27 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Sawirro: Ciidamada DF oo fashiliyay weeraro qaraxyo ah

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay maanta si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa waxaa si gaar ah isaga kaashaday Guutada 19-aad ee Gumac iyo ciidanka Macawiisleyda oo isku fidiyay aagga deegaanka Daaru-Nimca ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fashiliyeen weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo iyana ku sugan halkaasi.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay soo saareen miinooyin ay kooxda ku aastay deegaanada Daaru nimca iyo Burka Fiiqey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ujeedka u ahaa in qaraxyadaas lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay ka socdaan howlgallada.

“Ciidanka ayaa dhulka howdka ah ka saaray miinooyin ay khawaariijtu damacsanaayeen in ay ku dhakraan Shacabka ku dhaqan deegaanada ay ciidanku howlgalka ka sameeyeen” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli goobaha howlgallada laga fuliyay ku sugan ciidamada huwanta oo sii baacsanaya maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii ay kooxdu weerar toos ah ku qaaday Daaru-Nimca, kaas oo ay muddo kooban kula wareegtay deegaanka, kadibna dib looga saaray.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay dagaalyahanada Al-Shabaab, maadaama wajigii koobaan deegaano dhaca gobolkaasi looga xoreeyay.

 

 

Daawo: Xamza oo u hanjabay siyaasiyiinta diidan arrinta dastuurka, ugana digay inay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay si adag ula hadlay siyaasiyiinta kasoo horjeeda ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo Sabtidii meel-mar noqday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan la aqbali karin in la is-hortaago go’aamada ay gaarayaan hey’adaha dastuuriga ah, isaggoo ku af-gobaadsaday inay xukuumadda ka go’an tahay dhageysiga ciddii tabasho qabta.

‘Xukuumadda waxaa ka go’an in ay dhageysato ciddii tabasho qabta, balse lama aqbali karo in la is-hortaago go’aamada ay gaaraan hey’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu tallaabaddii Sabtidii ku macneeyay mid bilow ah oo guul u ah dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay qodobada la meel-mariyey, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada in ay dhammeystiraan kuwa haray, si dalku u yeesho dastuur buuxa.

Mudane Xamza ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka dastuurka, waxa uuna sheegay in baarlamaanka 11-aad uu ku guuleystay tallaabooyin wax ku ool ah, taasoo mudan ammaan iyo boggaadin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad afur ah oo loogu mahad-celinayey guddoonka, xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka, oo ayagu ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka.

Hoos ka daawo

War cusub oo kasoo kordhay dagaalka Diinsoor

Diindoor (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya inuu istaagay dagaalkii maalmahan ka socday gudaha degmada Diinsoor ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beleed oo wada daga halkaasi.

Xaaladda ayaa maanta deggan, inkasto ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Koonfur Galbeed ay ku baxday xiisaddaasi, waxayna ciidamo kala dhex dhigtay labada dhinac, si looga hortago dagaal mar kale ka dhaca Diinsoor.

Sidoo kale waxaa haatan soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda degmada, kuwaas oo guullo hordhac ah laga gaaray.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay ciidamada la geeyay Diindoor iyo dadaallo nabadeed ee lagu dhex dhexaadinayo labada beelood.

Dagaalladan oo sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii guud ee magaaladaas oo gashay xaalad adag.

Diinsoor ayaa waxaa kusoo noqnoqday xiisado dagaal oo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi, waxaana marar badan lakala dhex dhigay heshiis marar badan burburay.

Koonfur Galbeed marka laga tegao dagaal beeleedyada kusoo laa laabtay, haddana waxaa dhibaato ku haya Al-Shabaab oo go’doon gelisay inta badan deegaanada maamulkaasi

Waa kuma Soomaaliga ugu horreeyay ee uu Abiy Axmed u magacaabay ku-xigeenkiisa?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax oo ah siyaasi kasoo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida u magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dowladda Itoobiya.

Warkan oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in magacaabista Aadan Faarax ee darajada ra’iisul wasaare ku-xigeen loogu cusboonaysiiyay masuuliyadiisii shaqo.

Shir ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis baba oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa kasoo qayb galay axsaabta siyaasadeed oo ay Soomaaliduba kamid yihiin.

Inta shirku uu socday waxaa mas’uuliyiin badan oo shirka kasoo qayb galay ay su’aalo ku weydiinayeen ra’iisul wasaaraha, iyadoo Soomaalidu ay qayb ka ahayd, waxana qaarkood ay weydiiyeen saamiga siyaasadeed ee Itoobiya ay ku leeyihiin Soomaalida degta dowlad deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa gunaanadka shirka waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Aadan Faarax uu u magacaabay kuxeenkiisa.

Waa kuma Aadan Faraax?

Aadan Faarax waa siyaasi Soomaali-Itoobiyaan ah, isla markaana siyaasadda dalkaasi in badan kusoo dhex jiray, isaga oo lasoo shaqeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo hoggaanka ugu sareeya dowlad deegaanka soo qabtay.

Waxa uu mar soo ahaa afhayeenka baarlamanka fedraalka ah ee Itoobiya isaga oo markaas beddelay Keria Ibraahim sanadkii 2020-kii, waxa uuna sidoo ahaa kuxigeenka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida intii u dhaxaysay 2018-kii ilaa 2020-kii.

Inta uusan isbedelku dhicin ee dowladdii hore, waxa uu sidoo kale soo ahaa wasiirka howlaha guud iyo dhismaha magaaloyinka, sidoo kale waxa uu barasaab ka noqday magaalada Diri dhaba.

Isbedelkii marka uu dhacay ayuu mar labaad noqday madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka Soomaalida, shirweynihii xisbiga PP ayuu u tartamay gudoomiye kuxigeenka 1-aad isagoo tartan la galay saddex qof, waxa uuna noqday qofkii ugu codka badnaa isagoo helay 1330 cod marka laga soo tago ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ahaa qofkii ugu codka badnaa, waxaa uu noqonayaa qofka xiga.

Hadda waa ku-xigeenka xisbiga talada dalka haya ee Prosperity Party ee loosoo gaabiyo P-P, waxa uuna isku wadi doonaa labada shaqo ee ku-xigeenka xisbiga iyo kuxigeenka ra’iisul wasaaraha.

Waa markii ugu horreysay ee taariikhda Itoobiya uu shaqsi Soomaali ah qabto xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo darajo u dhigantaba.

Aaadan waxa u bartay culuumta dhaqaalaha iyo beeraha, waxaana hadda uu noqonayaa shaqsiga labaad ee ugu sarreeya Itoobiya.

Waxaa qeybo kamid ah warbixintaan laga soo xigtay BBC.

Ninkii gubay kitaabka Qur’aan-ka oo maydkiisa laga helay…

Oslo (Caasimada Online) – Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalka Norway.

Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u guuray Norway.

Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah warbaahinta iyo suxufiyiin si wayn looga yaqaan dalalka Carabta, iyaga oo sheegay in ay xogtaan kasoo xigtay saraakiil katirsan ciidamada booliska Norway.

Fal-celin badan ayaa ka dhalatay maadaama Salwan uu horay u sheegay inuu dareemay cabsi xad-dhaaf ah kadib markii uu ku dhaqaaqay tallaabadii uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka, “taasi oo ku noqotay musiibo wayn oo usoo hoyatay.”

Salwan ayaa dhawaan si qarsoodi ah isaga tagay Sweden maadaama uu cadaadis xooggan uu ka dareemay dalkaasi, isaggoo ka go’ayna madalaha bulshada sabab la xiriirta in uu aad uga cabsi qabay in la dilo ama dhibaato kale loo gaysto.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Norway iyo Sweden oo ay uga hadlayaan arrinkaan. Ciraaq ayaa horay u dalbatay in loo soo gacan-geliyo ninkaan ku xad-gudbay Kalaamka Alle kaddib kolkii uu gubay.

Wixii kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil sare u magacaabay Axmed Madoobe saaxiibkiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  kula dardaarmay Ergayga gaarka ah in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.

Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada.

Dr. Cabdirashiid wuxuu leeyahay qibrad u sahli karta in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka.

Dr. Cabdirashiid Jiley waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, waana saaxiibka dhow ee Axmed Madoobe iyo Xamza Barre, waxaana laga soo doortay Jubbaland.

Ninkaan ayaa ah siyaasi degan, aqoonyahan ah, kana mid ah siyaasiyiinta dejisay qorshaha uu xukunka isaga joogo Axmed Madoobe in ka badan 10 sano.

Magacaabidda Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan Xasan Sheekh uu ku guuleystay in baarlamaanka uu marsiiyo 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka, sidoo kale Xasan ayaa la sheegay in xildhibaanada qaar uu balan qaadyo u sameeyey.

Xasan Sheekh ayaa horay u magacaabay dhowr ergay, waxaana lagu tilmaamaa madaxweynaha ugu ergada badan oo daadejiyey awoodiisa, si loo fududeeyo adeegyada dowladda.

Wuxuu horay u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland, ergayga nabadeynta, ergayga abaaraha, ergayga xasaradaha iyo arrimaha qaxootiga, hada oo ergayga caafimaadka uu magacaabay iyo xubno kale oo ergo uga ah howlo badan oo kala duwan.

 

Sawirro: Horjooge ka tirsan Shabab oo u gacan galay NISA

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa xalay isku soo dhiibay ciidanka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug.

Horjoogahan isa soo dhiibay ayaa xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka deegaanka, sii uu dowladda isugu dhiibo, ayada oo ugu dambeyn maanta lagu wareejiyay ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Ninkaan ayaa waxaa la marsiin doona habraaca loo diyaariyey xubnaha isa soo dhiiba ee ka soo hara fikirka guracan ee kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda gacanta ku haya hay’adda NISA, qeybteeda Galmudug.

Shalay ayey aheyd markii NISA ay soo bandhigtay Shabaab badan oo kasoo goostay kooxda, xilli ay wajahayaan guluf dagaal oo ka dhan ah, ayna iska kaashanayan ciidamada geesiyaasha iyo shacabka hubeysan.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka koobneyd 10 xubnood, ayaa shalay lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabad-sugidda ee magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaas isa soo dhiibay ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsana wax ay ugu yeeraan Jabhadaha, ayaga oo qaarkoodo la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay u adkeysan waayeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen.

Si kastaba, wejiga koowaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba dheeraaday ayaa haatan la dardar-gelinaya soo afmeerkiisa, si loogu gudbo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay.

Tallaabadda xigta kadib ansixinta dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii toddobaadkan ansixiyay wax ka beddelka dastuurka dalka, oo uu buuq badan ka taagna.

Wax ka beddelka la ansixiyay ayaa khuseeya afarta cutub ugu horreysa ee dastuurka KMG, oo ay ku jiraan isbeddel lagu sameeyay hannaanka doorashooyinka iyo habraaca cusub ee loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamaan saddex xisbi.

Sidoo kale wax beddelka ayaa dhigaya in muddo xileedka federaalka u noqdo shan sano, halka u markii hore ka ahaa afar sano. Waana mid muujineysa in sanad dheeri ah ay heli doonan hoggaanka haatan tallada haya.

Kadib meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ayaa la isweydiinaya tallaabadda xigta, xilli Villa Somalia ay uga adkaatay mucaaradka baarlamaanka.

Shaqada xigta ansixinta afarta cutub ayaa ah in la dhameystiro shuruucda lagama maarmanka ah, si loo gaaro doorashada xisbiyada badan, sida uu sheegay Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iuo Soohdimaha.

”Sida uu dhigayo dastuurka hadda la ansixiyay waxaa xigi doona si loo gaaro doorasho in shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka la sameeyo sida; sharciga doorashooyinka, sharciga xisbiyadda siyaasadda, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka in dib-u-eegis lagu sameeyo, maadaama dastuurka lagu daray tilmaamo awal aan ku jirin,” ayuu yiri Xoghaye Cabdirisaaq Bashiir oo la hadlay BBC.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay horay u jirtay “in xubnaha guddigu ay ka yaraayeen tirada hadda la ansixiyay, in xisbiyadu ay badnaayeen iyo in muddo xileedka xukuumadda ay wax iska bededeleen,” ayna dhamaantood u baahan yihiin in xilli hore lagu dhaqaaqo shaqadooda.

Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in guddi ahaan ay jireen caqabado badan oo ku xeeran, ayna hadda ku howlan yihiin sidii looga gudbi lahaa.

”Caqabadihii nasoo maray waxaa kamid ahaa in doorashada aysan waqtigeeda ku dhici jirin, waxa doorashooyinka saldhig u ah shuruucda sida; sharciga doorashooyinka oo la ansixiyay 2020-kii, iyadoo muddo xileedka dowladdu ay ka dhiman tahay bilo.”

Waxa uu intaas kusii daray “Sharciga marka la diyaarinayo wuxuu u baahan yahay muddo labo sano ah oo laga diyaarinayo xeer hoosaadyo, habraacyo, hagayaal, la-tashiyo dadweyne iyo waxyaabo kale oo badan, intaas oo dhan ayeynaan wakhti u heysan, waana fursad hadda la helay.”

Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

Lamu (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa sahaminaysa suurtagalnimada in dekedda Lamu ee dalka Kenya ay kala soo degto bacrimiska dalagga, taas oo qayb ka ah dadaalka ay ku doonayso in ay ku ballaadhiso dekedaha ay wax kala soo degayso ee ka baxsan Jabuuti, oo inta badan ay Itoobiya kalsoo degto shixnadaheeda.

Inkastoo fikradda istcimaalka Itoobiya ee dekadda Lamu ay tahay fikrad waa hore ah haddana illaa hadda la ma hirgelin.

Wafdi ka socda Itoobiya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekadaha Lamu iyo Mombasa, waxaana ay rejo ka qabaan in ay heshiis la galaan dawladda Kenya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Denge Boru ayaa yiri: “Weftigu waxay soo booqdeen xaaladda dekedda iyo waddooyinka ilaa Mooyaale, si ay u eegeeen in ay ku habboon tahay hawlgalka iyo in kale.”

Si loo xaqiijiyo hawlgal aan kala go ‘lahayn, waraaqo iyo heshiisyo kala duwan oo u dhexeeya labada waddan ayaa loo baahan doonaa in la dhammaystiro ka hor inta aan adeegga laga bilaabin Lamu.

Sababo la xiriira dhinaca ammaanka badda cas awgood, shixnadaha Itoobiya waxaa hadda lagasoo dajiyaa dekadda Mombasa iyadoo ay jiraan caqabado ka duwaya Jabuuti.

Sababta isbeddelkan keentay ayaa ka dhalatay dib u dhac ku yimid shixnadaha ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya dekedaha Djibouti, taas oo loo aanaynayo hawl-wadeennada maraakiibta oo hoos u dhigaya hawlahooda shaqo ee marinka badda cas.

Maraakiibta isaga kala goosha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa wajahaya khataro dhanka ammaanka ah oo ay ku jiraan weerarada Xuutiyiinta Yemen, shirkadaha maraakiibta ayaa lagu qasbay in ay raadiyaan wadooyin kale si loo hubiyo in badeecadaha la keeno waqti ku haboon si ammaan ah.

Sida ku cad soo jeedinta, xukuumaddu waxa ay ku talo jirtaa in ay isticmaasho Dekedda Berbera ee Somaliland si ay ugu bedesho shixnado la soo dejiyo, tani waxay ka dambeysay kadib heshiis muran dhaliyey oo Itoobiya ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanideeda ee Somaliland.

Ilaa hadda, Itoobiya meesha ugu dhow uguna dhisan dekedda ee sidoo kale ku xiran tareen koronto ah waa Jabuuti.

In kasta oo ay ka badan tahay kharashyada hawlgelinta marka la barbardhigo Djibouti, Mombasa waxay u soo baxday in ay tahay dookh loo door biday xamuulka Itoobiya sababtoo ah xasilloonideeda iyo ku filnaanshaha baahida Addisa ababa.

Waddada Mombasa ayaa si gaar ah ugu faa’iideysay xarumaha warshadaha ee dalka Itoobiya sida Hawassa, Bole Lemi, Debre Berhan, iyo Adama, halkaas oo warshaduhu ay aad ugu tiirsan yihiin soo dejinta alaabta ceyriinka ah iyo dhoofinta alaabta warshadaysan.

Si kastaba ha ahaatee Itoobiya ayaa rajaynaysay in ay baahiyaheeda u isticmaasho dekad ku taal Somaliland si ay u daboosho baahida ka dhalatay bad la’aanta ee haysata dalkan lagu tilmaamo midka ugu dadka badan caalamka ee aan bad lahayn.

Hase yeeshe dawladda Fedearaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka biya diidday doonitaanka Addis ababa iyadoo uu heerkii ugu xumaa gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya muddo dhowr iyo toban sano ah.

Sida ay qortay warbaahinta qaar, dowladda Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay ka fikireyso ka laabashada heshiiskii is fagarad ee ay ku kireysan leheed dhul badeed 20 km taas oo badalkeed ku aqoonsan leheed Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Heshiiskaas oo ay ka carootay Soomaaliya ayaa waxaa cambaareeyay wadamada gobolka qaarkood, waxaana ay Soomaaliya sheegtay in dagaal diblumaasiyadeed oo ay la gashay Itoobiya uu cadaadis saaray

Balse Itoobiya iyo Somaliland oo heshiiskaan galay, labaduba midna kama aysan hadlin ka laabashada heshiiska.

Si kastaba ha ahaatee falanqeeyaasha ayaa sheegaya in ay Itoobiya ka laaban karto haddii ay xamili kari waydo culayska diblomaasiyadeed ee uga imanaya dalalka uu ka mid yahay Maraykanka oo isagu sheegay in uu xushmaynayo wadajirka iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Isha: BBC

Madaxweyne Xasan ‘loo joojin maa’ ma ku dhameysan doonaa muddo xileedkiisa?

Dacaayada baraha bulshada ee lagu bixiyo dhaqaalaha si loo aflagaadeeyo dadka reer Puntland oo Soomaalinimo wax walba u huray!.

Sanadadan danbe waxaa soo batay dad baraha bulshada ku faafinaya Puntland baa waxdiiday? Su’aaahu waxa weeye maxay Puntland diiday oo dan ah?.

Sida aan wada ognahay Puntland waa meesha kaliya dadkeedu burburkii kadib bilaabeen baadi goob soomaaliwayn. Ilaa haddana ay tahay qodob muuhiim ah oo ku yaal tastuurkooda.

Buugga ay qortay Asho Gele baa waxay ku xustay “in labadii maamul ee Puntland ugu horeeyay waa Cabdullahi iyo Cade AUN ay aad xoog u geliyeen raadin Soomaaliya naf iyo maalba wixii lahayay xamar loodiray. Puntland laga galay xaqdaro in ciidamadii dawlaada musheerkooda labixin waayay.”

Maanta 10-ka wiil oo reer Puntland aad waraysato 8 kamida waalidiintood waxay naftooda u waayeen xoraynta Villa Xamar!.

2009-kii bay Puntland-ta dhabta ah bilaabmatay hase yeeshe illaa maanta 26-jirka ku dhashay, ku caqliyaystay, ku barbaaray Puntland kuna helay nol, amni iyo waxbarasho tayo leh hadii aad waraysato waxaa ka dhex guuxaya rabitaan ama Soomaaliya oo guulaysata in ay muhiim u tahay.

Waxaa ayaan daro ah in ninkii Xamar madaxwayne ka noqdaba guusha ugu wayn ee uu rabo in uu gaaro ay tahay in uu Puntland la dagaalo. Tusaale, madaxweyne Farmaajo waxaa lagu xasuustaa in heer dagaalkiisu gaaray in uu caruurta waxbarashadooda siyaasadeeyo, taasi oo ah mid aad u fool xun weliba xiliyada ciyaalku imtixaan u fariisanayaan in jees jees loola soo fariisto saxaafada. Damiirximo!.

Halka maamul goboleedyada Soomaaliya 2020 dastuur loo sameeyay, Dawladda Puntland waxaa ka jira nidaam soobilaabmay 1998-kii dadkeeduna waa dad fahamsan dowladnimo iyo waxa ay dawlad uga baahan yihiin. Waa dad fahamsann isla xisaabtan waana sababta keentay in aysan waxwalbo oo khiyaali xuquuqdooda kasoo horjeeda qaadan.

Madaxwayne Xasan Sheekh “loo joojin maa” ma ku dhamaysanayaa 2-da sano u dhiman?.

W/Q: Marwo Arwala

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

DF oo soo saartay digniin hor leh xilli aan laga soo kabsan waxyeello hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa soo saartay digniino la xiriira roobka gu’ga, kaasi oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto.

Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen iyo goobaha biya mareenada ah.

Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 (sida la isku raacay) waxay dalkeena intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda SODMA.

Ayada oo xoogiisu billaaban doono asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April, roobabkaas waxay sidoo kale sii socon doonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan.

Waxay roobabkaasi intooda badan ay ka di’i doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobolladiisa koonfureed iyo kuwa woqooyi.

Digniintan ayaa imaneysa, iyada oo roobabkii deyrta ahaa ee da’ay dhamaadkii sanadkii tagay ay sababeen daadad iyo fatahaado geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur soo gaaray guryo badan, taasi oo illaa hadda aysan kasoo kabsan dadka qaar waxyeelladii kasoo gaartay.

Iran oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israel kadib dilka 7 sarkaal

Dimishiq (Caasimada Online) – Iran ayaa maanta ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.

Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq ah oo ku dheggan safaaradda Iran, waxaana uu sii kiciyay xiisadda oo markii horeba cirka ku jirtay iyadoo dagaalka Gaza uu ku dhow yahay dhammaadka bishii lixaad.

Israel ayaa diiday inay ka hadasho weerarka, oo gaas kusii shubay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Gaza ee Israel iyo kooxda Xamas ee xulufada la ah Iran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku martay in Israel la ciqaabi doono.

“Maamulka sharta ah ee Sahyuuniyadda waxaa lagu ciqaabi doonaa gacmaha raggeena geesiyaasha ah. Waxaan ka dhigi doonnaa inay ka shallaayaan dambigaas iyo kuwo kale,” ayuu Khamenei ku yiri farriin uu ku daabacay website-kiisa rasmiga ah.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa dhaleeceeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah” kaasi oo “aan noqon doonin mid aan laga jawaabin”.

“Kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmeen caqiidada iyo rabitaanka dagaalyahannada Jabhadda wax-iska-caabbinta, taliska Sahyuuniyadda wuxuu ajandihiisa ka dhigay dilal qorsheysan oo indho la’aan ah, halganka uu ku doonayo inuu naftiisa ku badbaadiyo,” Raisi ayaa sidaas ku yiri qoraal.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo duqaynta gelinka dambe ee Talaadada maanta ah oo uu yeelanayo kulan ay codsatay dowladda Ruushka oo xulufo la ah Syria.

Weerarkan ayaa lagu dilay toddoba ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan qeybta howlgalada shisheeye ee Quds, kuwaas oo kala ah Sareeye Guuto Mohammad Reza Zahedi iyo Sareeye Guuto Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran.

Safiirka Iran ee Suuriya, Hossein Akbari ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in weerarka “ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-35” oo lix gantaal ku dhuftay dhismaha.

Daawo: Qaabkii XASAN u dalacsiiyey saraakiisha Gorgor ee difaacay Xarardheere

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar taariikhi ah ku tegay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo maalmo ka hor ay Al-Shabaab ku soo qaadeen weerar culus oo ay doonayeen inay kula wareegaan, balse ay awoodi waayeen.

Maxaxweynaha ayaa maanta kormeeray saldhigyada ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin degmada Xarardheere, isagoo u khudbeeyey ciidanka.

Guusha ugu weyn ee safarka Madaxweynaha waa inuu dalacsiiyey dhammaan saraakiisha hoggaamisa ciidanka xoogga dalka ee kooxaha Khawaarijta ah ka difaacaya degmada Xarardheere iyo deeganaada hoos taga.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa faray taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh inuu dalacsiiyo askarta iyo saraakiil xigeenada ciidanka ee ku sugan degmada Xarardheere.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida,!waxaad muujiseen nafhurnimo, waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale saraakiishii iyo ciidamadii joogay halka uu khudbadaan ka jeediyey ayuu ka codsaday inay salaan ka gaarsiiyaan ciidamada ku maqan furimaha iyo kuwa duurka fog ee degmada difaaca uga jira, taas oo muujineysa laxawga ay madaxweynaha ku hayaan ciidamada naftooda horayaasha ah.

Wasiirradii la socday ee gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ayuu sheegay inay soo dhameystiri doonaan baahiyaha ay qabaan ciidamada iyo bulshada degmada Xarardheere, isagoo ka balan qaaday in safarkaan uusan noqa doonin kii ugu dambeeyey ee Xarardheere uu ku tegay, balse uu ku laaban doono halkaas.

Xasan Sheekh ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee booqda degmada Xarardheere, waxayna booqashadiisaan ku soo aaday xili ay adagtahay xaaladda magaaladaas oo Shabaab ay doonayaan inay awood kula wareegaan, balse Xasan Sheekh ayaa maanta shacabka iyo ciidamada ku sugan degmadaas dareensiiyey inay astaan u yihiin halganka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xogta safarkii Xasan iyo Qoor Qoor ay ku tageen Xarardheere iyo Ceeldheer

0

Xarardheere (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ee Galmudug.

Safarka Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa daaraa dardar-galinta howlgallada dib u xoreynta dalka, isagoo dhiirigalin u sameeyey Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee Khawaarijta kula dagaallamaya deegaanno ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurnimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa min hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo maalmo ka hor ay Shabaab isku dayeen inay xoog kula wareegaan, balse lagu laayey.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay shacabka iyo ciidamada ku sugan degmada Xarardheere ayaa xusay in halganka dalka looga xoreynayno khawaarijta uu heer gabogabo ah marayo, taariikhduna ay xusi doonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta argagixisada.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida,!waxaad muujiseen nafhurnimo, waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas kadib wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kicitimay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha ayaa mar kale fagaare kula hadlay shacabka degmada Ceeldheer,  Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka, wuxuuna ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda, si halganka ay ku jiraan uu u guuleysto.

SOMALILAND oo dhibco siyaasad ka heshay ansixinta wax ka beddelka dastuurka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadashay wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii uu meel-mariyay baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si cad u sheegtay in aysan arrintaasi waxba ka quseyn.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa sheegay in talllaabaddii Sabtida ay soo afjareyso rajadii ugu dambeysay ee ay isku maaweelin jirtay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka waa shaqo ay iyagu (Soomaaliya) ay qabsadeen oo iyaga u taalla wax ka quseeyana ma jiraan Somaliland iyaguna way ogyihiin midaasi,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan oo la hadlay BBC-da.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa kaliya oo xusid mudan in barigii hore ay odhan jireen oo ay isku maaweelin jireen ‘dastuurka la ansixin mayo inta Somaliland meel wax la isla dhigayo’ taana way soo afjareen.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay leedahay dastuur iyada u gaar ah, kaasi oo loo codeeyay sannadkii 2001-dii, wuxuuna iska yeel-yeel ku tilmaamay in xildhibaanno reer Somaliland oo ka tirsan BF ay wax ka ansixiyeen dastuurka.

“Qof ka qoran halkan (Somaliland) in uu dembi ka galay oo xilka markuu ka dhamaadana ay tahay in uu cafis weydiisto (madaxweynaha Somaliland) siduu dal u ma talayaa?,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan.

Isku soo wada duubo, Somaliland ayaa fursad siyaasadeed ‘aan la fileyn’ ka heshay tallaabadda ay Sabtidii qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu baarlamaanka marsatay wax ka beddelka dastuurka ee ay rabtay, kaasi oo uu xalay saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan.

Villa Somalia oo ka baxday heshiiskii madax goboleedyada iyo waxa ka dhalan kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lasoo warinaya inay gadood ka qaadeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia u qaaday dhanka dastuurka, gaar ahaan isbeddelka uumadaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay qodobbadii ay isaga iyo maamullada ku heshiiyeen bishii May 2023.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa ku heshiiyay bishii May 2023 inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo la mideeyo doorashooyinka labada heer dowladeed, in nidaamka xukunka ee dalka uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, in guddiga doorashada uu noqdo 15 xubnood oo ay min laba xubnood ka timaado 5-ta maamul goboleed, 5-ta kalena ay ka timaado dowladda dhexe iyo Benaadir, iyo in xisbiyada dalka noqdaan laba xisbi.

Madaxda maamul goboleedyada arrintaan dhowr jeer oo ay mucaaradka kala hadleen waa difaaceen, oo waa ku adkeysteen waxayna la safteen doonista madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin qaar badan oo kamid ah qodobaddii ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo afartaasi maamul goboleed ayay Villa Somalia ka baxday dhowr maalmood kahor ansixinta afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Waxyaabaha la beddelay ayaa kala ah;

1. Haykalka dowladnimada

Maamullada iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay isku ogaayeen in haykalka dowladnimada uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Laakiin iyada oo aan talo loogu laaban ayuu Xasan Sheekh iska tuuray qodobkaas wuxuuna ku beddeshay ra’iisul wasaare uu isagu eryi karo.

2. Tirada xisbiyada

Maamullada waxay heshiiska hore ku galeen laba xisbi oo dalka uu yeelanayo laakiin talo la’aantooda waxaa laga dhigay saddex xisbi.

3. Guddiga doorashooyinka ee labada heer dowladeed

Maamullada waxay kula heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh guddi doorasho oo 15 xubnood ah oo qabanaya dhamaan doorashooyinka dalka oo maamul goboleedyada xaq u leeyihiin soo magacaabista min laba xubnood.

Laakiin hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood iyaga oo wax talo ah la siinin, waxaana dhamaan soo magacaabaysa xukuumadda federaalka ah.

Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamullada go’aannadii u dambeeyay wax talo ah laga siinin, waxa kale oo Villa Somalia hoos iskaga dhigtay dhowr jeer oo ay afartaan maamul dalbadeen in la qabto shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waxay hadda ku sugan yihiin Boqortooyada Sacuudiga oo ay Cumro u joogaan, halka la filaayo inuu maalmaha soo aadan ku biiro Qoor-Qoor.

Illaha ku dhow-dhow xubnahaan waxay warinayaan inay gadood ka qabaan sida uu madaxweyne Xasan Sheekh howsha u qaabeeyay iyo inay qaarkood ka fikirayaan inay tallaabooyin deg deg ah qaadan Ciidda kadib, maadaama ay badi isbeddeleen wixii ku qornaa heshiiskii ay la galeen madaxweyne Xasan Sheekh.

Halkaan waxaa kasoo socda culeys, mana cadda sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ugu diyaarsan yihiin inay la dhigtaan haddii ay afartaan maamul goboleed isku dayaan inay ka horyimaadan.

DF durba miyey jabisay dastuurki la ansixiyay Sabtidii?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo durba lagu macneeyay “inay jabisay wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya.”

Dastuurka la ansixiyay oo xalay uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu dhigayaa in ragga maamula dowlad-goboleedyada aan loogu yeeri karin “madaxweynayaal” halka la siiyay darajada “hoggaamiyeyaal”

Warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) oo baahinayay safarkii uu maanta madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay furimaha hore ee dagaalka, ayay waxay Mudane Axmed Qoor-Qoor ugu yeertay “madaxweynaha Galmudug” halka uu dastuurka Villada meel-marsatay uu dhigayo in la dhaho “hoggaamiyaha Galmudug”.

Hoggaamiyayaasha gobollada waxaa u qorneyd muddo fog inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka Sabtidii maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye, waxaana laga bilaabo maalinkaas meesha ka baxday in loogu yeero madaxweyneyaal.

Sida muuqata warbaahinta dowladda ayaa faham buuxa ka haysan dastuurka Sabtidii meel-marka noqday, waxayna tallaabadan dhinaca kale shaki gelinaysa in wax ka beddelka dastuurka uu dhaqan-gal noqdo, maadaama ay durba dowladda ay u muuqato mid jabisay qodob kamid ah dastuurka ay meel-marsatay.

Dastuurka Sabtidii maray baarlamaanka oo mucaaradad xooggan wajahaya, ayaa waxaa qaadacay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, halka ay Puntland aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinacyadan oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub, ayaa sidoo kale waxay shaki geliyeen dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka, uuna xalay saxiixay madaxweynaha.

NISA oo soo bandhigtay Al-Shabaab-kii ugu badnaa ee mar qura isa soo dhiiba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidanka NISA ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay dagaal-yahaano badan oo ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban 10 xubnood, kana soo goostay kooxda arxanka daran ee Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabad-sugidda magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaan isa soo dhiibay maanta ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraan Jabhadaha.

Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, wejiga koowaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba dheeraaday ayaa haatan la dardar-gelinaya soo afmeerkiisa, si loogu gudbo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay.

Dood yaab leh oo laga keenay tallaabadii uu xalay qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay nuqulka wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii ay meel-mariyeen labada aqal ee baarlamaanka, kaasi oo ay ka dhalatay dood xooggan.

Munaasabadda saxiixa nuqulka rasmiga ah ee wax ka beddelka cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS ayaa waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaki galiyay nuqulka wax ka beddel ee madaxweynaha uu saxiixay, xilli uu sheegay in baarlamaanka laga qariyay wax ka beddelka saxda ee loo coddeeyay, sida uu ku yiri qoraal uu soo saaray.

“Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta cutub. Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9ka ah lagu soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo qaaday nuqul aan la arag,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in illaa iyo haatan cid aragtay aysan jirin nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, islamarkaana aan la garanayn waxa uu madaxweynaha xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka aqriso qoraalka

Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta cutub.

Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9-ka ah lagu soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo qaaday nuqul aan la arag.

Qaar ka mid ah Xildhibaannadii shalay codeeyey ayaan waydiiyey waxa ay u codeeyeen? Waxay iigu jawaabeen ma naqaan waxaan u codeynay? Madaxweynayaasha dalwad goboleedyada ayaan waydiiyey, maadaama inta badan qodobbadii ay Madasha uga soo heshiiseen la beddelay, in lala wadaagay iyo in kale nuqulkii kama danbaysta ahaa? Waxay iigu jawaabeen, maya ma aanan arag.

Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu caawa sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.

Waa markii saddexaad ee uu Baarlamaanka dukumiinti uusan arag ansixiyo.

Bal aan aragno halka uu ku danbeeyo dastuur anaa dubtay, aniga ayaana daangaystay ka ah?.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmo muhiim u ah dagaalka kooxda Al-Shabab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Degmadan uu maanta gaaray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka kooxda ka dhanka ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa socdaalkan ku wehlinayay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, waxaana qeyb ka ah mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa u daaran dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab iyo dhiiri-gelinta ciidanka geesiyaasha ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, si dhiig cusub loogu shubo gulufka uu gaabiska ku yimid.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin saraakiil sar-sare ayaa sidoo kale indhaha soo saari doona saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka laga abaabulayo dagaalka, si mar kale la’isugu daba rido, una qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah kooxda.

Xarardheere ayaa astaan u ah adkeysi iyo fara-adeyg ay sameeyeen dadkeeda in magaalada noqoto meel ka caagan argagixisada, maadaama ay noqotay deegaan si rasmi ah loo xasiliyay oo noloshii ay dib ugu soo laabatay, sida waxbarashadii iyo adeeggii kale ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey Dhuusamareeb u joogay muddo aad u dheer, isaga oo ka hagayay wajiga koowaad ee dagaalka oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran, lagana gaaray guullo wax ku ool ah.

Galmudug iyo HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana lagu xorreeyay deegaanada ugu badan ee soo galay gacanta dowladda.

Si kastaba, booqashada haatan madaxweynaha ku tegay furimaha hore ee dagaalka ayaa imaneysa, xilli dhowaan ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin ay horay ugala wareegeen kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira cabasho ay qabaan ciidamada dowladda.