25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

XASAN Sheekh iyo SACIID DENI oo runta loo sheegay kadib wixii shalay dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay arrinta cusub ee kasoo cusboonaatay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo qeyb ka tahay Puntland ayaa waxa uu runta u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamoye Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay in arrinta taagan ay ka dhalatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday, kuwaasi oo sii fogeeyay Puntland, “Way cadddeed, dhowr jeerna waan ka dignay tillaabooyinka ay bilihii dambe qaadayeen Madaxda dowladda federaalka in ay ahaayeen kuwo dadka iyo dadka kala geynaya.”

Sidoo kale waxa uu hoggaamiye Saciid Deni iyo kooxdiisa ku dhaliilay in ay xilligaan miciin bidaan dowlad duulaan ku ah madax-banaanida dalkeenna, taasi oo uu sheegay in ay wax dan ah ugu jirin Puntland heshiis ay la gaarto Itoobiya.

“Dunida maanta ma aha mid ay beelo, gobollo iyo degaanno isbixin karaan, balse dalal dhisan ayaa la liqayaa,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraalka uu soo saaray maanta.

Labada nin ayuu kula taliyay inay dhinac iska dhigaan damaca shaqsiga, islamarkaana danta Soomaaliyeed lagu raadiyo tanaasul, dhimrin iyo dhega nugayl, ayada oo dhabta la wajahayo, lana garawsado duruufaha adag ee dalkeenna iyo dadkeenna ku xeeran.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waa in ay ogaadaan madaxda haysa hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka in halbeegga guushoodu yahay kartida ay u leeyihiin isku haynta dalka iyo dadka, iska jirka damaca gurracan ee shisheeyaha, ixtiraamka wixii heshiiska lagu ahaa, dhisidda kalsoonida iyo is aaminaadda bulshada iyo ka fogaanshaha xasarad iyo xiisad kicinta.

Way cadddeed, dhowr jeerna waan ka dignay tillaabooyinka ay bilihii dambe qaadayeen Madaxda dowladda federaalka in ay ahaayeen kuwo dadka iyo dadka kala geynaya, laakiin waxaan iyana dan Soomaali iyo mid Puntland toona ku jirin maciinsiga dowlad aan aqoonsanayn madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dunida maanta ma aha mid ay beelo, gobollo iyo degaanno isbixin karaan, balse dalal dhisan ayaa la liqayaa.

Dalkeennu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, xasilloonida yar ee la haysto waxaa tiir dhexaad u ahaa sharciyada siyaasadeed ee ku dhisan awood qaybsi iyo doorasho afartii sano mar la qabto, mar kasta oo ay labadaasi dheeliyaan waxaa halis gala geeddi socodkii dowlad dhiska ee nugaylka iyo gaabiska ahaa.

Waxaan ku talinaynaa in caqligu shaqeeyo oo qabka (ego), iyo damaca shakhsiga ah dhinac la iska dhigo, danta Soomaaliyeedna lagu raadiyo, tanaasul, dhimrin iyo dhega nugayl, dhabta la wajaho, lana garawsado duruufaha adag ee dalkeenna iyo dadkeenna ku xeeran, sida argagixisada, shaqo la’aanta, amni xumida, colaadaha, abaaraha, iyo in xil iyo masuuliyad loo hayo dal dadkiisu bar qaxooti iyo barakacayaal yahay, kaalmo shisheeye ku tiirsan, welina burbur iyo colaadihii sokeeye ka soo kabanaya.

Arrimaha lagu xasuusto Sanbaloolshe xilliyaddii uu kasoo shaqeeyay NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waana xildhibaanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#058.

Haddaba maxaan ka garaneynaa ama ugu waaweyn ee lagu xusuustaa ninkan oo horay u soo noqday agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, isagoo hadda markii saddexaad loo magacaabay?

Cabdullaahi Maxamed Cali, oo loo garan og yahay naaneystiisa “Sanbaloolshe” wuxuu 1968-kii ku dhashay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Horay waxa uu u soo noqday wasiirka Amniga Qaranka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd, xilligaas oo dhibaatooyin badan oo dhanka amniga ah ay waddanka ka taagnaayeen.

Waxaa kale oo uu Sanbaloolshe mar soo ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay UK.

9-kii bishii July ee sanadkii 2014-kii ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaana magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo xileedkiisii hore.

Muddo kooban ayuu sidoo kale xilkaas hayey xilligii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Markii saddexaad ayaa maanta loo magacaabay hay’adda NISA, oo ka mid ah laamaha ugu awoodda badan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Haddaba maxaa lagu xusuustaa Sanbaloolshe muddooyinkii uu ka soo shaqeeyay NISA?

Awood baaxad leh oo ku dhex yeeshay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee muddo xileedkii hore, inta uu xilka taliyaha NISA hayay waxaa weerar lagu qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamo taabacsan Axmed Daaci oo ahaa guddoomiye degmo iyo Cabdiwali Qanyare oo ahaa xildhibaan, waxaana ka dhashay rabshado khasaare sababay.

Hase yeeshee, dhowr bilood ka dib, Golaha Wasiirrada ayaa xilka Agaasimaha NISA ka qaaday Sanbaloolshe, waxaana lagu baddalay Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare.

Dhiibistii Qalbi Dhagax

Bishii Agoosto ee sanadkii 2017-kii waxaa gacanta lagu dhigay Cabdikariin Sheekh Muuse ‘Qalbi Dhagax’ oo xilligaas ku sugnaa gudaha Soomaaliya, xilligaas oo Cabdikariim uu ka duulay magaalada Muqdisho, kana degay Gaalkacyo.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Daahir oo ka tirsan mas’uuliyiinta jabhadda ONLF oo ku sugan magaalada Johannesburg, Qalbi Dhagax waxa uu Galkacyo tagay galinkii dambe ee maalintaas, isla habeenkiina waxaa qabtay ciidammada Galmudug, iyadoo markii dambana loo gacan geliyay hay’adda nabad sugidda ee NISA.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxday in Qalbi Dhagax loo gacan geliyay dowladda Itoobiya oo doon-dooneysay iyadoo falkaasi ay dad badan ka caroodeen.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka ayaa si weyn loogu dhaliilay u gacan gelinta Qalbi Dhagax ee dowladda Itoobiya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay xilligaasi ka gaabsatay ka hadalka arrintan marka laga reebo taliyaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo mar meel fagaaro ah lagu weeydiiyey sheegay in ay ka gaabsanayaan arrinka.

“Waa arrin xasaasi ah, mana jirto cid hadda ka hadli karta, waxaanan ka hadlaynaa waqtiga ku habboon” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Qaraxii isgoyska Soobe

Magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska mashquulka badan ee Soobe, 14-kii Oktoobar sanadkii 2017-kii waxaa ka dhacay qarax ay ku hoobteen boqollaal qof dad aad u bandanna ay ku waxyeelloobeen.

Saameynta qaraxa waxa ay waddanka kajirtay muddo badan.

Xilligaasi waxaa taliyaha hay’adda nabad sugidda ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyadoo muddo yar kadib xilka laga qaaday.

Markii bishii April madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay Sanbaloolshe in uu noqdo taliyaha NISA ayaa sida uu sharciga qabo waxa laga codsaday in uu iska dhigo xilka dhildhibaannimada, taas oo uu sameeyay xilli dambe oo ku dhow marka xilka NISA laga qaadi doono.

Waxaase dhacay qaraxii Soobe ee saameynta dhaliyay, iyadoo isla bishaas Oktoobarna shaqada laga eryey Sanbaloolshe.

Dhaliishii sirdoonka reer galbeedka

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed ayaa qoray qormo dheer oo uu kaga faallooday xaaladda ciidamada sirdoonka ee dalka arrimo la xiriira sirdoonka reer galbeedka.

Qormada ayaa lagu daabacay wargeyska New York Times ee dalka Mareykanka ka soo baxa.

Waxa uu ka warbixiyay xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, siiba kuwa sirdoonka iyo denbi baarista, wuxuuna caddeeyay in ka sokow iyagoo aan qaadan mushaar aanay heysan qalabkii ay wax ku baari lahaayeen.

Taliyaha NISA ayaa qormadiisa ku sheegay awoodda sirdoonka Soomaaliya sida ay u kooban tahay iyo inaysan heysan qalabkii u saamixi lahaa inay baaritaan sax ah ku sameeyeen qaraxyada dhaca iyo dabagal, wuxuuna eedeyn u jeediyay Khubradda qaraxyada dalalka reer Galbeedka oo uu sheegay inay baaritaanka iskood ugu sameeyeen qaraxyada Muqdisho iyagoo aan wax warbixin ah la wadaagin dowladda Soomaaliyana.

Salbaloolshe, waxa uu sidoo kale qormada ku sheegay xiriir uu la sameeyay hay’adda Dembi baarista Mareykanka ee FBI-da oo uu ka codsaday inay ka taageeraan ka hortagga qaraxyada Baabuurta miineysan balse aan wax jawaab ah loo soo celin.

Hadda, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Agaasimaha cusub oo ay yeelatay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA.

Isha: BBC

Somaliland oo si jees-jees ah uga jawaabtay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay qaraarka dowladda federaalka ee ka dhanka ah Itoobiya ayaa si jees-jees ah uga jawaabtay xirista qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa.

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa.

Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa sheegtay in go’aamadda shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya aanay marnaba saameyn ku yeelan doonin Somaliland, oo ayadu ku doodda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo taasi uu caalamka u aqoonsaneyn.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa sidoo kale sheegtay waxay sheegtay in qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa uusan markii hore ku iman go’aan ka yimid dowladda federaalka, haddana aan lagu xiri doonin go’aan kasoo baxa.

“Go’aankaasi (qaraarka Golaha Wasiirrada Soomaaliya) go’aan na khuseeya anaga maaha, hadaanu nahay dowladda Somaliland, wax anaga meel noo yaala oo saameyn nagu leh marnaba maaha, laba dal oo kala madax-bannaan ayaanu nahay markaa taasi anaga nooma taalo,” ayay tiri Marwo Rooda oo la hadashay VOA.

Waxay intaasi kusii dartay “Markii la furayay xafiiska Itoobiya ee Hargeysa lagama talo-gelin dowladda Soomaaliya, imikana go’aankaasi ma soo dhaafi doono qolkii ay ku shireen Golaha Wasiirrada.”

Sidoo kale waxay sheegtay in go’aannada kale ee xataa kasoo bixi doona Golaha Wasiiradda ee la xiriira is-afgaradka ay Somaliland iyo Itoobiya ku gaareen Addis Ababa aysan saameyn ku yeelan doonin gudaha Somaliland.

“Go’aamada kale ee soo socdaana wax saamayn ah nagu yeelan mayaan, waxa hubaal ah in ay riyoodeen, golaha wasiirada ee xalane ku dhexjira iyo Xasan Sheekh ba, maalin cad ayay riyoodeel,” ayey hadalkeeda sii raacisay Marwo Rooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay qaaday tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xad-gudubka Itoobiya ay ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dalka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana amartay in la xiro laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Hargeysa iyo Garoowe.

“Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood,” ayaa lagu yiri qaraarka dowladda ee ka dhanka ah Itoobiya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Sarkaal sare oo TURKISH ah oo lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba qof oo uu ku jiro sarkaal u dhashay dalka Turkiga ayaa lagu dilay qarax subaxnimadii Khamiista ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Qofka labaad ee ku dhintay weerarka ayaa ahaa Soomaali.

Weerarkan ayaa dhacay xilli gaadiid ay la socdeen shaqaale iyo ilaalo amni oo ka tirsan hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Verenel Association ay ku sii socdeen xeryo ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku sugan duyleedka Muqdishu.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Tabbeelaha, waxaana dadka baraacayaasha ah ee ku nool xeryo u dhow degaanka Garasbaalay ay u wadeen fitro loogu talo-galay dadka baahan xilliga bisha Ramadaan, sida ay sheegeen booliiska iyo ilo wareed la socda shaqada hay’adda oo codsaday in aan magacooda la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay la hadlaan saxaafadda.

Baabuurta ay la socdeen ayaa ka baxay laamida, waxaana ku qarxay miino la dhigay waddada dhinaceeda oo loo malaynayo in la hagayey.

Hay’adda Verenel Association ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X oo horey loo oran jiray Twitter ku sheegtay “in sarkaalka la dilay uu ahaa wakiilkoodii Soomaaliya Abdurrahim Yörük.”

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa cambaareeyey weerarkaas, waxaana uu sheegay in dadka la bartilmaameedsaday ay ahayeen kuwo usoo gurmay dadka baahan ee Soomaaliya.

Hay’adaha samafalka ee dalka Turkiga ayaa si weyn usoo galay Soomaaliya wixii ka dambeeyey bishii Ogosto ee sannadkii 2011-ka, markaas oo Muqdishu uu soo booqday Recep Tayyip Erdogan oo xilligaasi Turkiga ka ahaa Ra’iisul Wasaare.

Waxay booqashadaas iyo gargaarkii Turkiga ee daba socday ay gacan weyn ka gaysatay joojinta macluushii waddanka ku dhufatay markaasi.

Puntland oo qoraal yaab leh kasoo saartay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray ku gacan sayray go’aanka ay Dowladda Federaalka ku xireyso qunsuliyadda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garoowe. 

Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer oo ku salaysan dhaqan- dhaqaalaha, amniga iyo isu-socodka bulshada.” 

Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inayy laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, sida lagu yiri qoraalka. 

“Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya,” ayey tiri Puntland.

“Haddaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garowe aanu khusayn Puntland.”

Qaraar shalay kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”

Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya.

“Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan “ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu amray safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.

Faah-faahinta dab xooggan oo ka kacay suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa saaka ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa waxa uu si gaar ah uga kacay qeybta loo yaqaano Dahablaha, waxaana la sheegayaa in dabka uu xawli ku socdo, uuna kusii fidi karo qeybo kale oo suuqa.

Lama ogga waxa sababay, waxaana ganacsatada aysan weli helin wax gurmad ah, xilli uu dabka si xawli ah ku socdo.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkada Hormuud ayaa laga dalbaday gurmad deg deg ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen ganacsatada suuqa.

Dhaq-dhaqaaqa suuqa qeybo kamid ah ayaa sidoo kale hakad galay, waxaana saameyn guud ku yeeshay dabka saaka ka kacay halkaasi, wuxuuna kusoo aadaya xilli loo diyaar-garoobayo munaasabadda Ciidul Fidriga ee fooda nagu soo haysa.

Si kastaba, Gubashada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa marar badan soo laab-laabatay, dowladduna ma baarto sababta rasmiga ee keenta dabka sanad kasta ka kaca suuqa Bakaaraha.

Wixii faah-faahin dheeri ah ee kasoo kordha waxa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Daawo: Booliska magaalada Muqdisho oo ku lug yeeshay dilkii ugu halista badnaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta la hor geeyey kiiskii ugu adkaa oo dil ah oo booliska Soomaaliya uu ku lugyeeshay, kaas oo ah dilkii Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax oo laga afduubtay degmada Heliwaa, laguna dilay deegaanka Garasbaaley.

Taliyihii booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye ayaa hoggaaminayey kooxdii dishay ganacsadaha, waxaana shirqoolka soo abaabulay nin ay walaalo yihiin oo Dubai ka shaqeysta.

Ganacsade Abuukar Kaabax ayaa sababsaday is qabqabsi ganacsi iyo qorshe ahaa in shirkaadiisa hawada laga saaro, waxaana loo adeegsaday taliyihii masuulka ka ahaa amniga degmadii u uku noolaa.

Saddex askari iyo labo wiil oo reer Heliwaa ah, balse ciidanka aan u diiwaan gashaneyn ayaa taliyaha kala soo muuqday maxkamadda, dhamaantoodna waa diideen inay farta ku fiiqaan shakhsigii dilka geystay.

Ragga maanta maxkamadda la hor geeyey waxay ka sheekeeyeen sidii loo fuliyey dilkaan khaarajinta ah, sidoo kale xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa soo bandhigtay cadeymaha eedeymo yaab leh oo muujinaya wadooyinka la isticmaalay iyo dhaqdhaqaaqa guud ahaan halkii ay mareen taliyaha iyo ragga dilka la fuliyey.

Sidoo kale maxkamadda waxaa la hor keenay wiil yar oo la dhashay ganacsade Abuukar Kaabax oo la dilay, kaas oo la socday marxuumka markii ay ragaan qabanayeen, balse isla goobtii lagu qabtay lagu fasaxay, wuxuuna ka sheekeeyey sidii ragaan ay u qabteen.

Cadeymaha la keenay waxaa ku jirta in la helay bistooladii dilkaas lagu geystay, tixraaca akoonadii ay ku shubteen lacag laga dhacay marxuumka intii aan la dilin iyo muuqaalo muujinaya goobtii ay ku tureen qalabkii laga tixraaci karay oo Bistooladii lagu dilay iyo Computer-kiisii ay ku jiraan.

Waxaa la aqoonsaday ninkii lahaa Cimaamada indhaha looga xiray Abuurkar markii la tooganayey, taas oo nin ka mid ah eedeysanayaasha uu sawirro ku galay maalin ka hor dilka Abuukar.

Cadeymaha lasoo bandhigay waxaa ka mid ah fariimo uu diray Taliye Cabdifitaax oo ku raad yeeshay dilka iyo cadeymo laga hayo ninka dibadda jira ee xifaaltanka ganacsi nafta u dhaafiyey marxuumka ragaana u adeegsaday.

Hoos ka daawo maxkamadeynta

Daawo: DF oo cadeymo yaab leh ka baahisay sidii weerarkii Hotel SYL loo abaabulay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay muuqaal laga diyaariyey weerarkii Hotel SYL ee kooxda Al-Shabaab ay fulisay, kaas oo ay duubeen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, waxaana warbixintaan ka soo muuqanaya qaar ka mid ah raggii loo qabtay fududeynta weerarkaas.

Labo gaari oo nooca raaxada ah ayaa lagu geystay weerarkii SYL, kuwaas oo kala ah TOYOTA HAREIR iyo TOYOTA Barado, muuqaalkaan waxaa laga arkayaa labada gaari isgoyska Tarabuunka ilaa Sayidka oo lagu soo baaray ilaa ay ku qarxeen Hotel SYL.

Nooca qaraxyada ay isticmaaleen ee la arki waayey ayaa ahaa miinooyin dhejis ah, balse arrinta jawaabta loo waayey waa halka ay soo marsiiyeen qoryaha weerarka lagu geystay, waxaana la ogaaday in ragga afarta ah ee weerarka geystay ay gaariga ka raaceen banaanka hore ee Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

Waxay ragga weerarka fuliyey raacayaan gaariga dambe, iyagoo dagaal ku galay Hotelka, markii uu qarxay gaarigii hore, kadibna waxaa ciidankii soo gurmaday isku qarxiyey gaarigii siday dagaalameyaasha, halkaas waxaa ku geeriyootay 3 askari oo Haramcad ah, waxaana ku dhaawacmay askar u uku jiray Taliyaha guud ee Haramcad.

Intaas oo dhan muuqaalka ayaa laga dhex arkayaa, labada qarax iyo daqiiqadaha ay dhacayaan waxay ku jiraan muuqaalkaan, sidoo kale waxaa ku jira codadka ninkii soo gudbiyey gaadiidka ee magaalada soo geliyey iyo rag kale laga dhacay gaadiidka qaraxyada lagu xiray ee weerarkaas lagu geystay.

Labada gaari midka Baradada ah waxaa laga dhacay ninkii lahaa, halka HAREIR-ta lagu soo xiray Taariko laga soo furay gaari Caasi ah oo Khawaarijta ay 3 sano ka horn in uga dhacday duleedka Afgooye.

Nin oday ah oo sharaxaya sida loo soo gudbiyey gaadiidka is qarxiyey ayaa ku jira muuqaalka, kaas oo u xiran hey’adaha ammaanka, gaar ahaan NISA oo la wareegtay galka barista kiiskaan, markii uu weerarku dhacay.

Askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mid ah dadka u xiran weerarkii Hotel SYL, waxaana weli socda baaritaano xoog leh.

NISA ayaa dhawaan shaacisay in weerarkaas loo qabtay 16 qof oo ku eedeysan inay ku lugyeesheen, balse ragga muuqaalkaan ku jira waxaa qiraal ah hal nin oo oday ah oo aagga Walaweyn ku dhashay, walaalihiisna ay Shabaab yihiin.

Hoos ka daawo Muuqaalka

 

Sawirro: Muxuu guddoomiye MADAALE kusoo arkay xalay Xamarweyne iyo Liido?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne.

Kormeerka guddoomiyaha ayaa u daarna u kuur-galka dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira xilliyada habeenkii, maadaama lagu jiro tobonkii ugu danbeesay ee bisha Ramadaan, islamarkaana ay bulshada isku diyaarinayaan Ciidul Fidriga.

Kormeerkaan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen maamulka degmada Xamarweyne, saraakiisha laamaha amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu Duqa Muqdisho kasoo dukaameystay mid ka mid ah goobaha ganacsiga ee suuqa Xamarweyne.

Guddoomiyaha ayaa xog wareystay shacabka usoo dukaameysi tagay suuqa iyo qaar kamid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa Xamarweyne.

Madaale ayaa sidoo kale socod ku tagay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, halkaasi, waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xoojiyo guulaha laga gaaray amniga caasimadda.

Amaanka caasimadda ayaa bilihii u dambeeyay wanaagsana, ayada oo shacabka bilaabeen inay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya la shaqeeyaan, taasi oo ugub ah balse la arkay inay wax badan goyso.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa horey u ballan-qaaday inay xoog badan galinayso amaanka magaalada Muqdisho, waxayna markaas shacabka weydiisatay inay dulqaad muujiyaan iyo inay qeyb ka noqdaan qorshaha amaanka caasimadda lagu xaqiijinayo.

Sidee looga fal-celiyay go’aanka Soomaaliya ee ka dhanka ah Itoobiya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aanno culus oo ka dhan ah Itoobiya, kadib kulan ay maanta  magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo soo saaray qaraar culus.

Golaha ayaa go’aamiyay in la xiro laba qunsuliyadood oo Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

“Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood” ayaa lagu yiri go’aanka golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka”.

Hadda sidee looga faceliyan go’aannadan kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u boggaadiyay tallaabada ka dhanka ah Itoobiya ee ay qaaday dowladda Soomaaliyeed.

Cabdishakuur Galbeed “Waxaa qurux badneyd Soomaaliya oo idil in laga wada saaro”.

Xabiib Khayraawi “War itoobiya xoog bey sheeganeysaa ee dowladeenu xoog ma leedahay ay ku dhaqangeliso? Haddii kale waraaqahan iska dhaafa”.

Axmed Xaaji Nuur “Boggaadin ayaad mudan tihiin. Guulaysta”.

Maxamed Cabdixaafid Kaboole ayaa isaguna dalbaday in la eryo ciidanka Itoobiya “ciidamadeedana halagu daro”.

Asad Cabdullahi “Go’aan geesinimo leh mudane R/wasaare, marna dhex kama nihin kamana soo horjeedno ilaalinta sharafta dalkeena hooyo”.

Cismaan Yuusuf “Hambalyo shaqo wanagsan aa qabateen”.

Si kastaba, xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo kadib markii Addis-Ababa ay heshiis la gashay Somaliland, kaasi oo lagu sheegay in Ethiopia lagu siinayo dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan iyo dekad. 

PUNTLAND oo ka jawaabtay go’aanka ay DF ku xireyso qunsuliyadda ITOOBIYA

0

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay go’aanka ay maanta soo saartay dowladda federalka Soomaaliya ee lagu xirayo qunsuliyadda Ethiopia ee Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay sugto amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan aqoonsaneyn dowladda federaalka, isla markaana amaradeeda aysan ka dhaqan geli doonin gudaha Puntland ilaa inta laga helayo dowlad u dhaxeysa dadka.

Wasiir ayaa si gaar ah u eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Federaalka waxaa kagu ilaaliyaa Muqdisho wax kasta oo adeeg dowladeed ah ayey ku guul-dareysatay, argagixisadii ay ka saari weysay dalka, marka Puntland waa isku filan tahay, inay ku soo gudubtana waa ka badbadis, Xasan ma xiri karo qunsuliyadaha Garowe iyo Hargeysa,” ayuu yiri Maxamuud Ceydiid.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa intaas ku sii daray, “Xasan kama taliyo halkaan dowladnimada ma hayo, xukunkiisana ma fulo, caasimadii umadda ayuu joogaa, argagixiso ayaana dadka ku laysa.”

Sidoo kale wasiirka ayaa la weydiiyey sababta Puntland uga dambeyn la’dahay dowladda federaalka go’aanada laga qaadanayo khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay in Puntland uu dastuurku u ogolaanayo inay ka tashato aayaheeda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan ka maarmin dalka Itoobiya, maadaama labada dal ay xuduud dheer leeyihiin, dadka Soomaaliyeedna ay danao badan uga xiran yihiin dadka Itoobiyaanka ah, sida arrimo caafimaad, ganacsi, safarro iyo arrimo kale.

“Maaheyn in Xasan ku mashquulo isku socodka labada dal, ee waxaa habooneed inuu ka fikiro dhismaha dowlad xoog leh, dalka ammaanka ka dhigo, dowlad la aqoonsan yahay ka hirgeliyo, dadka dib u heshiisiin u furo, Xasan waa nin heysta maro jeex-jeexan,” ayuu yiri.

Wasiirka waxaa la weydiiyey in carada ay dowladda federaalka u qabaan ay Puntland u geysay inay xiriir la sameysato Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay, “maya sidaas maaha, Itoobiya xiriir waan la laheyn, arday Soomaaliyeed oo Puntland ka soo jeeda ayaa wax ka baratay dalka Itoobiya, dad dhakhtar u socda ayey Fiise sii saa, marka waxyaabo badan oo ganacsigu ka mid yahay ayaa ka dhaxeeya Soomaalida iyo Itoobiyaanka, qolo kastana dan ayey leedahay.”

Hoos ka dhageyso wareysiga.

Sababta ITOOBIYA ugu dhiiratay xadgudub kale xilli ay taagan tahay xiisada badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Itoobiya oo ka faa’iideysaneysa cilaaqaadka hoose ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulladiisa ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay si weyn ugu mashquulsaneyd inay xiriir toos ah oo u dhigma heer qaran la yeelato dhamaan maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Dhinacyada ay sida weyn ugu mashquulsanaayeen Itoobiya waxaa kamid ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Shalay waxay qaadeen tallaabo u muuqatay fara-gelin weyn oo kusoo aaday waqti xasaasi ah oo labada dal uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyo. Magaalada Addis Ababa waxaa shalay heshiis ku kala saxiixday dowladda Itoobiya iyo maamulka Puntland oo kamid ah maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Addis Ababa si ay culeyska ugu sii badiso madaxweyne Xasan Sheekh waxaa farriinta heshiiska lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Dhinaca Itoobiya waxaa heshiiska u galay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda, halka uu dhanka Puntland u galay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax.

Labada dhinac waxa ay sheegeen inay iska kaashanayaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta iyo mashaariicda kaabayaasha. Itoobiya waxay sheegtay inay xiriir soo jireen ah la leedahay Puntland.

Waxaa qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya laga ilaaliyay in lagu xuso in Puntland ay ka tirsan tahay Soomaaliya, meelna laguma soo hadal qaadin Soomaaliya. Waxayna farriintan u muuqatay mid Itoobiya kusii xoojineyso duullaanka iyo fara-gelinta ay ku hayso Soomaaliya.

Muddo ku dhow labo sano waxaa taagna khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, laakiin maamulka uu Siciid Deni hoggaamiyo ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabteen dowladda dhexe, kadib markii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen dastuur aanay qeyb ka aheyn Puntland.

Waxay kale oo sheegeen inay u dhaqmi doonaan sida dowlad madax-banaan oo dhameystiran. Tallaabada ay maanta qaaday Addis Ababa waxay dadka qaar sheegayaan inay kusoo xigto inuu Abiy Axmed qaabilo Saciid Deni oo arrinta laga dhigo mid intaan ka gudo weyn.

Puntland waxay qaaday tallaabo ay kusii kordhineyso xiisadda kala dhaxeysa dowladda dhexe. Waana farriin aan u fiicnayn nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh oo dunida usii sawireysa inuu madaxweynaha isku hayn la’yahay dalkii.

Labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiisad culus dhex taalay tan iyo 1-dii bisha Janaayo ee sanadkaan, markaas oo ay Itoobiya heshiis la gashay Somaliland, kaas oo la xiriiray qeyb kamid ah biyo baddeedka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Muqdisho marna xiriirka uma jarin Addis Ababa intii ay xiisaddan taagneyd, balse maanta ayay qaaday tallaabaddii ugu cusleyd ee ka dhan ah xadgudubka Itoobiya, iyada oo ceyrisay safarkii Muqdisho u fadhiyay, islamarkaana xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Hargeysa iyo Garoowe

“Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood,” ayaa lagu yiri qaraarka dowladda ee ka dhanka ah Itoobiya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxaa talo deg deg ah uga baahan sida ay uga hortagi karto wada-hadallada ay Itoobiya kula jirto xilligaan maamullada kale ee dalka, kuwaasi oo haddii iyaguna heshiisyo la galaan Itoobiya ay uga sii dari karto xaaladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xilligaan wajaheysa waqti adag oo gudaheeda ah oo aan la inkiri karin, marwalbana waa wax la filan karey inay dalalka deriska ka faa’iideystaan khilaafka u dhaxeeya Soomaalida.

Wasaaradda A/Dibadda oo dabaqday qaraarka, 72 saac u qabatay safiirka Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dabaqday go’aannadii maanta kasoo baxay Golaha Wasiirada ee ka dhanka ahaa Itoobiya.

Wasaaradda ayaa soo saartay tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo fara-galin qaawan ku haysa dowladda federaalka Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay damaca badda.

Go’aanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo daba socda qaraarkii maanta ee Golaha Wasiirada, ayaa waxaa lagu amray Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya inuu dalka uga baxo 72 saacadood gudahooda.

Wasaaradda ayaa amartay tallaabooyin xasaasi ah oo lagu dabaqayo qaraarkii maanta, kuwaasi oo kala ah;

1- Safiirka dowladda gederaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72 saac gudahood uu uga baxo Soomaaliya.

2- In muddo toddoba maalmood gudahood ah lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

3- In Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u jooga Addis Ababa loogu yeero Muqdisho, si wada tashi buuxa loogu sameeyo.

Tallaabooyinkan ayey wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay in loo qaaday si loo ilaaliyo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xadgudubka Itoobiya ay ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dalka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa.

“Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood,” ayaa lagu yiri qaraarka dowladda ee ka dhanka ah Itoobiya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Falcelin culus oo ka dhalatay isbeddelka maanta lagu sameeyay hay’adda NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA oo loo magacaabay Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Magacaabista Sanbloolshe ayaa timid kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taasi oo ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Isbeddelkan maanta lagu sameeyay hay’adda NISA ayaa waxaa ka dhashay fal-celin weyn, ayada oo xusan mudan tahay in booskaan uu banneeyay Mahad Salaad oo isagu u hanqal taagayaa hoggaanka sare ee Galmudug, isaggoo ka qayb-geli doona doorashada soo socota ee maamulkaasi.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay?

Axmed Naaji Cabdalla: “Hambalyo Taliye Sanbaloolshe waa nin wayn u qalma Hay’adda NISA.”

Cabdicasiis Cali-xiir ayaa isna waxa uu yiri “Wasaaradda wax soo jeedineysa wasiir xitaa malaha!.”

Cabdullaahi Aadan Afyare: “Hambalyo Taliyaha la magacabay waxaan rajeynayaa shaqadaas inuu kasoo baxo iskana ilaaliyo xilka inuu dad ku dulmiyo maadama xilku yahay meerto.”

Guuleed Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu isna yiri “Ninka hada loo dhibay wallee Mahad baa dhamay laakiin aan aragno bal!.”

“Soo dhawaaw ayaan leeyahay Mahad Salaad intoo qabtay iyo kasii badan waa ku arki doonaa adigane Insha Allah,” ayuu yiri Cabdulqaadir Muxuyidiin.

Yuusuf Xuseen Nuur: “Reer Hiiraan waxaan leeyahay kursi mug leh baad hesheene ee raadiya xasilinta gobolka Hiiraan, joojiyana dhowrka madaxweyne ee ad magacaabeysaan.”

Cabdullaahi Xuseen Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu isna yiri: “Sow Qalbi Dhagax uma dhiibin Itoobiya kan?!.”

“Agaasime Mahad Salaad amniga dalka howl la yaqaan ayuu kasoo qabtay, xilkuna waa meerto wuxuuna nooga tagay hal abuuro amni oo aad u sareyso aan ku xasuusaneyno nabad-galyo mudane. Agaasimaha cusub Sanbaloolshe soo dhawow ayaa leeyahay,” ayuu yiri Cabdullaahi Xasan.

Aqriso: Qaraarka culus ee golaha wasiirada ay kasoo saareen xadgudubka Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xadgudubka Itoobiya ay ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dalka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyey qaraar xasaasi ah oo ay soo saareen Golaha Wasiirada Soomaaliya, kaasi oo lagu faah-faahiyey sababaha loo cuskaday tallaabooyinka ka dhanka ah Itoobiya. Hoos ka aqriso qaraarka

QARAARKA GOLAHA WASIIRADA EE KU AADDAN HABDHAQANKA GURRACAN IYO FARAGELINTA QAAWAN EE DAWLADDA ITOOBIYA.

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markii ay arkeen: Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b) iyo (c) ee Dastuurka dalka;

Markii ay arkeen: Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 12aad oo xeerinaya in dowladda soo dirsatay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah aysan xafiisyo ka furan karin meel ka baxsan meesha uu madaxa ergadu uu ka howlgalo, haddii aan oggolaansho cad laga helin dowladda martida loo yahay;

Markii ay arkeen:  Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 41aad faqradiisa 3aad oo xeerinaysa in xarumaha diblomaasiyadeed aan loo isticmaali karin ujeeddooyin ka baxsan shaqada uu sharcigu u oggol yahay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah;

Markii ay garowsadeen: In faragelinta qaawan ee Dowladda Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xadgudub ku tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya;

Waxa ay soo saareen qodobbada soo socda:

QODOBKA 1AAD: XIRITAANKA QUNSULIYADAHA ITOOBIYA

1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.

2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

QODOBKA 2AAD: XADGUDUBYADA

1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.

QODOBKA 3AAD: DHAQANGALKA

1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.

2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

MAHAD SALAAD ma la cayriyay mise isaga ayaa is-casilay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulanloodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka sare ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyo (NISA).

Golaha ayaa kulankooda ku ansixiyay in Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu noqdo taliyaha hay’adda NISA, kaas oo markii saddexaad qabanayo xilkan.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka.

Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Ninkan ayaa beddelaya Mahad Salaad oo xilkan soo hayay tan iyo 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan, kaas oo horay u gudbiyay is casilaadiisa.

Mahad Salaad oo ka hadlay isbeddelka dhacay ayaa uga mahadeliyay ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa, sida ay ula shaqeeyeen, wuxuuna sidoo kale u mahad-naqay madaxweynaha.

“Waxaan hambalyo u dirayaa taliyaha cusub Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo markale nasiib u yeeshay inuu maamulo hay’adda NISA” ayaa ku yiri qoraalkiisa.

Mahad Salaad ayaa hadda u hanqal taagaya hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug, isaga oo ka qayb-geli doono doorashada soo socota ee Galmudug.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Soomaaliya oo cayrisay safiirka Itoobiya, xirtay laba qunsuliyad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ka cayrisay safiirka Itoobiya, waxayna xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa, sida lagu sheegay qaraar kasoo baxay golaha wasiirada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya.

“Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan “ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.

Safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa loo qabtay inuu dalka uga baxo muddo 72 saac, sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa billaabatay bishii Janaayo kadib markii Addis-Ababa ay heshiis la gashay Somaliland, kaasi oo lagu sheegay in Ethiopia lagu siinayo dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan iyo dekad. 

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in Itoobiya ay taas beddelkeed u aqoonsaneyso Somaliland dal ka madax banana Soomaaliya, inkasta oo taasi aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Dhinaca kale, go’aankan ayaa imanaya maalin kadib markii Itoobiya ay qaabishay wafdi ka socday maamulka Puntland oo booqday magaalada Addis-Ababa. 

Barta ay Facebook ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa Arbacadii lagu sheegay, in Itoobiya iyo maamul goboleedka Puntland ay ku heshiiyeen in la wanaajiyo xiriir ay ku sheegeen inuu dhinacyo badan leeyahay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed. 

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in in maamulka cusub ee Puntand uu doonayo, inuu xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya, islamarkaana ay carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha iyo iskaashiga dhaqaale, ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland ayaa waxaa xiisad ay muddo kala dhaxesay dowladda federaalka, ayada oo dhowaan sheegtay inay aqoonsiga kala laabatay dowladda federaalka kadib markii baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyey wax ka beddelka dastuurka. 

Sanbaloolshe oo maanta loo magacaabay agaasimaha NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA oo loo magacaavay Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Magacaabista Sanbloolshe ayaa timid kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taasi oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka.

Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa uga mahad-celiyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Mahad Salaad ayaa xilkan iska casilay, wuxuuna u hanqal taagayaa hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo ka qayb-geli doono doorashada soo socota ee Galmudug.

Mahad Salaad ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kahor ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Maxaa ku qoran warqadda sirta ee uu Siyaad Barre qoray geeridiisa kahor ee la helay?

London (Caasimada Online) – Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan baaritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu keydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).

Waxaan daba-joogay dhammeystirka daraasad ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatameeyadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.

Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan jiray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.

Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Oktoobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban saddex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo diray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.

Warqaddu waxay ku billaabatay qoraal yar oo cover ah, oo gaaban, oo ay Canab Maxamed Siyaad Barre, oo uu dhalay Maxamed Siyaad, ay ku sharraxeyso waxa ay tahay warqadda aabbaheed.

Sida muuqata, safaaradda Ingiriiska ee Kenya ku taalla waxay warqadda ka heshay Canab lafteeda, oo diblomaasiyiin ajnabi ah ku guddoonsiisay Hoteel PanAfric ee magaalada Nairobi, oo markaas ay address ka dhigatay Canab, sheegtayna in P. O. Box-keedu uu yahay 244144, mana sheegin qolka ay ka deggan tahay hoteelka. Taariikhda ay cover-ka ku qortay waa 19-ka bisha Oktoobar 1992.

Canab waxa ay ku billowday cover-keeda in warqadda Maxamed Siyaad Barre ay tahay ‘Warqad Nabadeed’ (Letter of Peace).

Waxa ay tiri: ‘Waxa aan idinku wargelinayaa dadaalka joogtada ah ee Mudane Maxamed Siyaad Barre ee ah in nabad iyo xasilooni lagu soo celiyo Soomaaliya, sidaas awgeed waxaa halkan ku lifaaqan warqadda soo socota, oo ah mid iyadu is sharraxaysa, oo ah farriin nabadeed oo ku socota dhammaan hoggaamiyeyasha dhaqanka Soomaaliyeed, kana timid Mudane Maxamed Siyaad Barre, oo kula talinaya inay saacidaan dadaalka gargaarka iyo nabadda ee ay waddo Qaramada Midoobay iyo inay xal-waara u raadiyaan mushkiladda maanta haysata Soomaalida si loo ilaaliyo ummad-nimadooda’.

Meesha u dambeysa ee cover-ka waxa ay Canab ku sheegatay inay tahay Ergay Gaar ah, oo ka wakiil ah Maxamed Siyaad Barre, mana aysan ku sheegin wax title ah oo uu leeyahay aabbaheed, kaddibna magaceeda ayay ku saxiixday. Waxaa hoos ku sii taalla stamp ay ku dhufatay safaaradda Ingiriiska ee Kenya, oo taariikhdeedu tahay 26-ka Oktoobar 1992, oo u muuqata inay tahay maalintii ay sida rasmiga ahayd warqadda u guddoomeen.

Bogga koowaad ee Warqadda Maxamed Siyaad, waxaa ku taalla stamp-da Madaxtooyada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waxayna ku taariikheysan tahay 15-ka bisha September 1992, magaalada ku qoran-na waa Lagos, dalka Nigeria.

Wuxuu ku billaabay: ‘Waxaan jeclaan lahaa inaan kaga faa’iideysto fursaddaan inaan idin soo gaarsiiyo salaanteyda, si sharaf iyo xurmo ay ku dheehan tahay.

Farriinteydu waxay idiin siddaa warbixin iyo talooyin ku saabsan xalka arrimaheenna gudaha, waxaana la socda baaq ku wajahan dhammaan xoogagga ka ciyaari kara door wanaagsan hannaanka nabadda ee Soomaaliya’.

Arartaas kaddib wuxuu yiri: ‘Muwaadiniinta dalkeygow, labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan marqaati ka ahayn burburka qiyamkii taariikhiga ahaa iyo hiddihii dhaqanka ee jiilasha mustaqbalka’.

Halkaas markuu marayo, hal mar ayuu gadaal u noqday, wuxuuna yiri ‘waxaa muhiim ah in la xuso dagaalkii aan la galnay qabyaaladda waqtigii la soo dhaafay’.

Wuu sii watay, wuxuuna xusay in markii taliskiisu ay duugayeen qabyaaladda aysan ka soo horjeedin dhaqankii jilibyada ee Soomaaliya, laakiin ay ka soo horjeedeen ‘canaasiir’, sida uu yiri, ‘ku howlan naftooda oo isticmaalaya qabyaalad iyagoo u daneynaya danahooda shaqsiga ah’.

Wuxuu intaas ku sii daray ‘faham la’aanta dadka caadiga ah aysan ku kala saari karin kuwaas ayaa keentay inay taageeraan kuwa loogu yeero qabqablayaasha dagaalka, oo ku keenay ummadda Soomaaliyeed inay kufto, iyagoo dadka u kala qaybiyey qabiillo iyo jufooyin, kana barakiciyey waqooyi iyo koonfur’.

Bogga koowaad, wuxuu ku soo gunaanaday in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo ururrada bini’aadamnimada ay muddo dheer ku howlanaayeen ‘inay badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee uu sameeyey dagaalka sokeeye, una fidiyaan caawimaad ka kooban cunno, daawo iyo dhaqaatiir’, taasoo keentay inay qaarkood ku waayaan naftooda, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Bogga labaad, wuxuu ku billowday inuu ka warbixiyo in kaddib markii amnigooda la geliyey qatar in bulshada caalamka ay go’aansaday laba arrimood: (1) Inay joojiyaan wixii caawimaad ah, illaa xabbad-xoojin lagu heshiinayo, ama (2) Inay cunnada sii qaybiyaan, kana badbaadiyaan dadka baahida iyo xabbadaha, ayna dadaal kasta ku bixiyaan in la joojiyo dagaalka iyo qalalaasaha.

Isaga oo mar walba qoraalkiisa dhex-taal uga dhigaya ‘muwaadiiinta dalkeygow’ ayuu bogaadiyey Xoghayihii xilligaas ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali iyo magacaabista uu Maxamed Saxnuun u magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya, si uu uga caawiyo Xoghayaha Guud arrimaha la xiriira xal nabadeed oo loo helo khilaafka ka taagan Soomaaliya.

Maxamed Siyaad Barre, wuxuu kaloo bogaadiyey dalka Mareykanka, oo ciidan u soo diraya xeebaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan howlgallada Qaramada Midoobay.

Wuxuu yiri ‘uma aragno tallaabadaas inay tahay caqabad, laakiin waa xoog caawimaad oo gacan ka geysanaya nabadda dalkeenna’. Si kastaba, wuxuu sheegay inuu welwelka uu qabo la qeybsaday dalal uu ku sheegay ‘wadammada saaxiibbada ah’, sida Mareykanka, wadammada Yurub, wadammada Afrika iyo wadammada Carabta, qaasatan Sacuudiga, uuna ka codsaday inay caawimaad baaxad leh (massive assistance) u fidiyaan dad ka kooban hal milyan iyo bar, oo u baahan caawimaad degdeg ah oo dhanka cunnada iyo daryeelka, kuna sugan dalka gudihiisa iyo xuduudaha Kenya iyo Itoobiya.

Wuxuu yiri ‘waxaan wargeliyey dowladahaan inaysan ku dhex-wareerin arrimaha siyaasadda iyo si ay nabad uga sameeyaan Soomaaliya inay wada-shaqeyn la yeeshaan hoggaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta wanaagsan ee aaminsan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya’.

Wuu sii watay, wuxuuna sheegay inuu baaq (appeal) u diray Qaramada Midoobay in shuruudaha ciidan nabadeed loogu daabulayo Soomaaliya inaysan la mid noqon ‘xaaladdii aan ku sugneyn 1950-1960, oo ahayd maxmiyaddii Qaramada Midoobay’.

Bogga saddexaad, oo ah kan ugu dambeeya, wuxuu tilmaamay in si’ xaaladda Soomaaliya loogu soo afjaro waqti hore inuu u soo jeedinayo hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sida boqorrada, garaadada, malaaqyada, suldaannada, imaamyada, islaannada iyo wabarrada (ugaasyada kuma uusan soo darin), inay go’aansadaan inaysan wax dadaal ah la harin, ‘si loo dhaqan-geliyo hindisaha soo socda ee lagu hubinayo, laguna soo celiyo madax-bannaanidii iyo ummadnimadii’. Hindisaha uu u soo jeediyey kaaba-qabiillada, wuxuu ku billaabay:

1. In la taageero dadaallada nabadda ee Qaramada Midoobay, iyadoo la kaashanayo Ururka Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Ururka Yurub, iyadoo la aqoonsanayo in taasi ay tahay danaheenna.

2. In lagu dadaalo in la hagaajiyo amniga iyo xasiloonida garoomada iyo dekedaha, si loogu gogol-xaaro gaarsiinta qalabka gargaarka inuu gaaro dadkeenna macluulsan.

3. In la abuuro tallaabooyin kalsooni-dhisid ah oo u dhexeeya ‘dadka gobollada deriska ah’, si loo raadiyo soo-celinta nabadda iyo wada-hadalka iyadoo la isticmaalayo tallaabooyin ku jaango’an hababka dhaqanka.

4. In la diido, lagana fogaado isbahaysiga cusub ee aan barakada lahayn ee qaabkiisu yahay qabiilka.’

Intaas kaddib, wuxuu kula dardaarmay, ‘Muwaadiniinta dalkeygow, wiil ayaa ku dhinta dagaalka, kuma dhasho’. Wuxuu ku soo afjaray: ‘Waan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin’, kaddibna saxiixiisii ayuu ku duugay.

Midda xiisaha leh, waa in saxiixa kaddib uu qortay inuu yahay darajada ‘Madaxweyne’, iyadoo laba sano iyo bar ka hor xukunka xoog lagaga tuuray. Hase yeeshee, warqaddaan warqad ka dambeysay, oo laba bog ahayd, oo uu 10-kii bishii February 1993-kii u diray Madaxweynihii Mareykanka, lagana helay maktabadda keydka Bill Clinton, wuxuu ku saxiixay inuu yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Ingiriis
Jaamacadda King’s College London

Muqdisho: Nin shacab ah oo sabab yaab leh loogu dhex dilay goob timaha lagu jaro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee Talaadii ka dhacday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Cali Gololey oo kala qaybisa Dharkenley iyo Kaxda.

Dhacdada ayaa timid, kadib markii halkaas si arxan darro ah uu askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ugu dilay nin shacab ah oo ku sugnaa Timo-jare ku yaalla halkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Sacad Cabdi Muuse.

Wiil uu dhalay marxuumka ayaa sheegay in aabhiis loo dilay iiga kac kursiga Timojaraha aniga ayaa ka hormaraayo, sida uu u sheegay warbaabhinta

“Aabahey waxaa la dhahay anaa fuulaayo ee ka kac Timo-jaraha, caawa wuxuu sariir ku saaran yahay adiga ma fuuleysid ee anaa fuulaayo ayuu mayd ku yahay” ayuu yiri.

Sidoo kale gabar kamid ah ehellada marxuum Sacad Cabdi Muuse ka sheegay sida ay wax u dhaceen, waxaana ay sheegtay inuu abti uu ahaa marxuumka.

“Abtigeyga waxaa lagu dilay gar darro cad isaga oo Timo-jare fadhiyo gacan ka xaq darran ayaa dishay, waxaan dalbaneynaa in wax naloo qabto” ayay tiri gabadhu.

Waxaa kale oo ay intaasi ku daray inay aasi doonin maydka, illaa iyo cadaaladda lasoo istaajino askariga dilay marxuumka.

“Abitigey mala duugaayo inta aan ka heleyno cadaalad Firinjeerka ayuu noogu jirayaa” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ay goor dambe soo qabteen ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso falal argagax leh oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.