25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Daawo: Ninkii dilay Cabdikariin Bulxan oo maxkamadda u gudbiyey codsi yaab leh

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) –Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta u fariisatay kiiska ninkii dilay Weriyihii Telefishinka Qaranka ee degmada Caabudwaaq Allaha u naxariistee Cabdikariin Axmed Bulxan.

Fadhiga maxkamadda ayaa maanta ka qabsoomay degmada Caabudwaaq, waxaana si lala yaabay dembisa u qirtay ninkii la hor keenay maxkamadda ee loo heystay dilka Weriyaha.

Cabdixakiin Axmed Cigaal oo 13 bishaan dilay Wariye Cabdikariim Axmed Bulxan ayay maxkamaddu siisay fursad uu uga warbixiyo dembiga loo heysto, wuxuuna si cad i qirtay in Cabdikariin uu isagu dilay.

Ninka dilka geystay ayaa codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta dilkii uu u geystay Weriye Cabdikariin Bulxan, taas oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay.

“Walaalkey Cabdikariin Axmed Bulxan aniga ayaa dilay, waliba si bareer ah ayaan u dilay, waxaan diyaar u ahay in xaqa la iga oofiyo oo shareecada islaamka la i marsiiyo,” ayuu yiri Cabdixakiin Axmed Cigaal oo si dhiiran uga hor hadlay maxkamadda.

Qareenkii isku soo diyaariyey inuu u doodo ninkaan dilka loo heystay ayaa garan waayey wax uu sheego, wuxuuna maxkamadda u daayey go’aankeeda.

Intaas kadib guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo ah qisaasta Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan.

Kiiskaan ayaa aad u qabsaday baraha bulshada, waxaana dadka aad uga yaabisay dhiiranaanta ninka dilka geystay oo maxkamadda ka codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta.

Hoos ka daawo

Wareysi: Dagaalkii u cuslaa oo Xarardheere ka dhacay galabta iyo ajaanib lagu dilay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa galabta deegaanka Bacadka Faarax Aadan ku weeraray koox Shabaab ah oo la sheegay inay doonayeen inay soo weeraraan degmada Xarardheere.

Dagaalkii ugu cuslaa oo afar jeer la isku rogaal celiyey ayaa ka dhacay halkaas, waxaana la sheegay in aad loogu jebiyey kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen kooxda, isla markaana ay halkaas ku laayeen, welina ay ku sii raacdeysanayaan dhulka howdka ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xubnaha ay ka dileen kooxda ay ku jiraan kuwo ajaanib ah, isla markaana dagaalkaas uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Mudug ay ku galaan Al-Shabaab.

Dhinaca kale, waxaan la xiriirnay dadka deegaanka, kuwaas oo noo sheegay in dagaalku uu ku soo dhawaaday magaalada, balse markii dambe la jebiyey Al-Shabaab oo khasaare badan lagu gaarsiiyey halkaas.

Sidoo kale waxaa jira khasaare culus oo soo gaaray ciidamada deegaanka, waxaana magaalada Xarardheere la keenay meydad iyo dhaawacyo badan, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad ku sugan Xarardheere.

Dhiilo colaadeed ayaa caawa ka jirta aagga magaalada Xarardheere, waxaana la isku hor fadhiyaan meel aan ka fogeyn magaalada, goor kastana waxaa la filan karaa in dagaal qarxo, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada ka difaacaya Al-Shabaab.

Labo urur oo ka tirsan ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah ciidamada Shabaab ka difaacaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, welina waxaa jirta ciidan yari, maadaama halkaas ay Al-Shabaab isugu geeyeen awoodooda, isla markaana ay doonayaan inay qabsadaan magaalada.

Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha Xarardheere 

Daawo: Kheyre oo cadeeyey mowqifkiisa arrinta dastuurka, farriina u diray Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qabtay shir jaraa’id oo arrimaha dastuurka uu kaga hadlay, isagoo sharaxaad ka bixiyey qodobada ay ku diidan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in deg deg loo meelmariyo qorshihiisa dhameystirka dastuurka.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in qorshaha dowladda Soomaaliya ay wado uu yahay dastuur la bedelayo, balse uusan aheyn dastuur la dhameystirayo, isagoo ka deyriyey xaaladda ay Soomaaliya cagaha la sii geleyso.

“Dalkeennu wuxuu maanta ku jiraa xaalad adag, gudaha iyo dibaddaba. Maanta ayaana ugu baahi badannahay midnimo iyo wadajir, balse ma dooneyno in la kala fogeeyo dadkii Soomaaliyeed ee ku kala tegay dagaallada sokeeye,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka digay in dalka lagu maamulo kaligii talisnimo, isagoo si gaar ah farriin ugu diray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh dib u xusuusinayaa in uusan ka leexan wadadii aan ku baadi goobeynay midnimada Soomaaliya iyo masiir loo dhan yahay, isla markaana uusan iloobin hadaladiisii ahaa in qof kaligiis ah uusan go’aan ka gaari karin masiirka umadda Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa cod dheer ku dalbaday in talada dastuurka dhexda lasoo dhigo, isla markaana meel la isla dhigo danaha gaarka ah ee laga dhex arkayo dastuurka, kuwaas oo sida uu sheegay aan u adeegeyn danaha dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan madaxda dalka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara qarannimadeenna iyo midnimada umaddeenna, arrimaha masiiriga ah ee wax-ka-beddelka dastuurku ugu horreeyana laga gaaro talo mideysan iyo go’aan loo dhan yahay,” ayuu yiri Kheyre.

Muran adag oo siyaasi ah ayaa hareeyey arrimaha dastuurka Soomaaliya, halka baarlamaanka Soomaaliya oo howshiisa iska wata uu dhawaan soo gabagabeeyey doodii cutubka 4-aad, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la ansixiyo cutubyadii laga soo dooday.

Hoos ka daawo

Go’aan cusub oo laga gaaray kuraasta ka banaan BF + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha, kaas oo ahaa midka 16-aad ee guddiga uu yeesho.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa dhammaan xubnaha guddiga, waxaana looga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan sida laga yeelayo kuraasta ka banaan baarlamaanka.

Sidoo kale ajendaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Intaasi kadib Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha.

Dhanka kale inta uu kulanka socday xubnaha guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka.

Kuraas badan ayaa ka maqan baarlamaanka, kuwaas oo qaarkood doorashadii 2022-kii uu muran ka dhashay, kadibna dib loo dhigay, waxaana kamid kursigii Fahad Yaasiin.

Waxaa sidoo kale jira boosas kale oo banaan, kadib markii ay geeriyoodeen xildhibaannadii ku fadhiyay, kahor muddo xileedkooda, kuwaas oo u baahan in hadda lasoo buuxiyo.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli muhiim ah, isla-markaana baarlamaanka Soomaaliya au taallo shaqo adag oo ay ugu horreyso wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan, kadib markii xubnaha mucaaradka iyo Puntland ay ka biyo diideen qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan dhameystirka dalka.

 

DF oo war ka soo saartay qaraarkii Golaha Ammaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweysay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku baaqaya xabbad-joojin deg-deg ah oo ka dhacda Gaza.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in tallaabadani ay tahay mid horey loogu qaaday nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay u ololeyneyso soo afjaridda dagaalka ka socda magaalada Gaza.

“Soomaaliya waxay si adag ugu ololaynaysaa in la soo afjaro iskahorimaadka Marinka Gaza, in si nabad ah dadka barakacayaasha ah loogu celiyo guryahoodii, iyo in la xaqiijiyo xal macquul ah oo laba dal ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay Nabad waarta oo gobolka ka dhalata waxaa lagu heli karaa wada hadal dhab ah iyo is ixtiraam,”.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in Soomaaliya ay ku boorrisay in dhinacyada ay khuseyso ay ka go’an tahay in la taageero si loo xaqiijiyo in lagu guuleysto qaraarkan.

Qaraarka kasoo baxay  Golaha Aammaanka ee QM ayaa  dalbanaya in si deg-deg ah oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhamaan la haystayaasha, lana qaado dhamaan caqabadaha la hordhigay gargaarka bini’aadanimo iyo in bed-qabka dadka rayidka ah ee Qaza.

Sidoo kale qaraarkan ayay soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee meertada ah ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana meel-mariyey 14 waddan, halka Maraykanku uu ka aamusay, taasi oo fududaysay in qaraarkani dhaqan-galo.

Waa markii sideedaad ee golaha ammaanku isku dayo inuu qaraar xabbad-joojineed ka soo saaro dagaalka Qaza, hase ahaatee intooda badan wuu ku guul-daraystay.

Duqeyn culus oo ka dhacday degaanka Daaru-Nimca kadib weerarkii kooxda Al-Shabab

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo maanta Al-Shabaab lagula weegtay deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe xilli ay weerareen saldhig ku yaalLa halkaas.

Fariisinta ciidan ee la wareeray ayaa waxaa deganaa ciidamo ka tirsan dowladda ee qeybta ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta dhacday kadib weerarka ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageeray ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka aroortii hore ay Al-Shabaab kusoo qaadeen weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaankaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntan kooxda lagu gaarsiiyay khasaare culus, dib looga celiyay aagga deegaanka Daaru-Nimca,

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in haatan ay howlgallo ka wadaan halkaasi, kuwaas oo lagu baacsanayo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Maalmo kahor ayay aheyd markii ay kooxda weerar noocaan ah ay ku qaado fariisimo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaano dhaca dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab oo weeraradaas usoo abaabushay si qorsheysan, islamarkaana kula dheel-matay xilli hore oo ay hurdayeen inta badan ciidamada ku sugnaa goobaha la weeraray ayaa waxaa lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaasi oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu tala-galay sugida amniga Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Taliyaha ayaa markaas waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee waaberigaas weeraray.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoojineysay weerarada argagixiso ee ay ku beegsaneyso ciidanka, xilli uu hoos u dhac ku yimid gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa, taasi oo loo aaneynayo soo rogaal celinta weerarada kooxda oo ay ku baxeen saraakiil muhiim u ahaa dagaalka socda.

 

Diyaarado waaweyn oo mar kale ku sigtay inay shil ku galaan hawada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimad Online) – Somaliland oo markale ka hadashay arrimo la xiriira maamulka hawada ayaa shaaca ka qaaday in mar kale uu shil diyaaradeed ka dhici gaaray hawada, ayada oo hagayaasha diyaaradaha ee Muqdisho ku eedeysay inay sababi gaareen in ay isku dhacaan laba diyaaradood oo ay kala leeyihiin Emirates Airways iyo Ethiopian Airlines.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Hay’adda Duulimaadyada Somaliland labada diyaaradood ayaa waxaa la siiyay xog sababtay in ay ku duulaan joog isku mid ah, taasi oo sababi gaartay inuu shil dhaco, waxayna falkaas ku eedeysay maamulka hawada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa dhacday 24-kii bishaan, waxayna Somaliland soo bandhigtay warbixin ku aadan macluumaadka diyaaradahaasi iyo sida ay wax u dhaceen.

“Habeenimadii Axaddii  March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog  37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale hay’adda ayaa intaasi kusii dartay in dadaal ay sameysay kahor wakhtiga ay isku aadi lahaayeen labad diyaaradood, taasi oo sababtay in uu duuliyaha Ethiopian Airline uu si deg-deg u beddalo joogiisii, isla markaana uu koro jooga 39000ft.

Weli waxaa la isku heystaa maamulka hawada Soomaaliya, murankan ayaa taagan muddo ka badan bil, kadib markii maamulka ay kordheen carqaladeynta maamulka hawada dalka.

Shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ayaa horay Soomaaliya ugu dacweeyey hey’ad Qaramada Midoobey u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah, balse Soomaaliya ayaa ka jawaabtay dacwadahaas.

Dhawaan Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada Soomaaliya, iyadoo digniin u dirtay mamulka Somaliland.

Sababta Madaale u riixayo qorshaha Xasan Sheekh xilli madax goboleedyada kale…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) wuxuu ahmiyaddii shaqo ee gobolka Banaadir u weeciyay inuu madaxweyne Xasan Sheekh la riixo howsha dastuurka.

Shalay wuxuu boqolaal kamid ah dadka caasimada ku nool iskugu keenay fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana isu soo bixintaan dadweyne lagu sheegay mid lagu taageerayo shaqada dastuurka.

Inkasta oo dadka meesha ka hadlay qaar ay ku dhawaaqeen ereyo aan munaasabad aheyn sida inuu Xasan Sheekh leeyahay dastuurka, haddana Madaale wuxuu u muuqday mid qudbadiisa kusoo jiidanaya madaxda sare ee dowladda, isaga oo weeraray mucaaradka.

Dadka ay inta badan soo bixiyaan maamulka gobolka Banaadir ma ahan dad mowduuca la haysta, oo amar maamul ayaa lagu soo bixiya, waana yar yihiin dad akhriyay dastuurka iyo qodobada sida gaarka ah la iskugu hayo oo halkaas yimid shalay.

Balse mida muhiimka ah waxay tahay aaway maamulladii gobollada kale ee dalka. Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxay bishii May ee sanadkii hore ka qaateen muddo kororsi, isagana waxay u ogolaadeen in qodobada uu rabo lagu daro dastuurka, ayna kala shaqeeyaan meel-marintiisa.

Marka HirShabeelle laga reebo maamullada kale way qaateen muddo kororsigii, laakiin dhamaantood gacmaha ayay ka laabteen shaqada socota ee dastuurka.

HirShabeelle iyada oo aan muddo kororsi la siin ayay ballanta wax ka gashay. Waxaa laga soo wariyay madaxda maamullada in aysan ku qanacsaneyn sida uu wax u wado madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin aanay rabin inay ka horyimaadan maadaama uu iyagaba toodii aqbalay.

Ereyga ugu badan ee ay isticmaalan madaxda maamullada waa inay waxani dhaqan-geli doonin, sidaas awgeedna ayna rabin in Xasan Sheekh ku kala dhintaan wax aan berri shaqeyn doonin.

Madaale isagu waa buddo gaar u tuman, wuxuu wajahayaa cadaadis kursi, maadaama uu magacaabis madaxweyne ku yimid.

Muqdisho waxaa jooga dad badan oo raadinaya booskiisa, waxaana la fahamsan yahay in madaxda sare ee dowladda qaarkeed aanay ku qanacsaneyn shaqadiisa oo ay qabaan in la beddelo.

Isku soo bixinta noocan ah ee shalay Muqdisho ka dhacday iyo weerarka joogtada ah ee uu Madaale ku hayo mucaaradka uma badna inay dabooli doonaan eedaha wax qabad xumo ee hareynaya maamulkiisa, laakiin mid waa macquul inay u dhasho taas oo ah in uusan madaxweyne Xasan Sheekh deg deg ku beddelin.

In dhamaan madaxdii maamullada dalka ka gaabsadeen meel-marinta qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, marka laga reebo gobolka Banaadir waxay aad hoos ugu dhigtay rejada laga qabo inuu qorshahani dhaqan-gal noqdo.

Xogta afarta nin ee loo soo xiray weerarkii Moscow iyo jir dil ba’an oo loo geystay

Moscow (Caasimada Online) – Dhammaantood iyaga oo leh calaamado muujinaya dhaawacyo ku yaalla ayay ka soo hor muuqdeen maxkamad ku taala caasimadda Ruushka, waa afarta nin ee ku eedaysan in ay gaysteen weerarkii lagu dilay ugu yaraan 139-ka qof ee dhacay Moscow.

Waxay afartuba ku eedaysan yahiin in ay gaysteen fal argagaxisonimo.

Jimcihii tagay, ayay rag hubaysan gudaha u galeen masrax ku yaala magaalada Krasnogorsk ee oo dhacda waqooyiga magaalada Moscow, waxayna rasaas ku fureen dadweynihii masraxa daawanayay, ilaa 6,000 qof ayaana kasoo qayb galay bandhig faneed halkaa ka socday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale waxa ay sababeen dab xoogan oo ku fiday goobtaasi, waxa ayna sababtay in saqafka uu soo dumo.

Marka laga soo tago dadka dhintay, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in inka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen.

Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ama ISIS, ayaana sheegatay in ay weerarkaas fulisay, halka mas’uuliyiinta Ruushka ay markii hore sheegeen in sheegashada ururka ay tahay mid “been ah”.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay qiray Isniintii in “Islaamiyiinta xagjirka ah” ay ka dambeeyeen weerarka, laakiin wuxuu soo jeediyay in weerarka uu yahay olole ballaadhan oo Ruushka ku aadan oo cabsi-gelin ah hormuudna ka tahay Ukraine.

Waaxda Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa sheegtay inay afartan nin ku qabteen gobolka Bryansk, oo qiyaastii 400 oo kilomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Moscow, 14 saacadood kaddib markii uu weerarku dhacay.


Raggan ayaa maxkamada ka soo muuqday, waxaana masuuliyiinta Ruushka ay magacyadooda ku sheegeen Dalerdzhon Mirzoyev, Saidakrami Murodali Rachabalizoda, Shamsidin Fariduni iyo Muhammadsobir Fayzov.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Ruushka ee Tass, waxay u dhasheen dalka Tajikistan oo ku yaalla waqooyiga Afgaanistaan.

Bayaan ka soo baxay maxkamadda oo ku saabsan oo lagu baahiyay barta Telegram, ayaa lagu sheegay in Mirzoyev uu “si buuxda u qirtay dambigiisa” iyo in Rachabalizoda uu sidoo kale isna qirtay.

Afarta qof ayaa ku sii jiri doona xabsi ka hortag ilaa ugu yaraan May 22, ayay maxkamadu ku dartay.

Todobo qof oo kale ayaa lagu xiray dalka Ruushka, kuwaasoo looga shakisan yahay inay gacan ka geysteen weerarka.

Calaamadaha dharbaaxada


Muuqaal laga soo duubay, ayaa waxaa la arkaayay ciidamo booliis ah oo wajiyada xidhan, kuwaasi oo eedaysanayaasha usii wada maxkamadda degmada Basmanny ee caasimadda dalka Ruushka.

Intii ay maxkamadda ku sugnaayeen, afartan qof waxay ku jireen muraayad gudaheeda, waxaana ilaalinayay ciidamo booliis ah oo wejiyada soo duubtay.

Sawirada waxaad ku arki kartaa calaamado muujinaya garaaca maxaabiista.

Markii wax laga weydiiyay jirdilka lagu eedeeyay, afhayeenka aqalka Kremlinka Dmitry Peskov wuxuu diiday inuu ka hadlo shir jaraa’id Isniintii.

Ragga ay maxkamaddu magacyadooda ku sheegtay Mirzoyev iyo Rachabalizoda ayaa lahaa indho madoow, dhegta dambena faashad ayaa ku xidhnayd, sababta oo ah in qayb ahaan la jaray markii la soo xidhayay.

Mirzoyev ayaa sidoo kale u muuqday inay qoorta ugu xidhan tahay bac kala jeexan.

Wajiga ninka lagu magacaabo Fariduuni ayaa si xun u bararay, halka ninka lagu magacaabo Fayzov uu u muuqday inuu miyir beel ah, isaga oo gaariga la galiyay maxkamadda, isagoo xiran dharka isbitaalka.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, waxa uu u muuqday in ay il maqan tahay.

Baadhitaano socda


Ururka Daacish (IS) ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii Jimcihii la soo dhaafay sida ay ku baahiyeen Telegram-ka, waxayna daabaceen caddeymo muuqaal ah oo muujinaya kooxihii weerarka geystay oo tooganaya dadkii ku sugnaa hoolka bandhigga.

BBC-da ayaa xaqiijisay in muuqaalku yahay mid sax ah.

Peskov ayaa Isniintii sheegay in aysan habooneyn in laga hadlo dhacdada illaa baaritaanka la dhameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay taageertay kuwa weerarka soo qaaday.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Axadii diiday eedeymahaas, waxaana agaasinka sirdoonka militariga uu sheegay inay tahay “wax aan macquul ahayn” in la soo jeediyo in nimanka ay isku dayayeen inay ka gudbaan xuduud aad u miinaysan, oo ay ka buuxaan boqolaal kun oo askarta Ruushka ah.

Adrienne Watson, oo ah afhayeenka golaha ammaanka qaranka Mareykanka, ayaa sheegtay in IS ay “kaliya mas’uul ka tahay weerarka, aysana jirin wax ku lug lahaansho Yukrayniyaan ah weerarka”.

Daacish oo beegsanaysa Ruushka

Maraykanka ayaa uga digay Moosko horaantii bishan weerar lagu qaado Ruushka oo lagu bar tilmaameedsado isu soo baxyo waaweyn. Kadib waxay soo saartay ogeysiis guud oo ku wajahan muwaadiniinteeda ku sugan dalka.

Digniintan waxaa meesha ka saaray Kremlinka oo ku tilmaamay dacaayad iyo isku day lagu doonayo in lagu farageliyo doorashadeeda madaxtinimo.

Washington ayaa sheegtay weerarka kadib in aysan jirin sabab ay uga shakiyaan sheegashada IS.

Ma noqon doonto markii ugu horeysay oo IS iyo xulafadeeda ay weeraraan Ruushka ama danahooda dibadda.

Kooxdan ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeyntii diyaarada Ruushka laga lahaa ee sanadkii 2015-kii lagu duqeeyay hawada dalka Masar oo ay saarnaayeen 224 qof oo u badnaa muwaadiniin Ruush ah. Waxay sidoo kale sheegteen weerarkii bam ee 2017-kii lagu qaaday tareenka dhulka hoostiisa mara ee St. Petersburg, kaas oo ay ku dhinteen 15 qof.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in kooxdu ay u aragto Ruushka bartilmaameedka koowaad sababo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorkii uu waddanku ku lahaa burburinta saldhigga awoodda IS ee Suuriya isagoo taageeraya dowladda Bashar al Assad.

Isha: BBC

Wasiir ka tirsan DF oo su’aalo laga keenay kursigiisa kadib arrin yaab leh oo uu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo la dirireysa mid kamid ah argagixisada ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan adduunka, wasiirkeed gaashaandhiga waa Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Ninkaan dhalinyarada ah oo la sheego inuu waqtigiisa ugu badan ku bixiyo baraha bulshada sida; Facebook iyo TikTok, ayaa waxa uu cambaareyn xun kala kulmay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, xilli meydadkii ciidanka qaranka daadsanaayeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Argagixisada ayaa Sabtidii qabsatay xero ciidan oo ku taallay deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, askar badan oo amniga caasimada iyo daafaheeda muhiim u ahaa ayaa halkaasi ku dhimatay, waxaana kamid ahaa Taliye Liibaan Golcad.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya wax war ah, tacsi ama u dhirmin u sameyn askartii lagu laayey gobolka Shabeellaha Hoose ayuu Wasiir Jaamac soo saaray qoraal maldahan iyo qosol uu ku duraayo madaxdii mucaaradka ee ku shirsanaa magaalada Garoowe.

Arrintan ayaa si weyn uga carreysiisay shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah ehellada askartii ku dhimatay weerarkii shalay. Waxay ku tilmaameen “masuul aan damiirku hageyn, ka macaashaya dhiigga dhalinyarada iyo xubin aan u qalmin inuu kursiga ku fadhiyo.”

Wasiirka wax cudur daar ah kama bixin farriintiisa carrada ku riday shacabka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay in uusan haysan wasiir gaashaandhiga oo ku habboon la-dagaalanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Laakiin dadka dura hab fikirka madaxweyne Xassan Sheekh waxay sheegayaan inuu madaxweynuhu danno gaar aha Jaamac ugu hayo wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirkani wuxuu aad iskugu mashquuliya dhaliisha dowladdii hore ee Farmaajo ee isagu xubinta ka ahaa. Laakiin taasi ma caawineyso Soomaaliyada holceysa ee u baahan caqli iyo cudud lagu samata-bixiyo.

Xubno kamid ah dowladda hadda jirta ayaa shaqo maalmeedkoodii kahor mariyay inay baraha bulshada ku weeraraan madaxdii hore ee dalka, lamana hubo inay taasi kamid ah tahay siyaasadaha uu waayahan dambe caashaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadweynaha waxay soo jeedinayaan in kahor wejiga labaad ee dagaalka argagixisada in loo baahan yahay wasiir gaashaandhiga oo leh khibrad, masuuliyad iyo faham uu ku akhrin karo xaaladda dalka, ahmiyaddiisuna tahay dhismaha ciidan tayo leh, xuquuq fiican haysta, niyadooda la ilaaliyo iyo soo afjarida argagixisada.

Nooca wasiirka ay shacabka ku haminayaan inay ku arkaan wasaaradda gaashaandhigga iyo Wasiir Jaamac waa kuwo aad u kala fog.

Qeyla-dhaanta shacabka ka muujinayaan hab dhaqanka Wasiir Jaamac iyo dhaawaca shalay maskax ahaan u gaaray ciidanka dowladda, labaduba waxay kusoo aadayaan iyada oo la hadal hayo in isku shaandheyn lagu sameyn doono xubno kamid ah golaha wasiiradda ee dowladda federaalka ah, marka ay dowladda ku guuleysato meel-marinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

SSC-KHAATUMO oo DF Soomaaliya u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC- Khaatumo ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in mashaariicda loogu tala-galay deegaanadeeda loo soo marsiiyay Somaliland, taasi oo ay sheegeen mid aysan aqbaleyn marnaba.

Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Shiine ayaa waxa uu sheegay in tallaabadan ay qaaday dowladda dhexe ay muujinayso inay weki aaminsan tahay in deegaanada SSC-Khaatumo ay ka tirsan yihiin Somaliland, xilli ay SSC si madax banaan u maamulato deegaanadeeda.

“Waxyaalaha la yaabka leh waxaa kamid ah, mashaariicaha la leeyahay Somailand baa la marinayaa, xaggee laga fulinayaa? soo waddankii dadkii lahaa gacanta kuma hayaan,” ayuu yiri Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC.

Waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in dowladda federaalka mashaariicdii loo qoondeeyay in laga fuliyo SSC-Khaatumo ay geyso magaalada Hargeysa, isagoo xusay inay horey dowladda uga tabanayeen in aysan kasoo bixin kaalinta ay ka filayeen.

“Ma waxaa la rabaa in mashaariicahaas (la geeyay Hargeysa) ay Somaliland ku gadato hub iyo saanad ay kusoo weerarto SSC- Khaatumo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Maxamed Shiine.

Ugu dambeyntiina wuxuu dowladda federaalka ku booriyay in looga baahan yahay inay mashaariicda u qeybiso si caddaalad ah, “si gaar ahna u eegto deegaaanada nugul sida SSC- Khaatumo,” sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya 60 Milyan oo dollar u qoondaysay in lagu bixiyo arrimaha waxbarashada, ayada oo deegaanada laga fulinayo mashruucaan oo socon doona 3 sano aysan ku jirin SSC.

Al-Shabaab oo weerar culus ku ekeeyay fariisin ciidan oo ku taal gobolka Sh/Dhexe

0

Daaru-Nimca (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan kooxda ay weerar ku qaadeen saaka fariisin ciidan oo ku taal deegaanka Daaru-Nimca.

Weerarkan oo lagu sheegay mid gaadmo ah, ayna kooxda fulisay xilliga hore ee waaberigii, xilligaasi oo ay inta badan fuliyaan weerarada ay kooxda ku qaado xeryaha ciidanka dowladda.

Fariisinta ciidan ee la wareeray ayaa waxaa deganaa ciidamo ka tirsan dowladda ee qeybta ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaa lasoo warinayaa khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkan, inkasta oo aan weli faah-faahin rasmi ah ay kasoo bixin.

Maalmo kahor ayay aheyd markii ay kooxda weerar noocaan ah ay ku qaado fariisimo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaano dhaca dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab oo weeraradaas usoo abaabushay si qorsheysan, islamarkaana kula dheel-matay xilli hore oo ay hurdayeen inta badan ciidamada ku sugnaa goobaha la weeraray ayaa waxaa lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaasi oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu tala-galay sugida amniga Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Taliyaha ayaa markaas waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee waaberigaas weeraray.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoojineysay weerarada argagixiso ee ay ku beegsaneyso ciidanka, xilli uu hoos u dhac ku yimid gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa, taasi oo loo aaneynayo soo rogaal celinta weerarada kooxda oo ay ku baxeen saraakiil muhiim u ahaa dagaalka socda.

Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha kala soco Caasimada Online

PUNTLAND oo go’aan culus kasoo saartay qorshaha wax ka beddelka dastuurka

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qoraal dheer ah oo uu soo saaray ku sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in isbeddel lagu sameeyo ama la dhameystiro dastuurka Soomaaliya oo la filayo in uu dhowaan u codeeyo baarlamanka Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay in isku daygan uu yahay mid meesha looga saarayo dastuurkii lagu heshiiyey, laguna beddelayo dastuur cusub oo masaaliix gaar ah ay ka dhex arkaan madaxda dowladda federaalka, sida ay hadalka u dhigtay.

WAR-SAXAAFADEED 

Dowladda Puntland iyo shacabkeedu waxay muddo dheer hormuud ka ahaayeen sidii loo heli lahaa hannaan Dowladnimo oo ku dhisan wadatashi, wax wada lahaansho iyo nidaam Federaali ah heshiisna lagu yahay. Sidoo kale, uuna qeexayey Axdi qarameedkii Shirweynihii Mbagathi, Kenya ee sannadkii 2004-tii iyo shirarkii ay ka soo baxeen heshiisyadii Garowe 1 iyo Garowe 2 ee December 24,2011 iyo February 18, 2012, ayna ku ansixeyeen magaalada Muqdisho ergo dhan 825 xubnood oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed Bishii August 2012, kaas oo lagu meelmariyey Dastuurka KMG-ka ah ee maanta heshiiska lagu yahay.

Sida uu dhigayo Dastuurka KMG-ka ah Qodobkiisa 1-aad, Soomaaliya waxa ay qaadatay Nidaam Federaal ah, Dimuqraadi ha kuna dhisan nidaamka Xisbiyada badan, mana jiro karo daraf kaligii bedeli kara.

Dowladda Puntland waxay marar badan ka hadashay baahida loo qabo dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah, si taas loo gaarana ay muhiim tahay in marka hore heshiis siyaasi ah laga gaaro qodobada hortabinta u leh dhammeystirka dowlad dhiska Dalka, ee ku xusan qodobada 50-aad, 51-aad, 52-aad, 53-aad, 54- aad iyo qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ka ah oo ay ka mid yihiin qaybsiga iyo kala xadeynta awoodaha dowliga ah, hanaanka caddaaladda iyo qaybsiga khayraadka Dalka.

Dowladda Puntland waxay si adag uga soo horjeedaa, ugana digaysaa xaaladaha ka soo cusboonaaday tubta dowlad dhiska hannaanka Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaalada ay Madaxda Dowladdu ugu jiraan bedalidda Dastuurka KMG- ka ah, si aan Soomaali heshiis ku ahayna meesha looga saaro mabaadi’da asaasiga ah iyo qaab dhismeedka Dowladnimada ee ku salaysan hannaanka Federaalka, kaas oo ah mid dib u heshiin iyo awood qaybsi ku dhisan.

Waxaa wax lala yaabo ah in bedelka dastuurka ee sharci darada ah loo adeegsado heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka (NCC) iyadoo Puntland anysan qayb ka ahayn.

Dowladda Puntland waxay nasiib darro weyn u aragtaa in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayaan in meesha laga saaro Dastuurka KMG ee Federaalka, laguna bedalo Dastuur cusub oo laga dhex arko masaaliix gaar ah, khatarna ku ah midnimada iyo qaranimada Ummadda Soomaaliyeed sida ku cad Cutubka 1-aad, qodobadiisa 1-aad iyo 7-aad ee Dastuurka KMG-ka ah. Waxaa la baalmaray dhammaan hannaankii iyo habraacyadii loo mari lahaa dib u eegista iyo dhammaystirka Dastuurka KMG-ka ah ee ku cad cutubka 15-aad farqadihiisa 132- aad, 133-aad iyo 134-aad ee Dastuurka KMG-ka ah.

Baarlamaanka Soomaaliya awood iyo sharciyad midna umalaha samaynta dastuur cusub, waxaa dhammaystirka u baahan waa qodobo kooban oo kali ah, saxna ma ah in dastuurka dalka oo dhan la badalo muranna la geliyo wixi umaddu ku heshiisay.

Waxaa si aan heshiis lagu ahayn oo khilaafsan habraaca dib u eegista Dastuurka KMG-ka ah loo tirtiray qodobo iyo Farqado badan oo qaarkood asaasi yihiin, waxaa la soo kordhiyey qodobo iyo Farqado cusub, waxaana wax-kabedal weyn lagu sameeyey qodobo iyo farqado kale, taas oo Dastuurka ka dhigaysa mid cusub oo aan heshiis lagu ahayn khilaafsanna hannaanka federaaleynta, dib u heshiisiinta iyo awood qaybsiga ku dhisanaa ee Soomaalidu heshiiska ku ahayd burburkii kadib.

Dowladda Puntland waxay u aragtaa in nuxurka Dastuurka cusub uu falsafad ahaan ku dhisan yahay talo maroorsi khatar ku keeni karta xasiloonida iyo wadajirka Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dowladda Puntlad waxay muujisay duqlad, waxay dhigtay gogol wadahal waxaase diiday in uu yimaado oo iska indha tiray Madaxwaynaha Soomaaliya oo laalay gogoshii wadahalka ee ay soo aqbaleen Madaxweyneyaashi hore, Ra’isul Wasaarayaashii hore iyo Siyaasiyiinta Soomaalyeed.

Dowladda Puntland waxay uga digaysaa Madaxweynaha Soomaaliya in uu sii wado dadaalka kaligiis ah ee qorista Dastuurka cusub fursadna la siiyo wada hadalo lagu illaalinayo midnimada Dalka iyo badbaada hannaanta Federaalka ah iyo Dastuurka KMG-ka ah ee heshiiska lagu yahay.

Dowladda Puntland waxay u caddeynaysaa Madaxeynaha Soomaaliya, Guddoonka iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan (US, UK, EU, UN, AU, Denmark, Sweden, Germany, Switzerland, Norway, Qadar, Turky iyo UAE) in haddii la meel mariyo isku dayga samaynta Dastuur cusub aysan Dowladda Puntland u hogaansami doonin, aqoonsanna doonin, kuna dhaqmi doonin wax- kabedel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka oo aan heshiis lagu wada ahayn.

Dowladda Puntland waxay u mahadcelinaysaa Dadka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka, iyo cid kasta oo gacan wax ku ool ah ka gaysatay dadaaladii loogu jiray Dowlad-dhiska Soomaaliya.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Xog: Saamileyda 9-ka Dollar ee garoonka Muqdisho oo wada qorshe cusub oo yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Siyaasiyiinta shirkada ku ah mashruuca 9-ka doolar ee la dulsaaray shacabka ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa qorsheynaya in ay maareeye cusub u magacaabaan Hay’adda Duulista Rayidka (Civil Aviation), kadib markii garab lagu socodsii karo qorshahaan ay ka waayeen Maareeyaha hey’adda Axmed Macalin Xasan.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowso Cismaan oo kaashaneysa xulufadeeda xafiiska ra’iisul Wasaaraha ayaa dooneysa inay Golaha Wasiirrada u gudbiso Mustaf Axmed Maxamuud oo ah shaqaale hoose oo ka tirsan Hay’adda Duulista, sida aan xogta ku helnay.

Mustaf oo ay isku saami-qeybsi qabiileed yihiin Maareeye Axmed Macallin ayey wasiir Fardowso dooneysaa in loo magacaabo maareeyaha hey’adda, ninkaan ayaa muddo ku noolaa dalalka UK iyo Holland, wuxuuna la shaqeyn jiray shirkadaha taksiyada.

Sidoo kale Mustaf waxay isku saami-beeleed yihiin Cabdul Maxamed Faarax (Makaraan) oo ah ninka maamula shirkadda Hornlink oo ay aasaaseen madaxda sare ee Wasaaradda Gaadiidka oo wadata qorshahaan 9-ka doollar ah ee socon waayey.

Shirkadda Hornlink oo xogteeda aan baarnay waxaan ogaanay in loogu talo galay inay howsha maamusho, una qeybiso saamileyda lacagta 9-ka doolar ah.

Ujeeddada ugu weyn ee loo wato Mustaf waa inuu qaab xoog ah ku hirgeliyo mashruuca $9-ka ah, wasiir Fardowso oo aad u dooneysa in qorshahaan uu hirgalo ayaa ninkaas u aragta qof riixi kara mashruucaan ka soco waayey shirkadaha diyaaradaha dalka.

Wasiirka Gaadiidka ayaa marar badan isku dayday inay shirkad gaar ah ku wareejiso mashruuca sameynta taargada iyo laysinka darawalnimada, balse inta badan ma hirgalaan qorshayaashaas oo waxaa ka saameyn badan xubnaha ka hoos shaqeeya oo mar kasta fashiliya mashruucyada aan u adeegeyn danaha shacabka.

Intii aan wadnay baaritaanka xogahaan waxaan ogaanay in wasaaradaas ay lacag $0.5 ku soo rogtay cargo-ga dalka gudahiisa ah.

Mashruucaasna waxaa wadatay shirkad ka shaqeysa shidaalka garoonka, balse dhibaatada ugu weyn ee jirta waa in waxaas oo dhan oo musuq ah wuxuu Xamza Cabdi Barre ka indha qarsanayo.

Xogo hoose oo Caasimada Online ay heshay waxay sheegayaan in Wasiirka Gaadiidka Fardowso Cismaan Cige ay ganacsi-wadaag yihiin madaxda ugu sareysa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo sidoo kalena xiriir qaraabo xididnimo la leh mid ka mid xildhibaanada ugu dhow Xamse Cabdi Barre.

Dhageyso: CC Shakuur oo ka digay qorshe halis ku ah dalka oo socda iyo damaca Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka fedaeralka Somaaliya ayaa kasoo horjeestay sida loo wado wax ka bedelka, dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, wuxuuna sharaxay qodobada uu saluugay iyo waxa socda.

Maanta Muqdisho waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayey qorshaha. Xasan Sheekh ee wax ka bedelka iyo dhameytirka dastuurka, balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamey banaanbaxyadaas kuwa lasoo aabaabulay oo u jeedo gaar ah laga leeyahay.

XIldhibaan Cabdiraxmaan oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in qodobadii ugu muhiimsanaa ee dastuurka la wada bedelay, iyadoo laga fikiraayo sidii awooda dhan gacanta loogu gelin lahaa madaxweynaha, iyadoo meesha laga saarayo ra’iisul wasaaraha iyo awooda baarlamaanka.

“Anaga waxaan ogeyn dastuur la qabyo tiraayo, laakiin waxa hadda socda waa dastuur bedel, sagaal qodob ayaa jirta oo la rabay in laga wadahadlo, mana ogola dowladda hadda jirta inay cid kale kala hadasho arrimaha dastuurka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan oo shaaciyey qaar ka mid ah qodobada la rabay in laga wada xaajoodo ayaa yiri, “Waxay aheyd in laga tashado sida loo qeybinaayo awoodaha, kheyraadka dhulka ku jira iyo dakhliga, sida canshuuraha, xoogooda qodobada la rabay in laga wadatashado kuwaas ayey ahaayeen, waxaana la rabay inay ka wada fariistaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.”

Wuxuu sheegay in hadda qorshaha socda uu yahay bedel lagu sameynayo gabi ahaanba nuxurkii dastuurka, “Anagu waxaan ku doodeynaa, hadii la sameynayo dastuur cusub in qaab kale looga wadahadlo ayey u baahan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Qorshaha hadda socda waa in xukuumadda meesha laga saaro, baarlamaanka awoodiisa la dhimo, awoodaha dalka oo dhana gacanta madaxweynaha la isugu geeyo, dastuurka dhan in laga guuro ayey arrintaan u baahan tahay, taasna waxaa ka horeysa in laga heshiiyo.”

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu hor boodayo qorshaha dastuur bedelka ah ee socda, halkii uu ku magacownaa ilaaliyaha dastuurka, taasi oo sababtay in aysan kala hadlin madaxweynaha arrimahaas, maadaama uu yahay ninka hor boodaya.

Dhinaca kale wuxuu weeraray maamulka gobolka Banaadir isagoo yiri, “Maanta waxay aheyd Ramadaan, dad masaakiin ah ayaa lasoo tubay bartamaha magaalada, xilki qorax ah, maamulka gobolka ayaa hor kacayey oo taageersan waxa socda, laakiin taas bedelkeeda waxaa la rabay inay u doodaan qodobka qeexaya xuquuqda shacabka magaalada Muqdisho oo dastuurkaan la sameynayo meel gadaal la iska dhigay, halka markii hore uu ku jiray qodobada ugu horeeya.”

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xamza oo Muqdisho kula kulmay ergay ay soo dirtay dowladda Shiinaha + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Oline) –  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay Ergey sare oo ay soo dirtay dowladda Shiinaha, kaas oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Xamza ayaa si gaar ah xafiiskiisa ugu qaabilay Danjire Xue Bing oo Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal.

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, taas oo isugu jirto taageero iyo caawin intaba

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa xusay in guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka bedeli doona.

Dhankiisa Danjire Bing oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda.

Kulankan ka qabsoomay xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa googjoog ahaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee taageerada siiyo Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah uga qayb qaataa dib u dhiska dalka iyo arrimaha bani’aadanimada ee ka jira Soomaaliya.

 

Golaha Ammaanka ee QM oo qaraar cusub kasoo saaray dagaalka ka socda GAZA

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyey qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka hirgasha marinka Qaza.

Xabad-joojintan ayaa socon doonta hadey hirgasho inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan, taasi oo haatan maraysa kala badh.

Qaraarkan ayaa sidoo kale dalbanaya in si deg-deg ah oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha, lana qaado dhammaan caqabadaha la hordhigay gargaarka bini’aadanimo iyo in bed-qabka dadka rayidka ah ee Qaza.

Qaraarkan ayay soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee meertada ah ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana meelmariyey 14 dal, halka Maraykanku uu ka aamusay, taasi oo fududaysay in qaraarkani dhaqan-galo.

Waa markii sideedaad ee golaha ammaanku isku dayo inuu qaraar xabbad-joojineed ka soo saaro dagaalka Qaza, hase ahaatee intooda badan wuu ku guul-daraystay.

Xudeyfi oo xil sare looga magacaabay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada JFS Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi).

Cabdiraxmaan Xudeyfi waa weriye weyn oo caan ka ah Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, waxaana lagu tiriyaa saxafiyiintii ugu horeysay ee burburkii kadib.

Dadka la soo shaqeeyey waxay ku tilmaameen nin muxtarim ah oo ku xeel-dheer inuu ku shaqeeyo xirfadiisa saxaafadda.

Xilka loo magacaabay Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa horay u heyn jiray Cabdikariin Cali Kaar oo isna ahaa weriye hore, sidoo kalena ahaa nin aftahan ah oo shaqadiisa ku haboon.

Ma jirto cid bixisay xogta sababta ka dambeysa in xilka laga qaado Cabdikariin Cali Kaar, balse galabta ayaa laga war helay magacaabidda Cabdiraxmaan Xudeyfi.

Xisaab ahaan kursigaan oo markii hore jiray dhanka beesha Murusade ayaa hadda u wareegay dhanka beesha Abgaal oo labada saxafadi ee la isku bedelay ay ka soo kala jeedaan.

Magacaabidda Xudeyfi ayaa ku soo aaday xilli uu xukuumadda heysto culeys uga imaanaya warbaahinta, kadib markii dhawaan la soo dhisay Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, golahaas waxaa ka hor timid saxaafadda madaxa-banaan oo ka cabaneysa in aan laga tala gelin soo xulidda 9-ka xubnood ee golahaasi uu ka kooban yahay.

Dhinaca kale, magacaabidda Xudeyfi waxay ku soo aadeysaa iyadoo warbaahinta ay ku adagtahay oo laga xakameeyey inay hesho wararka madaxtooyada, kuwaas oo loo soo diro warbaahinta ama laga war-helo war xasaasi ah bogga Villa Somalia ku jira.

Waxaa lagu hanweyn yahay in Weriye hore Xudeyfi oo hadda laga dhigay afhayeenka madaxtooyada uu xaliyo caqabadaha taagan ee warbaahinta madaxa-banaan ay ka tirsaneyno madaxtooyada qaranka ama labada xafiis ee dalka ugu sareysa.

Daawo: Nin dilay gabar u dhashay 4 carruur ah oo isna deg deg loogu dilay degmada…

0

Walaweyn (Caasimada Online) – Maamulka degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka warbixiyey kiiska nin xaaskiisii hore oo afar carruur ah heysatay dilay oo isna la toogtay markii uu dagaalamay.

Ninkaan oo qori sitay ayaa dhowr xabadood si bareer ah ugu dhuftay gabadha oo isla goobta ku geeriyootay, waxaana la sheegay inuu ka maseyray gabadhaan ilmaha u dhashay oo horay ay u kala tageen.

Ninka ayaa isku dayey inuu baxsado, ciidamada booliska degmada Walaweyn iyo ehelkii gabadha la dilay ayaa raacdeystay, wuxuuna diiday inuu is dhiibo oo waa dagaalamay.

Maamulka degmada ayaa sheegay in ninkii la toogtay markii uu dagaalamay, isagoo aan geysan khasaare kale, waxaana la isla aasay galabta meydkii gabadha iyo ninkii dilay, oo isna la toogtay markuu dagaalamay.

Maamulka degmada Walaweyn ayaa ka hadlay arrintaan naxdinta leh, waxayna sheegeen in ninkaas in la dilo aan lagu talo gelin, balse uu ku dhintay is-rasaaseyntii dhex martay isaga iyo ciidankii lagu amray inay soo qabtaan.

“Walaashey Seynab Xuseen Cumar waxay ku baxday gacan ka xaq daran, hadana waa la dilay ninkii dilay walaashey, kadib markii ciidamada booliska iyo maamulka degmada ay ku baxeen ayuu dagaalamay sidaas ayuu ku dhintay, waana la isla aasayaa galabta,” ayuu yiri wiil ka mid ah ehellada.

Ismaaciil Gacmadheere oo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ka ah degmada Walaweyn ayaa sheegay in ninkaas lagu dilay meel duur ah isaga oo baxsad ah, wuxuuna ciidamada amniga ku bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen.

Sawirro la baahiyey ayaa muujinaya in ninkaas uu si daran rasaas ula dhacay gabadha ilmaha u dhashay, mana jirto cid si faahfaahsan uga hadashay sababta dilka keentay, inkastoo xubno qoyska ka mid ah ay sheegeen inuu maseyray.

Hoos ka daawo

Wax ka ogow shanta dhinac ee safarkii Sheekh Shariif iyo FARMAAJO ee Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii cisho ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Garoowe joogay labadii madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxay la kulmeen hoggaanka maamulka Puntland, kadibna waxay soo saareen war-murtiyeed ka hooseeyay shirarkii jaraa’id ee ay gaar gaarka ugu qabteen magaalada Muqdisho intii aanay aadin magaalada Garoowe.

Socdaalkoodii Garoowe iyo farriintii ay wada-jirka usoo saareen Farmaajo iyo Shariif ayaa dhowr jiho ka eegayna xilli ay Puntland diiday inay war-saxaafadeedka qeyb ka noqoto.

1. Xiisadda iyo buuqa dastuurka

Socdaalka labada nin ee Garoowe wuxuu xoogga kor u qaaday baraaruga dhanka diidmada dastuurka. Soomaali ahaan iyo beesha caalamkaba inay wax ka beddelka dastuurka qalad uga dhex jeedaan laba madaxweyne oo hore waxay mowduuca u yeeshay muuqaal intii hore ka weyn.

Laakiin haddii aad is-weydiinayso buuqan iyo socdaalkan ma lagu joojin karaa Xasan Sheekh, jawaabtu waa uma badna.

2. Puntland oo aan deg deg ku jirin

Labadaa madaxweyne ee hore waxaa la sheegay inay Saciid Deni aad ugu cadaadiyeen inay u tagaan, balse uu isagu xooga cago jiid ah qabay.

Habkii soo dhaweynta, nooca farriinta iyo Puntland oo ka baaqsatay inay warkeeda ku darsatay waxay muujinayaan in uusan maamulka deg deg qabin ama go’aansaday inuu gaar u ugaarsado oo rag dano leh aanay isticmaalin.

3. Deni oo diiday in markale lagu dhex tahriibo

Sida iska cad Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu musharax u yahay Villa Somalia 2026, sidoo kale labada nin ee martida u ahaa iyaguna waa musharaxiin.

Waxaana gaab-gaabsiga Saciid Deni laga dareemay in uusan rabin in markale xooggiisa ay qolo kale ku macaashto. Mowduucii ahaa hebel ha baxo ciddii rabtana ha qaadato kursiga wuxuu u muuqda mid uu Deni ka gudbay iyo inuu hadda qaab kale u qaraabanayo isaga oo cid kale u rarneyn.

4. Lumintii doorka odeytinimada

Shariif iyo Farmaajo waxay markii hore fursad siyaasadeed ka dhex raadinayeen waan-waanta Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, laakiin farriintoodii u dambeysay ayaa taas soo afjartay, iyada oo ay jiraan warar sheegaya inay wada-hadallo gaar ah u socdaan Xassan Sheekh iyo Saciid Deni, haddana labadii madaxweyne ee hore waa ugu dhamaatay qeybta odeyaynta siyaasadda, waana inay hadda inta ka dhiman waqtiga toos ugu bareeraan dagaalka Xasan Sheekh.

5. Qabashada gogol siyaasadeed oo loo dhameyn

Farmaajo iyo Shariif waxay soo jeediyeen shirweyne qaran, laakiin dowladdii xukunka haysatay wey kala dhinteen oo shir uguma yeeri karaan, markii horena sharciyadaas maba laheyn. Mucaaradkana qaar waa diidan yihiin labada nin, taasina waxay ka dhigan tahay in shir aan dowladda dhexe joogin, maamul goboleedyada badi rabin, mucaraadka ku kala qeybsan yahay in uusan qabsoomi doonin, ama haddii uu qabsoomo in uusan macno badan yeelan doonin.