24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Ciidanka Badbaadada K/G oo laga saaray Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada badbaadada Koonfur Galbeed ee dhawaan magaalada Baydhabo ka saaray Cabdicasiis Lafta-gareen maanta dib loogu celiyay degmada Buurhakaba oo markii horeba laga soo qaaday.

Ciidamadan oo ka qayb-qaatay howlgalkii ciidamada dowladda ay ku galeen Baydhabo 30-kii Maarso ee sanadkan 2026, ayaa haatan laga saaray gudaha magaalada, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo hubka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la’isla gartay in ciidamada lagu celiyo xarumahoodii, iyaga oo laga war qabi doono, maadaama ay qabteen howl muhiim ah, ayna ku guuleysteen howlgalkii Baydhabo.

Ujeedada ugu wayn ayaa ah in la xadiido ciidamada tirada badan ee jooga magaalada, maadaama la galayo doorasho iyo tartan adag oo isku hayaan dhinacyo kala duwan oo daneynaya hoggaanka Koonfur Galbeed.

Horay ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ayaa isaga baxay magaalada iyo hareeraheeda, iyaga oo gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo ee Jubbaland.

Arrinta ayaa kusoo aadeysa xilli maanta gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, isaga oo loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa JSP ku metalaya dooarashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Xasan Sheekh uu ku qanciyey agaasimihii hore ee Villa Somalia, ahna saaxiib aad ugu dhow, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu taratanka uga haro Aadan Madoobe, ayada oo si kale loo qanciyey.

Si kastaba, Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhabo ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saameyn xooggan ku leedahay.

Farmaajo oo taageeray baaqii Shariif ee uu aqbalay Xasab

0

Muqdisho (Caasmada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa taageeray baaqii shalay kasoo yeeray madaxweyne hore Sheekh Shariif oo shalay dalbaday in la dhex-dhexeediyo iyaga iyo Madaxweynaha, halka dhankiisana  Xasan Sheekh uu soo dhaweeyay baaqaas oo la hordhigay odayaasha dhaqanka ee ka qayb-galay caleema saarkii Ugaaska Murusade.

Farmaajo ayaa xusay in isaguna uu codkiisa ku biirinayo in la wada-hadlo, isla markaana doorkooda ay qaataan odayaasha dhaqanka, si xal loo gaaro.

“Waxaan codkayga ku biirinayaa baaqii shalay uu soo jeediyay madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed uuna taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar ay ka hadlayeen madashii caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo ahayd madal muujisay baahida ay Soomaalidu u qabto midnimo iyo wadahadal. Baaqa Madaxweynayaasha waxaa uu salka ku hayey kaalinta ay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku kulmay caasimadda dalka ay ka qaadan karaan xal u helidda ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira”. ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu intaas sii raaciyay “Haddaba waxaan sidoo kale halkan baaq uga gudbinayaa duubabka Soomaaliyeed inay u istaagaan gudashada waajibkooda, ayna kaalin mug leh ka qaataan sidii loo gaari-lahaa xal siyaasadeed oo looga badbaado dib u laabasho siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye”.

Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale ka dalbaday maxdaxa mucaaradka iyo hoggaanka sare ee Villa Somalia inay si dhab ah ula shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, si looga wada shaqeeyo sii socodka geediga dowlad dhiska Soomaaliya.

“Waxaan markale madaxda siyaasadda dalka muxaafid iyo mucaarad ugu baaqayaa inaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed siinno kaalin dhab ah oo ay ka qaadan karaan geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, bacdamaa ayagu ahaayeen kuwii dhisay hannaankii lagu unkay jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya”. ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay caddeeyay in aysan jirin xaalad sababi karta in dalka uu burburo, balse siyaasaddu leedahay is-rii xriix, ayna iska dhamaan doonto, isaga oo soo dhaweeyay in dhaqanku qaato doorkiisa.

“Dhaqanka Soomaaliyeedow waa joogtaan maanta waana fursad ee qofkii khaldan gacanta qabta, kan saxanna garab istaaga. Dab kama kace looma baahno dowladnimadeena waa kortay siyaasaddu is jiid jiid iyo is riix riix waa leedahay annaga kan naga dhex jiro ma ah mid burburin, dumin ama balaayo dhaceyso waana dabeecad ay siyaasadda wadato wayna hagaageysaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DF oo saraakiil u dirtay Luuq iyo xaaladda oo kacsan

0

Luuq (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay maanta dowladda ka dirtay magaalada Muqdisho ayaa  gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay horay uga jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Saraakiisha maanta tegay Luuq ayaa waxaa hoggaaminaya Abaanduulaha Guutada 43-aad Kornayl Cismaan Xaaji Axmed, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay ciidamada dowladda ee horay u joogay halkaasi.

Ujeedka wafdigan ayaa ah fulinta qorshaha dowladda, iyaga oo durbo bilaabay kulamo ay la qaadanayaan ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gedo qaybo kamid ah waxaa horay ugu sugnaa ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubaland oo diidan dhaq-dhaqaaqa dowladda ee gobolkaasi, sidoo kale waxaa maalmo kahor gobolka tegay ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ee isaga baxay agagaarka magaalada Baydhabo.

Arrintan ayaa keentay in xiisad cusub la dareemo, iyada oo laga cabsi qabo in ciidamadan kala duwan ay horseedaan dagaal ka qarxa halkaas.

Loolanka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya, iyaga oo mar kale u muuqda kuwa fooda is dari doono, marka la eego sida ay wax u socdaan, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Dowladda dhexe ayaa qorsheyneysa in doorashooyin qof iyo cod ah ay ka qabato degmooyin ka tirsan Gedo, halka ay diidan tahay Jubbaland.

Muqdisho iyo Kismaayo ayaa muddo dheer waxaa ka dhexeeya khilaaf isku beddelay gacan ka hadal, sidoo kalena sababay inuu go’o xiriirkii labada dhinac.

Sawirro: Aadan Madoobe oo ka dagay Baydhaba xilli la go’aamiyey madaxnimadiisa

0

Baydhabo (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta goboka Baay, halkaas oo uu u tegay doorashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe oo ah musharraxa Xisbiga JSP ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana ka qayb-galay soo dhaweyntiisa hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka, xildhibaanno, wasiirro iyo shacab.

Guddoomiyaha oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa u mahadceliyay madaxda iyo bulshada soo dhaweysay, wuxuuna ku baaqay in deganaan la muujiyo laga wada shaqeeyo amniga inta ay socoto qaban qaabada doorashada.

Safarka Aadan Madoobe ee Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli Villa Somalia ay dadaal xooggan ku bixineyso qaabeynta hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu xilka ka degay 30-kii Maarso, maalmo kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay galeen Baydhabo.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Aadan Madoobe loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa ugu culus ee xilka Koonfur Galbeed, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaas ay u arkaan musharrax ay dhabarka ku wado Villa Somalia.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in Xasan Sheekh uu ku qanciyey agaasimihii hore ee Villa Somalia, ahaana saaxiib aad ugu dhow, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu tratnka uga haro Aadan Madoobe, ayada oo si kale loo qanciyey.

Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqyada ka socda Baydhaba iyo hakadka ku jira isku-shaandheynta xukuumadda ayaa muujinaya in Villa Somalia ay hadda mudnaanta siineyso xakameynta siyaasadda Koonfur Galbeed, kahor inta aysan qaadin tallaabooyin kale oo gudaha xukuumadda ah.

Wararkii u dambeeyey isku day la doonayey in lagu dilo Trump iyo toogasho dhacday

Washington – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu badqabo kaddib markii nin hubeysan oo looga shakisan yahay inuu weerar damacsanaa uu rasaas ka furay agagaarka goobta ay ka socotay Casho-sharafeedka Wariyeyaasha Aqalka Cad (White House Correspondents’ Dinner).

Arrintan ayaa ku qasabtay ciidamada ilaalada madaxda ee Secret Service inay si degdeg ah goobta uga saaraan madaxweynaha, marwada koowaad Melania Trump iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, xilli ay ka qayb-galayeen mid ka mid ah munaasabadaha sanadlaha ah ee ugu caansan magaalada Washington.

Trump ayaa habeenkii Sabtida fadhiyay masraxa hoteelka Washington Hilton, isagoo ay weheliyeen Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance, afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt iyo mas’uuliyiin ka tirsan ururka wariyeyaasha Aqalka Cad, markii si lama filaan ah loo maqlay dhawaqa rasaas xooggan xilli martidu ay ku guda jireen cunteynta hoolka weyn ee munaasabadda.

Madaxweynaha ayaa dib ka sheegay in markii hore uu u qaatay in saxan weyn uu dhacay maadaama dhawaqu ula muuqday mid “aad u fog,” balse wuxuu xusay in marwada koowaad ay si degdeg ah u dareentay khatarta.

“Waxaan u malaynayaa inay markiiba ogaatay waxa dhacay,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan Aqalka Cad, wuxuuna xusuustay in Melania Trump ay ku tiri: “Kani waa dhawaq xun.”

Trump ayaa sheegay in ciidamada ilaalada ay si degdeg ah uga dejiyeen masraxa.

Wuxuu xaqiijiyay in ciidamadu ay qabteen shakhsigii laga shakiyay, isla markaana hal askari oo ka tirsan ilaalada gaarka ah uu ka badbaaday xabbad meel dhow lagaga dhuftay jaakaddiisa xabadda celiysa.

“Waxaa masaafo aad u dhow lagaga toogtay qori aad u awood badan, jaakadduna shaqadeedii ayay qabatay,” ayuu yiri Trump.

Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Cole Allen, oo 31 jir ah, kana soo jeeda Torrance, California, sida ay sheegeen laba sarkaal oo ka tirsan hay’adaha amniga oo xog-ogaal u ah baaritaanka.

Booliska ayaa sheegay in Allen uu marti ka ahaa hoteelka Washington Hilton, halkaas oo munaasabadda lagu qabtay, isla markaana uu watay qori, bastoolad iyo mindiyo. Mas’uuliyiintu ma aysan shaacin sabab suuragal ah, mana aysan sheegin in uu lahaa bartilmaameed gaar ah.

Dadaal baan u galay inaan sii joogo

Toogashada ayaa carqaladeysay casho-sharaf kulmisay mas’uuliyiin sare oo dowladeed, wariyeyaal, madaxda shirkadaha ganacsiga iyo dad caan ah oo isugu yimid hal hool.

Trump ayaa sheegay inuusan doonayn in munaasabaddu ay soo dhammaato, wuxuuna ku adkaystay inuu sii joogo in kasta oo ay u jirtay qaylo-dhaan amni. “Aad baan ugu dagaallamay si aan u sii joogo,” ayuu yiri.

Qoraal uu goor sii horreysay soo dhigay baraha bulshada, ayuu Trump ku ammaanay ciidamada ilaalada gaarka ah iyo kuwa fulinta sharciga, isagoo sheegay inay “qaadeen tallaabo degdeg ah iyo geesinimo leh.”

Wuxuu xusay inuu soo jeediyay in munaasabadda la sii wado, balse uu ugu dambayn raacay awaamiirta laamaha amniga. Madaxweynaha ayaa markii dambe caddeeyay in qaban-qaabiyeyaashu ay dhowaan dib u muddeyn doonaan cashada.

Trump wuxuu sheegay inuu doonayay in fiidkaasi uu sii socdo maadaama uusan doonayn in “dad xanuunsan” ay “beddelaan nidaamka nolosheena.”

Balse saraakiisha amniga ayaa ku amray martida inay isaga baxaan dhismaha. Hoolka weyn ayaa si tartiib-tartiib ah u faaruqay iyadoo dadku ay dul marayeen khamri daatay, masaxado daadsan iyo cuntooyin aan la dhammaysan.

Argagax ka dhashay gudaha hoolka

Goobjoogayaal ayaa ka warramay argagax soo wajahay dadkii ku sugnaa gudaha hoolka markii dhawaqa rasaastu uu isqabsaday goobta, iyadoo martidu ay gabaad ka dhigteen miisaska hoostooda.

Erin Thielman, oo ah haweeney horay uga tirsanaan jirtay milateriga oo dibadda uga baxday hoolka si ay u wacdo wiilkeeda, ayaa sheegtay inay maqashay saddex dhawaq oo xooggan oo ay u qaadatay inay ahaayeen rasaas.

Waxay sheegtay inay aragtay nin horteeda ku dhacay kaas oo u muuqday inuu watay qori iyo kaydadka rasaasta. Kaddib waxay u dhaadhacday dabaqa hoose, iyadoo aragtay saraakiil amni oo soo saaraya bistooladahooda.

Haweeney kabalyeeri ah oo gabaad raadsanaysay ayaa afka Isbaanishka ku ooysay iyadoo leh: “Ma doonayo inaan halkan ku dhinto. Ma doonayo inaan qolkan ku dhinto.”

Martida ayaa hoos u foorarsaday miisaska hoostooda iyadoo ciidamada Secret Service-ka iyo saraakiisha kale ee amniga ay dhex ordayeen goobta.

Trump ayaa sheegay in shakhsiga weerarka soo qaaday uusan marnaba u soo dhowaan isaga, uuna ku guuldareystay inuu ka soo gudbo albaabka laga galo hoolka weyn.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu sii deeyay muuqaallada kamaradaha amniga ee dhacdadan si loo muujiyo “hufnaan”, loona tuso sida xawliga ah ee ay ciidamada amnigu u dhaqaaqeen.

Muuqaalka ayaa muujinayay nin si xawli ah ku dhaafaya qalabka baarista biraha iyo saraakiisha amniga, kuwaas oo qoryahooda ku fiiqay ka hor inta aysan ka bixin shaashadda.

Su’aalo ka dhashay sugidda amniga

Trump ayaa xaqiijiyay in ninka la qabtay uu watay hub kala duwan kahor inta aysan ciidamada ilaalada joojin.

Wuxuu sheegay in saraakiishu ay dib ka ogaan karaan ujeeddada rasmiga ah, balse wuxuu tilmaamay in ninku u muuqday mid kaligiis socday. “Waxay u maleynayaan inuu yahay gacan-ku-dhiigle keligiis ah, aniguna sidaas ayaan aaminsanahay,” ayuu yiri Trump, isagoo ku daray in ninkaasi uu ka yimid gobolka California.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inuusan helin wax xog amni ah oo ku saabsan khatar gaar ah kahor cashada. Dhacdadan ayaa si degdeg ah u dhalisay su’aalo ku aaddan amniga kulankan sanadlaha ah ee qol qura isugu keena madaxda ugu sarraysa siyaasadda, dowladda iyo warbaahinta.

Trump ayaa ku baaqay in la adkeeyo ilaalinta, isagoo yiri: “Maanta, waxaan u baahannahay heerar ammaan oo laga yaabo inaan horay loo arag.”

Wuxuu sidoo kale xusay in dhacdadani ay tusaale u tahay sababta Aqalka Cad uu ugu baahan yahay amni xooggan iyo hoolkiisa u gaarka ah, isagoo soo hadal-qaaday hool haatan laga dhisayo madaxtooyada. “Kani ma ahayn dhisme si gaar ah ammaan u ah,” ayuu Trump ka yiri hoteelka Washington Hilton.

Taariikh madow ee Washington Hilton

Hoteelka Washington Hilton oo dhaca waqooyi-galbeed Washington, una jira qiyaastii hal mayl iyo bar Aqalka Cad, ayaa leh taariikh murugo leh marka la eego madaxweynayaasha Mareykanka.

Madaxweyne Ronald Reagan ayaa bannaanka hoteelkan lagu toogtay sanadkii 1981-kii, weerar uu fuliyay John Hinckley Jr. Reagan wuu ka badbaaday dhacdadaas, balse weerarkaas waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo kale, oo uu ku jiray afhayeenkii Aqalka Cad James Brady.

Dhacdadii habeenkii Sabtida ayaa sidoo kale soo cusbooneysiisay xusuusta laba isku-day khaarajin oo lala eegtay Trump intii lagu jiray ololihii doorashada 2024.

Bishii Luulyo 2024, Trump oo in ka yar 10 daqiiqo ka hadlayay isu-soo-bax doorasho oo ka dhacay Butler, Pennsylvania, ayaa waxaa rasaas ku furay nin 20 jir ah oo ku sugnaa saqafka kore ee dhisme u jiray qiyaastii 400 oo cagood.

Xabbad ayaa Trump kaga dhacday dhegta. Ninka hubeysan ayaa dilay hal qof oo ka qaybgalayay isu-soo-baxa, wuxuuna dhaawacay laba kale.

Bishii Sebtembar 2024, Trump ayaa wajahnay khatar kale kaddib markii nin uu qori ka soo dhex taagay deyrka garoonkiisa Golf-ka ee gobolka Florida xilli uu halkaas ku sugnaa. Ciidamada ilaalada ayaa rasaas ku furay ninkaas, saraakiishana goor dambe ayay xireen.

Trump ayaa sheegay in falcelintii amniga ee habeenkii Sabtida ka dhacday Washington Hilton ay ka xoog badneyd tii ka dhacday Butler. Wuxuu xusay in isaga aragtidiisa, ciidamada Secret Service-ka ay cashadaas ka sameeyeen “shaqo ka wanaagsan” tii ay ka qabteen isu-soo-baxii Pennsylvania.

‘Dadka ugu saameynta badan’

Markii la weydiiyay sababta isku-dayada khaarajinta ay si isdaba joog ah ugu dhacayaan isaga, Trump wuxuu sheegay inuu darsay dilalka siyaasadeed.

“Waan darsay khaarajinta madaxda,” ayuu yiri, isagoo soo jeediyay in hoggaamiyeyaasha sameeya “saameynta ugu weyn,” sida Abraham Lincoln, ay inta badan noqdaan bartilmaameedyo cadowtooyo. “Aad baan u necbahay inaan iraahdo waa arrin aan sharaf u arko, balse wax badan ayaan qabannay,” ayuu yiri Trump.

Munaasabadda Casho-sharafeedka Wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa weli ah mid ka mid ah dhacdooyinka sanadlaha ah ee ugu muhiimsan magaalada Washington, taas oo dhaqan ahaan ay ka soo qaybgalaan madaxweynayaasha, wariyeyaasha, siyaasiyiinta iyo dadka caanka ah.

Sabtidii ayaa u ahayd markii ugu horreysay ee Trump uu ka soo muuqdo cashadan tan iyo sanadkii 2015-kii. Kama uusan qaybgelin intii uu ku jiray muddo-xileedkiisii koowaad. Mas’uuliyiinta sare ee maamulka ee ka qaybgalay cashadan waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth.

Trump ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid “gebi ahaanba naxdin leh” balse wuxuu ku adkaystay in aysan ka hor istaagi doonin inuu fagaaraha kasoo muuqdo mar kale. “Si fudud, waa inaan mar kale sameynaa arrintan,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Aamino Eelaay oo shaacisay xog ku aadan doorashada ka dhaceysa Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamino Eelaay oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka hadashay doorashada Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, xilli haatan ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada.

Aamin oo garoonka Shaati Gaduud u tegtay soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Sheekh Aadan Madoobe oo kamid ah musharrixiinta ugu cad cad ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in qaban qaabada doorashada ay ku socoto jawi deggan.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegtay in Aadan Madoobe uu yahay rug-cadaa siyaasadeed oo isku wadi karo bulshada Koonfur Galbeed, iyada oo sidoo kale shacabka ugu baaqday in laga shaqeeyo nabadda Baydhabo.

“Maanta waa maalin wayn guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya ayaan soo dhaweyneynaa waana musharax madaxweyne waxaan is leeyahay waa ninkii isku keen hayn lahaa oo ilaalada Power Sharing” ayay tiri Aamina Eelaay.

Sidoo kale waxay kusii dartay “Dhammaan reer Baydhaba waxaan leeyahay garbaha aan is qabsano nabadda aan ka wada shaqeyno nabadaa naas la nuuga leh”.

Safarka Aadan Madoobe ku tegay Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli Villa Somalia ay dadaal xooggan ku bixineyso qaabeynta hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu xilka ka degay 30-kii Maarso, maalmo kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay galeen Baydhabo.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Aadan Madoobe loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa ugu culus ee xilka Koonfur Galbeed, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaas ay u arkaan musharrax ay dhabarka ku wado Villa Somalia.

Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqyada Baydhaba iyo hakadka ku jira isku-shaandheynta xukuumadda ayaa muujinaya in Villa Somalia ay hadda mudnaanta siineyso xakameynta siyaasadda Koonfur Galbeed, kahor inta aysan qaadin tallaabooyin kale oo gudaha xukuumadda ah.

Mareykanka oo doonaya in Spain laga saaro NATO

Madrid (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabtay inay “ciqaabi doonto” xulafadeeda gaashaanbuurta NATO, sababo la xiriira taageero la’aantooda ku aaddan dagaalka Iiraan, iyadoo ka fakaraysa tallaabooyin adag oo ay ka mid tahay in dalka Spain laga saaro isbaheysiga.

Sida lagu arkay farriin (email) gudaha ah oo ka soo baxday xarunta Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, xukuumadda Washington ayaa diyaarisay qorsheyaal dhowr ah oo ay cawaaqib-xumo ugu geysaneyso xulafadeeda.

Tallaabooyinka laga fiirsanayo waxaa ka mid ah in Mareykanku uu aqoonsado sheegashada dalka Argentina ee ku aaddan jasiiradaha Falkland (Falkland Islands)—oo ay xukuumadda Buenos Aires u taqaano Las Malvinas—si loo ciqaabo Ingiriiska, iyo sidoo kale in waddamada “madax-adeyga” muujiyay laga hor istaago inay qabtaan jagooyinka muhiimka ah ama sharafta leh ee gudaha gaashaanbuurta NATO.

Madaxweyne Donald Trump, oo muddo dheer dhaliilsanaa wax uu u arko dheellitir-la’aan awoodeed oo u dhaxeysa Mareykanka iyo xubnaha kale ee NATO, ayaan qarin carada uu ka qabo sida Yurub ay uga soo horjeeddo dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan. Horraantii bishii Abriil, wuxuu ku celiyay hanjabaaddiisa ah inuu Mareykanka ka saari doono isbaheysiga, inkastoo farriinta Pentagon-ka aysan soo jeedinayn in tallaabadaas la qaadayo xilligan.

Dalka Spain ayaa ahaa dalka ugu cadcad ee sida weyn u dhaliilay dagaalka lagu qaaday Iiraan, isagoo bilowgiiba ku dhawaaqay inuu yahay mid sharci-darro ah, isla markaana u diiday Mareykanka inuu isticmaalo saldhigyadiisa milateri iyo hawadiisa si uu uga fuliyo hawlgallada dagaalkaas.

Farriinta Pentagon-ka ayaa labadaas arrimood ku sifeysay inay yihiin “aasaaska ugu hooseeya ee laga rabo xubnaha NATO” marka la eego in dalalku ay gutaan waajibaadkooda iyo doorkooda isbaheysiga.

Maalintii Jimcaha, Spain ayaa si kulul uga jawaabtay warbixinnadan, iyadoo Ra’iisul Wasaare Pedro Sanchez uu caddeeyay in dalkiisu uu si buuxda u gudanayo dhammaan waajibaadkii saarnaa.

“Spain waa xubin lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan NATO, taas oo fulinaysa dhammaan waajibaadkeeda,” ayuu Sanchez u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan dalka Qubrus oo uu kaga qaybgalayay shir madaxeedka Midowga Yurub. “Sidaas darteed, gabi ahaanba kama walaacsani arrintan,” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale, Isbahaysiga NATO ayaa sheegay in aysan jirin qodob u oggolaanaya in waddamada xubnaha ka ah laga joojiyo ama laga eryo isbaheysiga milatari.

 Sarkaal ka tirsan NATO ayaa u sheegay BBC-da in heshiiskii lagu aasaasay isbaheysiga “uusan dhigayn wax qodob ah oo loogu talagalay joojinta xubinnimada NATO, ama ka saarid ah”.

Dhanka kale, diidmada Ingiriiska ee dagaalka Iiraan ayaa ahayd mid ka yara dabacsan tii Spain, maadaama ay u oggolaadeen diyaaradaha Mareykanka inay adeegsadaan saldhigyada Ingiriiska, balse haddana Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa soo jiitay carada Trump.

Madaxweynaha midigta-fog ee Argentine, Javier Milei, oo xulufo dhow la ah Trump, ayaa dhowr jeer sheegay inuu taageersan yahay in jasiiradaha Falkland ay hoos yimaadaan maamulka dalkiisa.

Jasiiradahan ayaa waxaa xoog ku galay Argentine sanadkii 1982-kii, arrintaas oo dhalisay dagaal dhexmaray labada dal oo sababay dhimashada ku dhawaad kun qof. Dhulkaan ayaa illaa iyo hadda ku hoos jira maamulka Boqortooyada Ingiriiska.

Wargeyska Middle East Eye ayaa la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska si ay uga hadlaan farriinta Pentagon-ka iyo jawaabta ay bixin karaan haddii tallaabadan la meelmariyo.

Wasaaradda ayaa tixraacday qoraal uu barta X soo dhigay Wasiiru-dowlaha dhulalka dibadda ee Ingiriiska, Stephen Doughty, kaas oo sheegay in “aaya-ka-tashiga, madax-bannaanida iyo difaaca jasiiradaha Falkland ay tahay mid aan gorgortan geli karin – mar walbana ay noqon doonto mudnaanta koowaad.”

Si kastaba ha ahaatee, kama aysan hadlin sida ay dowladda Ingiriisku uga falcelin doonto tallaabada suurtagalka ah ee Mareykanka.

Markii wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay farriintaas, Afhayeenka Pentagon-ka Kingsley Wilson ayaa yiri: “Sida uu Madaxweyne Trump sheegay, inkastoo Mareykanku uu wax kasta u sameeyay xulafadeena NATO, haddana garab nama aysan siin. Waaxda Dagaalku waxay xaqiijin doontaa in Madaxweynuhu uu helo xulashooyin la isku halleyn karo, si loo hubiyo in xulafadeenu aysan mar dambe ahaanin magac-u-yaal oo keliya, balse ay qaataan doorkooda dhabta ah. Ma hayno faahfaahin intaas dhaafsiisan oo ku saabsan wada-tashiyada gudaha ee arrintaas la xiriira.”

Xog: Madaxtinimada Sheekh Aadan Madoobe ee Koonfur Galbeed oo la go’aamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa lagu wadaa inuu Axadda maanta ah tago magaalada Baydhaba, xilli ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira cidda hoggaamin doonta maamulka Koonfur Galbeed kadib isbeddelladii xoogganaa ee dhacay.

Safarka Aadan Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli Villa Somalia ay dadaal xooggan ku bixineyso qaabeynta hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu xilka ka degay 30-kii Maarso, maalmo kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay galeen Baydhabo.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Aadan Madoobe loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa ugu culus ee xilka Koonfur Galbeed, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaas ay u arkaan musharrax ay dhabarka ku wado Villa Somalia.

Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bishan horraanteed ku-xigeenkiisa Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacaabay hoggaamiye ku-meel-gaar ah oo Koonfur Galbeed ah, si uu maamulka u sii wado inta doorasho laga qabanayo.

Siyaasiyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Aadan Madoobe loo arko guuleyste lasii saadaalinayo, maadaama uu haysto taageerada xarunta federaalka iyo garab ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka.  

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qanciyey agaasimihii hore ee Villa Somalia, ahaana saaxiib aad ugu dhow, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu tratnka uga haro Aadan Madoobe, ayada oo si kale loo qanciyey.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee  Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo dalacsiiyay inuu si rasmi ah u noqdo Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Dhaq-dhaqaaqa Baydhaba ayaa dhanka kale kusoo aadaya xilli Villa Somalia iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ay weli ka gaabsanayaan isku-shaandheyn ballaaran oo muddo la hadal hayey.

Bishii Maarso, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sameeyay isbeddello kooban, oo ay ku jireen xil ka qaadis iyo magacaabista wasiirro ku-xigeenno cusub, balse weli lama shaacin wareegto ballaaran oo taabaneysa wasiirrada miisaanka leh.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in qaar ka mid ah wasiirrada hadda xilalka haya ay wajahaan suurta-galnimada in mar kale loo wareejiyo wasaarado kale ama loo magacaabo xilal cusub, taasoo sii muujineysa wareegga siyaasadeed ee xukuumadda Xamsa Cabdi Barre.

Dhaq-dhaqaaqyada Baydhaba iyo hakadka ku jira isku-shaandheynta xukuumadda ayaa muujinaya in Villa Somalia ay hadda mudnaanta siineyso xakameynta siyaasadda Koonfur Galbeed, kahor inta aysan qaadin tallaabooyin kale oo gudaha xukuumadda ah.

Xogta tahriibayaal Soomaali ah oo ku naf waayay badda Mediterranean-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dhacdo aragagax leh oo la xiriirta dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeryooday xeebaha u dhexeeya dalalka Aljeeriya iyo Spain.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ugu yaraan 17 dhalinyaro ah oo ku dhinteen mashaqadaas, isla markaana ay wadaan dadaadallo dheeri ah.

“Badda u dhexeysa Spain iyo Algeria waxaa ku geeriyooday illaa 17 dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo runtii xeebtaas ku tahriibayay dadkaas sida aan xogta ku helnay 12 kamid ah waa wiilal, halka 5 kalena ay yihiin gabdho, waxayna da’dooda u dhexeysaa 18 illaa 30 sano” ayuu yiri Maxamuud Macallin.

Sidoo kale, wuxuu fariin u diray waalidiinta dhalinyaradaas, isaga oo ugu baaqay  in ay la soo xariiraan hay’adda, si ay helaan warbixin dhamaystiran.

“Waxaan haynaa sawirrada marxuumiinta Ilaahey ha u naxariisto waxaan dooneynaa oo halkan aan u joognaa in aan helino macluumaad intaas ka dheeri ah waxaan ka codsaneynaa in waalidiinta ay nala soo xiriiraan, si aan u ogaano inta dhimatay warbixintana la’isugu hagaajiyo” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed uga digay halista tahriibka, isaga oo sheegay in sanadahan ay sii kordheen, maadaama dad badan ay ku geeriyoodeen biyaha.

“Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa xaaladahaan waa nagu bateen in ay ka taxadaraan tahriibka waa adag yahay waana dhib badan yahay waa halis”. ayuu mar kale yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA.

Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon.

Si kastaba, ha’ahaatee, Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.

Cumaan oo shaacisay in aan la aqbali karin gooni u goosatada Soomaaliya

Muscat (Caasimada Online) — Dowladda Saldanadda Cumaan ayaa mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayada oo si cad u diidday aqoonsiga hay’ad kasta ama maamul ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr bin Xamad Al-Busaidi, ayaa mowqifkan adag ku dhawaaqay intii ay socdeen wada-hadallo uu maanta magaalada Muscat kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan ayaa sheegtay in labada wasiir ay ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka ah, waddooyinka lagu ballaarin karo iskaashiga, iyo isbeddellada xasaasiga ah ee ka socda Geeska Afrika.

Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli Soomaaliya ay raadinayso taageero goboleed oo ballaaran si ay uga hortagto go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, uguna magacawday ergey diblomaasiyadeed.

Wasiir Al-Busaidi ayaa xaqiijiyay taageerada “sugan” ee Cumaan u hayso “midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed” ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo hoosta ka xarriiqay “in aanay aqoonsanayn cid kasta oo ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliya”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in wada-hadalladu ay diiradda saareen xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga qaybo kala duwan si loo taageero “iskaashi xooggan iyo dano wadaag ah”.

Waxay xustay in labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan isbeddellada gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, ayna carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la isku duwo dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo hormariyo amniga, xasilloonida iyo horumarka waara.

Wasiir Cabdisalaan ayaa soo dhoweeyay mowqifka Cumaan, isagoo muujiyay sida Soomaaliya ay u qaddarinayso “doorka diblomaasiyadeed ee wax dhisaya” ee Saldanadda iyo dadaallada ay ku bixinayso horumarinta wada-hadalka, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dal, oo ay ku jiraan madaxa waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan, Sheekh Faysal bin Cumar Al-Marxuun, iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Cumaan, Bashiir Xasan Xaaji.

Bayaankan ayaa soo baxaya xilli dowladda Soomaaliya ay dardargelinayso olole diblomaasiyadeed oo ka dhan ah tallaabo kasta oo ay u aragto inay dhaawacayso qaranimadeeda, gaar ahaan markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan.

Soomaaliya ayaa falkaas ku tilmaantay sharci-darro, waxayna ugu baaqday saaxiibadeeda dunida Carabta, Afrika iyo guud ahaan caalamka Islaamka inay diidaan fal kasta oo Somaliland ula dhaqmaya sidii qaran.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sanadkii 1991-kii, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. In kasta oo ay dhisatay hay’adaheeda, qabatay doorashooyin, isla markaana ay xajisatay xasillooni, haddana waxay tobanaan sano ku guuldareysatay inay hesho aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Muqdisho ayaa ku adkeysanaysa in gobolkaasi uu yahay qayb ka mid ah Soomaaliya, maqaamkiisana lagu xallin karo oo keliya hannaan dastuuri ah iyo mid siyaasadeed oo ay Soomaalidu hormuud ka tahay.

Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland ayaa si weyn kor ugu qaaday heerka xiisadda, iyadoo arrin dastuuri ah oo Soomaaliyeed oo soo jiitamaysay u beddeshay iska-hor-imaad diblomaasiyadeed oo goboleed oo ballaaran.

Muqdisho ayaa ku eedeysay Israa’iil inay ku xadgudubtay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, halka Somaliland ay aqoonsigaas u soo bandhigtay inuu yahay horumar taariikhi ah oo ay ka gaartay ololaheeda soddonka sano ah ee raadinta qaranimada.

Khilaafkan ayaa sii qoto dheeraaday kaddib markii Israa’iil ay u dhaqaaqday inay ergey diblomaasiyadeed u magacawdo Somaliland, taas oo keentay cambaarayn wadajir ah oo ka timid dalal dhowr ah oo Carbeed iyo Muslimiin ah, oo ay ku jiraan Cumaan, Sacuudi Carabiya, Masar, Turkiga, Pakistan, Indonesia iyo Urdun.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa ku sifeeyeen tillaabada Israa’iil inay tahay “xadgudub qaawan” oo ka dhan ah qaranimada Soomaaliya, waxayna ka digeen inay horseedi karto tusaale khatar ah oo ka hanaqaada Geeska Afrika.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale iska diiday tillaabada ay Israa’iil u qaadday dhanka Somaliland, isagoo dib u xaqiijiyay inuusan Somaliland u aqoonsanayn dowlad madax-bannaan, wuxuuna ka digay tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqi kara midnimada Soomaaliya.

Dowladda Muqdisho, bayaanka Cumaan wuxuu ku soo kordhinayaa cod kale oo Carbeed oo muhiim ah, kaas oo xoojinaya isbaheysiga diblomaasiyadeed ee isa soo taraya ee ka dhanka ah aqoonsiga Somaliland.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa aaminsan in arrintani aysan ku ekeyn oo keliya Somaliland, balse ay tahay in la ilaaliyo mabaadi’da ah in xuduudaha Afrika aan dib loo sawiri karin iyadoo la adeegsanayo aqoonsi hal dhinac ah ama heshiisyo lala galo maamul goboleedyada.

Diidmada cad ee xukuumadda Muscat ay ku diidday “cid kasta oo ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliya”, waxay Muqdisho siisay taageero fagaare ah oo dheeraad ah xilli xasaasi ah, iyadoo wadda olole ay ku xakameynayso guulaha diblomaasiyadeed ee Somaliland, isla markaana ay dib ugu riixayso aqoonsiga Israa’iil ee gobolkaas.

Wada-hadalladii Mareykanka iyo Iiraan ee Pakistan oo la baajiyey iyo Trump oo amray…

Islamabad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta baajiyay safar ay laba ergey oo Mareykan ah ku tagi lahaayeen caasimadda Islamabad si ay ula kulmaan dowladda Pakistan oo dhex-dhexaadinaysa wada-hadallada dagaalka Iiraan.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan uu ka dhoofay caasimadda Pakistan markii ay soo dhammaadeen wada-hadallo, arrintaas oo dhabar-jab cusub ku ah rajadii laga qabay in xal nabadeed la gaaro.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu Trump ku sheegay in uu baajiyay booqashadii qorsheysneyd ee ergeygiisa gaarka ah Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay ee Jared Kushner, isagoo sabab uga dhigay wax uu ku tilmaamay jahawareer baaxad leh oo ka dhex jira hoggaanka Iiraan.

“Waqti aad u badan ayaa lagu dhumiyay safar, shaqo aad u badan! Waxaa taas dheer, in uu jiro isqabqabsi iyo jahawareer baaxad leh oo ka dhex jira ‘hoggaankooda.’ Cidna ma oga cidda mas’uulka ah, xitaa iyaga qudhooda. Sidoo kale, awoodda oo dhan annaga ayaa gacanta ku heyna, iyaguna waxba ma hayaan! Haddii ay doonayaan inay wada-hadlaan, waxa kaliya oo ay tahay inay sameeyaan waa inay na soo wacaan!!!” ayuu qoray madaxweyne Trump.

Goor sii horreysay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa ka dhoofay magaalada Islamabad iyadoo aysan muuqan wax horumar ah oo laga gaaray wada-hadalladii uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan dowladda Bakistaan.

Xukuumadda Tehran ayaa meesha ka saartay in wareeg cusub oo wada-hadallo toos ah ay la yeelato Mareykanka. Ilo diblomaasiyadeed oo Iiraan ah ayaa xaqiijiyay in Tehran aysan marnaba aqbali doonin waxa ay ugu yeertay “dalabaadka xad-dhaafka ah” ee Washington.

Ismari-waaga Mareykanka iyo Iiraan

Washington iyo Tehran ayaa haatan ku jira ismari-waa siyaasadeed, xilli Iiraan ay inta badan xirtay marinka muhiimka ah ee Hormuz, kaas oo caadi ahaan qaada shan-meelood meel ka mid ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee caalamka loo iibgeeyo, halka Mareykankuna uu dhankiisa go’doomiyay dhoofinta shidaalka ee Iiraan.

Colaaddan, oo haatan ay ka jirto xabbad-joojin dhaqan-gashay, ayaa billaabatay kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay 28-kii Febraayo duqeymo xagga cirka ah ku qaadeen Iiraan. Tan iyo xilligaas, Iiraan ayaa dhankeeda weeraro la beegsatay Israa’iil, saldhigyada Mareykanka iyo dalalka Khaliijka.

Dagaalkan ayaa sababay in qiimaha tamarta uu gaaro heerkii ugu sarreeyay sanado badan, arrintaas oo hurisay sicir-barar caalami ah, isla markaana mugdi gelisay rajadii kobaca dhaqaalaha adduunka.

Bayaan lagu daabacay barta rasmiga ah ee wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu ku leeyahay Telegram, ayaa lagu sheegay in Araqchi uu “sharraxaad ka bixiyay mowqifyada mabda’iga ah ee dalkiisa ee ku aaddan isbeddelladii ugu dambeeyay ee la xiriira xabbad-joojinta iyo soo-afjaridda dhabta ah ee dagaalka lagu soo qaaday Iiraan.”

Markii la weydiiyay shuruudaha Tehran ee ku aaddan mowqifka Mareykanka ee wada-hadallada, sarkaal diblomaasiyadeed oo Iiraani ah oo ku sugan Islamabad ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: “Mabda’ ahaan, dhinaca Iiraan ma aqbali doonaan dalabaadka xad-dhaafka ah.”

Dhanka kale, Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in Mareykanku uu maalmihii la soo dhaafay arkay xoogaa horumar ah oo ka imaanaya dhinaca Iiraan, ayna rajeynayeen in horumar intaas ka badan la gaaro dhammaadkan toddobaadka. Waxay sidoo kale xustay in Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, uu isna diyaar u ahaa inuu u safro dalka Pakistan.

Madaxweyne Ku-xigeen Vance ayaa horraantii bishan hoggaaminayay wareegii koowaad ee wada-hadalladii fashilmay ee lala yeeshay Iiraan, kuwaas oo ka dhacay caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo deg-deg uga jawaabay baaqa mucaaradka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay caleema saarka Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa si deg-deg ah uga jawaabay baaq kasoo yeeray mucaaradka oo ku aadan in la dhex dhexeediyo iyaga iyo Madaxweynaha.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in siyaasiyiintu ay heshiin waayeen, sidaas daraadeedna ay dalbanayaan inay soo kala dhexgalaan odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Waxaan rabaa codsi aan wakiil uga aha saaxibadey oo ku aadan duubabka codsigaag oo ah in duubabka aysan bixin illaa la’iska arko oo talada siyaasadeed meel la’isla dhigo” ayuu yiri Madaxweynihii oee dalka.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan u baahanahay duubabka inay la wareegaan howsha siyaasiyiinta waa is indha buuxi waayeen waa la’is arkay waa la wada fariistay waxba waa la’isu keeni waayay marka duubabow taladii waa la’idinku soo celiyay wixii toosan adkeeya waxaan toosneen meesha ka saara”.

Intaas kadib waxaana isna hadalka qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh oo munaasabadda ku sugnaa, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo hadalkaas, isaga oo ugu baaqay dhaqanka inay doorkooda qaataan.

“Dhaqanka Soomaaliyeedow waa joogtaan maanta waana fursad ee qofkii khaldan gacanta qabta, kan saxanna garab istaaga”. ayuu yiri Xasan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin xaalad sababi karta in dalka uu burburo, balse siyaasaddu leedahay is-rii xriix, ayna iska dhamaan doonto

“Dab kama kace looma baahno dowladnimadeena waa kortay siyaasaddu is jiid jiid iyo is riix riix waa leedahay annaga kan naga dhex jiro ma ah mid burburin, dumin ama balaayo dhaceyso waana dabeecad ay siyaasadda wadato wayna hagaageysaa” ayuu markle yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Soomaaliya oo noqotay dalkii u horreeyay Afrika ee hirgeliya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Xarunta Ilaalinta Rayidka ee xilliyada colaadaha (CIVIC), oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika ee hay’adda, Mudane Vianney Bisimwa.

Intii uu socday kulanka Fiqi iyo Bisimwa ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta ku aaddan ilaalinta bed-qabka rayidka, yareynta waxyeellada shacabka xilliyada hawl-gallada ciidan, iyo horumarinta hab-raacyo waafaqsan xeerarka dalka iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu horreeyay Afrika ee dhaqan-geliya siyaasad noocan ah.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu caddeeyay in heshiiska uu mudnaan siinayo siyaasadda qaran ee ilaalinta bed-qabka rayidka xilliyada howwl-gallada ciidan iyo marka ay jiraan colaadaha hubeysan.

“Heshiiskan ayaa taageeraya hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka xilliyada Hawl-gallada Ciidan iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo Soomaaliya ka dhigeysa dalkii ugu horreeyay Afrika ee dhaqan-geliya siyaasad noocan ah. Waxa kale oo uu heshiisku xoojinayaa tababarka, wacyigelinta iyo awood-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, si loo xaqiijiyo in hawl-gallada loo fuliyo si waafaqsan sharciga, xirfad sare, taxaddar, isla-xisaabtan iyo ilaalinta karaamada rayidka”. ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta bed-qabka rayidka, isagoo xusay in siyaasaddan ay ka tarjumeyso sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in dhammaan hawl-gallada amniga lagu hago ilaalinta nolosha, karaamada, xuquuqda iyo bed-qabka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay xoojinta ilaalinta bed-qabka rayidka, kor u qaadista kormeerka iyo isla-xisaabtanka hawl-gallada ciidan, iyo la-shaqeynta hay’adaha qaranka, bulshada rayidka iyo saaxiibbada caalamka, si dib-u-habeynta hay’adaha amniga Soomaaliya loogu saleeyo hannaan waafaqsan sharciga, isla markaana ku dhisan mas’uuliyad iyo kalsooni dadweyne.

Saxiixa heshiiska waxaa dhanka Wasaaradda goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda; halka dhanka Xarunta CIVIC ay ka socdeen Agaasimaha CIVIC ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Ibrahim, Danjire Maman Sambo Sidikou, S/Gaas Bashir Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.

Daawo: R/W Xamza iyo Rooble oo si kulul isugu jawaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta iska dhex weeraray xafladdii lagu caleema saaray Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Rooble oo weerarka bilaabay ayaa sheegay in uu sii dhimaanayo muddo xileedka dowladda, ayna madaxweyne Xasan Sheekh u hartay wax ka yar 20 maalmood, isla markaana aysan weli caddeyn jihada uu aadayo dalka.

“Waxaan leeyahay dalkan maanta saaxibkey Xamza iyo odeygiisa waxaa u haray 19 maalmood iyo lix saacadood sifiican dhagaha u furay ee sida sharafta lahayd oon shalay tusbaxa idin-kuugu dhiibay fadlan soo dhawaada”. ayuu yiri Rooble.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay oo jawaabay Ra’iisul wasaare Xamza oo isna goobjoog ahaa munaasabadda, wuxuuna sheegay in weli fursad ay haystaan, ayna ku dhaqmayaan farsamooyin iyo xeelad, sida uu hadalka u dhigay.

“Saaxibkey Rooble oo madaafiic yaryar meesha ka tuuray waxaan leeyahay meel kasta oo la tegaa hadal-bey leedahay marka meeshan hadal siyaasadeed maleh laakiin laba kalimo haddii aan ka iraahdo intii yiri mid waxaa leeyahay war la qabaa xiiso maleh midka kalena waxaan leeyahay saacaddu haddii ay kaa istaagto waxay u baahan tahay hagaajin” ayuu ku jawaabay Xamza.

Munaasabadda lagu caleema saarayUgaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa kulmisay muxaafad, mucaarad waxaana sidoo kale ka qayb-galay madaxweyne Xasan oo guul u rajeeyay Ugaaska cusub.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo dowladda iyo mucaaradka isku hayaan sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka.

Baydhaba oo laga daah-furay qorshe muhiim u ah Koonfur Galbeed + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta si rasmi ah looga daah-furay qorshahay isbeddalka iyo siyaasadda Koonfur Galbeed, maadaama la galayo doorashooyin isku sidkan.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaafuray Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara, isagoo goobta ka jeediyay khudbad xasaasi ah.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka qeyb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday bulshada rayidka iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo hirgelinta nabad waarta.

“Qorshahan cusub ayaa diiradda saaraya xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta nabad waarta. Sidoo kale waxa uu qorshuhu qeexayaa istiraatiijiyad cad oo lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale, iyo bulsho ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed soomaaliya”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Hoggaamiyaha KMG ah Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa madasha ka sheegay in qorshahan uu yahay mid horseedi doona isbeddel dhab ah isla markaana uu saldhig u noqon doono horumar waara oo ay gaaraan shacabka Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay shacabka iyo daneeyayaasha kala duwan in ay ka qeyb qaataan hirgelinta qorshahan si loo xaqiijiyo mustaqbal xasilloon oo horumar leh.

Koonfur Galbeed ayaa hadda wajaheysaa marxaad kala guur ah, waxaana la’isku diyaarinayaa doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

Daawo: Doorashada waxa ay ka dhaceysaa Teendhada Afisyooni: Sidaas waxaa yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadee ee dalka, gaar ahaan is-mariwaga ka taagan hannaanka doorashooyika dalka.

Xasan Yare ayaa shaaca ka qaaday in mar kale dib loogu laaban doono Teendhada Afisyoone, si loo soo doorto madaxweyne cusub.

“Teendhada la’iskuma diidano ee qaabka loo aadaayo ayaa la’isku haystaa mooyaane teendho waa la aadayaa” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Baarlamaanku codeyn doono, lagulana kala bixi doono codadka xildhibaannada labada Gole.

“Codka waa la ridayaa shaki yuu kaa gelin 329 xildhibaan way codeynayaan waqtiga ayaa sheegi doono”. ayuu mar kale yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Hadalkan ayuu xildhibaanku ka sheegay munaasabadda caleema saarka Ugaaska Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa kulmisay muxaafad, mucaarad iyo inta badan dhaqanka Soomaaliyeed oo isaga kala yihim gayiga Soomaaliyeed.

Madasha waxaa kasoo wada muuqday, Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

“Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi waa munaasabad dhaqan oo ka caagan wax kasta oo aan ku kala aragti duwanahay, dhaqankeenu waa mid nool oo isku xira guud ahaan umadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo goobta ka hadlay.

Daawo: Madal cajiib ah oo maanta Muqdisho ku kulmisay Muxaafad iyo mucaarad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa haatan ka socota munaasabadda caleema saarka Ugaaska Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, waxaana ka qayb-galaya madax, siyaasiyiin, dhaqanka iyo qaybaha bulshada.

Munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa kulmisay muxaafad, mucaarad iyo inta badan dhaqanka Soomaaliyeed oo isaga kala yihim gayiga Soomaaliyeed.

Madasha waxaa kasoo wada muuqday, Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhammaan ka qayb-galayaasha, wuxuuna sheegay in xafladda ay ka caagan tahay siyaasad iyo arrimaha la’isku diidan yahay ee ka taagan dalka.

“Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi waa munaasabad dhaqan oo ka caagan wax kasta oo aan ku kala aragti duwanahay, dhaqankeenu waa mid nool oo isku xira guud ahaan umadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Khayre.

Sidoo kale, wuxuu boggaadiyay doorka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aadan dib-u-heshiisnta dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Dhaqanka Soomaaliyeed waxay udub dhexaad yihiin dowlad dhiska Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo wadajirka Ummadda” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo munaasabadda laga jeediyay hadallo u badan dardaaran ku socda Ugaaska Beesha Murusade ee maanta lagu caleema saaray magaalada Muqdisho.

DF oo kala caddeysay in Israa’iil ay ka mamnuucday Bab al-Mandab iyo in kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey warar si weyn loo faafiyay oo sheegayay in Muqdisho ay ka mamnuucday maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil inay maraan marin-biyoodka Bab al-Mandab, iyagoo caddeeyay inuusan jirin go’aan noocaas ah oo la qaatay.

Mas’uuliyiintan ayaa tilmaamay in sheegashadan ay salka ku hayso fasiraad khaldan oo laga bixiyay hadallo uu jeediyay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in aysan waxba kala socon go’aan, wareegto ama amar badeed oo arrintan la xiriira.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in aysan jirin hay’ad federaal ah oo ku dhawaaqday mamnuucid ama soo saartay habraacyo hawlgal oo lagu xaddidayo maraakiibta lala xiriirinayo Israa’iil ee mara Bab al-Mandab ama marin kasta oo caalami ah.

Warbaahinta dowladda Iiraan iyo xarumo warbaahineed oo fadhigoodu yahay Yemen ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee baahiyay wararkan, iyagoo ku andacooday in Soomaaliya ay “xirtay” marinka Bab al-Mandab si ay uga aarsato aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Haddallo si khaldan loo fasiray

Danjire Cabdullaahi Warfaa ayaa jeediyay hadallo dhaliyay sheegashadan, isagoo ka digay in faragelinta shisheeye ee madax-bannaanida Soomaaliya ay yeelan karto cawaaqib-xumo, oo ay ku jiraan xannibaado suurtagal ah oo la xiriira marinnada istaraatiijiga ah ee badda.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in hadallada Warfaa ay ahaayeen digniin siyaasadeed oo ku aaddan difaaca wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, balse aysan ahayn ku-dhawaaqis rasmi ah oo go’doomin ah. Waxay xuseen in qaar ka mid ah warbaahinta shisheeye iyo baraha bulshada ay si khaldan u soo bandhigeen hadalladan, iyagoo ka dhigay go’aan toos ah oo dowladda Soomaaliya ay ku beegsanayso maraakiibta Israa’iil.

Ma jirto hay’ad dowladeed oo Soomaaliyeed oo ku dhawaaqday siyaasad noocaas ah, mana jirto hay’ad qaabilsan arrimaha badda oo soo saartay ogeysiis lagu mamnuucayo in maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ay maraan marinka Bab al-Mandab.

Sheegashadan ayaa sidoo kale wajaheysa caqabad weyn oo dhanka xaqiiqada ah. Marinka Bab al-Mandab wuxuu kala baraa Yemen iyo dalalka Jabuuti iyo Ereteriya, mana aha marin ku yaalla Soomaaliya.

Soomaaliya maamusho midna labada dhinac ee marin-biyoodkan, mana laha awood qaran oo ay ku xaddidi karto isku-socodka maraakiibta ee halkaas. Falanqeeyayaasha arrimaha badda ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay sidoo kale ka maqan tahay awooddii ciidamada badda, kuwa cirka iyo gantaallada ee loo baahnaa si loo soo rogo ama loo fuliyo go’doomin ka dhan ah mid ka mid ah marinnada badda ee ugu xasaasisan adduunka.

Wararkan xaqiiqada ka fog ayaa soo baxaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed, kaddib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu aqoonsada Somaliland dowlad madax-bannaan bishii Diseembar 2025, tallaabo ay Soomaaliya ku cambaaraysay in ay tahay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Israa’iil ayaa bishan sii qoto dheereysay khilaafka, kaddib markii ay Michael Lotem u magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee aan fadhigiisu ahayn Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay magacaabistaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub toos ah oo ka dhan ah qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Dhacdo burcad-badeednimo

Dhacdo kale oo ka gaar ah tan, Hay’adda Howlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in laba doonyood oo yaryar oo hubeysan ay ku soo dhawaadeen markab xamuul ah oo qiyaastii 83 mayl-badeed u jira koonfur-bari degmada Eyl ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah doonyaha ayaa u soo jirsatay 600 oo mitir, taas oo ku qasabtay shaqaalaha markabka inay ridaan rasaas digniin ah. Doontii laga shakiyay ayaa dib u soo riday rasaas kahor inta aysan iska laaban. Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii markabka ay nabad qabaan.

Mas’uuliyiin Soomaali ah iyo korjoogayaasha arrimaha badda ayaa sheegay in dhacdadan aanay la xiriirin khilaafka diblomaasiyadeed ee Somaliland ama wararka beenta ah ee ku saabsan Bab al-Mandab.

Waxay xuseen in dhacdadani ay u muuqato mid la xiriirta falalka burcad-badeednimada ee sanadaha badan ka jiray xeebaha Soomaaliya, beddelkii ay ka tarjumi lahayd tallaabo cusub oo badeed oo ay dowlad taageereyso, taas oo la xiriirta xiisadda gobolka ee taagan.

Marinka Bab al-Mandab ayaa weli ah mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu xasaasisan adduunka, isagoo isku xira Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Qalalaase kasta oo halkaas ka dhaca wuxuu saameeyaa isku-socodka u dhexeeya Aasiya, Yurub iyo Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan shixnadaha shidaalka, gaaska iyo konteenarada.

Marinkan ayaa markii horeba wajahayay cadaadis weyn oo kaga imaanayay weerarada Xuutiyiinta ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, taas oo ku qasabtay maraakiib badan inay ka weecdaan marinkan oo ay beddelkeeda ku wareegaan koonfurta qaaradda Afrika.

War kasta oo ku saabsan xannibaad cusub oo aaggaas ah ayaa halis u ah inay sii geliso baqdin shirkadaha maraakiibta, kuwa ceymiska iyo dowladaha gobolka ee durba la tacaalaya xasillooni-darrada bilihii la soo dhaafay ka taagnayd Badda Cas.

Si kastaba, mas’uuliyiinta Muqdisho ayaa caddeeyay in muhiimadda koowaad ay weli tahay difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyadoo loo marayo waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharciga ah, ee aysan ahayn in la furo iska-hor-imaad badeed oo aysan ku dhawaaqin, awoodna u lahayn inay fuliyaan. 

Maamul cusub oo Baydhaba loo magacaabay kadib markii Cabdullahi Watiin lagu…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-U-Heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Isaaq Ismaan (Fanax) oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay magaalada Baydhaba oo ay haatan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan doorashada kusoo foodka leh Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna duqa magaalada, sida lagu caddeeyay wareegtada.

“Wasiirka waxaa go’aamiyay qodobka 1aad: Maanta tr. 25 April 2026 wuxuu magacaabay gudd. Degmada Baydhabo ahna duqa magaalada. Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna duqa magaalada”. ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa faray laamaha amniga iyo maamulka gobolka Baay inay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee lasoo magacaabay, si uu u guto waajiaadka shaqo ee loo igmaday xiligaan xasaasi ah.

“Waxaan maamulka Gobolka Baay iyo dhammaan laamaha amniga Degmada Baydhabo la farayaa inay fuliyaan wareegtada. Magacaabistan waxey dhaqan galeysaa markuu saxiixo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha iyo duqa cusub ee loo magacaabay Baydhaba ayaa beddalaya Cabdullahi Watiin oo kamid ahaa saaxibadii aadka ugu dhawaa madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo haatan dibad joog ah.

Watiin ayaa maalmo kahor lagu sameeyay hub ka dhigis, kadib markii looga shakiyay inuu si hoose ula shaqeynayay maamulkii hore, gaar ahaan ciidankii Lafta-gareen ee maalmo kahor gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa u muuqdo kuwa ay dowladda ku xakamayneyso xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed, kadib markii ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ay maalmo kahor ku dhawaaqeen in dowladda dhexe aysan doorasho ka qaban karin magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Mareykanka oo xukun dheer ku riday Cabdisatar Axmed kadib isku daygiisa ahaa inuu…

Minneapolis (Caasimada Online) – Waaxda Caddaaladda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in nin 23 jir ah oo kasoo jeeda gobolka Minnesota, asalkiisana Soomaali yahay, lagu xukumay siddeed sano iyo bar xabsi federaal ah, kadib markii lagu helay inuu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu uga barbar dagaallamo kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka (Daacish).

Xukunka Cabdisatar Axmed Xasan oo dhacay Arbacadii ayaa ku soo beegmaya xilli milateriga Mareykanka iyo ciidamada maamul-goboleedka Puntland ay wadaan olole ballaaran oo ka dhan ah garabka Daacish ee Geeska Afrika, taas oo si xawli ah u koreysa, noqotayna goob ay u soo hayaamaan dagaalyahannada shisheeye.

Garsooraha Maxkamadda Federaalka Mareykanka ee degmada Minnesota, Donovan W. Frank, ayaa Cabdisatar ku xukumay 102 bilood oo xabsi ah, taas oo ay weheliso 15 sano oo si dhow loola socon doono dhaqdhaqaaqiisa marka uu xabsiga ka soo baxo. Ninkan ayaa horay u qirtay inuu dambiile yahay, isagoo qiray inuu isku dayay inuu taageero maaddi ah siiyo urur argagixiso oo shisheeye.

Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ayaa dalbaday in lagu xukumo 17 sano, iyagoo ku dooday in isku-daygiisa ku aaddan ku-biiritaanka kooxdaas uu ahaa mid joogto ah, qorsheysan, oo aan ka-noqosho lahayn. Dhanka kale, qareennada difaacayay ayaa weydiistay in lagu xukumo shan sano, iyagoo xusay inuusan cid kale qorin, lacag u dirin dibadda, ama uusan ku guuleysan safarkiisa.

Christopher Dotson, oo ah wakiilka gaarka ah ee hay’adda dambi-baarista Mareykanka (FBI) u qaabilsan xafiiska Minneapolis, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Cabdisatar Xasan uu qaaday tallaabooyin dhab ah oo uu isku dayay inuu ugu biiro uguna taageero Daacish. Wuxuu kooxdaas ku sifeeyay urur argagixiso shisheeye oo naxariis daran, mas’uulna ka ah dhimashada kumannaan qof oo aan waxba galabsan. Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in xukunkani uu waddada ka saarayo shakhsi damac argagixiso ku jiray, uuna farriin cad u dirayo ciddii isku dayda inay gacan siiso kooxahaas.

Dokumiintiyada maxkamadda ayaa muujinaya in Cabdisatar uu bilaabay daawashada iyo akhriska dacaayadaha Daacish iyo kooxaha kale ee xagjirka ah horraantii sanadkii 2024. Wuxuu markii dambe u sheegay baarayaasha federaalka in xagjirnimadiisu ay sii xoogeysatay kadib markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023.

Waxaa lagu eedeeyay inuu soo dejistay muuqaallo iyo qoraallo dhiirrigelinaya rabshado oo ka yimid garabka warbaahinta ee Daacish. Sidoo kale, eedeymaha ayaa sheegaya inuu helay buug-gacmeedyo ku qoran luuqadda Carabiga oo faahfaahinaya sida loo sameeyo walxaha qarxa ee awoodda badan sida C4 iyo maadada ‘urea nitrate’. Wuxuu sidoo kale baaritaan ku sameeyay xirfadaha tababarka toogteyaasha (snipers), isagoo la xiriiray iskuul dhanka internet-ka ah oo bixiya farsamada hubka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.

Markii la gaaray bishii Nofembar 2024, wuxuu xiriir joogto ah la yeeshay xubno Daacish u qaabilsan qorista dagaalyahannada oo ku sugan Soomaaliya. Sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha, wuxuu xubnahaas ugu yeeri jiray “taliye” iyo “adeer”, isagoo weydiistay caawimaad si uu u gaaro deegaannada ay kooxdu maamusho.

Kadib markii uu ka tagay shaqadiisii, lacagtiisiina uu kala baxay bankiga, ayuu bishii Diseembar 2024 iibsaday tikit hal jiho ah oo uu ku tagayo Soomaaliya, isagoo internet-ka ku soo qoray: “Waxaan iska dhiibayaa Daacish markiiba.”

Sirdoonka FBI-da ayaa isha ku hayay isku-daygiisii ugu horreeyay ee uu doonayay inuu uga dhoofo garoonka diyaaradaha ee Minneapolis 13-kii Diseembar 2024, balse halkaas ayaa laga celiyay markii la ogaaday inuusan wadan dal-ku-gal (Visa).

Laba toddobaad kadib, ayuu markale isku dayay, isagoo u duulay magaalada Chicago si uu uga raaco diyaarad caalami ah. Saraakiisha Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha (CBP) ayaa qabtay kahor inta uusan diyaaradda fuulin, waxaana boorsadiisii gacanta laga helay shahaadadiisii dhalashada, waraaqihiisii jinsiyadda iyo shahaadadiisii dugsiga sare.

In kasta oo uu markii hore beeniyay inuu lahaa ujeeddo xun, haddana markii dambe wuxuu qirtay taageerada uu u hayo Daacish iyo rabitaankiisa ku aaddan dhismaha khilaafada Islaamiga ah. Wuxuu u sheegay saraakiisha dowladda inuusan aaminsaneyn dimoqraadiyadda, isagoo ku dooday in nidaamka caddaaladda Mareykanku uu yahay argagixisada dhabta ah.

Isku-dayga Cabdisatar ee ahaa inuu gaaro furimaha dagaalka ayaa ku soo beegmay isbeddel weyn oo ku yimid shabakadda caalamiga ah ee Daacish. In kasta oo inta badan Soomaaliya ay awood ku leedahay kooxda Al-Shabaab oo gacan-saar la leh Al-Qaacida, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay si weyn isku soo abaabulay, iyagoo boqollaal dagaalyahanno shisheeye ah ku soo dhoweeyay saldhigyadooda.

Horraantii sanadkii 2025, ciidamada ammaanka Puntland iyo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qaaday “Hawlgalka Hillaac” si ay xoogaggan uga saaraan godadka buuraha Cal Miskaad iyo Golis ee ay ku dhuumaaleystaan. Xukuumadda Washington ayaa hadda u aragta garabkan Soomaaliya inay yihiin khatar toos ah oo ku wajahan amniga gudaha Mareykanka, taas oo dhalisay in Mareykanku uu si xooggan u kordhiyo duqeymaha xagga cirka ah ee gobolka Bari intii lagu jiray sanadkii 2025 ilaa iyo hadda bishan Abriil ee sanadka 2026-ka.

In kasta oo uu ku guuldareystay inuu gaaro buuraha Soomaaliya, Cabdisatar ayaa sii waday inuu soo bandhigo aragtiyo xagjir ah markii uu dib ugu laabtay Minnesota. Bishii Janaayo 2025, wuxuu si fagaare ah u ammaanay shakhsigii fuliyay weerar baabuur oo ay Daacish dhiirrigelisay oo ka dhacay magaalada New Orleans, kaas oo ay ku dhinteen 14 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Wuxuu ninkaas ku tilmaamay “Mujaahid” iyo “geesi laayay Mareykan.”

Dabayaaqadii bishii Febraayo 2025, toddobaadyo un kahor inta aan la xirin, wuxuu baraha bulshada soo geliyay muuqaallo muujinaya isagoo gaarigiisa wata xilli habeen ah, islamarkaana dhabtiisa ay saaran tahay toorey aad u dheer, gacantana ku haya calanka madow ee Daacish oo uu isagu sameystay. Markii ay FBI-da xireen 27-kii Febraayo 2025, waxaa laga helay isla tooreydii, halka calankiina uu u saarnaa gaarigiisa dhexdiisa.

Sarkaalka FBI-da ayaa soo gebagebeeyay in ninkani uu u dabbaaldegay dhimashada dadkii lagu laayay New Orleans, markii uu awoodi waayay inuu safro-na uu billaabay faafinta dacaayadaha Daacish iyo Al-Shabaab si uu ugu dhiirrigeliyo dadka kale inay la dagaallamaan dowladda Mareykanka.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60