresden oo 25 lagu dilay.

Ku dhowaad 58 magaalo iyo degmooyin ayaa la duqeeyey, u jeedkana wuxuu ahaa in Jarmalku is dhiibo, shacabkooda la niyad jebiyo, kuna kacaan Hitler, balse waxay ka qaadeen adkaysi, isku duubnaan iyo taageero aan hagar lahayn oo ay ku daafacdeen gobonimadooda, sharaftooda iyo dadnimadooda.

Hitler qudhiisa ayaa taa ka hore duqeeyey London iyo magaalooyin kale ee Ingiriiska ah isagoo dad 40 kun ka badan ku dilay duqaymahaas, dalbadayna in Ingiriisku is dhiibo, laakiin Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska Winston Churchill ayaa diiday, taa beddelkeedana waxay ku dhiirigelisay Ingiriiska inay abaabulaan dadaal sanado ah oo ay weheliyaan xulafadooda Mareykanka iyo Soofiyeedka, si ay uga hortagaan oo ugu dambeyntii u qabsadaan waddankii iyaga duqeeyay.

Runtii, weligeed taariikhda ma dhicin olole duqeyn cirka ah oo sababay in shacabkii la bartilmaameedsaday ay ka gadoodaan dawladdooda. Maraynkanku marar badan ayuu isku dayay xeeladdaas, waxbana uma tarin.

Intii uu socday dagaalkii Kuuriya, Maraykanku wuxuu burburiyey 90% korontadii Waqooyiga Kuuriya, Vietnam, wuxuu dhulka dhigay Waqooyiga Vietnam, dagaalkii koowaad ee Ciraaq 90% wuxuu burburiyay korontadii Ciraaq, haddana kiisaskaas midkoodna dadku kuma kicin dawladahooda.

Dagaalka Ukraine ayaa ah tusaalaha ugu danbeeya ku dhawaad ​​laba sano, Ruushku waxa uu doonayey in uu ku qasbo Ukraine in ay isdhiibto, weerarro ba’an oo cirka ah oo lagu qaaday magaalooyinka dalka oo dhan, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 10,000 oo rayid ah, laguna burburiyey in ka badan 1.5 malyan oo guri, kuna barakaceen illaa 10 milyan oo reer Ukraine ah.

Iska daa in ay shacabku niyad jabaan oo ay madaxdooda eersadaane, shacabku waxay ka qaadeen isku duubni, adkaysi iyo niyad xoog leh in ay kula diriraan Ruushka, garab istaagana hoggaankooda.

Mar hadddii Maanta 193 dawladood ee Qaramada Midoobay ay ka codeeyaan Israa’iil, marka laga reebo 10 uu Maraykanku ku jiro, Madaxweynihii Maraykanka uu qiro in Israa’iil ay taageerada caalamka luminayso oo isaga iyo Netanyahu ay ka dhex tafantahay.

Iska caabintii Falastiina la loodin yahay, balse ay ku biirayaan kuwii waalidiintood, walaalahood, xaasaskooda iyo ubbadkooda la laayey waa hubaal in shacabka Reer Falastiin ay taariikhda uga marag kacayso in ay guulaysanayaan, si kasta oo ay ciqaab wadareed kii ugu ba’anaa u maraan, ku goobasho iyo gardaro garab og, iyo ku fiirsashasana u wajahaan.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Guddoomiyaha baarlamanka P/L oo diiday qorshihii Deni

0

Garowe (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka horyimid Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee uu magacaabay madaxweyne Saciid Deni.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankaas uu qaatay, kadib markii uu Madaxweyne Deni ka laabtay doorashadii qof iyo codka aheyd.

“Waxaan cadeynayaa in guddigaas uusan jideyneyn doorasho hufan oo ay ku kalsoonaa karaan xubnaha musharaxiinta ah ee u tartamaya golaha wakiilada, guddoomiyaha golaha wakiillada iyo madaxtooyada Puntland toona,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Sida ay xog ku heleyso Caasimada Online, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa isna la filayaa in uu kasoo horjeedso magacaabista Guddiga uu liiskiisa shaaciyey xafiiska Saciid Deni.

Musharaxiinta ku loolameysa xilka madaxweynaha Puntland ayaa ku kala qeyb samay, arrinta guddiga, 5 kamid ah Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay xubnaha magacaaban, halka 7 musharax ay diideen.

Faarax Cali Shire oo ka tirsan mucaaradka ayaa ka warbixiyey diidmada mucaaradka, wuxuuna sheegay in ay u arkaan guddigaas mid aan dhex dhexaad ahayn, ‘oo aan la marin shuruudihii lagu soo xuli lahaa’.

Faarax oo aad uga hadlay xagga dhexdhexaadnimada guddiga ayaa yiri “waa dad dhanna qaraabo ah, qaarna ay xubno ka yihiin xisbiga madaxweynaha ee Kaah.”

Wuxuu Faarax Cali Shire intaa ku daray in aan la marin nidaamkii lagu soo xuli lahaa xubnaha guddigaas isagoo xusay inay ahayd in madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka wada tashadaan.

Xubnaha guddigaas waxay isugu jiraan dad siyaasiyiin ah iyo kuwo aan siyaasadda ku jirin, Caasimada Online waxay ogaatay in xubnaha guddiga ee la diidan yahay qaarkood ay ku jiraan xisbiga Kaah ee madaxweyne Deni.

Isaaq Axmed Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga uu magacaabay Saciid Deni, wuxuu 10 sano soo ahaa guddoomiyaha degmada Waaciye ee gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar.