25.3 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Daawo: Nin qarax ku weeraray Masaajid oo lagu qabtay…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka ka sameeyeen gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Holwgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa yimid, kadib markii weerar loo adeegsaday qarax bam-gacmeed ah lagu qaaday Masaajid ku yaalla mid kamid ah xaafadaha magaaladaas-, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii ka dambeeyay falkaasi oo isku dayay inuu baxsado, waxaana lagu xiray saldhigga dhexe.

Mas’uul u hadlay Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyay weerarkaas iyo sida lagu soo qabtay eedeysanaha oo uu tilmaamay inay gacanta ku hayaan ciidanka Asluubta.

“Ninka falka gaystay, isla markii ayaa horay laga qabtay ciidanka Asluubta ayaa howlgalay gacanta ayaana lagu soo dhigay” ayuu yiri mas’uulka u hadlay Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka oo uu ugu baaqay inay ciidamada kala shaqeeyaan falalka ammaan darri ee lidka ku ah amniga magaalada Baydhaba.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada deegaanka” ayuu mar kale yiri.

Baydhaba ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan dari oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay halkaas ka gaysaneysay kooxda Al-Shabaab.

QM oo fara-gelisay xiisadda DF iyo Puntland iyo kulan xasaasi ah oo ka socda…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallo xasaasi ah ayaa goordhoweyd uga bilowday Madaxtooyada Garoowe madaxweynaha Puntland iyo ergeyga Qaramada u qaabilsan Soomaaliya.

Wada-hadalladan oo albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa diirada lagu saaraya khilaafka sii xumaaday ee Puntland iyo Villa Somalia, kaasi oo cirka isku sii shareeray kadib tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka.

Kulanka madaxweyne Saciid Deni iyo ergayga QM Catriona Laing ayaa imanaya saacado kadib markii maamulka uu ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka.

Puntland ayaa meel adag iska taagtay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka, ayada oo Xasan Sheekh ku eedeysay inuu buriyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, islamarkaana uu jeebkiisa kala soo baxay dastuur cusub.

Wax ka beddelka dastuurka ee shalay meel-marka noqday ayaa sidoo kale la kulmaya diidmo xooggan oo dhanka madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana shaki la gelinaya dhaqan-galkiisa.

Si kastaba, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ayadu waqti iyo xoolaba gelisay ansixinta afartaan cutub, si gaar ah cutubka 4-aad oo ay ku jiraan qodobada ugu muhiimsan dastuurka, gaar ahaan kuwa taabanaya siyaasadda iyo hab xukunka dalka ee muhiim u ahaa Madaxtooyada, waana midka diidmada u badan wajahaya.

Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay nin fal argagax leh gaystay, kadib markii…

0

Burco (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland oo sameeyay howlgal saacado badan qaatay ayaa gacanta kusoo dhigay nin darawal ah oo habeen hore fal argagax leh ka gaystay magaalo xeebeedka Berbera ee isla maamulkaasi, kadib markii uu si arxan darro ah u jiiray ilmo yar oo 9 sano jir ah, kadibna uu ka baxsaday goobta.

War kasoo baxay booliska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegaya in eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Jaamac lagu qabtay isaga oo baxsad ah magaalada Burco.

“Eedaysane Maxamed Farxaan Jamac oo ahaa darewalkii waday baaburkii jiidhay ilmaha yar ee 9 jirka ah ayaa laga soo qabtay Magaaada Burco kadib markii uu baxsaday isla habeen hore” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay ciidanka Booliska Somaliland.

Gaariga uu shilka gaystay ninkan ayaa sidoo kale horay loo qabtay, kadib markii uu shilka dhacay, ayada oo darawalkii baxsadka ahaana ugu dambeyn lasoo qabtay.

“Ciidanka boolisku waxay sheegeen inay hore uxidheen baaburkii shilka gaystay. Ciidanka booliska ayaa sheegay inay sidoo kale inay ku daba-jireen koox dhalinyaro ah oo la socotay eedaysanaha markii shilku dhacay” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Inta uu howlgalkan uu socday ayaa waxaa lagu qabtay in ka badan 300 oo gaadiid ah oo ay isku nooc yihiin baabuurka shilka gaystay, si loo soo helo eedeysanaha hadda la qabtay.

“Hawl-gal qaatay mudo 24 saacadood ah ayaa lagu soo qabtay eedaysanaha iyo baaburkii uu watay , waxaa arinkaasi loo xidhay in ka badan 300 gaadiid ah” ayaa lasii raaciyay.

Somaliland ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in darawalkan la marsin doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, maadaama uu dil gaystay.

Maamulka gobolka Tigrey oo arrin xasaasi ah ka codsaday dowladda Mareykanka

0

Addis Ababa (Caasimada Online ) –Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee Tigrayga (TIRA), ayaa u sheegay xubnaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka oo ku sugan gobolka Tigray in Heshiiskii colaad joojinta ee Pretoria loo baahan yahay in dadaal weyn ay geliyaan dhammaan saamileyda siyaasadda si loogu hirgeliyo si buuxda.

Warbaahinta gobolka ayaa ku warantay in Getachew uu u sheegay xubnaha senate-ka ee booqashada ku yimid in dadka Tigray-ga aysan awoodin in ay nabad buuxda ku naaloodaan sababo la xiriira dhaqan gelinta buuxda ee heshiiskii Pretoria.

In beesha caalamka oo ay ku jirto dawladda Maraykanku ay gacan ka gaystaan sidii loo joojin lahaa dhibaatada ay la kulman dadka Tigrayga.

Iyadoo la xaqiijinayo dib u soo celinta madax-bannaanidii dastuuriga ahayd ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyo in gacan laga geysto dib u soo celinta dadkii ka barakacay guryahooda, ayuu yidhi Getachew.

Booqashada xubnaha senate-ka Mareykanka ay ku tageen gobolka Tigreega ayaa ka dambeysay xiisaddii u dhaxeysay dowlad deegaanka Tigreega iyo Axmaarada iyadoo ay wali taagan tahay xal u helida maqaamka Galbeedka iyo qeybo ka mid ah koonfurta gobolka Tigray.

Deegaanadaas oo ay weli ku sugan yihiin ciidamo gacan saar la leh. Federaalka iyo Dowlad Deegaanka Amxaarada.

Dawladda Maraykanka ayaa ah mid ka mid ah daneeyayaasha muhiimka ah ee fududeeyay heshiiskii Pretoria ee November 2022-kii.

Xasan Sheekh oo war culus soo saaray kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaannada labada Gole oo ansixiyay cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay tahay maalin taariikh ah oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada dheer soo socday.

Sidoo kale wuxuu ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  tilmaamay in dastuurka uu ku saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la dhameystiro.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.

“Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soosocday. Dhammeystirka Dastuurka waxa uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo Hay’adaha dowladnimada, ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale wuxuu baaqay baarlamaanka Soomaaliyeed inuu sii wado dadaalkiisa ku aadan dhammeystirka dalka, si loo turxaan bixyo qodobada harsan.

waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanna Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhammeystirka cutubyada dhiman ee Dastuurka” ayuu mar kale..

Ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay si aqlabiyad leh maanta ku meel-mariyeen xildhibaannada ayaa kusoo aaday, xilli ay diidan yihiin mucaaradka iyo Puntland.

Cumar Cabdirashiid, Khayre iyo CC Shakuur oo qaadacay tallaabadii baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke, Mudane Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka horymid tallaabadii maanta ee baarlamaanka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka dalka.

Saddexda mas’uul ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, sida ay ku sheegeen qoraalkooda.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, ayay yiraadeen saddexdooduba.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu sameeyay laba dastuur oo dhibaato u horseedayo mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Cumar Cabdishiid, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi kusii daray inay qaadaceen qodobada dastuurka ee la ansixiyay, ayaga oo tilmaamay inay aqoonsan yihiin dastuurka KMG ee dalka.

Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka, waxaan aqoonsanahay dastuurka KMG ah ee 15-ka cusub iyo 143 qodob ka kooban” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in wixii mas’uuliyada darro ah ee ka dhashay tallaabadan uu qaadayo Xasan Sheekh iyo guddoonka labada Aaqal ee baarlamaanka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u cadaynaynaa in
masuuliyadda iyo caaqibo xumida ka dhalata dastuur bedelidda ay qaadayaan
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka labada aqal ee
Baarlamaanka”” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Horay madaxweynayaashii hore ee dalka, Farmaajo iyo Shariif ayaa sidaan oo kale u diiday wax ka beddelka dastuurka, waxaana sidoo kale kasoo horjeedo hoggaanka Puntland.

R/Wasaare XAMZA oo soo saaray sheegasho yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeysay guusha maanta laga gaaray wax ka beddelka dastuurka oo ay ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal.

Xamza ayaa ku faanay in tallaabadan taariikhiga ah ay qeyb ka tahay fulinta ballan-qaadyada Xukuumadda ee la xiriiray dhammeystirka Dastuurka, sida uu hadalka  dhigay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedka laga leeyahay dhammeystirka dastuurka ku sheegay si talada dib loogu celiyo dadka Soomaaliya oo ay u soo doortaan hoggaankooda.

Dhinaca ra’iisul wasaare Xamza ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada gole ansixinta wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu  ku ammaanay Baarlamaanka Jamhuuriyadda gudashada waajibaad kooda Qaran, isaga oo sidoo kale boggaadiyey labada guddi ee Dastuurka, kuwaas oo juhdi badan geliyey sidii dalku u yeelan lahaa dastuur dhammeystiran.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed.

“Xukuumadda DanQaran ayaa muddo gaaban ku xaqiijisay guulo waaweyn oo wax badan ku soo kordhinaya hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo tallaabada maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS” ayaa lagu yiri qoraalka.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Sida looga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaaray wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah waxayna si aqlabiyad leh ugu codeeyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka dalka.

Aqalka sare 42 Senator ayaa ogolaatay wax ka beddelka dastuurka, ayaga oo Haa ugu coddeeyay afarta cutub ee dooddooda maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka.

Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Haddaba sidee looga faceliay tallaabada baarlamaanka Soomaaliya?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u boggaadiyay tallaabada ay qaadeen xildhibaanada ee ku aadan ansixinta dastuurka.

Khaalid Aadan Cabdifitaax “Mashallah guul wayn ayay ummada Soomaaliyeedmaanta gaartay mar haddii dowladnimada Soomaaliya salka dhulka loo dhigay”.

Cabdullahi Maxamed Xaashi “Halkaan waa lagu kala adkaaday, diid ama yeel 4-ta cutub ee dastuurka”.

Bahja Cabdalle “Kuwii diidayay malmahaan aween mise fawda lee ka ahayd?”.

Axmed Taatiko ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri “Dastuur dhameystiran waa qaran dhameystiran”.

Khadar Cabdullahi “Waligey ma, arkin maanta kahor ayadoo howshu bilaa buuq bilaa diidmo iyo bilaa fowdo kusoo dhamaatay wada ogol isla ogol dalxoreeye guuleyso”.

Cabdicasiis Beereed “Maanta waa maalin taariikhi qaranka somalia iyo shacabka Soomaaliyeed weey guuleysteen hambalyo”

Puntland oo jawaab culus ka bixisay tallaabadii maanta

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel-mariyay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogan wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in la laalaa dastuurkii heshiiska lagu lahaa iyo shuruucdii kale ee dalka

“Wuxuu laalay dastuurkii lagu doortay, laguna dhaariyey. Wuxuu dhumiyey sharciyaddii (legitimacy) iyo kalsoonidii xafiiskiisu lahaa.” ayuu mar kale yiri wasiir Juxa.

Jawaabta Puntland ayaa timid, saacdo uun, kadib markii maanta xildhibaanada laba gole ay meel mariyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ka ah ee dalka.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Maxay ka dhigan tahay tallaabada taariikhiga ah ee uu qaaday baarlamanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta 55 sano kadib qaaday tallaabo wayn oo taariikhi ah oo ku aadan dhameystirka dastuurka dalka.

Labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu  baarlamaan Soomaaliyeed qaado wuxuu ka dambeeyay 1969-kii.

Xildhibaanada baarlamaanka ee ansixiyay wax ka beddelka dastuurka ayaa si weyn uga hadlay arrintan oo muddo dheer dood xoogan ay ka taagnaayd.

Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid wax ka beddeleysa nidaamka dowladnimada dalka

“Dastuurka waxa laga beddalay waxay ahaayeen wax too toosin ah oo qurxin ah waxna waxay ahaayeen wax ku saabsan haylkalka & nidaamka dowladnimada” ayuu yiri Odowaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in fursad ay siineyso shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay soo dooran doonaan xildhibaannada iyo madaxweynahooda.

“Hadda waxa ugu badan ee laga beddalay waxay ahayd madaxweynaha iyo xildhibaannadu inay soo doortaan shacabka Soomaaliyeed, doorashadaas oo ah qof iyo cod” ayuu raaciyay.

Dhankeeda xildhibaan Qaali Cali Shire oo ka hadashay codeynta ka dhacday baarlamaanka ayaa sheegtay inay tahay guul usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, waxayna farriin u dirtay xubnaha mucaaradka, gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee diidan dastuurka.

“Shacabka Soomaaliyeed way guulaysteen waxaan rabaa inaan farriin u diray dad waxaa jiray diidan, horta kursigan hal nin ayaa nasiib u yeelan kara ama hal madaxweyne ee waxaa ballan qaadeen  qof kasta inuu dhameystiri doono dastuurka hadda waxaan leeyahay kuligiina madaxweynayaal ma noqon kartaanee ninka uu jaaniska siiyay mara halooga faqo” ayay tiri xildhibaanaddu.

Qaali ayaa ugu dambeyn ugu baaqday xubnaha mucaaradka inay dhinacooda dadka kasoo raacaan, si loo dhammeystiro dastuurka KMG ah ee dalka

“Waxaan rajeynayaa inaad Idaacadaha soo fariisataan oo aad tiraahdaan Soomaali oo dhan way is raacdee, annagana waan raacnay” ayay mar kale tiri Xildhibaan Qaali Cali Shire.

Xildhibaanada BF oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo haatan kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, waxayna xildhibaanadu u codeeyeen afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Xildhibaanada ayaa marka hore mid mid u meel mariyay afarta cutub ee wax laga beddalay, kuwaas oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen mudanayaashu.

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray.

Intaas kaidb ayaa waxaa la guda galay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka oo ay u kala codeeyeen labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Aqalka sare 42 Senator ayaa ogolaatay wax ka beddelka dastuurka, ayaga oo Haa ugu coddeeyay afarta cutub ee dooddooda maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka.

Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.

Arrintan ayaa soo afjareyso dood muddo dheer ka taagneyd dastuurka oo ay diidanaayeen mucaaradka, gaar ahaaan madaxweynayaashii hore iyo hoggaanka sare ee Puntland.

DF oo jawaab ka bixisay tallaabadii Bankiga Adduunka

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay warbixiintii Bankiga Adduunka ee loogu hanjabay Soomaaliya in tallaabo culus uu qaadayo Bakgigu, haddii aan lasoo gudbin xisaab xirkii laga rabay.

Hantidhowraha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu gudbiyay warbixinada laga rabay ee ku aadan mashaariicda uu maalgeliyo Bankiga Adduunka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska ayaa xusay warbixinadaas ay dowladdu gudbisay, ka hor inta aan la gaarin waqtiga loo asteeyay, sida lagu cadeeyay warsaxaafadeedaka.

“Tallaabadan ayaa dhiirigelineysa daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, siineysana hubanti saaxiibbada horumarka Soomaaliya ka taageera iyo joogteynta mashaariicda horumarineed ee JFS” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee uu soo saaray Hantidhowrka guud ee Qaranka.
Bankiga Adduunka ayaa maalin kahir ku wargeliyay xubnaha dowladda in laga rabo xisaab-xirkii dhaqaalihii Bankiga ka baxay aan lasoo gudbin, kaasi oo ahaa in loo soo gudbiyo 31-ka December 2022-kii.

Xisaab-xirkan muddo dhaafay ayaa illaa hadda la haynin, waana midda ka careysiisay Bankiga Adduunka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatay in loogu daro 9 bilood, welina lama keenin xisaab-xirka.

Bankiga Adduunka oo u muuqda mid aan qaadan karin dib u dhaca qeyru-xadka ah ee ku yimid soo xareynta xisaab-xirka ayaa haatan sheegay in waqtiga kama dambeysta ah uu ku eg’yahay 31-ka bishaan March.

Bankiga ayaa ku goodiyay inuu qaadi doono haddii waqtigaas lagu soo gudbin waayo warbixinta illaa lix tallaabo oo kala ah;

  1.  Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.
  2. Lama kordhin doono mashaariicda hadda socota.
  3. Wada xaajoodyada labada dhinac ahaa dhamaantood dib loo dhigi doona, xitaa qorsheysnaa bisha soo aadan ee April ee sanadkaan.
  4. Dhamaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidoo kalena waxaa la hakinayaa lacagaha mashaariicda hadda socota.
  5. Bankiga ayaa waxa kale oo uu hakin doona deeqaha ay saameynayso warbixinta aan illaa hadda lasoo gudbin.
  6. Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa iyagana la hakinayaa.

Sido kale waxa uu Bankiga Adduunka ku hanjabay in uu joojin soono illaa saddex mashruuc oo muhiim ah oo qorshuhu ahaa in bisha April la fasaxo oo uu bixiyo dhaqaalihiisa, meeshana waa ka baxayaan haddii ay dowladda federaalka kusoo gudbin weydo warbixinta xisaab-xirka muddo ku siman saddex maalmood.

Si kastaba, arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay dowladda federaalka ay sheegtay in uu kobac ku yimid dakhliga gudaha, balse ay lagama maarman tahay oo loo baahan yahay taageero dheeri ah.

Fahad Yaasiin oo shaaciyey shirqool saddex weji ka kooban oo loo dhigay Soomaaliya

Doha (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay bartaTwitter ku shaaciyey shirqool uu sheegay inuu yahay kii ugu halista badnaa ee loo dhigo Soomaaliya.

Fahad ayaa sheegay in shirqoolkan ay ka dambeyso Dowladda Imaaraadka Carabta, uuna ka kooban yahay saddex weji, oo laba ka mid ah ay hadda socdaan, midna uu ku xigo, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad. 

𝐐𝐀𝐘𝐋𝐎𝐃𝐇𝐀𝐀𝐍 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍 

Waxaan la wadaagayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed hadal taariikhi ah oo xiriir la leh mustaqbalka dalka, waana shirqoolkii ugu halista badnaa oo la fulinayo iyadoo la adeegsanayo maskaxda iyo gacmaha masuuliyiin haya xilal qaran. Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawr jeer isku dayday qorshahan ayaa heshay fursad dahabi ah, waana in dalka Soomaaliya la galiyo qalalaase iyo burbur uusan ka soo kaban karin muddo dheer.

Qorshaha koowaad waa in ciidanka qaranka la wiiqo ilaa uu ka gaaro heer uu burburo, gobol walbana loo dhiso ciidamo u gooni ah. Shirqoolkan sanad iyo barkii u danbeeyey ayaa la waday. Xaaladda uu Ciidanka Qaranku ku suganyahay maantay qofkii xog ogaal ahi kama qarsoona.   

Wajiga labaad ee qorshaha Imaaraatka waa in la burburiyo xariga isku haya siyaasadda dalka, waana dastuurka kumeel gaarka ah. Haddii dastuurkaas meesha ka baxo waa buundo loogu sii gudbayo wajiga saddexaad oo ah in maamullada dalka qaarkood ku dhawaaqaan iney goosteen oo ay ku daydaan Somaliland, waxaana diyaarsan laba kamid ah maamul goboleedyada dalka. 

Cid walba oo laxaw uu ka hayo midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, waxaa maanta saaran waajib wadani ah, oo ah sidii dalka looga badbaadin lahaa shirqoolkaas halista ku ah jiritaanka iyo wadajirka dalka.  

𝐀𝐋𝐋𝐎𝐖 𝐌𝐀𝐊𝐀 𝐃𝐈𝐆𝐀𝐘,
𝐀𝐋𝐋𝐎𝐖 𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐑𝐀𝐆.

Ducaale: “Ma aqaan sida loo qancin karo saddexdan koox”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka Soomaaliya oo la filayo in baarlamanka uu maanta meel-mariyo, isaga oo baaq u diray xildhibaanada iyo kooxaha diidan. 

“Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya waxay haddii ALLE idmo gudan doonaan waajibaadkii ugu muhiimsanaa ee baarlamaan Soomaaliyeed taariikhda ku galo, iyagoo u codeyn doona 4 cutub oo ka mida dastuurka dalka,” ayuu yiri Ducaale, 

“Xildhibaannada waxay metelaan shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan kula talinayaa inay xaqooda dastuuriga ah si mas’uuliyad ku jirto u gutaan.” 

Wasiirkii hore ee amniga ee xukuumaddii Xasan Cali Kheyre, Ducaale ayaa ugu baaqay mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka inay ku kalsoonaadaan xildhibaannada baarlamaanka ku metela, kuwaas oo go’aanka dastuurka gaari doono.

Ducaale ayaa sheegay inuusan aqoon sida loo qancin karo saddex koox.

“Anigu xildhibaan ahaan ma aqaan si loo qancin karo saddexdan kooxood: 1- Maamul ama koox aan aqoonsaneyn baarlamanka Federaalka, 2- Siyaasiyiinta qaarkood oo Mas’uulka markaas xilka haya dartiis u diidan dhammeystirka dastuurka KMG. 3- Iyo ciddii doonaysa inay dalka dib ugu celiso xilligii hoggaamiye kooxeedyada, kuna baaqaysa ‘SHIR DIB U HESHIISIIN’,” ayuu yiri Ducaale. 

Ducaale ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu waqtiga dheeraa xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ee madaxweyne Farmaajo, isaga oo xilkaas hayey muddo ka badan saddex sano.

Waxay aad isugu dhowaayeen Kheyre, oo uu ka mid ah wasiiro yar oo la saftay markii ay is-qabteen Farmaajo, taasi oo ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayey markii la magacaabay Rooble. Kheyre ayaa hadda ka mid ah madaxdii hore ee diidan dhameystirka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Shabaab oo ka faa’iideystay habacsanaan ku timid DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa u muuqdo kuwo isku dayaya in ay ka faa’iideystaan hakadka ku yimid hawlgalada dib-u-xoreynta dalka, si ay dib ugu soo laabtaan dhulkii horaan laga saaray.

Shabaabka ayaa bartamihii bishan bilaa dagaal kula wareegay deegaano dhaca koonfurta Gobolka Mudug, ka dib markii ay soo banneeyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

Shabaabka ayaa tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay kordhiyay weerarada ay ku hayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada.

Sabtidii ayay weerar culus ku galeen saldhigga ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Dhanaane ee saaran waddada xeebta ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, gaar ahaan halka lagu magacaabo Busleey.

Shabaabka oo xilligaasi dhowr saacadood haystay deegaankaasi ayaa la sheegay in markii dambe ay dib uga baxeen, iyagoona goobta ka qaatay gaadiid dagaal.

Sidoo kale Shabaabka ayaa subaxnimadii Talaadadii weerar xoogan ku galay deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ayaa intaasi ku daray in Shabaabku ay saacado ka dib banneeyeen deegaankaasi.

Waa weerarkii afaraad oo Shabaabka ku qaadaan Daaru-nimca, tan iyo markii laga saaray horaantii sanadkii hore. Weeraradii kan ka horreyay ayaana dhacay billihii June, September iyo December. Weerarkii bishii June ayayna Shabaabka ku burburiyeen Masjidka weyn ee Daaru-nimca.

Shabaabka oo galabtinimadii Talaadadii culeys soo saaray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa illaa Arbacadii kula dagaalamayay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee la abaabulay. Dagaalkan ayaana ka dhacay deegaanka Bacaadka Faarax Aadan oo hoostagga degmadaasi.

Wararka laga helayo Degmada Xarardheere ayaa sheegaya in baqdin ay ka jirto deegaankaasi, ka dib culeyskan ay Shabaabku soo saareen.

Xarardheere oo muddo dheer ay Shabaabku ka arriminayeen ayaa laga saaray 16-kii bishii January ee sanadkii 2023, markaas oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wareegeen.

Hawlgalada oo billo ka hor si dardar leh uga socday deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ayaan la aqoon waxa sababay gaabiska ku yimid.

Axmed Cabdullaahi Maxamed (Axmed Kaboole) oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in kororka weerarada Al-Shabaab ay ugu wacan tahay dib u dhaca ku yimid hawlgaladii dalka looga sifeynayay.

“Waxaad mooddaa in Al-Shabaab ay dib u soo kabasho sameysay, maadaama maalmahaan hawlgaladii deegaanadaasi ka socday uu dib u dhac ku yimid, oo ayagu haddeertaan ay isa soo awoodeeyeen, deegaanadii horey looga qabsadayna ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan waqtigaas uu hakadku galay hawlgaladii,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Axmed Kaboole ayaa intaasi ku daray “Marka Al-Shabaab jiritaankooda Gobolada Dhexe ama Hirshabelle ha noqoto ama Galmudug ha noqotee weli inay awooddoodii leeyihiin ay dib u soo noqon karaan oo deegaankii ay dhibaato ku hayaan, Ciidamadii Militariga ay dhaawacayaan, khasaare badana ay hadda gaysan karaan.”

Mar kasta oo hawlgaladu ay hakadaan waa mar walba, oo ay dib u soo laba kacleeyaan weerarada Al-Shabaab.

Burcad badeed kale oo isku dhiibtay ciidanka badda Hindiya, kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad badeed Soomaali ah oo afduub u haysatay dooni kalluumeysi ayaa haatan isku dhiibay ciidamada badda Hindiya, sida ay warisay qaar kamid ah warbaahinta dalkaasi oo soo xiganeyso saraakiil kamid ah ciidamada badda.

Kooxdan ayaa muddo waxaa gacanta ugu jirtay doon laga leeyahay dalka Iran oo lagu magacaabo Al-qamaar, taas oo ay la socdeen 23 shaqaale u dhashay waddanka Pakistaan.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeen howlgal qaatay 12 saacadood, kadibna sidaas lagu qabtay burcad badeeddan oo isku dhiibay ciidamada badda ee dalka Hindiya.

Waa kooxdii labaad oo burcad badeed ah oo ay gacanta ku dhigeyso Hindiya, waxayna ahayd dhowaan markii ciidamada badda dalkaas ay qabteen sodomeeyo burcad badeed ah.

Howlgal qaatay 40 saacadood ayaa lagu soo afjaray kooxdaasi oo afduub ahaan u haysatay markabka MV Ruen oo ay saarnayeen 17 shaqaale ah oo ugu dambeyn lasoo bad baadiyay.

Markabka ayaa laga lahaa dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Dhammaan xubnihii burcad badeedda ee gacanta lagu dhigay ayaa la geeyay dalka Hindiya, halkaas oo ay todobaadkii hore ka bilaabatay maxkamadeyntooda.

Wararkii ugu dambeeyay kulanka baarlamaanka ee go’aan ka gaarista dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay yeeshaan kulan xasaasi ah oo wadajir ah, kaas oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Qaban qaabadii ugu dambeysay kulankan oo lagu meel marin doono wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka ayaa haatan socota, waxaana xildhibaanadu ay sii galayaan hoolka baarlamaanka oo lagu ballamay in xilli hore lasoo galo si loo gudaha galo dastuurka.

Xildhibaanada ayaa ku kala qaybsan arrintan, inkastoo Villa Soomaaliya oo garab ka heleysa guddoonka sare ay wado qorshihii ugu dambeeyay ee ansixinta afarta cusub ee ugu horreyso dastuurka dalka

Waxyaabaha ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo.

Villa Somalia ayaa xilligaan dadaal xooggan ugu jirta sidii maalinta berri ah uu meel-mar u noqon lahaa wax ka beddelka dastuurka ee ay rabto, waxayna dooneysa in cod gacan taag ah ay mudaneyaasha labada aqal ku meel-mariyaan dastuurka.

Markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa dhici karta in xildhibaan uu Sabtiga u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaar ayaa qaba in waxaas oo idil ay ku soo dhammaanayaan “xilka waan haynayaa ilaa doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah dalka ka dhacdo,” si lamid ah sancadii madaxweynihii xilka uga horreeyey oo la soo hormariyey.

Puntland ayaa dhankeeda horay cadeysay in aanay qeyb ka noqon doonin qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen mid xambaarsan “talo maroorsi”, ayada oo shaki gelisay sharciyad ahaantiisa haddii la meel-mariyo

Arrimo culus oo ka dhalan kara qorshaha Villa Somalia iyo sida uu xalka ku jiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Haddii habka qarda-jeexa ah lagu hirgeliyo nidaam madaxtooyo waxaa ka dhalan kara afar arrimood.

Kow, burburka dalka waxaa xuddun u ah xukun lagu diriray. Askartii qabsatay dalka 1969 kii waa ay diiday inay xukunka shacabka ku celiso. Dadkii xukunka danaynayey waxay la galeen nidaamkii militariga dagaal hubeysan. Waana lagu burburay.

Iyadoo taas la xusuusan yahay ayaa dowlad-dhiska Soomaalida waxaa lagu saleeyey aragti dib-u-heshiineed iyo isku-jiid-jiid kooxaha isku haya xukunka dalka. Nidaamka madaxtooyada iyo habka loo marayo dastuur-sameyntuba waxay ku dhisan yihiin habka is-maquuninta iyo isku-itaal-sheegashada.

Labo, maaddaama uu dalku weli nugul yahay, waxaa ka dhalan kara in siyaasiyiinta iyo beeluhuba ku kala qeybsamaan. Taasi waxay sii fogeyneysaa rajada laga qabo in dowladnimadu hana-qaado. Waana muuqataa oo siyaasiyiin dan ka leh xukunka ayaa si weyn uga horyimid nidaamka.

Madaxweyneyaal hore, Shariif Sheekh Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan habka ay dowladdu wax u waddo. Ra’iisul-Wasaare hore Xassan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo siyaasiyiin kale oo farabadan ayaa iyaguna ka hor yimid.

Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha Puntland ayaa warqad diginin ah soo saaray. Waxaana dhici karta inay gobollada qaar ama beelaha qaar ay qabaan tabashooyin u gooni ah. Marka lagu daro Madaxweyne Xassan Sheekh waa intii 2022 ku tartantay xukunka.

Saddex, waayadan dambe, Soomaalida ayaa doodi jiray oo dabadeedna xal jacbur gaari jiray. Haddii ay madaxda dowladdu xakamayn waayaan khilaafka, waxaa dhici karta in faragelin ka timaad beesha lixaad ay timaado. Waana tan uu Madaxweyne Farmaajo ka digayey. Tusaale dhowna waxaaba u ah doorkii ay beesha caalamku ka qaadatay khilaafkii siyaasadeed ee dhacay xilligii Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn, waxaa ka imaan kara in waqti badan oo loo baahna uu ku lumo oo ay dowladdu ka mashquusho hawlaha kale ee waaweyn ee ay masuulka ka tahay. Runtiina, waaba ay dhacday. Dhanka kale, waxaa iyaduna iman karta in nidaam kasta oo yimaad uu isku dayo inuu sameysto xeerar uu xukunka ku sii baahsan karo.

Maxaa xal ah?

Jawaabtu waa laba heer. Tan hore, waa yaa ka heshiinaya, sideese looga heshiinayaa habka loogu tartamayo siyaasadda iyo nidaamka dalka lagu maamulayo? Madaxda dowladdu waxay rabaan inay iyagu kaligood dejiyaan xeerarka hagaya tartanka, ayna ciyaaraan iyagoo koox ah, dabadeedna ay garsooraan iyagoo adeegsanaya guddiyada maamulayo tartanka. Taas sax ma aha.

Sideedaba siyaasadi waxay ka dhexeysaa qolada markaas xukunka joogta oo rabta inay sii joogaan iyo mucaarad doonaya inay ka qaataan. Sanadkii 2022, waxaa doorashadii Soomaalidu dhextiil lixdii kooxood ee ay hoggaaminayeen lixdii musharrax ee helay codadkii ugu badnaa. Siyaasadda maanta joogtana waxaa muuqda inay weli is-hortaagan yihiin lixdii kooxood iyo lixdii siyaasi ee hoggaaminaysay.

Dabcan, waxaa jiri kara kuwa kale oo danaynaya inay soo baxaan. Haddase waxaa u cod-dheer lixdaas kooxood. Tan kale, waxaa door leh madaxda maamul-goboleedyada iyo xildhibaannada labada gole.

Madaxweyne Xassan Sheekh waa inuu kooxaha ay siyaasadda isku hayaan uu kala heshiiyo xeerar taran oo loo siman yahay. “Waa siyaasiyiin shaqa la’aan ah” ma soconeyso, doorkii horena Madaxweyne Farmaajo uma shaqeyn.

Dhanka nidaamka ku habboon Soomaaliya xilligan la joogo waxaan u arkaa inuu yahay nidaamka baarlamaaniga ah ee leh muuqaalka madaxtooyada. Waxaa isticmaala nidaamkan dalka Koonfur Afrika. Waxaa tartamaya xisbiyo abaabulan oo leh anshaxa xisbiyada.

Hoggaamiyaha xisbiga ku guuleysta doorashada ayaa noqonaya madaxweyne, waxaana codka kama-dambeysta siinaya baarlamaanka. Dabcan, xubnaha xisbigu ma ka leexan karaan rabitaanka xisbiga oo kuraasta xisbiga ayaa iska leh ee xildhibaanku ma laha. Weliba waa lagu salayn karaa dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida. Waase in la iska warsado.

Haddii ay madaxweyne Xassan Sheekh iyo madaxda mucaaradku xaldoon yihiin waa ay sahlan tahay in xal la helo.

W/Q: Afyare Cabdi Cilmi oo ah macallin cilmi-baare ah oo ka tirsan Jaamacadda City ee Muqdisho. Sidoo kalena ku taqasusay cilmiga siyaasadda, kana qaatay PhD Jaamacadda Alberta, Canada.

Xog: Hanaanka loo sugo amniga madaxtooyada oo la adkeeyey labo arrin dartood

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL waxaa adkaaday isku socodka aagga madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lagu soo kordhiyey baatiraano dheeraad ah, si looga hor tago weerarro kale.

Ciidanka ilaalada madaxtooyada ee Koofiya-casta loo yaqaano ayaa lagu amray inay baaritaanada adkeeyaan, qof kasta oo masuul ah waxaa laga dejinayaa gaarigiisa, kadibna toos ayaa loo baarayaa gaadiidka iyo dadka.

Sidoo kale waxaa la diiday in gudaha madaxtooyada lala galo wax hub ah oo aan sharci laheyn, sida ID-card u gaar ah hey’adaha ammaanka, xitaa bistooladaha ayaa lagu qabsanayaa agaasimayaasha iyo masuuliyiinta kale ee dowladda.

Askari kasta xiliga uu shaqada ku jiro wuxuu iska ilaalinayaa in wax uusan baarin ay dhaafaan, maadaama korkiisa ay Kaamiro ku xiran tahay, isla markaana rag badan loo xiray weerarkii dhawaan ka dhacay hotel SYL.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay in qof aan wadan ID-card, gaar ahaan aqoonsiga hey’adaha degan gudaha madaxtooyada uu galo xeyndaabka, qofkii aan aqoonsi wadana waxaa laga reebayaa gaariga uu la socdo, hadii uu caadi u socdana iskaba daa.

Cabsida amni ee ka jirta aagga madaxtooyada waxaa barbar socda qorshaha dastuurka oo xasaasiyadiisa wata, berri ayaa lagu wadaa in labada aqal ee baarlamaanka la hor geeyo baarlamaanka, si ansixintiisa ay ugu codeeyaan.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa sii adkeeyey heeganka ay ku jiraan, maadaama xamaasad gaar ah uu leeyahay dastuurka oo dhinacyo badan ay diidan yihiin in loo meel marityo sida ay damacsan tahay Villa Somalia.

Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga digayaan baarlamaanka inay ansixiyaan dastuurka la hor keeni doono berri oo Sabti ah 30-ka Maarso, kaas oo sida ay sheegeen Xasan Sheekh oo ku marooqsano awooda baarlamaanka iyo xukuumadda.

Dad Kenyaan ah oo lagu laayey gudaha Soomaaliya iyo cabsi ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in lix qof oo Kenyan ah halkaas lagu dilay Jimcihii maanta.

Dadkan la dilay ayaa ahaa ganacsato u tallaabay dhinaca Soomaaliya, si ay dukaamo uga furtaan, waxayna halkaas u joogeen ganacsi.

Koox afka soo duubatay ayaa rasaas ku furay 6-da qof ee Kenyaanka ahaa, kwaas oo dhamaantood rag ah, waxayna ku baxsadeen gaari.

Kooxda Al-Shabab ayaa lagu tuhunsan yahay inay dilkaas gaysteen, maadaama ay aad u beegsadaan dadka Kenyaanka ah ee isaga gudba xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka Libooye Cali Manduku ayaa sheegay in 6-da qof ee la dilay ay ka soo jeedaan gobolka Meru ee dalka Kenya, waxayna maacuun ku iibinayeen magaalada Dhoobley.

“Meydkooda ayaa la keenayaa Libooye, si loo aqoonsado ragga la dilay, kadibna loo aaso, ragaas muddo ayey ku ganacsanayeen Libooye,” ayuu yiri guddoomiye Cali Manduku oo warbaahinta la hadlay.

Lama oga sababta loo diay sida uu sheegay Manduku oo aan sharixi karin sida lixda qof ay ku tageen Dhoobley, iyadoo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu xiran yahay.

Kenya ayaa ku dhawaaqday in xadka xiran yahay sanadkii 2011-kii, balse dadka degan labada dhinanc ee xadka way isu tallaabaan, waxaana ka dhexeeya heshiisyo ganacsi oo shacabku isla fahansan yahay.

Markii uu maanta dhacay dil wadareedkaan walaac xoog leh ayaa soo food saaray Kenyaanka ku nool Dhoobley iyo deegaanada hoos taga, waxaana la aaminsan yahay in kooxda Al-Shabaab oo isku direysa labada shacab ee Soomaalida iyo Kenyaanka inay geysatay falkaas wuxuushnida ah.