25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Madaxweyne Muuse Biixi oo shaaciyey in la maroorsaday awooddii xukuumadda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Golaha Wakiilada Somaliland ku eedeeyay inay maroorsadeen awooddii xukuumadda uu hoggaamiyo.

Eedeynta Biixi ayaa imaneysa xilli uu weli Golaha Wakiilada horyaallo miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba, taasi oo dib u dhac bilooyin ah ku yimid.

Golaha oo horey u ansixiyay miisaaniyadda horraantii bishan ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha, kadib markii uu diiday wax ka beddel uu goluhu ku sameeyay miisaaniyadda.

Madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay in golaha uusan awood u lahayn wax ka beddelka miisaaniyadii dowladdu soo diyaarisay, islamarkaana ay tahay inay sidii hore kusoo meel-mariyaan.

Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynaha ku sababeeyay ujeedada uu golaha wakiilada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen, taasi oo ay kamid aheyd in goluhu wax ka beddeleen kala mudnaantii miisaaniyadda.

“Xukuumadda waa midda awoodda sharciyeed u leh dejinta iyo ogolaanshaha ujeedooyinka barnaamijyada dowladda iyo waxyaabaha mudnaanta miisaaniyadda dowladda la siinayo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi oo bartamahii bishan miisaaniyaddaas dib ugu celiyay Golaha Wakiilada.

Inkasta oo si toos ah loogu sheegin qoraalka madaxweynaha waxyaabaha goluhu kusoo kordhiyay miisaaniyadda, haddana waxaa soo baxeysa in Biixi uu diidan yahay lacago dheeraad ah oo dhinacyo kale ugu dareen miisaaniyadda.

Dhinacyada uu goluhu ugu daray lacagta ayaa la sheegay inay kamid yihiin ciidan beeleedyo ka jira deegaanada ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Ciidan beeleedyadan ayaa ah kuwo hore uu u sheegay madaxweyne Muuse Biixi in la abaabuli doono ciidamo madani ah, xilli kal hore lagu kala baxay dagaalkii Laascaanood, inkasta oo aysan weli Somaliland ka quusan dib usoo celinta deegaanada sameystay maamulka ka madax-banaan.

Nidaamka cusub ee lagu soo dooranayo madaxweynaha Somalia oo la horgeeyey BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dastuurka cusub ee ay madaxtooyada iyo xukuumadda Soomaaliya soo bandhigeen waxay ku doonayaan inay nidaamka dalka uga raraan nidaamka baarlamaaniga ah iyadoo loo guurayo habka madaxtooyada.

Haddaba, qormadayda waxaan uga jawaabayaa su’aalahan: Waa maxay ujeeddada geeddigan loo galayo? Maxaa ka dhalan kara? Ma jiraa hab kale oo la isku waafaji karo aragtiyaha kala duwan ee ka jira fagaaraha siyaasadda?

Ujeeddada loogu guurayo nidaamka Madaxtooyada

Bishii May ee sanadkii 2023 ayaa subax lagu waabariistay heshiis ay gaareen madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka oo aysan ku jirin Puntland. Heshiiskaas waxaa lagu sheegay in loo guurayo nidaamka madaxtooyada.

Waxaa jira saddex sababood oo loo qaateen ah oo keenaya in nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda jira in dib loo qiimeeyo.

1. Inta badan waxaa iska-horyimaad madaxwenaha iyo Ra’iisul-Wasaaraha. Dalku wuxuu yeeshay lix madaxweyne iyo 15 ra’iisul-wasaare tan iyo markii Carta lagu dhisay jamhuuriyadda saddexaad sanadkii 2000.

Madaxweyne baarlamaan doortay iyo Ra’iisul-Wasaare uu Madaxweyne magacaabay oo uu baarlamaan kalsooni siiyey ayaa mar walba qoorta isla-gala. Sidaa darteed, nidaamkani ma sii jiri karo. Waa sabab macquul ah.

2. Isma-keenayaan habka madaxweynaha lagu soo doorto iyo awoodaha uu leeyahay ee fulineed. Madaxweynaha waxaa soo doorta xubnaha baarlamaanka oo tiro ahaan ah 330 xubnood.

Xubnahani ma aysan ku imaan doorasho dadweyne sida baarlamaannadii Soomaaliyeed ee 1960-69. Waxay ku yimaadaan hab jacbur ah. Waxayna ku doortaan hab iibsi iyo musuq-maasuq ah madaxweyne leh awood fulineed oo buuxda.

Marka waxaa muddo dheer jirtay soo-jeedinno ku doodaya ha la baddalo habkan oo ha loo guuro nidaamyada jira midkood. Waxaa loo guuri karaa nidaamka baarlamaaniga oo uu ra’iisul-wasaare ku yimaad codka dadweynaha oo madax ka ah xisbiga guuleysta uu hoggaaminayo hey’adda fulinta.

Waa nidaam la yaqaan oo dalal badan oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska iyo Canada adeegsadaan. Waxaa kale oo loo guuri karaa nidaamka madaxtooyada oo ah kan ay hadda dowladdu soo jeedisay. Habab kale oo isku-karis ahna waa la sameyn karaa.

3. Danta weyn ee ku riixaysa madaxda dowladda dastuurkan cusub waa wax-ka-baddalka nidaamka lagu soo dooranayo madaxweynaha. Weli ma dhicin madaxweyne markaas xukunka jooga oo teendhada lagu dooranayo madaxweynaha guul kala dheelmaday.

Waxaa abuurmay dhaqan-siyaasadeed oo baarlamaan kasta oo cusub oo la soo xulo madaxweynaha markaas xukunka jooga waa ay ridaan oo waxay doortaan mid cusub. Weliba, marka laga reebo Madaxweyne Xassan Sheekh, ma jiro madaxweyne dib loo doortay.

Isaguna wuxuu bannaanka joogay oo uu xukunka ka maqnaa hal xilli oo uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukumayey dalka.

Haddaba, Madaxweyne Xassan Sheekh iyo taageerayaashiisu waxay ku doodayaan inaan teendhadii lagu noqon oo waxay leeyihiin ha loo guuro nidaam madaxtooyo oo uu dadku soo doorto.

Waxay is-tuseen inay taasi uga fursad roon tahay inay ku tartamaan nidaamkii madaxweynaha lagu dooranayey ilaa 1960-kii oo uu Madaxweyne Xassan Sheekhna ku yimid. Tan ayaa ah xuddunta ama lafdhabarta hawsha socota ee dastuurka oo dhan loo baddalayo.

Dabcan, hannaanka madaxtooyada in la qaato dhib ma ahan. Waxaase muuqda in dowladdu nidaamyada xisbiyada, doorashooyinka iyo madaxtooyada iskugu sooheyso sida ay iyaga dantu ugu jirto. Waxaana muuqata inay samaysanayaan nidaam iyaga u daneynaya sidii ay xukunka ugu soo noqon lahaayeen.

Waa xisaab ku dhisan waxaa codeynaya dadka magaalooyinka waaweyn jooga. Taas ayeyna u arkeen inay ugu badiso. Waa arrin la fahmi karo.

Waddada loo maray waa qardajeex. Iyadoo sababaha aan soo sheegay ka duuleysa ayay dowladdu soo jeedisay in la guuro. Waxay goosatay inay samayso dastuur cusub oo dantaas iyo kuwa kale oo badan oo ay ka mid yihiin xisbiyada iyo nidaamka doorashada ay ku jiraan.

Dhanka kale, lama soo bandhigin cilmi-baaris lagu sahmiyey nidaamkani inuu ka roon yahay kuwa kale. Lama sharxin sababaha aan nidaamyada kale loo eegin.

W/Q: Afyare Cabdi Cilmi, PhD
Research Professor, City University of Mogadishu.

FAROOLE oo weerar culus ku qaaday XASAN SHEEKH, ugana digay arrin dhici karta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland ayaa weerar afka ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u jeediyay eedeyn culus.

Faroole ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan inuu beddelay gebi ahaanba dastuurkii Soomaalida ay heshiiska ku aheyd, uuna mid kale kala soo baxay jeebkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Senator-ka oo la hadlay BBC-da ayaa wuxuu uga digay madaxweynaha inuu kusii socdo qorshaha dastuurka oo ugu yeeray “tallaabooyinka uu majaraha ugu siibayo qaab dhismeedka dowladnimada Soomaaliya.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in qorshahaan iyo rabitaanka Villa Somalia ay la riixayaan xubno ka trisan baarlamaanka oo uu sheegay inau dano gaar ah ka leeyihiin dowladda.

“Shakhsiyaad ka tirsan baarlamaanka oo iyagu mansab ka doonaya xukuumadda federaalka ayaa kala shaqeynaya (dowladda) in dastuurka dalka la beddelo,” ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Senator-ka ayaa waxa uu tilmaamay in mas’uuliyadda ka dhalata wax ka beddelka dastuurka in ay madaxa u ridan doonaan labada gole ee baarlamaankan, oo ugu horreeyo guddoonka.

Hadalka Senator Faroole ayaa imanaya xilli maalinta berri lagu wado in lagu kala baxo wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan afarta cutub ee ugu horreysa, uuna baarlamaanka cod gacan taag ah u qaadi doono.

Kulankii shalay ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayuu guddiga dastuurka uu mudaneyaasha ugu qeybiyay nuqulkii ugu dambeeyay ee wax ka beddelka lagu sameeyay ee dastuurka.

Qodobada ku jira wax ka beddelka dastuurka ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, ayada oo dhanka kalena uu weli ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh, oo isagu ugu adkeysanaya si uu meel-mar u noqdo heshiiskii doorashooyinka ee golaha wadatashiga qaran, kaasi oo Puntland aysan qeyb ka aheyn.

Sawirro: Wasiirka difaaca oo qaaday tallaabo cusub kadib fadeexadii uu lugaha la galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur oo maalmihii dambe wajahayay waji-gabax la xiriira gudashada waajibaadkiisa shaqo, xilli uu culeys xooggan ka jiro furimaha ayaa qaaday tallaabo cusub.

Wasiirka ayaa bilaabay in uu dib ugu laabto howlihii dagaalka, isaga oo Muqdisho kula kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Shengchao.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ka mahad-celiyay garab istaagga iyo taageerada dowladda iyo shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeenna FEI Shengchao ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay dalkiisa ay u tahay saaxiib istaraatiiji ah oo uu kala dexeeyo xiriir soo jireen ah.

Sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada ay ugu jiraan xoreynta, xasilinta iyo xaqiijinta hannaanka dowladnimo.

Kulankaan ayaa imanaya xilli wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya su’aallo laga keenay inuu u qalmo kursiga, ayada oo lagu eedeeyay in uusan u qalmin xilka uu hayo, oo muhiim u ah dagaalka socda iyo howl-galada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid.

Bankiga Adduunka oo u hanjabay DF iyo tallaabooyin culus oo uu qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka ayaa markii ugu horreysay luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo farriin qoraal ah usoo diray dowladda, gaar ahaan xubnaha dhinaca dhaqaalaha.

Qoraalka Bankiga Adduunka oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxa uu xubnaha dowladda ku wargeliyay in xisaab-xirkii dhaqaalihii Bangiga ka baxay aan lasoo gudbin, kaasi oo ahaa in loo soo gudbiyo 31-ka December 2022-kii.

Xisaab-xirkan muddo dhaafay ayaa illaa hadda la haynin, waana midda ka careysiisay Bangiga Adduunka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatay in loogu daro 9 bilood, welina lama keenin xisaab-xirka.

Bangiga Adduunka oo u muuqda mid aan qaadan karin dib u dhaca qeyru-xadka ah ee ku yimid soo xareynta xisaab-xirka ayaa haatan sheegay in waqtiga kama dambeysta ah uu ku eg’yahay 31-ka bishaan March.

Bangiga ayaa ku goodiyay inuu qaadi doono haddii waqtigaas lagu soo gudbin waayo warbixinta illaa lix tallaabo oo kala ah;

  1.  Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.
  2. Lama kordhin doono mashaariicda hadda socota.
  3. Wada xaajoodyada labada dhinac ahaa dhamaantood dib loo dhigi doona, xitaa qorsheysnaa bisha soo aadan ee April ee sanadkaan.
  4. Dhamaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidoo kalena waxaa la hakinayaa lacagaha mashaariicda hadda socota.
  5. Bangiga ayaa waxa kale oo uu hakin doona deeqaha ay saameynayso warbixinta aan illaa hadda lasoo gudbin.
  6. Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa iyagana la hakinayaa.

Sido kale waxa uu Bangiga Adduunka ku hanjabay in uu joojin soono illaa saddex mashruuc oo muhiim ah oo qorshuhu ahaa in bisha April la fasaxo oo uu bixiyo dhaqaalihiisa, meeshana waa ka baxayaan haddii ay dowladda federaalka kusoo gudbin weydo warbixinta xisaab-xirka muddo ku siman saddex maalmood.

Si kastaba, arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay dowladda federaalka ay sheegtay in uu kobac ku yimid dakhliga gudaha, balse ay lagama maarman tahay oo loo baahan yahay taageero dheeri ah.

Erdoğan oo sanado kadib booqanaya AQALKA CAD

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona Mareykanka 9-ka May, waxaa sidaas maanta sheegay sarkaal Turkish ah, taasi oo dhabbaha u xaareysa kulankii ugu horreeyey ee uu ku yeesho Aqalka Cad ee xilliga maamulka Biden.

Booqashada Washington ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Erdogan tan iyo sannadkii 2019-kii markaasi oo uu la kulmay madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump, oo ay lahaayeen xiriir wanaagsan.

Tan iyo doorashadii madaxweyne Joe Biden ee 2020, Ankara waxay raadineysay kulan kale oo fool ka fool ah.

Xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan xulafada NATO, oo in muddo ah isku khilaafsanaa arrimo kala duwan, ayaa soo hagaagayey tan iyo markii Ankara ay bishii Janaayo ogolaatay xubinnimada Sweden ee NATO, kadib 20 bil oo dib u dhac ah oo niyad jab ku keenay Washington.

Si kastaba, xiisadda ayaa weli sii jirta, oo ay qeyb ka tahay waqooyiga Suuriya, halkaas oo ciidammada Maraykanku ay xulafo la yihiin dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Ankara ay u aragto argagixiso.

Washington ayaa sidoo kale ku cadaadisay Ankara inay wax badan ka qabato sidii loo joojin lahaa badeecooyinka u socda Ruushka ee ay sheegtay in loo isticmaalo dagaalka Moscow ee Ukraine.

Sarkaalkan ayaan wax faah-faahin oo dheeri ah ka bixin socdaalka, balse waxa uu sheegay in madaxa ugu sarreeya sirdoonka Turkiga Ibraahim Kalin uu la kulmi doono xubno ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka oo uu kala hadli doono socdaalka la qorsheeyay iyo arrimo kale oo xiriirka labada dhinac ah.

Khamiistii iyo Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo Wasiirka Difaaca Yasar Guler ayaa sidoo kale la kulmay wafdi Mareykan ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Washington ama safaaradda Mareykanka ee Ankara oo ku saabsan booqashada Erdogan.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Biden iyo Erdogan ay sidoo kale u badan tahay inay ka wadahadli doonaan dagaalka Israel iyo Xamaas – iyadoo ay jiraan hadallo kulul oo Erdogan uu ku dhaleeceeyey ficillada Israel.

Biden iyo Erdogan ayaa sidoo kale ka wada-hadli doona iskaashiga difaaca labada dal oo ay ku jirto ansixinta dhowaan Turkiga loogu ogolaaday iibsashada diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-16.

Markab dagaal oo Ruushka leeyahay oo ku soo xirtay dekad ku taalla Geeska Afrika

0

Asmara (Caasimada Online) – Booqasho aan caadi ahayn, markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka ayaa gaaray dekedda weyn ee badda cas ee Massawa ee dalka Eritrea, iyadoo ay gobolka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.

Markii uu markabka dagaalka ee Shaposhinkov Khamiistii uu yimid Massawa, madaxda ciidamada Eritrea iyo saraakiisha ayaa qaabilay. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Ruushka ee Eritrea.

Sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, markabkan ayaa ka mid ah maraakiibta Ruushka ee mara badweynta Pacific-ga

“Wuxuu ku sugnaan doonaa dekeddaas muddo shan maalmood ah si loogu dabaaldego 30 sano oo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Eritrea” Wasiir Yemane Gebremeskel ayaa ku qoray boggiisa X (Twitter-kii hore).

Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Mareykanka ayaa la geeyay badda cas iyo gacanka cadmeed si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga ee ku socdaalaya dariiqa ganacsi ee muhiimka u ah weerarada Xuutiyiinta.

Eritrea ayaa indhaheeda ku arkaysay joogitaanka ciidamada reer galbeedka ee gobolka si xamaasad leh. Dalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa dhawaan xiriir dhow la yeeshay Moscow.

Xuuthiyiinta oo maamula waqooyiga Yemen ayaa weeraro ku qaada maraakiibta mara badda cas, iyagoo ka jawaabaya dagaalka Qasa. Dagaalyahanadu waa qayb ka mid ah ‘dhidibka iska caabinta’ ee ka dhanka ah Israa’iil.

Isha: BBC

Muxuu yahay go’aanka culus ee ka soo baxay maxkamada ICJ ee Israel la dul dhigay?

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda ugu sarraysa Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku amartay Israa’iil inay furto qaybo badan oo ka mida xuduudda laga galo Qaza, si loo ogolaado inay halkaas ka gudbaan gargaar dheeri ah oo la gaadhsiiyo dadka baahan ee Falastiiniyiinta ah.

Amarkan oo ay soo saartay maxkamadda caddaaladda dunida ee Qaramada Midoob ay ee fadhigeedu yahay Hague ayaa fartay Israa’iil inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lama huraanka ah, iyaga oo aan dib u dhigaynin, si ay u hubiyaan, in gargaarka deg-degga ah si dhakhso ah gudaha loo gaadhsiiyo, gaar ahaan, waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay ku jiraan, cuntada, biyaha, shidaalka iyo daawooyinku.

Maxkamadda ayaa ku amartay Israa’iil inay si deg-deg ah u hubiso “in aanay ciidamadooda milaterigu aanay ku kicin falal xad-gudub ku ah xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool marinka Qaza,” maadaama oo ay ka mid yihiin dadka uu ilaalinayo Axdiga ka hortagga iyo ciqaabidda dembiyada la xidhiidha xasuuqa ee caalamiga ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale u sheegtay Israa’iil inay maxkamadda warbixin ku soo celiso, muddo bil gudaheeda, gaar ahaan habka ay u hirgelinayso amarkan.

Israa’iil ilaa haatan wax fal-celina oo deg-deg ah kama bixinin amarka ka soo baxay maxkamadda caddaaladda dunida, hase ahaatee waxay si adag u beenisay inay geysatay wax xasuuq ah, muddada lixda bilooda ee ay dagaalka ka waddo marinka Qaza.

Israa’iil ayaa maxkamadda ku boorisay in aanay soo saarin amaro cusub.

PUTIN oo hanjabaadii ugu cusleyd u diray reer Galbeedka xilli ay qorsheynayaan in…

Moscow (Caasimada Online) – Vladimir Putin ayaa sheegay in Russia aysan qorsheyneyn inay weerarto dal ka mid ah NATO, ama Poland, amd dalalka Baltic ama Jamhuuriyadda Czech, balse haddii Reer Galbeedka ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay ciidamada Ruushka soo ridi doonaan.

Duullaankii Ruushka ee Ukraine ee bishii Febraayo 2022 ayaa kiciyay xasaraddii ugu xumeyd ee xiriirka Ruushka iyo Reer Galbeedka tan xasaraddii gantaalaha Cuba ee 1962-kii.

Isagoo la hadlayay duuliyayaasha ciidamada cirka ee Ruushka, Putin waxa uu sheegay in isbahaysiga milatari ee Maraykanka uu hogaaminayo ay usoo ballaaranayeen dhanka bari ee Ruushka tan iyo dhicistii Midowgii Sofiyeeti ee 1991-kii balse Moscow aanay qorshaynayn in ay weerarto dal ka tirsan NATO.

“Ma lihin ujeeddooyin gardarro ah oo ku wajahan dalalkan,” ayuu yiri Putin, sida ku cad qoraal Kremlin uu baahiyey Khamiista maanta ah.

“Fikradda ah inaan weerari doonno qaar ka mid ah dalal kale – Poland, Dalalka Baltic, iyo Czech ee laga baqayo – waa wax aan macno lahayn. Waa uun nacasnimo.”

Kremlin-ka, oo Mareykanka ku eedeeya in uu la dagaallamayo Ruushka, isagoo ku taageeraya Ukraine lacag, hub iyo sirdoon, ayaa sheegay in xiriirka Washington uu marayo halkii ugu xumeyd.

Mar wax laga weydiiyay diyaaradaha dagaalka F-16 ee reer galbeedku ay balan qaadeen in ay u diri doonaan Ukraine, Putin waxa uu sheegay in diyaaradaha noocaan ah aysan waxba ka bedeli doonin xaaladda Ukraine.

“Haddii ay siiyaan F-16, arrintan oo ay ka hadlayaan, oo ay u muuqdaan inay tababarayaan duuliyeyaasha, tani ma beddeli doonto xaaladda furimaha dagaalka,” ayuu yiri Putin.

“Waxaan u burburin doonnaa diyaaradahan sida aan maanta u burburinay taankiyada, baabuurta gaashaaman iyo qalab kale oo ay ku jiraan gantaallo badan.”

Putin ayaa sheegay in F-16 ay sidoo kale xambaari karaan hubka Nukliyeerka.

“Dabcan, haddii lagu isticmaali doono garoommada diyaaradaha ee dalal saddexaad, waxay noo noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah, meel kasta oo ay ku yaalliin,” ayuu yiri Putin.

Hadalka Putin ayaa daba socday hadal uu goor hore oo maanta ah jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba oo ahaa in diyaaradaha F-16 ay soo gaari doonaan Ukraine bilaha soo socda.

Ukraine, oo hadda in ka badan laba sano ku jirta dagaal buuxa oo ka dhan ah Ruushka, ayaa raadinaysay F-16 muddo bilo ah.

Belgium, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ka mid ah dalalka ballan-qaaday inay ku deeqi doonaan F-16. Sidoo kale dalal badan ayaa ballan-qaaday inay ka caawin doonaan Ukraine inay u tababaraan duuliyayaashooda.

Xog: Xubno ka tirsan DF oo ku fashilmay inay dekeda ka gudbiyaan daroogo halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ganacsatadii dalka keentay tubaakada halista ah ee loo yaqaano Taabuu-ga ayaa maanta la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir, waxayna mareen hanaanka xabsi xalaaleynta, iyadoo loo dhaadhiciyey xabiga, si baaritaano dheeraad ah loogu sii sameeyo.

Waxaa soo baxay maanta xogo xasaasi ah oo sheegaya in kiiskaan ay ku lug yeesheen saraakiil sare oo ka tirsan hey’adda Tayodhorka Soomaaliyeed iyo xubno ka mid ah maamulka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xubnaha kiiskaan u xiran ee maanta su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya, kaas oo hey’adda Tayodhowka kala shaqeynayey koontoroolidda alaabaha ku jira kunteenadara laga soo dejiyo dekedda Muqdisho.

Ganacsatada maxkamadda la geeyey ayaa maanta sheegay inay jiraan xubno ka tirsan hey’adda Tayodhowrka oo kula shirkoobay in markii ay dekedda ka soo dejiyaan tubaakada Taabuu-ga ay la fududeyn doonaan sidii looga bixi lahaa dekedda, si loogu iib geeyo gudaha dalka.

Waa markii ugu horeysay oo Tubaako hal kunteenar dhan laga soo dejiyey dekedda Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa tubaakadaan laga keenay dalka Sweden, waana nooc halis ah oo qofkii caba uu aad ugu sarqaamayo, sida ay noo sheegeen dadka yaqaana, waxaana la qirsan yahay in hadii Muqdisho ay soo geli laheyd Tubaakadaas ay halis ku noqon laheyd bulshada.

Kunteenarka siday Tubaakadaan halista ah ayaa fashilmay oo la qabtay markii is fahmi waa uu soo dhex galay ganacsatadii ka soo dejisay dekedda iyo xubnihii heshiiska la galay ee hey’adda Tayodhowrka, kuwaas oo markii hore balan-qaaday inay ka soo gudbi doonaan dekedda Muqdisho.

Markii ganacsatada keentay kunteenarka Tubaakada ah la su’aalay waxay cadeeyeen inay heysteen balan-qaad buuxa oo ku dhiirigeliyey inay dalka soo geliyaan Taabuugaan halista ah, taasi waxay badisay tuhunka, waxaana lagu celiyey xabsi si baaritaanadu u sii socdaan, loona raadiyo dadka kale ee kiiskaan u lugta leh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kunteenarkaas waxaa ku jiray 49 kartoon uu Taabuu ah, waxaana markii ugu horeysay xogtiisa heshay maareeyaha hay’adda Tayodhowrka Soomaaliya, taasi oo cusleysay in xubno ka tirsan hey’adda ay macaamil ka galaan, sidii dekedda looga soo gudbin lahaa Tubaakadaas halista ah.

Hey’adda Tayodhowrka Soomaaliya waxay baartaa Tayada badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa, waxaana saran masuuliyad weyn, dhawaan waxaa garoonka Muqdisho lagu qabtay 7 kunteenar oo Bur dhacay ah, kiiska Burkii dhacay ee la qabtay iyo dadkii dalka soo geliyey ayaa hadda loo gudbiyey maxkamadaha dalka.

Daawo: Xildhibaan DF ka dalbatay xogta darawalkii FARMAAJO ee la waayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faadumo Faarax oo golaha shacabka ku metesha qoyska darawalkii Farmaajo oo la sheegay inuu Shabaab u goostay ayaa maanta soo saartay qeylo dhaan cusub, iyadoo farriin u dirtay hey’adaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sahal Maxamed Xirsi oo ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo ayaa la waayey 8 maalmood ka hor, kadib markii uu garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo oo u socday Garowe.

Xildhibaan Faadumo ayaa codsatay in hey’adaha amniga ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan halka uu aaday Sahal, iyadoo sheegay in warka sheegaya inuu Shabaab aaday uu been abuur yahay, isla markaana tuhun ka muujisay in ninkaas uu ku xiran yahay gudaha Muqdisho.

“Sahal Maxamed Xirsi ayaa la dhahaa wiilkaas, maanta ku 8 waa weysanahay, meel kasta ayaan ka raadinay, nabadoonkeyga ayaa dhalay, waxaan ka codsanayaa hey’adaha amniga in ninkaas ay nala raadiyaan,” ayey tiri Xildhibaan Faadumo.

Xildhibaanka oo banaanka xarunta golaha shacabka kula hadashay warbaahinta ayaa la weydiiyey waxa ka jira in ninkaas uu aaday Al-Shabaab, waxayna ku jawaabtay, “Waa been warkaasi, hadii uu halkaas jiro waxaan heli laheyn cadeymo, ee hey’adaha amniga waxaan ka rabnaa in ninkaas Meesha uu jiro ay dabagalaan, meel kasta waxaa ku xiran kaamiro, waa la heli karaa dhaqdhaqaaqiisa, xitaa waxaa la baari karaa wicitaanadii ugu dambeeyey ee uu sameeyey,” ayey tiri.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa mar qura soo baxay warar sheegaya in darawalkii Farmaajo uu aaday Al-Shabaab, isagoo ka degay magaalada Kismaayo, kadibna uga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, balse ma jirto cid soo bandhigtay wax cadeyn ah.

Hadalka Xildhibaan Faadumo oo qoyska ninkaas baarlamaanka ku metesha waxay muujisay tuhun ah in ninkaas Muqdisho uu ku dhex xiran yahay oo gacanta hey’adaha amniga uu ku jiro, maadaama uu la shaqeynayey Farmaajo oo Muqdisho looga kacsan yahay.

Wuxuu watay gaari qaali ah oo xabadu aysan karin, kaasi oo ahaa gaarigii qaaska ahaa ee Farmaajo, wararka aan la xaqiijin waxay sheegayaan in gaarigaas uu gatay Sahal, kadibna uu aaday Al-Shabaab, balse dowladu weli kama aysan hadlin kiiskaan, tuhunka ugu badana wuxuu dul-hoganayaa hey’adaha ammaanka.

Hoos ka daawo

DAAWO: NINKII labaad oo qirtay dembi dil ah oo galabta lagu toogtay Caabudwaaq

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa galabta dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdi Maxamed oo degmada Caabudwaaq ku dilay Bashiir Hure Cabdi, ninkaan ayaa shalay lagu xukumay dilka galabta lagu fuliyey.

Ninkan maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta marxuumka ayaa maalin kahor ka hor si lala yaabay maxkamadda uga hor qirtay dembiga loo haystay ee dilka marxuum Bashiir Hure Cabdi.

Axmed Cabdi ayaa si cad maxkamadda uga hor qirtay in Bashiir Hure uu isagu dilay, oo waliba si kas ah uu u dilay, taasi oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay.

Qareenkii isku soo diyaariyey inuu u doodo ninkaan dilka loo heystay ayaa garan waayey wax uu sheego markaasi, maadaama uu isagu kahor qirtay maxkamadda.

Intaas kadib guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Axmed Cabdi Maxamed oo ah qisaasta Bashiir Hure Cabdi.

Kiisaska dilka ah iyo maxkamadeynta ka socota Caabudwaaq ayaa maalmihii u dambeeyay si aad ah u qabsaday baraha bulshada, waxaana dadka ka yaabiyey ilaa 3 nin oo si toos ah maxkamadda uga hor qirtay inay geysteen dilalka lagu soo eedeeyey.

Dadka falanqeeyey kiisaska dilalka ah ee qirashada ah ayaa ka yaabay dhiiranaanta ragga dilka geystay oo maxkamadda ka hor sheegay inay si kas ah u geysteen dilalka lagu eedeynayo.

Waa qisaastii labaad oo maanta ka dhacday degmada Caabudwaaq, waxaana hadda xabsiga ku jira hal nin oo ka mid ahaa raggii dilka lagu xukumay ee dembiyada dilka ah qirtay, ninkaas ayaa shalay maxkamadda ka codsaday in lagu wareejiyo aabihii dhalay wiilka uu dilay.

Cabdixakiin Axmed Cigaal oo magaalada Cabudwaaq 13-kii bishaan ku dilay Alle ha unaxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan, isla markaana qiraal ahaa ayaa maanta lagu bilaabay toogashada.

Cabdixakiin wuxuu ahaa ninkii ugu dhiiranaanta badnaa, isagoo maxkamadda ka dalbaday in la toogto oo laga oofiyo xadka walaalkiis Bulxan oo si bareer ah uu u dilay.

Hoos ka daawo

 

Qorshaha Xasan ee dastuurka oo noqday laba daran mid dooro iyo midka dalka u roon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sabtida soo aadan oo bishu tahay 30, baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod u qaadi doono ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

Sida Villa Somalia ay qorsheysay la’lama sugi doono 11-ka cutub ee dhiman. Nuqulka ugu dambeeya afartaan cutub ayaa lala wadaagay Xildhibaannada. Waxyaaba ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo.

Dad badan ayaa durba bilaabay inay ka doodaan midka Soomaaliya u roon ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu xilka ka qaadi karo oo agaasime lamid ah iyo madaxweyne ku-xigeen shacabka dooranayaan oo uusan madaxweynaha eryi karin.

Kursiga ra’iisul wasaaraha wuxuu marwalba dheeli-tiri jiray madaxweynaha, gaar ahaan xilliga doorashada markaas oo inta badan madaxda isku deydo inay xukunka sii haysato ama ay qabato doorasho ay iyagu kusoo laaban karaan.

Tan iyo dib u yagleelidii Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya oo magaalada Carta kasoo bilaabata, waxaa laga dharagsan yahay in uusan jirin madaxweyne rabay inuu doorasho qabto laakiin dhamaan waxaa doorasho gelinaayay ra’iisul wasaarayaashii markaas fadhiyay.

Madaxdaas qaar ayaa isku dayay inay ra’iisul wasaaraha iska eryaan, si ay usii dheereystaan xukunka ama ay u dhacdo doorasho ay kusoo laaban karaan. Waxaana ugu dambeeyay Farmaajo oo isku dayay inuu xilka ka qaado ra’iisul wasaare Rooble laakiin maadaama uu dastuurka KMG ah taas diidayay waa u suurtoobi weysay.

Saddex arrimoodba Soomaaliya waxaa u fiican in aan la dhimin awoodaha ra’iisul wasaaraha oo aan wax walba lagu qiimeyn muddo xileedkan.

Haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu isagu isku arko siyaasi aan waxba ka haleynayn qaranka, waa in dhinaca kale lagu xisaabtama inay wax walba oo taban ka imaan karaan qofka ka dambeeya ee isaga kadib xukumi doona dalka.

Haddii awoodda ra’iisul wasaaraha la dhimo waxaa si weyn hoos ugu dhici doona isku dheeli-tirkii laamaha dowladda. Waxaa dhici doonta in la waayo ra’iisul wasaare isku dhigi kara haddii uu madaxweynaha u bareero inuu dalka kala diro, boobo ama uu geliyo heshiisyo uusan qaadi karin.

Waxaa dhamaan doona ra’iisul wasaare laga sugo inuu dalka doorasho gaarsiiyo, waxaana beddelkeeda la arki doona ra’iisul wasaare xukunka u xoogaya madaxweynaha magacaabay ee haddana eryi kara.

Xagga qabaa’ilka: Kursigan reer ayuu marwalba u noqon jiray sad siyaasadeed, maadaama aanay Soomaaliya weli ku heshiinin inay ka guurto hanaanka qabaa’ilka ee 4.5, haddii awoodda kursiga la dhimo kuma filna inuu saami qeybsi noqdo, mana jiri doono reer ku qanci doona ra’iisul wasaare agaasime ku tabar ah.

Xamaasada iyo shaqada: Kursiga ra’iisul wasaaraha wuxuu lahaan jirey xamaasad, laakiin markii Sabtida la dhimo awoodda kursiga ra’iisul wasaaraha xiiso badan siima lahaan doono.

Sidoo kale shaqooyinkii shaqsiga ahaa, ku dhicii uu lahaan jiray qofka booskan haysta ayaa meesha ka bixi doona oo qofka wuxuu ogaanaya in xilli walba la eryi karo oo uusan u baahneyn kooram baarlamaan, isaguna uu is difaaci karin.

Marka la eego xaaladdan, madaxweyne ku-xigeen doorasho ku imaanaya oo uusan madaxweyne magacaabeyn uuna eryi karin ayaa 100% dhaami lahaa ra’iisul wasaare agaasime ah ayey leeyihiin dadka isbarbar dhigaya labadaan boos midka Soomaaliya u roon.

Xarardheere: Tijaabaddii ugu dambeysay ee Shabaab iyo tallaabo la gudboon dowladda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xarardheere ayaa noqotay tijaabaddii ugu dambeysay ee Al-Shabaab, ayada oo dadka deegaanka ay wajahayan koox uusan dhinac kale dagaal uga socon, xilli beelaha qaar ay furimihii kale kasoo baxeen.

Kooxda ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay culeys xooggan soo saartay degmada, ayada oo shalay deegaan dhaca duleedkeeda ay isku fara saareen ciidanka iyo maleeshiyaad ay kooxda u diyaarineysay inay weeraraan degmada.

Shabaab ayaa xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay dib ugu qabsan laheyd degmada oo kal hore looga adkaaday, xilli uu hoos u dhacay gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda.

Haddii reer Xarardheere xilligaan laga adkaado ayaa waxay ka dhigan tahay in uu dagaalkii gobollada dhexe fashilmay, taasi oo god dheer kusii ridi karta rejada in kooxda Al-Shabaab laga adkaado

Reer Xarardheere si ay argagixisada uga adkaadan kuma filna ayaa la leeyahay inay dowladdu baraha bulshada ku taageerto ee waa “in gurmad iyo gacan ficil ah lagu biiriya, oo fadhiga laga kacaa.”

Dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug waa in aaney dadka deegaanka ku fiirsan culeyska ay argagixisadu soo saartay maalmihii dambe, ayna u fidiyaan gurmadka iyo taageerada sida deg degta ah ugu baahan yihiin.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa dhawaan dib ula wareegtay deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey looga xoreeyay kadib markii uu hoos u dhac ku yimid dagaalka, ayna iskaga baxeen ciidanka, xilli la filayay in uu dagaalka galo wejiga labaad.

Daawo: Cabdixakiin Cigaal oo maanta laga oofiyay xadkii qisaasta Samafale Bulxan

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maxkamada gobalka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo magaalada Cabudwaaq 13-kii bishaan ku dilay Alle ha unaxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan.

Cabdikariin Bulxan oo sidoo kale ahaa Samafale ayaa waxa uu ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka.

Ninkan maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta marxuumka ayaa waxa uu laba maalin kahor ka hor si lala yaabay maxkamadda uga hor qirtay dembiga loo haystay ee dilka marxuum Bulxan.

Cabdixakiin ayaa si cad maxkamadda uga hor qirtay in Cabdikariin uu isagu dilay, isaga oo markaas codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta dilkii uu u geystay Weriye Cabdikariin Bulxan, taasi oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay.

“Walaalkey Cabdikariin Axmed Bulxan aniga ayaa dilay, waliba si bareer ah ayaan u dilay, waxaan diyaar u ahay in xaqa la iga oofiyo oo shareecada islaamka la i marsiiyo,” ayuu yiri Cabdixakiin Axmed Cigaal oo si dhiiran uga hor hadlay maxkamadda.

Qareenkii isku soo diyaariyey inuu u doodo ninkaan dilka loo heystay ayaa garan waayey wax uu sheego markaasi, maadaama uu isagu kahor qirtay maxkamadda.

Intaas kadib guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo ah qisaasta Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan.

Kiiskaan ayaa maalmihii u dambeeyay si aad ah u qabsaday baraha bulshada, ayada oo dadka aad uga yaabisay dhiiranaanta ninka dilka geystay oo maxkamadda ka codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta.

Hoos ka daawo

AL-SHABAAB oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay diyaarad Drone ah oo ku…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta gacanta ku dhigtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo saartay kooxda.

Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in diyaaraddan oo ah kuwa yar-yarka ah ay basaaseysay goobaha ay joogaan, balse ay qabteen, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma shaacin kooxdu, sida ay gacanta ugu dhigeen diyaaradda oo ah kuwa qumaatiga u kaca iyo halka ay ku qabteen.

Diyaarada ayaa waxaa soo saartay Textron Systems oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, sida ay muujiyaan sawiro ay baahisay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddaas ay la yeehiin ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab.

Horay Al-Shabaab ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigay diyaarado milatari iyo kuwa kale oo ku dhacay deegaanadooda, kadib markii ay ku yimadeen cilado sababay inay soo dhacaan.

Shilkii ugu dambeeyay ayaa dhacay bishii January ee sanadkan ka gadaal markii Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, taasi oo ay la socdeen shaqaale Soomaali iyo Ajaanib ah, waxaya ku degtay deegaan ay maamusho kooxda Al-Shabaab.

Sida ay QM oo lahayd diyaaradaasi sheegtay waxaa ku timid cilad, xilli ay kasoo duushay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna ku dhacday agagaarka tuulada Xiindheere ee gobolka Galguduud.

Xog: Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo ku kulmaya dalka Jabuuti – Maxaa soo kordhay?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa war cusub oo xasaasi ah kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee ay wada gaareen Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysi siiyay MM Somali TV ayaa shaaca ka qaaday in kulan u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Abiy uu martigelinayo dalkiisa, balse ma shaacin goorta uu dhacayo.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay in kulankan uu daba socdo kulan kale oo ay horay ugu yeesheen dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray kulanka ka dhaca Jabuuti diiradda lagu saari doono xalinta khilaafka xoogan ee u dhexeeyo labada dal, ayna qayb ka tahay dadaalkaas Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo hadakiisa sii wata ayaa xusay in gobolka ay ka jiraan dhibaatooyin kale, isla markaana aan loo baahneyn in xaaladda looga sii daro.

“Gobolka wuxuu lahaa dhibaatooyin badan, dooni mayno dagaal cusub oo ka dhaca gobolka” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa wasiirku mar kale uu ku celiyay mowqifka dowladda Jabuuti ee ixtiraamka madax bannaanida Soomaaliya.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan kulankaas, balse horay madaxweyne Xasan ayaa u sheegay inuu wadahadal la geli doonin ra’iisul wasaaraha Itoobiya illaa uu ka laabto heshiiska badda ee Somaliland.

War cusub oo kasoo kordhay darawalkii Farmaajo ee u goostay kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilldhibaan Faadumo oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay xog ku aadan darawalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo oo la xaqiijiyay inuu u goostay kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaannada oo Wariyeyaasha kula hadashay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa sheegtay in la waayay darawalka oo lagu magacaabo Sahal Maxamed Xirsi, isla markaana arrintiisa si tartiib ah usoo ifbaxday saacadihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in darawalka la waayay uu dhalay nabadoonkeeda, waxayna ka codsatay dowladda federalka Soomaaliya inay la raadiyaan ninkaasi.

“Darawalka lama hayo maanta sideed nabadoonka beesheyda ayaa dhalay anaa xildhibaan u ah laamaha dowladda oo dhan waan wargeliyay,” ayay tiri xildhibaan Faadumod.

Waxay intaasi sii raacisay “Laamaha dowladda waxaan ka codsanayaa inay soo caddeeyaan meel walbaba kaamiro ayaa ku xiran, si loo soo caddeeyo arrintiisa”.

Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, Sahal wuxuu ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo, kaas oo waday gaarigii garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo safarkii ugu dambeeyey ee Garoowe uu ku tegay.

Sidoo kale Sahal ayaa gaarigii Farmaajo la baxsaday markii uu ka soo laabtay garoonka, waxaana naloo xaqiijiyey inuu isku dhiibay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Xogta ayaa intaas kusii dareysaa in gaariga uu ka iibsaday magaalada Muqdisho, isla markaana uu horay u qaatay lacag kumanaan doollar ah oo gaarigii Brufta ahaa uu kala baxay.

Sahal ayaa la sheegay in maalmo kahor uu ka degay magaalada Kismaayo ee Jubbaland, isla markaana uu kaga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, si kooxdaas uu ugu dhex noolaado.

Ilaa hadda kooxda Farmaajo wax faah-faahin ah kama bixin halka uu ku dambeeyo darawalkii gaarka ahaa ee Farmaajo, balse dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa dib u xusuusanaya xaaladihii amni ee dalka ka jiray xiligii uu xukunka joogay Farmaajo.

Markii uu dhacay weerarkii Hotelka VIlla Rays oo ku yaalla afaafka hore ee madaxtooyada, waxaa la waayey oo Shabaab u goostay darawalkii gaarka ah ee Maxamed Mursal guddoomiyihii golaha shacabka u joogay Farmaajo, taas oo muujisay heerka uu gaaray isku milanka hey’adaha dowladda iyo Al-Shabaab.

In darawalkii Farmaajo uu Shabaab aaday maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL oo ku yaalla banaanka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii badinaya shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxda Farmaajo.

Maalmihii u dambeeyay dad badan oo ku dhex qarsanahaa hey’adaha dowladda ayaa lagu guuleystay in banaanka lasoo dhigo, kuwaas oo la shaqeyn jiray argagixisada, dadkaas waxaa laga xusuustaa masuuliyiin ka tirsanaa maamulka degmada Hodan, guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley iyo saraakiil la toogtay oo awoodooda ciidannimo ku gudbin jiray qaraxyadii lagu laayey dadka reer Muqdisho.

Daawo: BF oo maanta qaaday tallaabadii ugu dambeysay ee wax ka beddelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada  labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga doodayo dhammeystirka doodka wax ka beddelka dastuurka.

Dhammaan xildhibaannada kulan xaadiray ayaa loo qaybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee soo jeedina wax ka beddelka dastuurka oo haatan maraya marxladdii u dambeysay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay hareero fadhiyaan ku xigeenada labada Gole ayaa furay kulankan wadajirka oo ee looga hadlay marxaladda saddexaad dastuurka oo ay horay doodo uga soo yeesheen xildhibaanadu, gaar ahaan afarta cutub ee ugu horreysa.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ajendaha maanta uu yahay dhageysiga warbixinta guddiga dastuurka oo sharraxaad ka bixinayay qorshahood ku aadan dhameystirka dooda.

“Maanta howl muhiim ah ayaa inoo taallo, waxaana warbixin dhammeystiran ka dhageysaneynaa guddiga dastuurka ee labada Aqal” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xildhibaanada Soomaaliyeed inay si wanaagsan u dhageystaan warbixinta, si ay kadib go’aan uga gaaraan ansixintiisa.

“Waxaan codsaneynaa in xildhibaanadi ay fadhiyaan si ay arrinta u ogaadaan, kadibna aan xog ogolaa u noqono” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Sabtida soo socota ayaa la filayaa in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo wax ka beddelka, sida uu shaaciyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo qoraal soo saaray.

Xildhibaanka ayaa sheegay in markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ay Sabtida dhici karto in xildhibaan uu u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin.

“Waxaa la yaab leh in xitaa la aaamini waayey habraacii lagu muransanaa ee dib u eegista dastuurka. Madaxweynaha waxaa ku dheeraaday waqtiga lagu soo turxaan bixinayo doodaha xildhibaannada oo gaaraya in ka badan 1000 bog oo qoraal ah iyo la tashiyada 9-ka jiho, wuxuuna amray in meel-mariyo shan ajande oo labo ka mid ah uusan marna ka talaasuli doonin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo weli xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreyaan Farmaajo, Shariif iyo madaxweyne Deni ayu diidan qorshaha Villa Somalia ee dastuurka.

Daawo: Maxamed Deeyow oo shaaciyay qorshihiisa kadib xil qaadistii lagu sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Boondheere, Maxamed Deeyow oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qorshihiisa cusub, kadib xilka qaadistii lagu sameeyay.

Maxamed Deeyow oo shalay si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa shaaca ka qaaday in aanu isbeddeli doonin fikirkiisa, welina uu ahaanayo muxaafad taageerayo madaxweyne Xasan.

“Mucaarad intaas oo sano ayaan soo ahaa marka mucaaradnima kale iima noqoto muxaafadkeyga ayaan ahay wax iga haleysan maleh” ayuu yiri Maxamed Deeyow.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu ku qanacsan yahay habka ay wax u waddo dowladda federaalka, uuna rajeynayo in isbeddel wayn ay gaarsiiso dalka.

“Waan ku qanacsanahay siyaasadda iyo habka uu wax wado madaxweyne Xasan Sheekh waxaan rajeynaa inuu waddanka gaarsiiyo isbeddel fiican” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Xil iyo xil la’aanba waan taageersanahay dowladda, waana wada guuleysaneynaa, haddii uu Alle yiraahdo”.

Ugu dmabeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha dastuurka iyo xaaladda guud ee dalka, wuxuuna sheegay inuu filayo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Deeyow ayaa kamid ahaa dhalinyaradii sida wayn baraha bulshada uga taageeri jiray madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii 2022-kii.