26.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Daawo: DF oo baahisay muuqaalo laga helay Shabaab-kii weeraray Hotel SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa xalay baahisay hordhaca muuqaal ay duubeen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigayo sii uu u dhacay weerarkii Hotel SYL.

Muuqaalkaan oo hordhac ah ayaa la balamiyey in habeen dambe oo Khamiis ah la baahi doono, waxaana ka soo muuqanaya xubno loo qabtay weerarkaas oo qiranaya inay fududeeyeen.

Labo gaari oo nooca raaxada ah ayaa lagu geystay weerarkaas, waxaana gaadiidka la arkaya markii ay dhaafayaan isgoysyada Tarbuunka, Shaqaalaha, Dabka, Sayid ilaa Hotelka SYL oo labada gaari ay ku qarxeen.

Ragga weerarka fuliyey ee toos u dagaalamay oo afar nin ahaa ayaa gaariga ka raacay banaanka hore ee masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxayna raacayaan gaariga dambe, iyagoo dagaal ku galay Hotelka, markii uu qarxay gaarigii hore.

Intaas oo dhan muuqaalka ayaa laga dhex arkayaa, balse waa hordhac muuqaalka ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, waxaana isagoo dhameystiran la sheegay in la baahi doono habeenka Khamiista ah.

Nin oday ah oo sharaxaya sida loo soo gudbiyey gaadiidka is qarxiyey ayaa ku jira muuqaalka kooban ee la baahiyey, kaas oo u xiran hey’adaha ammaanka, gaar ahaan NISA oo la wareegtay galka barista kiiskaan, markii uu weerarku dhacay.

Askar ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mid ah dadka u xiran soo gudbinta gaadiidkii ku qarxay weerarka Hotel SYL, waxaana weli socda baaritaan xoog leh.

NISA ayaa dhawaan baahisay in weerarkaas loo qabtay 16 qof oo ku eedeysan inay ku lugyeesheen, balse waxaa laga xusay nin magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir oo gaadiidka qarxay soo geliyey magaalada.

Xogta muuqaalkaan ku jirta waxaa ka mid ah magacyada milkiilayaashii iska lahaa gaadiidka is qarxiyey iyo guud ahaan macluumaadka raggii weerarka geystay oo baaritaanka NISA lagu helay.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan oo tegay masjidkii Nebiga NNKH una soo duceeyey Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa maanta booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa shalay si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jiddah.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadlaya xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood ee Soomalaiya iyo Sacuudiga.

Arrimaha ajendaha ku jira ee wadahadalka madaxweynaha iyo Boqorka diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee labada dal ay wadaagaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotadheer, waxaana hadda socda qorshe lagu sii xoojinayo xiriirkaas muhiimka ah ee labada dal.

Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa xasuusan garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa ee Soomaalidu ay soo martay.

Shirarka madaxda Sasuudiga uu la yeela doono kadib, Xasan Sheekh ayaa u gudbi doona cumrada, maadaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyey bishaan barakeysan ee Ramadaan.

Sacuudiga ayaa inta badan madaxda dalalka saboolka ah casuumaad u dira, si ay uga faa’iideystaan cumrada iyo xajka, maadaama dalkiisa ay ku yaallaan goobaha barakeysan ee loo dawaaf tago.

Ciidamada DF oo howdka ugu galay Al-Shabaab + Sawirro

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay qaadeen Ciidanka Ilaalo Qaran ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Ciidamada ayaa isku fidiyay dhulka howdka ah ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

War kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen deegaanada Maracadde, Galka Saalimow iyo Garas-wayne oo ah dhul howd ah.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa dhagarta Al-Shabaab, gaar ahaan weerarada ay kasoo abaabulaan halkaasi, sida lagu sheegay qoraalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemaaya howdka gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeelaha Hoose, si looga saaro kooxda.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf xoogan oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Xog: Isbeddel lagu sameynayo maanta hoggaanka NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay isbeddel ku sameeyaan hoggaanka sare ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), kadib markii la sheegay inuu is casilaad gudbiyay Mahad Salaad.

Wararka ayaa sheegaya kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada maanta lagu magacaabayo agaasime cusub oo halkeeda kasii wadi doono shaqada hay’adda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mahad Salaad ayaa doonaya inuu isku sharraxo xilka madaxweynaha Galmudug, si uu uga qayb-galo doorashada soo socota ee hoggaankaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in laga yaabo in booska Mahad Salaad loo magacaabo Xildhibaan Sanbaloolshe oo horay usoo qabtay hoggaanka NISA.

Sidoo kale baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay warka ku saabsan is casilaadda Mahad Salaad iyo in uu maanta dhacayo isbeddelka lagu sameynayo hay’adda NISA.

Mahad Salaad ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kahor ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale laga sugayaa inuu soo buuxiyo kuraasta ka maqan golaha wasiirada, gaar ahaan wasaaradaha amniga iyo dibadda oo muddo bannaan.

Wasaaradda amniga waxaa horay u hayay Maxamed Cali Doodishe oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, halka wasaaradda arrimaha dibadda uu iska casilay Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo isku sharraxay hoggaanka sare ee Puntland.

Tallaabadan ayaa haddii laga dhabeeyo waxa ay kusoo aadayaan, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Sawirro: Booliska Cadaado oo soo bandhigay rag badan oo loo haysto arrin xasaasi ah

0

Cadaado (Caasimada Online) – Booliska Degmada Cadaado ayaa gacanta ku soo dhigay ku dhawaad 10 qof oo la sheegay inay masoomayaal yihiin.

Raggaan ayaa lagu soo qabtay howlgallo ay ciidamada booliska degmada Cadaado ka fuliyeen duleedka degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha saldhigga booliska Cadaado L/Xidigle Xuseen Axmed Xaashi ayaa sheegay in ragaan lasoo qabtay ay muddo kudaba jireen.

Taliyaha ayaa sheegay in maanta ay ku guuleysteen soo qabashada raggaan ku eedeysan inay masoomayaal yihiin.

Taliyaha oo faahfaahin ka bixiyey arrinta lagu soo qabtay ragaan 10-ka gaaraaya ayaa sheegay in waxyaabaha maanka-dooriya ay isticmaalayeen maalin cad, iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ragaan ayaa laga soo qabtay deegaanka Bali-higis oo hoos taga degmada Cadaado, halkaas oo waxyaabaha maanka-dooriya ay ku isticmaalayeen.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa digniin culus u diray dadka falalka noocaan ah ku guda jira, asagoo sheegay in cidii lagu qabto tilaabo adag ay ka qaadi doonaan.

Inta badan gobollada dalka iyo caasimadda Muqdisho inta lagu guda jiro bishaan barakeysan ee Ramadaan waxaa lagala dagaalamaa dadka masoomayaasha ah, maadaama dadka Soomaaliyeed ay dhamaantood muslimiin yihiin.

Xog: Mucaaradka dowladda oo laba garab u kala jabay iyo arrimaha ay isku diidan yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa suurta-gal ah in markii ugu horreysay aanay mucaaradka isku weel noqonin oo aanay u midoobin dagaalka kursiga looga dajinayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2004 marwalba waxaa jiray mucaarad isku mowqif ah, kulma oo ka doodda sida kooxda xukunka joogta loo bixin karo oo gunaanadkana codadka isku biiriya, si uu isbeddel u dhaco.

Laakiin doorashada nagu soo aadan hanaan midkii hore ka duwan oo mucaaradnimo ah ayaa la arki karaa. Durba laba daraf oo mucaarad ah oo isdiidan ayaa soo ifbaxay.

Dhinac waxaa taaga laba madaxweyne hore waa Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhinaca kalena waxaa taagan ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid iyo siyaasiga mowqifkiisa guur-guurin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sheekh Shariif wuxuu markii hore la bilaabay garabka Kheyre, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Laakiin tan iyo markii Farmaajo kula kulmay waddanka Turkiga oo ay soo baxday inay labada dhinac midoobeen, wuxuu Shariif ka xarig furtay garabkii hore wuxuuna ku weel noqday Farmaajo.

Waxaa la sheegay inuu labadii billood ee lasoo dhaafay dhowr jeer isku dayay inuu dhinacyada oo dhan isku biiriyo oo uu soo saaro mucaarad mideysan, laakiin sidan xogta ku helnay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa diiday inay Farmaajo ku koox noqdaan.

Isku dayo uu Shariif Sheekh Axmed waday oo aheyd in mucaaradka dhamaan Xamar iskugu tagaan oo ay shir wada-jir ah qabtaan ayaan shaqeynin.

Marka laga hadlayo in Xasan Sheekh Xamar lagula dhigto, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre waa jilaayal aan la’antood wax badan la nuuxin karin. Sababaha ay u diidan yihiin dhinaca kale in la isku biiro waxaa kamid ah;

1. Eeddaha Farmaajo oo weli ka badan kuwa Xasan Sheekh

Si umadda looga iibiyo qaladaadka madaxweyne Xasan Sheekh oo loola gar dhigo waa inay kooxda ka eeddo iyo qaladaad yar tahay Xasan Sheekh. Marka uu Farmaajo ku biiro kooxda micnaheedu waa inuu miiska fadhiyo nin boqol jeer ka badan Xasan Sheekh dhinaca gabood-falka dowladnimada.

Sidaas awgeed kooxda diidan in la isku biiro waxay aaminsan yihiin inay mucaaradnimadooda xalaal noqon karin haddii Farmaajo ku lamaanan yahay.

2. Cudur la’aanta Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo loo haysto muddo kororsi sharci darro ah, inuu dastuurkii dalka iska tuuray, inuu muwaadin Soomaali ah cadow u dhiibay, inuu Muqdisho dagaal geliyay, inuu isku dayay inuu dilo madaxweynayaal hore, inuu cuna-qabateeyay gobollada qaar, inuu argagixisada cayiliyay iyo dad nolol iyo geeriba lagu waayay muddo xileedkiisi ayaa weli cafis weydiisan umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca diidan in la isku biiro waxay soo jeediyeen inuu Farmaajo umadda cafis weydiisto si looga fikiro in wada-jir Xasan Sheekh loo wajihi karo. Isaguna hadda taas diyaar uma ahan, oo waxaa la sheegay inuu rabo in isagoo eedahaasi loo haysto inuu markale xukunka u tartamo.

3. Fursadda xukunka

Dhinaca diidan isku biiridda waxaa la fahamsan yahay inay aaminsan yihiin in haddii ay madaxweynayaal hore wax ku darsadaan in laga qaadanayo hoggaaminta mucaaradnimada iyo fursadaha imaan kara.

Sidaas darteed waxaa muuqata inay tijaabinayaan inay gaar u dagaalaman.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale noqon kara dheri kale oo gooni u shidan, maadaama uu leeyahay damac federaal ah.

Waxaana dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda isweydiinayaan waxa Xasan Sheekh faa’iido ama khasaare ugu sugan mucaarad iyaguna is-diidan kadibna isaga diidan.

Dowladda Xasan oo qaaday wadaddii kooxda Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday wadaddii kooxdii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu tirin jiray mid ku caan-baxday waxa loogu yeero “aargoosi siyaasadeed”.

Wasiir ka tirsan dowladda Xasan Sheekh ayaa shalay qaaday tallaabo u muuqatay aargoosi siyaasadeed oo lagu beegsaday la-taliye sare oo baraha bulshada ku baahiyay qoraallo ay jeclaysan dowladda.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Amniga Gudaha oo uu ku saxiixna Wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaa lagu joojiyay heshiiska la-talinta Samira Gaid ee mashruuca SJGAB, kaasi oo ay maal-geliso Midowga Yurub, sababo la xiriira qoraaladeeda siyaasadeed ee Twitter-ka.

Qoraallada Samira ayaa loo arkay inay khilaafsan yihiin “madax-bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka la-talinta, sida lagu yiri qoraalka wasaaradda amniga gudaha.

Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keenayso walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurta-galnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyada oo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay “mid siyaasadeed.”

Kooxdii Farmaajo ee NN ayaa kal xukunkoodii caan ku ahaa tallaabooyinka noocaan ah, iyada oo sidan oo kale dad shaqooyin iyo qandaraasyo ka heystay hay’addo ay sidaan oo kale shaqada uga joojiyeen, kadib markii ay is-qaadan waayeen aragtidooda siyaasadeed.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay sheegay in dowladdiisa aysan ku kici doonin “aargoosi siyaasadeed” lamana oga in tallaabadan ay qeyb ka tahay isbeddelka aragti ee waayadan dambe uu caashaqay madaxweynaha.

Isbeddelka rejada dagaalka kadib tallaabadda uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore saxiixay afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka oo dhawaan ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxa uu shalay tagay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasi oo muddo sanad laga joogo laga xoreeyay argagixisada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa wasiirka gaashaandhiga oo eeddo badan ay hareynayaan, wasiirka arrimaha gudaha iyo hoggaamiyaha maamulka Galmudug.

Xarardheere maxaa ka taagan xilligaan?

Magaaladan waxay muujisay adkeysi tan iyo markii ay ka adkaatay argagixisada. Noloshadii bulshada ayaa dib usoo laabatay, si gaar ah ganacsigii iyo waxbarashadii, balse dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay argagixisada ayaa culeys badan soo saartay magaalada.

Waxay dhowr dagaal oo qaraar ka dhaceen deegaano ku teedsan magaalada oo ay argagixisada soo weerartay. Laakiin dadka deegaanka waxay muujiyeen adkeysi iyo isku filnaansho.

Inay argagixisada magaaladan culeys soo saarto waxaa ugu wacan dib u gurashada ka dhacday deegaanada kale qaar iyo argagixisada oo uusan dhinac kale dagaal uga socon.

Reer Xarardheere waxay muujiyeen inay weli tabar u hayaan inay deegaannadooda difaacdan.

Maxay dhali kartaa booqashada madaxweyne Xasan Sheekh?

Safarka shalay uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Xarardheere waxa uu muujinayaa ahmiyad iyo inay dowladda qaadatay baaqii ahaa in magaalada culeyska haysto loo gurmado weliba si ficil ah.

Qiimeynta maanta ee madaxweynaha waxay dhali doonta in ciidanka deegaanka iyo midka dowladdaba la xoojiyo.

Fursada ku noqoshada guud ahaan dagaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhawaan Villa Somalia kula shiray xubnaha xisbigiisa UPD. Wuxuu u sheegay in markii howsha dastuurka iska dhameeyo inuu dib ugu laaban doono furimaha dagaalka.

Wuxuu kale u sheegay in arrimaha siyaasadda iyo maamulkaba uga tegi doono ra’iisul wasaaraha. Habeen hore ayuu madaxweynaha iska soo xiray howshii dastuurka, inuu isla shalay furimaha dagaalka aadayna waxay muujineysa in hadalkii uu kooxdiisa u sheegay uu dhab ka yahay, waana fursad u wanaagsan dalka iyo dowladnimadaba in dib loogu laabto dagaalka.

Caqabadaha dagaalka curyaaminaya

Caqabado la xiriira dagaalka ayaa weli jira, waxaa kamid ah hoggaan xumo ay ka cabanayaan askarta, waxaana loo baahan doona xooga isbeddel ah si dhiig cusub loogu helo dagaalka.

In sidii hore oo ay ka muuqatay qorshe la’aan iyo hoggaan xumo lagu bilaabo dagaalka waxay hoos u dhigi kartaa rejada guusha weyn.

Madaxweyne Xasan waxaa hortaalla inuu isbeddel sameeyo, dhiig cusub ku biiriyo dagaalka, dibna u hagaajiyo qorshihiisa dagaalka oo ay Soomaalida iyo Ajnabiguba dhaliilo badan ka muujiyeen.

Sawirro: Puntland oo heshiis la gaartay ITOOBIYA xilli ay taagan tahay xiisada badda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis horudhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddankaasi.

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan xasaasi ah Addis Ababa kula qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia.

Kulankaan ayaa lagu gaaray heshiis dhowr qodob ah, oo ugu weyn yahay iskaashiga kaabayaasha dhaqaale ee labada dhinac, kaasi oo ku qotoma dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga tamarta.

“Puntland iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Xukuumadda Addis Ababa ayaa xilligaan u muuqata mid maqaam midkii hore ka sarreeya siineysa xiriirka maamulka Puntland.

Tallaabadan cusub ee ay qaadeen Puntland iyo Ethiopia ayaa imaaneysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa xukuumadda Addis Ababa.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli uu sii xumaaday xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, uuna maamulka ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii wada-shaqeyneyd kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka.

Hoggaanka Puntland oo markaas meel adag iska taagay ansixinta dastuurka ayaa tan iyo markaas ku doodaya inay awood u leedahay inay u dhaqanto sidii dowlad madax-banaan illaa inta laga helayo dastuur federaal ah oo heshiis lagu yahay.

“Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay.”

Sababta uu weli u fuli la’yahay heshiiska Soomaaliya iyo Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sagaal bilood kadib illaa hadda weli ma fulin heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee furista xuduudka labada dal, xilli ay Kenya soo saartay amar sii dheereynaya inuu waqti dhow dhaqan-gal noqdo.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin in mardhow dib u furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, ayadoo walaac ka muujisay saameynta amni ee ka dhalan karta howl-galka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya.

Raymond Omollo oo ah Xoghayaha arrimaha gudaha Kenya oo la hadlay Nation Africa ayaa shaaciyay in go’aankan uu yimid kadib markii “ay qiimeeyeen baahida loo qabo in la sugo ammaanka dalka ee dhamaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.”

Go’aankan sii dheereynaya furista xuduudka labada dal ayaaa kusoo beegmaya sagaal bilood kadib markii ay Soomaaliya iyo Kenya ay ku dhawaaqeen in dib loo furayo xuduudka kadib wada-tashiyo heer sare ah oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa uu xiran yahay muddo ku siman 12 sano.

Soomaaliya ayaa hadda waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysata gudaha Kenya, oo ayadu feejignaan dheeraad ah ku jirtay tan iyo markii ay howl-gallada tooska ka bilowdeen Soomaaliya.

Kenya ayaa ka cabsi qabta in dagaalamayaasha kooxda qaarkood ay usoo gudbaan dhankeeda, ayaga firxad ka ah howl-gallada lagu beegsanayo ee ay iska kaashanayaan ciidamada geesiyaasha ah ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka hubeysan ee Macawiisleyda.

CC Shakuur oo dalbaday in BF looga yeero wasiirro ku kacay gabood fal loo gaystay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa si weyn u cambaareeyay falkii lagula kacay Samira Gaid oo ahayd La-taliyihii mashruuca  y Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB, kadib markii la eryay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ka hor inta aan shaqada laga joojin gabadhan uu u hanjabay wasiirka Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kadib qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter-ka), waxaana ku xigtay in shaqadii laga joojiyay Samira, kadib warqad ay soo saartay wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waa ayaan darro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey” ayuu qoraalkii ku yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay xidhibaanka in baarlamaanka looga yeero wasiirka u hanjabay gabadha iyo kan ka joojiyay shaqada, si wax looga waydiiyo arrintaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirada gaboodfalka gaystay, waa haddii ay Golaha naf ku dhimantahay” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X (Twitter-ka), kuwaas oo lo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida lagu sheegay qoraalka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waa ayaan darro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey. Waa sariig la’aan in dadkii shalay ku eedayn jiray rajiimkii ka horreeyey in ay muwaadinka ku bartilmaamsadaan ra’yigiisa, ay maanta falkii oo kale ku kacaan.

Caddaalad dari ka xanuun badan ma laha in ruux aan si kale kaaga itaal roonayn uu magaca dowladda kuugu awood sheegto, gaar ahaan haweenka iyo beelaha loo tirada sheegto.

Waxaan ugu baaqayaa Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirada gaboodfalka gaystay, waa haddii ay Golaha naf ku dhimantahay.

Bulshada Rayadka ah iyo Warbaahinta madaxabannaan waa in ay falkan canbaareeyaan, si uusan u noqon mid sii socda oo qof walba bawdkiisa ugu soo dhaca.

Caburrintu waa hubka ugu culus ee Rajiimka fulayga ee ka baqa ra’yiga kale, waa xeeladda lagu qariyo kalsooni darrida iyo karti xumida.

“Haddaan diintu qabanayn

Sharci kaa dabbaalayn

Dabar kaa celshaa jirin

Dalka maamulkiisii

Sida loogu dabar go’ay

Ninkii doonayoow maqal”.

Abwaan Cabdi Qays.

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka dhan ah Samira Gaid iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday talaabo culus oo ka dhan ah Samira Gaid oo ahayd La-taliyihii mashruuca  ay Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shaqadii looga joojiyay Samira, kaas oo ku qornaa Luqadda Engilishka.

Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X (Twitter-ka), kuwaas oo lo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida lagu sheegay qoraalka.

Samira Gaid ayaa qoraaladeedii ugu dambeysay si wayn uga hortimid wax-ka-beddelka Dastuurka dalka oo ay todobaadkii hore meel-mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka.

Shaqo joojinta haatan lagu sameeyay Samira ayaa waxaa ka horreeyay weerar toos ah oo dhanka afka ah oo uu isna maalin kahor ku qaaday Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kaas oo u muuqday mid hanjabaad loogu diray Samira Gaid.

Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keeneyso walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurtagalnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyadoo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay mid siyaasadeed.

Si kastaba Kooxdii hore ee NN ee Farmaajo ayaa caan ku ahaa tallaabooyinkan noocaan ah, iyadoo sidan oo kale dad shaqooyin iyo qandaraasyo ka heystay hey’ado sidaan oo kale ay shaqada uga joojiyeen.

Nabadoon Xasan Cali oo si arxan darro loogu dilay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil arxan darro ah oo Nabadoon caan ahaa xalay loogu gaystay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Maruumka oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Xasan Cali Muude ayaa waxaa dabley hubeysan ay u dileen tuulada Casir Maal oo hoostegtaga magaaladaasi.

Xilliga la dilayay Nadoonka ayaa la socday gaari ay kala dageen ragga hubeysan oo kadib xabad ku furay, illaa ay nafta kaga baxdo goobta.

Nabadoon Maxamed Xasan oo kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa faahfaahin k bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in si gaar ah loo beegsaday Marxuumka.

“Dabley hubeysan ayaa dhexda u gashay waa la istaajiyay oo la aqoonsaday soo dag ayaa ka dhahay, kadibna kaligiis ayay wateen, wayna dileen” ayuu yiri Nadoon Maxamed Xasan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mid kamid ah dableyda ka dambeysay dilka Nabadoonka gacanta lagu soo dhigay, kuwa kalena lagu raad joogo.

Waxaa kale oo uu intaasi k daray in dilkaasi aanay ka dambeyn kooxda Al-Shabaab, balse ay gaysteen koox uu ku sheegay ma naxayaal isa soo abaabushay.

“Nimanka dilay cid kale ma’aha Shabaabna ma aha ee waa niman ay isku hayb yihiin, haddana mid kamid ah waa la haayaa isaga iyo qorigiisa” ayuu sii raaciyay.

Laamaha ammaanka ee HirShabelle ayaa weli baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahaan dilka loo gaystay Nabadoon Xasan Cali Muude.

Dilka ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhaca Shabeelaha Dhexe oo ay sidoo kale ku badan yihiin dagaal beeleedyo gaystay khasaarooyin kala duwan.

Xog: Madaxweyne Deni oo ku wajahan Imaaraadka Carabta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dubai ee caasimada dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ay booqasho uga bilaaban doonto.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyay safarka Saciid Deni ee Imaaraadka Carabta, kaas oo uu maanta uga bixi doono magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu sii mari doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kadibna uu usii gudbi doono dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Saciid Deni uu kusoo ciidi doono magaalada Abu Dubai oo uu shantii sano lasoo dhaafay intiisa badan kusoo ciidayay halkaasi.

Waxaa sidoo kale kulamo iyo shirar gooni gooni ah uu la yeelan doonaan madaxda dalkaas oo haatan galaangal xoogan ku leh arrimaha siyaasadda ee maamulka Puntland.

Socdaalka Deni ayaa imaanaya, xilli haatan ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso Puntland iyo dowladda federaalka, kadib wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Puntland oo ka carootay ansixinta dastuurka ayaa ku dhowaaqday go’aan culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, waxayna sheegtay inay kala laabatay kalsoonidii iyo aqoonsigii.

Safarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu dalka kaga baxo Saciid Deni, tan iyo markii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland sideedii Janaayo ee sanadkan 2024-ka.

IRAN oo ku dhaaratay inay ciqaabi doonto ISRAEL kadib markii laga dilay 7 sarkaal

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Talaadadii ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.

Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq ah oo ku dheggan safaaradda Iran, waxaana uu sii kiciyay xiisadda oo markii horeba cirka ku jirtay iyadoo dagaalka Gaza uu ku dhow yahay dhammaadka bishii lixaad.

Israel ayaa diiday inay ka hadasho weerarka, oo gaas kusii shubay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Gaza ee Israel iyo kooxda Xamas ee xulufada la ah Iran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku martay in Israel la ciqaabi doono.

“Maamulka sharta ah ee Sahyuuniyadda waxaa lagu ciqaabi doonaa gacmaha raggeena geesiyaasha ah. Waxaan ka dhigi doonnaa inay ka shallaayaan dambigaas iyo kuwo kale,” ayuu Khamenei ku yiri farriin uu ku daabacay website-kiisa rasmiga ah.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa dhaleeceeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah” kaasi oo “aan noqon doonin mid aan laga jawaabin”.

“Kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmeen caqiidada iyo rabitaanka dagaalyahannada Jabhadda wax-iska-caabbinta, taliska Sahyuuniyadda wuxuu ajandihiisa ka dhigay dilal qorsheysan oo indho la’aan ah, halganka uu ku doonayo inuu naftiisa ku badbaadiyo,” Raisi ayaa sidaas ku yiri qoraal.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo duqaynta gelinka dambe ee Talaadada maanta ah oo uu yeelanayo kulan ay codsatay dowladda Ruushka oo xulufo la ah Syria.

Weerarkan ayaa lagu dilay toddoba ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan qeybta howlgalada shisheeye ee Quds, kuwaas oo kala ah Sareeye Guuto Mohammad Reza Zahedi iyo Sareeye Guuto Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran.

Safiirka Iran ee Suuriya, Hossein Akbari ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in weerarka “ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-35” oo lix gantaal ku dhuftay dhismaha.

Joe Biden oo cambaareeyay fal ay Israel ka gaysatay GAZA

Washington (Caasimada Online) – Madxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyey weerar dhanka cirka ah oo ciidamada Isra’il ku dileen shaqaale safal oo u shaqeynayey hay’ad laga leeyahay Mareykanka oo la yiraahdo World Central Kitchen (Jikada Adduunka), taas oo hawlo quudin ah ka haysa marinka Qasa.

Todobo ruux oo u kala dhashay Mareykanka, Britain, Kanada, Australia iyo Poland ayaa Isniintii lagu diley duqeyn ay geysteen diyaaradaha Isra’il oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo marayey meel ka tirsan marinka Qasa. Waxaa sidoo kale weerarkaas ku geeriyoodey darawalkoodi oo u dhashay Falastiin.

Madxweyne Joe Biden ayaa si aan looga baran Israa’il canaan kala dul dhacay, wuxuuna ku eedeeyey in aysan xil ku filkan iska saarin bedbaadinta shaqaalaha gargaarka ee ku hawlan caawinta shacabk tabaaleysan. Biden ayaa Isra’il ka dalbaday in baritaan deg-deg ah lagu sameeyo falkaas, islamarkaana ciddii geysatay caddaaladda la hor keeno.

Dowladda Isr’il ayaa lagu khasbay in ay qirato falkan ay ciidamadeedu geysteen, kaas oo ay ku tilmaantay ‘gef weyn’ oo aan loo baahneyn in uu dhaco. Ra’isul Wasaare Benjmin Netenyahu ayaa dhacdadan ka hadlay ayaa ku andacoodey in ciidamadoodu si kama’ ah u dileen dad aan waxba galabsan, isagoo ballanqaaday in in uu sameynayo wax walbo oo lagu xaqiijinayo in falkaas oo kale dib u dhaco.

Tirda samefaleyaasha lagu diley Qasa tan iyo bishii Oktoober ee kal hore ayaa kor u dhaafaya 196,. Waxaana walaac laga muujinayaa bedqabka shaqaalaha gargarka oo bartilmaameed u noqday dilal aan loo aabbadayin.

Xog: Xasan Sheekh oo mar kale ka guuraya Muqdisho iyo qorshaha cusub ee dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale qorsheynaya inuu ka guuro Muqdisho, isagoo degaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sida la qorsheeyey hadii aysan wax iska bedelin, madaxweynuhu wuxuu Dhuusamareeb u guurayaa 10-ka bishaan Abriil, waxaana toos u bilaabanaya howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Xubnaha dhanka amniga kala taliya madaxweynaha ayaa soo jeediyey inay muhiim tahay in dhulka Galmudug deg deg looga abaabulo dagaal ka dhan Al-Shabaab.

Villa Somalia ayaa mar kale qorsheysay in Xasan Sheekh uu ka guuro Muqdisho oo la dejiyo Dhuusamareeb, si geed fadhi aan howlo kale ku mashquulin uu ugu noqdo dagaalka Al-Shabaab.

Inta ka dhiman bishaan Ramadaan ayuu Xasan Sheekh sii joogayaa Muqdisho, waxaana hadda socda abaabul xoog leh, si howlgalka loo bilaabo ‘bacdul Ramadaan.’

Ciidamada dowladda ayaa ku jabay dagaaladii Caad iyo Cowsweyne, waxaana aad u yar tirada ciidamada abaabulan xiligaan, balse waxaa jirta xog sheegeysa in qorshaha howlgalka dhanka duqeynta loo weeciyey.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka balan-qaaday in Shabaab-ka jooga Galmudug ay duqeyn ku leyneyso, rajada la qabo hada ayaa ku soo aruurtay duqeyntaan, doorka ciidamada ayaa hadda kadib noqon doona nadiifin, kadib markii la duqeeyo deegaanada ay argagixisadu joogto.

Ciidamada ugu muhiimsan ee dowladdu ku tashato waxay ahaayeen Gorgor oo labo guuto ka kooban, labo urur oo Gorgor ah oo aad u abaabulan ayaa joogta Xarardheere, balse ururradii kale ee Gorgor waxay ku jabeen dagaalladii Caad iyo Cawsweyne, waxayna u qeybsameen qaar dhintay, qaar baxsaday, qaar loo heysto gaadiidkii la furtay iyo hubkoodii oo maxkamad sugayaal ah iyo qaar iyagoo niyad jabay ku sugan degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Ciidamadii Guutada Abuu-dujaana oo ka baxday Camaara iyo Bacaadweyne ayaa ku sugan magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo weli aan la kulmi wax dagaal ah, balse tiranaya tabashooyin aan badneyn oo dhanka mushaarka ah.

Sidoo kale qabaa’il kasta ayaa heysta ciidamo badan oo abaabulan una diyaarsan inay wajahaan Khawaarijta, ciidan aan guuto ka yareyn oo u diiwaan gashan daraawiishta Galmudug ayaa iyaguna jooga aagga Wisil.

Xasan Sheekh ayaa hadda go’aansaday inuu dib u abaabulo ciidamadaas oo la galo dagaalka, Shabaab-na laga soo dhameeyo gobollada dhexe, wuxuuna howlgalkaas ka hoggaami doonaa madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo la qorsheeyey inuu dego wixii ka dambeeya 10-ka bishaan Abriil.

Xogta sababta Xamza caawa uu u tegay Kaxda + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay Kulan Affur Wadareed oo lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ka jira Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka degmada Kaxda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hormarinta kaabayaasha bulshadu ee ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka ay qeyb weyn ka qaataan bilicda, horumarka iyo amniga.

“Degmada Kaxda waxaa deggan dad iimaan iyo akhlaaq leh, lagamana filaayo in daroogo iyo khawaarij ku faafto, labaduba waxa ay ku faafaan meelaha jahligu yaal, halkaanna waa goob culimo oo kitaabta lagu akhriyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu sheegay in horumarka degmada ay qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amni ee jira, taas oo keentay in lala affuro bulshada Kaxda oo kamid ah degmooyinka dhaca cirifyada.

Xamza ayaa intaas ku sii daray intaas ku daray in amniga caasimaddu uusan hagaageen haddii aan lagu guuleysteen caqabado badan oo kamid yihiin, Khawaarijta, ciyaal-weerada, hubkii magaalada lagu dhex watay iyo nidaaminta Bajaaj-ta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in wax laga qaban doono baahiyaha kale duwan ee ka jira degmada iyo guud ahaan gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, si loogu beddelo horumar iyo amni, caasimaduna u noqoto mid la tartanta caasimadaha dhiggeeda ah.

Howlgal lagu beegsaday horjoogayaal guri ku shirsanaa oo ka dhacay Sablaale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn culus loogu geystay guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaamadeedsaday howlgalka.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah guriga la bartilmaameedsaday waxaa ka socday shir xasaasi ah oo xubno Shabaab ah ay halkaas ku lahaayeen.

Shabaab-ka la duqeeyey waxay ka shirayeen sida ay ka yeelayaan howlgallada ciidamada xoogga dalka, Haramcad iyo boolis-militeri ay ka bilaabeen aagga deegaanka Jilib-marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in guriga la duqeeyey uu joogay oo shir guddoonka xubnaha halkaas ku shiraayey uu ahaa ninkii Shabaab guddoomiyaha uga ahaa Sh/Hoose, balse weli lama xaqiijin inuu geeriyooday.

Kooxda Al-Shabaab waxay culeys badan kala kulmeysaa ciidamada dowladda ee ka gudbay xeebaha bari ee Muqdisho, kuwaas oo u sii ruuqaansanaya deegaanada ay Shabaab ka joogaan gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeymaha loo geysanayo kooxda ayaa ah kuwo ay ku naafoobeen, maadaama ay ka quusteen inay meel isugu tagaan oo shiraan ama isku gudbaan oo wadooyin iyo gaadiid ay ku safraan.

Guriga lagu duqeeyey ee Sablaale ku yaalla waxaa la sheegay inay joogeen ku dhawaad 30 horjooge iyo maleeshiyaad badan, kuwaas oo ajendaha shirkooda uu ahaa dagaalka dowladda iyo howlgallada kooxda looga sifeynayo Sh/Hoose.

Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegay furimaha dagaalka ee Galmudug, isagoo balan qaaday inuu dib u abaabulayo dagaalka kooxda, isla markaana ay ka go’antahay in deg deg dalka looga xoreeyo, wuxuuna dalacsiiyey dhamaan saraakiisha ciidankii Khawaarijta ka difaacay Xarardheere.

Sawirro: Xasan Sheekh oo deg deg u tegay Sacuudiga kadib markuu u yeeray boqorka

0

Jiddah (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jiddah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood ee Soomalaiya iyo Sacuudiga.

Arrimaha ajendaha ku jira ee wadahadalka madaxweynaha iyo boqorka diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee labada dal ay wadaagaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotadheer, waxaana hadda socda qorshe lagu sii xoojinayo xiriirkaas muhiimka ah ee labada dal.

Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa xasuusan garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa ee Soomaalidu ay soo martay.

Shirarka madaxda Sasuudiga uu la yeela doono kadib, Xasan Sheekh ayaa u gudbi doona cumrada, maadaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyey bishaan barakeysan ee Ramadaan.

Sacuudiga ayaa inta badan madaxda dalalka saboolka ah casuumaad u dira, si ay uga faa’iideystaan cumrada iyo xajka, maadaama dalkiisa ay ku yaallaan goobaha barakeysan ee loo dawaaf tago.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sacuudiga u heysa abaal xoog leh, maadaama ay soo garab istaageen xilli adag, ilaa hadana uu Sacuudigu garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.