25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Daawo: Yuusuf Madaale oo amar culus soo saaray kadib dhacdadii isgoyska JUBBA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay booqday goobta uu ka dhacay shilkii argagaxa lahaa ee ka dhacay isgoyska Jubba ayaa soo saaray amar ku socda gaadiidleyda.

Madaale ayaa nasiib darro ku tilmaamay dhacdadaasi xanuunka badan, kadib markii markii gaari xamuul ah oo siday konteenar uu kul dul dhacay gaari hoomey ah ama caasi oo ay la socdeen dad rakaab ah, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaa nasiib  darro ah in baabuur noocaas ah uu xilligaas oo kale uu maro, weliba isaga oo xawaare sare ku socdo kadibna uu halkaas ku gadoomay” ayuu yiri Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa mar kale ku celiyay amar horay uga soo baxay maamulka gobolka oo ah in gaadiidka waaweyn aysan socon karin maalintii ee loo ogolay habeenkii xilliga dambe.

“Horay awaamiir ayaa looga soo saaray baabuurta xamuulka ah oo aysan socon karin maalintii oo habeenkii 10:00 habeenimo ay tahay lasoo fasaxo” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mas’uuliyadda dhibaatadii xalay dhacday ay qaadi doonto cidda soo fasaxday gaarigaas oo kasoo baxay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho.

“Dambiga waxaa qaadayo cidda soo fasaxday ayada oo waqtigii amarkaas la bixiyay kahor ay tahay” ayuu mar kale yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Dhinaca kale waxa uu fariin u diray ciidamada Taraafikada oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan xadgudubyada ay gaysanayaan baabuurta xamuulka ee ku sugan Muqdisho

Waxaa sidoo kale lagama maarmaan in taliska nabad-gelyada waddooyinka in aan marnaba la aqbalin waqtigii loo asteeyay kahor inay baabuurtaasi magaalada ay maraan” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu hoosta ka xariiqay in magaalada uu ka jiro ciriiri xooga, aysana sabab u tahay dadka oo batay iyo waddooyinka oo yar.

Magaalada waa jaam bulshada waa badatay baabuurtana way badan yihiin sidii hore maaha, waddooyinkana waa yar yihiin”  ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Sawirro: Dagaalka Shabaab oo dhiig cusub lagu shubayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil uu ka mid yahay Abaanduulaha qeybta 12-ka April G/Sare Warsame Maxamed Diiriye ayaa Taliye Dayax ku soo dhaweeyey Afgooye, ayada oo taliyaha uu soo kormeeray saldhigyada ciidamada xoogga ee degmadaasi.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka faray inay u diyaar garoobaan howl-gallo culus oo kooxda Al-Shabaab looga sifeyn doono deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Shabeellaha Hoose.

Taliye Dayax oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay inuu socdo diyaar garowga dagaalka guud ahaan dalka looga xoreynayo argagixisada.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay billowdeen dadaalo dhiig cusub loogu shubayo dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid, taasi oo kooxda u noqotay fursad ay dib isugu soo abaabusho.

Al-Shabaab ayaa dib u qabsatay deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey ciidanka uga xoreeyeen maleeshiyaadka, balse ay markii dambe ka baxeen, ayna sidaas ugula wareegtay kooxda, halka ay kordhisay weerarada gaadmada ah ee lagu bartilmaameedsanayo xeryaha ciidanka.

Si kastaba, Wejiga koowaad ee dagaalka oo billowgiisi laga gaaray guullo waaweyn, islamarkaana lagu wiiqay qeyb kamid ah awooddii kooxda, ayaa gadaal fadhiid ka noqday, waxaana la rejaynayaa in dar-darta cusub ee hadda la galinayo dagaalka inay dhaymo u noqoto gaabiska ku yimid howl-galka.

Xog: Soomaaliya iyo Iran oo dib usoo celinaya xiriirkooda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay diyaar u tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ay mar kale la yeelato Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran.

Labada dowladood ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay bilaabaan diyaarinta heshiisyo iskaashi oo dhexmara, sida ay wakaaladda wararka Iran ee IRNA ka soo xigatay safiirka Iran u fadhiya Nairobi Ali Gholampour, oo sidoo kale qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr maalin kahor xabsi ku yaalla Muqdisho laga sii daayay 33 kalluumeysato iyo badmaaxayaal u dhashay Iran, kuwaaso loo xiray inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya sannadkii hore.

Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Iran bishii Janaayo sannadkii 2016, ayada oo cayrisay diblomaasiyiin reer Iran ah, islamarkaana xirtay hay’adda Iman Khomeini Foundation oo ka howl-galaysay Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa tallaabadaas sabab uga dhigtay “farogelinta joogtada ah ee Iran ay ku hayso” arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Isla maalinkii ay Soomaaliya xiriirka u jartay Iran, waxay lacag $50 milyan oo dollar oo deeq ah ay ka heshay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Si kastab,a Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inuu xiriir ka dhaxeeyo go’aanka ay xiriirka ugu jartay Iran iyo taageerada dhaqaale ee Sacuudiga, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ay diiday inay ka hadasho.

Bishii Maarso, 2023, Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah.

Dakhliga Somalia oo koboc lama filaan ah sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sare u kacay, taasina waxaa sabab u ah dakhliga gudaha oo kordhay sida lagu sheegay warbixin ay dawladda Soomaaliya soo saartay. Sanadkii hore waxaa dalka u soo xarooday sida warbixinta lagu sheegay $329.5 million.

Dakhliga saxda ayaa ka badnaa intii markii hore la filayay oo aheyd $283.3 million. Waxayna taas ka dhigan tahay in 25% dhaqaalaha dalka uu sare u kacay.

Halka ugu badan ee dhaqaalaha ka soo galay dowladda ayaa ah meelaha ay alaabuhu dalka kasoo galaan sida dekadda iyo garoonka diyaaradaha. Waxay dowladdu dakhli ka heshay sidoo kale canshuuraha u soo xarooday. Canshuurta gudaha waxaa ka soo xarooday 53% halka tan kastamyadana ay aheyd 47%.

Saadaasha sanadkan ayaa la filayaa in noqoto, sida ay warbixinta shegayso, 345 milyan oo doollar. Waxaa canshuuraha laga filayaa $241.4 million halka dakhliga kale ee aan aheyn canshuuraha uu noqonayo 13.7 milyan oo doollar.

Agaasinka dakhliga ayaa sheegay in sanadkan uu soo xarooday dakhli badan. Guud ahaan dhaqaalaha gudaha Soomaaliya ayaa kor u socday intii u dhaxaysay 2013-kii ilaa iyo sanadkii tagay ee 2023-kii.

Shaafici Yuusuf Cumar waa dhaqaaleyahan jooga Muqdisho wuxuuna leeyahay “Kororkan waxa uu ka yimid amniga dalka oo hagaagay iyo in tallaabo hor leh la qaadayo, waxaa lagu dhiirran karaa in la maal gashto dalka iyo dowladda oo xoojisay canshuuraha la qaado, cunaqabteynti oo la qaaday iyo deyntii oo la cafiyay waxyaabahaas oo dhan oo is kaashaday ayaa keenay.” 

Soomaalida iyo Soomaaliyaba waxaa la rumeysan yahay in kororka dhaqaalaha uu wax weyn ka tari karo sida uu qabo mar kale Shaafici.

“Waxa ay ka dhigan tahay in ay wax badan is beddeli doonaan, laakin intaas kaliya kuma filna, waxaase muuqata in shirkadaha wax maalgashta ay ku soo dhiirran karaan Soomaaliya maadama ay haatan kulmeen koboc dhaqaale iyo amniga oo sii hagaagaya,” ayuu sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in beesha caalamku ay horay ugu baaqday Soomaaliya in ay kobciso dhaqaaleheeda, walow ay tahay wax maalin ama labo aan ku hagaagi Karin.

Marka laga tago gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gobollada dalka waxaa jira ganacsi badan iyo alaabaha soo dega oo barbar socda dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Shaafici waxa uu qabaa in dhaqaale intan ka badan uu soo bixi lahaa haddii la mideeyo canshuuraha iyo ganacsiyada kale ee gobollada iyo kan caasimadda.

“Waxa aad muhiim u ah in ay hagaagto istaraatiijiyadda dowladda dhexe iyo dowladda federaalka ah oo ay tahay in dhinac walba laga mideeyo, in candhuurta la mideeyo in iyo in ganacsiyada guud iyo howlaha kaleba la mideeyo waa muhiim,” ayuu yiri Shaafici Yuusuf.

“Baayac cmustharka caalamiga ayaa kaalin muhiim ah kaga jira dhaqaalaha dalka. Wuxuu kor u qaadaa kobaca, iyo shaqaaleynta.”

Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay waxyaabaha ay dibadda kala timaado taas oo qeyb ka ah deganaashaha dhaqaale ee dalka oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dakhliga gudaha dalka uu u adeego qaabka aas aasiga ah ee horumarinta dalka.

Hadalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Dakhliga sooyaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu eegay ilaha dhaqaalaha, sida cashuuraha, kastamka, deeqaha shisheeye, iyo Khayraadka dabiiciga ah.”

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in marka la qiimeeyo isbeddellada dakhli ee hadda jira, daneeyayaashu ay heli karaan “fursad cad.”

Falanqaynta ayaa ka kooban qaybaha sida beeraha, kaabayaasha horumarinta, dalxiiska, iyo maalgashiga shisheeye. Iyadoo la baarayo caqabadaha iman kara.

Sagaalkii sano ee la soo dhaafay, dakhliga dowladdu waxa uu ahaa mid kordhayay oo wax ku biirinaya miisaaniyadda dowladda, Laga soo bilaabo 2013-kii ilaa 2023-dii, sida ay dowladdu sheegtay.

Hase yeeshee sagaalkaas sano waxaa jiray labo sano oo kamid ah isla markaana uu hoos u dhac dhaqaale jiray.

Marka hore, sanadka 2016-kii, wuxuu hoos u dhacay (1.4%) doorashooyinka awgood.

Sannadkii labaadna wuxuu ahaa 2020-kii wuxuu hoos u dhacay (8%) doorashada iyo Coronavirus awgood.

Arrin xasaasi ah oo ka cusub kiiska agaasimayaashii loo heystay musuq maasuqa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta u fariisatay kiiska musuq maasuqii loo heystay agaasimayaashii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, waxaana maxkamadda laga hor sheegay in wax dembi ah lagu waayey agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda XFS Muxudiin Xasan Juris Saabey.

Qareenada difaacaya agaasimayaasha loo heysto musuqa ayaa maxkamadda ka hor sheegay in fadhigaan iyo kuwii ka horeeyaba ay xafiisyada xeer ilaalinta iyo hantidhowrka keeni waayeen wax cadeyn ah, isla markaana qurshuhu ahaa in sumcad dil lagu sameeyo masuuliyiintaas.

Maanta, masuul ka socda xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka, sidoo kalena metelayey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in wax cadeyn ah oo muujinaya in Agaasimhii canshuuraha beriga Muxudiin Saabey uu xaday xoolo dadweyne ay waayeen.

Wuxuu sheegay inay baareen dhamaan boonooyinkii iyo cadeymihii xafiiskiisa, isla markaana ay waayeen wax raad ah oo muujinaya in Muxudiin Saabey uu xaday xoolo dadweyne.

Sidoo kale sarkaalka ka socday Hantidhowr ayaa sheegay in Saabey Akoonkiisa gaarka ah lacagtii ugu badneed ee martay ay aheyd lix kun, isla markaana ay hadda ku heystaan oo kaliya dayacaad masuuliyadiisa ah, maadaama rag isaga ka hooseeyey oo ka shaqeynayey waaxdaas loo maleynayo inay lacago lunsadeen.

Sidoo kale waxaa maxkamadda ka hor hadlay qareenadii difaacayey Saabey iyo agaasimayaasha kale, iyagoo sheegay in qorshaha socda uu ahaa kaliya in la sumcad dilo masuuliyiintaas, isla markaana labada xafiis ee Hantidhowrka iyo Xeer ilaalinta ay ku guul dareysteen inay cadeymo ku eenaan eedeymihii cuslaa ee masuuliyiintaas ay kala dul-dhaceen.

Muxudiin Saabey waxaa xafiiskiisa laga soo helay abaal-marino iyo shahaadooyin ay guddoonsiiyeen masuuliyiinta dowladda, kuwaas oo shaqadii adkeed ee aruurunta daqliga dowladda u uku muteystay, maadaama uu ka soo bilaabay meel eber ah.

Xafiiska uu aas-aasay Muxudiin Saabey 10 sano ka hor, isla markaana laga eryaday sanadkii hore waxaa la sheegay in hadda uu soo xareeyo lacag u dhaxeysa 14 ilaa 15 kun oo dollar, halka isagiina loogu abaal-guday eedeymo musuq maasuq oo hadda u muuqda kuwo ku soo dhamaaday been abuur iyo qorshe Sharaf dil ah.

Dowladda federaalka, gaar ahaan xafiisyada xeer ilaalinta iyo hantidhowrka ayaa soo jeedinaya eedeymahaan, kuwaas oo sheegay inay sameeyeen baaritaano culus, dhamaan agaasimayaasha eedeysan ayaa hadda dalka ka maqan, balse cadwadooda ayaa ka furan maxkamadda gobolka Banaadir.

DF oo war ka soo saartay khasaarihii ugu badnaa oo Al-Shabaab loo gaystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa soo saartay war-saxaafadeed lagu shaaciyey khasaare culus oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey ugu yaraan seddax goobood oo howlgallo culus ay ka dhaceen.

Sida lagu shaaciyey warka dowladda in ka badan 80 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgallo laga fuliyay Goballada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Hawlgalka koowaad ayaa ka dhacay aagga degmada Xarardheere, waxaana lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa, kadib dagaal saacado badan qaatay oo kooxda looga difaacayey gacan ku heynta degmada Xarardheere oo inay la wareegaan ay damceen.

“In ka badan 40 Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka bacaadka Faarax Aadan oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo Khawaarijta ay isku aruursanayeen iyaga oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere,” ayaa lagu yiri warkaan.

Hawlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay soo weerartay maalin ka hor, waxaana lagu gaarsiiyey khasaare culus.

“In ka badan 35 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu qoraalka.

Faahfaahinta howlgalkii Daarunicma ayaa intaas ku sii dareysa “Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan ayaa lagu bartilmaameedsadaymaleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee soo weeraray deegaanka Daaru-Nicma.”

Hawlgalka Seddaxaad ayaa ka dhacay gobolka Bakool, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab ay isku uruursanayeen, waxaana lagu gaarsiiyey khasaare culus.

“Lix ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay hawlgal lagu bartimaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Ugu dambeyntii bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta caadeysatay dhibaateynta shacabka ee ka waantoobi waaya falalka wuxuushnimada ah.”

Ugu yaraan 10 qof oo galabta si argagax leh ugu dhimatay Muqdisho kadib markii uu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof oo la socotay hal gaari ayaa ku dhex geeriyootay Muqdisho, kadib markii uu ka soo dul dhacay gaari siday Kunteenar raashin ka buuxo.

Shilkaan ayaa ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana geeriyooday dhamaan dadkii saaraa gaariga hoos-maray.

Dadka geeriyooday waxay la socdeen gaari Home ah ama Caasi, waxaana ka soo dul dhacay gaari xamuul ah oo siday Kunteenar raashin ah.

Dadkii waa laga kici waayey gaariga ka soo dul dhacay, waxaana halkaas ku geeriyooday dhamaan dadkii saaraa gaariga Caasiga ah.

Weli waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadka ku hoos jira gaariga xamuulka ah ee rogmaday, waxaana gaariga xamuulka ah laga dejinayaa raashinkii saaraa.

Dad goobjoogayaal ah oo sida uu shilkaani u dhacay uga waramay Caasimada Online ayaa sheegay in gaariga Caasiga ah uu taagnaa goob ay dadku ka raacayeen, halka gaariga kale ee xamuulka siday uu socda.

Mar qura ayuu ciiray gaariga xamuulka ah, wuxuuna ka dul dhacay gaariga caasiga ah, waxaana laamiga ku dhegay gaarigii iyo dadkii saaraa, taas oo argagax ku noqotay dadkii goobta joogay.

Shilkaan ayaa dhacay intii loo kala cararayey afurka, wax yar ka hor salaadii maqrib, gaadiid wiish ah oo la dalbay ayaa goor dambe goobta tegay, waxaana la rumeysan yahay in dadka ku hoos jira gaariga ay wada geeriyoodeen.

Qorshe xasaasi ah oo socda iyo waxa Sabtida ka dhici kara baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku shaaciyay in uu socdo qorshe ay Villa Somalia ku dooneyso inay maalinta Sabtida ku jiidhsiiso baarlamaanka rabitaankeeda wax ka beddelka dastuurka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ay Sabtida dhici karto in xildhibaan uu u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin.

“Waxaa la yaab leh in xitaa la aaamini waayey habraacii lagu muransanaa ee dib u eegista dastuurka. Madaxweynaha waxaa ku dheeraaday waqtiga lagu soo turxaan bixinayo doodaha xildhibaannada oo gaaraya in ka badan 1000 bog oo qoraal ah iyo la tashiyada 9-ka jiho, wuxuuna amray in meel-mariyo shan ajande oo labo ka mid ah uusan marna ka talaasuli doonin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa dhici karta in xildhibaan uu Sabtiga u codeeyo Baarlamaan aan Madaxweyne dooranaynin, Raysalwasaarana xil ka qaadi karin.

Waxaa la yaab leh in xitaa la aaamini waayey habraacii lagu muransanaa ee dib u eegista dastuurka, kaasoo dhigaya in marka ay doodda xildhibaannada soo idlaato, muddo bil gudaheed ah lagu soo turxaan bixiyo talo soo jeedintii, su’aalihii iyo sixitaankii ka yimid xildhibaannada, ka dibna lagu soo daro cutubyada laga dooday, ka dibna la tashiyo lala soo yeesho jihooyinka soo socda;

1- Madaxtooyada JFS
2- Xukuumadda JFS
3- Maxkamadda Sare
4- Makamadda Dastuurka
5- Xukuumadaha Dowlad Goboleedyada
6- Golayaasha Wakiilada Dowlad Goboleedyada
7- Maamulka Gobolka Banaadir
8- Maamulka SSC-Khaatumo
9-Culimada Soomaaliyeed

Markaa ka dib Baarlamaanka dib lagu soo celiyo si loo xaqiijiyo in doodihii lagu soo daray, la tashiyadii 9-ka jiho ee habraacu dhigayey la soo sameeyay, ka dibna si ku meel gaar ah aqlabiyad fudud oo 50+ 1 ah lagu ansixiyo, lala sugo ilaa iyo inta laga soo dhammeynayo dib u eegista cutubyada kale ee 11 ka ah ee dastuurka, kolkaana si guud aqlabiyad buuxda oo sedax meelood laba meel, labada aqal si kala gooni ah ugu ansixiyaan.

Madaxweynaha waxaa ku dheeraaday waqtiga lagu soo turxaan bixinayo doodaha xildhibaannada oo gaaraya in ka badan 1000 bog oo qoraal ah iyo la tashiyada 9-ka jiho.

Wuxuu amray guddoonka Baarlamaanka iyo labada guddi ee dastuurka in dib loo dhigo la tashiyada, doodaha xildhibaannada in kooban laga soo qaato, Khamiista beri ahna hawlahaas la soo gebagebeeyo, Sabtigana si kama danbays ah cod buuxa loogu qaado.

Markii ay guddoonka ku wargeliyeen in aan la heli karin kooram Baarlamaan iyo tiro ka badan 220 xildhibaan, Madaxweynuhu wuxuu ku adkaystay in intii timaada lagu socodsiiyo.

Madaxweynaha wuxuu doonayaa in uu meelmariyo shan ajande oo labo ka mid ah uusan marna ka talaasuli doonin;

1- In Madaxweynaha qof iyo cod lagu soo doorto, waxaa halkaa ku duugan in uu xilka haynayo ilaa ay dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhacayso. Hore uma dhicin taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya mar uusan Baarlamaanku dooranin Madaxweyne, 1960- 2022, marka laga reebo xukunkii Milateriga.

2- Guddi doorasho oo qabta labada heer doorasho ee Federaal iyo Dowlad Goboleed, taasoo ka dhigan go’aaminta cidda ka soo baxaysa doorashooyinka dawlad goboleedka.

3- In jagada Ra’iisul Wasaaraha meesha laga saaro oo Madaxweyne iyo ku xigeen la sameeyo, ama laga dhigo Ra’iisul Wasaare uu Madaxweynuhu eryi karo, Baarlamaanka la’aantiis. Markii ugu horraysay taariikhda Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya Baarlamaan magac u yaal ah oo aan madaxweyne dooranaynin, Ra’iisul Wasaarana xil ka qaadi karin.

4- Labo Xisbi oo mid hantida iyo awoodda dawlada lagu dhiso iyo mid malxiis u ah.

5- Hal degaan doorasho oo liis xiran ah, magacyada xildhibaannada iyo kuraastaba uu hoggaamiyaha xisbiga go’aaminayo.

Madaxweynuhu isagoo og in Somaliland ay maqantahay, Puntland boodday, in badan oo Koonfurta dalka ka mid ahna argagexiso haysato ayuu balanqaadayaa in 15 May 2026 ka hor la qabanayo doorashooyinka golayaasha deegaannada, golaha wakiillada, Madaxweynayaasha dawlad gobolleedyada, baarlamaanka federaalka ah iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Waxaas oo idil waxay ku soo dhammaanaysaa xilka waan haynayaa ilaa doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah dalka ka dhacdo. Sow uun maaha sancadii Madaxweynahii xilka uga horreeyey oo la soo hormariyey?.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. 

Golaha Wasiiradda oo deg deg ku ansixiyay heshiis shidaal qodis oo lala galay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiis ku saabsan soo saarista shidaalka iyo gaaska.

Heshiiskan oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa waxa uu qodobada ugu muhiimsan ee ku jira uu dhigaya in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka.

Xukuumadda Ankara ayaa sidoo kale waxay Soomaaliya ka taageeri doonta sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah, sida lagu yiri heshiiska labada dhinac,

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo in ay ka maaranto deeqadaha caalamiga ah.

Wasiirka ayaa xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunida ka gudbayso shidaal, una gudbayso isticmaalka Tamarta.

Kulanka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyey xeer nidaamiyaha diiwaan-gelinta dadweynaha iyo aqoonsiga qaranka iyo wax ka beddelka hindise-sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan ra’iisul wasaaraha uu hakiyay heshiis shidaal baaris oo lala galay shirkad Mareykan oo lagu magacaabo Liberty Petroleum.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa horey heshiisyo shidaal baaris iyo soo saaris ula gashay shirkado iyo dowlado ay ugu dambeysay Turkiga, iyada oo weli aan la bilaabin qodista ceelasha goobaha la cayimay.

Fadeexad ka taagan abaal-marin uu madaxweyne Xasan ku bixiyay VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxauud ayaa xalay bixiyay abaal-marino lacag ah, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Villa Somalia, taasi oo ay ka dhalatay fadeexad si weyn loo hadal hayo.

Abaal-marinadan uu xalay bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu maamusay Tartameyaasha Qu’raanka Kariimka ah, iyada oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Guddiga Tartanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Inkasta oo tallaabada uu qaaday madaxweynaha ay tahay mid bogaadin mudan, haddana waxaa su’aallo dul hoganayaan hanaanka bixinta abaal-marinta, ayada oo la arkayay in ardayda labada kaalin ee ugu dambeeyay gashay aysan is lahayn lacagta la siiyay iyo cadadka qoraalka ku qoran boorka ay ku qorneyd abaal-marinta.

Ardeyda kaalmaha 6-aad iyo 7-aad galay ayaa waxaa qoraal ku qoran boorka oo ah shan kun doolar, balse la siiyay saddex kun iyo laba kun doollarka Mareykanka.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xooggan, ayada oo dadweynaha waydiimo ka keeneen ay kamid tahay in musuq-maasuq uu jiro ama in uu qalad dhacay, iyaga oo dalbanaya sharaxaad dheeri ah, si ay meesha uga baxdo tuhunkan xooggan ee taagan. Hoos ka aqriso fal-celinta qaar kamid ah;

Axmed Maxamed Cusmaan: “Five thousand iyo waxa meesha ku qoran isma lahee.”

Cabdirisaaq Ikhyaar: “Fudayd iyo wax iska hubin la’aanta dowladdan ayey tani caddeyn u tahay.”

“Ma aqaano qalad aqoon yari inay tahay ama musuq, war sidan dal laguma hogaamiyee wax ha laga beddelo,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Maxamuud Siciid Ciid: “Lacagta qoraalka ah iyo tan lambarka isma leh see wax u jiraan!.”

Isku soo wada duubo, arrintaan oo u muuqata inay ku dhacday qalad ay sameeyeen kooxda howshaan ugu xil saarneyd madaxweynaha ayaa waxay fadeexad ku tahay Madaxtooyadda Qaranka oo xalay ay ka dhacday arrinta noocaan ah, islamarkaana uu madaxweynaha kala soo muuqday.

Xog: Xasan Sheekh oo dabac ka muujiyay qodobada qaar ee dastuurka iyo qodobo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan habeen hore Villa Somalia ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo guddoonka guddiyada qaabilsan dhameystirka dastuurka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxa uu madaxweynaha dabacsanaan uga muujiyay qodobada qaar ee sida weyn looga horyimid ee dhameystirka dastuurka, xilli ay meel xasaasi ah mareyso doodda wax ka beddelka dastuurka.

Mid kamid ah qodobada sida weyn la iskugu hayay ee madaxweynaha dabacsanaanta ka muujiyay waa qodobka haykalka dowladnimada ee ah in la qato madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Qodobkan oo dadweynaha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn u diidan yihiin ayaa la sheegay in guddiga dastuurka talo nuuc kale ah ka keeneen, taasi oo ah in kursiga ra’iisul wasaaraha sidiisa loo dhaafo, balse laga dhigo ra’iisul wasaare uu madaxweynaha eryi karo markii uu doono, baarlamaankuna eryi karaan.

Sida uu hadda qaanuunka Soomaaliya u dhisan yahay madaxweynaha waa magacaabi karaa ra’iisul wasaaraha, balse xilka kama qaadi karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uusan habeen hore ku adkeysan fikirkiisi hore ee ahaa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, wuxuuna guddiyada ku yiri kasoo shaqeeya qodobkaan labaad ee lagu dhimayo awoodaha ra’iisul wasaaraha, iyada oo lagu darayo inuu madaxweynaha xilligii uu doono eryi karo ra’iisul wasaaraha.

Marka la fiiriyo marxaladda Soomaaliya uma fiicna in lasii dhimo awoodaha ra’iisul wasaaraha, waxaana haddii middaan la qaato halkaas kusii dhimaneysa isku dheeli-tirkii, waxaana ra’iisul wasaaraha isku beddelaya agaasime guud, taas oo lidi ku noqon doonta hanaanka awood qeybsiga beelaha iyo madax-banaanida shaqo ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qodobka labaad ee uu dabac ka muujiyay waa tirada xisbiyada, isaga oo soo dhaweeyay in tirada xisbiyada laga dhigo saddex, halka uu markii hore ku dheganaa laba xisbi oo keliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu diiday in uu gor-gortan ka galo inuu dalka aado doorasho qof iyo cod ah, oo ka dhacda dhamaan labada heer dowladeed ee Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay in qodobkaas sidiisa loo dhaafo oo uu ahaado doorasho qof iyo cod ah.

Guddiyada dastuurka ayuu madaxweynaha faray inay dadajiyaan howsha dastuurka, ayna kusoo daraan qodobadan, waxaana kulamo deg-deg ah oo arrimahan looga doodayo magaalada Muqdisho ku leh xubnaha labada guddi ee gacanta ku haya shaqada dastuurka.

Dabacsanaanta uu madaxweyne Xasan Sheekh ka muujiyay qaar kamid ah qodobada dastuurka ayaa imaaneysa, iyada oo ay sii xoogeysanayaan cadaadiska gudaha iyo midka caalamiga ah ee uu la kulmayo madaxweynaha.

Maamul goboleedka Puntland oo iyadna qoraal soo saartay ayaa sii daayay digniintii ugu dambeysay. Waxay Puntland sheegtay in aanay qeyb ka noqon doonin qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen mid xambaarsan “talo maroorsi”.

Iyaga oo dhinaca kale shaqada socota ku sheegay mid lagu sameynayo dastuur cusub, taas oo u baahan heshiis bulshdo, tiiyo baarlamaanka xasuusiyeen in uusan sharciyad u haysan sameynta dastuur cusub.

Faah-faahinta dagaal culus oo ciidanka DF iyo Shabaab maanta ku dhex-maray…

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka degmada Xarardheere.

Dagaalkan oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa maamulka degmada Xarardheere ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Bacadka Faarax Aadan oo 7KM u jira degmada Xarardheere.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii uu ciidanka weerar ku qaaday dagaal-yahaano Al-Shabaab ah oo aaggaas ku sugnaa, kuwaasi oo qorsheynayay inay weerar kusoo qaadan degmada Xarardheere.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf oo qeyb ka ahaa dagaalka ayaa warbaahinta u sheegay inay dhowr jiho ka weerareen Shabaab-kii ku sugnaa halkaasi, islamarkaana ay ka dileen maleeshiyaad badan oo ay ku jiraan ajaanib.

“Waxaa xaqiijinayaa in aan haatan ku suganahay (ciidanka joogaan) goobihii lagu dagalaamay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xarardheere oo sheegay in ay gacanta ku hayaan goobihii laga soo abaabulayay weerarka degmada, kadib dagaal qaatay saacado.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ku baxay askar ka tirsan ciidanka dowladda, “Waxaa jira askar inooga dhintay howl-galka,” ayuu yiri guddoomiyaha isagoo intaas kusii daray in dhinacyada ay gacanta iskula tageen markii ay ka dhamaatay rasaastii ay ku dagaalamayeen.

Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe nafis ka heshay gulufkii cuslaa ee ka dhanka ahaa ayaa qaadeysay weeraro gaadmo ah oo ay ku bartilmaameedsaneyso ciidanka dagaalka kula jira, ayada oo maanta la fashiliyay isku day ay ku rabtay maleeshiyadu inay ku weerarto Xarardheere.

Si kastaba, kooxda ayaa dhawaan dib ula wareegtay deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey looga xoreeyay kadib markii ay iskaga baxeen ciidanka dowladda, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socday dadaalo dhiig cusub loogu shubay gulufka.

Daawo Muktaar Roobow: Somaliland iyo Puntland tabartooda ayaa reebtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo khudbad ka jeediyay xiritaanka tartanka sanadlaha ah ee Qur’aanka Kariimka ayaa ka warbixiyay qabsoomida barnaamijkaasi wayn.

Roobow ayaa sheegay in tartankan ay ka qayb-galeen inta badan maamul goboleedyada dalka, marka laga reebo Somaliland iyo Puntand.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in labadaas maamul ay reebtay tabartooda, ayna u suurageli waysay inay kasoo qayb-galaan tartanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne inta warbixinta la sheegay waayay intaas oo maamul goboleed ayaa joogo hal su’aal waa soo boodi kartaa waan hubaa oo ah aaway Somaliland iyo Puntland? waa jirtaa sow maahin su’aashaas” ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Roobow oo sii hadlaya ayaa ku jawaabay “Waan raadinay labadooda oo dadaal badan ayaan ku bixinay, laakiin tabartooda ayaa reebtay”.

Sidoo kale Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa faah-faahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray tartanka oo uu xalay madaxweynaha ku abaal-mariyay illaa 7 arday.

“Ardaydu way dadaaleen sanadkan waan kordhinay kaalmaha, markii hore waxay ahaayeen 5, haddase waxaan gaarsiinay illaa 7 arday” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Abaal-marinada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay:-

1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.

Sanad kasto marka laga gaaro bisha Ramadaan ayay dowladda dhexe qabataa tartanka Qur’aanka Kariimka, waxaana soo qaban qaabiso Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Xog xasaasi ah: Darawalkii gaarka ahaa ee Farmaajo oo u goostay kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la xaqiijiyey in darawalkii gaarka ahaa ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u goostay kooxda Al-Shabaab, arrintaan oo tartiib u soo ifbaxday ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka yaabisay dadka Soomaaliyeed.

Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, Sahal Maxamed Xirsi wuxuu ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo, kaas oo waday gaarigii garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo safarkii ugu dambeeyey ee Garoowe uu ku tegay.

Sahal ayaa gaarigii Farmaajo la baxsaday markii uu ka soo laabtay garoonka, waxaana naloo xaqiijiyey inuu isku dhiibay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Xogta aan fakashada ninkaas ka helnay waxay intaas ku dareysaa in gaariga uu ka iibsaday gudaha caasimadda Muqdisho, isla markaana uu horay u qaatay lacag kumanaan doollar ah oo gaarigii Brufta ahaa uu kala baxay.

Sahal ayaa la sheegay in maalmo ka hor uu ka degay magaalada Kismaayo ee Jubbaland, isla markaana uu kaga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, si kooxdaas uu ugu dhex noolaado.

Ilaa hadda kooxda Farmaajo wax faahfaahin ah kama bixin halka uu ku dambeeyo darawalkii gaarka ahaa ee Farmaajo, balse dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa dib u xusuusanaya xaaladihii amni ee dalka ka jiray xiligii uu xukunka joogay Farmaajo.

Markii uu dhacay weerarkii Hotelka VIlla Rays oo ku yaalla afaafka hore ee madaxtooyada, waxaa la waayey oo Shabaab u goodtay darawalkii gaarka ah ee Maxamed Mursal guddoomiyihii golaha shacabka u joogay Farmaajo, taas oo muujisay heerka uu gaaray isku milanka hey’adaha dowladda iyo Al-Shabaab.

In darawalkii Farmaajo uu Shabaab aaday maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL oo ku yaalla banaanka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii badinaya shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxda Farmaajo.

Sanadihii uu xukunka joogay Farmaajo ayaa la sheegaa inay aad isugu milmeen hey’adaha dowlada iyo kooxda Al-Shabaab, taas oo argagixisada u suurta gelisay inay dilaan qof kasta oo ay doonaan, meel kastana galaan ama weeraraan.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaal culus ku qaadat Al-Shabaab markii ay xukunka kala wareegeen tii Farmaajo, waxaana gobollada dalka ka bilowday dagaal toos ah, halka uu Muqdisho ka bilowday howlgal kale oo lagu kala saarayo isku milanka Shabaab iyo hey’adaha dowladda.

Dad badan oo ku dhex qarsanahaa hey’adaha dowladda ayaa lagu guuleystay in banaanka lasoo dhigo, kuwaas oo la shaqeyn jiray argagixisada, dadkaas waxaa laga xusuustaa, masuuliyiin ka tirsanaa maamulka degmada Hodan, guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley iyo saraakiil la toogtay oo awoodooda ciidanimo ku gudbi jiray qaraxyadii lagu laayey dadka reer Muqdisho.

Maxay tahay deeqda ay Jubaland maanta ka heshay laba dal oo waaweyn? + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda SoDMA ayaa maanta deeq gaar gaar ah u dirtay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taas oo loogu talagalauy shacabka ku sugan maamulka Jubbaland.

Shixnaddan oo gaaraysa ill 4,000 oo tan oo deeq gargaar ah ayaa maanta ku xiratay dekedda magaalada Kismaayo, halkaas oo la filayo in shacabka lagu gaarsiiyo

Gargaarkaan waxaa Dakadda Muqdisho ka sagootiyey  Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, oo uu wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka maamulka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac iyo Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf.

Sida ay hay’addu sheegtay deeqdan la gaarsiiyay Jubbaland waa qayb kamid ah gargaarkii dhawaan laga helay dowladaha Ruushka iyo Sacuudiga oo kusoo caawiyay Soomaaliya

Hay’adda oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay u gargaarida dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysay gudaha dalka.

“Gargaarkaan ayaa hore waxaa dalkeena ugu deeqay Dowladdaha Ruushka iyo Sacuudiga,  waxaana hay’adda mar walba ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed meel walba oo ay dalka ka jogaan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ayaa ballanqaaday in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay gaarsiin donaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA.

Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay ka jiraan xaaladaha adag ee dhanka nolosha ah, waxaana horay ugu dhuuftay Elinino oo saameyn ku yeelatay gobollada maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale intaas usii dheer dagaalka Al-Shabaab oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan Jubbooyinka iyo Gedo oo qaarkood kasoo barakcay guryahooda.

Sawirro: Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan oo ciidan badan wata oo gaaray Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu maalmo kahor xilkan u magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Muuse Salaad Wehliye oo ay galbinayaan ku dhowaad 20 gaadiidka dagaalka ah ayaa safar dhinaca dhulka ah ku galay magaaladaasi oo ay weli ka taagan xiisad xoogan.

Sidoo kale waxaa safarkiisa qayb ka ah xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan HirShabelle, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay marka ay tageen halkaasi.

Degmada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal HirShabelle looga saaray magaaladan, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada taabacsan maamulka la magac baxay ‘Hiiraan State’ oo kasoo horjeeda maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Cali Guudlaawe.

Guddoomiyaha cusub ayaa la filayaa inuu dhowaan xilka kala wareego guddoomiyihii hore ee gobolka, Cabdullahi Sufurow oo xilkaas soo haayay tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Guddoomiyaha cusub oo dhalinyaro ah ayaa kamid ahaa golaha wasiirada HirShabelle, wuxuuna ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiid Duulista iyo Hawada ee maamulkaasi.

Faysal Salaad ayaa waxaa hortaallo shaqo adag oo ay ugu horeyso wax ka qabashada tabashada reer Beledweyne oo weli diidan maamul goboleedka HirShabelle.

Hiiraan oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haatan la dagay khilaafaad ka dhashay dhanka maamulka oo u dhexeeyo madaxda sare ee HirShabelle iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolkaas oo ay xildhibaano qayb ka yihiin.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii u horreeyay ee Xamza iyo safiirka cusub ee Turkey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday ayaa tilmaamay in Turkiga uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaasi oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Danjire Alper Aktaş ayaa isna dhankiisa sheegay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isaga oo uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.

Mr. Alper Aktaş ayaa beddelay Ibrahim Mete Yagli oo isagu soo gaba-gabeeyay shaqadii diblomaasiyadeed ee uu u joogay Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan, ayada oo dhawaan gaaray heshiis difaac, kaasi oo dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayey dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya ayaa Turkiga ku sifeysa waddan saaxiib iyo walaal la aamini karo ah, maadaama uu yahay walaal marar badan hiil inoo muujiyay, waxayna xilligaan la kaashaneysa difaaca qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.





Sawirro: Cabdi Maxamuud Xaashi oo xukun adag lagu riday

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun adag ku ridday gacan ku dhiigle Cabdi Maxamuud Xaashi oo hoary duleedka degmada Caabudwaaq ugu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Xaashi.

Maxkamadeynta ninkan oo ka dhacday isla Caabudwaaq ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Cabdi Maxamuud Xaashi oo kahor hadlay maxkamadda ayaa dhankiisa qirtay inuu dilka gaystay, kaas oo ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Caabudwaaq.

Xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda gobolka oo soo oogay dawcaddan ayaa goobta kusoo bandhigay caddeymo muujinaya dilkaasi, marqaatiyaal iyo qoraygii wax lagu dilay.

Intaasi kadib garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Axmed Salaad Kulane ayaa ku dhowaaqay go’aanka, wuxuuna sheegau in dil toogasho ah lagu xukumay Cabdi Maxamuud Xaashi oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Maxamed Cabdi Xaashi.

Ehellada marxuumka oo iyaguna goobta ku sugnaa ayaa soo dhaweeyay xukunka ay ridday maxkamadda gobolka Galgaduud oo ah in la qisaasayo gacan ku dhiiglaha.

Isla maxkamaddan ayaa shalay u fariisatay kiiska ninkii dilay Weriyihii Telefishinka Qaranka ee degmada Caabudwaaq Allaha u naxariistee Cabdikariin Axmed Bulxan.

Cabdixakiin Axmed Cigaal oo 13 bishaan dilay Wariye Cabdikariim Axmed Bulxan ayay maxkamaddu siisay fursad uu uga warbixiyo dembiga loo heysto, wuxuuna si cad i qirtay in Cabdikariin uu isagu dilay.

Ninka dilka geystay ayaa codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta dilkii uu u geystay Weriye Cabdikariin Bulxan, taas oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay.

Kadib qirashada gacan ku dhiiglaha guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo ah qisaasta Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan.

Sawirro: Xasan Sheekh oo bixiyay abaal-marino lacag ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxauud ayaa xalay bixiyay abaal-marino lacag ah, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Villa Soomaaliya, taas oo ay ka qayb-galeen wasiiro, duqa Muqdisho iyo Culimo.

Abaal-marinadan oo la bixiyay xilligii afurka aya waxaa lagu maamusay Tartameyaasha Qu’raanka Kariimka ah, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda, Guddiga Tartanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa munaasabadan abaal-marino lacag ah ku guddoonsiiyey ardayda kaalmaha hore galay too gaaraya illaa todobo, kuwaas oo isku jiro gabdho iyo wiilal.

Abaal-marinada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay:-

1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.

Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.

Sidoo kale wuxuu aad u boggaadiyay macallimiinta iyo waalidiinta kusoo dadaalay ardayda guuleysatay iyo dhammaan kuwii ka qayb-galay musaabaqada.

“Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka” ayuu khudbaddiisa jku yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay xujo ku tahay kooxda Al-Shabaab oo ku eedeeyay inay suurad xumeynayso diinta Islaamka.

“Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna, iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle. Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex laayeen ehlu Quraan”. ayuu sii raaciyay.

Sanad kasta marka laga gaaro bisha Ramadaan ayay dowladda dhexe qabataa tartanka Qur’aanka Kariimka, waxaana soo qaban qaabiso wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

 

Israel oo ku gacan seertay qaraarkii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM

Gaza (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Salaasadii sheegay inuu sii wadayo qorshihiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro Xamaas, isaga oo dhinaca kalena dhaleeceeyey qaraarkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa, in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo degdeg ah.

Netanyahu ayaa dalabaadka Xamaas ku tilmaamay inay yihiin kuwo dhalanteed ah, isaga oo sheegay inuu sii wadayo dagaalka illaa uu ka gaadhayo ujeedada ay u qaadeen, oo ay ka mid tahay in la sii daayo maxaabiista, in la burburiyo awoodda milateri ee xamaas iyo nidaamkooda dawliga ah, isla markaana ay tahay inay hubiyaan inaanay Gaza noqonin meel halis ku ah amniga Israa’iil.

Sarkaal sare oo u hadlay Xamaas ayaa isagu sheegay inay la wadaageen kooxaha dhexdhexaadinta wada, inaanay waxba iska bedelin dalabaadkoodii hore ee ahaa, in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo marinka Qaza iyo in la isdhaafsado maxaabiista Israa’iil iyo kuwa Falastiinyiinta ee ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Sarkaal sare oo u dhashay Israa’iil ayaa Salaasadii u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay Qatar dib ugaga yeedheen xubnihii ku metelayey wadahadalada, ka dib markii la is mari waayey, gaar ahaan in Xamaas ay sii dayso maxaabiista ay hayso.