24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Mucaaradka oo dalab ka dhan ah Xasan Sheekh u gudbiyay Turkiga + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Akta ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, iyaga oo dalab culus u gudbiyay xukuumadda Ankara.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Shakuur oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulanka ay la yeesheen Danjire Alper Akta, isaga oo sheegay inay kala hadleen doorka Turkiga ee siyaasadda Soomaaliya, si uu dhex-dhexaad uga noqdo xiisadda taagan.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka dalbadeen inay soo farogeliyaan is-mariwaaga taagan, ayna heshiis ka keenaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si looga wada-hadlo arrimaha la’isku hayo ee siyaasadda dalka.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Turkiga ay kala hadlen in diyaaradihiisa aan loo isticmaalin siyaasad iyo in lagu beegsado siyaasiyiinta mucaaradka ah, maadaama ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda gudaha caasimada.

“Waxaan ka dalbanay Turkiga in diyaaradahiina lasoo tabal caareystay horaaa kuwa live ah noo yimaadeen wax qaadi waayeen ee dalkan heshiis ayaa lagu joogaa hee ninka odeyga ah haddaa saameyn ku leedihiin heshiis ka keena” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mucaarad ahaan ay doonayaan in meesha laga saaro Xasan Sheekh Sheekh, iyada oo la ilaalinyo dowladnimada, si aysan u burburin.

“Annaga waxaa rabnaa kow in Xasan Sheekh uu dowladda naga dumin mida labaad inaa iska qabano”. ayuu mar kale yiri Warsame.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ay mucaaradka haatan ka wadaan Muqdisho ayaa kusoo aadayo, xilli Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana aan weli la’isku fahmin hannaanka doorashooyinka dalka.

Markab shidaal u soo siday Muqdisho oo la afduubtay

Boosaaso (Caasimada Online) – Koox burcad badeed ah ayaa afduubtay markab qaada shidaalka oo ay saarnaayeen 17 qof oo shaqaale ah, xilli uu marayay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dhowr sarkaal oo dhanka amniga ah.

Markabkan oo lagu magacaabo Honour 25, ayaa la wareegay gacan-ku-hayntiisa lix nin oo hubeysan goor dambe oo Arbacadii ah, xilligaas oo uu qiyaastii 30 mayl-badeed u jiray xeebta.

Illaa saddex sano ka hor, falalka burcad-badeednimada ayaa u muuqday kuwo gabi ahaanba ka ciribtirmay biyaha Badweynta Hindiya oo horay ugu caan baxay afduubka, balse dib ayay arrintaas u soo laabatay iyadoo inta badan la beegsanayo doonyaha kalluumeysiga iyo maraakiibta xamuulka.

Afduubka markabkan shidaalka ee ku wajahnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la filayaa inuu kordhiyo walaaca laga qabo sicir-bararka, iyadoo qiimaha shidaalku uu saddex jibbaar kor u kacay tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan.

Saraakiil amni oo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ayaa BBC u sheegay in markabku uu siday shidaal dhan 18,500 oo fuusto.

Sida lagu daabacay shabakadda la socodka maraakiibta ee ShipAtlas, markabka la afduubtay ayaa 20-kii Febraayo ka ambabaxay dekedda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, wuxuuna gaaray meel u dhow xeebaha Isutagga Imaaraadka Carabta waxyar uun kaddib markii ay colaaddu qaraxday gobolka.

Khariidadda socdaalka ayaa muujinaysa in markabku uu ku wareegayay biyaha u dhow afaafka hore ee Marinka Hormuz, kahor inta uusan 2-dii Abriil dib u soo laaban isagoo kusoo jeeda magaalada Muqdisho.

Markabkan oo hadda ku jira gacanta burcad-badeedda, isla markaana ay saaran yihiin 17 shaqaale ah oo isugu jira 10 u dhashay Pakistan, afar Indonesian ah, hal Hindi ah, hal u dhashay Sri Lanka iyo hal qof oo kasoo jeeda dalka Myanmar, ayaa lagu xirtay meel u dhow xeebta Soomaaliya ee u dhexaysa magaalooyinka kalluumeysiga ee Xaafuun iyo Bander Beyla.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shan nin oo kale oo hubeysan ay tan iyo xilligaas dusha ka fuuleen markabka Honour 25 si ay ugu biiraan kooxdii hore.

Saraakiisha ayaa aaminsan in afduubeyaashu ay kasoo shiraacdeen deegaan fog oo u dhow Bander Beyla, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qaabka ay ugu suurtagashay inay dhexda u galaan oo ay la wareegaan markabkan weyn ee shidaalka.

Illaa iyo hadda, maamulka Soomaaliya iyo Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR), oo qaabilsan howlgallada la-dagaallanka burcad-badeedda ee biyaha Soomaaliya, midna kama uusan soo saarin wax bayaan ah oo ku aaddan afduubkan u dambeeyay.

Mucaaradka oo qaab cajiib ah uga mudaharaaday Muqdisho – Maxay dalbanayaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo ay wehliyaan qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho ayaa mudaharaad ka dhan ah dowladda ku qabtay xarunta xisbiga Himilo Qaran.

Siyaasiyiinta qeybta ka ahaa mudaharaadka waxaa ka mid ah madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdiraxmaan Caynte, Cabdiqaadir Cosoble iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta ayaa watay istiikaro ay ku yaallaan sawirrada Sacdiyo Macalin Cali, Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed oo ka mid ah dhalinyarada xisbiga Himilo Qaran, kuwaas oo dhammaantood u xiran dowladda.

Madaxweyne hore Shariif iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ku dhawaaqay inay garab taagan yihiin Sacdiyo oo ahayd gabar dhalinyaro ah oo bajaajle ahayd, isaga oo dalbaday in si degdeg ah looga sii daayo xabsiga.

“Waxaan faraynaa hay’adaha garsoorka iyo amniga inay si degdeg ah xorriyaddeeda dib ugu soo celiyaan Sacdiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Intaas kadib, mas’uuliyiinta mucaaradka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa yeeshay kulan looga hadlayay xaaladda dalka, iyadoo kulankan uu qeyb ka yahay wada-tashiyada ay mucaaradku ka wadaan magaalada Muqdisho.

Mucaaradka ayaa sheegay in habka loola dhaqmay Sacdiyo uu dhaawac weyn ku yahay sumcadda dowladnimada iyo hay’adaha sharciga, iyagoo xusay in aanu jirin wax sharci ah oo loo maray xariggeeda, isla markaana aysan jirin dacwad cad oo loo haysto.

Sidoo kale waxay si weyn u dhaliileen hoggaanka dalka, oo ay ku eedeeyeen inay muujinayaan tabar-darro siyaasadeed iyo dulqaad la’aan marka ay timaado aragtiyada ka duwan kuwa dowladda, taas oo ay sheegeen inay halis ku tahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Pakistan oo maanta bixisay $3.5 bilyan oo Imaaraadka ku lahaa – Yaa badbaadiyay?

Islamabad (Caasimada Online) – Pakistan ayaa dhammaystirtay bixinta deyn dhan $3.5 bilyan oo ay ku lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo qayb ka ahayd waajibaadkeeda deynta dibadda, sida uu sheegay Bangiga Dhexe ee Pakistan maalintii Jimcaha, kadib markii uu dalkaas soo galay dhaqaale dhan $3 bilyan oo ka yimid Boqortooyada Sucuudiga.

Imaaraadka ayaa sanadkii 2018-kii siiyay Pakistan lacag dhan $2 bilyan, taas oo tan iyo xilligaas sanad walba waqtiga bixinteeda dib loo cusboonaysiinayay (rollover).

Sanadkii 2023, dalkan dhaca Khaliijka ayaa bixiyay deyn kale oo dhan $1 bilyan si uu uga caawiyo Islamabad inay buuxiso baahideeda maalgelinta dibadda, halka deyn kale oo dhan $450 milyan ay soo taxnayd tan iyo sanadihii 1996–97.

Pakistan ayaa qorshuhu ahaa inay Imaaraadka dib ugu celiso dhammaan $3.5-ta bilyan dhammaadka bisha Abriil, iyadoo la raacayo heshiisyada dhigaalka maaliyadeed ee laba geesoodka ah, xilli mas’uuliyiintu ay ku guda jiraan dadaallo ay ku xasilinayaan kaydka sarrifka lacagaha qalaad, iyagoo gacan ka helaya dalalka saaxiibada la ah iyo barnaamijka Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

“Bangiga Dhexe ee Pakistan waxa uu bixiyay dhigaal dhan $1 bilyan oo la siiyay Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (ADFD) ee Imaaraadka 23-kii Abriil 2026,” ayuu Bangiga Dhexe ee Pakistan ku soo qoray bartiisa X.

“Lacago dhan $2.45 bilyan ayaa la bixiyay isbuucii la soo dhaafay. Tani waxay dhammaystiraysaa bixinta wadarta guud ee lacagihii deynta ahaa ee gaarayay $3.45 bilyan ee la siiyay Imaaraadka Carabta.”

Pakistan ayaa ka shaqaynaysa sidii ay dib ugu dhisi lahayd kaydkeeda maaliyadeed, uguna dhabayn lahayd bartilmaameedyada barnaamijka IMF oo qiimihiisu dhan yahay $7 bilyan, kadib dhibaato muddo dheer soo jiitamaysay oo dhanka isu-dheellitirka bixinta (balance of payments) ah.

Mas’uuliyiinta ayaa beegsanaya inay kaydka kor ugu qaadaan ilaa $18 bilyan marka la gaaro dhammaadka sanad-maaliyadeedka hadda socda oo ku beegan bisha Juun.

Bangiga Dhexe ee Pakistan ayaa maalintii Talaadada sheegay inuu Sucuudiga ka helay qaybtii labaad oo dhan $1 bilyan, taas oo dalka siinaysa taageero maaliyadeed oo si weyn loogu baahnaa. Dalkani wuxuu hore u helay qaybtii koowaad oo ahayd $2 bilyan oo ka timid Sucuudiga 15-kii bishan Abriil.

Wasiirka Maaliyadda ee Pakistan, Muhammad Aurangzeb, ayaa bishan ku dhawaaqay in Sucuudigu uu ballanqaaday inuu bixin doono $3 bilyan oo taageero maaliyadeed oo dheeraad ah, sidoo kalena uu oggolaaday in la kordhiyo waqtiga dhigaal hore u jiray oo dhan $5 bilyan, si gacan looga geysto xoojinta kaydka lacagaha qalaad ee dalkan dhaca Koonfurta Aasiya.

Sannadihii u dambeeyay, Pakistan waxay si xooggan ugu tiirsanayd taageero maaliyadeed iyo in deymaha waqtigooda dib loo riixo, kuwaas oo ay ka hesho dalalka ay saaxiibada dhow yihiin.

Taageerada maaliyadeed ee Sucuudiga ayaa sidoo kale ku soo aadaysa xilli Pakistan ay bishan bixisay lacag dhan ilaa $1.4 bilyan oo ka mid ah deymaha dammaanadaha caalamiga ah ee loo yaqaan Eurobonds.

Daawo: Sanbaloolshe oo xog cusub ka bixiyay dhiibistii Qalbi-dhagax, shaaciyayna inuu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo bixiyay wareysi cusub ayaa faah-faahin ka bixiyay dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), oo xilligii dowladdii Farmaajo loo gacan geliyay Itoobiya.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in uusan kaalin ku laheyn dhiibista Qalbi-dhagax, balse uu kasoo badbaadiyay qorshe dil ah oo loogu maleegayay Gaalkacyo, uuna sidaas ku keenay magaalada Muqdisho.

“Qalbi-dhagax waa soo badbaadshay, diyaarad ayaa u diray, Saadaq Joon ayaa la hadlay oo yaqaanay meesha, waa la keenay ninkii oo xabsiga ayaa la soo geliyay. Inta aan anaga iyo Farmaajo is arkin ayay Itoobiyaanka waxay u tageen oo culeys ayay saareen,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Meesha (Gaalkacyo) in lagu dilo ama Cabdiweli loo geeyo Qalbi-dhagax ayaa la rabay. Aniga mar haddaan Xamar keenay go’aankiisa dowlad ayaa ila leh, oo Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare iyo xukuumad ayaa joogta.”

Taliyihii hore ayaa si toos ah uga gaabsaday cidda laheyd mas’uuliyadda dhiibista, balse wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo ay Itoobiyaanka culeys saareen. “Aniga haddaan Xamar keenay mas’uuliyadiisa waa iga wareegtay, saan ayaa loo dhiibay iyo hebel baa dhiibay….”

Ugu dambeyntiina, Sanbaloolshe ayaa sheegay inuu ka shaleysan yahay sidii ay arrinta Qalbi-dhagax u maareeyeen, inkastoo uu sheegay in badbadaadada naftiisa Alle sakodii uu sabab u ahaa.

2022 ayey aheyd markii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu markaas hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xad-gudub u aqoonsaday dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Xukuumaddii Rooble ayaa xilligaas ansixisay in laga laabto go’aan ay gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo Soomaaliya ay ururka ONLF ugu aqoonsatay urur argagixiso.

Xasan Cali Kheyre oo xukuumaddiisa ay markaas dhiibtay Qalbi-dhagax iyo madaxweyne Farmaajo ayaa labaduba hadda doonaya in madaxweyne loo doorto.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xogta kulan maanta ka dhacay madaxtooyada Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Madaxtooyada kulan kula yeeshay guddoomiyaha xisbiga Sincad, Maxamuud Khaliif Jabiye oo uu wehliyay musharraxa xisbiga ee maamulka, Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay shaqo xooggan ka socoto, sida ay sheegtay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Jibriil ayaa ku ammaanay xisbiga qaran ee Sincad sida ay ugu diyaarsan yihiin ka qeybgalka doorashada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo maamul-wanaagga dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha xisbiga Sincad, Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa dhankiisa ka mahadceliyay kulanka, isagoo tilmaamay in guddiga doorashooyinka ay ku howlan yihiin sidii ay si degdeg ah ugu qabsoomi lahaayeen doorasho loo siman yahay.

28-ka bishan April ayaa loo ballansan yahay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka dhacaan doorashooyin isku sidkan oo qof iyo cod ah, sida uu horey u shaaciyay guddiga doorashooyinka qaran.

Si kastaba, dowladda ayaa dooneysa in xildhibaannada ku soo baxa doorashooyinka maamulka ay doortaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, xilli uu muran xooggan ka taagan yahay hannaanka ay ku yimaadeen guddiga doorashooyinka iyo muddo-xileedka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Netanyahu oo shaaca ka qaaday in uu ku dhacay Kansar

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ku jiro “xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan”, kaddib markii warbixintiisa caafimaad ee sanadlaha ah lagu shaaciyay in dhowaan laga soo saaray buro kansar ah.

Qoraal uu bartiisa xiriirka bulshada ee X soo dhigay Jimcaha maanta ah, ayuu Netanyahu ku sheegay in intii lagu jiray baaritaannadiisa caafimaad ee joogtada ahaa, kuwaas oo dabo-socday qalliin guuleystay oo horay loogu sameeyay weynaansho ku yimid qanjirka borostaatada (prostate) balse aan kansar ahayn, ay dhakhaatiirtu ku arkeen buro kansar ah oo weli ku jirta heerkeedii bilowga.

Wuxuu intaas raaciyay in daweynta uu qaatay ay “meesha ka saartay dhibaatadii jirtay, isla markaana aanay reebin wax raad ah”.

Netanyahu ayaa tilmaamay inuu isagu codsaday in dib loo dhigo baahinta warbixintiisa caafimaad, si aan loo shaacinin xilli uu heerkii ugu sarreyay marayay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan. Wuxuu xusay inuu tallaabadaas u qaaday si uu uga hortago in xukuumadda Tehran ay ka faa’iideysato oo ay faafiso “dacaayado been abuur ah oo intaas ka badan oo ka dhan ah Israa’iil”.

Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa xusay in qalliinkii ugu horreeyay ee qanjirka borostaatada ee weynaaday balse aan halista ahayn lagu sameeyay qiyaastii sanad iyo bar ka hor. Tan iyo xilligaas, wuxuu ku jiray la-socod caafimaad oo joogto ah, waxaana baaritaankii ugu dambeeyay lagu ogaaday “bar yar oo ka yar hal sentimitir”.

“Waxaan ila soo darastay xaalad caafimaad oo fudud oo ku saabsan qanjirka borostaatada, taas oo gabi ahaanba la daweeyay, arrintaasi way i dhaaftay,” ayuu yiri.

Qoraalkiisa dheer, ayuu Netanyahu sidoo kale ku xusay inuu isagu doortay inuu degdeg isku daweeyo sababtoo ah, sida uu hadalka u dhigay: “Marka xogta ku saabsan khatar suurtagal ah la i siiyo waqtigii ku habboonaa, waxaan rabaa inaan isla markiiba wax ka qabto.”

Wuxuu raaciyay: “Tani waa xaqiiqo marka la eego heer qaran iyo sidoo kale heer shakhsiba”.

Marka la eego da’da Netanyahu oo ah 76 jir, kansarka qanjirka borostaatada ayaa ah mid aad ugu badan ragga, lamana aaminsana inuu leeyahay khatar degdeg ah haddii la ogaado xilli hore.

Ragga da’da ah ee badankooda, xanuunkan ayaa u kora si aad u gaabis ah, taas oo aad hoos ugu dhigeysa suurta-galnimada inuu sababo dhimasho, marka la barbar dhigo xaaladaha kale ee caafimaad ee la xiriira da’da.

Mucaaradnimada Soomaaliya: Loollan shakhsiyeed mise dagaal nidaameed?

Mucaaradnimada Soomaaliya, marka si dhab ah loo fiiriyo, waxay noqotay su’aal ku wareegsan cidda beddelaysa cidda xukunka haysa. Waxay taabanaysaa laba jiho oo kala duwan: mid waa tartan lagu beddelayo hoggaanka dowladda, midna waa dood ku saabsan sida dalka loo maamulo.

Laakiin xaqiiqda muuqata maanta waxay u dhowdahay in miisaanka ugu weyn uu weli yaallo dhanka beddelka hoggaanka, halka isbeddelka nidaamku uu weli yahay fikrad socota oo aan si buuxda u qaabaysnayn.

Siyaasadda Soomaaliya waxay ka soo baxday burbur dheer, taas oo keentay in awooddu ku wareegto shaqsiyaad iyo isbahaysiyo siyaasadeed oo degdeg u samaysma. Marka xaaladdu sidaas tahay, mucaaradnimadu inta badan waxay noqotaa tartan lagu doonayo in lagu beddelo kuwa kursiga haya, halkii ay ka noqon lahayd tartan fikrado kala duwan oo ku saabsan sida dalka loo hagaajinayo. Haddii mucaaradku guuleysto, badanaa waxa is beddela waa dadka hoggaanka haya, balse habkii dowladnimada si weyn isuma beddelo.

Inkasta oo ay jirto hadal-hayn badan oo ku saabsan isbeddel, haddana doodaha la xiriira nidaamka, sida federaalka, doorashooyinka, awood-qeybsiga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, weli ma gaarin heer qorshe qaran oo mideysan. Waxay inta badan ku ekaadaan hadal siyaasadeed iyo aragti guud oo aan si buuxda u wada shaqayn.

Dhibaatada ugu weyn ee halkan ka jirta waa in siyaasadda dalka ay weli si weyn ugu tiirsan tahay shaqsiyaad iyo isbahaysiyo ku-meel-gaar ah. Marka siyaasadda noocaas ah ay jirto, waxa dabiici noqda in tartanku u ekaado mid meesha looga saarayo cidda xukunka haysa, halkii uu ka noqon lahaa mid ku saabsan sida nidaamka loo beddelayo.

Si mucaaradnimadu u noqoto mid dhab ahaantii isbeddel keenta, waxaa loo baahan yahay aragti mideysan oo ku saabsan sida dalka loo maamulayo, qorshe cad oo hay’adaha lagu xoojinayo, iyo heshiis siyaasadeed oo ka baxsan loollanka shaqsiyaadka. Haddii taas la waayo, mucaaradnimadu waxay sii ahaanaysaa wareeg siyaasadeed oo ku saabsan kursiga, halkii ay ka noqon lahayd dhaqdhaqaaq dhisaya nidaam cusub.

Ugu dambayn, waxa muuqata in Soomaaliya ay weli ku jirto marxalad ay mucaaradnimadu inta badan tahay tartan lagu beddelayo hoggaanka, balse ay si tartiib ah u bilaabayso dood ku saabsan nidaamka. Isbeddel dhab ah wuxuu iman doonaa marka tartanka siyaasadeed uu ka gudbo “yaa xukumaya dalka?” oo uu si dhab ah u gaaro “sidee loo xukumayaa dalka?”

W/Q: Avv. Omar Abdulle Dhagey

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Danjire Maxamed Cismaan oo si rasmi ah uga shaqo bilaabay…

0

Abuja (Caasimada Online) – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Maxamed Cismaan Maxamed ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Nigeria, Bola Axmed Tinubu.

Xaflad ballaaran oo ka dhacday madaxtooyada Nigeria ayaa madaxweynuhu ku guddoomay waraaqaha aqoonsiga, isaga oo si diirran u soo dhoweeyay danjiraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Tinubu ayaa muujiyay sida ay Dowladda Nigeria uga go’an tahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada mudnaanta leh, sida ganacsiga, amniga, horumarka waara iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Danjire Maxamed Cismaan Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Nigeria soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono kobcinta iskaashi miro-dhal ah oo dan u ah labada shacab, isla markaana sare u qaadi doona xiriirka diblomaasiyadeed.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nigeria ayaa sidoo kale adkaysay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriirrada caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraam is-dhaafsi ah, iskaashi wax-ku-ool ah iyo dan-wadaag.

Sanbaloolshe oo xog yaab leh ka shaaciyay awoodda DF ee dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka hadlay xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan weli gaarin heer ay si madax-bannaan ula dagaalanto kooxdaas.

Sanbaloolshe oo wareysi bixiyay ayaa markii u horreysay banaanka keenay caqabadaha weli hortaagan Soomaaliya ee ku aaddan inay si madax-bannaan ula dagaallanto kooxda Al-Shabaab, oo weli ka howlgasha qeybo kamid ah dalka.

Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in inkastoo Soomaaliya ay hesho taageero caalami ah, gaar ahaan tan Mareykanka, haddana ay jiraan xaddidaadyo ku saabsan sida xogaha sirdoonka loo wadaago.

Waxa uu xusay in wadaagga macluumaadka sirdoonka uu yahay mid kooban, isla markaana uusan gaarin heer buuxa oo wada-shaqeyn istiraatiiji ah.

“Macluumaad waa la wadaagaa ilaa xad, laakiin boqolkiiba boqol wada-shaqeyn ma jirto,” ayuu yiri Sanbaloolshe, isagoo muujiyay in arrintan ay tahay mid si taxaddar leh loo maareeyo.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in kalsooni la’aanta iyo cabsi laga qabo is-dhexgal ay ka mid yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee xaddidaya wada-shaqeynta dhinaca sirdoonka.

Sanbaloolshe ayaa xusay in hay’adaha caalamiga ah aysan si buuxda u wadaagin xogtooda, halka Soomaaliya ay weli ku jirto marxalad dhisme oo ku aaddan kobcinta awoodaha sirdoon ee gudaha.

“Inkastoo ay jiraan meelaha ay wada-shaqeyntu ka muuqato, sida digniinaha amni iyo hawlgallada militari, haddana weli ma gaarin heer qaran oo isku filnaansho ah,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Taliyihii hore ayaa muujiyay baahida loo qabo maalgelin ballaaran iyo dhismo hay’adeed oo xooggan, si loo horumariyo sirdoonka casriga ah, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda iyo ilaha dadka.

Si kastaba, hadalka Sanbaloolshe oo labo jeer soo noqday taliyaha NISA, isla markaana khibrad dheer u leh arrimaha amniga iyo sirdoonka dalka ayaa muujinaya tuhunnada in saaxiibada caalamka aysan rabin in dhab ahaan la baabi’iyo kooxdan iyo taageerada Soomaaliya gaarta isku filnaansho.

PUNTLAND ma waxay ku socota wadadii 1998-kii?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Mukhtaar Cabdiraxmaan Axmed oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa dhaliilo culus u jeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilantay hoggaaminta siyaasadeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Puntland ay ku sii socoto xaalad khatar ah oo la mid ah tii 1998-dii, xilli uu tilmaamay in ay sii kala irdhoobayaan bulshada ku mideysneyd maamulkaas.

Mukhtaar ayaa xusay in isimadii dhaqanka iyo waxgaradkii Puntland ay u weecdeen dhanka magaalada Muqdisho iyo Dowladda Federaalka, taas oo uu ku sababeeyay saluug ay ka qabaan hoggaanka madaxweyne Saciid Deni.

“Puntland waxay ku sii socotaa 1998-dii oo ah halkii laga soo bilaabay, waxaana sabab u ah hoggaanka hadda jooga. Dhaqankii oo dhan Xamar bay aadeen, iyaga oo saluugsan siyaasadda Siciid Deni,” ayuu yiri xildhibaan Mukhtaar.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in xaaladda hadda jirta ay muujineyso jahwareer siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kaas oo halis gelin kara midnimada iyo xasilloonida Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay dhaliilo xooggan oo loo jeedinayo xukuumadda madaxweyne Deni, kuwaas oo ka imaanaya qaybo kala duwan oo bulshada ah.

Dhaliilahan ayaa waxaa jeediyay beelo, ciidamo, waxgarad iyo siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda jihada siyaasadeed ee maamulka Puntland.

Xogta markab shidaal siday oo lagu afduubtay biyaha Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in koox burcad-badeed ah ay saacadihii la soo dhaafay xeebaha degmada Bandarbayla ku qabsadeen markab siday shidaal.

Markabkan oo la sheegay inuu ku sii jeeday dekedda Garacad ayaa laga leeyahay dalka Pakistan, waxaana saaran 11 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Pakistan, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in markabka la afduubtay xilli uu marayay meel qiyaastii 30 mayl u jirta degmada Bandarbayla, ka hor inta aan loo jiheynin xeebaha deegaanka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in markabka hadda lagu hayo deegaan lagu magacaabo Dharinbaar oo ka tirsan degmada Bandarbayla, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxdii afduubka geysatay.

Kooxda burcad-badeedda ah ayaa la sheegay inay wajahayaan cadaadisyo kala duwan oo uga imaanaya dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale tilmaamaya inay jirto suurtagalnimada in kooxdaasi ay ka degaan markabka, maadaama uu u raran yahay ganacsato Soomaaliyeed.

Afduubkan ayaa kusoo aadaya xilli bishii Maarso ee la soo dhaafay ay koox kale oo burcad-badeed ah lacag madax-furasho ah ka qaateen markab kalluumeysi oo ay ku heysteen isla degmada Bandarbayla.

Si kastaba, afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee ka jira amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay sanadkii 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in 160 weerar ka badan laga diiwaan-geliyay xeebaha Soomaaliya.

Go’aan aad muhiim ugu ah Soomaaliya: Midowga Yurub oo shaaciyey in…

Brussels (Caasimada Online) — Midowga Yurub ayaa ansixiyay xirmo dhaqaale oo gaaraysa 75 milyan oo Euro, una dhigay 88 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, si loo xoojiyo awoodda ciidamada taageeraya xoogagga Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira ururka Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa ururka Midowga Yurub ka dhigeysa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in wadarta guud ee taageerada Midowga Yurub uu siiyay howlgalladii kala dambeeyay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii ay gaartay ku dhawaad 2.8 bilyan oo Euro.

Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in dhaqaalahan cusub, oo lagu ansixiyay hoos-imaadka Sanduuqa Nabadda ee Yurub, uu inta badan dabooli doono gunnooyinka ciidamada, qalabka aan halista ahayn iyo adeegyada kale ee la xiriira ciidamada.

Brussels ayaa intaas ku dartay in taageeradani ay ujeeddadeedu tahay in lagu xoojiyo diyaargarowga howlgalka AUSSOM, lagana caawiyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay halista ka geysan karaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan, iyadoo la xaqiijinayo in la dhowro xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada.

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Midowga Afrika, Javier Niño Pérez, ayaa sheegay in tallaabadani ay muujineyso in ururku uu fulinayo ballanqaadyadii lagu sameeyay shirkii madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee bishii Nofembar 2025 lagu qabtay magaalada Luanda.

“Waxaan si wadajir ah u ballanqaadnay inaan xoojinno howlgallada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin Afrikaanka, waana fulineynaa taas,” ayuu yiri Pérez, isagoo raaciyay in ay muhiim tahay in la xoojiyo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.

Dhankiisa, Wakiilka Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa soo dhaweeyay deeqdan, isagoo ku tilmaamay mid ka turjumeysa go’aan wadajir ah oo lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo maamul wanaagga dimuqraadiga ah. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamada ku deeqay, isagoo ku ammaanay naf-hurnimada baaxadda leh ee ay ka muujiyeen Soomaaliya.

Dhaqaalahan ayaa imaanaya kadib bilooyin ay jireen walaac xooggan oo laga qabay sida loo sii maalgelinayo howlgalka.

War-murtiyeed soo baxay bishii Diseembar 2025, ayaa Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika wuxuu ku muujiyay walaac qoto dheer oo ku aaddan farqiga dhaqaale ee joogtada ah ee wajahaya howlgalka AUSSOM.

In kasta oo goluhu uu ku ammaanay Guddiga Midowga Afrika in ay 20 milyan oo doolar oo ka timid faa’iidada Sanduuqa Nabadda u qoondeeyeen miisaaniyadda sanadka 2025, haddana waxay dalbadeen in la helo maalgelin ku filan, la saadaalin karo, oo dhowr sano ah. Mas’uuliyiinta Afrika ayaa si isdaba joog ah uga digay in ballanqaadyada kumeel-gaarka ah ay howlgallada amniga ee xasaasiga ah u nugleeyaan carqalado.

Howlgalka AUSSOM ayaa si rasmi ah u beddelay Howlgalkii Kumeel-gaarka ahaa ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) 1-dii Janaayo 2025, kadib oggolaansho ka yimid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana waqtigiisa la kordhiyay ilaa bisha Diseembar 2026. Qaybta milateriga ee howlgalkan ayaa wejigiisa koowaad ku billowday ciidamo gaaraya ilaa 12,626 askari.

Waajibaadka howlgalka ayaa waxaa ka mid ah inuu taageero ciidamada dowladda Soomaaliya ee la dagaallamaya Al-Shabaab iyo dagaalyahannada xiriirka la leh kooxda Daacish (ISIS), in la sugo amniga magaalooyinka muhiimka ah ee dadku ku badan yihiin, iyo in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2029.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha dhanka amniga ayaa weli ah kuwo aad u sarreeya. In kasta oo in ku dhow labaatan sano la waday dagaal ka dhan ah kooxaha hubeysan, ururka Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya dhul baaxad leh oo miyi ah, wuxuuna sii xajistay awoodda uu weeraro uga fulin karo magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Mareykanka oo dib u soo celinaya xiriirka Eritrea iyo qorshaha ka dambeeya

Asmara (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa raadinaya qaabab uu dib ugu soo nooleynayo xiriirka dalka Eritrea, oo ah dowlad inta badan go’doonsan isla markaana maamusha gacan weyn oo istaraatiiji ah oo dhaca xeebaha Badda Cas.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump, Massad Boulos, ayaa u sheegay diblomaasiyiin shisheeye in Mareykanku uu qorsheynayo inuu billaabo qaadista cunaqabateynta saaran Eritrea, oo ah dal yar oo dhaca Geeska Afrika, lehna xeebo dhererkeedu ka badan yahay 700 oo mayl oo kulaala Badda Cas.

Tallaabadan ayaa, sida ay sheegeen saraakiil hore iyo kuwa hadda joogaba oo xog-ogaal ah, qayb ka ah dadaallo uu maamulka Trump ku doonayo in markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee heerka sare ahaa ee labada dal. In kastoo qorshahan uusan weli si rasmi ah u dhammaan, saraakiil kale ayaa xaqiijiyay in qiimeyn lagu sameynayo sidii loo caadiyeyn lahaa xiriirka, cunaqabateyntana looga qaadi lahaa dalkaas.

Dadaalkan diblomaasiyadeed ee Mareykanka ayaa soo ifbaxay xilli kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto ay ku hanjabeen inay xiri doonaan isku-socodka maraakiibta ee Badda Cas. Tani waxay barbar socotaa isku-dayada xukuumadda Tehran ay ku dooneyso inay go’doomiso ganacsiga mara Marinka Hormuz, tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil.

In kasta oo qorshaha dib-u-soo-celinta xiriirka Eritrea uu ka horreeyay dagaalka Mareykanka iyo Iiraan, haddana dhaq-dhaqaaqyada Tehran ee ku wajahan xiritaanka Marinka Hormuz ayaa sare u qaaday muhiimadda siyaasadda Mareykanka ee Badda Cas. Marinkan ayaa ah xudun muhiim ah oo ay adeegsadaan qaar ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee dhoofiya shidaalka ee Bariga Dhexe, si ay uga weecdaan Gacanka Persia.

Marinka Hormuz ayaa ah iridda laga galo hantida baaxadda leh ee shidaalka Bariga Dhexe ee dhinaca bari ee Jasiiradda Carabta. Halka Badda Cas, oo dhacda dhinaca galbeed, ay tahay marin muhiim u ah isku-socodka maraakiibta milateriga iyo kuwa ganacsiga ee isaga goosha Badda Mediterranean ilaa Badweynta Hindiya. Kooxda Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer ku hanjabtay inay xiri doonaan marinka Bab al-Mandeb ee ku yaalla afka Badda Cas, si ay u garab istaagaan xukuumadda Tehran.

Massad Boulos, oo ah ergeyga Madaxweyne Trump u qaabilsan qaaradda Afrika, ayaa dabayaaqadii sanadkii hore magaalada Qaahira kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, sida ay sheegeen saraakiil iyo shakhsiyaad kale oo ku lug lahaa wada-hadallada. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada-hadlo khafiifinta cunaqabateynta Mareykanka iyo sidii loo dardargelin lahaa wada-xaajoodyo heer sare ah oo ku saabsan soo-celinta xiriirka Washington iyo Asmara.

Maalintii Isniinta, Boulos ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi. Dowladda Masar ayaa la sheegay inay fududeyneyso wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo hoggaamiyaha Eritrea.

Intii uu socday kulankaas, Boulos ayaa u sheegay Al-Sisi in Mareykanku uu qorsheynayo inuu dhowaan bilaabo qaadista cunaqabateynta Eritrea. Sidoo kale, Boulos ayaa bishii Sebtembar magaalada New York kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax Maxamed, xilli uu socday shirkii Golaha Loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in maamulka Trump uu rajeynayo xoojinta xiriirka Mareykanku la leeyahay shacabka iyo dowladda Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku kama uusan jawaabin su’aalo gaar ah oo la xiriira khafiifinta cunaqabateynta Mareykanka ee saaran dalkaas, wasaaradduna aysan oggolaan in Boulos lala yeesho wareysi. W

asaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Safaaradda Eritrea ee Washington ayaan iyaguna ka jawaabin codsiyo ku aaddan in ay arrintan faahfaahin ka bixiyaan.

Go’aanka kama dambaysta ah ee dib-u-soo-celinta xiriirka Mareykanka iyo Eritrea ayaa la kulmayay dib-u-dhacyo iyo istaag marar kala duwan bilihii la soo dhaafay, taas oo qayb ahaan loo aaneynayo in madaxda go’aan-qaadayaasha Mareykanka ay ku mashquulsan yihiin xasarado kale oo waaweyn oo dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ah, sida colaadda Gaza iyo dagaalka Iiraan.

Hoggaamiyaha Eritrea ayaa dalkiisa xukumayay tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Itoobiya sanadkii 1993-kii, isagoo awoodda isku urursaday si uu u abuuro mid ka mid ah nidaamyada kelitalisnimada ee ugu cadaadiska badan adduunka.

Guddiyada Koongareeska Mareykanka ayaa Eritrea ku sifeeyay “Kuuriyada Waqooyi ee Afrika” sababo la xiriira caburinta nidaamsan ee lagu hayo mucaaradka siyaasadeed iyo xorriyadda diinta, jirdilka maxaabiista, iyo qorista khasabka ah ee in badan oo ka mid ah dhallinyarada dalkaas lagu weeciyo adeegga milateriga.

Hay’adda Freedom House, oo qiimeysa xuquuqda siyaasadeed iyo xorriyadda madaniga ah ee adduunka, ayaa Eritrea iyo Kuuriyada Waqooyi is-barbar dhigtay, iyadoo ku qiimeysay inay yihiin laba ka mid ah dalalka ugu kelitalisnimada iyo caburinta badan adduunka.

Eritrea waa dal hodan ku ah kheyraadka macdanta, xeebteeda Badda Cas waxay ka soo horjeeddaa dalalka Sacuudi Carabiya iyo Yemen. Dalka deriska la ah ee Jabuuti ayaa hoy u ah isku-imaatinka ugu cufan ee saldhigyada milateriga shisheeye ee adduunka—oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Japan iyo Talyaaniga—taas oo muujinaysa muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas ay u leedahay quwadaha caalamka.

Maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka, oo ay ku jiraan kooxaha xambaara diyaaradaha, ayaa inta badan adeegsada Badda Cas si ay isaga kala gooshaan Badda Dhexe iyo Badweynta Hindiya, in kastoo maraakiibtaas ay sanadihii dambe weeraro kala kulmayeen Xuutiyiinta.

Sanadkii 2025-ka, maamulka Trump ayaa olole duqeymo xagga cirka ah oo qaatay laba bilood ku qaaday Xuutiyiinta, kaddib markii kooxdu ay bartilmaameedsatay maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, iyagoo u adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

Trump ayaa ololahaas joojiyay bishii May kaddib markii uu sheegay in Xuutiyiintu ay oggolaadeen inay joojiyaan weerarada ka dhanka ah marinnada ganacsiga. Si kastaba ha ahaatee, hanjabaadda kooxda ee ah inay dib u bilaabayaan colaadda ayaa dhalisay cabsi cusub oo ku aaddan isku-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandeb.

Dhawaanahan, markab xambaara diyaaradaha oo uu Mareykanku leeyahay, laguna magacaabo USS George H.W. Bush, ayaa soo maray koonfurta qaaradda Afrika si uu ugu biiro hawlgallada Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan, beddelkii uu soo mari lahaa waddada gaaban ee badda Cas.

Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa soo gebagebeeyay in haysashada cunaqabateynta iyo xiriirka kooban ee lala leeyahay Eritrea aysan wax natiijo ah keenin. Waxay aaminsan yihiin in rajo-gelinta qaadista cunaqabateynta si loo bilaabo wada-hadallo ay Mareykanka faa’iidooyin mustaqbalka fog ah uga keeni karto gobolka Badda Cas.

Saraakiishan ayaa ku dooday in gobolka Badda Cas uu leeyahay muhiimad istaraatiijiyadeed oo aad u weyn oo aanu Mareykanku iska indho-tiri karin inuu xiriir la yeesho Eritrea, inkastoo ay jirto diiwaanka xun ee Eritrea ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Balse, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa su’aal geliyay caqli-galkaas. “Sida caadiga ah, marka aan cunaqabateyn qaadno, dalku wuxuu sameeyay wax uu ku mutaystay arrintaas,” ayuu yiri Cameron Hudson, oo ah sarkaal hore oo ka tirsan Sirdoonka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, kaas oo si dhow ula socda arrimaha gobolka. “Waa isla dalkii milateriga iyo kelitalisnimada ku dhisnaa ee soo jiray ilaa 1993-kii. Haddii aan ku abaal-marinno qaadista cunaqabateynta, maxaan beddelkeeda heleynaa?”

Dib-u-soo-celinta xiriirka Mareykanka iyo Eritrea ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta colaadaha iyo loollanka kale ee ka jira gobolka colaaduhu ragaadiyeen ee Geeska Afrika. Saraakiil Mareykan ah ayaa si hoose u muujiyay cabsi laga qabo in Itoobiya ay isu diyaarinayso dagaal ay la gasho Eritrea, iyadoo dowladda dalkaas aan badda lahayn ay sheegatay in taariikh ahaan ay xaq u leedahay xeebaha Eritrea.

 

Faah-faahinta Soomaali badan oo ku dhintay badda u dhaxeysa Spain iyo Algeria

0

Madrid (Caasimada Online) – Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay badda u dhexeysa dalalka Spain iyo Algeria, kadib markii ay qalibantay doon ay la socdeen xilli ay isku dayayeen inay si tahriib ah ku galaan qaaradda Yurub.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan oo tiradoodu gaareysay 17 ruux ay wajahayeen xaalad adag oo badda ah, taas oo ugu dambeyn sababtay in doontii ay saarnaayeen ay roganto.

Dadka geeriyooday ayaa la xaqiijiyay inay isugu jiraan 5 gabdhood iyo 12 wiil, kuwaas oo dhammaantood ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo rajo ka qabay inay nolol ka helaan dibadda.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee Algeria ayaa sheegay in uu markii dambe la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Algeria, taas oo u xaqiijisay in koox muhaajiriin Afrikaan ah ay ku dhinteen gobol xeebeed qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) dhanka galbeed kaga beegan caasimadda Algiers.

Danjire Yuusuf ayaa sheegay inuu saacadihii hore ee Khamiista u safray magaalada Bou Ismail ee dalka Algeria, isagoo halkaas gaaray abaare 6-dii subaxnimo. “Waxaan booqday laba isbitaal oo ku yaalla gobolka, halkaas oo aan ku soo arkay meydadka,” ayuu sii raaciyay.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria ayaa muddooyinkii dambe wadday dadaallo joogto ah oo lagu xakameynayo tahriibka, isla markaana lagu wacyigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Safaaraddu waxay xustay in dadaalladaas ay qeyb weyn ka qaateen hoos u dhigidda tirada dhimashada, inkastoo dhacdadan cusub ay dib u muujisay halista wali jirta.

Dhacdadan murugada leh ayaa mar kale iftiimisay khatarta weyn ee ku xeeran safarrada tahriibka, gaar ahaan kuwa loo maro badda oo inta badan sababa dhimasho iyo musiibooyin bani’aadamnimo.

Marinka u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo dalka Spain ayaa ah mid ka mid ah jidadka inta badan ay adeegsadaan muhaajiriinta isku dayaya inay galaan qaaradda Yurub, safarkaas oo inta badan loo adeegsado doonyo la saaray rarkii loogu talagalay mid ka badan oo aan u qalmin inay bad maraan.

Shilalka doonyaha ayaa si joogto ah uga dhaca marinnadan, gaar ahaan aagga galbeedka Badda Mediterranean iyo marinnada Badweynta Atlantic-ga, halkaas oo sanad walba kumannaan tahriibayaal ah ay naftooda halis u geliyaan si ay uga baxsadaan colaado, saboolnimo iyo dhibaatooyin la xiriira isbeddelka cimilada.

Muhaajiriinta Soomaalida ayaa ka mid ah dadka si isa soo taraysa ugu dhiirrada safarradan khatarta ah, iyagoo ka cararaya amni-darrada, fursadaha dhaqaale oo kooban iyo xaaladaha abaaraha ee muddada dheer ragaadiyay dalkooda hooyo.

Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiinta dowladda Algeria ma aysan soo saarin faahfaahin buuxda oo ku saabsan masiibadan ugu dambeysay, oo ay ku jiraan tirada guud ee rakaabka saarnaa doonta ama qaabka rasmiga ah ee ay doontu ku degtay.

Si kastaba, waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la shaaciyo magacyada iyo sawirrada qaar ka mid ah dadka geeriyooday, kadib markii xogta la gaarsiiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn uga naxday bulshada Soomaaliyeed, iyadoo mar kale la is weydiinayo sida xal waara loogu heli karo tahriibka halista badan.

Mareykanka oo gargaar dhaqaale u fidinaya Imaaraadka oo wajahaya xaalad adag

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa Arbacadii sheegay inuu taageersan yahay qorshe taageero dhaqaale oo qaab is-dhaafsi lacageed ah (currency swap) lagu siinayo Imaaraadka Carabta.

Tallaabadan ayaa la doonayaa in lagu gacan-qabto dalkan qaniga ku ah shidaalka ee xulafada la ah Washington, kaas oo haatan la tacaalaya dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay dagaalka Iiraan.

Isagoo ka hadlayay dhageysi ka dhacay Aqalka Senate-ka Mareykanka, ayuu Bessent xusay in Imaaraadka, iyo dalal kale oo ku yaalla Khaliijka iyo Aasiya, ay codsadeen suurta-galnimada in is-dhaafsi lacageed lala sameeyo. Wuxuu tilmaamay in qorshahani uu ka hortagayo in dalalkani ay si fowdo ah u iibiyaan hantida ay ku leeyihiin Mareykanka, xilli ay raadinayaan waddooyin ay ku helaan lacagta dollar-ka.

Dagaalka Iiraan ayaa burbur baaxad leh gaarsiiyay kaabayaasha shidaalka iyo gaaska ee guud ahaan Bariga Dhexe, arrintaas oo dhabar-jab weyn ku noqotay dhaqaalaha dalalka sida Imaaraadka oo si weyn ugu tiirsan marin-biyoodka Hormuz si ay shidaalka ceyriin ugu daabulaan suuqyada caalamka.

Xoghayaha Maaliyadda ayaa sharraxay in is-dhaafsiga lacagaha ee lala sameynayo Imaaraadka ay sidoo kale dani ugu jirto Mareykanka, maadaama uu xasilinayo suuqyada sarifka lacagaha qalaad, uuna ilaalinayo hantida Mareykanka ee daafaha caalamka.

Wuxuu intaas raaciyay in taageeradan uu bixin karo Bankiga Dhexe ee Mareykanka (Federal Reserve Bank) ama Wasaaradda Maaliyadda qudheeda, taas oo adeegsan karta Sanduuqeeda Xasilinta Sarifka (Exchange Stabilization Fund) si ay u iibsato lacagta waddan kale.

“Khadadka is-dhaafsiga, ha ahaadaan kuwa ka yimaada Federal Reserve ama Wasaaradda Maaliyadda, ujeeddadoodu waa in nidaamka loo ilaaliyo suuqyada maalgelinta doolarka iyo in laga hortago in hantida Mareykanka loo iibiyo si nidaamka ka baxsan,” ayuu yiri Mr. Bessent, isagoo carabka ku adkeeyay in is-dhaafsigaasi uu faa’iido wadajir ah u leeyahay Imaaraadka iyo Mareykanka.

Farsamo ahaan, nidaamkan is-dhaafsiga ayaa ka dhigan in dowladda Mareykanku ay iibsato lacagta Imaaraadka ee Dirham-ka, si dalkaas uu u helo dollar badan oo uu ku maareeyo isdhaafsiga ganacsiga iibka shidaalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Senator Chris Van Hollen, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doorto gobolka Maryland, ayaa su’aal geliyay sababta taageero dhaqaale loo siinayo Imaaraadka, isagoo farta ku fiiqay in Madaxweyne Donald Trump iyo qoyskiisu ay xiriir maaliyadeed iyo mid ganacsi oo shakhsi ah la leeyihiin dalkaas.

Maamulka Trump ayaa wajaha dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan kharashka baaxadda leh ee ku baxaya dagaalka Iiraan, kaas oo dad badani ay u arkaan inuu yahay mid aan loo baahnayn.

“Dagaalka Iiraan wuxuu durba inagu noqday mid qaali ah oo khasaare weyn inagu keenay,” ayuu yiri Mr. Van Hollen. “Aragtideyda, wuxuu ahaa khalad aad u weyn, wuxuu inaga dhigay kuwo amnigeedu hooseeyo, xaaladdana aad ayuu uga sii daray.”

Xoghaye Bessent ma uusan magacaabin dalalka kale ee iyaguna soo dalbaday taageeradan maaliyadeed.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sanadkii hore adeegsatay is-dhaafsi lacageed oo gaaraya 20 bilyan oo doolar oo ay soo marsisay Sanduuqa Xasilinta Sarifka, si ay gacan u siiso dhaqaalaha dalka Argentine oo la daalaa-dhacayay xasarado. Tallaabadaas ayaa ujeedkeedu ahaa in lagu xoojiyo rajada siyaasadeed ee madaxweynaha dalkaas, Javier Milei.

Bessent ayaa awood buuxda u leh go’aan ka gaarista isticmaalka sanduuqan, kaas oo hantida saafiga ah ee ku jirta ay gaaraysay ilaa 44 bilyan oo dollar bishii Febraayo.

Wali ma cadda baaxadda taageerada uu Imaaraadku u baahan yahay, ama xitaa inuu dhab ahaan gargaar noocaas ah u baahan yahay iyo in kale.

Lacagta Imaaraadka ee Dirham-ka ayaa qiimaheedu si toos ah ugu xiran yahay dollarka Mareykanka, waxaana Bankiga Dhexe ee dalkaas uu weli haystaa kayd lacageed oo aad u weyn, inkasta oo ay jirto carqaladeynta dhoofinta shidaalka ee ka dhalatay dagaalka gobolka.

RW Xamza iyo Jubaland oo si kulul iskugu jawaabay – Maxaa la isku qabtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiritaanka garoonka diyaaradaha Doolow ayaa haatan xiisad cusub ka dhex abuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubaland, kadib markii uu maanta Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu sheegay in dowladda aysan xirin garoonkaas.

Garoonka diyaaradaha Doolow ee gobolka Gedo ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in dowladda aysan wax xayiraad ah saarin garoonkaas oo muddo badan xiran.

Xamza oo hadalkan ka jeediyay munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in dhawaan dib loo furi doono si ay u sahlanaato isu socodka dadka.

“Dowladda Federaalka ah uma xirna garoonka diyaaradaha degmada Doolow, waxaa jira dad doonaya inay ka safraan, waxaan rajeyneynaa in la furo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalka Xamza ayaa markiiba waxaa ka dhashay falcelin kala duwan, iyadoo Jubaland ay si kulul uga jawaabtay sheegashada Dowladda Federaalka, taas oo ay ku tilmaamtay “waxba kama jiraan ah”.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa ku tilmaamay hadalka ra’iisul wasaaraha “nasiib-darro weyn,” isagoo sheegay in uusan ka tarjumayn xaaladda dhabta ah ee ka jirta garoonka Doolow.

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka uu muddo ka badan hal sano u xirnaa Dowladda Federaalka, taas oo uu sheegay inay saameyn toos ah ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo adeegyada muhiimka ah.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Jubaland ay marar badan ka digtay saameynta ka dhalaneysa xirnaanshaha garoonka, gaar ahaan dhinacyada isu socodka, ganacsiga iyo adeegyada bulshada, isla markaana ay si joogto ah ugu baaqayeen in dib loo furo.

“Arrintan waxay muujinaysaa dayacaad cad iyo ka fogaansho masuuliyadeed oo ka timid Dowladda Federaalka,” ayuu yiri wasiirka, isagoo su’aal ka keenay cidda dhab ahaan masuulka ka ah xirnaanshaha garoonka.

Si kastaba, Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ayaa xiran muddo sanad ka badan, kadib khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Jubaland, iyadoo weli aan la helin xal rasmi ah oo lagu furayo, inkastoo dowladda dhexe ay muujinayso rajo ah inuu dib u shaqo bilaabo garoonka.

Puntland oo tallaabo degdeg ah qaaday kadib afduubka Dr. Faarax Cabdi Maxamed

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa wada howlgallo lagu baadigoobayo Dr. Faarax Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta hay’adda MSF ee ka howlgasha Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo, kaas oo ay afduubatay koox hubeysan.

Dr-ka ayaa maalintii labaad ku jira gacanta kooxda afduubatay, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay si kulul u cambaaraysay afduubka loo geystay.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu muujiyay sida uga xun yihiin dhacdadan, iyagoo tilmaamay mid khatar ku ah badqabka iyo shaqada bahda caafimaadka ee u adeegta bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Dr. Faarax Cabdi Maxamed uu ahaa xirfadle caafimaad oo muddo dheer si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu adeegayay bulshada, isaga oo door muuqda ka qaatay badbaadinta nolosha shacabka ku nool gobolka Mudug.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay in afduubka loo geystay dhakhtarka uu yahay fal ka baxsan bini’aadantinimada, isla markaana si toos ah uga hor imaanaya qiyamka iyo anshaxa bulshada Soomaaliyeed.

Waxay intaas ku dartay in falalkan oo kale ay cabsi gelin karaan bahda caafimaadka, isla markaana wiiqi karaan adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, xilli ay baahi weyn u qabaan adeegyada caafimaad.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqday maamulka gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga inay si degdeg ah u xaqiijitan sii deynta Dr. Faarax, isla markaana la horkeeno cadaaladda cid kasta oo ku lug leh afduubka.

Ugu dambeyntiina, wasaaraddu waxay ku boorrisay bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo dedejiyo badbaadinta dhakhtarka, loogana hortago falal amni darro oo noocan oo kale ah.

Jubaland oo digniin culus soo saartay, sheegtay inuu dhamaaday muddo-xileedka…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha Xukuumadda Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Golaha Wasiirrada Jubaland ayaa si qoto dheer uga hadlay hubanti la’aanta ka taagan dalka iyo dhammaadka muddo-xileedyada hay’adaha Dowladda Federaalka.

Golaha ayaa caddeeyay in 14-kii April 2026 si rasmi ah u dhammaatay muddadii sharci ee Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxay si cad u sheegeen in muddo-xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku egyahay 15-ka bisha May ee soo socota.

Xukuumadda Jubaland ayaa ka digtay in xaaladdan ay horseedi karto firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara xasilloonida dalka, isla markaana saameyn ku yeelan kara howlaha hay’adaha federaalka, haddii aan si degdeg ah loo helin xal siyaasadeed oo mideysan

Waxaa kale oo ay si adag uga digeen faragelin kasta oo ka imaan karto dowlado shisheeye, taas oo ay ku tilmaameen mid dhaawici karta madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana sii hurin karta xiisadaha jira.

Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kala duwan inay ka shaqeeyaan badbaadinta nidaamka sharciyadda iyo heshiisyadii horey loo gaaray, si looga fogaado qalalaase hor leh oo dalka dib ugu celin kara marxalado adag.

Sidoo kale, Jubaland ayaa sheegtay in xalka kaliya ee looga gudbi karo xaaladda taagan uu yahay wadatashi dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo sii jiritaanka hay’adaha dowliga ah.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Golaha Xukuumadda Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta, 23-ka Abriil 2026, ku yeeshay magaalada Kismaayo kulankoodii caadiga ahaa, ayaa si qoto dheer uga dooday xaaladda hubanti la’aanta ah ee dalku wajahayo, iyo dhammaadka muddo-xileedka sharciyadda ee hay’adaha Federaalka.

Goluhu wuxuu caddeynayaa in, sida uu dhigayo qodobka 60-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ay 14-kii Abriil 2026 dhammaatay muddadii sharci ahaaneed ee Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale, muddo-xileedka Madaxweynaha Dowladda Federaalka wuxuu ku egyahay 15-ka bisha May ee soo socota.

Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Jubaland waxay aaminsan yihiin in dhammaadka muddadaas sharciyeed uu si siman u taabanayo dhammaan hay’adaha Federaalka, isla markaana ay jirto khatar ka dhalan karta firaaqa jira oo keeni kara qalalaase amni iyo hoos u dhac ku yimaada howlaha Hay’adaha Federaalka ah.

Golaha Xukuumaddu waxay si adag uga digayaan faragelin kasta oo ka timaadda dowlado shisheeye oo wax u dhimaysa madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka, iyagoo xusay in tallaabooyinka noocaas ahi ay sii xumeyn karaan xaaladda jirta, isla markaana dalka u horseedi karaan burbur iyo kala qeybsanaan hor leh.

Golaha Xukuumadda Jubaland waxay ugu baaqayaan dhammaan daneeyayaasha kala duwan iyo saaxiibada Soomaaliya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan badbaadinta sharciyada iyo heshiisyada ay gaareen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la helo xal loo dhan yahay oo lagaga gudbo marxaladdan adag.

Ugu dambeyn, Goluhu waxa uu hoosta ka xariiqayaa in xal loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed uu yahay dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo xasillooni waarta iyo sii jiritaanka hay’adaha dowliga ah.

Howlgalka Soomaaliya oo ka baxay quustii kadib markii uu helay malaayiin dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa ansixiyay lacag dhan €75 milyan oo lagu taageerayo howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo markale muujiyay doorkooda hoggaamineed ee taageerada howlgalada uu Midowga Afrika ka wado qaaradda.

Deeqdan cusub ayaa xoojinaysa dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni oo weli u baahan iskaashi caalami ah.

Taageerada Midowga Yurub ayaa kusoo aadeysa xilli howlgalka uu wajahayay culeys dhaqaale. Howlgalkaan ayaa laf-dhabar u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Taageeradan ayaa sidoo kale ka dhigaysa wadarta guud ee Midowga Yurub uu ku bixiyay howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku dhowaad €2.8 bilyan, tan iyo markii la bilaabay taageeradan labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Midowga Afrika, Javier Niño Pérez ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay fulinta ballanqaadyadii lagu gaaray shirkii AU–EU ee ka dhacay magaalada Luanda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac.

“Midowga Yurub mar kale wuxuu caddeynayaa inuu yahay lammaane lagu kalsoonaan karo. Waa muhiim in la xoojiyo amniga dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Pérez, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay joogtaynta taageerada.

Dhankiisa, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, Bankole Adeoye ayaa si diirran u soo dhoweeyay taageeradan dhaqaale, isaga oo sheegay inay wax weyn ka tari doonto howlaha howlgalka AUSSOM.

Adeoye ayaa sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamada ku biiriyay howlgalka, isagoo xusay inay door muhiim ah ka qaataan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Iskaashigan u dhexeeya Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah, kuna dhisan ajendaha horumarineed ee Afrika ee 2063, kaas oo hiigsanaya qaarad nabad ah, barwaaqo ah oo isku filan.

Dhanka kale, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas ayaa kulan la yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta nabadda iyo amniga Afrika iyo saameynta sii kordheysa ee colaadaha caalamiga ah.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga labada dhinac, loona dardargelin lahaa dadaallada lagu wajahayo khataraha amni ee ka jira Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika oo Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ka tahay.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60