25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Somaliland oo si yaab leh uga xeeladeysatay xariga fanaan reer Jigjiga ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaacisay inay xabsiga dhigtay askar maalintii shalay aheyd soo xirtay fanaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane (Maxamed Yare).

Xariga fanaanka oo gadood xooggan uu ka dhashay ayay ciidamada amaanka Somaliland ay sheegeen in lasii daayey, ayaga oo shaaciyay inay xabsiga dhigeen 4 askari oo qeyb ka ahaa soo xirista fanaanka.

Askarta la xiray ayaa la sheegay in loo haysto dambi sharci jabin ah, ayada oo qaar kamid ah hobolada Hargaysa oo shalay ka qayliyay xariga Maxamed Yare ay maanta sheegeen in raali-gelin laga siiyay wixii dhacay.

Waxay sheegeen in askarta xirtay fanaanka aysan ku socon amar ka sareeya ama waaran maxkamadeed, taasi oo u muuqata in laamaha amaanka Somaliland uu ka xeeladeystay xariga fanaanka oo gadood xooggan ka abuuray Hargeysa.

“Waxaanu sheeganaynaa in nala xaal mariyay oo waliba raggiina noo xidhan yihiin, sharciga ayaana naloo marinayaa, sharci kumay socon, madaxdoodana amar kamay haysan, way soo dhamaatay Maxamedna wakaa bannaanka jooga, nimankii kalena sharci ayay noogu xidhan yihiin,” ayuu yiri Fanaan Maxamed Bakaal Cirro.

Sidoo kale fanaanka la xiray oo isna warbaahinta la hadlay kadib markii sii deyntiisa ayaa wuxuu u mahad-celiyay fanaaniinta reer Hargaysa ee garab istaaga u muujiyay iyo taliyaha sirdoonka oo uu sheegay in uu ka hawl-galay sii dayntiisa.

“Nidaamka dhacay wuxuu ahaa nidaam uu khalad yari ku jiro, ciidankana qaar qaldan iyo qaar kaleba way ku jiraan, wixii khaldanaana waa la saxay, wax wayn oo la sii buun buuniyaana meeshaba ma yaalo,” ayuu yiri Maxamed Yare.

Si kastaba, xariga fanaanka ayaa waxaa ka dhashay gadood xooggan kadib markii fanaaniinta reer Hargeysa ay qeylo dhaan kasoo saareen, waxaana xarigiisa lala xiriirinayay sirdoonka Somaliland oo sida muuqata ka xeeladeystay.

Cali Wajiis: “Waa banaan tahay in DF ay weerarto madax goboleedkii ka amar diida”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis ayaa si cajiib ah uga hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka, isagoo tusaaleyn ka bixiyey waxa uu muteysanayo maamulkii ka hor yimaada amarrada dowladda dhexe.

Sheekh Cali ayaa sheegay in wadankaan loo dhaariyey oo dadka Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ay doorteen madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku taliyey in looga dambeeyo xukunka dalka.

“Hoggaanka umadda Soomaaliyeed ee sharciga ah waa Dr. Xasan Sheekh, cid ka hor imaa karta ma jirto, maamul goboleed, baarlamaan iyo xukuumad wax diidi kara amarkiisa ma jiraan, federaalku waa nidaamyada dowliga ah ee ugu casrisan caalamka, laakiin sida hadda aan u dhaqmeyno maaha federaal,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Wuxuu soo hadal qaaday khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka, ugu horeyn wuxuu ka digay in khilaafkaas la qabiileeyo, sidoo kale wuxuu Sheekh Cali ku taliyey in qof kasta dembiga uu geysto lagu xisaabo oo dad kale aan la garaafeyn.

“Maamul goboleedkii diida amarka dowladda, waxay xaq u leedahay dowladda dhexe inay weerarto oo awood adeegsato, soona xirto ninka ugu sareeya ee amar diidada sameynaya, dalkana kala jaraya,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Wuxuu sheegay in federaal la qabyaaladeeyey ay ku dhaqanto Soomaalidu, isagoo bogaadiyey qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda ku saxaayo waxyaabihii ka qaldanaa dastuurka dalka.

“Puntland ayaa maalmahaan la hadal hayaa, dadka reer Puntland waa kuwa ugu wadanisan, uguna dowlad aqoon iyo kala dambeyn badan Soomaalida, marka dembi hal qof leeyahay umad dhan looma saari karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Cali Wajiis.

Sheekh Cali Wajiis ayaa caan ku ah in mar kasta uu taageero madaxweynaha xukunka jooga, sidoo kale hadalkiisaan wuxuu ku soo aaday iyadoo Puntland ay sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda federaalka.

Hoos ka daawo

Ciidamada PUNTLAND oo gacanta kusoo dhigay ninkii dilay Cabdixakiin Fiqi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka Puntland.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Fiqi ayaa waxaa lagu toogtay bartamaha Garoowe, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga Puntland.

Falka dilka ah kadib ciidamada oo sameeyay howlgal deg deg ah ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanihii ka dambeeyay falkaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdinuur Bashiira Maxamed.

“Howlgal qaatay Saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta boliska G.Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Abdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Abdixakiin Fiqi oo ka tirsanaa ciidamka booliska G.Nugaal oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Garoowe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi ku daray in soo qabashada eedeysanaha ay soo gacan geliyeen ehelladiisa, ayna u mahadceliyaan maadaama ay la shaqeeyeen ciidanka amniga.

“Taliyaha ayaa uga mahadceliyey ehelada eedaysanaha oo gacan ka siiyay soo qabashadiisa isagoo fariin adag u diray kuwa caadaystay waxyeelaynta muwaadiniinta, sharciguna uu kawayn yahay cidkasta” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Puntland aya sidoo kale farriin u dirtay shacabka waxayna ka codsatay inay la shaqeeeyaan laamaha amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah amniga.

“FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Garoowe oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, inkastoo ay dadaallo sameeyaam ciidamada ammaanka ee ku sugan magaaladaasi.

Ruushka oo daad-gureeyey in ka badan 4,400 oo qof kadib markii uu qarxay…

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa Sabtidii wuxuu daadgureeyey illaa 4,500 oo qof oo ku nool gobolka Orenburg ee ku yaalla xuduudda Koonfureed ee Ruushka, ka dib markii uu derbiyada jabsaday biyo xidheen halkaas ku yaallay.

Kooxaha gurmadka degdgegga ah ayaa habeenkii oo dhan ka shaqaynayey sidii u samatabixin lahaayeen dadweynaha ku nool agagaarka biyo xidheenka fatahay, kaas oo ku yaalla meel u dhow magaalada Orsk oo u dhow xuduudda Ruushka iyo Kazakhstan.

Xafiiska warbaahinta ee guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in illaa haatan la samatabixiyey illaa 4,402 qof oo ay ku jiraan 1100 caruur ah.

Sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaadhay illaa 6,000 oo guri. Arrintan ayaa timi ka dib roobab xooggan oo halkaas ka da’ayey maalmahan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray wasiirka xaaladaha degdegga ah inuu wax ka qabto xaaladda gobolka, sida uu sheegay afhayeenka aqalka Kremlin xilli dambe oo Sabtidii ah.

Daawo: Lacag uu ku abaal-mariyey Xasan oo gaartay Macawiisleyda Xarardheere

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lacag abaal marin ah u diray ciidanka macawiisleyda ah ee degmada Xarardheere ka difaacay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Lacagtaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u wakiishay taliyaha ururka 3-aad ee Gorgor Gaashaanle Cali Cagey ayaa maanta lagu qeybiyey fagaare ku yaalla duleedka magaalada Xarardheere oo difaac ay uga jiraan ciidamada deegaanka.

Inkastoo aan la shaacin cadadka ay dhan tahay lacagtaas, hadana waxaa la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhiirigeliyey ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka oo ku guuleystay inay ku faro-adeygaan magaalada Xarardheere.

Boqolaal askari oo macawiisley ah ayaa maanta lagu feyliyey fagaarihii lagu qeybiyey lacagtaas oo loogu talo galay inay carruurtooda ku ciidsiiyaan.

Taliyaha ayaa markii uu lacagta ku wareejiyey ciidanka wuxuu kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan howlgallo adag oo Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada hoos taga degmada Xarardheere.

Macawiisleyda ka soo jeeda degmada Xarardheere ayaa aad loogu amaanay si ay ugu jilib dhigeen wixii weerar uga yimid dhanka Al-Shabaab, maadaama ay kooxdu dooneysay inay awood kula wareegto degmadaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hors afar ku tegay degmada Xarardheere, xiligaas ciidamadii uu la kulmay oo uu soo xogwareystay ayey ku jireen ciidamada maanta la gaarsiiyey lacagta uu bixiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maalinkii uu tegay Xarardheere wuxuu hal darajo dalacsiiyey dhamaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugnaa magaalada Xarardheere, kuwaas oo Khawaarijta ka difaacay dadka iyo deegaanka.

Al-Shabaab ayaa marar badan isku dayey inay awood kula wareegay magaaladaas muhiimka ah, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xarardheere ku tilmaamay astaanta halganka Khawaarij iska xoreynta ah ee ka socda Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Sawirro: Wasiirada maamulka Puntland oo ku sii qulqulaya ITOOBIYA – Maxaa socda?

0

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirrada dowlad goboleedka Puntland ayaa ku qulqulaya dalka Itoobiya, xili khilaaf adag uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, halka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xiriirka u jartay Itoobiya.

Wefti uu hogaaminayay Wasiirka Duulista Hawada Puntland ayaa la kulmay Wasiir-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr. Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin tasew Bekele.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka Addis Ababa iyo Garoowe iyo kor u qaadista duulimaadyada diyaaradda Itoobiya ee Boosaaso iyo Garoowe.

Itoobiya iyo Puntland ayaa ku heshiiyey in la soo kordhiyo duulimaad xamuul ah.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay  hakisay xiriirkii ay la lahayd Itoobiya, dalkana ay ka ceyrisay Safiirkii Itoobiya u joogay magaalada Muqdisho.

Puntland oo garab dhaafeysa dowladda federaalka ayaa la macaamileysa Itoobiya, taasi oo dhabar jab ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Tallaabadaan waxaa ka horeysay in Puntland ay diiday go’aankii ay dowladda federaalka ku xirtay qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa.

Maxkamadda ciidanka oo ku dhowaaqday xukunka kiiska taliyihii saldhigga Heliwaa

Muqdisho (Caasimada Online)  – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kala duwan oo adag ku ridday shabakad uu hoggaaminayay taliyihii booliska degmada Heliwaa, Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye, kadib markii lagu helay inay dil, afduub iyo dhac u gaysteen ganacsade Abuukar Axmed Kaabax oo ay horay u dileen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil-toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo kala ahaa taliyihii Hilwaa, Kabtan Police ka tirsan iyo Dable Gacanyare u ahaa Taliyaha.

Dilka lagu xukumay labada sarkaal ayaa ah qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay dileen 24/02/2024.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka xayuubisay darajadiisa Ciidan, kana saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye iyo Qoone.

Dhanka kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan Diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min  10-Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xun laga dhigay labadan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.

Ugu dambeyn waxay maxkamaddu shaacisay inuu rafcaan ka fura n yahay xukunka ay ku ridday, kaas oo eg muddada uu sharciga ogolyahay oo ah 30 cisho.

Hanti-dhowrka oo shaaciyey musuq-maasuq ka socda safaaradda Soomaaliya ee..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaciyay warbixin baariseed uu ku sameeyay mid kamid ah safaaradaha Soomaaliya ee ku yaalla dalalka Carabta, gaar ahaan midda ku taal magaalada Masqad ee Saldannadda Cummaan.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa u gudbiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Warbixin Baariseed Fatash ah (𝐅𝐨𝐫𝐞𝐧𝐬𝐢𝐜 𝐀𝐮𝐝𝐢𝐭 𝐑𝐞𝐩𝐨𝐫𝐭) oo Xafiiska Hantidhowrka Guud uu ku sameeyey 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐪𝐚𝐭 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐥𝐝𝐚𝐧𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧.

Warbixintan ayaa waxaa lagu soo bandhigay eedeymo waa wayn oo isugu jiro musuq, ku takarifal iyo lunshashada xoolo dadweyne oo ay lahayd dowladda Soomaaliya.

Warqad kasoo baxday xafiiska Hantidhowrka Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa lagu sheegay in warbixintaan ay dabooleyso wixii dhacay 1/01/2019 illaa 31/12/2023.

Eedaha loo jeediyay safaaradda waxaa kamid ah musuq-maasuq, ku takrifal awoodeed, been abuur dukuminti, lunsashada dakhli habraac khaldan loo uruuriyay, xaraash hantida safaaradda, lunsi iyo leexsi lagu sameeyay gaadiid deeq ah oo Saldanadda Cummaan ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu muujiyay in safiirka uu ku kacay halis way oo saameysay magaca iyo sharafka dowladda Soomaaliyeed.

Marka laga soo tego eeda loo jeediyay safiirka ayaa waxaa hadana lagu sheegay warbixinta inay jiraan shaqsiyaad kale oo safaaradda ka tirsanaa oo sameeyay falalkaasi musuqa ah.

“Waxaa ku lug leh dad isugu jiro madax iyo shaqaale dowladeed oo ka tirsanaa safaaradda ama xiriir wada shaqeyneed uu sharci darro ah ka dhexeeyay” ayaa lagu yiri warqadda.

Horay xafiiska hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa sidaan oo kale usoo bandhigay warbixinno baariseed ka dhan ah safaarado iyo hay’ado ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood lagu helay kiisas xasaasi ah oo musuq-maasuq ah.

Maxaa dhacay 6 bil kadib dagaalka ISRAEL ee GAZA?

Gaza (Caasimada Online) – Lix bil ayaa laga joogaa marki uu billowday dagaalka ay Israil ku qaadday Gaza, ee u dhaxeeya ciidankeeda iyo dagaalyahannada Xamaas.

Dagaalkan oo noqday mid ka mid ah kuwi ugu burburka badnaa ee qarnigan 21-aad ka dhaca dunida, ayaa billowday wax yar kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Israil, todobadi bishi October ee sannadki hore, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 1,200 oo Isra’iiliyiin ah isla markaana soo afduubatay in ka badan 250 kale.

Ciidamada Isra’il ayaa dhulka, cirka iyo baddaba ka weeraray magaalada horayba u go’doonsaneyd ee Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan iyo badh Falastiiniyiin ah.

Inta badan dadkaasi ayaa hadda isugu tagay degmada Rafax ee cirifka koofureed ee Marinka Gaza, gaar ahaan xadka Gaza iyo Masar.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka Gaza ay galeen xaalad macluul ah, kaddib marki ay Israil is hortaagtay in Gaza ay soo galaan sahayda gargaarka bani’aadannimo, shidaal iyo dawo, taas oo keentay in dad u badan carruur ay nafaqa darro, cudurro iyo gaajo u dhintaan.

Dhanka kale, Xamaas ayaa sii wadda madaafiicda ay ku garaaceyso Israil kuwaas oo ay ka ganayaan Gaza, waxaa iyana sidaasi si la mid ah gantaallo u ridaya dhanka Israil Xisballah iyo ururada kale ee Islaamiga ah ee hubeysan ee mandiqadda.

Xamaas sidoo kale waxay wali heysaa la heystayaal Isra’iiliyiin ah oo ay soo afduubatay todobadi Ocrober, qaarkood ayay sheegeen in ay ku dhinteen madaafiicda Israil ay ku garaaceyso Gaza, laakin waxaa gacanta ugu jira meydadka.

Halkaan waxaan idin kugu soo gudbineynaa tirada dhimashada lixdi bilood ee lasoo dhaafay ee labada dhinac. Wakaaladda wararka AP ayaa kasoo xiganeysa millatariga Israil, xafiiska ra’isulwasaare Natanyahu, wasaaradda caafimaadka Gaza, iyo xafiiska isku-duwidda arrimaha bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay.

Tirada Dhimashada

Falastiiniyiinta lagu dilay Gaza: 33,091

Carruurta lagu dilay Gaza: in ka badan 13,000

Israa’iliyiinta Israel: ilaa 1,200

Falastiiniyiinta lagu dilay Daanta Galbeed: 456

Dadka lagu dilay Lubnaan: ugu yaraan 343

Dhaawacyada

Falastiiniyiinta lagu dhaawacay Gaza tan iyo 7-badi October: 75,750

Falastiiniyiinta lagu dhaawacay Daanta Galbeed tan iyo 7-badi October: 4,750

Ciidanka Israil ee la dhaawacay tan iyo marki ay ku duuleen Gaza: 1,549

Rayidka Israa’iiliyiinta ee dhaawacmay tan iyo October 7: 4,834.

AP + VOA

Sawirro: Xamza oo qaaday talllaabo kadib qaraxii lagu dilay sarkaalka Turkish-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta qaraxii Khamiistii lasoo dhaafay lagu dilay sarkaalkq Turkiga ahaa ee ka dhacay degaanka Tabeelaha ee duleedka Muqdisho.

Weerarka ayaa dhacay xilli gaadiid ay la socdeen shaqaale iyo ilaalo amni oo ka tirsan hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Verenel Association ay ku sii socdeen xeryo ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku sugan duleedka Muqdisho

Qaraxa oo haleelay mid kamid ah kolonyada ayaa waxaa ku dhintay Abdurrahim Yörük oo ahaa wakiilka hay’adda Verenel Association u qaabilsan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka duulayo weerarkaas ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood.

Sidoo kale waxa uu la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna ka qayb-qaataa dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka iyo arrimaha bani’aadanimo ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Hay’adaha samafalka ee dalka Turkiga ayaa si weyn usoo galay Soomaaliya wixii ka dambeeyey bishii Ogosto ee sannadkii 2011-ka, markaas oo Muqdishu uu soo booqday Recep Tayyip Erdogan oo xilligaasi Turkiga ka ahaa Ra’iisul Wasaare.

Waxay booqashadaas iyo gargaarkii Turkiga ee daba socday ay gacan weyn ka gaysatay joojinta macluushii waddanka ku dhufatay markaasi.

Daawo: Dowladda oo war kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Balcad

0

Balcad (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxaya dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday, kaas oo ay Al-Shabaab saaka ku qaadeen qaybo kamid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay laba koontarool oo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka laga hortegay, isla markaaa uu meel cidlo ah ka dhacay qaraxa.

“Ciidamada geesiyaasha ah ayaa ka hor tegay dhagartaas, waxaana meel cidlo ah ku qarxay gaarigii cadowgu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka, kaas oo loo soo ekeysiiyey gaari rakaab ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxa ay dowladda Soomaaliya intaasi ku dartay in weerarkan uusan gaysan wax khasaare ah, marka laga reebo burburka guryo ay lahaayeen dad shacab ah.

“Guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa ku burburay qaraxaas la fashiliyey, mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka, markii laga reebay dhaawacyo fudud oo soo gaaray saddex askari oo fashilisay dhagartaas” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka, Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo isna shir jaraa’id ku qabtay Balcad ayaa sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay Khawaarijta, isla markaana laga dilay illaa 11 xubnood oo kamid ahaa raggii weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay Al-Shabaabkii weerarka qaaday, sida ay innoo sheegay dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa bishan Ramadaan aad u kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

War cusub oo kasoo kordhay khilaafka DF iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Oline)  – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war xasaas ah kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya Puntland, kaas oo saameeyay wada shaqeyntii labada dhinac oo gebi ahaanba meesha ka baxday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xasan Xaange oo la hadlay warieyayaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay saameynta ka dhalatay khilaafkan, wuxuuna sheegay inuu hor istaagay mashariic muhiim u ahaa shacabka Puntland.

Cabdiqafaar Xaange ayaa soo bandhigay mashaariicda xayirmay kadib khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, wuxuuna sheegay inay mid yihiin  mashruuca mushaarka macalimiinta, mashruuca Damal Caafimaad, mashruuca Barwaaqo (ex Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyadda maamulka iyo mashruuca Tamarta iyo Korontada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mashaariicdaas oo ku kacaya boqolaal milyan oo dollar ay u xayiran yihiin saxiixa madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Deni inuu caqabad ku yahay shacabka Puntland, maadaama ay muhiim u yiihiin dhammaan mashaariicdaas oo ay diyaarisay dowladda dhexe.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in aysan garanayn sababta madaxweyne Deni uu ku hor istaagan yahay in mashaariicdan loo fasaxo dadka reer Puntland.

Cabdiqafaar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedka madaxweynaha uu yahay inuu gaajo dareensiiyo shacabka, si ay shaqo la’aan u noqday, waa sida uu hadalka u dhigay,

“Deni wuxuu doonayaa inuu reer Puntland gaajeysiiyo oo ay shaqo la’aan uu noqdaan, loona diido inay fekeraan, waana calaamadaha lagu garto dikteetarka shiibka (kaligii-taliska),” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in aan la’isku qadlin khilaafka siyaasiga ee jira iyo waxa danta u ah shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu meeshii ugu hooseysay uu gaaray khilaafka labada dhinac, kadib markii ay Puntland ku dhawaaqday inay aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalka, sababo la xiriira meel-marinta wax ka beddelka dastuurka dalka.

Caalamka oo laga hadal hayo wiil Soomaali ah oo dilay xaaskiisa oo aheyd caddaan

Örebro (Caasimada Online) – Soomaalida dalka Sweden ayaa aad u hadal hayey dhacdo la xiriirta wiil Soomaaliyeed oo xaaskiisa oo uur lahayd ku dilay magaalada Örebro oo 100 mayl galbeed ka xigta caasimadda Stockholm.

Wiil Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamed-Amiin Cabdirisaaq Ibraahim oo 22 jir ah ayey booliska ku eedeeyeen inuu dilay xaaskiisa oo lahayd uur todoba bilood ah.

Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay dhacday sannadkii hore, bishii April, waxaase iminka soo cusboonaysiiyey ka dib markii kiiskiisa ay boolisku maxkamad u gudbiyeen.

Boolisku waxay kiiskan ka soo saareen warbixin 1,000 bog ka kooban oo masawirro ay la socdaan.

Xaaska oo ah 20 jir la yiraahdo Saga Forsgren Elneborg, ayna ninkaas wada socdeen qiyaastii muddo labo sano ah ayaa meydkeeda laga helay gurigeeda, wax lagu tilmaamay “dil sharafeed” sida ay warbaahinta dalkaas sheegayso.

Elizabeth Anderson oo ah dacwad oogaha muddiciga ku ah Maxamed Amiin waxay ku doodday in uu xaaskiisa dilay ka dib markii uu “ceejiyey”, ayadoo ilmihii uurka ay ku siddayna uu geeriyooday.

“Waxaan ula jeedaa in dilka ay ku dhex jirtay arrin sharaf la xiriirta, waayo ninku wuxuu doonayey inu ilaaliyo sharaftiisa iyo tan qoyskiisa, wuxuuna dilay haweeneyda iyo ilmihii ay sidday,” ayey tiri dacwad oogaha.

“Si xoog leh ayuu ugu sirqiyey waayirka nalka sariirta dhinaceeda la dhigo,” ayey tiri dacwad oogaha oo uu soo xigtay wargayska Afton Bladet.

Waxaa la soo bandhigay farriimo ay is dhaafsadeen oo farriinta ugu dambaysay ay ahayd “ila hadal”. Isla habeenkaas ay farriimaha is dhaafsadeen ayaa meydkeeda la helay.

Farriimaha waxaa sida ay warbaahinta sheegayso ku jiray inuu u soo jeediyey gabadha in ay ilmaha iska soo riddo.

Qoyska ninka eedeysanaha ah ayey dacwad soo ooguhu sheegtay in aan lagu helin caddayn muujinaysa inuu la socodsiiyey in gabar ay uur u leedahay, taasoo doonaysay in todobaad ka dib ay u soo guurto.

“Ninka la tuhunsan yahay marnaba arrinta Saga ama ilmaha uurka ku jira uma uusan sheegin qoyskiisa, waxaana lagu soo koriyey si sharaf waafaqsan, wuxuuna ogaaday in aysan arrintan isaga u fiicnayn,” ayey sii raacisay.

Gabadha geeriyootay hooyadeed ayaa iyadana mid ka mid ah wargaysyada Sweden ka soo baxa u sheegtay in ay “aad u faraxsanayd gabadheeda oo ay ku talo jirtay in ay guri cusub u guurto, nolol cusub oo hooyonimana billowdo. Tani waxay ahayd arrinkii ugu darnaa,” ayey tiri.

Maxamed Amiin oo hadda ku eedeysan dilka gabadha oo kaliya waxaa maxkamadiisa oo laba todobaad soconaysa ay bilaaban doontaa 10ka bishan, wuxuuna diiday inuu wax khalad ah sameeyey.

Waxaan isku d aynay in aan la xiriirno madaxda jaaliyadda iyo qoyska Maxamed Amiin, laakinse nooma suurto-galin in aan faahfaahin dhankooda ka helno.

Shacabkii ugu badnaa oo ka barakacay Mudug, kadib…

0

Gaakacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in shacabka ugu badnaa ay maalmihii lasoo dhaafay ka barakaceen koonfurta gobolkaas oo ay weli ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Illaa in ka badan saddex kun oo qoys ayaa lasoo wariyay inay kasoo barakaceen deegaanadii ay dhowaan dib u qabsadeen xoogaga Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Magaalooyinka laga soo barakacay ayaa waxaa kamid ah Bacaadweyne, Xinlabi, Caad iyo Camaara, halkaas oo ay dib ula wareegtay kooxda, markii ay kasoo baxeen ciidamada.

Shacabka ayaa gaaray magaalooyin ay kamid yihiin  Gaalkacyo, Mirjicley, Wisil, iyo Bajeela, ayga oo halkaas ka bilaabay nolol cusub, maadaama ay kusoo adkaatay tii hore.

Qoysaska barakacay ayaa isugu jira carruur, haween iyo dad da’a ah, kuwaas oo aad nugul, waxaana lagu soo dhoweeyay deegaanada ay tageen.

Galmudug oo kaashaneysa hay’adaha Samafalka ayaa dadkaasi u sameysay gurmad, waxaya sheegtay inay ahaayeen qoysas xoolo dhaqato ah oo dhibaato loo gaystay.

Sidoo kale waxaa qoysaskan ku jiro xaasas laga dhintay lixdii bilood ee lasoo dhaafay, sababo la xiriira howlgalladii ciidan ee dhulkaas lagu xoreeyay, sida uu shaaca ka qaaday  Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Galmudug (GCRI) oo warbixin soo saaray.

Gobollada dhexe ayaa waxaa muddo ka badan sanad ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, si looga ciribtiro Al-Shabaab

Howlgal maalintii labaad ka socda magaalo Somaliland ka mid ah kadib xaalad halis ah

0

Boorama (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa xaalad halis ah oo ka taagan degmada Dilla ee gobolka Awday, halkaas oo laga baadi goobayo maydka mid kamid ah dadka deegaanka oo ku dhacay dhaamka biyaha ee degmadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagy magcaabyaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali, waxaana liqay warta biyaha, ayada oo illaa hadda la la’yahay maydkiisa.

Ciidamada Somalilad, gaar ahaan kuwa xeebaha dab-damiska oo ku sugan goobta ayaa maaintii labaad ku sugan halkaasi, ayada oo dadaallo wadaan bad-maaxiyeen la geeyay goobta.

“Dilla:- Hawl-gal balaadhan oo lagu baadi goobaayo maydka marxuum Cabdiramaan Mukhtaar Cali oo uu liqay dhaamka Degmada Dilla ee gobolka Awdal ayaa maalintii labaad ka socda dhaamkaasi,”  qoraal kasoo baxay Somaliland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa goobta ku sugan qaar kamida ciidanka ilaalada xeebaha, dab-damiska iyo bad quusayaal ku xeeldheer arrimaha dabaasha”.

Ciidamada iyo mas’uuliyiinta deegaanka oo is kaashanayo ayaa ilaa xalay dadaal ku bixinaya sidii loosoo saari lahaa maydka marxuumka.

Ehellada oo horay gurmad uga dalbatay dowladda ayaa iyaguna goobta ku sugan, si ay helaan maydka wiilkooda oo maalintii labaad laga raadinayo halkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday degmada BALCAD + Sawirro

0

Balcad (Caasimada Online) -Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay baro koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Xubnaha weerarka qaaday ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis ku yaalla magaalada, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sawirro laga soo qaaday Balcad ayaa sidoo kale muujinaya burbur xoogan iyo uuro qarisay degmada Balcad oo ay saaka weerar dheelmasho ah ku qaadeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Qaasim Furdug oo ka warbixiyay weerarkan ayaa sheegay in laga hortegay weerarka Al-Shabaab, ayna ka dileen illaa 11 xubnood, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankaas cadowga ah waxaan kula dirirnay magaalada bannaankeeda, laakiin burburka waxaa keenay baaxadda qarax gaari oo ay soo adeegsadeen. runtii jab xoogan aa gaaray Khawaarijta 11 nin ayaa goobta looga dilay, dhaawacana wa ka badan yahay” ayuu yiri

Sidoo kale Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa dib u laabtay, kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada dowladda ee ku sugnaa goobaha la weeraray.

Dhankooda milatariga Soomaaliya oo weli dhaq dhaqaaqyo wada ayaa haatan howlgallo ka wada agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa bishan Ramadaan aad u kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

Sawirro: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay gacan ku dhiiglayaashii ugu badnaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Taliska, Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya Hay’addaha Amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal tiradoodu gaareyso 5 qof, kuwaas oo loo heysto inay dil u geysteen 4 muwaadin.

Dilalkaas ayaa ka kala dhacay degmooyinka kala duwan ee ka tirsan Gobolka Banaadir.

Afarta eedeysane ee gacanta lagu dhigay dembiyada dilka ahna loo heysto ayaa kala ah:

1: Eedeysane D/le XDS Daa’uud Bashiir Colow oo loo heysto dilka Marxuum Saciid Cabdi Muuse, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Dharkeynley.

2: Eedeysane A/le XDS Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo

Eedeysane C/qaadir Maxamed Xasan oo dhaawac ah, labadaan eedeysane ayaa loo heystaa dil ay u geysteen Marxuum Aweys Xuseen Jeylani, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Xamarjajab.

3: Eedeysane Maxamed Cabdi Maxamed waxaa loo heystaa dilka Cabdullaahi Abuuukar Yuusuf, wuxuuna dilkaasi ka dhacay Dagmada Deyniile.

4: Eedeysane D/le Yuusuf Cali Macoow waxaa loo heystaa dilka Marxuum Maxamed Axmed Nuur, dilkaaas ayaa ka dhacay Dagmada Hiliwaa.

Booliska ayaa sheegay in dhammaan eedeysanayaasha dilalkaan geystay oo gacanta lagu hayo sida ugu dhaqsiyaha badan loo geyn doono maxkamada awooda u leh inay qaado kiiskooda.

“Waxaa laga codsanayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Muqdisho iyo hareeraheeda in ay lasoo wadaagaan Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hadii ay la kulmaan falal ammaanka lidi ku ah, waxaadna kala xiriiri kartaan 991,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xaramka uga soo duceynaya Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa maanta Cimrada Bayta Alle ku gutay Masaajidka Xaramka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu doceeyay amni, nabad iyo horumar.

Madaxweynaha ayaa fadliga Cimrada awgeed Alle ka baryey in dalkeenna uu ka dulqaado argagixisada dhiig-miiratada ah ee ku been abuuranaya magaca diinteenna suubban ee Islaamka.

Madaxweynaha oo safar shaqo ku tegay dalka Sacuudiga ayaa horay u booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.

Boqorka Sacuudiga ayaa casuumay madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ka wadahadlayaan xiriirka labada, Sacuudiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka ganacsiga iyo masuuliyiin kale ayaa safarka Sacuudiga ku wehliya madaxweynaha.

Hoos ka daawo

 

Xog: Muxuu ka shaqeynayey sarkaalka Turkish-ka ee lagu dilay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xog cusub ka bixiyey sarkaal Turki ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho, xilli uu ku sugnaa duleedka caasimadda, kuna howlanaa caawinta qoysas Soomaalliyeed oo danyar ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qarax ku dishay samafalahaas gabaldhicii shalay oo Khamiis aheyd, isagoo caawinaya qoysas danyar ah oo ku nool deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ninka Turkiga ah ee la dilay uu lahaa hey’ad samafalka ka shaqeysa oo afurineysay dadka sooman ee aan awoodin inay cunno ku filan helaan, si gaar ah lacag nus Milyan doollar ah ayuu sheegay inuu u qorsheeyey dadka lagu dhex dilay shalay.

“Allaha u naxariisto muwaadinkii Turkiga ahaa ee isaga oo sooman, sadaqo qaybinaya ay argagexisadu dileen. Waxaa la ii sheegay in qorshaha hay’adiisu ahaa in ay labo boqol oo kun oo dadkeena danyarta ah u qaybiyaan min $20, taasoo ah lacag ku dhow nus malyuun doolar,” ayuu yiri CC Shakuur.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray “Alle aan u barino in uu muwaadinkaas naxariistiisa huwiyo, nagana qabto cadowga argagexisada ah ee dilay qof muslim ah, sooman, sadaqo dadkeena dhibaataysan u qaybinaya.”

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Alper Aktaş uga tacsiyeeyay muwaadiniin Turki ah oo weerar gaadmo ah Khawaarijtu ku dileen iyaga oo ku jira hawlo bani’aantinnimo.

Wasiirka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa madaarka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ku sagootiyay hawlwadeennadeeda dhaawaca iyo meydka u qaadayay dalka Turki.

Wasiirka ayaa Ilaahay uga barayay naxariistiisa janno shuhadada ku nafwaayay weerarka, caafimaad degdeg ahna ugu duceeyay dhaawaca.

Sababta Mahad Salaad u baxay iyo arrimaha horyaalla agaasime Sanbaloolshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa shalay loo magacaabay agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ayaa ku dhawaaqay in markii saddexaad Sanbaloolshe uu noqday agaasimaha hay’addaan kamidka ah kuwa ugu muhiimsan dalka. Waxa uuna beddelay Mahad Maxamed Salaad oo ay Golaha Wasiiradda farriintooda ugu mahad-celiyeen.

Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan 2024, markii uu Mahad Salaad la wadaagay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza damiciisa hoggaanka Galmudug, Villa Somalia waxaa ka dhex socday loolanka kursigan, kooxda madaxweynaha ayaana dhowr musharax la kala safatay.

Dadkii miiska saarna ee Sanbaloolshe uu kursigan uga adkaaday waxaa kamid ahaa Axmed Macallin Fiqi, Cabdalla Cabdalla iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Saddexdii muddo xileed ee ugu dambeysay dowladnimada Soomaaliya Sanbaloolshe wuxuu nasiib u yeeshay inuu mid walba ka noqdo taliye nabad-sugid, balse marna sanad uma buuxsamin.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) wuxuu markaan kusoo aadaya iyada oo hay’adda ballaaratay, ciidan fara badan yeelatay, sharci loo sameeyay, kuna guuleysatay inay wax badan ka qabato xaalad amni ee magaalada Muqdisho.

Waa marxalad aad uga duwan marxaladihii hore ee uu kusoo aadi jiray. Waxaana hortaalla inuu diiwaanka isbeddelka amniga Muqdisho xajisto, inuu la yimaado afkaar amni oo cusub iyo inuu marxaladdan wax badan taro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu dhawaan dib ugu laabto la-dagaalanka argagixisada.

Mahad Maxamed Salaad, agaasimihii hore ee NISA wuxuu isna food saaray cutub cusub. Damiciisa hoggaanka maamulka Galmudug ee madaxda sare uu la wadaagay ee isbeddelkaan dhalay ayaa ka dhigan inuu fursad buuxda usoo helay ololihiisa doorashada Galmudug iyo dhinaca kale in doorashada maamulkaasi ay noqon karto mid xiiso leh oo dhinacyo miisaan leh ay isku hayaan.

Mahad Salaad oo xilkaan qabty 26 May 2022 hayeyna illaa 4-tii April ee shalay ayaa dugsan doona sidii uu hay’addan ugu sameeyay sharci markeeddii koowaad taariikhda, sida uu xal ugu helay dhibaatadii qaraxyada baabuurta ee magaalada Muqdisho iyo sida uu dhaqaale ahaan u wiiqay argagixisada.

Sanbaloolshe oo xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh ku biiray markii ay dowladda Farmaajo ka qaaday xilkii agaasimihii NISA ayaa hadda kamid ah jilib culusta uu haysto madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa loo arkaa nin inta badan siyaasad ahaan ugu shaqeeya hay’adda marwalba uu yimaado, laakiin hadda maadaama agaasimihii hore Mahad Salaad uu wax badan ka hagaajiyay gudaha oo ay dadka Muqdisho taas qireen, isna waa inuu ku dadaala in aan halkaas laga laaban oo amniga dadweynaha ahmiyad badan la siiyo beddelka siyaasadda.

Mahad Salaad, agaasimaha xilka baneeyay ee hay’adda NISA ayaa farriin bogaadin ah u diray agaasimaha cusub ee la magacaabay, wuxuuna kale oo u mahad-celiyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inay asbuuca soo aadan buuxiso wasaaraddo ka banaana in muddo ah, sida wasaaradda arrimaha dibadda iyo midda amniga.