26.7 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Saameynta ka dhalan karta go’aanka Puntland ay xiriirka ugu jartay DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ku dhawaaqday go’aan siyaasi ah oo ay gaareen golaheeda wasiirrada balse u madlan yihiin golaheeda wakiillada kaas oo ah in ay kalsoonidii ay kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, kadib markii shalay ay barlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel-mariyeen wax ka baddelka dastuurka.

“Dowladda Puntland waxay halkan ku hakisay dhammaan wadashaqeyntii iyo xiriirkii ay la lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo soo baxay xalay saqdii dhexe.

Xiriirka waxaa dib loo soo celin lahaa oo kaliya haddii Muqdisho ay “soo celiso oo ay raacdo dastuurka federaalka ah ee saxda ah ee dalka”, iyo sidoo kale wadatashiyada ku saabsan arrimaha amniga iyo xaqiijinta in si cadaalad ah loo qaybiyo deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan, ayaa intaa lagu sii daray.

Sidaas oo kale waxay Puntland sheegeen inay u dhaqmayaan “sida dowlad madax bannaan inta laga helayo dowlad wax heshiis lagu yahay oo ay qayb ka yihiin” sida lagu sheegay go’aanka ka soo baxay.

Maxaa ka dhalan kara go’aanka Puntland?

Khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ayaa soo taagnaa in muddo ahba, waxaana dadka u dhuun-daloola arrimaha Soomaaliya ay sheegayaan, in saameyntiisa uu wato go’aankan ugu dambeeyay ee Puntland.

Puntland oo lagu naaneyso “Hooyada Federaalka” ayaa waxaa jiray arrimo dhowr ah oo ay hore isugu khilaafeen dowladda federaalka.

Haddaba aan eegno dhowr arrimood oo go’aankan uu saameynayo.

Dhaqaalaha

Soomaaliya ayaa ah dal wali ku tiirsan kabid dhaqaale oo ay ka helaan caalamka gaar ahaan dalalka caawiya kaas ka mida halbowlayasha dhaqaalaha dalka.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada hela saamiga dhaqaale ee ay dowladda dhexe ka hesho caalamka gaar ahaan kuwa dalalka taageera iyo haya’adaha dhaqaalaha ee Bangiga Adduunka iyo IMF.

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, inkasta oo xiriirkoodu xumaa labada dhinac haddana ay Puntland lumin karto fursaddaas, maaddaama ay gabi ahaanba hadda jartay xiriirkii dowlada federalka.

Puntland ayaa sidoo la xasuustaa inaysan kaalin weyn ku lahayd heerkii dayn cafinta muddooyinkii danbe laga soo bilaabo muddo xilledkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxda Puntland ayaa hore u sheegay inaysan helin kaalmadii beesha caalamku siiyeen Soomaaliya qaybtii ay ku lahaayeen sida uu BBC-da horaan u sheegay wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Waxbarashada

Tani waa qodob kale oo muhiim u ah Puntland, marka la eego kaalinta ay ku leedahay deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka hesho dalalka ka taageera waxbarashada.

Inkasta oo Puntland iyo dowladda federalka isugu maandhaafeen xal u helidda arrintaas, oo ayba dowladda dhexe hakisay deeqaha waxbarasho ee Puntland ka heli jirtay dowlada federalka xilligii dowladdii madaxweyne Farmaajo, haddana tani waa caqabad ay mar kale la kulmi karaan ardayda deegaanadasi sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar.

Arrimaha bulshada

Khilaafka Puntland iyo dowladda federalka kaliya ma saamayn dhanka siyaasadda oo kaleiya, basle waxaa kale oo saamayn togan uu ku yeeshay arrimaha bulshada.

Puntland ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah aan ka qayb galin ciyaaraha maamul-goboleedyada dalka oo ka dhacay Muqdisho, sababo ay ku tilmaameen inay kala heshiin dowladda dhexe hannaankaas sida uu horaan BBC u sheegay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid.

Waxyaabaha uu dhaawici karo khilaafka cusub ee labada dhinac

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday xilligii xukuumaddii Cabdirixmaan Maxamed Faroole, ka dib kala aragti duwanaan ka dhalatay hannaanka wada shaqaynta ilaa xilligaas marnaba ma fiicnayn wada shaqaynta Garoowe iyo Muqdisho sida uu qabo Maxamed Mukhtaar oo arrimaha Soomaaliya ka faallooda wasiirna ka soo noqday dowladda dhexe.

Wuxuu Mukhtaar sheegay in qodobbadan yihiin kuwa dibu dhac uu ku imaan karo haddii uu sii socdo khilaafadka ragaadiyey dhinacyada.

Mideynta canshuuraha

Soomaaliya ayaa hadda maraysa heer falanqeeyasha dhaqaalahu ay ku tilmaameen mid soo kabasho fiican ah ka dib markii dalalkii daynta ku lahaa Soomaaliya ay ka cafiyeen.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah ugu biirtay daladda bulshada bariga Afrika taas oo ah madal dhaqaale oo xoog leh. Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar tani waxaa ku imaan kara dhibaato haddii aysan dowladda dhexe la imaan midaynta canshuuraha dalka.

Puntland ayey deegaannadeeda ku yaallan ilo dhaqaale oo muhiim u ah dalka.

La-dagaallanka Al-Shabaab

Madaxeynaha Soomaaliya ayaa ajandayaashiisa hor tabeninta leh kaalinta hore ka galiyey in Soomaaliya laga cirrib tiro kooxda al-Shabaab oo muddo dhowr iyo toban sano ah dagaal kula jirta dowladda.

“Dagaalka dowladdu kula jirto al- Shabaab waxyaabaha muhiimka u ah waxaa ka mid ah in la helo kalsooni iyo wadajir, lagana wada shaqeeyo sidii looga adkaan lahaa, marka taas qudheeda waxaa ku iman kara dibu dhac weyn” ayuu BBC u sheegay Maxamed Mukhtaar.

Xiisadda Soomaaliya kala dhaxaysa Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa la kulantay mid ka mida xiisadihii diblomaasiyadeed ee ugu weynkaa ka dib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeeya dowladda Itoobiya.

Xiisadda labada dal ayaa timi ka dib markii Addis Ababa ay heshiis ku wada gaareen Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya kaas oo si weyn uga caraysiisyey Muqdisho.

Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo ah falanqeeye arrimaha gobolka ah ayaa BBCda u sheegay in khilaafka hadda ee Puntland iyo dowladda dhexe uu saamayn ku yeelanayo arrintaas maaddaama sida uu sheegay loo baahnaa midnimo gudaha oo Soomaaliya dhexdeeda ah.

“Waxaan is leeyahay arrintan iyo doorkii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh kaga jawaabtay ay ahayd mid ay ku heshay dowladda federalku kalsooni ummadeed basle taas waxaan is leeyahay waxay wax gaarsiin kartaa waxa hadda taagan” ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud Gurey.

Xaggee laga aadaya halka la joogo?

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar, waxaa wakiillada beesha caalamku ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagu dajiyo xiisadda.

“Beesha caalamku waxay isku dayi doonaan inay culays ku saaraan labada dhinac sidii loo wada hadli lahaa oo laysu soo jiidi lahaa balse khilaafka ayaa u muuqda inuu taagan yahay meeshii u dambaysay” ayuu yiri Maxamed.

Sidaas oo kale Cabdiweli Maxamuud Guray ayaa sheegay inay muhiim tahay in xilligan laga gudbo khilaafadyada

“Soomaalinimadu in la kala tago maha, dani kuma jirto, caqli maaha, waxaan aaminsanahay in markasta laysaga soo dhawaado arrintaas” ayuu yiri Gurey.

Khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday muddo xilleedkii Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole ee Puntland kaas oo salka ku yahay wax ka mida qodobada hadda dhinacyadu ay ku kal aragti duwan yihiin.

Wada-shaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.

Isha: BBC

Erdogan oo guul darro wayn kala kulmay doorashada

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga ugu weyn mucaaridka Turkiga, ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axaddii shalay ka dhacay guud ahaan 81-ka gobol ee dalkaasi.

Xisbiga CHP ayaa dib ugu guuleystay guud ahaan magaalooyinka Istanbul, Ankara iyo Izmir, sidoo kalana ka fara-maroogsaday xisbiga talada haya ee AKP magaalooyin uu aad ugu xooganaa isla markaana ay taladoodu hayeen ka hor doorashadi shalay.

Guusha CHP ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyo xisbigiisa AKP oo rajo ka qabay, in ay dib u soo ceshadaan caasimadda ganacsiga ahna magaalada ugu weyn ee Istanbul, oo gacantooda ka baxday sannadki 2019-ki.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Dowladda Turkiga ee Anadolu, duqa magaalada Istanbul Ekram Imamoglu oo ka socda xisbiga mucaaridka ee CHP ayaa codbixinti Istanbul ee shalay ka helay 50.6%, halka murashaxi matalayay xisbiga AKP uu Murat Kurum, oo horay u soo noqday wasiirka deegaanka uu helay booqolkiiba 40.5%.

Magaalada Ankara ayaa waxaa isna dib ugu guuleystay duqa magaalada Mansur Yavas, Yavas oo ahaa duqa Ankara tan iyo sannadki 2019-ki ayaa isna ka tirsan xisbiga CHP. 25 boqolkiiba ayuu kaga badiyay murashaxi kula tartamayay doorashadi shalay.

Guud ahaan CHP ayaa doorashadi Axadi shalay dhacday ku guuleystay ilaa 36 gobol, oo ka mid ah 81-ka gobol ee dalka Turkiga. Taasoo uga dhigan guushi ugu weyneyd ee ay ka gaaraan madaxweyne Erdogan tan iyo marki uu tala Turkiga la wareegay sannadki 2002-di.

Khudbad uu xalay ka jeediyay balakoonka qasriga madaxtooyada ee magaalada Ankara, ayuu madaxweyne Erdogan ku qirtay guuldarada xisbigiisa kasoo gaartay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axadi dhacay.

Wuxuu sheegay in shacabka uu farriin diray, farriintaas oo uu xisbigiisu falanqeyn iyada oo si geesino leh naftooda u dhaleeceyn doono.

“Nasiib darro, sagaal bilood kaddib guushii doorashadi 28-ki May, waanu heli weynay natiijadi aan ka rabnay doorashadan dowladaha hoose. Qaladaadkeena dib ayaan u sixi doonnaa isla markaana toosin doonnaa wixi aan gafnay.”

Doorashadan ayaa loo arkaa mid tijaabo u aheyd mucaaradka oo raja ka qaba, in doorashada madaxtinimada ee sannadka 2028-ka ay uga guuleystaan xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ka sagootiyey safiirkii Shiinaha + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed uu dhammaaday ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha u fadhiyey dalkeenna, Safiir Fei Shengchao.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka uu ka qaatay adkaynta xiriirka Labada dal iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Dhankiisa, Danjire Fei Shengchao ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan saagootinta ah ee uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka.

Sidoo kale Safiirka ayaa tilmaamay xusuusta wanaagsan ee uu ka haysto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, muddada uu ku sugnaa dalkeenna.

Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageera Soomaaliya, sidoo kale waa mid ka mid ah saaxiibada ugu weyn ee Soomaalidu ay leedahay, waana soo jireen xiriirka salka adag oo Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirada Shiinaha ee Soomaaliya ka howlgala oo mid kasta oo maandheydkiisu yahay labo sano ayaa dalkaan ka taga iyagoo qiraya saaxiibtinimada iyo wanaagga Soomaalida.

Shiinaha ayaa Soomaaliya u arka wadan istaraatiiji ah oo ku haboon saaxiibtinimada, sidoo kale Shiinaha ayaa daneynaya in geeska Afrika uu ku yeesho dhaqdhaqaaq muuqda, halka fursadaas uu ka heli karana waa Soomaaliya.

Sawirro: Duqa Muqdisho oo xalay booqasho lama filaan ah ku tegay suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, taas oo uu ugu kuurgalayay xaaladda guud.

Madaale ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay, mas’uuliyiin ka tirsan gobolka, maamulka degmada Howlwadaag iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Ujeedka duqa Muqdisho ayaa ahaa u kuurgelidda isbadalka dhinaca Amniga iyo dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada Habeenkii ah, maadaama loo diyaar garoobayo munaasabadda maalmaha Ciidul-Fidriga oo foodda innagu soo haayo.

Inta uu ku jiray kormeerkan duqa Muqdisho wuxuu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si loo xoojiyo Amniga Caasimadda.

Shacabka caasimada ayaa si aad ah ugu dukaameysanaya Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada kale ee Magaalada Muqdisho xilliyada Habeenkii maadaama lagu jiro 10-kii ugu danbeeyay ee Bisha Ramadaan.

Bakaaro ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay isbeddel wayn oo dhinaca amniga, waxaana horay u booqday taliyaha hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Xog: Madaxweyne Xasan oo maanta tegaya furimaha hore ee dagaalka

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Mudug oo ay weli ka socdaan howlgallo xoreyn ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha la filayo inuu gaaro degmada Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka waa weyn ee laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa booqdan doono degmada Ceeldheer, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Madaxweynaha waxaa wafdigiisa ku biiraya MadaxweynahaGalmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin heer Federaal & heer dowlad-Goboleed, waxaana ujeedka uu yahay inay dhiirageliyaan ciidamada Xoogga dalka ee la dagaalamaya Shabaab.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin saraakiil sar sare ayaa booqdan doono saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka laga abaabulayo dagaalka, si mar kale la’isugu daba rido, una qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Horay madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dhuusamareeb u joogay muddo aad u dheer, isaga oo ka hagayay wajiga koowaad ee dagaalka oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran,

Galmudug iyo HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana lagu xorreeyay deegaanada ugu badan ee soo galay gacanta dowladda.

Si kastaba, booqashadiisa haatan lagu wado inuu ku tego Galgaduud iyo Mudug ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dhowaan ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin ay horay ugala wareegeen kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira cabasho ay qabaan ciidamada dowladda.

Navigating change: Somalia’s constitutional milestone

March 30 marks a significant day in Somalia’s journey toward democracy and governance reform. The bicameral federal parliament, in a historic session held in Mogadishu, voted to amend the nation’s constitution for the first time since the 1960s. These amendments, emerging after weeks of debates and deliberations, reflect a profound transformation in the political landscape of Somalia, notably expanding the president’s powers, including the authority to appoint and dismiss the prime minister. The importance of this day comes from its momentum and its potential to significantly impact the future of Somalia, if realized.

Despite some opposition from former presidential candidates and other opposition forces, the overwhelming number of MPs in favor—211 MPs and 42 Senators present, voting by show of hands—underscored a broad consensus and a strong drive for change. This determination suggests a significant political mobilization within the parliament and signals a robust appetite for progressing towards a more inclusive and effectively governed Somalia.

The amendments touched upon several key areas critical to Somalia’s future: freedom of expression, women’s representation, leadership system, the number of political parties, and the composition of the Electoral and Boundaries Commission. Notably, these changes are not just procedural tweaks but are intended to directly impact the fabric of Somalia’s statehood and democracy. For instance, the revisions enhance the legal framework for freedom of expression and promise greater participation of women in legislative councils and political parties, although falling short of the 30% representation often pushed by “International Community”..

While today’s amendments represent a significant leap forward, it’s part of a longer journey. The decision to postpone voting on provisions related to the right to life, age of maturity, and religion, with 11 chapters and other provisions still pending, indicates that the constitutional review process is an ongoing endeavor, likely to extend over the coming months, or even years. Among the provisions pushed back is the special status of the Capital.

The opposition, notably from former presidential candidates, underscores the diverse spectrum of views within Somali politics. However, the significant majority in favor of the amendments highlights a prevailing consensus among lawmakers on the necessity of these changes for the nation’s advancement. This reflects a collective recognition of the importance of evolving governance structures to better meet the needs of Somalia today and in the future.

What this means for Somalia

These constitutional amendments represent more than just legal changes; they signify a commitment to progress, democracy, and a more equitable society in Somalia. By aligning governance structures with the aspirations of its people and the demands of modern statehood, Somalia is laying down the groundwork for future developments and signaling a new era of hope and potential.

As Somalia continues on this path of reform, the implications of today’s amendments are profound, promising to reshape the core formation of Somalia’s statehood and its democratic journey. Despite the challenges ahead and the long road to full constitutional review, today’s success marks a beacon of progress in Somalia’s commitment to building a fairer, more inclusive society.

W/Q: Mohamed Haji

Beesha caalamka oo war lama filaan ah ka soo saartay qorshaha DF ee dhameystirka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo saartay qoraal ay ku soo dhowaysay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso dhamaystirka waxyaabaha muhiimka u ah dowlad wanaagga, sida qabya tirka Dastuurka.

War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri, “Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa doorka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.”

Sidoo kale beesha caalamka ayaa farriin u dirtay saamileyda siyaasadda dalka, kuwaas oo loogu baaqay inay u hoggaansamaan hanaan wadar-ogol ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah.

“Waxaan sidoo kale qireynaa ku talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay in horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda  wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Wax weyn ayey dowladda federaalka uga dhigan tahay taageerada beesha caalamka ee qorshaha dhameystirka dastuurka oo wajahaya mucaaradad weyn oo maxali ah.

Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga hor yimid ansixinta afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka oo hadda beesha caalamka ay aad u soo dhaweysay.

Mucaaradka dowladda waxaa dhabarjab weyn ku ah go’aanka beesha caalamka oo taageertay qorshaha dowladda federaalka, halkii ay doonayeen in beesha caalamka ay u kala dab-qaado iyaga iyo dowladda federaalka.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay go’aankii Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay ku dhawaaqday inay aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalka, kadib markii ay shir deg-deg ah isugu yimaadeen golaha wasiirada maamulkaasi, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Deni.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskadey qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland.

Puntland ayaa horey u diidaneyd sida ay Villa Somalia u wado wax ka beddelka dastuurka, ayada oo ka digtay wixii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka, xilli hoggaankeeda uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka kasoo baxay Puntland?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si aan caadi ahayn uga falceliyay go’aanka Puntland oo ku dhowaaqday inay u dhaqmeyso sida dowlad madax bannaan oo kale, sida ay ku sheegtay bayaan culus oo ay xalay soo saartay.

Aweys Xasan: “Nin dano qaas leh oo tuulada Garowe isku so xiray cid uma joojineyso taas ugow Somalia maanta waa dhaqaaqday wallee Saciid Deni laaluush Somalia ku siiso waa isku dhamaaday”.

Maxamed Cali: “Bal meeshaas biya la’aanta idinku ognahy masiirka Soomaaliya afduub uma heysan kartaan, caqabadda Soomaaliya inay Puntland tahay Soomaali waa aragtay”.

Maxamuud Cabdi “Madaxweyne Xasan ilaa Goorma ayaa la lahaa dalka gadaal ha ucelin?. Dawladda Puntland waxay qaadatay Go’aan saxa Republic of Puntland”.

Muna Kaamila ayaa sidoo kale waxay tiri “Horay ha loo socda oo focus ha la saaro time danbe dad aan Soomaalinimo Iyo Qaranimo rabin yaan lagu dhumin”.

Taliye Taajir “Deniyow ciyaarta naga daa oo Puntland haka dhigan Ak47 siyaasadeed oo lagu dagaalamo”.

Cabdirisaaq Axmed: “Weli wax cusub kuma arag qoraalka intaan waa intii aan wada naqiinay uun”.

Farxaan Qorane ayaa isaguna ku yiri fal-celintiisa “Somaliland baa ka dhaw Puntland horaa u ogaaa taasi!”.

Zakariye Cali Dayib: “Odayaal waaweyn oo marwalbo caraysan, marwalbo oo laga xanaajiyana garanaya kaliya ereyga ” waan goosaneynaa”.

Sawirro: Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib ansixintii dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS.

Afarta cutub ee Xasan Sheekh uu caawa saxiixay ayay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan.

Munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ku sugnaa xubnaha guddiga dib u eegista dastuurka oo xildhibaan Xuseen Iidow uu hoggaaminayo, tallaabadaan ayaa muujineysa sida Xasan Sheekh uu ula dhacsan yahay shaqada socota ee dastuurka, hal qeylo dhaanta siyaasiyiinta iyo saamileyda kale ee siyaasadda Soomaaliya ay cirka isku sii shareereyso.

Madaxweynayaashii iyo ra’iisul wasaarayaashii hore ayaa Xasan Sheekh uu eedeyey in awooda wadanka uu doonayo in xafiiskiisa uu isugu keeno, iyadoo meesha laga saarayo doorkii baarlamaanka, sida in madaxweynuhu uu keenayo ra’iisul wasaaraha, hadii ay is qabtana uu eryi karo.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga horyimid qorshaha lagu dhameystirayo dastuurka dalka, waxay Puntland gaartay heer ay tiraa “waxaan aqoonsigii kala noqonay hey’adaha dowladda federaalka.”

Rejada madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka kadib tallaabadii dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku guuleystay inuu labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ka ansixiyo afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

Cutubyada la meel-mariyay ayaa dano gaar ah oo badan uga dhex jireen Villa Somalia, si gaar ah doorashada, xisbiyada, awoodda ra’iisul wasaaraha iyo muddo xileedka.

Meel-marinta dastuurka ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo ayagu qaadacay ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka, oo shalay si aqlabiyad loogu coddeeyay.

Haddaba, waa maxay rejada mucaaradka kadib natiijaddii shalay kasoo baxday BF?

Siyaasiyiinta mucaaradka oo habraacii hore iyo ansixintii shalay looga adkaaday ayaa hadda ku doodaya inay adkaan doonto inuu Xasan Sheekh dhaqan-geliyo qorshihiisa dastuurka.

Waxay kale oo ay sheegayaan inuu dalka u baahan doono shir dib u heshiisiin qaran, sida muuqatana waa rejada xilligaan ee madaxdii hore iyo mucaaradka.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo horey loogu awood sheegtay baarlamaanka, ayaa rejo ka qaba in uusan dhaqan-gal rasmi ah noqon doonin dastuurka shalay la meel-mariyay, xilli ay weli dhiman yihiin cutubyo badan oo dastuurka.

Sidoo kale, dhinacyada durba la saadaalinayo inuu culeys ka imaan doono waxaa kamid ah dhinaca maamul goboleedyada la safan madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasi oo u baahan doona in go’aan laga gaaro doorashooyinkooda.

Sideedda marxalad ee xiriirka Imaaraatka iyo Soomaalida – Waxaa qoray Fahad Yaasiin

Soddonkii sano ee ina dhaafay xiriirka Imaaraatka iyo Soomaalidu marxalado kala geddisan ayuu soo maray.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐢𝐢 𝟏𝐚𝐚𝐝: Daneyn la’aan ay weheliso inyar oo kaalmo bani’aadanimo ah iyo fududeynta dhaqdhaqaaqyada ganacsi. 𝟏𝟗𝟗𝟏/𝟐𝟎𝟎𝟎.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟐𝐚𝐚𝐝: Danayn la’aan ay la socoto in colaadda Soomalida dhexdooda fursad ay kusii dabadheeraato la siiyo. Waa niyad xumi ku dhisan in dagaalka sokeeyo sii jiitamo. 𝟐𝟎𝟎𝟏/𝟐𝟎𝟎𝟔.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟑𝐚𝐚𝐝: Bixinta miisaaniyada duullaankii uu soo qaaday nidaamkii Tigreega ee salka ku hayey duminta Maxkamadihii Islaamiga ahaa.  𝟐𝟎𝟎𝟕/𝟐𝟎𝟎𝟗.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟒𝐚𝐚𝐝: Waa bilaabashadii faragelinta tooska ah ee arrimaha siyaasadda dalka.

𝟐𝟎𝟏𝟎/𝟐𝟎𝟏𝟒.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟓𝐚𝐚𝐝: Kala irdhayntii umadda Soomaaliyeed iyo iska horkeenka Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe. Sidoo kale, curintii fitno ka dhex alooska madaxda ugu saraysa dalka ee heer Federaal.

𝟐𝟎𝟏𝟒/𝟐𝟎𝟏𝟔.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟔𝐚𝐚𝐝: Isku daygii duminta dowladnimada iyadoo Caasimadda laga abaabulayo dagaallo sokeeye, isla markaana layska horkeenayo maamullada gobolada iyo dowladda dhexe. 𝟐𝟎𝟏𝟕/𝟐𝟎𝟐𝟐.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟕𝐚𝐚𝐝: Dib u burburintii iyo Kala daadinta ciidanka qaranka iyo kala dhantaalida wada jirka qaranka iyadoo la adeegsanayo wakiillo idman oo dowladda ku dhex jira.

𝟐𝟎𝟐𝟐/𝟐𝟎𝟐𝟔.

𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟖𝐚𝐚𝐝: Dib usoo kabashada iyo ka dhex saarista Imaaraadka ee arrimaha dalka, iyadoo laga duulayo fahamka iyo baraaruga dadweynaha, isla markaana la kaashanayo garaad-wadareedka bulshada. 

𝟐𝟎𝟐𝟔/𝟐𝟎𝟑𝟏.

𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝:

Mashruuca Imaaraatka ee Soomaaliya waa guur isku danaysi ku qotoma oo dhexmaraya qaswade doqon ah oo ka arradan garashada iyo hal abuurka, awoodna aan u lahayn inuu gaaro wax natiijo ah iyo mid nacas ah oo nacfi u leh, aanan lahayn wax sariigasho ah, una nugul shisheeyaha!

W/Q: Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee NISA.

PUNTLAND ‘oo yeelaneysa’ awoodda dowlad madax-banaan hal sabab darteed

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo xalay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabatay hay’addaha dowladda federaalka ayaa sheegtay inay yeelaneyso awoodda dowlad madax-banaan.

Hoggaanka Puntland oo meel adag iska taagay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ayaa ku doodaya inay awood u leedahay inay u dhaqanto sidii dowlad madax-banaan illaa inta laga helayo dastuur federaal ah oo heshiis lagu yahay, oo loo qaado afti dadweyne.

“Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax-bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir deg deg ah oo xalay ay yessheen Golaha Wasiirrada Puntland.

Maamulka ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey, sidaasi darteedna uu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee madaxweynanimo, sida uu sheegay hoggaanka Puntland.

“Dowladda Puntland waxay si toos ah ugala xaajoonaysaa beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Puntland.

Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso oo wada-shaqeyn la yeelaneyso cid kasta oo aqoonsan, kuna dhaqmeyso dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyay 1-dii August 2012-ka.

Si kastaba, Go’aannada Puntland ayaa ah kuwa ay uga jawaabeyso tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya, ee uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka dalka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.

Puntland oo go’aan culus la wadaagtay QM iyo macaamil toos ah oo billaabanaya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Kadib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada maamulka, Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa beesha caalamka, sida lagu yiri qoraal goordhoweyd kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la wadaagay Qaramada Midoobey qoraalka rasmiga ah ee go’aanka Puntland, kaasi oo ay aqoonsigii iyo kalsoonidii kagala laabteen hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo hay’adaha Puntland, iyadoo la dardar-gelinayo wada shaqeyn toos ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Kulankaan ayaa imanaya saacado kadib markii maamulka uu ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka, uuna qaadacay tallaabadi uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Puntland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub.

Si kastaba, Wax ka beddelka dastuurka ee shalay meel-marka noqday ayaa la kulmaya diidmo xooggan oo dhanka madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana shaki la gelinaya dhaqan-galkiisa, xilli uu baarlamaanka ka fal-xashay afarta cutub ee u horreysay dastuurka.

Aqriso: Lixda qodob ee ugu waaweyn wax ka beddelka dastuurka ee la ansixiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubka 1–4-aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa shalay lagu ansixiyay xarunta baarlamaanka Soomaaliya. 212 mudane oo Golaha Shacabka ah oo lagu daray 42 mudane oo Aqalka Sare ah ayaa “Haa” ugu codeysay afartaan cutub, taas oo ka dhigan inuu ku maray aqlabiyad ay wadarteeda guud tahay 254 mudane.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waqti iyo xoolaba gelisay ansixinta afartaan cutub, si gaar ah cutubka 4-aad oo ay ku jiraan qodobada ugu muhiimsan dastuurka, gaar ahaan kuwa taabanaya siyaasadda iyo hab xukunka dalka ayaa muhiim u ahaa Madaxtooyada.

Waxaa soo koobeyna lixda qodob ee ugu muhiimsan cutubyada dastuurka ee shalay uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya?

1. Kursiga ra’iisul wasaaraha

Kadib markii ay xoogeysteen dadka diidan inuu dalka yeesho hanaanka madaxweyne iyo ku-xigeen ayey madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa bedelkeeda keensadeen ra’iisul wasaare uu eryi karo madaxweynaha markii uu doono.

Markii hore baarlamaanka oo keliya ayaa eryi karay ra’iisul wasaaraha, qodobkan wuxuu shalay baarlamaanka ku maray inuu madaxweynaha xilka ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha xilligii uu doono, taasi oo daciifin doonta qiimaha kursiga.

Waxaa loo badinayaa in kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay markii horeba halkaas u socdeen oo madaxweyne ku-xigeenka dhab ka aheyn.

2. Hanaanka doorashooyinka

Hanaanka doorashooyinka ee dalka ayaa laga dhigay qof iyo cod, waa in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada labada sidaas lagu soo doorto.

Muddo sanad ah oo muddo kororsi ah ayaa horey loo siiyay madaxda maamullada, haddana haddii aan loo ogolaan doorasho dadban waxay u baahan doonaan waqti dheer, si ay u qabtaan doorasho qof iyo cod ah, halkaas muddo kororsi ama khilaaf midkood ayaa kasoo socda.

3. Xisbiyada

Tirada xisbiyada uu dalka yeelan doono ayaa waxaa laga dhigay saddex xisbi. Mucaaradka ayaa markii hore si weyn u diiday in labo xisbi lagu soo koobo dalka, laakiin waxaa shalay la ansixiyay saddex xisbi siyaasadeed, iyada oo lifaaq lagu soo saari doono sida ay kusoo baxayaan saddexda rasmiga ah.

4. Guddiga doorashooyinka

Dalka waxaa uu yeelan doona hal guddi doorasho. Tirada guddiga doorashooyinka waxaa laga dhigay 18 xubnood. Markii hore madaxda maamullada iyo dowladda dhexe waxay ku heshiiyeen 15 xubnood, laakiin hadda saddex ayaa lagu daray.

Waxaa kale oo meesha laga saaray in maamul goboleedyada xubno soo magacaaban, waxaana 18-kaba lagu mariyay in xukuumadda soo magacaabi doonto, iyada oo la tashaneyda dhinacyada ay khuseyso.

5. Magaca ragga xukuma maamullada dalka

Hoggaamiyayaasha gobollada waxaa u qorneyd muddo fog inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka shalay maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye, waxaana laga bilaabo maanta meesha ka baxday in loogu yeero madaxweyneyaal, waana mid kamid ah qodobada ay dadka Soomaalida badi isku raacsan yihiin.

6. Muddo xileedka

Marka Puntland laga reebo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waxaa muddo xileedkooda ahaan jiray afar sanno, laakiin hadda waxaa laga dhigay guud ahaan dalka oo dhan inuu muddo xileedka yahay labada heer dowladeedba shan sanno.

Odowaa oo si cajiib ah ugu jawaabay Shariif iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo sidoo kale si cajiib ah ugu jawaabay madaxweynayaashii hore ee dalka Farmaajo iyo Sharfiif.

Ugu horeyn Odowaa ayaa boggaadiyay wax ka beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, dhanka dowladnimada.

Intaas kadib xildhibaanka ayaa u jawaabay Maxamed Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo labaduba ka biyo diidan talllaabadan oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in labada madaxweyne hore ay hadda yihiin laba xildhibaan, loogana baahnaa inay kulanka yimaadaan oo ay ra’yigooda dhiibtaan.

Labada madaxweyne ee hore ee aniga qadarin baa u hayaa waa laba xildhibaan marka waxa ay ahayd in maanta inay yimaadaan halkan oo ay ka codeeyaan” ayuu yiri Odowaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaannadu ay isku fac yihiin, isla markaana ay leeyihiin cod ay wax ku diidi karaan ama ku yeeli karaan.

“Waxaan idin sheegaa xildhibaan kama cod badna xildhibaan kale marka xildhibaannadu waxaa isku facee ha’is aaminaan, hana yimaadaan” ayuu sii raaciyay.

Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah kooxda aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay waxa ay guul ka gaareen arrinta dastuurka oo ay muddo ka taagnayd dood.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xubnaha mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Farmaajo iyo Shariif ay kasoo horjeesteen wax ka beddelka dastuurka, waxaana dhankeeda tallaabadan qaadacday Puntland oo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowlada dhexe.

Soomaaliya oo waa cusub u baryay kadib tallaabadii uu shalay qaaday baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka falceliyay tallaabadii ay Sabtidii shalay ku meelmariyeen xildhibaanada labada gole wax ka beddelka dastuurka.

Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka baarlamaanka uu yahay mid geesinimo leh, isla markaana waa cusub u furay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqo iyo howl hadda ayay bilaabatay, waa cusub ayaana Soomaaliya u baryay” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka dalka.

Isaga oo ka hadlayay arrimaha dastuurka waxa uu hoosta ka xariiqay inuu yahay mid ay Soomaali qoratay, isla markaana lagu diyaariyay hanti qaran oo Soomaaliyeed.

“Waa dastuur Soomaali qorotay, ayna ka dooday, Soomaalina ansixisay waxaana lagu diyaariyay aqoon, tabar iyo hanti Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Macallin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in afarta cutub ee la ansixiyay inay awood siinayaan shacabka Soomaaliyeed, si ay usoo doortaan hoggaankooda.

“Maanta waa maalin wayn oo taariikhi ah waa maalin dadweynaha Soomaaliyeed loo soo celshay awoodoodii oo ay ku dooran lahaayeen madaxdooda” ayuu markale yiri.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh shalay u meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, mana jirin cid diiday, ama ka aamustay.

 

Si kastaba, waxaa weli go’aankan diidan xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo iyadu ku dhawaaqday inay kalsoonidii kala laabatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland oo aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Shir deg deg ah oo xalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada Puntland ayaa soo idlaaday, kaasi oo looga arrinsanayay tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan deg deg ah oo uu guddoominayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa tashi dheer kadib lagu gaaray mowqifka maamulka ee ku aadan meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa aqoonsiga kala laabtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan xogaha kasoo baxaya shirka deg-dega ee usoo idlaaday golaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskadey qodobka 4-aad ee dastuurka dowladda Puntland.

Puntland ayaa horey u diidaneyd sida ay Villa Somalia u wado wax ka beddelka dastuurka, ayada oo ka digtay wixii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka, xilli hoggaankeeda uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Hoos ka aqriso bayaanka kasoo baxay Puntland

Xog: Halka laga keenay jaaygii hadal-heynta abuuray ee laga soo dejiyey dekeda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsatay hadal-heynta Jaay laga keenay dalka Turkiga oo laga soo dejiyey dekedda Muqdisho, si loogu dhiso guryaha.

Sawirro laga soo qaaday ku dhowaad 10 carro gediye oo dekedda Muqdisho taagan, isla markaana Jaay sida ayaa lagu faafiyey baraha bulshada.

Soomaaliya waxaa aad ugu badan dhagaxa oo laga sameeyo Jaay, sidoo kale inta badan dalka waxaa laga helaa Jaay aan warshadeyn u baahneyn.

Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay dadka Soomaaliyeed markii ay maanta ku arkeen baraha bulshada, waxaana ilaa hadda laga yaaban yahay sababta loogu baahday in Jaay laga soo dhoofiyo Turkiga.

Ganacsatada dalka keentay Jaaygaas ayaa laga soo xigtay inuu ka tayo fiican yahay kan Soomaaliya, balse ma jirto khasaaro lagu qabo Jaayga ama dhagaxaanta ay Soomaalidu ku dhisato guryaha.

Dowladnimada Soomaaliya oo aad u jilicsan ayaa loo aaneynayaa sababta dalkaan loo keenayo wax kasta, mana ahan markii ugu horeysay oo Soomaaliya loo soo dhoofiyey waxyaabo laga helo dalka.

Hadda ka hor waxaa la keenay oo hadal heyn badan abuuray qudaar loo soo dhoofiyey Soomaaliya, sida Canbe iyo Moos, kuwaas oo si xad dhaaf ah uga baxa Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa mar la sheegay in madax Ari ciiriin ah oo seejalan la keenay dalka, taas oo la yaab iyo niyad jab ku noqotay dadka Soomaaliyeed oo aan weli helin dowlad ka koontoroosha waxyaabaha loo soo dhoofinayo dalka.

Sawirro: Madaale oo maanta bixiyay abaal-marino lacag ah iyo ballan-qaad weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gaba-gabeenayay tartanka Qur’aan aqriska bisha Ramadaan ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankaan oo mid sanadle ah ayaa waxaa taaba-geliya guddoomiyaha gobolka Banaadir Md. Madaale, waxaana ku tartamay ardey ka kala socday dugsiyadda Qu’aanka Kariimka ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa abaal-marino lacag ah siiyay ardeyda kaalmaha hore ka gashay tartankaan, kuwaasi oo kaalimaha u kala galay:

1- Mujiiburaxmaan Maxamed Cabdullaahi (Kaalinta 1-aad). Waxa uu ka socday degmada Waabari.

2- Asmaa Maxamed Ibraahim (Kaalinta 2-aad) oo ka socotay degmada Wadajir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in guuleystayaasha kala galay kaalmaha 1-aad iyo 2-aad Waalidiintooda loo qaadi doono Xajka.

Waxa uuna ku amaanay ardayda xaafidul Qur’aanka iyo Waalidiintooda sida ay ugu da’daaleen xafidida Qur’aanka Kariimka oo ah daraja iyo maqaamka sare oo uu gaaro qofka muslimka ah.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka gobolka, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo awqaafta, xildhibaano, culuma’udiin, agaasimeyaal, guddoomiyeyaal degmo, ururka haweenka gobolka, macalimiinta dugsiyadda, waalidiin iyo marti sharaf kale.

3 askar oo dhac ka geysatay magaalada MUQDISHO oo xukun adag lagu riday maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, Dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed oo labaduba shacab ah, ayaa si wadajjir ah loogu soo eedeeyey Burcadnimmo hubeysan iyo Dhac ay ka geeysteen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Shantaan eedeysane ayaa Taleefano iyo lacago ka qaatay dad isugu jira Shacab iyo Askar aan xilligaasi hubeysaneyn oo shaqada fasax ka ahaa, iyaggoo dhaawac u geeystay qaar kamid ah dhibaneyaasha, waxaana eedeysaneyaasha ay falkaan ku geysteen hal qori oo Ak47 ah oo uu lahaa Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed.

Dhaca kadib Eedeysaneyaasha ayaa tagay Guriga Eedeysanaha Koowaad Axmed Cali Maxamed, si ay u qeybsadaan Taleefanada iyo Lacagihii ay soo dhaceen, ugu dambeynna waxay isku qabsadeen sida loo kala qaadanayo, halkaasna waxaa ka dhashay buuq ku dhowaaday gacan ka hadal.

Intaasi kadib Dable Axmed Aabihiis oo guriga ku sugnaa ayaa kusoo Baxay buuqa eedeysaneyaasha, markii uu arkay in wiilkiisa iyo saaxiibadiis ay isku heystaan, iskuna dagaaleen Taleefanada iyo lacagtii ay soo dhaceen ayaa waxa uu qaatay go’aan dhif iyo naadir ah oo ku dayasho mudan, waxa uu wacay Ciidanka Booliska degmadda Afgooye, isaggoo ku war geliyey falka ay ku kaceen.

Wiilkiisa iyo saaxiibadiis, halkaasi ayaana lagu soo xiray Eedeysaneyaasha Taariikhdu markii ay aheyd Todobada Bishii labo iyo tobnaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labaatan iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay:-

1- Ex Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, ayaa lagu Xukumay 8 sano oo Xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ahaanshiyaha ciidanka xoogga dalka.

2- Ex dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan iyo Ex dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ah ahaanshiyaha Ciidanka xoogga dalka.

3- Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed, ayaa iyagana lagu xukumay min shan sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxaa lagu xukumay dhammaan inay bixiyaan Taleefanada iyo lacagihii ay dhaceen, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.